-
Content Count
212,276 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Qorshaynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maaxmed Xasan oo maanta fadhiga golaha shacabka ka hor akhriyey xeerka Shirkadaha aan dowliga ahayn, ayaa sheegay in dalka ay ka howlgalaan hey’ado shisheeye oo aan ogoleyn in lala xisaabtamo. Wasiirka ayaa yiri, “Waxyaabo fara badan ayaa dalka soo gala hadey noqon laheyd deeqo ama mashaariic hey’adahaas caalamiga ah ayaana gacanta ku haya, waxaad arkeysaa xildhibaan ama wasiir doonaya si deegaankiisii uu mashaariic uga fuliyo u maro NGO oo hey’adaha dowladda aan u soo marin.” “Mararka qaar waxay dhibaato weyn ka dhalataa inay deegankooda u daba fariistaan hey’adahaas, meeshii laga rebay in wasaaradda shaqadaas iska leh ay u yeerto oo kula xisaabtanto hey’addii shaqadaas qabatay” ayuu yiri. Wasiir Jamaal oo sii hadlayey ayaa yiri, “Waxaan rabaa golaha in aan ka hor cadeeyo wadankan waxaa jooga 132 hey’adood oo caalami ah, waa inta aan ognahay, intooda badana waxa ay qabtaan shaqooyinkii looga baahnaa hey’adaha dowladda, marka waxaan u baahanahay sharci kala cadeynaya meesha ay ka bilaabaneyso shaqada hey’adda aan dowliga aheyn iyo meesha ay ku egtahay iyo sidii ay hey’adaha dowladda ay ugu wareeji lahaayeen shaqooyinka ay qabtaan.” Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo is daba marsan, sidaas darteed xildhibaanada golaha shacabka looga baahanyahay inay sharcigaas ay soo akhriyaan, oo ay ka fiiriyaan dhinac walba sida, xaquuqul insaanka, dastuurka, xuquuqda gaarka ah ee shacabka Soomaaliyeed, iyo xuquuqda ay leeyihiin hey’adaha caalamiga ah. Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ayaa isna kulanka golaha ka hor sheegay, in hey’adaha 132-da ah ee uu wasiirku sheegay inay dalka joogaan aan lala xisaabtami karin, sida uu hadalka u dhigay. “Wasiirka shaqada dowladda Soomaaliya markii aan ahaa, waxaan aad u daba geli jiray hey’adaha dalka yimaada, sababtoo ah, waxay qaban jireen shaqooyinkii ay qaban lahaayeen dadka Soomaaliyeed, si aan u ogaano waxa ay qabanaayaan dad Soomaaliyeed ayaan ka daba geli weynay, hey’ad kasta qof Soomaali ah ayaa daba taagan, waxaa ka mid ah xildhibaano anaga naga mid ah, anaga tabar u weynay waana xaqiiq arintaas oo aniga ayaa soo taabtay,” ayuu yiri Cabdiweli Muudey guddoomiye ku xigeenka golaha shacabka. Xildhibaan Cabdi Cali oo sina ka hadlay kulanka golaha shacabka ayaa sheegay in hey’ado ay dowladdu horay uga ceyrisay dalka ay weli ka shaqeeyaan, kuwaas oo leh diyaarado iyo hoteelo ganacsi. “Hey’ad la yiraahdo SKA qaraar baarlamaan ayaa laga soo saarnay oo dalkan waa laga ceyriyey welina wey joogaan waa ka shaqeyaan, diyaaradey leeyihiin hoteeley leeyihiin, maalin kasta shaqaale ajaaniib ah ayey dalka soo geliyaan, marka sharcigan waa lala soo daahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Cali, isaga oo wasiirkana weydiiyey in wasaaraddu leedahay waax xogta hey’adahaas u soo aruurisa, si cidii sharuucda u gefta tallaabo sharci ah looga qaado.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Ninka ay xulifo wadaagga yihiin Ra’iisul Wasaaraha Isra’iil Binjamin Netanyahu ee Benny Gantz ayaa u muuqda in uu hoos u dhigayo suurtagalnimadii ahayd in Isra’iil ay goosato qaybo ka mid ah Daanta Galbeed ee dhulka reer Falastiin iyo Dooxada Jordan 1-da July, isagoo wakiilka Mareykanka u sheegay in dhul goosiga la hakiyo, inta wadanku uu la macaamilayo kiisaska Coronavirus. Warbaahinta Israa’iil ayaa Isniintii kasoo xigatay ilo wareed ka tirsan xibiga Gants ee Blue and White in wakiilka Aqalka Cad oo Israa’iil u jooga wadahadallo arrinta la xiriira, uu sheegay in waqtiga kama dambeysta ah uusan cabsi lahayn, deg-degna uusan ku ahayn safmareenka Coronavirus. “La macaamilka Coronavirus iyo cawaaqibkiisa dhaqaale iyo caafimaad ayaa arrinta riixaya oo u baahan in hadda la qabto,” ayuu yiri. Wasiirka caafimaadka maamulka Israa’iil ayaa Axaddii sheegay in wadanku uu ku jiro billowga mowjadii labaad ee Covid-19, kadib markii uu hal qof u dhintay 218 kiis oo kalena la xaqiijiyay 24kii saac ee lasoo dhaafay. Hadal Isniintii la baahiyay ayaa sidoo kale Gantz waxaa uu ku sheegay in “wixii aan la xiriirin Coronavirus lala sugi doono virus-ka kadib.” Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in Gantz oo ah Ra’iisul Wasaaraha labaad ee dalka uu mashaakilka caafimaad ku qiyaasayo in uu qaadan karo 18 bilood oo kale. Netanyahu oo u jawaabay Gantz ayaa sheegay ayaa xildhaanada xisbigiisa u sheegay in talaabadda dhul goosiga oo golahiisa wasiiradu ka doodi doonaan Arbacada aysan u baahneyn taageeradda Gantz. “Waxaan wadahadal kula jirnaa kooxda Maraykanka ee halkaan joogta” ayuu Netanyahu ka sheegay kulan ay yeesheen xildhibaanadda Lukud. “Si taxadar leh ayaan u sameyneynaa. Arrintu uma taalo Blue and White. Waxna kama ahan.” Ayuu hadalkiisa ku sii daray. Labada nin ee sameeyay xulifo aan sahlaneyn bishii lasoo dhaafay, ayaa labadu booqanaya saraakiil ka timid Washington – kuwaas oo doonaya in ay arkaan Israa’iil oo arinta u middeysan ka hor inta aan la bilaabin qorshaha Netanyahu. Kala jabka Natenyahu iyo Gantz waxay keeni kartaa in uu dib dhaco kulanka golaha wasiiradda ee looga doodayo dhul-gooosiga oo ay labadoodu horay ugu heshiiyeen in ay bilaabato 1-da july. Netanyahu waxaa uu sheegay in uu doonayo in madaxbanaanida Israa’iil uu ku balaariyo qayb weyn oo ka tirsan Daanta Galbeed iyo Dooxada Jordan, taasi oo lagu sii muujiyay qorshaha aadka loo cambaareeyay ee Trump u bixiyay “heshiiska Qarniga”. Israa’iil waxay dagaal ku qabsatay Daanta Galbeed 1967-dii waxayna ka dhistay kumanaan guri, kuwaas oo hada ay ku noolyihiin 500,000 oo u dhashay Israa’iil. Afartii sano ee lasoo dhaafay Trump ayaa dib u celiyay siyaasaddii Maraykanka ee tobanaan sano isagoo Qudus u aqoonsaday inay tahay caasimadda Israa’iil, isla markaana aqoonsaday sheegashadii Israa’iil ee buuraha Golan Heights. Washington ayaa ku cel-celisay in ay taageereyso qorsha dhulgoosiga Israa’iil sida ku xusan “Heshiiska Qarniga ee Trump,” kaasi oo Israa’iil u ogolaanaya in ay sii wado deegaameynta Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin. Falastiiniyiinta oo heysta Tageero caalami ah ayaa doonaya in helaan dhulkooda oo ah xudunta Dowlad madax-banaan oo ay Mustaqbalka yeeshaan. Todobaadyadii lasoo dhaafay hoggaamiyeyaasha Falastiin waxaa u soo baxay taageero weyn oo caalami ah, oo uga timid Qaramadda Midoobay, Midowga Europe iyo dalal Carbeed, kuwaas oo dhamaantood diiday qorshaha dhul goosiga ee Israa’iil. Isniintii, Michelle Bachelet oo ka tirsan xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa ku booriyay Israa’iil in ay baabi’iso gebi ahaanba qorshaheeda dhul goosiga, isagoo sheegaya in “dhulgoosigu uu yahay sharci darro.” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee maamulka Israa’iil ayaa Michelle Bachelet ku eedeysay eex, waxayna war ay soo saartay ku sheegtay in aysan la yaabaneyn hadalkeeda.
-
Xukuumadda Puntland, ayaa si rasmiya u shaacisay in aysan ka qayb-geli doonin, Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, oo sida qorshaysnayd 5-ta bishan Julay ka qabsoomi lahaa Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo, ayaa caddeeyay in uusan ka qayb geli doonin Shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqay, islamarkaana uu ku shaqayn doono Baaqii Golaha Wakiilada Puntland ay ka soo saareen Shirkaas. Shirka oo uu horay u iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo, waxaa Ajandihiisa lagu sheegay sidii wadatashiyo looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, Arrimaha Amniga, Dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay in aysan ka qayb-gali doonin Shirkii Farmaajo iclaamiyay appeared first on Puntland Post.
