Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,245
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Attempts by the president of Somalia’s autonomous region of Puntland Said Abdullahi Deni to seek financial support from African Development Bank Group to make ends meet failed after the bank said it has exhausted all earmarked resources in the special relief fund and instead asked to seek financial assistance from the federal government. READ THE FULL PRESS RELEASE BELOW:
  2. Waxaa saakay xiran qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dib markii isgoysyada muhiimka u ah isku socodka dadweynaha la soo dhoobay ciidamo boolis ah oo diidaya in gaawirada ay waddooyinka qaar isticmaalaan. Waddooyinka saakay xiran ayaa waxaa ka mid ah waddada dheer ee makka Al Mukarrama iyo qeybo ka mid ah isgoyska Sanca, waxaana shacabka Muqdisho aya saakay maalayaan cagahooda. Lama oga sababta ka dambeysa xirnaanshiyaha waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho. Shacabka ayaa horey dhib ugu qabay waddooyinka ay dowladdu ka xiratay kuwaas oo muhiim u ahaa isku socodka dadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya gaar ahaan booliska dambi baarista ee ka tirsan CID ayaa soo xiray maamulaha xarunta caafimaad ee ku taalla degaanka Golaley ee lagala baxay 8 dhaqaatiir ah kadibna la dilay. Sidoo kale ciidamada ayaa soo qabtay qof kale oo ka tirsan shaqaale hoosaadka xarunta caafimaad waxaana loo soo gudbiyay magaalada Muqdisho sida ay noo sheegeen dad xog ogaal ah. Agaasimaha xarunta iyo qofkaan kale ee la soo qabtay ayaa la sheegay in saacad wax ka yar ay ka maqnaayeen xarunta markii lala baxayay dhaqaatiirta. Sidoo kale waxaa la sheegay iney joogeen beer ku taalla halka lagu dilay sideeda qof ah ee dhalinyarada ah. Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha amaanka ayaa noo sheegay in xog aan is laheyn uu ku hadlay maamulaha Isbitaalka. Sidoo kale waxaa xog ku helnay in dilka ay fuliyeen 5 nin oo ku hubeesnaa AK47, kuwaas oo min hal xabad madaxa uga dhuftay dadka la dilay. Wararka aan ka helnay guddiga baarista ayaa sidoo kale sheegaya in goobta dhaqaatiirta lagu dilay ay tahay goob aysan tagi karin ciidanka dowladda. “Shan askari iska daaye xataa 5 Cabdi bile ma tagi karto aagga dadkaan lagu dilay, sidoo kale dad qaba tababar casri ah ayaa dilay oo min hal xabad madaxa uga dhuftay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan guddiga baarista wada. Dhinaca kale Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Garyaqaan Suleebaan Maxamed Maxamuud, ayaa ku biiray guddiga ku howlan baarista kiiskaan waxa uuna tagay degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe. Kiiskii foosha xumaa ee lagu laayay dhaqaatiirta ayaa u muuqda inuu yeeshay weji kale. Sidoo kale cabsi weyn ayaa laga qabaa iney ku lug yeeshaan qaar kamid ah shaqaalaha Isbitaalka, sida warbixinada hordhaca ah ay sheegayaan.
