-
Content Count
212,255 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku taliey in la laalo talooyinka ay baarlamaanka horkeeneen guddiga wadajirka ahaa ee habraacyada doorashooyinka. Waxaa kale, oo ay soojeediyeen in la qabto kulan looga tashanayo qaabka doorashada 2020/2012 kadib markii maamulka hadda jira ku fashilmay qabashada qof iyo cod. Qodobbada Madasha Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Bardaale (Caasimadda Online) – Diyaarad nooca aan duuliya laheyn oo ay Laheyd Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo riday gudaha Soomaaliya sida ay ogaatay Shabakadda Caasimadd Online. 17-kii Bishii June ee sanadkaan 2020 ayey Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan toogteen diyaaradaan aan duuliyaha laheyn oo ay laheyd kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab xilli ay mareysay inta u dhaxeyso Magaalooyinka Luuq iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobolada Gedo iyo Baay. Diyaaradda ay laheyd Al-Shabaab ee la toogtay ayaa lasoo sheegaya in xilliga la tooganayey ay kormeer ku kor sameeneysay kollonyo ka tirsan ciidamada AMISOM. Diyaaradda lasoo riday ayaa basaaseysay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee deegaanadaas ku sugan ka hor inta aan lala helin Gantaal. Saraakiisha Al-Shabaab kama aysan hadlin diyaaradaan laga soo riday sidoo kalana AMISOM war kama aysan soo saarin dhacdadaan. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro la beegsato kolonyada ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ee ku sugan Soomaaliya, waana markii ugu horeysay oo lasoo rido diyaarad ay laheyd Al-Shabaab.
-
Ibraahim Geedoow Cawaale oo ka mid aha falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha aya waraysi dhinaca Skyp siiyay Goobjoog Sports,isagoo ka waramay arimo badan oo ay ka mid yihiin horomarka iyo hiigsiga isboortiga Soomaaliya mustaqbalka soo socda iyo Xiriirada ka dhisan dalka ay dhageystaan talada ciyaartooydii hore iyo bahda isboortiga dalka. “Wuu jiraa horomar,bale madaxda xiriirada dalka waxaa ku bahoon in ay dhageystaan cabashada iyo baaqyada kaga imaanaya dadka ku jira xeyndaabka ciyaaraha Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Ibraahim Geddoow Cawaale. Dowladda ayaa dib u hagaajin ku samaysay garoonka ciyaaraha Muqdisho Stadium waxaana su’aal badan laga keenay in la wafaajiyo heerarka caalamiga ee garoomada dunida,si aysan markii la dhameeyo ceeb ama in la dhaho garoonka uma diyaarnayso in lagu martigeliyo tartamada caalamka. “shaqo wanaagsan ayaa laga qabtay Stadium Muqdisho,balse Xiriirka kubbadda cagta iyo Wasaarada Ciyaaraha waan in ay xooga iska saaraan in aysan ceeyb ka imaanin kolkii la dhameeyo dib u hagaajinta lagu sameeyo Muqdisho Stadium waa in la wafaajiyaa hanaanka garoomada ay aqoonsanyihiin ha’yadda caalamiga ee isboortiga dunida” ayuu hadalkiisa sii raaciyay falanqeeye Ibraahim Geedoow Cawaale. Hoos u dhac weyn uu ku yimid daawadashada horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya waxayna arintaas keentay in ay si weyn ugu hadlaan gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha Soomaaliya. “Ma garan karo daawasho la’aanta ka jirta horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya,balse hadii uu sidan ku sii socda wuxuu niyad jab ku noqonayaa ciyaarayahanada iyo kooxaha ka qeyb galaya,waan in Xiriirka uu la yimaadaa qorsho wax looga badalaya daawasho xumada horyaalka Soomaaliya” ayuu sheegay. Madaxda Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayuu u soo jeediyay in la baralaariyo horomarka kubbadda cagta iyo in dhamaan Maamul Goboleedyada la gaarsiiyo deeqaha lagu taageero Soomaaliya. “Mas’uuliyeenta Xiriirka waa in ay ka dhaqaaqaan Muqdisho oo ay Maamul Goboleedyada gaaraan,si fursad wanaagaan ay u helaan ciyaarayahanada iyo madaxda ururada isboortiga guud ahaan Gobolada” Falanqeeye Ibraahim Geedoow wuxuu Xiriirka ku dhaliilay is badalka joogtada ah ay sanad walba ku sameeyaan tababaarayaasha Xulka Qaranka,isagoo sheegay in muhiimada kowaad ay tahay in la hormariyo aqoonta macallimiinta Soomaaliyeed lagana maarmo tabarayaasha ajaanibta ee qarashka badan ku baxa wax badan aan ku soo kordhin natiijooyinka Xulka,isagoo sheegay in fursad wanaagsan tababarayaasha dalka. “Gabi ahaan waan in la joojiyaa qaadashada macallimiinta ajaanibta ee lagu bixiyo dhaqaalaha badan,waase in Xiriirka uu la yimaadaa wado ka wanagsan mid aan aragnay sanadihii lasoo dhaafay,balse taa badalkeed waa in Xulka lagu aaminaa tababrayaasha Soomaaliyeed ee kala jooga gudaha Wadanka iyo qrubaha. Dhinaca kale falanqeeye Geedoow waxa uu madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta u soo jeediyay in waqti geliyo lagana faa’ideestay dhallinyarada xirfada wanaagsan ee ku nool gudaha dibada. “Yurub,Afrika iyo Carabta waxaa laga helayaa macalliniin iyo xirfadlayaal tayo wanaagsa oo qeyb ka qaadan kara mahsruuca guulaha Xulka,wuxuuna Xiirirka u soo jeediyay in dhaqaalo badan lagu bixiyo kobaca iyo guulaha Xulka Qaranka Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sport u sheegay Falanqeeye Geedoow Halkan Ka Daawo Waraysi Dhinacyo Badan Uu Falanqeeye Geedoow Siiyay Goobjoog Sports W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Large-scale fishermen in Lamu County and traders in goods to and from Somalia will soon resume trade after the national government revealed plans to reopen the Lamu section of the Kenya-Somalia border. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Dekadaha iyo Kalluumeysiga dowlad goboleedka Galmudug Saabir Nuur Shuuriye oo xalay uun daahfuray mashruuc lagu dhisayo dekadda Hobyo ayaa sheegay in Galmudug ay ka go’antahay in la dhiso dekadda magaalada. Halkan Ka Dhagaysi Wasiir Saabir Nuur Shuuriye Oo Waraysi Siiyay Goobjoog News https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/wasiir-shuuriye.mp4 Source: goobjoog.com
