Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,276
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Addis Ababa)-Hajalu Hundesa oo ka mid ahaa fanaaniinta Oromada ee caanka ah ayaa toogasho lagu dilay xalay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa ka dib markii ay rasaas ku fureen rag aan heybtooda la garan. Toogashada fanaankan ayaa ku soo beegantay xili uu Toddobaadkii hore uu waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Tv-ga OMN, waraysigaasoo uu ku weeraray boqorkii hore ee Itoobiya ee Minilik oo ka soo jeeday qowmiyada amxaarada, waxaana ka dhashay hadal heyn badan. Dilka loo geystay Hajalu ayaa sababi kara Khalqal iyo banaanbaxyo waaweyn oo mar kale dalkaas ka dhaca, waxaana jira walaac ku saabsan in falkan uu dib u soo nooleeyo colaadii ka dhexeysay qowmiyadaha Itoobiya qaarkood gaar ahaan Oromada iyo amxaarada. Xalay gelinkii dambe markii uu soo baxay warka ku saabsan dilka fanaankan ayaa banaanbaxyo lagaga soo horjeeda toogashadiisa waxay ja bilowdeen qaybo ka mid ah caasimada Itoobiya iyo Ismaamulka Oromia. Raisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo ka hadlay qalabka warbaahinta dowlada ayaa ka codsaday shacabka cadheysan inay is dajiyaan, kana war sugaan hay’adaha nabadgalyada . Sidoo kale Jawar Mohamed oo ah hogaamiye ka tirsan Oromada oo mucaarad ku ah dowlada Itoobiya ayaa shacabka ugu baaqay inay isdajiyaan kana war sugaan baadhitaanada la bilaabay. hase ahaatee dadka isku soo baxay ayaan dhag jalaq u siinin hadaladaa kasoo yeeraya dhinacyadaa kala duwan, waxaana xalay gelinkii dambe sii xoogeystay dadka rabshadaha sameynaya, iyadoo laga cabsi qabo in subaxnimadan ay ka sii daraan banaan baxyada iyo rabshadaha. Source
  2. (SLT-Washington)-Prof David Shinn ayaa hoosta ka xariiqay inaanu is-dhexgalka bulshada sida (dhaqanka, tacliinta, isboortiga, iyo ganacsiga) mushkilad ahayn, laakiin, hadii hogaamiyaha Somaliland u arko dhibaato, wuu joojin karaa. Prof David Shinn oo ah dublamaasi khibrad balaadhan u leh Geeska Afrika, sannado badana dalkiisa u safiir uga ahaa dalka Itoobiya oo khadka fariimaha Maxamuud Walaaleye oo ka tirsan bahda Horn Tribune waraysi kula yeeshay ayaa soo dhoweeyey warmurtiyeedki wadaxaajoodka Somaliland & Soomaaliya ee Jabuuti, kuna tilmaamay tallaabada u horreysa ee wanaaga loo qaaday. Waraysiga oo dhammaystiran wuxuu u dhacay sidan; S- Sidii lagu soo saaray war-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya? Waa maxay fikirkaagu? Marka la eego sida bulshada reer Somaliland qaarkood shaki uga muujiyeen qodobka isu-socodka bulshada? Waxaan u arkaa Warmurtiyeedka wadajirka ah inuu yahay tallaabada u horreysa ee wanaaga loo qaaday. Sida muuqata ma jirin wax heshiis ah oo la xidhiidha qadiyadaha muhiimka ahaa, balse dariiqii loo mari lahaa xalinta arrimaha. Is-dhexgalka bulshada sida (dhaqanka, tacliinta, isboortiga, iyo ganacsiga) waxaan u arkaa inaanu mushkilad ahayn. S-Waa maxay muhiimada wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, haddii Beesha Caalamku doonayso midnimo dhaxmarta labada dal? Haddii Somaliland ka noqosho la’aan ka go’antahay xornimadu, muhiimad weyn ma laha wada hadal dhexmara Soomaaliya iyo Somaliland haddii aysan Somaliland ka fikirayn inay ka dhaadhicin karto Soomaaliya aqbalaada madax-bannaanideeda. Ma aaminsani inuu jiro heshiis bulshada caalamku u dhan tahay oo la xidhiidha sida natiijadii ugu dambaysay noqonayso. S-Hadaan Somaaliya diyaar u ahayn aqbalaada madaxbanaanida, waa maxay danta ku jirta wadaxaajoodka? Waxaan had iyo jeer ku dooda, aaminsannahayna in su’aasha aqoonsiga Somaliland ay go’aamiso Midowga Afrika. Isla mar ahaantaana, haddii wadahadalka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland uu yarayn karo xiisadda ama