-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maryan Cabdikariim Axmed ayaa kaalinta koowaad ka gashay Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland,waxayna sheegtay in ay ku faraxsantahay da’daalka ay samaysay. Maryan Cabdikariim oo dhigata iskuulka Alwaaxa ee magaalada Garowe ayaa guushan waxaa ugu hambalyeey Wasaarada iyo bahda Waxbarashada deegaanada kala duwan ee Puntland. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Natiijada Imtixaanka shahaadiga Puntland Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
GAROWE (HOL) - Nugal region of Somalia's Puntland state has produced the top female candidate in this year’s Secondary exams whose results were released on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
GAROWE (HOL) - Nugal region of Somalia's Puntland state has produced the top female candidate in this year’s Secondary exams whose results were released on Saturday. Source: Hiiraan Online
-
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa munaasabad soo dhaweyn ah magaalada Istanbul u sameeyay madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” iyo wafdi oo hogaaminayo. Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan magaalada Istanbul ayaa madaxweynaha Galmudug ku amaanay shaqooyinkii muhiimka ahaa uu ka qabtay intii maamulayay Galmudug. Madaxweynaha Galmdug Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor” ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wadanka Turkiga uga mahadceliayay soo dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga kala duwan ee la socda. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/whats-upp-1.mp4 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Ceel-Afweyn)- Gudida Heer Qaran oo ka koobnayd Wasiirada iyo la taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa maanta si rasmiya usoo af-jaray Shaqaaqooyinkii ka taagna Deegaanada Fadhigaab iyo Ceel-afweyn. Gudidan Heer Qaran oo Mudo ku dhaw 4-bilood ku sugnaa Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa Maanta go’aamo kaso saaray Shaqaaqooyinkii ku dhex maray Beelaha walaalaha ah ee wada-dega Degmada Ceel-afweyn. Waxa iyaguna xusid mudan in beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay ay dhinacooda soo dhaweeyeen go’aanka Gudida Heer Qaran kasoo saareen labadooda dhinac, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Magaalada Muqdisho waxaa lagu daahfuray Barnaamijka ay iska kaashanayeen Wasaarada Tamarta iyo Biyaha, World Bank iyo IBS Bank,kaasi oo hadlayay sidii cadceeda tamarta koronto looga dhalin lahaa. Barnaamijkaan ayaa lagu soo bandhigay sida ay dadka Soomaaliyeed uga Faa’ideysan karaa Tamarta Solar-ka Ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka socoto Dawalda Soomaliya iyo ganacsato. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Korontada Laga Dhaliyo Ilayska Cadceeda Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in rasaas laga dhexe maqlay xabsiga dhexe ee Xamar ee magaalada Muqdisho. Xog aan helnay ayaa sheegeysa in rasaasta ay ka dhacday gudaha xabsiga, islamarkaana la toogtay qaar ka mid ah ilaalada xabsiga, ayada oo la xaqiijiyey toogashada ugu yaraan hal qof oo ka mid ah ilaalada xabsiga. Ma cadda cidda toogashada fulisay iyo haddii maxaabiista qaar ay hub heleen oo ay weerar fuliyeen iyo in dibedda laga soo weeraray xabsiga. Waxaa jira khasaare ka dhashay toogashada, balse tirada ayaan weli la hubin. Wixii kusoo kordha naga filo dhowaan, Insha Allah.
-
Somaliland ayaa maanta ku ganaaxday muuqaal baahiyeyaasha Universal iyo Star, iyada oo la sheegay in lala galayo heshiis cusub. Qoraal kasoo baxay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta ayaa lagu ganaaxay Universal TV $15,000 halka Star TV lagu ganaaxay $5000, waxaana la faray in lagu shubo qasnadda dowladda dhexe. Akhriso: Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay natiijada imtixaankii dugsiyada sare Puntland ee sanad dugsiyeedka 2019-2020. Wasiirka Waxbarshada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in imtixaanka sanadkan ay u fariisatay 4,942 arday oo isugu jiray 3,020 wiil iyo 1,922 gabdhood, waxaaana baasay 4,832 arday, halka ay dhaceen ama aysan gudbin 59 arday. Wasiirka Waxbarashada Puntland oo faahfaafiyay natiijada imtixaanka Natiijada waxaa kaalinta kowaad ka gashay gabadh lagu magacaabo Maryan Cabdikariim Axmed oo haysata derajada A, celcelis ahaan 98.68, waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay oo kaalinta kowaad ka gasha imtixaanada dugsiga sare ee Puntland. 10-ka arday ee ugu sarreeya Sidoo kale iskuulka ugu tayada wanaagsan Puntland 2020 ayaa Wasaaradda u aqoonsatay iskuulka Goldogob oo ku yaalla degmada Goldogob ee gobolka Mudug, liiska iskuulada ugu tayayada wanaagsan Puntland waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka soo dhexmuuqan waayay iskuuladda Gambool iyo Cumar Samatar oo kamid ahaan jiray iskuulada ugu wanaagsan Puntland. 