Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,306
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weynaynaya Todobaadka Xorriyadda, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga. Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 01-da Luuliyo oo ku beeggan xorriyaddii Gobollada Koonfureed iyo Midowga Waqooyi iyo Koonfur, isaga oo soo muujiyey qiimaha weyn ee maalintan ay u leedahay Umadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo Ciidamada Baambayda ay ku maamuusayeen heesta Calanka iyo Astaanta Qaranka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa gaaray Taallada Halgameyaashii Ururkii gobonimo doonka ee SYL, halkaas oo uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada iyo midnimada dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ku guugaabiyay in ay ilaashaadaan taariikhdoodii gobanimo doonka oo astaan u ah geesinimada, go’aan adaygga iyo kartida Umadda Soomaaliyeed. Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada Dhagaxtuur waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada. View the full article
  2. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa xaqiijisay inay xirtay siyaasiga hoggaamiya mucaaradka ee Jawar Mohammed, tallaabadaas oo sii holcin karta xiisadda qowmiyadeed ee toddobaadkan horseeday in dad dhowr ah ay ku dhintaan gobolka Oromia. Jawar, oo ahaan jiray milkiile warbaahineed oo dhowaan ku biiray xisbiga mucaaradka ee Oromo Federalist Congress, ayaa shalay isaga iyo 34 qof oo kale lagu xiray magaalada Addis Ababa, sida uu sheegay madax booliska federaalka Endeshaw Tassew. Xariga ayaa yimid intii uu socday iska horimaad dhex-maray Jawar iyo ciidamada ammaanka oo la xiriiray meydka Hachalu Hundessa, oo ahaa fanaan Oromo ah oo habeenkii Isniinta la dilay, taasi oo dhalisay dibad-baxyo xooggan. Endeshaw ayaa sheegay in meydka Hachalu loo waday magaalada uu kasoo jeedo ee Ambo, si loogu aaso, islamarkaana Jawar iyo taageerayaashiisa ay is-hortaageen ayna isku dayeen inay ku celiyaan Addis-Ababa, kadibna uu xigay isku dhaca. “Waxaa isku dhac uu dhex-maray ciidamada ammaanka iyo dad kale, waxaana halkaas ku geeriyooday askari ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka Oromia,” ayuu Endeshaw ku yiri bayaan uu soo saaray. “35 qof oo uu ku jiro Jawar Mohammed ayaa la xiray. Ciidamada ammaanka waxay qabteen 8 qori oo Kalashnikov ah, shan bastoolad iyo sagaal raadiyaha codka gudbiya ah, kuwaas oo ku jiray baabuurka Jawar Mohammed,” ayuu yiri. Xariga Jawar ayaa sii xumeyn kara rabshadaha gobolka Oromia, oo ku hareereysan magaalada Addis-Ababa, islamarkaana ah xudunta qowmiyadda Oromada. Talaadadii, saraakiisha iyo goobjoogeyaal ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof lagu dilay Oromia. Bishii October, warbixino sheegayey in dowladda ay isku dayeyso inay ciidamada ilaalada ah ka qaaddoo Jawar ayaa hoggaamiyey rabshado socday maalmo oo ay ku dhinteen 80 qof. Shalay, Saddex qarax oo waa weyn ayaa ruxay caasimadda Ethiopia ee Addis-Ababa ayada oo tiro dad ah oo aan weli la ogeyn ay ku naf waayeen, ayada oo ay dhaceen dibad-baxyo ka dhashay dilka fanaankii caanka ahaa. “Waxaa dhintay qaar ka mid ah kuwii qaraxa aasay iyo dad kale oo shacab ah,” waxaa sidaas yiri madaxa booliska Endeshaw Tasew. Rabshadaha ayaa yimid kadib markii Isniintii la dilay Haacaaluu Hundeessaa, oo ahaa fanaan Oromo ah kuna caan-baxay heeso mucaarad ah kaasi oo la toogtay 9:30 pm. Haacaaluu, oo ahaan jiray maxbuus siyaasadeed, ayaa caan noqday intii ay socdeen dibad-baxyadii dheeraa ee dalkaas ka dhacay, kuwaasi oo horseeday in Abiy Ahmed uu xafiiska yimaado 2018. Dhinaca kale ugu yaraan sided qof ayaa lagu dilay 80 kalena waa lagu dhaawacay magaalada Adama, halkaas oo sidoo kale ay ka dhaceen dibad-baxyada looga soo horjeedo dilka heesaaga. Adama ayaa waxa ay 90km koonfur bari ka xigtaa magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa. AFP + VOA
  3. Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 1-da Luulyo ayaa soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa khubaddiisa ku sheegay in hoggaanka Villa Soomaaliya uu ku daydo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, islamarkaana ay qaadaan tallaabooyinka uu qaado, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Villa Soomaaliya ay wax ka fiiriso buug laga soo min-guuriyey xukuumadda Addis Ababa. Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay uu sii xoogeysanayey xiriirka labada dal, kadib wixii ka dambeeyey heshiiskii saddex geesoodka ee Addis Ababa ku dhex-maray dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea. View the full article
