Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,255
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kulankii Galabta dhexmaray Madaxweynayaashii hore Xasan Shiikh, Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa Ajandihiisu ahaa sidii ay markii hore xogta ku heleen Howlwadeenada Puntlandi.com tasoo [...] The post Faahfaahin Kulankii Mursal iyo Madaxweynayaashii hore “ Cidna la kulmi mayso Farmaajo” appeared first on . Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen magaalada Muqdisho waxay uga hadleen arrimo dhow ah, oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Ugu horeyn Sheekh Shariif oo ka hadlay shirkaas jaraa’id ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan shirkii uu maanta uu guddoomiyaha Aqalka Sare ugu baaqay inay isugu yimaadaan dhinacyada siyaasadda dalka, isla markaana ay guddoomiyah Aqalka Sare uga mahad celinayaan go’aankaas, kuna dhiira gelinayaan inuu ka mira dhaliyo. Sheekh Shariif ayaa sheegay in kulamadii ay shalay iyo maanta la qaateen guddoonka golaha shacabka looga hadlay sidii wadatashi looga yeelan halaa arrimaha doorashooyinka, isla markaana ay guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenkiisa koowaad ay uga magad celinayaan sida ay ugu yimaadeen oo wadatashiga ay ula yeesheen. Sheekh Shariif ayaa ka deyriyay xaaladda ammaan ee dalka, isagoo sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM aysan isku howlin la dagaalanka Al-Shabaab oo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed, isagoo gaabiska dhanka ammaanka dalka ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka. “Waxaa jira ciidamo aan qeyb ka aheyn AMISOM oo dowladaha deriska ah ay leeyihiin oo markii ay doonaan dalka soo gala, kuwaas oo geysta dembiyo, arintaas ka soo hor geeda heshiiska ay ku joogaan ciidamada AMISOM, waa kalsooni darro in lagu soo daro ciidamo aan ka tirsaneyn oo dalka aan shirci ku joogin, waxaan rabnaa in sumcada AMISOM aan lagu ciyaarin, sidaas dartee beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa in ciidamadaas si deg deg ah dalka looga saaro falalka ay geysteena lagula xisaabtamo,” ayuu yiri Sheekh Shariif. Sidoo kale Shariif Sheekh ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uusan daacad ka aheyn wadahadallada Somaliland, isla markaana uu hada u badelay olaole uu doorashada ku galayo, balse ay arrintaasi ay ka weyn tahay wax olole lagu galo. “Walaaleheen reer Somaliland dhib baa ku dhacay, aniga iyo madaxweyne Xasan xiligeenii waxaan la furnay wadahadal, balse aad ayaan uga xunahay wixii dhacayey maalmahaan dambe oo madaxweyne Farmaajo uu ku hadlayey, taas oo aan u fiicnyn walaaltinimada iyo isu soo dhawaanshaha labada dhinac,” ayuu yiri. “Waxaan leenahay shisheeyuhu gacmaha halaka baxo arrimaha u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, si gaar ah walaaleheen Itoobiya waxaan leenahay la isma aaminsana marka faraha Itoobiya hakala baxdo arrimaha Soomaaliya, madaxda dowladda federaalkana waxaa hada looga baahanyahay in dalku doorasho aado, aysan olole ka dhigan arrinta Somaliland oo waqti dheer u baahan” ayuu yiri Sheekh Shariif. Dhinaca kale, madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlay shirkaas ay caawa warbaahinta kula hadleen madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in dalkan lagu wadi jiray wadatashi, balse hada ay xaaladu sidii hore ka bedelanyahay. “Mudane Madaxweyne ha aamusnaane dadka lahadal oo u sheeg waxa dalka ka jira haddii ay guul jirto iyo hadii guul darro jirtaba, sababtoo ah dalku waa dalkoodii, laakiin waxa dalkeena ka jira ma’ahan in Abiy Axmed noo sheego, hadda maalin dhaweyto wax yaabo aan in la sheego ku habooneyn ayuu u sheegay, waxaasna dowladeenu marabto inay noo sheegto, waxay dowlad u tahay inay heshiis la gasho dowlad kale, laakiin hada anaga iyo Itoobiya taariikhdii xumeyd ee na dhex martay oo sii dhamaaneysay hadda waxay abuurtay shaki hor leh,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa arrinta doorashada ku tilmaamay mid lamid