-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhinaabada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta kalfadhiga 7-aad kulankiisa 14-aad ku ansixiyay hindise-sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimadka Qaranka. Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Mudane ,Cabdiweli Sheekh Ibraahim ayaa hindisahii lasoo bandhigay waxaa oggolaatay137 mudane, waxa ka aamusay Hal Xildhibaan, waxaana diidday Shan mudane. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur oo kulanka goob-joog ka ahayd ayaa Golaha Shacabka ugu mahad-celisay meel marinta hindise sharciyeedkan. Dhanka kale waxa ay Maanta mudanayaasha Golaha Shacabku aqrinta 2-aad marsiiyeen hindise sharciyeedka qareennada Soomaliyeed. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Qaran News
-
MOGADISHU (HOL) - Somali Forces Monday repulsed an Al-Shabaab attack in Bay region state killing five militants. Source: Hiiraan Online
-
Dhusamareeb (Caasimada Online) – Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa maanta shir ku yeeshay Internet-ka, waxeyna si wadajir ah usoo saareen warmurtiyeed ay isla ogol yahiin. Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen madaxda shanta maamul goboleed ayey kaga hadleen xaaladda siyaasadda dalka, waxeyna isla garteen laba qodob oo muhiim ah sida ku cad war-murtiyeedka ay soo wada saareen. Madaxda Maamul Goboleedyada waxey ku baaqeen iney marka hore isugu yimaadaan shir ay uga tashanayaan arrimaha masiiriga ah ee dhanka siyaasadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, waxeyna ku ballameen 9-ka bishaan oo Khamiista ku beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamul goboleedka Galmudug. Sidoo kale shirka ay yeelan doonaan 9-ka bishaan ayey kaga hadli doonaan sidii loo dar-dar galin lahaa shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadaan dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa madaxda maamul goboleedyada ku casuumay shirka amniga qaranka, balse wuu baaqday kadib markii Jubbaland iyo Puntland ay ka biyo diideen qorshaha dowladda ee dhanka doorashada iyo arrimo kale. HALKAAN KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA
-
Xildhinaabada golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda fedeeaalka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga 7-aad kulankiisa 14-aad ay ku yeesheen xarunta villa Hargeysa waxa ay ku ansixiyeen Ansixiyey Hindise-sharciyeedka Mijnadlayaasha Caafimadka Qaranka, Kulanka ee uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Shacabka Mudane Cabdiweli Shiekh Ibraahim Muudeey iyo guddomiye ku Xigeenka labaad ee golaha shacabka ee barlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad. Waxa Ogalaatay 137 Mudane waxa ka aamustay 1 Waxa Diiday 5 Sidaas ayuu Ku meelmaray Sharcigaan. Wasaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo diyaarisay hindise-sharciyeedka mijnadlayaasha Caafimadka qaranka,waxaana wasiirka caafimaadka Fowsiyo Abiikar nuur ay uga mahadcelisay ansixinta . Sidoo kale waxa ay maanta mudanayaasha golaha shacabka ay Akhrina 2-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed, oo horay ay golaha u soo marsiiyeen akhrintii koowaad, golaha ayaa waxaa horyaallo ajandayaal dhowr ah, ka hor muddo xileedkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynyaasha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka oo habeenimadii xalay kulan uu ku dhexmaray qadka Taleefanka, ayaa kawada hadlay sidii madaxda ay u yeelan lahaayeen kulan ay uga hadlaan arrimaha masiiriga dalka ee ku aadan doorashooyinka