-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Faah faahin ayaa ka soo baxeysa qarax fiidnimadii xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo dhimasho iyo dhaawacba uu ka dhashay. Qaraxa oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray maqaaxi ku taalla xaafadda Siinaay, waxaana ku dhintay inta laga warqabo hal qof, halka sideed kalana ay ku dhaawacan-tay. Goobjoogayaal ayaa ku soo waramaya in dadka qaar uu qaraxaasi ka soo gaaray dhaawac culus, haataana lagula tacaalayo Isbitaalka weyn ee Kismaayo. Ciidamada ammaanka oo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa ka sameeyay baaritaan la xiriira kuwii bambada ku tuuray maqaaxida, inkastoo aynaan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeyay. Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ayaa weli ka hadlin qaraxa xalay ka dhacay Xarunta KMG ee maamulka Jubbaland. Inkastoo magaalada Kismaayo ay xilligan ka mid tahay magaalooyinka Koonfurta Soomaaliya ee ugu amniga wanaagsan ayaa waxaa billihii ugu dambeeyay ku soo kordhayay bambaanooyinka gacanta laga tuuro iyo dilalka qorsheysan. View the full article
-
Inta la xaqiijiyay, hal qof oo dumar ah ayaa ku geeriyooday lix kalena waa ku dhaawacmeen, dagaal xooggan oo saaka dib uga qarxay suuqa dhanka waqooyi ee Gagaalada Gaalkacyo. Dagaalka ayaa daba socda iska hor-imaad xalay dhexmaray ciidamada Amniga Puntland oo hawlgal ku jiray iyo Koox ka ganacsatada Khamriga, iyadoo iska hor-imaadkii xalay laba ruux ku geeriyoodeen saddex kalena ku dhaawacmeen. Dagaalka ayaa ka bilowday weerar ay saaka Malayshiyaad hubaysan oo hab qabiil u abaabulan ku qaadeen suuqa dhanka waqooyi ee Gaalkacyo, halkaas oo dagaal ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada Amniga Puntland. Inkastoo haatan uu Dagaalka istaagay, haddana weli xog sugan lagama hayo Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkaas, waxaana wararka qaar sheegayaan in ay jiraan guryo iyo xaruma ganacsi oo gubtay. PUNTLAND POST The post Khasaaraha ka dhashay dagaal xooggan oo saaka ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal saaka waabarigii hore ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalka oo ahaa mid rogaal celis ah ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad ku sugan xaafadda Garsoor ay weerar ku qaadeen ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland. Sidoo kale dagaalka oo xalay soo bilowday ayaa la sheegay inuu ka dhashay, ka gadaal markii maleeshiyaadka saaka weerarka qaaday dagaal looga saaray Koontarool ay uga sugnaayeen magaalada Gaalkacyo. Ciidamada ammaaanka ayaa sidoo kale burburiyey waxyaabo maanka dooriya oo yiilay halkaasi. Illaa iyo hadda ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay dagaaladaasi oo saaka soo laba kac-leeyey Xaaladda ayaa haatan weli mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga ee dowlad goboleedka Puntland.

Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-11072020.mp3 View the full article
-
Qaahira (Caasimada Online) – Diyaarad ka timid Masar oo sidda xirmo hub ah ayaa la doonayay in ay ka degto Soomaaliya bishii May. Lakiin laba kun oo AK47 ah, qoryaha madaafiicda rida, qoryaha kunjiyadda leh, bastoolado iyo hoobiyeyaal diyaaradda saarnaa lama dejin. Waa la joojiyey, ayuu sarkaal Soomaali ah u sheegay Wargeyska The Sunday Telegraph ee UK, sababtoo ah waxa laga baqay ayuu yiri in dowladda Soomaaliya ay lugaha la gasho muranka u dhexeeya labada dal ee Africa ugu awooda weyn ee Masar iyo Itoobiya. Wargeyska Sunday Telegraph waxa uu sheegay inuu arkay dokumentiyo muujinaya diidmada dowladda Soomaaliya ee hubka uga imanayey, balse ma bixin faah-faahin intaas dheer. Waxay u muuqataa in dowladda Soomaaliya ka baqday in Ethiopia ay u aragto inay ku dhowdahay Qaahira, sidaasna ku diiday hubka Masar. Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inay dhex-dhexaad ka tahay xiisadda labada dal, waxayna diiday qaraaro kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta, oo ay xubin ka tahay, kuwaas oo dhalleeceyn lahaa Addis-Ababa. Masar ayaa ahayd awoodda heysta Nile muddo kumanaan sano ah. Laakiin awoodda oo lala ekaaday ayaa keentay in qul-qulka biyuhu fogaadaan. Todobaadyadda soo socda marka xilli roobaadka la gaaro, Ethiopia waxay bilaabeeysa in ay buuxiso biyo xireenka ay dhowaan dhistay. Biyo xireenka oo ka mid ah kaabeyaasha ugu waa-weyn ee Africa ayaa Ethiopia siin doona awood ay ku demiso tubooyinka biyaha ee Masar waxayna dalalka deriska ah ku qasbi kartaa in ay tageeraan. Muddo ku dhow toban sano, Ethiopia waxay dhiseysay derbi dhererkiisu yahay hal mile kaasi oo laba jeer ka culus taaladooda xoriyadda. Wax yar ayuuna u jiraa xuduudda Sudan. Mashruuca biyo-xireenka oo loo yaqaan GERD waa dhammaad. Waxaa uu noqon doonaa biyo-xireen koronto laga dhaliyo kii ugu weynaa ee qaaradda Africa, wuxuuna qaadaa 72 billion oo cubic meters oo biyo ah, wuxuuna laba-laabayaa quwadda korontada aan xasilooneyn ee waddanka. Biyo xireenku waxaa uu Ethiopia u yahay xamaasad qaran – waa hadal dad xaasidnimo loola dhaqmayay qarnigii lasoo dhaafay iyo talaabo ay horay ugu qaadeen warshadeynta. Laakiin Masar oo dadkeedu yahay boqol million waxay ku dhawaad dhamaantood ku tiirsanyihiin biyaha nadiifka ah ee webiga Nile. Biyo xireenku waa “khatar muuqata” sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Masar Sameh Shoukry. Saraakiil Masar u dhashay ayaa sheegay in biyaha wabiga Nile oo yaraada ay uga sii dari karaan abaaraha waddanka, islamarkaana uu wiiqi karo beeraha iyo biyaha. Hadda Ethiopia waxay qorsheyneysaa in ay buuxiso biyo xireenka heshiis la’aan. Todobaadyaddii u dambeeyay, diblomaasiyiinta iyo taxliiliyeyaasha waxay soo saareen digniin ah in si deg deg ah loo helo qaraar nabadeed. Walaacooda si fiican ayuu u muuqdaa. Markii hore, Masaaridu waxay soo jeediyeen hanjabaad ah talaabo militari, iyagoo sheegay in Masar ay adeegsan doonto wax walba oo ay heli karto si ay u difaacdo amniga biyaheeda. Dad awood leh oo Dowladda u dhow ayaa kusii daray in dadka Masar ay dagaal ku baaqi doonaan haddii Ethiopia ay isku daydo in ay wadanka gaajo ka dhigto. Raiisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa ka jawaabay. Sanadkii lasoo dhaafay waxaa uu yiri “ma jirto awood Ethiopia ka joojin karta dhismaha biyo-xireenka”, dalkiisana waxaa uu soo safi doonaa ayuu yiri malaayiin rag derajo sare leh si ay u difaacaan. Ka sokoow isu goodinta, fursadda uu dagaal ku dhex mari karo Ethiopia iyo Masar waa ay yar tahay. In ka badan 1000 mile oo saxaraha Sudan ayaa kala qaybiya labada awoodood, Ethiopia ayaana u nugley weerar dhulka ah. In cirka ay ka duqeyso biyo xireenka waa talaabo militari oo aad suurtagal ugu ah Masar. Si kastaba, taasi waxay saameyn baahsan ku yeelan doontaa amniga Gobolka, Qaahira ayaana ka heli doonta faa’iido muddo gaaban oo kaliya ah. “Haddii Masar ay qaado duqaymo ka dhan ah biyo xireenka, Maxay noqon kartaa faa’iidada mudada dheer? Xitaa haddii ay duqaymuhu noqdaan kuwo aad wax u burburiya, Ethiopia waxay billaabi doontaa in ay biyo-xireen kale ka dhisto Nile. Kadibna Toban sano ka dib Masar waxay mar kale wajahi doontaa dhibaatadii oo kale, laakiin markaan xittaa lalama tashan doono,” ayuu yiri William Davidson oo ka tirsan ururka Xasaradaha Caalamiga ah. Wareeg labaad oo wadahadal ah oo ay dhex-dhexaadinayaan Midowga Europe ayaa hadda socda. Ma cadda cidda marka hore ka bixi doonta. Haddii aan heshiis la helin, xiisadda gobolka waa ay sii socon doontaa. Diyaaradda hubka u siday Soomaaliya, oo lagu faah-faahiyay qoraallo dhowr ah oo ay heshay The Sunday Telegraph, hadda Masar ayey kusii negaan doontaa.

