Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,255
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Soomaaliland ayaa maanta oo Talaado ah 09-06-2020 waxa ay sheegtay in deegaannadeeda laga helay kiisas la xiriira safmarka Coronavirus ka dib markii baaritaan lagu sameeyay dad looga shakiyay xanuunkan. Wasaaradda caafimaadka Soomaaliland oo soo saaratay warbixinta maalin laha ah ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay in cudurka COVID-19 laga helay 17 qof, iyada oo sidoo kale shaacisay in xanuunka ay ka bogsadeen 7 bukaan, halka 24-kii saac ee la soo dhaafay shaqsi rag haa oo da’diisa lagu sheegay 104 jir uu xanuunka u geeriyooday. Tirada guud ee ka bogsatay Coronavirus gudaha Soomaaliland ayaa ah 80 qof iyada oo guud ahaan xanuunkan ay u geeriyoodeen 26 ruux. Guud ahaan Soomaaliland waxaa cudurkan kiisaska laga helay ay gaarayaan 466 kiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho ( Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa saaka ciidamo Boolis oo dheeraad ah dhigtay wadada dheer ee isku xirta magaalada Muqdisho iyo deegaan xeebeedka Jasiira ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa fariisimo cusub ka sameystaan wadadaasi oo muhiim ah dadka dalxiiska uu aada xeebta Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online u jeedka ciidanka loo geeyey halkaasi ayaa ah sidii ay uga hortagi lahaayeen maleeshiyaad dhowaan ku dagaalamay halkaasi, kuwaas oo lacago baad ah ka qaadan jiray dad shacabka ah u damaashaad taga deegaankaasi. Sidoo kale saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka shaqeyn doonaan sugida amniga wadadaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay cabasho ka muujinayeen dadka rayidka ah iyo gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Jasiira. Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo xildhibaano ka tirsan BF ay kormeer ku tageen wadadaasi iyo deegaanada ku xeeran. Tallabadaan ayaa soo afjareysa dhibaato amni oo in muddo ah ka taagneyd duleedka Muqdisho, gaar ahaan jidka aada deegaanka Jasiira ee gobolka Shabeelaha Hoose.
  3. In comparison to its neighbors on the Horn of Africa -- Ethiopia, Eritrea, and Somalia -- or those on the nearby Arabian Peninsula, the Republic of Djibouti is small. With under a million people spread out over 9,000 square miles, it is perhaps best known by outsiders for the foreign military bases strategically located at its eponymous capital city, a port located just where the Gulf of Aden meets the Red Sea. Source: Hiiraan Online
  4. Anti-racism activists in the UK are demanding police further investigate the death of Somali schoolgirl Shukri Abdi, whose case was deemed a "tragic incident" last year despite allegations of racist bullying by her schoolmates. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online ) – Wararka naga soo gaaraya Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ahaa lagu dilay dalkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Ibraahim Maxamed Xasan, kaas oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Cape Town. Wararka ayaa sheegaya kooxo burcad Koofur Afrikan ah ay ganacsadahan ku dileen Xaafad lagu magacaabo Samora ee ka tirsan magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in raggii dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen, waxaana goobta gaaray mar dambe ciidamo ka tirsan Booliska wadankaasi. Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka sida daran loogu dhibaateeyo ganacsatada iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka waa-weyn ee dalkaasi.
