Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,276
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddiga Joogtada Ee Gollaha Wakiillada ee Somaliland oo kalsoonidii kala laabtay xisbiga uu hogaamiyo Eng Faysal Cali Waraabe. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Guddiga Joogtada Ee Gollaha Wakiillada ee Somaliland https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-sml.mp4 Source: goobjoog.com
  2. Guddiga ku meel gaar ah ee doorahooyinka Puntland ayaa bilaabay qiimayn kormeer ah,iyagoo booqday Xafiisyada Ururada Siyaasadda ee ku yaala Magaalada Garoowe. Guddiga ku meel gaar ah ee doorahooyinka Puntland ayaa bilaabay qiimayn kormeer https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/06/whats-garowe.mp4 Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa afar maalmood kadib markii ugu horreysay maanta ka warbixiyey safarka uu ku joogo magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar. Ra’iisul Wasaaraha, oo Qatar tegay 26-kii June, ayaa tan iyo markaas aan wax war ah laga helin socdaalkiisa, hase yeeshee qoraal maanta kasoo baxay xafiiskiisa ayaa looga warbixiyey kulamadii ugu dambeeyey ee uu Kheyre halkaas ku qaato. Sida lagu sheegay qoraalka , Ra’iisul Wasaaraha, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimadda dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. Xafiiska Kheyre, Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo mudane Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, iskaashiga dhaqaalaha iyo aminga. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ujeedka safarka Kheyre uu yahay sidii uu Kheyre dowladda Qatar uga codsan lahaa inay dib u billowdo taageero dhaqaale oo ay siin jirtay dowladda oo hakad uu ku yimid markii la magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Qatar Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, 28-kii Janaayo. Qatar ayaa saaxiib dhow la ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee taageerada Qatar ee Soomaaliya ayaa ah mid aad u kooban oo aan muuqan, marka loo barbar dhigo Turkiga oo ah dalka ugu weyn ee taageera Soomaaliya.
  4. (SLT-Addis ababa)-Jawaar Maxamed oo ah siyaasi caan ka ah dalka Itoobiya gaar ahaan Qoomiyadda Oromada ayaa xabsiga loo taxaabey. Jawaar waa siyaasi hormuud ka ahaa kacdoonkii Oromada, isagoo ah aas-aasaha shabakadda warbaahinta Oromada ee OMN. Sababta xadhigiisu illaa hadda ma cadda, hase ahaatee waxaa dalkaasi ka taagan xiisad ka dhalatay dilka Fanaan saameyn ku lahaa Oromada. Source
  5. Lyon (Caasimada Online) – Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa jawaab rasmi ah kasoo saartay dalabkii Iran ee soo qabashada madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump. Dowladda Islaamiga ah ee Iran ayaa dhawaan soo saartay waaran lagu xirayo madaxweyne Trump, iyada oo Interpol kaga codsatay inay ka gacan siiso soo qabashada Trump. Interpol ayaa gebi ahaanba ku gacan seyrtay dalabka dowladda Iiraan, iyada oo si cadna u sheegtay inaysan tix-gelin doonin dalabkeeda ee soo xirista madaxweynaha Mareykanka oo xiligan xiisad adag kala dhaxeyso. Dowladda Iiraan ayaa rumeysan in Trump uu yahay maskaxdii ka dambeysay duqeymihii lagu dilay sarkaalkeedii sarre ee Qassem Soleimani. Diidmada Interpol ayaa meesha ka saareysa khatar xarig oo uu wajahi lahaa madaxweynaha Mareykanka oo dowladda Iiraan ay u jartay waaran soo qabasho oo ay ku wehlinayeen xubno kale oo ay Tehran la xiriirisay dilkii sarkaalkeeda. Interpol ayaa diidmada dalabkaasi ku saleysay in waarankaasi yahay mid siyaasadeysan, isla markaana ay mamnuuc ka tahay qawaaniinteeda wax ay ugu yeertay ‘faragelin kasta ama hawlo siyaasadeed’. Ali Alqasimehr oo ah dacwad oogaha sare ee Iran ayaa aaminsan in Trump iyo soddomeeyo kale oo dad ah ay wajahayaan dacwad ku saabsan dambiyo iyo dilal la xiriira argagixisanimo. Horaantii sanadkaan ayey aheyd markii diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha laheyn ay gantaal ku dileen Soleimani oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyey guutada Qudus ee ciidamada kacaanka Islaamiga ah ee Iran.