aiwan and Somaliland, a breakaway region of Somalia, will establish diplomatic missions in each other’s “capitals”. This was recently reported by the news agency Reuters, citing a statement by the Minister of Foreign Affairs of Taiwan Joseph Wu. Source: Hiiraan Online
-
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegaya in halkaas xalay uu ka dhacay qarax bam gacmeed ah oo khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay. Qaraxa ayaa sida la sheegayo lagu weeraray goob ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada Kismaayo waxaana la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen laba ruux afar kalena ku dhaawacmeen. Dhaawacyada afarta ruux ayaa la geeyay isbitaalka weyn ee Kismaayo halkaas oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad. Laamaha Amniga Jubaland oo qaraxa kadib hawlgal ka sameeyay xaafadaha kala duwan ee Kismaayo ayaa gacanta ku soo dhigay dad lagu tuhunsanyahay in ay fuliyeen qaraxaas. Balse ma jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa inkastoo Al-shabaab looga bartay qaraxyada noocaas oo kale ah. PUNTLAND POST The post Faahfaahinta qarax ka dhacay Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
The president of Emirates said the Middle Eastern airline is set to cut as many as 9,000 jobs because of the coronavirus pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdulqaadir Jirde ahna guddoomiyaha KMG ee xisbiga Waddani ayaa kafishay qorshe aan shaaca laga qaadin oo dowladda federaalka Soomaaliya la tagtay shirkii dhawaan Jabuuti kula yeelatay Somaliland, kaasoo miiska wada hadalka uu keenay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Cabdulqaadir Jirde ayaa sheegay in Xasan Cali Kheyre uu miiska wada hadalka uu soo dhigay in Somaliland la siinayo xilka madaxweynaha iyo in caasimadda Soomaaliya noqoto magaalada Hargeysa. “Maalintii dhawayd shirkii la isugu tagay jabuuti ra’iisul wasaare Khayre waxa uu la yimid shirka Somaliland waxaanu siinaynaa madaxweynaha iyo caasimadda, haddee waana iyada oo aan la wada hadalba oo aan waxba laysla meel dhigin markaa fikirka ay inaga haystaanba waa inaynu nahay dad la soo xaraysan karo oo ay isleeyihiin sidii ay barigii horeba iskaga yimaadeen maanta la soo xaraysan karo,” ayuu yiri Cabdulqaadir Jirde oo warbaahinta la hadlayay. Jirde ayaa sidoo kale sheegay in midnimo dhexmarta Soomaaliya iyo Somaliland aanay xalin karin xiligaan dhibaatada qolo kasta gaarkooda u haysata. “Soomaaliya dhibaatada haysata iyo mushkiladaha u yaalla midnimadu ma xalinayso balse dhibaatooyin kale ayey abuuraysaa.” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Cabdulqaadir Jihde. “Somaliland lafteeda doorashadan aynu qabsan kari waynay, kala qaybsanaanteena, maamulkeenii oo fadhiid noqday, wax la kala tirsanayo inoo xalin mayso” ayuu intaa ku daray. Ugu danbeyn Cabdulqaadir Jirde ayaa sheegay inaanay midnimo lala galo Soomaaliya ay dhinacna faa’iido u lahayn, sida uu hadalka u dhigay, balse ay wanaagsan tahay in wax wada qabsi walaalnimo ay muhiim tahay. Somaliland ayaa tan iyo markii ay ku dhawaaqday 1991-kii inay ka madax bannaan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxay juhdi badan gelineysay sidii ay u heli laheyd aqoonsi dal madax bannaan oo dunida aqoonsan tahay, taasi oo aanay weli ku guuleysan.