Baarlmaaniga iyo madaxweynaha ee sanadka 2021-ka. Madaxda ayaa ugu dambeyn waxaa ay soo saareen qoraal kooban oo ku aadan wixii ay kawada hadleen, kaas oo ay la wadaageen warbaahinta, waxaana madaxdu isla garteen in 9 bisha July 2020-ka ay kulan isugu yimaadaan madaxda kaas oo lagu wado in uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Halakaan Ka Akhrisho Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxda maamul goboleedka dalka ayaa si wadajir ah war uga soo saaray shirka ay 9-bishaan ku yeelanayaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in shirkaasi ay uga arrinsan doonaan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020 illaa 2021-ka. Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay inay ka tashan doonaan sidii loo qaban lahaa shirweyne ay isugu imaanayaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka. Halkan hoose ka akhriso:- View the full article
-
President Uhuru Kenyatta has lifted the cessation of movement in Nairobi Metropolitan Area, Mombasa and Mandera counties from Tuesday, June 7, 2020. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga. Kulanka ayaa looga hadlay qabsoomidda doorashada heer Qaran, dibu-u-habeynta amniga iyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta oo meel wanaagsan maraya. Soomaaliya oo xilligan marxalad kala guur ah ku jirto ayaa waxaa dhamaadka sanadkan galeysa doorashada madaxweynaha iyo mida baarlamaanka oo ay dood ka taagan tahay. View the full article
-
Safiirka Midowka Yurub u fadhiya Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa maanta magalaada Muqdisho kulan kula yeeshay ra’iisalwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ra’isulwasaare kheyre iyo safiirka ayaa ka wada hadlay sidii ay u qabsoomi laheyd doorashada Baarlamaanka iyo madaxweynaha oo la filaayo in dalka ay ka dhacaan sanadka 2021-ka. Sidoo kale waxaa siweyn ay u falanqeeyeen arrimaha amniga dalka iyo sidii midowga Yurub ay u xoojin lahaayeen kaalinta ay qaataan amniga Soomaaliya. iyo dhameystirka hannaanka deyn cafinta dalka oo meel wanaagsan gaaray. Kulanka safiirka uu la qaatay wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, iyadoo dhowaan Xasan Cali Kheyre uu sheegay in laga shaqeynayo sidii ay qabsoomi lahaayeen doorashooyinka qaranka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qalimow (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya weerar khasaaro geystay lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Soomaaliya oo marayay inta u dhaxeysa degmada Balcdad iyo deegaanka Qalimow. Gaadiid ay wateen ciidamada Dowladda oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa qarax lagula eegtay halkaas, waxaana u xigay weerar toos ah iyadoo halkaas uu ka qarxay dagaal ka fool fool ah oo ay labada dhinac isaga hor yimaadeen. Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa lagu qoray in xoogagga xiriirka la leh Al-Qaacida ay weerar ka geysteen Shabeellada hoose isla markaana ay khasaaro nafeed gaarsiiyeen ciidamada dowladdda. Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka labada dhinac dhexmaray hadana warbaahinta ku dhinaca ah Al-Shabaab ayaa sheegay iney gubeen gaari nuuca booyadda ah sidoo kalana ay saddex askari ka dileen ciidamo saanad u waday ciidamada Burundi ee ku sugan magaalada Jowhar. Dhacdadaan ayaa kusoo aadeysaa xilli shalay ay Al-Shabaab gaari kala tageen isla markaana dileen xildhibaan ka tirsanaa Hirshabelle. Sarakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin weerarka lagu qaaday ciidamada kusii jeeday Jowhar sida la sheegay.