  4. After the fall of the Ottoman Empire, Turkey lost its interest in Africa where it ruled the north of the continent for years. But since Turkey was granted observer status in the African Union (AU) in 2005, as “the year of Africa” in its foreign policy, it has broken cover with its traditionally cautious and inward-looking approach, and has since tripled its trade links to Africa. Turkey’s shift from its focus on its Western partners and its deployment of subtle, but also soft power, approach to Africa has been instrumental in winning local support for its involvement in trade and other critical investment projects in the continent. Source: Hiiraan Online
  5. Greek Defence Minister Nikos Panagiotopoulos has confirmed that his country is ready for all eventualities, including military confrontation with Turkey if it continued to provoke Athens, news agencies reported on Friday. Source: Hiiraan Online
  6. Thomas Lane is one of the four former Minneapolis police officers that have been charged with aiding and abetting second-degree manslaughter for George Floyd’s death, which occurred in police custody. Source: Hiiraan Online
  7. Egypt’s president Saturday announced a unilateral initiative to end the civil war in neighboring Libya, a plan that was accepted by Khalifa Hifter, commander of the eastern forces that have suffered heavy losses in recent weeks. Source: Hiiraan Online
  8. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhowaysay sii daynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo shalay lagu sii daayay cafis uu u fidiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu si farxadleh u soo dhowaynayo sii daynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon. Sidoo kale wuxuu hay’adaha Garsoorka dalka ka rajeeyay in ay dib u eegaan dacwadda loo haysto weriye Cabdicasiis Gurbiye oo ka tirsan Warbaahinta Goobjoog islamarkaana lagu haystay qoraal uu ka qoray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Waxaa habboon in si taxadar leh loo wajaho kiisaska la xiriira wariyeyaasha, la xisaabtankoodana aan marnaba loo adeegsan Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Agaasime Cabdinuur. Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in xorriyadda Saxaafaddu ay kamid tahay Tilmaamaha wanaagsan ee uu yaalan karo dal soo kabanaya oo leh nidaam ku dhisan Dimuqoraaddiyad. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay sii daynta weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aamina oo ka tirsan golaha shacab ee baarlamaanka Soomaaliya, isla markaan ka mid aheyd xildhibaanadii shalay mudada kooban carqaladeeyay hadal jeedintii Madaxweyne Farmaajo ee furitaanka kalfadhiga 7-aad ee labada Aqal, ayaa ka hadashay waxa ay ka caroodeen. Xildhibaanka ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu khudbadiisa ku bilaabay si aysan ka filaneyn, isla markaana aysan mas’uuliyadi ka muuqan. “Madaxweynihii Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ee maanta u hadlayey sidii ciyaal khudbado uu isku toos-toosistay oo siduu rabo u hadlay, waxaa ka hor-yimid xildhibaanno aan ka mid ahay khudbaddiisii qaabta darneyd,wuxuu nooga baxay faan” ayey tiri Xildhibaan Aamina. Sidoo kale Xildhibaan Aamina ayaa sheegtay in madaxweynuhu uusanba soo hadal qaadin dhacdadii xanuunka badneyd ee maalmo ka hor ka dhacday deegaanka Gololey, taas oo lagu dilay sideed dhalinyaro Soomaaliyeed ah, oo dhakhaatiir ahaa, iyo dhacdooyin kale oo ay ka sugayeen. “Waxuusan ka hadlin dhacdadii ugu dambeysay ee sideedii wiil ee dhakhaatiirta ahaa ee lagu dilay Gololey, waxa uu yiri seddaxdii bilood ee u dambeysay labaatan iyo dhowr fal dembiyeed ayaa ka dhacday dalka, waana amni, kama uusan hadlin diyaaraddii lagu soo riday Bardaale, waxaa ku geeriyootay lix qofood, markii laga reebo laba nin oo Kenyaati ahaana kama uusan tacsiyeyn wiilashii Soomaaliyeed eek u dhintay shilkaas.” “Todobaadyo ka hor Qansaxdheere diyaarad kale ayaa lagu xabadeeyay, kama uusan hadlin, duuliyihii waday diyaaradaas ee soo badbaadiyey markii uu Muqdisho kasoo dejiyay ayaa la jeebeeyey oo la xiray madaxweynuhuna kama hadlin dhacdooyinkaas” ayey hadalkeeda sii raacisay Xildhibaan Aamina. Qaar ka mid ah xildhibaanada labadda Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ee abaabulay buuqii ka dhanka ahaa madaxweyne Farmaajo ee ka dhacay furitaanka kalfadhigga labaad ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay inay tallaabadaas qaadaan. Xildhibaanadan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in uu hareer maray qodobadii laga sugayay in uu ka hadlo, islamarkaana uu ku tuntay dastuurka dalka. Xildhibaan Xasan Yare oo ka mid ah xildhibaanadaas ayaa yiri “Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in dastuurka la jabiyo oo baarlamaanka la burburiyo. Iyadoo iskool boliisiyo lagu shiri la’yahay amni darada jirta awgeed ayuu leeyahay doorasho ayaa loo dareerayaa.” Sidoo kale waxyaabaha laga sugayey in Madaxweyne Farmaajo uu uga hadlo khudbadii maanta waxaa ka mid aheyd dacwada badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa Kenya, taas oo in badan lagu eedeeyey madaxweynaha in uusan si cad uga hadlin, iyadoo markii seddaxaad dib loo dhigay bishii hore. Halkan ka Daawo
