Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,437
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mareykanka oo laga helay cudur kale oo Khatara oo maskaxda bani’aadanka cuna Hal kiis oo ah cudur maskaxda bani’aadanka unugyadeeda cuna ayaa laga xaqiijiyay gobolka Florida ee dalka Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee gobolkaas. Cudurkan ayaa ah mid dhif ah oo aan marar badan la arkin, balse halistiisu ay aad u weyn tahay. Waaxda Caafimaadka ee Florida (DOH) ayaa sheegtay in qofka laga helay cudurka, oo ku sugan deegaanka Hillsborough uu muujiyay calaamadaha xanuunkaas, oo lagu magacaabo Naegleria fowleri. Cudurkan oo jeermiskiisa uu yahay ili ma qabato ayaa ku dhex faafa maskaxda, wuxuuna sida lagu yaqaanno sababaa dhimasho deg deg ah. Inta badan cudurkani wuxuu ka dhashaa bisha nadiifta ah ee diirran, wuxuuna jirka kasoo galaa sanka. Mas’uuliyiinta caafimaadka ee Florida wali ma aysan faahfaahinin halka cudrkan uu qofka ka qaaday iyo xaaladdiisu sida ay hadda tahay toona. Khubarada ayaa sheegay in cudurkan uusan ahayn mid ay si toos ah dadka isu qaadsiin karaan. Laakiin waxay isugu gudbin karaan si dabdab. Tusaale ahaan, biyaha uu isticmaalay qof qaba cudurka ayaa qof kale u gudbin kara marka ay sankiisa gaaraan. Cudurka Naegleria fowleri wuxuu dadka ku dhacaa markii ay biyaha jeermiskiisa leh sanka ka galaan Cudurrada caabuqa ah ayaa si joogto ah loogu arkaa gobollada koonfureed ee dalka Mareykanka. Laakiin aad bay dhif ugu yihiin gobolka Florida, waxaana tan iyo sanadkii 1962-kii laga helay 37 kiis oo kaliya. Hase yeeshee, maadaama ay khatar badan oo dhimasho ah ka dhalan karto, waaxda caafimaadka ayaa 3-dii bishan July soo saartay digniin ay dadka ku dhaqan deegaanka Hillsborough ugu sheegeyso inay ka taxaddaraan cudurkaas. Shacabka waxaa lagula taliyay inay sankooda ka ilaaliyaan biyaha tubooyinka iyo ilaha kaleba. Biyaha laga digay waxaa ka mid ah kuwa waraha, harooyinka, wabiyada, ceelasha, dooxooyinka iyo kanaallada. Dhammaan meelahaas waxaa la rumeysan yahay inuu jeermiska ku nool yahay xilliga xagaaga ee ay kuleylaha jiraan, gaar ahaan inta lagu guda jiro bilaha July, August iyo September. Dadka uu ku dhaco cudurka Naegleria fowleri waxaa calaamadaha ay isku arkayaan ka mid ah qandho, lalabo iyo matag. Sidoo kale waxay dareemi karaan xanuun qoorta iyo madaxa ah. Inta badan bukaannada uu haleelo waxay ku geeriyoodaan hal isbuuc gudihiis. Naegleria fowleri waa dilaa Saraakiisha waaxda caafimaadka waxay dadka calaamadahaas isku arka ku boorrinayaan “inay si dhakhso ah gargaar caafimaad u raadsadaan, maadaama uu cudurkan deg deg waxyeello u geysto”. “Xasuusnow in cudurkan uu yahay mid dhif ah, ka hortaggiisuna uu muhiim u yahay in si nabad ah looga gudbo xilliga xagaaga ee uu diirimaadka jiro,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay waaxda caafimaadka ee Florida. Caabuqyada cudurka Naegleria fowleri way ku yaryihiin dalka Mareykanka, sida ay sheegtay laanta xakameynta iyo ka hortagga cudurrada ee dalkaas. Intii u dhaxeysay sannadihii 2009 ilaa 2018 waxaa waddanka Mareykanka laga soo tabiyay 34 kiis oo kaliya. 30 ka mid ah dadka uu cudurka ku dhacay waxay toos uga qaadeen biyaha, saddex ka mid ah wuxuu ka soo raacay tubooyin ay biyo ka isticmaaleen dad caabuqa qaba oo sankooda taabtay, halka qof kalena uu cudurka ka qaaday tubo Waddamo kale, oo ay ka mid tahay Pakistan, ayaa cudurkan dilaaga ah laga soo tabiyay. Sanadkii 2012-kii ayuu 10 ruux ku dilay magaalada Karachi. Qaran News
