-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nagala qeyb farxada Dabaalada 21 guuradii ka soo wareegtay curushadii Dawlada Puntland ee kowdii August 1998. Nala daawo Heestii bal arag Puntland Puntlandi Garoowe The post 1 Ogoosto Iyo heesta maanta appeared first on . Source
-
Sanad ayaa iminka laga joogaa geeridii duqii hore caasimada Muqdisho ahaana guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Eng.Yariisow waxaana marxuumka lagu xasuustaa kaalintii uu ka soo qaatay dib u soo kabashada dalka. Magaalada Muqdisho ayaa lagu qaban doonaan kulan ciyaareed lagu maamuusayo wax qabadkii iyo da’daalka Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir marxuum En.Yariisow waxaana ciyaar xiiso badan wada ciyaaridoona kooxaha kala Madbacada Qaranka iyo naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club. 17 July 2017-Marxuum Eng. Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow ayaa qeyb weyn ka ciyaaray soo celinta kooxda kubbadda cagta Madbacada Qaranka oo hoos tagta Wasaarada Warfaafinta wuxuuna xiligaa Eng.Yariisoow ahaa Wasiirkii Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Dowladda Soomaaliya. 24 Novermber 2018-Eng.Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow waxa uu dib u soo celiyay naadiga Dolwadda hoose ee Muqdisho City Club waxayna kooxda MCC labadii sano la soo dhaafay kobac sare ka samaysay tartamada kubbadda cagta gudaha iyo dibadda. Dowladda Soomaaliya ayaa August 2019 ugu magacdartay Eng.Yariisow garoonka kubbadda cagta Koonis oo ah kan ugu badan ee lagu qabto tartamo ugu waaweyn ee kubbadda cagta Dalka. Ugu danbeyntii bahda isboortiga ayaa eebe ugu baray in uu janadii Fardowso siiyay Eng.Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow maadaam uu qeyb ka ahaa laaicbiintii hore naadiga LLP Jeenyo door wanaagsan ka qaatay dib u soo celinta kooxaha Madbacad Qaranka ,Muqdiaho City Club. Halkan Ka Daawo Warbixin Kulan Ciyaareedka Lagu Xusay Marxuum Eng.Yariisow W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mohamed Mursal Sheikh Abdurahman ayaa wada Qorshe Baarlamaanka loogu kordhinayo Sanad iyo Sideed [...] The post Baarlamaanka oo qorshaynaya inay Wakhtiga dheeraystaan appeared first on . Source
-
Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowlada hoose ee maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu xilkii kaga qaaday duqii Baladweyne, isaga sidoo kale magacaabay mid cusub. Wareegtada ayaa xilikii looga qaaday Safiya Sheikh xasan Jimcaale oo xilkaasi loo magacaabay sanadkii 2019-ka, waxaana qoraalka lagu magacaabay Nadar tabaax Maalin, oo noqoneyso Haweyneydii labaad ee xilkaas qabato. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maamulka Hirshabelle ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Gudoomihii isla markaasna ahayd Duqa Degmada BaledWeyne Safiya Xasan Cali Jimcaale iyadoo Lagu eedeeyay shaqo la’aan. Shaqa [...] The post Gudoomiyihii Baledweyne oo shaqada laga eryay appeared first on . Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Mid ka mid ah golaha wasiirada xukuumadda dalka Nigeria ayaa tusaale la yaab-leh u soo qaatay dalkeena Soomaaliya, isagoo ka hadlayey xaaladda amni ee dalkaasi oo weeraro iyo qaraxyo ay ka geysato kooxda Boko Haram. Wasiirka oo lagu George Akume, islamarkaana ah wasiirka howlaha gaarka ah ee dalka Nigeria ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka digeyso in Nigeria ay noqoto sida Soomaaliya oo kale meel ay ku ciyaarto carruurta, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii aan waxba laga qaban amni darrada dalka Nageria uu la mid noqon doono Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan. “Waxa aan ka digayaa in sida Soomaaliya oo kale Meel carruurta ku ciyaarto noqoto Nigeria, haddii aan la sameyn qorshe mideysan oo wax looga qabanayo ammaan darrada, wadankaan dhaca bariga Afrika Soomaaliya waxa uu soo maray dhibaatooyin kala duwan, xaalad colaad iyo dagaal sokeeye.” ayuu yiri George Akume. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dowladda Madaxweyne Buhari ay mas’uuliyad ka saaran tahay sugida amniga iyo sidii looga tagi lahaa weerarada ay fuliso oko Haram. Nigeria ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ah Booliska AMISOM ee la shaqeeya Booliska Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee wadanka Nigeria oo kaliya ma’ahin waxaha tusaalaha aan wanaagsaneyn u soo qaatay Soomaaliya ee waxaa jira wadamo badan oo horey tusaale xun uga bixiyey dalkeena Soomaaliya, sida Algeria, Uganda, Mareykanka iyo kuwa kale.
