-
Content Count
212,306 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu dilay gobolka Oromadda ee dalka Ethiopia, kadib mudaharaadyo ka dhashay markii toogasho lagu dilay fanaan caan ah, sida uu sheegay afayeenka Gobolka. Fanaan lagu magacaabo Haacaaluu Hundeessaa ayaa la dilay habeenkii Isniintii, booliiskuna waxay dilkiisa ku sheegeen in uu beegsi ahaa. Dibad-baxyo ayaa maalintii xigtay ka qarxay magaaladda caasimadda ah iyo magaalooyin kale oo ku yaalla gobolka Orodmadda. “Dadka dhintay waxaa ka mid ah dad dibad-baxayay iyo xubno ka tirsan ciidanka amaanka. Tan uma aanan diyaarsaneyn” ayuu yiri afhayeenka gobolka Getachew Balcha. Ganacsiyadda qaar ayaa sidoo kale dab la qabadsiiyay. Booliiska ayaa sheegay in askari booliis ah Addis Ababa lagu dilay, Seddax qarax oo xalay ka dhacayna waxaa ku dhintay dad aan weli tiradooda la cadeyn. Heesaha Haacaaluu waxay u daarnaayeen jiilka dhalinyaradda ah ee mudaharaadyadu seddax sano ay wadooyinka ka socdeen, kuwaas oo ay ku dalbanayeen is-casilaadda Ra’iisul Wasaarihii hore, billowga jawi cusub oo leh iyo xorriyad weyn oo siyaasadeed. Meydaka Fanaanka waxaa la aasayaa sida la shaaciyey maalinta Khamiista ah.
-
Asalaamu Calaykum Marka hore waxaan aad u hambalyaynayaa Xidhiidhka sii kobcaya siina koraya ee u dhexeeya labada Dal iyo labada shacbi ee qadiyada gaarka ah wadaaga. Waxa kale oo aan hambalyaynayaa Geesiyaashii xidhiidhkan sanadaha badan ka soo shaqaynayay ee ay ka midka ahaayeen Amb Ali Adam Cawaale, Amb Ayaan Cashuur, Amb Baashe Cawil, Amb Muniir Abu Zite iyo masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Debada ee imika xilka haya iyo kuwii ka horreeyayba oo si hoose iyo si muuqataba hawshan u dhirraan-dhirrinayay ugana shaqaynayay sanado badan. Somaliland oo uu Albaabkeedu u furan yahay cid kasta oo wax la qabsanaysa, waxaa ku waajib ah inaanay cidna uga habrran ugana sheexin ama ku xaq dhowrin cidii ay xidhiidh la samaysanayso ee ay danaheeda ka dhex aragto, waana muhiim in ay Somaliland yeelato ku dhac iyo dhiirranaan ay ku beegsato meel kasta oo ay danteedu ku jirto. Waxay ahayd bishii June ee sanadkii 2018 markii Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Debada Somaliland Mudane Liibaan Yusuf iyo Anigu aanu kulan balaadhan kula yeelanay magaalada Brussels ee xarunta Dalka Belgium Safiirka Dalka Taiwan u jooga Midowga Yurub Ambassador Harry Tseng. Safiirka Dalka Taiwan waxa uu Somaliland tusay waji fiican iyo inay diyaar u yihiin inaynu wax wada qabsano. Waxaan jecelahay inaan halkan ka hambalyeeyo Masuulka uu Madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay inuu Wakiil inooga noqdo Dalka Taiwan, waa Masuul karti iyo aqoonba leh oo aan hubo inuu door weyn ka qaadan doono xoojinta xidhiidhka labada Dal iyo labada Ummadood ee Somaliland Iyo Taiwan, waxaanan Allah ka baryayaa inuu xilkaas u fududeeyo. Aamiin. Sawirrada hoose waa Safiirka Taiwan u fadhiya Midowga Yurub Iyo Dalka Belgium oo Wasiir Liibaan Iyo aniga nagu soo dhaweeyay Safaarada Taiwan ay ku leedahay magaalada Brussels ee Dalka Belgium 28/06/2018 Qaran News
-
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dhambaal hamalyo ah u soo diray dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo uu ugu hambaleeyey dabaaldegga xuska 60 guuradii ka soo wareegatay xornimada. Halkan Ka Aqriso Hambalyada Ay Soo Dirtay Dowlladda Shiinaha Madaxweynaha Shiinaha oo Soomaaliya ugu Hambalyeeyey Xuska 60 Sano Guurada Xornimadeeda Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Hambalyada Madaxweynaha Shiinaha https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/07/whats-shiinaha.mp4 Source: goobjoog.com
-
