-
Content Count
212,265 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
DJIBOUTI (HOL) - Non-political social engagements between Somalia and Somaliland will not be subject to any sanctions, a joint technical ministerial committee from both sides meeting in Djibouti has resolved in what could be a reprieve for artists, academics and traders who have in the past suffered penalties owing to political differences between Hargeisa and Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
London (Caasimada Online) – Rubac-qarni ka hor ayey ahayd markii aqoonyahankii cilmiga siyaasadda Samuel Huntington uu qoray maqaalkiisii ku saabsanaa isku dhaca ilbaxnimadda. Waxaa uu muujiyey dagaallo xiriir ah. Huntington waxaa uu qoraalka sameeyay kadib dhicitaanka darbigiii Berlin, iyo dhamaadkii dagaalkii qoboobaa ee u dhaxeeyay Midowgii Soofiyeeti iyo Reer Galebeedka, muddo nabad ah kasokoow, Huntington waxaa uu saadaaliyey halgan u dhexeeya wax uu u arkayay cadow aan heshiin karin oo ah Muslimka iyo reer Galbeedka. Huntington waxaa uu sheegay in aqoonsiga dadka uu yahay wadnaha siyaasadda hardameysa, kasokoow aragtida. “Maxaad tahay?” ayuu qoraalkiisa isku weydiiyay, “sida aan ka ogaanay laga soo billabo Bosnia illaa Caucasus illaa Sudan, jawaab khaldan oo su’aashaas laga bixiyo waxay sababi kartaa xabad madaxa lagu dhufto.” Siyaasiyiinta reer Galbeedka sida Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair ayaa raacay hoggaanka Huntington. Rubac qarnigii u dambeeyay dalal badan oo Muslim ah ayaa bartilmaameed u ahaa Mareykanka iyo xulifadiisa. Wixii markaa ka dambeeyey warbaahinta reer Galbeedku Muslimiinta ku tilmaamayey kuwa sharci la’aan, aragtiyo xag jir ah wata, ahna khatar dunida ka jirta. Tani waxay kordhisay Islaam nacaybka ka jira wadamada reer Galbeedka iyo siyaasiyiinta midigta fog ee Europe. Xeel-dheerayaasha ayaa hadda rumeysan in cadaawaddaan khatarta ah ay yaraan doonto kadib musiibadda Coronavirus, arrin kale ee jirta ayaa ah, safmareenka Coronavirus waxaa qaabeynayaa siyaasad dhuleedka adduunyada. Galbeedku waxay jecelyihiin, lagana yaabaa inay u baahanyihiin cadow, bartilmaameedkooda ugu dambeeyana waa Shiinaha. Bartilmaameedsiga Shiinaha Shiinuha waxaa loo arkaa in uu yahay cadowga cusub ee jira, lana mid ah sidii uu Islaamku ahaa 20-sano ka hor. Waxaana sidaas u arka dadka, qoraayaasha wargeysyada, xarumaha talo soo jeedinta, xisbiyadda siyaasadda iyo hey’adaha sirdoonka ee Mareykanka. Kadib qoraalkii caanka ahaa ee Huntington oo sababay eedda ka dhanka ah Muslimiinta – waxay mar-walba ugu yeeraan Islaamka xagjirka ah hadda waxaa uu dareenkooda u jeediyay Bariga Fog. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ah mucaaradka ugu weyn dunida ee Muslimiinta, ayaa hadda waxaa uu billaabay in uu weeraro Shiinaha, si ka duwan Bush oo weeraray Ciraaq 2003-dii. Markii uu waday ololihiisii 2016-kii, waxaa uu Shiinaha ku eedeeyay in uu kufsanayo dhaqaalaha caalamka. Tan iyo markii uu dilaacay cudurka Covid-19, weeraradda Trump waa ay kordheen. Waxuuna ku eedeeyay Shiinaha in uu qarinayo virus-ka, islamarkaana uu hoos u dhigayo tirada geeriidiisa. Warbaahinta The Sun – oo tuntay durbaankii duulaanka Ciraaq ee 2003-dii – ayaa baahisay sheekada warbixin virus-ka ku eedeyneysa in Shiinuhu si ula kac ah u sameeyay, si uu u caddeeyo in uusan Mareykanku ka hortagi karin cuduradda wax laaya. Hey’adda Sirdoonka dibadda Ingiriiska ee MI6, ayaa gacan ka geysatay in kiis loo dhiso weerarkii musiibada ahaa ee Blair ku qaaday Ciraaq, kadib baaritaankii hubka sida daran wax u gumada, hadda waxay hey’addu indhaheeda ku jahaysay Shiinaha. Agaasimihii hore ee MI6 Sir John Sawers oo la hadlayay Barnaamijka Maanta ee BBC-da ayaa calool jileec u muujiyay go’aankii uu Trump dhaqaalaha uga joojiyay hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Waxa uu yiri “Mareykanka waxaa aad looga careysanyahay wax ay u arkaan in uu Shiinuhu ku hallaagay, Shiinuhuna waxaa uu ka dheeraanayaa in uu qaato mas’uuliyadda ah in uu virus-ku ka billowday.” Wax qarinta Dabcan, waxa jira sababo wanaagsan oo lagu cambaareyn karo Shiinaha. Waxaa jira caddeyn muujineysa in Shuunuhu uusan hufneyn markii uu billowga ahaa cudurka Coronavirus ama yaraayeen tiradiisa kiisaska, dhanka kale, waa khaladka dalalka kale oo ay Britain ka mid tahay oo sidoo kale runta qariyay. Xarunta Talo-soo jeedinta Ingriiska laga leeyahay ee Henry Jackson Society (HJS) oo ka mid ahayd kuwa sida daran u cambaareeya waxa ay ugu yeeraan Muslimka xagjirka ah ayaa hadda warbixinadii u dambeeyay waxaa ay ku weerarayeen Shiinaha. Xadiiqdiina weeraradooda Shiinaha ee bilihii u dambeeyay ayaa si deg-deg ah u kordhay. Sidoo kale warbixin ay soo saartay HJS ayaa Mail on Sunday waxay ka qortay maqaal sheegaya in Britain ay Shiinaha geyn doonto maxkamadaha caalamiga ah, si ay uga hesho $437 billion oo magdhow ah, sababo la xiriirka cudurka Coronavirus. Machadka kale ee Gatestone Institute ayaa dhowaan isbar-bardhig ku sameeyay Shiinaha iyo Islaamka xagjirka ah. Kala qeybsanaanta cusub Dadka qaar ayaa laga yaabaa in ay dhahaan tan iyo bur-burkii Midowgii Soofiyeeti, reer Galbeedku waxay u baahnaayeen cadow u badela Soofiyeetkii. Maskaxda ku haay in qoraalkii Huntington ee Iskudhaca Ilbaxnimadda uu ka digayo in “kala aragti duwanaan shaha Ilbaxnimadu ay noqon doonto dagaalka mustaqbalka.” Sida uu Huntington qoray, Shiinuhu waa khatarta ugu awoodda badan ee Reer Galbeedka ay wajahayaan. Iran waxay baaqi ku ahaan doontaa indhaha Mareykanka, waana xiriirka shaqsi ee ka dhexeeya Trump iyo Benjamin Netanyahu. Hadda waxaan gaarnay dhamaadka xilligii dheeraa ee Islaamku uu ahaa “kala aragti duwnaansho” weyn. Waxay u muuqataa in reer Galbeedku ay hada heleen cadowgooda, haddii ay sidaas tahay Muslimiintu xoogaa waa ay neefsan karaan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibedda dalka Turkiga ayaa war kasoo saartay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay afaafka hore ee xerada tababarka ciidamada Soomaaliya ee Turkisom. Qoraal lagu baahiyey bogga wasaaradda ayaa ugu horeyn lagu cambaareeyay qaraxaas ka dhacay xarunta tababarrada ciidamada ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho. “Waxaan cambaareeneynaa weerarka is-miidaaminta ah ee maanta laga fuliyey iskuul hoose oo ku yaalla meel u dhow xerada tababarka militari ee TURKSOM ee Muqdisho” ayaa lagu yiri. Sidoo kale qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa tacsi loogu diray qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku dhintay qaraxaas. “Waxaan walaalaheena iyo saaxiibadeena shacabka Soomaaliyeed la qeybsaneynaa murugada, waxaan naxariista Allah u rajeeneynaa kuwii noloshaada ku waayey weerarkan, waxaana tacsi u direynaa qoysaskooda” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga. Qaraxa ayaa ka dhacay banaanka hore ee xerada, waxaana fuliyey qof naftiisa halige ahaa, kaas oo ay ciidamadu banaanka hore ku toogteen, kadib markii uu diiday in uu istaago. Xarunta xilligaas waxaa ka socday dhaqdhaqaaq tababar loogu xareynayey askar loo tababarayo Leyli sarkaal, waxuuna isku dayey qofkaas in uu gudaha galo oo gaaro halka ay safnaayeen askartaas, balse waxa uu qarxay markii ay toogteen ciidamada ammaanka ee ilaalada ka hayey iridda hore. Seddax qofood oo uu ku jiro naftiisa haligihii ayaa ku geeriyootay qaraxaas, labada qof ee kale mid waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii tababarku uga socday xerada, halka kan kalena uu ahaa qof shacab ah oo marayey wadada, sida maanta shaaciyey Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage.
