Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,099
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. 464116798_338318512673072_8723372102188187896_n Qaran News
  2. Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Bujumbura, Burundi's capital, as part of a regional diplomatic tour to strengthen bilateral relations and security cooperation. President Hassan Sheikh held talks with his Burundian counterpart, President Évariste Ndayishimiye, at the Presidential Palace, where discussions focused on security, economic collaboration, and political alignment between the two nations. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa goordhoweyd si weyn looga maqlay dhawaaqa jug culus. Dhawaaqan oo markii hore loo maleeyay inuu yahay qaraxyo isxig-xiga marka loo fiiriyo xajmigiisa ayaa waxay Caasimada Online ogaatay in uusan aheyn qarax. Dhawaaq jugta culus ee laga maqlay Muqdisho ayaa aheyd tijaabo hub culus oo ay sameyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan ee NISA, sida ay Caasimada Online u sheegen laamaha amniga. Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa mararka qaar sidan oo kale u sameeya dab rid, iyadoo aan kusii wargelin shacabka, taas oo abuurta qalqal hor leh oo dhanka ammaanka. Inkasta oo mararka qaar uu booliska kusii wargaliyo shacabka marka ciidanka sameynayaan dab rid, hase yeeshe waxaa ka badan inta laga warhelo un dhawaaqa jugta culus iyo daryanka hubka markaasi ciidanka ridayaan. Magaalada Muqdisho ayaa la daala dhaceysa culeyso amni, ayada oo shacabkeedu yihiin baqdi ku nool, inkasta oo bilihii dambe uu soo reysanayay ammaanka, haddana kooxda Al-Shabaab ayaa weli qaraxyo iyo falal amni darro ka fulisa caasimada. The post Muxuu yahay dhawaaqa jugta culus ee goordhow laga maqlay Muqdisho? appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Burundi Mudane Evariste Ndayishimiye. Kulankan Labada Madaxweyne ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Burundi, iyadoo laga wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhigiisa Burundi ayaa ka wada xaajooday taageerada ciidamada Burundi ay ka geysanayaan hawlgalka nabad ilaalinta ee Soomaaliya, iyo sidii labada dal u xoojin lahaayeen iskaashiga xasilloonuda gobolka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Burundi taageerada joogtada ah ee ay u fidinayaan Soomaaliya, gaar ahaan ka qayb qaadashadooda nabad ilaalinta, iyadoo labada Madaxweyne ay isku raaceen in la sii xoojiyo xiriirka ganacsiga iyo diblomaasiyadeed ee labada dal. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Madaxweynaha dalka Burundi appeared first on Puntland Post.
  5. Cabdirahmaan Ducaale – Bayle iyo aqoonyahan uu hogaaminaayo oo ka soo jeeda Gobalka AWDAL ayaa maanta shaaciyey inuu si rasmi ah ugu biireen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI . Dr . Bayle waxuu sheegay in saami qeybsiga reer Awdal ka cabanayaan ay xisbiga WADDANI uu ka gudoomay inuu wax ka qabto . Sidoo kale Waxaa uu cadeeyey Dr Bayle in Cabdiraxmaan Cirro yahay shaqsiga maanta Somaliland bad baadin kara , marxaladan ay ku jirtana ka saari kara Qaran News
  6. Bujumbura (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, kadib casuumaad rasmi oo uu ka helay madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi si diiran loogu dhaweeyay, ayada oo intaas kadib ay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi. Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, oo haatan badankii ka socda gobollada dhexe ee dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey madaxweynaha Burundi iyo dowladiisa taageerada iyo nafhurnimada ay Soomaaliya u sameeyeen, taas oo ah mid aan la ilaawi karin. Dhinaca kale, madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa amaanay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka Khawaarijta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika. Sidoo kale wuxuu dowladda ku bogaadiyay dadaalkii horseeday qaadista cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag. Safarkan ayaa qeyb ka ah safaro dibada ah oo madaxweynaha uu ku marayo qaar kamid dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isagoo shalay gaaray dalka Uganda, halkaasi oo kulamo xasaasi ah uu kulama yeeshay dhiggiisa Museveni. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta ka degay dalka… appeared first on Caasimada Online.
