-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Genaral Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga, horeyna xilal kala duwan u soo qabtay ayaa sheegay in ammaanka Muqdisho uu yahay xilligan mid aan la’isku haleyn karin, marka la eego falalka amni dari ee ka dhacaya. Indha Cadde oo u warramay Shabelle ayaa tilmaamay in aan si nabad-gelyo ah aan loogu safri karin waddooyinka ka baxa Muqdisho ee aada Jowhar iyo Afgooye, isaga oo tusaale u soo qaatay xildhibaan ka tirsanaa HirShabelle ee dhowaan lagu dilay duleedka Balacd. Sidoo kale wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay si aad ah uga gaabisay arrimaha ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay haatan dowladda federaalka isku diyaarineyso doorashooyin dalka ka dhaca dhammaadka sanadkan 2020 illaa kan xiga ee 2021-ka. View the full article
-
nin iskii Isagu Xilqaamay Ilaalinta Duurjoogta Source
-
Madaxweynayaashii 7 aad iyo 8 aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, mas’uuliyiin ka tirsan madasha Xisbiyada qaran ayaa la kulmay hoggaanka dhaqanka Beesha Mudulood oo ay hoggaamiyeen Imaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas. Kulankan oo qabsoomay maanta oo Talaadaa ayaa ka dhacay xarunta Madasha Xisbiyada Qaran, waxaana looga hadlay guud ahaan xaalada dalka, doorashooyinka iyo Shirka Beesha Mudullood ee dhici doona 13 bishan July.Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa kala hadlay Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood siduu u qabsoomi lahaa shirka Beesha Mudullood, una noqon lahaa mid mira dhal ah oo saammeyn wanaagsan ku yeesha aayaha beesha iyo degganaanshiyaha magalada Muqdisho. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arimaha doorashooyinka ee dalka ku soo food leh iyo sida ay uga qayb qaada karaan dhamaan saamilayda siyaasada dalka.Image may contain: one or more people, sunglasses and beard “Kulankan ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda dalka, doorashooyinka iyo shirka beesha Mudullood ee lagu dhawaaqay inuu qabsoomi doono siduu u noqon lahaa mid mira dhal ah oo saammeyn wanaagsan ku yeesha aayaha beesha iyo degganaanshiyaha magalada Muqdisho” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran. Hoggaanka Dhaqanka Beesha Mudullood ayaa dadaal ugu jira sidii shirka 13 bishan July uu u noqon lahaa shir ay ka soo qeyb galaan dhammaan xubnaha beesha ku matala dowladda iyo siyaasiyiinta kale.Image may contain: 2 people, people sitting Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Waxaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir hortagay tifaftiraha guud ee Goobjoog Cabdicasis Axmed Gurbiye iyada oo lagu eedeeyey dacwo beenaad uu gadaal ka riixayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo si loo caburiyo saxaafadda iyo xuriyadda hadalka. Maxkamadda ayaa dib u dhigtay dacwadda iyada oo go’aan ka gaari doonta ishortaag ay codsadeen qareennada weriyaha. Haddaba, waxaa jira shakhsiyaad Soomaali ah iyo qaar caalami ah oo diiday maxkamadeynta sharci darrada ah, kuna sheegay mid aan jirin oo la dhoodhoobey, oo sharci darro ah, loona baanahanyahay in la laalo sida ugu dhaqsaha badan. Siyaasiyiinta: Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa walaac ka muujiyey waxyeellada sii kordheysa ee lagu hayo saxaafadda isaga oo intaa raaciyey in dastuurka uu banneynayo xuriyadda hadalka iyo midka warbaahinta, waxaa uuna dalbaday in si hufan loo qaado kiiska weriye Cabdicasis Gurbiye. Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo horay usoo noqday wasiirka arrimaha gudaha ee JFS ayaa sheegay in kiiska Gurbiye uu qeyb ka yahay kuwa lagu beegsado saxafiyiinta iyo hey’adaha warbaahinta madaxabbannaan iyo weliba cabsi gelin isaga oo ka dalbaday maxkamadda in cadaalad sameyso, oo aaney noqon mid ay ku adeegato laanta fulinta isla markaana si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo weriye Cabdicasis Gurbiye. Wasiirkii hore qorsheynta ee Jubbaland ayaa dhankiisa ka mid ah dadka ololeynaya inuu weiye Gurbiye uu helo xuriyad dhameystiran, waxaa uu bartiisa Twitterka ku qoray in dacwada la dedejio, cadaalad la marsiiyo iyo sida uu qabo dastuurka. Hey’adaha: Human Rights Wach: Hey’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Wach ayaa eedeynta loo heysto tifaftiraha Goobjoog ugu yeertay mid aan meel heysan, taasi oo ka hor imaaneysa waajibaadka Soomaaliya ka saaran xeerarka caalamiga ah ee ay saxiixday iyo kuwa gudaha iyaga oo xusuusiyey madaxweyne Farmaajo uu May balantiisa aheyd in dib u eegis ku sameynayo xeerka ciqaabta, qeybta saxaafadda iyo in aan saxafi loo adeegsan doonin. Human Rights Wach waxaa ay qortay in kiiskan ay aheyd in sidan aanu usii fogaan balse hadda laga daba tagi karo, waxayna maamulka Farmaajo ugu baaqeen in weriye Cabdhicasis Gurbiye loo fasaxo inuu wax qoro, oo weliba uu dhaliilo madaxda. Lotte Leicht oo ah agaasimaha Human Rights Wach ee midowga Yurub ayaa eedeymaha loo heysto weriye Cabdicasis Gurbiye ku sheegtay mid waxba kama jiraan ah. Dhankooda, Wenzel Michalsiki oo Human Rights Wach agaasime uga ah Jarmalka iyo Laetitia Bader oo geeska Afrika u qaabilsan hey’adda Human Rights Wach ayaa labaduba dalbaday in kiiskan aanu aheyn in heerka uu soo gaaro halka haweeneyda danbe ay intaas ku dartay in xeerka loo adeegsanayo weriye Gurbiye uu duugoobey, iyada oo dalbatay in la laalo. Hey’adda CPJ Afrika ayaa sheegtay in ayba qalad aheyd in Gurbiye la xiro bishii April iyada oo kiiska ku sheegtay mid aan mudneyd in la xuso, waxayna ugu baaqeen dowladda in la laalo dhammaan eedeymaha loo heysto. Hey’ado kale oo ay ka mid yihiin Somali Media Association iyo Somali Journalists Syndicate ayaa si isku mid ah waxba kama jiraan ugu tilmaamay eedaha loo heysto weriye Cabdicasis Gurbiye. Somali Media Association waxaa ay codsatay in la laalo dacwadda halka Somali Journalists Syndicate ay sheegtay in Villa Somalia ay ku milan tahay dacwadda Gurbiye iyada oo cambaareysay eedeymaha loo heysto iyo cagajugleynta uga imaaneysa weriyaha hey’ado kale duwan oo dowladda ah. Weriyaha rugcadaaga ah ee Soomaaliyeed ee VOA mudane Haaruun Macruuf ayaa