-
Content Count
212,306 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa dhambaal hamalyo ah u soo diray dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda oo uu ugu hambaleeyey dabaaldegga xuska 60 guuradii ka soo wareegatay xornimada Soomaaliya. “Madaxweynaha Shiinaha Xin Jinping oo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka ayaa dhambaal u qoray madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Jarmaajo,isagoo ugu hambaleeyey munaasabada xuska 60-guurada xornimada Soomaaliya,isagoona Soomaaliya u rajeeyay horumar”. ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya. Dhanka kale waxaa uu soo hadal qaaday dadaalkii iskaashi ee dwoladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ay u galeen ka hortagga fiditaanka cudurka Covid-19,kaasi oo dunida oo dhan saameeyey,wuxuuna xusay in Soomaaliya ay ka guuleysan doonto sidii ay uga taxadiri lahayd fiditaanka cudurkaasi oo halista ah. Ugu dambeyntii Madaxweynaha Shiinaha Xin Jinping a ayaa sheegay dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto taageeradeeda Soomaaliya oo dhan kasta leh,isagoo intaasi ku daray in labada dal ay sii xoojin doonaan xiriirka ka dhexeeya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka KMG ah ee diwaangalinta siiyay 8 xisbi oo ku biiriya xisbiyadii GMDQ uu horey u diwaangaliyay, GMDQ oo raacaya tilmamaha iyo talooyinka Cudurka Safmarka ah ee Covid-19 ayaa munaasabadda xisbiyada lagu sinayay shaadada u qabtay qaab online ah iyadoo uu GMDQ aaladda ZOOM- ka u adeegsiday qabsoomidda Munaasabaddaas. Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil iyo Diwaangaliyaha Xisbiyada Guddiga Maxamed Cumar Axmed Xaydara ayaa ka qaybgalay munaasabadda xisbiyada lagu guddoon siinayay shahaadada ku meelgaarka ah. 8 xisbi ee maanta helay shahaadada kumeel gaarka ah ayaa kala ah. – Xisbiga Bulshada Dimoqaardiga Soomaaliyeed. – Xisbiga Nolosha iyo Cadaaladda. – Xisbiga Walaalaha Midoobay. – Xisbiga Tubta Horumarka iyo Nabadda. – Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka. – Xisbiga Soomalinimo. – Xisbiga Cadaaladda Horumarinta Dimoqaraadiyadda iyo Isqadarinta. – Xisbiga Badbaado Qaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Sida ay qortay OMN, Jawar Mohamed oo u ololeeya dimoqoraadiyadda ayaa lagu xiray dalka Itoobiya. Jawar waxaa lala xiray Bekele Gerba oo ah nin caan ka ah mucaaradka. Labadooda waxaa laga qabtay Oromo Cultural Center ee gudaha Adis Ababa. October sanadkii hore ayey aheyd markii aad isugu dhaceen Abiy Axmed iyo Jawar oo taagerayaasha ninka dambe diideen xarig lala damacsanaa. Xariga Jawar ayaa yimid intii uu socday dibadbax ka dhashay dhimashada Hachalu Hundessa, oo ahaa fanaan Oroma ah, kaas oo habeen ka hor lagu dilay bartamaha caasimadda ee Addis Ababa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warbixin sirdoon: “Ruushka oo lacag ku bixiyay in la laayo askarta Mareykanka” Ciidanka Mareykanka Sirdoonka Ruushka “waa shabakad ballaaran oo ujeedkeedu yahay in ay dagaal abuurto”, waxaa sidaas BBC-da u sheegay sarkaal horay uga tirsanaa sirdoonka Ruushka ee caalamiga ah. Eedeyntan ayaa timid xilli dhawaan wargeysyada kala ah New York Times, Washington Post iyo Wall Street Journal, ay daabaceen warbixin muujineysa in sirdoonka Ruushka ay heshiis la galeen kooxda Taliban sannadkii hore, kaas oo dhigaya in ay dilaan askari walba oo ka mid ah ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan, waxayna arrintaas ku helayaan lacag, sida la sheegay. Haseyeeshee arrintaas waxaa beeniyay Dowladaha Mareykanka, Ruushka iyo kooxda Taliban. Talaadadii la soo dhaafay, wasiirka difaaca ee Britain ayaa sheegay in uu ka war qabay warbixin sirdoon oo la xiriirta arrintaas. Ben Wallace ayaa yiri: “Arrinta la xiriirta warbixintaas, waxay ila tahay in aan ka warqabo ee dhanka sirdoonka ah. Mar uu la hadlayay