-
Content Count
212,276 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xaflada Sanad guurada 60aad ee Xoriyada Gobolada Koonfireed ee Soomaaliya ayaa waxay iminka si toosa uga socotaa Magaalada Gaalkacyo, Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa la sugayaa [...] The post Live From Gaalkacyo, Toos u daawo Xaflada 1 Luuliya 60 guurada Xoriyada Soomaaliya appeared first on . Source
-
Wakiilka Midowga Reer Yurub u jooga Somaliya Nicolas Berlanga ayaa sheegay in dayactirka Gegida Muqdishu Stadium ay tahay Hadyad Midowga Yurub u hibeeyey munaasabad 60-guurada [...] The post Beentii Nabar iyo Naxdin oo la soo afjaray iyo Madaafiic Caawa lagu garaacay Garoonka : – Wakiilka Midowga Yurub oo sheegay in dib u dhiska Muqdishu Stadium ay tahay Deeq EU ku xusayaan 60-guurada Madaxbanaanida Dalka . appeared first on . Source
-
Waa fadhigii 3aad ee dhageysiga 2aad ee dacwad musuq maasuq ah oo loo heysto 9 eedeysane oo ka tirsan wasaaradda cafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukumadda Federaalka Soomaaliya. Doorka fadhigaan oo ay lahaayeen xafiiska xeer ilaalinta waxaa uu guddoomiyaha dacwadaan garsoore Cabdiraxmaan Saciid Axmed ka codsaday xafiiska xeer ilaalinta inay soo bandhigaan cadeymaha ay u hayaan dadka ay ku soo eedeeyeen Falalkaan musuq maasuqa ah. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay cadeymo isugu jira qoraalo wata sawiro muujinaya Dacwadaha ay ku soo oogeen shaqaalaha wasaaradda caafimaadka iyada oo sido kale ay soo bandhigeen buugaagta qaansheegadka iyo warqado lacag bixinta oo ay saaran yihiin saxiixa Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka sida xeer ilaalinta sheegtay. Farxaan Xuseen Maxamed ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maxkamada ka sheegay in eedeysanayaasha Cumputerada ay leeyihiin iyo xafiisyadooda laga soo helay warqado qaansheegad ah oo ay leeyihiin shirkado ganacsi oo ku yaala gudaha magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada Dalka isla markaana lacago badan looga qaatay Akoonada wasaaradda Caafimaadka. Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa sido kale soo bandhigay Cumputero isugu jira laptops oo ay lahaayeen qaar ka mid ah eedeysanayaasha, cumputer desktop ah, Hal printer iyo sido kale Stemps kala duwan oo wata Magac yo shirkado,hotelo iyo xarumo ganacsi kuwaa oo sida xeer ilaalinta sheegtay lagu lunsanayay lacago badan. Toddobo ka mid ah dadka la soo eedeeyay aya maanta la dhageystay dacwadooda waxaana Guddoomiyaha dacwada Garsoore Cabdiraxmaan Saciid Axmed uu sheegay in labadda ruux ee dhiman la dhageysan doono maalmaha soo socdo cadeymahooda. Halkan hoose ka daawo sawirrada: View the full article
-
Waa fadhigii 3aad ee dhageysiga 2aad ee dacwad musuq maasuq ah oo loo heysto 9 eedeysane oo ka tirsan wasaaradda cafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukumadda Federaalka Soomaaliya. Doorka fadhigaan oo ay lahaayeen xafiiska xeer ilaalinta waxaa uu guddoomiyaha dacwadaan garsoore Cabdiraxmaan Saciid Axmed ka codsaday xafiiska xeer ilaalinta inay soo bandhigaan cadeymaha ay u hayaan dadka ay ku soo eedeeyeen Falalkaan musuq maasuqa ah. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa soo bandhigtay cadeymo isugu jira qoraalo wata sawiro muujinaya Dacwadaha ay ku soo oogeen shaqaalaha wasaaradda caafimaadka iyada oo sido kale ay soo bandhigeen buugaagta qaansheegadka iyo warqado lacag bixinta oo ay saaran yihiin saxiixa Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka sida xeer ilaalinta sheegtay. Farxaan Xuseen Maxamed ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa maxkamada ka sheegay in eedeysanayaasha Cumputerada ay leeyihiin iyo xafiisyadooda laga soo helay warqado qaansheegad ah oo ay leeyihiin shirkado ganacsi oo ku yaala gudaha magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka isla markaana lacago badan looga qaatay Akoonada wasaaradda Caafimaadka. Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa sido kale soo bandhigay Cumputero isugu jira laptops oo ay lahaayeen qaar ka mid ah eedeysanayaasha, cumputer desktop ah, Hal printer iyo sido kale Stemps kala duwan oo wata Magac yo shirkado,hotelo iyo xarumo ganacsi kuwaa oo sida xeer ilaalinta sheegtay lagu lunsanayay lacago badan. Toddobo ka mid ah dadka la soo eedeeyay aya maanta la dhageystay dacwadooda waxaana Guddoomiyaha dacwada Garsoore Cabdiraxmaan Saciid Axmed uu sheegay in labadda ruux ee dhiman la dhageysan doono maalmaha soo socdo cadeymahooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno garoonka kumadda cagta ee Stadium Muqdisho waxa ay sheegayaan in hada ay ku bilaawdeen hoobiyeyaal, iyadoo ay ka socoto cayaartii ugu horeysay oo lagu furay gabal dhicii galabta. Laba kooxood oo lagu furay garoonka ayaa ku cayaareysay caawa, waxaana mar qura laga war helay hoobiyeyaal ugu soo dhacaya si isdaba joog ah, iyadoo ay durbadiiba hawada ka baxeen telefishinadii u tebinayey cayaarta sida tooska ah. Wararku waxa ay sheegayaan in dhowr madfac ay ku soo dhaceen garoonka iyo xaafadaha ku teedsan, welina lama oga khasaaraha ka dhashay, waxayna cabsi badan soo jawahday dadkii ku sugnaa garoonka oo cayaarta daawanayey, kuwaas oo isugu jira masuuliyiin iyo dad shacab ah oo cayaarta u daawasho tegay. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta xarigga ka jaray garoonka Stadium Muqdisho, kadib markii lasoo gebagebeeyey dib u dayactir lagu sameeyay, maadaama garoonku ka mid ahaa goobihii danta guud ee burburka baahsan uu ka soo gaaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Madaxweyne Farmaajo ayaa garoonka isla galabta ka daah furay cayaartii ugu horeysay oo ka dhacda mudo ku siman 16 sano kadib, waxayna dhex mareysay kooxaha Horseed iyo MCC Minishiibiyo, waana labada koox ee ugu sareeya heerka kala sareynta Horyaalka Soomaaliya. Dad ku sugan garoonka ayaa Caasimada Online u sheegay in intii ay socotay cayaartu ay garoonka ku soo bilaawdeen hoobiyeyaal, aan la garaneyn jihada ay kasoo dhacayaan. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho ayaa faray Xukuumadda in ay sii dhammeystirto qorshaha dib u soo celinta Tuulada Ciyaaraha oo muhiim u ah soo nooleynta tartannada ciyaaraha kala duwan ee dalkeenna. Madaxweynaha ayaa laaday kubadda dib loogu furayo Garoonka oo sanaddo kaddib martigeliyey Ciyaaraha Heerka Koowaad ee Soomaaliya, waxa uuna kulan dhexmaray kooxda Horseed ee Ciidamada Xoogga dalka iyo Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugnaa Garoonka waxa uu qiimeyn ku sameeyey qeybaha kala duwan ee uu kooban yahay, isaga oo wakhti la qaatay dhallinyarada loo carbinayo qeybta ciyaaraha miiska, warbixinna ka dhageystay Wasiirka Dhallinyarada iyo CIyaaraha XFS Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee ciyaaraha dalkeenna oo lagu martiqaaday kulankii dib loogu furayay Garoonka, taas oo muujineysa maamuuska iyo tixgalinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u hayaan halyeeyada baalka dahabka ah kaga jira sooyaalka ciyaaraha dalkeenna. Munaasabaddan waxaa ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenadiisa, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoonka Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, qaar ka mid ah halyeeyadii hore ee soo matalay ciyaaraha kala duwan ee Qaranka iyo Isxilqaameyaasha Olalaha Dib u dhiska dalka.