WorldRemit Celebrates the Launch of Their Remittance Service in Somalia The money transfer service, empowering Somalis at home and abroad. LONDON–(BUSINESS WIRE)– WorldRemit, the global online money transfer service has announced the launch of its remittance services in Somalia. WorldRemit operates in over 50 send countries to over 150 receive countries and is now the first global digital money transfer player to operate in Somalia. According to the World Bank, an estimated $1.4 billion in remittances is sent to Somalia every year by approximately 2 million Somalis in the diaspora. The remittances contribute to 23% of Somalia’s gross domestic product which is a vital life-line for many Somalis who rely on it to get food, shelter, pay for education, health services, and sustain their small businesses. Those in the diaspora mostly fled the country during the two decades of conflict and previously relied on bricks and mortar money transfer agents whose operations have been severely limited due to Covid-19. WorldRemit delivers a digital service that removes the middleman and allows Somalis living in the United States to send money home 24/7 at their convenience, quickly and securely. “We are happy to be able to provide this great opportunity for Somalis in the United States to now remit home with ease. We have partnered with Dahabshiil, the largest Cash Pay Out network in Somalia which has more than 200 locations. We will also soon be launching a Mobile Money service. This launch will kick start the transition from offline remittances to online, where Somalis will have access to safer, faster and low-cost money transfer methods,” said Ahmed Tani, Country Manager Somalia, WorldRemit. Customers in Somalia can receive remittances via WorldRemit from friends and family anywhere across the United States via Cash Pick Up. Recipients do not need a smartphone. Visit the WorldRemit website for more information on how to send money to Somalia or download the App from an iOS or Android device. About WorldRemit WorldRemit is a leading fintech providing international money transfer services. We disrupted an industry previously dominated by offline legacy players by taking international money transfers online – making them safer, faster and lower-cost. We currently send from 50 to 150 countries, operate in 6,500 money transfer corridors worldwide and employ over 800 people worldwide. On the sending side WorldRemit is 100% digital (cashless), increasing convenience and enhancing security. For those receiving money, the company offers a wide range of options including bank deposit, cash collection, mobile airtime top-up and mobile money. Backed by Accel, TCV and Leapfrog – WorldRemit’s headquarters are in London, United Kingdom with a global presence in the United States, Canada, South Africa, Japan, Singapore, the Philippines, Australia and New Zealand. For more information visit www.worldremit.com View source version on businesswire.com: https://www.businesswire.com/news/home/20200630006089/en/ For PR information please contact: Gen Dowokpor media@worldremit.com Source: WorldRemit Qaran News
-
Kismaayo (Caasimada Onlone) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” ayaa si qeexan ugu falceliyay arrinta muranka dhalisay ee xaquuqda gobolka Banaadir ku yeelatay golaha aqalka sare 13 kursi, isagoo sheegay in Banaadir ay tahay caasimadii Somalia, xaquuqdeeda iyo maqaamkeeda loo baahan yahay in la qeexo. Axmed Madoobe ayaa sheegay in sharci ahaan shaqada caasimada baarlamaanku leeyahay inuu qeexo maqaankeeda iyo madadaalada ay xaqa u leedahay, isagoo carabka ku adkeeyay in Muqdisho ay mudan tahay in ay yeelato maamul dadka deegaanka soo doortaan balse aysan mudneyn in wax loo yeeriyo. “Muqdisho waxay mudan tahay maqaamka ay caasimada leedahay inay hesho, waxay mudan tahay madalaada aqalka sare, gole deegaan iyo meelaha kale ee looga baahan yahay, waxay xaq u leedahay inay soo doorado gole deegaan, Muqdisho ma mudna in maalin walbo Governotore iyo Maayar inta la keeno la yiraahdo wixii xisaab ah gobolka Banaadir ayaa qaadanaya ee xafiiska hebel dib ugu soo celi ee gadaal kasoo geli,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Xuquuq ahaan ayuu sheegay in Banaadir aysan mudneyn in xitaa haddii maanta la yiraahdo 50 Senator ayaa leedihiin in xitaa loo soo qoraayo, madaxweynaha xafiiska fadhiyo uu gacantiisa kusoo qoraayo. Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in Muqdisho aysan jirin qabiil gaar ah oo diidan xaquuqdeeda iyo madalaadeeda, isagoo tusaale usoo qaatay in Muqdisho aysan jirin cid gaar ah oo ka xigta.