-
(SLT-Burco)-Shacabka Magaalada Burco iyo guud ahaan reer Somaliland waxa ay walaac weyn ka muujiyeen hab-dhaqan ugub ku ah ganacsiga iyo mulkiyadda shacabka Somaliland kadib markii Magaalada Burco laga soo weriyay in lagu gubay Meherad Ganacsi sida ay sheegeen mulkiilayaasha Meheradduna ay tuhmayaan in dabka si u kas ah loogu gubay balse ay ka war sugayaan ciidamada Dambi Baadhista Somaliland, gaar ahaan Gobolka Togdheer oo baadhitaan ku wada sida xaaladdani u dhacday. Meheraddaasi oo lagu magacaabo Warsan Ethiopian Restaurant, waxa ay ku taallaa Badhtamaha Magaalada Burco taasi oo keentay hadal hayntii ugu badnayd saacadihii la soo dhaafay ee ay dadku wax iska waydiinayeen. Markii uu haddaba uu soo baxay warka sheegaya in la tuhunsan yahay in Magaalada Burco dab lagu qabadsiiyay Meheradda Warsan waxa arrintaasi xaqiijisay oo ka hadashay Mulkiilaha Maqaaxidaasi oo lagu magacaabo Warsan Maxamed Cige oo sheegtay in dabka soo gaadhay Meheradeeda Ganacsi uu ahaa dab dibadda laga keenay oo ay tuhunsan yihiin in loola badheedhay balse aanay ka hor dhacayn baadhitaanka ay wadaan ciidamada ammaanku. Qoraal ay arrintan ka soo saartay Warsan Maxamed Cige waxa ay ku qodobaysay xaaladdu sida ay u dhacday waxaanay tidhi: “Assalaamu Calaykum dhamaanba bahwaynta Sooomaaliyeed waxaan raba in aan idinla wadago dhacdadii ka dhacaday gobolka Togdheer gaar ahaan Huteelkaygii Warsan Ethiopian Restaurants. Waxan aan ka rawaxay oo albaabada u xidhnay 12:00kii Habeenimo iyada oon dhamanba wax dabi ka shidnayn gudaha meheradda. Waxa laygu soo war galiyay Saacad iyo badh kadib in ay Gubanayso Meheradaydii. Waxa aan gaadhay goobta oo gubanaysa. Waxa ku sugnaa damdamiska iyo dad tiro badan oo ka qayb qaadanayay bakhtiinta Meheradda. Cuntada waxa lagu kariyaa shoolad. laydhka meheradda waxa uu uu ku jira gudaha meheradda. Qaybta hore waxa dabka gaadhsiiya qaybiso ama fiishta xadhiga loo daadiyo. Waxaana la laabaa marka meheradda la rawixiyo. Sifada Dabka: Waxa muuqata in dabka meheradda gaadhay laga keenay dibadda meheradda, lagana bilaabay xagga dambe ee meheradda marka aanu aragnay sifooyinka dabku u gaadhay meesha arrinta baadhisteeda waxa gacanta ku haya ciidanka dambi baadhista Somaliland ee CID ee gobolka Togdheer, wixii ka soo baxa waynu sugaynaa kamana hordhacayno. Waxaan U Mahed Celinayaa Cidda wargalisay ciidanka dab-damiska, Ciidanka CID-da, Ciidanka Booliska iyo Dhallinyarada Oo Marwalba Garabkayga Taagan. Dhinaca kale Siyaasi Maxamed Siddiiq Dhamme oo ka mid ah siyaasiyiinta Xisbiga Mucaaaridka ah ee WADDANI horena u ahaa guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee Xisbigaasi ee Heer Qaran ayaa waxa uu falkan ku tilmaamay mid aan la aqbali karain isaga oo sheegay in isaga oo aan baadhista ka hor dhacayn haddana in loo baahan yahay in falkaasi aad loo hubsado. “Meheradda Warsan ee magaalada Burco lagu gubay waa fal aan ku habboonayn ganacsiga iyo dawladnimada hagaagsan, waan ka xumahay walaal Warsan, khasaaraha kusoo gaadhay cawad khayr qaba Alle ha kuugu beddelo. Anigoon baadhida ka hor dhacayn waxaan usoo jeedinayaa laamaha amaanka in tallaabo laga qaado sheekha booriyay danbigaa ee ummadda ugu baaqay in lagu farxo dhacdadaa foosha xun ee soo gaadhay muwaadinada” ayuu yidhi Maxamed Siddiiq Dhamme. Si kastaba ha ahaatee dad badan oo falkan kaga dareen celiyay baraha Bulshada ayaa xukuumadda Somaliland gaar ahaan ciidamada ammaanka ugu baaqay in ay degdeg uga hawl galaan war cadna umadda ka siiyaan sida falkaasi u dhacay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow mooshin u gudbiyey guddoomiyaha golahaasi, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Mooshinkaan oo ay saxiixeen illaa 132 Mudane ayaa waxaa golaha ka hor shaacisay, xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo laga soo doorto Koonfur Galbeed. Xaniifa oo ka hor hadashay xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka dalbatay guddoonka golaha shacabka inuu ka aqbalo mooshinkaasi. Sida ay ogaatay caasimada Online mooshinka ayaa la xiriira kuraasta xildhibaanada haweenka ay ku leeyihiin labada gole ee baarlamaanka doorashada soo socota, si loo xaqiijiyo qoondada ay leeyihiin haweenka, islamarkaana aan la’isku darin kuraasta haweenka iyo raga, labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo maanta la filayey in xildhibaanada golaha shacabka ay dood ka yeeshaan xeerka qoondada haweenka oo horey loogu xil-saaray guddiga wadajirka ah ee labada aqal, si ay u soo diyaariyaan xeerkaasi.