xitaa xallin karo arrimo yaryar si ku meel gaar ah ama gebi ahaanba, taasi waa wax wanaagsan. S-Hogaamiyaasha Somaliland miyaanay qaadaci karin wadaxaajoodka u dhexeeya Soomaaliya, haddii aanay keenayn rajada shacabka? Mise waxaa jira culays Beesha Caalamka? Waxaan filayaa in dadka reer Somaliland aad u akhrinayaan waxyaabaha ku saabsan isu-socodka bulshada. Hogaamiyaasha Somaliland ayaa go’aamin kara waxa u dan ah iyo waxa aan dantoodu ku jirin. Uma maleynayo in bulshada caalamku joogto mowqif adag oo ay ku khasbi Somaliland siday u dhaqmi lahayd. Is-dhexgalka bulshada mushkilad maaha, hadii Hogaamiyaha Somaliland u arko dhibaato, wuu joojin karaa. Source
  3. (SLT-Paris)-Raysal wasaarihii hore ee dalka Faransiiska François Fillon iyo xaaskiisa ayaa lagu riday xukun xadhig ah kaddib markii lagu helay dambi inay ku lug lahaayeen sameynta shaqo been abuur ah. François Fillon oo ahaa siyaasi ka tirsanaa xisbiga conservative-ka ayaa lagu helay dambi ah in xaaskiisa Penelope Fillon uu mushaar ahaan u siin jiray $1.3m kaddib markii la siiyay shaqo ayna weligeed qaban oo ah inay kamid aheyd shaqaalaha baarlamaanka. Waxaana Ra’iisul wasaarihii hore ee Faransiiska lagu riday shan sanno oo xadhig ah, waxaana meesha laga saaray saddex sanno oo kamid ah shantaas sanno. Fadeexaddan waxay horseeday in uu meesha ka baxo damaciisii ahaa in uu tartarmo doorshadii madaxtinimada dalkaas sannadkii 2017-kii. Waxay go’aankan maxkamadda ka qaateen racfaan taas oo meesha ka saareyso in si deg deg ah loo xidho Fillon. Ninkan 66 jirka ah, waxaa uu noqonayaa siyaasi hayay xil sare oo Faransiis ah oo lagu rido xukun xadhig ah tan iyo sannadkii 1958-dii. Go’aanka maxkamadda Garsooraha maxkamadda waxaa uu sheegay in Mrs Fillon lagu helay dambi ah in loo sameeyay shaqo been ah, waxaana sidoo kale lagu helay dambi ah in ay lunsatay lacagta dadweynaha. Waxaana François Fillon iyo xaaskiisa lagu ganaaxay $423,000 oo doolar, waxaa sidoo kale lagu amray inay soo celiyaan €1m oo lacagta giniga ah kaddib markii Penelope Fillon la sheegay inay ka shaqeyneysay baarlamaanka laga bilaabo sannadkii 1998-dii ilaa 2003-dii. Seygeeda waxaa laga mamnuucay in muddo 10 sanno ah wax shaqo ah ka qabto xafiis dawladeed. Source
  4. (SLT-London)-Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday 14 dal oo muwadiniintooda loo arko inay badqabaaan kuwaas oo loo ogolaan doono inay qaaradaas booqdan wixii ka bilaama kowda July, iyadoo uu jiro cudurka coronavirus. Maraykanka ,Brazil, iyo shiinaha ayaa ka mid ah dalalka laga mamnuucay inay booqdaan yurub. Dalalka la ogolaaday waxaa kamid ah Australia, Canada, Japan, Morocco iyo kuuriyadda koonfureed. Midowga Yurub waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin in Shiinaha ay ku daraan liiska haddii shiinaha ay heshiis kaas la mid ah ay u ogolaadan dadka Yurub, diblumaasiyiinta ayaa sidaasi sheegay. Waxaa xuduudaha la isugu furay muwadiniinta yurub ku nool ee safarada isaga dhex gooshaya, waxaase si gooni ah loola macaamila muwadiniinta UK kadib markii dalkaasi ka baxay yurub. Liiska wadamada badqaba ayaa la filaya in dib u habeyn lagu sameeyo sida dalalka Algeria, Australia, Canada, Georgia, Japan, Montenegro, Morocco, New Zealand, Rwanda, Serbia, Kuuriyada koonfureed, Thailand, Tunisia iyo Uruguay. Source