  6. Dr. Essa Mohamed is a Mayo Clinic researcher with an ambitious goal:. To create nothing less than a more equitable health care system for women and racial and ethnic minorities. Source: Hiiraan Online
  7. Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay masuuliyiin hore uga tirsanaa maamulkooda ku eedeysay inay wadaan khalkhal gelin amni waxaana la sheegay in masuuliyiintaas ay kicin ciidan ka wadaan gobalka Gardafuu. Guddoomiyaha gobalka Gardafuu Muuse Saalax Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in masuuliyiin hore uga tirsana Puntland ay gobalkiisa ka wadaan khalkhal gelin amni waxa uuna hoosta ka xariiqay in amniga gobalka Gardafuu uu yahay mid la isku halayn karo. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in guddoomiyihii hore ee gobalka Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab iyo Mahad Carar oo sida uu sheegay laga ceyriyay wasaaradda Kaluumeysiga ay soo abaabuleen ciidan islamarkaa waxa uu carabka ku dhuftay in raggaasi ay yihiin kuwo horey shaqadoodii ugu fashilmay. Dhanka kale guddoomiye Muuse ayaa sheegay in ciidankii dhowaan sheegay inay ka go’een Puntland aysan ahayn ciidan sax ah balse ay ahaayeen dhalinyaro la soo abaabulay oo deegaanka u dhashay isaga oo intaas raaciyay in masuuliyiin ka careysan xilalka laga qaaday ay soo abaabuleen. Hadalka guddoomiyaha Gardafuu ayaa daba socda kagadaal markii askar ku sugan gobalkaasi ay iska soo duubeen muuqaal ay ku sheegayaan inay ka go’een Puntland islamarkaana ay taageero ka rabaan dowladda federaalka Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Following the Memorial Day police murder of George Floyd, Minneapolis protesters reclaimed—and burned—the third police precinct, commandeered a hotel for the homeless, and pushed city council to consider disbanding the police department. The uprising inspired protests across the globe but many are still asking, “Why Minneapolis?” Source: Hiiraan Online
  9. (CNN)More than three years ago, Deman Aman Abshir, a Somali national, faced an impossible choice: leave behind her newborn daughter to come to the United States or watch as her husband's health worsened. Source: Hiiraan Online
  10. RICHMOND (AP) A federal appeals court has ordered a lower court to toss out legal challenges to President Donald Trump’s 3-year-old ban on travelers from predominantly Muslim countries, finding that a judge misinterpreted a Supreme Court ruling that found the ban has a “legitimate grounding in national security concerns.” Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu beeniyey warar maalmihii la soo dhaafay lagu baahiyey baraha bulshada, kuwaas oo lagu sheegay inay is-hortaag ku sameysay shir dhex-mari lahaa madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka. Qoraalkan oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah oo la soo dhoodhoobay. Sidoo kale Koonfur Galbeed ayaa shaacisay in wada-hadallada labada dhinac loo saaray guddi gaar ah oo ka doodaya ajandaha shirka, goorta iyo halka lagu qabanayo. Ugu dambeyn warka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay diyaar u tahay marti-gelinta shirkaasi. Shirarkii u dhexeeyey dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa muddo hakad ku jira, sababo la xiriira khilaaf u dhexeeya Villada Soomaaliya, Puntland iyo Jubbaland.
  12. Dowladda Puntland ayaa markii u horraysay ka hadashay Ciidamo dhowaan ka soo muuqday baraha bulshada oo sheegay in ay ka go’een Puntland islamarkaana ay taageersan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu Muuse Saalax Guuleed ayaa shaaciyay magacyada mas’uuliyiin hore uga tirsanaa Puntland oo haatan ku sugan Gobolka Gardafuu kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen tallaabada ciidankaas ku dhaqaaqeen. Mudane Muuse Saalax Guuleed ayaa sheegay in Guddoomiyihii hore ee Gardafuu Maxamuud Axmed Caynab iyo mas’uul kale oo ka tirsanaan jiray Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland magaciisana uu ku sheegay Mahad Carcar oo ka caraysann xilal laga qaaday ay abaabuleen ciidanka si ay khalkhal uga abuuraan Gobolka. Sidoo kale wuxuu sheegay in askarta hadashay aysan horay uga tirsanayn Ciidamada Puntland balse ay ahaayeen dhalinyaro la soo uruuriyay oo Degaanka u dhashay kuwaas oo ay abaabuleen mas’uuliyiinta ka caysan xilalka laga qaaday. Halkaan ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay magacyada mas’uuliyiin hore oo ay sheegtay in ay khalkhal gelin wadaan appeared first on Puntland Post.
