Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) Maanta waxaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ka furmi doona shir ay yeelanayaan madaxda shanta maamul goboleed kaas oo sida la filayo gogol xaar u ah shirka Amniga qaranka oo ay dowladda horay ugu dhawaaqday balse baaqday. Madaxweynayaasha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa kulan ay ku yeesheen Internet-ka ku go’aamiyay iney Dhuusamareeb ku kulmaan 9-ka Luulyo oo shalay ku beegneed, balse in hogaamiyayaasha qaar ay soo gaari waayeen darteed maanta uu dib ugu dhacay. Guud ahaan ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay iyadoo Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi oo BBC-da u warramay uu sheegay iney ku kalsoon yahiin 100%, waxaana jirta in magaalada laga soo daad gureeyay ciidamada Haramcad oo ay horay dowladda Federaalka halkaas u geysay. Si kastaba shirka maanta ka furmaya Dhuusamareeb waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo ay ka mid yahiin: Khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo Puntland oo isku dhinac ah iyo dowladda Federaalka, arrimaha doorashada iyo sidoo kale arrinta matalaadda gobolka Banaadir oo ay maamullada qaar diideen. Ra’isul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa shirka golaha wasiirada oo xalay ka dhacay Internet-ka ku sheegay iney ku baaqayaan doorasho wakhtigeeda ku dhacda isla markaana laga fogaado muddo kororsi la tuhunsanaa iney waddo Villa Soomaaliya, waxaana xigtay warqad kasoo baxday madaxtooyada oo lagu sheegayo in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu baaqa golaha Wasiirada soo dhaweynayo. Inkastoo arintaas ay waxyar hoos u dhigeyso xiisaha shirka Dhuusamareeb ka furmaya maanta oo la filayay iney arrimaha doorashooyinka go’aan iskood ah ka gaaraan hadana isha ayaa lagu wada hayaa waxa halkaas ka dhici doona iyo go’aamada kasoo bixi doona kaas oo go’aamin doona halka ay Soomaaliya u socdaali doonto bilaha soo aadan.
  2. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa xalay kulan hoŕdhac ah la qaatay dhammaan madaxda maamul goboleedyada ee shalay gaaray magaalada Dhuusamareen ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulanka oo ah mid is-xog wareysi ah ayaa waxa ay uga wada-hadleen madaxda maamul goboleedyada arrimo xasaasi ah. Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen ajandaha shirka ka furmaya magaaladaasi, kaas oo ah mid u gaar ah madaxea dowlad goboleedyada dalka. Ammaanka Dhuusamareeb ayaa loo adkeeyey, iyadoo ciidamo kala duwan oo ay ku jiraan kuwo ilaalo u ah madaxda ay ku sugan yihiin halkaasi. Gaba-gabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku aadan qodobada laga wada-hadlayo oo quseeyo xaaladda guud ee dalka iyo doorashada 2020/2021. View the full article
  3. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaaminta Madasha Wasiirrada Waxbarashada, Hiddaha iyo Dhaqanka dalalka Carabta oo ay ugu danbaysay guddoominteeda 37 sano ka hor. Wasiiru Dowlaha ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka & Tacliinta Saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Maxamuud Cabdulle oo guddoomiyey Madasha 25-aad ee Wasiirrada Waxbarashada Carabta ee ku mideysan Ururka (ALECSO) ayaa tilmaamay qiimaha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay u leedahay in ay guddoomiyaan madashan mar kale, kaddiib Meeratadii Todobaad oo Soomaaliya ay guddoomisay Sanadkii 1983dii. Wasiir Cabdirixmaan ayaa la wadaagay Dhiggiisa dalalka Carabta koboca waxbrashada dalkeenna, fursadaha jira iyo dadaallada wax ku oolka ah ee Dowladdu ay dib ugu soo nooleysay Waxbarashada, taas oo ay ka mid tahay asteynta Manhaj mideysan, dib u dhiska xarummo