-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad loo sameeyey isaga, wasiirro ka tirsan golehiisa iyo qaar kamid ah xildhibaannada maamulkaasi, ayaa amar u jeediyey wasaaradda arrimaha gudaha. Madaxweynaha ayaa wasaaradda ka dalbaday in magaalada Guriceel loo diyaariyo in ay noqoto degmo buuxda wasaaraddana looga baahan yahay in ay horgeyso baarlamaanka si looga doodo, kadib loo meel mariyo sida uu hadalka u dhigay madaxweynaha, mar uu la hadalayey bulshada magaalada ee ka soo qeyb gashay munaasabadda. “Guriceel inta la dhaafay Bajaajtii ayaa Bas la’isaga raacaayaa, Guriceel sahan degmonimo way ka dhantahay, degmanimana way u qalantaa, wasiir soo diyaari degmanimadii Guriceel si golaha loo marsiiyo, reer Guriceel haddii inta aan degmo siinno aysan gobol naga dhigga nagu dhihin waan u mahad-celinaynaa”ayuu yiri Mxw/ Qoorqoor. Magaalada Guriceel ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka ugu hormarsan dhanka dhaqaalaha gobolka Galgaduud, waxaana aysan weli ku guulaysan in madaxdii hore ee soo martay maamul goboleedka Galmudug ay raadiyaan maqaam sax ah oo loogu aqoonsado in ay ku noqoto degmo buuxda oo ka tirsan dowlad goboleedka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa saacadihii u dambeeyay ee maanta deganaan laga soo sheegaya deegaano ka tirsan Buuhoodle iyo Saaxil oo maalmihii u dambeeyay uu ka socday dagaal beeleed. Dagaalkaasi oo u dhaxeeyay beelo wada dega deegaanadaasi, ayaa daba socday colaado soo jiitamayey muddo sanado badan ah, sida ay ogaatay Caasimada Online. Qaar kamid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka Somaliland ayaa maanta soo saaray baaq nabadeed ku aadan xiisada labada beelood ee kasoo cusboonatay deegaano ka tirsan gobolka Saaxil iyo Buuhoodle. Xildhibaanadaasi ayaa si wada-jir ah ugu baaqay in la joojiyay dagaalka uu dhiiga badan ku daadanayo ee ka dhaxeeya beelaha walaalaha ah, isla markaana laga shaqeeyo nabadeynta. Xildhibaan Cawil Cismaan Dawiil, Cabdixakiin Cumar Faarax iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa sheegay in xiligan la joogin waqtigii dirirta iyo colaadaha, balse la joogo waqtigii horumarka laga wada-shaqeyn lahaa. Sidoo kale waxa ay bogaadiyeen xildhibaanadaasi cuqaasha iyo waxgaradka qeybta ka ah daminta colaadahaasi, iyagoona Alle uga baryaya inuu ku guuleyso nabadeynta ay ka dhex-wadaan labada beel ee walaalaha ah. Xildhibaanada ayaa ugu dambeyntiina beelaha deeganadaasi ku dagaalamaya ujeediyay inay ka joogsadan dhiiga ay maalinkasta sida maalayacniga u daadinayan, isla markaana xiisada taagan ay ku dhameeyan wada-xaajood.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta dib u dhigtay dhageysiga dacwadda loo heysto Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tafaftiraha guud ee Goobjoog FM, kadib markii saaka la horgeeyey maxkamaddaasi. Sida uu sheegay qareenka difaacayey eedeysanaha waxa ay is-shortaag sharci ah ku sameeyeen maxkameynta wariyahaas, iyaga sabab uga dhigay in aan loo adeegsan karin xeerka ciqaabka Soomaaliyeed. Sidoo kale qareenka u doodaya Cabdicasiis Gurbiye ayaa tilmaamay inay ka war-sugayaan go’aanka ay gaari doonto maxkamadda gobolka Banaadir, isaga oo tilmaamay inuu noqon doonto inuu halkaas kiiska uu ku soo dhamaado ama in la sii wado. Kiiiska Wariyahan ayaa 2 bil soo socday, isaga oo xabsiga la dhigay 14-kii Bishii April ee sanadkan 2020-ka, kadib markii ay soo eedeysay Villa Soomaaliya. Wariye Gurbiye ayaa waxaa loo heystaa warbixin xasaasi ah oo ka qoray dowladda Soomaaliya sida ay u maareysay cudurka Covid-19, gaar ahaan qoraal uu ka sameeyey madaxweynaa Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Dib u dhigista kiiskan ayaa ku soo aadaya, iyada oo warbixin ka soo baxday hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo looga hadlay xoriyadda hadalka Soomaaliya looga dalbaday DF inay u turaan dacwadaha loo heysto Wariye Gurbiye.
