-
Content Count
215,437 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Marka la eego Internet-ka maanta waa baahida ugu badan ee lagu xakameeyo wax waliba oo la doonayo in horay loosii qaado, sidaas awgeed dalalka caalamka xiligaan waa u fure in ay helaan adeegsigiisa. Cable (Xarigga) waa waxa sahlaya in dunida la isugu kala gudbiyo Internet-ka oo ah fududeeyaha aaladaha maanta la doonayo in lagu soo bandhigo xog ama lagu gudbiyo waxyaabo kala duwan. Ma taqaan qiimaha dalalka ay ku kala helaan adeegga internetka? Kahor inta aan u kala qaadin Carab iyo Cajab, sanadkaan 2020 ee aan kasii siqeyno bartamihiisa waxaa la sameeyay xog uruurin la xiriirta halka Giga Byte qiimaha maanta ay ku kala helaan dalalka caalamka. Marka hore aan ku hormaro Qaaradda Aasiya, Dalka India ayaa kaalinta sare ee dalalka ugu raqiisan Internet-ka guud ahaan Caalamka soo gashay, waxa ay dadka dalkaas ku helaan lacag aad u jaban marka la eego wadamada kale. India qiimaha lacagta Internet-ka celcelis ahaan Halkii Gigabyte waa $0.09 waana lacag aad u jaban oo qof waliba u saaragelineysa in uu helo Internet Xawaare sare leh oo ay ugu baahi beeli karaan danahooda gaarka ah. Israel (Yuhuudda) ayaa Booska labaad soo gashay, adeegga internet-ka Halkii GB (Gigabyte) waxaa uga baxdo $0.11, halka dalka Kyrgyzstan ee dhaca bartamaha Aasiya lacagta ku baxdo GB-gii ay dhan tahay $0.21. Shabakadda Arabi21.com ee Masar ka diiwaangashan ayaa dabagal dheeraad ah ku sameysay qiimaha Internet-ka dalalka kala duwan ee Caalamka, waxa ay dul istaagtay wadamada lacagta sare ku hela iyo kuwo jaban. Soomaaliya halkee ayay kasoo gashay qiimeyntaan? Soomaaliya waxa ay kamid noqotay dalalka qiimaha jaban ku hela Internet-ka, waxa ay ka sare martay Dowlado carbeed oo ka dhaqaale iyo Xasilooni wanaagsan dalka xiligaan. Celceliska qiimaha halka Gigabyte ee Soomaaliya $0.5 (Nus Doollar), halka Yemen oo xuduud bad ah la wadaagto, kuna dhegan Boqortooyada Sacuudiga Internter-ka adeegsidiiga ay ku bixiyaan lacag intaas ka badan. Soomaaliya, Suudaan, Aljeeriya, Kuwayt iyo Morooko waa dalalka Qiimaha jaban ku hela Internet-ka marka la eego Dowladaha Carabta, halka Yemen iyo Suuriya ay ku bixiyaan dhaqaale dhan $5 sida ku xusan daraasadda la sameeyay.
