Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,276
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimadda Online) Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka UCID Feysal Cali Waraabe ayaa laga xayuubiyay xasaanadda sida ay maanta ku dhawaaqeeen Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland. Guddiga ayaa hogaamiyaha ku eedeeyay inuu jabiyay qodob dastuuri ah kaas oo ka hor imaanaya midnimada iyo wadajirka Somaliland, waxeyna go’aankaan ku shaaciyeen war qoraal ah oo ay soo saareen. Caasimadda Online ayaa ogaatay in guddiga ay Feysal Cali Waraabe ku eedeeyeen ixtiraam darro uu u muujiyay dastuurka Somaliland, waxeyna guddiga diiwaan-gelinta xisbiyada ogeysiiyeen iney xasaanadda ka qaadaan si dacwad loogu soo oogo. Guddiga ma carabaabin sabab kale oo ku riixday iney codsigaan gudbiyaan, balse hadalkaan wuxuu kusoo aadayaa xilli hogaamiyaha xisbiga UCID uu meel fagaare ah ku weeraray Baashe Maxamed Faarax oo ah gudoomiyaha golaha wakiilada. Feysal Cali Waraabe oo lagu yaqaano hadalada xanafta leh ayaa Baashe ku tilmaamay shaqsi aan miisaan ku laheyn Somaliland isla markaana aan qabiilkiisa ka iibin Karin siyaasadda Somaliland. Si kastaba hadalka Feysal waxaa lagu tilmaamay mid aan habooneyn oo kala qeybinaya bulshada guud ee Somaliland, waxaana loo aqoonsaday inuu galay dambi qaran. Xisbiga UCID ayaan ka hadlin eedeymaha ay hogaamiyahooda usoo jeediyeen guddiga joogtada ah ee wakiilada Somaliland.
  2. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Duhur-30062020.mp3 View the full article
  3. Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, ahna Wasiirka arrimadda dibadda dalkaas, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in kulanka dhexmaray labada mas’uul looga hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga. Dowladda Qadar ayaa kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera hir-gelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska dalka. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qadar ku jooga safar aan horay loo shaacin. PUNTLAND POST The post Dooxa: Khayre oo la kulmay mas’uul sare appeared first on Puntland Post.
  4. Bangiga Adduunka oo lacag badan ugu deeqay Soomaaliya Bangiga Adduunka ayaa markale lacag malaayiin Dollar ah ugu deeqay Soomaaliya, taas oo ah taageerada horumarinta caalamiga ah. Lacagtaan oo gaareysa illaa 40 milyan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay guddiga agaasimeyaasha hay’adaha bangiga adduunka, si loogu caawiyo dowladda federaalka. Warsaxaafadeed ka soo baxay Bangiga Aduunka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtan aqeyb ka tahay maaliyada deg-dega ah ee Soomaaliya looga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo haatan fara ba’an ku haya gobollo badan oo ka tirsan dalka. The @WorldBank today approved $40 Million emergency financing to support #Somalia’s desert locust response.@UNinSomalia @FAOSomalia @SNTVSomalia @SomaliPM @MofSomalia @SomaliaMolsa @KalsonAbdi @BahjaAShuriye @HarunMaruf @Goobjoognews @amisomsomalia https://t.co/5xRtKNhZZ1 — mpf1somalia (@mpf1somalia) June 30, 2020 Sidoo kale qoraalkan oo la soo dhigay barta Internet-ka ee Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu muujiyey in ay taageradaasi qeyb ka tahay barnaamijka jawaab-celinta deg-dega ee looga hortagayo khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo nidaamka u-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka. Todobaadkii hore ayey aheyd markii Bangiga Adduunka uu Soomaaliya u ansixiyey lacag gaareysa 55 milyan oo Dollar, taas oo lagu kaabayo miisaaniyadda dowladda ee 2020. Si kasta ha’ahaatee duullaanka uu Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% dhaqaalaha dalka. Qaran News