guddi katirsan baarlamaanka dalkaas wuxuu sheegay in hadda uusan diyaar u ahayn ka hadalka sax ahaanshaha warbixintaas, balse ay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah. Wasiirka difaaca ee Britain Ben Wallace Hey’adda sirdoonka Ruushka ee GRU Saddex wargeys oo ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa ku soo warramay in saraakiil katirsan Aqalka Cad ay ku andacoodeen in saraakiil katirsan sirdoonka Ruushka ay ku lug lahaayeen heshiiska la sheegay, ayna si gaar ah wax ka maleegeen qeyb ka mid ah sirdoonka Ruushka oo lagu magacaabo GRU. Dalka Britain, madaxa guddiga difaaca ee baarlamaanka, Tobias Ellwood, waxaa uu sheegay in arrinta lagu eedeeyay sirdoonka Ruushka uu horgeyn doona Qaramada Midoobay. Kooxda Taliban oo isla dalka Ruushka looga aqoonsan yahay urur argagixiso – haddana xukuumadda Moscow waxay sheegtay in warbixintaas aanay waxba ka jirin. Ciidanka Mareykanka ee Afghanistan GRU ayaa ah hay’ad la shaqeysa sirdoonka milateriga ee dalka Ruushka, halka hey’adda SVR-na ay tahay mid ka shaqeysa sirdoonka arrimaha siyaasadda. Labadan hey’adood ayaa aad loogu yaqanaa loollanka ka dhaxeeya, mid walbana uu doonayo in uu saameyn ku yeeshay aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka. Sida uu ku soo warramay wargeyska New York Times, hey’adda GRU, gaar ahaan cutubka 29155, waxaa la sheegay in uu ahaa midkii ka dambeeyay heshiiska la sheegay in lala sameeyay Taliban. Waa askari kamid ah ciidanka Mareykanka looga dilay Afghanistan Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in qeyb ka mid ah sirdoonka Ruushka ay mas’uul ka ahaayeen “olole loogu talogalay in lagu mija xaabiyo Yurub”, ayna sidoo kale dilal qorsheysan ka geystaan meela badan oo adduunka ah. Waxaa muuqata in wargeysyada ay ula jeedaan qeyb ka mid ah sirdoonka militariga ee Ruushka, kuwaas oo ah sirdoon heysta taabar gaar ah. Sirdoonka loo garanayo 29155 ayaa la asaasay xilligii midowgii Soviet, waxayna shaqadoodu ahayd in ay dib u tababaraan ciidanka katirsan militariga Ruushka, si ay ula shaqeeyaan sirdoonka militariga ee gaarka ah. Sida laga soo xigtay sarkaal horay uga tirsanaa sirdoonkaas, ma ahayn oo keliya kuwa loo tababaray arrimaha siyaasadda iyo istaraatajiyadda ee sidoo kale waxay u tababarnaayeen in ay hawgal fuliyaan. Cutubkan ka mid ah sirdoonka Ruushka ayaa sidoo kale la sheegay in uu hadda hoggaamiyo nin lagu magacaabo Jeneraal Andrei Averyanov. Falcelintii Mareykanka iyo Ruushka Askari katirsan ciidanka Mareykanka Mas’uuliyiinta dalka Ruushka ayaa sheegay in su’aasha ah iskaashi dhexmara Moscow iyo Taliban ay tahay arrin meesha taala. Afhayeenka Madaxweynaha Ruushka, Dmitry Peskov ayaa sheegay in eedeymahaas ay yihiin kuwa been abuur ah. Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka, oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in ay tahay markii koowaad oo uu sirdoonka dalkiisa ka maqlo qorshaha GRU iyo Taliban. “Warbixintan sirdoonka waxay ee la igu wargeliyay waxaa la ii sheegay in ay tahay mid aan la hubin oo aan la xaqiijin karin , maxaa yeelay aniga iyo madaxweyne ku xigeenkaba na looma soo sheegin,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Twitter-ka. Khasaaraha Mareykanka ka soo gaaray Afghanistan Ciidamada mareykanka waxay sheegeen in ay taageerayaan ciidanka Afghanistan Sida ay sheegtay waaxda difaaca ee Mareykanka, 22 askari ayaa Mareykanka looga dilay Afghanistan sannadkii tegay, waana tiradii ugu badneyd ee khasaara ah oo hawgalka Mareykanka ee “ilaalinta dimuqraadiyadda” ka soo gaaray dalkaas tan iyo sannadkii 2015-kii. 18 ka mid ah ciidankaas ayaa ku dhintay qarax, toogasho iyo miino dhulka loogu aasay. Isla sannadkii tegay afar askari ayaa Mareykanka uga dhimatay dalkaas, kuwaas oo ay la dhacday diyaarad. Askartaas waxaa ka mid ah kuwa si gaar ah u tababarnaa. Sannadkan 