Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,306
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Taliyaha ciidanka Dabdamiska Somaliland ayaa u magacaabay xoghayaha guud ee ciidanka Dabdamiska Somaliland Ibraahim Suldaan Barre . Xilkan xoghayaha ayaa lagu badalay xilkii hore ujiray ee Agaasimaha ciidanka Dabdamiska Somaliland. Source
  2. Addis Abaab (Caasimada Online) – Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Addis Ababa, sida ay sheegeen booliska. Booliska ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay qalalaasaha ka dhacay Itoobiya ay haatan gaartay 80 kaddib dilkii loo geystay fanaanka ka caanka ah dalkaas Hachalu Hundesa. Waxaana lagu soo warramayaa in dibadbaxyaal careysan ay isugu soo baxeen waddooyinka kuwaas oo codsanaya in xabsiga laga soo daayo Jawar Maxamed. Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in dibadbaxyadu ay rabshado kale ka dhashaan. Ciidammada militariga ayaa la geeyay waddooyinka magaalada Addis Ababa, si ay u dejiyaan xaaladda. Xaaladda Itoobiya ayaa haatan u qasan, waxaana xiisadu ka sii dartay, kadib dilkii loo geystay fanaankii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeesaa oo toogasho lagu khaariyey.
  3. Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada xooga dalka ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan. Howl-llada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada qeybta 27-aad ee xoogga dalka Soomalaiyeed, kuwaas oo ka howl-gala gobolkaasi. Ciidamada ayaa si gaar ah dhaq-dhaqaaqyadaasi uga sameeya inta u dhexeysa degmooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo ka warbixiyey howl-galladaasi ayaa sheegay inay ku bartilmaameedsadeen goobo ay sheegeen in laga soo abaabulo weerarada dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka fuliyeen gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka. Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana ku socdo baaritaano dheeraad ah. Hiiraan ayaa ka mid ah gobollada ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, waxaana ay weeraro qorsheysa ka fuliyaan degmooyinka gobolkaasi, sida Beledweyne, iyaga oo beegsaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.
  4. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Itoobiya ayaa sheegaya in xaaladda ay ka sii dartay, kadib rabshado xoogan oo ka dhashay dilkiii Addis Ababa loogu geystay fanaankii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeesaa. Rabshado aad uu xogan oo ka dhashay toogashadaasi ayaa weli ka socda caasimadda Addis Ababa iyo sidoo kale magaalada Ambo ee gobolka Oromada. Sidoo kale dadka ku dhintay rabshadahaasi ayaa korortay, waxaana haatan lagu soo warramayaa inay tiradu gaartay illaa 81 qof, sida ay warisay warbaahinta dalkaasi. Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa sidoo kale la dhigay jidadka Addis Ababa iyo magaalooyinka ku hareereysay, si ay uga hortagaan rabshadahaasi. Dilka fanaanka Haacaaluu oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa sii huriyay xiisada haatan ka taagan Itoobiya, waxaana halis ku jirta xasiloonida dalkaasi. Dowladda ayaa sheegtay inay xirtay illaa 2 qof oo lagu tuhmayo toogashadii lagu dilay fanaankaasi oo ku caan-baxay mudahaaradyadii sanado ka hor ka dhacay Itoobiya. Waxaa kale oo la xiray rabshadaha kadib in ka badan 30 ruux oo uu ku jiro siyaasiga mucaaradka ah ee Jawar Maxamed, tallaabadaasi oo uga sii dartay xiisada taagan. Hundeesaa oo ahaa heesaa aad loo jeclaa ayaa dhanka kale lagu wadaa in maanta la aaso, waxaana dilkiisa ra’iisul wasaare Abiy uu ku sheegay shirqool loo dhigay Itoobiya.