ah gacan calool ku jirta oo illaa hadda aysan cidna aqoon nuuca ay noqoneyso daarashada dalka lagu wado inay ka bilaabato dabayaaqada sanadkan. Sidoo kale waxa uu soo hadal qaaday arrinta badda waxa uu sheegay in arrinta badda uu marar badan ka hadaly, balse uusan ka aamusi karin oo ay gubeyso, su’aalo badana uu iska weydiinayo waxa dhici doona iyo nuuc ay noqon doonto guusha ay ka gaari kato Soomaaliya. “Arinta badda dayacaa ka jira , dayacaas waxaa laga yaabaa sida aan u tuhun sanahay in uusan aheyn, laakiin waxaan rabnaa in naloo sheego, oo dadka Soomaaliyeed la yiraahdo sidaan ayey wax u jiraan, balse seddax jeer in Kenya waxa ay rabtay loo yeelo, wax aqliga bani’aadamka iyo sharciyada caalamiga ahba ay ogolyihiin maaha, maxkamaduna laba dhinac oo is heysata ayey mid u hiilinee sababta ay ku dhacday waa in dadka loo sharaxo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Sheekh. Dhanka kale Xasan Sheekh ayaa gudoomiyaha aqalka sare ku amaanay warkii maanta ka soo yeeray, isagoo ku tilmaamay oday Soomaaliyeed oo markaan uu dalku ku jiro xaaladan kala guurka ah aad loogu baahan yahay taladiisa iyo doorkiisa oo muuqda. Hoos ka daawo shirka jaraa’id
  3. Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa qaar kamid ah beelaha dega Gobalka Mudug kala wareegtay hub iyo gadiid dagaal, taas oo qeyb ka ah qorshaha dardar gelinta diyaarinta Ciidamada daraawiishta Galmudug iyo in dhammaan deegaannada Galmudug ay ka bilaabaan howlgallo ay ku gaarayaan kuwa ka maqan. Qaar Ka mid ah horjoogayaashii maleeshiyo beeleedyada waraajiyay hubka iyo gaadiidka ayaa xusay in ay diyaar u yihiin ka mid noqoshada Ciidamada daraawiishta Galmudug ee la qorsheynayo in marka ay soo dhamaadaan tababaridooda ay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah Al-shabab. Wasiirka wasaaradda amniga Axmed Macalin Fiqi ayaa horay u sheegay in ay bilaabayaan diyaar garowga ay ku garayaan deegaannada Galmudug oo ay ka arimiyaan Al-shabab ee gobolada Galgaduud iyo Mudug, wasaaradda ayaana maalmihii dambe la wareegeysay maleeshiyaadka ku sugan Galmudug. Wasiirka oo lagu wareegay maleeshiyadaan ayaa uga mahad celiyay waxgaradka beelaha ay maleeshiyaadkoodu wareejiyeen agabkaan ciidan kaalinta ay ka qaateen in uu taabo galo qorshaha lagu wareejiyey Maleeshiyadaan. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in maleeshiyaadkii horay u heystay hubka iyo gaadiidka dagaal ee lagu wareejiyay ay u sameeyn doonaan dhaqan celin iyo tababar isla markaana ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo dhismihiisa ay bilowday wasaaradda amniga. Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyey in qorshahooda ugu horreeya uu noqon doono ka shaqeynta amniga iyo nabad galyada Guud ahaan deegaannada Galmudug iyo sidii maamulka uu k gaari lahaa deegaannada ka maqan gacanta dowlad goboleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. MOGADISHU (HOL) - The AU Mission in Somalia (AMISOM) has admitted its clash with the militant group Al-Shabaab in Lower Shabelle Tuesday resulted in civilian casualties. Source: Hiiraan Online
  5. Qoraal goordhow kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa loogu yeeray maamulka Farmaajo inuu la fariisto, lana xalliyo Khilaafka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ugu yeereysaa Villa Somalia iney la kulanto dhammaan dowladaha xubnaha ka ah sida uu qabo dasruurka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka waxaa sidoo kale waxaa ku xusnaa “ Waxaa baahi weyn loo qabaa ka qeybgalka iyo iskaashiga dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo xalliyo kala qeybsanaanta siyaasadeed, waxna looga qabto deyn cafinta iyo ka jawaabista Covid 19”. Saacado kahor, aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu guddi u saarayo wada hadal dhexmara dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay iney guddi u saarayaan xallinta khilaafaadka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Halkan Ka Daawo Warbixin Koobaysa Warmurtiyeedkii Ka Soo