Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dad dhagax tuuray.khalkhalna geliyey kolonyo Gaadiida oo uu la socday madaxweyne oo lagu xukumay xabsi 30 sano ah Madaxweyne Evariste Ndayishimiye Maxkamad ku taalla waqooyiga Burundi ayaa saddex oo isugu jiro labo rag ah iyo haweeney ayaa 30 sano oo xabsi ku xukuntay kaddib markii la sheegay inay isku dayayeen inay dilaan madaxweynaha cusub ee dalkaas Evariste Ndayishimiye. Waxaana la sheegay in dadkan ay dhagax tuureen kolonyo baabuur ah oo uu la socday madaxweynaha. Dacwad oogaha ku sugan halkaas ayaa ka codsaday maxkamadda gobolka Kayanza in dadkan ay ku ridaan xabsi 3 ilaa 7 sanno ah markii ay khalkhal geliyeen amniga madaxweynaha balse maxkamadda ayaa sheegtay inay isku dayayeen inay qaarijiyaan madaxweynaha isla markaana ay ku riday xukun 30 sano oo xarig ah, sida uu ku warramay raadiye maxalli ah. Saddexdan qof ayaa ka shaqeynayay kaalin shidaal oo ku taalla gobolka Kayanza, waxaana lagu eedeeyay inay dhagaxyeeyeen kolonyada madaxweynaha oo marayay goobta ay ka shaqeynayeen illi madaxweynaha uu booqasho ku joogay toddobaadkii lasoo dhaafay halkaas. Dadkan la xiray waxay beeniyeen eedeymaha loo jeediyay. “Dhacdada kaddib waxaa la xiray dad badan, qaar kamid ah dadkaas ayaa lasoo daayay balse haweeney iyo labo nin oo ka shaqeyneyay kaalinta shidaalka ayaa la xiray, waxaana xukun lagu riday Axaddii” waxaa sidaas BBC u sheegay mid kamid ah dadka ku sugan magaalada Kayanza. Madaxweyne Evariste Ndayishimiye ayaa lagu wadaa in uu xilka si rasmi ah u qabto 20 bishan, inkasta oo bishii Juun la caleemo kaddib geeridii ku timid madaxweynihii dalkaas Pierre Nkurunziza. Qaran News
  2. Trump oo isagoo Shir Jaraa’id ku jira lala cararay kaddib markii Ilaaladiisu Afaafka hore ee Aqalka Cad ku toogatey Nin laga shakiyey Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in qof lagu toogtay goob u dhow Aqallka Mareykanka, kaddib markii uu ka baxay shir jaraa’id. Daawo:Sidii loola cararay Trump markii Dilku dhacay Mr Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay “iney u muuqato in haatan xaaladda la xakameeyay”. Trump ayaa shirka jaraa’id lagala carayay markii ay arrinta dhacday balse wax yar kaddib ayaa dib u soo muuqday kaddib markii mid ka mid ah ilaaladiisa uu goobta shirka jaraa’id ku soo hogamiyay. Waxaa la maqlayay Trump oo oranaya “Oh!” “Maxaa dhacaya” markii uu ka sii dhaadhacay qolka shirka jaraa’id. Madaxweynaha oo ku guda jira shirka jaraa’id ayaa waxaa ka soo dhex-galay mid ka mid ilaaladiisa, waxa uuna dhagta ugu sheegay dhacdada. A Secret Service agent walked on stage and whispered into President Trump’s ear when the briefing was under way Markii uu dib u soo laabtay sagaal daqiiqo kaddib, madaxaweynaha ayaa weriyeyaasha u sheegay inuu aaminsan yahay in ilaalada qarsoon ay toogteen qof hubeysnaa oo laga shakiyay. Waxa uu sheegay in qof isbitaalka la geeyay dhacdada kaddib. Mr Trump ayaa garwaaqsaday iney ahayd xaalad aan caadi ahayn, balse waxa uu ammaan kala dul-dhacay ciidamada ilaalada ee qarsoon. Dhanka kale ciidamada qarsoon ayaa sheegay iney xaqiijiyeen in mid ciidamadooda ka tirsan uu qof ku toogtay waddada 17-naad iyo aagga Pennsylvania. Qaran News
