-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Minneapolis (HOL) - Somali-American politicians running on democratic progressive tickets won big in two key Primary Tuesday contests in Minneapolis - home to the largest Somali-American population in the U.S. Source: Hiiraan Online
-
Minneapolis (HOL) - Somali-American politicians running on democratic progressive tickets won big in two key Primary Tuesday contests in Minneapolis - home to the largest Somali-American population in the U.S. Source: Hiiraan Online
-
Cutubyo ka tirsan Ciidamada Miletariga Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Koonfurta Gobolka Mudug ayaa lagu soo warramayaa in ay ku baxeen Degaanka Shabeellow oo qiyaastii 20KM dhanka bari kaga beegan Degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug. Degaanka Shabeellow waxaa saaka ka dhacay Dagaal culus oo dhexmaray Al-shabaab iyo Dadka Degaanka kadib markii Malayshiyaadka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Shabeellow inkastoo aan weli la xaqiijin Khasaara rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka. Guddoomiyaha Maamulka Galmudug u qaabilsan degmada Bacaadweyn Axmed Daahir Macallin oo ka warbixiyay Dagaalka ayaa laga soo xigtay in AL-shabaab ay af-duubteen qaar kamid ah dadka Degaanka Shabeellow oo uu ku jiro wadaad caan ka ahaa Degaankaas. Dhinaca kale Qoraal ka soo baxay Al-shabaab ayay ku sheegeen in ay la wareegeen Degaanka Shabeellow kadib markii ay Dagaal kaga qabsadeen Ciidamo ka tirsan Galmudug kuwaas oo ay ka dileen ilaa 9 askari sida ay warka u dhigeen. PUNTLAND POST The post Ciidamada Miletariga Soomaaliya oo ku wajahan Degaanka Shabeellow appeared first on Puntland Post.
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug oo iskaashanayo ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinaayo waxaa ay ka wadaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka goboleedka Galmudug. Howlgalladaan ayaa socday labadii habeen ee lasoo dhaafay, ciidamada ayaana guryaha magaalada iyo gaadiidkaba baaritaanno ku wada, waxaana socdo tiro koob lagu wado ciidamada ku sugan magaalada qeybahooda kala duwan. Magaalada Dhuusaamareb ayaa lagu wadaa in sedex maalin kadib ay marti geliso shirka ka tashiga doorashooyinka dalka ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, uu madaxweyne Qooqoor uu shaaciyey in waqigiisa lagu qaban doono, waxaana lafilayaa in madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ay u gaaraan magaalada dhuusamareeb 3. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, Mudane Cabidkariin Xuseen Guuleed ayaa dalka Turkiga kula kulmay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor). Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda dalka, xaaladda Galmudug iyo shirka Dhuusamareeb-3. Cabdikariin Guuleed oo qoraal soo saaray ayaa ka warbixiyey kulankaasi, wuxuuna tilmaamay inay iska xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh. Sidoo kale wuxuu Madaxweyne Qoor-Qoor ku boggaadiyey dadaalladii iyo howlihii wanaagsanaa ee uu qabtay muddada yar ee uu hoggaanka u hayo dowlad goboleedka Galmudug. “Waxaan magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga ku kullanay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana ka wadahadalnay xaaladdihii ugu dambeeyay ee dalka iyo arrimaha hortabinta leh. Sidoo kale madaxweyne Qoor Qoor waxaan ku boggaadiyay howlihii wanaagsanaa ee uu muddada kooban ka qabtay deegaannada Galmudug, anigoo ku dhiiri-galiyay in lasii labo jibaaro.” ayuu yiri Cabdikariin Xuuseen Guleed. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay ka wada-hadleen arrimo ku aadan shirka Dhuusamareen-3, isaga oo shaaciyey inay ku ballameen in shirkaasi lagu qabto waqtigiisa, si looga arrinsado xaaladda dalka, gaar ahaan qabsoomida doorashada 2020/2021. “Galmudug waxey hadda udub dhexaad u tahay siyaasadda kala guurka ah ee Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa shirka Dhuusamareeb 3. Madaxweyne Qoor Qoor waxaan isla soo qaadnay inuu shirkaasi xilligiisa ku qabsoomo iyo inuu dhexda u xirto iney kasoo baxaan go,aamo Soomaalidu raali ka wada tahay oo jidka u xaara iney doorashadu noqoto mid lagu wada qanacsan yahay oo xiligeeddana ku dhacda” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mr Guuleed. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo 15-ka bishan August qurshuhu yahay inay markale Dhuusamareeb isugu tagaan madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loogu heshiiyo doorashada 2020/2021.