  2. Minnesota (Caasimadda Online) – Gabar Soomaali ah oo deggan Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa la kulantay xad gudub ka dhan ah diinteeda kadib markii si dadban loola xiriiriyay ururka ISIS, iyadoo loo xaglinaayo diinteeda. Gabadhaan oo wax ka iibsaneysay maqaayadda Starbucks eek u dhex talla dukaanka weyn ee Target ee magaalada St. Paul ee caasimadda gobalka, ayaa waxaa qof maqaayadda ka shaqeynayey uu koobkii shaaha ugu qoray ISIS. Magaca gabadhaan kaliya waxaa lagu soo kooba Caa’isha, waxeyna garab ka heleysaa hay’adda CAIR ee u doodad xuquuqda Muslimiinta Mareykanka. Shir jaraa’id oo ay labada dhinac si wadajir ah u qabteen ayey si kulul ugu dhaleeceeyeen maamulka Target oo ay sheegeen iney dafireen xadgudubka ay u geysteen gabadhaan kasoo jeeda Soomaaliya. Hay’adda CAIR iyo gabadha xad-gudubka lagu sameeyay labaduba waxey ku baaqeen in shaqaalaha xad gudubka sameeyay laga ceyriyo maqaaxida. Muslimiinta ku nool dalalka reer Galbeedka waxey mararka qaar la kulmaan tacdiyo dadban oo loogu gafayo, taasna waxey dhalisaa cabsi galin shaqsiyadeed.
  3. Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka socda qaban qaabada Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa aad loo adkeeyey Amaanka Magaalada iyadoo meel walba Ciidan la dhigay. Waa markii [...] The post Dhuusamareeb iyo maanta, Ciidan hordhac u ah Madaxweyne Deni oo gaaray(Sawiro) appeared first on . Source
  4. Two police personnel were killed and several others injured following a roadside explosion in the Hodan district of Mogadishu on Wednesday morning. The blast occurred in the vicinity of Abdikasim Salad in the capital’s Hodon district. The security forces have cordoned off the area after the incident and ambulances evacuated the wounded persons to a nearby hospital for medical treatment. Al-Shabaab has claimed responsibility for the attack, which comes days after a car went off around Mogadishu seaport, wounding at least seven people on the spot, per police source. View the full article
  5. An outbreak of cholera and acute watery diarrhea in Somalia had killed 26 people in the past six months, a UN health agency said on Tuesday. The World Health Organization (WHO) said in its latest joint report with the ministry of health on the outbreak in Somalia that a total of 4,787 suspected cases were reported from 25 districts in Somalia. “A total of 26 associated deaths were also reported during the same period,” said the WHO, noting that districts with the highest number of cases are in Banadir, South West State, and Hirshabelle. The current cholera outbreak started in December 2017 following floods that affected districts in the basins of Jubba and Shabelle rivers. Cholera is a gastrointestinal disease, usually spread by contaminated water and food, and can cause severe diarrhea that, in extreme cases, can lead to fatal dehydration and kidney failure within hours. View the full article
  6. The Somali military court in Mogadishu has on Wednesday announced the death sentence handed down to a government soldier for killing an elderly businessman in Mogadishu. According to the court verdict, the policeman, Nur Dahir Gedi was found guilty for the murder of Omar Hassan Moalim in Mogadishu Hamar Jajab district following last month. The victim who was a street vendor was shot dead by the police officer after a disagreement on a piece of cigarette costs 2,000 Somali Shillings. The chair of the military court, Hassan Nur Shute said the ruling is open for an appeal if the convict is not satisfied by the decision. View the full article