  5. Fayras kale oo ka dillaacay Shiinaha oo laga cabsi qabo inuu dunida ku faafo Seynisyahano u dhashay dalka Shiinaha ayaa ogaaday in waddankaas uu ka jiro xanuun horleh oo lamid ah feyraska corona, kaas oo noqon karo cudur safmar ah sida feyraska hadda dunida ay la daala dhaceyso. Xanuunkan ayaa dhowaan lagu arkay xayawaanka doofaarka, waxaana sidoo kale ay seynisyahandu sheegeen in uu ku dhici karo ban’iaadamka. Cilmi-baarayaasha ayaa ka walaacsan in xanuunka uu si sahlan ku faafi karo, dadkana ay is-qaadsiin karaan, lagana yaabo in dunida oo dhan uu ku faafo. Inkastoo hadda dhibaato taagan uusan ahayn, haddana khubarada caafimmaad ee ogaaday xanuunkan waxay shegeen in uu leeyahay calaamado badan oo muujinaya in dadka ay qaadi karaan. Waxay intaa ku dareen in loo baahan yahay in si dhaw loola socdo cudurkan. Walow uu cusub yahay haddana waxay dhaqaatiirta seyniska ka digayaan khatarta uu leeyahay, waxayna ku baaqayaan in loo baahan yahay tallaabooyin lagu xadidayo faafidda cudurkan. Waxay shegeen in shaqaalaha shirkadaha ka shaqeeya hagaajinta hilibka doofaarka looga baahan yahay in ay taxadaraan, xaaladooduna aad loola socdo. Khatarta xanuunnada safmarka Hargabka shimbiraha ayaa ka mid ah cudurada khatarta ugu badan leh ee ay khubarada caafimmaadka isha ku hayaan xilli dunida ay isku dayeyso xakameynta feyraska corona. xanuunkii safmarka ahaa ee ugu dambeeyay ee dunida soo mara wuxuu ahaa Swine flu oo adduunka ka dilaacay sannadkii 2009-kii, kaas oo ka bilawday dalka Mexico. Inkastoo xanuunkaas uusan noqonin sidii loo maleynayay, saameyntiisana ay yareyd – dadka da’da ah waxaa la ogaaday in jirkooda uu iska difaaci karay in kastoo uu la mid ahaa cuduro dunida horay usoo maray. Xanuunkaas oo loogu magaca daray A/H1N1pdm09, waxyaabaha looga hortagayo waxaa ka mid ah tallaalka sannadlaha ah, kaas oo dadka ka difaaco hargabkaas. Midka hadda laga soo shegayo dalka Shiinaha waxay isku calaamad yihiin isla kaas la arkay sannadkii 2009-kii, waxaase khubaradu ay shegeen in xoogaa uu ka yara duwan yahay. Illaa iyo hadda ma jirto khatart muuqata balse barfsoor Kin-Chow Chang iyo khubarada kale ee la shaqeysa, waxay in muddo ah darsayeen xanuunkan, waxaana ay ku baaqayaan in isha lagu hayo. Feyraas lamid ah corona oo lagu arkay dalka Shiinaha Feyraska oo seynisyahannada ay ugu magac dareen G4 EA H1N1 wuxuu si dhakhso ah ugu faafi karaa xubnaha jirka iyo neef-mareennada. Waxay heleen caddeymo muujinaya in xanuunka uu haleelay dad ka shaqeeya kawaanada iyo warshadaha lagu qalo hilibka doofaarka. Prof Kin-Chow Chang, oo ka hawlgala jaamacadda Nottingham ee dalka Briatin ayaa BBC-da u sheegay: “Hadda waxaan ku mashquulnay fayraska corona, balse yaanan indhaha ka qaadin khatarta ka imaan karta feyraskan cusub.” Wuxuu intaa raaciyay in inkastoo xanuunkan uusan ahayn khatar hadda taagan, haddana loo baahan yahay in aanan indhaha laga qaadin. Prof James Wood, madaxa wakaaladda xanaanada xoolaha ee jaamacadda Cambridge, waxaa uu sidoo kale sheegay in tani ay tahay xasuusin muujineysa in marwalba aan khatar ugu jirna cuduro. Xoolaha la dhaqdo ee dadka bani’aadamka ay aadka ugu dhaw yihiin waxay sababi karaan xanuuno safmar ah, sida uu sheegay Khabiirkas. Qaran News
  6. NAIROBI (HOL) - Somalia’s war on desert locusts which have devasted thousands of acres of land has got a boost with $40 million grant from the World Bank. Source: Hiiraan Online
  7. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay Kismaayo ayaa aqbalay codsigii madaxweynaha maamulkaasi, Axmed Madoobe ee ahaa in loo dhorhiyo muddada uu ku soo dhisayo golihiisa wasiirada. Golaha wakiilada Jubbaland ayaa ka guddoomay codsigaasi Axmed Madoobe, iyaga oo ugu daray muddo 90 cisho, si uu ugu soo magacaabo wasiirada cusub ee Jubbaland. Xildhibaanada kulanka ka qeybgalay oo gaarayey illaa 43 mudane ayaa dhammaan isku raacay in waqti loogu daro madaxweynaha Jubbaland. Dhinaca kale kulanka baarlamaanka ayaa ah mid sii socdo, waxaana looga hadlayaa arrimo xasaasi ah oo ay ka mid ah yihiin:- 1- Ilaalinta dastuurka dowlada federaalka soomaaliya. 2- kuraasta degaan doorashadooda la badalay oo ay gollaha ka horyimaadeen. 3- waxay sido kale golaha ka hadlayaan shirka amniga qaranka ee uu ku baaqay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo bisha soo socto 5 ilaa 7 ka dhici doono muqdisho iyago gabi ahaanba qaadacay shirkaasi. Jubbaland ayaa tan markii dib loo doortay Axmed Madoobe wajaheysay caqabado badan oo uga imaanayey dhinaca dowladda dhexe, inkastoo ay hadda u aqoonsatay si KMG ah.
