-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaanada Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelan doonaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa la sheegay in uu yahay sidii wadida dib u eegista Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadkaan 2020 oo horay Xildhibaanadu ay u ansixiyeen. Sidoo kale Ajendayaasha kulanka ayaa waxaa ku jiro ka doodis iyo u Codqyn wax ka Badalka Xeer No.75 Qodobkiisa 10-aad ee mudda-xileedka Guddiga Madaxbanaan ee Xuduudaha iyo Faderaalka. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay loo diray farriimo ku aadan in Maanta uu jiro kulanka, isla markaana laga doonanayo in Mudanayaasha Baarlamaanka ay kasoo qeyb galaan si looga dooda Ajendayaasha horyaalla. PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka oo Maanta ka doodaya dib u-eegista Miisaaniyadda Dowladda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-03082020.mp3 View the full article
-
Mogadishu (HOL) - According to reports from the Lower Shabelle region, the deputy district commissioner of Wanlaweyn district, Mohamed Abdullahi Omar was killed on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Amniga dalka Meksiko ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen hogaamiyihii kooxda gaangiistarada wadankaasi oo rabshado xoogan ka waday bartamaha waqooyiga Meksiko. Kooxdan ayaa sida la sheegayo sannado badan waxa ay dagaallo ka wadaan gobolka waxaana loo aqoonsaday in ay yihiin koox Burcad Dambiilayaal ah. Mas’uuliyiinta Gobolkaas ayaa xaqiijiyay in ninka lagu magacaabo Antonio Yepez Ortiz oo loo yaqaano (El Marro) la qabtay Axadii Shalay isaga iyo shan xubnood oo kale. Sidoo kale ciidamada Amniga Meksiko ayaa sheegay in ay hawlgalka kusoo furteen hub ay kooxdu adeegsan jirtay iyo sidoo kale Ganacsato ay qafaasheen. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyihii Burcadka Meksiko oo gacanta lagu dhigay appeared first on Puntland Post.
-
Ethiopians celebrate progress in building dam on Nile River
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
ADDIS ABABA, ETHIOPIA -- Ethiopians are celebrating progress in the construction of the country's dam on the Nile River, which has caused regional controversy over its filling. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Amisom ayaa loo magacaabay taliye cusub oo ah Jeneral Diomede Ndegeya oo u dhashay dalka Burundi, kaasi oo Axaddii soo gaaray magaalada Muqdisho. Diomede Ndegeya ayaa waxa uu beddelay oo uu xilka kala wareegay General Tigabu Yilma oo u dhashay dalka Itoobiya, kaasi oo muddo xileedkiisa uu dhammaaday kadib markii uu hayey hoggaanka taliska ciidamada Amisom, tan iyo bishii Janaayo 2019. “Waxaan u imid inaan caawiyo Afrika, inaan caawiyo Soomaaliya, inaan caawiyo walaalaheen. Dhowr jeer oo horey ayaan halkan imid, laga soo billaabo 2007 illaa 2012,” ayuu yiri Jeneral Diomede Ndegeya oo hadlay kadib markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Ndegeya oo 57 jir ah, ayaa horey uga shaqeeyey Soomaaliya intii u dhaxeysay 2007 illaa 2009 isaga oo xubin ka ahaa ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka Soomaaliya. Ka hor inta aan loo magacaabin taliyaha cusub ee Amisom, Jeneral Diomede Ndegeya waxa uu la-taliye u ahaa Wasaaradda Gaashaandhigga Burundi, isaga oo qaabilsanaa dhanka arrimaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda. Waxa uu shahaadada Master-ka ku haystaa Farsamada Sayniska, wuxuuna tababaro istaraatiijiyadda dhanka ciidanka ah kusoo qaatay dalal ay ka mid yihiin Ruushka, Shiinaha iyo Faransiiska.