-
Trump iyo Twitter oo markale goradda isdaray Madaxweyne Trump oo looga digay muuqaalka been abuurka uu baahiyey Twitter ayaa muuqaalka uu madaxweyne Trump bartiisa Twitter-ka ku baahiyey marki ugu horreysay ku tilmaantay “mid xad gudub ku ah warbaahinta”. Muuqaalka ayaa muujinaya ilmayar oo madoow ah oo ka cararaya ilma caddaan ah xilli ay wada ciyaarayaan, muuqaalkaasi oo si been abuur ah loo saaray astaanta telefishiinka CNN. Qoraalka muuqaalka la raaciyey ayaa u yaalla sida: “Ilma socod barad ah oo ka cararayo ilmo cunsuri ah”, ka hor inta ay CNN muuqaalkaasi ku sheegin inuu yahay been abuur. Twitter oo digniin culus u diray madaxweyne Trump muuqaalka been abuurka uu bartiisa Twitterka uu ku baahiyey ayaa muujinaya inuu dagaal hor leh uu ka dhex billowday labada dhinac. Bishii May, Twitter waxay qarisay farriimo uu madaxweyne Trump bartiisa soo dhigay inta ay dadka boggiisa ku xiran gaarin ama ay akhrisan. Madaxweyne Trump oo tallaabbada ay Twitter qaadday jawaab uga dhigaya wuxuu amar ku bixiyey in la diyaariyo sharci xadgudubyada baraha bulshada looga hortago. Digniinta cusub ee ay Twitter u jeedisay madaxweyne Trump oo ah tii ugu horreysay waxaa lagu xusay “inuu xurriyadda saxaafadda uu ku xadgudbay”. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay dalka Mareykanka ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay dilka dadka madowga ah loo geysto oo ay ka abuurantay dhaqdhaqaaqa ‘Black Lives Matter movement.’ Ilma yar oo madow ah oo ordoya ilma caddaan ah ah uu daba ordaya ayaa lagu soo qoray “Ilmahan cunsuriga wuxuu ka mid yahay cod bixiyeyaasha Trump.” CNN waxay sheegtay muuqaalkaasi inuu yahay been abuur oo dib la isugu soo habeeyey, lagana duubay carruur wada ciyaareyso lana duubay bishi September ee kalhore. Balse digniinta cusub ee ay Twitter u jeedisay madaxweynaha Trump ayey ku sheegtay “Madaxweynaha inuu baahiyey muuqaal been abuur ah isla-markaana ka hor imanaya xorriyadda saxaafadda muuqaalkana uu yahay mid dib la isugu habeeyey oo ay CNN ku sheegtay been abuur.” Trump ayaa ku jawaabay in shirkadda ay “gabi ahaanba caburineyso xoriyatul qowlka”. Twitter-ka wuxuu qoraalka Trump hoostiisa soo dhigay qoraal uu akhristayaasha ugu sheegayo inay “eegaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan codeynta doorshada ee dhanka boostada.” Shirkadda waxay ballan qaaday inay sare u qaadi doonto digniinta ka dhanka wararka been abuurka ee la soo geliyay bartaas, balse waxay u muuqatay mid ka gaabisay in tallaabo ay ka qaado madaxweynaha Mareykanka. Waxay sidoo kale horraantii bishan dib u eegis ku sameysay xeerarka ay kaga hortageyso wararka marin habaabinta ah. Muxuu ku jawaabay Trump? Sida ku xusan qoraallada cusub ee uu soo dhigay Twitter-ka, Trump wuxuu ku eedeeyay shirkadda in ay faragelineyso doorashada Mareykanka ka dhaceyso 3 bisha Nofeembar ee sannadkan. Wuxuu yiri: “Haddii aan ahay madaxweyne ma aqbalayo in arrintaas ay dhacdo”. Dhanka kale, madaxa ololaha doorashada u qaabilsan Trump ayaa dhaleeceeyay shirkadda Twitter-ka ku tilmaamay “wado eexasho siyaasadeed” in ay tahay. Weriyaha BBC-da ee Teknooloojiyadda ayaa kusoo warrameysa in madaxweyne Trump uu barta Twitter-ka u adeegsado in uu dagaal siyaasadeed kula galo siyaasiyiinta mucaaradka iyo dadka caanka ah ee ka soo horjeeda. Haddana wuxuu u muuqdaa in uu dagaal la galay shirkadda. Flanqeyn Marianna Spring, oo ah wariye ku takhasustay wararka aan saxda ahayn Twitter waxay sii laba jibbaartay dadaallada ay kaga hortageyso wararka aan saxda ahayn uu madaxweyne Trump toddobaadyadi ugu dambeeyey soo dhigo bartiisa Twitter-ka. Barta Facebook waxaa weli ku bixi jiray wararka aan saxneyn oo noocaasi ah balse dhawaan Facebook wuxuu tiray farriin ololaha doorashada Madaxweyne Trump ku saabsan oo uu baahiyey maadaamaa uu adeegsaday astaanta Naziga jarmalka. Dhibka Twitter-ka haysto ayaa waxay tahay joogteyn la’aan. Waxaanna weli caddeen farriimaha aan saxda ahayn uu madaxweyne Trump soo dhigo iney gaareen dadka kala socda bartiisa Twitter-ka iyo inkale. Sida oo kale tallaabbadan waxay weerar cad ku tahay CNN maadaamaa magaceeda la adeegsaday. Waxayna warbaahintaasi iisu aragtaa mid uu xilliyadi u dambeeyey Trump uu wararka beenta ah uu la beegsanayey. Sidaan ognahay CNN waxaa weerar cad loo geystay wariyaheeda oo tabin toos ah ku jiray xilligi ay socdeeen mudaharaadyadi looga soo horjeeday dilka ay booliska u geysteen George Floyd. Waxaan u maleeynayaa muuqaalka haddii aad daawato inuu madaxweynaha uu ula jeeday in lagu qoslo oo keli ah” ayuu yiri xoghayaha warbaahinta ee aqlka cad Kayleigh McEnany Jimcihii. “Waxaan sii wadeynaa inaan tabinno xaqiiqooyinka halka aan muuqaallo been abuur ah oo ku xadgudbaya carruur aan wacxbaka galabsan tabib lahayn, Waxaan kuugu casuumeynaa adiguna inaad sidaa si la mid ah aad sameyso. Wax wanaaagsan samee” ayuu CNN ugu jawaabtay farriin ay madaxweyne Trump u dirtay. CNN waxay sheegtay muuqaalka inta aan la tirin ka hor iney daawadeen dad ka badan 4 malyan. Qaran News