  7. Addis Ababa ( PPM ) – Abiy Ahmed, the Nobel Laureate and the Ethiopian Prime Minister, has had a vision that could put Ethiopia on the path to changing its image as an ancient African country that has never had genuine parliamentary democracy. He expounded his philosophy in Medemer ( roughly translated into English as togetherness) and dissolved EPRDF to merge all existing political parties into the Prosperity Party, a new authoritarian party. Abiy expressed a penchant for market economy as opposed to the developmental state policies pursued by TPLF. His economic policies have come under fire from Berhanu Nega, the leader of Ethiopian Citizens for Social Justice, who regards the privatisation agenda of the PP-dominated Ethiopian government as lacking a sound economic rationale. Abiy Ahmed owes his ascendency mainly to Oromo demonstrators whose opposition to EPRDF policies led to the emergence of Oromara, an alliance of Amhara and Amhara demonstrators against TPLF. The Oromo Federalist Congress is the main political party challenging the claim of the Prosperity Party that it is a party of Ethiopian peoples. The arrrest of senior OFC leaders in Addis Ababa points to Abiy’s intention to disqualify the party from participating in elections. Medemer in Oromo language: The philosophy of Propsperity Party is Greek to many Ethiopians Abiy described the challenges he faces as an urban warfare at which his government excels. The assassination of a popular Oromo singer pushed the Ethiopian government to return to m dictatorship exemplified by the military fatigues Abiy Ahmed wears these days to project an image of a strong leader. The accusation levelled against Ethiopian political leaders in detention revives fears that Ethiopia has relapsed into brutal dictatorship on par with the Derg regime, this time with help from the United States. Emperor Haile Sellasie’s reliance upon the United States delayed not only necessary reforms against a feudal system but it also drove Ethiopia into the arms of Marxist dictatorship. With Tigray planning to hold local elections in defiance of the Federal Government, Abiy Ahmed is contemplating the introduction of emergency laws after the Ethiopian parliament had postponed elections due to Covid-19. Instead of diminishing the impact of identity politics the Ethiopian government has stoked ethnic hatreds. Ethnicity is a reality in ethiopia. It is up to the political class to work out a way to rule without imposing dictatorship-driven unitarian system or distinct ethnic regions where citizen interactions are non-existent. Where the state is the tool of the ruler, social harmony decreases particularly in a multi-ethnic nation state. Prime Minister Abiy Ahmed still has a chance to choose a path of reconciliation. Lack of a democtratic tradition in Ethiopia is never a reason to don military fatigue and project an image of an all-powerful emperor. Those pretensions ended in utter failure for past Ethiopian rulers. Medemer has turned out to be a hastily concocted political manifesto for dictatorial regime in Ethiopia. © Puntland Post Monthly, 2020 Click here to download a full webzine The post “MEDEMER” IS IN TATTERS IN ETHIOPIA appeared first on Puntland Post.
  8. Dowladda federaalka Somalia ayaa sanadkaan bilowgiisa ciidamada booliska kusoo biirisay kuwa Daraawiishta, oo lagu soo tababaray dalka Jabuuti, halka qaar kale ay tababarkooda ku qaateen xerada Jen. Kaahiye, waxaana ciidankaan qorshuhu ahaa in la gaarsiiyo ilaa 2,000. Tababarkii ugu horeeyay ee ciidamada Daraawiishta lagu soo biiray booliska ayaa waxaa ka qalin jabiyay 300 askari, kuwaasi oo loo tababaray la-dagaalanka argagixisada, sirdoonka iyo in ay ka hortagaan qaraxyada iyo baarista, waxaana hakad uu ku yimid in cadadkii ee loo qorsheeyay la gaarsiiyo, ilaa haddana wax ciidankaasi kuwo la mid ah oo tabular loo sameeyay aysan muuqan. Tababarka ciidamada Daraawiishta booliska Somaliaayaa waxaa iska kaashanayay booliska UNPOL ee Qaramada Midoobay, booliska Midowga Yurub EUCAP, UNSOM iyo xafiiska tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM). Ciidamada Daraawiishta ayaa waxaa horay ugu jireen deegaanada maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, balse kuwa DFS ay ka duwan yihiin.