2020, illaa 9 askari ayaa Mareykanka looga dilay Afghanistan. Balse dhammaadka bishii Febraayo, waxay Mareykanka iyo Taliban kala saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayo colllaadda. Heshiiskaas waxaa uu dhigayaa in ciidanka Mareykanka ay si tartiib ah uga baxaan Afghanistan. Inta badan askarta Britain ayaa Afghanistan kasoo baxay sanadkii 2014 Sidoo kale waxaa ku xusan in Taliban iyo xulafadooda Al-Qaacida aanay weerarin militariga Mareykanka. Tan iyo bishii afaraad ma jirin askar Mareykanka uga dhimatay Afghanistan. Warbixintan uu helay wargeyska the New York Times, waxaa sidoo kale ku jirta in Taliban lacag lagu siiyay in ay weeraraan askarta Britain ee ku sugan Afghanistan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro madaafiic ah ku qaaday saldhigyo ay ku sugan yihiin ciidamo Kenyan ah oo ka tirsan kuwa AMISOM. Weeraradaasi ayaa lagu qaaday saldhigyada ay ciidamada Kenya ee AMISOM ku leeyihiin deeganada Cabdalla Kudhaa iyo Cabdalla Biroole, kaasi oo sababay dagaal xoogan oo labada dhinac dhex-mara. Dagaalyahanada Shabaabka iyo ciidamada AMISOM ayaa saacado is rasaaseyay kadib weerarada madaafiicda ahaa ee ay kusoo qaadeen Shabaabku, taasi oo dhalisay khasaaro badan oo kala duwan. Inkasta oo si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay weeraradaasi kala duwan, ayaa haddana war ay soo saartay Al-shabaab ku sheegtay inay weeraradaasi ay khasaaro ba’an ku gaarsiiyen ciidamada Kenya. Al-Shabaab ayaa mareegaheeda Internet-ka ku baahisay inay guul ka gaartay weeraradaasi ay ku qaadeen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah kuwo AMISOM, halka ay weli ciidamada Kenya aysan dhankooda ka hadlin. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada Kenya ee Jubbooyinka iyo weliba kuwa ay ku sugan yihiin ciidamada Jubbaland oo iyagu iska caabin xoogan kala hortaga.
-
(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa Maanta oo Arbaca ah waxaa ay xukun Dil toogasho ay ku riday Nin hore fal isugu jiray kufsi iyo Dil Gabadh u geystay. Maxkamadda ayaa sheegtay in Cabdi Siciid Muuse oo ah Ninka falka u geystay Gabadha oo kamid aheyd dadka deegaanka degmada Garbadadar Gobolka Awdal lagu helay caddeymo uuna qirtay falkaas. Marxuumada ayaa lagu magacaabi jiray Shukri Yuusuf Xuseen, waxaana Eheladeeda ay sheegeen inay doonayan in xukunka Dilka toogashada lagu fuliyo Cabdi Siciid Muuse. Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa hore sidaan oo kale waxaa xukuno ugu diray rag lagu eedeeyay in deegaanada Somaliland ka geysteen fal kufsi ah. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka ayaa ku bogaadiyey dhallinyaradii isu xilqaamay dib u dhiska Madxafka, ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in dib loo dhiso xarumaha danta guud, bilicda iyo kaabeyaasha nolasha. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay Dowladda ugu gacan siinayaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka, iyaga oo mideysan kana fog qabyaaladda iyo kooxeysiga, taas oo ah jidka kaliya ee ay kula tartami karaan barbaarta caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey Taariikhyahannada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta taariikhdii gobonimo doonka dalkeenna oo ku suntan midnimo, wadajir iyo howlkarnimo, isla markaasna ay uga tagaan shacabkeenna dhaxal Hiddo-raac ah oo u iftiiminaya mustaqbalkooda. “Dhismaha Madxafka Qaranka waa tallaabadii ugu horreysay ee ku aaddan soo nooleynta taariikhda dadkeenna iyo dalkeenna, waxaa ina hortaalla shaqo baaxad weyn oo ku saabsan sidii aan dib ugu soo celin lahayn aasaartii iyo milgihii keydsanaa ee dalkeenna, waana arrin uu gacan ka geysan karo muwaadin kasta oo qadarinaya sooyaalka iyo mustaqbalka Umadda Soomaaliyeed.” Munaasabadda Xarig-jarka Madxafka Qaranka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada.