-
Aqoonyaha iyo falanqeeye arimaha siyaasadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daqare ayaa sharaxaad ka bixiyay xaalada guud iyo xiisadihii ugu danbeeyay ee Wadanka Ethiopia iyo sidoo kale arimaha Doorashooyinka. Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Arimaha Doorashooyinka Iyo Xaalada Dalka Ethipia Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta daah furay qorshe lagaga hortagaayo fatahadaha wabiga Shabeelle uu ka geysto deegaanada Hirshabele waxa qorshaha ka mid ah in daraasad lagu sameeyo goobaha inta badan ay biyaha wabiga kasoo jabsadaan oo darasad dhab ah lagu soo sameyndono. Madaxweynuhu waxa kale uu bogaadiyay dadaalada horey ay uwadeen belshada Beledweyne oo ahaa kahortaga fatahada waxana uu kacodsaday in aysan kacaajisin oo ay sii laba jibaaraan. Beledweyne iyo deegaanada hoos yimaada waxaa dhibaato ku haayo fatahado kusoo noqnoqday taasi oo cuuryamisay ganacsiga gobolka uu caanka ku aha iyo bur bur magalada ka dhaxashay fatahadihi ku dhufsay 3 sano ee lasoo dhaafay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun Dil ah ku riday Nuur Daahir Geedi oo loo haysto dilka Cumar Xasan Macalim oo ka dhacay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kadib markii marxuumka dhintay ay askariga ku murmeen bedelitaanka lacag uu uga iibasanaayey Sigaar, taas oo sababtay labo xabad uu riday in mid kamida ay ku dhacday. Halkan Ka Daawo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur (Shuute) https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whatsssss.mp4 Source: goobjoog.com
-
Policeman to face death for murder of vendor over cigarette
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
MOGADISHU (HOL) - A policeman who shot dead a street vendor following a quarrel over a piece of cigarette has been slapped with the death sentence by a military court in Mogadishu. Source: Hiiraan Online -
PRESS RELEASE Post COVID-19: Africa’s growth stands to rebound to 3% in 2021, African Development Bank says in African Economic Outlook 2020 Supplement Post COVID-19: Africa’s growth stands to rebound to 3% in 2021, African Development Bank says in African Economic Outlook 2020 Supplement ABIDJAN, Ivory Coast, July 8, 2020/ — Governments and development partners must respond in a more coordinated, targeted, and rapid manner to be effective in limiting impact; An additional 49 million Africans could be pushed into extreme poverty by the pandemic and its aftermath; West and Central Africa stand to be worst hit Africa’s economic growth could rebound in 2021, provided that governments manage the COVID-19 infection rate well, according to updated forecasts from the African Development Bank (www.AfDB.org), released on Tuesday. In a comprehensive socio-economic assessment of the pandemic’s impact, the Bank said growth was now projected to rebound to 3% in 2021 from -3.4% in the worst-case scenario for 2020. The predictions are contained in a supplement to the Bank’s African Economic Outlook, which was released on 30 January. At the time, Africa’s growth was forecast at 3.9% in 2020 and 4.1% in 2021. The supplement cautioned that the growth outlook for 2021 and beyond would depend largely on African governments’ effectiveness in flattening the curve of the outbreak and policies to reopen economies. Charles Leyeka Lufumpa, Acting Chief Economist and Vice President for Economic Governance and Knowledge Management, at the African Development Bank, said: “To reopen economies, policymakers needed to follow a phased and incremental approach that carefully evaluates the trade-offs between restarting economic activity too quickly and safeguarding the health of the population. “ “Economic activities can be restarted incrementally on the basis of the transmission risks of different sectors,” Lufumpa said. The spread of the virus in Africa depends largely on the preparedness of countries to separate and treat infected patients, the supplement stated, noting that only 21 out of 54 African countries are clinically prepared to deal with epidemics. Executive Director of the African Economic Research Consortium and Former Governor of the Central Bank of Kenya, Njuguna Ndung’u described the African Economic Outlook 2020 supplement as “a very important and useful policy tool for African countries who actually need it at this time.” “It will be useful now and in the future. It gives us important short, medium- and long-term strategies,” he