10-ka iskuul ee ugu wanaagsan Puntland Shaacinta natiijada imtixaankii dugsiyada sare Puntland ayaa ku soo aadaysa, iyadoo sanadkii labaad uu khilaaf ka taagan yahay helitaan shahaadada federaal ee ardayda Puntland. Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa siyaasadaysay xuquuqda waxbarashada ardayda Puntland, iyadoo cuskanaysa awooddeeda ay ugu diidi karto in ay shahaadadooda ugu tartamaan deeq waxbarasho ama ku biiraan jaamacado ku yaalla dalal kale. PUNTLAND POST The post Gabadh kaalinta kowaad ka gashay imtixaankii dugsiyada sare Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Guriceel (Caasimadda Online) – Laamaha amniga degmada Guriceel ayaa gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee maamulka warbixin hordhac ah ka siiyay hawlgal ay sameeyeen kadib markii bam gacmeed lagu tuuray guri uu dagan yahay sarkaal ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya. Cabdullaahi Cabdi Raage oo ah sarkaalka gurigiisa la weerary kana tirsan Nabad sugidda Soomaaliya ayaa baaritaanadii la sameeyay lagu soo gudbiyay natiijo hordhac ah. Gaashaanle Daahir Faarax oo ah taliyaha booliska degmada Guriceel ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan dad la tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen weerarkaas, sidoo kalana ay gacanta ku dhigeen gaadiid. Taliyaha wuxuu sidoo kale sheegay iney rajeynayaan dhawaan iney soo bandhigaan dadkii kiiskaas ku lug lahaa, maxkamaddana hor keeni doonaan. Hoos ka dhageyso codka taliyaha booliska degmada Guriceel https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/08/Cod-taliyaha-Guriceel.mp3
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntlad Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta magacaabay Taliyaha ciidanka madaxtooyarda iyo taliyaha qeybta booliska gobolka Nugaal. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland. Waxaa sidoo kale G/sare Maxamed Aadan Jaamac loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Halkaan ka Akhriso qoraalka madaxtooyada Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 51 August 10, 2020 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta iyo xoojinta hawlaha Amniga. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland 2. Waxaa G/sare Maxamed Aadan Jaamac loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. *Xeerkani waxaa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Taliyeyaal cusub u magacaabay ciidamada Madaxtooyada Puntlad iyo Qaybta Booliska gobolka Nugaal. Madaxweyne Deni ayaa G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyihii Qaybta Booliska gobolka Nugaal, u magacaabay Taliyaha cusub ee ciidamada madaxtooyada Puntlad, halka G/sare Maxamed Aadan Jaamac uu u magacaabay Taliyaha cusub ee Qaybta Booliska gobolka Nugaal. Hoos ka akhriso wareegtada magacaabista. Gaalkacyo : 10 August 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 51 August 10, 2020 ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta iyo xoojinta hawlaha Amniga. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland 2. Waxaa G/sare Maxamed Aadan Jaamac loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. *Xeerkani waxaa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. =DHAMMAAD= PUNTLAND POST The post Puntland: Taliyeyaal cusub oo loo magacaabay Madaxtooyada iyo Booliska Nugaal appeared first on Puntland Post.
-
Jilib (Caasimada Online) – Dagaal ku bilaawday duqeymo diyaaradeed oo xalay saqdii dhexe billowday ayaa ilaa hadda waxa uu ka socdaa degaano ka tirsan gobalka Jubada Hoose. Diyaarado dagaal ayaa Xalay duqeeyay Saldhigyo ay Al-Shabaab ku leeyihiin degaano ka tirsan Jubada Hoose, Jubada Dhexe iyo Shabeellada Hoose, halkaas oo ay daganaayeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana maanta barqadii weerar soo qaaday Al-Shabaab, weerarkaas oo la sheegay inuu daba joogo duqeymihii xalay. Dagaalka oo qaatay muddo saacado ah ayaa goordhaw soo gaba-gaboobay waxa uuna ka dhacay degaanka Jannaay Cabdalle oo ku yaala duleedka magaalada Kismaayo, sida aan xogta ku helnay. Saraakiisha Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay soo qaadeen Al-sShabaab, kaas oo ka dhacay duleedka Kismaayo. Sidoo kale Saraakiisha Milateriga ayaa sheegay in dagaalamayaal badan oo Al-Shabaab ah lagu dilay duqeymihii dhacay Xalay islamarkaana dagaalkaan uu ka dhashay kadib markii Al-Shabaab ay duqeyntaasi ku waayeen xubno sare. Wali si rasmi ah looma haayo khasaaraha rasmiga ah marka laga reebo sheegashada Milateriga oo ah in ay dileen tobaneeyo Al-Shabaab kadib duqeyn xoogan oo ay ka fuliyiin Jubbooyinka.