  5. Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay muddo 30 sano ah loo doortay madaxweyne ku xigeenka shirka 75aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka. Warkan ayaa lagu shaaciyay bogga safaaradda Soomaaliya ee wadanka Mareykanka, waxaana xilkan Soomaaliya ku matelaya safiirka u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle. Xilka madaxweyne ku xigeenka oo markiiba ay qabtaan dalal dhowr ah ayaa dalalka kale ee sanadka Soomaaliya ku wehliya waxaa kamid Cameroon iyo Togo, waxaana matelaad ku yeesha dhammaan shanta qaarad ee adduunka. Soomaaliya ayaa xilkan horay usoo qabatay dhowr jeer oo kala h sandkii 1963-64 oo uu soo qabtay Dr Xasan Nuur Cilmi, 1979-1980 Cabdirisaaq Xaaji Xuseen/ Axmed Aadan “Qeybe” iyo Sanadkii 1986-87 oo uu soo qabtay Cabdullaahi Cismaan. Maxay tahay shaqada madaxweyne ku xigeenka shirka golaha guud? Xilkan oo ah mid wareegta ah ayaa waxaa sanadkiiba qabta dalal lagu qiyaasay 21, kuwaas oo ka shaqeeya ajendaha guddiga shirka golaha guud ee Qaramada midoobay oo sanadkiiba mar la qabto. Xilka madaxweynaha ama shir guddoonka guddiga ayaa waxaa sidoo kale loo doortay dalka Turkiga. Sanad walba, guddiga golaha oo ka kooban madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa waxay ka arrinsadaan ajendayaasha ay madaxda caalamka uga hadlan shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay iyo tallooyin ay usoo jeediyaan golaha guud ee Qaramada Midoobay. Sida ku cad bogga rasmiga ah ee Qaramad Midoobay, waxaa sanadihii dambe la sii xoojiyay shaqada ay qabtaan gudidga oo uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka, waxaana kamid ah shirarka gaargaarka ah iyo in ay u furan yihiin dhamman dalalka xubnaha ka ah Qaramad Midoobay oo ay la kulmi karaan. Madaxweyne ku xigenka ayaa leh door soo jeedin, waxaana uu sidoo kale madaxweynaha ka caawiyaa dejinta ajendayaasha dhammaan shirarka iyo hab maamuuska shaqo ee kullanka golaha guud ee Qaramada Midoobay. Haseyeeshee wax go’an ah kuma lahan waxwalba oo la xiriira arrimaha siyaasadda. Dalka Nigeria ayaa horay usoo qabtay xilka madaxweynaha, waxaana haatan kala wareegay wadanka Turkiga. Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Soomaaliya tallaabadan ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo Soomaaliya ay kasabatay. Dhanka kale, danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay dedaalo ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah sidii Soomaaliya ay ugu guuleysan lahayd xubinnimada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa ay sheegeen in la gudbiyey. Xigasho: BBC. View the full article
  6. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo u warrantay Shabelle ayaa shaacisay xilliga uu guddiga madaxa banaan ee doorashada ka guurayo xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in sababo la xiriira dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ay keentay inay haatan ku shaqeeyaan xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Sidoo kale waxa ay shaacisay in bisha September ee sanadkan qorshohoodu yahay in ay u guuraan xarun cusub oo dhismeheedu haatan socd. Hadalka Xaliimo Yarey ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ay shaki ka muujiyeen madax banaanida guddiga doorashooyinka qaranka, maadaama uu ku shaqeeyo xarunta looga arrimiyo dalka ee madaxtooyada Soomaaliya. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay muddo 30 sano ah loo doortay madaxweyne ku xigeenka shirka 75aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka. Warkan ayaa lagu shaaciyay bogga safaaradda Soomaaliya ee wadanka Mareykanka, waxaana xilkan Soomaaliya ku matelaya safiirka u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle. Xilka madaxweyne ku xigeenka oo markiiba ay qabtaan dalal dhowr ah ayaa dalalka kale ee sanadka Soomaaliya ku wehliya waxaa kamid Cameroon iyo Togo, waxaana matelaad ku yeesha dhammaan shanta qaarad ee adduunka. Soomaaliya ayaa xilkan horay usoo qabatay dhowr jeer oo kala h sandkii 1963-64 oo uu soo qabtay Dr Xasan Nuur Cilmi, 1979-1980 Cabdirisaaq Xaaji Xuseen/ Axmed Aadan “Qeybe” iyo Sanadkii 1986-87 oo uu soo qabtay Cabdullaahi Cismaan. Maxay tahay shaqada madaxweyne ku xigeenka shirka golaha guud? Xilkan