Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Amb. Qin Jian ayaa Sabtidii shalay booqasho ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Qin Jian ayaa waxa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ee Cigaal kaga hor-tagay isla-markaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kuwaasi oo u soo galbiyey gudaha Caasimadda, sida loo sheegay Geeska Afrika. Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo Fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaan ujeeddada socdaalkiisa la ogayn, laakiin Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmaya bil uun ka dib markii Dawladda Somaliland si rasmiya u shaacisay inay xidhiidh la samaysay Taiwan oo Shiinaha ka go’day, arrintaasi oo uu Shiinuhu aad uga cadhooday. Mr. Qin Jian ayaa si khaas ah Baraha uu Bulshada ku leeyahay, gaar ahaan Twitter-ka ku baahiya hadallo uu ku muujinayo sida Dawladdiisu uga horjeeddo xidhiidhka Somaliland la samaysay Taiwan, sidoo kalena sidii xidhiidhkaa loo curyaamin lahaa kulamo kala yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Illaa hadda lama oga in Safiirku arki doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo in kale. Source
  2. (SLT-Moscow)-Wasaaradda Caafimaaka dalka Ruushka ayaa sheegtay, hay’adaha caafimaadka dalka Ruushka inay iisu diyaarinayaan olole tallaal oo ballaadhan oo ku saabsan Coronavirus oo bisha Oktober dalkaasi laga fulinayo. Warbaahinta dalka Ruushka oo soo xigatay wasiirka caafimaadka Ruushka Mikhail Murashko waxay sheegeen dhakhaatiirta iyo macallimiinta in tallaalka ugu horreeya lagu billaabayo. Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xigatay ilo wareedyo ay shaacin ayaa sheegtay in tallaalka Ruushka uu ku guulleystay si rasmi ah bishan loo ansixin doono. Hase yeeshee, khubarada qaar waxay walaac ka muujiyeen Ruushka orodka u uugu jiro inuu noqdo dalka ugu horreeyey ee tallaalka Covid-19 soo saara. Jimcihina, Khabiirka sare ee cudurrada faafa ee dalka Mareykanka, Dr Anthony Fauci, wuxuu sheegay inuu rajeynayo Ruushka iyo Shiinaha “iney tallaalka si dhab ah u tijaabinayaan” ka hor inta ay cidna kaga hormarin. Source
  3. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad-guurada 22-aad ee Aasaaskii maamulka Puntland, oo taariikhda markii ugu horeysay lagu qabtay Gaalkacyo ee gobolka Mudug. “Waxaan Jeclahay dadka reer Puntland meel walbo oo ay joogaan gude iyo dibadba iyo Soomaaliya inteeda kaleba in aan u diro hambalyo, maalinta 1-da August oo ah maalin Soomaaliyeed, maalin horseed u aheyd Dowladdnimadii dhaawacu gaaray 90-kii soo kabashadeedii. Dowladda Puntland ayaa runtii aasaaskeedii ay fure u noqotay hiigsiga maanta ee shacabka Soomaaliyeed meel walba oo uu joogo uu leeyahay” ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad .goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweynaha ayaa bulshada la wadaagay horumarka dhinac walbo leh ee Puntland gaartay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, oo ay ku jirto waxqabadka guulaha laga gaaray ee ay sanadkan hirgelisay Dowladdu sida Amniga, tirakoobka, tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidamada, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada, nabadeynta iyo isbedelka tayeyn iyo tashiil ee maaliyadda. Madaxweynaha oo dib u xasuusiyey Bulshada Puntland, doorkii ay ku lahaayeen dhismaha Dowladdnimada iyo Nidaamka Federaalka ah ee hadda jira, ayaa ka digay hab-dhaqanka sharci jebinta ah oo ay u danbeysay Golaha adeegga ee Garsoorka oo