  8. Ethiopian musician Hachalu Hundessa, well known for his political songs, has been shot dead in the capital. Source: Hiiraan Online
  9. Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa maanta ugu baaqay dhammaan hey’adaha maxaliga ah iyo caalamka in ay joojiyaan wada shaqeynta guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe. Guddiga oo war qoraal ah soo saaray ayaa xusay in laga bilaabo maanta aan guddoomiye Faysal aan loola dhaqmin sida ma’uul xasaanad leh, iyaga oo xeer ilaalinta ka dalbaday in Faysal lagu soo oogo dacwad la xiriirta hadal uu yiri. Guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada ayaa wuxuu awood u leedahay in uu sii wado shaqadii golaha, maadama labadii gole ee wakiillada iyo guurtida ay ku jiraan fasax, oo aan weli dib loogu soo laaban kulamadii goloyaasha. Guddoomiye Enjineer Faysal Cali Waraabe ayaa lagu wadaa in uu goor dhow shir ku qabto magaalada Hargeysa, kaas oo uu uga hadlaayo, xasaanad qaaditaanka maanta uu ku sameeyey guddiga golaha joogtada ah ee Somaliland. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Guddida joogta ah ee golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in golaha Wakiillada Somaliland ay Kalsoonidii iyo wadashaqayntii kala noqdeen guddoomiyaha xisbiga UCID. Gudigu Waxay ka dalbadeen xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland inuu kusoo oogo eedaymo salka ku haya Kicin dadweyne oo ay sheegeen inuu ka dhalan karo xadhig u dhexeeya 6 Bilood ilaa 5 sano oo uu wajihi karo Gudoomiyaha xisbiga UCID. Akhriso go’aanka Golaha wakiillada Somaliland ay ka soo saareen Faysal Cali Waraabe. Source
  11. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada ammaanka qof shacab ahaa ugu geystay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Dilka oo ka dhacay xaafadda Waabari ee Dhuusamnareeb ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyey askari ka tirsan ciidamada Booliska ee magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya in askariga geystay falkaasi dilka ah uu goobta isaga baxsaday, balse haatan lagu raad-joogo, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee Galmudug. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dilka uu yimid, kadib markii uu muran soo kala dhexgalay askariga iyo Allaha u naxariistee marxuumka geeriyooday. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo weli baadi-goob ugu jira askariga fakaday, si loo horkeeno cadaaladda. Ma’ahan dilkii ugu horreeyey ee qof shacab ah loogu geystay Dhuusamareeb, tan iyo markii magaaladaasi lagu daabulay ciidamo badan oo laga qaaday magaalada Muqdisho.
