Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Isutaga ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa ka horyimid magacaabistii guddiga golaha adeegga garsoorka Soomaaliya ee khamiistii ay Magacaabeen Golaha Wasiirada dowladda dhexe ee [...] The post Ururada bulshada rayidka ah oo ka horyimid magacaabista Xukumadii dhacday ee guddiga adeega garsoorka ?. appeared first on . Source
  2. Musharax Madaxweyne, horena u soo noqday Safiirka Somalia u fadhiya Dalka Sucuudi Caraabiya iyo sidoo kale Wasiirkii Warfaafinta Dawlada Federaalka Somaaliyeed Mudane Dahir Maxamuud Gelle [...] The post Musharax Nadaxweyne Daahir Maxamuud Gelle oo Hanbalyo u diray Shacabiga iyo Hogaanka Dawlada Puntland appeared first on . Source
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa markii u horeysay sheegtay inay dalka ka dhici karto muddo kordhin ay si adag uga digeen saamileyda siyaasadu, taasi oo horseedi karta qalaalase siyaasadeed oo hor leh. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka qeyb galay dood ay qabatay idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay in muddo kordhin dhowr bilood oo farsamo ah ay dhici karto. Cabdinuur ayaa ka dhawaajiyey in muddo kordhintaasi ku iman karto wax uu ku sheegay ‘cilado farsamo oo dhanka qabashada doorashada ah’, xili la filayo in dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu ay ka arrinsadaan nooc doorasho oo ka dhacda dalka, taasi oo looga baaqsanayo muddo kororsiga ay ku howlan tahay Villa Somalia. Agaasimaha ayaa xusay in muddo kordhintaasi ay noqon karto labo ama saddex bilood, iyada oo la rumeysan yahay in Farmaajo uu rabo muddo intaasi ka badan, wallow aan la ogeyn sida uu qorshaha Villa Somalia u hirgeli doono, iyada oo si weyn uga soo horjeedan saamileyda siyaasadu. Sidoo kale waxa uu carabaabey in muddo kororsigaasi uu sheegay uusan aheyn wax cusub, balse uu hore u dhici jiray xukuumadihii ka horeeyay Farmaajo, waa sida uu hadalka u dhigay Agaasimuhu. “Muddo xileedka madaxweynuhu waa afar sano, doorashaduna waa inay dhacdo afar sano oo kasta. Way dhici kartaa in cillado ay sababaan dib u dhigis labo ama saddex bilood ah, horayna taasi way usoo dhici jirtay” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur. Hadalka Agaasimaha ayaa imanaya xili si weyn looga digay muddo kororsi, kaasi oo la rumeysan yahay inay wado Villa Somalia oo uu hormuud u yahay Farmaajo, isla markaana galaafatay ra’iisal wasaarihii dalka, Xasan Cali Kheyre, oo dhawaan xilkaasi uu ka tuuray Baarlamaanku
  4. Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo wafdiga oo si weyn loo soo dhoweeyey. Madaxweynaha ayaa waxaa uu ku biiri doonaa madaxda maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana lafilayaa inta uu joogo inuu kulamo la qaato madaxda dowladda federaalka. Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka socda shirar kala duwan, kuwaas oo la xiriira soo magacaabista ra’iisalwasaaraha cusub ee dalka iyo shirarka kale oo ku aadan ka hor shirka Dhuusamareeb. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Ururka Qareennada Soomaaliyeed oo waarsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay magacaabista xubnaha golaha adeegga Garsoorka uu yahay mid baalmarsan dastuurka dalka iyo shuruucda u taallo. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xubnaha aysan ku jirin shaqsiyaad ka tirsan ururka qareennada Soomaaliyeed, sida lagu yiri qoraalka. Halkaan Hoose Ku Dhufo warsaxaafadeed Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu so dhoweyey Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka. Xildhibaano tirsan Golaha Shacabka ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka Aaden Cadde ee Muqdisho, waxaana uu ku biiri doona ololaha ka socda Muqdisho ee xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Madaxweyne Lafta Gareen oo kamid ah madaxda maamul Goboleedyada ee sida weyn uga hor imaaday qorshaha dowladda ee ah muddo kororsi iyo in dalka laga qabto doorasho qof iyo Cod ah ayaa la rumeysan yahay inuu Muqdisho u imaaday sidii loo qaban lahaa doorasho waqtigeeda ku dhacdo. Sidoo kale Lafta Gareen ayaa lagu wadaa in uu kala hadlo Dowladda Soomaaliya gurmadka Shacabka ku dhibaateysan degmada Afgooye. Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa si isku mid ah shirkii Dhuusamareeb uga sheegay inaan la aqbali doonin dib u dhac ku yimaado doorashada dalka. Safarka uu Muqdisho ku imaaday Lafta Gareen ayaa kusoo aadayo xilli uu isna Muqdisho ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo la sheegay inuu xusul duub ugu jiro sidii xilka Ra’isulwasaaraha loo siin lahaa shakhsi kasoo jeedo Beeshiisa Habargidir. Villa Soomaaliya ayaa wado dadaal ay ku dooneyso inay ku kala jabiso madaxda Maamul Goboleedyada ee isku mowqifka ka noqday doorashada waqti dhawaan loo ballansan yahay wajiga seddexaad ee shirka Dhuusamareeb.