dhismihiisa iyadoon sifo sharci ah loo marin, cidna lagala tashan ay xukuumadda KMG ah sheegtay inay ansixisay. Maadaama 1-da August ay aheyd markii ugu horeeysay ee lagu qabto Gaalkacyo, Madaxweynaha ayaa ka hadlay Isbedelka Amni iyo horumar ee ka socda Gobolka Mudug, wuxuuna ugu baaqay Bulshada Gobolka inay doorkooda ka qaataan, wadashaqeynta Puntland iyo Galmudug sida dhinacyada amniga, nabadgelyada iyo horumarka. Dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa la asaasay 1998-dii, shir ka dhacay magalada Bosaso ee gobolka Bari Waxaana 22kii sano uu ku jiray nidaamka Dowladdnimo dhisnaa uu dadka reer Puntland gaarsiiyey barwaaqo iyo horumar, waxaa muddooyinkaas laga fuliyey kaabayaal dhaqaale sida wadooyinka, Puntland Soomaaliyana waxay u noqotay sal iyo tiir waana meeshii laga baadi doonay dib u yagleelka Dowladdnimada Soomaaliya burburkii kadib, taas oo ku dhisan nidaamka federaalka oo hadda dalka uu ku dhaqmo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay as’aaskii Puntland oo lagu qabtay Gaalkacyo ayaa sharci-darro ku tilmaamay in ay magacaabis sameeyaan Golaha Wasiirada Xukuumaddii dhacday ee xilka sii haya. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay sharci-darro tahay Hannaanka loo maray magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya islamarkaana aysan Puntland aqoonsan doonin midkoodna. Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Golaha Xukuumaddii dhacday aysan sharciyad u haysan magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya sidaas darteedna ay sharci-darro tahay magacaabistooda. Sidoo kale wuxuu Dalalka Caalamka uga digay in aysan saxiixa Farmaajo ku iibsan Khayraadka Soomaaliya oo aysan heshiis ku ahayn Dadka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo Khudbaddiisa PUNTLAND POST The post Deni oo sharci-darro ku tilmaamay magacaabista Golaha Adeega Garsoorka iyo hay’adda Batroolka appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Dubai)-Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa howlgeliyey warshaddi ugu horreysay ee Niyuukilar oo uu yeesho dal Carab ah oo ku yaalla Gacanka Carbeed. Tayeynta quwadda Nukliyeerka oo afar qaybood ka kooban qaybti ugu horreysay waxaa laga billaabay warshadda Barakah, iyada oo la adeegsanayo teknooloojiyad uu sameeyey dalka Kuuriyada Koonfureed. Warashadda ayaa la filayey in si rasmi ay howlaheeda u billaawdo 2017-kii balse waxaa marar badan ku yimid dib u dhac la xidhiidhiyey ammaanka warshadda. Dalka Iisu-tagga Imaaraadka Carabta oo saliidda hodanka ku ah waxay dooneysaa warshaddan iney seddex meelood meel baahida dhinaca tamarta uu dalkaasi u baahan yahay iney daboosho. Laba toddobaad ka horna Iisu-tagga Imaaraadka Carabta waxay hawada sare u direen dayax-gameedkiisa heerkiisu sarreeyo oo loo adeegsanayo cilmibaadhista, taasoo dalkaasi ka dhigtay dalkii ugu horreyey oo ka atirsan Khaliijka oo tallaabbadaasi qaado. Iisu-tagga Imaaraadka miisaaniyadda ugu badan ee tamarta wixi hadda ka horeeyey wuxuu ku bixin jiray tamarta laga helo qorraxda. Khubarada Tamarta qaarkood waxay su’aal gelinayaan suurtagalnimada warshaddaasi looga magacdaray ‘Barakah’. Maadaamaa tamarta laga helo qorraxda uu yahay mid nadiif ah, oo raqiiqs ah oo macno badan u sameeynaya gobol ay ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo kuwo argagixiso. Sanadki hore warshadda ‘Barakah’ ee Nukliyeerka waxay Qadar ku tilmaantay “Khatar muuqata oo ku soo fool leh nabadda iyo deegaanka gobolka.” Dalka Qadar