-
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxtooyda Soomaaliya ay casharada ka qaadato Addis Abba. Halkan Ka Daawo Khudbad Uu Xildhibaan Xasan Yare Ka Jeediyay Magaalada Muqdisho Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Habeen-010720-sax.mp3 View the full article
-
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo munaasabada lagu waynaynay kowada luuliya iyo markii midoobeenay gobollada Waqooyi iyo koonfur ayaa khudbad dhinacyo badan ka jeediyay,wuxuuna ka hadlay arimaha doorashooyinka iyo xaalada kala guurka ee Soomaaliya. Halkan ka Daawo Khudbadii Uu Jeediyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qayb-galay Tiyaatarka Qaranka Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada, dib u dhiska iyo awoodsiinta hannaanka dowladnimada oo ah waddada kaliya ee aynu kula tartami karno shucuubta caalamka. Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda iyo dadaalkii dadkii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda iyo dowlad dhiska dalkeenna, isaga oo ku booriyey shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed in ay markasta tusaaleystaan dowladnimadii iyo dal jacaylkii halgameyaashii SYL, kuwaas oo naftooda u huray sidii ay inoo dhaxalsiin lahaayeen mustaqbal iyo dal wanaagsan. “Waxaan leenahay sumcad taariikhi ah oo caalamku ay nagu tixgeliyaan, taas oo ay noo horseedeen halgameyaasheenii maantana waan awoodi karnaa in aan taas dib u soo celinno, hadii aan ka shaqeyno midnimada iyo xoojinta waddaniyaddeenna kana fogaanno qabyaaladda oo aan ognahay meesha ay na dhigtay”. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay u istaagaan sidii loo xoojin lahaa dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna ku bogaadiyey isxilqaamayaasha Shaqaalaha Rayidka ah, ganacsatada iyo howlwadeennada Gobolka Banaadir doorka wanaagsan ee ay ka qaateen hirgelinta Ololaha Isxilqaan. Madaxweynaha oo xus iyo duco u gaar yeelay halyeeyadii u shahiiday iyaga oo dalkeenna u adeegaya, ayaa Alle naxariis iyo dambi dhaaf u weydiiyey Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) oo hormuud u ahaa Isxilqaameyaasha Gobolka Banaadir ee ay ka go’an tahay soo celinta bilicda, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xarumaha danta guud ee Caasimadda. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo aqbalidda codsigiisii ku saabsanaa xaqiijinta mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo bulshada Caasimaddu ay sanaddo badan ku taamayeen. “Waxaan u mahadcelinayaa Golaha Shacabka iyo Guddoonkiisa oo ka jawaabay dareenka dadwaynaha Soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa ku dhaqan Gobolka Banaadir oo ay iyaga oo tixgalinaya codsigaygii ansixiyey metalaad gobolku ku yeesho Aqalka Sare. Inshalaah waan sugaynaa dhaqan galinta matalaadda.” Gabagabadii munaasabadda, Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf guddoonsiyay hormuudka mutadawiciinta Ololaha Isxilqaan, Maareeyihii hore ee Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, Guddoonka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Maareeyaha Wakaaladda Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah oo ku guddoomay magaca dhammaan Shaqaalaha Dowladda. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Somalia on Wednesday marked its 60th independence anniversary as its president called on the people to seize the moment to realize the dreams and aspirations of its founding fathers. ”Our Somalia of the 60s is now turned 60. We have sailed the stormy waters and now, we must stamp out our challenges and spread our vision to continue standing tall,” President Mohamed Abdullahi Farmajo said on Twitter. ”As a people, must seize this chance to deliver the hopes of our nation’s founding fathers and future generations.” Meanwhile, in a statement Ambassador Francisco Madeira, the special representative of the chairperson of the African Union Commission for Somalia, congratulated Somalia. ”AMISOM [African Union Mission to Somalia] joins the people and the Government of Somalia in celebrating the country’s 60th Independence anniversary. It pledges continued solidarity and support and wishes them accrued success in the years to come,” he said. Somalia gained independence from Italy on July 1, 1960. A former British protectorate, Somaliland got its independence in 1960 but days later joined Somalia. In 1991, it self-proclaimed its independence from the rest of the country following war with the government in Mogadishu. Somalia does not recognize Somaliland’s breakaway status. Somalia is bounded by the Gulf of Aden to the north, by the Indian Ocean to the east, by Kenya and Ethiopia to the west and by Djibouti to the northwest. View the full article
