-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor ) ayaa hoyga uu ka degenyahay magaalada muqdisho ku qaabilay Safiirka dowladda Qadar u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Hasan Bin Hamza Asad Mohammed. Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa sheegay in sidoo kale ay ka hadleen xaalada Galmudug oo hataan ay ka socdaan dib u hishiisiin balaaran waana kulankii ugu horeeyay oo ay wadayeeshaan tan iyo markii noqday madaxweynaha Galmudug. “Waxaa hoygeyga Muqdishu ku soo dhaweeyay safiirka Dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xamza iyo wafdi uu hoggaaminayay, waxaan iska xogwareysannay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee dalka iyo tan Galmudug. Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa magaalada muqdisho u joogay safar shaqo waxaana uu kulamo la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo madaxda xisbiyada qaran oo ay hogaamiyaan madaxweynayaashi hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya inuu is-casilay agaasimhihii warfaafinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska Calinuur Salaad. Calinuur Salaad oo la aaminsan yahay inuu kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu dhowaa ra’iisul wasaarihii xilka laga qaaday ee Xasan Cali Kheyre ayaa xilkan hayay muddadii labada sano ahayd ee la soo dhaafay. Calinuur Salaad ayaa qoraal faahfaahsan oo is-casilaaddiisa ku lifaaqnaa ku sheegay in isbedel ku yimid aragtida xukuumadda dartiis uu shaqada ga tagay. Is-casilaadda Calinuur ayaa imaneysa ayada oo ay jiraan warar sheegaya in maamulka cusub ee xafiiska ra’iisul wasaaraha uu cadaadi ku hayo shaqaalaha, taasi oo cabsi gelisay shaqaalehii la shaqeyn jiray Kheyre. Waxaa hore xilka looga qaaday xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Axmednuur Maxamed Cabdi, waxaana lagu bedellay Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo ka tirsanaa xafiiska madaxweynaha. Sida aan xogta ku helnay, waxaa la filayaa inay shaqada ka tagaan la taliyayaashii ku dhowaa ra’iisul wasaarihii hore, kadib markii shaqada laga ceyriyay xoghoyihii joogtada ee xafiiska. Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay qorsheyneyso in xafiiska warfaafinta ra’iisul wasaaraha lagu biiriyo kan madaxtooyada, si looga hortago in ra’iisul wasaaraha cusub uu yeesho xiriir bulsho oo toos ah.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhurnimo-31072020.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa sharci darro ku tilmaamay xubno ka mid noqon doona Golaha Adeega Garsoorka, kuwaas oo shalay ansixiyeen Golaha Wasiirada xilka sii hayaha ee xukuumadda. War saxaafadeedka la baahiyay waxaa ku saxiixan xoghayaha qareenada Soomaaliyeed Abuukaate Daahir Carab, wuxuuna sheegay in golaha wasiirada ay kaliya soo jeedin karaan in saddex xubnood ay qeyb ka noqon karaan Golaha Adeega Garsoorka, halka labada kale ay xaq u leeyahiin ururka qareenada. Sidoo kale Ururka waxey sheegeen in xubnaha shanta ah ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada xilka sii haya aysan buuxin karin shuruudaha qodobka 8-aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka. Ururka Qareenada Soomaaliyeed waxey ka dhawaajiyeen iney qaadi doonaan tallaabada ku haboon oo ay kaga hortagayaan in sharciga lagu tunto. Halkaan Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Ururka Qareenada Soomaaliyeed: Shalay oo ku beegneed 30/7/2020, waxaa la sheegay in Xukumadda xilka siihaysa ay magacaawday 5 Xubnood oo ka mid noqon doona Xubnaha Golaha adeegga garsoorka’ magacaabistaas waxay baalmarsantahay Dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka sababaha soo socda awgood: 1- ugu horrayntii golaha wasiirradu waxay soo jeedi karaa 3 Xubnood oo ka mid noqonaaya golaha adeegga garsoorka’ labada kale waxaa soo magacaabaaya ururka qareennada Soomaaliyeed fiiri farqadda labaad ee qoddobka Qodobka 109A ee Dastuurka FKMG sidoo kale Xaraf E farqadda 1aad ee Qodobka6aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka sharci Le 28 soona baxay 8/7/2014’ waxay u qorantahay sidaan (Labo Qareen Sare oo xubin ka ah Ururka Qareennada soomaaliyeed uu soo magacaabay Golaha Qareenada soomaliyeed oo xilka haynayaa muddo afar Sano Ah ). waxaa cad oo aan shaki ku jirin in golaha wasiirradda ee Xilka siihaya ay magacaabeen xubno uusan dastuurku iyo sharcigu midna uusan siin magacabistooda. 2- Shanta Xubnood oo ay magacawday Xukuumadda Xilka siihaysa ma aha Xubno buuxiyay Shuruudaha Ku xusan qoddobka 8aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka. 3- Xukuumadda Xilka siihaysa shaqadeedu waa sii wadidda hawlihii horay Xukumaddu u bilawday inta aan lagala noqon kalsoonida’ Xukumad aan kalsoonida barlamaanka haysan ma magacaabi karto golayaal cusub mana keeni karto wax ka duwan hawlihii horay u socday sida laga fahmaayo micnaha qoddobka 103aad ee Dastuurka.