  7. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Lafta Gareen iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ujeedka socdaalka Lafta Gareen ayaa la xariiro wada-tashiyo ku aadan xaaladda dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha ku dhuftay deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale inta uu joogo Caasimadda wuxuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
  8. Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u dhammaystiray Hannaankii Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland. Hannaanka Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland oo soo bilowday 15-kii December 2019, waxa uu soo maray saddex wareeg oo kala duwan, kuwaas oo dhammaantood Maanta la soo dhammaystiray. Waxaa ka mid ah Urur Siyaasadeed ay hoggaamin doonaan Madaxda tallada heysa ee Puntland. 10-ka Urur-siyaasadeed waxay kala yihiin; Mideeye, Kaah, Mustaqbal, Dhalinyarada, Run & Caddaalad, Ifiye, Shaqaalaha, Horseed, Himilo iyo Caddaalad & Sinnaan. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  9. Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO loo soo gaabiyo ayaa Waddamada Afrika uga digay in ay fududeeyaan ama qaadaan xayiraadaha Cudurka Coronavirus, maadaama tirada Dadka uu ku dhacay Qaaradda ay laba-laabantay Bishii la soo dhaafay. Agaasimaha Gobolka ee hay’adda WHO ee Afrika , Matshidiso Moeti ayaa sheegtay in kabadan 20 Dal oo Afrikaan ah in ay ka diiwaan galiyeen kiisas cusub , iyada oo South Africa ay tahay halka ugu badan ee uu korodhka ka jiro, waxaana xaalado horleh laga soo sheegayaa Waddamada Kenya, Madagascar, Nigeria, Zambia iyo Zimbabwe. WHO ayaa sheegtay in Qaaradda Afrika uu ku dhowaad 890,000 Qof haleelay cudurka Coronavirus, halka 18,000 ay u dhinteen. View the full article
  10. Garowe (PP News Desk) — The Transitional Puntland Electoral Commission publicised today the number of political associations that will contest the 2021 pilot local elections in Puntland. “Four political associations have merged. Two political associations have failed to meet the criteria for becoming a political association codified in the Political Associations Act of Puntland. After assessing applications submitted political associations the Transitional Puntland Electoral Commission resolved to publicise the names of ten political associations that met the criteria to become a political association” reads the TPEC statement. TPEC Statement: Ten political associations have met the criteria to contest 2021 local elections in Puntland. The pilot local elections are slated to take place in three designated Puntland districts in March 2021. In July some political associations held conferences in Garowe. Only three political organisations will graduate to political parties af local elections despite Puntland controlling more than nine districts in Mudug, Nugal and Bari regions. © Puntland Post, 2020 The post TEN PUNTLAND POLITICAL ASSOCIATIONS TO CONTEST 2021 LOCAL ELECTIONS appeared first on Puntland Post.