-
MOGADISHU (HOL) - Prime Minister Hassan Khaire has tapped an intelligence officer Mukhtar Hussein Mohamed to head the newly revived registration of persons bureau. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa ka hadlay u jeedka kulanka madaxda dowlad goboleedyada oo lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galamudug. Madaxweynaha ayaa sheegay in u jeedka kulanka uu yahay sidii dowladaha xubnaha ka ah ay uga hadli lahaayeen arrimaha masiiriga ah ee dalka, kadib markii guddiga doorashooyinka qaranka uu sheegay in waqtigaan aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cof ah, waxaana ka mid ahaa hadalka madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni. “Waxaan isla qiimaynay in arrimaha jira aysan isla saamaxeynin in taleefan looga wada hadlo oo la isla meel dhiogo, laakiin waxaa la isla gartay in kulan bisha 9-keeda ka dhici doona magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowladda Galmudug. Ahmiyaddu waxaa ay tahay in lagu qiimeeyo xaalada dalka, sidoo kale wax yaabaha looga hadli doono waxaa kamid ah, sidii dowladda federaalka ah iyo dowlada xubnaha ka ah ay dalka uga wada arrinsan lahaayeen xaalada hadda taagan oo ay tahay in laga gudbo oo ay ugu muhiimsan tahay xaaladda doorashooyinka”. Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo la filaayo in magaalada Dhuusamareeb maalinta 9-aad ee bisha June ay isgu tagayaan madaxda dowlad goboleedyada, kuwaas oo dhowaan qadka Taleefoonka kulan ku dhexmaray lagu go’aamiyey in muhiim ay tahay in madaxdu ay is arkaan si ay uga wada hadlaan xaaladaha dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay hoggaanka dhaqanka beesha Mudulood, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah. Kulanka oo ka dhacay xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble, iyada oo ay dhanka dhaqanka goob-joog ahaayeen Imaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas. Intiisa badan waxaa kulanka diirada lagu saaray sidii uu u qabsoomi lahaa shirka Beesha Mudulood oo uu qorshihiisu yahay in la qabto 13 bishan July ee 2020-ka. Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa hoggaanka dhaqanka kala hadlay sidii uu shirweynahaasi uu noqon lahaa mid mira dhal ah oo ay ka soo baxaan natiijo wax-tar u leh aayaha beesha iyo degganaanshiyaha magalada caasimada ah ee Muqdisho. Sidoo kale waxaa shirka lagu soo hadal qaaday xaalada guud ee dalka gaar ahaan doorashooyinka la filayo in la qabto dhammaadka sanadkan 2020 illaa 2021-ka. Imaam Maxamed Yuusuf oo madasha ka hadlay ayaa xusay inay ku howlan yihiin qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka, wuxuuna u mahadceliyey Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo qeyb ka qaadanaya qabsoomida shirkaas oo uu horey dib u dhac ugu yimid. Si kastaba ha’ahaatee shirweynaha Mudulood ayaa ku soo aadaya, xilli dhowaan Golaha Shacabka Somalia uu meel-mariyey xeerka matalaadda gobolka Banaadir oo ay muddo tabasho muujineysa beesha, kaas oo 13 kursi ku yeelan doono Golaha Aqalka Sare.
-
Amsterdam (Caasimada Online) – Dr. Cali Waare waa Guddoomiyaha dalladda “Isutagga ururada Soomaalida Nederlands” dalladaas oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN, ayna ku middeysan yihiin 65 ururo Soomaali ah oo ka dhisan dalka Holland. Dr. Cali Waare, ka sokow inuu yahay mas’uulka ugu sarreeya jaaliyadaha Soomaalida, haddana waa shaqsi mushtamaca dhexdiisa muctarif ka ah, isaga oo sidoo kale mar sii horaysay noqday Guddoomiyaha ururka SOMVOA oo ka mid ah ururada ugu faca wayn ee Soomaalidu leedahay, kana dhisan Magaalada Amsterdam. Waraysi, Dr. Cali Waare aan la yeeshay ayaa u dhacay siddatan:- SU’AAL: Dorraad waxaa lagu guddoonsiiyey abaalmarin ay bixiso boqortooyada dalkan, ma inoo faahfaahin kartaa sababta abaalmarintaasi aad ku muteysatay.? CALI WAARE: Aniga laftigeyga ma aanan sugayn abaalmarintaas, filan-waa [verrassing] ayeey igu noqotay, qofka billadaas la guddoonsiinayo waa inuu 20 sanno iyo in ka badan u soo shaqeeyay bulshada, mana aha in qofku hal xirfad ama hal shaqo keliya uu soo qabtay, waxaa lagugu qiimeynayaa in shaqooyinka aad soo qabatay ay noqdaan kuwa taabanaya quluubta iyo nolosha dadka. Shuruudaha abaalmarinta aad ku mudaneyso waxaa kale oo ka mid ah; in uu si hagaagsan u gutay waajibaadkaasi shaqo oo aanu dadkana kala faquuqi jirin, waxaa la sameynayaa baaritaan dheer oo waxaa la soo baarayaa intii sanno ee aad dalkan joogtay howlihii aad soo qabatay, dadkii aad la soo shaqeysay, markaas kaddib ayuu boqorku saxiixayaa. SU’AAL: Dalladda FSAN ma waxay wakiil ka tahay oo afkooda ku hadashaa 65-ta urur ee dallada ay ku mideysan tahay mise waxay wakiil ka tahay guud ahaan mushtamaca Soomaalida ee dalkan ku dhaqan.? CALI WAARE: FSAN ururadu xubno ayeey ka yihiin, dalladu had iyo jeer waxay ka shaqeysaa danaha