-
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa faahfaahisay Wararkii ugu dambeeyay Cudurka COVID 19 ee Soomaaliya. Warbixinta kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka ayaa siddaan u qorneyd: > Laga Helay: 23 > Somaliland: 18 > Benadir: 5 > Lab: 18 > Dhedig: 5 > Bogsasho: 11 > Dhimasho: 0 > Tirada Guud Laga Helay: 2,835 > Bogsashada Guud: 829 > Dhimashada Guud: 90. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Taliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS),ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qabatay Xafladda Gabagabada Qoraalka buugaagta Manhajka Qaranka ee dugsiga Sare oo ah buugaag ay diyaariyeen dad Soomaaliyeed. Waxaa ka qeyb galay Munaasabadda Wasiirka wasaaradda waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo munaasabada ugu qeyba galay habka adeega casriga ah ee online-ka,Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada ,Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf, Agaasime xigeeno qubaradii diyaarisay Manhajka Waxbarashada, xubno ka socday shirkada Badar ee daabacay Manhajka,Culimaa’udiin iyo marti sharafkale oo lagu casuumay. Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo u mahadceliyay Khubaradii iyo dadkii waqtiga ku soo bixiyay in la helo Manhaj dugsi sare oo la jaan-qaadi kara dalka ayaa sheegay in guul weyn ay tahay in lasoo gaaro heerkaan Gabagabada qoraalka buugaagta Manhajka, isagoo sheegay in ay ka go’antahay tayeynta Waxbarashada Dalkal. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Halkan Ka Aqriso Qoraalka Xogta Qaramada Midoobay Iyo Machadka UNAS Soomaaliya oo Diiwaan Gelisay Machadka UNAS iyo Qaramada Midoobay oo Dacwad u Heysta. Halkan Ka Warbixin Ku Saabsan Xogta Qaramada Midoobay Iyo Machadka UNAS https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-unsom.mp4 Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee xildhibaanada golaha shacabka waxaa looga dooday laba xeer oo ku jira sharciga doorashooyinka Qaranka, kuwaas oo mid la ansixiyey, halka kan kalena ay doodiisu ka sii socon doonto kulamada dambe ee golaha. Labada xeer ee in laga doodo uu maanta ajenduhu ahaa waxay kala yihiin kan lagu soo dooranayo kuraasta baarlamaanka ee gobollada waqooyi oo la ansixiyey, iyo kan metelaada gobolka Banaadir oo dood adag laga yeeshay. Banadanaa mudaneyaasha aragtidooda ka dhiibtay doodii ay xildhibaanadu ka yeesheen xeerka metelaada gobolka Banaadir, waxay soo jeediyeen in gobolka Banaadir loo kurdhiyo kuraasta uu ku yeelanayo golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka, iyagoo badankood ku taliyey in la gaarsiiyo 13-14 kursi. Xubanaha kulanka khudbadaha ka jeediyey waxaa kamid ahaa Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibraahim waxuuna soo jeediyey in xal laga gaaro maqaamka Muqdisho oo xildhibaanadu u codeeyaan, metelaad u qalanta gobolka Banaadir. “Maanta waa maalin weyn oo waa maalin taariikhi ah, xildhibaankii ogolaada in magaaladan tahay magaalo dhul Soomaali ay leedahay, dad gaar ahna leeyahay iyo kan diidan waa in la kala bartaa. Waxaan soo jeedinayaa in tirada kuraasta metelaada Muqdisho laga dhigo illaa 14 kursi, isla markaana laga dodo maqaamka magaladan oo cod la geliyo,” ayuu Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow. Sidoo kale Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo isna ka mid ahaa xubnihii khudbadaha ka jeediyey kulanka, waxa uu xildhibaanada u soo jeediyey inay u hiiliyaan gobolka Banaadir, isaga oo Muqdisho ku sifeeyay magaalo ay deganyihiin dad nabadda Jecel, waxuuna qabaan in la kor dhiyo kuraasta ku metelaya Aqalka Sare. “Gobolka Banaadir 2008-dii waxaa loo dhisay gole deegaan, oo si sharci ah loo dhisay, siyaasad ayaa lagu baabi’iyay, madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh, waxay uga maqaamkiisa waxa ay uga aamuseen inay xigtadiisa yihiin, hadda Madaxweyne Farmaajo waa inuu u hiiliyaa gobolkan. Waxaan ku talinayaa in kuraasta gobolka Banaadir ee Aqalka Sare la gaarsiiyo 13 kurs,i” ayuu yiri xildhibaan Mustaf Dhuxulow. Xildhibaan Maxamuud Beenabeene oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu qabaa, “Dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya waxaa qeyb weyn ka ah xal u helidda maqaamka iyo matalaadda caasimadda Mouqdisho/G.Banaadir. Golaha Shacabka maanta waa in ay ansixiyaan xeerka matalaadda G/Banaadir, tiradana laga dhigaa ugu yaraan 13 xubinood.” Dhankiisa Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ku jiray xubnihii xeerkaas ka dhiibtay aragtidooda ayaa xaqdarro ku tilmaamay in gobolka Banaadir oo ka ‘dad badan bulshada ku nool dhulka maamul goboleedyo badan oo la isku daray’ la yiraahdo 7-xubnood ayaa la siinayaa. Sidoo kale waxa uu ka mid yahay xidhibaanada soo jeediyay in gobolka Banaadir kuraasta ku meteleysa Aqalka Sare laga dhigo 13. Maadaama uu kabayo 70% miisaaniyada dowladda sida uu sheegay Xildhibaan Mahad. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku yiri, “Inkastoo Xildhibaanada intooda badan isku aragti dhawaayeen hadana waxaa jira cadaadis xooggan oo ka imaanaya Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood oo siyaasadeynaya maqaamka iyo matalaada Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo hay’adaha Dowlada Federaalka ee ku cad dastuurka iyo sharciga doorashooyinka Qaranka. Cidna ugama haybaysan doono inshaa’allah u doodidda iyo difaacidda xuquuqda dadka ku nool Gobolka Banaadir.”