-
Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta xariga ka jaray xafiiska hubinta qalabka dhismaha oo qalabeyn casri ah lagu sameeyay, si uu qeyb uga qaato tayeynta dhismaha guryaha iyo wadooyinka dalka. Ujeedada hir-gelinta xafiiska ayaa salka ku heysa horumarinta tayada dhismayaashada dalka iyo hubinta dhamaan waxybaaha fududeynaya in dhismaha dalka la hagaajiyo si loo helo dhismayaal tayo leh oo u adkeysan kara dabeylaha, roobabka, fatahadaha iyo dhamaam waxyaabaha burburiya dhismooyinka iyo wadooyinka. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ballan qaaday in dowladdu ay ka shaqeyneyso hannaankii xafiiska loo ballaarin lahaa, ayaa shirkada dhismaha kula dardaarmay inay wasaaradda Howlaha guud kala shaqeeyaan hirgelinta dhismayaal leh tayada iyo halbeegga heer caalami. Dowladda ayaa ku howlan hagaajinta iyo horumarinta dhismayaasha dalka si loo helo waddooyin iyo dhismayaal casri ah oo ka qeyb qaata bed-qabka bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u kabashada dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Qaar ka mid ah shacabka Magaalada Muqdisho oo ka aragti dhiibtay sida ay u arkaan in Dowladda Fedraalka Soomaaliya ay ku wareejiso Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir. Halkan Ka Daawo Aragtida Qaar Ka Mid Ah Shacabka Muqdisho Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Xogta Wareejinta Waxbarashada Caasimada Xukuumadda Mahdi Guuleed Oo Gobolka Banaadir Maqaam La’aan Ah Kula Dhaqantay Xeerka Federaaleynta Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Soomalidu Hogaamiye/Leader Ma Fahansantahay? – Part 2 5 baahiyood oo aasaasi ah ayaa Allah ku abuuray aadamaha, isla markaana ayna suurta gal ahayn in aadamu la’aantood noolaado. Baahida 1aad waa in qofku nabadgelyo helo (jidh ahaan, maal ahaan iyo sharaftiisa ahaanba); baahida 2aad waa in qofku cunto helo (biyo iyo nafaqo); baahida 3aad waa in qofku taran helo; ta 4aad waa in qofku helo wax buuxiya baahidiisa ruuxiga ah (diin). Ta ugu danbeysa oo ah ta 5aad waa dadaalka aadmahu dhamaantii ugu jiro suurto-gelinta dariiqii uu naftiisa iyo bulshada kaleba ugu xaqiijin lahaa afartaa baahiyood ee hore (hogaamin). Insaan ma saarna aduunka dushiisa aan arinkan ku hawlaneyn – laakiin waxaa kala duwan fahamka iyo dariiqa loo marayo helitaanka hogaamin fiican. Hadaba hogaamin fiican waa maxay, waana maxay astaamaha lagu garan karo hogaamiyaha fiican? Hogaamin fiican waa: aragti fog, geesinimo, daacadnimo, go’aan qaadasho, deeqsinimo, codkarnimo iyo wada shaqayn. Hogaamiye fiicana, astaamahaa ayuu ku sifoobaa. Hadaba, astaamahan kor ku-xusan siyaabo kala duwan ayey ku yimaadaan. Waxaynu qoraalkan qaybtiisii 1aad kaga waraney in aduunku $375 billion ku kharash gareeyeen sanadkii 2019 kobcinta hogaaminta. Waxaynu kaloo ka waraney in su’aasha ugu badan ee ay iswaydiinayaan cilmi baadhayaasha ku xeel dheer kobcinta hogaamintu ay tahay: hogaamiye miyaa loo dhashaa mise waa la kasban karaa? Waxaynu sheegney in khubarada cilmi baadhista ka sameeya arinkan, intooda badan isku raaceen in afar arimood sabab u yihiin in la helo hogaamiye fiican: Muhibo (natural talent) Degaan ku haboon (environment) Carbin (training) Khibrad (expereince) Muhibo ( natural talent) Muhibo (natural leadership talent). Waa awood Rabbaani ah oo Allah qof ku abuuray, hadey tahay sida maskaxda qofku u qaabaysantahay markuu dhasho, iyo hadii ay tahay jidhka qofka oo u abuuran mid u adkeysan kara culeyska (pressure) badan. Cilmi baadhayaashu waxay fiiro gaara siyaan, sida maskaxdu u wire-gareysantahay iyo sida ay isula xidhiidheyso. Qof walbana Allah