-
NAIROBI (HOL) - The additional threat of COVID19 in Somalia besides an already fragile situation has worsened the situation of refugees and internally displaced persons, the UN has warned. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Hargeysa)-Michael Rubin oo ah Aqoonyahan Maraykan ah oo ka tirsan Machadka American Enterprise Institute, ayaa mar kale ugu baaqay Dawladda Maraykanka inay Xafiis diblomaasiyadeed ka furato Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay dal dimuqraadi ah oo muhiim u ah Maraykanka. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu Michael Rubin ku daabacay Wargeyska Washington Examiner, taas oo uu kaga hadlay wadahadalladii Jabuuti Toddobaadkii hore ku dhex maray Dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay Maraykanku kaalin ku lahaayeen. Michael Rubin wuxuu si adag u naqdiyey Siyaasadda danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Donald Yamamoto oo uu ku sifeeyey mid si cad ula safan Soomaaliya oo muddo dheer isku dayey inuu go’doon dhaqaale geliyo Jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii uu dhaqaalaha Maraykanku ugu deeqo Soomaalida uu wada siiyo Dawladda Muqdisho oo Khabiirku ku tilmaamay mid ka talisa dhul masaafadiisu kooban tahay oo ku yaalla Muqdisho isla markaana 16 sannadood hormuud u ahayd dalalka musuqmaasuqu naafeeyey. Aqoonyahankaasi wuxuu ku dooday inay Somaliland tahay Waddan xor ahaa oo tan iyo markii ay 1991kii madax-bannaanidooda kala soo noqdeen Soomaaliya, muddadaas dheerna ku naaloonayey xasilooni iyo dimuqraadiyad. Michael Rubin oo horena uga tirsanaan jiray Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanku wuxuu ku boorriyey Dawladda Maraykanka inay Jamhuuriyadda Somaliland ka furato xilligan Xafiis diblomaasiyadeed sida ay ugu leedahay xafiisyo Waqooyiga Suuriya iyo Taiwan, waxaanu intaas ku daray in qunsuliyado kala duwan ay dalalka Turkiga, Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin Somaliland. Waxa kaloo uu intaas ku daray in dalalka Yurub qaarkood ay xafiisyo ku leeyihiin caasimadda Somaliland ee Hargeysa, halkaasi oo aanay wax dhibaato nabadgelyadarro ahi ka jirin oo ay ka dhex shaqeyn karaan. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Somaliland dhinaca fal-dambiyeedyada ay aad uga hooseyso kuwa ka dhaca Caasimadaha Yurub. Source
-
Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa madaxweynaha dalka Jabbuuti ku bogaadiyey martigelinta iyo qabanqaabinta kulanka wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo waxa uu ugu yeedhay taageeridda dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo guud ahaan gobalka Geeska Afrika. Dr. Mishcal Bin Fahmi A-Sulami, guddoomiyaha Baarlamaanka dalalka Carabta ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray 18-kii bishan Juun waxa uu ammaanay hindisaha madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Mudane Mishcal waxa uu sheegay in baarlamaanka Carabtu uu taageersan yahay dadaalka madaxweyhne Geelle, una rajaynayo in uu is-afgarad ka dhex abuuro walaalaha Soomaalida, isla markaana taageero xasiloonida gobalka Geeska Afrika iyo xoojinta amniga qaranka Carbeed. Sida uu hadalka u dhigay. Waxa aanu tallaabadan ku tilmaamay mid togan oo sii xoojinaysa xasiloonida, dib u heshiisiinta, iyo in hore loo dhaqaajiyo taayirka horumarka Soomaalida iyo guud ahaan gobalka Geeska Afrika. Geeska Qaran News
-
Jamacadda Nile oo soo bandhigtey Maktabad Online ah si ay ugu faa’ideystaan ardayda. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Jamacadda Nile oo soo bandhigtey Maktabad Online https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-upp-1.mp4 Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Three Al-Shabaab militants have surrendered following negotiations with the Somali National Army in Belet Weyne, central Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Garowe ( PP News Desk) — Last year, North Mudug region in north-central Somalia had over 160 fatalities, with clan conflict and insurgent attacks gripping the region as a whole. During this period, Galmudug State was undergoing a delayed election process, while Puntland state struggled with insecurity in Galkayo. The two states were not cooperating on security, which contributed to worsening security situation in Galkayo and the wider Mudug region. However, as of May 2020, the two sub-national authorities have increased security cooperation, and