  12. Baarlamaanka Jubbaland waxay 90 Cisho siiyeen Madaxweyne Axmed Madoobe inuu kusoo dhiso Xukuumad Cusub. Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka ka dalbadey in wakhti dheer la siiyo, waana [...] The post MadaxweyneAxmeMadoobe oo Sanad kadib aan wali Xukuumad soo dhicin, Wakhti dheeraa la siiyay maanta appeared first on . Source
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka ayaa markale lacag malaayiin Dollar ah ugu deeqay Soomaaliya, taas oo ah taageerada horumarinta caalamiga ah. Lacagtaan oo gaareysa illaa 40 milyan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay guddiga agaasimeyaasha hay’adaha bangiga adduunka, si loogu caawiyo dowladda federaalka. Warsaxaafadeed ka soo baxay Bangiga Aduunka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtan aqeyb ka tahay maaliyada deg-dega ah ee Soomaaliya looga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo haatan fara ba’an ku haya gobollo badan oo ka tirsan dalka. Sidoo kale qoraalkan oo la soo dhigay barta Internet-ka ee Bangiga Adduunka ayaa waxaa lagu muujiyey in ay taageradaasi qeyb ka tahay barnaamijka jawaab-celinta deg-dega ee looga hortagayo khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo nidaamka u-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka. Todobaadkii hore ayey aheyd markii Bangiga Adduunka uu Soomaaliya u ansixiyey lacag gaareysa 55 milyan oo Dollar, taas oo lagu kaabayo miisaaniyadda dowladda ee 2020. Si kasta ha’ahaatee duullaanka uu Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% dhaqaalaha dalka.
  14. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka soo saartay xukun ah In Gaadiidkii Lagu Qabtay Jaadka Loo Celiyo Dadkii Lahaa. Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, wax kale oo ay amartay in Muwaadiniintii Gaadiidka iyo Qaadka lagu qabtay ee Maxkamadda Gobolku hore ugu xukuntay xadhigga 3-da sanadood ah iyo Ganaaxa ah lacageed laga khafiifiyo Xukunkaasi. Maxkamadda ayaa amartay in Qofkii ku xukunkaa 3 sano oo xadhig ah, Xadhiggiisa laga dhigo 1 sano iyo badh, sidaana waxa Warbaahinta u sheegay Ururka Qareennada Somaliland. Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex iyo Maxkamadda Gobollada kale ee dalka ayaa Bil ka hor waxay xukumeen in Boolisku la wareego gaadiid badan oo lagu qabtay Kootarabaan ah, xilligii Guddiga ka hor-tagga Covid_19 hakiyeen Qaadka Itoobiya ka yimaadda, si looga hor-tago Xanuunka Covid_19 oo xillligaa aad ugu faafayey Dunida iyo Somaliland. Markaasi ka dib, waxa Ciidammada Boolisku ay is iskood ah Ranjiga uga beddeleen Gaadiidkii ay Qaadka ku qabteen oo ahaa nooc kasta oo gaadiidka ah, sida Tagaasida, Noohooyin Booyado, Laanguruusallo iyo gaadiid kale oo tiradoodu badnayd. Source
  15. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta ayaa ka digay in kuraasta loo wareejinayo gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay keeni karto in ay lumaan kuraastaasi. “Kuraasta waxaa loogu tala galay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay u tartamaan, adiga waxaa laga yaabaa in kursiga inta aad qaado oo geyso meel aysan deganeyn bulshada iska leh kursigaas, adigana lagaa tira badan yahay,ay suurtogal tahay in lagaaga guuleysto” ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ciladdaasi ay ku soo noqon doonto dadkii kursigaas iska lahaa, taasina ay u baahan tahay in laga fakiro inta aysan dhicin. Mursal oo si gaar ah ula hadlaayey xildhibaanada ayaa ku baaqay in kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada aan loo wareejin gobol aysan degin beeshiishii laheyd kursigaasi. View the full article
  16. Addis Ababa (Caasimada Online) – Warar ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in maanta banaan-baxyo rabshada wata ay ka bilowdeen dalkaasi, kuwaas oo ka dhashay toogasho xalay loo geystay fanaan Haacaaluu Hundeessaa oo caanka ahaa wadankaasi. Fanaanka oo ka soo jeeday Qowmiyadda Oromada ayaa caan ku ahaa dibad-baxyadii Itobiya ka dhacay sanado ka hor, waxaana toogasho gaadma ah ku dilay rag hubeysan. Dibad-baxayaasha oo isugu soo baxay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa iyo hareeraheeda ayaa dab qabad-siiyey goobo muhiim ah oo ku yaalla halkaasi. Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo warbaahinta dalkaasi kala hadlay dadweynaha ayaa ka tacsiiyey geerida fanaankaasi, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay dibad-baxayaasha inay is-dajiyaan, islamarkaana ay joojiyaan mudaharaadyada socda. Sidoo kale wuxuu u sheegay dadweynaha inay ka war-sugaan hay’adaha ammaanka iyo kuwa cadaaladda oo ku howlan baaritaanka dilka qorsheysan ee loo geystay fanaanka. Dhankiisa Jawar Maxamed oo ah hogaamiye ka tirsan Oromadam islamarkaana mucaarad ku ah xukuumadda Abiy ayaa ka hadlay rabashadahaasi, wuxuuna shacabka dhigaya dibad-baxyada uu ka dalbaday inay guryahooda ku noqdaan, isna dajiyaan. Xaaladda magaalada Addis Abab iyo sidoo kale deegaanka Oromada ayaa maanta aad u kacsan, iyadoona halkaasi lagu arkayo shacab badan oo ka careysay dilka fanaankaasi.