-
Bishii Luuliyo 2019, Machadka Heritage waxa uu soo saaray daraasadeenii saameynta laheyd ee doorashooyinka Soomaaliya waxaana ku soo gabagabeyney fikirka ah doorasho xor iyo xalaalah, qof iyo cod ah, in lagu qabto waqtigii loogu talagay, “in ay adag tahay – haddiiba aysan suurtagal aheyn”. Waxaan soo sheegnay inay jiraan caqabado badan oo ay ka mid yihiin khilaafka siyaasadeed ee sii xoogaysanayey ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo dowlad goboleedyada, jritaan la’aanta shuruucda lagu maamulayo doorashooyinka iyo xasillooni darrada ka sii daraysa ee ka jirta dalka oo dhan. Mar labaad, Bishii Meey 2020, waxaan mar kale soo saarnay qoraal kooban kaas oo ku baaqeyey baahida loo qabo in laga wada hadlo xalna laga gaaro nooca doorashada ee suurtagalka ah, iyada oo ay muuqatay in doorasho qof iyo cod ah (DQC) aysan waqtigeedii ku dhici doonin. Labadaas marba dhinacyo badan, gaar ahaan DFS, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyo deeq-bixiyeyaasha caalamka qaarkood ayaa dhalliilay daraasadaheennii kuna sheegay “qeylodhaan aan loo baahney oo aan waqtigeedii la gaarin”. Si kastaba ha ahaatee, warbixintii guddoomiyaha GMDQ ee ay golaha shacabka ka hor jeedisay 27 Juun 2020 waxa ay machadka ku waafaqday qiimeynteennii hore. Hadal jeedinteedii, Marwo Xaliima Ismaaciil, waxa ay markii ugu horreysay caddaysay, in GMDQ uusan ku qaban karin doorasho qof iyo cod (DQC) ah waqtigii loogu talagalay . Waxaa xusid mudan, in guddoomiyaha GMDQ uu ku tilmaamay “khilaaf siyaasadeed oo ka dhex jira saamilayda siyaasadda, nabadgelyo-xumada iyo shuruucda doorashada oo aan dhameystirnayn” inay yihiin sababaha ka hor-istaagey GMDQ in doorasho qof iyo cod ah uu waqtigeeda ku qabto. Ayaan darro, labada nooc-doorasho ee uu GMDQ u soo bandhigay golaha shacabka ay yihiin kuwo irdaha u furaya waqti kororsi loo sameeyo DFS (Madaxweynaha iyo Baarlamaanka). Si kastaba ha ahaatee, mid ka mid ah labada nooc-doorasho (ee ku saleysan cod bixinta teknoolajiyadda casriga ah ee biometric) ayaa waafaqsan sharciga doorashada. GMDQ wuxuu sheegtey inay ku hirgalin karaan doorashadan 13 bilood iyada oo ay ku kacayso ku dhawaad 70 milyan oo doolarka Mareykanka ah. Xulashada labaad (Is-diiwaangelinta warqadda ku saleysan, ee isdiiwaangelinta iyo coddayntuba ay hal maalin dhacayaan) ayaa ah mid baalmarsan sharciga doorashada ee hadda jira. Sharciga doorshada ee hadda jira wuxuu si cad u qeexayaa inuu yahay mid ku saleysan hannaanka teknoolajiyada biometric-ga. Wax ka bedelistiisuna waa macquul, laakiin waxa uu sii dheereynayaa waqtiga. Muddo sanado ah, GMDQ waxa uu si isdaba joog ah ugu xaqiijineyey shacabka Soomaaliyeed ee daalley iyo saamileyda siyaasadda ee fara-baxsiga ah in doorasho qof iyo cod ah ay ku dhici doonto waqtigii loo qorsheeyay, inkasta oo ay muuqatay caddeymo badan oo taas liddi ku ahaa. Dabayaaqadii bishii Maajo 2020, guddoomiyaha GMDQ waxa ay si cad ugu adkeystay in GMDQ ay diyaar u yihiin in ay ku qabtaan waqtigeeda doorasho xor iyo xaalaah ah. Oggaalley badan uu ka mid yahay Machadka Heritage ayaa ka digey kuna calceliyey marar badan cawaaqib xumada ka iman karta mudo kororsi, qaylo dhaantoodana ku sheegay xiisadaha siyaasadeed ee ka dhalan kara muddo kororsi sharci daro ah oo aan dastuurka waafaqsaney, laakiin dhag jalaq looma siin. Intaa waxaa dheer, deeq-bixiyayaasha caalamka ee muhiimka u ah arrimaha Soomaaliya, oo muddo sanado ah ku adkeysanayey in aanan la aqbali doonin wax ka badalan doorashooyin lagu kalsoonaan karo, daah furan, isla mar ahaantaana la isku wada raacsan yahay oo qof iyo cod ah (DQC), ayaa qaarkood si lama filaan ah ugu taageeraya barta (twitter-ka) soo jeedinta labaad ee ee warqadda ku salaysan ee ay soo bandhigeen GMDQ – taas oo aan sharciga doorshada waafaqsaneyn, hannaankaas-doorasho oo horseedi kara ku-xadgudub baahsan iyo boob ama ku shubasho doorashada ee aan nooceeda horay loo arag, taas oo dhalin karta, xasilooni darro hadda laga baaqsan karo. Waxaa muuqata inay go’aankaas degdega ah u qaateen masuugid dhaqaale, waxayse iska indha tirayaan suura-galnimada iyo cawaaqib-xumada ka dhalan karta doorashooyin si fudud loo xadi karo. Waa arrin la fahmi karo, in badan oo Soomaalida ah iyo weliba saaxiibada