-
Content Count
212,306 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Wicitaanada dhex mara Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa casbi geliya saraakiil ka tirsan Aqalka Cad, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay CNN. Warbixinta oo uu qoray saxafi rugcadaa ah oo lagu magacaabo Carl Bernstein ayaa lagu sheegay in Erdogan uu Trump wacay “ugu yaraan laba jeer toddobaad gudihiis, toosna loogu gudbiyay Madaxweynaha, taas oo uu amray Trump”. Saxafigan ayaa intaas ku daray in wadahadalka badan ee Trump uu la yeeshay Erdogan iyo Putin ay muujinayaan in Trump uu “khatar usoo jiidayo amniga qaranka Maraykanka” taasi oo saraakiil Aqalka Cad ka tirsan ay waxyeello ugu geysan karaan bad-qabka America oo dhan, iyagoo wicitaanadda tooska ah u gudbiya Madaxweynaha oo aan u diyarsaneyn. Ilo-wareed u dhow Trump ayaa laga soo xigtay “Trump laguma wargelin taariikhda colaadda Siiriya iyo Bariga Dhexe guud ahaan, markastana lagu kedin jiray iyadoo aan lasiin aqoon ku filan marka uu Trump la hadlayo Erdogan.” Waxay intaas ku dareen in go’aanka uu Madaxweyne Trump ku gaaray bishii October ee lasoo dhaafay in uu ciidankiisa kala baxayo Siiriya, Turkigana u ogolaanayo in ay duqeeyaan goobaha Kurdiyiintu ka joogaan woqooyiga wadanka “ay toos ula xiriirtay awoodda Erdogan uu u yeeshay in waxa uu doonayo uu telefoon uga dhameysto Trump”. Natiijo ahaan warbixintu waxay muujisay “cadeynta in Trump uusan madaxweyenimo ku habooneyn, dabacsanaan iyo karti xumo awgeed”. Maraykanka iyo Turkiga waa xulifo ka tirsan NATO, laakiin xiriirka u dhaxeya labada wadan, waxaa sii xumeeyay taageeradda dhinacyadda iska soo horjeeda ee Siiriya,. Sanadkii lasoo dhaafay, liiraha Turkiga ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay tan iyo 2018-kii, kadib markii uu Trump saaray cuno-qabateyn dhaqaale, isagoo ka jawaabayay howlgallada military ee Turkigu ku qaaday woqooyiga Siiriya.
-
MOSCOW (AP) — Russian voters approved changes to the constitution that will allow President Vladimir Putin to potentially hold power until 2036, but the weeklong plebiscite that concluded Wednesday was tarnished by widespread reports of pressure on voters and other irregularities. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa xalay gaaray degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud halkaas oo lagu soo dhaweeyay isaga iyo wefdi uu hogaaminayay. Madaxweyne Qoor Qoor oo soo dhowaynta kadib la hadlay dadka degaanka ayaa sheegay in Xeraale ay ka mid tahay meelaha ugu amniga fiican Soomaaliya gaar ahaana Galmdug isaga oo timaamay in aysan jirin degaan sidaas oo kale xilli habeen ah dadku isu soo bixi karaan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u diray dadka ku nool degmada Xeraale waxaana uu ku dhiirigeliyay in ay nabadda kasii shaqeeyaan oo ay iska ilaaliyaanw ax kasta oo nabadda khalkhal gelin kara. Dhinaca kale waxa uu sheegay in Socdaalka uu ku tegay halkaas uu yahay socdaalkii Nabadda Galmudug isaga oo xusay in reer Galmudug ay u soo jeesteen wax qabsi iyo in ay tusaale u noqdaan Somalia inteeda kale. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo xilli habeenimo ah gaaray degaanka Xeraale appeared first on Puntland Post.
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa idaacadda Fana u sheegay dilkii fannaankii qowmayada Oramada kasoo jeeday ee lagu dilay Addis Ababa habeenkii Isniinta uu ahaa mid si weyn lasoo qorsheeyay. Dr. Abiy Ahmed ayaa sheegay in kuwa dilay Haacaaluu Hundeessaa ay doonayeen ujeedooyin gaar ah iyo qalalaaso dalka ka dhasha, iyo in ay wax u dhimaan midnimada dadka Itoobiya. Abiy Ahmed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono kuwa dilka geystay ee doonaya inay dhibaateeyaan xasiloonida Itoobiya iyo midnimada umadda ka dhaxaysa. “Itoobiya waxay weyday nolol qaali ah, dilka fannaanku waxen aaminsanahay inay geysteen kuwo wax u dhimaya midnimada iyo nabadda Itoobiya, balse sii xoojin doona si rabitaankooda inuusan meel marin,” ayuu yiri Abiy Ahmed oo sheegay inuu socdo baaritaan buuxo oo lagu soo qabanayo kuwii falkaasi geystay. Mar uu ka hadlayay rabshadaha iyo dadka ku dhintay dibadbaxyadii ka dhashay dilka fannaanka ayuu sheegay in ”aynu soo bandhigno cabashadeena anagoo ilaalisanayna nabadgelyada isla markaana ka hortageyna dambiyada kale,” ayuu yiri Abiy. Rabshadaha ka dhashay dilka fannaanka Oromada ayaa waxaa ku dhintay 6 qof halka 80 qof dad ka badan ay ku dhaawacmeen.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, soona noqday ra’iisul wasaarihii DKMG, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee murugsan, isagoo sheegay in madaxda DFS ay hareer mareen sharcigii iyo heshiisyadii ka dhaxeeyay maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe. Gaas ayaa sheegay in maanta aysan muuqan xal laga agaro arrimaha taagan, gaar ahaan doorashooyinka, xeerarka baarlamaanka federaalka meel mariyay todobaadkii lasoo dhaafay, wuxuuna si qoto dheer ugu hadlay raja xumada laga qabo in dalka doorasho ka dhacdo. Wuxuu kaloo ka hadlay arrinta gobolka Banaadir ee baarlamaanka meel mariyay in 13 kuraas uu ku yeelanayo aqalka sare, hase ahaatee wuxuu ku tilmaamay xaq aan baadil aheyn maadaama buu yiri aan loo marin wadadii sharciga. “Waxaa lagu dhawaaqayaa oo cod dheer lagu leeyahay Banaadir waa inay heshaa matelaadeeda, waa sax laakiin waa kelmad xaq ah oo baadil loola jeedo weeye, yaa diidan inay hesho Banaadir matelaadeedii, cid diidan ma jirto, dastuurka wuxuu qorayaa in 18 gobol min seddax, gobol sedaxdiisa waayaya ma gyro, marka waxaa la rabaa in iyadoo dastuurka lagu dhaqmayo la ilaalinaayo in gobol walba wuxuu xaq u lahaa helo, sedbursina aanu laheyn naaqusna aanu laheyn,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas. Wuxuu sheegay in uu aad ugu xun yahay in dadka damiirkooda la kiciyo, lagana dhaadhiciyo in maamul gaar ah ama qabiil gooni ah ka horjeedo xaquuqda gobolka Banaadir, laakiin wax walba ay ka muhiimsan tahay in la ilaaliyo wixii heshiiska lagu yahay ee dastuurka qeexayo. Tan iyo markii baarlamaanka federaalka ansixiyay xeerarka maamulka gobolka Banaadir uu ku jiro ayaa waxaa diidmo cad ka keenay maamulada Puntland iyo Jubbaland oo siyaasad ahaan ay aad u kala fog yihiin dowladda dhexe ee dalka.