  11. Musiibooyinka dabiiciga ah ee adduunka ka dhacay bisha July 2020!. Musiibooyin badan oo deegaanka ah ayaa adduunka oo dhan ka dhacay bishii Luulyo taas oo ay ku jiraan dabka ka kacay kaynta ku taalla Ukraine, duufaan Russia, dhul gariir ka dhacay Myanmar, Nepal, China iyo daadad badan oo dhashay roobab mahiigaan ah iyo fatahaadaha wabiyada wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay. Hadaba waa ku wee wadamada ay ka dhaceen musiibooyinkaasi?. July 1: Daadad xoog leh ayaa saameeyay inka badan 1.4 milyan oo qof oo ku nool gobolka Assam, waqooyi-bari Hindiya, sida ay sheegeen masuuliyiinta xakamaynta iyo hortaga masiibooyinka ee dalka Hindiya. July 2: Ugu yaraan 110 macdan qodoyaal ah ayaa dhintay ka dib markii uu soo dumay godkii ay macdanta ka qodayeen iyo miino lagu aasay gobolka Kachin, waqooyiga Myanmar, sida ay sheegeen laamaha gurmadka degdega ah ee wadanka. July 3: Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay in kabadan 2,300 oo gurina waxaa waxyeeleeyay daadad ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah Mongolia oo ah wadan dhaca xuduudka u dhexeeya Shiinaha iyo Ruushka, waaxda gurmadka deg degga ayaa leh dalkaasi ayaa xaqiijiyay July 5: Daadadka, waxaa sababay roobab culus, waxa ay dileen ugu yaraan 50 qof koonfurta Japan, oo ay ku jiraan gobollada Kyushu iyo Fukuoka ee dalkaasi. July 7: Dab ka kacay kaymaha bariga Ukraine ayaa diley afar qof, dhaawacayna sagaal kale, halka 110 guri ay burbureen, sida ay sheegeen waaxda gurmadka deg degga ah ee dalkaasi. July 9: Tornado oo ah dabayl roobab wadatay ayaa Otter Tail, bartamaha Minnesota ee Mareykanka waxa ay ku dishay hal ruux sidoo kale waxaa ka dhashay dhaawaca labo kale, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha. Boqolaal caruur ah ayaa laga daadgureeyay xerada xagaaga oo ku taal koonfurta-dhexe ee Griiga kadib markii dab duurku qarxay, sida ay masuuliyiintu sheegeen. July 10: Dhul gariir, oo ay sababeen roob mahiigaan ah, ayaa diley ugu yaraan 60 qof halka in kabadan 40 qofna lagu la’yahay dalka Nepal, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadka deg dega ah. July 11: Laba qof ayaa ku dhintay, kumanaan kun ayaa ka barakacay magaalada Rio Grande do Sul, oo ku taal koonfurta Brazil iyadoo dhowr webi ay buux dhaafiyeen, roobabkii da’ay. July 13: Ugu yaraan laba qof ayaa dhintay, 11 kalena waa dhaawacmeen kadib roob culus oo ka da’ay gobolka Black Sea ee dalka Turkiga waxaana sababay daadad badan oo ku soo rogmaday dalkaasi. Ugu yaraan afar qof ayaa dhimatay kadib daadad ka dhashay roobab ka da’ay waqooyiga bari ee gobolka Artvin ee Turkiga. Tobannaan kun oo dadka deegaanka ah ayaa la nool koronto la’aan, maaddaama duufaano aad u daran iyo roob culus ay ku dhufteen galbeedka Ruushka taas oo sababi doonta in xaalad degdeg ah loogu dhawaaqo aagga Saratov ee St. Petersburg. July 14: Ugu yaraan 15 ayaa ku dhimatay halka 4,000 oo qof ayaa ay ka baraceen kadib daadad ka dhashay Koonfurta Sulawesi, Indonesia, sida ay sheegayaan wararka deegaanka laga helayo. July 16: Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintey koonfurta Talyaaniga daadad, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee ANSA ee Talyaaniga. July 17: Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay dhul gariir ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka Kaizhou ee degmada Chongqing, ee koonfur galbeed Shiinaha. July 18: Ugu yaraan 62 qof ayaa ku dhintey Bangladesh sababo la xiriira daadad ay sababeen roobab mahiigaano ah iyo biyaha webi ku fatahay Hindiya oo daris la ah dalkaasi. July 20: Dabka ka kacay kaymaha waqooyi-galbeed ee Turkey ayaa gubay qiyaastii laba hektar oo dhul-beereed ah (5 acres) iyo ku dhawaad sideed hektar (20 acres) oo dhul beereed ah. July 21: Illaa shan qof, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, ayaa ku dhinta Gobolka Ha Giang ee buuraha waqooyiga Vietnam, maadaama roobab culus ay sababeen daadad xoogan oo ka jira gobolka. July 22: Iyada oo in kabadan 80 qof ay ku dhinteen daadadka woqooyi bari ee Hindiya iyo 2.4 milyan oo qof ay saameeyeen, in kabadan 100 xayawaan, oo ay ku jiraan 11 Wiyil ah, ayaa sidoo kale ku dhintey beerta Kaziranga ee Assam state, sida laga soo xigtay saraakiisha. Qiyaastii 37,000 oo qof ayay saameeyeen daadad ku soo rogmaday gobada Shabeelooyinka ee Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha maaraynta musiibooyinka ee Muqdisho. Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa lagu dhaawacay shilal kala duwan oo daadad sababay oo ka dhacay bariga Pakistan ee gobolka Punjab ee Pakistan. Dab-duureedyo ka kacay woqooyiga California ee Mareykanka, ayaa gubay inka badan 23,000 acres oo dul beereed ah maalmo gudahood. July 26: Tirada dhimashada ee daadadka Bangladesh ayaa kor uga kacday 119 iyada oo sideed kale ay dhinteen 24-kii saac ee la soo dhaafay, saraakiisha ayaa sidaas leh. Isha:Anadolu Agency. Qaran News
  12. Since April 12, Cuban surgeon Landy Rodríguez and general medicine specialist Assel Herrera have served a year in captivity after being kidnapped in the Kenyan city of Mandera. Source: Hiiraan Online
  13. Waxa aan ka digayaa in sida Soomaaliya oo kale Meel carruurta ku ciyaarto noqoto Nigeria Wasiirka Howlaha Gaarka ah Dalka Nigeria George Akume oo ka hadlay xaaladda amni ee dalkaas ayaa tusaale ahaan usoo qaatay Soomaaliya iyo dhibaatooyinka dhanka xasiloonida ah ee ka dhaca. Wasiirka oo lagu George Akume, islamarkaana ah wasiirka howlaha gaarka ah ee dalka Nigeria ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka digeyso in Nigeria ay noqoto sida Soomaaliya oo kale meel ay ku ciyaarto carruurta, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray haddii aan waxba laga qaban amni darrada dalka Nageria uu la mid noqon doono Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan. “Waxa aan ka digayaa in sida Soomaaliya oo kale Meel carruurta ku ciyaarto noqoto Nigeria, haddii aan la sameyn qorshe mideysan oo wax looga qabanayo ammaan darrada, wadankaan dhaca bariga Afrika Soomaaliya waxa uu soo maray dhibaatooyin kala duwan, xaalad colaad iyo dagaal sokeeye.” ayuu yiri George Akume. Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dowladda Madaxweyne Buhari ay mas’uuliyad ka saaran tahay sugida amniga iyo sidii looga tagi lahaa weerarada ay fuliso oko Haram. Nigeria ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo ka mid ah Booliska AMISOM ee la shaqeeya Booliska Soomaaliya. Si kastaba ha’ahaatee wadanka Nigeria oo kaliya ma’ahin waxaha tusaalaha aan wanaagsaneyn u soo qaatay Soomaaliya ee waxaa jira wadamo badan oo horey tusaale xun uga bixiyey dalkeena Soomaaliya, sida Algeria, Uganda, Mareykanka iyo kuwa kale. Qaran News
  14. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Duhur-010820.mp3 View the full article
  15. Madaxweyne Trump oo saxeexaya amar culus oo ka dhan ah Shebakada TikTok Dowlada Mareykanka ayaa qorsheeneysa in dalkeeda gabi ahaanba ka mamnuucdo isticmaalka App-ka shabakada Muuqaalada gaagaaban lagu baahiyo TikTok ee laga leeyahay dalka Shiinaha . Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in dalkiisa ka mamnuucayo shabakada TikTok, waxa uuna Warbaahinta u sheegay dhawaana saxeexayo amar hawada looga saarayo Shabakada TikTok gudaha Mareykanka. Dowlada Mareykanka ayaa la sheegay in ay ka cabsi qabto in shabakada TikTok oo leedahay shirkadda Shiinaha ee ByteDance, loo isticmmaali karo in lagu uruuriyo macluumaadka iyo xogaha gaarka ah ee dadka kunool Mareykanka. Afhayeen u hadlay TikTok ayaan waxbo kasoo qaadin amarka Trump ku mamnuucayo TikTok, waxa uuna sheegay in shirkadda ay ku kalsoontahay horayna ugu kalsoonayd iney ka gun gaari doonaan hadafkoodii ahaa iney Mareykanka ka helaan macaamiil badan. Shabakada TikTok ayaa dadka isticmaala gudaha Mareykanka lagu sheegay in ay gaarayaan 80-Milyan oo qof, waxaana mamnuucida Mareykanka Tiktok ku yeelan doontaa saameyn xoogan. Mamnuucida TikTok ee dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadeysa xili uu sii kordhayo khilaafka u dhaxeeya dowladaha Mareykanka iyo Shiinaha, waxaana la sheegay in khilaafka labada dal sabab u noqonayo in Mareykanka dalkiisa ka manuuco shabakadan. Qaran News