  3. Fanaan aflagaadeeyay Nebi Muxamed NNKH oo xukun dil Deldelaad ah lagu riday Maxkamad islaami ah oo ku taalla waqooyiga Nigeria ayaa nin fanaan ah ku xukuntay dal dalaad kaddib markii lagu helay dambi ah in uu aflagaadeeyay nebi Maxamed NNKH. Maxkamadda sare ee shareecada islaamka ee ku taalla Kano ayaa go’aamisay in Yaxya Maxamed Shariif Aminu uu diinta aflagaadeeyay xilli uu qaaday hees si weyn loogu baahiyay barta WhatsApp bishii Maarso. Fanaankan oo 22 jir ah ayaa haatan xiran, wuxuu xukunka ka qaadan karaa racfaan. Waxaana la sheegay in fanaanka uu dhuumaaleysi ku jiray tan iyo markii uu qaaday heestaas. Dad careysan oo dibadbaxyo dhigayay ayaa gubay gurigiisa isla markaana is hor dhoobay afaafka hore ee saldhigga xarunta booliska islaamiga ee loo yaqaano, waxay codsanayeen in tallaabo laga qaado fanaanka. Dadka dhaleeceeyay heestiisa ayaa sheegay in ay tahay mid aflagaadeyneyso diinta islaamka oo xitaa uu nin imaam ah ka sare mariyay Rasuulka. Dad careysan oo dibadbaxyo dhigayay ayaa codsaday in lasoo xiro fanaanka Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilwad Elman oo ah gabar Soomaaliyeed oo la shaqeysa Qaramada Midoobay ayaa weerar ku qaaday siyaasiyiinta Soomaalida, oo ay ku dhaliishay inay doonayaan inay “ansixiyaan sharci ogolaanaya in loo galmoodo caruurta.” Ilwad ayaa sheegtay inaysan jeclayn inay aragto Mas’uuliyiin Soomaali ah oo u dabaal degaysa maalinta caalamiga ah ee dhallinyarada, sababtuna ay tahay “inay doonayaan inay ka qaadaan caruurnimadooda.” Qodobka 26-aad ee sharciga galmada ayaa ogolaanaya Guurka Da’yarta (Caruur), inkasta oo uu reebayo in isla markiiba lala aqal gali karo, ilaa qofka yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada, taasi oo looga feejignaanayo dhibaato caafimaad, sida lagu sheegay. Isla qodobkaasi ayaa sidoo kale sheegaya ‘in marnaba la ogoleyn in loo galmoodo qof aan awood u laheyn, qofkii u galmoodana uu muteysan karo ciqaab ka waajibtay arrintaasi uu ku kacay’. Ilwad Elman ayaa aaminsan in ansixinta qodobkaasi uu caruurta ka qaadayo xoriyadda iyo ciyaalnimadoodaba, maadama uu ogolaanayo guurkooda, inkasta oo uu reebayo in isla markaaba lala wadaago gogol caruurta, kadib marka lala aqal galo. “Ma doonayo inaan arko mas’uuliyiin Soomaali ah oo ka qeyb qaadanaya khadka tooska ah si ay ugu dabaal-degaan maalinta caalamiga ah ee Da’yarta ee 12-bishan” ayey Ilwad ku tiri qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka. Qoraal kale ayey sidoo kale ku tiri “Waxaan halkan ku magacaabayaa oo ku ceebeynayaa xildhibaanada taageeray sharciga galmada, islamarkaana burburiyey sharciga dambiyada galmada.” Arrintan ayaa waxaa horey u diiday oo walaaca ka muujiyey Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka, xili ay Xildhibaanada Golaha Shacabku ka hor yimaadeen ansixinta Ajendaha kulankii lagu soo bandhigayay akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira galmada.