in buu hibbadaa ka siiyaa. Reer galbeed-ku arinkan dadaal badan bay geliyaan oo caruurta kula socdaan, kana bilaabaan u kuurgalkooda maalinta uu ifka u soo baxo. Deegaan (environment) Deegaanku waa meesha uu qofku ku koray, haday tahay guriga, qaraabada, dugsiga, saaxiibada iyo shaqooyinka ugu horeeya oo uu qofku qabto. Muhiimad weyn baa kujirta cida qof-ka yari la korayo, khaasatan hooyada, aabaha iyo qaraabada. Waxaa saameyn ku leh nooca ay u noolyihiin – sida qaab dhismeedkooda nololeed uyaal. Khaasatan: aragtidooda guud ee nololsha (vision), iyo sababaha ay aminsanyihiin inay u noolyihiin(mission), qaabka ay u wada xidhiidhaan dhexdooda, deeqsinimadooda, geesinimadooda iyo ixtraamka iyo kala danbeyntooda. Arintani raad weyn bay kuleedahay in qof-ku noqdo hogaamiye fiican. Nebbiyada qaar badan oo ka mida waxaa Allah inoo sheegay in ay la so koreen boqoro – sida : Yusuf, Muse, Suleymaan (AS). Nebi Muhammed (SAW) waxaa soo koriyey adeerkii abu Daalib oo ahaa hogaamiyihii Qureysheed. Waxaa kaloo la ogaadey in badan oo hogaamiyeyaasha fiican oo aduunka xiliyadan danbe soo maray in ay iyaguna ku koreen guryo xidhiidh la lahaa hogaamin wanaagsan. Tusaale ahaan hogaayimihii South Afrika ee caanka ahaa ee Mandela, aabihii wuxuu ahaa la-taliyihii boqorkii dadka Thembu ee Jongintaba Dalindyebo. Sanadkii 1930, markuu Mandela ahaa 12 sano jir ayuu aabihii geeriyooday, isla markaana waxaa loo geeyey boqorkii Jongintaba oo soo koriyey. Carbin (training) Carbinta iyo tobabarada joogtada ah ee uu qofku helayo marka uu yaryahay qayb weyn bay ka tahay hogaan nooceeya buu qofku noqonayaa mustaqbalka. Tababarkuna wuxuu noqon karaa mid role-modeling ah oo qofku ka eegto qof ka weyn oo khabiir ah, ama mid si ku talo-gal ah loogu tababaro taariikho, communication-ka, sabirka, adkeysiga iyo xeeladeysiga lagu xalilo problems-ka. Khibarad (experience) Kibrada nololeed oo ku timaada isku-day badan oo xal raadin ah oo uu qofku sameeyo inta uu yaryahay, gaar ahaan kuwa mucaamilaad dad la xidhiidha, waxay suurto gelisaa in qofku helo dariiqooyin lagu xalin karo arimaha mustaqbalka(iA). Khibrada qofku nolosha ka helaa waxay ka dhigantahay sida marka birta la shiilayo ee loogu kala saarayo iron, aluminum, iyo copper-ka. Khibrada ay ka dhalaneyso hogaamin fiican, waa khibrad ay kujirto caqabado badan, khaasatan kuwa ay ka mid ahayd cadaalad daro isaga lagu sameeyey, ama dad uu la noolyahay, iwm. Laakiin waxaa waajib ah, in qofku ahaa mid baraarugsan oo dareensan waxa dhacaya. Jawaab: Soomaalidu hogaamiye/leader ma fahamsantahay? Muhiba: Soomalidu Ibna-Aadamka ayey kala mid yihiin arinta 1aad (hibadda) – dadka Soomaaliyeedna waa ka dhashaan dad leh hibbo hogaamineed oo ilaahay abuur ahaan u siiyay. Laakiin, muhiimad weyn Soomaalidu arinkan ma siiyaan. Degaanka: Inta badan Soomaalidu deegaanka ay ku barbaarto uma diyaarsana mid diyaarin kara hogaamiyayaal fiican- waa environment buuq, iyo dareen la’aan u badan. Berigii hore way dhaantey xiligan sida taariikhdu tilmaameyso. Xiliyadan danbe dhaqan-ka/culture-ka Soomaalida wuu ka suulay muhiimada ah in la helo hogaamiye fiican. Carbinta/tabobar: maadaama oo deegaankii lagu soo barbarin lahaa aan muhiimad la siinin, tababar iyo carbin qorshaysan oo arintan ku wajahana ma jirto. Inta badana, qof ku fakaraya adigu tusaale fiican noqo si ay kuwa yaryar kuugu daydaan waa yaryahay. Inta badan, qofka Somaliga ahi wuxuu sameeyaa oo keliya waxa isaga shakhsiyan uu isleeyahay toos ayay kuu afacaysaa, lagana yaabo in aanu ka fekerin wiilkiisa iyo ka uu sii dhalo wiilkiisu. Khibrad: khibrada hogaamineed waxaa raad weyn ku-leh