waxbarasho iyo soo celinta waxbarashadii dedweynaha ee lacag la’aanta ah. “Tallaabooyinka aan u qaadnay horumarinta iyo tayeynta waxbarashada dalkayaga waa kuwo mudan garab istaagga iyo bogaadin, iyada oo aan si xooggan isula jaanqaadnay Ururka Carabta ee Waxbrashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee (ALECSO) oo gacan weyn ka geysanaysa qabsoomidda Shirka Taageerayaasha Waxbarashada Soomaaliya oo ay marti galineyso Dowladda aan walaalaha nahay ee Kuweyt.” Dhankooda, Wasiirrada dalalka Carabta ayaa ugu hambalyeeyay Soomaaliya Guddoominta Meertadan 25-aad ee kulammada heer Wasiir ee (ALECSO) iyaga oo u rajeeyey in ay horseeddo guulaha la rajeynayo ee horumarinta, isku xirka iyo iskaashiga dhanka Waxbarashada dalalka Carabta. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  4. Right-leaning pro-Israel groups are targeting Rep. Ilhan Omar, a Minnesota Democrat and outspoken critic of the Israeli government who is one of the most high-profile progressive members of Congress. Source: Hiiraan Online
  5. Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo lagu rasaaseeyey Sh/Dhexe.Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay gaari ay la socdeen dad shacab ah lagu rasaaseeyey duleedka degmada Cadale ee gobolkaasi. Koox burcad ah ayaa lagu soo warramayaa inay gaarigaasi oo ka baxay Muqdisho ay rasaas ku fureen, islamarkaana ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay rakaabkii saarnaa gaarigaasi. Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay’ iyadoona ay dhaawacmeen labo qof oo kale oo ka mid ahaa shacabka la rasaaseeyey, sida ayShabelle u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Farxaan Xirsi Wardheere oo ahaa wadaha gaariga wadada loo galay. Sidoo kale dadkii dhaawcmay ayaa loo soo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan kooxo burcad ah oo qooleysato ah ayaa dhibaatooyin isugu jira dil iyo dhac ka geysta waddooyinka mara gobolka Shabeelaha Dhexe. View the full article
  6. Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) ayaa yeelatay shirkeedii todobaadlaha ahaa kaasoo ku qabsoomay qaab fogaan arag ah, waxaana guddoomiyey Guddoomiyaha Madasha Madaxweynihi hore mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Shirka oo ayaa looga hadlay xaaladda Dalka gaar ahaan doorashooyinka Waxaa aad loo falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in Dalka ay ka dhacdo doorasho aan waqtigeeda dhaafin, loona dhan yahay geeddi socodkeeda, ayna qayb ka yihiin dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda, waxaana Madashu muhiim u aragtaa in laga fogaado xilligaan muddo xileedka madaxda Dowladda Federaalku uu gabaabsiga yahay wax kasta oo keeni kara khilaaf, kala fogaansho siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimaadda Dalka. Iyada oo laga duulayo geeddi socodka siyaasadeed iyo in si xasillooni ah looga gudbo xilligan kala guurka ah ayaa shirku bogaadiyay soona dhaweeyay dadaalka ay Madaxda Madashu isugu soo dhaweynayso Guddoonka labada aqal ee BFS. Ugu danbayntii, waxay Madashu sidoo kale horay usoo dhawaysay shirka uga furmay Dowlad Goboleedyada, Magaalada Dhuusomareeb, waxayna Madashu taageersan tahay wadahadal kasta oo keeni kara is-fahan, loogana baaqsan karo qalalaase siyaasadeed. View the full article
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-100720.mp3 View the full article