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Mudane’ Xirsi Cali Xaaji Xassan oo ay wehelinayaan Mas’uuliyiin badan oo Xisbiga WADDANI xilal waaweyn ka haya ayaa Maanta Salaadi Ciida kula tukaday xaafadda Daami ee magaaladda hargeysa dadweyne aad u tiro badan. Masaajidka Nusru-diin oo ku yaal Xaafadda Daami dhawaanna dhismihiisa la dhammeeyey loona dhisay hab casri ah ayaa waxaa Guddoomiyaha iyo Mas’uuliyiinta Xisbiga ku soo dhaweeyey Imaamka Masjidka Sheekh Maxamed Axmed Adaan oo Khudbad qiimo badan jeediyey kadibna waxa hadalo kooban oo ciida fadligeeda ah madasha ka jeediyey Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Mudane’ Mahdi Cisman Buuri iyo Guddoomiye Cirro’ waxaanay Umadda ugu hambalyeeyeen Farxadda Ciidal Odxada. Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo magaalada Gaalkacyo Shacabka kula ciiday ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta barakaysan ee #Ciidul_Adxa. Madaxweyne sidoo kale waxa uu bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si loogu nolaado nabad iyo barwaaqo. “Ugu horeyn hambalyo ayaan idin leeyahay farxadane waa idinla qeyb-saneynaa waxaana idinka rabnaa inaad la shaqeyaa ciidamada kal duwan si ay u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta bad-qabdka bulshada ayuu yiri Madaxweyne Deni. Ugu dambeyntii madaxweynaha Punland Dr. saciid Cabdullaahi Deni ayaa yiri “Waxaan alle ka baryeynaa in Ciidaan teeda kale nabad iyo barwaaqo iyo guud ahaan dalka oo nabad ah samo nagu gaarsiiyo insha allah. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qayb-galay tukashada salaadda ciidal Adxada. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada, maayarka caasimadda, madax kala duwan oo xukuumadda katirsan, ayaa la tukaday shacabkii salaadda ciidal Adxada ku gutay masjid Jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana uu halkaas ka jeediyey khudbad uu bulshada kula dardaarmay inay isku duubnaadaan, danta guud iyo horumarkana u midoobaan. Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu shacabka Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka u rajeeyey inuu dembi-dhaaf ballaadhan siiyo, sannadkan sannadkiisana nabad iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu tilmaamay in Somaliland wax ku noqon karayso marka shacabkeedu is kaashadaan oo ay u midoobaan dhibaato kasta oo hor taalla, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Somaliland oo dhammi marka ay isku darsanto ee ay waxeeda isu geyso ayey adduunka wax ka noqonaysaa, markaa waxan leeyahay dadku ha is kaashado, si aynnu uga baxno dhibaatooyinka jira.” Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu bulshada ugu baaqay inay aamminaan awooddooda, si midaysanna uga hortagaan Aafada maandoorayayaasha kala duwan ee dalka lasoo gelinaya, islamarkaana ay arrintaas kala shaqeeyaan ciidamada Ammaanka. Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaabilay qaar kamid shacabka iyo haldoorka Bulshada oo booqashadii ciidda ugu yimi. Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo magaalada Gaalkacyo Shacabka kula ciiday ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta barakaysan ee #Ciidul_Adxa. Madaxweyne sidoo kale waxa uu bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka si loogu nolaado nabad iyo barwaaqo. “Ugu horeyn hambalyo ayaan idin leeyahay farxadane waa idinla qeyb-saneynaa waxaana idinka rabnaa inaad la shaqeyaa ciidamada kal duwan si ay u gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta bad-qabdka bulshada ayuu yiri Madaxweyne Deni. Ugu dambeyntii madaxweynaha Punland Dr. saciid Cabdullaahi Deni ayaa yiri “Waxaan alle ka baryeynaa in Ciidaan teeda kale nabad iyo barwaaqo iyo guud ahaan dalka oo nabad ah samo nagu gaarsiiyo insha allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u rajeeyay inay ku ciidaan farxad, baraare, nabad iyo amni buuxa ayaa ku dhiirri geliyay in dadka nugul in la caawiyo si ay qeyb uga noqdaan bulshada farxadda ku ciideysa Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sidoo kale dadka ciidaya kula dardaarmay in laga taxadaro faafitaanka COVID19 oo la qaato talooyinka wasaaradda iyo caafimaadka dalka. View the full article
-