caalamka inay ku jaahwareersan yihiin gaabinta dhanka horumarka ee dib udhiska iyo dimoqraadiyaddeynta Soomaaliya. Si kastaba ha ahaate, iska indha-tirida baahida loo qabo in tabar-la-socdo oo arrinkan lafdhabar u ah ayaa wuxuu sii adkayn karaa xaaladda Soomaaliya oo horay u murgsaneyd. Taageeradda, lala degdegay ee aan laga fiirsan ee qaar ka mid ah beesha caalamka ee “xulshada ku saleysan ku codaynta waraaqadaha”, ayaa sii kordhindoona khilaafka siyaadaseed ee u dhaxeeya hayaddaha dowlada Soomaaliya. Afartii qodob ee wax-ka-beddelka sharciga doorashada ayuu hadda ansixiyay Golaha Shacabka (in kasta oo arrimahaas ay muranno siyaasadeed ku gadaaman yihiin), qodobka ugu dambeeya ee ku saabsan wax ka baddelka sharciga xisbiyada siyaasadeed ayaa weli doodiisa soctaa. Sida ku xusan is afgardkii guddiga wadajirka ah ee baarlamaaka ee dhameystirka sharciga doorashada, Aqalka Sare waa inuu sidoo kale ansaxiyaa wax ka badalida ka hor inta aan loo gudbin madaxweynaha si uu u saxiixo. Nasiib darrose, labada aqal ee baarlamaanka ayaa isku haaya dariiqa loo marayo dhameystirka sharciga doorashada, Golaha Shacabka ayaa aaminsan in wixii intaa ka dambeeya, uusan u baahneyn inuu u gudbiyo shuruucdaas Aqalka Sare, maxaa yeelay, waa sida hadalka ay u dhegeena, ‘wax ka badalku waa “qaraar” aan u baahnayn oggolaanshaha Aqalka Sare. Xaqiiqadiise, sida ku cad Dastuurka, labada gole ayaa si wada jir ah awood loogu siiyey inay sharciyada dejiyaan, maantayna u mudan yihiin in ay wadashaqeeyaan. Sababahaas oo dhan daraadood, ayuu MachadkaHeritage si xoogan u aaminsan yahay in ay soo xirmayaan albaabadi oo dhan ayna jirto fursad aad u yar oo lagu xallinkaro xiisaddaha ka jira doorashooyinka waqitigeedi aadka u soo dhawaaday, isla markaana ay daruuri tahay in la helo dariiq loo maro xalka dhabta ah ee loo dhan yahay. Si taas loo gaaro, waxaan soo jeedineynaa in la qaato laba talaabo midkood, kuwaas oo ka hortegi kara in xaaladdu gacanta ka baxdo, wadadana u xaari kara is-afgarad, horseedina karta inuu abuurmo jawi lagu wada shaqeyn karo oo ka dhex dhasha hormuudka saamilayda siyaasadda. 1. Doorashooyin Dadban oo Siyaasad Ahaan Looga Heshiiyey Sida aan ku soo sheegnay daraasadeenii Luuliyo 2019 iyo qoraalkeenii koobanaa ee Mey 2020, habka ugu wanaagsan ee lagu heli karo qaab doorasho oo ay isla oggol-yihiin hormuudka saamilayda siyaasasda (DFS, DG iyo axsaabta siyaasadeed ee diiwaangashan) waa wada-hadal iyo is-qancin siyaasadeed oo sal ballaaran, saldhigiisuna yahay, ugu dambeyntiina horseedi kar doorashooyin loo dhan yahay oo dadban. Waa arrin la fahmikaro, in badan oo Soomaalida ah iyo deeq-bixiyayaasha caalamkuba, in ayasan aad ugu qanacsanayn doorasho kale oo dadban, marka la eego taariikhdii madoobeyd ee laga dhaxlay hannaan doorashaadkii 2016/17. Laakiin ku hanweynaanta doorasho qof iyo cod ah ayaa u muuqata mid khiyaali ah; isla markaana waqti kororsi daneed oo ay ku kacaan masuuliyiintu xilka haya ayaa wuxuu noqonayaa ku xadgudub sharciyeed iyo mid siyaasadeed. Dhab ahaantiina, waa lagama maarmaan in la xuso in xaaladda dalka ka jirta ay tahay fashil guud iyo eed la wadaago. DFS, DG-yada iyo mucaaradkaba maysan la’iman masuuliyad hogaamineed. Hab dhaqankoodii qaldanaa ee qaar ka mid ah joogtada ahaa wuxuu wiiqayey hay’adihii dalka, waxayna carqaladeeyeen dadaalkii dawlad-dhisidda. DG-yada waxay wakiilo ku leeyihiin hay’adaha dowlada ha ahaadaan golaha shacabka, aqalka sare ama golaha wasiirrada, haddana, ma wada aqblaan go’aannada hay’adahaas. Sababaha ka dhigaya maangal doorasho dadban oo siyaasadahaan looga heshiiyo: Ugu-horayn, sharciyadda dastuuriga ah ee baarlamaanka federaalka iyo DFS labadaba waxay dhacayaan dhowr bilood gudahood (27 Diseembar 2020 iyo 08 Febraayo 2021 midba). Dastuurka ku meelgaarka ah isna si cad ayuu u tilmaamayaa in muddo kororsi ay ku kacaan dhammaan masuuliyiinta la soo doortay oo ka baxsan waqti xileedkooda afarta sano ah ay xaaraan tahay. Sidaa daraadeed, baarlamaanka iyo hay’addaha fulinta sharcicga uma saamaxayo inay iskood muddadda u kororsadaan. Tan-labaad, xitaa haddii dhammaan saamileydu aqbalaan soojeedinta kaliya ee GMDQ ee lagu kalsoonaan karo (biometric-ka), Guddigaas oo waajibaadkooda uu ku egyahay bartamaha sanadka soo socda, 13ka bilood kuma filna. Sida aan ku soo sheegnay qoraalkeenana kooban ee bishii Mey ee sanadkan, waqtiga ugu yar ee lagu hirgelinkaro nidaamka (biometric-ka), ayaa ah ugu yaraan18 bilood ilaa labo sano – taasina waa marki la wada