Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,265
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI ayaa naqdiyay war-murtiyeedka laga soo saaray kulankii Jabuuti ku dhex-maray Somaliland iyo Soomaaliya “Guul beenadki Shacabka masaakinta ah lagu soo saarayey ee sidi ciyaartoyada koobabka soo qaada gawaadhida madaxa kala dhacayeen way beenowday maanta, Baarlamaanku waa in ay Madaxweynaha u yeedhaan oo wax ka weydiiyaan heshiishkan. Dalalka dunida marka ay midoobayaan waxaa shardi ah in is dhexgal fanneed, ciyaareed, aqooneed, ganacsi la sameeyo, Hawada la wada maamulaya wa ta Somaliland yaa wada maamulaya ayey su’aashu tahay? ” Umadda runta ha loo sheego oo beenta ha laga daayo shacabkuna waa in ay tashadaan. Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Qaar ka mid ah shacabka magaalada Nairobi oo la hadlay Goobjoog ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay xil ka qaadistii hoggaamiyihii aqlabiyada Barlamaanka Kenya Aadan Bare Ducaale waxaana la kulmay wariyaha Goobjoog ee dalka Kenya Mohamed Arizona Halkan Ka Daawo Qaar Ka Mid Shacabka Magaalada Nairobi Oo U Waramay Goobjoog https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-voxpop.mp4 Source: goobjoog.com
  3. Golaha Shacabka Somalia oo Saaka Cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Xeerka Kuraasta Xilhibaanada Ku Shaqeysta Magaca Somaliland Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku mashquulsanaa ka doodista afar xeer ay soo gudbiyeen guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka ayaa maanta meel mariyay mid kamid ah xeerarkaasi. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaana maanta shir gudoominayay kulan ay soo xaadireen 168-Xildhibaan, waxaana kulankan looga doodayay xeerar kuraasta gobalada Waqooyi. Xildhibaanada ayaana dood dheer ay xeerkan ka yeesheen kadib cod u qaaday xeerkan, waxaana u codeeyay meel marinta xeerkan 167-Xildhibaan, waxaa diiday hal Xildhibaan, mana jirin wax Xildhibaan ah oo ka aamusay. Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa horey u meel mariyay xeer qoondada haweenka gaar ahaan in kuraasta haweenka kaligood ku tartamaan, waxa ayna hada ka doodayaan Xildhibaanada Maqaamka Gobolka Banaadir iyo xubnaha uu ku yeelanayo Aqalka sare. Qaran News
  4. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa goordhoweyd soo saartay go’aamo ay dib ugu fasaxayso dhamaan xayiradihii ay guddiga ka hortaga iyo u diyaar garowga Covid-19 ay hore usoo saareen. Somaliland ayaa si cad ugu dhawaaqday inay gebi ahaanba qaaday xayiradahaasi oo ay kamid ahaayeen Duulimaadyada oo muddo badan hakad ugu jiray sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Coronavirus. Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, C/raxmaan Saylici oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay fasaxeen Waxbarashadii, Ciyaarihii dhalinyarada iyo weliba huteeladii lagu caweyn jiray. C/raxmaan Saylici ayaa sidoo kale sheegay in gebi ahaanba la fasaxay duulimaadyadii, iyada oo sidii hore u shaqeyn doono madaarka Hargeysa ee Cigaal International. Saylici ayaa waxa kale oo uu ka dhawaajiyey in qofkasta oo kasoo dagaya madaarka Hargeysa looga baahan yahay inuu sito waraaq cadeynaysa inuusan qabin cudurka safmarka ah, midaasi oo uu ku sheegay taxadarka looga dhowrsanaanayo in qof qaba cudurkaasi uu gudaha u soo galo deeganadeeda. Madaxweyne kuxigeenka ayaa bulshada kula dar-daarmay in la muujiyo taxadar dheeraad ah, maadama ay noloshii sidii hore ku soo celisay xukuumada Muuse Biixi. Xayiraadahan ay xukuumada Somaliland qaaday ayaa si toos ah u dhaqan gali doona 30-ka bishan, sida uu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland. Somaliland ayaa horaantii bishan sii kordhisay xayiraadaha kala duwanaa ee ay ka mid aheyd duulimaadyadu, midaasi oo ku eekeyd 30-ka bishan, iyada oo maanta sheegtay inay qaaday xayiradahaasi.