batriisa Twitterka ku soo qoray in todobaadkan ay muhiim u tahay warbaahinta iyo in Cabdicasis Gurbiye ka soo hor muuqanayo maxkamad isaga oo madaxweynaha xusuusiyey balanqaadkii May ee ahaa inuu dib u habeynayo xeerka ciqaabta 1964-tii iyo inuu dhahay saxafi looma isticmaalayo isaga oo soo qaatay in weriye Maxamed Abuuja oo labo bil xiran yahay Gurbiye laga yaabo in la xiro. Ugu dambeyntii, saxaafadda Soomaaliya guud iyo shakhsiyaad kale oo baraha bulshada caanka ah ayaa wado olole lagu dalbanayo in la laalo dacwadda ay Villa Somalia la daba joogto weriye Cabdicasis Gurbiye iyada oo ku sheegay in lagu beegsanayo xuriyadda hadalka iyo guud ahaan warbaahinta. La soco qeybo kale oo ka mid ah dadka ka hadlay kiiska Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Australia ayaa bandow habeen iyo maalin ah kusoo rogtay qeybo katirsan magaalada ugu weyn dalkaas ee Melbourne oo ayku nool yihiin Soomaalida badan oo qaxooti ah. Sagaal dhismo oo ku yaalla Flemington iyo Waqooyiga Melbourne oo ay ku nool yihiin in ka badan 3,000 oo Soomaali ah ayaa xidhan tan iyo Sabtidii iyadoo la isku dayayo in hoos loo dhigo faafitaanka coronavirus. Dadka ayaa awoodin inay guryahooda ka baxaan, waxayna ka cabanayaan inay helaan sahayda daruuriga ah, inkastoo dowladdu ay sheegtay in boqolaal xidhmooyin cunto ah iyo qalabka daryeelka carruurta loo qaybiyey. Sababta loogusoo rogay bandowga ayaa lagu sheegay kadib markii dowladda loo gudbiyay in xaafaddaas uu aad ugusoo badanayo faafitaanka cudurka Coronavirus oo dalka Australia dib ugusoo laba kacleeyay. Dowladdu waxay sheegtay in ugu yaraan 53 kiis laga helay guriyaal dowladeed oo katirsan dhismayaasha bandowga lagusoo rogay ee Soomaalidu degen tahay. Soomaalida ayaa aad uga cabanaysa iyadoo aan lagusoo wargalin bandowgaan una diyaar garoobin in albaabada loo laabay xaafadooda. Waxay kaloo sheegayaan in dadku ay wadaagayaan waxyaabaha ay haystaan taasoo keeni karta in cudurku si xun ugu faafo Soomaalida dhexdeeda. Source
-
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo kaashanaysa Xafiiska Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa maanta daah-furay kulan lagu lafa-gurayo isla markaana lagu ansixinayo Hagayaasha Hab-Maamuuska Qaran. Dhawaanahanba Hay’adda Shaqaaluhu waxa ay kala shaqaynaysay Xafiiska Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Debedda kor u qaadista iyo tayaynta waaxda Hab-maamuuska (Protocol) iyada oo taasna ay gacan ka siinayeen khubaro dibomaasiyiin caalami ah oo in dhawaydba hawshaas dalka u joogay. Hagayaasha la sameeyay ayaa kala ah: 1. Hagaha Hab-maamuuska Qaranka 2. Hagaha Tababarka Hab-maamuuska Qaranka 3. Warbixinta Qiimaynta Hab-maamuuska Qaranka 4. Qorshaha Hirgelinta Hab-maamuuska Qaranka Hagayaasha iyo warbixinnadaas ayaa noqon doona qaar ay si buuxda ugu shaqeeyaan waaxaha Hab-maamuuska ee Xafiiska Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Debedda. Kulankan waxa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyada oo lagu lafaguray baahida qaranku u qabo in la helo Hagayaashan iyo sida uu wax weyn uga tarayo marka la eego xidhiidhada caalamiga ah ee isa soo taraya ee Somaliland la leedahay adduun weynaha. Sidoo kele waxa isna maanta bilaabmay tababar socon doona laba maalmood kaas oo la siinayo shaqaalaha waaxyaha Hab-maamuuska Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha Debedda kuna. Tababarkan ayaa inta uu socdo lagu baran doonaa hab-maamuuska dawladda, soo dhawaynta iyo qaabbilaadda madaxda iyo wixii la xidhiidha. Qaran News
-
Ganacsatada Qaadka Kenya oo ka cabanaya dowladda Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hadal ay siiyeen warbaahinta guddiga ay ku mideysan yihiin ganacsatada qaadka wadanka Kenya waxa ay ku soo bandhigeen dhibaatooyin dhaqaale xumo oo ka soo wajahday suuqoodii Soomaaliya oo loo xayiray cudurka fafaafa Covid-19. Ganacsatada waxa ay soo bandhigeen khasaaraha lacageed ee ka soo gaartay diyaarad sabtidii todobaadkan dowladda federaalka ah ee Soomaaliyaay dib uga celisay hawada Soomaaliya, taas oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. Culeyska qaadka saarnaa diyaaradda ayaa guddiga wuxuu ku sheegay 13.6 tan, una wadeen suuq qaad oo ku yaalla magaalada Hargeysa, maadaama maamulkaas uu qaaday xayiraadda ka dhalatay cudurka Covid-19, balse waxaan wali la qaadin xannibaadda duulimaadyada caalamiga eeay soo rogtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Nyambene oo ah guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada qaadka Kenya oo warbaahinta hadal siiyay waxa uu sheegay in dhibaato dhaqaale ay la soo daristay. “Dowladda Soomaaliya waxa ay dib usoo celisay qaad qiimo ahaan ku kacaya $30 Kun, waxa aan fasax ka heysanay Hay’adda duulista rayidka ee Somaliland, wax waliba waxa ay u socdaan sidii la rabay ilaa markii dambe diyaaradda lagu amray in ay dib uga baxdo Hawada Soomaaliya” Sidaasi waxaa yiri Munjiri oo la hadlay Wargeyska Standard. Ganacsatada qaadka dalka Kenya ayaa waxa ay ku sugan yihiin xaalad dhaqaale xumo, maadaama la joojiyay dhammaan diyaaradihii badnaa ee sida maalinlaha u soo caga dhigan jiray garoomada diyaaradaha dalka oo dhaqaale aad u badan ay ka helaan. View the full article -
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro kala duwan oo saacadihii la soo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho iyo deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka koowaad oo loo adeegsaday qarax miino ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM. Al-Shabaab ayaa sheegatay inay qaraxaas ku dishay ugu yaraan illaa afar askari oo ka tirsanaa ciidamadaasi, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerar kale madaafiic ah ay ku qaadeen deegaanka Janaale ee gobolka Sh/Hoose. Al-Shabaab ayaa shaacisay inay weerarkaasi la beegsatay saldhig ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin halkaasi, islamarkaana ay khasaare u badan dhaawac ku gaarsiisay ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada AMISOM iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan weeraradaasi. Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobolka Sh/Hoose. View the full article