  9. Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle Galmudug ayaa ka hadashay warar laga faafiyay ciidamada Booliska gaar ah Federaalka (Haramcad) ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb. Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta Shabeelle ayaa beeniyay warar lagu baahiyay qaar kamid ah warbaahinta Soomaalida iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in ciidamada Haramcad ee jooga Dhuusamareeb loo daadguraynayo Muqdisho, kadib markii ay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubblanad ay walaac ka muujiyeen. Wasiir Falagle ayaa xusay in aysan jirin sabab ciidamada Haramcad looga saaro Dhuusamareeb, wuxuuna wararkaas ku tilmaamay dacaayad qaawan oo la rabo in lagu khalkhalgaliyo shirka iyo qorshaha ka socda Dhuusamareeb. Codka Wasiirka Warfaafinta Galmudug Dhanka kale magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa laga dareemayaa u diyaar-garowga shirka dowlad gobaleedyada oo Khamiista berriya ka furmaya halkaas. Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa maanta ka degtay diyaarad siday ilaa afar gaari oo ah nooca aan xabadu karin (Bullet-Proof), kuwaas oo loogu talagay madaxda ka qeybgalaysa shirka. Dowlad goboleedyada qaar ayaa ciidamo u diray Dhuusamareeb, Wasaaradda Amniga Puntland ayaa shaacisay in ciidamo ka tirsan Madaxtooyada Puntland ay safar dhulka ah ugu baxeen Dhuusamareeb, kuwaas oo hordhac u ah Madaxweyne Deni. Qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa dhici karta in ay galabta ka degaan Dhuusamareeb, balse intooda badan ayaa berri ku wajan. PUNTLAND POST The post Galmudug oo beenisay warar laga faafiyay iyo wararkii ugu dambeeyay ee shirka Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.
  10. Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qaban-qaabadii ugu dambeysay shirka Dhuusamareeb haatan laga dareemayo gudaha magaaladaasi. Ammaanka ayaa aad loo xoojiyey, iyada oo ciidamo dheeraad ah la dhigay jidadka muhiimka ah magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in maanta garoonka degmadaasi laga dajiyey gaadiid nooca aan xabadda karin oo loogu talagalay in lagu soo dhaweeyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo saacadaha soo socda gaari doono halkaasi. Galmudug ayaa dhinaca kale beenisay weerar lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka oo sheegayey in ciidamada Haramcad laga qaadayo gudaha magaaladaasi. Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in weerarkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana ay faafiyeen dad uu ku eedeeyey inay doonayaan carqaladeynta shirka Dhuusamareeb. Shirka beri furmaya ee madaxda maamul goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in looga hadlo xaaladda dalka, amniga iyo doorashooyinka dalka ka dhacaya 2020/2021. View the full article
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka baxay heshiisyo uu la galay madaxda maamul goboleedyada, sida uu ka dhawaajiyay Senator Iftiin Xassan Baasto oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Waxaa jiray kulan dhawaan Internet-ka ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana jirta eed ah in madaxweynaya uusan fulin heshiisyo uu ballan qaaday. Iftiin Xasan Baasto oo Aqalka Sare ee Baarlamaanka ku matala dadka deegaanka Jubbaland ayaa u sheegay warbaahinta in madaxweynaha uu fulin waayay ballan qaadyo badan taasna ay sababtay inuu baaqdo Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee lagu balansanaa inuu Muqdisho ka dhaco 5-tii bishaan. Madax goboleedyada ayaa kadib shirkaas baaqday waxay go’aan ku gaareen inay iskood u kulmaan waxayna ku ballansan yihiin magaalada Dhuusomareeb, oo ay berri isugu tegayaan. Iftiin Xasan Baasto oo lagu tiriyo tiro masuuliyiin ah oo aan taageersaneyn xukuumada hadda jirta ayaa qaba in Farmaajo uu wado kala fogeyn dhanka maamullada ah halkii uu isku soo dhaweyn lahaa. Xildhibaanka wuxuu nasiib darro ku tilmaamah in Madaxda Dowladda dhexe aysan ka qeyb gali doonin shirka berito uga furmi doona Madaxda Maamul Goboleedyada.