  6. Interpol oo ka jawaabtay dalabkii Iran ee ahaa in la soo xidh Trump Dowlada Iran ayaa warqad ay u dirtay booliiska caalamiga ee Interpol kaga dalbatay in lasoo xiro Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xubno kale oo Iran ku eedeesay in ay ka dambeeyeen dilka Jeneraal Qasim Sulemani. Dacwad oogaha guud ee Tehran Cali Alqasimehr ayaa sheegay in Madaxweyne Trump iyo 30 qof oo kale ee ku lug lahaa dilkii Qaasim Sulaymaani ay wajihi doonaan dacwado la xiriira dil , waxa uuna ka dalbaday Interpol in dadkaasi lasoo xiro. Booliska caalamiga ah ee Interpol oo saldhigiisu yahay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska ayaa dhagaha ka fureestay dalabka dowlada Iran, waxaana xubno katirsan Interpol sheegeen in aysan tixgalin doonin codsiga Iran . Interpol ayaa sheegtay in sharciga u yaala uu ka mamnuucayo inay sameeyaan tallaabooyin ku aadan siyaasad, milateri, arrimaha diimaha la xiriira iyo waliba midab takoorka. Warbaahinta caalamka ayaana wali aad u hadal heysa codsiga dowlada Iran u dirtay booliiska Caalamiga ee ku aadan in lasoo xiro Madaxweynaha Mareykanka iyo xubno kale oo katirsan Dowlada Mareykanka. Qaran News
  7. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada ah oo goor dhow ka dhacay agagaarka garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in lagu aasay agagaarka garoonkaasi, waxaana wararka ay sheegayaan inay soo saareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, balse uu ka qarxay Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya Dhinaca kale waxaa garoonka Stadium Muqdisho haatan ka socota munaasabad ballaaran oo xariga looga jarayo garoonkaasi oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey. Madaxweynaha oo furaya garoonkan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan halkaasi. View the full article
  8. Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey xeerka astaynta kuraasta golaha shacabka oo maalimihii la soo dhaafay ay ka doodayeen xildhibaanada baarlaamka federaalka Soomaaliya. Xeerkaan oo ah kii ugu dambeeyay afartii xeer ee ay soo gudbiyeen guddiga labada ee aqal ee baarlamaanka u qaabilsanaa xeerarka dhamaystirka doorashooyinka ayaa waxaa ogolaaday 144 mudane, afar xildhibaan ayaa diiday ansixinta, halka 2 mudane ay ka aamustay xeerkaan. Baarlamaanka Soomaaliya kulankoodii 12-aad ee maanta waxaa shir guddoomiyey guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, waxaana maanta xaadiray 150 mudane oo ka tirsan baarlamaanka. Ajandihii kulankii maanta ayaa ahaa; 1-Sii Wadida Ka Doodista Xeerka Astaynta Kuraasta Golaha Shacabka 2-Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga ahayn Ugu dambayn gudoomiye Mursal ayaa soo xiray fadhiga maanta ee baarlamaanka, waxa ayna ka dhigan tahay in dhamaan la ansixiyey 4-tii xeer ee ay soo gudbiyeen guddiga labada gole ee baarlamaanka Somalia ee lagu kabaayay xeeraeka doorashooyinka dalka. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka deegaameynta kuraasta Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in 144 mudane ay ogolaatay xeerka, 2 xildhibaan ayaa diiday halka ay 4 xildhibaan ka aamuseen. Maalmahii lasoo dhaafay ayey cabasho ka timid xeerkaan, waxaana jiray in xildhibaanada qaarkood meel ka baxsan deegaan doorashadooda la geeyay kuraastooda. Maamul goboleedyada ayaa horay u diiday xeerkaan, waxaana jiray shaki badan oo ay qabeen siyaasyiinta kuna aadan tallaabda ay maanta qaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka.