oo ah mid wareegta ah ayaa waxaa sanadkiiba qabta dalal lagu qiyaasay 21, kuwaas oo ka shaqeeya ajendaha guddiga shirka golaha guud ee Qaramada midoobay oo sanadkiiba mar la qabto. Xilka madaxweynaha ama shir guddoonka guddiga ayaa waxaa sidoo kale loo doortay dalka Turkiga. Sanad walba, guddiga golaha oo ka kooban madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa waxay ka arrinsadaan ajendayaasha ay madaxda caalamka uga hadlan shirka golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay iyo tallooyin ay usoo jeediyaan golaha guud ee Qaramada Midoobay. Sida ku cad bogga rasmiga ah ee Qaramad Midoobay, waxaa sanadihii dambe la sii xoojiyay shaqada ay qabtaan gudidga oo uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka, waxaana kamid ah shirarka gaargaarka ah iyo in ay u furan yihiin dhamman dalalka xubnaha ka ah Qaramad Midoobay oo ay la kulmi karaan. Madaxweyne ku xigenka ayaa leh door soo jeedin, waxaana uu sidoo kale madaxweynaha ka caawiyaa dejinta ajendayaasha dhammaan shirarka iyo hab maamuuska shaqo ee kullanka golaha guud ee Qaramada Midoobay. Haseyeeshee wax go’an ah kuma lahan waxwalba oo la xiriira arrimaha siyaasadda. Dalka Nigeria ayaa horay usoo qabtay xilka madaxweynaha, waxaana haatan kala wareegay wadanka Turkiga. Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in Soomaaliya tallaabadan ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo Soomaaliya ay kasabatay. Dhanka kale, danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay dedaalo ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah sidii Soomaaliya ay ugu guuleysan lahayd xubinnimada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa ay sheegeen in la gudbiyey. Xigasho: BBC.
  8. Madaxweyme ku xigeenka koowaad ee Jubbaland oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan ammaanka Kismaayo. Sayid Aadan ayaa sheegay in amniga magaalada uu yahay mid wanaagsan, sida magaalooyinka kale ee Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ah ay si aad ah dadaal ugu bixiyeen xoojinta nabadgelyada magaallo xeebeedka Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland. Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa u mahadceliyey shacabka Kismaayo oo uu sheegay inay wada shaqeyn la leeyihiin ciidamada ammaanka. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay amniga magaaladaasi uu ahaa mid degan, islamarkaana ay howlgallo ka wadeen ciidamada Booliska Jubbaland. View the full article
  9. Guddoomiyaha Guddiga wadajirka ah ee dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka Federaalka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabasho ka soo yeertay qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed, taas oo ah in kuraastoodii Golaha shacabka deegaan doorashadooda loo wareejiyay gobol ama degmo aysan degin. Xildhibaan Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in arrintaas aysan ku dhicin ku talagal, balse ay tahay khalad ka dhacay daabacaadda xeerka Astaynta kuraasta Golaha shacabka, haatana ay diyaar u yihiin in ay saxaan. Sidoo kale waxa uu xusay in sidii loo sixi lahaa khaladaadka jira ay la kaashan doonaan Guddoonka Golaha shacabka, isla markaana ay qaadan doonaan talooyinka ay soo jeediyaan xildhibaanada aragtida ka dhiibanaya xeerka Asteynta kuraasta Baarlamanka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan, oo ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta Golaha Shacabka oo hor yaalla golaha ayaa isna sheegay in kuraasta loo wareejiyey gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay khatar ugu jiraan inay lumaan. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Soomaaliya oo war ka soo saaray Kuraasta la wareejiyay Degaan Doorashadooda appeared first on Puntland Post.