-
Somali PM Hassan Ali Khaire has held a meeting with Qatari deputy prime minister Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani in Doha on Tuesday. “It was an honor to have a fruitful meeting with the Deputy Prime Minister of the Qatar government Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani. We discussed strengthening bilateral relations, economic co-operation, and security.” The PM said. The two officials have discussed ways to boost already existing diplomatic and defence cooperation between Somalia and Qatar. Since the Gulf crisis began in 2017, Qatar developed close ties with the Somali government and pledged funds to develop projects which include roads and education activities. View the full article
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray Garoonka kubbadda Cagta Stadium Muqdisho oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay tan iyo markii ay Dowladda kala wareegtay Ciidamada Amisom 27-Auguts 2018. Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyeen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,wasiiro ka tirsan Xukuumadda,xildhibaanada labada Gole ee Baarlaamanka iyo ciyaartooydii hore Soomaaliya ayaa ka qeyb galay daah furka garoonka ciyaaraha ee Muqdisho Stadium. Kooxaha Horseed iyo Muqdisho City Club ayaa 16-sano ka dib wada dheelay furitaanka garoonka kubbadda cagta Muqdisho Stadium waxaana guusha 2-1 ku qaatay xidigaha ciidanka xoogga dalka ee Horseed,iyadoo goolkii ugu horeeyay mudo ka dib garoonka uu dhaliyay laacibka Horseed Xasan Xasaasi. Si kastaba bahda ciyaaraha Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo raysal wasaare Xasan Cali Khayre kaga mahad celiyay dib u soo celinta gegida Muqdisho Stadium. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/06/Warka-Habeen-30062020.mp3 View the full article
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa goordhoweyd ka jawaabay eedeymo culus oo ay maanta u jeediyen guddiga joogtada ah ee Golaha wakiillada Somaliland. Guddiga ayaa sidoo kale maanta xasaanadii ka xayuubiyey guddoomiye Faysal, maadama ay gebi ahaanba ay guddoomiyaha kala laabteen kalsoonidii. Faysal Cali Waraabe ayaa eedeymahaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan, isagoona ku dooday inuusan jabin qodob dastuuri ah, sida ay saaka sheegen guddigaasi joogtada ah. Faysal Cali oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu madaxweynaha Somaliland la xiriiray kadib markii ay saaka eedeymahaasi usoo jeediyeen guddigaasi, uuna u balan qaaday inuu kala qeyb qaadan doona jiritaankooda. Guddoomiye Faysal ayaa xildhibaanada xanaasada ka xayuubiyay ku tilmaamay kuwo raadinaya wado ay ku sameystaan muddo kororsi aan sharci aheyn, waa sida uu hadalka u dhigaye. Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, ayaa saaka war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay inay gebi ahaanba kalsoonidii kala laabteen guddoomiye Faysal, iyagoona ka dalbaday guddiga diiwaan-gelinta xisbiyada inay si rasmi ah uga qaadan xasaanada. Caasimada Online ayaa ogaatay in xasaanad ka qaadista iyo eedeymaha uu wajahayo guddoomiye Faysal ay ka dambeeyan xiisad hoose oo muddooyinkii dambe kala dhaxeysa guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo uu dhowr jeer u geystay weerar afka ah. Faysal Cali ayaa inta badan warbaahinta mariya hadalo aan loo meel-dayin, kuwaasi oo madaxda Somaliland qaarkood ay rumeysan-yihiin inay abuuri karaan khatar amni iyo tafaraaruqa bulshada reer Somaliland.