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlayey dagaal beeleedyo ka dhacay gobolka Mudug ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay gadaal ka riixeyso dagaalladaasi. Fiqi ayaa tilmaamay in colaad beeleedyadaasi oo heshiis nabadeed laga gaaray ay markale hurinayaan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay. Wasiirka ayaa xusay in kooxda Al-Shabaab ay dooneyso inay ka dhax faa’iideystaan marka ay dib u qarxaan dagaalladaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay u yeereen odayaasha beelaha qaar, wuxuuna carabka ku dhuftay inay ka xun yihiin xareynta maleeshiyaadka iyo wareejinta hubkooda. Wasiirka amniga Galmudug ayaa sidoo kale uga digay odayaasha dhaqanka inay u tegaan Al-Shabaab, isaga oo wacad ku maray cidii tegtaa deegaanadooda in aysan ku soo laaban doonin dhankooda, sida uu hadalka u dhigay. “Waxa aan maqalnay in odayaasha qaar ee beelaha ay u yeereen Al-Shabaab iyaga oo ka xun xareynta maleeshiyaadka, wareejinta hubka iyo sugidda amniga, odaygii qaata amarkaas ee aada deegaannadooda dib yuusan nagu soo laaban, kamana aqbali doono cudur-daar” ayuu yiri wasiirka wasaaradda amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Galmudug ay bilowday inay la wareegto maleeshiyaadka ku sugan deegaanadeeda iyo hubkooda, si loogu daro ciidamada daraawiishta iyo kuwa Booliska ee maamulkaasi.
  14. Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay wararka sheegaya in maamulka Cabdicasiis Laftagareen ay horistaageen shir la filayay inuu dhexmaro madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah waxaana maamulku uu iska fogeeyay arrinkaasi. Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Koonfur galbeed ayaa lagu beeniyay warkaasi waxaana warsaxaafadeedkaas lagu sheegay in dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada dalka ay guddi u xil saareen qabsoomidda shir ay yeeshaan labada dhinac. Sidoo kale Koonfur galbeed waxa ay sheegtay in wali guddigaas ay wadaan doodo ku aaddan xilliga uu shirkaas furmayo, halka uu ka dhici doono iyo ajandeyaasha looga hadlayo intaba. Warka ka soo baxay Koonfur galbeed ayaa waxa uu ku soo addaya xilli uu jiro khilaaf xoog leh oo u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira taas oo hoos u dhigeysa kalsoonida ay shacabka ku qabaan xukuumadda hadda jirta, maadaama ay kala fogyihiin saamileydii siyaasadeed ee dalka. Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Dubai)-Dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee Carbeed ee loo dirayo meeraha Mariikh ama Farraare ee afka qalaad lagu yirahdo Mars ayaa lagu wadaa in hawada loo diro muddo toddobaadyo gudahood ah. Toddobaadka soo socda ayaa la filayaa in Dayax-gacmeedkaasi lagu shubo shidaalkii ugu horreeyay. Safarka Dayax-gacmeedkan ayaa qaadan doono toddobo bilood oo uu ku jari doono masaafo dhan 493 milyan oo kiiloomitir, si uu u gaadho meerahaasi Mariikh isla markaana uu xaruntii laga gamay u soo diro xog muhiim ah oo ku saabsan cimilada iyo jawiga meerahaasi. Dayax-gacmeedkan ayaa ku wareegi doono meerahani muddo 687 maalmood ah, si uu u soo uruuriyo xog ku filan oo ku saabsan macluumaadka meerahani Mariikh ama Farraare. Halkii wareeg oo Dayax-gacmeedkani uu ku soo wareego meerahani ayaa qaadanaya 55 saacadood. Agaasimaha barnaamijkan Imaaraadka, Sarah Al-Amiri, ayaa shalay sheegtay in mashruucani uu noqon doono mid dhiirigelin weyn u leh saynisyahannada Carbeed, si ay u daneeyaan farsamada qalabka ay cirbixiyeennadu isticmaalaan. Dayax-gacmeedkani oo lagu magacaabo Amal, ayaa 14-ka bisha Juun lagu wadaa inuu ka duulo jasiiradda Tanegashima ee dalka Japan. Dayax-gacmeedkan ayaa ka kooban saddex qeybood oo qeybta koowaad u jeeddadiisu tahay in lagu soo cabbiro waxa uu ka kooban yahay gibilka hawo ee meerahani, waxaana ku rakiban kaameero aad u awood badan. Qeybta labaad ayaa loogu talagalay in lagu ogaado cabbirka