-
Al-Naba, the news bulletin of the Islamic State is publishing an ongoing series titled, ‘Story of a Martyr’ (Qissat al-Shaheed) as a lead information. In its 242nd issue, it published a two-page profile of Khalid Jama Mohamed Osman (alias Abu Osama al-Muhajir), a former member and senior media operative in the Somali Sunni militant Islamist group Harakat al-Shabaab al-Mujahideen, who defected to the Islamic State’s Wilayat al-Sumaal or Somalia province. Source: Hiiraan Online
-
KAMPALA, Uganda — After 23 days in quarantine in Uganda — far longer than required — Jimmy Spire Ssentongo walked free in part because of a cartoon he drew. It showed a bound prisoner begging for liberation after multiple negative tests, while a health minister demanded to know where he was hiding the virus. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (HOL) - Puntland President Said Abdullahi Deni has said that he has lost his confidence in the federal government of Somalia , adding that he will carry on with the Dhusamareb talks. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) oo muddo dhowr bilood ah u xiran dowladda federaalka Somalia ayaa markii ugu horreysay maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya. Maxkamadeynta Wariyaha ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay xarunta Maxkamadda Ciidamada ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa dhageysiga dacwadda wariyaha goob-joog ahaa qaar ka mid ah ururada saxaafadda, wariyeyaal iyo waalidiinta, Maxamed Cabdiwahaab Abuuja. Fadhigii maanta ee maxkamadda ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Ciidamada Qalabka Sida, Xasan Cali Nuur Shuute wuxuuna sheegay in go’aanka kama dambeysta ah ay dib ka soo sheeegi doonto maxkamadda Ciidamada. Abuuja ayaa loo heystaa inuu ka tirsan yahay Al-Shabaab, sida lagu shaaciyey war ka soo baxay 22-kii bishii April ee sanadkan wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Tan iyo markaas wixii ka dambeeyey ayaa waxaa kiiskiisa la wareegtay Maxkamadda Ciidamada oo muddo kadib maanta dib u bilowday dhageysiga dacwaddiisa.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku-xigeenkii hore ee NISA Ismaaciil Daahir Cusmaan ayaa qoraal uu soo dhigay facebook uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha laga yaabo inay dhacaan toddobaadyada iyo bilaha soo socda. Hoos ka aqriso qoraalka Marka aan qiimeeyay sida ku tala galka ah ee uu Farmaajo dastuurka ugu tumanayo iyo farriimaha ay dirayaan madaxda dowlad goboleedyada kuwa xisbiyada, waxaa muuqata in dalka uu ku socdo waddo gudcar ah oo aan la arki karin waxa soo socda. Dalka waxaa loo balansan yahay in ay doorasho dhacdo, Farmaajo wuxuu weli ku adkeysanayaa in shacabka soo doorto wakhtina la siiyo uu ku gaaro hadafkiisa, halka maamul goboleedyada iyo xisbiyada ay sheegayaan in doorasho toos an aanay suurto gal ahayn loona baahan yahay in laga tashado qaabka doorasho lana muddeeyo in doorashada ay ku dhacdo wakhtigeeda. Baarlamaanka wuxuu ansixiyay afar xeer oo aan waafaqsaneyn dastuurka, wuxuuna wax ka bedelay sharcigii doorasho ee uu saxiixay madaxweynaha, waxayna guddoonka baarlabmaanka ku adkeysanayaan in baarlamaan lagu soo doortay qof iyo cod ay bedeli karaan oo kaliya, inta taa laga gaarayana ay sameysan doonaan muddo kororsi. Ra’iisul Wasaaraha ku meel gaarka ah iyo Golaha Wasiirada aan haysan kalsoonida baarlamaanka ayaa sifo ka baxsan sharciga ku ansixiyay Guddiga Adeegga Garsoorka, Hay’adda Batroolka, Hay’adda Faya Dhowrka, kuwaasoo dhammaan aan loo marin sifo sharci ah. Madaxweynaha Puntland Saciid Deni wuxuu xalay sheegay in ansixinta guddiyadaas ay tahay sharci darro, wuxuuna Madaxweyne Farmaajo uga digay in uu joojiyo ku tumashada dastuurka. Qoor Qoor wuxuu olole ugu jiraa in uu dib u dhigo shirka Dhuusomaareeb 3, waxayna qeyb ka tahay shuruudaha lagu xiray in PM loo magacaabo shaqsi ay isku beel yihiin, wuxuuna kala kulmayaa diidmo qayaxan oo dhanka dowlad goboleedyada iyo x Xisbiyada Siyaasadeed. Sida ay ila tahay oo laga yaabo in ay dhacdo bilaha soo socda: Ma dhici doonto doorasho sanadka 2020 oo lagu soo xulo Xildhibaano bedela kuwa hadda jooga, mana dhici doonto doorasho Febraayo 2021. Waxaa la magacaabi doonaa PM macmal ah oo aanan ku iman rabitaanka dowlad goboleedyada, Xisibiyada iyo Madaxweynaha. Marka la shaaciyo in shirkii Dhuusomareeb 3 toddobaad dib loo dhigay waxaa billaaban doono cadaadis dhanka Beesha Caalamka ah, waxaana dhici doonta in Farmaajo xilka dhulka iska dhigo si qasab ah.