-
Somaliland ayaa maanta shaacisay kiisas hor leh oo Coronavirus ah, kuwaas oo saacadihii u dambeeyey laga diiwaan-geliyey deegaanada maamulkaasi. Warbixin ka soo baxday guddiga xakameynta Covid-19 ee Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xanuunka laga helay 10 qof oo 6 ka mid ah ay Ajaaniib yihiin. Tirada dadka laga helay cudurka guud ahaan Somaliland ayaa mareysa 765 iyada oo ay dhinteen 29, halka 518 ay soo kabsadeen, sida uu lagu sheegay warbixinta guddiga Si kastaba ha’ahaatee Somaliland ayaa dhawaan qaaday dhammaan xayiraadihii ay horey u soo rogtay ee lagu xakameynayey cudurka saf-marka ah ee Coronavirus. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga xilli uu dhawaan kasoo laabtay safar maalmo qaatay uu ku joogay wadanka Qatar. Shalay ayuu Xasan Cali Kheyre kasoo laabtay Doha iyadoo ay halkaas kusoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dowladda. Inkastoo kulanka uu la yeeshay maanta Nicolas Berlanga uusan aheyn mid horay looga warqabay ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya Soomaaliya waxaana ugu waaweynaa arrimaha doorashada oo ay dood badani ka taagan tahay. Caasimadda Online ayaa ogaatay in Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre uu sidoo kale Safiirka Midowga Yurub kala hadlay arrimo kale oo ku saabsan dib u habeynta Amniga iyo dhameystirka hanaanka deyn cafinta oo heerar fiican lasoo gaarsiiyay. Kulanka labada masuul ayaa kusoo aadaya xilli shalay uu baaqday shirkii dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada Muqdisho uga furmi lahaa, waxaana si cad u diiday ka qeybgalka shirkaas labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland oo saluugsan sida ay Baarlamaanka u meel mariyeen matalaadda Gobolka Banaadir. Beesha caalamka ayaa dowladda ku cadaadineysa inay madax maamul goboleedyada heshiis kala gaaraan arrimaha doorashooyinka, islamarkaana la joojiyo go’aanada ay qaadanayaan xildhibaanada Golaha Shacabka. QM iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale dhowaan la kulmay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ayaga oo ka codsaday in la joojiyo kulamada baarlamanka ee lagu ansixinayo qodobada doorashooyinka illaa xal siyaasadeed ay ka gaaranayaan dowladda iyo maamul goboleedyada.
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somalland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray daahfurka Xarumaha Baadhitaanka Bad-qabka Gaadiidka dalka, labadan xarumood oo ay gacanta ku kala hayaan Shirkadaha Hass Petroleum iyo Al-sharaf Vehicle Inspection oo ku kala yaalla Bariga iyo Galbeedka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Guud ahaan Lixda Magaalo ee waa weyn ee dalka ayaa laga hirgeliyey Goobahan oo lagu baadhi doono Bad-qabka Gaadiid si loo badbaadiyo nafaha muwaadiniinta loogana hortago Shilalka Baabuurta ee sababa dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed, waxaana xarumahaasi maal-gashaday dad muwaadiniinta ah. Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka ayaa hore guddida qandaraasyada qaranka ugu gudbisay qandaraaska qalabka lagu baadho bed-qabka gaadiidka, waxaana ku guulaystay Lix shirkadood kuwaasi ka tartamay Gobolada waa weyn ee Waddanka, xarumahan cusub ee uu maanta daahfuray Madaxweyne ku xigeenku ayaa noqon doona hadda laga bilaabo kuwo lagu hubiyo islamarkaana lagu baadho gaadiidka isagoo qalabkaasi sheegaya waxkasta oo ka xun gaadhigaasi, waxaanay tanni ka qeyb ka tahay horumarka waddanku ku tallaabsanayo maalinba maalinta ka danbaysa. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somalland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii xaflaasi halkaasi ka hadlay ayaa si weyn u boggaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka talaabada wanaagsan ee ay qaaday, waxaana uu dhankooda bogaadiyey Shirkada muwaadiniinta ah ee maalgashiga sameeyey, isagoo Madaxweyne ku xigeenku fariin u diray Bulshada Somaliland oo uu kula dardaarmay inay hubiyaan bad-qabka gaadiidkooda si looga badbaado khasaaraha shilalka Gaadiidku ay geystaan. Wa Bilaahi Tawfiiq Source