  16. Dad cabay dawada gacmaha lagu nadiifiyo oo geeriyooday baaritaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo ogaado waxa ay dhabtu tahay Ugu yaraan 10 qof ayaa geeriyootay kadib markii ay cabeen walxo ka sameysan dawada jeermiska disha ee loo isticmaalo gacmaha. Arrintaan ayaa timid kadib markii la xiray dukaamadii tuulo lagu iibinayay khamriga oo ku taala gobalka Andhra Pradesh ee dalka Hindiya Tuulada Kurichedu ayaa xayiraad la galiyay kadib markii laga helay kiisas badan oo la xiriira fayraska karona . Taliyaha booliska deegaanka arrintu ka dhacday oo lagu magacaabo Siddharth Kaushal ayaa sheegay in dadka dhintay ay dawada jeermis dilaha ah ee lagu nadiifiyo gacmaha ku dareen biyo iyo cabitaano fudud. Waxyaabaha dadku cabeen oo ka samaysn dhowr nooc oo ah waxyaabo la isku daray ayaa dadku bilaabeen in ay cabaan toban maalmood ka hor. “Waxaan baaraynaa bal in nadiifiyaha ay ku jiraan walxo kale oo sun ah,” ayuu yiri Mr Kaushal oo warbaahinta la hadlayay. Wuxuu intaasi ku daray in baaritaano la xiriira dawadaan loo diray dadka ku takhasusay waxyaabaha kiimikada si looga sal gaaro waxa ay dhabtu tahay . “Qaar ka mid ah dadka la qabatimay isticmaalka khamriga ayaa markii ay gacmaha marsadaan dawada jeermis-dilaha ah ku mirqaama waxaa sidaas wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Siddharth Kaushal. “Khamriga lama heli karo sababtoo ah xayiraad ayaa lagu jiraa balse daawada gacmaha lagu nadiifiyo ee jeermiska disha waa fududahay sida lagu helo”ayuu Mr Kaushal. Dowladda federaalka ah ee dalka Hindiya ayaa dib u furtay ganacsiyada badankood si looga hortago dhaqaale burbur dalka ku yimaada. Toddobaadkan horaantiisii waxaa la shaaciyey in machadyada jimcsiga loo yaqaano Yogada iyo goobaha lagu ciyaaro loo ogolaan doono in dib loo furo, isla markaana xayiraadaha laga qaadi doono dhaqdhaqaaqa alaabada iyo dadka. Si kastaba ha noqotee, gobollo badan ayaa waxaa sii saarnaan doona xayiraadaha meelo gaar ah maadaama kiisaska cudurka ay soo badanayaan qaybo ka mid ah dalkaas. Kiisaska la xaqiijiyey ee cudurka Covid-19 ee gobalka Andhra Pradesh, oo ku yaal koonfurta Hindiya,ayaa aad sare ugu kacay marka loo eego kiisaskii cudurka ee bishii la soo dhaafay. Dhanka kale, Hindiya ayaa diiwaan gelisay in ka badan 55,000 oo ah kiisas cusub wadanka oo idil kuwaas oo la soo wariyay 24-kii saac ee la soo dhaafay. Tirada dhimashada ayaa iyana kor u kacday oo gaartay 779 kun oo oqf taas oo wadarta guud ka dhigaysa 35,700 oo qof. Qaran News
  17. Garoowe ( Caasimadda Online) – Guddiga kumeel gaarka ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland, ayaa Maanta oo Sabti ah si rasmi ah u dhammaystiray Hannaankii Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland. Hannaanka Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland oo soo bilowday 15-kii December 2019, waxa uu soo maray saddex wareeg oo kala duwan, kuwaas oo dhammaantood Maanta la soo dhammaystiray. Waxaa ka mid ah Urur Siyaasadeed ay hoggaamin doonaan Madaxda tallada heysa ee Puntland. 10-ka Urur-siyaasadeed waxay kala yihiin; Mideeye, Kaah, Mustaqbal, Dhalinyarada, Run & Caddaalad, Ifiye, Shaqaalaha, Horseed, Himilo iyo Caddaalad & Sinnaan. Ururada soo baxay, waxay ka qayb-geli doonaan Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland, waxaana saddexda urur ee ugu codod badan ay noqon doonaan saddex xisbi siyaasadeed oo rasmiya.