-
The Somaliland government has refused to cut off exchanges with Taiwan amid pressure from the Chinese government. Last Wednesday, the two countries announced that they would be opening representative offices within each other’s borders. Media reports say that the Chinese Ambassador to Somalia met with officials in Somaliland twice in an attempt to hamper ties between Somaliland and Taiwan. Somaliland officials were told that if they ceased exchanges with Taiwan, then the Chinese government would establish a liaison office in Somaliland’s capital, Hargeisa. Somaliland’s president and foreign minister told Chinese diplomats that they welcomed cooperation with all countries, including China. However, they rejected Chinese demands that they sever ties with Taiwan. The East African state of Somaliland declared independence in 1991 after a civil war in Somalia. Although it does not have official diplomatic ties with any country, it has 20 representative offices in countries around the world, and countries and organizations, including the EU, the UK and the UN, maintain offices in its capital. Source en rti Qaran News
-
Madasha Xisbiyada ay hoggaamiyaan Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Xasan Sheikh Maxamuud ayaa War kasoo saartay Shirka Dowlad Goboleedyada Dalka uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb. War-saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada waxaa lagu soo dhaweeyay Shirka Madaxweyneyaasha Maamulada dalka ee 9-ka bishaan u furmaya kaasi oo looga hadli doono Arrimo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobo kale. Madasha ayaa sheegtay in ay ka xun tahay fashilkii ku yimid kulankii Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo Magaalada Muqdisho ka dhici lahaa 5-8 bishan July. Sidoo kale Madasha Xisbiyada ayaa Madaxda dowladda Federaalka ugu baaqday in ay u istaagaan gudasha waajibaadka ka saran howlaha Dastuuriga ah ee dalka ee suurta-gal ka dhigi kara qabsoomida Doorasho xor iyo xalaal ah. PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada Muqdisho Oo War Ka soo Saartay Shirka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-07072020-ww.mp3 View the full article
-
The Quest for Recognition: The Independent Nation of Somaliland In recent weeks following the symbolic Somaliland-Somalia talks in Dji- bouti, much has be said about Somaliland in unexpected places around the globe, including the recent parliament debate in Gambia, small west African country, the Taiwan Somaliland agreement, and the Chinese revolt just to mention a few. These are examples of what exposure could ac- complish regardless of the outcome. Somaliland should not be measuring its quest for recognition on how many nations are sympathetic to their cause but on how many nations are on their bucket list foe or friendly. As the saying goes, “There is no such a thing as bad publicity”. Somaliland elected leaders must knock every door, especially those en- trusted with the foreign affairs as they have demonstrated in recent foreign policy maneuvers. Furthermore, as this journey is all inclusive both elected officials in tandem with ordinary citizens and media must stay the course. In order to make yourself known, be an uninvited guest in international conventions and public events in your home town, be in contact with your local representatives, especially the Somaliland diaspora, leave fliers in local libraries and research institutions including universities. Somaliland has traveled a long, treacherous and deadly road littered with remains of its young and elderly to get where it is today. As of today, over two hundred mass graves have been unearthed by water run-off and flooding during the rainy seasons. Although Somaliland people fought the British colony for its independence for over seventy-three years beginning in 1887, it never experienced such a tragic massacre and geno- cide under the colonial rule compared to the one committed by Siad Bare’s regime within a very short period of time. “On a hot and humid June afternoon, a group of boys wearing FC Bar- celona jerseys kicked around a soccer ball in the Malko-Durduro, a dry seasonal river on the outskirts of Hargeisa, the capital of the breakaway territory of Somaliland. At first glance, the flat, red earth of the riverbed made for a typical improvised pitch in this arid region. But recent heavy rains had exposed what had earned the area the moniker “the Valley of Death.” Around them, human bones protruded from the ground. But these kids had grown up playing soccer surrounded by skeletal remains; they hardly noticed them…” (Pulitzercenter In the Valley of Death: Somaliland’s Forgotten Genocide) Somaliland has shown the world that its citizens are determined, proud, and resilient and has accomplished a lot including bringing peace within its boundaries and fighting terrorist groups and piracy from its shores on their own without any help from the international community for the last thirty years since it reclaimed its independence in May 18, 1991. Somalia is mired in political instability, there is distrust between the central government and the regional states, it has failed to liberate its citizens from the brutal Al-Shabab terrorist group even with the help of over twen- ty-thousand strong foreign military soldiers and financial support from the international community. Obviously, Somalia’s leaders have failed their people and the international community. On the other hand, Somaliland demonstrated why they de- serve a recognition from the world since they fulfilled all the requirement of Statehood. It also important to note that Somaliland became independent on June 26, 1960, from British and was recognized by 35 countries including the Unit- ed States of America. As noted above, Somaliland was a sovereign nation before it united with Somalia on July 1st, 1960. By Mohamed Adan Samatar Cited (Pulitzercenter In the Valley of Death: Somaliland’s Forgotten Genocide) Qaran News
-
Qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu mudo sagaal iyo labaatan sano ah ka madax banaana dalkii la odhan jiray Jamhuuriyada Somalia oo uu 18 May 1991 dib ugala soo laabtay dawladnimadii lagu bahoobay 1 Julg 1960 kii oo laga joogo lixdan sanadood. Somaliland intaa ay jirtay waxa horumar weyn sameeyey dadka shacabka ah iyo ganacsiga ganacsatada oo dalka aad u dhisay dhinacwalba ( private sector ) ka isla markaana sameeyey ganacsiyo waaweyn iyo hal abuuro kala wada duwan oo dad boqolaal kun ahi ka heleen shaqo kana shaqeystaan . Waxa dib u dhac badani ka muuqda maamulka dawladnimo dhinacyo badan marka aad ka eegto oo ay ugu horeyso jiheynta umada iyo hab fekerkooga , shaqo abuurka , adeegyada dawlada , horumarka dadka iyo dhismahaba oo aad u liita marka la qoyaaso 29 sanadood , iyo halka la taagan yahay. Somaliland tobankii sanadood ee ugu horeeyey ayaa waxa ay qabsatay wax weyn oo macno leh oo ay dawladnimo kow ka tahay , dadka hubeysnaa oo hubkii laga dhigay , dib u heshiisiin iyo nabadeyn , nidaamkii dawladnimo oo la yagleelay lagana shaqeysiiyey , waxa la sameeyey axdi qarameed , waxa la sameeyey, calan , lacag, dastuur, astaan qaran , ciidamo qaran , shaqaale qaran waxaana uu dalku soo gaadhay in qofku codkiisa ku doorto qofka uu doonayo oo ah nidaamka axsaabta badan iyo ururada siyaasada. Halkaasi marka laga soo bilaabo walow wax badani qabsoomeen wax badanina qabyo yahay haddana waxa aad moodaa in aan qaranku gaadhin filashadii iyo rejadii laga qabay waxyaabaha Somaliland dib u dhigey ee aanu dhaliilsanahay waxa ka mid ah ; 1- Doorashooyinkii dalka oo xiligoodii lagu qaban kari waayey , isla markaana yeeshay caado xun oo la yidhaahdo mudo kordhin oo ay golihii guurtida Somaliland ee la doortay 1997 ilaa 2020 iska fadhiyaan kuraasida isaga oo xili doorasheedkoodu ahaa lix ( 6 ) sano oo kaliya , golihii wakiilada ee la doortay sanadkii 2005 ay iyaguna ilaa 2020 iska fadhiyaan doorasho la’aan iyada oo mudo xileedkoodu ahaa shan ( 5 ) sano , sidaasi oo kale ayaa doorashooyinka goleyaasha deegaanada iyo kuwa madaxweynuhuba u mudo dhaafayeen ilaa markii doorashooyinku dalka ka bilaabmeen , wax wax lala yaabo ah in aan korodhsiimooyinkaa loo heyn asbaabo sharci oo ay ku xalaaloobaan sharcina ku noqdaan. 2- Somaliland waxa ay u baahnayd in ay ilaaliso shuruucda iyo nidaamka xuquuqaha aadamaha oo ay dadkeeda u hor kacdo in ay helaan waxii uu dastuurka qaranku u damaanad qaadey ee uu leeyahay qofka muwaadinka ahi , kuwaasi oo isugu jira qaar siyaasadeed,nololeed , dhaqameed , diimeed , gancsiyeed , horumareed iwm. 3- Somaliland waxa ay ahayd in ay noqoto dal maamul wanaag iyo daah furnaan maamul ku hanaqaada oo musuqa iyo madmadawga dulinada dawladaha dilla meesha ka saara , arinkaasi oo ilaa maanta laga hirgalin kari laayahay dalka dhinacwalba isaga oo ay u dhisan yihiin intaasi oo hay’adood oo ku magacaaban shaqooyinkaasi. 4- Xoriyada muwaadiniinta ee rayi dhiibashada iyo cabirada afkaaraha, naqdinta siyaasada dawlada iyo ta saxaafadeed oo ah qaar aad u liita isla markaana meel hoose maraya oo aduunkuna marwalba inagu canaanto oo ay ugu dambaysay tii dawlada maraykanku soo saartay ee warbaahinta dalka in cabudhinta laga daayo. 5- Ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalkani dhigtay oo aan la adeegsan ilaa marka ay dawladu ku eryanayso cid ay dan u leedahay mooyaane, taasi oo meel ka dhac ku ah dadka iyo dalka Jamhuuriyada Somaliland oo meeqaamkiisana hoos u dhigaysa. 6- Ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka shacabka Somaliland oo maraysa meel hoose markii hogaanka siyaasada dalku dadka beelo u qaybiyeen xiligii ay ku tartamayeen doorashooyinka, taasi oo meel ka dhac ku ah nidaamkii dalku qaatay iyo waxii loo sameeyey ururada siyaasada iyo axsaabta oo ay ahayd in ay dadka qabiilka iyo qoqobka ka saaraan oo qaranimo loo guuro. Lixdaa aan kor ku soo tilmaamay iyo qaar kale oo badan oo tacab iyo tamar la galiyo ayaa soo saaraya quruxda qaranka Jamhuuriyada Somaliland aynu qadiyadiisa caalamka kaga iibinayno taasi oo ay Somaliland ku rabto in uu dalkani noqdo mid ka mid ah qaramada aduunka ee la aqoonsan yahay. Aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland kuma imanayo alalaas iyo mashxarad iyo in aad aduunka marba dal ka degto inkasta oo ay muhiim tahay in aad arjigaaga iyo codkaaga cidwaliba uu gaadho hadana muhiimada ugu weyni waxa ay taalaa gudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland, aniga oo ogsoon in Somaliland shuruudaha dalalka lagu aqoonsado in ay buuxisay , haddana hadii aynu aqoonsi rabno iyo hadii kaleba lixdaa qodob iyo qaar kale oo badani waa kuwa Somaliland wanaageeda soo saaraya , dadkeeda isku haynaya , caalamka kalena ina jecleysiinaya. Mohamed Abdi Jama Hogaamiye Dhimbiil Somaliland people’s party (S.p.p) Qaran News
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Sirdoonka maamul goboleedka Jubbaland ayaa fashiliyay qarax ay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ka fulin rabeen deegaanadooda isla markaana ay rabeen iney dad shacab ah ku dhibaateeyaan. Sirdoonka waxey bartooda Facebook soo dhigeen qoraal ay ku xuseen fashilintas weerarkaas, sidoo kalana waxey sheegeen iney soo saareen miino ay dagaalyahanadu meel ku aaseen. Warbixinta lasoo dhigay baraha bulshada laguma cadeynin deegaanka ay arrinta ka dhacday, balse waxaa lagu soo koobay kaliya iney tahay meel u dhaw webiga Jubba. “Ciidanka oo daba socday xogna ka hayay damaca cadawga ayaa Miinadan idiin muuqato ka soo saaray goob ay argagixisadda geliyeen oo wabiga qarkiisa ah waxaana ay damacsanaayeen in ay gudaha tuulada soo geliyaan hase ahaatee waa laga hortagay dhagartooda,” ayaa lagu yiri bayaankii lasoo qoray. Bayaanka waxaa sidoo kale ku qornaa: “Laba asbuuc ka hor ciidanka Nabad Sugida Jubbaland waxaa ay fashiliyeen isku day noocaan oo kale ahaa aaga Yoontooy ayagoo Miinnoyin fashiliyay”. Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waday hawlgallo ay ku doonayeen iney ku xaqiijiyaan amaanka maamulka oo ah meesha ay ugu badan yahiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Dhinaca kale ma jiraan wax war ah oo laga helay dhanka dagaalyahanada oo arintaan ku saabsan.