-
The dispute about maritime territories between Turkey and Greece is heating up. Egypt's involvement has added a new dimension to the conflict, the Middle East analyst Stephan Roll says. Source: Hiiraan Online
-
Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa dagaal xooggan subaxnimadii hore ee saaka dhexmaray malayshiyaadka Al-shabaab iyo dadka degaanka Shabeellow oo hoostaga degmada Bacaadweyn ee Gobolka Mudug. Wararka halkaasi laga helayo waxay sheegayaan in malayshiyaadka Al-shabaab ay waaberkii hore ee saaka weerar ku qaadeen degaanka Shabeellow kadibna dagaal culus dhexmaray iyaga iyo dadka degaankaas. Guddoomiyaha Maamulka Galmudug u qaabilsan degmada Bacaadweyn Axmed Daahir Macallin oo ka warbixiyay dagaalka ayaa laga soo xigtay in AL-shabaab ay af-duubteen qaar kamid ah dadka degaanka Shabeellow oo uu ku jiro wadaad caan ka ahaa degaankaas. Dagaalka waxaa la soo werinayaa in uu ka dhashay khasaare kala duwan oo aan weli si rasmiya loo xaqiijin waxaase jira warar hordhac ah oo tibaaxaya in Al-shabaab laga dilay ilaa 4 xubnood. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday degaanka Shabeellow oo ka tirsan gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Golaha Congress-ka wadanka Mareykanka ayaa gaartay guul aad u weyn, kadib markii ay markale ku guuleysatay kursiga xisbigeeda ee Aqalka Wakiilada dalkaasi. Ilhaan ayaa kursigan tartan adag kula gashay illaa afar musharrax oo uu ka mid ahaa Antone Melton-Meaux, kuwaas oo dhamaantood u hanqal taagayay inay iyada meesha ka saaraan. Taageerayaasha Ilhaan Cumar ayaa markale xushay, kadib doorasho ay ka gashay xibigeeda dhexdiisa, waxaana ay difaacatay kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaaro doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November. Guusheeda kadib Ilhaan Cumar ayaa dabaal degtay, waxaana barteeda Twitterka ay ku shaacisay in iyada iyo taageerayaasheeduba ay ka guuleysteen lacag ay sheegtay in la abaabulay, si meesha looga saaro. “Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay.” ayey tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar. Afartii sano ee la soo dhaafay waxay Ilhaan si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha Trump.