-
Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay in matalaadda Muqdisho ay qeyb ka tahay dowladnimada. Xildhibaan Beenebeene oo Tweeterkiisa soo dhigay qoraalkan “Dhameystirka dhismaha dowladnimada Soomaaliya waxaa qeyb weyn ka ah xal u helidda Maqaamka Iyo Matalaadda Caasimadda Mogadishu/G.Banaadir. Golaha Shacabka maanta waa in ay ansixiyaan xeerka matalaadda G/Banaadir, tiradana laga dhigaa ugu yaraan 13 xubin.# I Support that motion#” Xildhiban Maxamuud oo hadda ku sugan Mareykanka ayaa ka mid ah Xildhibaannada taageersan in Muqdisho matalaad yeelato isla markaana uu mooshinkan gudbo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf dhuxulow oo ka mid ah, ayaa ka hadlay maqaamka Gobolka Banaadir oo labadii bil ee la soo dhaafay aad u badnayd hadal heentiisa. Mustaf Dhuxulow ayaa sheegay in 2008-dii magaalada Muqdisho loo dhisay maqaam matala, ama gole deegaan, waxa uuna sheegay in ay burburiyeen dowladihii ka danbeeyay dowladdii xilligaas jirtay. “Madaxweynayaashii hore Xasan iyo Sheekh Shariif way ka ganbadeen arrinta Muqdisho, marka waxaa laga rabaa madaxweyne Farmaajo in uu ku dhiirado oo uu u hiiliyo gobolka Banaadi,r” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo ka hadlay doodii maanta ee baarlamanka. “Haddii ay noqoto Aqalka sare ama barlamaanka waxaan aaminsanahay in uu heli karo matalaada ugu badan oo xaqiiq ah, arrinta Muqdisho nuuc kasta ay tahay, waxaan aaminsanahay in Muqdsiho ay tahay magaalo Soomaaliyeed oo sharaf iyo ammaan mudan oo dadka soo dhawaysay,” ayuu yiri Mustaf Dhuxulow oo aad ugu amaanay dadka Muqdisho dagan wax qabadkooda iyo garab istaagii ay garab istaagnaayeen ka soo billaw dowladii Madaxweyne Aadan Cadde ilaa dowlada Farmaajo. Dhuxulow waxa uu hoosta ka xariiqay in mudnaanta iyo horumarka ay gaareen sanadihii la soo dhaafay dadka Soomaaliyeed , ay Muqdsiho iyo dadka dagan ay yihiin dadkii abaalkaas lahaa, ayna mudanyihiin in loo mahad celiyo dadka Muqdisho. “Muqdisho yaan loo arkin reer kaliya, waa hooyadii Soomaaliyeed, markaan ka shiraynay arrinta Muqdisho laba arrinba waa isku soo qaadnay, sida banaanbaxyo nabadeed, dhaqanka culumada, siyaasiyiinta aan shir la galno, in aan bilaawno shirar nabadeed, waxaan jeclanay in aan baarlamaanka walalaheena aan ka billawno arrintaas oo aan idinka codsanay,” ayuu yiri Dhuxulow. Dhuxulow ayaa sheegay in maqaamka Muqdisho la siiyo ugu yaraan 13 Senator, oo uu soo jeediyay xildhibaam Mahad Maxamed Salaad. Ugu danbayn Xildhibaan Mustaf dhuxulow ayaa ka codsaday baaralamaanka Soomaaliya in ay ku taageeraan arintaas, waxa uuna u sheegay xildhibaanada in Muqdisho ay tahay magaalo Soomaaliyeed, asaga oo rajo ka muujiyay in xildhibaanada ay u hiiliyaan oo ay garab istaagaan si maqaamka Muqdisho oo u meel maro. W/Q: Cabdixakiin Cilmi Xasan Naiorbi, Kenya
-
Xannuunka Covid-19 oo si wayn ugu faafaya dalalka dunida, gaar ahaan dalalka horumaray qaar ka mid ah iyo kuwa Koonfurta Ameerika, waxa dadka u dhintay dalka Maraykanka gudihiisa ay u badan yihiin dad madow. Qaddarku waa halkiisa oo lama diidi karo. Hase ahaatee waxa soo if baxay dilkii foosha xumaa ee Geoge Floyd oo ahaa nin madow oo Maraykan ah oo caadi ah, ayaa dahaadhka ka qaaday in sababaha ugu wayn ee ay dhimashadu ugu badan tahay dadka madow ay ka dhalatay istaraatiijiyad hore ee hab dhaqanka xag-jirka oo wali haysa. Soomaaliya isla dhaqan noocan ah ayey u adeegsatay dhallinyarada reer Somaliland intii ka dambaysay is-raac-ku-sheegii labada dal ee sannadkii 1960. Dad badan oo labada dalba ku nooli, waxay u qaadan karaan inay fikraddani tahay dacaayad, hase ahaatee waa xaqiiq jirtay oo aan muuqan, hase ahaatee aan marnaba la dafiri karayn; maadaama dhaqan galkeedu ahaa mid muuqda. Si loo fahmo aan dib u raacno taariikhda dalkeena Somaliland oo 26 June 1960 ka hor inta aannu ka xoroobin gumaysigii Ingiriiska, waxa ku yaalay laba dugsi oo sare – waa Cammuud iyo Sheekh. Waxa soo raacayey dugsiga farsamada VTC, dugsiga tababarka macalliinta TTC iyo dugsiga tababarka maamulka CTC. 30 sanno oo is-raac ah kadib markaan halgan xornimadeena kagala soo noqonay, labadii dugsi ee sare ee xiligaas jiray, waxa ku soo biiray hal dugsi oo sare oo Hargeysa ku yaalla iyo dugsiga farsamada ee magaalada Burco. Maanta tirada dugsiyada sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland waa xad-dhaaf, Jaamacaduhuna gobollabada Jamhuuriyadda Somaliland oo idil magaalo madaxyadooda way ka wada furan yihiin. Su’aasha meesha ku jirtaa waxay tahay ma awood dhaqaale iyo maamul ayay Xukuumadihii Soomaaliya 30 sannadood oo Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ee Soomaaliya ay xukumayeen u waayeen inay kordhiyaan ugu yaraan dugsiyada sare ee dhinacii Somaliland ku yaallay, mise hadaf iyo u jeeddo istaraatiijiyadaysan oo ka qoto-dheer ayay ka lahaayeen? Bilowgii toddobaatanaadkii (1970s) ee qarnigii hore, waxa socdaal ku yimid gobollada dalkeena, Wasiirkii Waxbarashada Soomaaliya