  10. Guddoomiyaha guddiga wadajirka ah ee dhameystirka xeerarka sharciga doorashooyinka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabasho ka soo yeertay beelaha qaar, taas oo ah in kuraastoodii goalaha shacabka deegaan doorashadooda loo wareejiyey gobol ama degmo aysan degin. Xildhibaan Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in arrintaas aysan ku dhicin ku talagal, balse ay tahay khalad ka dhacay daabacaadda xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka, haatana ay diyaar u yihiin inay saxaan. Sidoo kale waxa uu xusay in sidii loo sixi lahaa khaladaadka jira ay la kaashan doonaan guddoonka golaha shacabka, isla markaana ay qaadan doonaan talooyinka ay soo jeediyaan xildhibaanada aragtida ka dhiibanaya xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta Golaha Shacabka oo hor yaalla golaha ayaa sheegay in kuraasta loo wareejiyey gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay khatar ugu jiraan inay lumaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xiriiray Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo uu kasbaday dalkeennu sanadihii la soo dhaafay, taas oo ku aaddan go’aamadeenna arrimaha dibadda, aragtideenna siyaasadeed iyo in shacabkeenna Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladdooda, ayna ka go’an tahay dib u dhiska dalkooda. “Soomaaliya waxa ay si buuxda ugu soo laabatay fagaareyaasha caalimiga ah, iyadoo ay inaga muuqato firfircooni, hal abuur hoggaamineed, dhexdhexaadnimo, ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo ka shaqeynta danaha wadajirka ah ee dhinacyada horumarinta, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey diblumaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay soocelinta maqaamkii iyo doorkii hoggaamineed ee dalkeenu uu ku lahaa caalamka, isagoo u rajeeyey Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey in ay si mugleh uga soo dhalaalaan masuuliyadda adag ee loo doortay. Dhankiisa, Danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey. View the full article
  12. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Subax-300620.mp3 View the full article
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xiriiray Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo uu kasbaday dalkeennu sanadihii la soo dhaafay, taas oo ku aaddan go’aamadeenna arrimaha dibadda, aragtideenna siyaasadeed iyo in shacabkeenna Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladdooda, ayna ka go’an tahay dib u dhiska dalkooda. “Soomaaliya waxa ay si buuxda ugu soo laabatay fagaareyaasha caalimiga ah, iyadoo ay inaga muuqato firfircooni, hal abuur hoggaamineed, dhexdhexaadnimo, ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo ka shaqeynta danaha wadajirka ah ee dhinacyada horumarinta, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey diblumaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay soocelinta maqaamkii iyo doorkii hoggaamineed ee dalkeenu uu ku lahaa caalamka, isagoo u rajeeyey Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey in ay si mugleh uga soo dhalaalaan masuuliyadda adag ee loo doortay. Dhankiisa, Danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa markale weerar ka fuliyeeyey duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xerada ciidamada dowladda ee bacaadaha, taas oo ku taalla agagaarka magaaladaasi. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in xalay weerar gaadma ahaa ay ku qaadeen xeradaasi, kadibna uux iga iska hor imaad ka dhacay halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, islamarkaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan. Habeen hore ayey aheyd markii Al-Shabaab ay weerar loo adegsaday madaafiic ku qaadeen saldhigga ciidamada Jabuuti ee ku yaalla galbeedka Beledweyne.