  5. Dadka ka ganacsada Shidaalka ayaa sheegay sare kac uu samaynayo qiimihiisa, kaddib saameyntii uu ku yeeshay suuq-xiranka cudurka Cornavirous ama (COVID19). Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Sabsan Qiimaha Shidaalka Oo Hoos Dhac Ku Yimid https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/shidaalka.mp4 Source: goobjoog.com
  6. NEW YORK (HOL) - The UN Security Council has extended the mandate of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) until August this year. Source: Hiiraan Online
  7. Boqortooyada Sucuudiga ayaa sanadkaan joojisay Muslimiinta Xujeyda ah oo sanad weliba u soo cibaado taga dalkaasi, waxaana kaliya loo ogolaaday kuwa jooga gudaha dalkaas in ay gudan karaan Xajka sanadkaan. Halkan Aqriso Dowladda Sacuudiga Oo Hakisay Xujeyda Ka Imaanaysa Dalka Dibadadiisa Dowladda Sucuudiga oo Sanadkaan Hakisay Xujeyda Ka Imaaneysa Dalka Dibaddiisa Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xujeyda https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-xjka.mp4 Source: goobjoog.com
  8. Ciidamada Booliska Burco ayaa joojiyay Kulan loogu Baroor-diiqayay Rabbi haw-naxariistee Aqoonyahan Maxamed Baashe, oo ka socday Hotel ku yaalla magaalada Burco sida uu ku soo warramayaan wariyeyaasha magaalada Burco. Ilaa hadda lama oga sababta Xukuumaddu u joojiyay Tacsida loo samaynayay Marxuumka. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerka kuraasta gobollada waqooyi, kadib kulan ay ku yeesheen xarunya Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Sida uu shaaciyey guddoonka golaha shacabka, waxaana xeerkan ogolaatay illaa 167 mudane, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin wax diiday. Guddoomiyaha golaha shacabka oo kulanka ka hadlay ayaa shaaciyey inuu ansax yahay xeerkaasi, isagoona uga mahadceliyey meel marimtiisa xildhibaanada golahaas. Xeerka kuraasta gobollada waqooy ayaa ka mid ahaa afarta xeer ee ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah, labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaanada ayaa shalay dood adag ka yeeshay xeerkan oo lagu soo dooranayo kuraasta xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland. Baarlamaanka Soomaaliya oo ku guda jira Kalfadhigiisa 7-aad oo ah kii ugu dambeeyey ayaa ku howlan howlaha doorashada oo aan weli lagu heshiin nooca la qabanayo.
  10. Waxaa socda abaabulka iyo isku keenista xidigihii hore Soomaaliya waxaana dhallinyaro kala joogta gudaha dalka iyo dibadda ay abuureyn koox lagu magacaabo Mideynta waxayna ka shaaeyndoonaan horomarinta,is dhaxgalka,dhiiri gelinta iyo kor u qaadida ciyaaraha. Sheekh Maxamuud Caddow oo ah xoghayaha ururka SOCSA ayaa ka mid ah aas aasayaasha koooxda Mideynta wuxuuna sharaxaad ka bixiyay waxa ka dhaliyay barnaamijkan iyo hadafkooda fog. Axmed Maxamed Colow oo ka mid ahaa xidigihii hore Kooxda Batroolka Batroolka ayaa ka mid ah tababarayaasha naadiga Mideynta wuxuuna sheegay in barnaamijka uu yahay mid aad u wanaagsan oo wax tar u noqondoono guud ahaan bahda isboortiga. Kooxda Mideynta ayaa shantii bil ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho iyo dalka dibadiisa ka waday tartamo kala duwan oo lagu xusayo xidigihii soo maray Soomaaliya ee geeriyooday waxaana howlan isxaanqaana ka mid celiyay bahda isboortiga,iyagoo bogaadiyay in la sii wado howlahan. Ismaaciil Malaaq Senegal oo horay ugu tirsanaa Xulka Qaranka ayaa isna ka mid ah kooxda Mideynta wuxuuna sheegay in hadafkooda uu yahay isku keenista iyo isku xirka laacibiintii hore kuwii dhexe iyo kuwa iminka