Baxay Aqalka Sare https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-4.mp4 Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Villa Somalia inay qaban-qabaiso kulan dhex mara madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowladda goboleedyada. Qoraal kooban oo safaaradda ay soo dhigtay dastuurka ayaa lagu sheegay in deg deg looga baahan yahay wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo xaliyo khilaafyada jira. “Safaaradda Mareykanka waxay ugu baaqeysa Villa Somalia inay kulan isugu keento dhammaan madaxda dowlad goboleedyada, si waafaqsan dastuurka Soomaaliya. Wada-hadalka iyo wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah aad ayaa loogu baahan yahay si loo xaliyo khilaafyada siyaasadeed ee jira, loona fuliyo deyn-cafinta iyo jawaabta laga bixinayo COVID-19,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. @US2SOMALIA calls on the @TheVillaSomalia to convene a meeting w/ all FMS leaders, as required by the Somali Constitution. FGS–FMS engagement and cooperation is urgently needed to resolve political divisions, implementation of debt relief, & COVID response — U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) June 9, 2020 Qoraalka safaaradda Mareykanka ayaa muujinaya inuu cadaadiska kusii kordhayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo diidan inuu madaxda maamul goboleedyada kala hadlo arrimaha doorashooyinka, xilli la sheegay inuu doonayo muddo kororsi. Baaqa Mareykanka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale goor sii horreysay uu Aqalka Sare ku baaqay shir dhex-mara dowladda, baarlamanka iyo dowlad goboleedyada kahor 25-ka bishan, si looga hadlo arrimaha doorashooyinka. Dhowr maalmood un kahor ayay ahayd markii uu fashilmay shir u dhaxeeyay guddiyo kala matala Villa Somalia iyo dowlad goboleedyada, kadib markii ay madaxtooyada diiday dalab ka yimid dowlad goboleedyada oo ahaa inay ka hor 15-ka bisha kulmaan madaxweynaha iyo madax goboleedyada.
  8. The post Breaking News : – Safaarada Mareykanka ee Somalia ayaa ugu baaqday Madaxada Villa Somaaliya in ay shir deg dega ah la yeelato Madaxda Maamul Gobodeedada Dalku sida uu dhigaayo Dastuurka Dalku,kaas oo loo xalinaayo kala qeybsanaanta Siyaasadeed ee ka jirta Dalka appeared first on . Source
  9. The March to May rainfall season in East Africa was one of the wettest since 1981, characterised by average to above average cumulative rainfall in most areas. This followed a record wet season during the 2019 October to December period. Increased wetness has led to rising water levels in water bodies and extreme weather events across the region. Consecutive wet seasons also helped maintain the vegetation in better than normal condition particularly in the pastoral and agropastoral areas, which suggests the availability of pastures and browse for livestock. Although the rainfall conditions were sufficient (early onset and above-average performance) for crop production, the crop conditions are generally average. This could be due to combination of various factors including floods and landslides in some areas that damaged or hampered development of planted crops, continued desert locust upsurge in some locations, and reduced planting due to inadequate access to agricultural inputs and labour following the COVID-19 restrictions on movement. Widespread floods and landslides resulted from the above-average rains causing casualties, human displacement, infrastructural damage and crop losses in nearly all countries. The worst effects were experienced in the Lake Victoria basin due to rising water levels in the lake, the Juba and Shabelle basins in Somalia and Ethiopia, Tana River basin in Kenya, and other major river catchments. An estimated 2.05 million were affected in Somalia, Kenya, Ethiopia, Djibouti, Uganda and Burundi. The abundant rains and improved vegetation have promoted the breeding and development of desert locusts and expanded the outbreak across the region, which continues to pose