gibilka sare iyo kan hoose ee meerahani, waxaana qeybtani farsameeyay Jaamacadda gobolka Arizona ee dalka Mareykanka. Halka qeybta saddexaad loogu talagalay in lagu soo cabbiro heerka curiyeyaasha kala ah Ogsajiinka iyo Haydaroojin ee meerahani. Al-Amiri ayaa sheegtay in muhiimadda daraasaddoodu ay tahay sidii xog muhiim ah looga heli lahaa labadani curiye ee biyuhu ka sameysmaan iyo sida looga helo meerahani Mariikh. Dowladda Imaaraadka ayaa hore mid ka mid ah cirbixiyeennadeeda u dirtay xarunta cirbixiyeennada adduunka ee ku taal hawada sare. Amiir Suldaan Bin Salmaan Al-Sacuud oo u dhashay dalka Sucuudi Carabiya ayaa ahaa cirbixiyeenkii Carbeed ee ugu horreeyay ee u dalxiis tago hawada sare, waxa uuna sanadkii 1985 raacay dayax-gacmeed laga leeyahay dalka Mareykanka. Dayax-gacmeedkan Amal ayaa lagu sameeyay dalka Imaaraadka Carabta waxaase markab lagu geeyay dalka Japan, halkaasi oo dhammaan injineeradii farsameynayay ay ku khasbanaadeen in la karantiilo sababo la xiriira cudurka Covid-19, arrintaasi oo halis gelisay in duulimaadka Dayax-gacmeedkaasi uu ka daaho xilligii loogu tala galay. Monica Grady, oo ah bare-sare oo ku takhasusay culuunta hawada sare isla markaana ka tirsan Jaamacadda Open University ee dalka Britain ayaa rumeysan in safarkani Imaaraadku uu muhiimad gaar ah u leeyahay dunida maadaama horey safarrada noocani ah ay u badnaayeen quwadaha waaweyn ee caalamka ee sida Mareykanka iyo Shiinaha. Hoggaamiyaasha mashruucani Imaaraadka Carabta waxay xasuusiyeen dunida in siddeed qarni ka hor, khubaro Carbeed ay safka hore kaga jireen cilmi-baarista dhanka Sayniska ee lagu ogaanayay waxyaabo badan dunida oo dhan. Sidaa awgeedna maanta, amiirka Jasiiradda Dubai oo ka mid ah toddobada imaaradood ee ay ka kooban tahay Imaaraatka Carabta, uu rajeynayaa in mashruucani uu horseedi doono in uu soo nooleeyo dareen iyo hanka Carbeed isla markaana uu gobolka ka caawin doono sidii looga tabaabusheysan lahaa dhaqaalaha ku xidhan saliidda oo kaliya. Ujeeddada safarkan ayaa ah in Dayax-gacmeedkan uu gaarto meerahaasi Mariikh 50 sano guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay dalkasi Imaaraadka Carabta sanadkii 1971, waxaana dalkaasi qaniga ahi uu ballan qaaday in meerahaasi uu ka dhisi doono deegaan uu bani’aadamka ku noolaan karayo meesha lagu gaadho sannadka 2117. Source
  16. Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlayay howlgal si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada Puntland kuwa Galmudug iyo kumaandooska Soomaaliya ayaa waxa uu baaq ku aaddan ka shaqeynta dhinaca nabad gelyada waxa uu u diray shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug. Wasiir Fiqi ayaa shacabka ugu baaqay in lacagata ay siiyaan dagaalamayaasha Al shabaab ay badalkeeda siiyaan ciidanka dowladda si buu yiri looga xoreeyo dhibaatada isaga oo xusay inaysan waxba ku jabnayn inay wada shaqeeyaan oo howlagal ay isla fuliyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug. “Dadka reer Gaalkacyood baaqa aan u dirayo waxa uu yahay walaalayaaloow waad aragteen inta uu la egyahay dhibka idin heysta nimanka waa la idin ka xoreynayaa siiya lacagta aad bixisaan ciidanka hala idin ka xoreeyee, ciidamadu hawada shaqeeyaan wax xasaasiyad ah oo Galmudug ay ka qabato ciidamada Puntland iyo Galmudug wada shaqeeyaan ma jirto” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Hadalka wasiirka amniga Galmudug ayaa waxaa uu ku soo aadaya iyada oo shalay howlgal wadajir ah ay ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug oo kaashanaya kumaandooska Soomaaliya ay ka fuliyeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug. Wasiir Fiqi ayaa tallaabooyin wax ku ool ah u qaaday dhinaca nabadgelyada ee deegaannada Galmudug gaar ahaan Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo dhibaatooyin xooggan ay ka geysan jireen maleeshiyeed u abaabulnaa qaab beeleed oo haatan