  12. Idiris Cumar Teeshow oo haatan dhibane ah ayaa sheegay in dhul uu isagu leeyahay ay heystaan dad u awood sheeganaya, kaas oo ku yaalla magaalada Jowhar, islamarkaana ay maalin ka hor isku dagaaleen ciidamada HirShabelle iyo dadka heysta dhulkaasi. Teeshow ayaa tilmaamay in dhulkan uu dacwaddiisa la tegay illaa heer maxkamad, loona xukumay, kadib markii la hubiyey dukumintiyadiisa. Sidoo kale wuxuu baaq u diray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa HirShabelle, isaga oo ka codsaday inay soo fara-geliyaan arrintaasi, si uu cadaalad u helo. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/teshow.mp3 View the full article
  13. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta ku dhawaaqday xukun dil ah oo lagu riday Dable Booliis 24,682 Nuur Daahir Geeddi oo 16-06-2020 degmada Xamarjajab ku dilay, Cumar Xasan Macalin oo 70 jir ahaa. Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Dable Booliis Nuur Daahir lagu xukumay dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Cumar Xasan Macalin. Eedeysane Nuur Daahir Geeddi ayaa horey u qirtay inuu geystay falka dilka ah ee lagu soo eedeeyey. Sidoo kale dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Nuur ayaa dhacday 5-tii bishaan, iyada oo ay maxkamadda shaacisay in dib ka soo sheegi doonto xukunka ku dhacay Askariga, maadaama la dhageystay xeer ilaalinta iyo qareennada difaacayey eedeysanaha. Allaha u naxariistee marxuumka oo da’ahaa ayaa nolosha qoyskiisa ka maareynayey iibinta sandaqad yar, wuxuuna dilka marxuumka ka dhashay muranka labo kun shillin Soomaali ah oo sigaar kaga iibsanayay, waxaana dilkaasi uu dhaliyey caro dadweyne. View the full article
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Cabdi waare ayaa maanta magaalada Beledweyne ka daah furay mashruuca biyo-xereenka Beledweyne,si wax looga qabto fatahadda magaalada Beledweyne ku soo noq-noqata. Wasiiro ka mid ah dowlad goboleedka Hirshabelle, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, guddiga gurmadka fatahaadda Beledweyne iyo qeybaha bulshada ayaa munaasabadda daah-furka ka soo qeyb galay. Intii uu kulanka socday waxaa qaabka fogaan araga uga qeyb-galay madaxda ugu sarreysa hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobey ee FAO iyo Hay’ado kale oo soo bandhigay qorshadooda wax qabad ee ku aadan fatahaadda iyo sida aay diyaar ugu yihiin in dowlad goboleedka hirshabelle aay ka caawiyaan wax ka qabashada arrimaha fatahadda. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Cabdi Waare ayaa sheegay in mushruucan uu ka koobanyahay seddax qeyb aayna koow ka tahay in wax laga qabto 60- goobood oo wabiga uu kasameeyo fatahaadda oo guud ahaan ku yaalla deegaanada Hishabelle iyo in la adkeeyo 8- goob oo lasoo cayimay kaddib qiimeynta guud. Ugu dambeyn madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Cabdi waare ayaa shahaado sharaf uu ku muteystay dib-u Heshiisinta iyo wax ka qabashada arrimaha fatahaadda Beledweyne gudoonsiiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan. View the full article
  15. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya saaka lagula eegtay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay agagaarka xaruntii hore ee madaxtooyada Cabdiqaasim, waxaana lala bartilmaameedsaday gaari ay saarnaayeen askar Boolis ah. Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali oo wareysi Shabelle ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku dhinteen illaa askari oo ka mid ah ciidamadii la socday gaariga la qarxiyey, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen labo qof kale oo rayid ahaa. Sidoo kale afhayeenka ayaa tilmaamay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo nooca miinada ah iyo dilal qorsheysan u geysata askarta dowladda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