a significant threat to main season crops. The infestation is projected to move northwards into Sudan, Eritrea, northern Ethiopia and Djibouti over the June-September rainfall season with negative impacts on crops and pastures. Wetter than normal conditions are forecasted between June and September in northern countries that will allow for crop development and rangeland regeneration. Similar conditions are expected to continue in western and northwest Kenya, southwest Ethiopia, equatorial South Sudan, Uganda, and Rwanda. This increases the risk of extreme climatic events (floods, waterlogging and landslides), pre-and-post harvest crop losses in areas where harvesting is due, and risk of desert locust infestation. Download the report Source: WFP The post East Africa Seasonal Monitor appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goor dhaw soo gaba-gaboobay kulan ay guddoomiyaha golaha shacabka iyo ku xigeenkiisa koowaad la yeesheen Madaxweynayaashii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa galabta gaaray xarunta dhexe ee Madasha Xisbiyada Qaran si ay fariin ka socotay Madaxweyne Farmaajo u gaarsiiyaan Madaxweynayaashii hore ee dalka. Xildhibaan ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Caasimada Online u sheegay in kulankaas uu ku soo dhamaaday natiijo la’aan, kadib markii fariinta madaxweyne Farmaajo u soo dhiibay guddoonka ay noqotay inay u raacaan madaxtooyada, si madaxweyne Farmaajo ay ula kulmaan. Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa ayaa labada Madaxweyne u sheegay in inta caawanimo uu dalbadan madaxweynuhu inuu la kulmo, sidaa darteed ay Villa Somalia u raacaan, balse ay ka caga jiideen, waxaana isaga soo tagay Mursal iyo Muudey. Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa sababta ay u aqbali waayeen codsiga kulanka madaxweyne Farmaajo ku sheegay in horay ay ula kulmeen, balana ay kala qaateen, balse balankaas uusan waxaba ka fulin madaxweyne Farmaajo. Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno xarunta Madasha Xisbiyada Qaran waxay sheegayaan in haatan Madaxweynayaashii hore ay shir gaar ah la leeyihiin xubnaha kale ee Madasha, kuwaas oo isugu jira xildhibaano ka tiersan labada Aqal ee baarlamaanka iyo siyaasiyiin kale. Kulanka oo haada socda ayey madaxweynayaashii hore warbixin ku aadan shirkii ay la qaateen guddoomka golaha shacabka ugu gudbinayaan xubnaha kale ee Madasha Xisbiyada Qaran.
  11. NAIROBI (Reuters) - President Pierre Nkurunziza, who ruled the impoverished and unstable central African nation of Burundi for 15 years, has died, the government announced on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  12. (SLT-Hargeysa)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, oo xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA. Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta waxa uu sheegay in toosinta iyo la xisaabtanka xukuumadda ay u xilsaaran yihiin golayeyaasha baarlamaanka ee guurtida iyo wakiiladda, xisbiyada qaranku iyo warbaahinta madaxa bannaan, balse ayna shaqadiisa ahayn ururka saxafiyiinta ee solja, isaga oo intaas raaciyey in guddoomiyaha ururkaasi uu ka hadlay wax waajibaadkiisa iyo shaqadiisa baalmarsan, wuxuuna u soo jeediyey guddoomiye Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) in aanu majara habaabin shaqada iyo waajibaadka ururka SOLJA. Waxa kale, oo uu wasiir ku xigeenka warfaafintu tilmaamay in guddoomiye Xuuto ay u bannaanayd inuu baadhitaan ku sameeyo eedaha is barkan ee uu xukuumada u soo jeediyey, isla markaana uu bulshada horkeeno wax xaqiiq ah, balse ay eediisu ahayd mid xaqiiqada ka fog oo aan wadan wax cadayn ah, taas oo uu sheegay in sharcigu u ogal yahay in hay’adda xukuumadda marka ay warbixin uga baahan yihiin ay ka heli karaan. Geesta akle, wasiir ku xigeenku waxa uu bogaadin iyo ammaan u soo jeediyey weftiga xukuumada ee ku sugan deegaank Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag dedaalka daacad nimada iyo odaytinimada leh ee ay ku maamuleen kuna soo afjareen shaqaaqadii ka dhacay deegaanadaasi, wuxuuna bogaadiyey suldaan Siciid Yuusuf oo shalay lagu soo dhaweeyey deegaankaas Source