  7. Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, ka dib casuumaad rasmi oo uu ka helay Madaxweynaha Burundi mudane Évariste Ndayishimiye. Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Burundi oo kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada Burundi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Burundi iyo Dowladiisa taageerada iyo nafhurnimada ay Soomaaliya u sameeyeen taas oo ah mid aan la ilaawi karin. Dhinaca kale Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa amaanay guulaha Soomaaliya ka gaartay dagaalka Khawaarijta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika, Qaadista Cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag. Source: goobjoog.com
  8. Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF-ta Puntland ayaa xalay soo bandhigay nin ajnabi ah oo ay ku qabteen howlgal culus oo ka dhacay buuraha calmiskaad ee gobolka Bari. Ninkan oo magaciisa ku sheegay Cabdalla Mustaf Abu-deyr (Saalim) ayaa kamid ahaa xubnaha ajaaniibta ah ee ka barbar dagaalama kooxda Daacish ee Soomaaliya. Wareysi muuqaal oo laga duubay Saalim ayuu Taliska Ciidamada PSF sii baahiyay, wuxuuna ka hadlay halka uu ka yimid iyo sida uu kusoo gaaray gudaha Soomaaliya. Cabdalla Mustaf Abu-deyr (Saalim) ayaa sheegay inuu ka yimid magaalada Sakhniin ee Israa’iil, halkaasi oo uu Jaamacad kaga baranayay cilmiga Injineerinka, kadib wuxuu sheegay inuu isaga soo tegay, si uu ugu biiro Daacish-ta Soomaaliya. “Magacaygu waa Cabdalla Mustaf Abu-deyr, magacayga af-garashaduna waa Saalim, waxaan baran jiray kulliyada Injineerinka jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil” ayuu yiri Cabdalla Mustaf Abu-deyr. Sidoo kale wuxuu ka sheekeeyay qaabka uu kusoo gaaray Puntland, uguna sii gudbuay dhulka buuraha ee ay ku sugan yihiin kooxaha argagixisada ah, gaar ahaan Daacish. “Waxaan soo gaaray buuraha Daacish ku sugan yihiin waxaana halkaasi igu sugayay 5 xubnood oo ka tirsan Daacish, waxayna i keeneen meel la dhaho Istiqbaal halkaasi oo aan tababar ku qaatay” ayuu sii raaciyay Abu-deyr. Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, iyada oo su’aallo ay ka yimaadeen sababta uu kusoo doortay Soomaaliya, isaga oo aadi karay waddamo kale ka dhow, sida dhulka Falastiin oo uu ka socda dagaal xoogan iyo xasuuq ay Israa’iil ku heyso shacabka Gaza. Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warbixino kala duwan oo sheegayay inay sii kordhiyaan tirada ajaaniibta ku biiraya Daacishta Soomaaliya ee haatan ku xoogan deegaanada maamulka Puntland, gaar ahaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari The post Puntland oo qabatay nin ka yimid Israel oo ku biiray Daacishta Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  9. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), gaar ahaan Guutada 8aad ee qeybta 60aad, ayaa ka fuliyay howlgallo qorshaysan deegaanno ku yaalla buuraleyda gobolka Baay. Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa in la burburiyo haraadiga kooxda Shabaab ee halkaas ku dhuumaaleysanaya. Howlgallada waxaa si gaar ah looga fuliyay deegaannada, Mooro Busto ,Ceel Sharif iyo Ceel Mareer . CXDS waxay gacanta kusoo dhigeen laba xubnood oo ka tirsan Shabaab kuwaas oo isku dayayay inay ka dhuuntaan howlgalka iyo cadaadiska ciidamada. Sida ay sheegeen Taliska Ciidanka Xoogga labada xubnood ee la soo qabtay waxaa lagu haya baaritaan dheeraad ah si loo xaqiijiyo xogtooda iyo xiriirkooda gudaha kooxda Shabaab. Howlgallada noocan ah ayaa qayb ka ah dadaalka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka ee lagu wiiqayo awoodda Shabaab, gaar ahaan deegaanada buuraleyda iyo meelaha ay ku dhuuntaan. Source: goobjoog.com