-
Saddex qarax oo lagu la’day oo ruxay Addis-Ababa iyo rabshadaha oo kasii daray Saddex qarax oo waa weyn ayaa ruxay caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa ayada oo tiro dad ah oo aan weli la ogeyn ay ku naf waayeen, ayada oo ay socdaan dibad-baxyo ka dhashay dilka fanaan caan ah. “Waxaa dhintay qaar ka mid ah kuwii qaraxa aasay iyo dad kale oo shacab ah,” waxaa sidaas yiri madaxa booliska Endeshaw Tasew. Endeshaw Tasew ma uusan bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan qaraxyada, hase yeeshee waxa uu intaas ku daray in sidoo kale sarkaal boolis lagu dilay iska horimaad dhex-maray booliska iyo dibad-baxayaasha. Rabshadaha ayaa yimid kadib markii Isniintii la dilay Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa fanaan Oromo ah kuna caan-baxay heeso mucaarad ah kaasi oo la toogtay 9:30 pm. Haacaaluu, oo ahaan jiray maxbuus siyaasadeed, ayaa caan noqday intii ay socdeen dibad-baxyadii dheeraa ee dalkaas ka dhacay, kuwaasi oo horseeday in Abiy Ahmed uu xafiiska yimaado 2018. Dhinaca kale ugu yaraan sided qof ayaa lagu dilay 80 kalena waa lagu dhaawacay magaalada Adama, halkaas oo sidoo kale ay ka dhaceen dibad-baxyada looga soo horjeedo dilka heesaaga. Adama ayaa waxa ay 90km koonfur bari ka xigtaa magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa. Saaka ayaa waddooyinka Addis Ababa ee caadiyan mashquulka badan waxay ahaayeen kuwa maran, ayada oo dibad-baxayaasha ay gubeen taayaro ayna ku qeylinayeen erayo kala duwan. Waxaa sidoo kale la jaray internet-ka Ethiopia, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, taasi oo ah wax mar walba dhaca marka ay socdaan dibad-baxyada siyaasadeed. “Ma aysan dilin oo kaliya Hachalu. Waxay toogteen wadnihii Qowmiyadda Oromada, mar kale..Waad na dili kartaan dhammaan, marna nama joojin kartaan, marnaba” waxaa sidaas facebook soo dhigay Jawar Mohammed, oo ka mid ah hogaamiyayaasha Oromada Qaran News
-
Saciid Deni oo qaadacay shirkii uu dhowaan ku baaqay Farmaajo Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo ka hadlayey xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sheegey inuu ku shaqeynayo talooyinkii ay dhawaan Baarlamanka Puntland soo jeediyeen oo ay ka mid ahayd in aanu ka qeyb-gelin shirka Amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo iskugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada. Deni ayaa hadalkan ka jeediyey xaflad lagu xusayey Munaasabada 1-da Luulyo oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo. “Waxaan soo dhoweynayaa kuna shaqeynayaa go’aankii iyo taladii Baarlamanka anigoo tixgelinaya hey’adaha sharciga ah ee Puntland”. ayuu yiri Madaxweyne Deni oo ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ee aadka uga soo horjeeda hab dhaqanka madaxda DF. Waxaa kale oo go’aannnada Baarlamanka Puntllad ka mid ahaa in Puntland qaadaneyso tallaabo kasta oo ay ku ilaalineyno jiritaankeeda, taasoo loo fasirrtay iney tahay madax banaani. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowaan shir iskugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada dalka, kaasoo ka dhacaya magaalada Muqdisho si looga arrinsado xaalada siyaasada dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Qaran News
-
Guddoomiyaha Golaha Muslimiinta Magaalada Zwolle iyo Magaalooyinka u dhow Mehmed Karadeniz oo ay dhalashadiisu tahay Turkish iyo Shariif Goelab oo iimaam ka ah masjidka Misbahul Islam oo ah masjid Soomaalidu ay ku xiran tahay ayaa ka hadlay dareenkoodu ku aadan khilaaf intii muddo ahayd soo jiitamayey una dhexeeyey jaaliyada Soomaalida Zwolle iyo nawaaxigeeda, khilaafkaas oo sababay kala qaybsanaan jaaliyada dhexdeeda ah, taaso oo aakhirka soo dedejisay in jaaliyadu yeelato 2 guddoomiye. Wada-shaqaynta aan la leenahay jaaliyada Soomaalida ee Zwolle iyo nawaaxigeeda aad ayaa ugu riyaaqsanahay, gaar ahaan markii uu maamulka cusub ee uu Axmed Hayaan hogaamiyo yimid, sidoo kale ururka Islaamka ee