added, stressing crises like COVID-19 present a good opportunity for innovative reforms in countries. The supplement noted that the curve of the pandemic in Africa was flattening gradually. However, COVID-19 remains a serious threat to lives and livelihoods, given weak healthcare systems and limited social protection. The continent also remains vulnerable to other regional threats such as the locust swarms that have struck East Africa, as well as to extreme climate events. Under projected scenarios for contraction of growth, Africa could lose between $145.5 billion and $189.7 billion of GDP in 2020, according to the publication. Hanan Morsy, Director of the Macroeconomic Policy, Forecasting and Research Department at the African Development Bank, said “The African Economic Outlook 2020 Supplement shows that for the first time in the last half-century, Africa would be facing an economic recession as a fallout of the COVID-19 pandemic. This would affect the gains achieved in poverty reduction as an estimated 49 million Africans could be pushed into poverty, with about 30 million jobs at the verge of disappearing. Policymakers need to act fast to alleviate the impact of the crisis on vulnerable groups through well targeted social safety net measures.” Urgent interventions required The report called for urgent policy interventions to mitigate the impact of the pandemic: “Across Africa, the response must be well-sequenced and multipronged, involving a public health response to contain the spread of the virus and minimise fatalities, a monetary policy response to ease liquidity constraints and solvency risks, and a fiscal response to cushion the economic impacts of the pandemic on livelihoods and to assist businesses.” Other proposed interventions included labour market policies to protect workers and their jobs, and structural policies to enable African economies to rebuild and enhance their resilience to future shocks. The supplement warned that the tourism, transportation, and entertainment sectors may take longer to recover. Between 2017 and 2018, African travel and tourism grew by 5.6%, compared with the global average of 3.9%. According to Morsy, the supplement projected that, in the worst-case scenario, an additional 49 million Africans could be pushed into extreme poverty by the pandemic and its aftermath. The number of people in extreme poverty in Africa (using the $1.90 international poverty line) could reach 453.4 million in 2020 as a result of the pandemic, compared to 425.2 million under the no-outbreak scenario. People in West and Central Africa faced a higher risk of falling into extreme poverty due to the pandemic, but COVID-19 would also deepen poverty in East and Southern Africa. Confirmed cases of COVID-19 in 54 African countries stood at 304,642, with 8,087 reported deaths as of 22 June 2020. According to the supplement, reported figures were likely to be higher in reality because of limited testing capabilities in most countries. The authors said to reopen economies, policymakers needed to follow a phased and incremental approach that carefully evaluated the trade-offs between restarting economic activity too quickly and safeguarding the health of the population. They also must build public trust and buy-in and address structural bottlenecks that make the continent more vulnerable to future shocks. Qaran News
-
Gaariga Boolis ee qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa maanta qarax lagula eegtay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka madaxtooyadii Cabdiqaasim ee degmada Hodan. Qaraxa oo ahaa sida la aaminsan yahay miino nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ay leeyihiin ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana warar lagu kalsoonaan karo sheegayaan in ay ku dhinteen labo askari, sidoo kale ay ku dhaawacmeen seddex qof oo dad shacab ah ay ku jiraan. Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa u gurmaday ciidamada qaraxa lala eegtay, waxayna joojiyeen isku socodka dadka iyo gadiidka, inkastoo muddo yar kadib ay fasaxeen. Sawir laga soo qaaday gaariga qaraxa lala eegtay oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay gaariga astaanta ciidamada Booliska Soomaaliya iyo qeyb kamid ah oo burburay. Laamaha amniga Muqdisho ayaa weli ka hadlin qaraxan iyo khasaaraha ka dhashay, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa, inkastoo Al-shabaab ay fuliyaan weerarada noocaan ah. PUNTLAND POST The post Ciidamo Boolis ah oo qarax lagula eegtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wararkii ugu dambeeyey qarixii ka dhacay magaalada Muqdisho