  10. Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo ay ku geeriyoodeen xubnihii aasayay, kaas oo maanta ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay agagaarka deegaanka Majabto, halkaas oo ay tageen laba xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, si ay miinada u aasaan, balse iyagii ayaa ku dhintay. Qoraal kooban oo kasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha dhintay oo watay mooto Fekon ay doonayeen in miinadaasi ay ku dhibaateeyaan shacabka, balse Alle uu qadaray in isla ayagii ay ku geeriyoodaan qaraxa ay diyaarinayeen. “Dhagarqabayaal katirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ayaa ku geeriyooday duleedka degaanka Majabto ee goblka Shabeeladda hoose halkaasi oo ay doonayeen inay Miinoo ugu aasaan Shacabka isticmaala wadadaasi oo muhiim u ah isusocodka Gaadiidka iyo Dadka gobolkaasi” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale Taliyaha Ururka 26-aad guutada 6-aad, qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka Gaashaanle Faarax Xirsi Cabdulle ayaa sheegay in ay gaareen goobta uu falku ka dhacay, isaga oo sheegay inay soo bandhigeen labada nin ee ku geeriyootay qaraxaasi. Shabeelaha Hoose ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca dagaallo iyo duqeymo xoogan. Al-Shabaab ayaa miinooyin ku aasa inta badan wadooyinka isaga kala goosha deegaanada iyo degmooyinka gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo cabsi badan ku abuurtay dadka iyo gaadiidka ku safraaya dhulka, iyadoo mararka qaarna ay miinooyinku la kacaan dad rayid ah. The post Xubno Shabaab ah oo ku dhintay miino ay aasayeen, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  11. Mogadishu (HOL) – Countries contributing troops to the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) have reaffirmed their readiness to continue peacekeeping operations in Somalia following the conclusion of the ATMIS mission in December 2024. Source: Hiiraan Online
  12. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗦𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗨𝗴𝘂 𝗖𝗼𝗱𝗮𝘆𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗿 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗖𝗶𝗿𝗿𝗼? Iyadoo Somaliland ay isu diyaarinayso doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa 13-ka November 2024-ka, waxaynu taaganahay marxalad taariikheed oo muhiim ah. Mustaqbalka dalkeenu waxa uu ku xidhan yahay, go’aamada aynu qaadanayno todobaadyadan socda kuwaas oo qaabayn doona masiirka umaddeena sanadaha soo socda. Xilligan oo lagu jiro hubanti-la’aan dhaqaale, kala qaybsanaan bulsho, iyo gobolladii dalka oo qaar maqanyihiin, waxa ay shacabka Somaliland u baahan yihiin hoggaamiye leh aragti fog, xirfadle la hubo oo taxaddar badan, isla markaana ummadda midayn kara. Hoggaamiyahaasi waa Dr. Cabdiraxmaan Cirro oo ah murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani. Dr. Cirro waxa uu Somaliland u soo bandhigay aragti cusub oo horu-socod ah oo si weyn uga duwan siyaasaddii fashilantay iyo ballan-qaadyadii beenoobay ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi. Hannaanka hoggaamineed ee Dr. Cirro waxa uu ku dhisan yahay hufnaanta, isku-duubnida, iyo fahamka qotada-dheer ee baahida shacabka, waxa cad in hoggaaminta Dr. Cirro si weyn oo aan shaki ku jirin loogaga raysan doono karti-darrada iyo hoggaan-xumada ragaadisay maamulka hadda jira. Dhacdooyinka u dambeeyay ee ay ka mid yihiin xubno wasiirro ah, xuldhibaanno iyo masuuliyiin sarsare oo iska casilay xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in madaxda iyo shacabkaba ay kusii kordhayaan xaqiiqada ah in Madaxweyne Muuse Biixi aanu ahayn hoggaamiyaha Somaliland maanta ka saari kara dhibka faraha badan ee xukuumaddiisu gaadhsiisay. Waddani lama yaabin in masuuliyiintii Kulmiye ka baxeen xisbiga; waxa ay si fudud u xaqiijinaysaa wax ay in badan oo reer Somaliland ahi hore u ogaayeen oo ah in la joogo xiligii isbedelka. Dadku hadda waxay garteen inay awood u leeyihiin inay hoggaanka xun ku beddelaan cid ay hubsadeen oo karti iyo aragti fog leh. Dr. Cirro waa hoggaamiyaha keeni kara isbeddelkaas. 𝗗𝗶𝗯 𝘂 𝗠𝗶𝗱𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱: 𝗛𝗼𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝘆𝗲 𝗠𝗶𝗱𝗲𝗲𝘆𝗲 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗮𝗮𝗻 𝗙𝗶𝗿𝗱𝗵𝗶𝘆𝗲 𝗮𝗵𝗮𝘆𝗻 Dr. Cabdiraxmaan Cirro waa shakhsi mideeya ah oo dadku isugu mid yahay horena ugu huray waqtigiisa iyo shaqadiisa isku soo dhawaynta dadkiisa. Waddan kala qaybsanaantu ay khatar gelin karto xasiloonida- ha noqoto mid siyaasadeed, mid gobol iyo mid beeleedba— Dr. Cirro hoggaankiisu wuxuu u taagan yahay ifafaale rajo, midnimo iyo badbaadinta qaranka. Waxa uu leeyahay karti la xaqiijiyay in uu wax ku dhegeysto, dhiso is-afgarad, iyo kala qayb galka dhammaan qaybaha bulshada wada hadal wax ku ool ah. Hannaanka hogaamineed ee loo dhan yahay waxa uu xaqiijiyaa in cod kasta la maqlo iyo in siyaasadu ay ka turjunto baahida dadka reer Somaliland oo dhan, oo aanay noqon mid dhawr qof oo keliya mudnaanta leeyihiin. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, waxay sii xoogaysay kala qaybsanaantii, waxana meesha ka baxay kalsoonidii shacabka iyo madaxdooda u dhexaysay. Maamulkiisu waxa uu ku guul daraystay in uu kobciyo isku-xidhnaantii qaranka, isaga oo inta badan ku dhaqaaqa tallaabooyin kali-talis ah oo kala fogaynaya qaybo badan oo shacabka ah. Dhinaca kale Dr. Cirro waxa uu fahamsan yahay in hoggaaminta dhabta ahi ay ku jirto awood siinta shacabka iyo abuurista jawi uu qof kastaa kaga qayb qaadan karo guusha qaranka. “𝐻𝑜𝑔𝑔𝑎𝑎𝑚𝑖𝑦𝑎ℎ𝑎 𝑑ℎ𝑎𝑏𝑡𝑎 𝑎ℎ𝑖 𝑤𝑎𝑎 𝑘𝑎 𝑖𝑠𝑢 𝑘𝑒𝑒𝑛𝑎𝑎 𝑘𝑢𝑤𝑎 𝑘𝑎𝑙𝑎 𝑞𝑎𝑦𝑏𝑠𝑎𝑛, 𝑤𝑎𝑎𝑦𝑜 𝑞𝑢𝑤𝑎𝑑𝑎 𝑢𝑚𝑚𝑎𝑑𝑑𝑢 𝑤𝑎𝑥𝑎 𝑎𝑦 𝑘𝑢 𝑗𝑖𝑟𝑡𝑎𝑎 𝑚𝑖𝑑𝑛𝑖𝑚𝑎𝑑𝑒𝑒𝑑𝑎”. 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗾𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮: 𝗞𝗼𝗯𝗼𝗰 𝗟𝗼𝗼 𝗗𝗵𝗮𝗻 𝗬𝗮𝗵𝗮𝘆 Somaliland dhaqaalaheedii meel isgoys ah oo khatar ah ayuu marayaa, maamulka maanta jirana waxa uu ku fashilmay maareyntii guud ahaanba dhaqaalaha. Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi waxa ay ku sifowday dib u dhac dhaqaale, shaqo la’aan baahsan, iyo kor u kaca kharashkii nolosha, iyo inuu dhammaan ku guuldareysatay inay maalgaliyaan kaabayaasha lagama maarmaanka u ah kobaca muddada dheer. Xisbiga Waddani waxa uu soo bandhigay qorshe ballaadhan oo dib loogu soo noolaynayo dhaqaalaha, shaqo abuur lagu samaynayo, laguna hubinayo in faa’iidada kobaca ay wada dareemaan muwaadiniinta oo dhan. Aragtida dhaqaale ee Dr. Cirro waxa ay diiradda saaraysaa horumarinta qaybaha muhiimka ah sida beeraha, xoolaha, kalluumaysiga iyo tamarta la cusboonaysiin karo. Xukuumaddiisu waxay maalgelin doontaa casriyaynta kaabayaasha dhaqaalaha, abuurista shaqooyin iyada oo loo marayo mashaariicda hawlaha guud, iyo taageeridda shirkadaha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (SMEs). Dr. Cirro oo si weyn uga duwan maamulka madaxweyne Biixi oo door biday macaash muddo gaaban ah in ay helaan dadka kooban oo ehelkiisa ah, waxa Dr. Cirro ka go’an in uu keeno horumar waara oo uu ka faa’iidaysto muwaadin kasta oo reer Somaliland ah. Waxa si gaar ah muhiim u ah sida ay uga go’an tahay horumarinta dekedaha dalka oo ay ka mid yihiin Berbera, Saylac, Lughaya, Bullaxaar, Xiis, Maydh, Laasqoray iyo goobo kale oo muhiim ah. Kor u qaadida dekedahani kaliya maaha mid kor u qaadaya ganacsiga iyo iskaashiga gobolka ee waxa kale oo ay abuuri doontaa kumanaan shaqo iyo in Somaliland noqoto xudunta saadka iyo ganacsiga ee Geeska Afrika. “𝑈𝑚𝑚𝑎𝑑 ℎ𝑜𝑑𝑎𝑛𝑡𝑖𝑛𝑖𝑚𝑎𝑑𝑒𝑒𝑑𝑢 𝑚𝑎𝑎𝑙𝑘𝑒𝑒𝑑𝑎 𝑘𝑢𝑚𝑎 𝑗𝑖𝑟𝑜, 𝑒𝑒 𝑤𝑎𝑎 𝑏𝑎𝑟𝑤𝑎𝑎𝑞𝑎𝑦𝑛𝑡𝑎 𝑑𝑎𝑑𝑘𝑒𝑒𝑑𝑎”. Sidoo kale, Dr. Cirro waxa u qorshaysan inuu wax ka qabto dhibaatooyinka guriyeynta, isagoo fulinaya siyaasadda guriyeynta qaranka, taasoo mudnaanta koowaad siin doonta guryaha la awoodi karo ee dhammaan shacabka Somaliland gaar ahaan shaqaalaha dawladda. Waxa kale oo ay xukuumadiisu dhamaystiri doontaa biyo-qaybinta magaalada Hargeysa, si loo hubiyo in dhamaan xaafadaha xitaa kuwa ugu liita ay helaan biyo nadiif ah. Waxaa la dhisi doonaa barkad weyn oo lagu keydiyo biyaha roobka, taasoo xaqiijinaysa sugnaanshaha biyaha ee muddada dheer ee caasimadda iyo nawaaxigeeda. “𝑈𝑚𝑚𝑎𝑑 ℎ𝑜𝑟𝑢𝑚𝑎𝑟𝑘𝑒𝑒𝑑𝑢 𝑤𝑢𝑥𝑢𝑢 𝑘𝑎 𝑏𝑖𝑙𝑎𝑎𝑏𝑚𝑎𝑎 𝑏𝑎𝑟𝑤𝑎𝑎𝑞𝑎𝑦𝑛𝑡𝑎 𝑑𝑎𝑑𝑘𝑒𝑒𝑑𝑎 𝑖𝑦𝑜 𝑠𝑖𝑑𝑎 𝑎𝑦 𝑢 ℎ𝑒𝑙𝑖 𝑙𝑎ℎ𝑎𝑎𝑦𝑒𝑒𝑛 𝑤𝑎𝑥𝑦𝑎𝑎𝑏𝑎ℎ𝑎 𝑙𝑎𝑔𝑎𝑚𝑎 𝑚𝑎𝑎𝑟𝑚𝑎𝑎𝑛𝑘𝑎 𝑢 𝑎ℎ 𝑛𝑜𝑙𝑜𝑠ℎ𝑎”. 𝗗𝗶𝗳𝗮𝗮𝗰𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮: 𝗜𝗹𝗮𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗶𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 Dhinaca difaaca qaranka Dr. Cirro waxa uu fahansan yahay muhiimada ay leedahay in la helo ciidan si fiican u tababaran oo qalabaysan, si loo ilaaliyo qaranimada Somaliland, nabaddana loo sugo. Maamulka Madaxweyne Biixi ayaa dayacay baahida ciidamada, taas oo keentay niyad jabka iyo mooral xumada ciidamada qalabka sida iyo inay qaar ka mid ah gobolladii dalka hoggaan xumadiisu gacanta Somaliland ka saartay. Dr. Cirro waxa uu balan qaaday in uu wax ka badali doono dhaqaalihii, tabobarkii iyo taakulaynta raga iyo