especially around Galkayo. At least four “joint security operations” have been conducted in Galkayo and wider Mudug region over the past three months, with Somali federal forces, Galmudug and Puntland police working together in the battle against insurgents. In May, Puntland and Galmudug state ministers, accompanied by federal parliamentarians and Somali National Army (SNA) commanders, held meetings in Galkayo and agreed to support security cooperation and joint operations against elements of instability. This vital step has become the first initiative towards transforming the conflict drastically, through increased security cooperation between the two states, who have also engaged in resolving feuding in west Mudug, between clan militias hailing from Puntland and Galmudug. The conference concluded with a ceasefire between the two clan militias, and a joint security agreement between Galmudug and Puntland states. 2015/2016 Galkayo Conflict A report published in June by New Access International (NAI), a research and development agency based in Somalia, details the complexities of the long-running conflict in Mudug region, describing it as a “multi-layered” conflict which has “impacted millions of lives and turned Mudug region into the epicenter of Somalia’s complex political rivalries”. The report details the Puntland-Galmudug conflict, which erupted in October 2015 and resurfaced again in November 2016, in the period after the formation of Galmudug state in mid-2015. The report notes the “heightened tensions” and the “escalation of conflict and political rhetoric” during this period, and draws parallels to the 2019/2020 period as Galmudug state was forming its second parliament and electing its third president of the federal member state. The report identifies the political actors of the 2015/2016 conflict in Mudug region as Federal Government of Somalia (FGS), Puntland and Galmudug, and suggests that “successive FGS administrations pursued policies to monopolize the statebuilding process…resulting in a top-down process that adversely impacted peace and social cohesion within Mudug region”. The report lays culpability with Puntland and Galmudug officials, who engaged in “accusations of destabilization…which exacerbated a deteriorating security situation”. The research report suggests that the 2015/2016 conflict was partly driven by “election-focused FGS leaders…jockeying for influence with state governments in the lead-up to the formation of the country’s first bicameral federal parliament”. Also, at fault was the breakdown in relations between Galmudug and Puntland, as well as shaky relations between the FGS and Puntland. This was compounded by “public exchanges” between the two states of Puntland and Galmudug that “accentuated the rift and directly contributed to conflict drivers in the region”. Detailing acts of insecurity, the report provides a substantiated viewpoint of the lead-up to and aftermath of the 2015/2016 conflict. However, after Galmudug made an agreement with Ahlu Sunna to incorporate the group into Galmudug state institutions, it transformed relations within region. Continuing on that trend, Galmudug also mended its relations with Puntland, which “contributed to ensuring peace and allowed for stability to be maintained” for a period. However, after the tumultuous Galmudug election process commenced in 2019, “communal conflicts and insecurity in Galkayo continued to last into 2020”. The report further notes that, “despite setbacks, opportunities of cooperation between Galmudug and Puntland on security matters also took place in 2020”. In 2019, the Galmudug election process was different from 2015/2016 period, as “Galmudug state’s land boundaries had been defined. This eliminated an important driver for controversy between the two neighboring states”. Recommendations for Peace in Mudug Region The report by NAI notes that, in Mudug region, “practices of conflict resolution have been prioritized and applied as conflict arose, and ignored the contextual complexities that drive and perpetuate the conflict”. However, as the roots of conflict remained unaddressed, the conflict in the region became recurrent and, “tensions remain high in rural areas and frequently become a catalyst for wider instability in Mudug region”. NAI report emphasises “tripartite cooperation” Instead of conflict resolution, NAI suggests that, “a process focused on conflict transformation instead presents a more feasible approach, and organically integrates aspects of reconciliation”. NAI proposes the use of conflict transformation, which proposes four avenues namely: “Actor Transformation”; “Issue Transformation”; “Rule