-
State education study shows doubts in Black, Latinx, and Asian communities about the safety of sending kids back to school during the coronavirus pandemic. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirkii warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi ayaa xaqiijiyay inuu xilkiisa ku waayay cod sir ahaa oo nin saaxiibkiis ah uu ka duubay, kaasoo qabsaday baraha bulshada oo dadka ay isla wadaageen. Codka sirta ee laga duubay wasiirka ayaa wuxuu ku xamanayay madaxweynahiisa Cabdicasiis Lafta-gareen iyo qorshahiisa ku aadan inuu xukunka kusii dheereysto, waxaana warka wasiirka laga dhadhansanayaa inuusan ku qanacsaneyn siyaasadda madaxweyne C/casiis Lafta-gareen. Ugaas Xasan ayaa xaqiijiyay sax ahaanshaha warkaasi isla markaana caddeeyay inuu ka duubay qof ay saaxiibo yihiin oo uu u sheegayay inuu qorshaha madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ku fashiliyo baraha bulshada. “Nin aan saaxiibo nahay ayaa si khaldan oo sharafta ban’aadamka iyo dadnimada ka baxsan cod iiga duubay, kadibna baraha bulshada si khaldan loogu baahiyay, taasina ay sabab u noqotay in xilkii aan ka hayay Koonfur Galbeed la iga qaado”, ayuu yiri Ugaas Xassan. “Ma khaldame waa Alle, walaalkey codka iga duubay wuxuu qiray in uu khaladamay, dembina ay ahayd waxa uuu sameeyay, annigana waxaan go’aansaday in saaxibka sida khaldan codka iiga duubay aan cafiyo,”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Madaxweyne C/casiis Laftagareen ayuu sheegay in isagoo dareemaya culleyska ay arrintaas leedahay uu go’aansaday in uu xil ka qaadis ku sameeyo. “Madaxweyne Laftagareen wuxuu rabaa in xildhibaanada been kusoo xero geliyo aysan u dooran madaxweyne mustaqbalka isagoo is waafajinaayo mudo xileedkiisa iyo baarlamaanka hadda jira” ayuu ku yiri codkiisa. Wasiirkii Ugaas Xasan ayaa waxaa ka mid ahaa wasiiradii lasoo shaqeeyay dowladii Shariif Xassan oo galaangal ku lahaa siyaasiyiintii taageersanaa maamulkii SHariifk Xasan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD qeybna ka ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Farmaajo, isagoona sheegay in Villa Somalia ay ku fashilantay qabashada doorashada. Xasan Sheekh oo daba socday warkii xalay kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ee doorashada ayaa si cad u sheegay in jahwareer baahsan uu ka taagan yahay doorashada, xili uu soo baxayo qorshe muddo kordhin. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo wada-hadal kasta oo horseed u noqon kara in la helo heshiis wax ku ool ah, arrinkaasi oo ay ka mideysan yihiin Madasha xisbiyada qaran. Xasan ayaa madaxda dowladda federaalka oo ugu horeeyo Farmaajo ku eedeyay inay gebi ahaanba si toos ah ugu fashilantay qabashada doorasho xor ah, midaasi oo ay ka taagan tahay jawhareer. Waxa kale oo ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada dalka inay xoojiyaan wada-tashiga la xiriira doorasho xiligeeda ku qabsoomto iyo wax uu ugu yeeray ‘samato bixinta qaranka’. Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in xiligan loo baahan yahay tallo loo mideysan yahay sidii looga bixi lahaa khal-khalka siyaasadeed ee dalka.