dumarka difaacaya dalkeena. Waxqabadkiisa ugu muhiimsanna waxaa ka mid ah in uu mushaharka ciidamada u kordhin doono 250% iyo inuu guryo u sameeyo Ciidanka Qaranka isaga oo u dhisaya 15,000 oo guri oo loogu talagalay ciidamada. Tani kaliya ma hagaajin doonto xaaladaha nololeed laakiin waxay sidoo kale dejin doontaa halbeeg loogu talagalay horumarinta guriyeynta dalka oo dhan. Xukuumadda Dr. Cirro waxay xaqiijin doontaa in ciidamada loola dhaqmo si sharaf iyo karaamo leh, iyadoo dib loo soo celinayo hankii iyo hufnaantii ciidamada qalabka sida. “𝑄𝑎𝑟𝑎𝑛 𝑎𝑤𝑜𝑜𝑑𝑖𝑖𝑠𝑎 𝑙𝑎𝑔𝑢𝑚𝑎 𝑞𝑖𝑦𝑎𝑎𝑠𝑜 𝑖𝑛𝑡𝑎 𝑎𝑦 𝑙𝑒’𝑒𝑔 𝑡𝑎ℎ𝑎𝑦 𝑐𝑖𝑖𝑑𝑎𝑛𝑘𝑖𝑖𝑠𝑢, 𝑏𝑎𝑙𝑠𝑒 𝑤𝑎𝑥𝑎 𝑙𝑎𝑔𝑢 𝑞𝑖𝑦𝑎𝑎𝑠𝑎𝑎 𝑠𝑖𝑑𝑎 𝑤𝑎𝑛𝑎𝑎𝑔𝑠𝑎𝑛 𝑒𝑒 𝑎𝑦 𝑢 𝑑𝑎𝑛𝑎𝑦𝑛𝑎𝑦𝑠𝑜 𝑐𝑖𝑑𝑑𝑎 𝑢 𝑎𝑑𝑒𝑒𝑔𝑎𝑦𝑠𝑎”. 𝗫𝗶𝗱𝗵𝗶𝗶𝗱𝗵𝗸𝗮 𝗗𝗶𝗯𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱: 𝗛𝗮𝗯 𝗗𝗶𝗯𝗹𝗼𝗺𝗮𝗮𝘀𝗶𝘆𝗮𝗱𝗲𝗲𝗱 𝗼𝗼 𝗖𝘂𝘀𝘂𝗯 Aqoonsiga caalamiga ah ayaa Somaliland u ahaa muhiimadda iyo riyada ugu weyn in muddo ah, haddana xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi wax yar oo horumar ahna kama sameyn. Dr. Cirro waxa uu leeyahay istiraatijiyad cad oo geesinimo leh, waaqici ah oo uu ku horumarinayo qadiyadda Somaliland ee aqoonsiga ee masraxa caalamiga ah. Habka uu u dhaqmayo ayaa diiradda saaraya sidii uu xidhiidh diblomaasiyadeed oo xooggan ula yeelan lahaa jilayaasha muhiimka ah ee caalamiga ah, oo ay ku jiraan Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo Mareykanka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga gobolka ee dalalka deriska ah. Dr. Cirro waxa uu fahamsan yahay in aqoonsigu aanu habeen qudha ku imanayn, balse la helo xidhiidh diblomaasiyadeed oo joogto ah iyo muujinta xasiloonida, dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha Somaliland, waxa uu aaminsan yahay in ictiraafka dariiqaa lagu gaadhi karo. Xukuumaddiisu waxa kale oo ay ka faa’iidaysan doontaa goobta istaraatajiyadeed ee Somaliland ku taalo iyo muhiimadda dhaqaale ee sii kordhaysa si ay u samayso kiis adag oo aqoonsi rasmi ah lagu gaadho. “𝐴𝑞𝑜𝑜𝑛𝑠𝑖𝑔𝑢 𝑘𝑢𝑚𝑎 𝑦𝑖𝑚𝑎𝑎𝑑𝑜 𝑏𝑎𝑎ℎ𝑖𝑑𝑎 𝑖𝑦𝑜 𝑑𝑜𝑜𝑛𝑖𝑠 𝑘𝑎𝑙𝑖𝑦𝑎, 𝑙𝑎𝑎𝑘𝑖𝑖𝑛 𝑤𝑢𝑥𝑢𝑢 𝑘𝑢 𝑦𝑖𝑚𝑎𝑎𝑑𝑎𝑎 𝑚𝑢𝑢𝑗𝑖𝑛𝑡𝑎 𝑞𝑖𝑖𝑚𝑎ℎ𝑎𝑎𝑔𝑎 𝑖𝑦𝑜 𝑢 ℎ𝑒𝑒𝑙𝑙𝑎𝑛𝑎𝑎𝑛𝑡𝑎 ℎ𝑜𝑟𝑢𝑚𝑎𝑟𝑘𝑎 𝑐𝑎𝑎𝑙𝑎𝑚𝑖𝑔𝑎 𝑎ℎ.” 𝗔𝗿𝗿𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮: 𝗗𝗵𝗶𝘀𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝗡𝗮𝘅𝗮𝗿𝗶𝗶𝘀 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 Aragtida Dr. Cirro ee arrimaha bulshada waa mid ku dhisan naxariis, cadaalad iyo sinnaan. Waxa uu garwaaqsaday in maamulka hadda jira uu dayacay baahiyaha dadka tabaalaysan ee danyarta ah, waayeelka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo qaxootiga. Xukuumadda Madaxweyne Biixi waxa ay ku guul-darraysatay in ay bixiso adeeg bulsho oo ku filan, taas oo keentay in dad badan oo reer Somaliland ahi aanay helin taageeradii ay u baahnaayeen si ay ugu noolaadaan nolol sharaf leh. Dr. Cirro waxa ka go’an inuu balaadhiyo barnaamijyada bulshada ee bixiya shabakada badbaadada dadka danyarta ah (Safety Nets for the disadvantaged), hagaajinta helitaanka daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada, iyo hubinta in muwaadin kastaa helo fursad uu ku horumariyo. Dawladdiisu waxay mudnaan siin doontaa kooxaha la hayb-sooco, iyadoo siinaysa agabka iyo fursadaha ay uga baahan yihiin inay si buuxda uga qayb qaataan bulshada. “𝑇𝑖𝑗𝑎𝑎𝑏𝑎𝑑𝑎 𝑑ℎ𝑎𝑏𝑡𝑎 𝑎ℎ 𝑒𝑒 𝑞𝑎𝑟𝑎𝑛𝑛𝑖𝑚𝑎𝑑𝑢 𝑤𝑎𝑥𝑎𝑦 𝑘𝑢 𝑗𝑖𝑟𝑡𝑎𝑎 𝑠𝑖𝑑𝑎 𝑎𝑦 𝑢𝑙𝑎 𝑑ℎ𝑎𝑞𝑚𝑎𝑎𝑛 𝑘𝑢𝑤𝑎 𝑢𝑔𝑢 𝑛𝑢𝑔𝑢𝑙”. 𝗗𝗶𝗯-𝘂-𝗵𝗮𝗯𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹 𝗪𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗚𝗮𝗿𝘀𝗼𝗼𝗿𝗸𝗮: 𝗦𝗼𝗼 𝗰𝗲𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗹𝘀𝗼𝗼𝗻𝗶𝗱𝗮 𝗵𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 Muddadii madaxweyne Biixi xilka hayey, musuq-maasuqu wuu xad-dhaafay, waxaana meesha ka baxay kalsoonidii lagu qabay hay’adaha dawladda. Garsoorkii ayaa madax-banaanidiisii lumiyey, dad badan oo reer Somaliland ahina ma rumaysna in nidaamkeenna sharcigu cadaalad ku dhisan yahay. Hoggaanka Dr. Cirro wuxuu ballan-qaadayaa inuu dib u soo celin doono kalsoonidii dawladnimo isagoo fulinaya tallaabooyin adag oo ka dhan ah musuqmaasuqa, horumarinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka, iyo xoojinta madax-bannaanida garsoorka. Xukuumaddiisu waxay samayn doontaa dib u habayn lagu hubinayo in lala xisaabtami karo mas’uuliyiinta dawladda, iyo in caddaaladdu tahay mid ay heli karaan dhammaan shacabka Somaliland, iyadoon loo eegayn xaaladdooda bulsho iyo mid dhaqaale. Dr. Cirro oo dib u soo celin doona kalsoonida garsoorka iyo hay’adaha dawladda, waxa uu abuuri doonaa bulsho cadaalad iyo sinnaan ku dhisan. “𝐶𝑎𝑑𝑑𝑎𝑎𝑙𝑎𝑑𝑑𝑢 𝑤𝑎𝑎 𝑎𝑎𝑠𝑎𝑎𝑠𝑘𝑎 𝑛𝑎𝑏𝑎𝑑𝑑𝑎, ℎ𝑎𝑑𝑑𝑖𝑖 𝑎𝑎𝑛 𝑐𝑎𝑑𝑑𝑎𝑎𝑙𝑎𝑑𝑑𝑎 𝑙𝑎𝑔𝑢 𝑘𝑎𝑙𝑠𝑜𝑜𝑛𝑎𝑎𝑛, 𝑛𝑎𝑏𝑎𝑑 𝑚𝑎 𝑗𝑖𝑟𝑖 𝑘𝑎𝑟𝑡𝑜”. 