  8. The death of an American Black Lives Matter activist has inspired two Canadian women to compile a list of resources for Somali Canadian survivors of sexual violence. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sharraxaad ka bixiyey macnaha dhabta ah ee qoraalkii madaxweyne Farmaajo uga jawaabay go’aankii ra’iisul wasaaraha ee ahaa in doorashada ay waqtigeedu ku dhacdo. Kheyre ayaa yiri “Waa in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, lagana fogaadaa in lagu shaqeeyo fikir ku saleysan mudo kordhin sababtoo ah mudo kordhintu waxay horseedi kartaa qalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuur. ”Qoraal kasoo baxay Villa Somalia oo kaas jawaab u ahaa ayaa lagu yiri “Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay inaan dalka loo horseedin muddo kordhin, lana hirgaliyo doorasho waafaqsan Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka, kuna dhacda jawi midnimo, wadatashi iyo isqancin.” Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook oo uu ku sharxay qoraalka Villa Somalia waxa uu u dhignaa sida hoos ku qoran:- Waxaa is waydiin mudan waa ayo cida uu is leeyahay Madaxweynuhu waad siri kartaa, mar haddii inta siyaasadda ku hawlan iyo inta falanqeysaba ay si fudud u fahmi karaan farriinta is burrinaysa ee baaqa ka daba tuurka ah ee Madaxtooyada’? Madaxweyne bal iswaafaji muddo kororsi ma oggoli, laakiin 5 bil gudahood ayaan doorasho qof iyo cod ah qabanayaa. Isqancin iyo wadatashi ayaan rabaa iyo la hadli maayo Dowlad Goboleedyada iyo saamileyda kale ee siyaasadda. Doorasho dastuurka waafaqsan ayaa doonayaa iyo waa in la meelmariyo sharciga doorashooyinka oo 4.5 dhigaya. Qoraalka Villa Somalia ka soo baxay waa mid caato ah, boor isku qaris ah, waa ciyi waa ka baryey, waana laba canleyn ludda jecli lafta jecli ah, laguna carqaladeynayo go’aankii Golaha Wasiirrada. Haddii si kale loo dhigo waa muddo kororsi labbis cusub loo soo xiray, waa riwaayad soo saaraheedu farsamo xun yahay. Soomaalidu waxay ka sugeysaa madaxda Dowlad Goboleedyada ku shirsan Dhuusamareeb in ay mowqifkooda caddeeyaan, taageeraanna cida muddo kororsiga diiddan, ogol doorasho xilligeeda ku dhacda iyo talo wadaag saamileyda siyaasadeed qayb ka tahay.
  10. In a last-minute move, the United Arab Emirates urged Saudi Arabia to hold off supporting a US-backed proposal aimed at resolving a three-year diplomatic feud among Gulf countries, Fox News reported. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay Komishanka Tamarta. Komishankan oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Axmed Faarax Cadare. Xubnaha kale ayaa kala ah: Cabdirisaaq Maxamed Cumar – Guddoomiye kuxigeen Liibaan Maxamuud Axmed – Xubin Khadar Cabdi Khayre – Xubin Ubax Maxamed Maxamuud – Xubin Cabdirisaaq Maxamud Cali – Xubin Yuusuf Jaamac Cali – Xubin Maxamed Maxamuud Cabdi (Malow), ayaa ah Agaasimaha Guud ee komishankan. Qaran News
  12. A community in Bristol has raised money to help family and friends in the self-declared republic of Somaliland cope with the coronavirus pandemic. Source: Hiiraan Online
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in booqasho uu ku imaan doono halkaasi ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga iyo wafdi uu hoggaaminaayo. Todobaad kahor ayaa magaalada Hargeysa waxaa booqday xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga Raila Odinga, kuwaasi oo Somaliland kala hadlay arrimaha ganacsiga iyo siyaasadda. Siyaasigaan ayaa wada olole baarlamaanka Kenya lagu horgeynaayo mooshin lagu taageerayo qaddiyada gooni isu taaga Somaliland. Raila Odinga ayaa aaminsan in Somaliland ay mudan tahay in loo aqoonsado dal madax banana maadaama uu ku doodayo inay soo buuxisay shuruudihii looga baahnaa, ayna tahay meel doorasho dimoqraadi ah ay ka dhaceen seddax goor. Arrintaan ayaa qeyb ka ah carqaladeynta dadaalada socda ee la isugu soo dhoweynaayo Somalia iyo Somaliland, iyadoo Kenya ay faragelintaan ay wado xadgudub qaawan ku ah madaxbannaanida dalka Somalia.