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa qarax miino oo maanta Muqdisho lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa DF Somalia. Qaraxa oo ka dhacay degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasi Salaad Xasan ayaa waxaa lala helay gaari ay la socdeen ciidan Boolis ah. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku dhintay ugu yaraan illaa labo askari, halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 qof oo kale oo isugu jira askar iyo dad shacab ah. Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray baabuurka la qarxiyey oo ay ku buufsan tahay astaanta ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi, balse xaaladda ayaa haatan ah mid degan. Bishii hore ee June 18-keedii ayey aheyd markii qarax noocan oo kale ah uu ka bad-baaday taliye kuxigeenkii hore ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Cali Bariise, kaas oo lagula eegtay agagaarka meesha uu maanta qaraxa ka dhacay, balse wuxuu khasaare xoogan qaraxaas ka soo gaaray dad shacab ahaa oo la socday mooto Bajaaj. -
Waxaa faahfaafin dheeraad ah laga helayaa Qarax maanta ka dhacay dhabarka dambe ee Safaaradda dowladda Qatar ay ku leedahay magaalada Muqdusho, gaar ahaan xaafadda Taleex ee degmada Hodan. Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu haleelay gaari ay wateen ciidanka Booliiska dowladda Soomaaliya oo goobtaas marayey, waxaana jiro khasaare kala duwan oo soo gaaray askarta iyo dad shacab ah. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxa ku geeriyooday labo askari oo ka tirsan ciidamdii saarnaa gaariga qaraxa uu qabsaday, waxaa sidoo kale uu dhaawac soo gaaray 3 ruux oo shacab ah, kuwaas oo loo qaaday Isbitaallada. Ciidamada ammaanka ayaa goobta soo gaaray, kuwaas oo sameeyey baarintaanno, manajiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka laga helayo degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in diyaarad sida gaadiidka nooca aan xabada karin ay maanta ka degtay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi. Baabuurta Bullet Proof-ka ah ee laga dajiyey Dhuusamareeb oo gaaraya illaa labo ayaa waxaa la sheegay in loogu tala-galay in lagu qaado, laguna soo dhaweeyo madaxeynayaasha maamul goboleedyada tegaya halkaas ee ka qeyb-galaan shirka ka dhacaya magaaladaasi. Sidoo kale waxaa diyaar garow xoogan laga dareemayaa caasimada Galmudug oo beri uu ka furmayo shir ay ku leeyihiin dhammaan madaxda maamullada dalka. Sidoo kale waxaa si aad ah loo adkeeyey amniga, iyadoona ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka muhiimk ah ee Dhuusamareeb. Dhinaca kale waxaa magaalada ka socda qorshe looga saarayo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kadib markii ay dalbadeen madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo uu wei khilaaf uu kala dhexeeyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Shirka Dhuusamareeb oo 9-ka bishaan oo beri ku beegsan furmayaa ayaa waxaa laga filayaa in laga saaro war-murtiyeed ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta ku dhawaaqday xukun dil ah oo lagu riday Dable Booliis 24,682 Nuur Daahir Geeddi oo 16-06-2020 degmada Xamarjajab ku dilay, Cumar Xasan Macalin oo 70 jir ahaa. Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dable Booliis Nuur Daahir lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Cumar Xasan Macalin. Eedeysane Nuur Daahir Geeddi ayaa horey u qirtay inuu geystay falka dilka ah ee lagu soo eedeeyey. Sidoo kale dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Nuur ayaa dhacday 5-tii bishaan, iyada oo ay maxkamadda shaacisay in dib ka soo sheegi doonto xukunka ku dhacay Askariga, maadaama la dhageystay xeer ilaalinta iyo qareennada difaacayey eedeysanaha. Allaha u naxariistee marxuumka oo da’ahaa ayaa nolosha qoyskiisa ka maareynayay iibinta sandaqad yar, wuxuuna dilka marxuumka ka dhashay muranka labo kun shillin Soomaali ah oo sigaar kaga iibsanayay, waxaana dilkaasi uu dhaliyey caro dadweyne. Si kastaba ha’ahaatee maxkamadda ciidamada ayaa inta badan xukuno adag ku rida askarta dilalka bareerka ah ka geysta Muqdisho, iyada oo dhowaan dil toogasho ah ku xukuntay askarigii dadka shacabka ahaa bishii Ramadaan ku dilay agagaarka isgoyska Jubba ee degmada Boondheere, kaas oo isna ay dibad-baxyo waa-weyn ka dhasheen.