  5. Sii haya Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in ay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan sababtii ka dambeysay weerarkii shalay ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar. Wasiirka oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ciidamada ay nolosha ku qabteen lix ka mid ah kuwii Shalay falalka amni darro ka geystay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar kuwaasi oo sida uu sheegay baaritaan lagu samayn doono Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan baaritaannada socda wixii ka soo baxa waxaana uu ciidanka kula dar daarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Weerarkii Xabsiga dhexe ee Xamar appeared first on Puntland Post.
  6. Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, oo Xalay Shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa isku raacay in Ajendayaasha Golaha horyaalaa la dedajiyo, ka hor mudo xileedka golaha. Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in dhammaan sharciyada yaalana goluhu ay ka doodaan oo la kordhiyo waqtiga shaqada ee Golaha. Xoghaha Golaha Shacabka Cabdikarim Xaaji Buux ayaa sheegay in laga wada hadlay dadajinta arrima ay kamid yihiin Dib u-eegista Dastuurka Golaah Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda dood ka yeeshaan Arrimaha Doorashada inkastoo aan la ogayn Go’aanka ay ka qaadan doonaan. PUNTLAND POST The post Guddiga Joogtada ah ee Baarlamanka Soomaaliya oo isku raacay in la dedejiyo Ajandaha Golaha appeared first on Puntland Post.
  7. Ra’iisul Wasaaraha Waddanka Lubnaan Xasan Diab ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Ra’iisul Wasaare ee dalka kaddib qaraxii dhawaan ka dhacay caasimadda Beirut oo ay ku dhinteen in ka badan 200 qof, halka ay ku dhaawacmeen 6,000 oo kale. Mr. Xasan Diab ayaa arrintan kaga dhawaaqay Warbaahinta Dowladda Lubnaan kaddib markii ay isa soo tareen dibad baxyada dowladda lagaga soo horjeedo. 4 August 2020 ayay markii qarax aad u xoogan uu ka dhacay bakhaaro ay ku keydsanaayeen hub si sharci darro ah ku yiilay dekadda tan iyo sanadkii 2013kii kaasi oo sidoo kale sababay bur bur hantiyeed oo lagu qiyaasay in kabadna toban bilyan, halka ay ku guryo beeleen 300,000. Shacabka ayaa waxa ay mas’uuliyiinta dowladda ku eedeeyeen ina y wadaan falal musuq maasuq ah iyo maamul xumo. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaarihii Dalka Lubnaan oo is casilay appeared first on Puntland Post.
  8. ST. CLOUD, Minn. (AP) — Children want to see characters who look like them, said Hudda Ibrahim. Last year, her niece Fatima asked why books don't have characters like her. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa faahfaahin aan dhameystirneyn ka bixiyey weerarkii galabta ka dhacay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, kaas oo lasoo afjaray fiidkii hore ee caawa. Taliye Mahad waxa uu sheegay in weerarka ay fulyeen qaar ka mid ah maxaabiixtii ku xirneyd xabsiga, kuwaas oo askari ka marooqsaday qorigiisa, kadibna toogtay. Sidoo kale qori labaad ayuu sheegay in uu gacanta u galay kooxdaas, kadib markii ay toogasho ku dileen askarigii lahaa oo saarnaa meel kore oo waardiye uu ka hayey. Taliyaha Asluubtu haba yaraatee sooma bandhigin khasaarihii labada dhinac ee ka dhashay weerarkaas, sidoo kale waxa uu ka gaabsaday inay jiraan maxaabiis ka baxsatay xabsiga, intii uu iska hor imaadku socday. Saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa noo xaqiijiyey in afar ka mid ah kooxdii weerarka fulisay la toogtay, halka ugu yaraan laba kalena dhawac lagu qabtay, waxayna maxaabiista weerarkan fulisay ku xirnaayeen qeybta xabsi daa’inka ee xabsiga dhexe. Sidoo kale waxaa la sheegay in uu baxsaday nin ka mid ah ragii ka dagaalamayey gudaha xabsiga, kaas oo qof shacab ah banaanka ku sii dilay, isla markaana ku baxsaday mooto uu si xoog ah ku kaxeystay. Saraakiisha noo warantay oo naga dalbaday in magacyadooda aanaa warbahinta u adeegsan ayaan sidoo kale kasoo xiganeynaa in kooxdaan ay toogasho ku dileen qaar ka mid ah askartii ilaalada xabsiga dhexe ee Asluubta, kuwaas oo goobta ku sugnaa xillaguu uu weerarku bilaawday. Xabsiga Dhexe ee Muqdisho waxaa ku xiran maxaabiis xukunno kala duwan ay ku dhaceen, kuwaas oo qaarkood loo heysto Al-Shabaab-nimo, laguna kala xukumay dil toogasho ah, xabsi daa’in iyo xarig sanado badan qaadanaya. Marar badan oo hore waxay quburo dhanka ammaanka ah ka digeen in khataro badan ay ka imaan karaan hadii hal goob lagu wada xiro dadka xukunnada madaniga ay ku dhaceen iyo kuwa u xiran falalka argagixisanimo.