  10. Ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay ra’iisul wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka arrimadda dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. Kulanka dhex maray ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo mudane Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga. Qatar ayaa ka mid ah dowladaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida joogtada ah uga taageera hir-gelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska dalka. View the full article
  11. Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in manata askari ka tirsan ciidamada dowladda uu qof shacab ahaa ku dilay gudaha magaaladaasi. Dilka oo ka dhacay xaafadda Waabari ee degmadaasi ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey askari ka tirsan ciidamada ammaanka, kaas oo goobta ka baxsaday. Sidoo kale wararka ayaa sheegay in dilka uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay marxuumka iyo askariga dilka geystay. Laamaha amniga ayaa sheegay inay ku raad-joogaan askariga ka dambeeyey falkaasi dilka ah, waxaana haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah. Amniga Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid xasilan, waxaana howlgllo ballaaran ka waday ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug. View the full article
  12. Guddiga Agaasimayaasha ee Hay’adda Bangiga Adduunka waxa ay ansixiyeen in Soomaaliya la siiyo dhaqaale dhan 40 million oo Dollar ee Taageeradda Horumarinta Caalamiga, taasi oo qeyb ka ah Maaliyada Degdegga ee Soomaaliya looga taageerayo La-dagaalanka Ayaxa Lama-degaanka. Qoraal la soo dhigay barta Internet-ka ee Bangiga Adduunka ayaa lagu muujiyey in ay Taageradaasi qeyb ka tahay Barnaamijka Jawaab-celinta Degdega ee looga hortagayo Khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo Nidaamka U-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo Bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka. Duullaanka Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn xoogan ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 Degmo oo ka tirsan Dalka Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% Dhaqaalaha Somalia Agaasime-Gobaleedka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Carlos Felipe Jaramillo waxa uu sheegay in duullaanka Ayaxu khatar ku hayo sii-socoshada Xaalladda Aadminimo ee haatan ka jirta Somalia iyo inuu horseedo yaraanshaha helitaanka cuntada, khasaaro dhinaca Dakhliga iyo Iska-horimaad ku salaysan Kheyraadka iyo xulashada dhaqdhaqaaqyada guurguuritaanka oo xadidan. Haweeneyda Hoggaamiyaha u ah Kooxda Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Soomaaliya, Afrah Alawi Al-Ahmadi waxay sheegtay in Mashruucan taageeri doono qiyaastii 100,000 oo Qoys, kuwaasi oo laga taageeri doona Lacagaha Kaashka iyo Baahiyayaalka Asaasiga ah, si loo badbaadiyo Noloshooda inta lagu jiro Qalalaasahaasi. Deeqda cusub ee ay Guddiga Agaasimayaasha ee Hay’adda Bangiga Adduunka shalay anixiyeen ku soo beegmaysaa, hal isbuuc kadib, markii ay ansixiyeen 55 million oo Dollar oo Taageeradda Horumarinta Caalamiga oo lagu taageerayo Dib-u-habaynta Siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanad-maaliyadeedka haatan socda, Maaraynta Maaliyadda, sidii loo xaqiijin lahaa Barnaamijka Dib-u-habaynta ee lagu taageerayo Soomaaliya, Dib-u-hawlgelinta iyo Dib-u-habaynta Maalgelinta Horumarinta Siyaasadda dheeriga iyo in dib loogu eego Miisaaniyadda sanadkan 2020-ka. View the full article
  13. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka ka horreeyey intaba. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Hiiraan, Mudane Maxamed Miiris Isaaq oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi, wuxuuna sheegay in ciidamada ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab. Waa markii saddexaad oo muddo todobaad ah la weerarayo ciidamada Jabuuti ee ku sugan Baladweyne, waxaana mas’uuliyadda weeraradaas sheegtay Al-Shabaab. View the full article
  14. The World Bank Board of Directors today approved a $40 million International Development Assistance (IDA) grant for Somalia as part of the Emergency Locust Response Program, which seeks to respond to the threat posed by the locust outbreak and strengthen systems for preparedness in affected countries in Africa and the Middle East. The locust invasion has gravely impacted the livelihoods of nearly 2.6 million living in forty-three districts of Somalia. The agriculture sector remains the backbone of the economy and accounts for about 75 percent of GDP. The Shock Responsive Safety Net for Locust Response (SNLRP) will focus on addressing the immediate impact of the locust infestation on poor and vulnerable households by meeting their short-term food security and consumption needs and protecting their livelihoods and human capital assets through emergency cash transfer. The project builds on the new