Zwolle iyo Soomaalida waxaa ka dhexeeya cilaaqaad wanaagsan, Guddoomiyaha jaaliyada wuxuu suurtagaliyey in wakiil joogta ah oo Soomaali ah uu maamulka Golaha islaamku ka mid noqdo, isaga oo metalaya mushtamaca Soomaalida” Ayuu yiri Mehmed Karadeniz oo ah Guddoomiyaha Golaha Islaamka iyo Guddoomiyaha masjidka Ulu, wuxuuna intaasi ku daray in aasaaskii golaha islaamka Zwolle ay Soomaalidu qayb wayn ka qaadatay, isaga oo u mahadceliyey Cali Nageegey, Cabdirisaaq Saylac iyo Cusmaan Abuukar oo xilliyo kala duwan ka mid ahaa maamulka Golahaas. Sida uu sheegay Guddoomiyaha golaha islaamka Zwolle Mehmed Karadeniz, waxay gebi ahaanba joojiyeen xiriirkii iyo wada-shaqayntii ay la lahaayeen maamulkii hore ee uu madaxda ka ahaa C/qaadir Cali [Nuune], kaddib markii ay u arkayeen in hogaanka maamulkaasi ay dantooda gaarka ah ka hormarinayeen masaaliixda dadka ay matalayaan. “Golaha Islaamku inuu joojiyo wada-shaqayntii uu la lahaa maamulkii ka horreeyey midka uu hogaamiyo Axmed Hayaan waxaa sabab u ahaa in dantii guud ee mushtamaca Soomaaliyeed ama islaamka aan la hormarin, ee mudnaanta la siiyay dano shaqsi ah, inta badanna balamada iyo shirarka golaha aan la soo xaadiri jirin, taasina ay niyad jab ku riday Golaha” Ayuu yiri Mehmed, wuxuu intaasi raaciyey in iyada oo laga ambaqaadayo wacyiga iyo isbedelada dalkan mar walba uu wajahayo ay lagama maarmaan tahay in dadyowga ajnabiga ah, gaar ahaan kuwa ay mideyneyso ahdaafta dhaqanka iyo diinta ay mar walba noqdaan kuwa isku xiran, cod qura na leh, taas oo yarayn karta ama meeshaba ka saari karta in mushtamacyadooda lagu harqiyo dhibaatooyinka ay “Dad muslimiin ah, oo haddana ajnabi ah marka ay meel ku wada nool yihiin, waxaa caqliga saliimka ahi uu ina farayaa inay lagama maarmaan tahay iyaga oo mideysan in ay ka tashadaan waxa u danta ah mushtamacooda, ayna dhinaca kalena ixtiraamaan mushtamaca ay dalkooda ku nool yihiin, iyada oo qolo waliba ay gacanta midig ku qabsaneyso dhaqankeeda iyo diinteedaba” Ayuu yiri Guddoomiyaha golaha muslimiinta. Waxaa dooda Guddoomiyaha Golaha islaamka Mehmed mid la mid ah soo jeediyey iimaamka masjidka Misbahul Islam Shariif Goelab, oo sheegay inuu la qabo Mehmed in guddoomiyihii hore ee jaaliyada Zwolle uu yahay shaqsi aan lagu aamini karin masiirka mushtamaca Soomaalida, marka loo eego hab dhaqankiisa. “Soomaalidu waa ummad sharaf leh, jameecada ugu badan ee masjidka ku tukada waa Soomaali, waxaa jiray walaal C/risaaq Saylac oo masjidka maamulkiisa ka mid ah, hadda waxaa si joogta ah inoola shaqeeya Cusmaan Abuukar” Ayuu yiri Shariif Goelab. Inkastoo xiriir aan la sameynay C/qaadir Cali [Nuune] oo ah shaqsiga ay eeda ujeediyeen 2daasi dhinac aysan inoo suurtagelin inaan helno, haddana ma xaqiiin karno sax-nimada eedaha loo jeedinayo. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa amaro cusub kasoo saartay dhigashada dugsiyada Qur’aanka, xili ay guddiga ka hortaga Covid-19 uu gebi ahaanba laalay xayiraadihii cudurka. Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa sheegay in dib loo furayo dugsiyada Qur’aanka, iyada oo la fulinayo amarka guddigaasi, isla markaana la ilaalinayo bad-qabka ardeyda. Wasiirka ayaa maamulka iyo macalimiinta dugsiyada usoo jeediyay inay raacan talaabooyinka caafimaad, laguna dadaalo kala fogaanshaha ardeyda wada dhiganeysa dugsiyada qur’aanka. Sheekh Khaliil ayaa sidoo kale maamulka dugsiyadaasi amray inay macalimiintu isticmaalan qalabka ka hortaga cudurkaasi, iyada oo si joogta ay u daba socon doonto fulinta amaradaasi wasaarada diinta iyo awqaaftu. Somaliland ayaa dhawaan gebi ahaanba laashay xayiraadihii cudurka Coronavirus, xili uu weli deegaanadeeda ka jiro cudurkaasi, lagana diiwaan geliyo kiisas hor leh oo la xiriira cudurkaasi safmarka ah. Xukuumada Somaliland ayaa sabab uga dhigtay laalista xayiradahaasi inuu cudurku kasoo yaraanayo caalamka, isla markaana uu hoos u dhacay heerkii markii hore laga filayey cudurkaasi.