  10. Hargeisa, Somaliland (HOL) - Over more than three weeks since he was arrested, Astaan TV CEO Abdinaman Yusuf remains behind bars with no charges yet leveled against him by Somaliland authorities. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar ka mid ah maxaabiistii ku jirtay Xabsiga Dhexe ee Xamar, gaar ahaan kuwa loo xukumay kamid ahaanshaha Al-shabaab iyo falal amniga lidi ku ah, kuna xukunaa xabsiya dhaadheer ayaa galabta waxa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan hub, kadibna ay gudaha xabsiga ka bilaabaan weerar toos ah. Kooxda uu hubku gacanta u galay oo tira ahaan ku dhawaa 10-qof, sida aan ka soo xiganay ilo dhanka ammaanka ah ayaa dagaal la galay ciidamadii Asluubta ee ilaalada ka hayey xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana dhexmaray dagaal saacada qaatay oo soo gaaray 7:00pm ee caawa. Ciidamo ka tirsan booliska Soomaliya oo goor dambe gaaray xabsiga dhexe ayaa ku guuleystay in ay soo gaba-gabeyaan werarkaas saacadaha qaatay, waxayna toogteen afar ka mid ah dableydii dagaalameysay. Sidoo kale saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay laba ka mid ah ragii dagaalamayey oo dhaawac ah. Mid ka mid ah raggii ka dhex dagaalamay xabsiga waxaa u suurta gashay in uu baxsado, waxuuna dekedda weyn ee Muqdisho horteeda ku dilay darawal mooto Bajaaj, isagoo halkaas si xoog ah uga ka xeystay mootadii oo uu ku baxsaday. Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha noo warantay xubnaha ka dhex dagaalamay xabsiga kuma jiraan Shabaab-kii ku xukunnaa dilka, balse waxay u dabnaayeen kuwo ku xukunnaa xabsi daa’in (cimrigaa ha ku furto) iyo xabsiyo dhaadheer. Shaki badan ayaa ku gadaaman sida kooxdaan ay hubka ku heleen wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiista dagaalantay hubka loo dusiyey, halka wararka kalena ay sheegayaan in markii hore ay gacanta ku dhigeen qori uu lahaa mid kamida askarta ilaalada xabsiga dhexe ee Muqdisho, kadibna ay xoog ku furteen hub kale, iyaga oo xitaa dagaalka u adegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro. Saraakiisha noo warantay oo naga dalbaday in magacyadooda aanaa warbahinta u adeegsan ayaan sidoo kale kasoo xiganeynaa in kooxdaan ay toogasho ku dileen qaar ka mid ah askartii ilaalada xabsiga dhexe ee Asluubta, kuwaas oo goobta ku sugnaa xillaguu uu weerarku bilaawday. Xabsiga Dhexe ee Muqdisho waxaa ku xiran maxaabiis xukunno kala duwan ay ku dhaceen, kuwaas oo qaarkood loo heysto Al-Shabaab-nimo, laguna kala xukumay dil toogasho ah, xabsi daa’in iyo xarig sanado badan qaadanaya. Marar badan oo hore waxay quburo dhanka ammaanka ah ka digeen in khataro badan ay ka imaan karaan hadii hal goob lagu wada xiro dadka xukunnada madaniga ay ku dhaceen iyo kuwa u xiran falalka argagixisanimo. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama bixin sida qaar ka mid ah maxaabiista Xabsiga Dhexe ay ugu suurtagashay in hub ay ku dagaalamaan uu gacanta u galo, waxaase la filayaa in dhawaan uu war ka soo baxo.