-
Maxkamadda Ciidamada ayaa xukun Dil ah ku riday Nuur Daahir Geedi oo loo haysto dilka Cumar Xasan Macalim oo ka dhacay degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir, kadib markii marxuumka dhintay ay askariga ku murmeen bedelitaanka lacag uu uga iibasanaayey Sigaar, taas oo sababtay labo xabad uu riday in mid kamida ay ku dhacday. Nuur Daahir Geedi ayaa ka tirsanaa ilaalada guddoomiyaha degamada Shangaani, waxaana uu xeer ilaalinta ka hor qirtay in xabad ka dhacay qorigii uu watay ay ku dhacday marxuum Cumar Xasan Macilim, kaas oo ahaa nin da’ah oo miis yar ku lahaa wadada dhinaceeda, waxuuna ka maareyn jiray nolosha qoyska iyo tiro caruura uu dhalay Odayga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax nooca miinada ah oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay degmada Hodan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in miidanadaas lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaliya. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay qaraxa, balse ma cadda inta uu la’egyahay. Xaaladda meesha uu qaraxu ka dhacay hadda ah mid aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. View the full article
-
Ururada Bulshada Rayidka ayaa bilaabay kulamo ay la qaadanayaan Madaxda ugu sareysa dalka, Guddiga doorashooyinka iyo axsaabta siyaasadda, iyagoo doonaya in xal iyo is afgarad siyaasadeed laga gaaro khilaafka doorashooyinka. Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Tahliil Shaatax oo hoggaaminaya xubnaha Bulshada Rayidka ayaa shalay kulamo gaar gaar ah la qaatay Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Cabdi Xaashi C/llaahi. Kulamadan ayaa ku saabsanaa sidii is afgarad looga gaari lahaa doorashooyinka dalka oo lagu mursan yahay, waxaana ay labada guddoon ay u soo jeediyeen inay xaliyaan khilaafka dhexdooda ah. Sidoo kale waxaa ay ururada bulshada rayidka la kulmeen Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka, waxaana ay la wadaageen in doorashada noqoto mid heshiis ku yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda. Habeen ka hor ayay aheyd markii Ururada Bulshada rayidka ay la kulmeen Madaxweyne Farmaajo, iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashada iyo sida ay la tahay in khilaafka siyaasadeed loo xaliyo. Ururada Bulshada rayidka ayaa la filayaa inay la kulmaan Xisbiyada Siyaasadda oo iyagana diidan doorasho hal dhinac uu wato oo aan heshiis lagu aheyn. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho. Qarax oo ahaa miino ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku taalla degmada Hodan. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomnaaliya oo marayey halkaasi. Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafadaha qaar ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo xiray aaga uu qaraxu ka dhacay. Bishii hore ee June 18-keedii ayey aheyd markii qarax noocan oo kale ah uu ka bad-baaday taliye kuxigeenkii hore ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Cali Bariise, kaas oo lagula eegtay agagaarka meesha uu maanta qaraxa ka dhacay, balse wuxuu khasaare xoogan qaraxaas ka soo gaaray dad shacab ahaa oo la socday mooto Bajaaj.