  14. A Muslim woman has filed a discrimination complaint against Target Corp. after she said a Starbucks barista at the Midway Target store in St. Paul wrote "ISIS" on her cup instead of her name. Source: Hiiraan Online
  15. Hodan Nalayeh and Windsor writer Fartumo Kusow would talk frequently about the podcast Source: Hiiraan Online
  16. Maayarka Magaalo caan ka ah Dunida oo muddo la la’aa oo maydkiisa la helay Park Won-soon oo ka hadlayay Arabacdii magaalada Seoul Booliska koofurta Kuuriya ayaa helay maydka duqii caasimadda dalkaasi ee Seoul oo la waysanaa tan iyo khamiistii aynu ka soo gudubnay . Guddoomiyaha maydkiisa la helay oo lagu magacaabi jiray Park Won-soon’ ayaa gabar uu dhalay waxaa ay u sheegtay booliska in ka hor inta aanu guriga ka bixin uu ku dhaafay fariin taas oo sare u qaaday su’aalo iska waydiinta sababta iyo shakiga la xiriira in muddo la waysanaa . Maydkiisa ayaa laga helay Mount Bugak oo ku taala waqooyiga magaalada Seoul,una dhow meel lagu ogaada wicitaanka telefoonkiisa lagu ogaaday in uu joogay markii ugu dambeysay oo xiriir lala sameyay . Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dhimashadiisa . Waxaa jira warar sheegaya in haweeney ka mid ah shaqaalihiisa ay dacawd ka dhan ah Mr Park isla markaana la xiriirta xadgudub dhinaca galmada ah ay ka gudbisay ka hor inta aan la waayin meel uu jaan iyo cirib dhigay . Ma uusan soo xaadirin shaqada Khamiista, isaga oo baajiyay kulan uu la lahaa mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska madaxweynaha . Sarkaal booliis ah oo lagu magacaabo Lee Byeong-seok ayaa u sheegay wariyeyaasha in gudoomiye Park ay ku arkeen kaamirada amniga meel u dhow albaabka laga galo aagg caan ku ah alwaaxda uu dhow magaalada Seoul. Booliska Koonfurta kuuriya oo taagan bannaanka guriga gudoomiyihii maydkiisa la helay Qiyaastii 600 oo booliis iyo kooxaha dab-damiska ah oo adeegsanaya diyaaradaha drones-ka loo yaqaano iyo eeyo ayaa baarayay aaggaas muddo saacado ah Khamiistii. Mr Park waxaa loo doortay duqa magaalada Seoul sanadkii 2011-kii iyadoo xilikaas loo doortay markiisii seddexaad . Waxaa la sheegay in ay isku dhaceen madaxda sare ee dalka iyadoo wararka qaarna ay tilmaamayaan in uu hanqal taagayay xukunka dalka doorashada madaxtinimada ee la filayo in ay dalkaas ka dhacdo sanadka 2022-ka. Qaran News
  17. Garsoorka maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa xukumay in xogta maaliyadeed ee madaxweyne Donald Trump ay eegi karaan kooxda dacwad oogeyaasha ah ee baaritaanka ku haya nidaamka canshuur celinta. Sidaas awgeed, saraakiisha dacwad oogeyaasha ee ku sugan magaalada New York ayaa hadda awood u leh inay gacanta ku dhigaan macluumaad laga ilaalinayay. Hase yeeshee, kiis kale oo kaas la xiriirana, maxkamaddu waxay xukunkeeda ku qeexday in aysan khasab ahayn in xogtaas xasaasiga ah lala wadaago Aqalka Wakiillada ee ay aqlabiyadda ku leeyihiin xisbiga Dimuqraaddiga ee kasoo horjeeda madaxweyne Trump. Mr Trump waa madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah – tan iyo wixii ka dambeeyay madaxweyne Richard