helo agabki loo baahnaa oo dhan ayna diyaar yihiin waxkastoo oo ay kujiraan sharciyada, dhaqaalaha iyo amniga. Soomaaliland waxay bilowday qaadashada hannaanka biometric-ga (2007 nooca faraha) iyo 2014 (nooca casriga ah ee indhaha), saddex sano kaddib ayayna midka indhaha u isticmaashay doorashadii madaxweynaha, arrimaha siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliland way ka deggen yihiin kuwa ku gedaaman DFS. Weliba, marka la eego dhanka musuqmaasuqa, nooca doorsho ee waraaqaha ku salaysan, waxaa laga yaabaa in uusan ka musuqmaasuq yareyn doorashooyinka dadbanaa ee dalka ka dhacay xilliyadii hore. Sidaa daraadeed, wax kasta oo aan ka ahayn qaabka doorashada ee ku saleysan is-afgaradku waxa ay noqon doonaan qardajeexid. 2. Muddo Kordhin Siyaasadeed Ahaan Looga Heshiiyo Soo jeedinta labaad waxa ay noqon kartaa heshiis siyaasadeed oo laga gaaro dib-u-dhigista doorashooyinka oo la mid ah Heshiiskii Kampala (Kampala Accord) ee bishii Juun ee 2011 kana dhex dhaca hormuudka saamileyda siyaasadda. Xaaladahaan oo kale, saamileydu (DFS, DG-yada iyo xisbiyada siyaasadeed ee diiwaangashan) waxa ay ku heshiin karaan in dib loo dhigo doorashooyinka dalka ugu yaraan laba sano, si loo dhammaystiro sharciga doorashada, sharciga xisbiyada siyaasadeed iyo arrimaha lafdhabarka u ah xasilinta siyaasadda dalka. Tani waxa ay dhici kartaa oo keliya haddii saamileyda siyaasaddu ay isku waafaqaan in loo guuro xasilooni siyaasadeed lana wada dhiso Xukuumad Midnimo Qaran (XMQ) taasoo ku salaysan dib-u-heshiisiin qaran oo sal-ballaaran. Xukuumadda Midnimo Qaran waxaa la siin karaa qorshe-hawleed dhameystiran oo diiradda lagu saari karo shan waajibaad-shaqo, oo la qeexay, laguna heshiiyey: a. Soo celinta xiriirkii wada shaqeyneed ee ka dhexeeyay DFS iyo dhammaan DG-yada; b. In la dedejiyo dib-u-eegista dastuurka ku-meel-gaarka ah loona diyaariyo afti qaran si aftidaas loogu beego xilliga doorashooyinka dalka; c. In la aasaaso maxkamadda dastuurka iyo guddiga adeegga garsoorka si loo xoojiyo sarreynta sharciga iyo awoodaha korjoogteynta; d. Dhammaystirka sharciga doorashada, sharciga axsaabta siyaasadeed iyo u diyaar garowga doorashada qof iyo cod (DQC) ah laba sano gudahood; wax ka beddelka iyo dejinta shuruucda GMDQ iyo weliba dib u habeyntiisa; e. Dib u soo noolaynta qaab dhismeedka Amniga Qaranka si wax looga qabto khatarta Al Shabaab iyo ISIS. Labadaas sano gudahood, dowladda midnimada qaran, ee lagudhan yahay, si loo hirgeliyo shuruucda loo baahan yahay waxa ay si dhow ula shaqeyn doontaa labada aqal ee baarlamaanka, dowlad goboleedyada, xisbiyada siyaasadeed ee diiwaangashan iyo bulshada rayidka ah, si ay u hesho taageerada uga badan ee uu u baahan yahay barnaamijkeeda. Beesha caalamkuna waa inay siiso taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale qorshe-hawleedkaas haddii Soomaalidu isku raacdo oo ay ku heshiiyaan: dowlad midnimo qaran iyo waqti-kordhin ku salaysan in loo guntado shaqooyinkii la dayacay, dalkana loo gaarsiiyo doorasho xor ah oo xalaal ah, loogana gudbo caqabadaha siyaasadeed ee dad-sameega ah ee curyaamiyey geeddi-socodkii dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya. Gunaanad Waxaan si aad ah u ognahay in kala-doorashooyinka aan soo bandhignay aysan aheyn kuwo ceeb la’, oo waan fahamsan-nahay in dad badani ay u arki doonaan wax aan loo dulqaadan karin doorasho dadban iyo waqti korarsiba. Meesha arrintu ay hadda taallo waa laga hortagi karay haddii DFS iyo DG-yada ay iska kaashan lahaayeen oo ay howshooda horay u qabsan lahaayeen iyo haddii GMDQ ay uga digi lahaayeen dadka Soomaaliyeed horraantiiba inysan dhici karin doorashada qof iyo cod (DQC) ah sidii loo qorsheeyay. Si kastaba ha ahaatee, iyada oo maskaxda lagu hayo habka tabar iyo taag socodka ah iyo mabaadii’da ah ha uga darin, machadku waxa uu had iyo jeer u ololeeynayey habka go’aan qaadashada ku saleysan wadar-ogolka Soomaalida dhexdeeda ah, maaddaama ay si weyn u yareyn karto dhiillooyinka iyo colaadaha. Taasina waxaan u samaynaa annaga oo faham dheer u leh duruufaha dhaqan-siyaasadeed ee dalka, oo ay ragaadisey is aaminaad la’aan aad u qoto dheer iyo dib-u-heshiisiin aanan caga badan ku taagneyn oo ka dhex jirta dadka. Mar kale, waxaan fursaddan uga faa’iideysaneynaa in aan ku boorinno hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaalida in aysan lumin fursaddan arrimaha doorashooyinka wada hadal xalka looga gaari karo. Shirka loo balansanyahay ee la filayo in uu dhax