  13. (SLT-Burund)-Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa geeriyooday kaddib markii uu wandana istaagay. War qoraal ah oo oo ay dowladda Burundi soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayaa lagu xaqiijiyay geeridiisa lama filaanka ah ee Madaxweynaha dalka Burund. “Dowladda Jamhuuriyadda Burundi waxay si murugo leh u shaacineysaa geerida lama filaanka ah ee ku timid Pierre Nkurunziza, madaxweynaha Jamhuuriyadda Burundi, oo ku dhintay cisbitaalka Karusi Fiftieth Anniversary, kaddib markii uu wadnahaha istaagay 8-dii bishan June, 2020-ka”, ayaa lagu yidhi qoraalka. Wararka ayaa intaas kusii daraya in Madaxweyne Nkurunziza uu maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay, isla markaana la dhigay cisbitaal, hayeeshee uu ugu dambeyntii dhintay. Source
  14. Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudabe Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta soo saaray war murtiyeed ka soo baxay kulan deg deg ahaa oo [...] The post Breaking News : – Gudoomiyaha Aqalka sare oo Warmurtiyeed maanta ka soo saaray xaalada kala guurka ee dalku ku sugan yahay appeared first on . Source
  15. Guddoonka Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay iney guddi u saarayaan xallinta khilaafaadka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Halkaan ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Aqalka Saree ee baarlamanka Soomaaliya ayaa ku baaqay in madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ay kulmaan ka hor 25-ka bisha, si ay uga wada hadlaan arrimaha doorashada dalka. Qoraal kasoo baxay Aqalka Sare, oo uu ku saxiixan yahay guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare “uu garwaaqsaday in qabashada doorashooyinka heer federaal ay u baahan tahay in wada tashi deg deg ah ay isugu yimaadaan inta ka horeysa 25-ka Bisha Juun, 2020 dhammaan madaxda Qaranka oo ugu horreeyo Madaxweyne Farmaaajo, Xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka,” Qoraalka ayaa intaas ku daray in guddoomiye Cabdi Xaashi uu magacaabayo guddi uu isagu hoggaaminayo; guddigaas oo ka shaqeyn doona isu-keenista madaxda labada heer dowladeed iyo qabsoomidda shirka kor ku xusan. Aqalka Sare ayaa ugu baaqay Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada in ay “u turaan shacabka Soomaaliyeed ee ay mudada dheer soo ragaadiyeen khilaafyada siyaasadeed iyo colaadaha daba-dhceraaday iyo in ay dedaal hagar la’aan ah ku bixiyaan ka miro-dhalinta hayaanka loogu jiro sidii loo gaari lahaa dowladnimo taabbagasha oo ku dhisan dimuquraadiyad wada-ogol ah.” Qoraalka ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda Soomaaliya lagala tashan doono hannaanka lagu geli doono Doorashooyinka Qaranka ee 2020/2021 si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo. Waxa uu intaas ku daray in goobta uu wada-hadalku ka dhacayo lagala tashan doono dhinacyada ay khuseyso ee labada heer dowladeed. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameysitran
  17. Xisbiga Nabad iyo Nolol ee Xukumadda Soomaaliya ayaa xafiis cusub ka furtay magaalada Buuhoodle. Maalinta beri ah ayaa xadhiga laga jarayaa Xafiiska. Source
  18. Waxaa goordhow dalka Burundi ku geeriyoodey madaxweyne Pierre Nkurunziza oo da’diisu aheyd 55 jir. Madaxweynaha oo ku geeriyoodey Karusi hospital ayaa la sheegayaa inuu u dhintay kadib markii uu wadnuhu istaagay. Waxaa uu talada hayey tan 2005-tii. Inkasta oo uu weli madaxweyne yahay laakin waxaa looga adkaaday doorasho dhacday May 20 taas uu ku soo baxay Evariste Ndayishimiye. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Pierre Nkurunziza Madaxweynihii Dalka Burundi ayaa maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaal Caasimada Dalkaas kadib markuu Xanuun ka haleelay Wadnaha. Madaxweyne Nkurunziza ayaa u geeriyooday [...] The post Breaking News— Madaxweynihii Burundi oo geeriyooday appeared first on . Source