waxay xiisad siyaasadeed oo aad u xooggan kala dhaxeysaa Iisu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya. Gobolka Khaliijka waxaa sida oo kale ku yaalla dalka Iiraan oo ay xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso Iisu-tagga Imaaraadka Carabta, oo cunaqabateyno kala duwan uu saaray Mareykanka sababa la xidhidho barnaamijkeeda Nukliyeerka uu muranka badan hareeyey. Dr Paul Dorfman oo ah madaxa koox caalami ah oo latalinta dhinaca hubka Nukliyeerka u qaabilsan wuxuu sanadkii hore qoray “Nukliyeerka wuxuu sii hurinayaa xiisadda ka dhex taagan waddamada Khaliijka, maadaamaa warshadda quwad Nukliyeer oo la sameysto ay horseedi karto awood dalka warshaddaasi leh uu ku sameysto hubka Nukliyeerka.” Saaynisyahan kale oo uu fadhigiisu yahay London wuxuu isna falanqeyntiisa uu shaki kaga muujiyey amniga warshadda Nukliyeerka ee Barakah, isaga oo cabsi ka muujiyey khatarta shucaaca ay warshaddaasi ku sii deyn karto Khaliijka. ‘Guul muhiim ah’ Madaxda Iisu-tagga Imaaraadka Carabta waxay maanta oo Sabti ah ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen guusha furitaanka warshadda, taasooy u sheegeen guul dhinaca Saayniska uu dalkaasi gaaray. Waxaana warshaddan laga dhalinayaa Tamar dhan 1400 oo Megawatt oo cadaadiska tamarta biyaha ka dhalanayo, oo ay naqshadeysay Kuuriyada Koonfureed loona yaqaanno APR-1400. Wakaaladda u xilsaaran Quwadda Tamarta caalamiga (IAEA) oo u xilsaaran kormeerka warshada Nukliyeerka ayaa warshadda Barakah barteeda Twitter-ka ku bogaadisay iyada oo sheegtay iney qaybta koowaad ee warshadda in si buuxda loogu guuleystay, ammaanka warshadduna kormeer lagu sameeyey ayna wanaagsan tahay. “Waa guul muhiim ah oo laga gaaray dhanka ganacsiga iyo soo saarista tamar nadiif ah. IAEA waxay taageereysaa Iisu-tagga Imaaraadka Carabta ee ku guuleystay warshaddi ugu horreysay barnaamijkeeda quwadda Nukliyeerka.” Madaxa Abu Dhabi, Boqor Amiir Mohammed bin Zayed al-Nahyan oo farriin hambalya ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka wuxuu sheegay ‘Guushan muhiimka ah ee la gaaray iney aasaas u tahay waddada loo maro horumar waara”. Xigasho: BBC Somali Source
  6. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtida maanta ah ku hanjabay in uu gudaha Mareykanka ka hakin doono isticmaalka aaladda ay bulshadu ku xiriirto ee TıkTok, oo ah adeeg dhanka warbaahinta bulshada oo laga leeyahay dalka Shiinaha. “TikTok waan ka mamnuucaynaa Mareykanka,” ayuu Trump Jimcihii u sheegay wariyeyaasha xilli uu ku safrayay diyaaradda Air Force One oo uu kaga soo laabanayay gobolka Florida. Madaxweynaha ayaa shalay Sabtidii sheegay in uu adeegsan amar madaxweyne oo TikTok ka mamnuucaya Mareykanka. Laakin ma jiro ilaa iyo iminka wax tallaabo ah oo la shaaciyey. Tallaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii ay hay’adaha amniga Mareykanka ay walaac ka muujiyeen amniga xogaha dadka Mareykanka ee adeegsada TikTok, xilli ay soo dhowaatay doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November. Arrintan ayaa dhabarjab ku noqoneysa shirkadda warbaahinta iyo qalabka tiknoolijga ByteDance ee dalka Shiinaha oo leh TikTok. Aaladdan ayaa noqotay tan ugu guulaha badan shabadaha warbaahinta bulshada ee Shiinaha, ka dib markii ay noqotay mid caalami ah tartanna la gashay Facebook, Instagram iyo Snapshot oo ah aaladaha caanka ah ee warbaahinta bulshada, kuwaasi oo dhammaantood laga leehay Mareykanka. App-kan ayaa ah mid dunida caan ka ah. Waxaa lala soo degay ilaa 2 bilyan jeer dunida oo dhan, iyadooo 165 milyan oo ka mid ahna dadka la soo degay App-kan ay ku sugnaayeen Mareykanka. Source