  5. (SLT-Yemen)-Nin Dhalashadiisu tahay waddanka Yemen oo muddoba deganaa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa muddo dhawr habeen ah la la’yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay kadib markii gaadhi ay wateen niman aan la aqoonsani kaga kaxaysteen Meherad Ganacsi oo uu ku lahaa Magaalada Hargeysa. Sida ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen qaar ka mid ah asaxaabtiisu, Ninkan Yemeniga ah oo lagu magacaabo Maxamed Cali Cabducasiis Muxsin oo ka mid ahaa Yemanida ku soo qaxay waddanka Somaliland ayaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey la la’yahay iyada oo ay wararku sheegayaan in laga kaxaystay Meheraddiisa lana ogayn cidda kaxaysatay iyo meel lala tagay toona, walina eheladiisa iyo asaxaabtiisu baadi doon uga jiraan iyaga oo ku war geliyay ciidamada Ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Maxamed Cali Cabdulcasiis Muxsin oo meherad Ganacsi ku haystay Xaafadda 150-ka, Degmada 26-ka Juun ee Caasimadda Hargeysa waxa goor ku dhawaad Salaaddii Maqrib ah albaabka meheradiisa soo joogsaday gaadhi yar oo Tagsi ah, kaasi oo nimankii watay ay saareen sidaana kula tageen walina aan la garanayn waxa ay raggaasi ahaayeen iyo waxa ay ka rabaan ninkan toona. “Waxa ay ahayd goor Maqrib ah. Ninkani waxa uu meherad Ganacsi ku haystay xaafadda 150 ka. Ma garan karno meel lala tagay iyo cidda kaxaysatay toona balse waxa meheraddiisa lagaga kaxaystay gaadi saddex maalmood ka hor. Gaadhiga ayaa la soo hor joojiyay oo lagu qaatay lamana oga meel ay la tageen. Waxaana la war galiyay oo arrintaa laga sugayaa ciidamada dambi baadhista Somaliland iyo guud ahaan laamaha ammaanka ee qaranka”. Sidaa waxa yidhi mid ka mid ahaa asaxaabta Muxsin oo arrinta ninkan nooga warramay. Ehelada iyo asaxaabta ninkan Yemeniga ah ee la la’yahay ayaa waxa ay xukuumadda iyo gaar ahaan laamaha ammaanka ka codsanayaan in ay dardar galiyaan baadhitaanka ninkaasi iyo sidii kiiskiisa loo ogaan lahaa iyaga oo sheegay in aanay wali helin wax raad ah oo ay raacaan. Jamhuuriyadda Somaliland waxa ku sugan qaxooti u dhashay waddanka Yemen oo sannadihii ugu dambeeyey ku soo qulqulayay tan iyo markii uu dalkaasi Yemen sannadkii 2011 ka qarxay dagaaladii Gu’ga carabta oo markii dambe sabab u noqday in xukuumaddii waddankaasi Yemen ee Cali Cabdalla Saalax xukunka laga tuuro, isaga oo dalkaasi Yemen wakhtigan ku sugan xaalad bani aadamnimo tii ugu darnayd iyo dagaalo ka holcaya. Qaxootiga reer Yemen ayaa Somaliland ka helay amni, iyo deganaansho si weyn loogu soo dhaweeyey waxaanay intooda badani hab muruq maal ah uga xoogsadaan Magaalooyinka waaweyn ee dalka, halka kuwo kale oo badanina ay ganacsiyo waaweyn ku haystaan sida Huteellada, Bacadlayaal, Magaasaano iyo goobo ganacsi oo kale. Waxaanay leeyihiin jaaliyad xaaladdooda isku xidha oo Hargeysa xafiiskoodu yahay. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cabdinaasir Caydiid Maxamed ayaa uga digay dadka ajaanibta ah ee Qaxoontinimada ku jooga dalka in aanay wax shirar jaraa’id ah oo siyaasadeysan qaban karin. Cabdinaasir Caydiid Maxamed, waxaa uu sheegay in dadka magan geliyada ay siisay Somaliland in ay dalka si nabadgeliyo ah ugu noolaadaan ugana shaqeystaan, balse aanay marnaba ka ogolaan doonin in shirar siyaasadeysan iyo abaabulo ka dhex sameeyaan gudaha Somaliland. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo shalay magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlay, ayaa hadalkiisu daba socday kadib markii habeen hore warbaahinta gaarka loo yahay ay baahiyeen dad ka tirsan Qoomiyada Oromada ee Hargeysa degan oo ka hadlayay qulqulatooyinka waddankooda ka socda. Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Waxaan uga digaynaa dadka ajaanibta ah ee ku sugan gudaha Somaliland cid siyaasad kagala hadli karta ama warbaahin soo istaagi kartaa ma jirto. Dadka magan geliyo aanu siinay, waa inay si nabadgeliyo ah uga shaqeystaan, oo ay u joogaan, balse umaanaan siin inay dagaalo ka dhex abuuraan oo mucaaridnimo ka dhex sameeyaan dalkan. Intii habeen hore dhacday digniin ayaanu uga dhigeynaa, laakiin marka xiga ee qof ajaanib ah lagu qabto isaga oo abaabul ka dhexwada waddanka ama warbaahinta maxaliga la hadlaya uma dulqaadaneyno.” Geesta kale wasiirku xigeenka arrimaha gudaha Somaliland waxaa uu si gaara carabka ugu dhuftay qaar ka mida dadka ajaanibta ee degan magaalada Hargeysa. “Waxaa aanu uga digeynaa in qofkasta oo ajaanib ahi, uu si caadiya isaga shaqeysto dadkana ula noolaado, qaarkood ayaa la sheegayaa in shirar ay abaabulayaan hadii ay shirkaasi qabsadaan oo ay dhab noqoto talaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadi doonaa, ama Oromo ha noqdaan ama Itoobiyaan ha noqdaan, ama ajaanib kaleba ha noqdaan, cidkasta oo ajaanib ah oo waddanka Somaliland joogta waxaa aanu fareyna in ay si nabadgeliyo ah u joogaan, una shaqeystaan, ugana ganacsadaan”Ayuu yidhi Cabdinaasir Caydiid Maxamed. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco, Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse ayaa ka hadlay xayiraadda laga qaaday iyo khatarta uu leeyahay xanuunka Koronuhu, waxaanu ku baaqay in lagu dedaalo ilaalinta caafimaadka aadna looga feejignaado khatarta xanuunka Koronaha. Suldaanka guud ee Beesha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waan soo dhaweeynayaa xayiraaddaas la qaaday ee aad ha la isku ilaaliyo, oo aad ha loo feejignaado, xanuunka Koronuhu weynu aragnaa inuu yahay xanuun aad ugu baahaya Adduunka, oo waliba sababay dhimasho dad aad iyo aad u tiro badan, ee haddii xayiraaddii la qaaday yaan la is dhigan, ee taxadar badan ha la sameeyo, oo xaalad kasta oo xanuunkani ku fidi karo aynu iska ilaalino ILLAAHAY baa wax ilaaliye, oo mar kasta aynu ogaano baryada ILLAAHAY, mar kastana waanu ducaynaa, ee ILLAAHAY xaqa ha ina waafajiyo” Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Buuri dhawaan dalka la keenay ayaa durba si xawli leh ugu dhex fiday dalka iyada oo dhallinyaro iyo dad waayeelka lihi ay durba ku ibtiloobeen si xunna ula qabsadeen taasi oo halis weyn oo caafimaad leh. Somaliland oo marka horeba dhibaato weyni ka taagnayd balwadaha umadda aafeyey ee ay ka mid yihiin Qaadka, Shiishadda, Khamriga, Xashiishadda iyo kuwo kale ayaa waxa uu Buuriga casriga ah ee LYFT noqday aafo kale oo ku soo korodhay qaranka oo halis weyn oo caafimaad iyo mid bulsheedba leh. Zizuu Zidane Caamir oo ka hadlayay dhibaatada buurigani caafimaadka Bulshada u leeyahay waxa uu yidhi: “Isticmaalka Tubaakada Lyft waa mid kamid ah waxyaabaha ugu awoodda badan ee keena “Oral Cancer” ama kansarka ku dhaca Afka. Sidoo kale waxay keeni kartaa Kansarka ku dhaca Caloosha iyo xanuuno badan oo uu kamid yahay Wadna xanuunka, gaastariga iyo kuwo kale. Tubaakadani Waxay ka samaysan tahay maadada “Nicotine and other Chemical components”. Kuwaas oo qabatin leh isla markaana halis wayn ku ah Caafimaadka Waana mid daanka la