sida goobta/environment-ka qofku ku shaqaynayo ay u qaabaysan tahay. Tusaale ahaan, maxaa goobtaas laga aaminsanyahay runta, eexda, cadaalad darada, musuqa…iwm. Somalidu waa dad eex badan, musuq badan, go’aanada ay sameeyaana badankoodu ku dhisan-yihiin eex iyo qof jecleysi/qolo jecleysi. Taasina waxay baa’bisaa hibbada rabaaniga ah ee qofka, iyo suurta galnimadii uu hogaamiye fiican ku soo bixi lahaa. Hadaba muhiba kastaba oo qof, ku dhasho, waxaa xoojisa ama tirtirta environment/degaan-ka qofku ku barbaarayo. Jawaabtii oo koobana waxaa weeye, dadka fahamsan muhiimada hogaamintu leedahay, waxay dadka kukala soocaan muhibada/hibbo-da rabbaniga ah (leadership talent), u diyaariyaan environment ku haboon, u huraan tababaro dheerada, una fududeeyaan in uu hibbadaa rabbaaniga ah ku hawl galo. Arinkan aduunka meelo aad u badan waan ku arkay, laakiin Soomali kuma arag. Maah maah Soomaaliyeed baa tidhaah: ushaada u dhiibo, nin aad ka qaadan-kartid. Tan macnaheedu waxaa weeye, qof liita masuul ka dhig. Sababtoo ah, nin ragi, kii xilka u dhiibay khalad ku adeeci mayo. Laakiin dadka intiisa badani waxaanay fahmin, hogaan xumi raadeynta culus oo uu bulsho ku leeyahay aduun iyo aakhiroba! By Abdi Osman Jama Doctoral candidate Institute for Strategic Initiatives (ISI) Hargeisa, Somaliland abdi.jama@isi-inistitute.org Qaran News
-
Falanqeeyaasha Ciyaaraha Soomaaliya ayaa bogaadiyay wax qabadka iyo natiijooyinka wanaagsan uu keenay maamulaha Xulka Qaranka Soomaaliya Saciid Cabdi Haybe oo u dabaal dagay sanad guuradii ka soo wareegtay markii jagadaas ay u magacaabeyn Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya. “Qorshayga mustaqbalka dhaw ee Xulka Qaranka waa in aan gaarnaa kaamaha hore ee caalamka,taasna waxaan u u adeegsan-doonaaaa ciayartooy kala duwan ee ku nool Soomaaliya iyo caalamka” ayuu Goobjoog Sports ugu waramaya Saciid Cabdi Haybe oo ah maamulaha Xulka Qaranka Soomaaliya. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Whats-uppp-.mp4 “ Waa wadni dhab macallin Saciid wuxuu Soomaaliya gaarsiiyay guul weyn oo taariikh qof kasta ayaa ku faanaya dhacdadaas waan geest u soo baxay Qaranka” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Abuukar Maxamed Sheekh oo Guddoomiyaha kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/GUD-Abukar-whats-upp.mp4 “Ma dhicin weli taariikhda in Xulka Soomaaliya ayaa lugta kowaad guul gaarto tartanka is reeb reebka koobka aduunka, balse arintaas waxay ku timid shaqada wanaagsan uu qabtay maamulaha Xulka Soomaaliya Saciid Cabdi Haybe ” waxaa sidaas Goobjoogs Sorts ugu waramay Cabdullahi Faarax Daguur oo ka mid ah falanqeeyaasha ciyaaraha Soomaaliya. https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/whats-upp.mp4 Halkan Ka Aqriso Sanad Ka Dib Wixii U Qabsoomay Macallin Saciid Maxaa U Qabsoomay Maamulaha Xulka Qaranka? W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Mareykanka oo qaaday tallaabo si weyn uga cadheysiisay Dalka Shiinaha+Halka Sartu ka qudhuntay Mr Azar wuxuu sheegay in ay mudan tahay in loo aqoonsado hoggaamiyaha caafimaadka ee caalamka Wasiir ka tirsan xukuumadda madaxweyne Trump ayaa maanta oo Isniin ah la kulmay madaxweynaha Taiwan – tallaabadaas oo ka careysiisay Shiinaha, siina xoojisay xiisadda u dhaxeysa Washington iyo Beijing. Alex Azar, oo ah Wasiirka Caafimaadka iyo bani’aadamnimada ayaa noqday siyaasigii ugu heer sarreeyay ee Mareykan ah oo muddo tobannaan sano gudahood ah booqday Jasiiradda Taiwan. Taiwan ayaa ah mid ay dunida kale u aragto dal madax-bannaan, laakiin Shiinaha ayaa u aaminsan inay tahay gobol uu isagu leeyahay. Dowladda