-
Qoraal maanta ka soo baxay Machadka Heritage ayaa lagu sheegay in si xoogan u aaminsan yahay in ay soo xirmayaan albaabadi oo dhan ayna jirto fursad aad u yar oo lagu xallinkaro xiisaddaha ka jira doorashooyinka waqitigeedi aadka u soo dhawaaday, isla markaana ay daruuri tahay in la helo dariiq loo maro xalka dhabta ah ee loo dhan yahay, iyada oo soojeediyey labo arrin midkood: Doorashooyin Dadban oo Siyaasad Ahaan Looga Heshiiyey: Sida aan ku soo sheegnay daraasadeenii Luuliyo 2019 iyo qoraalkeenii koobanaa ee Mey 2020, habka ugu wanaagsan ee lagu heli karo qaab doorasho oo ay isla oggol-yihiin hormuudka saamilayda siyaasasda (DFS, DG iyo axsaabta siyaasadeed ee diiwaangashan) waa wada-hadal iyo is-qancin siyaasadeed oo sal ballaaran, saldhigiisuna yahay, ugu dambeyntiina horseedi kar doorashooyin loo dhan yahay oo dadban. Waa arrin la fahmikaro, in badan oo Soomaalida ah iyo deeq-bixiyayaasha caalamkuba, in ayasan aad ugu qanacsanayn doorasho kale oo dadban, marka la eego taariikhdii madoobeyd ee laga dhaxlay hannaan doorashaadkii 2016/17. Laakiin ku hanweynaanta doorasho qof iyo cod ah ayaa u muuqata mid khiyaali ah; isla markaana waqti kororsi daneed oo ay ku kacaan masuuliyiintu xilka haya ayaa wuxuu noqonayaa ku xadgudub sharciyeed iyo mid siyaasadeed. Dhab ahaantiina, waa lagama maarmaan in la xuso in xaaladda dalka ka jirta ay tahay fashil guud iyo eed la wadaago. DFS, DG-yada iyo mucaaradkaba maysan la’iman masuuliyad hogaamineed. Hab dhaqankoodii qaldanaa ee qaar ka mid ah joogtada ahaa wuxuu wiiqayey hay’adihii dalka, waxayna carqaladeeyeen dadaalkii dawlad-dhisidda. DG-yada waxay wakiilo ku leeyihiin hay’adaha dowlada ha ahaadaan golaha shacabka, aqalka sare ama golaha wasiirrada, haddana, ma wada aqblaan go’aannada hay’adahaas. Ugu-horayn, sharciyadda dastuuriga ah ee baarlamaanka federaalka iyo DFS labadaba waxay dhacayaan dhowr bilood gudahood (27 Diseembar 2020 iyo 08 Febraayo 2021 midba). Dastuurka ku meelgaarka ah isna si cad ayuu u tilmaamayaa in muddo kororsi ay ku kacaan dhammaan masuuliyiinta la soo doortay oo ka baxsan waqti xileedkooda afarta sano ah ay xaaraan tahay. Sidaa daraadeed, baarlamaanka iyo hay’addaha fulinta sharcicga uma saamaxayo inay iskood muddadda u kororsadaan. Tan-labaad, xitaa haddii dhammaan saamileydu aqbalaan soojeedinta kaliya ee GMDQ ee lagu kalsoonaan karo (biometric-ka), Guddigaas oo waajibaadkooda uu ku egyahay bartamaha sanadka soo socda, 13ka bilood kuma filna. Sida aan ku soo sheegnay qoraalkeenana kooban ee bishii Mey ee sanadkan, waqtiga ugu yar ee lagu hirgelinkaro nidaamka (biometric-ka), ayaa ah ugu yaraan 18 bilood ilaa labo sano – taasina waa marki la wada helo agabki loo baahnaa oo dhan ayna diyaar yihiin waxkastoo oo ay kujiraan sharciyada, dhaqaalaha iyo amniga. Soomaaliland waxay bilowday qaadashada hannaanka biometric-ga (2007 nooca faraha) iyo 2014 (nooca casriga ah ee indhaha), saddex sano kaddib ayayna midka indhaha u isticmaashay doorashadii madaxweynaha, arrimaha siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliland way ka deggen yihiin kuwa ku gedaaman DFS. Weliba, marka la eego dhanka musuqmaasuqa, nooca doorsho ee waraaqaha ku salaysan, waxaa laga yaabaa in uusan ka musuqmaasuq yareyn doorashooyinka dadbanaa ee dalka ka dhacay xilliyadii hore. Sidaa daraadeed, wax kasta oo aan ka ahayn qaabka doorashada ee ku saleysan is-afgaradku waxa ay noqon doonaan qardajeexid Muddo Kordhin Siyaasadeed Ahaan Looga Heshiiyo : Soo jeedinta labaad waxa ay noqon kartaa heshiis siyaasadeed oo