soo koraya, si la gaaro guulo waaweyn. Si kastaba maamulka iyo qubarada ku midoobay kooxda Mideynta ayaa rajaynanya in ay noqdaan dalada wax badan ku soo kordhisa geedi socodka iyo kobaca ciyaaraha Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxda Midaynta W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  11. Aqalka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa goordhow waxaa uu ansixiyey xeerka kuraasta xildhibaannada gobollada waqooyi ama Somaliland. Weriyaha Goobjoog News ee golaha waxaa uu sheegayaa in coddeynta dhacday ay ogolaadeen ilaa 167 xildhibaan halka uu hal xildhibaan ka aamusay. Qodobadkan waa kii 2-aad oo todobaad gudahii ay ansixiyaan, waxaa ay horay u meelmariyeen arrinta kootada haweenka, waxaana u haray matalaadda Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Somaliland ayaa goordhow waxaa ay ku dhawaaqay in ay qaadday dhammaan xayiraadaha la xiriiray Covid 19 ee ay horay u soo rogtay. Sida uu ku warramayo weriyaha Goobjoog News ee Hargeisa, xayiraadda la qaaday waxaa ay kulmineysaa guud ahaan oo ay ku jiraan duulimaadyada, waxbarashada, ganacsiga, isu imaatinka iyo arrimaha kale. Wixii faahfaahin ah, kala soco. Source: goobjoog.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa qaaday dhammaan xayiraadii ay soo rogtay ee lagaga hortagayay faafitaanka Corona Virus. Waxyaabaha la fasaxay waxa ka mid ah Duullimaayada, Ciyaaraha, Waxbarashada, Hotelada iyo Dhammaan waxkasta oo hore loo joojiyay. Madaxweyne Ku-xigeenka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in keliya dadweynuhu muujiyaan Taxadar dheeraad ah, halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha xisbiyada qaran ayaa waxaa looga hadlay kheyraadka dalka, gaar ahaan heshiisyada la xariira arrimaha shidaalka Soomaaliya, xilligaan oo lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay madashu ka walaacsan tahay tartanka ruqsada 7-da xirmo ee ay dhowaan soo bandhigtay xukuumadda Soomaaliya. Madasha ayaa shaacisay in lagu jiro xilli doorasho, islamarkaana ay suuragal tahay in dowladdu wax weliba oo gacanteeda gala ay u isticmaali karto ololaha doorashada. “Maadaama dowladdu ku jirto xilli doorasho ah waxaa halis ah in wax walba oo dowladda gacanteeda gala ay u isticmaali karto ololaha doorashada taagan.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale madasha xisbiyada qaran ayaa uga digtay dowladda dhexe iyo shirakadaha shidaalka in aysan ku deg-degin heshiis gadashada xirmooyin shidaal waqtigan kala guurk ah.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto, Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka warbixiyey qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay banaanka hore saldhigga tababarada Turkiga ee magaalada Muqdisho. Odowaa ayaa shaaciyey in qaraxaasi laga hortagay, islamarkaana ciidamada ammaanka ay toogteen nin doonayey inuu isku dhex- qarxiyo dhalinyaro Jaamacadaha ka soo baxay oo ku biireysay saaakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaraxaasi ay ku dhinteen illaa laba qof oo midkood uu arday ahaa. “Qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay kahor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda” ayuu yiri Odowaa. Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, balse kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ceenkan oo kale ah ka fulisa gudaha caasimadda. Xerada qaraxa lala beegsaday ee TurkSOM ayaa ah xero ballaaran oo lagu tababaro ciidamada dowladda, waxaana sidoo kale ku sugan macalimiin Turkish ah oo bixiya tababaradaasi.