-
Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa shuruud adag hor dhigay tagitaanka Dhuusamareeb, halkaas oo lagu wado in maalita barrito ah oo 9 bisha ah uu ka furmo shirka madaxda dowlad goboleedyada, oo uu marti geliyey madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor. Labada madaxweyne ayaa maamulka martida loo yahay waxaa ay ka dalbadeen in magaalada gabi ahaan laga saaroo ciidamada Booliska gaarka ee Haramcad, waxaana ay sheegeen in aysan imaan doonin Dhuusamareeb inta ay ku sugan yihiin ciidamadaas, iyaga oo sheegeen in Haramcad ay hoos tagaan dowladda federaalka kana amar qaataan . Maamulka Galmudug ayaa bilaabay sidii loo soo dad gureyn lahaa ciidamadaan, kuwaas oo gaarayo 200 oo askari oo Galmudug la geeyey waqtigii doorashada wixii intaas ka dambeeyey waxaa ay ku suganaayeen magalada, waxaa la filayaa in Harmcad in dib luugu soo celiyo magaalada Muqdisho oo markii hore laga daad gureeyey ciidamadaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Saaka oo Arbaco ah xukun dil ah ku ridday eedaysane Nuur Daahir Geedi oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska Soomaaliya kaas oo lagu helay in uu dil u gaystay Qof Shacab ah. Xukmanaha ayaa lagu helay in uu 16-kii June 2020 Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ku dilay Marxuum Cumar Xassan Macallin oo kamid ahaa Ganacsatada Yar yar ee Degmadaasi kadib markii ay isku af-dhaafeen xabbad Sigaar ah. Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Xukmanuhu haysto Rafcaan-qaadasho ku siman mudda 30 Cisho ah. Halkaan ka daawo Muuqaalka Xukunka PUNTLAND POST The post Muqdisho: Askari xabad Sigaar ah ku dilay Qof Shacab ah oo dil toogasho ah lagu xukumay appeared first on Puntland Post.
-
Allaah unaxariistee waxaa Isbitaal ku yaallo wadanka Koonfur A frika ku geeriyooday muwaadin Soomaaliyeed, kaas oo uu ku dhacay xanuunka Coronavirus. Muwaadinka ayaa lagu magacaabi iray Maxamed Cabdi Xasan, waxaana muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaa Isbitaal ku yallo magaalada Pretoria ee caasimadda wadankaasi. Wadanka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid mid yahay wadamada Afrika ee sida weyn uu u saameeyey xanuunka Coronavirus, kaas oo dunida qalqal badan ku haayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Wafdigi uu hogaaminayay ayaa dib ugu noqday caasimadda Galmudug ee Dhuusamareb, halkaas oo si diiran ay ugu soo dhaweeyeen wadiga, iyadoo soo dhoweynta madaxweynaha ay ka qeyb qaateen maamulka gobolka iyo qeybihiisa kala duwan iyo bulshada. Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo muddooyinkii dambe safar nabaddeed ku marayey deegaannada Galmudug, ayaa waxaa lagu wadaa inuu maalinta barrito in magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galo shirka madax maamul gobolada, kaas oo uu marti geliyey dowlad goboleedka Galmudug, kaas oo looga hadlaayo xaalada guud ee dalka. Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa ku sii qulqulaya wufuud hor dhac u ah kuwa madaxda dowlad goboleedyada oo lagu wado in maanta gelinka dambe ay gaaraan magaalada Dhuusameeb, halkaas oo muddo kadib ay kulmi doonaan madaxda dowlad goboleedyada oo aysan cid kale ku wehlin kulanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dil saacaihii la soo dhaafay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda loogu geystay duleedka Muqdisho. Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, kaas oo ay fuliyeen rag hubeysan, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah. Wararka ayaa sheegaya in kooxda dilka fulisay oo ku hubeysnaa bistoolado ay goobta isaga baxsatay falka kadib. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi. Ilo wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in marxuumka la dilay uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda, basle waxaa dilkaasi sheegatay kooxda Al-Shabaab. Muddooyinkii la soo dhaafay waxaa sii kordhayey dilalka ka dhanka askarta iyo saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.