-
Nin Adeer u ahaa Fanaanka la dilay ee Rabshaduhu ka kaceen oo la dilay+Tirada dadka ku dhintay Rabshadaha Itoobiya Xaalada dalka Itoobiya ayaa ka sii dareysa, kadib qalalaasaha ka dhashay dilkii fannaanka caanka ahaa ee ka soo jeeda Oromada dalkaasi Hacalu Hundeessaa ee ka dhacay magaalada Addis ababa. Sida uu sheegay Taliyaha Booliska gobolka Oromada Ararsa Merdassa dad ka badan 81 qof ayaa ku dhintay qalalaasaha ka socda dalka Itoobiya, waxaana dadka la dilay ka mida nin adeer u ah fannaanka oo warar kala duwan kasoo baxeen dilkiisa. Ninka adeerka u ah Fannaanka la dilay ayaa la sheegay inuu ku dhintay bam lagu weerarray gurigiisa, halka dad kalena ay sheegayaan inay toogteen ciidamada amniga, markii ay isaga hor yimaadeen in meydka fannaanka laga qaado Guriga Qoyska, iyadoo markii dambe la geeyay xarunta ciidamada ee duleedka magaalada Ambo. Dadka ku dhintay rabshadaha ka socda Itoobiya ayaa u badan dad shacab ah oo tiradoodu gaareyso 73, iyadoo sidoo kale lagu dilay 3 ka mida ciidamada Booliska Oromada, waxaana 7 ka mida dadka dhintay lagu dilay magaalada Addis ababa. Aaska fannaanka Hacaluu ayaa lagu waday in kumanaan dad ah ka qeyb galaan, waxayna dhalinyaradda Oromada doonayeen in lagu aaso halkii lagu dilay ee magaalada Addis ababa. Ciidamada amniga ayaa lagu eedeeyay inay rasaas ku fureen dad careysan oo bannaanbax ka waday Gobolka Oromada, iyadoo lasoo sheegay rabshado lagu burburiyey xarumaha dowladda. Qaran News
-
Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga soo horjeesatay xiriirka ay maalintii Arbacada shaaciyeen in ay sameysteen Somaliland iyo Taiwan oo an weli labadaba Caalamku Aqoonsan. War qoraal ah oo lagu daabacay barta Twiter-ka Safaaradda Dowladda Shiinaha ee ay Soomaaliya ku leedahay ayaa lagu sheegay in Dowladda Shiinuhu aysan aqbalayn in dhulkeed la kala jaro. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo dhawaan booqday Taiwan ayaa dhigiisa Taiwan heshiis la saxiixday,Waxayna labada dhibac is dhaafsadeen diblumaasiyiin. Taiwan ayaa aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliland oo sheegtay in lagu tagi karo dalkaas aan wali aqoonsiga helin Somaliland ayaa wakiil cusub magacowday Taiwan si uu uu sii xoojiyo xiriirkaan cusub oo ay ku dhaaqeen Maxamed Cumar Xaaji ayaana loo magacaabay xilkaas. PUNTLAND POST The post Dowladda Shiinaha oo si adag uga hortimid Xiriirka Somaliland iyo Taiwan appeared first on Puntland Post.