  16. Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlayay Ciidamadii ka dacwoonayay Mushaar la’aanta ayaa wuxuu Xukuumada ku eedeeyey in la dayacay Ciidamada. [...] The post Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in Ciidanku helaan Xaqooda appeared first on . Source
  17. Taliyaha ciidmada Xoogga dalka Gen. Odawaa Yusuf Raage ayaa ka hadlay qarax ismiidan ah oo saaka ka dhacay Saldhigga Turkisom ee Muqdisho. Taliye Odowaa ayaa sheegay in ciidamada ilaalada Saldhiga Turkisom ay toogteen nin xiran walxaha qarxa oo ay ka shakiyeen markii u hoggaansami waayay awaamiirta ciidamada, kaas oo rabay uu isku qarxiyo dhallinyaro arday ah oo doonayay in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka. “Qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay ka hor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda” ayuu yiri Gen. Odaywaa. Qaraxa, sida ay xajiijiyay dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ku dhintay labo qof oo midkood ka mid ahaa arday doonaysay in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo ka dhashay qaraxa. Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaas, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo saldhigga Turkisom. Saldhigga Turkisom ee Muqdisho waa goob amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo oo lagu tababaro ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Milateri, waxaana gacanta ku haya Turkiga. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse Al-shabaab ayaa weearada noocaan ah ka geysta Soomaaliya, iyaga oo maalmihii ugu dambeeyey dhowr weerar ku qaaday xarumo dowladeed. PUNTLAND POST The post Gen. Odowaa oo k hadlay qaraxa Saldhigga Turkisom appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan gaar ah la qaatay guddiyada diyaarinta xeerka dhameystirka doorashooyinka iyo GDMQ, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah. Kulankan oo ahaa mid aan horey loo sii shaacin ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021, iyadoo ay goobjoog ahaayeen xubno ka tirsa guddiyada joogtada ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Guddoomiye Mursal iyo xubnaha kale shirka ka qeyb-galay ayaa si gaar ah uga wada arrinsaday go’aankii ka soo baxay shirkii ay shalay yeesheen madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ee ahaa in baarlamaanka uu joojiyo howlaha doorashada inta laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Sida ay ogaatay Caasimada Online wax go’aan ah laguma gaarin shirkan, balse waxaa lagu ballamay kulama kale, si loo falanqeeyo go’aanka wadajirka ah ee ka soo baxay madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ka jira dalka. Arrimahaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dalka uu jiro maxalad kala guur ah, islamarkaana uu socdo diyaar garow ku aadan doorashada 2020/2021, inkastoo aysan weli cadeyn nooca doorasho ee la qabanayo, maadaama uu waqtiga sio dhamaanayo. Hoggaanka xisbiyada mucaaradka iyo dowlad goboleedyada qaar ayaa sidoo kale walaac ka muujinaya arrimaha doorashada, iyaga oo horey uga digay muddo kororsi hor leh.
  19. Hargeysa (Caasimada Online) – War kooban oo ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa markale looga hadlay wada-hadallada todobaadkii hore lagu qabtay dalka Jabuuti. Qoraalkan ayey Somaliland ku sheegtay inay ogolaatay in aan la carqaladeyn isku socodka shacabka koofurta iyo waqooyiga ee isaga kala gooshaya labada dhinac. Qodobkaasi ayaa la xiriira dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, balse kuma jiraan siyaasiyiinta. Ujeedka ayaa waxaa lagu sheegay, sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland. “Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka. Marka la’eego qodobada ku jira murtiyeedka ka soo baxay shirkii Jabuuti qodobkaan waa midkii ugu cuslaa ama ugu xasaasisanaa, iyada oo ay Somalliland ay tan iyo markaasi ka fakireysa ogolaanshiyihiisa, waxaana la sheegay inay dan ugu jiray labada shacab. Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo afartii sano ee la soo dhaafay haakad ku jiray ayaa markale todobaadkii la soo dhaafay dib uga bilodway wadanka Jabuuti.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay saldhigga Turkiga ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu fuliyey ruux isku xiray jaakadda qaraxyada, kaas oo ‘toogasho’ lagu dilay. Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee saldhigga, gaar ahaan goob ay saf-dheer ugu jireen dhalinyaro Leyli saraakiil loo diyaarinayey. Wararka ayaa sheegaya in qofka is-qarxiyey oo dhaq dhaqaaq badan sameynayey ay ka shakiyeen marka hore ciidamada amniga, kadibna markii la rasaaseeyey uu qarxay. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan 2 qof oo rayid ahaa iyo qofkii is-qarxiyey, sida uu xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Oronjo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga. Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kooban oo ka dhashay qaraxaasi, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho. Ma jirto illaa iyo hadda ci sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, balse kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ceenkan oo kale ah ka fulisa gudah caasimadda. Xerada qaraxa lala beegsaday ee TurkSOM ayaa ah xero ballaaran oo lagu tababaro ciidamada dowladda, waxaana sidoo kale ku sugan macalimiin Turkish ah oo bixiya tababaradaasi.