laga gaaro dib-u-dhigista doorashooyinka oo la mid ah Heshiiskii Kampala (Kampala Accord) ee bishii Juun ee 2011 kana dhex dhaca hormuudka saamileyda siyaasadda. Xaaladahaan oo kale, saamileydu (DFS, DG-yada iyo xisbiyada siyaasadeed ee diiwaangashan) waxa ay ku heshiin karaan in dib loo dhigo doorashooyinka dalka ugu yaraan laba sano, si loo dhammaystiro sharciga doorashada, sharciga xisbiyada siyaasadeed iyo arrimaha lafdhabarka u ah xasilinta siyaasadda dalka. Tani waxa ay dhici kartaa oo keliya haddii saamileyda siyaasaddu ay isku waafaqaan in loo guuro xasilooni siyaasadeed lana wada dhiso Xukuumad Midnimo Qaran (XMQ) taasoo ku salaysan dib-u-heshiisiin qaran oo sal-ballaaran. Xukuumadda Midnimo Qaran waxaa la siin karaa qorshe-hawleed dhameystiran oo diiradda lagu saari karo shan waajibaad-shaqo, oo la qeexay, laguna heshiiyey: a. Soo celinta xiriirkii wada shaqeyneed ee ka dhexeeyay DFS iyo dhammaan DG-yada; b. In la dedejiyo dib-u-eegista dastuurka ku-meel-gaarka ah loona diyaariyo afti qaran si aftidaas loogu beego xilliga doorashooyinka dalka; c. In la aasaaso maxkamadda dastuurka iyo guddiga adeegga garsoorka si loo xoojiyo sarreynta sharciga iyo awoodaha korjoogteynta; D. Dhammaystirka sharciga doorashada, sharciga axsaabta siyaasadeed iyo u diyaar garowga doorashada qof iyo cod (DQC) ah laba sano gudahood; wax ka beddelka iyo dejinta shuruucda GMDQ iyo weliba dib u habeyntiisa; e. Dib u soo noolaynta qaab dhismeedka Amniga Qaranka si wax looga qabto khatarta Al Shabaab iyo ISIS. Labadaas sano gudahood, dowladda midnimada qaran, ee lagudhan yahay, si loo hirgeliyo shuruucda loo baahan yahay waxa ay si dhow ula shaqeyn doontaa labada aqal ee baarlamaanka, dowlad goboleedyada, xisbiyada siyaasadeed ee diiwaangashan iyo bulshada rayidka ah, si ay u hesho taageerada uga badan ee uu u baahan yahay barnaamijkeeda. Beesha caalamkuna waa inay siiso taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale qorshe-hawleedkaas haddii Soomaalidu isku raacdo oo ay ku heshiiyaan: dowlad midnimo qaran iyo waqti-kordhin ku salaysan in loo guntado shaqooyinkii la dayacay, dalkana loo gaarsiiyo doorasho xor ah oo xalaal ah, loogana gudbo caqabadaha siyaasadeed ee dad-sameega ah ee curyaamiyey geeddi-socodkii dimuqraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya. Gunaanad Waxaan si aad ah u ognahay in kala-doorashooyinka aan soo bandhignay aysan aheyn kuwo ceeb la’, oo waan fahamsan-nahay in dad badani ay u arki doonaan wax aan loo dulqaadan karin doorasho dadban iyo waqti korarsiba. Meesha arrintu ay hadda taallo waa laga hortagi karay haddii DFS iyo DG-yada ay iska kaashan lahaayeen oo ay howshooda horay u qabsan lahaayeen iyo haddii GMDQ ay uga digi lahaayeen dadka Soomaaliyeed horraantiiba inysan dhici karin doorashada qof iyo cod (DQC) ah sidii loo qorsheeyay. Si kastaba ha ahaatee, iyada oo maskaxda lagu hayo habka tabar iyo taag socodka ah iyo mabaadii’da ah ha uga darin, machadku waxa uu had iyo jeer u ololeeynayey habka go’aan qaadashada ku saleysan wadarogolka Soomaalida dhexdeeda ah, maaddaama ay si weyn u yareyn karto dhiillooyinka iyo colaadaha. Taasina waxaan u samaynaa annaga oo faham dheer u leh duruufaha dhaqan-siyaasadeed ee dalka, oo ay ragaadisey is aaminaad la’aan aad u qoto dheer iyo dib-u-heshiisiin aanan caga badan ku taagneyn oo ka dhex jirta dadka. Mar kale, waxaan fursaddan uga faa’iideysaneynaa in aan ku boorinno hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaalida in aysan lumin fursaddan arrimaha doorashooyinka wada hadal