-
Maxay tahay sababta loo xidhay Jawaar Maxamed? Hachalu’s songs focused on the rights of the Oromo ethnic group Jawar Mohammed, oo ah siyaasi caan ah oo ka tirsan qowmiyadda Oromada, ayaa la xiray xilli ay dhaceen rabshado daba socday dilka fannaan caan ah oo lagu magacaabi jiray Hachalu Hundessa. Ugu yaraan 50 ruux ayaa lagu dilay dalka Itoobiya kaddib markii ay dhaceen dibadbaxyo looga careysan yahay dhimashada fannaan caan ahaa oo kasoo jeeda gobolka Oromia, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal maxalli ah. Kumannaan qof oo taageerayaal ah ayaa isu tagay si ay ugu baroor diiqaan Hachalu Hundessa, oo la dilay habeenkii Isniinta, xilli uu gaarigiisa watay. Booliska ayaa sheegay in la xiray 35 ruux, oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah ee lagu magacaabo Jawar Mohammed. Sababta loo dilay Hachalu wali ma cadda. Hase yeeshee, booliska ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen labo qof oo lagu tuhunsan yahay inay fuliyeen dilkiisa. Hachalu, oo 34 jir ahaa, wuxuu dhawaan sheegay inay soo gaareen hanjabaado loogu gooddinayay in la dili doono. Waxaa meydka fannaankan la aasi doonaa maalinta Khamiista ah. Heesihiisa wuxuu diiradda ku saari jiray xuquuqda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, waxayna halkudhig u noqdeen mudaharaadyadii socday 2018-kii ee horseeday inay burburto dowladdii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore. Dad badan ayaa ku dhaawacmay dibadbaxyadii dhacay Talaadadii, “waxaana burbur xooggan loo geystay hanti badan,” sida uu BBC-da u sheegay Getachew Balcha, oo ah afhayeenka dowlad goboleedka Oromada. Dowladda ayaa Talaadadii joojisay adeeggii internet-ka ee qeybo ka mid ah waddanka, xilli ay mudaharaadyada looga soo horjeedo dilka fannaanka ku fidiyeen gobolka Oromia. Maanta oo Arbaco ah xitaa waxaa lasoo tabiyay inay wali xasilooni darro ka jirto halkaas. Maxaa loo xiray Jawar? Jawar Mohammed waa hoggaamiye sare oo ka tirsan Oromada, wuxuuna mucaarad ku yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Dhibaatadu waxay billaabatay markii meydka Hachalu oo loo qaaday magaalada uu kasoo jeeda ee Ambo, oo dhinaca galbeed ka xigta caasimadda Addis Ababa, si loogu aaso, laakiin Mr Jawar iyo taageerayaashiisa ayaa dhexda u galay iyagoo isku dayay inay dib ugu celiyaan caasimadda. Taliyaha booliska federaalka, Endeshaw Tassew, ayaa Talaadadii sheegay inuu dhacay ismari waa. “Waxaa iska hor yimid ciidanka amniga federaalka iyo dad kale, arrintaasna waxay sababtay in la dilo hal askari oo ka tirsan booliska gaarka ah ee Oromia,” ayuu yiri Mr Endeshaw. “35 ruux, oo uu ku jiro Jawar Mohammed, ayaa xabsiga la dhigay. Ciidamada ammaanka waxay gacanta ku dhigeen siddeed qori iyo shan bastooladood oo saarnaa gaariga Jawaar Maxamed,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Dad badan ayaa isugu soo baxay magaalada Addis Ababa, si ay ugu baroor diiqaan fannaanka la dilay Tiruneh Gemta, oo ah sarkaal ka tirsan xisbiga Mr Jawar, ayaa BBC-da u sheegay in ay “aad uga walaacsan yihiin” xarigga hoggaamiyahooda, walina aysan u tagin “mas’uuliyiinta xiray, maadaama ay jirto xasilooni darro ilaa hadda taagan”. Mr Jawar, oo ah nin aad uga hadla warbaahinta, ayaa mar walba dalbada in xuquuq dheeraad ah la siiyo Oromada, oo ah qabiilka ugu tirada badan dalka Itoobiya, lagana qadin jiray xilalka siyaasadeed ee dowladihii hore. Markii hore wuxuu taageero u muujiyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, oo qudhiisa kasoo jeeda Oromada, laakiin waayadii dmabe wuxuu billaabay inuu dhaliilo. Maxaa dhacay intii ay socdeen mudaharaadyada? Magaalada Adama, oo 90km (56 mayl) dhinaca koonfur-bari ka jirta caasimadda Addis Aababa, ayaa Talaaladii toogasho lagu dilay xilligii ay socdeen mudaharaadyada, 75 qof oo kalena waa la dhaawacay, sida uu BBC-da u sheegay Dr Mekonnin Feyisa oo ka mid ah saraakiisha Isbitaal ku yaalla halkaas. Magaalada dhinaca bari ku taalla ee Chiro, waxaa toogasho lagu dilay 2 ruux intii ay mudaharaadyada socdeen, sida uu BBC-da u sheegay dhakhtar ka howl gala isbitaal ku yaalla magaalada. Harar oo iyadana ku taalla isla bariga Itoobiya ayey dad mudaharaadeyaal ah ku burburiyeen taallo uu leeyahay Ras Makonnen Wolde Mikael – oo ah aabihii dhalay Haile Selassie, oo ahaa boqorkii ugu dambeeyay ee Itoobiya. Following the murder of a famous Oromo singer in Addis Abeba by unknown forces, Oromo protesters removed and burned the statue of Ras Mekonnen, the father of HIM Haile Selassie, in Harrar. pic.twitter.com/XuIBvS2hOq — Gigi baya (@etagngehu) June 30, 2020 Taalladu waxay muujineysay Ras Makonnen, oo xubin muhiim ah ka ahaa milatarigii hore, barasaabna kasoo noqday gobolka Harar qarnigii 19-aad, xilligii ay jirtay boqortooyadii Menelik II, waxaana astaan laga dhigay isagoo faras saaran. Wareysi uu Hachalu dhawaan siiyay telefishin uu leeyahay Mr Jawar ayuu ku sheegay in dadku ay mar walba xasuusnaadaan in fardaha ay ku fadhiyaan hoggaamiyeyaashii hore ay yihiin kuwo ay shacabka lahaayeen. Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ka tacsiyeeyay geerida fannaanka, isagoo bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in “maanta la waayay naf qaali ah”, wuxuuna ammaan u jeediyay fannaanka dhintay. 2016 iyo 2017 waxaa dhacay mudaharaadyo looga soo horjeeday xukuumaddii hore Dilka fannaanka iyo mudaharaadyada socday ayaa kusoo aaday xilli ay Itoobiya ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ku saabsan doorashada waqtigeeda laga dib mariyay. Waxaa markii hore la filayay in ay doorashadaas dhacdo bisha August, laakiin waxaa dib loogu dhigay waqti aan wali la cayimin. Waxay noqon lahayd doorashadii ugu horreysay ee lagu tijaabinayo taageerada uu heysto Abiy Axmed, tan iyo markii uu xukunka qabtay sanadkii 2018-kii. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa madaxtooyada kulan gaar ah kula qaatay Hogaamiyaha maamulkii Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh. Kulanka Biixi iyo Galaydh ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee noociisa ah, kaasi oo diirada lagu saarayey qaabkii ay xukuumadu u fulin laheyd heshiiskii 2017-kii lagu kala saxiixday magaalada Caynaba. Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa muddo ku siman 3-sanno ka hor heshiis la galay hogaamiyaha Khaatumo State, Prof. Cali Khaliif Galaydh, kaasi oo weli si rasmi ah u fulin. Heshiiskaasi oo fulintiisa ay laheyd xukuumada Muuse Biixi, maadama ay meesha ka baxday xukuumadii Siilaanyo ayaa noqday mid laga gaabiyey, isla markaana uu madaxweyne Biixi dhagaha ka fureystay baaqyo dhowr ah oo loo jeediyay. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Biixi iyo Galaydh ayaa si qoto dheer uga wada-hadlay qaabkii loo fulin lahaa heshiiskaasi oo ka koobna 6-qodob. Cali Khaliif Galaydh ayaa madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday inuu sida ugu haboon u fuliyo qodobadaasi, isla markaana uu ku dhiirado furista dastuurka Somaliland oo uu ka tirsanayo cadaalad darro baahsan. Galaydh ayaa ku doodaya in xiligan ay munaasib ku tahay in dib loo furo dastuurka, iyada oo meesha laga saarayo sinaan la’aanta ka jirta Somaliland, isagoona dhowr jeer oo horena fagaarayaal badan kaga hadlay arrinkaasi.