-
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Caawa ka hadalaayey munaasibad lagu xusaayey Sannadguuradii 60aad madaxbanaanida Dalka ayaa Shacbiga Somaaliyeed siiba ku Reer Muqdisho [...] The post C/raxmaan Cabdishakuur Caawa oo Khudbad taariikhi ah jeediyey : – Waar Reer Muqdisho iyo Reer Puntlandow yaan Cadowo layskaga kiin dhigin. Mooshinkii Maqaamkii Banaadir Mursal iyo Muuday baa diiday oo hoos galiyey, lakiin 13 kursi waa FAKE Doorasho lagu doonayo appeared first on . Source
-
NAIROBI, June 30 (Xinhua) -- Kenya Wildlife Service (KWS) on Tuesday reported the sighting of a rare white giraffe in a privately-owned conservancy in the northeastern county of Garissa that neighbors Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaadacay shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee la waqtiyeeyey inuu Muqdisho ka dhacvo 5-7 bisha July. Deni oo ka hadlay xuska munaasabadda 1-da Luulyo ayaa shaaca ka qaaday inuu u hoggaansamay baaqii baarlamanka Puntland ee ahaa inaanu ka qeyb-galin shirkaas. Golaha Wakiilada Puntland ayaa maalin ka hor waxay ay soo saareen 13 qodob, oo mid ka mid uu ahaa in Madaxweynaha Puntland ka baaqsado shirka Madaxweyne Farmaajo ku baaqey kadib markii, sida ay sheegeen Golaha Shacabka uu is dhexgeliyiyey doorashada 2020 iyo metelaada gobolka Banaadir. “Waxaan soo dhaweynayaan baaqii kasoo baxay baarlamaanka Puntland 29-ka bisha lixaad ee 2020, taladooda ayaan ku shaqeynayaan anigoo ixtiraamaya hay’addaha dastuuriga ah ee Puntland,” ayuu yiri Deni. “Waa dalka laga joojiyo siyaasadaha danaha ku dhisan ee keenaya jahwareerka iyo kala fogaanshiyaha Umadda Soomaaliyeed,” ayuu ku daray. Deni ayaa sidoo kale ku baaqay in doorashada Soomaaliya ku dhacdo waqtigii loogu tala galay, waxaana uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu iska ilaaliyo boor isku qarinta uu sida xun wax u doonayo oo aanu iska horkeenin Shacabka walaalaha iyo Xildhibaannadii fursada siiyay inuu Madaxweynaha ku noqdo. “Umadda Soomaaliyeed waxay Muqdisho siisay wixii ugu wanaagsanaa oo ah in magaala madaxdii noqoto, sidoo kale waxay ku sharfeen maqaam iyadda gaar u ah oo inta kale magaalooyinka Soomaaliyeed la wadaagin…Waxaan madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqayaa in uu iska ilaaliyo inuu boor isku qarin, oo uusan six un wax u doonin oo shacabka walaalaha ah iyo Xildhibaanadii fursadda uu madaxweynaha ku noqdey siiyey uusan iska hor-keenin, joojiyana falalka ragaadinaya dhismaha dowladnimadda Soomaaliyeed oo ay ugu horeyso fashilinta qabsoomida doorashooyinka dalka ee 2020-21,” ayuu yiri. Puntland ayaa ceeb iyo cambaareyn xooggan kala kulantay diidmada ay ka muujisay in dadka Muqdisho ay matalaad ku yeeshaan Aqalka Sare, taasi oo lagu macneeyey inay muujineyso sad-burisga mar kasta lagu eedeeyo Puntland.