iyo masaaliixda dadka Soomaaliyeed ee dalka Holland dagan. Ururada FSAN ku middeysan waa ururo “local” ah oo Magaalooyinka ay dagan yihiin ku sii caawiya dadka, isku xirana bulshada Magaalooyinkaasi dagan ee Soomaalida ah, iyaga oo metelaya FSAN. SU’AAL: Marka la is barbar dhigo ururkii SOMVOA ee fadhigiisu ahaa Amsterdam, iyo dalladda FSAN oo ah dallad mideysa 65 urur, dad badan waxay ictiqaadsan yihiin in SOMVOA ay ka caansantahay FSAN, maxay tahay sababta ayeey kula tahay.? CALI WAARE: SOMVOA waxa uu ahaa urur ka jiray Amsterdam iyo agagarkeeda, waqti dheer ayaa laga joogaa xilligii la aasaasay, wuxuuna ku jiraa dallada oo uu u qaabilsanaa arrimaha Amsterdam iyo agagaarkeeda, maadaama uu lahaa dhismo weyn oo dadka lagu wacyigelin jiray, laguna qaban jiray shirarka; sidoo kale wuxuu lahaa masjid lagu tukado, taas ayaa laga yaabaa inay ka dhigtay inuu magac ahaan sidaas u waynaado. SU’AAL: Dhowr sanno ka hor FSAN iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Nederlands waxaad iska kaashateen mashruucii Brain gain, oo dad aqoonyahanno ah loo kala diray Muqdisho, Somaliland, Puntland & Jubbooyinka, waxaa jira dad saluugsanaa habkii aad u qaybiseen tiradii loo diray Magaalooyinkaas, oo tusaale ahaan; Somaliland iyo Puntland aad u dirteen min 6 qofood, halkii aad Muqdisho uga dirteen 3 xubnood, habkee ku saleeyseen qaybinta xubnahaasi.? CALI WAARE: Mashruucaas waxaa iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Nederlands iyo FSAN, wuxuu ahaa mashruuc tijaabo ah oo 20 qof in ka badan ayaa ku baxday, waxaa loo sameeyey shuruudo qofkii soo buuxiya uu ku bixi karo, cid kasta oo shuruudihii la sameeyey soo buuxisay, nasiibkeeduna uu noqday ayaa ku baxday, dadkaasna Magaalooyin kala duwan ayaa loo diray. Ujeedkiisu wuxuu ahaa in dadka Soomaalida ee dalkan wax ku bartay fursad loo siiyo in wixii ay bartaan ay dadkooda ku celiyaan, tusaale ahaan; qofkii bartay caafimaadka, sharciga iyo wixii la hal-maala, barnaamijkaas wuxuu noqday miradhal. SU’AAL: Waxaad la socotaa in jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Zwolle iyo nawaaxigeeda ay 2 garab u kala jabeen, Guddi uu madax u yahay C/qaadir Nuune iyo Guddi uu hogaamiye Axmed Hayaan, idinku ma isku daydeen inaad 2daasi dhinac u kala dabqaadaan.? CALI WAARE: Jaaliyadda Zwolle iyo nawaaxigeeda waa jaaliyad aad iyo aad u firfircoon oo magac iyo muuqaal ku leh Soomaalida dhexdeeda marka loo fiiriyo jaaliyadaha kale, mar way na soo gaartay inuu jiro khilaaf, sababtuna waa wax la dareemi karo, oo dadku marka ay ka wada shaqeynayaan danta guud waa laga yaabaa in qofba dhinac ka arko, markii dambe waxaan maqalnay in khilaafka la xaliyay haddii na loo baahdo annagu diyaar ayaan u nahay inaan qayb ka noqono, waxaanse rajaynayaa in Nuune iyo team-kiisa ay ku filan yihiin. SU’AAL: Waxaa jira dad badan oo qaba in adiga iyo shaqsiyaadka kale ee dalladdan mas’uuliyadeeda muddada dheer soo hayay in la joogaa xilligii dhalinyarada dalkan wax ku bartay aad fursad siin lahaydeen, maxaad ka oran lahayd doodaas.? CALI WAARE: Aad iyo aad ayaa u jeclahay dhalinyarada dalka wax ku bartay in runtii lagu soo xiro dallada ayna noqdaan kuwii dadka hada jooga bedeli lahaa, FSAN waxay fursad u siisay dhalinyarada wax ka baraneysa jaamacadaha in ay ku mari karaan xafiisyadeena khibrad shaqo, waxaanna halkaas joogta Zahra Naaleeye. Dr. Cali Waare, maadaama xilka guddoomiyenimada dalladda FSAN aad 2 goor soo qabatay, marka aad xilkaasi banayso maxaa lagugu xasuusan doonaa.? Muxuu noqon doontaa [Legacy] aad ka tagto.? CALI WAARE: Dadka Soomaalida ah ee aan soo wada shaqeynay ayaa su’aashaasi jawaabteeda u daynayaa, aniga had iyo jeer waxaan jeclahay in dadka Soomaalida ah ay noqdaan dad isku tolan, is caawiya, Soomaalidnimadu ay noqoto hankeena ugu sareeya, si kasta oo aan u kala aragti duwanahay in qof waliba aragtidiisa lagu ixtiraamo, in aynu ka wada qayb qaadano dib u dhiska dalkeenii, waddankan aan ku noolnahay inaan bulsho ahaan sumcad wanaagsan ku yeelano. Cabdishakuur Cilmi Xassan E-mail: shakuurcadde73@hotmail.com
-
The death toll in the United States from the COVID-19 pandemic rose above 130,000 people Monday, according to data compiled by U.S.