𝗔𝘄𝗼𝗼𝗱𝗮 𝗶𝘀𝗯𝗲𝗱𝗲𝗹𝗸𝘂 𝘄𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗸𝘂 𝗷𝗶𝗿𝘁𝗮𝗮 𝗴𝗮𝗰𝗮𝗻𝘁𝗮𝗮𝗱𝗮 Doorashada 13-ka November ee fooda inagu soo haysa, shacabka Somaliland waxa ay haystaan kala doorasho cad. Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi waxa ay ku fashilantay wax-qabadkii ay u ballan-qaadday, taas oo keentay in ummaddu kala qaybsanto, dhaqaale fadhiid ah, cidlo diblomaasiyadeed iyo in gobolladii dalka qaar maamul xumadiisa inagaga maqanyihiin. Taas bedelkeeda, Dr. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu bixinayaa aragti rajo leh, midnimo iyo barwaaqo. Hoggaamintiisa oo ku dhisan hufnaan, isku-duubni iyo u heellanaanta shacabka, waa waxa ay Somaliland u baahan tahay xilligan adag. Cod-siinta Dr. Cirro iyo Amb. Maxamed Cali waa u codeynta guryo la awoodi karo, kaabayaasha oo la casriyeeyo, maaraynta kheyraadka si mas’uuliyad leh, iyo dhaqaale xoog leh oo adkeysi badan. Waa cod lagu taageerayo hogaamiye ilaalin kara qaranimadeena, qadiyada Somaliland u soo bandhigaya si ictiraaf caalami ah dhakhso loogu gaadho, dhisi doona bulsho naxariis badan oo aan cidna la reebin. November 13, 2024, reer Somaliland waxay awood u leeyihiin inay keenaan isbedel dhab ah. Haddii aan u codeyno Dr. Cirro iyo Xisbiga Waddani, waxaynu ku xaqiijin karnaa mustaqbal ifaya oo barwaaqo iyo badhaadhe u ah ummaddeenna. “𝑀𝑢𝑠𝑡𝑎𝑞𝑏𝑎𝑙𝑘𝑢 𝑔𝑎𝑐𝑎𝑛𝑡𝑖𝑖𝑛𝑎 𝑎𝑦𝑢𝑢 𝑘𝑢 𝑗𝑖𝑟𝑎𝑎 𝑒𝑒 𝑢 𝑐𝑜𝑑𝑒𝑒 ℎ𝑜𝑟𝑢𝑚𝑎𝑟𝑘𝑎, 𝑢 𝑐𝑜𝑑𝑒𝑒 𝑚𝑖𝑑𝑛𝑖𝑚𝑎𝑑𝑎, 𝑢𝑛𝑎 𝑐𝑜𝑑𝑒𝑒 𝐷𝑟. 𝐶𝑎𝑏𝑑𝑖𝑟𝑎𝑥𝑚𝑎𝑎𝑛 𝐶𝑖𝑟𝑟𝑜”. 𝗕𝘆 𝗔𝗯𝗱𝗶 𝗛𝗮𝗹𝗶𝗺 𝗠 𝗠𝘂𝘀𝗮 Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha ee Xisbiga Waddani E-mail:halimusa4@gmail.com Hargeysa, Jamhuuriyadda Somaliland 𝗦𝗮𝗯𝘁𝗶, 𝗢𝗸𝘁𝗼𝗼𝗯𝗮𝗿 𝟭𝟵, 𝟮𝟬𝟮𝟰 Qaran News
  13. Cabdalla Mustaf Abu-deyr Taliska Ciidanka PSF ee Puntland ayaa sheegay in ay hawlgal ciidan ku qabteen sarkaal ajnabi ah oo ka tirsan mileeshiyaadka Daacish ee ku sugan gobolka Bari. Muuqaal kooban oo uu baahiyay Taliska Ciidanka PSF ayuu ka soo muuqday Cabdalla Mustaf Abu-deyr oo magaciisa af-garasho ku sheegay Saalim, kaasi oo sida uu xaqiijiyay ka tirsan kooxaha Daacish. Cabdalla Mustaf Abu-deyr ayaa sheegay, in si uu ugu biiro mileeshiyaadka Daacish uu uga ka yimid magaalada Sakhniin ee Israa’iil, halkaasi oo uu jaamacad ku taalla ka baran jiray cilmiga Injineerinka. “Magacaygu waa Cabdalla Mustaf Abu-deyr, magacayga af-garashaduna waa Saalim, waxaan baran jiray kulliyada Injineerinka jaamacad ku taalla magaalada Sakhniin ee Israa’iil” ayuu yiri Cabdalla Mustaf Abu-deyr. “Waxaan soo gaaray buuraha Daacish ku sugan yihiin waxaana halkaasi igu sugayay shan xubnood oo ka tirsan Daacish, waxayna i keeneen meel la dhaho Istiqbaal halkaasi oo aan tababar ku qaatay” ayuu sii raaciyay Abu-deyr. Qabashada sarkaalkani ayaa imaanaysa, iyadoo ay dhawaan soo baxday warbixin amni oo sheegaysa in ay sii kordhayaan xubnaha ajnabiga ah ee ku biiraya mileeshiyaadka Daacish ee Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Puntland: Ciidanka PSF oo qabtay sarkaal Israa’iil kaga soo biiray mileeshiyaadka Daacish ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  14. Luuq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo goordhow dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan. Dagaalka ayaa saaka dib uga bilowday bartamaha magaalada, waxaana maleeshitaadka ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Maleeshiyaadka dagaalamaya oo in dhowaanahaan isku horfadhiyay degmada Luuq ayaa mar kale saaka is fara saaray, kadibna waxaa sidaas ku bilowday dagaalkooda. Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, balse aan tiro ahaan la caddeyn karin, maadaama uu weli socdo dagaalka labada beelood. Xaaladda ayaa kacsan, waxaana weli rasaas laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee degmada, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalkaasi. Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo shalay Kismaayo uu madaxweynaha Jubbaland kusoo xiray shir u dhexeeyay odayaasha beelaha haatan ku dagaalamaya degmada Luuq ee gobolka Gedo Shirka ayaa waxaa murtiyeed kasoo baxay lagu sheegay in heshiis laga gaaray colaadda degmada Luuq, balse waxaa heshiiskaas burinaya dagaalka saaka mar kale dib uga qarxay gudaha degmadaasi. Colaaddan ayaa soo noq noqotay, waxaana beelaha dagaalamaya ay isku haystaan maamulka degmada iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay horay isugu gaysteen. The post DEG DEG: Dagaal culus oo dib uga qarxay degmada LUUQ appeared first on Caasimada Online.