wasaaradda amniga Galmudug ay ku guuleysatay inay gacanta ku dhigto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online ) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Ciise Cawad oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Al-Carabiya ayaa markale ka hadlay arrimo ku aadan shirkadda DP World ee laga leeyahaya wadanka Isu Taga Imaaraadka Carabta oo weli maalgashi ka wada gudaha Soomaaliya. Cawad ayaa sheegay in maalgashiga shirkaddaasi oo horey ula wareegtay dekadaha Bebera iyo Boosaaso ee Somaliland iyo Puntland uu yahay mid sharci darro ah. Sidooo kale wuxuu tilmaamay in DP World ay khatar weyn-gelisay midnimada Soomaaliya, islamarkaana ay ku xad-gudubtay dalkeena. Wasiir Axmed Ciise Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowladda federaalka ay marar badan u samirtay shirkaddaasi, balse haatan wixii ka dambeeyey ay diyaar u tahay dowladda Soomaaliyeed inay dalka ka difaacdo shirkadda DP World. “Shirkadda DP-world way na xumaysay, waxayna khatar gelisay midnimada dalkeenna, welina ma joojin faragelinteedii, waan sabirnay, sabirkuna xad ayuu leeyahay; waxaan diyaar u nahay in aan ka difaacno dalkeenna, si lamid ah cidkasta.”ayuu yiri Cawad. Shirkadda DP World ayaa horey dalka looga mamnuucay, kadib go’aan ay bishii March sanadkii 2018-kii soo saareen xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, balse waxaa jirta in weli ay maamusho dekedaha ku yaalla Berbera iyo Boosaaso oo ay heshiis hoosaad kala gashay maamullada Somaliland iyo Puntland.
  18. Wafti Nabadeed Xukuumadda Somaliland Ka Socda oo Gaadhay Degmada Ceegaag Waftiyo ay kala hoggaaminayaan Odayaal dhaqan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Aadan Cabdillaahi Cabdalle oo isagu Xukuumadda ka socda, ayaa maanta gaadhay deegaanka Ceegaag ee gobolka Buuhoodle. Ergooyinka Isniinta maanta gaadhay degmada Ceegaag ee ka kala so’da Xukuumadda Somaliland iyo Odayaasha Dhaqanka Beelaha, ayaa ah Ergooyinkii ugu horreeyey ee u socda dedaallada lagu deminayo shaqaaqada ka dhexmartay labadaas beelood ee dhawaan ka soo cusboonaatay deegaannada Horufadhi iyo Ceegaag. Labada Beelood ee walaalaha ah ee deegaannadaas wada dega, ayaa hub-urursi bilaabay, ka dib markii dilal ku dhex-mareen labadaas beelood deegaanka Gocondhaale oo 18 km xagga Galbeed ka xigta Ceegaag. Waxaanay Dadka deegaanku ku dedaalayaan deminta shaqaaqadaas oo ay werwer ka muujiyeen haddii aan dhaqso wax looga qaban inay sababi karto colaad khasaare naf iyo maalba leh keeni karta, iyaga oo Ciidanka Qaranka Somaliland, ay ku guulaysteen inay kala dhex-galaan labadaas beelood ee walaalaha ah, si aanay wax dambe oo dhib ahi uga dhex dhicin. Dedaallada nabadda loogu jiro waxaa ka mid ah Shir Isniinta maanta ka qabsoomay degmada Ceegaag oo ay ka qaybgaleen Wax-garad, Cuqaal, Aoonyahayn iyo Waftiga ka socda Xukuumadda Somaliland oo ee hoggaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle, ayaa lagu gorfeeyey xallinta mushkkladda iyo muhiimadda ay adkaynta nabadgelyadu u leedahay jiritaanka Bulsho. Caaqil Cawil Cali Abbokor, Caaqil Xiis Ibraahim Raygal, Caaqil Cabdi Ciise Guduri iyo Xubno kale oo Odayaal iyo iyo Waxgaradka Ergada iyo Beelaha nabadayntooda loo fadhiyo ka mid ah ah, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanay Odayaasha labada daraf ballan-qaadeen inay diyaar u yihiin wax kasta oo nabadda lagu xoojinayo, isla markaana soo dhawaynayaan Ergooyinka nabadeed ee Dowladda Somaliland yo Deegaannada kala duwan ka socda. Ugu dambeyntii, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle, ayaa halkaasi ka hadlay, isla markaana ka hadlay muhiimadda nabadda, sida ay Xukuumaddu isaga xil-saarayso adkaynta nabadgelyada iyo Salaan uu Ergada uga siday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. “Waxaan doonayaa inaan idin idhaahdo aad baad u mahadsantiin, Allaah khayr haydin siiyo. Waxyaabaha ugu wanaagsan bay ka mid tahay Dad walaalahaa ah oo walaalohood u soo gurmaday oo xal waara oo nabadeed u yimi, waana mid ka mid ah ka shaqaynta wanaagga iyo nabadda.