  12. Weerarkii Xabsiga dhexe ayaa lasoo afjaray goordhaweyd, Wali khasaaraha rasmiga ah lama shaacin, Laakiin ugu taraba toban maxbuus oo Al-shabaab ah ayaa Xabsiga ka baxsadey, [...] The post Weerarkii Xabsiga dhexe oo lasoo afjaray appeared first on . Source
  13. Ra’iisul Wasaaraha Dalka Lubnaan Xasan Diab ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Ra’iisul Wasaare ee dalka kaddib qaraxii dhawaan ka dhacay caasimadda Beirut oo ay ku dhinteen in ka badan 200 qof, halka ay ku dhaawacmeen 6,000 (lixkun) oo kale. Mr Xasan Diab ayaa arrintan kaga dhawaaqay Warbaahinta Dowladda Lubnaan maanta oo Isniin ah kaddib markii ay isa soo tareen dibad baxyada dowladda lagaga soo horjeedo. 4 August 2020 ayay markii qarax aad u xoogan uu ka dhacay bakhaaro ay ku keydsanaayeen hub si sharci darro ah ku yiilay dekadda tan iyo sanadkii 2013kii kaasi oo sababay bur bur hantiyeed oo lagu qiyaasay in kabadna toban bilyan, halka ay ku guryo beeleen 300,000. Shacabka ayaa waxa ay mas’uuliyiinta dowladda ku eedeeyeen inay wadaan falal musuq maasuq ah iyo maamul xumo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Lubnaan)-Ra’iisul wasaaraha Lubnaan ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilay kaddib qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Beyrut oo ay ku dhinteen in ka badan 200 qof. Ra’iisul wasaare Xasan Diab ayaa is casilaaddiisa ka sheegay telefishinka qaranka. Shacabka dalkaasi ayaa tilmaamaya inay ahayd in xilli hore si wanaagsan oo taxadar leh looga fekero, keydinta maadada ammonium nitrate ee salaasadii ku qaraxday dekadda caasimaddaasi. Shacabka waxay mas’uuliyiinta dowladda ku eedeeyeen inay wadaan falal musuq maasuq ah iyo maamul xumo. Madaxweyne Mishaal Cown ayaa sheegay in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate si aan ammaan ahayn loogu keydiyay makhaasiin halkaa ku yaallay muddo lix sanno ah. Source
  15. Maxaabiis ku xirnayd xabsiga dhexe ee Xamar oo helay hub ayaa ku dagaalamay gudaha xabsiga. Raraas iyo bambooyin saacado laga maqlayay gudaha xabsida ayaa goordhawd istaagay, kadib markii ciidamo si gaar ah u tababaran ay ka qeybqaateen howgal halkaas ka dhacay, waxaana warar laga helay xabsiga sheegayaan inuu jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaartay maxaabiis iyo askar. Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga ku sheegay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay toogtaan afar xubnood oo kamid ahaa kuwa weerarka bilaabay, isla markaana xaalada xabsiga ay haatan tahay mid degan, wuxuuna intaas ku daray inuu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray rayid iyo askar, inkasta oo uusan faahfaahin. Warar madax bannaan ayaa sheegaya in mid kamid ah maxaabiista hubka helay uu baxsaday, kaas oo bannaanka ku sii dilay qof shacab ah, sidoo kale weerarkaas ay ku dhinteen dhowr kamid ah ilaalaldii xabsiga. Maxaabiista hubka helay ee ku dhexdagaalamay xabsiga Xamar ayaa la sheegay inay ahaayeen Al-shabaab ku xukunnaa xabsiyo dhaadheer. Xabsiga dhexe ee Xamar waxaa ku xiran boqolaal shaabaab ah, waxaana dhawaan soo baxayay warar sheegaya in qaarkood gudaha xabsiga ku dhex-haystaan teleefoono. PUNTLAND POST The post Maxaa ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar? appeared first on Puntland Post.