  15. Kooxahaas waxa si gaar ah loogu soo diray degmooyinka Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge, Gacan Libaax, A. Macallin Haaruun, iyo Axmed Dhagax, waxa aanay qofka u sheegayaan in lacagta uu qaato, kaadhkiisana ay ka haynayaan inta la dhaafayo maalinta cod bixinta. Dadka degmooyinkan waxa aannu ku dhiirrigelinaynaa in ay fiirogaar ah u yeeshaan kana hortagaan dadkaas lacagaha sita oo qaarkood ay garan doonaan, si aynnu dhalinyaradeenna uga wacyigelinno in hunguri lagu iibsado mustaqbalkooda oo dhan. Arrintaasi waxa ay khatar ku tahay nidaamka doorashada, iyo nabadgelyada, waxaana aannu soo bandhigi doonnaa dadkaas ku lug leh oo aannu ku dabajirno dhammaystirka magacyadooda …” Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI Source
  16. Saacado kaddib markii uu ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu uu sheegay in diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn lagu bartilmaameedsaday gurigiisa xilli uu ka maqnaa, ayay millatariga Isra’il Sabtidi shalay duqeymo cirka ah ku garaaceen qeybo ka mid ah magaalooyinka Beyrut iyo Gaza. Afhayeen u hadlay Isra’il ayaa sheegay in Netanyahu uu ka maqnaa guriga, balse ma cadda in hooygiisa la wax yeelleeyay iyo in kale. Natanyahu ayaa falkaasi ku dilmaamay isku day dil, iyo qalad weyn oo laga shallay doono. Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in duqeymo ay millatariga Isra’il ku garaaceen guryo dabaqyo ah oo ku yaalla degmada Beyt Laxiya ee waqooyiga Gaza ay ku dileen ugu yaraan 73 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen tobnaan kale. Ilaha caafimaadka ee isbitaallada Gaza ayaa iyaguna sheegay, in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay Isra’il ku dishay guud ahaan Gaza in ka badan 100 ruux oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan dumar iyo carruur. Isla Sabtidii shalay, diyaaradaha Israel ayaa ku daadiyay koonfurta Gaza waraaqo lagu dhajiyay sawirka Sinwaar lana soo raaciyo farriin ah: “Xamas mar dambe ma xukumi doonto Gaza”. Dhinaca Lubnaan, nawaaxiga koofureed ee Beyruut ayay milatariga Isra’il duqeymo culus ku bartilmaameedsadeen sida ay xaqiijiyeen ila wareedyada iyo sawirro laga soo qaaday xarumaha la qarxiyay. Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen bakhaarrada hubka ee Xisbullah iyo xarumaha dhexe ee dhinaca mukhaabaraadka. Wali lama oga khasaaraha dhimashada. Dhanka Isra’il, milatariga ayaa sheegay in dhinaca Lubnan looga soo tuuray ilaa 200 oo gantaal. Ilaha caafimaadka Isra’il ayaa sheegay in nin 50 jir ah uu ku dhintay kaddib marki uu madfac ugu tagay waqooyiga Isra’il, sidoo kale afar qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacmeen. Source
  17. Dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo-beeleed ayaa maanta ka qarxay mar kale degmada Luuq ee Gobolka Gedo. Colaaddan, oo ka sii dhalatay muranno hore, waxay sababtay dhimasho iyo dhaawac Sida xaqiijiyeen dadka deegaanka. Dagaalka oo la isku adeegsanaayo hubka noocyaddiisa kala duwan ayaa laga maqlaya Gudaha magaalada iyo agagaarkeeda. Dadka kunool degmada Luuq ayaa bilaabay in ay halkaasi ka barakacaan si ay naftooda uga badbaadsadaan xabadda Socoto. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland ayaa ku fashilmay in ay wax qabtaan Colaada degmada Luuq. Source: goobjoog.com