Nixon, oo xukunka soo qabtay 1970-meeyadii – oo qariyay macluumaadkiisa ku saabsan canshuur celinta. Qareennadiisa ayaa ku dooday in xasaanaddiisa ay u sahleyso inaan howlihiisa gaarka ah la faragalin karin inta uu xilka hayo. Waxay sidoo kale sheegeen in Congress-ka aysan heysanin marmarsiiyo ku filan inay helaan xogta dhaqaalaha madaxweynaha. Labo guddi oo ka socda Aqalka Wakiillada ee ay maamulaan xisbiga Dimuqraaddiga iyo xeer ilaaliyaha degmada New York – oo sidoo kale ka tirsan dimuqraaddifa – ayaa dhowr dalbada xogta ku saabsan dhowr sano oo canshuur celinta madaxweynaha ah. Waxay sheegeen inay eegayaan sida ay isku waafaqayaan danaha Mr Trump u gaarka ah iyo kuwa qaranka. Mr Trump, oo kasoo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay. Wuxuu baaritaanka lagu hayo ku tilmaamay “Ugaarsi gardarro ah”. Maxay ku saabsan yihiin kiisaska? Maxkamadaha hoose ee Washington iyo New York ayaa horay usoo saaray xukunno ka dhan ah madaxweynaha, kaddib markii ay dhageysteen dhammaan kiisaska. Laakiin go’aannadooda waxaa loo dhigay dib, maadaama kiiska uu usii gudbay maxkamadda ugu sarreysa waddanka. Labada guddi ee ka socda Golaha Wakiillada ayaa dalbaday xogta dhaqaale ee ku saabsan labo bangi oo uu la macaamilo Mr Trump – kuwaasoo kala ah Deutsche Bank iyo Capital One – iyo sidoo kale xogta la xiriirta koontooyinka madaxweynaha. Deutsche Bank waa mid ka mid ah bangiyada faro ku tiriska ah ee oggol inay lacag amaah ah siiyaan Mr Trump kaddib markii uu wadashaqeyn fiican la sameeyay sannadihii 1990-meeyadii. Xogta la raadinayo waxaa ku jira macluumaad ku saabsan isticmaalka dhaqaale ee madaxweynaha iyo shirkadda qoyskiisa. Qareennada Mr Trump ayaa ku doodaya in Congress-ka uusan awood u lahayn soo qufitaanka xogta u qarsoon madaxweynaha. Baaritaannada lagu howlan yahay waxay khuseeyaan eedeymo la xiriira inay jiraan lacago uu si khaldan u isticmaalay qareenkii hore ee Mr Trump, Michael Cohen, kuwaasoo la sheegay inuu siiyay haween – Stormy Daniels oo jisha filimada anshax xumada ah iyo Karen McDougal oo horay uga mid ahaan jirtay dumarka dharka xayeysiiya. Labadooduba waxay sheegeen inay xiriir lasoo sameeyeen Mr Trump. Laakiin madaxweynuhu wuxuu dafiray inuu wax xiriir ah lasoo yeeshay. Xaaladdaas awgeed, qareennada Mr Trump waxay sheegeen in xogta ku saabsan kharashka uu isticmaalay aan loo gacan galin karin baareyaasha, maadaama uu yahay madaxweyne wali xilka haya oo xasaanad leh, wax dambi ahna aan lagu qaadi karin ilaa inta uu waqtigiisa ka dhammeysanayo. Qaran News
  18. In Somalia, located in the Horn of Africa, and one of the most conflict-affected parts of the world, battling the COVID-19 pandemic has been an ordeal. With 2,835 confirmed cases as of today (but many more unconfirmed), Somalia had to make the most out of its meager resources to tackle the pandemic while also fighting a locust invasion. Source: Hiiraan Online