-
Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdi-kariim Xuseen Guleed ayaa ka warbixiyey kulan uu wadanka Turkiga kula qaatay maadaxweynaha cusub Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo ku sugan dalka Turkiga. Cabdi-kariim ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ay kawada hadleen xalaadihii ugu dambeeyey ee Galmudug iyo howlaha horyaalla hadda madaxweyne, waxaana uu sheegay Galmudug in hadda ay udub dhexaad ay u tahay siyaasadda guud ee dalka, waxaana uu ku yioiri qoraal uu ku soo daabaxay bartiisa Cabdikariim Xuseen Guuleed “Waxaan magaaladda Istanbul ee wadanka Turkiga ku kullanay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Galmudug waxey hadda udub dhexaad u tahay siyaasadda kala guurka ah ee Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa shirka Dhuusamareeb 3”. Madaxweynihii ee Galmudug ayaa sidoo kale hadalkiisa ku yiri “Madaxweyne Qoor Qoor waxaan isla soo qaadnay inuu shirkaasi xilligiisa ku qabsoomo iyo inuu dhexda u xirto iney kasoo baxaan go,aamo Soomaalidu raali ka wada tahay oo jidka u xaara iney doorashadu noqoto mid lagu wada qanacsan yahay oo xiligeeddana ku dhacda” ayuu yiri Cabdikariim Guuleed”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullaahi Axmed Cadow oo ah diblomaasi iyo siyaasi hore oo rugcaddaa ah ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marxaladda kala guurka ee xilligan adag lagu jiro, kadib wareysi uu siiyey, TV-ga Shabelle. Cadow ayaa marka hore xoojiyey in la adkeeyo nabadda iyo deganaasha dalka, si looga baaqsado in markale uu dalku kalo fowdo iyo dagaal sokeeye. Sidoo kale wuxuu wareysigaan ku soo hadal qaaday xaaladda uu haatan ku jiro wadanka, sida doorashada 2020/2021, magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub iyo arrimo kale. Cabdullaahi Axmed Cadow ayaa shaaciyey inay muhiim tahay in heshiis rasmi ah ay gaaraan dowladda iyo mucaaradka, iyada oo la’eegayao danaha guud ee Qaranka. Waxa kale oo uu carabka ku goday in xilligan laga haboon yahay magacaabida ra’iisul wasaare, isaga oo ku taliyey in Mahadi Guuleed oo ah ku sime iyo golaha wasiirada loo daayo maamulka, inta laga gaarayo doorasho heshiis lagu yahay. “Prime-minister wuu joogaa waa Caretaker weeye, (ku sime) baarlamaankii wuu joggaa inta Caretaker-ku jiro maamulku wuu soconayaa nabaddii waa jirtaa, ha la gaaro in la heshiiyo iyo habkii ay doorashada u dhici laheyd.” ayuu yiri Cadow. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Aniga maamul waa ku soo jiray wax dhibaato ah ma’arko nin Prime-minister ah oo KMG ah ayaa la magacaabay oo ahaa ra’iisul wasaare ku xigeen, golaha wasiirada Khamiistii dhoweyd wey fariisteen, tii ka horreysay waa fariisteen wax dhibaato ah ma jiraan marka.” Ugu dambeyn wuxuu madaxweynaha Soomaaliya kula taliyey, haddii uu ra’iisul wasaare cusub magacaacabayo inuu sameeyo la tashiyo fara badan, balse isagu wuxuu soo jeediyey in ku simaha loo daayo inta laga gaarayo doorashada soo socota ee 2020/2021. “Anigu waxaa qabaa inuu madaxweynuhu sameeyo la tashi fara badan asaa laga rabaa Dastuuriyan magacaabida isagaa ayaa iska leh Prime-minister-ka asay u taallaa haddii uu kan sii heysanayana ay wanaagsan tahay inta laga aadayo doorasho” ayuu sii raaciyey. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan dalka uu ku jiro xaalad siyaasadeed oo cakiran oo ka dhalatay arrimaha doorashada oo ay isku hayaan madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo mucaaradka oo dhinac ah, balse lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona markale 15-ka bishan lagu ballansan yahay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug si looga wada-hadlo arrimaha doorashooyinka ee 20/21.