and Government-led “Baxnaano” (meaning uplifting in Somali) national cash transfer program. It also complements the recently approved Somalia Crisis Recovery Project (SCRP), which focuses on measures to control the spread of locusts and to restore the livelihoods of smallholder households by providing re-engagement farming packages. “The locust invasion risks are aggravating the ongoing humanitarian crisis in Somalia and leading to reduced access to food, loss of income, resource-based conflict and limited migration options,” said World Bank Country Director for Somalia, Felipe Jaramillo. “We are supporting the Federal Government of Somalia to put in place a social protection system under the Baxnaano program that can respond quickly to protect subsistence farmers and pastoralists, from falling into deeper levels of food insecurity, as well as preventing the sale/loss of their productive assets.” After more than two decades of conflict and insecurity, Somalia is gradually establishing the foundations for stability and a new political settlement. However, wide-spread poverty and vulnerability to natural disasters, epidemics and unemployment shocks, threaten this progress and the well-being of millions of Somalis. For example, Somalia has experienced 14 droughts since 1960, averaging one every four years. Today, nearly 70 percent of Somalis live below the international poverty line with poverty being more acute in rural areas, making Somalia the third poorest country in the region. “During crisis, poor and vulnerable households are hit hard because they have the least ability to adapt in times of crisis, so they adapt negative copying mechanisms, such as eating less food or less nutritious food, selling off their productive assets and taking children out of school, in order to meet their short-term needs,” said World Bank Task Team Leader for Somalia, Afrah Alawi Al-Ahmadi. “Such measures have a long-term negative impact on the accumulation of human capital of impacted households. The Project will support around 100,000 households with cash assistance to access food and basic needs and therefore, enable them to protect their human and physical assets during the crisis.” World Bank Group Locust Response: The World Bank Group approved on May 20, 2020 a $500 million multi-phase program of emergency financing, complemented by policy advice and technical assistance, to support countries in Africa and the Middle East affected by the locust outbreak. The Program provides immediate support to affected households through targeted social safety nets like cash transfers, while investing in the medium-term recovery of agriculture and livestock production systems and rural livelihoods in affected countries, as well as strengthen national systems for preparedness and enhancing regional coordination. View the full article
  15. The UN mission in Somalia said it welcomes the election of the country’s representative to the world body, Amb. Abukar Baalle as a Vice-President of the UNGA’s 75th session. This is the first time since 1986-87, and a sign of Somalia’s progress since then and its return to international affairs. Somalia’s ambassador to the UN mission Abukar Osman Bale was elected as the Vice President of the 75th session of the UN General Assembly on Monday, June 29. Together with the new UNGA President Volkan Bozkir from Turkey, ambassador Abukar will preside over important affairs at the United Nations [UN]. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Maxamed Guuleed oo uu wehliyo Wasiirka ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha xarunta wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha oo dayactir ballaaran lagu sameeyay, dhismahaasi oo ka kooban 28 qol. Xaflada xariga loogga jarayey dhimasha wasaaraddaasi, ayaa waxa ka soo qeyb-galay guddidii qaban-qaabada xuska 26-ka Juun, Wasiiro, guddoomiyaha gobalka Banaadir, xildhibbaano iyo mas’uuliyiin kale oo tiro badan, kaasi oo ka qabsoomay xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho. Dayac-tirkan lagu sameeyey Wasaaradda, ayaa waxa qabatay hay’adda UNIDO oo taageero ka helaysa hay’adda dhinaca horumarinta ishkaashiga u qaabilsan dawladda Talyaani. Dhinaca kale, ra’iisul wasaare kuxigeenka Mahdi Maxamed Gulled oo uu wehliyay guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa sidoo kale xariga ka jaray xarumaha degmooyinka Xamar Jajab iyo Yaakhshiid, Jidka laamiga ah ee isku xira Isgoysyada Bakaaraha Iyo Black Sea oo dhamaantood isxilqaan lagu dhisay. Furitaanka dhismaayinka dayactirka lagu sameeyay ayaa waxaa lagu soo aadayay munaasabada 1-da Luulyo oo ku beegan markii xornimada gobolada Koonfur ka haaqen gumeystihii Talyaaniga 1960-kii. Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa isna la filayaa inuu xariga ka jaro dayactirka lagu sameeyay garoonka kubada cagta ee Muqdisho oo si gurux badan loo habeeyay.