-
Tripoli (Caasimada Online) – Markii Madaxweynaha Turkiga uu sixiixay heshiiskii amniga sanadkii lasoo dhaafay si uu u taageero mid ka mid ah dhinacyadda ay u dhaxeyso colaadda sokeeye ee Liibiya, heshiis kale ayaa sugayay isla maalintaas waxaa uu ahaa isfah la xiriira in dib loo sawiro xuduudda badda ee labada Wadan. Isfahamka uu sixiixay Recep Tayyip Erdogan, Turkiga iyo Liibiya waxay ku sheeganayaan inta ugu badan ee badda Mediterranean-ka iyo gaaska dabiiciga ah ee ku jira. Turkigu waxaa uu heshiiskaas ku gaaray yool uu muddo hiigsanayay. Saraakiil ka tirsan dowladda ay Qaramadda Midoobay taageerto ee Liibiya ayaa shaaca ka qaaday waxa Turkiga ku dhiiri geliyay in uu taageero dagaalka Liibiya, isla marklaana uu kasoo horjeeto danaha Ruushka. Waxaa ay sheegeen in iyadoo xiriirku uu lagama maarmaan yahay, hadana duulaanka Turkiga uu ku saleysanyahay isdhaafsi naqshad dhaqaale. Saraakiil dhowr ah waxay sheegeen in dhinacooda ay heshiiska wal-wal ku galeen, sanadkii lasoo dhaafay, iyagoo rumeysnaa in aysan dooq lahayn. Waxay aad ugu baahnaayeen xulifo ka caawisa dagaalka uu ku hayo Khaliifa Hafter, ee ay taageerayaan Ruushka, Masar iyo Imaaraadka Carabta. “Waxay u ekeyd cayaar isii iyo qaado ah” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha dowladda Ra’iisul Wasaare Fayez Sarraj. “Waxay ka faa’iideysteen tabardaradeenii xilligaas.” Ninkaan iyo saraakiisha kale waxay qariyeen aqoonsiga, iyagoo badqabkooda u baqaya. Turkigu Ciidan iyo kumanaan calooshood u shaqaysteyaal ah, ayuu u diray Libiya, kuwaas oo ciidanka Liibiya ka caawiyay in ay iska caabiyan duulaankii Jeneraal Khaliifa Hafer. Laakiin doorka Ankara waa dhinac ka mid ah sida ay awoodaha shisheeye uga faa’iideysanayaan, isla markana usii shidayaan colaadda ka taagan dalka Liibiya. Ruushka ayaa dalkan u diray hub, qalabka difaaca cirka ah, iyo calooshood u shqayteyaal, kuwaas oo tageeraya dagaal oogaha Libya Jeneraal Khaliifa Hafter. Ruushku waxaa uu beeniyay in door uu ku leeyahay colaadda Liibiya. Sarkaal Liibiya u dhashay oo AP uga waramay sida ay dowladda Tripoli ugu tiirsantahay Turkiga ayaa yiri “halkaan ma aanan gaari lahayn hadii uusan Jeneraal Hafter nasoo weerari lahayn.” Sraakiishu waxay sheegeen in Turkigu uu muddo sanad ah dowladda Libya ku riixayay in ay ogolaato heshiiska badda, laakiin Ra’iisul Wasaare Sarraj uu diidayay. Qayb ahaan waxaa uu u arkayey in uusan awood u lahayn in uu galo heshiis caalami ah, isagoo madax ka ah dowlad ku meel gaar ah. “Waxaa uu ahaa cadaadis naxariis la’aan ah” ayuu yiri mid saraakiisha ka mid ah, isagoo intaas ku daray in qaar ka mid ah maamulka Ra’iisul Wasaare Sarraj ay taagerayeen saameynta Ankara ee Libya. “ Turkigu waxaa uu ahaa dalka keliya ee taageero noo balan qaaday, waxaana aqbalnay markii ay dhamaan albabadii kale naga soo xirmeen” ayuu yiri. Heshiisyadda amniga iyo badda waxaa la sixiixay sanadkii lasoo dhaafay. Sida uu heshiisku qabo, Turkiga iyo Liibiya waxay isku biiriyeen sheegashadooda qaybo ka mid ah Mediterranean-ka iyo xaqa ay u leeyihiin in ay ka faa’iideystaan. Turkigu muddo fog ayuu daneynayay Libiya, gaar ahaan dismaha iyo marshuucyadda tamarta. Waxaa uu sidoo kale ku riixayay fursado cusub oo ganacsi, si uu uga soo kabto khasaare soo gaaray markii awoodda laga tuurayay Macamaral Qadaafi. Iskaashiga qandaraasleyda Turkiga ayaa sanadkii 2011-kii ku qiyaasay in xilligii kacdoonka ay shirkadaha Turkigu Liibiya heysteen qandaraasyo gaaraya $billion. Qaar badan oo kuwaas ka mid ahna waa ay lumeen. Bishii June wafdi