-
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magacaabay Guddiga Farmada ee ka shaqeyn doona hanaanka doorashooyinka xubnaha uga soo aadday maamulka Galmudug. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in xubnahaan ay ku biiri doonaan kuwii horay ay usoo Magacaabeen maamulada dalka ka jira iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wareegto ka soo baxday madaxweyne Qoorqoor ayaa sidaan u qorneyd Markuu arkay; qodobka 50aad, Faqradiisa 4aad, ee Dastuurka Dowladda Galmudug, markuu tixgeliyey; qodobka 5aad ee war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah. Qodobkaas oo farayay in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, si ay uga talobixiyaan hannaanka doorashooyinka dalka. Sidaas darteed, Madaxweynuhu wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Galmudug waxayna kala yihiin:- 1- Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel) Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug. 2- Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo ah Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Somalia, Gudoomiyihii Xisbiga Wadajir, Musharax Galmudug mar isku sharaxay iyo lataliye sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxwaynaha Galmudug. Dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada kala Puntland, Jubbaland, Hir-Shabelle, ayaa horay u soo magacaabay xubnaha ku meteli doona guddiga farsamo ee kasoo talo-bixinaya hannaanka doorashooyinka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Maanta oo ah maalinta labaad ee ciidul Adxaa waxaa si weyn looga ciidayaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka,waxaana magaalooyinka dalka ka socdo munaasabado waa weyn oo loogu dabaal degayo ciidda. Magaalooyinka Jowhar, Kismaayo, Baydhabo, Garowe, Dhuusamareeb iyo Garbahaarey ayaa saaka si weyn looga dareemayaa dabaal degga maalinta labaad ee ciidul Adxa. Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa la soo buux dhaafiyay goobaha leyskugu yimaado sidda xeebta Liido, Xeebta Jasiira, Daljirka Dahsoon, Beerta Nabadda iyo beerta Daaru-Salaam waxaana dadku ay isugu marxabeynayaan maalinta labaad ee ciidda. Ciidda Carafo ama ciidul Adxa ayaa sannadkaan ku soo aadday iyadoo caalamka uu kala xirxiranyahay oo cudurka Covid-19 uu dalka ka jiro balse waxaa soo yaraanaya tirada dadka cudurka laga helayo ee dalka jooga, sida ka muuqato warbixin maalmeedka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya. View the full article
-
Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle ayaa xil-ka qaadis ku sameeyey duqa degmada Beledweyne, Marwo Safiyo Xasan Sheekh Cali, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Maxamed Cali Caadle ayaa xil-kaasi u magacaabay, Nadar Tabaax Maalin, iyada oo la faray inay si deg-deg ah xil-ka ula wareegto. Sidoo kale waxaa la faray hay’adaha amniga ee Beledweyne inay la shaqeeyaan duqa cusub ee magaaladaasi. Halkan hoose ka aqriso: View the full article
-
Duqii xilka laga qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa xilka qaadis ku sameeyay Duqii degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Safiya Sheikh Xassan Jimcaale. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo ku taariikhaysan 30-kii July 2020 ayaa xilka looga qaaday marwo Safiya waxaana xilkaasi loo magacaabay Nadar Tabaax Maalin. Wareegtada ayaa lagu xusay in isbeddelkan loo sameeyay si loo dardar geliyo hawlaha ka socda Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka hiiraan waxaana hay’adaha Amniga iyo Shacabka Beledweyne lagu amray in ay la shaqeeyaan Duqa cusub. Halkan ka akhriso wareegtada PUNTLAND POST The post Hirshabeelle: Duqii Magaalada Beledweyne oo xilka laga qaaday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka arrimaha gudaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cali Caadle ayaa waxaa xil-kii looga qaaday duqa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraa, Safiyo Xasan Sheekh Cali. Sababta xil-ka looga qaaday Safiyo ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha magaalada Beledweyne. Sidoo kale isla wareegtadan ayaa waxaa xil-kaasi loogu magacaabay, Nadar Tabaax Maalin oo la amray inay si deg-deg ah xil-ka ula wareegto. Waxaa sidoo kale la faray dhammaan hay’adaha amniga iyo shacanka inay la shaqeeyaan Nadar, si u gudato waajibaadka shaqo ee loo igmaday. Safiyo Macalin Xasan oo xafiiska joogtay muddo sanad iyo bilooyin ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee noqota Duqa degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Halkan hoose ka aqriso:
-
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magacaabay Guddiga Farmada ee ka shaqeyn doona hanaanka doorashooyinka xubnaha uga soo aadday maamulka Galmudug. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in xubnahaan ay ku biiri doonaan kuwii horay ay usoo Magacaabeen maamulada dalka ka jira iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya. Wareegto ka soo baxday madaxweyne Qoorqoor ayaa sidaan u qorneyd Markuu arkay; qodobka 50aad, Faqradiisa 4aad, ee Dastuurka Dowladda Galmudug, markuu tixgeliyey; qodobka 5aad ee war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah. Qodobkaas oo farayay in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, si ay uga talobixiyaan hannaanka doorashooyinka dalka. Sidaas darteed, Madaxweynuhu wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Galmudug waxayna kala yihiin:- 1- Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel) Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug. 2- Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo ah Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Somalia, Gudoomiyihii Xisbiga Wadajir, Musharax Galmudug mar isku sharaxay iyo lataliye sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxwaynaha Galmudug. Dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada kala Puntland, Jubbaland, Hir-Shabelle, ayaa horay u soo magacaabay xubnaha ku meteli doona guddiga farsamo ee kasoo talo-bixinaya hannaanka doorashooyinka dalka. View the full article
-
Degaannada Puntland waxaa maanta oo Sabtiya laga xusayaa sannad-guuradii 22-aad ee ka soo wareegtay as’aaskii dowladda Puntland oo ku beegan 1-dii Agoosto 1998-dii. Magaalooyin ka tirsan Puntland ayaa maanta lagu qabanayaa xuska munaasabaddaasi 1-da Agoosto waxaana dib loogu milicsan taariikhda as’aaskii Puntland iyo guulaha laga dhaxlay hirgelinteeda. Sidoo kale waxa Caawa qorshaysan in la qabto munaasabadda ugu ballaaran xuska 1-da Agoosto oo ka dhacaysa magaalada Gaalkacyo islamarkaana uu ka qayb-galayo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Waxaa kale oo jirta in baraha bulshadu ku xiriirto si weyn looga dareemayo xuska sannad-guurada 1-da Agoosto taas oo bulshadu ku muujinayso sawiro qurxoon oo lagu xardhay calanka Puntland. As’aaskii Puntland oo maanta laga joogo mudda 22-sannadood ah waxa laga dhaxlay hannaan dowladnimo oo hirgeliyay nabad buuxda iyo horumar ka hana-qaaday gobollada ku midaysan Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo maanta xusaysa sannad-guuradii 22-aad ee ka soo wareegtay as’aaskeeda appeared first on Puntland Post.