-
Mareykanka oo iibsaday dhammaan Daawada cudurka corona ee adduunka taallay+Sababta+Qiimaha Halkii Xabbo Remdesivir waa dawo la xaqiijiyay inay waxtar weyn u leedahay bukaannada uu sida sahlan ugu dhaco coronavirus Mareykanka ayaa iibsaday inta badan dawooyinka cudurka corona ee dunida yaalla, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta ugu waaweyn caalamka, oo uu ka mid yahay wargeyska “The Guardian”. Warkan oo ay sidoo kale qoreen New York Post, Al Jazeera iyo Sky News ayaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay qaadatay guud ahaan dawooyinkii Remdesivir ee laga heli karay dunida saddexda bilood ee soo socota. Dawada remdesivir waxay ka mid tahay labo dawo oo ilaa hadda la xaqiijiyay inay la dagaallami karaan cudurka dilaaga ah ee Covid-19. Waaxda Adeegga Caafimaadka ee Mareykanka, oo magaceeda loo soo gaabiyo (HHS) ayaa Isniintii shaacisay inay gacanta kusoo dhigtay in ka badan 500,000 oo dawada remdesivir ah, taasoo ay kala wareegtay shirkadda dawooyinka sameysa ee lagu magacaabo Gilead. 140,000 oo xabo oo ka mid ah dawadaas ayaa horay loo soo saaray waana la wada iibiyay. Dawadan oo ah midda koowaad ee la isku waafaqay inay daweyneyo coronavirus ayaa waxaa soo saarta shirkadda Gilead oo kaliya. Waxay intaas ku dartay in dawadan la wada geynayo isbitaallada Mareykanka ilaa bisha September. Tirada dadka Mareykanka ugu dhintay coronavirus ayaa la sheegay inay ka badan yihiin inta lasoo tabiyo Xaddiga dawada uu Mareykanka qaatay ayaa ah 100% tiradii ay shirkadda Gilead caalamka ugu talagashay bisha July iyo min 90% loogu talagalay dunida bisha August iyo September. Madaxweyne Trump wuxuu heshiis cajiib ah ku suurtagaliyay in qof walba oo Mareykan ah uu helo dawada la xaqiijiyay ee ka caawin karta cudurka Covid-19,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray xog hayaha waaxda Caafimaadka Mareykanka, Alex Azar. “Waxaan dooneynaa in bukaan kasta oo Mareykan ah uu sida ugu sahlan u helo dawada remdesivir,” ayuu ku yiri qoraalka. Tallaabada uu Mareykanka ku iibsaday dawadaas ayaa ka dhigan in UK, Europe iyo inta badan caalamka aysan heli karin dawadaas, sida uu qoray wargeyska “The Guardia”. Dawada Remdesivir ayaa horay loogu daweyn waayay fayraska Ebola Khubarada caafimaadka iyo dadka u ol’oleynaya helitaanka dawada fayraska Corona ayaa walaac ka muujiyay go’aanka ay dowladda Mareykanka dawadaas kaligeed ugu qaadatay. Waxay sheegeen in arrintan ay cawaaqib xumo aad weyn dhalin karto haddii lagu guul darreysto in si deg deg ah loo soo saaro tallaalka Covid-19. Maamulka Trump ayaa horay u sheegay inuu diyaar u yahay sidii uu dalalka kale oo dhan uga hormari lahaa helitaanka dawada cudurkan, oo ay baahida ugu badan u qabaan Mareykanka. Remdesivir waxay dadka heysta ceymiska caafimaadka ee aan dowliga ahayn ku iibsan karaan lacag dhan $3,120 oo doolar, sida ay Isniintii sheegtay shirkadda sameysa dawadaas. Waxay mas’uuliyiinteeda intaas ku dareen in Isbitaallada ay halkii xabo eedawadaas ah ku helayaan %500 oo doolar, marka ay u isticmaalayaan bukaannada ku jira ceymiska gaarka loo leeyahay. Qaran News
-
Ciidamada Milateriga Itoobiya ayaa loo daadgureeyay caasimadda dalkaas si ay u xakameeyaan dibadbaxyada ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhashay dilka heesaagii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa. Ugu yaraan 81 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen qulqulatooyinkaas rabashadaha wata ee ka dhacay gobolka uu ninkaas ka soo jeeday ee Oromiya. Kumannaan qof oo taageerayaashiisa ah ayaa isugu soo baxay sidii ay ugu baroordiiqi lahaayeen Hachalu Hundessa kaas oo isagoo gaarigiisa wata la dilay habeenkii Isniinta. Booliska ayaa sheegay in 35 qof oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah Jawar Maxamed xabsiga loo taxaabay. Ilaa iyo haatan ma ay cadda sababta keentay in ninkaasi loo dilo balse Booliska ayaa sheegay in ay dilka ninkaasu u xireen laba qof. PUNTLAND POST The post Dad ku dhintay Rabshadaha ka socda Waddanka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Boorama (Caasimada Online) – Somaliland ayaa xukun adag ku riday Nin bilowgii sanadkan gabar ku kufsaday degmada Garbo-dadar ee gobolka Awdal, isla markaana dilay gabartii uu kufsiga u geystay. Maxkamadda gobolka Awdal ayaa shalay xukun dil toogasho ah ku riday Ninkaasi geystay falka argagaxa ku riday bulsho badan oo ku nool gobolka Awdal. Ninka ay maanta maxkamaddu ku