Transformation”; and “Structural Transformation”. The report underscores the need for new presidents of Galmudug and Puntland to take a different approach than their predecessors had taken to cooperation in beefing up security Mudug region. The report further outlines the need for Xeer , the Somali customary law, to be reformed, to better suit the contextual issues that impact Mudug region: “Attempts at reforming and adapting Xeer, to fit the current context are vital and should be enhanced. Xeer’s ability to adapt, as witnessed in the past century, is its underlying strength”. The Future of Mudug Region Kainan Mussa, executive director at NAI, tells Puntland Post that transforming the conflictual relationships in Mudug region will require ‘adaptive peacebuilding’ that is grassroots oriented, which requires genuine commitment from all stakeholders. “Mudug [region] is A microcosm of the larger Somalia. The region bears all the hallmarks of all the problems that regions in Somalia face. This is what makes it [Mudug] the ideal region to implement a rigorous approach to conflict transformation. By transformation, I mean the need to transform relations between the two clans and two states, from one that is adversarial to one of collaboration. This needs to be underpinned by an iterative and adaptable approach to peacebuilding,” Mr. Mussa said. “Recent reports of Galmudug-Puntland security cooperation are indicative of the transformations needed for regional stability.” Mussa also noted that Mudug region “has six major infrastructure projects planned”. He specifically named three projects in North Mudug (Galkayo new airport, Garacad Port and Tuurdibi customs area) and three projects in South Mudug (Hobyo Port, Hobyo-Abudwak road, and Abudwak customs area), and that the projects provide “opportunities for new jobs, trade and logistical access” for central Somalia. “With increased cooperation and a genuine focus on conflict transformation, the state administrations and local communities in Galmudug and Puntland have an opportunity to focus on economic development, job-creation, revenue generation, and investment,” Mussa said. “This would provide new opportunities for youth and contribute to a reduction in radicalization, poverty and instability.” Since the early 1990s, Mudug region has experienced clan conflicts, terrorism and piracy crimes. By the 2010s, sub-national conflict between Puntland and Galmudug led to deteriorating instability in the region. Renewed cooperation between the two states could bring many positive dividends for local communities. However, as the NAI report notes, tripartite cooperation between the FGS, Puntland and Galmudug must form the foundation of a new relationship built on trust and cooperation, which benefits peace and development in Mudug region and Somalia as a whole. To read the full report, kindly access it at the NAI Somalia website. © Puntland Post, 2020 The post NAI research report warns against ‘re-ignition of conflict’ in Somalia’s Mudug region appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo xalay ka hadlay xafladda daahfurka mashruuca lagu dhisayo dekadda Hobyo ayaa ballanqaaday ka siyaasi ah inuu ka shaqeynayo in aan dib loo noqon. Guddoomiyaha oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri” Qof weliba waxaa uu sameeyey ballan qaad, qole waxaa ay balanqaadeen lacag, qole waxaa ay balanqaadeen duco iyo taageero. Annigu waxaan rabaa inaan halkaan ka ballanqaado, wixii ugu muhiimsanaa oo ka maqnaa, aniga oo ku hadlaayo magaca siyaasiyiinta halkaan fadhisa oo dhan, taasna waxaa ay tahay ( Good politics) siyaasad wanaag, siyaasaddii ayaan ballanqaadayaa, inaan dib loo noqonaynin, oday dhaqameed iyo siyaasi hore oo hadlay in aan gadaal loo noqon. waxaan rabaa inaan ku dhiirado gadaal inaan loo noqonaynin ballan qaadkaan waa ka culus yahay 40 milyan iyo 50 milyon” . Dhanka kale, waxaa guddoomiye Abshir bogaadiyey maamulka Qooqoor”Waxaan ku bogaadinayaa madaxweynahay Galmudug in uu soo abuuray, dowalad lagu faani karo, oo Galmudg qiimaheedii sare u qaaday, oo aad qaali uga dhigtay, xukuumaddaas madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu soo dhisay, laakiin ilaa iyo hadda waxqabad weyn oo aad iyo aad u ballaaran aan weli waqti badan, waxaad ogaataan inaad qiimihii Galmudug aad sare u qaadeen, waxaa la rabaa in aad arrintaas aad ka dhabeysaa. Waxaan rabaa inaan si gooni ah ugu mahad celiyo markale dadaallada nabadeynta mideynta xagga siyaasadda, dhulka iyo deegaanka in taba uu wado madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor). Goddomiye Abshir Axmed waxaa uu soo hadlay qaaday mas’uuliyadaha labada heer dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada” Federaalku waa heer dowladeed, oo laba dhul ay isla maamulaan labo heer dowladeed, labadaas waxaa ay kala yihiin, dowaldda dhexe oo federaalka loo yaqaan iyo dowlad goboleedka oo State-ka loo yaqaanno, magacyo kalena waa ay leedahaym xukunka dowaladda dhexe waxaa lagu magacaabaa, xukun wadaag ah, waa “shared rule”, xukunka dowlad goboleedka yallana waa “self rule”, waa midka barakadiisa iyo kheyrkiisa iyo fursadaas lagu helay in halkaan la joogo, haddii kale center-ka ayaa waxaa laga sugi lahaa in ay ka hadlaan arrimaha dhismaha dekadda, awoodda guud waxaa iska leh dowladda dhexe. waxaana rabaa inaan halkan ka cadeeyo in federaalku yahay arrin bogaadin mudan” . Xafladdan waxaa sidoo kale joogay mas’uuliyiinka ka socotay labada heer, dowladda federaalka ah iyo dowladda dhexe iyada oo lagu balanqaaday 90 mliyan oo doolar. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waxa dunida laga xusaa maalinta Qaxootiga Adduunka, bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya waxay maanta ku baaqday in la ilaaliyo guulihii laga gaaray yareynta dhibaatada heysata qaxootiga ku sugan Soomaaliya, iyadoo dalku uu xoogga saarayo ka-jawaab celinta aafada COVID-19. “Hay’adaha Soomaaliya waxay dadaal dhab ah oo hagar la’aaneed u galeen taageerada iyo dhowridda xuquuqda magan-gelyo iyo badbaadinta dadka ku barakacay colaadaha, cadaadis ay ka carareen iyo saameynta isbedelka cimilada. Arintan waxaa sii adkeeyay aafada cusurka COVID-19 – waa in [hay’adaha Soomaaliyeed] lagu amaano dadaalladooda,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Maalinta Qaxoontiga Adduunka waxay ku soo beegantay waqti ay Soomaaliya ka jirto khatar saddex-geesood ah – ka-sokow aafada COVID-19, dalku wuxuu la tacaalaayaa la-dagaallanka ayaxa iyo fatahaado. Arrimahaan waxaa ka dhashay caqabado aan horay loo arag, laakiin waxaan aragnay adkeysi iyo waxqabad muuqdo oo ay muujiyeen dadka soo barakacay oo kaalintooda ka qaatay sameynta is-bedello, iyagoo ku dhaqaaqay hawlo [kaladuwan] sida sameynta maryaha sanka iyo afka lagu xirto (face masks) iyo saabuun. Waa in aan garab istaagnaa oo aan xaqiijino in guulaha la gaaray aan la lumin,” ayuu yiri Wakiilka Xafiiska Ergeyga Sare ee QM u qaabilsan Arrimaha Qoxootiga (UNHCR), Johann Siffointe. Ugu yaraan 2.6 milyan oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gudaha dalka, iyadoo sidoo kale dalku uu martigeliyay dad ka badan 30,000 oo qaxooti iyo magangelyo-doon ah, oo badankood ka yimid Itoobiya iyo Yemen. Gudaha Soomaaliya, qaxootiga iyo dadka barakacayaasha ah waxay si gaar ah ugu nugul yihiin cudurka faafa ee COVID-19 maadaama tiro badan oo dad ah ay ku nool yihiin xarumaha mashquulka badan ee magaalooyinka iyo deegaanada dadka barakacayaasha ah (IDPs).
-
Sabti. 20.06.2020. Warbixinta maalinlaha ah Baadhitaanka 48kii saacadood ee u danbeeyey la sameeyey waa 147 Sagaal iyo labaatan qof (29) ayaa laga helay xanuunka, 23 qof waa somalilanders. Halka 6 qof udhasheen dalka Hindiya. Bukaanadan 24 qof waa rag, 5 qofna waa dumar. Da’da Bukaanadan cusub waxa ay u dhaxaysaa: (10jir ilaa 19jir = 5 qof) (20jir ilaa 29jir = 6 qof) (30jir ilaa 39jir = 8 qof) (40jir ilaa 49jir = 6 qof) (50jir ilaa 59jir = 4 qof) Bukaanadan waxa ay kala degan yihiin: Hargeisa 16 qof, Berbera 8 qof iyo Laascaanood oo ah 5 qof. Waxaa xanuunka ka bogsaday 1 qof taasi oo ka dhigaysa tirada guud ee bogsatay Boqol iyo kow iyo Labaatan (121) Facebook https://www.facebook.com/Wasaaradda-Horumarinta-Caafimaadka-JSL-103133851197165/ Website https://somalilandcovid19.com/ Twitter https://twitter.com/SomalilandMoco Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Source
-
Ibraahim Geedoow Cawaale oo ka mid aha falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha aya waraysi dhinaca Skyp siiyay Goobjoog Sports,isagoo ka waramay arimo badan oo ay ka mid yihiin horomarka iyo hiigsiga isboortiga Soomaaliya mustaqbalka soo socda iyo Xiriirada ka dhisan dalka ay dhageystaan talada ciyaartooydii hore iyo bahda isboortiga dalka. “Wuu jiraa horomar,bale madaxda xiriirada dalka waxaa ku bahoon in ay dhageystaan cabashada iyo baaqyada kaga imaanaya dadka ku jira xeyndaabka ciyaaraha Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sports u sheegay falanqeeye Ibraahim Geddoow Cawaale. Dowladda ayaa dib u hagaajin ku samaysay garoonka ciyaaraha Muqdisho Stadium waxaana su’aal badan laga keenay in la wafaajiyo heerarka caalamiga ee garoomada dunida,si aysan markii la dhameeyo ceeb ama in la dhaho garoonka uma diyaarnayso in lagu martigeliyo tartamada caalamka. “shaqo wanaagsan ayaa laga qabtay Stadium Muqdisho,balse Xiriirka kubbadda cagta iyo Wasaarada Ciyaaraha waan in ay xooga iska saaraan in