  10. COVID-19 has transformed the world, making what seemed possible, impossible. These dramatic changes in our lifestyle have pushed society to come up with unique solutions in the wake of the pandemic. Source: Hiiraan Online
  11. Beco, the company that provides the public electricity service in the city of Mogadishu, has recently installed a photovoltaic solar power plant there. The objective is to reduce electricity costs in the Somali capital. The company plans to increase the capacity of the solar power plant to 100 MWp in the coming years. A photovoltaic solar power plant is now operational in Mogadishu, the capital of Somalia. The plant was recently commissioned by Beco, Somalia’s main electricity supplier. Originally, the aim of such a project was not so much to reduce the CO2 emissions of the many diesel-powered generators – a kind of collateral benefit – but to reduce the costs involved in importing fossil fuels for electricity production. Source: Hiiraan Online
  12. UN agencies on Friday officially released a flood response plan to help nearly one million people who have been affected by the flooding in Somalia. Source: Hiiraan Online
  13. TORONTO -- Health Canada is recalling six types of hand sanitizers sold in Canadian stores that are made with industrial-grade ethanol. Source: Hiiraan Online
  14. Somaliland President Muse Bihi Abdi says authorities in Mogadishu pose the biggest challenge for the autonomous region’s fight for recognition as an independent state, 29 years after the region broke away from Somalia after the overthrow of military ruler Siad Barre. Source: Hiiraan Online
  15. Qaahira (Caasimada Online) – Kadib guul-darrooyin is xig-xigay oo looga qabsaday magaalooyin dhowr ah, dagaal oogaha dalka Libya Jeneral khaliifa Xaftar ayaa hadda u muuqda nin dabcay oo diyaar u ah heshiis. Xaftar oo muddo ka badan saddex sano diidanaa inuu wada-hadal la galo dowladda caalamku aqoonsan yahay ayaa hadda sheegay inuu doonayo inuu heshiis xabad joojin ah la gaaro, sida uu sheegay madaxweynaha Masar Abdifatah al-Sisi oo ay ku kulmeen Qaahira. “Hindisahan wuxuu ku baaqayaa in la ixtiraamo dadaallada caalamiga ah, ayada oo lagu dhowaaqayo xabad joojin laga billaabo 6:00pm maalinta Isniinta oo June ay tahay 8,” ayuu yiri al-Sisi. Sisi ayaa ka dhinac hadlayey Xaftar iyo Aguila Saleh oo ah afhayeen baarlamanka dowladda Bariga Libya ee Xaftar uu sheegto. Xabad joojinta ay soo jeediyeen Sisi iyo Xaftar ayaa waxaa sidoo kale taageeray Ruushka. Ruushka, oo ay wehliyaan Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa ah dalalka taageera dagaal-ooge Xaftar. Baaqa xabad-joojinta ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ay toddobaadyadii dhowaa magaalooyin badan ka qabsadeen maleeshiyada Xaftar. Waxay sidoo kale sheegeen inay sabtidii billaabeen weerar ay ku qabsanayaan magaalada muhiimka ah ee Sirta, oo ah magaaladii uu kasoo jeeday hoggaamiyihii hore ee dalkaas Muamar Ghadaffi. “Ciidamada cirka waxay shan duqeyn ka fuliyeen duleedka magaalada Sirte,” waxaa sidaas yiri afhayeenka dowladda Mohamad Gnounou, oo sheegay inay ku wajahn yihiin magaalada. Sirte waa magaalada ugu dambeysay ee ciidamada Xaftar ay kaga sugan yihiin galbeedka Libya, oo ah halka ay dowladda ku xoogan tahay. Xulufada Xaftar ayaa maamula Bariga Libya. Inkasta oo Xaftar weli uu haysto Bariga Libya oo dhan, haddanaa guul-darrooyinka is-xig-xiga ee ku socda ayaa abuuray walaac ku saabsan in marka laga soo idlaado galbeedka, ay dowladda weerar ku tahay Bariga. Mas’uuliyin dowladda u hadlay ayaa sheegay inay suurta-gal tahay in muddo kooban gudaheed ay ku wada qabsadaan dalka oo dhan.
  16. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa shir guddoomiyay kulan golaha wasiirrada Galmudug ay ku yeesheen magaalda Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug, ayaa lagu sheegay in shirkaas looga hadlay illaa afar qodob oo kala ah: Amniga iyo hub ka dhigista maleeshiyaadka, Dib u dhisidda maaliyada iyo aruurinta canshuuraha, Akhrinta iyo ka doodista hindiye sharciyedka shatiga ganacsiga ee Galmudug iyo ka doodista hindisi sharciyeedka ku meel gaarka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ee Galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ka wadaan dib u habeynta ciidamada iyo goobaha danta guud ee magaalada Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada Galmudug oo ka shiray Hubka dhigista Malayshiyaadka Beelaha appeared first on Puntland Post.