riday xukunka oo lagu magacaaba Cabdi Siciid Muuse ayuu guddoomiyaha maxkamaddu sheegay inuu falkaasi foosha xun uu kusoo cadaaday, isla markaana ay sidaasi ugu xukumeen dilka. Cabdiraxmaan Geedi Barre, Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Awdal oo maanta warbaahinta ka hor aqriyay xukunka Ninkaasi ayaa sheegay inay dacwadaasi ay soo martay marxalado kala duwan oo horseeday xukunka maanta. Ehelada marxuumada falkaasi loo geystay ayaa iyaguna sheegay inay ku qanacsan yihiin xukunka maanta, iyagoona garsoorka gobolka ku amaanay hanaanka cadaaliga ah ee ay u mareen dacwadooda. Cabdi Siciid ayaa marxuumada falkaasi ugu geystay 16-kii Bishii Febraayo ee sanadkaan 2020, iyada oo xiligaasi wixii ka dambeeyay ay wajiyo kala duwan mareysay dacwadiisa, iyada oo ugu dambeyntiina maanta lagu riday xukunkaasi.
-
Somalia on Wednesday marked its 60th independence anniversary as its president called on the people to seize the moment to realize the dreams and aspirations of its founding fathers. Source: Hiiraan Online
-
by Thomson Reuters By Ben Blanchard TAIPEI (Reuters) – Taiwan and Somalia’s breakaway region of Somaliland will establish representative offices in each other’s capitals, Foreign Minister Joseph Wu said on Wednesday, a step guaranteed to anger Beijing. Taiwan has formal diplomatic ties with just 15 countries because of pressure from China, which considers the island to be its territory with no right to state-to-state ties. In Africa, only tiny eSwatini maintains full ties with Taiwan. Taiwan signed the agreement with Somaliland, located on the Horn of Africa, in February, but had not made it public. On Wednesday, Somaliland President Musa Bihi Abdi tweeted: “The bilateral relationship of Somaliland and Taiwan is built upon shared values & mutual respect,” adding that Somaliland would soon open an office in Taiwan. Wu said Taiwan’s contacts with Somaliland, which declared independence in 1991 but is recognised internationally only as an autonomous region of Somalia, dated back to 2009. He told reporters in Taipei that eight other nations or international bodies had representative offices in Somaliland, including Ethiopia. “I think what we are doing is not much different from other countries,” Wu said. “In essence, Somaliland is an independent country.” China’s influence is not far away, though, as it maintains its first ever overseas military base in neighbouring Djibouti. International military forces, including those from China, patrol the waters around Somalia on anti-piracy missions. China and Taiwan have traded accusations for years of using loans and aid to gain international recognition. “We will not stop doing what we should be doing because of Chinese pressure,” Wu said. He did not offer details of any aid Taiwan may provide to Somaliland, but said it was rich in energy resources and fishing grounds. China is a major economic player in Africa, lending billions of dollars and drawing complaints from the United States in particular of waging debt diplomacy. Beijing denies the accusations. (Reporting by Ben Blanchard; additional reporting by Yimou Lee and Katharine Houreld in Nairobi; Editing by Andrew Heavens and Kevin Liffey Qaran News
-
SOMALIDU MA IN AY SHAN DAL OO BARIGA AFRICA AH YEELATAA WANAAGSAN MISE IN AY DAL KALIYA ISKU NOQOTO ? ( waxa aan u arkaa in la gaadhay xiligii soomaalidu hogaaminaysay Bariga Africa in la gaadhay , wadada ay ku imanaysaana maaha tan midnimada ah ee lagu daalay , suurtagalnimadeeduna ay fog tahay ! )… akhriso Waxa aan qabaa in weydiintan ay doodi ka dhalanayso aan jecelahay in marka aan aragtida aan qabo shaqsiyan dhiibto cidii iga duwani naqdiyi karto oo waxa ay ku burinayso iyo sida ka duwan ee ka wanaagsan ee macquulka ah ee suuragali karta ay inala wadaagto . Somalidu waa dad ku dhaqan Gobolka Bariga Africa halkaasi oo ilaa intii ay aduunka ku unkanaayeen ay deganaayeen , waligeed inta taariikhda la og yahay ma jirin dawladnimo isir soomaaliyeed ku dhisan oo ay wada yeesheen dadka soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Bariga Africa , walow ay jireen boqortooyooyin hore oo soomaali ka isirnaa oo ay taariikhdu xustay sida boqortooyadii Adal ee Zeilac ilaa Herer ka talin jirtay , sidaasi oo kale waxa jirtay xaga koonfurta boqortooyadii Ajuuraanka , sida ay taariikhdu xusto labaduba waxa ay dagaalo kuwada jireen Ethiopia iyo qawmiyadaheega oo ahaa iyaguna