  7. Madasha la baxday Xisbiyada Qaran ee ka dhisan Magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya oo ay magacaabeen Golaha Xukuumadddii dhacday ee Xil-gaarsiinta ah. War-murtiyeed ka soo baxay Madasha ayaa lagu sheegay in Golaha Xukuumaddii dhacday aysan awood sharciyeed u haysan magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batroolka Soomaaliya midna sidaasi darteedna ay sharci-darro ku tallaabsadeen. War-murtiyeedka waxa lagu xusay in Golaha Xukuumadeed ee xil-gaarsiinta ah aysan lahayn awood sharciyeed oo ay ku go’aamin karaan meel-marinta guddi Dastuuriya oo ay horay uga gaabiyeen magacaabistiisa. Dhinaca kale Madashu waxay soo dhowaysay magacaabidda Guddiga Farsamo ee dhammaystirka Natiijada Shirkii Dhuusamareeb si heshiis siyaasadeed looga gaaro Hannaanka Doorashada soo socota. Hoos ka akhriso War-murtiyeedka PUNTLAND POST The post Madasha Xisbiyada Muqdisho oo ka horyimid magacaabidda Golaha Adeega Garsoorka iyo hay’ada Batroolka appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Den,i ayaa xalay ka qay-galay Munaasabadda Xuska sannad-guurada 22-aad ee as’aaskii Dowladda Puntland, oo taariikhda markii ugu horeysay Gaalkacyo lagu qabtay. Munaasabadda waxa sidoo kale ka qayb-galay Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Gaas, mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, Maamulka Gobolka Mudug kan Degmada Gaalkacyo, Ururada Bulshada Siyaasiyiin Hoggaanka Dhaqanka Aqoonyahanno iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa bulshada la wadaagay horumarka dhinac walbo leh ee Puntland gaartay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, oo ay ku jirto waxqabadka guulaha laga gaaray ee ay sanadkan hirgelisay Dowladdu sida Amniga, tirakoobka, tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidamada, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada, nabadeynta iyo isbedelka tayeyn iyo tashiil ee maaliyadda. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa la asaasay 1998-dii, Waxaana 22kii sano ee nidaamka Dowladdnimo dhisnaa uu dadka reer Puntland gaarsiiyey barwaaqo iyo horumar, Soomaaliyana waa u sal iyo tiir waana meeshii laga baadi doonay dib u yagleelka Dowladdnimada Soomaaliya burburkii kadib. Madaxweynaha oo dib u xasuusiyey Bulshada Puntland, doorkii ay ku lahaayeen dhismaha Dowladdnimada iyo Nidaamka Federaalka ah ee hadda jira, ayaa ka digay hab-dhaqanka sharci jebinta ah oo ay u danbeysay Golaha adeegga ee Garsoorka oo dhismihiisa iyadoon sifo sharci ah loo marin, cidna lagala tashan ay xukuumadda KMG ah sheegtay inay ansixisay. Maadaama 1-da August ay aheyd markii ugu horeeysay ee lagu qabto Gaalkacyo, Madaxweynaha ayaa ka hadlay Isbedelka Amni iyo horumar ee ka socda Gobolka Mudug, wuxuuna ugu baaqay Bulshada Gobolka inay doorkooda ka qaataan, wadashaqeynta Puntland iyo Galmudug sida dhinacyada amniga, nabadgelyada iyo horumarka. Halkaan ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Munaasabadda 1-da Agoosto oo markii u horraysay lagu qabtay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  9. Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka HirShabele ayaa waxaa xil- kaqaadis loogu sameeyey mid ka mid ah golaha wasiirada maamulkaasi. Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa xil-kii ka qaaday wasiirkii biyaha iyo tamarta Hir-Shabelle Saalax Maxamed Xasan, isaga xilkaasi loo magacaabay Shuceyb Cabdikariim. Sidoo kale Madaxweynaha Hir-Shabelle ayaa wasiiru dowlaha wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hir-Shabelle u Magacaabay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow. Halkan hoose ka aqriso: View the full article