-
Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in markale halkaas uu ka dhacay weerar dil ah oo lagu khaarijiyay sarkaal ciidan. Xoogag hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ku dilay sarkaal katirsanaa taliska ciidanka Xoogga dalka ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Ilo wareedyo ayaa Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho u sheegay in dabley hubeysan ay toogteen sarkaal ay darajadiisa ciidan aheyd Sarreeye Guuto. Xarakada Al-Shabaab ayaa war kooban oo ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay sarkaalkaasi. Weerarada lagu beegsanayo askarta iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Muqdisho iyo hareeraheeda ayaa maalmahaan dambe si aad ah u xoogeystay. View the full article
-
Soomaaliya oo xaqiijisay mid ka mid ah halbeegyada caalamiga ah ee loogu tala galay Maareynta Musiibooyinka. Dowladda Soomaaliya ayaa horumar ballaaran ka sameysay xaqiijinta himilooyinka ku dhIgan hannaan howleedka loo yaqaan SENDAI (Sendai Framework for Disaster Risk Reduction). Si loo yareeyo khataraha musiibooyinka dalka ka dhaca, loona badbaadiyo naf iyo maalba, waxaa hannaan howlaadkiis dhigayaa in dalkasta uu yeesho xarun qaran oo bixisa digniinaha hore ee halista dalka ka dhaca. iyadoo taas laga amba qaadeeyo, ayaa waxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka ay dadaal dheeraad ah ku bixisay si ay uga mira dhaliso unkidda iyo la soo wareegidda habka isbadelka cimiladda iyo ka digtoonaanta khataraha musiibooyinka,Dhawaan ayaa ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya si rasmi ah xariga uga jaray xarunta bixin doonta mid ka mid ah adeegyada ugu muhiimsan ee ah dhismaha itaalka bulshooyinka ku nool goballada iyo degmooyinka dalka. Sidoo kale hiigsiga ku saabsan in la sameeyo xaruntan waxey ku jirtay qorshaha Tubta arimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya halbeegiisa shanaad ‘5.2.’ taas oo looga gol lahaa in Wasaaraddu ay hirgaliso Xarun qaran oo bixisa digniinaha hore ee halis wadareedka. Xaruntani waxay digniinaha hore ka bixineeysaa halista ku soo fool-leh dadka iyo dalkaba sidaa darteed waxay ka koobantahay illaa afar qeeybood oo mid kasta ay qabato shaqa gooni ah, waxayna kala yihiin: 1- Qeybta xog ururinta iyo daraaseeynta halis-wadareedka 2- Qeynta adeega la socodka xaal adda iyo bixinta digniinaha halis-wadareedka 3- Qeeybta baahinta digniinaha hore ee halis-wadareedka 4- Qeeybta dejinsa qorshaha ka jawaab celinta halis-wadareedka Nidaamka ay xaruntani ku shaqeeyso iyo adeega ay bixineeysaba dadka ayaa xudun u ah, waxaa sidoo kale nidaamkan waajib ku ah in uu muwaadhinka shakhsiga ah iyo bulshadaba awood u siiyo si ay goor hore u ogaadaan khatarta halista ku soo fool-leh, una helaan wakhti ku filan oo ay go’aan a. Mabaadii’da Hagta nidaamkan Nidaamkan waxaa haga oo bud-dhig u ah qorshaha horumarinta qaranka, siaasadda qaran ee Maareeynta Khataraha Musiibooyinka, sharciga qaran ee maareeynta musiibooyinka oo ay sumadiisu tahay (Lr. 17) iyo istaraatiijiyadda caalamiga ah ee (Sendai Framework) hadafkeeda (G) oo qeexaya lagama-maarmaannimada nidaamka bixiya digniinaha hore ee halis wadareedka. Ku dhawaaqista Xaaladda degdega ah ee Masiibooyinka Sida ay qabto siyaasadda qaran ee maareeynta khataraha musiibooyinka, ku dhawaaqista xaaladaha degdega ah ee masiibooyinka dalka ka dhaca waxaa aasaas u ah in la hayo xog ku filan oo ga’aan lugu qaadan karo si loogu dhawaaqo xaalad degdeg ah. Ku dhawaaqista xaaladaha degdega ah waxaa is ka leh Madaxweynaha Jamhuuriyadda sidaa darted ayuu nidaamkan ka