-
Magaalo dadka ku dhinta aanan la oggoleyn in lagu aaso Magaalada Longyearbyen ee dalka Norway Magaalada Longyearbyen ee dalka Norway oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay laba kun oo qoys ayaa ah magaalo ka duwan magaalooyinka kale ee dalkaas. Waa jasiirad ku taala bartamaha dalka Norway oo qofkii ku xanuunsadaa uu ku qasban yahay in uu magaalada isaga baxo ama haddii uu ku dhinto aanan lagu aasi karin magaaladaas. Dadka naf-qabadka ayaa loo diraa magaalooyinka kale ee Norway, si ay ugu geeriyooda, waxaana jira sharci ah in haddii qof uu ku dhinta aysan cidna xabaali karin. Sharcigan ayaa magaaladas ka dhaqan galay inkabadan 80 sano kahor, waxaana sanadkii 1918 albaabada la isugu dhuftay xabaalaha magaalada oo dhan. Longyearbyen oo ah magaalo aad u qabow, inteedana badanna baraf ah ayaa mararka qaar waxaa dhacda in qabowga uu gaaro -50 oo ah qabow xad-dhaaf ah. Maxay tahay sababta aanan loogu aasin meydka? Waa magaalo baraf badan Sanadkii 1918, waxaa adduunka ka dilaacay hergab lagu magacaabay Spanish Flu, kaas oo ku dhacay dad lagu qiyaasay 500 oo milyan oo qof. Meelaha uu ka dilaacay xanuunkaas waxaa kamid ahayd magaalada Longyearbyen oo dad gaaraya 11 qof ay ugu dhinteen, dadkaas oo lagu aasay isla magaaladaas. Haseyeeshee qabowga magaalada oo aad u daran ayaa waxay keentay in dadkii u geeriyooday xanuunka ee lagu aasay magaalada uusan jirkooda baab’in, taas oo khubarada caafimmaad ay sheegeen inay jirto halis ah in xanuunka ay markale dadku ka qaadi karaan dadkii u dhintay ee lagu aasay magaalada, kuwaa oo jirkooda uusan burburin, walina sidiisi yahay. Dr. Kirsty Duncan oo katirsan jaamacadda Windsor iyo koox uu hogaaminayo ayaa tegay magaalada, si ay wax uga ogaadaan. Waxay tijaabo kasoo qaadeen qof u dhintay xanuunka oo lagu aasay Longyearbyen, waxayna ogaadeen in wali xanuunka Spanish Flu uu jirkiisa ku jiro. Christian Meyer oo sidoo kale katirsan jaamacadda seyniska iyo tiknoljiyadda ee Norway ayaa horay u sharaxay sababta aanan dadka loogu aasi karin magaaladas. “Sababta dhulkan marwalba barafka ah aanan dadka loogu aasi karin ayaa waxay tahay in qofka marka uu dhinto halkii la rabay in jirkiisa uu baaba’o uusan sidaas noqoneynin, sidookalena barafka uu bannaanka usoo saarayo meydka”, ayuu yiri Christian Meyer. Xabaalaha magaalada waxaa la xiray 70 sano kahor Wuxuu sidoo kale sheegay in barafkaas uu sii nooleyn karo cudurka uu qofka u dhintay, taasina ay keeni karto in dadka degan magaalada ay qaadaan xanuunka. “Haddii aad u maleyso in aad dhimaneyso, waxaa la sameyn dedaal walba oo laguugu geyn karo meel ka baxsan magaalada”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Arrintan ayay saraakiisha dowladda Norway ee magaalada Longyearbyen sheegeen in haddii aanan la dhaqan-gelin lahayn ay horseedi lahayd dhibaato caafimaad, waana taasi sababta keentay inay la yimaadaan qorshahan horseeday in dadka laga mamnuuco in lagu aaso magaalada. Khubarada caafimaadku waxaa kale oo ay sheegeen in xanuunada ay u dhintaan dadka lagu aaso magaalada ay si sahlan ku faafi karaan. Mas’uuliyiinta dowladda waxaa kale oo ay sheegeen in haddii dadka deegaanka ay taabtaan meydadkaas, ay si sahlan ku qaadi karaan Spanish Flu oo mar dunida u aafeeyay si lamid ah feyraska corona. Xabaalaha magaalada Longyearbyen ayaa ah kuwa aanay dadka deegaanka ku tashanin. Hergabka Spanish Flu ayaa la aaminsan yahay in caalamka uu ku dilay inkabadan 50 milyan oo qof. Qaran News
-
(SLT-Addis ababa)-Ciidammada amniga ee Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay shan sarkaal oo sar-sare oo ka tirsan jabhadda Oromada ee OLF oo haatan ah xisbi mucaarad ah, sida laga soo xigtay OLF. Ururka Oromo Liberation Front (OLF) wuxuu sheegay in siyaasiyiinta ay haatan ku xidhan yihiin magaalada Addis Ababa. Guddoomiyaha OLF wuxuu sheegay in aanan war laga heyn halka loo kaxeystay saraakiisha. Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday dilkii fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hundessa. Waxaana rabshadahaas ku dhintay in ka badan 160 qof. Source
-
Ganacsatada Jaadka Kenya oo shaaciyey Khasaare ka soo gaadhey Jaad loo wadey Somaliland oo Somalia Hawada ka celisay Jaadka ayaa kamid ah waxyaabaha Kenya ay u dhoofiso Soomaaliya Ganacsatada khaadka ama jaadka ee dalka kenya ayaa sheegay inay khasaareen kumanaan doollar kadib markii sida ay sheegeen diyaarad siday khaad dhan 13.6 tan oo u socotay magaalada Hargeysa ee Somaliland hawada laga soo celiyay. Nyambene oo ah guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada jaadka ee Kenya oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ee Kenya ayaa sheegay in diyaaradaas siday jaadka hawada laga soo celiyay maalintii sabtida, inkastoo oo uu sheegay in markii hore loo oggolaaday in ay jaad halkaas geyso. Falkan ayay ganacsatada sheegeen in ay ka caroodeen, wuxuuna intaa raaciyay in lacag dhan 80 kun oo doollar ay khasaarayan haddii aanan jaadka lagu geynin xilliga loogu tala-galay. “Jaadkaas qiimihiisu wuxuu ahaa 30 kun oo doollar, 25 kun oo doollar waxay noqoneysaa gaadiidka lagu qaadayo oo aan dib loo soo celin karin, waxaanu oggolaansho ka helnay hey’adda duulista rayidka ee Somaliland, waxwalbana sidii la rabay ayay ku socdeen ilaa markii dambe diyaaradda ay gashay hawada Soomaaliya, duuliyihii diyaaraddana lagu yiri waxaad siddaa shixnad sharci darro ah ee dib u laabo,”ayuu yiri Munjuri oo la hadlayay wargeydka Standard ee dalka Kenya. Jaadkii saarnaa diyaaradda lasoo celiyay ayay sheegeen in haatan uu dhooban yahay garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi, waxayna dalbadeen inay ogaadaan sababta loo soo celiyay diyaaradda. Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in helitaanka suuqa jaadka ee Somaliland ay ahayd arrin ay ku farxeen markii hore, culeys weynna ka qaaday, maadaama ay suuq la’aan ku dhacday jaadka tan iyo markii uu dunida ka dilaacay feyraska corona. “Waxaan isku dayeynay in dib loo furo xadka aynu la wadaagno Soomaaliya, si loo fududeeyo ganacsiga, balse waxay u muuqataa in aysan waxba kala soconin”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Hargeysa oo inta badan jaadka uu uga iman jiray dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in khaad la’aan ay ka jirto, kadib markii ay rabshado ka dhaceen deegaanka Oromada oo ah halka laga keeni jiray. Kimathi Munjuri Ganacsatada uu saameyay arrintan ayaa ah kuwa deegaanada Karama, Athiru, iyo Kanjoo ee dalka Kenya, kuwaas oo jaad tayadiisu sareyso u dhoofin jiray Soomaaliya. “Kahor xanuunka corona, waxaan iibinta jaadka bil walba ka heli jiray soddon kun oo dollar, waxaana mushaar siin jiray shaqaale dhan 50 qof, balse qaar badan oo kamid hadda waa shaqo la’aan, kuwaas oo qaar kamid ah hadda ay anniga igu tiirsan yihiin, noolasha way nagu adag tahay hadda,”ayuu yiri Lichoro oo kamid ah ganacsatada khaadka oo la hadlayay wargeyska Nation. Warbaahinta kenya ayaa kusoo warrantay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaaradda siday khaadka, si loo yareeyo faafidda feyraska Corona, haseyeeshee BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto sax ahaanshaha warkaas. Maamulka hawada ayaa kamid ahaa waxyaabihii dhawaan Jabuuti ay uga wada hadleen dowladda federaalka iyo Somaliland, inkastoo aanan la garaneynin waxyaabaha lagu heshiiyay. Cabashada ganacsatada jaadka ee dalka Kenya ayaa kusoo aaday xilli dhawaan magaalaad Hargeysa ay tageen wafdi ka socday dowladda Kenya iyo ganacsato uu hogaaminayay xildhibaan Junet Maxamed. Qaran News
-
(SLT-Dubai)-Khubaradda dalka Iran ayaa rumeysan in Imaaraadka Carabtu uu ka shaqeynayo in uu xoojiyo xidhiidhka uu la leeyahay xukuumadda Tehran, si lamid ah kan Isra’iil. Kadib markii safaaraddii Sacuudigu ku lahaa Tehran iyo qunsuliyadii guud ee magaaladda Mashhad dab la qabadsiiyay horraantii sanadkii 2016-kii, Riyadh waxay go’aansatay in ay xidhiidhka u jarto Tehran, taasi oo keentay in Iran ay hoos u dhigto matalaadeedii diblomasiyadeed ee Jamhuuriyadda islaamiga ah, iyadoo gaarsiisay heer safiir ku xigeen. Si kastaba, muran dhowaan dhex maray Abu Dhabi iyo Riyadh ayaa keenay in uu horumar sameeyo xidhiidhka u dhexeeya Iran iyo Imaaraadka, kadib sababo badan oo kasii daraya, oo ay ugu badantahay dagaalka Yemen, Jasiiradda lagu muransanyahay ee Gacanka Persia iyo maalgelinta argagixisadda. Markii uu dilaacay cudurka Coronavirus, Imaaraadku afar diyaaradood oo sida shixnado daawo ah ayey ka dejiyeen caasimadda Iran ee Tehran. Mudadaas wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif ayaa tilifoon kula hadlay dhiggiisa Imaaraadka Abdullah Bin Zayed. Bishii July ee sanadkii 2019-kii, dowladda Iran waxaa ay marti gelisay kulan u dhaxeeyay ilaaladda xeebaha Iran iyo Imaaraadka markii u horreeysay muddo lix sanno ah. Xilligaas labadda dhinac waxay ka wadahadleen iskaashi wadajir ah oo ay ka sameeyaan xuduudaha, qul-qulka muwaadiniinta labada wadan iyo kordhinta isdhaafsiga akhbarta sirdoonka. Maxamuud Vaezi oo ah agaaimaha madaxtooyadda Iran ayaa dhowaan sheegay in Imaaraadku uu bilaabay in meelaha uu ka heysto Yemen uu isbedel ku sameeyo, isagoo la hadlayay wakaaladda Wararka ee Anadolu, Xasan Hani Zadex oo ah khabiir arrimaha Bariga Dhexe waxaa uu sharaxay in Afartii sano ee go’doonka lagu soo rogay Qatar iyo siyaasadihii uu Imaaraadku ka qatay arrimaha dalalka Liibiya, Siiriya, Ciraaq iyo Lubnaan ay keeneen in Imaaraadku uu gooni noqdo. Waxaa uu intaas ku daray in siyaasadda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ay xidhiidh la leedahay Sacuudiga, kala duwanaan-shahooduna uu kasoo ifbaxay Yemen, waxayna markii u horreeysay isu bedeshay siyaasad arrimo dibadeed. Khabiirkan oo u dhashay dalka Iran waxaa uu muujiyay in ay jireen kala duwanaansho dhowr ah oo u dhexeeyay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo dhiggiisa Imaaraadka Maxamed Bin Zayed, isagoo soo xiganayay xaaladda dalka Yemen. Waxaa uu intaa ku daray in is-aamini waaga u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka uu xukuumadda Abu Dhabi siiyay fursad ah in ay horumariso xidhiidhka kala dhexeeya Iran. “Siyaasadaha Maxamed bin Salmaan waxay sababayaan in Imaaraadku uu keli noqdo siyaasad ahaan iyo in uu dhaawac soo gaaro dhaqaalihiisa” ayuu yidhi Xasan Hani Zadex oo ah khabiir ka faalooda arrimaha Bariga Dhexe. Siyaasadda Abu Dhabi waxay ku adkeysaneysaa inay talaabo u qaado dhanka Iran, iyo in ay talaabo kale u qaado dhanka Israa’iil. Khabiirkan waxa uu carabka ku adkeyay in Abu Dhabi ay u baahantahay in ay qaadato siyaasado madax-banaan iyo in ay xoojiso xidhiidhka ay leedahay wadamadda Muslimka