ee xiligaas. Wuxuu soo maray labada dugsi ee sare iyo dugsiyada kale ee dalka ku yaallay, waxaannu la yaabay nidaamka waxbarasho ee ka jiray. Noqoshadiisii ka bacdina waxa soo if baxay wax lagu tilmaamay inuu nidaam cusub oo lagu midaynayo labadii dal ee is-raacay waxbarashadoodii. Nidaamkan waxa macallimiintii Somaliland joogtay loo beddelay Soomaaliya. Muddo yar ka bacdina dugsigii waxbarashada macallimiinta ee Somaliland ku yaallay waxa lagu beddelay mid cusub oo laga dhisay magaalada Afgooye agteeda oo la odhan jiray NTEC, waana kulliyadda qudha ee Af Ingiriisi wax lagu baranayey, iyadoo dhammaan kuliyadaha kale ee Jaamacaddii Soomaaliya luqadda wax lagu bartaa ahayd Soomaali. Dugsigii maamulka ee Somaliland waxa beddelay dugsiga SIDAM ee magaalada Muqdisho laga sameeyey. Dugsigii farsamadana ayaa albaabada loo xidhay. Ardaydii dugsiyada sare ka baxaysay oo tiradoodu kordhaysay, waxay qasab ku noqotay inay Muqdisho u tagaan, si ay waxbarashadooda u wataan, waxaana fursadda waxbarasho ee Xamar suurtogal u ahayd oo kaliya cidda qoyskoodu dhaqaale wanaagsan lahayd ama ehel iyo qaraabo u joogeen. Soomaaliya dhaqankani muu ahayn mid duruufo nabadgalyo ama dhaqaale ka hor joogeen in Somaliland tirada dugsiyadooda la kordhiyo, heerkooda waxbarashana kor loogu sii qaado, hase ahaatee waxay ahayd mid ay hub ahaan u isticmaaleen, Istaraatiijiyad fogna ka lahaayeen oo ay ugu talo galeen in dhallinyarada Somaliland aanay helin waxbarasho iyo aqoon sare oo ay kula tartamaan kuwa da’dooda ah ee Soomaaliya. Sannadihii u dambeeyey kacaankii Keligii Taliyaha ahaa ee Siyaad Barre, way ka muuqatay tirada ardayda jaamacadda gasha ee ka kala socotay labadii dale e Is-raacay. Waxa kale oo ay ka muuqatay goobaha shaqo iyo kuwa maamul ha ahaadaan kuwo hoose, dhexe ama sare ba. Istaraatiijiyadda hubkan halista ah ee loo adeegsaday dhallinyaradeena oo qarsoonaa, u jeedada laga lahaa waxay ahayd in aqoon iyo dhaqaale aanay suurtogal ugu noqon inay ku yeeshaan wax muuqda dal. Waxaan leeyahay taasi waa istaraatiijiyadii la lahaa ee aanay idinku waxba ka war hayn badankiinu, in kastoo kuwa xilligaa wax ka ogaa xaaladda jirtaa haddii ay dib u fikiraan dhab ahaan u ogaan karaan. Idinku se waxaad maanta arkaysaan in Soomaaliya Xukuumadeedu wax kasta oo nolol, horumar iyo wax tar u noqon kara Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacbigeeda ay si badheedh ah ula dagaalamayaan, waxaanad ka war haysaan mashaariicda faro-ku-tiriska ah ee horumar muuqda ay ka dhalan karaan inay isku deyayaan inay is hor taagaan, si aan looga fulin gudaha dalka Somaliland. Waxaad arkaysaan colaadda ay u qaadaan dalalka aanay xidhiidh lahayn ama ay leeyihiinba marka ay Somaliland daneeyaan. Carqaladaha waxbarasho, istaraatiijiyada ay ka lahaayeen haddii ay u fusho waxay xaaladda nolosha dadka Somaliland noqon lahayd mid la mid ah ta ay maanta ku jiraan dadka madaw ee Maraykanku, taasoo keentay in noloshooda iyo daryeelkooda oo liita awgeed, sababna ay u tahay in dhaqaalahoodu aad u hooseeyo, taasina ay ka dhalato in difaac jidhkoodu uu noqdo mid aan tayo lahayn oo fayraska iska difaaci kara. Waxaad arkaysaa in degmooyinka xaafadaha ay ku nool yihiin dadka madawga ah ee Maraykanku aanay u ogolayn inay kala fogaasho guryaha gudahooda ama dibadoodaba sameeyaan. ALLA MAHAD LEH, horaa loo yidhi; “sir ma-qabe Allaa u sahan ah” waa taa aan hayno maanta, kana muuqata dalka Jamhuuriyadda Somaliland, hase ahaatee yeynaan noqonin in mar labaad la ina dago, dibna la innoogu celiyo dhibaatooyinka ay dadkeennu mutaysteen muddadii 30-ka sanno ahayd ee ay Soomaaliya iyo Somaliland isku jireen, waana in aynu maanka ku wada haynaa hal-ku-dhegga ah; “muumin god laba jeer lagama wada qanniino.” By; Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland. Source
-
Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleystay in ay furaan waddo muddo sano ah u xirnayd khilaaf, taas oo dhanka galbeed isaga xirta magaalada Gaalkacyo. Wadadan oo lagu magacaabo Durdur ayaa sanadkii 2015 dhismaheeda laga dhagax-dhigay xaafadda Garsoor, balse dagaalo dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ku dhexmaray Puntland iyo Galmudug. Maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland, Taliyaha qaybta Booliiska gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire, Senator Cabdi-qaybdiid, Taliyihii hore ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Gen. Cabdiweli Gorod, iyo mas’uuliyiin horey gobolka xilal uga soo qabtay Puntland iyo Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa furista wadada. Mas’uuliyiinta ayaa furitaanka wadadan ku tilmaamay talaabo horay loo qaaday oo ka mid ah talaabooyinka horumarka ee Gaalkacyo. Puntland iyo Galmudug ayaa muddooyinkii u dambeeyay is kaashi amni iyo horumarineed ka waday gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Waddo Shan sano u xirnayd khilaaf oo la furay appeared first on Puntland Post.