  15. Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Ajandaha ayaa lagu wadaa in goluhu uu go’aan ka soo saaraan asteynta kuraasta golaha shacabka iyo goobta la dhigayo doorashadooda, oo maalmihii tagay mudanayaashu kalahaayeen dood dheer, ayaa lagu wadaa in maanta oo talaado ah ay meel mariyaan. Kulaha shacabka ayaa markii dib loo furmay kalafadhiga 7-aad, waxaa ay meel mariyeen xeerea dhowr ah oo ay kamid ahaayeen kuraasta gobolada Woqooyi iyo matalaadda gobolka Banaadir ee gobalaha Aqalka sare, waxaana jira xeer waa weyn oo golaha u dhiman sida dib u eegista Dastuurka dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Donald Trump may drop out of the 2020 presidential race if he believes he has no chance of winning, a Republican Party operative reportedly told Fox News. Source: Hiiraan Online
  17. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa u hambalyeeyay shacabka iyo Goleyaasha Dowladda, kaddib markii Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xiriiray Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo uu kasbaday dalka sanadihii la soo dhaafay, taas oo ku aaddan go’aamadeenna arrimaha dibadda, aragtideenna siyaasadeed iyo in shacabkeenna Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladdooda, ayna ka go’an tahay dib u dhiska dalka. .Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey diblumaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay soocelinta maqaamkii iyo doorkii hoggaamineed ee Soomaaliya ay ku lahayd caalamka, isagoo u rajeeyey Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay in ay si mugleh uga soo dhalaalaan masuuliyadda adag ee loo doortay. Dhankiisa, Danjire Abuukar Daahir Cismaan Abuukar Baalle ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalka uu ku guulaysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyay. PUNTLAND POST The post Farmaajo oo hambalyeeyay Danjire Abukar Baalle oo loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. appeared first on Puntland Post.
  18. Fears grow over damage to crops as coronavirus has cost millions of jobs. Source: Hiiraan Online
  19. Nearly 200 fishing vessels were found to be unlawfully operating in Somali and Yemeni territorial waters, report says Source: Hiiraan Online
  20. The United Nations office in Somalia has called on the country's leaders to reach consensus on a way forward on holding a universal vote as early as March 2021. Source: Hiiraan Online
  21. PARIS (Reuters) - France’s president on Monday accused Turkey of massively importing jihadists into Libya, labeling Ankara’s intervention “criminal” and he lambasted Russian President Vladimir Putin’s ambivalence towards his country’s mercenaries operating in the North African state. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xiriiray Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo uu kasbaday dalkeennu sanadihii la soo dhaafay, taas oo ku aaddan go’aamadeenna arrimaha dibadda, aragtideenna siyaasadeed iyo in shacabkeenna Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladdooda, ayna ka go’an tahay dib u dhiska dalkooda. “Soomaaliya waxa ay si buuxda ugu soo laabatay fagaareyaasha caalimiga ah, iyadoo ay inaga muuqato firfircooni, hal abuur hoggaamineed, dhexdhexaadnimo, ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo ka shaqeynta danaha wadajirka ah ee dhinacyada horumarinta, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey diblumaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay soocelinta maqaamkii iyo doorkii hoggaamineed ee dalkeenu uu ku lahaa caalamka, isagoo u rajeeyey Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey in ay si mugleh uga soo dhalaalaan masuuliyadda adag ee loo doortay. Dhankiisa, Danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey.