  16. The hottest debate in Africa’s largest economy over the past week has been the over possibility of “losing” its sovereignty to China over bad debts. Source: Hiiraan Online
  17. Maxaabiis Al-Shabaab ah oo ku Corsa Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa dagaal ka dhexbilaabay xabsiga, waxyar kadibna kooxo Al-shabaab ah ayaa weerar kusoo qaadey Xabsiga. [...] The post Faahfaahin— Xabsiga dhexe ee Muqdisho oo Baxaabiistii Al-Shabaab ay la wareegeen appeared first on . Source
  18. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa maanta shir guddoomiyay kulan xasaasi ah oo looga hadlay cabashada shaqaalaha muruq-maalka ah ee ka howlgalla garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde. Ujeeddada kullanka ayaa aheyd sidii xal kama dambeys ah looga gaari lahaa cabashada shaqaalaha muruq-maalka ah oo shaqo joojin sameeyay iyagoo ka cabanaya shirkadda Favori LLC. Kulankan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Marwo Deeqo Yassin iyo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Mudane Xirsi Aadan Roble, ayaa si wadajira ah waxaa uga qaybgalay Xiriirka Ururrada Shaqaalaha ee FESTU,guddi ka socday shaqaalaha muruq-maalka ah iyo maamulka shirkadda Favori LLC. “Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in la dhowro xaquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, annaga taas ayaa halkan ina keentay.” ayuu yiri Wasiir Sadiq Warfa oo la hadlay guddi ka socday shaqaalaha muruqmaalka ah. “Waxaan la kulanay maamulka garoonka oo warbixin aan ka dhageysanay, waxaa inoo xigay guddiga ka socday shaqaalaha cabanaya ee muruq-maalka ah, annagoo ka dibna u yeernay maamulka shirkadda Favori oo ka hor kullanka aan u gudbinay warqad rasmi ah oo faraysa xaquuqda Shaqaalaha iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.” ayuu yiri Wasiir Warfa. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa sheegay in hadda xal laga gaaray cabashada shaqaalaha, kullanka maanta qabsoomeyna uu billow u yahay kullamo lagu doonayo in xal looga gaaro cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha muruq-maalka ah. “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyada oo gudanaysa waajibaadkeeda waxaan Shaqaalaha muruqmaalka ah iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed u ballanqaadaya in xal kama dambeys ah muddo toddobaadyo ah looga gaari doono cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha .. Dalkeenna wuxuu leeyahay shuruuc cid walba hageysa mas’uuliyadna saaraysa taas ayaana la waafajin doona.” ayuu yiri. Shirkan ayaa waxaa xigo doona kullamo xal kama dambeys ah looga gaarayo cabashada soo noq noqotay ee shaqaalaha muruq-maalka, kuwaaso hadda si rasmi ah ugu laabtay howlahoodi shaqo, ka dib shaqo joojintii ay Axaddii shalay sameeyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxda Puntland. Gaadhaanle Sare Cabdulqaadir Yusuf Dirir ayaa loo magacaabay jagadaan, wuxuuna shaqada la [...] The post G/Sare Cabdulqaadir Jamac Dirir oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada appeared first on . Source