-based Johns Hopkins University. The U.S. leads the world not only in terms of coronavirus deaths but total number of confirmed cases, with 2.9 million. The nation has reported over 50,000 new daily confirmed cases during the first week of July, with many states posting a record number of single-day new cases. The figures support Monday’s declaration by Dr. Anthony Fauci, the nation’s top infectious disease expert, that the United States is “still knee-deep in the first wave” of the pandemic. Among the hardest-hit states is Texas, which reported at least 8,700 new COVID-19 cases, a new single-day record for the southwestern state. Hospitals across Texas have reached full capacity due to the huge numbers of hospitalized coronavirus patients; the situation has become so dire in the city of San Antonio that the U.S. military is planning to deploy a 50-member team of medical personnel to help with the crisis, including emergency-room and critical care nurses. The dramatic rise in new COVID-19 cases has prompted authorities in some states, including California and Florida, to reimpose restrictions. In California, which reported a record 11,786 new confirmed cases on Monday, Governor Gavin Newsom ordered bars in six new counties to shut down, just days after imposing a similar order for 19 counties that also calls on restaurants, movie theaters and wineries to close indoor services. Officials in Florida’s largest county, Miami-Dade, Monday ordered the closure of restaurants, gyms, fitness centers and other indoor venues. The county’s mayor, Carlos Gimenez, is allowing retail stores and hair salons to stay open. Beaches in the county will reopen Tuesday after they were closed for the July Fourth weekend. In neighboring Georgia, Atlanta Mayor Keisha Lance Bottoms was diagnosed Monday with COVID-19. She says she has not shown symptoms and plans to work from her home office in isolation with her family. Major League Baseball’s announcement of its coronavirus-shortened 60-game schedule on Monday was overshadowed by news from the Washington Nationals and Houston Astros, last season’s World Series teams, had canceled their workouts because of delays in receiving results of COVID-19 tests of their players. The St. Louis Cardinals also shut down its practice session because of the delays. The MLB season is set to begin on July 23 with a game between the World Series champion Nationals and the New York Yankees. In Brazil, which trails the U.S. in the number of confirmed coronavirus cases and deaths, President Jair Bolsonaro is awaiting the results of another coronavirus test on Tuesday, a few days after showing symptoms, including a fever. Bolsonaro told supporters that after taking an x-ray, the exam showed his lungs “clean.” Bolsanaro has previously downplayed the risks posed by the coronavirus, once telling supporters because of his history of athleticism, he would not worry if he became infected. His apparent disregard for the potential lethal effects of the virus has led him to challenge safeguard measures to prevent the spread of the virus, such as weakening laws requiring a face mask in public. Brazil has over 1.6 million total COVID-19 cases and over 65,000 deaths. Israel announced Monday it is closing all bars, clubs, gyms and public swimming pools because of a rise in cases in the country. It will also reduce occupancy at restaurants and places of worship. The country has more than 30,000 confirmed cases and more than 330 deaths. Canadian Prime Minister Justin Trudeau Monday turned down an invitation to visit the White House this week to celebrate the new regional free trade agreement with the presidents of the United States and Mexico because of the coronavirus. India reported more than 23,000 new coronavirus cases Monday, pushing its total during the pandemic past Russia for third most in the world. India now trails only the United States and Brazil in terms of overall confirmed cases. The country is closed to international travel, but the government has been gradually lifting restrictions on local tourism to try to boost the economy. But in Uttar Pradesh, India’s most populous state, officials have extended lockdowns on businesses, monuments and other attractions in the city of Agra, including at the Taj Mahal, amid the continued spread of COVID-19. “In the interest of the public, it has been decided that opening monuments in Agra will not be advisable as of now,” the district authorities said in a notice published in Hindi. The Taj Mahal and other tourist sites in Agra have been closed since March. In Pakistan, Minister of State for Health Zafar Mirza tested positive for the coronavirus, the latest high-profile government minister to contract the virus, after Foreign Minister Moahmood Qureshi announced last week he tested positive. Both men say their cases are mild. Greece said Monday it is banning travelers from Serbia until July 15 after the number of cases there rose. Ahead of the start of the hajj pilgrimage that typically draws 2.5 million Muslims in Saudi Arabia, the government said it will limit the number of pilgrims to 1,000. Muslims from outside Saudi Arabia are not allowed this year, and according to new rules announced Monday, pilgrims will not be allowed to touch the Kaaba, and will have to maintain social distancing of at least 1.5 meters while performing rituals and prayers. The heads of Japan’s professional baseball and football leagues have decided to allow fans at games starting Friday. Stadiums will start with a maximum of 5,000 fans, or 50% of the venue’s capacity, whichever is smaller. In Paris, the Louvre, one of the world’s most visited museums, reopened Monday. Visitors are required to wear masks and observe social distancing rules and must use hand sanitizer provided at entrances. Source VOA Qaran News