-
Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Maanta oo axad ah shir guddoomiyay kulanka Billaha ah ee arrimaha maaliyadda Dalka. Shirka oo ku qabsoomay habka muuqaalka maadaama uu wali jiro halista cudurka safmarka ah ee Covid-19 ayaa waxaa ka qeyb-galay wasiiradda maaliyadda Dowlad Goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir. “Kulankan waxan kaga hadalnay arrimo ay ka midyihiin geeddi socodka Cashuuraha iyo qaabka aan ugu gudbi karno hoos u dhaca dakhliga Dalka oo uu sababay Covid-19” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Dalka. Wasiirka maaliyadda xukumadda federaalka Soomaaliya Dr, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in cudurka Corona virus uu saameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha Dalka. View the full article
-
Guddoomiyaha Xuquuqul Insaanka Puntland, Maxamed Yuusuf Cali Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa sida qorshaysan Kalfadhigaan dhexdiisa dooranaya Guddoomiyaha Cusub ee Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland oo shanti sannadood-ba mar la doorto. Guddoomiyaha haatan xilkaasi haya, Maxamed Yuusuf Cali oo dadaal xooggan ugu jiray in uu mar kale soo noqdo ayaa candhuuftiisa dib u liqay, kadib markii uu loollan adag kala kulmay Madaxtooyada Puntland. Golaha Xukuumadda Puntland, oo sida Dastuuriga ah soo gudbiya Liiska Musharrixiinta u tartamaya Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland, ayaa Liiskaasi ka reebay Guddoomiyaha haatan Maxamed Yuusuf Cali. Xukuumaddu waxay soo gudbisay saddex musharrax oo kala ah; Wasiirkii hore ee Wasaaradda Haweenka Puntland Maryan Axmed Cali oo ka soo jeeda Gobolka Sool, Avv. Siciid Cabdi Mu’min (Siciid CabdiYare) oo ay isku Beel yihiin Maxamed Yuusuf Cali iyo sidoo kale Faysal Mahdi oo isna ka soo jeeda Gobolka Sanaag. Saddexda Musharrax, waxa mid kasta olole iyo loollan ugu jiraa, sidii uu kursiga ku hanan lahaa, inkastoo aysan weli caddayn Musharraxa Xukuumadda Puntland riixayso, in loo doorto Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha. PUNTLAND POST The post Maxamed Yuusuf oo laga hor istaagay in uu mar kale isu sharraxo Xafiiska Xaquuqul-Insaanka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Wararka laga helayo Galgaduud ayaa sheegaya in gabar yar oo muddo 15 cisho ah la-la’aa, iyada oo meyd ah saaka laga helay duleedka magaalada Godinlabe ee gobolkaasi. Gabadhan yar oo da’deeda lagu sheegay 11 sano jir ayaa waxaa lagu soo warramayaa in la gowracay, kadibna iyada oo gacmaha iyo lugaha ka xiran geed lagu dhex riday. Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Caa’isho Maxamed Shanley, waxaana ay la nooleyd Ayeeyadeed oo degan deegaanka Godinlabe. Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay haweeney gabadha la dilay u ah Habar-yar oo ay haatan ku socdaan baariraano dheeraad ah. Lama oga illa aiyo adda sababta ka dambeysa dilkaasi arxan darrada ah ee loo geystay gabadhaasi yar. Si kastaba ma’ahan dhacdo ugub ah, waxaana muddooyinkii dambe meelo badan oo ka mid ah dalka ka dhacayey falal isugu jira dil iyo kufsi lagula kacayo gabdhaha yar-yar. View the full article
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-ee-Shabeele-06072020.mp3 View the full article
-