  4. In 1960, our country became independent. After the era of colonisation, the age of self-government followed. Somali nationalists have always believed that taking over the formal powers from the foreigners would automatically liberate the country from foreign meddling. Still, it is becoming increasingly clear that liberation is not so easy. No one thinks that Somalia as a whole has fulfilled its potential in the over the half-century that passed after the colonials left, and the country becomes independent and sovereign states. Somalia became independent 60 years ago, but things are not going well. We’ll have independent day festivities, and it’s a swirling show, dance in traditional attire and midnight fireworks as the clock ticks from June 30th to July 1st. But what is independence, when the country is not getting any better; there is no security, economic growth, unemployment is very high, and poverty high—plagued by civil war, famine and terrorism. Somalia’s failure is extraordinary. And we celebrate our misery as if it is what we expect from independence. We’re a divided nation and with foreign soldiers protecting our nominal governments from their people. The international community pays governments budget and its costs. There is no functioning economy; we don’t even produce our food. And not to mention, widespread corruption and bribery that hold back progress and stability. In my opinion, roughly, there are two common explanations of why things did not go as planned. One view is that Somalia’s progress has been hampered by poor leadership, especially the failure of the political elite. In another perspective, Somalia has been stunted in its development by outside imperialists and profiteers. The underlying question is: are the Somalis mainly to blame for not realising the potential of their country, or is it because of the outsiders? Both of these explanations are true; however, mostly, we have to blame ourselves for our predicament as foreign intervention cannot happen without people accepting and accommodating these foreign interventions. We have in the South shortly before independently some forms of gradual self-government introduced under auspicious of Italy. In the North, little guidance given to independence. Nevertheless, the omens were unfavourable for the development of the country. The top layer was wafer-thin; only a few people had secondary education, and a few if any had an academic knowledge. Indeed, with this circumstance, true independence is an illusion. After independence, there was a period when we nominally were a democratic state; however, elections serve more as a formal confirmation of elite agreements than as a fair test of public opinion. After a decade under a democratic rule is followed by a military putsch that remains for over two decades. However, after the fall of the dictator as more independent regions emerge, more national divisions and personal rivalries emerge, which have a divisive effect. Furthermore, these regions binding to the clans act as a brake on nationalism, which has the ideal of the formation of a unitary state. Northern areas are striving for secession and are opposed by those in South trying for regional cooperation, federation and even unification. Pan-Somali movement found to resonate, not as a concrete political ideal but, above all, as an expression of solidarity in opposition to colonialism is and as a means of strengthening the demand for independence of all Somali people is lost. Now 60 years later we have a dysfunctional government unable to provide the public services expected of them under international law. We’re experiencing a tremendous setback on our path to progress. The road to prosperity is lost, and it’s clear for us that history takes place in un-predictable phases. WESTERN INTERVENTION Sadly the West’s involvement remained more potent than ever before, with the introduction