  16. (SLT-Hargeysa)- Waxa baaqday Shir Magaalada Jabuuti Toddobaadkan uga furi lahaa Guddiyadii farsamo ee loo xulay inay sii wadaan Waxyaabihii lagaga Wada-hadlay Shir-madaxeedkii Somaliland iyo Soomaaliya ugu soo gebogabeeyay Dalka Jabuuti. Saddex Guddi oo loo xulay inay ka wada-hadlaan Arrimaha Saldhigga u ahaa Wada-hadallada, gaar ahaan Qodobbadii lagu heshiiyey ayaa Qorshuhu ahaa inay Sabtidii Toddobaadkan isku hor-fadhiistaan Magaalada Jabuuti, laakiin wuu baaqday Shirkaasi. Guddiyada Somaliland iyo Soomaaliya u soo xuleen inay sii wadaan Wada-hadallada ayaa Qorshuhu ahaa inay Jabuuti ku kulmaan 15 Maalmood ka dib, taasi oo ka soo bilaabmaysay 18-kii Bishii June, 2020 oo Jabuuti la soo gebogabeeyay Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee ay goob-joogga ka ahaayeen labada Madaxweyne, hase-ahaatee kulankan oo ku beegnaa Sabtidii la soo dhaafay ayaan suurto-gelin. Ilaa hadda ma Cadda Sababta baajisay kulanka ay Jabuuti ku yeelan lahaayeen Guddiyada farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin baaqashada ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya Toddobaadkan hawada ka celisay diyaarad ku soo jeeday dhinaca Magaalada Hargeysa, taasi oo la Qiyaasi karo inay dhalin karto Xurguf siyaasadeed ee cusub. Dhinacyada Arrintani khusayso ayaan illaa hadda wax yar ah ka soo saarin sababta keentay baaqashada. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Safiirka Jamhuuriyadda Dalka ee Shiinaha u fadhiya Dalka Soomaaliya Ambassador Qin Jian ayaa la sheegay inuu socdaal ku imanayo Caasimada Somaliland ee Hargaysa. Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi,haddana warar soo baxaya ayaa sheegaya in safiirku doonayo inuu socdaal ku yimaado Hargaysa si uu ula kulmo Madaxwayne Biixi Socdaalka safiirka ayaa la xidhiidha iskaashiga cusub ee u bilaabmay Somaliland iyo Taiwan. Lama garanayo in safiirka Shiinuhu u socdo oo kaliya inuu isku dayo inuu Somaliland ku qanciyo in ay ka laabato xidhiidhka cusub ee Taiwan iyo in uu u socdo qorshe kale. Shiinaha ayaa kor iyo hoosba u sheegay inaanu ogolayn in Taiwan xidhiidh la samayso Dalalka Somaliland ka midka tahay, isaga oo markii uu soo baxay heshiiska Somaliland iyo Taiwan ku eedeeyay Somaliland inay duulaan ku tahay midnimada dhuleed ee Shiinaha, laakiin arrinkaasi waxa ku gacan-saydhay Taiwan iyo Somaliland labadaba Source
  18. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Magaalada Dhuusamareeb ayaa bandow lagu soo rogay sida ay ka dhawaajiyeen saraakiisha amniga maamul goboleedka Galmudug, waxeyna u diyaar garoobayaan shirka berito halkaas uga furmaya Madaxda maamullada dalka. Sida laga soo xigtay saraakiisha, Bandowga waa mid kaliya lagu sugayo amniga magaalada caasimadda ah maadaama lagu martigalinayo shir heer sare ah kaas oo kulminaya madaxweynayaasha shanta maamul goboleed ee dalka. Maanta ayaa la filayaa iney madaxda maamul goboleedyada soo gaaraan Caasimadda, waxaana jira saameyn uu bandowga ku yeelan doono dhaq-dhaqaaqa dadka deegaanka kuwaas oo aan awoodi doonin iney sameeyaan ganacsi iyo isku socodka gaadiidka. Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu soo daadiyay magaalada Dhuusamareeb waxaana loogu talagalay in lagu xoojiyo amaanka maagalada. Madaxweynayaasha maamullada ee berito iney ku shiraan Dhuusamareeb la filayo waxey ka wada hadli doonaan arrimo badan oo ay mid yahiin qodobada khilaafka ka taagan ee doorashadda dalka iyo dastuurka dhameystirkiisa.