-
Riyadh (Caasimadda Online) – Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee dagaalka kula jirta Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo xulafadooda ayaa weerar Gantaalo ah ku qaaday caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh . Caasimadda Sacuudiga ayaa waxaa laga maqlay illaa dhawaqa laba qarax oo xoggan sida ay daabacday wakaalada Wararka Reuters, sidoo kalana waxaa la arkay qiic madow oo hawada isku shareeray. Sida laga soo xigtay kooxda Xuutiyiinta Yemen, diyaarado kuwa aan duuliyaha laheyn oo ay leedahay kooxdaan ayaa gantaalo ku garaacday Riyadh. Balse dowladda Sacuudiga ayaa inkirtay in weerarka loo adeegsaday diyaarado Drones ah, taas badalkeedana waxay sheegtay inuu weerarka ahaa gantaal laga soo tuuray Magaalada Sanca ee dalka Yemen. Sidoo kale Sacuudiga ayaa sheegtay inay ku guuleysatay inay hawada ku burburiso gantaalkaas. Telefishanka ku hadla afka kooxda Xuuthiyiinta oo ka hadlay weerarkaan ayaa sheegay inay saacadaha soo socdo kooxda soo saari doonto war saxaafadeed lagu faahfaahinayo weerarkaas iyo meelaha lala beegsaday. Kooxda Xuutiyiinta oo ka dagaalanto gudaha Yemen ayaa asbuucaan dhexdiisa waxay Sacuudiga ku qaaday 2 weerar oo loo adeegsaday illaa 3 Gantaal iyo 8 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha laheyn ah (Drones).
-
Qaahira (Caasimada Online) – Masar waxay qorsheysay in ay kordhiso ku lug lahaanshaheeda militari ee Libya, taas oo marki hore ku xadidneyd tababar iyo qaabab kale oo taageero militari ah oo ay siineysay Khaliifa Haftar oo hogaamiyaha ciidanka LNA. Madaxweyne Cabdul Fitaax Al-Sisi oo u safray saldhigga cirka ee ku yaalla xuduudda galbeed ee Libya ayaa uga digay dowladda uu caalamka aqoonsanyahay in ay kasoo gudubto furinta u dhaxaysa Sirte iyo Jufra, halkaas oo uu ku tilmaamay khad cas. Dowladda ay Qaramadda Midoobay taageerto ayaa diiday hadalka telefeshinka laga baahiyay ee Sisi, iyadoo u aragta digniintiisa farogelin iyo “dagaal ay Masar iclaamisay”. Sidee u ekaan doontaa faro-gelinta Masar? ilo-wareedyo ka tirsan Dowladda Masar oo la hadlay The New Arab ayaa beeniyay suurta-galnimada in dhulka ama badda laga faro-geliyo Libya. Mar hore ayey Masar hub, tababar iyo taagero saanadeed siisay ciidanka uu Xaftar uu hoggaamiyo ee LNA. Ilo-wareedka la hadlay The New Arab ayaa sheegay in farogelintu ay noqon karto duqayn cirka ah si loo hakiyo horumarka ay sameynayaan ciidanka daacadda u ah Dowladda uu Turkigu taageero, waana xeeladdii ay u adeegsatay kooxda Islaamiyiinta ah ee bariga Libya 2015-kii. Maxaa u xiga Khaliifa Xaftar? Sida uu baahiyey wargeyska The New Arab ka hor hadalkii Sisi, kulan u dhexeeya saraakiil ka tirsan sirdoonka Masar, Dowladda fadhigeedu yahay Tabruok ee bariga Libya iyo qabaa’il maxalli ah ayaa ka dhacay Qaahira. Kulanka oo saraakiisha Masar ay faro-gelinta miiska soo saareen, ayaa odoyaasha Qabaa’ilku waxay dhankooda soo qaadeen in meesha laga saaro Khaliifa Xaftar. Taxliiliyeyaasha ayaa kalsoonida Masar ku qabto Xaftar u arka in ay markii horeba sii yaraaneysay. Tarek Megerisi oo xubin ka ah Golaha xiriirka Dibadda ee Midowga Europe ayaa u sheegay wakaaladda wararka AP in Masar ay raadin doonto melo kale oo ay danaheeda ku xaqiijiso, iyadoo ay ku yaraaneyso hubaasha ah in uu Xaftar guuleysan doono. Masar iyo Ruushka waxay ka “wada shaqayn karaan siyaasad beddel u ah Xaftar taas oo laga yaabo in ay badbaadiso saameyntooda bariga Libya,” ayuu yiri Megerisi. Bedelaadda kale waxaa ka mid ah Aguila Saleh, oo ah Afayeenka baarlamaanka fadhigiisu yahay bariga Libya. Iska hor-imaad ma dhex-mari karaa Masar iyo Turkey? Sida warbaahintu ku warantay, xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Libya ee quseeya heshiiska colaada Libya iyo bariga Mediterrenean awgiis, ilo-waredyo ayaa u sheegay The New Arab in Masar ay ka taxadari doonto in aysan dagaal toos ah la gelin Turkiga oo ah taageeraha ugu weyn ee Dowladda caalamku aqoonsan yahay. Xukuumadda Ankara waxay labo heshiis oo muhiim ah la saxiixatay xukuumada Tripoli, mid ka mid ah waxaa uu xaqiijinayaa taageeradda militari ee colaadda Libya, mid kalena waxaa uu ku saabsanyahay xadeynta xuduudda badda ee bariga Mediterranean-ka. Masar wax badan ayaa ka quseeya heshiiska Turkiga iyo Libya ee badda. Heshiis kale oo Turkiga kala dhaxeeya Giriigga ayey Masar waxay ku weyn doontaa 10,000km laba jibaaran ee badda Mediterranean-ka ee qayradku fadhiyo. Imaaraadka Carabta oo awoodda ku haya Sisi ayaa kuu riixaysa xukuumadda Qaahira in ay dagaal militari kala hortagto cadowgeeda gobolka ee Libya. Axaddii, wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa sheegay in Imaaraadku uu la garab taaganyahay Masar tallaabo walba si ay u ilaaliso xasiloonideeda iyo amnigeeda, sida uu baahiyay Alcarabiya. Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa war laga sii daayay wakaaladda wararka SPA waxaa uu ku sheegay in boqortooyadu ay Masar ku tageereyso xaqa ay u leedahay in ay difaacato xuduudaheeda iyo dadkeeda.