  20. Muqisho (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo dagaalka ka dhex socdo xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa sheegayo in la toogtay qaar ka tirsan maxaabiistii ka dhex dagaalameysay Xabsiga. Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka, kooxda ka dhex dagaalameysa xabsiga waxay adeegsanayaan bastoolado iyo bamboo-gacmeedyo. Sidoo kale waxay sheegeen saraakiishan in la toogtay qaar ka mid ah ciidamadii ilaalada ka ahaa xabsiga dhexe. Maxaabiistan ayaa la aamisan yahay inay ugu xirnaayeen xabsiga dhexe inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab. Sarkaal ka tirsan laamaha amniga oo magacisa codsaday in aan la sheegin ayaa warbaahinta u sheegay in illaa afar ka tirsan maxaabiista oo u xukuman Al-Shabaab-nimo ay weerarkan ku lug leeyihiin, isla markaana ay weli xabsiga ka dhex dagaalamayaan. Maxaabiista ka tirsan Al-Shabaab ee ka dhex dagaalamay xabsiga Dhexe ayaa la sheegay inay markii hore ay gacanta ku dhigeen qoryaha fudud kadib ay sidaas ku bilaabatay is rasaaseynta iyadoo markii dambe ay maxaabiista dagaalameysay bilaabeen inay isticmaalaan bambaanada gacanta laga tuuro. Wararku waxay intaas ku darayaan in weerarkan uu ka socdo qaybta xabsiga dhexe ay uga xiranyihiin maxaabiista ku xukuman xabsi daa’inka. Ciidamada ilaalada xabsiga ee Asluubta iyo kuwo kale oo boolis ah ayaa weli la tacaalaya soo afjaridda weerarkaas. Waxaa jiro khasaaro xoog leh oo ka dhashay weerarkaas kuwaas oo soo gaaray maxaabiis ku xirnaa xabsiga, dadka Shacab ah iyo ciidamadii dagaalamay. Sidoo kale maxaabiista qaar ayaa la sheegay inay ka baxsadeen xabsiga iyagoo ka faa’ideysanayey dagaalkii cuslaa xabsiga ka dhex bilowday. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in lasoo afjaray dagaalkii ka dhex socday xabsiga dhexe.
  21. MOGADISHU (HOL) - The Federal government has come to the defense of striking workers at the Turkish company managing the airport in Mogadishu warning against reprisals by the company. Source: Hiiraan Online
  22. Taliyaha ciidamada booliska Soomaalioyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa maanta wareegto uu soo saaray waxaa uu taliye Boolis ugu magacaabay, saldhigga boolika Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug. kadib markii dhowaan uu iscasilay taliyihii hore. Wareegtada ka soo baxday taliye Xijaar ayaa Dhamme Nuur Cilmi Maxamed loogu magacaabay taliyaha booliska magaalada Dhuusamareeb, taliya cusub ayaa waxaa horay taliye uga soo noqday Saldhigyada Booliiska ee Cabudwaaq iyo Xeraale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Lebanon's health minister says the government has resigned over last week's devastating blast at the Beirut port. Source: Hiiraan Online
  24. MOGADISHU (HOL) - Several prison guards in Mogadishu’s Central Jail are feared dead after an inmate allegedly snatched a weapon from the guards and fired indiscriminately. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar iyo rasaas ka dhacday gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, taasi oo ay fuliyeen qaar ka mid ah maxaabiista ku jira xabsiga. Ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in maxaabiis ku jirtay xabsiga ay hub gacanta ku dhigeen, kadibna ay qaadeen weerar, ayaga oo la dagaalamaya ciidamada asluubta ee xasbiga ilaaliya. Maxaabiistan ayaa la aamisan yahay inay ugu xirnaayeen xabsiga dhexe inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab. Illaa hadda ma cadda tirada maxaabiista ku lugta leh weerarka lagu qaaday ciidamada ilaalada xabsiga. Cidamada amniga ayaa weli hawlgal ka wada xabsiga. Dadka ku dhaqan Degmooyinka Xamar Jajab iyo Xamar Weyne ayaa soo sheegaya inay aad u maqlayaan rasaasta la isku adeegsanayo iska horimaadka ka dhex socda Xabsiga Dhexe. Ilaa haatan rasmi ahaan uma soo bixin khasaaraha ka dhashay rasaastan la isku weydaarsaday xabsiga dhexdiisa, waxaase wararku sheegayaan inuu jiro khasaare nafeed oo ka dhashay dhacdadan.