  23. Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab dagaal ku qaadeen fariisimo Ciidamada dowladdu ku leeyihiin halka loo yaqaan Bacaadaha oo ka tirsan Degmada Beledweyne. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab waxaana ay sheegeen in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas. Ha yeeshee ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijin karta Khasaaraha kala gaaray labada dhinac islamarkaana Al-shabaab weli war kama soo saarin dhankooda. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
  24. Fanaan xalay lagu toogtay Addis ababa & Rabshado xooggan oo ka dhashay+Sawirro Hajalu Hundesa oo ka mid ahaa fanaaniinta Oromada ee caanka ah ayaa lagu toogtay xalay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa ka dib markii ay rasaas ku fureen rag aan heybtooda la garan. Toogashada fanaankan ayaa ku soo beegantay xili uu Todobaadkii hore uu waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Tv-ga OMN, waraysigaasoo uu ku weeraray boqorkii hore ee Itoobiya ee Minilik oo ka soo jeeday qowmiyada amxaarada, waxaana ka dhashay hadal heyn badan. Dilka loo geystay Hajalu ayaa sababi kara Khalqal iyo banaanbaxyo waaweyn oo mar kale dalkaas ka dhaca, waxaana jira walaac ku saabsan in falkan uu dib u soo nooleeyo colaadii ka dhexeysay qowmiyadaha Itoobiya qaarkood gaar ahaan Oromada iyo amxaarada. Xalay gelinkii dambe markii uu soo baxay warka ku saabsan dilka fanaankan ayaa banaanbaxyo lagaga soo horjeeda toogashadiisa waxay ja bilowdeen qaybo ka mid ah caasimada Itoobiya iyo Ismaamulka Oromia. Raisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo ka hadlay qalabka warbaahinta dowlada ayaa ka codsaday shacabka careysan inay is dajiyaan, kana war sugaan hay’adaha nabadgalyada . Sidoo kale Jawar Mohamed oo ah hogaamiye ka tirsan Oromada oo mucaarad ku ah dowlada Itoobiya ayaa shacabka ugu baaqay inay isdajiyaan kana war sugaan baaritaanada la bilaabay. hase ahaatee dadka isku soo baxay ayaan dhag jalaq u siinin hadaladaa kasoo yeeraya dhinacyadaa kala duwan, waxaana xalay gelinkii dambe sii xoogeystay dadka rabshadaha sameynaya, iyadoo laga cabsi qabo in subaxnimadan ay ka sii daraan banaan baxyada iyo rabshadaha. Qaran News
  25. Askari Syrian ah oo jaceyl u soo bandhigay Gabadh uu dhalay madaxweyne Bashar Al-Assad – Maxaa xigay,halkkuse ku danbeeyay? Askari u dhashay Suuriya oo muuqaalo xiriir ah soo dhigay baraha bulshadda, isaga oo ku dhawaaqaya una sheeganaya Jacaylka uu u qabo gabadha 16 jirka ah ee Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad, uuna doonayo inuu guursado, ayaa la sheegay in ay Sabtigii xabsiga dhigeen ciidamada Dowladda. Askariga oo magaciisa lagu sheegay Yazan Soltani, ayaa bilaabay in uu muuqaaladiisa baraha bulshadda soo dhigo todobaadkii lasoo dhaafay, isagoo jacaylkiisa u jeedinaya gabadha keliya ee uu dhalay Bashar al-Assad, taas oo lagu magacaabo Zein Assad. “Waan ku jecelahay, xaqiiqdii waan ku jecelahay,” ayuu Soltani ku yiri, muuqaalkaan. “Waan kugu waalanahay. Anigaa ku leh anigana adigaa i leh. Teyda ahaaw,” ayuu ku yiri muuqaal kale ee dhaliyey hadal heynta ugu weyn Suuriya ka jirta. “Teyda ayaad ahaan doonaa weligaa, ilaa waqtigu ka dhamaado, kaama hari doono, waxay ahaataba,” ayuu yiri. Inkastoo dadka qaar ku taageerayeen jacaylkiisa, kuwo badan ayaa uga digayay in uu yareysto khatarta qoyska madaxweyne Assad. Intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya ee tobanka sano jirsaday, waxaa xabsiyada lagu waayay tobanaan kun oo mucaaradka Bishaar al-Assad ahaa. “Waxaan kuula hadlayaa sida walaalkaa oo ku waaninaya,” ayuu yiri qof u dhashay Siiriya oo Internet-ka wax ku qora. “Waxaa jiray kuwo kaa horeeyay oo baraha bulshadda kasoo muuqday iyagoo codsiyo sameeyay, siimana aanan arkin. Aragtideyda, waxaad aad ugu dhowdahay khadka cas.” Sabtigii qof sheegtay in uu walaalkiis yahay ayaa Page-ka Soltani kusoo qoray in la xiray lana garaacay Yazan Soltani. Qoraal kale oo Page lagu soo daabacay ayaa kadibna looga codsaday Madaxweynaha Mareykanka in uu shirqool ku dilo Bashar Al-Assad, si “halyeyga Yazad” loo soo daayo. Qaran News