ah, waxaana uu tilmaamay in booqashadii masuuliyiin Imaaraadka u dhashay ay Israa’iil ku tageen ay kasoo horjeedo yoolka iyo hadafka dal Muslim ah. Xasan Hani Zadex waxaa uu sidoo kale cambaareeyay meesha uu Imaaraadku ka taaganyahay Turkiga, isagoo caddeeyay in kala duwanaansho dhexmara Turkiga iyo Imaaradka uu dhaawac ku yahay qaran muslim ah, “waa muhiim in Abu Dhabi ay raadiso xalinta muranka kala dhexeeya Ankara.”ayuu yidhi. Axmed Destmaljian, oo ah safiirkii hore ee Iran joogay Beirut ayaa tilmaamay in Imaaraadku uu daneynayo in uu hagaajiyo xidhiidhka kala dhexeeya Tehran, isagoo xiganaya kaalmo daawo oo Abu Dhabi ay u dirtay Tehran iyo ergadii Imaraadka ee tagay Iran. Danjire Axmed waxa uu carabka ku adkeeyay in muranka hadda u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ku saabsan dalka Yemen uu fursad siinayo isbedello cusub, isagoo yidhi “Abu Dhabi waa in ay saxdaa siyaasadeheeda ku aadan arrrimo badan, si ay iskaashi adag ula gaadho Iran.” Source
-
Turkey ayaa ku jawaabi doonta tallaabooyin u gaar ah, haddii Midowga Yuurb ay cunaqabateeno dheeraad ah kusoo rogaan Ankara, waxaa sidaas sheegay wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu, kadib kulan uu la yeeshay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub. Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska ayaa toddobaadkii tegay sheegay in wasiirada Midowga Yurub ay 13-ka July ka doodi doonaan suurta-galnimada xayiraado dheeraad ah oo la saaro Ankara, sababo la xiriira gaas ay ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus. Ayada oo xiriirka ururka iyo Ankara uu xumaaday, ayaa Midowga Yurub waxay bishii Febraayo xayiraad socdaal iyo mid hanti kusoo rogeen laba qof oo Turkish ah oo ku lug leh shidaalka ay Ankara ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus, Cavusoglu ayaa Midowga Yurub ku cambaareeyey inay ku guul-darreysteen inay kasoo baxaan ballan-qaadyadii ay galeen ee la xiriiray muranka Qubrus iyo heshiiskii muhaajiriinta ee 2016. Waxa uu sheegay in Turkey aysan ogolaan doonin inay lahayste u noqoto Greece iyo Qubrus, wuxuuna Midowga Yurub ugu baaqay inuu noqdo “dhex-dhexaadiye daacad ah”. Cavusoglu ayaa sidoo kale ugu baaqay Faransiiska inay cudurdaar ka bixiyaan dhacdo dhex-martay maraakiibta dagaalka labada dal, taasi oo horseeday in Paris ay ka codsato NATO baaritaan arrintan ku saabsan. PUNTLAND POST The post Turkiga oo si adag ugu hanjabay Midowga Yurub appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda (MOFA) ayaa Isniintii maanta mar kale ku celisay in Taiwan ay sii xoojinayso xidhiidhka laba geesoodka ah ee ay la samaysay Somaliland ka dib markii warbixin ay soo saartay ay muujisay isku dayo dhowr ah oo ay Beijing ku doonayso inay ka dhaadhiciso dowladda iskeed ugu dhawaaqday Madaxbanaanida ee Somaliland in aanay xidhiidh la sameynin Taiwan. . Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Taiwan (MOFA) wax jawaab ah kama bixin doonto dedaallada la sheegay ee ay ku dhaqaaqday Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya si ay uga dhaadhiciso Somaliland inay joojiso xidhiidhkii ay la lahayd Taiwan, af-hayeenka wasaaradda Joanne Ou (歐 江 安) ayaa yidhi markii ay wax ka waydiisay warbaahinta CNA. Ou ayaa carabka ku adkeeyay in dadaalada Taiwan iyo Somaliland ee lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah ay ku salaysnaan doonaan saaxiibtinimo dheer oo dhexmarta dadka iyo qiyamka guud sida xorriyadda, dimuqraadiyadda, cadaaladda iyo xukunka sharciga. Waxay kaloo sheegtay in Taiwan ay ballaadhin doonto iskaashiga ay la leedahay Somaliland si tartiib tartiib ah dhinacyada caafimaadka bulshada, tamarta, macdanta, waxbarashada iyo beeraha iyadoo la adeegsanayo habka Taiwan, taas oo kor u qaadaysa horumarinta iskaashiga labada dhinacba. Ou wuxuu ka jawaabay warbixin lagu daabacay Buugga Taariikhda ee Somaliland Axaddii. Warbixintu waxay sheegtay in safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Qin Jian (覃 儉) uu booqday Somaliland laba jeer bilihii la soo dhaafay si uu uga dhaadhiciyo dawladda Somaliland inay joojiso dhammaan hawlihii ay la lahayd Taiwan, isagoo xusay ilo badan. Mid ka mid ah dalabyada Qin wuxuu ahaa in Beijing laga furo xafiis isku xidha Shiinaha oo ku yaal magaalada Hargeysa, sida lagu sheegay warbixinta. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Yaasiin Xaajii Maxamuud Xiir, ayaa diiday codsiga Qin, warbixinta ayaa lagu sheegay. In kasta oo Beijing ay sheegtay inay isku dayeyso inay ka dhaadhiciso Somaliland inay joojiso la shaqeynta Taipei, Ou wuxuu sheegay in Taiwan aanay u hogaansanayn cadaadiska Shiinaha ayna sii wadi doonto inay sii waddo iskaashiga ay la leedahay waddamada isku fikirka ah isla markaana ay u noqoto “xoog wanaagga” bulshada caalamka. Bishii July1-keedii, wasiirka arrimaha dibedda Taiwan Joseph Wu (吳 釗 燮) wuxuu shaaca ka qaaday in Taiwan iyo Somaliland ay gaadheen heshiis bishii February ay isku dhaafsanayaan xafiisyo matalaya labada dhinac. Labada dhinacba waxay dhowaan magacaabeen mas’uuliyiin xilal ka qaban doona xafiisyadaas, in kasta oo taariikhda rasmiga ah ee furitaanka xafiisyada aan wali la shaacin. Somaliland, oo ku taal Bariga Afrika, waxay ku dhawaaqday madax-bannaanideeda 1991 kadib dagaal sokeeye oo ka dhacay Soomaaliya. Hase yeeshee wali looma aqoonsan Somaliland dal ka mid ah beesha caalamka. Si kastaba ha noqotee, Somaliland waxa ku yaal inka badan 20 xafiis oo wakiillo dalal kala duwan ah, halka waddamo iyo ururro caalami ah sida Ingiriiska, Turkiga, Canada, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Xafiisyo. (Waxaa qoray Emerson Lim) Source