-
Wasiirka amniga gudaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta booqday saldhiga ciidanka Booliska degmada Baacadweyne ee Gobolka Mudug. Wasiirka waxaa kormeerkaan ku wehlinayey saraakiil katirsan ciidanka Booliiska oo uu horkacayey taliye Booliiska dowlad goboleedka Galmudug. Wasiirka ayaa warbixin ka dhagaystay Taliska Booliiska degmada Baacadweyne iyo Guddoomiyaha degmada, iyadoo dhowaan Bacaadweyne uu ka dhacay qaraxa loo adeegsaday gaari. Wasiirka ayaa ballanqaaday in hay’adaha amnigu ay si rasmi uga howlgali doonaan deegaanka isla markaana la dhameystiri doona dhismaha qeybyada ee Saldhigga Booliiska Degmada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
EDITORIAL. Garowe (Puntland Post Editorial) — Egypt and Ethiopia, two countries that pride themselves upon being two ancient African civilisations, now seem unable to break the deadlock over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD ). The problem is that each country has a sound argument about an equitable use of the Nile water. In a rule-based world Ethiopia may be demonised for seeking to gain, through GERD, the upper hand in the use of Nile water. Prime Minister Dr Abiy Ahmed and President Abdel Fattah el-Sisi should look into options for joint management of GERD Ethiopia views the Anglo-Egyptian Nile agreements as defunct. It is not absurd to state that agreements that underpin many African countries’ sovereignty date back to agreements in which the British Empire was involved in one way or another. Old European rivalries still exist in different forms. There is no guarantee that a common stand of powerful countries on past agreements can emerge if Egypt submits its case against GERD to the United Nations for arbitration. At the United Nations GERD will become a political tussle with far-reaching consequences for Africans’ ability to resolve inter-state hostilities. A lesson from the genesis of the European Union contains a lesson about solving resource-based fear of a possible conflict. After the end of Second World War France was denied a role in talks over a new country, West Germany. Victors, USA and Britain, pushed France to seek a creative solution about its fears that a coal-rich region in West Germany could put Bonn on a path of rearmament. A Paris-Bonn agreement to jointly manage the coal production assuaged the fear of France and laid the foundation-stone of the European Union seven decades ago. Since the Nile water is important for development goals of Ethiopia and Egypt’s survival imperatives agreeing to a principle of joint management of GERD can break the deadlock. The GERD fear is less about lesser Nile water for Egypt. The Dam can set a precedent for other countries to seek an equitable use of the Nile water by stopping the flow of the water into other countries that depend on the Nile for economic and survival reasons. The case for joint management of GERD has never been stronger. © Puntland Post, 2020 The post HOW EGYPT AND ETHIOPIA CAN BREAK THE DEADLOCK OVER GERD appeared first on Puntland Post.
-
Daawo: Somaliland oo Qaadday Guud Ahaan Xayiraadda Covid 19
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somaliland ayaa war ka soo saartay xayiraado ay horay u soo rogtay sababo la xiriira xanuunka COVID-19, waxaana ay sheegtay in qaadista looga golleeyahay, sidii loogu fududeyn laha arrimaha bulshada iyo isku socodkooda, wax weliba sidoo hore lagu soo celinayo sida hore Guddoomiyaha guddiga ka hortagga Covid-19, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay fasaxeen xayiraaddii in sidoodii lagu soo celiyo waxbarashada, cayaaraha dhalinyarada iyo kulamada hoteellada iyo qodobo kale. Halkaan ka Daawo Halaka Guddoomiye Seylici Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markale ka hadlay Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, oo todobadkii hore ka furmay caasimada dalka Jabuuti. Puntland ayaa si adag uga hortimid in maamulka hawada go’aan looga gaaro wada-hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya, maadama aysan keligood ku koobneen, sida uu sheegay Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa dood ka keenay in heshiis ay labada dhinac ka gaaran maamulka hawada, isagooan dalbaday in si siman loogu qeybiyo gacan ku haynta hawada Soomaaliya. Wasiirka ayaa si cad u sheegay inuusan maamulkoodu aqbaleyn waxkasta oo kasoo shirkaasi oo ku saabsan maamulka Hawada oo aysan qeyb ka aheyn Puntland. “Hawada Somaliland 10-daqiiqa la dulmaro taan Puntland la dulmaaro 1-sac iyo 28 daqiiqo in la yiraahdo Hawada Soomaaliya waxaa loo goynaya Somaliland waa wax aan soconin” ayuu yiri Wasiir Lugatoor. Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Waxaa muhiim ah hawada in si simaan lagu qeyb-saado shirka Jabuuti ka dhacaya ee loo balansan yahay”. Puntland ayaa hore u dalbatay inay qeyb ka noqoto wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, maadama ay dhul la wadaagto Somaliland, taas badalkeedana ay sheegtay inaysan aqoonsaneyn heshiis kasta oo kasoo baxa wada-hadalada labada dhinac.