of federalism often a condition for breaking up of Somalia. First, I thought it was a joke, but in the meantime, I had noticed something else. Whenever I think about the recent political situation in Somalia, not only was there an explanation of post-independence history, but also an account of how the West especially the United States and recently the United Kingdom continues to determine everything in Somalia. If you want to know the situation, you should listen to the Ambassadors of these two states commentary. The USA is behind all the misery in Somalia. The intervention from the United States starting from the creation of opposition to Siyad Bare’s regime, followed by “operation restore hope” and later the Ethiopian invasion organised, led and supported by the Bush administration on the pretext of fighting against terrorism has one aim; to dismantle the Somali state. But does Somalis figure that out? The great dissatisfaction of Halane centre is real. I am insufficiently able to judge whether the USA and the UK continue to exercise a neo-colonial influence. What became clear to me is that these two countries and some Arab states have a large and above all adverse impact on Somalia and its sovereignty. The social, economic and political intervention on Somalia is not easy to understand. The West (including the UN) has a neocolonial repertoire of pressure resources to dissuade any reluctant Somali leaders; diplomatic sanctions, suspension of arms transfers, withholding of development funds or even military intervention. What became clear to me is that there is dissatisfaction with European, Arabs and the United States’s politics towards Somalia. Will they change course? I don’t know. From now on, our situation teaches us to look more carefully at the foreign intervention on our land. And then maybe will we celebrate a real independent day. Oh yeah last but not least The current president mandate is coming to an end in early 2021. but there has been a lot of violence against any opposition since his election. Under his regime, things were not going well socially and economically, but people are already afraid of the presidential elections in 2021. Would it lead to bloodshed or even civil war again? This uncertainty is more pressing than the independent day celebration. Dr. Mohamed Hassan Tifow can be reached at mxtifow@yahoo.co.uk Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are those of the authors and do not necessarily reflect the official policy or position of Caasimada Online. For publication please email your article caasimada@live.com. Thank You
  5. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dagaalka oo u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen askar ka kala tirsan talisyada Haramcad iyo Nabad Sugida ee ka howlgalka gudaha magaaladaasi oo sidoo kale caasimada oo ah dowlad goboleedka Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, ka gadaal markii uu is-faham waa soo kala dhex-galay labadaasi ciidan. Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacantay iska hor imaadkan oo labo ka mid ah ay yihiin askar, halka qofka saddexaad uu yahay shacab. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana goobta lagu diriray gaaray saraakiisha laamaha amniga ee magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. View the full article
  6. Muqdisho (SMN)- Halkan ka Dhageyso Warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Duhur-01072020.mp3 View the full article
  7. Wararka ka imanaya magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in halkaas maanta duhurnimadii uu ka bilowday dagaal ku dhaxeeya ciidamo kawada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidamo ka kala tirsan Booliska gaarka ah ee Federaalka Haramacad iyo kuwa Nabad Sugidda (NISA), ayaa gudaha Dhuusomareeb dagaalka ku dhexmarayaa, kaas oo laysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka ka soo baxaya dagaalkaas ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac, dagaalka ayaana wali socda muddo hadda ku dhow hal saac. Dagaalka ayaa sida la sheegay dabasocda muran maalmahan u dhaxeeyay talisyada labadaas ciidan. Wixii ka soo kordha halkan kala soco PUNTLAND POST The post Dagaal ka socda Dhuusomareeb appeared first on Puntland Post.