digista halistu waxa uu u yahay udub dhexaadka iyo isha xogta la isticmaalayo marka lugu dhawaaqaayo xaaladda dedega ah. Dhismaha nidaamka qaran Heykalka Dhismaha nidaamkan qaran wuxuu salka ku hayaa oo uu ku dhexdhisanyahay qaab dhismeedka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka, waaxdeeda Maareeynta khataraha musiibooyinka. Sidoo kale waxay wada shaqeeyn joogta ah la yeelaneeysaa saktarada ay hogaanka u hayaan wasaaradaha kale ee dhigeeda ah, sida; wasaaraddaha adeega bulshada ka shaqeeya badankood. Xogta ay Xaruntu soo saarto Xogta rasmiga ah ee nidaamka xaruntu soo saarto waxaa ka mid ah; xogaha joogtada ah iyo midda xilliyeedka ah oo isugu jira (a) saadaasha roobabka, (b) saadaasha heerkulka (c) la socodka halista abaaraha (d) la socodka halista fatahaadaha (e) la socodka halista duufaannada (f) la socodka waxyeellada Ayaxa Saxaraha, iyo (g) halista cudurada faafa iyo kuwa saf-mareenka ah. Xaruntani waxay ku shaqeeyneeysaa qalab casri ah oo isugu jira aalado kombiyuutar oo awood badan iyo shaashado aad u waaweeyn oo lagala socdo xaaladaha hadba sideey isku badalayaan. Xarunta waxaa loo carbiyay shaqaale aqoon xambaarsan, joogto ah oo u dabacsan, kana soo bixi kara waajibaadka loo igmaday. Sidoo kale xaruntani xogaha ay soo saarto waxaa loo baahiyaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin; Raadiyaha, Telefishinka, Mareegta internetka oo Website, Twitter iyo Facebook-ba leh, iyo qaab toos digniinaha loogu diro dowlad goboleedyada Federaalka ku mideeysan oo illaa heer dagme ayeey digniintaasi hadda gaari kartaa, waxaana rajeeyneeynaa in aan awood u helno sidii aan ku gaarsiin lahayn illaa iyo heer tuullo. View the full article
-
Ururada bulshada rayidka ah ayaa kulmo gooni gooni ah la kala qaatay guddoonka labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo maalmihii dambe uu dhex yaallay khilaaf ka dhashay xeerarka doorashooyinka dalka. Ururuuda ayaa kulankii hore la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabraxmaan, labada dhinac ayaa islula gorfeeyey arrimaha la xirrira doorashooyinka iyo halka golaha ay wax u marayaan . Urururada bulshada rayodka ah ayaa sidoo kale la gulmar guddoomiyaha Aqlka sere Cabdi Xaashii iyo ku-xigeenkiisa 1-aad Abshir Maxamed Axmed, waxaana ay kala hadleen in muhiim ay tahaya in lahelo xasiilooni sisaasadeed oo la gaaro ka hor doorashada dalka ku soo wajahan ka hor ee Baarlamaanka iyo Madaxweynha. Ururada bulshada rayidka ah ayaa waxaa ay qaadanayaan doorkooda dhexdhexaadin ee guddoonka labada gole ee baarlamaanka federaalka oo muddooyinkii dambe uu ka dhex taagnaa khilaaf ka dhashay, arrimaha doorashooyinka, kadib markii golaha aqalka sare uu diiday xeerkii guddiga isku dhafka oo ay sheegeen inuusan aheyn kii ay horay. Source: goobjoog.com
-
Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in si gooni-gooni ah ay magaalada Dhuusamareeb u gaaraan madaxda maamul goboleedyada oo shir xasaasi ah ku leh magaaladaasi. Diyaar-garow iyo qaban-qaabo ku aadan shirkaasi ayaa haatan ka socota caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in si aad ah loo adkeeyey amniga magaaladaasi, islamarkaana ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka muhiimka ah. Wararka ayaa dhinaca kale waxa ay sheegayaan in madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in Dhuusamareeb laga saaro ciidamada Booliska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad oo ay horey magaaladaasi u geysay DF Somalia. Shirka Dhuusamareeb ee beri furmaya ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka. View the full article