-
War ka soo baxay ururada bulshada rayidka ah ayaa waxa ay uga hor yimaadeen Ansixinta Golaha Adeegga Garsoorka ee ay magacaabeen Golaha Wasiirada Soomaaliya. Ururada bulshada rayidka ah ayaa qoraalkooda ku sheegay in Golaha Wasiirada oo si KMG ah u sii shaqeynaya aysan sameyn karin wax magacaabis ah, islamarkaana ay sharci darro tahay ansixinta golahaasi. Sidoo kale waxau ugu baaqeen xukuumadda Soomaaliya ee kalsoonida lagala noqday inay ilaaliso Dastuurka iyo shuruucda kale ee u taalla dalka. Halkan hoose ka akhariso: View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay ururada bulshada rayidka ah ayaa waxaa looga hadlay magacaabidii Golaha Adeegga Garsoorka iyo hay’adda Batrolka oo ay sameeyeen Golaha Wasiirada ee u sii shaqeynaya sida KMG ah. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay sharci darro tahay magacaabida Golahaasi, iyada xukuumadda Soomaaliya ee kalsoonida lagala noqday loogu baaqay inay ilaaliso sharuucda u taalla dalka.. Ururada bulshada rayidka ah ayaa tilmaamay in xukumaadda oo si KMG ah u shaqeyneyso aysan sameyn karin magacaabid, loona baahan yahay inay u daayaan xukuumadda cusub ee la soo dhisi doono. “Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxa ay xusuusineysaa Hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta in ay ilaaliyaan ku dhaqanka Sharciga, wixii magacaabis ahna loo daayo xukuumadda cusub ee la sugayo.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale qoraalka ayaa la sii raaciyey “Golaha Adeegga Garsoorka waxa uu lafdhabar u yahay Garsoorka Dalka, iyada oo waajidbaadyadiisa ay kamid yihiin talo-bixinta shuruucda garsoorka iyo soo jeedinta Magacaabista anshax marinta iyo Badalaadda xubnha garsoorka federaalka dalka. Haddii xubnahaan lagu magacaabo sifo aan sharci ahayn waxa aan suuragal ahayn in uu haqabtiro baahida cadaaladda ee dadka Soomaaliyeed qabaan.” Si kastaba ha’ahaatee ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa horey uga horyimid magacaabida Golaha Adeegga Garsoorka oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Somalia.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-010820.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, oo tixraacaya War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Dhuusamareeb, ayaa xalay magacaabay labada xubnood ee Galmudug ku matali doona Guddiga Farsamo ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa labadaasi xubnood u magacaabay Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel) iyo Kamaal Daahir Xasan Guutaale, sida ku cad dikreeto ka soo baxday Xafiiskiisa. Magacaabiddaas ayaa ku soo beegmatay, xilli sida qorshaysan mar kale 15-ka bishan Ogoosto loo ballansanyahay Shirka labaad ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb. Maamullada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa magacaabay xubnihii uga mid noqon lahaa Guddiga farsamo ee loo xilsaaray tala-bixinta Hannaanka Doorashada, kuwaas oo ka kooban laba-laba xubnood. Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa iyana magacowday xubnihii Guddiga ku matali lahaa oo ka kooban 4 xubnood iyo kuwa matalaya Gobolka Banaadir oo ah 2 xubnood ah, waxaana hadda sidaas ku dhammaystiran Guddiga Farsamada oo gaaraya 16 xubnood. PUNTLAND POST The post Qoor Qoor oo magacaabay xubnaha Galmudug ku matala Guddiga Farsamada appeared first on Puntland Post.
-
Xisbiga Wadajir oo uu hoggaamiyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sharci-darro ku tilmaamay in Golaha Xukuumaddii dhacday ee Ra’iisul wasaare Khayre ay ansixiyaan Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka Dalka. Xisbiga ayaa sheegay in Xukuumad haysata Kalsoonida Baarlamanka ay awood in ay ansixiso Golaha Adeegga Garsoorka balse Xukuumaddii aysan haysan sharciyad ay wax ku ansixin karto maadama ay wayday Kalsoonida Baarlamanka. War-saxaafadeedka Xisbiga Wadajir waxaa sidoo kale lagu caddeeyay in si hareermarsan Dastuurka iyo Sharciga Dalka ay Golaha Xukuumaddii dhacday u ansixiyeen Xubnaha Guddiga Adeegga Garsoorka taasin ay tahay tallaabo kale oo Dastuurka jebisay. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xisbiga Wadajir oo sharci-darro ku tilmaamay in Xukuumaddii dhacday ansixiso Golaha Adeega Garsoorka appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (AFP) - The annual Muslim pilgrimage to Mecca is a time for celebration, not least among Somalia's livestock herders and traders who export millions of livestock to feed pilgrims. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markale ka hadashay hanjaabada Beesha caalamka ee ku aadaneyd tallaabadii Baarlamaanku uu xilka uga tuuray Ra’iisal wasaare Kheyre, oo markii dambe sheegay inuu isku casilay danta shacabka Soomaaliyeed. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed, oo ka qeyb galay dood ay qabatay idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa ka hadlay hanjabaadasi, isagoona gaashanka u daruuray eedaymaha ay usoo jeedisay Beesha caalamku. Afhayeenka ayaa qoraalkii ay sida wada-jirka ah u soo saareen Saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya ku macneeyay mid aan macno buuran sameynayn, maadama uu joogo madaxweyne Farmaajo oo hore usoo magacaabay Ra’iisal wasaare Kheyre, isla markaana uu mid cusub usoo magacaabayo, taasi oo uu ku sheegay inay weli dowladdu lugo adag ay ku taagan tahay. Cabdinuur ayaa sidoo kale sheegay in Beesha caalamka laga filayay inay qeyb ka noqoto dhismaha hay’addaha dastuurig ah ee dalka, balse aan marnaba laga sugeyn inay ku mashquusho xukuumad kalsoonidii lagala laabtay, midaasi oo uu kusii xoojinayo mowqifkii xukuumada ee ku aadana hanjabaadda Beesha caalamka. “Waxaan aaminsan nahay in dadaallada ay Beesha Caalamku sameysay ay meel fiican nasoo gaadhsiiyeen, walina nala garab taagan yihiin, laakiin waxaad ogaataa, haddii ay beesha caalamku rabtay inay qof maalgashato, oo ay awooddeeda isugu geyneysay, qofkii xukuumaddii uu hoggaaminayayba way tageen, balse haddii ay rabto in hay’ado dastuuri ah oo dhisan garab taagnaato, oo ay dhismahooda kasii qeyb qaadatana waxaa jooga madaxweynihii sharciga ahaa ee Ra’iisul Wasaaraha magacaabay,” ayuu yidhi. Wuxuuna intaas kusii daray “Wali Beesha Caalamka way u furan tahay inay Soomaaliya kala qeyb qaadato dhismaha hay’adaha dowladda, oo ay ka mid tahay maxkamadda dastuuriga ah ee guddigeeda ay golaha Wasiirrada Magacaabeen. Marka waxaan Beesha Caalamka ka fileynaa inay garab istaagto dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, balse kama sugeyno inay xil ka qaadis ama xukuumad la kala eryay micno weyn noogu yeelaan”. Hadalka Afhayeenka ayaa imaanaya xili ay Beesha caalamku ay meel adag iska taagtay qorshaha Villa Somalia, oo la rumeysan yahay inay ka dambeysay xil ka tuuristii Kheyre, oo si adag uga horyimid in Farmaajo loo sameeyo muddo kororsi ay ka digeen saamileyda siyaasadu.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadashay xil ka qaadistii uu baarlamanka Soomaaliya ku sameeyey ra’iisul wasaraihii hore ee dalka xasan Cali Kheyre oo la riday sabtidii tagtay. Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo jeediyey hadal ku aadan munaasabadda ciidda ayaa sheegay in hoggaanka dowladda Soomaaliya “ay isku khilaafeen la dagaalanka diinta iyo kuwii u adeegayey,” sida uu hadalka u dhigay. Cali Dheere ayaa sheegay ceyrinta Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay muujisay wejiga dhabta ah ee hogaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay soo baxday wixii ay ka qarinayeen shacabka, oo uu sheegay inay isugu muujinayeen kuwa dantooda ka shaqeynayey. “Waa kuwaas maanta wixii ay sanado badan soo dhisayeen gacantooda ku duminaya, gaaladii dhaqaalaha iyo ciidanka ku taageereysayna ay canaanta la daba taagan yihiin, kana shallaaneyeso wixii hanti iyo taageero kaga baxay,” ayuu yiri Cali Dheere. Cali Dheere, wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre ay ku celcelin jireen, in ay yihiin madax daacad ah oo dalkooda u adeegaya, islamarkaana hormarkiisa ka shaqaynaya, balse kala-tagooda uu muujiyay in mid kasta uu watay dantiisa shakhsiyeed, sidaasna ay ku kala boodeen. Sidoo kale, Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayuu ku tusaaleeyay in ay lamid tahay buul-caaro, oo si fudud ku dumaya, isagoo xusay in ay hadda cagta saartay wadadii burburka, kadib Ridistii Ra’iisul wasaare Khayre, sida uu yiri. Cali Dheere wuxuu ka hadlay duqeyn diyaaradaha Maraykanku ay laba maalmood ka hor ka fuliyeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay saddex carruur ah oo keliya, balse aysan jirin xubno ka tirsan kooxdooda oo ku dhintay.