  19. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-08072020.mp3 View the full article
  20. (SLT-Ankara)-Booliska waddanka Turkiga ayaa xidh-xidhay dad badan oo ay Soomaali ku jirto kuwaas oo isku dayay iney si sharci darro ah uga baxaan gudaha waddanka. Taliska guud ee ciidamada ilaalada xeebaha wadanka Turkiga ayaa ka dhawaajiyay iney xabsiga dhigeen 276 qof oo ay Soomaali ku jirto. Sida wararka lagu helayo markabka ay saarnaayeen dadkaan oo ahaa mid xamuul ah ayaa kusoo xidhay xeebta Aegean, waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay sideed qofood oo ahaa dadka wax tahriibiya. Wakaaladda wararka tzurkiga ee Anadolu ayaa baahisay in hawlgalkaan lagu soo qabtay muwaadiniintaan uu socday maalmahii ugu dambeeyay, waxaana la sheegay iney kasoo kala jeedaan wadamada: Syria, Iran, Afghanistan, Bangladesh iyo Soomaaliya. Inkastoo Turkiga uu soo dhaweyn qurux badan u sameeyay soogalootiga wadankiisa kusoo qulqulay oo u badnaa Suuriyaan sanadahii ugu dambeeyay ayaa hadana wuxuu xoogga saarayaa in aan si sharci darro ah looga tallaabin. Turkiga waa marinka ugu weyn oo ay hadda dadka wadamadooda ka cararaya isticmaalaan si ay u gaadhaan qaaradda Yurub, maadaama Turkiga ay xuduud la leeyahiin wadanka Greece. Source
  21. Tirada dhimashada banaan-baxyadii iyo rabshadahii qowmiyadeed ee ka dillaacay dalka Ethiopia toddaabdkii lasoo dhaafay, kadib dil loo geystay heesaa caan ahaa oo ka soo jeeday qowmiyadda Oromada, ayaa gaadhay 239, sida ku cad tirokoob ay sameeyeen booliska. Hachalu Hundessa, oo ahaa hees halyey iyo cod u ahaa Oromada, oo isu arka inay yihiin dad la liiday, ayaa waxaa toogtay rag aan la garaneyn maalintii Isniinta ee toddobaadkii hore, taasoo sii hurisay xiisado qowmiyadeed oo halis gelinaya xaaladda kala-guurka dimuqraadiyadeed ee dalka. Mudaaharaadyo ayaa ka qarxay caasimada Addis Ababa, iyo waliba gobolka ku xeeran ee Oromia, oo ah halka ay badan yihiin qowmiyadda ugu tirada badan dalka ee Oromada, kuwaas oo muddo dheer dareemayey in dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba la liiday. Saraakiisha ayaa u sababeynaya dhimashada laba arrin oo isbiirsaday oo kala ah awood ay adeegsadeen araakiisha amniga iyo rabshadaha ka dhex dhaca qowmiyadaga. “Sababo la xiriira rabshado ka dhacay gobolka, sagaal sarkaal oo bilays ah, shan ka tirsan maliishiyaadka iyo 215 qof oo rayid ah ayaa naftooda waayey,” waxaa sidaas yidhi ku-simaha taliyaha bilayska gobolka Ormia Mustafa Kedir oo telefishanka ka hadlay Arbacadii. Booliska magaalada Addis Ababa ayaa markii hore tirada dhimashada ee caasimadda ku sheegay 10 qof. Tiradaas ayaa iminka waxaa ku kordhay 166 qof oo dhintay Sabtidii. Mustafa waxa kale oo uu sheegay inay jiraan “burburin ballaadhan iyo bililiqeysi” loo gaystay hanti dowladda iyo mid gaar loo leeyahay. “Si loo xakameeyo rabshadahaan in ka badan 3,500 oo tuhmanayaal ayaa la qabtay. Waxay ahaayeen xubno ka soo horjeedda nabadda, kuwaasi oo fuliyey weerarro iyagoo qiil ka dhimaya geerida heesaaga, si ay awood ugu burburiyaan nidaamka dastuuriga ah,” ayuu yidhi Mustafa. Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dilkii Hachalu iyo qalalaasihii xigay ay qayb ka ahaayeen shirqool xasillooni darro looga abuuray Ethiopia. Source