maro madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyaasha dowlad goboleedayada waa fursad dahabi ah oo lagu gaari karo is-afgarad ku saabsan qodobada la isku khilaafsan yahay. Sanadihii la soo dhaafay waxa ay caan ku ahaayeen is-aaminaad darro qoto dheer oo dhex taalay DFS iyo DG-yada, madaxweyne Farmaajo-na wuxuu doortay inuu DG-yada ula dhaqmo si adag oo xagjirnimo siyaasdeed ah. Hab-dhaqankaas wax natiijo fiican ah uma soo kordhin dalka ama madaxweynaha qudhiisa. Hadda waxaa la joogaa waqtigii saamileyda siyaasadeed ee dalku ay caqligooda isugu geyn lahaayeen sidii loo heli lahaa xal siyaasadeed oo looga gudbo xiisadda doorashada kaabiga inagu soo haysa. Sidoo kale, beesha caalamku waa in ay qayb muhiim ah ka noqdaan xalka, maaddaama dadka Soomaaliyeed ay si dhow isha ugu hayaan ficiladooda iyo sida ay u abbaaraaan arrinkan. Warbixintan waxaa diyaariyey Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda.
-
Taiwan announced Wednesday it was opening representative offices with the breakaway state of Somaliland, warming ties between two de facto sovereign territories that are denied widespread international recognition. Foreign minister Joseph Wu said Taiwan and Somaliland had signed an agreement in February to swap representative offices and cooperate in areas such as agriculture, mining and health. “We’re thousands of miles apart, but share a deep-seated love of freedom and democracy,” Wu tweeted. Somaliland declared independence from Somalia in 1991 but remains unrecognised by the international community. While anarchic southern Somalia has been riven by years of fighting between multiple militia forces and Islamist violence, Somaliland has enjoyed relative peace. Democratic and self-ruled Taiwan is officially recognised by only 15 countries — China poached seven of its diplomatic allies after President Tsai Ing-wen came to power in 2016. Tsai describes Taiwan as “already independent” but China views the island as its own territory and has vowed to seize it one day, by force if necessary. Beijing has cut official communication with Taiwan while also ramping up military and economic pressure since Tsai was first elected four years ago. “Taiwan’s situation in the international community is difficult but we will not cower. We will continue to strengthen pragmatic relations with like-minded countries,” Wu told reporters. “China’s pressure on us in the international community is very big.” The office will bear the name Taiwan rather than Taipei which is used in the island’s offices in countries without diplomatic relations. Taiwan and Beijing have been engaged in a diplomatic tug-of-war for decades trying to woo away each other’s allies with financial and other incentives. In the last decade, only a handful — largely impoverished countries in Latin America and the Pacific — have remained loyal to Taiwan. The only European state to still recognise Taiwan is the Vatican. View the full article
-
At least three mortar blasts sent sports fans in Somalia ducking for cover Tuesday evening, hours after the Mogadishu Stadium reopened following years of instability. The mortar shells struck in and around the stadium, police Col. Ahmed Muse said. There was no immediate word on any casualties. The al-Qaida-linked al-Shabab extremist group often targets the city. The blasts occurred after Somalia’s President Mohamed Abdullahi Mohamed attended the opening ceremonies that included a football match in the nearly empty stadium. He left before the shells hit. A live television broadcast captured the sound of one of the blasts as an interviewer ducked and hurried off-camera. The 35,000-seat stadium’s opening, complete with a large ceremonial flame, was a symbol of Somalia’s attempts at rebuilding after nearly three decades of conflict. The venue had hosted a base for the African Union peacekeeping force until late last year. View the full article
-
Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa dagaal maanta duhurnimadii gudaha magaalada Dhuusomareeb ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Dagaalka oo muddo hal saac ah socday ayaa markii dambe ku istaagay dadaalo ay sameysay Galmudug, waxaana ku dhaawacmay inta la ogyahay ilaa 5 ruux, kuwaas oo isugu jira ciidamadii dagaalamayay iyo dad rayid ah. Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Gamudug ayaa lagu sheegay in dhacdadaas loo saaray Guddi baaritaan iyo xaqiiqo raadin ah. Gamudug waxay tilmaantay in Guddiga loo xilsaaray arrintaas uu soo baari-doono sababta keentay isku dhacaas iyo haddii ay jirto dhibaatooyin bulshada ka soo gaaray shaqaaqadaas. Sidoo kale Galmudug ayaa ugu baaqday ciidamada Dhuusomareeb ku dagaalamay in ay ilaaliyaan xasiloonida degaanada ay ka hawlgalaan iyo sumcadda ciidamada qalabka sida. Dagaalkan ayaa ka bilaawday sida wararku sheegayaan muran ka taagnaa maalmahan adeegsiga bar koontrol oo ciidamada Haramcad ay maamulaan, taasi oo dhowr jeer lagu celiyay saraakiil iyo ciidamo ka tirsan NISA. PUNTLAND POST The post Dagaalkii Haramcad iyo NISA ee Dhuusomareeb iyo Galmudug oo ka hadashay appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya inuu istaagii iska hor imaadkii u dhaxeeyey ciidamadii ka kala tirsanaa Dowladda ee halkaas ku sugan. Dagaalka oo ka dhacay xaafado kamid ah Magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan agagaarka Xero Inji illaa Madaxtooyada ayaa wuxuu u dhaxeeyey Ciidamada Nabad-Sugida iyo Ciidanka Booliska ee Haramcad. Odayaal dhaqameedyada magaalada Dhuusamareeb ayaa ku guuleystay inay dagaalka joojiyaan, waxaana hadda socdo wadahadal lagu doonayo in dhacdadaas lagu soo afjaro. Dagaalka ayaa ka dambeeyay kaddib markii shalay askari ka tirsan ciidanka Nabadsugida lagu dilay Dhuusamareeb, isla markaana arrintaas ka dhalatay xiisada u dhaxeysa labada ciidan. Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka maanta ay ku dhaawacmeen ilaa 5 Ruux oo isugu jira Ciidamada dagaalamay iyo dad Shacab ah. Dhanka kale Wasaaradda Amniga Galmudug oo ka hadashay dagaalkaan ayaa magacowday guddiga soo baaro sababta keentay iyo cidda ka dambeysay. “Wasaaradda Amniga Gudaha Gamudug waxey u saartay guddi baaritaan iyo xaqiiqo raadin ah shaqaaqo iyo gacan ka hadal muddo kooban ku dhexmartay laba ciidan maantay magaalada Dhusamareeb, Wasaarardu waxey ciidamada ugu baaqaysaa in ay ilaaliyaan xasiloonida deegaanada ay ka hawlgalaan iyo sumcadda ciidamada qalabka sida,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda.
-
Wasaaradda Amniga Gudaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa guddi u saartay baaritaanka sababtii ka dambeysay shaqaaqo, magaalada Dhuusamareeb ku dhex martay ciidamo kawada tirsan xoogga dalka. Wasiirka amniga Galmudug Axmed Moalim Fiqi ayaa ugu baaqay ciidamada in ay ilaaliyaan xasiloonida deegaanada ay ka hawlgalaan iyo sumcadda ciidamada qalabka sida. “Wasaaradda Amniga Gudaha Gamudug waxey u saartay guddi baaritaan iyo xaqiiqo raadin ah shaqaaqo iyo gacan ka hadal muddo kooban ku dhexmartay laba ciidan maantay magaalada Dhusamareeb, Wasaarardu waxey ciidamada ugu baaqaysaa in ay ilaaliyaan xasiloonida deegaanada ay ka hawlgalaan iyo sumcadda ciidamada qalabka sida” ayuu yiri Axmed Moalim Fiqi. Guddiga wasaaraddu arrintaan u xilsaartay wuxuu soo baari-doonaa sababta keentay isku dhacaas iyo haddii ay jirto dhibaatooyin bulshada ka soo gaaray shaqaaqadaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
It was a great pleasure to meet Somaliland Foreign Minister @HagiMohamoud earlier this year. #Taiwan & #Somaliland are building bilateral ties based on shared values, & we look forward to opening representative offices in both countries to expand mutually beneficial cooperation. https://t.co/39bSmRh3Wb pic.twitter.com/UZC1ulIp7P — 蔡英文 Tsai Ing-wen (@iingwen) July 1, 2020 Qaran News
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan qado ah kula yeeshay Isimada gobolka Mudug. Kulanka Madaxweyne Deni iyo Isimada gabolka Mudug ayaa looga hadlay amniga, nabadgelyada, dib-u-heshiisiinta iyo guud ahaan horumarka gobolka. Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo. PUNTLANDMPOST The post Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Isimada Mudug appeared first on Puntland Post.
-
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa Maanta oo Arbaca ah waxaa ay xukun Dil toogasho ay ku riday Nin hore fal isugu jiray kufsi iyo Dil Gabadh u geystay. Maxkamadda ayaa sheegtay in Cabdi Siciid Muuse oo ah Ninka falka u geystay Gabadha oo kamid aheyd dadka deegaanka degmada Garbadadar Gobolka Awdal lagu helay caddeymo uuna qirtay falkaas. Marxuumada ayaa lagu magacaabi jiray Shukri Yuusuf Xuseen, waxaana Eheladeeda ay sheegeen inay doonayan in xukunka Dilka toogashada lagu fuliyo Cabdi Siciid Muuse. Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa hore sidaan oo kale waxaa xukuno ugu diray rag lagu eedeeyay in deegaanada Somaliland ka geysteen fal kufsi ah. Qaran News