-
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose mudane Ibraahin Aadan Cali Najax oo ay wehliyeen injineero qiimeeya burburka soo gaaray buundada degmada Qoryooley oo argagixisada Al-shabaab ay burburiyeen ayaa kormeeray buundada, isagoo sheegay in dhawaan dib u dhis ay ku sameyn doonaan. “Safar Shaqo ayaan ku tagay Degmada Qoryooley si aan usoo qiimeeyo Burburka Maleeshiyada Aragagxisada Shabaab ay u geysteen Buundada Degmada oo muhiiim u aheyd isku socodka Dadweynaha,wafdigeyga waxaa qeyb ka aha Injineero qiimeynaya burburka iyadoo dhawaan Buundada aan dhisi doono Inshalaah” ayuu yiri guddoomiye Ibraahin. Buundadaan ayaa muhiim u ah isu socodka gobollada dalka waxaana burburiyay maleeshiyada Al-shabaab oo caadeysatay la dagaalanka horumarka shacabka iyo noloshooda, iyagoo marwalba u taagan baabi’inta danta guud, halka dowladdu ay waddo dadaallo dib loogu dhisayo meelaha ku burburay dowlad la’aantii iyo goobaha kale ee cadowgu ka burburiyay shacabka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ganasatada Qaadka ka keena wadanka Kenya ayaa cabasho ka muujiyey, talaabo ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya taas oo ay maalinimadii Sabtida ay ku hakisay diyaarad siday Qaad oo ku sii jeeday magaalada Hargeysa, kaib markii duulimaadyada caalamiga ah horay loogu hakiyey sababo la xiriira xanuunka safmarka ee Coronavirus Nyambene oo ah guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada Qaadka ee Kenya, kaas oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ee Kenya ayaa sheegay in diyaaradaas siday jaadka hawada laga soo celiyay maalintii sabtida, inkastoo oo uu sheegay in markii hore loo oggolaaday in ay in ay geli karto hawada Soomalaiya in aysan geli karin. “Jaadkaas qiimihiisu wuxuu ahaa 30 kun oo doollar, 25 kun oo doollar waxay noqoneysaa gaadiidka lagu qaadayo oo aan dib loo soo celin karin, waxaanu oggolaansho ka helnay hey’adda duulista rayidka ee Somaliland, waxwalbana sidii la rabay ayay ku socdeen ilaa markii dambe diyaaradda ay gashay hawada Soomaaliya, duuliyihii diyaaraddana lagu yiri waxaad sidaa shixnad sharci darro ah ee dib u laabo,”ayuu yiri Munjuri oo la hadlayay wargeydka Standard” Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in helitaanka suuqa jaadka ee Somaliland ay ahayd arrin ay ku farxeen markii hore, culeys weynna ka qaaday, maadaama ay suuq la’aan ku dhacday jaadka tan iyo markii uu dunida ka dilaacay feyraska corona “Waxaan isku dayeenay in dib loo furo xadka aynu la wadaagno Soomaaliya, si loo fududeeyo ganacsiga, balse waxay u muuqataa in aysan waxba kala soconin”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Somaliland deegaannadeeda kala duwan ayaa inta badan Qaadka uu uga iman jiray dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in Qaad la’aan ay ka jirto, kadib markii ay rabshado ka dhaceen deegaanka Oromada oo ah halka laga keeni jiray, kadib markii dil qorsheysan loo geystay fanaan caan ahaa kasoo jeeday Qabiilka Oromada ee Itoobiya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Human Rights watch oo eedeyn u jeedisay dowladda Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Maanta oo ah Luulyo 7, Cabdicasiis Axmed Gurbiye, tifatiraha guud ee Warbaahinta Goobjoog, ayaa la filayaa inuu ka soo muuqdo maxkamada gobolka Banaadir. 14-kii Bishii April , Cabdicasiis waxaa loogu yeeray saldhigga degmada Hodan waana la xiray afar maalmood ka dib markii uu dhaleeceyay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxtooyadda qaabka ay ula tacaashay Cudurka Corona virus Warbixin uu kusoo daabacay bartiisa Facebook. Cabdicaasii ayaa maalmo ka dib damiin lagu sii daayay , laakiin waxay uga digeen inuu sii wado faallo kasta oo xasaasi ah oo ay ka mid tahay Covid-19. Laakiin usbuucii la soo dhaafay, maxkamadda gobolka Banaadir ayaa u yeertay Cabdicasiis iyadoo lagu soo oogay dacwado ah “aflagaado [maamul] hay’ad siyaasadeed, maamul ama garsoor,” iyo “daabacaad warar been ah. Hay’adda udoooda ilaalinta xuquuqda Aadanaha ee Human Rights watch ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo Xoriyadda Saxaafadda. “Eedeyntu waxay xadgudub ku tahay waajibaadka Soomaaliya ee ku xusan heshiisyada xuquuqda aadanaha ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ilaaliya xuquuqda dadku ay ku dhaleeceeyaan masuuliyiinta dowladda iyo hay’adaha dowladda. Sida guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xuquuqda Dadka uu caddeeyay, kuwa “u qaata doorka shacabka aad loo arki karo waa inay la kulmaan heer naqdin ka badan kan muwaadiniinta gaarka loo leeyahay; haddii kale doodda guud waa la baabi’in karaa gebi ahaanba. ” ayaa lagu sheegay Warbixin kasoo baxday Hay’adda Human Rights watch. Waxa ay intaasi kusii dartay “Maamulka waa inay si dhakhso leh u tuuraan dacwadaha loo haysto Cabdicasiis ayna cadeeyaan in faallooyinka xasaasiga ah ay tahay soo dhaweynta bulshada dimoqraadiga ah. Iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso geeddi-socodka doorashada, dowladdu waa in ay muujisaa in saxaafadda madax-bannaan ay ka muhiimsan tahay sidii hore” Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka ee Maajo, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa si cad u ballan qaaday in dib u habeyn lagu sameyn doono qodobbada xeerka Soomaaliyeed ku xusan in ee lagu dhaqo Saxaafadda, islamarkaana dowladdiisa ay ilaalin doonto Xoriyadda Saxaafadda, laakiin wali waxaa sii socda dhibaatadda dowladdu ku heyso Wariyeyaasha Soomaaliyeed sidda ay sheegeen ururada u dooda Saxaafadda. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin ka soo baxday hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa waxaa looga hadlay xoriyadda saxaafadda Somalia, gaar ahaan marxaladda ay xiligan ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed. Human Rights Watch ayaa ku eedeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay wali ay sii wado caburinta ay ku heyso warbaahinta madaxa banaan. Warbixinta oo ka soo baxday guddiga hay’adda u qaabilsan arrimaha afrika ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabooyinka ugu dambeeyey ee ay qaaday dowladda federaalka Somalia ay muujinayaan inay ka soo horjeedaan saxaafadda madaxa banaan. “Eedeyntu waxay xadgudub ku tahay waajibaadka Soomaaliya ee ku xusan heshiisyada xuquuqda aadanaha ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ilaaliya xuquuqda dadku ay ku dhaleeceeyaan masuuliyiinta dowladda iyo hay’adaha dowladda. Sida guddiga Afrika ee Xuquuqda Aadanaha iyo Xuquuqda Dadka uu caddeeyay, kuwa “u qaata doorka shacabka aad loo arki karo waa inay la kulmaan heer naqdin ka badan kan muwaadiniinta gaarka loo leeyahay; haddii kale doodda guud waa la baabi’in karaa gebi ahaanba. ” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday Hay’adda Human Rights watch. Sidoo kale waxaa warbixinta lagu soo qaaday kiiska wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo maanta la horgeynayo maxkamadda gobolka Banaadir, si loo guda galo dacwaddii ay 14-kii bishii April ee sanadkan 2020-ka ku soo oogtay Villa Soomaaliya. Qoraalka hay’adda ayaa waxaa lagu yiri “Maamulka waa inay si dhakhso leh u tuuraan dacwadaha loo haysto Cabdicasiis ayna cadeeyaan in faallooyinka xasaasiga ah ay tahay soo dhaweynta bulshada dimoqraadiga ah. Iyada oo Soomaaliya ay isu diyaarineyso geeddi-socodka doorashada, dowladdu waa in ay muujisaa in saxaafadda madax-bannaan ay ka muhiimsan tahay sidii hore.” Si kastaba ha’ahaatee warbixinta ayaa ku soo aadaya, iyadoo madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo bishii May maalinta xoriyadda saxaafadda uu sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sidii uga hortagi lahaa dambiyada laga galo wariyeyaasha.
-
Mogadishu ( PP News Desk ) Google Translate is one of technological marvels that the Internet has brought in its train. Its translations range from the correct to the absurd. Based on statistical machine translation, the popular translation engine progresses through the input of bona fide users. Many well meaning contributors contribute target language words to boost Google Translation’s capabilities.Wrong target language words sometimes produce funny translations. Google Translate translates the word villainy into “Sool clan”, a Somali clan name. Prank translations undermine Google Translate Prank translations are a threat to the quality and reliability of translation engines. Google Translate translates the lower case “happy halloween” into ” Farxiya Fiska”, the name of a popular Somali singer. A Somali singer’s name supplied as a translation of “happy halloween” Unlike Wikipedia, a contributor to Google Translate does not have a username nor is there a moderator to check accuracy of translations submitted by volunteers. What happens when a racist contributor supplies an offensive target language word as an equivalent of a source language word is one of the ethical questions raised by translation engines. The prevalence of intentionally incorrect translations may persuade Alphabet INC to review its translation engine policies. © Puntland Post, 2020 The post GOOGLE TRANSLATE TRANSLATES “VILLAINY” INTO A SOMALI CLAN NAME appeared first on Puntland Post.