dhigo. Hase ahaatee waxa halis badan marka lays garab dhiggo iyada Tobacco-da snus ama Lyft iyo Sigaarka. Sida ay sheegaan khubarada Caafimaadka sigaarka ayaa ka khatar badan. Dadka qaar waxay damcaan in sigaarka la qiijininayo ay ku beddelaan noocyada Tobacco-da afka laga qaato balse waa “Kud ka guur oo Qanjo u guur”. Sirkadda (BAT) British American Tobacco ee Maandooriyaha Sigaarka iyo Tubaakadda soo saarta waxay samaysay suuq-gayn ay ugu yeedhay “Next Generation Products” (NGPs) wax soo saarka Jiilasha soo socda taas oo maal gellin xooggan ku socod siinaysa Alaabteeda ahna inay badeecaddeeda ku faafiso meel walba oo ay dhaqaale kaga helayso isla markaana lagu Aafeeyo dhalinyarada. Waxayna ku dooddaa marka laga horyimaaddo Buurigeeda in la habeeyay oo laga yareeyay maadada Halista ah ee Nicotine, taasina waa been. Buurigan waxa aad looga isticmaala Wadamada Scandinavian-ka ee qaaradda Europe sida Sweden oo ku caanbaxday Buuriga canka la dhiggo ee Snus iyo Maraykanka. Waddamadaas dadkoodu ay isticmaalan laftoodu way garwaaqsan yihiin inay khatar ku tahay Caafimaadka Tobacco-da Lyft. Iyadoo marka horeba dhibaatooyinka Jaadka, Sigaarka, Buuriga iyo Maandooriye-yaasha kale ay bulshada ku hayaan xad dhaaf tahay loona baahnaa in la xakameeyo haddii kuwo kale oo hor leh la ogolaado in bulshadu lagu dhex faafiyo waa mid murugo xanuun badan leh. Lyft Waxay Aafaynaysaa dhalinyarada oo Cuudka iyo Caafimaadkaba ka qaadaysaa. Sidoo kale dhaqaalaha dalka way wiiqaysa. Qofka dhallinyarada ah ee isticmaala ma korayso maskaxdiisu qofka wayna haba sheegin!. Gudaha Somaliland bilihii ugu dambeeyay waxa aad looga qayliyay halista maandooriyaha Tubaakada lagu magacaabo Lyft haday tahay Masaajidada oo Culimaa’u ddiinku kaga hadleen iyo hadday Warbaahinta ama baraha bulshada ah ay bulshadu kaga cabatay si looga joojiyo dalka cidda ka ganacsatana ama lagu arkana tallaabo sharci ah laga qaado. Markasta oo Maandooriyayaashu soo bataan waxa faraha kasii baxaya Amniga, mustaqbalka dhalinyarada iyo guud ahaan akhlaaqdii bulshada, sidaa awgeed Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland haday tahay Wasaaraddaha ganacsiga iyo arrimaha gudaha, diinta iyo awqaafta, iyo guddida wanaagsan faridda waa in laga hawl galaa sidii loo joojin lahaa Maandooriyaha cusub ee la maagan yahay in dalka lagu faafiyo oo durba dhibkiisu muuqdo”. Source
  9. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gibiley ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhafay ciidanka Booliska maamulka Somaliland ay xir-xireen dhalinyaro ku soo labisatay dharka calanka Soomaaliya, kuwaas oo ku sugna halkaasi. Dhalinyarada xabsiga loo taxaabay ayaa xirnaa funaanado ka sameysan Calanka Soomaaliya, taas oo sababtay in ciidamadu ay qabtaan, kadibna ay xiraan. Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in sababta loo xiray dhalinyaradaasi ay tahay kaliya labiska ay xirnaayeen ee Calanka Soomaaliya. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dhalinyaradasi ay qeyb ka ahaayeen dadka Soomaaliyeed ee u dabaal-dagayey maalinta Qaran ee kowda Luulyo. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska Somaliland oo ku aadan falkaasi xariga ah. Si kastaba ha’ahaatee arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan Jabuuti lagu soo gaba-gabeeyey shirkii wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo laga soo saaray warmurtiyeed xasaasi ah oo uu ku jiro qodob ka hadlayey is-dhexgalka bulshada.