  19. Johwar (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalada Jowhar ee maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegaya in xal kama dambeysa ah laga gaaray ciidamo dhowaan dagaal ku dhex-maray Aagga Madaxtooyada maamulkaasi ee Jowhar. Saraakiisha booliska Hir-shabeelle, maamulka gobolka Shabeellaha dhexe iyo Taliska qeybta 27-aad ee Ciidanka xooga dalka ayaa ku guuleystay in xal laga gaaro ciidamo kala taabacsanaa booliska Hir-shabeelle iyo kuwa Madaxtooyada maamulkaasi oo ku dagaalamay Aagaasi. Jenaraal Axmed Maxamed Tareedisho, Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka Xooga dalka oo arrinkaasi ka hadlay ayaa sheegay in gacan bir ah ku qabn doonaan Askarigii ka qeyb noqdo dagaalo uu ugu yeeray ‘kuwa qabiileysan’. Taliyaha ayaa ciidamada qeybta ah kuwa dowladda ugu hanjabay inay maxkamadda ciidamada qalabka sida ay horgeyn doonan askari kasta oo qeyb ka noqda dagaal noocaas, xili xal laga gaaray midka aaga madaxtooyada Hir-shabeelle. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Maamulka gobolka Shabeellaha, Dhexe Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow iyo Cismaan Maxamed Baareey, Guddoomiyaha maamulka magaalada Jowhar oo iyaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay si nabdoon ay magaalada kuwada joogan labada ciidan. Baareeye iyo Xaandow ayaa dalbaday in go’aamo laga soo saaro cida sida rasmiga ah u leh ee gacanta ku haysaneysa dhulkaasi ay dhawaan ciidamadu ku dagaalameen.
  20. Cadalle (Caasimada Online) – Degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa lagu rasaaseeyay gaari siday dad rakaab ah oo kusii jeeday sida la sheegay Gaalkacyo, waxaana ka dhashay khasaare nafeed. Gaarigaan oo nuuciisa lagu sheegay baabuurka ay Soomaalida u taqaano Leyla Calaawi ayey kooxo hubeysan oo isbaaro u taallay ku rasaaseeyeen tuulada Bashaqle, waxeyna arintaan timid markii wadaha gaariga iyo kooxaha hubeysan ay murmeen. Goobjoogayaal ayaa Caasimadda Online u sheegay in wadahii gaariga oo lagu sheegay magaciisa Farxaan Xersi Baseey uu halkaas ku geeriyooday. Meydka qofka dhintay waxaa la geeyay deegaanka Godinlabe oo la sheegay inuu kasoo jeedo, halka kooxahii falka geystay ay isaga baxsadeen goobta. Maamulka dagmada Cadalle ayaan wali ka hadlin arintaan, waana mid ka mid ah meelaha ugu badan ee dadka safarka ah dhibaatada loogu geysto kana tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
  21. On April 30, Ahmed Bokore returned home early from his factory job after doctors told him he had COVID-19. At the time, he had minor flu-like symptoms and planned to quarantine at home until he was virus-free. Source: Hiiraan Online
  22. Madaxweyne Ilaaladiisa “Askartiisa” ka mamnuucay Cunista Jaadka Dhammaan kooxda ilaalada u ah madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa laga mamnuucay inay cunaan jaadka, sida ay shaaciyeen saddexda wargeys ee ugu waaweyn waddanka ee kala ah Daily Nation, The Star iyo Standard. Amarkan waxaa soo saaray taliyaha ciidanka ilaalada madaxweynaha, George Kirera, oo sheegay in cunista qaadka aysan askarta waardiyeysa madaxweynaha caafimaadkooda kaliya waxyeello ku ahayn balse ay dhibaateyneyso qoysaskooda. Mr Kirera ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Fadlan