  10. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-020820.mp3 View the full article
  11. Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad ka jeedinayey sanad guurada aas-aaska maamulkaasi ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isagoo eedeymo culus u jeediyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Ugu horrey Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda dhexe maalmihii u dambeeyey ay la soo baxday saan-saan aan wanaagsaneen oo dib u dhigi karto dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Runtii Dowladda Federaalka waqti fiican oo badan ayaa la geliyay, balse ayaantaan waxa ay lasoo baxday saan-saan aan wanaagsaneen oo dib u dhigi karto, kala dambeynta iyo horumarku waxa uu ka dhashaa dhowrista Dastuurka Dalka.” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Sidoo kale wuxuu wuxuu ka soo horjeestay ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka oo dhowaan ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada, isaga oo sharci darro ku tilmaamay. “Waxa aan indhaha laga qabsan karin ku tumashada dastuurka dalka oo ay ku dhaqaaqayaan Wasiirada KMG ah ee xilka sii haya, maalmihii u dambeeyay waxaa socday Xad-gudubyo Dastuur” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Puntland. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey dhaleeceyn xoogan ay la kulmeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii la riday Khayre. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad ka jeedinayey sanad guurada aas-aaska maamulkaasi ayaa ka hadlay xaaladda dalka, isagoo weerar afka ah ku qaaday dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda dhexe maalmihii u dambeeyey ay la soo baxday saan-saan aan wanaagsaneen oo dib u dhigi karto dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Runtii Dowladda Federaalka waqti fiican oo badan ayaa la geliyay, balse ayaantaan waxa ay lasoo baxday saan-saan aan wanaagsaneen oo dib u dhigi karto, kala dambeynta iyo horumarku waxa uu ka dhashaa dhowrista Dastuurka Dalka.” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxda dowladda federaalka looga baahan yahay inay ilaaliyaan Dastuurka dalka oo uu shaaciyey in isaga oo kaliya heshiis lagu yahay. “Adeegga Dowladda Federaalka waa mid ku qoran dastuurka, muddo ayay leedahay dowlad waliba, waa in aan dhan looga tallaabin heshiiskaas oo waa kan awoodda u siinaya shaqada Dowladda sidoo kalena xakameynaya oo waa xeendaab aan laga gudbi karin” ayuu markale yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni. Ugu dambeyn wuxuu ka soo horjeestay ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka oo dhowaan ay meel-mariyeen Golaha Wasiirada, isaga oo sharci darro ku tilmaamay. “Waxa aan indhaha laga qabsan karin ku tumashada dastuurka dalka oo ay ku dhaqaaqayaan Wasiirada KMG ah ee xilka sii haya, maalmihii u dambeeyay waxaa socday Xad-gudubyo Dastuur” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Puntland. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey dhaleeceyn xoogan ay la kulmeysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii la riday Khayre.