  22. (SLT-Muqdisho)-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan Ciidanka Booliska, kaasoo bishii hore dilay oday waayeel ah oo goob ganacsi ku lahaa Isgoyska Ceelgaabta ee degmada Xamar Jajab. Askarigan ayaa si badheedh ah u dilay odayga waayeelka ugu dilay goobtiisa ganacsi, kaddib muran ka dhashay laba kun shilin soomaali uu kaga iibsan lahaa Sigaar Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa askarigan ku soo oogtay dacwad ah inuu si badheedh ah u dilay odayga waayeelka ee ganacsanayay. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur (Shuute) oo xukunka riday ayaa sheegay in Dable Boolis Nuur Daahir Geeddi oo ka tirsan Saldhigga Booliska degmada Shingaani oo 16-kii bishii hore ee June ku dilay isgoyska Ceelgaabta oday goob yar oo ganacsi kulaha isgoyska, waxaana uu sheegay in askarigaas Maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah. Dhacdadii bishii hore ka dhacday Isgoyska Ceelgaabta ayaa dad badan naxdin iyo uur-kutaalo ka muujiyeen in oday goob yar oo ganacsi lahaa in loo dilay labo kun shiling soomaali, waxaana dadweyne ku sugnaa goobta ay si geesinimo leh ugu xoomeen askariga dilka geystay, kadibna ay gacan geliyeen ciidamo wadada marayay oo mas’uuliyiin la socday, kuwaasoo iyana suura geliyay inay Saldhigga Booliska Xamar Jajab geeyaan. Source
  23. Ankara (Casimadda Online) – Booliska wadanka Turkiga ayaa xir-xiray dad badan oo ay Soomaali ku jirto kuwaas oo isku dayay iney si sharci darro ah uga baxaan gudaha wadanka. Taliska guud ee ciidamada ilaalada xeebaha wadanka Turkiga ayaa ka dhawaajiyay iney xabsiga dhigeen 276 qofood oo ay Soomaali ku jirto. Sida wararka lagu helayo markabka ay saarnaayeen dadkaan oo ahaa mid xamuul ah ayaa kusoo xirtay xeebta Aegean, waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay sideed qofood oo ahaa dadka wax tahriibiya. Wakaaladda wararka tzurkiga ee Anadolu ayaa baahisay in hawlgalkaan lagu soo qabtay muwaadiniintaan uu socday maalmahii ugu dambeeyay, waxaana la sheegay iney kasoo kala jeedaan wadamada: Syria, Iran, Afghanistan, Bangladesh iyo Soomaaliya. Inkastoo Turkiga uu soo dhaweyn qurux badan u sameeyay soogalootiga wadankiisa kusoo qulqulay oo u badnaa Siiriyaan sanadahii ugu dambeeyay ayaa hadana wuxuu xoogga saarayaa inaan si sharci darro ah looga tallaabin. Turkiga waa marinka ugu weyn oo ay hadda dadka wadamadooda ka cararaya isticmaalaan si ay u gaaraan qaaradda Yurub, maadaama Turkiga ay xuduud la leeyahiin wadanka Greece.
  24. Daahir Carab oo ah Abuukaataha Weriye Gurbiye ayaa sharaxaad ka bixiyay shaqada Weriyaha iyo isbadalladii ku yimid dacwada loo haysto mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye. Halkan Ka Daawo Abuukaate Daahir Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Kiiska Gurbiye https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats.mp4 Source: goobjoog.com