ka socday Turkiga oo ay ka mid ahaayeen wasiiradda arrimaha dibada iyo maaliyadda ayaa saraakiil kula kulmay magaaladda Trpoli ee caasimadda dalka Libya, waxayna usoo jeediyeen qaansheegad gaaraya $2 billion oo ay lahaayeen shirkado Turki ah. Xukuumadda Tripoli waxay ogolaatay in ay dib u bixiso lacagtaas, isla markaana ay sidoo kale bixiso $1.7 billion oo deymo kale ah iyo caymiska qalabkii dagaalka ku khasaaray. Heshiiskaasi waxaa uu weli ogolaansho ka sugayaa Ra’iisul wasaare Sarraj. Saraakiisha Liibiya waxay sheegeen in Turkigu uu saldhig badda ah ka dhisanayo magaaladda dekedda leh ee Misrata oo ku taalla Libya.
-
Burburki ugu weynaa ee dal soo mara ayaa soo socda iyadoo ay xowli dheer ku socoto kala orod lagu raadinaayo booska Raiisul Wasaaraha. Dadka ku baratamaaya siyaasadda waxay illaabeen in waqtiga u dhiman xukuumadda maanta jirta ay ka yar tahay muddo lix bilood ah. Bal aan qiyaasno waxa dhici kara marka R/Wasaare cusub la magacaabo. Waxaa billaabanaaya kala orod loo tartamaayo xilalka wasiirada. Tartanka dhexdiisa ayey dowladda Farmaajo waqtigeeda ku egyahay. Iyadoo tartanki xilalka wasaaradaha loolankoodi xoog leeyahay ayaa la wey doonaa meel wax loo wado iya cidda dalkaan xakumi doonta, mar haddii wixi dhisnaa ay dumeen dowladina ay meesha ka maqan tahay. Madaxweynaha waqtigiisi wuxuu ku egyahay inta sannadka ka dhiman..xagee dowlad laga unki karaa haddii ximinihi fulinta oo dhan ay dheceen dalkina dowlad la’aan yahay? Haddaba, waxaa meesha ka muuqda waa jaha-wareer aysan dadku dareemin, waayoo waxaa ku sifownay ummad aan u jeedin khaladka ay dowladdu ku jirto, kaddib markii uu Madaxweyne Farmaajo magacabay R/Wasaare ku meel gaar ah. Waxaa halkaan ku kulmay sharci darro lagu riday R/Wasaare Kheyre oo ah tallaabo ka baxsan dustuurka ku meel gaarka ah…iyo weliba, ka-daroo-dibi-dhal, kaddib marki la magacaabay sii-haye ay ciduna garaneyn sharciga loo cuskaday. Waxaa dhabowday heesti ahayd LAMA MIIRAA LEY MUDAA WAA LAYGU MAADSADAA kaddib marki siyaasiyiinti dalka ugu culeyska badneed ay oggolaadeen wixi dhacay, iyagoo sharciyeeyay kaddib markii ay doonteen in jagada R/wasaaraha la siiyo jufooyinka tartamaaya midkood..waa khalad khalad ku sax, waana sababta adduunka oo dhan aan ka noqonay dad lagu maadeysto oo fashal iyo wixii xunba loo nisbeeyo. Haddaba, sidee dalkaan looga badbaadi karaa burburka soo socda? Calaamadaha lagu garto DIKTATOORKA waxaa ka mida inuu iska indha-tiro sharciyada dalka u degsan oon qaarkood lagu dhaqmin iyo kuwa ku meel gaarka ah oo xadeeya awooda madaxda dalka ka talisa. Haddaba, waxaa iga talo ah in laga hortago xeeldaha uu adeegsanaayo M/weyne Farmaajo ee ku saleysan sidi uu jagada ku heysan lahaa sanooyin badan, sida uu jedcel yahay. Waxaa hubaal ah inuu adeegsan doono xeelad kasta uu ku xaqiijin karo himiladiisa kuna saleysan MUDDO KORORSI. Ugu dambeyn, meelaha ay arrimihiisu ka fuli karaan oo uu isku halleynaayo waa BAARLAMAANKA oo ku sifoobay koox aad rakhiis u ah oo meesha u jooga inay ka qaraabtaan, iyadoo aysan jirin wax mabda’ ah ay ku kala sooci karaan xalaal iyo xaaraan, qaarkoodna iyagoo og ayey u bareeraan khaladka dowladdu ku jirto, waxay rabaan waa in afka loo buuxiyo oo kaliya. Haddaba, Madaxdi sharafta lahayd ee halkaan na soo gaarsiiyay waxaan weydiisaneynaa in, iyaga oo kaashanaaya Madasha xisbiyada iyo madaxda axsaabta kale, ay ka hortagaan lana joojiyo magacaabid R/wasaare cusub oo arrimaha la damacsan yahay iyo rajada isbeddel ee la sugaayo ku ridi doona bohol aan laga soo bixi karin...ILAAHOW