-
Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah la filayaa in ay dood saddexaad ka yeeshaan Hinddise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed oo weli horyaalla Baarlamanka. Fariin xalay loo diray Mudanayaasha Baarlamanka ayaa loogu sheegay in ay soo xaadiraan Kulanka Golaha oo Ajandihiisu yahay Akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed kaas oo Xildhibaannadu ay mar kale dood ka yeelanayaan. Sidoo kale Ajandaha waxaa kamid ah Akhrinta Warbixinta Guddiga Dastuurka Baarlamanka taas oo Xildhibaannadu ka doodi doonaan kadib markii ay soo akhristaan. PUNTLAND POST The post Golaha Shacabka oo Maanta ka doodaya Sharciga Qareennada Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
-
Wararka saaka laga helaayo Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal xooggan uu ka socdo duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug. Dagaalka ayaa waxaa uu dhaxeeyaa ciidamada xoogga dalka 21-aad iyo Al-shabab oo saaka weerarro ku soo qaaday saldhig ciidamada ay ku leeyihiin duleedka degmada. Waxaan si dhaba loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dadka shacabka ah iyo dhinacyada dagaalamay madaama dagaalka uu yahay mid weli socda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Somalia border counties put on alert over virus importation
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The government has urged residents of counties bordering Somalia to be vigilant, saying people were still importing coronavirus from the neighbouring country. Source: Hiiraan Online -
United States Special Operations forces (SOF) — including Navy SEALs, Army Green Berets and Marine Corps Raiders — are the US military’s most highly trained soldiers, specialising in counterterrorism, counter-insurgency, and “direct action” combat raids, among other missions. Their operations are shrouded in secrecy. Source: Hiiraan Online
-
IlhanCumar, oo kasoo jeedda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorasho ay xibigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay matalaadda kursiga xildhibaannimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota. Waxay loollan adag kula jirtay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton-Meaux iyo saddex musharrax oo kale, kuwaasoo dhammaantood u hanqal taagayay inay iyada meesha ka saaraan. Dhowrkii maalmood ee ugu dambeeyay ayey Ilhaan la kulmeysay cadaadis xooggan iyo dhaleeceyn inteeda badan loogu jeedinayay baraha bulshada. Laakiin taageerayaasha xisbiga ayaa mar kale Ilhaan u xushay inay sii difaacato kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaadho doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November. Ilhaan ayaa guusheeda kaddib waxa ay boggeeda Twitterka kusoo qortay: “Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay”. Antone Melton-Meaux, oo ah ninka sida weyn ugu xusul duubayay inuu Ilhaan kursiga ka faromaroojisto, ayaa la sheegay inuu isticmaalayay lacago aad u badan. Lacagta badan ee uu u aruursaday ol’olihiisa doorashada awgeed ayaa ninkan loogu saadaalinayay inuu ka guuleysan doono Ilhaan. Wuxuu iibsaday inta badan xayeysiimaha warbaahinta gobolka Minnesota, taasoo cabsi galisay taageerayaasha Ilhaan Cumar. Musharraxiintii kale ayaan helin cidad sidaas usii badan. Afartii sano ee lasoo dhaafay waxay Ilhaan si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha maamulka madaxweyne Donald Trump. Waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliya kasoo jeedda ee heerkaas gaadha, sidoo kalena waxay ka mid tahay haweenka muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ku biiray Congress-ka Marerykanka. Ilhaan oo kursigeeda difaacaneysay ayaa ku guuleysatay codad ka badan kuwii ay u baahneyd inay kusoo baxdo. Sidaas waxay ku noqotay musharraxa xisbiga Dimuqraaddiga ee doorashada uga qeyb gali doona bisha November. Waxay doorashadaas ku wajihi doontaa musharraxa kasoo jeeda dhinaca xisbiga Jamhuuriga. Xisbiga Dimuqraaddiga ayaan wax walwal ah ka qabin natiijada doorashada November ay ka fileyso Ilhaan. 