(SLT-Buuhoodle)-Waxaa maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa deegaano hoostaga Magaalada ee Buuhoodle ee Gobolka Togdheer oo shalay dagaal xooggan uu ku dhexmaray laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas ka wada-dega. Dagaalkan u dhexeeyay Maleeshiyaadka ayaa waxaa uu salka ku haaya arrimo la xidhiidha dilal aano qabiil ah oo horey u dhacay, waxaana sigaar ah uu uga dhacay dagaalka deegaan lagu magacaabo Horufadhi, iyadoona uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ugu yaraan 4 qof ayaa ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay Horufadhi oo labada dhinac, halka dad kalena ay dhaawacyo soo gaaddheen, kuwaasi oo la dhigay Xarumo Caafimaad. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in maanta xiisad dagaal laga dareemayo deegaanka Horufadhi iyo tuulooyin kale oo ku teedsan, taasi oo u dhexeeysa Maleeshiyaadkii dagaalamay, waxaana la sheegayaa in dhinacyada ay wadaan dhaq-dhaqaayo Ciidan. Dhinaca kale waxaa socda dadaadlo kala duwan oo ay wadaan Odayaal dhaqameedyo iyo Culimo, iyagoo ku doonaya dadaalada inay ku joojiyaan Colaada kasoo cusboonaatay deegaanka Horufadhi ee hoostaga Magaalada Buuhoodle. Dhow jeer oo hore ayaa waxaa deegaano hoostega Magaalada Buuhoodle ka dhacay dagaal beeleedyo geystay Khasaarooyin kala duwan, wallow markii dambe dadaalo la sameeyay heshiisyo laga gaaray Colaadaas. Source
-
(SLT-Khartoum)-Dowladda kumeel gaadhka ah ee Suudaan ayaa xilka ka qaaday madaxii ciidammada booliska iyo ku-xigeenkiisa kaddib dibadbaxyo maalmihii lasoo dhaafay hadheeeyay guud ahaan dalkaas. Dadka dibadbaxyada dhigayay ayaa codsanayay in dowladda ay sameyso isbaddallo siyaasadeed. Ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa xilka ka qaaday Caaddel Maxamed Bashaar oo ahaa madaxii ciidammada booliska Suudaan, waxaa uu ku baddalay Cizzu Diin Sheekh Cali. Dhanka kale, bayaan ka soo baxay golaha wasiirada ayaa lagu sheegay in xilka laga qaaday taliye ku-xigeenkii guud ee booliska Cusmaan Maxamed Yuunis. Dowladda ma sheegin sababta xilka looga qaaday saraakiishan. Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Ra’iisul wasaare Cabdalla Xamduuk uu sheegay in dowladdiisa ay isbaddallo ku dhaqaaqeyso. Source
-
(SLT-Tehran)-Wargeys kasoo baxa dalka Kuwait oo lagu magacaabo Al-Jarida ayaa daabacay in Israa’iil ay weerar Internet-ka ah ku qaday warshad soo saarta Nuclear oo dowladda Iran ay ku leedahay magaaladda Natanz. Dowladda Iran ayaana dhacdadaas waxaba kasoo qaadin, balse khubaradu waxay sheegayaan in Bakhaar xasaasi ah oo qalab badan ku jiro ay waxyeelo soo gaadhay. Ilo-wareed ayaa Wargeyskan aan soo xiganeyno ee Al-Jaridda u sheegay in weerar Internet-ka ah warshaqadda lagu qaaday. Warkaan waxaa uu xidhiidh la leeyahay weerar hore oo lagu qaaday kaabeyaasha biyaha Isra’iil, kaasi oo lagu edeeyay in ay fulisay dowladda Iran. Sida uu wargeysku ku waramay howlgalladaan waa kuwo cuuryaamin ah. Qaraxyo ka dhacay Natanz iyo Parchin waxaa lala begsaday Bakhaaro lagu keydinayay gaaska UF6 oo lagu bacriminayay Uranium-ka. Bishii November sanadkii 2019-kii Iran ayaa shaaca ka qaaday soo saarista gaaska IR-6. Waxayna dowladda Iran soo saaristaas ku horumarisaa magaalada Natanz. Cali Akbar Salixi oo ah afhayeenka ururka Quwadda Atomic-ga ee Iran ayaa ka hadlay gaaska iyo soo saaristiisa cusub. Wuxuuna sheegay in magaalada Nantz sanadkii 2019-kii ay aheyd meel ay ku yaalaan ku dhawaad 30 Bakhaar oo uu ku keydsanyahay gaaska loo yaqaano IR-6. Wargeyska Iran ayaa ku dooday in dowladda Iran ay hadda weysay 80% gaaskeeda. “Kani waxaa uu u egyahay weerar Electronic ah oo lagu qaaday isku xirka Internet-ka, kaasi oo ilaaliya haamaha Keydka. Iran waxay u baahantahay laba bilood si ay khasaarahaas uga soo kabsato” ayuu wargeysku qoray. Source