-
Tehran (Caasimada Online) – Iyadoo cadeymuhu soo muuqanayaan cadaadiskuna ku sii badanayo Tehran, kadib qarixii sida daran u dhaawacay warshadda Nuclear-ka ee Natanz, ayaa su’aaluhu waxay diiradda saarayaan sida ay Iran uga jawaabi doonto. Dowladdu waxay ku jirtaa xaalad adag sababtoo ah waxay qarixii ku tilmaamtay dhacdo, laakiin hadda waxay wajaheysaa warbixino daad ah oo warbaahinta shisheeye ay doonayan in ay ku soo gaba-gabeeyaan in qaraxa ay ka dambeeyeen koox ama wadan. Tani waa waxa ay Iran aqrineyso: Warbaahinta waa weyn oo ay ka midyihiin New York Times, Washington Post iyo warbaahinta maxaliga ah sida Al-Jarida waxay dhammaantood raadiyeen in ay xaqiijiyaan in Israa’iil ay ku lug laheyd qarixii July 2 ka dhacay bakhaarka warshadda Nuclear-ka ee Natanz. Sidee haddaba Iran uga jawaabi doontaa haddii ay soo gaba-gabeyso waxa ay weerarka u aragto ee Natanz? Rajiimka Iran ee ay hoggaamiyaan ilaalada kacaanka Islaamiga ah, waxay rumeysan tahay laba nooc oo dhaqan ah. Marka hore waxay rumeysan tahay jawaab aargudasho ah, sida weerarkii gantaalada balaastika ee ay qaaday bishii January markii uu Mareykanku dilay Qaasim Suleymaani. Waxay sidoo kale rumeysan tahay doc-ka-weerar, sida beegsiga maraakiibta safarka ku maraya gacanka Cumman, si ay u kiciso xasarado sida May iyo June sanadkii 2019-kii ama September 2019 weerarkii ay ku qaaday warshadaha Sacuudiga ee Abqaiq. Qaabka caadiga ah ee jawaabta Iran, waa in ay wacad ku marto in ay jawaabeyso haddana aysan waxaba sameym. Tehran waxay ballan qaaday aargoosi adag, si ay uga jawaabto dilkii Sumleymani. Laakiin ilaalada kacaanka ee Islaamiga ah waxay qorsheeyeen duqeyn gantaalo ah, taasi oo ay ogaayeen in aysan dad ku dhiman doonin. Iran waxay badanaa ballan qaadi jirtay aarsi ka dhan ah Israa’iil oo in ka badan 1000 jeer duqeymo ka fulisay bar-tilmameedyo ay Iran ku leedahay Siirya. Weli cadeymuhu waxay muujinayaan wax yar oo ah madaafiic Israa’iil looga soo tuuray Siiriya Waxaa intaas dheer in ay Iran soo riday diyaarad Drone ah oo Mareykanku leeyahay qiimaheduna gaarayo $200 million bishii January ee sanadkii 2019-kii. Iran waxay sheegatay in ay soo riday diyaarad noocedu yahay P-8 oo Mareykanku sameeyey, laakiin waxay taasi dhab noqon laheyd haddii ay dadka Mareykan ah dileen Donald Trump ayaa aarsan lahaa. Dowladda Iran si taxadar leh ayey u xisaabtantaa. Waxay xisaabisaa aargoosiga waana ay ogtahay in horay dhib uga soo gaaray dhabar-jebin badan. Aarsiga iyo jawaabta rasmiga ah ee Iran ma ahan toogeysi ka dhan ah cadowga ka awoodda badan, laakiin waa in ay isticmaasho maleeshiyaadkeeda, si ay wadamo u dhex gasho. Aarsigeeda rasmiga ah waa in ay baarlamaanka Lubnaan ku yeelato awoodda Xisbullah. Illaa iyo 800 oo ka tirsan ciidanka ilaalada kacaanka Islaamiga ah ayaa Iran ka jooga Siiriya. Laakiin aarsigu waa in ay ku dhawaadaan Golan, islamarkaana ay qortaan maleeshiyaad maxalli ah. Waana mashruuc qaatay tobanaan sano. Iran weeraradeeda waxay u qaadaa si taxader iyo dhiiranaan leh, sida weeraraddii ay ku qaaday Abaiq, warshadaha shidaalka Sacuudiga bishii September ee sanadkii hore. Iran waxay si sax ah u xisaabisay in Sacuudigu uusan duqeyn doonin. Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn e Iran iyo gantaaladeeda kuruuska ah ayaa si daran u dhaawacay Abqaiq, mana aysan sababin waxyeelo nafeed. Sidaas ayey Iran maanta u qiimeysaa weeraradeeda. Markii Iran ay go’aamiso in ay aargoosato, nidaamka ciidanka ilaalada kacaanka ayaa si taxadar leh u dooranaya qaababka – laga soo bilaabo miinooyin illaa gantaalo ama Drones, si loo duqeeyo cadowga Iran ee gobolka oo dhan.