  18. Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Xisbullah ee ka dhisan dalka Lubnaan ayaa wacad ku maray iney kordhin doonaan dagaalka ka dhanka ah Israa’iiliyiinta. Hanjabaada Xisbullah ayaa imaaneysa maalin kadib markii ciidanada Isra’iil ay magaalada Gaza ku dileen hoggaamiyahii Ururka Xamaas Yahya Sinwar. Bayaan kasoo baxay Ururka Xisbullah galinkii dambe ee Shalay ayaa lagu shaaciyay inuu marxalad cusub u gudbay dagaalka Xisbullah ay kula jirto Isra’iil, islamarkaana maalamaha soo socda ay dhici doonaan dhacdooyin. Hadalkaan kasoo yeedhay Xisbullah ayaa kusoo beegmeya, kadib markii Xamaas ay xaqiijisay in la dilay Yahya Sinwar oo ahaa shaqsigii abaabuley weerarkii 7-dii bishii Oktobar ee sanadkii 2023 lagu qaaday Israa’iil ee dhaliyay dagaalka wali ka socda magaalada Gaza. Yahya Sinwar ayaa noqonaya hoggaamiyahii labaad ee Isra’iil ay ka disho Ururka Xamaas wax ka yar mudo sadax bilood ah, waxaana horay Isra’iil ugu dishay magaalada Tehraan ee dalka Iiraan 31-kii bishii Julay ee sanadkaan Isma’il Haniyah oo ahaa hoggaamiyahii Xamaas ee uu badalay Yahya Sinwar. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa xalay qaaday tallaabo culus, kadib qaraxiii is-miidaaminta ahaa ee ay Khamiistii Al-Shabaab ku qaadeen Iskuul Buluusiyo ee magaalada Muqdisho. Taliye Diyaano oo xalay ka baxay xafiiskiisa ayaa kormeer u kuur-gelid ah ku tegay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, si uu u qiimeeyo xaaladda amnigga. Asad Diyaano ayaa si gaar ah u booqday xarumaha ciidamada iyo sidoo kale saldhiggyada booliiska ee ku yaalla degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Cabdicasiis, iyo Xamarweyne. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska guud ee ciidanka Booliska ayaa lagu sheegay in ujeedka taliyaha u ahaa inuu qiimeeyo shaqooyinka ay bulshada u hayaan saldhigyada. “Ujeedka kormeerka Taliyaha ayaa ahaa in uu si dhow ugu kuurgalo howlaha ay saldhigyadu u hayaan bulshada, si loo xaqiijiyo habsami u socodka shaqooyinka amniga iyo in adeegyada boliisku si hufan ugu qabsoomayaan bulshada degaanka” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Sidoo kale taliyaha ayaa boggaadiyay shaqada ciidamada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibaaraan dadaalkooda sugidda amniga caasimada. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, kadib weerarkii ay Al-Shabaab la beegsadeen Iskuul Buluusiyo, kaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 10 qof oo isugu jiray askar iyo dad shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ku dhow 10, kadib markii nin isku soo xiray walxaha qaraxa oo beegsaday maqaayad ku taalla afaafka hore ee xarunta taliska ciidanka Booliska ee magaalada Muqdisho. The post Taliye ASAD oo tallaabo culus qaaday kadib weerarkii Iskuul Buluusiyo + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  20. WATCH: Inter Miami CF vs. New England Revolution | Messi Makes History! Source: Hiiraan Online
  21. Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa lala beegsaday guriga ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku yaalla Caesarea, wuqooyiga Israa’iil, sida uu sheegay afhayeenkiisu. Netanyahu kuma sugnayn dhismaha, wax khasaare ahna kama dhalan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Milatariga Israa’iil ayaa goor sii horreysay sheegay in saddex diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn loo soo ganay dhanka magaalo xeebeedaan subaxnimadii hore ee Sabtida. Mid ka mid ah ayaa ku dhacday dhisme, halka labada kalena la qabtay, ayay sheegeen milatarigu. Source
  22. Arsenal missed the chance to go to the top of the Premier League on Saturday evening when they were beaten 2-0 away to Bournemouth. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) - Somalia's National Security and Intelligence Agency (NISA), with the support of international partners, killed 40 al-Shabab militants and wounded 29 others in a military operation in Middle Shabelle and Galgadud regions, the agency announced on Saturday. Source: Hiiraan Online
  24. A British national has told the BBC that he and several Turkish citizens were abducted in the Kenyan capital Nairobi by masked men on Friday, with four of the Turkish citizens still missing. Source: Hiiraan Online
  25. Somalia's Information Ministry said Saturday the country's military is targeting al-Shabab militants in the Galmudug region of central Somalia and is making progress in eroding the group's operational effectiveness. Source: Hiiraan Online