-
Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa ku jawaabi doonta tallaabooyin u gaar ah, haddii Midowga Yuurb ay cunaqabateeno dheeraad ah kusoo rogaan Ankara, waxaa sidaas sheegay wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu, kadib kulan uu la yeeshay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub. Wasiirka arrimaha dibedda Faransiiska ayaa toddobaadkii tegay sheegay in wasiirada Midowga Yurub ay 13-ka July ka doodi doonaan suurta-galnimada xayiraado dheeraad ah oo la saaro Ankara, sababo la xiriira gaas ay ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus. “Haddii Midowga Yurub ay go’aano dheeraad ah ka qaataan Turkey, waa inaan ka jawaabnaa,” ayuu yir Cavusoglu oo shir jaraa’ida Ankara kula qabtay madaxa siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Josep Borrell. Ayada oo xiriirka ururka iyo Ankara uu xumaaday, ayaa Midowga Yurub waxay bishii Febraayo xayiraad socdaal iyo mid hanti kusoo rogeen laba qof oo Turkish ah oo ku lug leh shidaalka ay Ankara ka qodeyso aagga dhaqaalaha ee dhul-badeedka Qubrus, Cavusoglu ayaa Midowga Yurub ku cambaareeyey inay ku guul-darreysteen inay kasoo baxaan ballan-qaadyadii ay galeen ee la xiriiray muranka Qubrus iyo heshiiskii muhaajiriinta ee 2016. Waxa uu sheegay in Turkey aysan ogolaan doonin inay lahayste u noqoto Greece iyo Qubrus, wuxuuna Midowga Yurub ugu baaqay inuu noqdo “dhex-dhexaadiye daacad ah”. Cavusoglu ayaa sidoo kale ugu baaqay Faransiiska inay cudurdaar ka bixiyaan dhacdo dhex-martay maraakiibta dagaalka labada dal, taasi oo horseeday in Paris ay ka codsato NATO baaritaan arrintan ku saabsan. Xiriirka labadan dal ee ka wada tirsan NATO ayaa ku xumaaday dagaalka Libya, halkaasi oo Turkey ay taageerto dowladda caalamka uu aqoonsan yahay, ayada oo Faransiiskana ku eedeysa inay taageeraan jeneraalka fallaagada ah ee Khalifa Haftar. Faransiiska way beeniyeen inay taageeraan Haftar. REUTERS + VOA
-
Waxaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir looga yeeray Tafaftiraha guud ee Goobjoog Media Group Cabdicasiis Axmed Gurbiye si uu uga garnaqo dacwad ay ku soo oogtay Villa Somalia. Maxkamadda marka ay furantay kadib Garsooraha maxkamadda Maxamuud Yaasin Jaamac ayaa Gurbiye weydiiyay in uu galay eedeeynta loo soo jeediyay, taas uu Tafatire Gurbiye iska fogeeyay, waxaana dhageysiga eedeeybnta dibad joog ka ahaa Warbaahinta. Qareennada Weriye Gurbiye ayaa ku dooday in dacwadaan ay dastuuri tahay isla markaana qaadisteeda aysan awood u laheyn Maxkamadda Gobolka Banaadir Abuukaate Daahir Carab iyo Abuukaate axmed Cabdiraxmaan oo ah Qareenka u doodayay Wariyaha ayaa sheegay in ay sameeyeen ishor istaag sharci ku saabsan dacwada loo heysto Wariye Cabdicasiis Gurbiyo. ‘’Eedii laga keentay Weriye Cabdicasiis Gurbiye waxaan ku sameynay Is-hortaag sharciga waafaqsan” sidaas waxaa saxaafada u sheegay Abukaate Daahir Carab. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/what-daahir-carab.mp4 “Waxa maanta nasiib dara ah in maanta Cabdicasiis Gurbiye loo cuskado qodobo ka mid ah xeerka ciqaabta oo madaxweynuhu sheegay in ay dhaceen’’ Sidaas waxa yiriXogyahayaasha FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ” https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-mmml.mp4 Dhanka kale Xogyaha SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa isagana yiri ‘’ Eedeymaha oo ka imaanayay dhanka Madaxtooyada ayaa waxa nasiib dara ah in seddax jeer bedeshay qodobada eedeynta’’ https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-sjs.mp4 Dr Xasan Sheekh Cali oo ku sugnaa Maxkamda Gobolka Banaadir ayaa sheegay In loo baahan yahay in dacwada loo haysto Weriye Gurbiye loo maro hab cadaalada waafaqasan. ‘’Muwaadiniinta Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in qof kasta uu cabiro ra’igiisa isaga oo dhowraya Dastuurka Dalka‘’ ayuu yiri Dr Xasan Sheekh Cali. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/xasan-sheekh-whats.mp4 14-kii Bishii April ,2020 ayaa Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye waxaa loogu yeeray saldhigga degmada Hodan oo lagu xiray , 19-kii isla bishaas ayaa lagu sii daayay wariyaha damiin. Goobjoog Source: goobjoog.com
-
Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa shir guddoomiyay ahirka amniga maamulkaasi oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb. Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Maaliyada, La taliyaha Madaxweynaha Galmudug iyo Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa waxaa diirrada lagu saaray sare u qaadida amniga guud ee Galmudug iyo kan gaar ahaaneed ee Caasimadda oo lagu qabanayo Shirka Maamul Goboleedyada dalka. Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa faray laamaha amniga Galmudug in ay si weyn u adkeeyaan amniga Caasimadda Dhuusamareeb iyo guud ahaan deegaannada Maamulka. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa Guddoomiyaha garabka Dhalinyarada heer Qaran ee xisbiga WADDANI Cabdirashiid Cabdi Jaamac. Source