  17. The long-chaotic Horn of Africa nation, Somalia is celebrating a big victory after being elected to serve second the deputy president of the UN General Assembly’s 75th session. Somali President Mohamed Farmajo has welcomed the appointment as a milestone showing the country’s growing profile and influence in the international community. “It is clear that Somalia showed up at the international arena with activeness, leadership and impartiality, and readiness to maintain regional stability and work for the common interests of development and cooperation,” the president said. On Monday, Somalia’s ambassador to the UN Abukar Osman Baale took up the position of Vice President of the UN General Assembly on behalf of the country. The election of Baale to deputize the UN General Assembly President is a major diplomatic for Somalia as it re-establishes itself in the global arena following three decades of conflict. View the full article
  18. Golaha wakiilada dowlad goboleedka jubbaland ayaa maanta u codeeyey codsi ka yimid madaxweyne Axmed Madoobe uu ku dalbaday in mudoo loo kordhiyo si uu u soo dhiso golihiisa wasiirrada. Golaha ayaa ayaa dood dheer ka dib codsigii ka soo gaaray madaxweynaha ugu codeeyey cod gacantaag ah in la siiyo mudoo 90, cisho ah. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa 22 bishii August 22, 2019 waxaa loo doortay madaxweynaha Jubbaland, waxaana ilaa iyo mudadaas laga sugaayey inuu soo magacaabo golaha wasiirrada Jubbland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Golaha wakiilada Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe u kordhiyey muddada uu ku soo dhisayo golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Jubbaland. Xildhibaanada kulanka ka qeyb-galay ayaa dhammaan u codeeyey in muddo 90 cisho ah loogu daray madaxweynaha, si uu ugu soo magacaabo golaha wasiirada Jubbaland. Sidoo kale xildhibaanada ayaa qaadacay shirka amniga qaranka ee uu dhawaan shaaciyey in Muqdisho lagu qabanayo madaxweynaha Soomaaliya. Golaha ayaa sheegay in Jubbaland aysan gabi ahaanba ka qeyb-gelin doonin shirkaasi oo loo qorsheeyey inuu dhaco bisha soo socota, iyaga oo ku eedeeyey dowladda dhexe in ay ka gaabisay dadaalladii laga sugayey ee u diyaar garowga doorashooyinka 2020/2021. Horey waxaa shirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada u diiday Puntland oo ka hortimid hannaanka doorashooyinka Soomaaliya. Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa in muddo ah uu khilaaf kala dhexeeyaa dowladda federaalka, kaas oo saameeyey wada shaqeynta ay la leeyihiin dowladda dhexe. View the full article
  20. Hargeisa ( PPM) – The Somaliland Parliamentary Permanent Committee has stripped Faisal Ali Warabe, the leader of UCID, a Somaliland opposition party, of his immunity from prosecution. The Committee accuses Faisal of violating the Somaliland Constitution. “Having seen the applicability if article 2 and 8 of Somaliland Constitution and articles 2 and 18 of Amendment of Political Parties and Associations; the constitutional dignity and responsibility of the Speaker of Somaliland Parliament; the supremacy of the law; and the statement from Chairman of UCID Party Faisal Ali Warabe that he opposes equality of Somaliland citizens and breached the Somali constitution, the Select Committee accepts that Faisal Ali Warabe is incapable of acting responsibly in national matters and is a threat to the peace and security of people of Somaliland” the statement reads. Somaliland Parliamentary Permanent Committee accused UCID Chairman of incendiary remarks for which “he will have to lose immunity from prosecution” The committee resolved “that from today Faisal Ali Warabe will not be regarded as the Chairman of UCID Party and urge Somaliland Government and our partners that support us in the democratic process not to have links with Faisal as a Chairman of a political party”. The Parliamentary Committee has called for Somaliland Committee for Party Registration to strip Faisal of immunity, and the Attorney General to press charges against UCID Chairman for violating the Somaliland Constitution. UCID Chairman has used incendiary remarks to accuse people in Sool region for not paying tax, and egged on Somaliland clans in Eastern regions to fight each other over territories. It was not the first time UCID Chairman used words that make his position as a party leader untenable. UCID Chairman may oppose the decision but charges from Somaliland Attorney General could overwhelm his responses to the decision from Somaliland Parliament and prosecution should the Somaliland judiciary follow the advice of the Somaliland Parliamentary Permanent Committee. UCID is one of the oldest Somaliland political parties. During the 2017 elections the party won less than 5% of votes. Waddani, a political party founded in 2012, won more than 40% of votes. If Faisal resigns or is sent to jail fierce competition on who could succeed him as party chairman will ensue if the party will avoid the fate of UDUB, which was dissolved in 2011 following disagreement over party chairmanship. © Puntland Post Monthly, 2020 The post A SOMALILAND PARTY LEADER TO LOSE IMMUNITY appeared first on Puntland Post.
  21. Askari la sheegay katirsanaa ciidamada booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qof shacab ah ku dilay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug. Askariga ayaa qofka shacabka ah ku dilay xaafada Waabari ee magaalada Dhuusamareeb, waxaan lagu magacaabayey marxuumka Axmed Isteeli, oo kamid ahaa dhallinta magaalada. Dilka ayaa yimid ka dib markii marxuumka dhintay iyo askariga ay marmeen. waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan askarigii dilka u geystay ruuxa shacabka ah. Ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa kawada howlgallo lagu baadi goobayo askarikii dilka geystay oo la sheegay inuu goobta isaga baxsaday. Goobjoog News Source: goobjoog.com