ogsoonaada in la fahmay halis caafimaad oo ay cunista jaadka u keeneyso astarta ilaalada u ah madaxtooyada iyo qoysaskoodaba.” “Amarkan wuxuu dhaqan galayaa laga billaabo 6-da bishan July, 2020-ka, markaas wixii ka dambeeyana ma jiri doono askari ka tirsan ilaalada madaxweynaha iyo qof madaxtooyada ku sugan ama agagaarkeeda daggan oo loo oggolaan doono inuu jaad cuno,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka. Sida lagu muujiyay amarkaas, askari kasta oo u hoggaansami waaya mamnuucista ayaa wajihi doona ganaax adag oo ka imaanaya dhinaca maamulka. Waxaa aad looga dhur sugayaa sida ay ciidamada gaarka u ah madaxweyne Kenyatta u joojin doonaan jaadka ay cunistiisa la qabsadeen. Shan sano ka hor, seynisyahanno ayaa ogaaday in cunista qaadka ay sababto in ragga ay dareemaan daciifnimo dhinaca raganimada ah, sida uu qoray wargeyska The Star, oo ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer Kenya. Daraasaddaas oo ay sanadkii 2015-kii si wadajir ah u sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacadda Moi ayaa lagu fuliyay maalgalin ay sameysay dowladda. Waxay seynisyahannada sheegeen in qaadka uu sabab u yahay hoos u dhac dhinaca dhalmada ah iyo tirada carruurta ee kusoo korodha shacabka waddanka. Ochiba Lukanda, oo hoggaaminayay seynisyahannada cilmibaaristaas sameeyay, ayaa sheegay in daraasad taas nooceeda ah oo laga fuliyay Bariga Dhexe ay caddeysay in ragga joojiyay cunista jaadka ay dib usoo wanaagsanaatay awooddooda raganimada. Ganacsiga jaadka ayaa dhaqaale badan usoo xareeya Kenya Hase yeeshee wuxuu meesha ka saaray shaki laga muujinayay in caleenta geedka jaadka laga qaado cudurro uu ka mid yahay kansarka. “Isticmaalka jaadka wuxuu sidoo kale sababaa inuu sare u kaco cadaadiska dhiigga laakiin ma keeno kansar, waxyeellada noocaas ahana kama muuqato daraasaddeenna,” ayuu yiri Dr Lukanda. Balse wuxuu intaas ku daray in saameynta jaadka ay taabato dhinaca caafimaadka dhimirka, ayna horseeddo hoos u dhac dhanka horumarka iyo waxbarashada ah. Daraasad laga sameeyay deegaannada uu jaadka ka baxo ayaa lagu ogaaday in wiilasha bulshooyinkaas ku dhex nool badankood ay ka cararaan waxbarashada iskuullada oo aan wali u dhammaanin. “Wiilasha waxay ka shaqeynayaan beeraha jaadka iyo raritaankiisa, taasina waxay saameyn ku yeelatay hannaankii waxbarashada oo hoos uga dhacay deegaannadaas,” ayuu yiri. Kenya ayaa dhaqaale badan ka hesha ganacsiga qaadka oo lagu iibiyo gudaha waddanka, dibaddana loo dhoofiyo. Waddamada suuqa ugu weyn ka heysta jaadka ka baxa Kenya waxaa ugu horreeya Soomaaliya. Qaran News
  23. An American airstrike on Thursday killed at least one terrorist of the al Qaeda-linked al-Shabaab group in Somalia, officials said. Source: Hiiraan Online
  24. The COVID-19 pandemic imposed unprecedented challenges to global health systems and economies and transferred to Somalia one of the poorest and susceptible to crisis economies of the world. The economy of Somalia was already severing due to structural deficiencies and lack of unity Source: Hiiraan Online