-
Ciidanka Puntland & Dablay Caawa Dagaal ka dhex qarxay+Khasaaraha Dhimasho & Dhaawac Iska hor-imaad u dhexeeyay ciidamada amniga Puntland iyo koox hubaysan ayaa caawo ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 4 qof ayaa ku geeriyooday iska hor-imaadkaan, halka tiro ku dhow 7 qof oo labada dhinac ah ay ku dhaawacmeen, sida aan kasoo xiganay masuuliyiinta Dad goobjoog u ahaa dhacdadan. Iska hor imaadku waxa uu ka dhashay kadib markii ciiddanka amnigu ay qaadeen howlgal ka dhan ah maandooriyaha iyagoo bartilmaameesaday goob lagu sheegay in lagu kala iibiyo Khamriga lasoo galiyo magaalada Gaalkacyo. Labada dhinac ayaa isku addeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Wuxuu iska hor-imaadka ka dhacay xaafada Garsoor, oo la sheegay inay ku yiileen goobo farriisin u ah dadka ka ganacsada Maandooriyaha Khamriga iyo xashiishada. Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay la wareegeen guri Khamriga lagu kala iibiyo oo saldhig u ahaa dableyda. Lama sheegin wax khasaare ah oo shacabka kasoo gaadhay. Xaafadaha ku dhow goobta lagu dagaalamayay, ayaa ah kuwo inta badan cidlo ah oo looga guuray dagaaladii Gaalkacyo ku dhexmaray Galmudug iyo Puntland sanadihii 2015/2016. Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa aad uga cabanaya Khamriga oo la sheegay inuu qeyb weyn ka yahay amni xumada Gaalkacyo. Kooxaha maandooriyaha ayaa xilliyada habeenkii magaalada ka sameeyan falal lid ku ah amniga. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa maalmihii u dambeeyay aad loo hadal hayey xiriirka iyo heshiiska cusub ee ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan oo iyagu ah maamulo aan si rasmi ah u helin madax-banaani caalami ah. Heshiiskaasi ayaa dhigaya in labada dhinac ay iska kaashan doonaan dhinacyada caafimaadka bulshada, tamarta, macdanta, waxbarashada iyo beeraha iyadoo la adeegsanayo habka Taiwan, taas oo kor u qaadaysa horumarinta iskaashiga labada dhinacba. Somaliland ayaa iyadu u aragata guul diblumaasiyadeed oo aqoonsi u horseedi karta xiriirka cusub ee Taiwan, wallow ay sidaasi tahay, haddana ma gaarsiisna arrintu heerka loo maleeyo. Taiwan ayaa ah Jaziirad ka tirsan Shiinaha oo sheegta inuu yahay dal madax-banaan, maadama la rumeysan yahay inuu yahay gobol isku filnaansho dhaqaale gaadhay, inkasta oo midaasi u horseedin aqoonsi caalami ah.Haddaba, xiriirka Somaliland ee Taiwan ayaa u muuqda mid aan xiligan horseedi karin ictiraaf caalami ah oo ay hesho Somaliland, maadama ay Taiwan laftigeedu ay halgan ugu jirto sidii ay u kasban laheyd madax-banaani buuxda. Somaliland ayaa ictiraaf ku heli karta haddii dowladda federaalku ay siiso ogolaanshiyo ay kaga go’ayso, midaasi oo u muuqata mid aan xiligan iyo muddo dhow laftigeedu aysan dhaceyn, isla markaana caqabad ku ah rabitaanka iyo sheegashada Somaliland. Heshiiska Taiwan iyo Somaliland ay dhawaan kala saxiixdeen ayaa la rumeysan-yahay in Somaliland ay guul kaga gaari karto dhanka horumarka arrimaha bulshada, maadama ay Taiwan dhaqaalo ahaan ladan tahay.