xalka looga gaari karo. Shirka loo balansanyahay ee la filayo in uu dhax maro madaxweyne Farmaajo iyo hoggaamiyaasha dowlad goboleedayada waa fursad dahabi ah oo lagu gaari karo is-afgarad ku saabsan qodobada la isku khilaafsan yahay. Sanadihii la soo dhaafay waxa ay caan ku ahaayeen is-aaminaad darro qoto dheer oo dhex taalay DFS iyo DG-yada, madaxweyne Farmaajo-na wuxuu doortay inuu DG-yada ula dhaqmo si adag oo xagjirnimo siyaasdeed ah. Hab-dhaqankaas wax natiijo fiican ah uma soo kordhin dalka ama madaxweynaha qudhiisa. Hadda waxaa la joogaa waqtigii saamileyda siyaasadeed ee dalku ay caqligooda isugu geyn lahaayeen sidii loo heli lahaa xal siyaasadeed oo looga gudbo xiisadda doorashada kaabiga inagu soo haysa. Sidoo kale, beesha caalamku waa in ay qayb muhiim ah ka noqdaan xalka, maaddaama dadka Soomaaliyeed ay si dhow isha ugu hayaan ficiladooda iyo sida ay u abbaaraaan arrinkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlayey xaaladda dalka ayaa ku baaqay in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka ka jira dalka. Axmed Madoobe ayaa dalbaday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inay fiiriyaan danaha guud ee Qaranka, si looga gudbo caqabadaha jira. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in laga wada heshiiyo arrimaha siyaasadda ee haatan la’isku hayo, si loo aado doorasho ogol ah. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli halkiisii uu yahay khalaafka dowladda federaalka kala dhexeeyo maamullada Jubbaland iyo Puntland. View the full article
-
DHUSAMAREEB (HOL) - Clashes broke out this afternoon in Dhusamareb between two government forces leading to injury’s of at least five people. Source: Hiiraan Online
-
DHUSAMAREEB (HOL) - Clashes broke out this afternoon in Dhusamareb between two government forces leading to injury’s of at least five people. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda 1-da Luulyo. Khayre ayaa shacabka ku guubaabiyay in ay ilaashaadaan taariikhdoodii gobanimo doonka oo astaan u ah geesinimada, go’aan adaygga iyo kartida dadka Soomaaliyeed. Xuska 1-da Luulyo oo maanta ku beegan ayaa lagu qabtay magaalooyin badan oo ugu horreyso caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. View the full article
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka ayaa ku bogaadiyey dhallinyaradii isu xilqaamay dib u dhiska Madxafka, ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in dib loo dhiso xarumaha danta guud, bilicda iyo kaabeyaasha nolasha. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay Dowladda ugu gacan siinayaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka, iyaga oo mideysan kana fog qabyaaladda iyo kooxeysiga, taas oo ah jidka kaliya ee ay kula tartami karaan barbaarta caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey Taariikhyahannada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta taariikhdii gobonimo doonka dalkeenna oo ku suntan midnimo, wadajir iyo howlkarnimo, isla markaasna ay uga tagaan shacabkeenna dhaxal Hiddo-raac ah oo u iftiiminaya mustaqbalkooda. “Dhismaha Madxafka Qaranka waa tallaabadii ugu horreysay ee ku aaddan soo nooleynta taariikhda dadkeenna iyo dalkeenna, waxaa ina hortaalla shaqo baaxad weyn oo ku saabsan sidii aan dib ugu soo celin lahayn aasaartii iyo milgihii keydsanaa ee dalkeenna, waana arrin uu gacan ka geysan karo muwaadin kasta oo qadarinaya sooyaalka iyo mustaqbalka Umadda Soomaaliyeed.” Munaasabadda Xarig-jarka Madxafka Qaranka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article