  17. Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay ka hadashay xariga kacdoonka weyn dhaliyay ee duuliye Fu’aad Yuusuf Cali, kaasi oo dhawaan iska soo duubay muuqaal qiiro leh. Xeer ilaaliyaha guud ee Jabuuti, Jaamac Suleymaan Cali oo xafiiskiisa kula hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in duuliye Fu’aad uu dambi culus ka galay dalka Jabuuti, midaasi oo horseeday xarigiisa, kuna muteysan karo dil toogasho ah. Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay inuu duuliyuhu isku dayay inuu la baxsado diyaarad milateri, isagoona gebi ahaanba burburiyay diyaarad ay ciidamada cirka Jabuuti lahaayeen, waa sida uu hadalka u dhigaye. Jaamac ayaa duuliye Fu’aad ku eedeyay inuu dil ugu hanjabay madaxdiisa milateriga, isla markaana sirta qaranka Jabuuti la wadaagay dal ay cadow yihiin oo ah Ereteriya. Xeer ilaaliyaha ayaa ka marag kacay dhiibista Itoobiya, oo iyadu qeyb weyn ka qaadatay soo qabashada duuliyaha, iyadoona usoo gacan galisay dowladda Jabuuti oo uu ka tirsanayey cadaalad daro baahsan. Sidoo kale waxa uu Xeer ilaaliyaha guud uu sheegay inuu duuliye Fu’aad muteysan karo ‘dil toogasho ah’, maadama uu sirta qaranka u gacan galiyay dalka Ereteriya oo ay xiisad colaadeed kala dhaxeyso. Hadalka xeer ilaaliyaha ayaa kusoo aadaya xili ay banaanbaxyo waaweyn ka socdaan gudaha dalka Jabuuti, kuwaasi oo looga soo horjeedo xariga duuliyaha oo mar kasoo hor-muuqday warbaahinta isagoo ku xiran Musqul uu sheegay in looga digay xabsi.
  18. Waxa aan ku faraxsanahay in Suxufi Samafale Cabdimaalik Sh Muuse Coldoon dib u helay xorriyaddiisii, madaxweynahana waxa aan uga mahadcelinayaa tixgelinta saamaxaadda aan u soo jeedinnay. pic.twitter.com/BAn8Cs2u5Z — Cabdiraxmaan Cirro (@CirroSL) June 6, 2020 Qaran News
  19. Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland oo ku hungoobay kaalmo dhaqaale oo uu weydiistay baanka Horumarinta Afrika+Jawaabtay Siiyeen Qaran News
  20. Inta badan waxaa saaka xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho halkaas oo ciidamo ka tirsan booliska la soo dhoobay. Warar ayaa sheegaya in xalay illaa gelinkii dambe ee shalay ay Muqdisho ka socdeen abaabulka banaanbaxyo lagu taageerayo codsigii uu Madaxweyne Farmaajo shalay baarlamaanka uga dalbaday in Aqalka Sare uu metelaad ka helo gobolka Banaadir. Goobo dhawr ah oo ku yaalla meelaha ugu muhiimsan ee caasimadda ayaa la sheegay in loo qorsheeyay in lagu qabto banaanbaxan maanta si dadka isku soo baxaya aay taageero ugu muujiyaan codsigii Madaxweyne Farmaajo uu ka hor jeediyay baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare. Sida ay wararku sheegayaan abaabulka banaanbaxaas waxaa ku howlan xubno ka kala socda maamulka gobolka Banaadir iyo kooxaha taageera Villa Somalia ee la baxay Xoogagga Wadaniyiinta. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbadiisii shalay uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaankan 10-aad waxa uu ku soo gaba-gabeeyay codsi uu u jeediyay labada Aqal ee baarlamaanka Soomaliya oo ahaa in Gobolka Banaadir uu Aqalka sare matalaad ka helo. PUNTLAND POST The post Waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo bannaan-baxyo la filayo appeared first on Puntland Post.