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga oo ah hay’ad talciin sare oo dowladdu leedahay. Ujeedada machadka loo aasaasay ayaa ah kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed iyo ogaalka xubnaha laamaha amniga ee dowladda, iyo in hogaanka sare ee dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan ee ku saabsan amniga qaranka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxuu sheegay in furitaanka machadkaan ay ka dhigantahay tillaabo weyn oo loo qaaqay hagaajinta amniga dalka. Dr. C/laahi C/raxmaan Maxamuud oo ah xeeldheere ku takhasusay culuumta amniga, shahaadada sare ee PhD ku diyaariyay Istiraatiijiyada Amniga Qaranka Soomaaliyeed, waqti dheerna ka soo shaqeeyay howlaha Amniga Qaranka iyo tayeyntooda ayaa loo magacaabay inuu hoggaamiyo Machadka. Dowladda ayaa dadaal dheeraad ah gelisay horumarinta amniga dalka, waxaana guul weyn laga gaaray dib-u-habeynta qeybta amniga dalka, arrintaas oo sahashay in deegaanna badan oo argagaxisadu ay dadka ku dhibaateyn jirtay dib loogu soo celiyay gacanta dowladda, ayna noloshii caadiga aheyd dib uga billaabatay.
  14. Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa soo saaray wareegto si ku meel gaar ah xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu magacaabayo Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim. Wareegtadaan oo ka soo baxday xafiiska sii hayaha R/Wasaaraha XFS ,waxaa loo rajeeyay in uu si hufnaan ah uu u guto howsha loo idmaday. View the full article
  15. As Somalia transitions from more than three decades of conflict to partial stability in many parts of the country, there is an opportunity for sustainable development. The national stocks of natural resources (fertile soil, livestock, fisheries, minerals, oil and gas) hold opportunities not only to improve living standards and food security for the population of nearly 16 million, but also to provide a platform for advancing humancapacity in trades, skills and technologies. Source: Hiiraan Online
  16. The Wakf Commission of Kenya has called for the inclusion of the madrasa system in the new national school curriculum. Source: Hiiraan Online
  17. MOSCOW Russia is preparing to start a mass vaccination campaign against the novel coronavirus from October, the country’s health minister said on Saturday. The vaccination will be free of charge, and doctors and teachers would be the first to be vaccinated, Mikhail Murashko told reporters. People will be immunized with the first Russian vaccine developed by the Gamaleya National Research Centre, which is currently in process of getting the state registration, Murashko said. However, clinical trials of the vaccine will continue along with its production and use in order to improve it as more details emerge. The first Russian vaccine is based on adenovirus. Another vaccine developed by the Defense Ministry is expected to get the same “conditional registration” in September and its production is likely to be launched in October, while two more vaccines are being examined by experts for approval of clinical trials. AA Qaran News
  18. Dozens of shops and homes occupied by foreign nationals in Thokoza, East of Johannesburg, were ransacked, with some burnt down, in a flare up of xenophobic attacks on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  19. LAKE BUENA VISTA, Fla. - Kyle Lowry poured in 33 points and a career-high 14 rebounds to lead the Toronto Raptors to victory in their opening game of the NBA restart on a night that was bigger than basketball. Source: Hiiraan Online