-
Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni Wuxuu Gaalkacyo uga qayb galay Xafladii lagu xusayay Xuskii 60aad ee kasoo Wareegtay Gobonimadii Gobolada Koonfireed ee Soomaaliya iyo [...] The post Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Deni ee 1 Luuliya appeared first on . Source
-
Since gaining independence on July 1, 1960, Somalia has faced civil war, clan conflict, secessions, and al-Shabab. The road to self-sufficiency for Africa's most culturally-homogeneous country is full of hurdles. Source: Hiiraan Online
-
Mortar shells hit after Somalia celebrates reopened stadium
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
NAIROBI, Kenya - At least three mortar blasts sent sports fans in Somalia ducking for cover Tuesday evening, hours after the Mogadishu Stadium reopened following years of instability. Source: Hiiraan Online -
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Talaado ah xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa laaday kubadda dib loogu furayo Garoonka oo sanaddo kaddib martigeliyey Ciyaaraha Heerka Koowaad ee Soomaaliya, wuxuuna kulan dhexmaray kooxda Horseed ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugnaa Garoonka waxa uu qiimeyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee uu kooban yahay, isaga oo wakhti la qaatay dhallinyarada loo carbinayo qeybta ciyaaraha miiska, warbixinna ka dhageystay Wasiirka Dhallinyarada iyo CIyaaraha XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Munaasabaddan waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ku xigeenadiisa, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee soo matalay ciyaaraha kala duwan ee Qaranka iyo Isxilqaameyaasha Olalaha Dib u dhiska dalka. Dib u dayactirka Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho waxaa dowladda Soomaaliya ka caawiyay Midowga Yurub iyo dolwadda Norway. Waayihii uu soo maray Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho waxaa markii ugu horreysay la dhisay 1978-dii, waxaana dhisay oo maalgaliyay Shiinaha, wuxuuna qaadaa in ku dhow 50 kun oo qof, waxaana bari-samaadkii lagu tabtay kulmo iyo bandhig faneedo taariikhi ah . Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib, Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho wuxuu saldhig ciidan u noqday ciidamo kale duwan oo dalka u yimid siyaabo kala duwan, maadaama uu dhulka baaxad leh ku fadhiyo, sidoo kale uu ku yaallo goob istiraatiiji ah. Markii ugu horreysay Sagaashamaadkii wuxuu saldhig ciidan u noqday ciidamadii Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay, gaar ahaan kuwii ka socday dalka Pakistan. Markii labaad ciidamada Itoobiya ayaa saldhig ka dhigtay markii ay galeen Muqdisho xiligii Cabdullaahi Yuusuf, waxayna daganayeen muddo sanado ah. Markii saddexaad Al-shabaab ayaa la wareegtay oo xarun tababar, xabsi iyo goob toogasho ka dhigtay, waxayna ka baxeen 2011. Markii Afraad Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho waxaa la wareegay ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM oo fariisin ciidan oo lama galaan ah ka dhigtay. 7 sano kadib, Agoosto 2018 dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kala wareegtay AMISOM, kadibna ku bilowday dhismaha dib u dhiska ee maanta xariga laga jaray. Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho oo hadda qaab casri ah loo dhisay ayaa qeyb weyn ka qaadanaya dib u soo noolaynta ciyaaraha kubbadda cagta dalka. PUNTLAND POST The post Dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho iyo waayihii uu soo maray appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Saddex qarax oo waa weyn ayaa ruxay caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa ayada oo tiro dad ah oo aan weli la ogeyn ay ku naf waayeen, ayada oo ay socdaan dibad-baxyo ka dhashay dilka fanaan caan ah. “Waxaa dhintay qaar ka mid ah kuwii qaraxa aasay iyo dad kale oo shacab ah,” waxaa sidaas yiri madaxa booliska Endeshaw Tasew. Endeshaw Tasew ma uusan bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan qaraxyada, hase yeeshee waxa uu intaas ku daray in sidoo kale sarkaal boolis lagu dilay iska horimaad dhex-maray booliska iyo dibad-baxayaasha. Rabshadaha ayaa yimid kadib markii Isniintii la dilay Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa fanaan Oromo ah kuna caan-baxay heeso mucaarad ah kaasi oo la toogtay 9:30 pm. Haacaaluu, oo ahaan jiray maxbuus siyaasadeed, ayaa caan noqday intii ay socdeen dibad-baxyadii dheeraa ee dalkaas ka dhacay, kuwaasi oo horseeday in Abiy Ahmed uu xafiiska yimaado 2018. Dhinaca kale ugu yaraan sided qof ayaa lagu dilay 80 kalena waa lagu dhaawacay magaalada Adama, halkaas oo sidoo kale ay ka dhaceen dibad-baxyada looga soo horjeedo dilka heesaaga. Adama ayaa waxa ay 90km koonfur bari ka xigtaa magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa. Saaka ayaa waddooyinka Addis Ababa ee caadiyan mashquulka badan waxay ahaayeen kuwa maran, ayada oo dibad-baxayaasha ay gubeen taayaro ayna ku qeylinayeen erayo kala duwan. Waxaa sidoo kale la jaray internet-ka Ethiopia, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika, taasi oo ah wax mar walba dhaca marka ay socdaan dibad-baxyada siyaasadeed. “Ma aysan dilin oo kaliya Hachalu. Waxay toogteen wadnihii Qowmiyadda Oromada, mar kale..Waad na dili kartaan dhammaan, marna nama joojin kartaan, marnaba” waxaa sidaas facebook soo dhigay Jawar Mohammed, oo ka mid ah hogaamiyayaasha Oromada.