Sii hayaha Wasiirka Wafaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),ayaa sheegay in iyadoo la khafiifinayo xayiradaaha dalka ee loo hakiyay xakameynta cudurka safmarka ee covid-19, dib loo furayo duulimaadyada caalamiga sedexda bisha soo socota si loo soo celiyo illaha dhaqaalaha maadaama saameyn ku yeeshey Cudurka. Wasiir Maareeye ayaa intaa ku daray in dib loo furi doonaa 15 bisha soo socota goobaha waxbarashada oo in muddo ah u xirnaa Cudurka halista ah ee Covid 19 ee saameeyay dunida. Wasiirka ayaa xusay in maadaama uu dalka ka sii yaraanayo cudurka Covid-19,haddana weli loo baahan yahay in lala yimaado foojignaan dheeri ah oo ku aadan la socodka qatarta cudurkaasi. Golaha Wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulanka qamiislaha ee golaha ay ku yeesheen magaalada muqdisho ku ansixiyay qodoba dhowr ah ee uu ka mid ahaa in dib loo furi goobaha waxbarashada iyo duulimaadyada gudaha dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa 19-kii bishii marso ee sanadkaan hakisay duulimaadyada caalamiga ah kaddib markii dalka laga helay kiisas cudurka covid-19 View the full article
-
HAMBALYO MUNAASABADDA CIIDDA CARAFO EE SANADKA 1441-HIJRIGA Bismillaahi Raxmaani Raxiim. Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi wabarakaatu. Ciid Wanaagsan. Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo ee sanadka Hijriga 1441-ka. Alle waxaan ka baryayaa in uu noo aqbalo ducada dadka muslimiinta ah ee sanadkaan nasiibka u helay in ay gutaan acmaasha Xajka. Maalmahan barakaysan ee bisha Carafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmihii gudashada waajibaadka Xajka, iyada oo ay tahay in aan badino Alle bariga, is-cafinta iyo sadaqada. Munaasabaddan farxadda Ciidda Carafo waxaan ku boorrinayaa muwaadin kasta in uu gacan ka geysto farxad gelinta dadkeenna tabaaleysan, oo ay tahay in si gaar ah looga warqabo agoonta, dadka barakacayaasha ah iyo dariska danyarta ah oo xuquuq weyn ku leh qooys kasta. Sidoo kale, waxaa waajib ah ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinta Islaamka. Walaalayaal, waxaan idin xasuusinayaa in farxadda maalmahan barakaysan ee Ciidda aynu si gaar ah ugu baraarugno halista caafimaad ee dalkeenna wali ku xeeran, taas oo uu sababay cudurka COVID-19 oo ah wali khatar jirta, muhiimna ay tahay in aan muujinno taxadar, iyadoo loo hoggaansamayo talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka iyo caafimaadka. Munaasabadda Ciiddan waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee har iyo habeenba u taagan difaaca dadka iyo dalka, anigoo ku bogaadinaya dadaalka muuqda ee ay ku xaqiijiyeen amniga iyo nabadgeliyada shacabka Soomaaliyeed. Ugu danbayntii, waxaan Eebbe ka baryayaa in uu Ciiddan Ciiddeeda inagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah, kuna sii tallaabsada jidka horumarka. CIID WANAAGSAN View the full article
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda ayaa maanta salaadda Ciidda Carrafo Dadweynaha kula tukaday Masaajidka Xaaji Cali Biixi ee Gaalkacyo. Madaxweynaha ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadweynaha Puntland, ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciida, wuxuuna bulshada ugu baaqay ka shaqeynta illaalinta Nabadda, midnimada iyo horumarka. Madaxweyne Deni iyo xubno ka tirsan wasiirada ugu muhiimsan Xukuumaddiisa, ayaa maalmahan ku sugan Magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay kulamo kala duwan kula qaadanayeen qaybaha kala duwan ee Bulshada Gaalkacyo. Sidoo kale Madaxweynaha iyo Wasiiradiisa ayaa Gaalkacyo kaga qayb-galaya Munaasabadda ugu weyn Xuska Kowda Agoosto Sannadkan lagu qaban doono Magaalada Gaalkacyo. Halkaan ka daawo Muuqaalka iyo Sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Puntland oo la Ciiday Shacabka Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya (Xasan Bin Xamza). Madaxtooyada Galmudug oo ka warbixisay kulanka ayaa tibaaxday in kulanka si gaar ah diirada loogu saaray xaaladda guud ee wadanka. “Waxaan maanta hoygeyga Muqdisho kusoo dhaweeyay safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya, Danjire Xasan Bin Xamza iyo wafdigiisa, safiirka waxaan iska xog wareysanay arrimo badan oo ay ka mid yahiin xaaladda guud ee dalka iyo tan Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada. Safaaradda Qatar ee Soomaaliya ayaan wax war ah kasoo saarin kulanka ay yeesheen safiirkooda iyo Qoor-Qoor. Dhanka kale madaxweynaha Galmudug ayaa kulan la yeeshay Madasha Xisbiyada Qaran, waxeyna ka wada hadleen arrimo dhawr ah oo ay ka mid yahiin: dhaqan galinta heshiiskii Dhuusamareeb, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo maareynta marxaladda kala guurka. Si kastaba Qoor-qoor oo yimid isniintii magaalada Muqdisho ayaa la fahamsan yahay inuu qof beeshiisa kasoo jeeda la raadinayo xilka ra’iisul wasaaraha.