Shiinaha ayaa Mareykanka ugu baaqday inay xushmeyso waxa ay ugu yeedhtay “dalweynaha Shiinaha” iyo nidaamyadiisa. “Shiinaha wuxuu si adag uga soo horjeedaa xiriir kasta oo rasmi ah oo dhex mara Mareykanka iyo Taiwan,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha. Wuxuu hadalkaas jeediyay markii isbuucii lasoo dhaafay la shaaciyay booqashadan. “Waxaan ku boorrineynaa Mareykanka… inuusan wax calaamado khaldan ah u dirin ‘Arrimaha qornimada Taiwan’ si looga hortago inuusan aad usii xumaanin heer waxyeello ahna gaadhin xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha. Sida ay Taiwan uga jawaabtay coronavirus ayaa aad loo ammaanay, laakiin xubin kama aha Cay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Mr Azar, oo Jasiiradda tagay hal maalin ka hor inta uusan la kulmin madaxweyne Tsai Ing-wen, ayaa sheegay in “booqashadiisa ay khuseyso saddex ajande”. “Ajandaha koowaad waa in Taiwan loo aqoonsado in ay tahay bulsho dimuqraaddi ah oo si fiican ugu guuleystay dagaalka ka dhanka ah Covid-19,” ayuu yidhi. “Kan labaad waa in dib loo xaqiijiyo in Taiwan ay tahay saaxiib muddo dheer ay xulafo ahaayeen Mareykanka. “Kan saddexaadna waa in hoosta laga xarriiqo in Taiwan ay mudan tahay in loo aqoonsado hoggaamiyaha caafimaadka adduunka, maadaama ay si muuqata wax ugu soo kordhisay caafimaadka caalamiga ah.” Inkastoo Mareykanku uusan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah la wadaagin Taiwan, haddana sharciga xiriirrda ee Taiwan, oo la sameeyay sanadkii 1979-kii ayaa oggolaanaya in Mareykanku uu hub ka iibiyo Jasiiradddan, wuxuuna fasaxayaa inay la sameysato “xiriir dhow”. Shiinaha oo Trump uga digay aqoonsiga Taiwan Tsai oo mar kale ku guuleysatay madaxtinnimada Taiwan Taiwan waxay xaqiijisay wax ka yar 480 kiis oo Covid-19 ah iyo toddoba dhimasho oo kaliya. Waxay duullimaadyadii magaalada Wuhan iska hakisay 23-kii bishii January – ka hor inta aysan sidaas sameynin inta badan dalalka kale ee caalamka – waxayna karantiileysay dadka ka imaanayay waddamada kale. Sidoo kale waxay Taiwan awood u lahayd inay dabagal ku samyso dadka cudurka qaba. Taiwan xubin kama aha Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) sababtoo ah ma aha dal ay aqoonsan yihiin Qaramada Midoobay iyo Shiinahaba. 31-kii bishii December, dowladda Taiwan ayaa ka codsatay hay’adda WHO inay xog dheeraad ah ka siiso fayraska, laakiin waxay sheegtay inaysan wax jawaab ah helin. Arrintaas waxay ka cadheysiisay madaxweyne Trump, oo bishii April Twitter-kiisa ku dhaliilay hay’adda WHO. Mas’uuliyiinta WHO ayaa sheegay in farriinta uga timid Taiwan “aysan muujinin cudur ay bani’aadanka isku gudbin karaan”. Qaran News
-
Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in amni xumida ka jirta waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo ay tahay mid siyaasadeysan, isaga oo intaas ku daray in waqtigii isagu joogay ay ka liidato xiligan, maadaama aysan madaxdu mari karin inta u dhaxeyso labada magaalo. Cali Cabdullaahi oo wareysi gaar ah siiyey VOA-da ayaa yiri” Waqtigii aan joogay xilidhibaannadu waqtigii ay doonaan ayey horay iyo gadaal ugu socdeen, haddii ay doonaan in ay wax dhaqaajiyaan xiligii ay doonaan ayey inta isdaba kacaan ayey Jowhar u dhaqaaqayeen” . Sidoo kale isaga oo hadalkiisa siiwato ayuu yri “Laakiin hadda waxaa ay noqotay in xildhibaannadii ay xayiran yihiin ilaa markaas la helo diyaarad, oo madaxweynaha ama madaxweyne ku xigeenka u kireysan oo 50 xildhibaan iyo wax qaado, ayadoo la ogyahay dadka la qaadayo iyo waxa ay u socdaan iyo barta loo qaadayo ee Jowhar. Arrimahaas waxaa ay kuu muujinaayaan siyaasad iyo