  21. Jigjiga (Caasimada Online) – Gabdhaha Wariyeyaasha ah ee ka howlgala Telefisnida iyo Idaacaha dalka ayaa kaalin firfircoon ka qaadanayay sanadihii ugu dambeeyay tabinta iyo diyaarinta warararka iyo Barnaajimyyada kuwaa oo ku shaqeeya inta badan marxalad ka adag tan ay ku shaqeeyaan Wiilasha Wariyeyaasha. Gabdhaha Saxafiyiinta ayaa si isku mid ah uga howlgala Idaacadaha iyo Telefeshinada ku yaala magaalooyinka dalka waloow tiro ahaan aysan badneyn ayaa hadana waxey la kulmaan mararka qaar arrimo culees ku ah shaqada ay u hayaan bulshada. Xarumaha ay ka howlgalaan ayaa isugu jira kuwa dowladeed iyo kuwa ay leeyihiin shaqsiyaad gaar ah oo xuquuqdooda iyo dumarnimada aan lagu ixtiraamin mararka qaar. Sadeexdaan Gabdhood waa Wariyeyaal shaqadooda ku waayay qaab aan sax aheyn oo ku tagri fal ah iyo mid lagu kalifay iney shaqada ka tagto, waxeyna kala yihiin: 1 – Sahro Cabdi Maxamed 2 – Amaal Garaad Qaaje 3 – Filsan Cabdiraxmaan Duceysane. Sahro Cabdi Maxamed oo u shaqeyneysay warbaahinta dowlad deegaanka Soomaalida Somali region TV (SRTV) ayaa shaqada laga ceyriyay taa oo qaban jirtay Barnaamij Todobaadle ah oo ku saabsan arrimaha Bulshada iyo ciidanka Dowlad deegaanka Soomaalida. Waxaa loo soo dhajiyay warqad shaqo ka ceyrin iyo in waardiyaha uusan u ogolaan karin iney shaqada soo gasho kadib markii ay diyaarisay barnamij qurux badan oo ku saabsan sida Ciidanka DDS ay ula ciidayaan shacabka iyadoo laga dalbaday iney keento lacag ay ku qaadatay Barnaamijka. Sahro ayaa sheegtay in aysan ku qaadin Shilin Barnamijka ay qabatay waxaana ay xustay in Laba mid kala dooro lagu dhahay taa oo kala ah “ Lacagta aad ku qaadatay keen ama shaqada lagaa ceyrinaa” Maamulka Somali region TV ayaa dhagaha ka fureestay warka Sahra Siman ee ah ineysan wax sharuur ah ku helin barnamijka islamarkana taliska uusan Wariyuhu u qoon deyn lacag gaar ah balse ay u qabatay Ciidanka si ay farxad TV-ga ugala ciidaan Shacabka, iyadoo markii dambe shaqada laga ceyriyay sida ku cad warqadan hoose, iyadoo maalin kadib shaqada agaasinka SRTV uu keensaday gabar kale oo qaraabo ay yihiin maamulka. Warisada Labaad oo ah Amaal Garaad waxey u shaqeyneysay Telefisinka maamul Goboleedka Puntland waxeyna shaqadeeda ku weysay Page-ka Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmad Karaash oo Like iyo Share ay u saartay intii uu jiray khilaafka madaxweynaha Puntland Saciid Dani kala dhaxeeya, waxaana maamulka uu u sheegay iney dambi gashay, shaqada ay hadda heysana mid ka hoose in loo dhiibayo taa oo ku kaliftay iney shaqada ka tagto. Amaal oo hadda joogto Muqdisho ayaa sheegtay in maamulka TV-ga uu kasoo wacay xarunta Garoowe waxaana ay ku tiri ” Karaash dadka kula mid maaha oo isku xaafad ayaad tihiin hadii aad joojin waydo hadal hayntiisana Shaqadaada ayaad ku wayn doonto” Warisada Saddexaad waa Filsan Duceysane oo u shaqeyneysay Talefisinka Mogadishu Cable waxaa lagu qasbay iney shaqeyso iyadoo xanuunsan,iyadoo xustay in wax texgelin ah uusan siinin maamulka arrimaha caafimaadka ee Wariyaha. Filsan ayaa sheegtay iney goobjoog u noqotay gabar ay isla shaqeeyaan oo ku dhex-suuxday Telefisinka kadib markii lagu qasbay iney shaqeyso iyadoo xanuunsan. Gudoomiyaha Ururka Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SOMWA) Maryan Saylac iyo Xoghayaha Isutagga Suxufiiyinta Soomaaliyeed ee FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa arrintan si kulul u cambaareeyay iyagoo sheegay in aan loo dul qaadin karin in sidan loola dhaqmo gabdhaha oo xaalado adag ku shaqeynaya. ‘Masuuliyiinta Warbaahintu howshoodu waxa ay ahayd in ay ilaaliyaan wanaajiyaan gabdhaha u shaqeeya ee ma ahayn in ay ku xadgudbaan, Gabdhaha waxa ay si guud ula wadagaan dhibaatooyinka ay wajahaan Suxufiiyinta oo dhan, xaq ma ahan in loogu daro caqabado kale, Waan la xiriirney xaruumaha laga soo cawdey waxa aana ka rajeynaynaa in ay dhageystaan baaqeena” ayey tiri Gudoomiyaha SOMWA Maryan Saylac Gabdhaha Wariyeyaasha ah waxaa lagu qasbaa sidoo kale iney wiilasha cuntada u kariyaan, iney nadaafadda ka shaqeeyaan iyo shaqadooda aan loo madax-baaneyn.