-
Next Africa, a weekly newsletter of where the continent stands now — and where it’s going next. African leaders say the continent’s growth is held back by discrimination. Its economies have attracted less investment than peers in Asia and Latin America and Africa has struggled to make its voice heard on international forums. That bias stretches to the debt markets. Nowhere is that starker than in the case of South Africa, an developing nation with deep and liquid capital markets and strong institutions. South Africa has a similar BB- credit score at S&P Global Ratings to Brazil, but pays 5.48% for 10-year dollar-denominated debt compared with 4.63% for the South American nation. For local debt, the contrast is even starker: South Africa pays 9.31% for 10-year notes, compared with Brazil’s 6.75%. Liquidity isn’t the issue and neither is political risk. Brazil impeached two presidents in recent years. Its current leader, Jair Bolsonaro, has drawn criticism for firing ministers on a whim and not doing enough to halt what’s become the world’s second-worst coronavirus epidemic. South Africa is stable by comparison. For some other African nations, the situation is dire. Kenya, for example, pays 7.45% for 10-year dollar debt, compared with 6.48% for similarly-rated Bolivia. Ghana pays 8.78% compared with 7.51% for Ukraine, which has the same credit rating. Yes, Africa has had its problems in debt markets. Zambia and Angola are seeking to restructure their debt. Yet, none of them are serial defaulters like Argentina, which has reneged on debt obligations no less than nine times. Reasons that have been put forward are the small size of many African bond sales and a low rate of domestic savings. But at a time when the coronavirus pandemic is boosting the need for stimulus, the often unwarranted risk premium is an unwelcome cost. “When you look at the risk premium put on African countries you just question, why?,” Ken Ofori-Atta, Ghana’s finance minister, said in an interview with Bloomberg Markets. The post Next Africa: Debt discrimination? appeared first on Puntland Post.
-
The Somali Ministry of Petroleum & Mineral Resources has approved board selections for the fledgling Somali Petroleum Authority (SPA), appointing Ibrahim Ali Hussein as the regulator’s first chairman and chief executive officer ahead of the launch next week of a delayed licensing exercise. Source: Hiiraan Online
-
Passersby found Hassan dead from a gunshot wound on a footpath behind a school at 704 Carson's Rd. on Monday around 5:12 p.m. Source: Hiiraan Online
-
Xukuumadda Somaliland ayaa mamnuucday in dhammaan degaannada Somaliland wax bandhig-faneed ah lagu qabto maalmaha Ciidda Carrafo. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax bandhig faneed ah oo maalmaha Ciidda lagu qabto degaannada Somaliland. Wasiirka ayaa sheegay in sababta loo joojiyay bandhig faneedyada ay tahay maadaama ay ka baxsan yihiin Dhaqanka iyo Diinta Suubban islamarkaana ay wataan fasahaad iyo dhaqan-xumooyin aan bannaanayn. Sheekh Khaliil ayaa sidoo kale xusay in Ciidanka Booliiska Somaliland ay ku amran yihiin in ay tallaabo ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami wayda amarka Xukuumadda ee ku aaddan mamnuucidda bandhig-faneedyada. PUNTLAND POST The post Somaliland oo mamnuucday bandhig faneedyada la qabto maalmaha Ciidda appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-31072020.mp3 View the full article