NAGA SOO GAAR!!! Axmed Calasow – Waxaad kala xiriiri kartaa dr.alasso83@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kiiska Badda Soomaaliya ee ay sheeganeyso Kenya ayaa 11-sanno jirsaday, kaasi oo la rumeysan yahay inuu ka dhashay heshiis is-afgarad oo dowladdii kumeel gaadhka aheyd iyo Kenya ay wada galeen April 7, 2009-kii. Caasimada Online oo baaris qoto dheer ku sameysay arrinta Badda ayaa waxay warbixinteedan ku iftiimin doonta xaqiiqada ku gadaaman sheegashada ah ‘in badda Soomaaliya laga gaday Kenya’ iyo weliba halka uu salka ku hayo, xili uu Kiiskaasi ku jiro maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ. April 7, 2009 ayaa heshiis is-afgarad dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsanaa fidinta xadka badda Soomaaliya, gaar ahaan inta ka shisheysa 200 ee maylka badda ee dhul biyoodka. Kaasi oo looga gol lahaa in lagu calameeyo inta ka baxsan 200-maylka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee waxa loo yaqaan “continental shelf”, loona gudbiyo Qaramada Midoobay. Waxaana dhinaca dowladda Soomaaliya u saxiixay heshiiskaasi Cabdiraxman Cabdishakur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. Halka uu dhanka Kenya u saxiixay Moses Wetangula, oo isaguna markaasi ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya. Baarlamaanka Soomaaliya ee xiligaasi ayaa August 1, 2009 dood dheer kadib aqlabiyad ballaaran ugu codeeyay in la laalo heshiiska is-afgaradka ahaa ee dhex-maray Soomaaliya iyo Kenya. Go’aankaasi baarlamaanka ayaa waxa ka indho saabtay madaxweynihii KMG Sheikh Shariif, kaasi oo lix cisho kadib laalistaasi sheegay in is-afgaradka dhex-maray Kenya uusan aheyn heshiis, maadama uu baarlamaanku xaq u leeyahay inuu buriyo heshiisyada dowladda. Heshiiska Dowladdii KMG iyo Kenya ee xiligaasi ayaa dhigaya in labada dal ay ilaaliyaan oo u horumariyaan danaha ka dhexeeya ee ku saabsan samaynta xadeynta cabbirka Qalfoofka Qaaradda ee badwaynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo mayl badeed. Muranka ka dhashay heshiiskaasi is-afgarad ayaa horseed u noqday in Kenya ay leexiso cabirka badweynta Hindiya ee labada dhinac, taasi oo keentay inay kusoo xad-gudubto qeybo kamid ah badda Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xiligii uu talada dalka hayey u gudbiyey maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) dacwadda muranka xadka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Kadib markii uu maxkamadda galay Kiiska Badda Soomaaliya ayaa waxa uu yeeshay wajiyo dhowr ah, iyada oo dadaalo badan ay dowladda Kenya ku bixisay sidii wada-hadal looga gali lahaa arrintaasi, halka Soomaaliya ay ku doodeyso in heshiiskaasi uusan sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Dowladda Kenya ayaa si cad u hareer martay heshiiskii is-afgarad ee ay kala saxiixdeen dowladdii KMG aheyd, oo dhigayey in cabirka wixii ka durugsan 200 mayl badeed loo raacayo qaanuunka caalamiga. Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna rabta in cabbirka xadka badda si toos ah loola dharariyo xadka dhulka, halka dowladda Kenya ay dooneyso in la weeciyo, kaasi oo si cad ugu soo gudbaya xadkeena. Kiiska Badda ayaa xiligan ku jira maxkamadda ICG, iyada oo aan si rasmi ah go’aan looga gaarin qaabka loo cabirayo xadka badda oo uu ka taagan yahay muranka u weyn ee labada dal. Muranka Badda ayaa ku qotoma qaabka loo cabirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac, taasi oo meesha ka saareysa in dowladda Kenya si kam ah looga gaday qeybo kamid ah baddeena.