  17. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa samaynaya isku shaandhayn heer wasiirro ah sida ay tilmaameen xogo ay heshay mareegta Somaliland Chronicle. Xogaha ayaa tilmaamay in isku shaandhaynta oo degdeg u soo bixi doonta madaxweyne Biixi birta la dhex qaadi doono Golihiisa Wasiirrada islamarkaana wasiirro door ah meesha ka saari doono. Madaxweyne Biixi ayaa shalay sameeyay isku shaandhayn xil ka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ah oo heer badhasaabadda gobollada ah halka uu sida oo kale magacaabay safiirrada Turkiga iyo Taiwan Cabdirisaaq Gees iyo Maxamed Xaaji. Source
  18. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Qaabilay Prof. Cali Khaliif Galaydh, hoggaamiyaha Khaatumo. Kulankan oo noqonaya kii koowaad ee ay yeeshaan Muuse Biixi Cabdi inta loo doortay Madaxweynaha Somaliland iyo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa lagaga wada-hadlay Arrimo kala duwan, sida ay ilo-wareedyo Xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Geeska Afrika. Hoggaamiyaha Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa 2017-kii Magaalada Caynaba heshiis kula saxeexday Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Heshiiska Galaydh uu la saxeexday Xukuumaddii hore ee Axmed-Siilaanyo oo ka koobnaa Lix Qodob ayaa wuxuu fulintooda ka sugayey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Qodobbada heshiiskaasi ku jiray ee Galaydh doonayo in Xukuumadda Madaxweyne Biixi fuliso waxa ka mid ah in ‘Dastuurka Somaliland la furo’ si i loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan.’ Waxa kale oo ka mid ah Qodobbada ku jiray Heshiiska Somaliland iyo Hoggaamiyaha Khaatumo isla-markaana fulintooda laga sugayo Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ‘in laga shaqeeyo sidii Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah uga hawl-geli lahaayeen deegaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle’. Cali Khaliif Galaydh oo tan iyo markii Madaxweyne Biixi la doortay ku sugnaa Magaalada Hargeysa ayaa fagaareyaal badan kaga hadlay sida aan loo fulin heshiiskii ay la galeen Somaliland. Qaran News
  19. Dalka Itoobiya ayaa saacadihii tagay waxaa hareeyey dibax-baxyo waaweyn, iyada oo la hakiyey isu socodka , lana jaray Internet-ka iyo korontada. Arrintan ayaa ka dambeysay kadib dil loo geystay fannaanka dhalinyarada ah ee reer OromoHachalu Hundessa kaas oo dil qorsheysay lagu sameeyey caasimadda Adis Ababa. Wararkan, oo faah-faahsan, kala soco, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Qaramada Midoobey , xafiiskeeda Soomaaliya ayaa iska fogeysay in Xaliimo Yarey iyo guddigeeda ku bogaadiyeen arrimo doorasho la xiriira. Xafiiska UNSOM oo la soo xiriirtay Goobjoog News ayaa sheegay in ay waxba kama jiraan tahay in xafiiskoodu uu Xaliimo iyo guddigeeda ay ku ammaaneen wax hannaan doorasho la xiriira iyaga oo intaa raaciyey keliya iney bogaadiyeen hadaljeedinta iyo hortagisteeda golaha, kuna taliyeen in wadahadal iyo heshiis guud laga galo doorashada. Xaliimo Yarey ayaa golaha shacabka ka hor hadashay 27-kii June iyada oo soo badhigtay laba hab doorasho, arrintaas oo la sheegay iney qaramada midoobey soo dhoweysay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim oo lo yaqaano (Xaliimo Yarey) oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga Shabelle ayaa shaacisay sababta ay weli u dagan yihiin dhismaha Villa Soomaaliya. Xaliimo Yarey ayaa wareysigan ku sheegtay in xarunta Villa Soomaaliya ay tahay meel la wada leeyahay, islamarkaana ka