-
Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo ka tirsan Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed kana soo jeeda Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Konfur Galbeed ayaa sheegay in Xaq u raadinta [...] The post Daawo Xildhibaan Afraale oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed : – Maqaam raadinta Muqdisho ma noqon karo wax naloogu hanjabo ama noolugu handado. appeared first on . Source
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Bar___Qubanaha-30062020.mp3 View the full article
-
(SLT-China)-Digniin hor leh ayaa kasoo baxday seynisyahanada dalka Shiinaha, kadib markii ay ogaadeen in dalkaasi uu ka dillaacay xanuunka feyrus cusub oo ka dhasha xayawaanka Doofaarka. Seynisyahanada ayaa waxay sheegeen in cudurkaan cusub uu la mid noqon karo feyruska safmarka ah ee hadda dunida dhibaatadiisa ka taagan ee COVID-19 oo dunida ku dilay dad gaadhaya 500 kun oo qof. Feyruskaan cusub oo laga helay doofaarada ayaa waxay dhakhaatiirtu sheegeen in hadda ayna jirin khatar weyn, balse ay taagan tahay cabsidiisa, loona baahan yahay in muhiimad gaar ah la geliyo sidii looga feejignaan lahaa halistiisa, waxayse ka werwersan yihiin inuu si fudud ku faafi karo hadii la is dhigto. Seynisyahanada ayaa ugu baaqay shirkaddaha soo saara hilibka doofaarka inay muujiyaan taxadir, shaqaalahooduna lala socdo xaaladaha ay ku sugan yihiin. Prof James Wood oo ka tirsan jaamacadda Cambridge iyo Prof. Kin-Chow Chang oo ka tirsan jaamacadda Nottingham ee dalka Britain ayaa si wada jir ah u sheegeen in tani ay tahay fariin hor leh, loona baahan yahay in indhaha lagu haayo halista ka imaan karta feyruskaan cusub. Feyruskaan cusub ayaa baadhis lagu sameeyay waxay seynisyahanadu sheegeen inuu la mid yahay xanuunkii safmarka ahaa eeSwine flu oo adduunka ka dilaacay sannadkii 2009-kii, kaasoo ka bilaamay dalka Mexico. Cudurka Feyruska COVID19 ayaa ah mid asalkiisa ka yimid dalka Shiinaha, dunida oo idilna u gudbay kaasoo galaaftay 500 kun qof. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta dhar baaxo kulul ku dhuftay xubno masuuliyiin ah oo ka socday maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo ku soo xad-gudbay dhulka Somaliland. Kuwaasoo socdaan qarsoodi ah maanta ku soo galay deegaanka Karin-dabayl weyn oo ka tirsan gobolka Sool. Hase yeeshee ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland ee fadhiisinka ku leh aaggaasi ayaa isla markiiba si deg deg ah uga jawaabay xad-gudubka ay ku soo galeen xubnahaasi deegaamo ka tirsan dhulka Somaliland. Iyadoo ay ciidamadda qaranka Somaliland xoog kaga saareen deegaanka Karin-dabayl weyn xubnahan ka socday Puntland, kuwaasoo iyagoo firxad ah ku noqday dhinaca meeshii ay ka yimaadeen. Sida uu noo xaqiijiyay badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo telefanka ugu waramay wargeyska DAWAN, isagoo ku sugnaa magaaladda Laascaanood. Badhasaabka Sool oo ka warbixinayay sidii hawl-galkaasi u dhacay waxa uu yidhi, “Waxaan maanta ka saarnay deegaanka Karin-dabayl weyn ee gobolka Sool, xubno ka tirsan maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya. Raggan, oo kala ahaa wasiirkooda caafimmaadka, wasiirka waxbarashadda iyo xubin xildhibaan baarlamaan, ayaa deg-deg uga haleelay halkay ka yimadeen. Kadib markii ay ka hawl galeen ciidammadda heegganka ugu jira sugidda xuduudaha jamhuriyada Somaliland”. Badhasaabka Sool waxa kaloo uu sheegay in aanay Somaliland mar naba ogolaanaynin cid kastoo ku soo xad-gudubta dhulkeedda. “Kama ogolin cid ku soo xad-gudubta xuduudka jamhuuriyada somaliland. Gor-gortan mar na kama gelayno, in lagu soo xad-gudbo xuduudaha dastuuriga ah ee Somaliland, ee ka tirsan ciidda gobolkan aan hoggaanka ka ahay ee Sool, isla markaana ajande siyaasadeed oo kan Somaliland ka baxsan, lalama iman karo, kama na dhex shaqayn karo” ayuu yidhi C/qani Jiidhe. Geesta kale guddoomiyaha Sool ayaa uga digay maamul goboleedka Puntland in ay ka waan toobaan faro gelinta ay ku hayaan dadka iyo deegaamadda gobolka Sool. Waxaanu yidhi, “Waxaan uga digayaa maamulka Puntland inay ka waan toobaan qorsheyaasha Hagaaska ah ee dadkan iyo deegaamadan xilli hore ka tashaday, dantooda na gartay ay uga soo dul dhacayaan. Iyagoo wax dan ah aan u ahaynin. Waxaanan hoosta ka xariiqayaa haddii aanay joojin Puntland inay la kulmi doonaan tallaabooyin adag oo aysan mahadin doonin”. Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Sool ayaa u mahad celiyay ciidamadda qaranka Somaliland sidii deg-dega ahayd ee ay uga hawl-galeen tallaabadana uga qaadeen xubnihii ka socday Puntland ee ku soo xad-gudbay Carradda Somaliland. Waxaanu yidhi, “Waxaan u mahad cellinayaa, Ciidammada Qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo si deg-dega arrintan uga hawl-galay, xilli walba-na u taagan ilaalinta xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland”. Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa si weyn usoo dhaweeyey ansixinta xeerka xaqsiinta Gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay horumar la gaaray, sidoo kalana wuxuu u mahad celiyey Baarlamaanka iyo Dowladda Soomaaliya oo arrintaan juhdi badan ku bixisay. Prof. Geedi ayaa dhanka kale si kulul uga hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynihii hore ee Puntland haddana kamid ah Aqalka Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo Senator Cabdirisaaq Faroole ee ku saabsanaa xaq siinta Gobolka Banaadir. Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Geedi ayaa nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin dano gaara leh oo kasoo jeeda Puntland inay lasoo istaagaan saxaafadda in Gobolka banaadir aanu mudneyn metelaad, isagoo si toos ah u tilmaamay Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdirisaaq Jurille. “Waa nasiib drro Siyaasiyiin dan gaara leh oo ay kow ka yihiin siyaasiyiinta kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Puntland saaxiibaday senator Faroole iyo Jurille iyo kuwa la hal maala inay saxaafadda ka soo istaagaan gobolka Banadir ma mudna wax metalaad ah,” ayuu yiri Geedi. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu hubo In fakarka ay qabaan siyaasiyiinta Puntland aysan wakiil uga aheyn Shacabka Puntland. “Waxaan hubaa shacabka Puntland inaysan wakiil uga ahayn fekerkaas, ma garan karo waxa ku kalifay inay sidaas u dhaqmaan,,. waxaana kula talinayaa inaysan ka harin geedi socodka..” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi. Halkaan hoose ka daawo hadalka Prof. Geedi oo dhameystiran
-
Madaxweynaha dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyay Deegaanka Bangeelle ee dhaca duleedka magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaana ka mid ahaa wafdiga, Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid . Madaxweyne (Qoor-Qoor iyo wafdigiisa ayaa kasoo amba baxay magaalabada Cabdud-waaq ee gobolka galgaduud waxaana uu qeybo badan uu ka mid ah deegaanada Galmudug iyo Mudug oo kusoo maray safarka socdaalka nabada uu madaxweynuhu ugu talagalay dib u hishiisinta bushlada galmudug. Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor oo soo dhaweynta ka dib bulshada la hadlay ayaa ka hadlay muhiimada safarka socdaalka waxaana uu sheegay in safarkaan uu yahay mid ay kula tashanayaan bulshada si loo ogaado baahiyaha ka jira si wax looga qabto, waxaana sidoo kale uu uga mahadceliyaya soo dhaweynta ay sameeyeen. “Waxaa soo dhaweyn nala kugu sameeyay magaalada Bangeele ee Gobolka Galgaduud,Socdaalkaan ayaa qeyb ka ahaa safarka Nabada, wadatashiga iyo xog ogaal unoqoshada Deeganada Galmudug.”Ayuu ku daray hadalkiisa Madaxweyne (Qoor Qoor). Ugu dambeynta Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay inuu kulamo la qaadan doono dhamman bulshada isla markaana ay ka go,antahay in dowladdu ay wax ka qabato baahiyaha ka jira deegaanka. Goobjoog News Goobjoog News Source: goobjoog.com