-
Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.con ay ka helayaan ilo wareedyo ku sugan Muqdisho ayaa sheegaya in qaar kamida lataliyayaasha Madaxweyne Farmaajo ay qorshaynayaan in la [...] The post Qaar kamida Shaqaalaha Villa Soomaaliya oo u ololeynaya in Madaxweyne Axmed Madoobe lasoo Xiro, kolkuu kasoo dego Dhuusamareeb appeared first on . Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa goddomiyaha golaha shacabka ee baarlmaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh, waxaa uu ku eedeeyey inuu jabiyey dastuurka, kadib markii guddoomiyaha uu ka dhawaajiyey in sharciyada qaar aysan khuseynin golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in labada goole ee Baarlaamaanka ay yihiin kuwo iskorjoogteynaya, sidaas darteedna hadalka guddoomiyaha uu ka hor imaanayo dastuuurka dalka, waxaana sidoo kale uu ku eedeeyey xukuumadda wada shaqeyn la’aanta golaha aqalka sare oo ah mida ugu muhiimsan sida uu hadalka uu u dhigay. “Waxaa la yaab leh in guddoonkii uu si cad u yiraahdo, arrimaha ku saabsan doorashooyinka aqalka sare waxba kuma lahan, annaga ayaa axsaan u sameyn jirnay, waa hadal duuban oo jira.Waxaan ka xumahay guddoomiye Mursal oo saaxiibkay ah, oo muddo dheer aan isnaqaanay in fahamka nuucaas ah in maskaxdiisa ay ku jirto iyo inuu dano kale leeyahay garan maayo, aqoon darro ayaa u geysay oran maayo oo kuma tumaayo, laakiin inuu sidaas u fahmo oo dadka uu la hadlaayo uu moodo dad aan waxba kala garaneyn, maxaa yeelay Baarlamaanku waa labo aqal, hoose iyo mid sare, oo iskorjoogteynaayo, xeerarka waxaa ay ka imaan karaan Baarlamaanka, waxaa ay ka imaan karaan kan sare, waxaa ay ka imaan karaan xukuumadda ama waxaa ay ka imaan karaan dadweynah” ayuu yiri madaxweynaha. Madaxweynaha Deni oo sii hadalaayo ayaa yiri” Xeerarka markii la ansixinaayo waa in waa in aqalka sare loo soo gudbiyaa uu wax kabedelaa, ama sidiisa ku waafaqaa oo markaas kadib la celiyaa, oo madaxweynaha uu ku soo saaraa faafin rasmiya. Xeerar maalmo dhoweed aad loo sameynayey oo aan habraacii dhan aan marin, in ay mari waayaan mararka qaarkood, haddii siyaasad loola jeeda marmar waa la sameeyaa , hadana la la soo indho adag yahay loogama baahna aqalka sare in la yiraahdo. Xukuumadda uu goggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan ka aragnaa hab la dhaqan aan wanaagsaneyn aqalka sare, oo weliba ah aqalka ugu muhiimsan marka laga hadlaayo dowladda federaalka, maxaa yeelay aqlka sare waa aqalka matalo dowlad goboleedyada” ayuu yiri Deni. Hadalka ka soo baxay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntlan Siciid Cabdillaahi Deni ayaa waxaa uu ku soo aadaay iyadoo uusan wanaagsaneyn cilaaqaaka ka dhaxeeyo labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale mugdi ku jiraa wada shaqeynta aqalka sare iyo xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana mar weliba soo laabto khilaafka labada dhinac, kaas oo ku qotoma arrimo la xiriira awoosdaha ay kala leeyihiin labada gole ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, taas oo hoos riday habsi u socodka shaqada labada gole ee BJFS. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Al Shabaab, as an insurgent terrorist outfit, has primarily been operating from Somalia in the Horn of Africa. The merger of Al Shabaab with Al Qaeda, a multinational terrorist organisation, in 2012 has enhanced its strength. After completing twenty years of its existence in April 2020, it is showing no signs of waning. Al Shabaab’s endeavours to consolidate its hold over the parts of southern and central Somalia and extract taxes from people is weakening the hold of Federal Government of Somalia (FGS), established in 2012. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa miino ciidamadaasi lala eegtay xilli ay marayeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa ayaa la sheegay inuu qabsaday mid ka mid ah gaadiidka kolonyada ah oo ay wateen ciidamadaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogaal ah. Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas ayaa shaaciyey inay ku dishay ugu yaraan illaa afar askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ku dhaawacday tiro kale, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM oo ku aadan qaraxaasi iyo khasaaraha ka soo gaaray. Inta badan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa weeraro dhab-gal ah kala kulma Al-Shabaab, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfuta iyo bartamaha Soomaaliya
-
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka oo haatan ku jira marxalad kala guur ah. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay la yimaadaan siyaasad cad, islamarkaana ay abuuraan kalsooni shacab iyo is-aaminaad, si looga gudbo caqabado uu sheegay inay haatan ka jira guud ahaan dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la soo maray marxalado aad u adag xilli ay talin jireen hoggaamiye kooxeedyo, balse haatan loo baahan yahay in la hormariyo dowladnimada. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka looga fadhiyo inay qaadato doorkeeda ku aadan horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka. View the full article