  20. Should former Vice-President Joe Biden win the White House in November, America will likely be in for a foreign policy about-face as Biden reverses, dismantles or severely curtails many of President Donald Trump’s most significant and boldest actions. Source: Hiiraan Online
  21. Beledweyne (HOL) - Safiya Hassan Sheikh Ali has been replaced as Beledweyne's mayor by Nadar Tabah Malin. Source: Hiiraan Online
  22. Geel Masafo 100 km u soo jaray si uu ula midoobo Qoyskii lahaa oo iska iibiyay+Sawirro Geel uu haleelay dareenka Guri Jamasho oo afka qalaad lagu yidhaahdo ‘homesick’ ayaa degay qalbiyada malaayiin Shiinees ah kaddib markii la ogaaday inuu fogaan dhan 100 km usoo jaray si uu dib ugu soo noqdo guriga mulkiilihii lahaa – sideed bilood kaddib markii la iska iibiyay. Wuxuu soo xulay saxaraha dhulka Mangolia ee dalka Shiinaha isaga oo maalmo badan kusoo jiray safar uu ugu danbeyntii kusoo gaadhay halkii uu doonayay. Geelkani oo ay oogadiisa ka muuqatay nabarro kala duwan ayaa bidhaantiisa la arkay isaga oo cagafeynaya dhulka saxaraha ah ee Shiinaha. Geeljire kamid ah dadka degaanka ayaa siiyay magan-gelin iyo cunno. Wuxuuna ku dadaalay inuu ogaado halka uu kasoo naqraacay. Warkiisa siima daahin ilaa uu ka gaadhay ninkii lahaa oo ay kasoo lumay. Balse hadda waxaa – kaddib ogaanshaha sheekada geelani – ninkii hore u lahaa uu doonayaa inuusan dib ugu celin gacantii uu kasoo baxsaday. Temur oo ah geeljirihii awal iska lahaa mulkiyaddiisa iyo afadiisa waxay bishii October sannadkii hore geelooda ka iibiyeen nin kale oo kaddibna la aaday masaafo u jirta 100 km halka ay ku nool yihiin. qacdii hore, geela ayaa u muuqday inuu la qabsaday dabeecadda cusub ee degaanka la geeyey, balse bishan July dhexdeeda wuxuu usoo cararay jihada gurigii uu kusoo qaangaaray. Marka loo eego muqaallo kala duwan oo laga sameeyey qisadiisa, geelkani wuxuu soo jaray 100 km isaga oo soo maraya buuro iyo dooxooyin kahor inta uusan kusoo dhicin lama-degaanka u dhow halkii uu kusoo barbaaray. “Markii aynu maqalnay warkiisa, waxaan doonnay inaan la hadalno mulkiilihii naga iibsaday awal, waxaan dooneynaa inaan siino neef kale si aan ugu bedelno,” ayuu yidhi Temur. “Kama iibsan doono qolo kale mar danbe. Waayo waxaan ogaanay inuu si dhab ah nooga mid yahay,” ayay tidhi afadiisa. Sheekada socdaalka geelkani waxaa daawaday in ka badan 16 milyan kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka dhiibtay. “Aad bay iiga ilmeysiisay sheekadiisa, xooluhu waa baariyaal,” ayuu yidhi qof ka dhiibtay aragtidiisa. Mid kale ayaa intaas ku darsaday: “Ma suurayn karno silicii uu usoo maray si uu ugu danbeyntii ula midoobo reerkiisa, waxaa ku dhacay guri-jamasho xad-dhaaf ah.” Qaran News
  23. Safiirka Dalka Shiinaha u fadhiya Somalia oo Safar ku yimi Somaliland Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya Amb. Qin Jian ayaa Sabtida Maanta booqasho ku yimid Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Qin Jian ayaa waxa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ee Cigaal kaga hor-tagay isla-markaana soo dhaweeyay Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland, kuwaasi oo u soo galbiyey gudaha Caasimadda, sida loo sheegay Geeska Afrika. Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo Fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaan ujeeddada socdaalkiisa la ogayn, laakiin Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmaya bil uun ka dib markii Dawladda Somaliland si rasmiya u shaacisay inay xidhiidh la samaysay Taiwan oo Shiinaha ka go’day, arrintaasi oo uu Shiinuhu aad uga cadhooday. Mr. Qin Jian ayaa si khaas ah Baraha uu Bulshada ku leeyahay, gaar ahaan Twitter-ka ku baahiya hadallo uu ku muujinayo sida Dawladdiisu uga horjeeddo xidhiidhka Somaliland la samaysay Taiwan, sidoo kalena sidii xidhiidhkaa loo curyaamin lahaa kulamo kala yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Illaa hadda lama oga in Safiirku arki doono Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo in kale. Qaran News