  18. Hong Kong oo dalbatay xadhiga shaqsiyaad ay si weyn u baadigoobayso Simon Cheng iyo Nathan Law ayaa ka mid ah dadka la baadigoobayo Booliiska Hong Kong ayaa dalbanaya in la xiro 6 qof oo u dhaq-dhaqaaqa dimuqraadiyada oo imika ku nool dalalka reer galbeedka sida UK, sida ay warbaahinta qortay. Waxaa ka mid ah dadka ay Hong kong dalbanayso in la xiro Simon Cheng oo horey uga shaqeyn jiray qunsuliyada UK, Nathan Law oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo Samuel Chu oo ah muwaadin haysta dhalashada Mareykanka . Waxaa shaqsiyaadkan loo haystaa in ay jabiyeen sharciga cusub ee ammaanka oo ay dowladda Shiinaha ku soo rogtay Hong Kong,sida uu baahiyay telefishinka Shiinaha. Booliiska jasiirada Hong Kong ayaa dhankooda diiday in arrintaan ay ka hadlaan. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalin uun ka dib markii doorashadii lagu waday in Hong Kong ay ka dhacdo bisha September ay dowladda dib u dhigtay muddo hal sano. Go’aankaas ayaa lagu micneeyay sababo la xiriira kiisaska cudurka Covid-19 oo sare u sii kacaya. Balse mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay in ay marmarsi ka dhiganayso feyriska Corona. Aqalka cad ee Mareykanka ayaa tallaabada dowladda Hong Kong ku tilmaamay mid minjaxaabinaysa dimuqraadiyada jasiiradaasi. Dowladda UK ayaa maamulka Hong Kong ku wareejisay Shiinaha sanadii 1997, balse imika waxaa laga cabsi qabaa in xorriyadda dimuqraadiyada ee jasiiradaasi uu halis ku jiro. Qaran News
  19. Gudiga Doorashada Puntland ayaa soo bandhigay 10 Xisbi oo ku guulaystay kunasoo gudbay inay noqdaan Xisbibrasmi ah kuwasoo u tartami kara Doorashooyinka Heer Degmo. Tobankaas [...] The post Gudiga Doorashada oo soo bandhigay Xisbiyada u tartamidoona Doorashada Degmooyinka Puntland appeared first on . Source
  20. Waxaa muran sharciyadeed dhaliyay magacaabis ay sameeyeen Golaha Wasiirrada xukuumaddii ay Golaha Shacabka kalsoonida kala noqdeen. Soo jeedinta Golaha Adeegga Garsoorka ee xukuumadda ayaa dhaliyay muran iyada oo sharci-yaqaanno, ururrada bulshada rayidka iyo siyaasiyiin ay ku tilmaameen sharci darro. Isutagga bulshada rayidka Soomaaliyeed oo ka hadlay dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka ayaa dalbaday in loo maro dhismaha golaha waddo waafaqsan sharciga waxaana lagu yiri warqad ay soo-saareen “ xukuumaddaan wuxuu Golaha Shacabku kalsoonida kala noqday 25 July, 2020, xukuumad dhacday oo xilgaarsiin ah waxay fulin kartaa shaqada maamul maalmeedka ah ee dowladda”. Abuukaate Daahir Maxamed Cali -Daahir Carab Xoghayaha Ururka Garyaqaanada Soomaaliyeed oo ka hadlay soo jeedinta Golaha Wasiirrada ee guddiga madaxa bannaan ee Golaha Adeegga Garsoorka ayaa tilmaamay in aan sharci loo marin magacaabista shanta xubnood waxa uuna xusay in aysan wasiirradu tixgelin sharciga lagu dhisayo Golaha Adeegga Garsoorka sharci lambar 28 oo soo baxay 2014, waxa uuna yiri “ farqadda 1’aad qodobka 6’aad sharciga lagu dhisayo Golaha Adeegga Garsoorka ayaa sheegaysa in labo qareen sare oo xubin ka ah ururka qareennada Soomaaliyeed ay soo magacaabayaan si ay xubin uga noqdaan xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka”. Abuukaate Zakariye Yuusuf oo ku taqasusay dastuurka kana tirsan hay’adda xasaradaha caalamiga ah ayaa yiri “Waa sharci-darro magacaabista Golaha Adeegga Garsoorka ee xukuumadda Soomaaliya ee ku meel gaarka ah waxayna ka hor imaaneysaa dastuurka qodobka 97 farqaddiisa 4’aad”. Qodobka 109 ee Dastuurka oo ka hadlaya dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka ayay farqaddiisa labo xarafka (D) waxa ay u dhigan tahay sida tan “ labo garyaqaan oo ka tirsan garyaqaannada Soomaaliyeed oo mid walba xilli afar sano ah ururka garyaqaannada ay magacaabeen”. Dhanka kale Dastuurka ku meel gaar ka ah qodobkiisa 103 ee ka hadlaya xukuumad xil-gaarsiin ah ayaa u dhigan sida tan “ inta u dhaxaysa taariikhda doorashada guud iyo marka ra’iisul wasaare cusub la dhaarin doono, ra’iisul wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee dowladda si xil-gaarsiin ah”. Siyaasiyiin iyo aqoon-yahan Soomaliyeed ayaa iyana dhankooda siyaabo kala duwan uga hadlay waxayna ku soo hooriyeen in xukuumad aan heysan kalsoonida baarlamaanka looga fadhin shaqooyin cusub inay billowdo. Xisbiga Wadajir oo soo-saaray warqad ayaa ku yiri “ xukuumad haysata kalsoonida baarlamaanka ayaa