  8. Soomaaliya oo ku gacan syadhay dalab uga yimid UAE oo ah inay ku biirto dagaalka ka socda…. Dowladda Soomaaliya ayaa diiday dalab uga yimid dowladda UAE oo ku aadan in ay ku biirto dagaalka ka socda Yemen si loogu helo dhiirrigelin dhaqaale, wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidaas shaaca ka qaaday. Imaaraadka ayaa u balanqaaday dowladda Soomaaliya in dib loogu furayo Isbitaalka Sheekh Zayed ee kuyaala magaalada Muqdisho, iyadoo Soomaaliya laga rabo in ay ka qeyb qaadato dagaalka Yemen, islamarkaana ay sheegato Jasiiradaha Socotra inay tahay dhul Soomaaliyeed. Cusbitaalka Imaaraatka ee uu maamulo Sheekh Zayed ayaa daryeel caafimaad oo bilaash ah siin jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed illaa iyo Sanadkii 2018, taas oo qeyb ka ahayd xiriir diblumaasiyadeed ee u dhexeeyay Abu Dhabi iyo Muqdisho. “Soomaalidu ma ahan aalad rakhiis ah oo looga faa’idaysto baahideeda…Yemen waa dal aan deris iyo walaalo nahay, waxayna leeyihiin madaxbanaanidooda iyo sharafta dadkooda,” ayuu yidhi Axmed Ciise Cawad. “Adduunku wuu ogyahay in Socotra ay tahay dhul Yemen ah, oo ay ka soo jirtay wakhtiyo hore,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay. Sannadkii hore, wasiir Cawad wuxuu sheegay in cilaaqaadka dalkiisa uu la leeyahay UAE uusan aheyn heerkii loo baahnaa. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay burburisay shabakad basaasnimo ah oo u shaqeysa Imaaraadka. Qaran News
  9. Dagaal mudo gaaban socday oo Xabado farabadan la isku waydaarsadey ayaa wuxuu ka dhacay Gudaha Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug. Ciidamo kawada Tirsan Dowlada Federaalka [...] The post Ciidamadii Dowlada Federaalku geysay Dhuusamareeb oo maanta dhexdooda is dagaalay appeared first on . Source
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo goor dhow ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug. Iska hor imaadka oo muddo kooban socday ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamo ka kala tirsan talisyada Haramcad iyo Nabad Sugida ee ka howlgalka magaaladaasi. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay is-rasaaseyntaasi, balse ma cadda inta uu la’eg yahay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan uu salka ku hayo muran iyo is qab-qabsi u dhexeeyo talisyada ciidamadaasi oo ka wada howlgala Dhuusamareeb. Ma jiro weli wax hada ah oo ka soo baxay laamaha amniga oo ku aadan dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay intaba. Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobta lagu diriray gaaray saraakiil ka tirsan laamaha amniga iyo ma’suuliyiin ka socda dowlad goboleedka Galmudug.
  11. Madaxweyanha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho ka jaray xarriga,iyadoo Dowladda Soomaaliya garoonkan ay kala wareegtay ciidamada Amiso dabayaaqdaii 2018 waxaana furitaankiisa kasoo qeyb galay mas’uuliyeenta Dowladda iyo ciyaartooydii hore . Wasiirkii hore Gaadiidka iyo dullista Soomaaliya Saciid Jaamac Qorsheel horayna ugu soo ciyaarayay Xulka Qaranka ayaa hagaajinta Stadium Muqdisho kaga mahad celiyay madaxda Dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa laaday kubadda dib loogu furayo Garoonka oo sanaddo kaddib martigeliyey ciyaar xiiso waxaana 16-sano ka dib kulankii furitaanka ku wada dheelayay kooxaha Muqdisho City Club iyo naadiga xooga dalka ee Horseed waxaana goolkii ugu horeeyay Stadium Muqdishu dhaliyay laacibka qadka dhexe ee naadiga Horseed iyo Xulka Qaranka Soomaaliya Xasan CabdiNuur Xasaasi. Dib u haaginta gegida Muqdisho Stadium waxaa Dowladda Soomaaliya kaa taageeray midowga Yurub iyo Dowladda Norway,sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyeenta Dowladda Soomaaliya. Si kastaba barabaraha bulshada ayaa si weyn loogu gorfeeyay sawirdda bilic soo celinta Muqdisho Stadium,inkastoo madaxada Dowladda ay sheegeen in la dhameystiri doono qeybaha kale oo ka koobanyahay tuulada isboortiga ee Muqdisho Stadium . Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Furitaanka Garoonka Ciyaaraha Muqdisho W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  12. Siyaasiga Jawar Maxamed oo xabsi la dhigay+Xiisada & Rabshadaha ka oogan Adis-ababa oo Cirka isku sii shareeraya Magaalada Adis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka socday banaan baxyo rabshado wata oo ay dhigayaan dad kasoo jeeda Qowmiyada Oromada oo ka careesnaa dilka Fanaan caan ah loogu geestay Adis Ababa. Rabshadaha ayaa sii xoogeestay markii ciidamada amaanka Itoobiya xabsiga dhigeen Hogaamiyaha taageerada badan ku dhax leh Oromada Itoobiya Jawar Maxamed oo mar saaxiibo dhaw ahaayeen Abiy Axmed hormuudna u ahaa isbadalka Itoobiya ka dhacay. Ciidamada booliiska ayaa wada howlgalo ay ku doonayaan in xiisada ka taagan magaalada Adis Ababa ku dejiyaan, waxa ayna ciidamada xir xireen dad badan ay ku tuhmayaan in laf dhabar u yihiin mudaharaadyada iyo rabshada socda. Dowlada ayaa jartay khadka intenetka si aysan usii baahin rabshadaha iyo banaan baxyada ka socda magaalada Adis Ababa, ciidamada booliiska ayaana mararka qaar rasaas u adeegsanaya dadka rabshadaha wada. War kasoo baxay booliiska Federaalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in rabshadaha socda ku dhinteen 7-qof halka ay ku dhaawacmeen 4-qof oo kale, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha inta hada la ogyahay kasii bataan. Qaran News
  13. Baydhabo (Caasimada Onlone) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda dil xalay magaalada Baydhabo loogu geystay Shariif Mukhtaar Jiis oo ahaa guddoomiyihii ururka naafada ee dowlad goboleedka K/ Galbeed Soomaaliya. Warka ka soo baxaya Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan kuwooda ay weerar qorsheysnaa ku dileen marxuumka, kadibna ay baxsadeen. Sidoo kae qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa si yaab leh loogu sheegay in marxuum Mukhtaar uu ka mid ahaa saraakiisha hay’adda dambi baarista ee CID-da Soomaaliya, islamarkaana uu la shaqeynayey muddo 10 sano ah, sida ay hadalka u dhigeen. Marxuumka ayaa xalay lagu dhex-dilay gurigiisa oo ku yaalla xero barakac oo ku taalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Dilkiisa waxaa ka hadlay oo sidoo kalena ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Baydhabo waxaa mararka qaar ka dhaca falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan oo Al-Shabaab ay ka fuliso halkaasi.
  14. Just when the region thought the worst of the flooding was over, the weatherman is warning of another bout; only this time, some areas will be spared but dealt another devastating blow: extra-ordinarily dry spells. Source: Hiiraan Online