  24. Dawlada Imaaraadka Carabta oo Fariin adag u dirtay Dowlada Turkiga Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeesay dowlada Turkiga in faragalin ku heyso arimaha Carabta xili khilaafka labada dal u dhexeeya uu sii kordhayo. Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda ee Isutagga Imaaraatka Carabta Anwar Gargash ayaa ugu baaqay dowlada Turkigu in ay joojiso faragelinta ay ku hayso arrimaha Carabta. Anwar Gargash ayaa si kulul u dhaleeceeyay hadalladii ka soo yeedhay wasiirka gaashaandhigga ee Turkiga oo dowlada Inaaraadka ku eedeeyay in faragalin ku heyso arrimaha Libya. “Cilaaqaadyada laguma maareeyo hanjabaado, mana jirto meel aqbaleysa khiyaamooyinka gumeysiga cusub,” ayuu boggiisa Twitter-ka ku qoray Anwar Gargash. التصريح الإستفزازي لوزير الدفاع التركي سقوط جديد لدبلوماسية بلاده. منطق الباب العالي والدولة العليّة وفرماناتها مكانه الأرشيف التاريخي. فالعلاقات لا تدار بالتهديد والوعيد، ولا مكان للأوهام الاستعمارية في هذا الزمن، والأنسب أن تتوقف تركيا عن تدخلها في الشأن العربي. — د. أنور قرقاش (@AnwarGargash) August 1, 2020 Dowlada Turkiga ayaa taageerta dowlada Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Liibiya halka Imaaraadka iyo Masar taageeraan maleeshiyaadka uu hogaamiyo Khalifa Haftar. Qaran News
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cabdisalaan Salwe oo sidoo kalena falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabooyinkii u dambeeyay ee ay qaadeysay Villa Somalia oo qeyb ka aheyd xil ka tuuristii Kheyre. Cabdisalaan Salwe oo qeyb ka ahaa dood ay qabatay idaacada BBC-du ayaa ka hadlay waxay muujinayaan tallaaboyinkaasi, isagoona hoosta ka xariiqay in Baarlamaanka oo gacan ka helaya Villa Somalia uu carqalad ku yahay doorashooyinka dalka. Waxa kale oo uu sheegay in xiligan uu baarlamaanku uusan rabin in dalka ka qabsoomto doorasho loo dhan-yahay oo xiligeeda ku dhacda, taasi oo horseed u noqoneysa muddo kororsi aan sharci aheyn. Salwe ayaa tallaabooyinka Villa Somalia ku macneeyay kuwo muujinaya in loogu gogol xaadhayo muddo kororsi, kaasi oo uu qeyb ka yahay guddoonka baarlamaanka oo hore u sheegay in sharciyada doorashada iyo arrimaha la xiriiraba ay iyaga kaligood go’aan kasoo saari karaan. “Sida ay Villa Somalia iyo Baarlamaanku wax u wadaan waxay ka turjumeysaa oo kaliya in la rabo muddo kororsi. Dhamnmaan arrimihii dhacay marka aad eegto waxay ku tusinayaan in Baarlamaankan jira uu carqalad ku yahay doorashooyinka, oo uusan rabin inay doorasho dalka ka dhacdo” ayuu yiri Cabdisalaan Salwe. Wuxuuna intaas sii raaciyey ” Waxayna abuuran xaalado dalka galin kara muran siyaasadeed, kuwaasoo ugu dambeyn keena in muddo kororsi la sameysto, kaasi oo carqalad ku ah qabsoomida doorashada”. Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay in muddooyinkii dambe ku howlaneyd hirgelinta qorshaheeda muddo kororsiga, taasi oo keentay in muddo kooban waxyaabo badan is-bedelaan, inkasta oo laga deyrinayo isbedelada ay ku hirgelineyso qorshahaasi.