dhexeysa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxa ay sheegtay inay u mahadceleyso dowladdii Xasan Maxamuud oo madaxtooyada ka siisay xafiisyada ay hadda ka shaqeeyaan. “Villa Soomaaliya waa meel ay Ummadda Soomaaliyeed leedahay xafiisyo gaar ah ayaa ka daganahay hay’ado kalena waa dagan yihiin, madaxweynahana wuu dagan yahay, ra’iisul wasaarahana wuu dagan yahay, baarlamaankana dhinac ayuu ku hayaa, haddana ma’aha waxa aan degnay dowladdaan dowladdii ka horreysay ayaa uga mahadcelineynaa oo xafiisyada nasiisay.” ayey tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim. Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa sababta ay weli u dagan yihiin Villa Soomaaliya ku sheegtay daruufo amni iyo kuwa dhaqaale intaba. Waxa kale oo ay intaasi ku dartay in bisha September ee sanadkan 2020-ka qorshohoodu yahay in ay ka guuraan halkaasi, iyada oo shaacisay inay dagi doonaan xarun cusub oo haatan loo dhisayo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka. “Dowladaan tii ka horreysay waxay nasiisay dhul fiican oo inagu filan, dhulkiina muddo ayey nagu qaadatay in la dhiso, haddane dhismihiisa si fiican ayuu u socdaa waa-noo dhow-dhow yahay qorshaheynana waxaa waaye, haddii uu Ilaaheyd idmo inuu soo gaba-gaboobo bisha September-na aan ku shaqeyno.” ayey markale tiri Xaliimo Yarey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey walaac iyo shaki looga muujiyey madax banaanida guddiga doorashooyinka qaranka oo muddo ku shaqenayey Villa Soomaaliya.
  22. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey u gudbisay codsi ku aadan ka mid noqshoda xubnaha aan joogtada aheyn ee golaha 2023-ka. Muuqaal laga duubay wadahadal dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Abuukar Baalle ayuu ninka dambe balanqaaday inuu dadaal ku bixin-doona sidii kurisigaas loo heli lahaa. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo lagu hambalyeynayey Danjire Abuurkar Cismaan oo loo doortay madaxweyne ku xigeenka golaha ammaanka, ayaa lagu xusay in codsiga kamid ahaanshaha loo gudbiyey golaha. “Madaxweynaha ayaa la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. (SLT-Hargeysa)-Madaxwaynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa Qaabilay Prof Cali Khaliif Galaydh, hoggaamiyaha Khaatumo. Kulankan oo noqonaya kii koowaad ee ay yeeshaan Muuse Biixi Cabdi, inta loo doortay Madaxwaynaha Somaliland iyo Prof Cali Khaliif Galaydh,ayaa lagaga wada-hadlay Arrimo kala duwan,sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ahi u xaqiijiyeen Wargeyska Geeska Afrika. Hogaamiyaha Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa 2017-kii magaalada Caynaba heshiis kula saxeexday xukuumadii Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,oo ka koobnaa lix qodob ayaa waxa uu fulintooda ka sugayay xukuumada Madaxwayne Muuse Cabdi. Qodobada heshiiskan ku jiray ee Galaydh doonayo in xukuumada Madaxwayne Biixi fuliso waxa ka mid ah in ”Dastuurka Somaliland la furo” si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaaladda iyo sinaan. Waxa kale oo ka mid ah qodobbada ku jiray heshiiska Somaliland iyo hogaamiyaha Khaatumo isla-markaana fulintooda laga sugayo xukuumada Madaxwayne Biixi in laga shaqeeyo sidii hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah uga hawl-gali lahaayeen Deegaannada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle. Cali Khaliif Galaydh oo tan iyi markii Madaxwayne Biixi la doortay ku sugnaa Magaalada Hargaysa ayaa fagaarayaal badan kaga hadlay sidii aan loo fulin heshiiskii ay la galeen Somaliland. Source