40-kii sano ee ugu dambeysay ayuu xisbigan ku xoogganaa gobolkaas. Xigasho: BBC Somali PUNTLAND POST The post Ilhaan Cumar oo mar kale ku guuleysatay kursiga xisbigeeda ee Aqalka Wakiillada appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Muqdisho)-Ugu yaraan 15 kamid ah maxaabiista ku xidhnaa xabsiga Xamar ee isku dayey in ay baxsadaan ayaa ku nafwaayey iska hor imaad dhexmarey iyaga iyo ciidanka ilaalada xabsiga. Ilaa afar askeri oo ka tirsanaa ciidan asluubta ayaa iyaguna lagu diley dagaalkii ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar. Sida ay VOA ogaatey waxaa ka baxsadey xabsiga Mubaarak Ibraahim Iidle oo ka tirsanaa al-Shabaab kaas oo sanadkii 2014 lagu xukumey 10 sanno oo xabsi ah. Mubaarak ayaa heley qori waxaana uu banaanka ku sii diley laba askeri oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada, ka hor inta aanu ka baxsan xabsiga. Xabsiga Dhexe ee Xamar ayaa hore loogu eedeeyey in maxaabiistu u noolyihiin si caadi ah, waxay haytsaan telefoono, waxay helaan adeega Internetka waxaana qaarkood Live ka soo dhex galaan isla xabsiga. Source
-
(SLT-Washington)-Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u xushay Senator Kamala Harris oo laga soo doorto gobolka California inay noqoto musharaxa madaxweyne ku-xigeenkiisa Mareykanka. “Waxaa Sharaf ii ah inaan ku dhawaaqo inaan doortay in Kamala Harris – dagaal-yahan aan ka cabsan ninka yar, islamarkaana ah mid ka mid ah dadkii ugu wanaagsanaa ee dalka usoo shaqeeyey – ay noqoto qofka ila ordaya,” ayuu Biden ku yidhi qoraal uu soo dhigay twitter-ka. “Joe Biden waxa uu mideyn karaa dadka Mareykanka, wuxuu noloshiisa ku bixiyey inuu inoo dagaalamo,” ayey Harris ku qortay iyana barteeda twitter-ka. “Waxaa Sharaf ii ah inaan noqdo musharaxa madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga dimoqraadiga,” ayey ku dartay. Kamala Harris ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee madow ama Asian ah oo noqota musharax madaxweyne ku-xigeen. Kamala Harris ayaa waxaa iska dhalaya hooyo Hindi ah iyo aabe Jamaican ah oo soo-galooti ku ahaa Mareykanka Iyada oo dalka Mareykanka ay ka jiraan rabshado ka dhashay sida aan wanaagsaneyn ee booliska ula dhaqmaan dadka madow, ayaa Biden waxaa saarnaa cadaadis ku saabsan inuu doorto haweeney madow ah si ay tartanka ula gasho. Harris oo sanadii 2016 noqotay kaliya haweeneydii labaad ee madow ah oo senator loo doorto ayaa la filayaa inay Biden ka caawiso inay xoojiso codadka uu ka filayo dadka madow ee Mareykanka. Source
-
(SLT-Minnesota)-IlhanCumar, oo kasoo jeedda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa ku guulleysatay doorasho ay xisbigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay kursiga xildhibaannimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota. Waxay loollan adag kula jirtay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton-Meaux iyo saddex musharrax oo kale, kuwaasoo dhammaantood u hanqal taagayay inay iyada meesha ka saaraan. Taageerayaasha xisbiga ayaa mar kale Ilhaan u xushay inay sii difaacato kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaadho doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November. Ilhaan ayaa guusheeda kaddib waxa ay boggeeda Twitterka kusoo qortay: “Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay”. Afartii sanno ee lasoo dhaafay waxay Ilhaan si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha maamulka madaxweyne Donald Trump. Waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah ee heerkaas gaadha, sidoo kalena waxay ka mid tahay haweenka muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ku biiray Congress-ka Marerykanka. Source
-
Newly appointed Somali Petroleum Authority chairman and CEO Ibrahim Ali Hussein speaks to Petroleum Economist about his hopes for the Somali oil and gas industry Source: Hiiraan Online
-
MINNEAPOLIS (AP) — Rep. Ilhan Omar of Minnesota survived a stiff Democratic primary challenge Tuesday from a well-funded opponent who tried to make an issue of her national celebrity, Source: Hiiraan Online