  10. (SLT-Hargeysa)-Rabshadaha ka socda Itoobiya, ee ka kacay fanaanka ka soo jeeda Qoomiyada Oromada Haacaaluu Hundeessaa oo lagu dilay Addis Ababa ayaa samaayn ku yeeshay ganacsiga Qaadka ee Somaliland. Qaadka oo Somaliland uga yimaadda dalka Itoobiya gaar ahaan Deegaanada Qoomiyadda Oromada, ayaan shalay gabi ahaanba soo galin dalka, inkasta oo meelo ka mid ah Suuqa lagu arkayey Dad iibinaya Qaad hore u yaallay iyo Qaadka gudaha Somaliland ka baxa ee loo yaqaanno Waddaniga. Dhanka kale, Marahedaha suuqyada Magaalooyinka Somaliland ayaa shalay la buux-dhaafiyey, gaar ahaan Huteellada Cuntada laga cuno ayaa Mashquul noqday. Dalka Itoobiya, gaar ahaan Caasimadda Addis Ababa ayaa waxa saddexdii Maalmood ee u dambeeyay ka socday Rabshado ay dhigayaan Dad ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada, kuwaasi oo ka cadhaysan dil loo geystay Fanaan Qoomiyadda ka soo jeeda oo Addis Ababa lagu toogtay, halka Magaalooyinka kale ee Qoomiyaddaasi ka degto Itoobiyana uu ka jiro dhaqdhaqaaq xooggan oo xidhiidh la leh ka Addis Ababa. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Dowladda Shiinaha ayaa war kasoo saartay xidhiidh dublimaasiyadeed oo ay sameysanayaan Taiwan iyo Somaliland iyada oo Shiinuhu u aqoonsantahay Taiwan qayb ka mid ah dalwaynaha Shiinaha. Taiwan ayaa waxa ay sheegtay in ay xafiis ka furanayso magaalada Hageysa ee caasimadda Somaliland, iyada oo tallaabadaas uu si deg deg ah uga hadlay safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya. Labada dhinac ee Somaliland iyo Taiwan ayaa la sheegay in ay Taleefoonka kaga wadahadleen nooca xidhiidhka dhexmaraya iyaga oo ku heshiiyay is aqoonsi iyo in midba midka kale Baasaboorkiisa uu ku tago Soomaaliland ama Taiwan. Dhinaca kalan dowladda China ayaa u aqoonsan Taiwan qeyb kamid ah dhulkeeda, in kasta ay madaxbanaani sheegato. Safiirka Shiinaha u fadhiya Somalia ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay arrintaan waxaana uu tilmaamay in warkaan aanu aheyn mid aan cuntami doonin sida uu hadalka u dhigay. “Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul ka mid ah Shiinaha waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha waana wax aan loo dulqaadan karin” ayaa lagu yidhi bayaanka inkastoo aysan soo hadal qaadin Magaca Somaliland. Source
  12. (SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha dowladda Itoobiya Abiye Axmed ayaa xiligan la tacaalaya xiisadda iyo rabshadaha ka dhashay dilka loo geystay Fanaankii caanka ahaa Haacaaluu Hundeessaa oo u dhashay qawmiyada Oromada kana mid ahaa mucaaridkiisa. Rabshadaha ka dhacay caasimada Addis Ababa ayey illaa iyo hadda ku dhinteen sida la xaqiijiyey ugu yaraan 81 qof, waxaana Arbacadii magaalada Caasimada ah la geeyay ciidamo baddan oo militari ah si ay uga hortagaan kooxaha kacdoonka wada. Fanaan Hundeessaa oo kamid ahaa mucaaridka xukuumada ayaa la toogtay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in dilkiisa uu ahaa mid qorsheysan. Salaasadii ayey magaalada Addis Ababa ka bilaameen kacdoon ay sameenayaan taageerayaasha Fanaankaasi sida weyn looga jeclaa dalkaasi. Rabshadaha socda ayaa sidoo kale lagu burburiyey goobo badan oo ganacsi. Waxaana lagu wadaa in maanta oo khamiis ah fanaankan lagu aaso magaaladii uu ku dhashay ee Ambo oo 100km dhanka Galbeedka ka xigta caasimada Addis Ababa. Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dilkan ay ka danbeysay dowlad shisheeye (waxaa la filayaa inuu ka wado dalka Masar) oo kasoo horjeeda dhismaha biyo xidheenka Itoobiya, isagoo sheegay in dilkan loo adeegsaday kooxo aanu magacaabin oo ka dhex shaqeenaya gudaha Itoobiya, waa siduu hadalka u dhigayee. Abiy ayaa wajahaya kacdoon shacab xili ay loolan kula jiraan siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Qawmiyada uu u dhashay ee Oromada oo si weyn u dhaliilsan xukuumadiisa, fanaanka la dilay ayaa kamid ahaa mucaaridkiisa raggii sida weyn uga soo qeyb qaatay kacdoonka Oromada waday sannadihii lasoo dhaafay, wuxuuna fanaankaasi kahor intaan la dilin wareysi uu siiyey warbaahinta Oromada uu ku sheegay in loo soo hanjabay. Source
  13. Ciidamo Militari ah oo tiro badan ayaa lagu daadiyey saacadihii tagay gudaha caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa iyaga oo baaraya xaafadaha. Tani, waxaa ay ka dambeysay kadib markii ay dhaceen dibaxbaxyo ay ku dhinteen in ka badan 80 qof oo ka soo horjeeday dil loo geystay fanaanka Haacaaluu. Waxaa kale oo qalalaaso ka socdaa gobollada ay Oromada degto, oo fanaanka la dilay ayaa ahaa qowmiyaddaas, waxaa kale oo rabshadaha sii huriyey xariga hoggaamiye mucaarad oo isla Oromo ah waana Jawar Maxamed. Waxaa ay arrimahan oo dhan saameyn ku yeesheen ganacsiga iyo isu socodka, waxaa kale oo la jaray korontada iyo Internet-ka. Abiy Axmed, ra’isul wasaaraha Itoobiya ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo uga imaanaya Tigreega iyo xataa qowmiyadda uu dhashay Oromo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo wareysi Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan iska hor imaadkii shalay ka dhacay gudaha magaalada Dhuusamareeb. Falagle ayaa wareysigan ku sheegay in dagaalka uu yimid, kadib kala shaki soo kala dhex-galay ciidamadaasi, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay wadaan baaritaan ku aadan shaqaaqadaasi, islamarkaana ay guddi u saareen. Dagaalkii shalay ayaa wuxuu u dhexeeyey ciidamo ka kala tirsan talisyada Haramcad iyo NISA, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac. View the full article
  15. Jabuuti (Caasimada Online) – Jamhuuriyadda Jabuuti oo si aad ah loogu xasuusto garab istaaga iyo walaalnimada ay u muujisay Soomaaliya aya markale shaacisay inay dooneyso inay xasiliso khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira gudaha dalka. Safiirka Jabuuti ee Sacuudiga oo u warramay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa sheegay in Soomaaliya ay saameyn ku leedahay ammaanka gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladiisu ka go’an tahay sidii ay dib ugu soo celin lahayd doorkii ay Soomaaliya ku lahayd masraxa siyaasadeed ee geeska Afrika. “Yagleelida xasiloonida si lamid ah ammaanka Soomaaliya iyo xadiditaanka qulqulka qaxootiga waxay muhiim u tahay Geeska Afrika maadaama gobolka uu juquraafi ahaan, dhaqan ahaan, dad ahaan iyo dhaqaale ahaan uu isku xiran yahay,” ayuu yiri danjirahu. Jabuuti oo ah dal daris la ah Soomaaliya ayaa door weyn ku leh dib u dhiska Soomaaliya, iyada oo dowladdii ugu horreysay burburkii kadib lagu soo dhisay Carte. Sidoo kale Jabuuti ayaa dadaal badan ku bixisay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyada oo shirkii ugu dambeeyey dhowaan lagu qbatay gudaha dalkaasi. Waxa kale oo jirta in ciidamo badan oo qeyb ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka joogaan gudaha dalka, kuwaas oo ka howlgala gobolka Hiiraan. Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadaa haatan Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur ah, islamarkaana uu jiro khilaaf siyaasadeed oo ku aadan doorashada 2020/2021-ka.