-
Shirweynaha xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Maraykanka oo qaadacay in warbaahintu ka qayb gasho shirweynahooda +Sababta Donald Trump Tartanka musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka ayaa bishan loo qaban doonaa si gaar ah oo aanay warbaahintu ka qayb galayn. Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa ku warantay in af-hayeen u hadashay shirweynaha xisbiga Jamhuurigu ay arintaa ku sababaysay qawaaniinta caafimaad ee ka hor tagga fayraska korona. Ergada ka qayb galaysa shirweynaha ayaa isugu tegi doonta gobolka North Carolina oo shirka lagu qabanayo si ay mar labaad musharaxa xisbiga ugu magacaabaan Madaxweyne Donald Trump. Waxaana magaalada Charlotte isugu tegi doona 24 Ogost 336 ergay. Waxaanay sidoo kale codayn doonaan iyaga oo ka wakiil ah 2500 oo ergay. Trump ayaa haatan ah mushraxa keliya ee u taagan inuu noqdo qofka xisbiga u tarmami doona doorashada soo socota, waxaanay mar labaad magacaabidiisu si rasmi ah u bilaabi doontaa ololihiisa ah in mar labaad loo doorto madaxweynenimada dalkaas. “Wuxuu xisbigu ku shaqaynayaa oo raacayaa qawaaniinta u yaal gobolkaas iyo talooyinka caafimaad ee ku saabsan tirada dadka madal isugu iman kara” ayay tidhi af-hayeenka shirweynaha u hadashay. Go’aankani si weyn ayuu wax uga bedelay siyaabihii loo qaban jiray shirweynahaas oo sooyaalkiisu siduu ahaa soo jiidan jiray indhaha warbaahinta si ay fariimaha xisbiga ugu gudbiso shacabka. Trump ayaa bishii May madasha shirweynaha lagu qabanayo ka dhigay magaalada Jacksonville ee gobolka Florida, ka dib markii badhsaabka gobolka North Carolina ee xisbiga Dimuqraadiga ka tirsani ku adkaystay la yareeyo tirada dadka iskugu imanaya fayraska korona ee jira awgii oo loo baahan yahay in dadku kala durugsanaadaan. Laakiin markii dambe ayaa Trump ka noqday go’aankiisaa hore ee uu doonayey in Florida lagu qabto shirweynaha isagoo hadana sabab ka dhigay in tirada dadka uu ku dhacay fayraska korona ee gobolkaasi “cirka gaadhay”. Qaran News
-
Soomaaliya Oo Dalka Dib ugu soo Celisey Tahriibiyaal Somaliya oo Ku Xidhnaa Xabsiyo Dalal kale Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleystay in dib dalka loogu soo celiyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xidhnaa xabsiga dalka Iran. Muwaadiniintan oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa tiradoodu ahayd 11 qof, waxaana la xidhay xili ay si sharci darro ah uga gudbayeen xadka ay Iiraan la leedahay Waddamada Turkiga iyo Ciraaq. Qaar kamid ah muwaadiniinta oo saxaafada kula hadlay garoonka Muqdisho ayaa sheegay inay dhowr billood ku xayirnaayeen dalka Iiraan kadib markii xabsiyada laga siidaayay, sababo la xidhiidha covid19. Waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay kusoo laabtaan ciidoodii ayna dareemayaan farxad Siidaynta iyo keenista muwaadiniintan waxaa gacan ka geystay xafiiska gaarka ah ee xuquuqda carruurta & tahriibayaasha iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM. Qaran News
-
Somalia’s cabinet approved the board members of the Somali Petroleum Authority (SPA) on 30 July, passing a significant milestone as the Ministry of Petroleum and Mineral Resources prepares to launch its first licensing round on 4 August. Source: Hiiraan Online
-