dawlad guun ah. Xiliyada gumeystuhu yimid dhulka soomaaliyeed guud ahaan ma jirin maamul dawladnimo oo jiray , ha yeeshee dadka soomaaliyeed waxa ay u noolaayeen nidaam dhaqan oo qabail ku dhisan oo xeerarkiisa iyo waxii lagu kala baxayey iyo sida loo garramayo leh , walow ay somalidu isir ahaan ay yihiin dad xasaradeed oo aan iyaguna isku roonayn cid kalena aan u rooneyn oo dagaal u joog ahaa ilaa waligood xaga dhaqankii baadiyaha kaasi oo sababi jiray in la isku dillo xoolo la kala dhaco , ceelasha waraabka iwm oo dhiig badani ku daadan jiray. Dabayaaqadii qarnigii 18naad ayuu yimid gumeystuhu dhulka soomaalida guud ahaan oo uu ka dhigay 5 qaybood ama 5 dal , oo midba gaar u haysto dal reer yurub ahi , tusaale ahaan Somaliland waxa ay mahmiyad uu danihiisa gacanka cadmeed ka ilaashado ka dhigtay gumeystihii ingiriiska, Djibouti waxa qabsaday gumeystihii faransiiska , Somalia waxa qabsaday gumeystihii Talyaaniga , Gobolka waqooyi Barri ee Kenya ama NFD waxa qabsaday ingiriis oo Kenya haystay , dhulka Somalida Ethiopia oo laba qaybood ah qayb ingiriiska ayaa ku maamulayey oo 1954kii ku wareejiyey Ethiopia waana qaybta Somaliland laga qaaday ee loo yaqaanay ( Hawd and Reserve Area ) halka qaybta kale uu talyaani mar haystay marna ay boqortooyadii Ethiopia ka talin jirtay maamul ahaan u hoos iman jirtay inkasta oo aanay Ethiopia awood muuqata ku lahayn. Mararka qaar ayaa la yidhaahdaa fikirka midnimo soomaaliyeed waxa lahaa ingiriis , sababtuna waxa ay tahay waxa jirtay xili uu ingiriisku shanta soomaaliyeed marka laga reebo Djibouti uu gacanta ku dhigay oo uu rabey in Djibouti na lagu wareejiyo si uu dawlad ugu dhiso , waxa ay ahayd aragtidii Bervin wasiirka ingiriisku u bandhigay aduunka kale , inkasta oo laga diiday oo dawlado badani ka soo horjeesteen. Haddana mar labaad ayey xiliyadii gobanimo doonka dhalatay qadiyada ah in soomaali weyn la raadiyo , sida ay qoreyso buugta taariikhdu dadkii u soo joogayna ay wariyaan waxyaabaha dabka usii shiday in la raadiyo shan soomaaliyeed waxa kow ka ahaa markii boqortooyadii ingiriisku dhulka Hawd and Reserve Area la yidhaahdo ee Somaliland ay ku wareejisay dawlada Ethiopia taasi oo sababtay cadho iyo kacdoon aan istaagin oo ah kii dhaliyey gobanimadii ay Somaliland heshay 26 June 1960 kii in aanay macno badan u sameyneyn ilaa ay aragto shantii soomaaliyeed oo xor ah oo calan qudha wada leh , waana sababta ay ku timid midnimadii Somaliland iyo Somalia ee 1 July 1960 kii oo soddon sano oo kaliya jirtay. Xiligaasi gobanimada oo maanta laga joogo 60 sanadood ayaa wali la isweydiinayaa somalidu ma midnimo ayaa u wanaagsan mise in dawlado kala ahaato , iyada oo ay 29 sanadood kala maqan yihiin labadii kali ahaa ee isku biiray shantii soomaaliyeed oo ahaa Somaliland iyo Somalia , waxa su’aali ka taagan tahay haddaba wali soomaalidu midnimo ayuun bay kaga dhagsan tahay aan suurtagalnimadeedii lahayne ma ka fikirtay soomaalida oo shan dal oo Gobolka Bariga Africa ah yeelata ? ARAGTIDAYDA FAAIIDADA AY LEEDAHAY IN AANAY SOOMAALIDU MIDNIMO XILIGANI ISKU HAWLIN ; waxa aan qabaa aragti ah in soomaalida ay uga faaiido badan tahay in ay hal dal isku noqdaan in ay shan dawladood yeeshaan oo ay suuragalba tahay in la arko shantaba soomaali hogaaminaysa oo laga yaabo in isbadelada Gobolka iyo kuwa Geeska Africa ba in ay soo dedejiyaan aragtida aan aaminsanahay ee ah in soomaalidu ay yeelato shan dal oo ay hogaamiso oo Bariga Africa ku yaalla. Waxa aan u cuskanayaa aragtida aan qabo in xiligani ay jiraan Somaliland iyo Somalia oo iyagu wali aan midnimo iyo kala bax midna ku heshiin xaga sharciga laakiin duruuf ahaan iyo xaqiiqo ahaanba kala ah laba dal oo kala gaar ah oo aan isku dhaweyn , aaney soo muuqana in ay isku soo dhawaadaan , Djibouti oo isna ah dal ay Somalidu hormood ka tahay oo ay hogaamiso walow ay qoomiyado kale ku nool yihiin , Ethiopia iyo Kenya oo ay suuragal tahay in 20 sanadood ee soo socda la arko labadoodaba iyaga oo soomaali hogaaminayso oo ay madax ka yihiin. FAAIIDADA KU JIRTA IN DADKA SOOMAALIYEED KU FEKERAAN OO U HALGAMAAN IN AY SHAN DAL OO GOBOLKA BARIGA AFRICA AH HOGAAMIYAAN ! Waxa la isweydiin karaa waa maxay faaiidada ku jirtaa in dadka soomaaliyeed yeeshaan shan dal ? Waa Su’aal wanaagsan inkasta oo aad looga fekero wada noolaansho iyo isdhexgal gobol iyo mid heer caalami ah , haddana sida loogu nool yahay ama xaqiiqadu tahay Gobolka Bariga Africa iyo Geeskaba waxa jira tartano