-
The recent announcement of Benaadir region receiving representation in the Federal Parliament of Somalia has once again showcased Puntland’s true sociopolitical character. Puntland’s political elite have protested the entry of Benaadir in Somalia’s Upper House, and have shamefully proclaimed that they may seek secession. Source: Hiiraan Online
-
Waxaa goordhow xarunta maxkamadda gobolka Banaadir ka bilaabaneysa maxkamadeynta weriye Cabdicasis Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka Goobjoog Media Group iyo tifaftiraha guud. Mudane Gurbiye ayaa loo heystaa dacwad ay soo gudbisay Villa Somalia, taas oo maamulka Goobjoog uu horay u sheegay iney tahay sharci darro. Hey’adaha u doodad xuquuqda saxaafadda ayaa sidoo kale ku tilmaamay maxkamadeynta mid sharci darro ah oo lagu caburinayo saxaafadda Soomaaliya iyada oo loogu baaqay Villa Somalia iney ka laabato. Madaxweyne Farmaajo ayaa maalinta xuriyadda saxaafadda ee May sheegay in xeerka ciqaabta uu dib u habeyn ku sameyn doono, aanan loo adeegsan doonin saxafiyiinta, laakin waxay u muuqataa balan kale uu ka baxay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka uu ku fashilmay arrimaha loo igmaday ee doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka. Deni ayaa sidoo kale ka digay inay sii socoto jabinta dastuurka iyo shuruucda kale ee uu taalla dalka. Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in baaralamaanka federaalka Soomaaliya laga rabo inuu guto waajibaadka ka saaran arrimaha doorashooyinka qaranka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo 9-ka bishan uu shir gaar ah madaxda maamul goboleedyada uga furmayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. View the full article
-
Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka si aad ah loo adkeeyey amniga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu soo warramayaa in la dhigay jidadka magaaladaasi, kuwaas oo baaraya gaadiidka, sidoo kalena hubinaya dadka lugeynaya. Ujeedka ayaa ah sidii loo adkeyn lahaa amniga Dhuusamareen oo 9-ka bishaan ay shir gaar ah ku yeelan doonaan madaxda dowlad goboleedyada oo ka arrinsadn doono xaaladda dalka. Sidoo kale waxaa sidoo la filayaa in wafuud kala duwan ay saacadaha soo socda gaaraan Dhuusamareeb, si ay qeyb uga noqdaay dadaalada socda diyaar garowga intaba. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya shanta madaxweyne maamul goboleed ee dalka, iyaga oo ka wada hadlaya amniga, doorashada iyo xaaladda dalka. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa inay saaka si weyn u adkeeyeen ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegaya in saaka ciidamo dheeraad ah la soo dhoobay waddooyinka magaaladaasi, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay magaaladaasi. Sidoo kale ciidamada ayaa baaraya gaadiidka kala duwan ee isaga kala gooshaya halkaasi, si loo hubiyo amniga iyo deganaashaha. Ujeedka ayaa ah sidii loo adkeyn lahaa amniga Dhuusamareen oo 9-ka bishaan ay shir gaar ah ku yeelan doonaan madaxda dowlad goboleedyada oo ka arrinsadn doono xaaladda dalka. Madaxweynaha Galmudug oo shirkaasi martigeliyey ayaa sidoo kale dib ugu laabtay caasimadda mamaulkaasi, wuxuuna la kulmay saraakiisha ammaanka oo uu kala hadlay, sidii loo xoojin lahaa nabad-gelyada, looguna diyaar garoobi lahaa shirkaasi. Waxaa sidoo kale la filayaa in wafuud kala duwan ay saacadaha soo socda gaaraan Dhuusamareeb, si ay qeyb uga noqdaay dadaalada socda diyaar garowga intaba. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya shanta madaxweyne maamul goboleed ee dalka, iyaga oo ka wada hadlaya amniga, doorashada iyo xaaladda dalka.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, ayaa sheegay in Khilaafkaas ay mas’uul ka yihiin Guddoonka Golaha Shacabka oo keliya. Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh uu meesha ka saaray Kaalintii Aqalka Sare ku lahaa Arrimaha ku saabsan Doorashooyinka, islamarkaana uu si cad u inkiray jiritaanka Aqalka Sare ee Baarlamanka. Mudane Deni, wuxuu tilmaamay in Guddoonka Golaha Shacabka iyo Madaxweyne Farmaajo ay ka midaysan yihiin, in la baabi’iyo Awoodaha Dastuuriga ah ee Aqalka Sare oo kamid ah Labada Gole ee Baarlamanka. Sidoo kale, wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi aan lagu casumin Munaasabadihii Xornimada Dalka ee lagu qabtay Muqdisho, taasina ay abuurayso Kalsooni-darro iyo kala fogaansho. Halkaan ka daawo Hadalka Deni PUNTLAND POST The post Deni oo ka hadlay Khilaaf Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