-
Turkiga oo goob taariikhi ah markale ka dhigay masjid+Waqtiga Salaada u horeysa lagu tukan doono+Cida ku tukanaysa Hagia Sophia ayaa kamid ah goobaha ay dalxiisayaasha ugu badan ka booqdaan Turkuga. Madxafka caanka ah ee Hagia Sophia oo ku yaal magaalada Istanbul ayaa markale loo bedalay masjid, kadib go’aan uu gaaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Go’aanka Erdogan ayaa daba socday xukun ay maxkamad riday oo ahaa in si sharciga baalmarsan markii hore goobtaasi looga dhigay madxafka. Hagia Sophia oo la dhisay muddo 1,500 oo sano laga joogo ayaa waxaa markii koobaad loo asteeyay kaniisad, balse boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa sanadkii 1453 u bedashay masjid. Goobtan oo kamid ah kuwa caalamiga ah ee u diiwaangashan hay’adda UNESCO ayaa dowladii Turkiga ee 1934 waxa ay ka dhigtay madxaf. Islaamiyiinta Turkiga ayaa intii muddo ahba ku baaqayay in Hagia Sophia markale laga dhigo masjid, balse waxaa arinkaasi diiddanaa xisbiyada mucaaradka ee aan diinta aaminsaneyn. Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo madaxda diimaha ee caalamka ayaa dhaliilay go’aankaasi. Madaxweyne Erdogan oo difaacay go’aanka ayaa sheegay in dalkiisa uu madaxbannaanidiisa ku saleeyay tallaabada uu madxafkaasi markale uga dhigay masjidka. Waxa uu intaa raaciyay in salaadda ugu horreysa dhismahaasi lagu tukan doono 24-ka July. “Si lamid ah masaajiddeena, albaabada Hagia Sophia waxa ay u furnaan doonaan muwaadiniinteena iyo ajaanibta, Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahaynba,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Waxyar uun kadib markii uu Madaxweyne Erdogan shaaciyay go’aanka, ayaa Hagia Sophia laga adimay, waxaana aadaankaasi laga baahiyay guud ahaan warbaahinta Turkiga. Hay’adda UNESCO ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay go’aanka madxafka loogu bedalay masjidka, waxaana ay xukuumadda Turkiga ugu baaqday inay wadahadal ka furto arintaasi. Qaran News
-
Magacyada Shaqsiyaadka loo haysto dilka Fanaan Hachalu Hundessa oo la shaaciyay Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeesay shaaca ka qaaday magacyada rag loo heesto in ay ka dambeeyeen dil dhawaan magaaada Adis Ababa loogu geestay Fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hundessa . Dilka fanaankan loo geestay ayaa gudaha Itoobiya gaar ahaan dhulka Oromada degto ka dhaliyay banaan baxyo rabshada wata oo sababay geerida dad ka badan 100-qof ay ku jiraan saraakiil iyo askar katirsan booliiska Itoobiya. xeer ilaaliyaha federaalka ee Itoobiya Adanech Abeibe ayaa sheegtay in raga lagu magacaabo Tilahun Yami iyo Abdi Alemayehou ay fuliyeen dilka magaalada Adis Ababa loogu geestay Hundessa. Waxa ay xeer ilaalinta sheegtay in raggan loo heesto dilka fanaanka ay qirteen dambiga ay galeen, ragan dilka loo heesto ayaana la sheegay in ay katirsanaayeen koox la yiraahdo “Shane” oo ka goosatay Jabhadda Xoreynta Oromada ee OLF. Rabshadaha ka dhashay dilka Fanaanka ayaa sababay geerida dad badan iyo sidoo kale in la xiro siyaasiyiin iyo hogaamiyaal caan ka ah gudaha Itoobiya uu kamid yahay Jawar Maxamed oo mar saaxiib dhaw la ahaa Ra’isul wasaare Abiy Axmed. Qaran News