xildhibaannada la xakameeyo ay ka mid tahay sabata waddada loo dayacay, hadda Xamar ayey dhooban yihiin,” . Dhanka kale, wasiirka amniga Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre oo dhankiisa la hadlay VOA-da ayaa xusay in amni xumada wadada ay ugu wacan tahay Ashabab badan oo soo galay deegaannada Hirshabeelle, kuwaas oo kasoo gudbay gobolka Shabeellaha hoose oo uu ka socdo howlagallo sida uu isagu hadalka udhigay wasiirku. ” Ma jirto wax siyaasad ah oo wadadaas ay u xiran tahay, aniga ayaa kuu sheegaayo, laakiin mararka qaar weerarro waa ay ka dhacaan, weerarradaasna mararka qaar khasaaruhu waa bataan mararna khasaaruhu waa yar yahay, dhibka waxaan kala mid nahay magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee Soomaaliya oo sidaas ay wax uga dhacaan, majirto wax siyaasad ah oo ay u xiran tahay wadadaas,ayuu yiri wasiirka amniga maamulka Hirshabeelle. Wadada xiriirisa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalada Jowhar ayaa waxaa inta badan ka dhaco weerarro ay la kulmaan mas’uuliyiinta ku safraya wadadaasi, waxaana ugu dambeysay dhacdadii lagu lagu dilay xildhibaan lagala degay gaari uu saarnaa iyo dhaqaatiirtii lagu laayey deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Khaladaadkii nuclear-ka ee lagu burburin gaadhay adduunka Laga soo billaabo xayawaanno iska dhex galay meelo xasaasi ah ilaa cillado kumbuyuutarro ka yimid, waxaan eegi doonnaa dhacdooyin sabab u noqon rabay isticmaalka hubka sida ba’an wax u gumaada iyo sida ay u sahlan tahay in ay dhacaan khaladaad horseedi kara inuu qarxo dagaal la isku adeegsado nuclear. Dad badan waxay iskudhac noocaas ah ku tilmaamaamaan inuu noqon doono Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka. Xilli saq dhexe ah, oo taariikhdu ay ku beegneyd 25 October 1962, ayey diyaarad ku dageysay garoonka gobolka Wisconsin ee dalka Mareykanka, waxaana waddada diyaaradaha ku cararaan ku socday gaadhi isku dayay inuu ku hago qaabkii ay u cago dhigan lahayd. Laakiin daqiiqado yar ka hor xilligaas, nin waardiye ka ah xarunta kormeerka iyo hagista ee Duluth ayaa isha ku dhuftay hooska wax uu dabcan u maleeyay ruux, oo isku dayaya inuu darbiga uga soo dhaco xaruntaas. Rasaas ayuu riday wixii uu hooskiisa arkayay, isagoo ka cabsanayay inuu ahaa weerar Mareykanka looga soo qaaday dhinaca Midowgii Soviet. Islamarkiiba waxaa la sii daayay astaamaha qeylodhaanta ee muujiya marka dal lasoo faragaliyo. Waxaa seeriga qeylodhaantaas laga yeedhiyay dhammaan saldhigyadii ciidamada cirka ee ku yaallay aaggaas. Xaaladdu waxay usii xumaatay si deg deg ah oo taariikhda gashay. Taas waxaaba kasii darneyd markii saldhig ay ciidamada cirka lahaayeen oo halkaas u dhawaa ayuu qof ka sameeyay khalad kale. Halkii uu daari lahaa qeylo dhaanta digniinta ee caadiga ah ayuu daaray mid ka duwan taas. Dhammaan duuliyeyaashii ayaa maqlay digniin deg deg ah oo u sheegeysa inay durba diyaaradaha kiciyaan. Shimbiraha noocan ah ayaa lagu yaqaannaa inay bixiyaan qeylodhaan been abuur ah Wax yar kaddib hawadii oo idil way isqabsatay, dhammaan diyaaraihii oo uu saaran yahay hubka nuclear-ka ayaa cirka wada galay. Xilligaas waxaa taagnaa xasaradihii gantaallada Cuba, oo ah waddan ay cadaawad weyn kala dhaxeysay Mareykanka, qof walbana dhagta ayuu kor u taagayay. 