-
Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade,Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka jawaabayay hadal kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland Saleebaan Yusuf CaliKoore ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Ina [...] The post Wasiirka Warfaafinta Puntland “ Puntland waxay Dagaal kula jirtaa Daacish iyo Al-Shabaab, Soomaaliland yay la dagaalamaan” appeared first on . Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, oo wareysi siiyey Idaacadda BBC, ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya maadaama la rumeysan yahay inay Dowladda ay ka dambeysay inuu kursigaas ku fadhiisto. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay inay waajib tahay inuu la shaqeeyo Dowladda Dhexe ee uu hogaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. “Inaan dowladda dhexe isu dhawnahay aad bay sax u tahay, dowladda dhexe kali ah ma aha ee dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowlada dhexe waan isku wada dhawnahay,” ayuu yiri madaxwaynaha Galmudug. Hadalka Qoor Qoor ayaa yimid ayada oo maalmihii dhowaa ay soo baxeen warar sheegaya inuu diiday go’aan ka dhan ah dowladda oo madax goboleedyada ay soo saari lahaayeen. Qoor Qoor ayaa madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ugu baaqay inay ka shaqeeyaan danta shacabka. Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa dhinaca kale ka hadlay arrimaha doorashada dalka waxaana uu sheegay in doorashada ay tahay in ay ka tashadaan dhammaan dhinacyada ay quseyso. “Doorashada waxaa jira golayaal sharci dajin, waxaa jira dowlad goboleedyadii, waxa jira madaxdii qaranka, waxaan is leeyahay iyada oo la raacayo shuruucda dalka u dagsan iyo wixii la dhaafi waayo ayaa xal laga gaari doonaa, ” ayuu yiri. Qoor-Qoor ayaa xusay in dhawaan ay si fool ka fool isku soo hor fariisan doonaan madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ee dalka. Dhanka kale mudane Qoor Qoor ayaa sheegay in dadka reer Galmudug ay la daaladhacayaan dhibaatooyin bini’aadanimo oo dhan walba. “Waxay qabaan Shacabka Galmudugbaahiyo waliba kuwa noolasha bina’aadamka aysan ka maarmi Karin ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarshada iyo amniga, baahiyahaas ayaa ugu wayn waxa ay qabaan ayuu yiri,” ayuu yiri Qoor-Qoor.
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa gaaray deegaanka Baxdo ee Gobalka Galgaduud, iyadoo siweyn loogu soo dhoweeyey halkaasi. Soo dhoweynta ayaa waxaa ka qeyb qaatay bulshada qeybaheeda kala duwan, madaxweynaha goob fagaaro ah kula hadlay dadka deegaanka, ayaa wuxuu uga mahad celiyey soo dhoweynta loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa. Madaxweynaha ayaa maalmihii tagay safarro kula bixinayey deegaannada Galamudug, kuwaas oo qeyb ka ah u kuurgalka xaalada ka jira, waana safarkii ugu horeeyey tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay war-murtiyeedkii ay dowladda Jabuuti xalay kasoo saartay shirkii wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee ka dhacay dalkaasi. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa sheegay in war-murtiyeedkaasi ay ku jireen qodobo qalad ah oo aan looo meel-dayin, isla markaana aan kamid aheyn qodobadii saxda ahaa ee la isku af-gartay. Wasiirka ayaa qodobkaasi ku sheegay ‘wada maamulka hawada Somaliland’, kaasi oo kamid ahaa qodobada lagu baahiyey war-murtiyeedka kasoo baxay shirka Jabuuti, iyadoona ay sii baahisay Madaxtooyada Somaliland. Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay baahisay war-murtiyeedkaasi uu Wasiirku sheegay inuu qodobkaasi qaldan uu ku jirey, iyada oo aan wax dib u sixid ah ku sameyn ama iftiimin ah raacin. Faratoon ayaa sheegay in qodobkaasi uu yahay mid qalad ah, kaasi oo ay sameeyen xubnihii u xil saarnaa soo saarista war-murtiyeedkaasi, isla markaana ay kala hadleen ka xukuumad ahaan. Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in xubnaha dowladda Jabuuti u xil saartay soo saarista war-murtiyeedkaasi ay raali-gelin ka bixiyeen qaladkaasi, oo ay dib u sixidna ku sameynayaan. Somaliland iyo Soomaaliya ayaa isku af-gartay qodobo dhowr ah, sida lagu baahiyey war-murtiyeed kasoo baxay shirkii Jabuuti, iyada oo ay ugu muhiimsaneyd ‘in aan marnaba la carqaladeyn isku socodka iyo xidhiidhka labada bulsho’.