aysan ceeyb ka imaanin kolkii la dhameeyo dib u hagaajinta lagu sameeyo Muqdisho Stadium waa in la wafaajiyaa hanaanka garoomada ay aqoonsanyihiin ha’yadda caalamiga ee isboortiga dunida” ayuu hadalkiisa sii raaciyay falanqeeye Ibraahim Geedoow Cawaale. Hoos u dhac weyn uu ku yimid daawadashada horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya waxayna arintaas keentay in ay si weyn ugu hadlaan gorfeeyaasha ciyaaraha gudaha Soomaaliya. “Ma garan karo daawasho la’aanta ka jirta horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya,balse hadii uu sidan ku sii socda wuxuu niyad jab ku noqonayaa ciyaarayahanada iyo kooxaha ka qeyb galaya,waan in Xiriirka uu la yimaadaa qorsho wax looga badalaya daawasho xumada horyaalka Soomaaliya” ayuu sheegay. Madaxda Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayuu u soo jeediyay in la baralaariyo horomarka kubbadda cagta iyo in dhamaan Maamul Goboleedyada la gaarsiiyo deeqaha lagu taageero Soomaaliya. “Mas’uuliyeenta Xiriirka waa in ay ka dhaqaaqaan Muqdisho oo ay Maamul Goboleedyada gaaraan,si fursad wanaagaan ay u helaan ciyaarayahanada iyo madaxda ururada isboortiga guud ahaan Gobolada” Falanqeeye Ibraahim Geedoow wuxuu Xiriirka ku dhaliilay is badalka joogtada ah ay sanad walba ku sameeyaan tababaarayaasha Xulka Qaranka,isagoo sheegay in muhiimada kowaad ay tahay in la hormariyo aqoonta macallimiinta Soomaaliyeed lagana maarmo tabarayaasha ajaanibta ee qarashka badan ku baxa wax badan aan ku soo kordhin natiijooyinka Xulka,isagoo sheegay in fursad wanaagsan tababarayaasha dalka. “Gabi ahaan waan in la joojiyaa qaadashada macallimiinta ajaanibta ee lagu bixiyo dhaqaalaha badan,waase in Xiriirka uu la yimaadaa wado ka wanagsan mid aan aragnay sanadihii lasoo dhaafay,balse taa badalkeed waa in Xulka lagu aaminaa tababrayaasha Soomaaliyeed ee kala jooga gudaha Wadanka iyo qrubaha. Dhinaca kale falanqeeye Geedoow waxa uu madaxda Xiriirka Kubbadda Cagta u soo jeediyay in waqti geliyo lagana faa’ideestay dhallinyarada xirfada wanaagsan ee ku nool gudaha Soomaaliya iyo caalamka. “Yurub,Afrika iyo Carabta waxaa laga helayaa macalliniin iyo xirfadlayaal tayo wanaagsa oo qeyb ka qaadan kara mahsruuca guulaha Xulka,wuxuuna Xiirirka u soo jeediyay in dhaqaalo badan lagu bixiyo kobaca iyo guulaha Xulka Qaranka Soomaaliya” ayuu Goobjoog Sport u sheegay Falanqeeye Geedoow W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Marka hore Illaahay Marxuum Maxamed Baashe Xaji Xasan hawnaxariisto jannooyinkiisa qaaliga ahna Alle haku casuumo, Caruurti iyo qoyskii & innagana Samir iyo iimaan haynaga siiyo aamiin. Maxamed Baashe Xaji Xasan waxan la kulmay markii iigu horraysay sannadkii 1989-kii, goobtu waxay ahayd Waddankii laysku odhan jiray “Jukuslafaakiya Magaaladda Prag” waxaanu ka koobnayn 7-Ruux. Wakhtigu wuu adkaa annaguna socdaal dheer ayaanu soo galnay cid kamanaan garanayn Waddanka aanu nimi waxaanu aragnay Nin Itoobiyaana markaanu Garoonka Diyaaradaha ka soo degnay . Si deg deg ah ayaanu u waydiinay inuu garanaayo cid Soomaali ah oo Waddanka degan . Waxuu nagu yidhi “Wax Soomaaliya Ninbaan aqaana” Wuxuu noo keenay Maxamed Baashe Xaji Xasan Alle Hawnaxaristo marxuumku xiligaa arday ayuu aha waxaanuu ku jiray qol-yar oo kamid ah meelaha ardaydu seexato. Maxamed Baashe Xaji Xasan waxuu todobayadii Ruuxba ku qaabilay waji faraxdi ku dheehantahay waxuuna na geeyey meel aanu wax ka cuno . Huteel naamuu dajin karayn maadaama oo uu arday aha markiiba wuxuu go’aansaday inuu qolka yar ee uu daganyahay nagu marti galiyo. Waxaanan ilaabin marnaba inuu isagu seexday halka kabaha la dhigto isagoo wixii la huwanaayey ama la goglanaayey annaga na siiyey . Aroornimadii intuu na quraaciyay ayuu na geeyey meesha Tareenka laga raaco isgoo noo tilmaamay qaabka aanu Sweden ku gaadhi karno iyo tallooyin dhaxal gal aha oo uu nagula sii dardaarmay. Wuxuu waligiiba aha Nin Dhaqan, wuxuu aha Shakhsi qalbi fiican oo garasho dheer. Alle Hawnaxaristo innagana Samir iyo Iimaan haynaga siiyo Amiin. Sir Maxamuud Cumar Cabdi Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda loogu geystay Muqdisho. Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa ka dhacay gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen, inta aysan gaarin ciidamada ammaanka Soomalaiya. Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay fulisay dilkaasi, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay toogasho ku dileen laba Xidigle Cali Raage Maxamuud, islamarkaana ay horey u sii qaateen bistoolad uu watay, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo maamulka degmada Dharkenley iyo laamaha amniga Soomaaliya ay ka bixiyeen dhacdadaasi. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.