  20. Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixinteedi maalinlaha aheyd ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaangeliyay kiisas cusub oo cudurka Covid-19 ah,kuwaas oo gaaraya 48 kiis. Kiisaska ayaa laga helay, Gobolka Banaadir 19,Somaliland 17,Puntland 8, Galmudug 2 iyo Hirshabeelle oo 2 kiis laga diiwaan geliyay. Cudurka ayaa waxaa maanta ka bogsaday 19 ruux waxaana u dhintay 1 qof, taasoo tirada guud ee bogsashada ka dhigeysa 489 halka dhimashadu ay gaartay 85 ruux. Wadarta guud ee kiisaska dalka laga diiwaangeliyay tan iyo markii Covid-19 laga helay dalka ayaa waxey gaareysaa 2,416.tan iyo markii xanuunka lagu arkay dalka bishii March 2020-ka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay guddiga Joogtada ah ee golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaliym, kulanka guddiga ayaa ka qabsoomay xarunta kumeel gaarka ah ee golaha shacabka. Kulanka guddiga ayaa waxaa shir guddominaayey guddomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Shekh Cabdiraxman oo ay hareer fadhiyeen labadiisa ku-xigeen. Kulanka ayaa inta uu socaday waaxa looga hadlay Ajendiyaasha Kalfadhiga 7aad ee Golaha Shacabka oo lagu wado inuu furmo maalinimada barrito ah oo taariikhdu tahay 10-6-2020-ka Kulanka golaha shacabka ay yeelan doonaan barri ayaa lagu wadaa in looga doodo sharci axsaabta oo mid ah sharciyada ugu ahmiyadda badan sida uu warbaahinta u sheegay habdhowraha golaha shacabka xildhibaan Nuux. “Maanta waxaa uu ahaa furitaanka guiddiga joogtada ah oo looga hadlayey ajendaha koowaad ee uu ku furmi doono 7-aad ee golaha shacab, waxaa la isla gorfeeyey shuruuc badan oo yaallo in loogu soo hor mariyo sharciga Asxaabta oo maalinta barri ay tahay in ay ka doodaan dib u eegisna lagu samaynaayo ” ayuu yiri habdhowre xildhibaan Nuux. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Reer Warfaa, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay si weyn u saluugsan tahay saami qeybsiga siyaasadeed ee beelaha Faarax, Saleebaan, Habargidir. Qoraalka beesha, oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyey Caasimada Online, hoos ka aqriso. Beesha Reer Warfaa waxay ka cabanaysaa saami qaybsiga siyaasadeed ee Beelaha Farax (Saleebaan, Habargidir). Waxa dhacday laga soo bilaabo dawladii dib ukabashada ee uu Hogaaminayay Madaxweyne Cabdiqaasim salaad, 2000, ilaa iyo dawlada maanta ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in aanay waxba ka helin saami qaybsiga siyaasadeed ee ay xaqa ulahayd, iyadoo labarbardhigayo Beelaha kale Walaalahood ee Farax xilalkey ka heleen ilaa hada. Waxayna ku cadahay shaxda hoos ku lifaaqan sida xilalka lookala qaybsaday ilaa maanta. Warfaa waa Beel kamida Beesha SALEEBAAN, HABARGADIR, kanamida Beelaha ugu deegaanka balaaran, Beesha WARFAA waxay degtaa laga soo bilaabo Qosol Tire oo bada ah ilaa Dacdheer oo Etoobiya ah. Waana Culimadii iyo Macalimiintii Saleebaan ee xaga DIINTA. Waxaana kamida dadka saamaynta kulahaa Caaqil Cabdi Afrax oo qayb libaax ka qaatay Hogaana u ahaa ka hortega duulaanki looga ee hortagayay Talyaniga iyo xulafadiisa ee Hobyo wakhtigii gumaysiga. Dhinaca DIINTA waxay Beeshu hormood ka ahayd fidinta diinta islaamka, ayna ka aflexeen kumanaan Culimo iyo Aqoonyahano ahí, maanta ay ku faanaan Beesha Reer Xaaji SALEEBAAN. Culima hormood ka ahayd fidinta diinta islaamka waxaan tusaale uso qaadan karna, sida Macalin Nuur Cilmi Cawaale, Macalin Daauud sheikh Cumar Rooble iyo Sheeikh Ahmed Cali Qayre. Xaga Ciidamada waxay Beeshu ka midahayd Beelaha SALEEBAANKA ugu Saraakiisha badan beri samaadkii, waxaana Saraakiisha ka mid ahaa Gashaanle Sare Axmadey Khasaaro oo wax ka hogaaminayay dagaalkii 1977 ee lugula dagaalamay Etoobiya. Beesha Reer Warfaa waxay ixtiraamaysaa in wax lawada leeyahay, intaana tanaasulaysay, Maantana waxay diyaar u tahay in ay xisaabtanto oo qaadato saamigeeda siyaasadeed, taas oo aysan cidna u daba joogsanayn, maadama ay soo samirtay wakhti dheer si loo helo Qaran Soomaaliyeed.