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo hadalkiisa sii wataa, waxa uu intaas ku ladhay; “Dawladda Somaliland-na waxay diyaar u tahay oo ay dedaal badan ku bixinaysaa in nabad waarta la helo, waa arrin gobonnimo leh oo Illaahay raalli ka yahay. Maaddaama oo aynu ognahay qiimaha ay nabaddu leedahay, nabad la’aanina tahay nolol la’aan. Aniga oo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi waxaan idiinka sidaa, mahadnaq iyo bogaadin aan, Dowlad ahaanna waannu ogeyn Ergadani inay imanayso, waanan idin soo dhawaynaynaa.” Ergooyin kale oo isugu jira Madax-dhaqameed iyo Wax-garad deegaanno kala duwan ka soo ambabaxay, ayaa iyagana la filayaa inay saacadaha iyo maalmaha soo socda soo gaadhaan deegaanka Ceegaag oo gogosha nabadeed taallo, halkaas oo uu qorshuhu yahay in xadhigga nabad-waarta lagu gunto, shaqaaqadana lagu soo afjaro. Qaran News
  19. and fines, for Canadians who are found to be defrauding the Canada Emergency Response Benefit (CERB) program, according to a copy of a draft piece of legislation that has not been tabled in the House of Commons. Source: Hiiraan Online
  20. (SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka fiirsaneysa in tiro yar oo xujey ah ay u ogolaato dalkeeda si ay u soo gutaan acmaasha xajka oo ku beegan dabayaaqada bisha soo socota ee July. Magaalooyinka barakeysan ee Makka iyo Madiina ayaa sannad walba waxaa booqda 2.5 malyan oo ka mid ah muslimiinta ku dhaqan daafaha Caalamka. Illo ku dhow boqortooyada ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in waaxda xajka ay ka arinsaneyso in loo ogolaado xujey yar sannadkaan. Balse waxay lagu xidhi doonaa dadka xajinaya shuruudo adag oo ay ka mid tahay dhanka caafimaadka in 20 boqolkiiba ay helaan wadamada joogtada ka ah Xajka. Acmaasha xajka ayaa ah waajib qof kasta oo muslim ah saaran haddii uu Awoodo. Isku socodka caalamka ayaa bishii sadaxaad ee sanadkaan hakad ku yimid kadib markii cudurka Corona uu boqolaal kun oo qof ay ugu dhinteen caalamka halka inkabadan 6 milyan oo kale uu soo Ritay. Source
  21. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa waxba kama jiraan ku tilaamay Warar soo baxay oo sheegayay, in Maamulka Koonfur Galbeed uu is hor-taag ku sameeyay, Wada-hadallo dhexmari lahaa Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka. War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, ayaa lagu sheegay in warkaasi been abuur yahay, balse ay weli socdaan, Doodo u dhexeeyay guddi ay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu u xil-saareen, in ay soo diyaariyaan Ajandaha iyo Goobta lagu qaban doono Shirka Wada-tashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed. Sidoo kale, War-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in weli ay socdaan Falanqeymaha la xiriira Arrimaha Shirkaas, islamarkaana aan weli lagu Heshiin Goorta iyo goobta lagu qaban doono, sidaas darteedna loo baahanyahay in aan Dadka Soomaaliyeed Rajada laga baabi’in, iyadoo Baraha Bulshada loo adeegsanayo Warar been-abuur ah. Ugu dambayntii, War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay, in Maamulka Koonfur Galbeed u taaganyahay sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo ku dhaqanta Habka Federaalka, Nabad waartana hesha, Lana walaal ah Deriskeeda, islamarkaana Iskaashi Buuxa la leh Caalamka intiisa kale. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Koonfur Galbeed oo si adag u beenisay warar laga faafiyay appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyadda mucaaradka ah ee Somaliland ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay ku tilmaameen mid siyaasadaysan. Madaxweyne Farmaajo ayaa Sabtidii lasoo dhaafay khudbadiisii furitaanka kalfadhiga toddobaad ee baarlamaanka Soomaaliya ka sheegay inuu soo dhoweynayo hadal uu sheegay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu ku aqbalay in dib loo billaabo wadahadalladii Soomaaliya iyo Somaliland. Halka Farmaajo waxaa ka jawaabay Xoghaya warfaafinta ee Xisbiga mucaaradka ah UCID Yuusuf Keyse, waxuuna sheegay in hadalka madaxweyne Farmaajo uu ku sheegay in Somaliland ay ogolaatay wadahadal, uu yahay mid siyaasadeysan oo Farmaajo uu ku doonayo in dib loogu soo doorto. “Sida uu caddeeyay guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxaan qabnay in maadaama uu bilaamay wakhtigii ololaha doorashada Soomaaliya aan la bileebin wax wadahadal ah, laakiin kulan ay yeesheen labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka iyo madaxweynaha Somaliland, waxaa la isku raacay in ololaha doorashada Soomaaliya inta aan la gelin, uu Farmaajo caddeeyo af iyo qoraalba in wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu ku xidhanyahay hal shardi oo ah inuu cadeeyo in Somaliland ay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, si wadahadalkii u bilaamo” ayuu yidhi Yuusuf Keyse. Sidoo kale Xoghaya Yuusuf Keyse ayaa sheegay in hadalkii madaxweyne Farmaajo uu ahaa mid uu ku sirayo golleyaashiisa Kaambeyna uu ka dhiganayey. Basle ayna jirin wax Somaliland ay kala socoto hadalkaas. “Wax ay Somaliland ka ogtahay hadalkii Farmaajo ma jiro, wadahadallo lagu heshiiyey inay bilaamaana ma jiraan, go’aankeenu waxa uu ahaa inta ka horreysa Kaambeynkiisa, inuu umadda u caddeeyo in laba dal oo kala madax-banaan oo Soomaaliya iyo Somaliland la kala yidhaahdo ay wadahadalkii bilaabayaan” ayuu Keyse hadalkiisa sii raaciyey. Dhanka kale Xoghaya arrimaha gaashaandhigga Xisbiga kale ee WADDANI Xuseen Aadan Cadde oo la hadlay VOA ayaa sheegay in wakhti kooban uu mudadii xilheynta uga hadhay madaxweyne Farmaajo, isla markaana aanu hadalkiisii anfaceyn Somaliland, maadaama doorasho foodda ku soo heyso. “Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya waa mid wakhti kooban u hadhay, hadalka kasoo yeedhayna waa mid un iska Kaambeyn ah, loomana baahneyn in arintaas uu ololihiisa doorashada u isticmaalo, midda kale madaxweyne Farmaajo Somaliland abaal uma dhigan, aniguna maba jecli in la hor fadhiisto gabigiisba” ayuu yidhi Xoghaya arrimaha gaashaandhigga Xisbiga kale ee WADDANI Xuseen Aadan Cadde. Xoghaye Xuseen Aadan ayaa sababta uu u diidanyahay in wadahadal lala galo dowlad uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku sheegay in Somaliland oo xataa ka hor istaagay qutul-daruurigii. Dhan kale xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaan illaa hadda wax jawaab ah ka bixin hadalka ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya. Source
  23. Waxaa xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho maanta ku shiraya guddiga joogtada ah ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya sida lagu sheegay bogga golaha shacabka. Guddigan ayaa la sheegay inay ka shiri donaan sidii ay u diyaarin lahaayeen ajendayaasha kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka Soomaaliya oo si rasmi ah u furmay sabtidii. “Kulanka guddiga joogtada ah ayaa waxa ay kaga hadli doonaan dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka ee uu 6dii bisha furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay booga golaha shacabka. Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo waqtigooda uu ku egyahay dabayaaqada sanadkan ayaa isku diyaarinaya sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho aan wali nuuceeeda la shaacin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. TANZANIA, Tanzania - The president of the U.N. General Assembly said Monday that world leaders will not be coming to New York for their annual gathering in late September for the first time in the 75-year history of the United Nations because of the COVID-19 pandemic. Source: Hiiraan Online