11 maalmood ka hor waqtigaas, diyaarad basaas ah ayaa sawirro kasoo qaadday gantaallo ay Cuba u tijaabineysay si qarsoodi ah iyo taangiyo kuwa dagaalka ah, waxaana soo baxay warar sheegayay in Soviet-ka ay abaabulayeen weerar ay ku qaadaan meelo ka mid ah Mareykanka. Dhammaan dunidu waxay ogeyd in hal duqeyn oo uu sameeyo mid ka mid ah waddamada Mareykanka ama Ruushka uu isu baddali lahaa xaalad aan la saadaalin karin. Laakiin markaas wixii dhacayay, ma ahayn wax gabi ahaanba run ah – ugu yaraan ma ahayn wax uu bani’aadan sababay. Wixii hooskiisa laga arkayay darbiga wuxuu ahaa xayawaanka loo yaqaanno Oorsada, oo madow. Sidaas darteed khalad dhacay dartiis ayaa loo adeegsan rabay nuclear. Diyaaradihii la kiciyay ayaa loo sheegay in ay saldhigyadoodii ku laabtaan. Duuliyeyaasha markii ugu horreysay ee ay tallaabada qaadayeen waxay si xaqiiqo ah u hubeen in uu billowday Dagaalkii Saddexaad ee Adduunka. Habka loo rido gantaal la mid ah kii uu Ruushka khatarta u maleynayay Haddii aan maanta eegno caalamka, waa la illoobay xiisadihii hubka halista ah ee taagnaa 1960-meeyadii. Taas baddalkeeda waxaa la hadal hayaa isbaddalka cimilada. Waxaa xitaa si sahlan lagu illowsan yahay in Adduunka ay yaallaan qiyaastii 14,000 oo bambooyinka nuclear-ka ah. Haddii bambooyinkaas la adeegsado waxay dili karaan qiyaastii saddex bilyan oo ruux. Arrinta kaliya ee aan la isweydiinin waa in waxaasi ay ku dhici karaan si khaldan oo isfaham darro ah. Tan iyo markii lasoo saaray hubkan, waxaa la xaqiijiyay ilaa 22 jeer oo khaladaad noocaas ah ay dhaceen, qarkana loo istaagay in la adeegsado hubka wax gummaada ee nuclear-ka. Sanadkii 1958-kii, diyaarad ayaa si kama’ ah bambo nuclear ah ugu ridday guri ay qoys dagganaayeen qeybtiisa dambe. Waxaa mucjiso noqotay in qofna uusan ku dhimanin shilkaas, inkastoo digaag ay qoyskaas lahaayeen uu halkaas ku le’day. Goobtii uu xayawaanka loo yaqaanno Oorsada khatarta ka abuuray sanadkii 1962-kii Waxyaabaha noocan ah waxay dhaceen xilli aad u dhow oo ahayd 2010-kii, markaasoo ciidamada cirka ee Mareykanka ay xakameyn waayeen 50 gantaal oo ay ku rakiban yihiin madaxyada nuclear-ka, taasoo ka dhigan in muddadaas gudaheeda aan waxba laga qaban karin haddii ay gantaalladaas faraha ka baxaan. 25-kii bishii January ee sanadkii 1995-kii, madaxweynihii Ruushka ee xilligaas, Boris Yeltsin, ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee taariikhda adduunka ku galay “in boorso yar gacanta lagu qaadan karo loogu xiray qalabka laga hagi karo hubka nuclear-ka” – taasoo marka uu damco uu ka adeegsan karo weerar bambooyinka nuclear-ka ah. Kooxdii dhinaca radar-ka u qaabilsaneyd Yeltsin ayaa ogaaday in gantaal laga riday xeebta Norway, waxayna arkayeen gantaalka oo hawada sii galaya. Xagee loo waday gantaalka – ma yahay mid cadaawad wata? Maadaama Yeltsin uu gacanta ku heystay “boorqada nuclear-ka” wuxuu lataliyeyaashiisa kala arrinsanayay inuu isagana ku jawaabo weerar rogaalcelin ah. Iyadoo daqiiqao uun ay ka harsan yihiin inuu go’aan gaadho, ayey garteen in gantaalka uu ku wajahnaa badda, wax halis ahna uusan ku ahayn. Sarkaal milatariga ka tirsan oo sida boorsooyin ay ku jiraan qalab loo adeegsado nuclear-ka Goor dambena waxaa la ogaaday in gantaalka la riday uusan ahayn nuclear, balse uu ahaa hab seynis ah oo baadhitaan lagu sameynayay. Wax micno ah kuma fadhido in hubka nuclear-ka loo isticmaalo sabab ku timid khalad ama dagaal run ah, laakiin mar haddii si run ah loo rido lama soo celi karo. “Haddii madaxweynaha uu ka falceliyo qeylodhaan aan waxba ka jirin, kaddib wuxuu si kama’ ah u billaabayaa dagaal la isu adeegsado nuclear,” ayuu yidhi William Perry, oo kasoo shaqeeyay Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka, xilligii uu madaxweynaha ahaa Bill Clinton. “Ma jiro wax la qaban karo markii la fasaxo nuclear-ka. Gantaallada dib looma soo celin karo, lamana burburin karo inta ay dhexda kusii jiraan,” ayuu yidhi. Qaran News