-
Golaha Shacabka Jubbaland ayaa kulankoodii maanta waxay si caro leh ugasoo horjeesteen Qodobada ay Ansixiyeen Baarlamaanka Federaalku iyo Qodobada horyaal oo uu kamid yahay kuraasta [...] The post Breaking News— Baarlamaanka Jubbaland oo qaadacay dhamaan Qodobadii ay Ansixiyeen, iyo kuwa horyaal Baarlamaanka Federaalka appeared first on . Source
-
PRESS RELEASE COVID-19 challenges African Civil Society Organisations and opens up new opportunities, says report A new report by EPIC-Africa and @AfricanNGOs confirms that the impact of COVID-19 on African civil society organizations (CSOs) has been widespread and destabilizing DAKAR, Senegal, June 30, 2020/ — More than 1000 African CSOs from 44 countries participated in a major survey on the impact of the COVID -19 pandemic on their organizations. 55.69% of respondents already experienced a loss of funding, while 66.46% expect to lose funding in the next 3-6 months. African CSOs decry exclusion from national responses to COVID-19 and emergency funding mechanisms. Download report: https://bit.ly/3eMw9Gl A new report by EPIC-Africa and @AfricanNGOs confirms that the impact of COVID-19 on African civil society organizations (CSOs) has been widespread and destabilizing. Based on the results of a survey of more than 1000 CSOs in 44 African countries, the report found that 98% of respondents had been adversely affected. The report adds that CSOs have a long tradition of performing crucial developmental, humanitarian and advocacy functions across Africa and highlights the critical challenges that CSOs are experiencing as they respond to the COVID-19 crisis and strive to survive. “COVID-19 further exposes many of the challenges that African CSOs have long grappled with, from unstable funding to exclusion from national policy processes. Yet, CSOs are stepping up to address the challenges that COVID-19 is posing to their work and survival. They are leading community responses and amplifying the voices of the most vulnerable populations, with little or no outside support. Once again CSOs are demonstrating that there cannot be any effective response to national emergencies such as COVID-19 without their involvement”, said Rose Maruru, co-founder of EPIC-Africa. The survey shows that more than half of the respondents (55.69%) have already experienced a loss of funding, while 66.46% expect to lose funding in the next 3-6 months. In addition, 49.87% have introduced measures to reduce costs because of the loss of funding, or the uncertainty about future funding. Looking ahead, 77.97% of respondents indicated that COVID-19 would have a devastating impact on the sustainability of many CSOs. “As a result of COVID-19, African CSOs are confronted with the dual challenge of keeping their organizations afloat while also responding to the needs of the communities in which they operate. The majority of respondents confirmed that they were not prepared to cope with the disruption caused by the pandemic”, stated David Barnard, moderator of @AfricanNGOs. The report also found that not receiving the necessary support from authorities at the national level has added to the challenges facing CSOs. CSOs reported being excluded from emergency funding mechanisms and 71.58% of respondents believed that governments failed to recognize and utilize local CSOs’ skills, experience and networks in response to COVID-19. According to the report, despite the odds, African CSOs are demonstrating resilience and agility as they adapt to the “new normal”. They have identified some key opportunities as they seek to cope with the pandemic including leveraging domestic funding sources, building sector solidarity and accelerating digital transformation. The report concludes that it is still too early to understand the full impact of COVID-19 on African CSOs, noting it will likely be long-lasting as the pandemic has exacerbated historical and ongoing challenges that hamper the sector. At the same time, it added, many CSOs remain optimistic about the future as 45.06% of respondents felt that they would emerge stronger and more agile after the pandemic. Click here (https://bit.ly/3gaj8qA) for a copy of the full report. Distributed by APO Group on behalf of EPIC Africa. View multimedia content Media Contact: Chakera McIntosh cmcintosh@epic-africa.org About the survey: EPIC-Africa and @AfricanNGOs implemented the survey between 29 April and 15 May 2020. A follow-up survey will be implemented in late 2020 to assess the evolving impact of COVID-19 on African CSOs. About @AfricanNGOs : @AfricanNGOs is a Twitter account that covers news and information for and about NGOs in Africa. It is moderated by David Barnard, a development consultant with more than 25 years’ executive and senior management experience in initiating and leading development organizations and programs across Africa. He currently acts as a consultant to various NGOs and foundations in Africa. About EPIC-Africa: Co-founded by Adwoa Agyeman and Rose Maruru in 2015, EPIC-Africa (www.EPIC-Africa.org) is a Senegal-based, pan-African organization that seeks to strengthen the ecosystem for philanthropy in Africa. EPIC-Africa is developing new approaches to help build a robust and resilient civil society sector. The organization’s creative use of data and technology offers African CSOs a unique platform to demonstrate transparency, reinforce legitimacy and build credibility. EPIC-Africa’s services and tools create opportunities for CSOs and their funders to share knowledge, build capacity and scale impact. SOURCE EPIC Africa Qaran News
-
Guddida Diwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka, ayaa jawaab ka bixiyey qoraal Guddidooda lagu socodsiiyey oo ay Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilladdu kaga codsadeen in Guddoomiyaha xisbiga UCID laga qaado xasaannadda, si loogu soo oogo dacwad la xidhiidha eedaymo ay Golaha wakiillada iyo Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ku soo oogeen Faysal Cali-waraabe. Hasayeeshee, Guddida Diwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta axsaabta qaranka oo soo saaray qoraal jawaab-celin ah, ayaa caddeeyey in aanay Dastuurka iyo xeerarka dalka ku haynin wax xasaannad ah oo ay leeyihiin madaxda xisbiyada qaranku, sidaa darteedna waxay iftiimiyeen in aannu Guddoomiye Faysal Cali-warabe lahayn wax xasaanad ah oo ay waajibtahay in laga qaado. Haddaba, su’aaahu waxay tahay ma mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaan aqoon u lahayn shuruucda ay ansixiyaan, maadaama ay codsadeen in Guddoomiyaha UCID laga qaado xasaannada, ayna aaminsan yihiin inuu xasaanad leeyahay? Mise Guddida Diwaangelinta Ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka ayaa qardo-jeexay oo waxa jira ay ogyihiin Golaha wakiilladu oo xasaanad siiyey madaxda axsaabta qaranka? Su’aashan iyo mawduucani kolayba fasiraad sharci ayuu u baahan yahay, cidda aynu hubinta arrintan u daba fadhiisanayno waa bahda sharci-yaqaannada dalka. Source
-
Beijing (Caasimada Online) – Digniin hor leh ayaa kasoo baxday seynisyahanada dalka Shiinaha, kadib markii ay ogaadeen in dalkaasi uu ka dilaacay xanuunka feyrus cusub oo ka dhasha xayawaanka Doofaarka. Seynisyahanada ayaa waxay sheegeen in cudurkaan cusub uu la mid noqon karo feyruska safmarka ah ee hadda dunida dhibaatadiisa ka taagan ee COVID-19 oo dunida ku dilay dad gaaraya 500 kun oo qof. Feyruskaan cusub oo laga helay doofaarada ayaa waxay dhaqaatiirtu sheegeen in hadda aysan jirin qatar weyn, balse ay taagan tahay cabsidiisa, loona baahan yahay in muhiimad gaar ah la geliyo sidii looga feejignaan lahaa halistiisa, waxayse ka welwelsan yihiin inuu si fudud ku faafi karo hadii la is dhigto. Seynisyahanada ayaa ugu baaqay shirkaddaha soo saara hilibka doofaarka inay muujiyaan taxadir, shaqaalahooduna lala socdo xaaladaha ay ku sugan yihiin. Prof James Wood oo ka tirsan jaamacadda Cambridge iyo Prof. Kin-Chow Chang oo ka tirsan jaamacadda Nottingham ee dalka Britain ayaa si wada jir ah u sheegeen in tani ay tahay fariin hor leh, loona baahan yahay in indhaha lagu haayo halista ka imaan karta feyruskaan cusub. Feyruskaan cusub ayaa baaris lagu sameeyay waxay seynisyahanadu sheegeen inuu la mid yahay xanuunkii safmarka ahaa ee Swine flu oo adduunka ka dilaacay sannadkii 2009-kii, kaasoo ka bilawday dalka Mexico. Cudurka Feyruska COVID19 ayaa ah mid asalkiisa ka yimid dalka Shiinaha, dunida oo idilna u gudbay kaasoo galaaftay 500 kun qof.