  15. Madaxweynaha dowlad gobleedka Galmudug Axmed Cabdi kaarriye Qoorqoor oo xalay magaalada Cabdudwaaq kaga qeyb galay xaflad lagu maamuusayey 1-da Luulyo, ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahan kuwa Galmudug ugu hanbalyeyey 60-dab sano guuradii ka soo wareegtay xornimadii Koonfurta iyo israacii Woqooyiga iyo Koonfurta. Madaxweynaha ayaa xusay in maalintaan ay tahay ku weyn quluubta umadda Soomaaliyeed, waxaana uu ntaas ku daray in xornimada la heysto ay u soo halgameen dhallinyaro Soomaaliyeed, sharafka iyo karamada umadda Soomaaliyeed ay maanta harsaneyso, isaga oo allah u baryey intii madaxbannaanida qaranka naftooda u soo hurtay. Halkaan Ka Daawo Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo khudbad ka jeedinayey munaasabad ballaaran oo lagu xusayey 1-da Luulyo oo xalay ka dhacday Muqdisho ayaa weerarka afka ah ku qaaday Villa Soomaaliya. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in hoggaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku daydaan ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, islamarkaana ay qaadaan tallaabooyinka uu qaado, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in buuga ay Villa Soomaaliya ay wax ka fiiriso laga soo miin-guuriyey magaalada Addis Ababa. Hoggaamiyaha xisbigada Wadajir ayaa sidoo kale si kaftan ah uga hadlay xarigii Jawar Mohamed oo ah hoggaamiye mucaarad ah oo shalay lagu xiray Addis Ababa, wuxuuna tilmaamay in nin saaxiibkiis ah uu soo wacay, kuna yiri is-ilaali adiga ayaa ku soo xigo. “Buugga Vila somalia wax ka fiiriso, waxaa laga soo miinguur Adiis Ababa, nin ayaa maanta isoo wacay oo ka mid ah dadka arrimaha geeska afrika aad ula socdo, markaasuu i yiri ninkii Jawar Mohamed in la xiray ma maqashay, jawar waa nin hoggaamiya mucaaradka Itoobiya, markaasaa ku iri haa waa arkay adiga lagu soo socdaa is ilaali ayuu i dhahay, maxaa yeelay Abiy Ahmed hadduu xiray ninkii ka soo horjeeda, Villa Somalia shaqo kale ma qabaneyso dadka ka soo horjeeda ayay xireysaa, meeshaas laga soo qaataa tilmaamaha ee hala is jiro, marka haleyga warqabo yaan mar labaad la is gaadinee.”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Inta badan hoggaamiyaha xisbiga Wadajir oo ay si weyn isku hayaan Villa Soomaaliya eedeymo culus u jeeda madaxda dowladda dhexe, isaga oo si aad u naqdiya tallaabada ay qaadaan, gaar ahaan arrimaha doorashada 2020/2021-ka iyo amniga.
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta dacwad loo heysto guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Mudane Faysal Cali Waraabe u gudbiyey xeer ilaalinta guud ee maamulkaasi. Dacwadda oo ah mid culus ayaa timid, kadib makii shalay guddiga joogta ah ee golaha wakiilada Somaliland ay kalsoonidii kala noqdeen guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Cabdraxmaan Mowliid oo ka mid ah Garyaqaanada dhanka sharci ee golaha wakiiladda maamulka Somaliland oo goor dhow warbaahinta ugu warramay gudaha magaalada Hargeysa ayaa shaaciyey in dacwaddaasi ay u gudbiyeen xafiiska xeer ilaalinta, islamarkaana ay rajeynayaan in la dhageysan doono maalmaha soo socdo. Eedeymaha waa weyn ee loo jeediyey ayaa waxaa ka mid ah inuu jebiyay Dastuurka Somaliland, isla markaana uu halis ku yahay nabadda iyo midnimada Somaliland. Sidoo kale waxaa loo heystaa inuu abuuray kicin dadweyne iyo iska horkeenida bulshada Somaliland. Dhankiisa Faysal Cali Waraabe ayaa shalay eedeymahaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan, isagoona ku dooday inuusan jabin qodob Dastuuri ah. Faysal oo hoggaamiyo xisbiga UCID ayaa innta badan warbaahinta mariya hadallo aan loo meel-dayin, kuwaasi oo madaxda Somaliland qaarkood ay rumeysan-yihiin inay abuuri karaan khatar amni iyo tafaraaruqa bulshada dhammaan reer Somaliland.