  22. Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta firimbi lagu yeeriyay xilli uu jeedinayay khudbadda furitaanka kalfadhiga 7-aad ee labada gole ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaannada buuqa iyo firimbiga billaabay waxaa kamid ahaa Xasan Cabdi Ismaaciil oo laga soo doorto Jubaland, kaasoo BBC-da u sheegay inuu saluugay qodobada uu madaxweynaha kusoo qaatay khudbaddiisa. “Xildhibaannadu deegaannadooda dhibaato ayaa lagu hayaa, deegaannadoodu cunaqabateyn ayaa saaran. Anigu Jubaland ayaan ka soo jeedaa dadkeyga waa la cunaqabateeyay, Gedo waxa ka dhacaya waad u jeedaa,” ayuu yiri xildhibaan Xasan. Waxa uu sheegay in fursadda keliya ee ay madaxweynaha dareenkooda ku gaarsiin kareen ay ahayd kulanka maanta. Afhayeenka xafiiska Madaxweynaha, Cabdinur Maxamed Axmed oo ka falceliyay firimbi yeerinta maanta ayaa bartiisa Facebook ku qoray: “Geeddi socodka Dowlad dhisidda Soomaaliya heerar kala duwan ayuu soomaray. Waxaa jirtay xilli kala aragti duwanaashaha lagu xallin jiray qori caaraddiis, maantase waxay mareysaa in firimbi loo yeeriyo marka Madaxda laga aragti duwanaado. Waa horumar runtii loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda,” Madaxweynaha ayaa markii dambe si aan qash-qashaad lahayn u dhameystay khudbad jeedintiisa oo uu kaga hadlay arimo badan oo masiiri ah. Qaran News
  23. Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn ugu baahay baraha bulshada warar sheegayey in Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland, Xasan Maxamed Gaafaadhi uu warqad istiqaalo u gudbiyey madaxweyne Muuse Biixi. Wasiir Gaafaadhi oo tixraacaya wararkaasi ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiis twitter-ka ku sheegay inay waxba kama jiraan yihiin wararka sheegaya inuu istiqaalada wasiirnimo u gudbiyay Biixi. Wasiirka ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dad been ku macaash ah ay wararkaasi baahiyeen, kuwaasi oo aan wax xog ah ka haysan arrintaasi. Gaafaadhi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay wararka sheegaya is-casilaadiisa, maadama uu yahay mid xaqiiqada ka fog, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa: “Dadka beentan iyo xasarradan wareejinaya tolow yaa u warrama. Dadkii goormaa ladoorshay oo beenta ka doorbideen runta. Inta caqligu ku hadhsanyahay waxan u sheegayaa inaan waxba ka jirin arrinkan ayaamahan la wareejinayay, kolley dadkii waalli u badaye”. Maaha markii u horeysay ee warar noocan ah laga baahiyo wasiiro ka tirsan xukuumada Muuse Biixi, kuwaasi oo badanaa lala xiriiriyo shaqsiyaadka mucaarida xukuumada.
  24. Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Arrimaha dalka Soomaaliya, James Swan waxa uu Fariin u diray Xildhibaanadda Labada Gole oo uu Shirweynahooda 7-aad maanta ka furmay magaalladda Muqdisho. Ergayga waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu Fariin taageero u diro Furitaanka Kalddhiga 7-aad ee Xildhibaanadda oo uu ku bogaadiyey Xildhibaanadda sida ay ugu heelan yihiin inay xaqiijiyaan Hawlaha Barlamaanka, inkastoo ay jiraan caqabadaha ka dhashay COVID 19. Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, James Swan waxa kaloo uu tilmaamay isagoo ku hadlayo magaca bahda QM inuu jecel yaahay inuu muujiyo inay garab taagan yihiin DFS iyo Dadweynaha Soomaaliyeed ee wajahaya caqabaddan caalamiga ah. Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhan PUNTLAND POST The post James Swan oo taageero u muujiyay Baarlamanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.