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed oo magaalada Dooxa booqasho ku jooga ayaa maanta booqday xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar. Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa safaaradda ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Qatar, waxaana ay uga warbixiyeen howlaha ay bulshada u qabtaan. Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dalka iyo xubnaha la socda ayaa booqasho u jooga dalka Qatar. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  17. Milateri Itoobiya ayaa waxaa loo daad-gureeyay caasimadda dalkaas, si ay u xakameeyaan dibadbaxyada ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhashay dilka heesaagii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa. Ugu yaraan 81 qof ayaa lagu soo warramayaa in tan iyo habeenkii Isniinta ay ku dhinteen qul-qulatooyinkaas rabashadaha wata ee ka dhacay gobolka uu ninkaas ka soo jeeday ee Oromiya. Kumannaan qof oo taageerayaashiisa ah ayaa waxa ay isugu soo baxeen sidii ay ugu baroordiiqi lahaayeen Hachalu Hundessa, kaas oo isagoo gaarigiisa wata la dilay habeenkii Isniinta. Booliska ayaa sheegay in 35 qof oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah Jawar Maxamed xabsiga loo taxaabay. Ilaa iyo haatan ma cadda sababta keentay in ninkaasi loo dilo, hasayeeshee booliska ayaa sheegay inay dilka ninkaasi u xireen laba qof. View the full article
  18. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Warka-Subax-020720.mp3 View the full article
  19. FAO delivers agricultural inputs and cash transfers to vulnerable farmers in rural Somalia thanks to funding from the European Union’s humanitarian aid programme. Source: Hiiraan Online
  20. Two days of protests have left at least 81 people dead in Ethiopia, a police chief said Wednesday, after the murder of a popular singer from the country's largest ethnic group stoked tensions that threaten to derail the country's democratic transition. Source: Hiiraan Online
  21. WELLS (WGME) – Somali immigrants in Maine have found their dream farming land in Wales. Source: Hiiraan Online
  22. Over 70,000 people, many of whom are internally displaced, were forcibly evicted from their homes in urban areas across East Africa even during the most prevalent months of the Covid-19 pandemic - a new report reveals. Source: Hiiraan Online
  23. Sawirka waa saaka Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa saaka oo Khamiis ah Safar ugu baxay Magaalada Ankara ee Caasimadda Waddanka Turkiga. Madaxweyne ku xigeenka waxaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe ku sii saagootiyay qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Golayaasha Dowladda, saraakiil ka socotay Madaxtooyada iyo xubno ka tirsan Xafiiskiisa. Ilo’ ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijiyay in Safarka Madaxweyne ku xigeenku la xiriiro checking Caafimaad oo caadiya, kaas oo uu mararka qaar ku tego dalka dibaddiisa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo u dhoofay Dalka Turkiga appeared first on Puntland Post.
  24. The Finnish Ambassador in Baghdad says there have been few improvements in Iraq's healthcare system since the fall of Saddam Hussein. Source: Hiiraan Online
  25. Kisumu, Siaya and Vihiga counties are the new breeding grounds for terrorist groups, a baseline survey conducted in 10 counties of Western Kenya has revealed. Source: Hiiraan Online