awood u leh in ay soo jeediyaan 3 xubnood oo sumcad sare ku leh bulshada Soomaaliyeed, sida ku xusan dastuurka qodobkiisa 109 farqadiisa 2 xarafka F iyo qodobka 6’aad ee sharciga dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka 2014”. Khamiis July 30, 2020 kulan Golaha Wasiirrada yeesheen ayaa lagu ansixiyay guddiyada Golaha Adeegga Garsoorka, golaha maamulka hay’adda batroolka Soomaaliyeed, golaha maamulka hay’adda taya-dhawrka Soomaaliyeed. Hay’adda tayo-dhawrka Soomaaliyeed ayey u magacaabeen Maareeye Aadan Xasan Barre halka Ku-xigeen u magacaabeen Caydaruus Macallim Xasan. Golaha wasiirrada ayaa soo-jeediyay in Golaha Adeegga Garsoorka ay ka mid noqdaan:- Abdulqaadir Sheikh Ismaaciil Aw-xaashi Cali Maxamuud Xasan Ali-wajiis Cabdullaahi Cali Cismaan Xiireey Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Caddaani Ifraax Maxamuud Cumar Si la mid ah xukuumadda dhacday waxay Guddiga Mamulka hay’adda batrool-ka Soomaaliyeed u magacaabeen:- Ibrahim Cali Xuseen Caa’isha Cusmaan Axmed Ibraahim Axmad Layte Cabdulqaadir Aadan Maxamuud Ibraahim Cabdulqaadir Maxamed Axmed Xaashi Cabdi Cabdixafiid Cali Dirir Mahad Maxamed Sheih Xasan Source: goobjoog.com
  21. Xisbiga Wadajir Warsaxaafadeed ka soo baxay ayaa lagu sheegay Magacaabista XubnahaGolaha adeega Garsoorka in uu yahay mid sharci darida ah oo aan waafaqsaneen Dastuurka Dalka. Halkan Ka Aqriso Qoraalka Ka Soo Baxay Xisbiga Wadajir Sidoo kale Qoraalka ka soo baxay Xisbiga Wadajir ayaa lagu sheegay in Xukuumad heysata Kalsoonida Baarlamaanka ayaa awood u leh inay soo jeediyaan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan War Saxaafadeedka Ka Soo Baxay Xisbiga Wadajir Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland, ayaa Maanta oo Sabtiya si rasmiya u dhammaystiray Hannaankii Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland. Hannaanka Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda Puntland, oo soo bilowday 15-kii December 2019, waxa uu soo maray saddex wareeg oo kala duwan, kuwaas oo dhammaantood Maanta la soo dhammaystiray. Wareega kowaad oo soo xirmay 15-kii Maarso 2020 waxaa ka soo gudbay 17 urur-siyaasadeed oo buuxiyay Shuruudaha as’aasiga ah, waxaana sidaasi loogu gudbay wareega labaad ee Diiwaan-gelinta. Wareega labaad oo soo xirmay 22-kii June 2020, waxa ka soo gudbay 12 urur-siyaasadeed, halka wareegii saddexaad oo dhammaystirmay 22-kii July 2020 ay ka soo baxeen 10 urur siyaasadeed oo keliya. Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, ayaa ugu dambayntii Maanta oo ku beegan 1-da Agoosto 2020, waxay si rasmiya u shaaciyeen 10-ka urur-siyaasadeed ee buuxiyay dhammaan shuruudaha. 10-ka Urur-siyaasadeed waxay kala yihiin; Mideeye, Kaah, Mustaqbal, Dhalinyarada, Run & Caddaalad, Ifiye, Shaqaalaha, Horseed, Himilo iyo Caddaalad & Sinnaan. Ururada soo baxay, waxay ka qayb-geli doonaan Doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland, waxaana saddexda urur ee ugu codod badan ay noqon doonaan saddex xisbi siyaasadeed oo rasmiya. Halkaan ka akhriso PUNTLAND POST The post Magacyada 10-ka urur-siyaasadeed ee buuxiyay Shuruudaha Guddiga Doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
  23. Maanta oo ah maalinta labaad ee ciidul Adxaa waxaa si weyn looga ciidayaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka,waxaana magaalooyinka dalka ka socdo munaasabado waa weyn oo loogu dabaal degayo ciidda. Magaalooyinka,Jowhar,Kismaayo,Baydhabo,Garowe,Dhuusamareeb iyo Garbahaarey oo aan la xiriirnay ayaa saaka si weyn looga dareemayaa dabaal degga maalinta labaad ee ciidul Adxa. Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa waxaa la soo buux dhaafiyay goobaha leyskugu yimaado sidda xeebta Liido,Xeebta Jasiira,Daljirka Dahsoon,Beerta Nabadda iyo beerta Daaru-salaam waxaana dadku ay isugu marxabeynayaan maalinta labaad ee ciidda. Ciidda Carafo ama ciidul Adxa ayaa sannadkaan ku soo aadday iyadoo caalamka uu kala xirxiranyahay oo cudurka Covid-19 uu dalka ka jiro balse waxaa soo yaraanaya tirada dadka cudurka laga helo ee dalka jooga, sida ka muuqato warbixin maalmeedka wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka mid ah Culimada reer Somaliland ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ku eedeeyay in intii uu xilka qabtay ay Ummadda reer Somaliland kala fogaatay. Sheekhu waxa kale oo uu Xukuumadda ku eedeeyay in intii ay xilka haysay ay adkaatay Xaaladda Nololeed ee Bulshadu, isagoo xusay in Xaaladda Nololeed ee Bulshada ee sii adkaatay ay sabab u tahay xidh-xidhnaan dhaqaale oo uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Biixi sababtay, sidaasi darteed loo baahan yahay in arrimahaas wax laga qabto. Sheekha oo ugu horrayn Hambalyo u diray Shacabka reer Somaliland iyo Ummadaha kale ee Islaamka ah Munaasibadda Ciidal Adxaa awgeed, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Waxaan Maanta la hadlayaa Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aan in badana la hadlay, waxaanu ugu celcelinaynaa (la hadalka Madaxweynaha) Ilaahay baa yidhi ‘Waanadu waxay anfacdaa Dadka Muuminiinta ah’. Madaxweyne Dadkii wuu kala irdhoobay, Dalka waxaad qabatay iyada oo uu Dalku isku xidhan yahay oo ay dadku midaysan yihiin bari illaa Galbeed, mar walba wax way jireen, laakiin dal midaysan baa laguu dhiibay. Maanta khilaaf Adiga kaa bilaabmaya oo Adiga kugu dhamaanaya ayaa dalkii haysta, Arrintaas ayaanu kaala hadlaynaa..” Sheekh Aadan-siiro oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu sheegay “Hoggaamiyuhu waa kee ? Hoggaamiyuhu waaka Dadka ururriya ee lagu ururo ayuu yidhi Rasuulku CSW, kaasaa Hoggaamiye ah. Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa, ku xasuusinaynaa sidii dalka laguugu dhiibay inaad ku hayso oo aad dadka isku ururiso..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “khilaaf siyaasi ah baa jira, khilaaf ka dhashay deegaanadii, khilaafaadkaasi oo qaarkood adiga lagugu tuhmayo inaad adigu Madaxweyne Abuurayso.” Sheekhu waxa kale oo uu ka hadlay dhaqaalaha Somaliland “Madaxweyne, waxaanu kaala talinaynaa dhaqaalaha. Shaqaalaha Xukuumaddu haysaa kama badna 40 kun, Somaliland waxa ku nool 4.5 Million ruux, yaa haya dadka inta kale Madaxweyne ?, waxa haya Ganacsatada, Islaamku waxyaabaha uu u yimid waxa ka mid ah in dhaqaalaha la ilaaliyo, in dhaqaalaha la kobciyo oo faqriga lala dagaalamo, Ilaa uu Ilaahay gaadhsiiyey oo uu yidhi haddii Qofku gaajoodo Meydka ha cuno. Haddii ay dadku baahdaan (gaajoodaan) waxay keeni in dalka Nabadgalyadiisu ay meel xun gaadho. Madaxweyne maxaad uga jeedaa inaad dhaqaalaha xidh-xidho, maxaad uga jeedaa Cashuur aan jirin oo afar-laab ah inaad dadka ku kalifto, maxaad uga jeedaa Madaxweyne in Dadkii boqollaalka qof ee shaqaalaha ah hayey aad curyaamiso, iyadoo nidaamkaagu uu sidaa u shaqaynayo. Madaxweyne waxaanu ku leenahay dhaqaalaha furfur.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Madaxweyne, Xukuumaddii kaa horraysay waxay ahaayeen Dad gob ah, maxaanu kalmaddaa u leenahay, waa lala hadli jiray, waddo loo maro ayay lahaayeen marka arrin uu yimaaddo, Adiga yaa wax ku sheegaya, dariiqee baa lagu soo marayaa Madaxweyne, dalkii oo dhan wuu soo ootay, kumanaan Meheradood baa kacay, yaa shaqo u samaynaya, shaqo waxaad ka barateen Cashuur, inan juwan la cararraya oo Macaashal-macaash ka sheekaynaya Meheradihii oo wada kacay, arrinta dhaqaalaha wax ka qabo Madaxweyne, inta aan guryaha la isugu soo gelin wax ka qabo ayaanu ku leenahay Madaxweyne..” Ugu dambayn, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud waxa uu ka hadlay doorashada “Doorashada in la qabtaa waa lagama maarmaan, Waayo? Doorashada waxaynu u dooranay in Ninkii damac lihi aanu dariiq kale soo marin, laakiin wixii doorashada suurto-gelinayey iyo in Dadka la qanciyo oo Dadka la isku ururriyo oo aan la abuurin khilaaf keenaya muddo-kordhin..” ayuu yidhi, isagoo intaa sii raaciyey oo ka digay in la abuuro khilaaf Xukuumaddu daraf ka tahay oo keeni kara muddo-kordhin. Geeska Qaran News