siyaasadeed, nololeed , dhaqameed oo ku dhisan isir iyo qoomiyado oo ka jira Gobolka Bariga Africa , kama fursanayso in soomaalidu kaalinteeda ka ciyaarto. Sidaasi oo jirta ayaa waxa aynu ka qiyaas qaadanaynaa midkee haddaba suuragal ah in shantii soomaaliyeed hal dal isku noqoto iyo in Somaliland na la aqoonsado labada dal ee Ethiopia iyo Kenya na lala halgamo soomaalida ku nooli sidii ay kaalintooda hogaamineed ee wadamada ay ka tirsan yihiin u qaadan lahaayeen, waxaana la gaadhayba xuligii ay soomaalidu ka talin lahayd Bariga Africa sida aan qabo aragti ahaan maadaama in badan kaalintoodaasi laga riixanayey . Faaiidooyinka ay leedahay hadii Soomaalida oo shan dal oo Geeska Africa ah hogaamisaa la helo waxa ka mid ah , maadaama oo danaha dawladaha ay ku hoos jirto danaha dadka ku nool dalalku in dano qoomiyadeed iyo is riix-riix jirayaa waa lagama maarmaan markaa waxa la heli karaa ; 3 Dal oo soomaaliyeed oo wada galla ururka jaamacada Carabta 5 dal oo soomaaliyi hogaaminayso oo kawada mid noqda urur goboleedka bariga Africa ee IGAD. 5 dal oo ay soomaali hogaaminayso oo kawada mid noqda ururka midowga Africa ee AU . 5 dal oo ay soomaali hogaaminayso oo xubo ka noqda ururka caalamiga ah ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee UN , waxaa ay xataa markasta heli karaan in mid uga mid ahaato xubnaha joogtada ah . GEBO-GEBO Arimaha Somaliland iyo Somalia 29 sanadood waxa ay u xanibnaayeen sidii Soomaaliya dawlad looga dhisi lahaa , Somaliland na ay u garba – duubnayd oo caalamku la sugayey . Sideedii sanadood ee u dambeeyey waxa la bilaabay wadahadalo lagu kala aragti fog yahay oo dhawaana la iskula qaatay dalka Djibouti in la joogteeyo , haseyeeshee u muuqda qaar aan midho dhali doonin marka aad eegto halka la kala taagan yahay iyo sida loo kala fog yahay. Xalka waxa aan u arkaa bal in xaga kale laga eego oo marka midnimada loo qiil sameynayo waatan lagu sidkayo in danaha dadka soomaaliyeed ay ku jirto e , doorkan la yidhaahdo waar bal danaha dadka soomaaliyeed ee bariga Africa waxa ay ku jirtaa soomaalida Gobolka oo shan dawladood hogaamisa , taasi oo lagu sii bilaabi karo in Jamhuuriyada Somaliland aqoonsi caalamiya la siiyo si sadex dal oo soomaaliyeed oo walaalo ah oo madax banaan loo hello , labada dal ee kale ee Gobolkana soomaalida ku nool loogu dhiirigaliyo sidii ay hogaanka wadamadooda u noqon lahaayeen. Maxamed C Jamac Dhimbiil +252634429221 Image . Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa si carro leh uga jawaabtay xiriirka ay sameysteen Somaliland iyo Taiwan, oo ah gobol ka tirsan Shiinaha balse sheegta inay yihiin dal gaar ah oo ka madax-banaan. Wasiirka arrimaha dibedda Taiwan Joseph Wu ayaa maanta sheegay in Taiwan iyo Somaliland, oo iyana sheegata inay ka go’day Soomaaliya, ay ku heshiiyeen inay wakiilo usoo kala dirsadaan labada caasimadood. Safaaradda Shiinaha ayaa qoraal ay soo dhigtay twitter, waxay ay ayada oo magacaabin Somaliland uga hortimid xiriirka ay la sameysatay Taiwan, waxayna wacad ku martay inaysan u dulqaadan doonin cidka kasta oo la macaamisha Taiwan. “Dunida waxaa ka jirta oo kaliya hal China. Taiwan waxay qeyb ka tahay China, islamarkaana Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ayaa ah dowladda kaliya ee sharci ahaan matasha Shiinaha oo dhan,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda. “Marnaba ma ogolaan doono, in urur, dhinac ama xisbi siyaasadeed uu qeyb ka mid ah dhulka Shiinaha gooyo, waqti kasta iyo hab kasta. Taiwan waxay ay ayada oo aanay cidna ka horiman karin ka tirsan Shiinaha.” Qoraalka safaaradda Shiinaha oo lasoo saaray saacado kadib markii ay xiriirka ku dhowaaqeen Somaliland iyo Taiwan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shiinaha uu kasoo horjeedo cid kasta oo taageereysa gooni u-goosadnimada Taiwan. “Dalalka dunida oo dhan waxay aqoonsan yihiin hal China, taasna waa wax sii kordhaya. Waxaan aad uga soo horjeednaa laba China, hal Taiwan, madax-banaani Taiwan iyo xooggaga gooni u goosadka ah ee u ololeynaya madax-banaanida Taiwan iyo dhaq-dhaqaaqyada gooni u goosad,” ayaa lagu yiri qoraalka. Taiwan waxay xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la leedahay kaliya 15 dal oo ka mid ah kuwa caalamka, sababtoo ah cadaadiska xooggan ee Shiinaha ayaa dalal badan ku diideen inay xiriir la sameystaan. Tallaabada uu qaaday maamulka Somaliland ayaa horseedi doonta dagaal siyaasadeed oo kaga yimaada Beijing.