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa dib uga laabatay go’aan hore ugula wareegtay gaadiid ay kusoo qabatay qaad/jaad, maadama xiligaasi ay deegaanadeeda ka mamnuucday. Maxkamadda racfaanka ee gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta dib ugu celisay dadkii lahaa gaadiidkaasi, iyadoona dul dhigtay ganaax lacageed oo gaaraya labo ilaa afar milyan oo shilinka Somaliland ah. Maxkamadda ayaa sidoo kale waxa ay saaka xukuno kala duwan ku riday dadkii lagu soo qab-qabtay qaadkaasi, mudadii ay xukuumada Somaliland ka mamnuucday deegaanadeeda keenista qaadka. Dadkaasi lagu soo qab-qabtay qaadka ayey maxkamadu ku xukuntay 1-sano iyo dhowr bilood oo xarig ah, maadama ay jabiyeen awaamiirtii guddiga ka hortaga iyo u diyaar-garowga cudurka Covid-19 ee Somaliland. Xukunka ay maanta riday maxkamadda rafcaanku ayaa laalaya xukun ay hore maxkamada gobolka Maroodi-jeex ugula wareegtay gaadiidkaasi, iyada oo dhawaana lagu buufiyay astaanta ciidanka. Talaabada ay hore ugula wareegen ciidamadu gaadiidkaasi, ayey qareenada reer Somaliland ku tilmaamen mid lagu deg-degay, isla markaana aan si fiican looga fiirsanin.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, ,kadib markii la soo gebagebeeyey dib u dhis Studiumballaaran oo lagu sameeyey garoonkaasi oo uu saameeyey burburkii dalka muddo ku dhow 3o sano. Munaasabadda furitaanka garoonak waxaa ku wehliyay madaxweynaha mas’uuliyiin isugu jira ra”iisul wasaare kuxigeenka dalka ahna kusimaha ra”iisul wasaaraha ,wasiiro xildhibanno guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa dhanka kale wuxuu ka qeybgalay furitaanka ciyaartii ugu horeysay oo garoonkaasi lagu furay,isagoo laaday kubaddii ugu horeysay,waxaana xubnaha la socda kamid ahaa wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dib u dhiska xaruumo kala duwan oo dan guud ah,kuwaasi oo uu xarigga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya,iyadoo loo dabaal degayo todobaadka xorriyadda Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
-
Kooramka ama guntanka Kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad ee Golaha Shacabka oo ku furmay 150-mudane waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxaana sidoo kale kulanka joogay guddoomiye kuxigeenadda koowaad iyo labaad ee Golaha Shacabka. Labada Ajende ee kulanka oo kala ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’addaha aan dowliga aheyn iyo sii wadida ka doodista xeerka Asteynta kuraasta Golaha Shacabka,waxaana goluhu uu ku hormaray Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adaha aan dowliga aheyn oo uu goluhu u faah faahiyay Wasiirka Qorsheynta,maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan. Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la helo sharci lagula xisaabtamo hay’ddaha dalka ka howl-gala si xogahooda iyo howlaha ay dalka ka hayaan loo ogaado. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo u mahad celiyay wasaaradda qorsheynta oo sharciga soo diyaarisay ayaa tilmaamay in sharcigan uu aad muhiim ugu yahay dalka, isla markaana uu xoojinaayo Xukuumadda gaar ahaan wasaaradda qorsheynta oo soo diyaarisay. Maadaamaa hindise sharciyeedkan uu maray keliya Akhrintiisa koowaad oo aysan jirin wax ka doodis ah oo xildhibaanadda uga furnaa ayaa waxa ay xildhibaanadda u gudbeen Ajnedaha labaad ee kulankaa oo ahaa xeerka Asteynta kuraasta Golaha Shacbaka,waxaana Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ah guddoomiyaha guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee sameynta xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka qaranka uu goluhu ka hor akhriyay qodobo ka mid ah xeerkan oo uu guddigu kusoo daray fikradihii iyo talooyinkii Xildhibaanadda ay ka dhiibteen kulankii kan ka horeeyay,wuxuuna Goluhu ka codsaday in ay ansixiyaan. Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo codgeliyay xeerkan ayaa waxaa haa ku ogolaatay 144-Xildhibaan sida uu natiijadda codeynta ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com