  18. (SLT-Borama)-Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii cisbitaalka Borama, islamarkaana u magacaabay agaasime cusib. Source
  19. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo habeenimadii xalay ka qaybgalay Munaasabada kooban oo lagu xusayo Sanad guurada 60-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobolada Koonfureed iyo midowgii Waqooyiga iyo Koonfurta ayaa khudbad ka jeediyey, isaga oo ka hadlay arrimo dhowr ah. Ugu horayn Madaxweynahu wuxuu ku dheeraaday Tariikhda xornimada dalkeena iyo sidii jiilkii naga horeeyay ay naftooda ugu hureen in Soomaaliya ay ahaato qaran xor ah oo natiijadii halgankaas ka dhalatay miraheedii aan hayno maanta” Waxaan rabaa inaan umadda Soomaaliyeed aan ku booriyo aan xasuusanno, taariikhdii shalay aan soo marnay, aan xusuusanno odayaashii maanta waa ay joogaan, sida ay aheyd iyo aan dowladnimadii heerka aan u soo marnay iyo baahidii aan u qabnay. Gabdho badan ayaa ku waayey naftooda. Odayaal badan ayaa ku waayey naftooda, dhallinyaro badan ayaa lagu waayey, halgan dheer oo la garanaayo ayaan soo marnay. 60-kaas sano dalka waxaa uu soo maray dowlado kala duwan, oo qaarba ay heer ahaayeen. 9-kii sano ee ugu horeysay dowladdii rayidka aheyd, waxaa ay aheyd xukuumad ku dhisan Baarlamaan madaxweyne la doortay iyo Ra’iisalwasaare leh. Sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha Siyaasada dalka ayaa sheegay in khilaafka mudada dheer ka taagan Arimaha masiiriga ah ee dalka ay yihiin kuwo mar walba dib u dhigaya xasiloonida iyo Hormarka dalka “Xaaladda maanta taagan, waxaan aragnaa in dhibaato, iyadoo ay jiraan dagaallo, amnigu waa waxa ugu muhiimsan oo qofka uu saari karo oo dareenkiisa ku cabiri karo, awoodan uu sari karo nolosha dhan ay ka bilaabmayso, xaaladda amini iyo firqooyin argigixiso ah Al-shabab iyo kuwo lamida ay dalka gudihiisa ay ka wadaan, oo dhibaatadaas ay keentay xaalado adag iyo burbur dalka uu sii maro. Arrimaha siyaasadda iyo bulshada oo intaba aan garaneyno maanta hoos udhaca iyo dhibaatada taagan inta ay la egtahay oo aan isleenahay wadanka sidii la rabay uma soconayo” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. Dhanka madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in amniga loo baahn yahay dowladda dhexe iyo kuwa xubnaha ka ah ay iska kaashtaan aysan cid kale aysan ka sugin in ay ka taageerto dagalaka ka dhanka ah Al-shabab. “Amnigu waa furaha nolosha, Alshabaab waxaa ay ku jiraan iskaashi la’aan, maanta cid kawada shaqeysaa majirto, waxaan rabaa inaan idiin sheego haddii aan nahay cunsurka Soomaaliga ah, ha noqto heer federaal ama heer State, iyaga isku filan maanta in cadowga ay iska celiyaan iska difaacaan oo wadankooda xoreystaan, lakiin dhibka taagan waxaa ay tahay waxaa ka maqan isku xirkii, iyo wadooyinkii lagu wada shaqeyn lahaa iyo in loo soo wada jeesto waxa inoo yalla,. Waxaan dhaqan ka dhiganay inaan dhahno waxaan wax ka sugeynaa dowlado kale, waxaan sugeynaa in cidaas ay na difaacdo hebel ayaa wax noo tarayo kan ayaa wax na yeelayo, waxaan luminay wixii annaga aan laheyn iyo qofka Soomaaliga ah xoriyadda caawa oo kale aan calankeena saareyno ee 60-sano laga soo wareegay nooma keenin AMISOM iyo dowlado reer galbeed ah iyo cid kale waa wax gacanta Soomaalida ku timid bey aheyd ” ayuu yiri. Ugu dambeyn madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay madaxda dalka in lawada ilaaliyo dastuurka dalka iyo qawaaniintiisa ” Waxaan hadalka ku soo uruurinayaa Madaxweynaha, Raiisalwasaaraha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ha ay ilaaliyaan shuruucda dalka uu ku dhisan yahay, ha ilaaliyaan waxa maanta lagu wada joogo, wadankeenna inaga ayaa dhisan karna, dowlado daris ah , kuwo dibada jira iyo kuwa caraba midkoodna waxna nooma qaban karee waxa noo yaalla aan inagu qabsanno oo aan ka tagno riyada aan ku jirno” ayuu yiri. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Somaliland iyo Taiwan ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo ku saabsan xidhiidhka u bilaabmay labadan dal ee aan haysan aqoonsi caalami ah. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo dhawaan booqday dalka Taiwan iyo dhigiisa ayaa heshiiska kala saxeexday. Taiwan ayaa sheegtay in ay xafiis ka furan doonto Somaliland oo ay ku tilmaantay in uu yahay dal madax-bannaan oo ku yaalla Geeska Afrika. Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa qoraal ay faafisay ku sheegtay in Somaliland ay tahay dal ay aad u kala fog yihiin, balse ay wadaagaan jacayl qoto-dheer oo xorriyadda iyo dumiqraadiyadda ah. Source
  21. Taiwan will establish a representative office in the breakaway African region of Somaliland, Foreign Minister Joseph Wu said on Wednesday, amid an escalating diplomatic tug-of-war between Taipei and Beijing. Source: Hiiraan Online
  22. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somlailand ayaa Maanta Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe u gudbiyay Xeer ilaalinta Somaliland. Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka Somaliland ayaa shalay shaaciyay in Xildhibaanada Golaha Wakiilada ay kalsoonidii iyo wadashaqeyntii kala noqdeen Guddoomiye Feysal Waraabe, iyagoo Eedeyn kulul u jeediyay. Garyaqaan Cabdiraxmaan Mowliid oo ka mid ah Garyaqaanadda dhanka sharci ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa waxaa uu u sheegay in Golaha ay Xeer ilaalinta Somaliland u gubiyeen Dacwad ka dhan Eng. Faysal Cali Waraabe. Xildhibaanada Golaha ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID ku eedeeyay inuu jebiyay Dastuurka u yaalla Somaliland, isla markaana uu halis ku yahay nabadda iyo midnimada dadka Somaliland. Sidoo kale Eng. Feysal Cali ayaa eedeeymaha loo jeediyay waxaa kamid ah in uu Abuuray kicin dadweyne iyo iska horkeenka Bulshada Somaliland, sidaasina Dacwada looga gudbiyay. Si kastaba Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa shalay si kulul uga Jawaabay eeda loo jeediyay, wuxuuna ku tilmaamay arrintaas kuwo looga been abuuray, isagoo sheegay in aanu jebin Dastuurka, eedeynta noocaas ahna laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah. Source
  23. (SLT-Addis abab)-Waxaa weli kacsan xaaladda Magaalada Addis Ababa ee Caasmadda dalka Itoobiya, kadib markii shalay halkaas ay ka dhaceen Banaanbaxyo rabshado wata oo loo horjeeday Dil habeen hore halkaas loogu geystay Fanaan lagu Magaacabi jiray Haajaalu Hundeesaa. Addis Ababa ayaa sidoo kale waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaraxyo miino nooca dhulka lagu aaso ah, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaadhay dad shacab ah. Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Itoobiya Endeshaw Tasew ayaa waxaa uu sheegay in saddex qaraxyada ay ka dhacay Caasimadda dalkaas, ayna ku dhinteen dad shacab ah xubno o ka tirsan dadkii dhigayay qaraxyada, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo la geeyay Xarumaha Caafimaadka. Sidoo kale dhakhaatiir ka howlgasha cisbitaalka weyn ee Addis Aabab ayaa sheegay in cisbitaalka la geeyay dad badan oo dhaawacyo Culus ay soo saareen, kuwaasi oo qaarkood lagu dhuftay Toorey, halka kuwo kalena la garaacay. Ra’iisul Waasare Abiy Axmed oo markale ka hadlay dilka loo geystay fanaankii Haajaalu Hundeesaa ayaa waxaa uu sheegay in falkaas uu ahaa mid shaydaanimo ah, isla markaana ay ka dambeeyeen Dad Cadow ah oo kasoo horjeeda xasiloonida Itoobiya. Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Addis Aabab ayaa sheegaya in Wadooyinka la dhigay Ciidamo badan oo kala duwan, iyadoo laga cabsi qabo in markale halkaas ay ka dhacaan Banaanbaxyo rabshado wata Source
  24. 'He is our icon. He is a father figure,' says a protest leader in St. Paul Source: Hiiraan Online
  25. Ottawa (HOL) - Djibouti marks the 43rd independence anniversary since the country gained its independence from the French in 1977. Source: Hiiraan Online