-
Dhageyso:-Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle Hoos riix si aad u Dhageysato:- https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Bar___Qubanaha-Shabelle-010720.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan dheer kadib hey’adaha ammaanka gobolka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay raggii dilay Cabdulqaadir Cabdullaahi Goosaar, iyaga iyo Mootadii ay ka dhaceenba. Allaha u naxariitee Cabdulqaadir ayaa lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir 21-kii bishii dhamaantay ee June, xilliga la dilay oo aheyd habeen waxaa la sheegay in raga dilay ay ahaayeen burcad dooneysay inay ka dhacaan mooto FEKON uu watay iyo agabyo kale. Ragga loo soo qabtay falkaas ayaa haatan ku xiran saldhigga degmada Yaaqshiid oo ah halkii ay ka geysteen fal-dembiyeedka dilka iyo dhaca isugu jiray. Sidoo kale waxaa lasoo bandhigay Mootadii ay ka dhaceen marxuum Cabdulqaadir oo ay sii iibsadeen. In lasoo qabto ragan waxaa sahashay inay sii iibiyeen mootadii ay ka disheen marxuumka, waxaana mootada lagu soo qabtay ninkii ka iibsaday, kaas oo soo far-muqay labada nin ee dhaca iyo dilka geystay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan kuwa ammaanka. Dadka ku nool xaafadaha qaar ee degmada Yaaqshiid ayaa horay u sheegay inay qaati ka taaganyihiin burcad dhac iyo dil u geysaneysa, kuwaas oo habeen iyo maalin isku si u howlgala, balse maamulka degmada oo ka jawaabayey cabashadooda ayaa balan qaaday in wax laga qaban doono.
-
Machadka Heritage ee daraasaadka oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta soo saaray warbixin uu ugu magacdaray “xal u helida jahawareerka doorshooyinka Soomaaliya”. Warbixinta Machadka ayaa lagu sheegay in ay jirto fursad aad u yar oo lagu xallin karo xiisaddaha ka jira doorashooyinka waqitigeedi aadka u soo dhawaaday, isla markaana ay daruuri tahay in la helo dariiq loo maro xalka dhabta ah ee loo dhan yahay. Machadka Heritage ayaa soo jeediyay in la qaato laba talaabo midkood, kuwaas oo ka hortegi kara in xaaladdu gacanta ka baxdo, wadadana u xaari kara isafgarad, horseedina karta inuu abuurmo jawi lagu wada shaqeyn karo oo ka dhex dhasha hormuudka saamileyda siyaasadda. 1. Doorashooyin Dadban oo siyaasad ahaan looga heshiiyey Machadka ayaa soo jeediyay in qaabka kowaad ee xal loogu heli karo jahawareerka doorshooyinka Soomaaliya uu yahay, iyadoo ay dalka ka dhacaan doorashooyin Dadban oo siyaasad ahaan looga heshiiyey. Machadka ayaa sababaha ka dhigaya maangal doorasho Dadban oo siyaasad ahaan looga heshiiyo ku sheegay labo arrimood oo kala ah, in Sharciyadda dastuuriga ah ee Baarlamaanka iyo DFS ay dhacayaan dhowr bilood gudahood, dastuurkuna uusan ogolayn in ay iskood mudada u kororsadaan iyo in Guddiga doorshooyinka madaxa bannaan uu waajibaadkooda ku egyahay bartamaha sanadka soo socda. 2. Muddo kordhin siyaasad ahaan looga heshiiyo Machadka ayaa soo jeedinta labaad ku sheegay muddo kordhin siyaasad ahaan looga heshiiyo, taas oo lamid noqon karto heshiiskii Kampala (Kampala Accord) ee bishii Juun ee 2011 kana dhex dhaca hormuudka saamileyda siyaasadda. Machadka Heritage ayaa soo jeediyay in ay ku heshiin karaan saamileyda siyaasadda (DFS, DG-yada iyo xisbiyada siyaasadeed ee diiwaangashan) in dib loo dhigo doorashooyinka dalka ugu yaraan laba sano, si loo dhammaystiro sharciga doorashada, sharciga xisbiyada siyaasadeed iyo arrimaha lafdhabarka u ah xasilinta siyaasadda dalka. Machadka ayaa sheegay in taasi ay dhici karto oo keliya haddii saamileyda siyaasaddu ay isku waafaqaan in loo guuro xasilooni siyaasadeed lana wada dhiso Xukuumad Midnimo Qaran (XMQ) taasoo ku salaysan dib-u-heshiisiin qaran oo sal-ballaaran. Machadka wuxuu sheegay in hadii lagu heshiiyo Xukuumadda Midnimo Qaran la siin karo qorshe-hawleed dhameystiran oo diiradda lagu saari karo shan waajibaad-shaqo, oo la qeexay, laguna heshiiyey, kuwaas oo kala ah: a- Soo celinta xiriirkii wada shaqeyneed ee ka dhexeeyay DFS iyo dhammaan DG-yada. b- In la dedejiyo dib-u-eegista dastuurka ku-meel-gaarka ah loona diyaariyo afti qaran si aftidaas loogu beego xilliga doorashooyinka dalka. c. In la aasaaso maxkamadda dastuurka iyo guddiga adeegga garsoorka si loo xoojiyo sarreynta sharciga iyo awoodaha korjoogteynta. d. Dhammaystirka sharciga doorashada, sharciga axsaabta siyaasadeed iyo u diyaar garowga doorashada qof iyo cod (DQC) ah laba sano gudahood; wax ka beddelka iyo dejinta shuruucda GMDQ iyo weliba dib u habeyntiisa; e. Dib u soo noolaynta qaab dhismeedka Amniga Qaranka si wax looga qabto khatarta Al Shabaab iyo ISIS. Machadka Heritage ayaa xusay in xaaladda hadda dalka ka jirta ay tahay fashil guud iyo eed la wadaago. Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo mucaaradkana aysan la’iman mas’uuliyad hoggaamineed. PUNTLAND POST The post Machadka Heritage: Xal u helida jahawareerka doorshooyinka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.