Marxuum, Cabdullaahi Koosto Guddoomiye ku xigeenkii dhanka Maaliyadda degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cabdulaahi Cumar Koosto ayaa qarax lagu dilay. Guddoomiyaha ayaa Bam-gacmeed lagu tuuray guriga uu ka degan yahay degmada Wanlaweyn, waxaana sidoo kale weerarkaas ku dhaawacmay Aabihiis iyo xaaskiisa oo kula sugnaa guriga. Ciddii weerarka geystay la sheegay inay baxsatay, waxaana degmadaas ka socdo howlagalo baaritaan. Weli ma jiro war ka soo baxay Maamulka Wanlaweyn oo looga hadlay weerarka lagu dilay mas’uulka. PUNTLAND POST The post Wanlaweyn: Mas’uul qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ee xukuumadii Kheyre ayaa markii u horeysay ka warbixiyey arrimihii loo cuskaday xil ka qaadistiisi, xili uu ku gudo jiray imtixaanadkii shahaadigii ahaa ee dalka. Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa 26-kii July ee sanadka 2018-kii uu ra’iisal wasaare Kheyre si lama filaan ah xilka uga qaaday, sida xiligaasi lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha. Inkasta oo si cad loogu sheegin wareegtadii xilka looga qaaday sababtii ka dambeysay inuu xilkaasi waayo, ayaa waxa markii u horeysay shaaciyay Cabdiraxmaan Daahir oo u waramayey barnaamijka Gorfeynta ee telefishanka RTN Somali. Cabdiraxmaan Daahir ayaa sheegay in markii xilka laga qaadayey ay taagnaayeen xiisado horseeday in uu xilka waayo, kuwaasi oo lagu fudeydinayay culeysyadii waqtigaasi jiray, waa sida uu hadalka u dhigaye. Wuxuuna xusay in Kheyre uu xil ka qaadistiisa u adeegsaday inuu iskaga dejinayey culeys siyaasadeed, kaasi oo la fahamsan yahay inuu xiligaasi ka saarna dhanka baarlamaanka, inkasta oo uu si faah-faahsan uga hadlin. Xilka qaadista Cismaan ayaa waxa kale oo ka madhneyn dagaal uu xiligii wasiirka ahaa uu la galay Jaamacadaha dalka, isagoona sheegay inaysan wasaaradiisu si rasmi ah u aqoonsaneyn. Kheyre ayaa xiligaasi xilka uu ka qaaday Cabdiraxmaan u magacaabay Godax Barre oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, taasi oo la aaminsan yahay inuu ku kordhinayey tirada golahiisa ee ku jiray xukuumadiisa, si uu hoos uga dhaco cadaadisyada uga imanaaya. Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina sheegay in madaxda sarre ee dowladda federaalku ay si deg-deg ah ku gaaran go’aamada masiiriga ah, kuwaasi oo ku raali-gelinaya shaqsiyaad u dhow iyo fulinta dano kale oo siyaasadeed. Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xili dhawaan xilkii laga qaaday ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, kadib markii Villa Somalia usoo dhex-martay saaxiibadiisi ugu badnaa golaha shacabka, taasi oo salka ku haysa khilaafka doorashada.
-
Waxaa warar dheeraad ah caawa laga helayaa qarax ka dhacay degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo uu ku geeriyooday mas’uul ka tirsan maamulka degmada Walanweyne. Qaraxa oo ahaa Bombada canta laga tuuroo ayaa waxaa lagu weeraray hoyga Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Degmada Maxamed Cabdulaahi Cumar Koosto, isaga oo qaraxaas ku geeriyooday. Waxaa sidoo kale waxyeelo ay ka soo gaartay, Aabaha dhalay guddoomiye ku-xigeenkaiyo xaaskii uu qabay sida lagu helaayo wararka ka imaanayo degmada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Miraa traders are up in arms after another plane ferrying 11 tonnes of the produce to Puntland in Somalia was turned back for allegedly violating Covid-19 restrictions. Source: Hiiraan Online
