-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ganaax adag dul-dhigtay Labadii Telefishan ee Universal iyo Star ee dhawaan la xayiray. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md. Mukhtaar Maxamed Cali ayaa soo saaray qoraal la xidhiidha ganaaxa lagu khasiray labadaas TV, Waxaanu u qornaa sidan:- “Markii aanu dhagaysanay dacwadda ay qabaan muuq-baahiyaasha Universal TV iyo Star TV. Markii aanu dhagaysanay aqoonyahanka iyo waxgaradka Jamhuuriyadda Somaliland. Markii aanu aragnay Qaraarka Maxkamadda sare ee tixraaciisu yahay Tix: MS.I.18/2020. Qaraarkii Maxkamadda qodobka 1 aad iyo qodobka 2aad oo odhanaya sidan: Waxay qaraarisay in Rafcaanlayashu ay cabashadooda ku aadan go’aanada kala ah WWDH&W/XW/58/06/2020 iyo WWDH&W/XW/377/06/2020, u gudbiyaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL si ay dib u eegis ugu samayso. Waxaa sidoo kale la farayaa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL, in ay dib u eegis ku samayso go’aanadeeda arrintan ku saabsan. Markii aanu ogaanay in dhalinyarro badan oo muwaadiniin reer Somaliland ahi ka shaqaystaan xafiisyada Telefishannadan. Markii aanu wasaarad ahaan shir buuxa oo loo dhan yahay kaga arinsanay dacwadan, Waxaanu go’aaminay in aanu ganaaxno laba muuqbaahiye ee kala ah Universal Tv waxaa lagu ganaaxay lacag dhan $15,000. Halka Star Tv lagu ganaaxay lacag dhan $5000. Lacagtaasna waxaa lagu shubi doonaa qasnada dawladda dhexe waxa aad keeni doontaan jiwanka lacag qabashada (RV) Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta. F.G. Waxaanay labada muuqbaahiyeba u soo diyaar garoobi doonaan heshiis cusub oo ay la gasho Wasaaradda Warfaafinta.” Source
-
Cali Xuseen:Dadkii la tooganayay ayaan ku jiray si mucjiso ah ayaana ku badbaaday! Saddex sano kaddib markii ay ciidamada Mareykanka ka baxeen dalka Ciraaq, waddankaas wuxuu 2014-kii mar kale galay dagaal cusub. Xilligan waxay dowladda Ciraaq la dagaallameysay kooxda Isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee loo yaqaanno “Daacish”. Cali Xuseen Khaadim, oo ahaa asakari ka tirsanaa ciidamada Ciraaq, sidoo kalena ah Shiici Muslim ah, ayey xoogagga IS ku qabteen magaalada Tikrit ee dalka Ciraaq, bishii June ee sanadkii 2014-kii. Wuxuu BBC-da uga warramay sidii mucjisada ahayd ee uu uga badbaaday dadkii la tooganayay ee uu isagana ku dhex jiray. Cali wuxuu sheegay inuusan waligiis illoobi doonin wixii ku dhacay isaga iyo 1,700 oo ah askartii tababarka ku jirtay. Askartii uu ka midka ahaa – oo badankood dhalinyaro ahaa – ayaa saf la wada galiyay, waana la toogtay. 24-kii bishii June, 2014-kii ayey mintidiinta isku magacaabay Dowladda Islaamiga ah(IS) dileen boqollaal dhallinyaro ah oo ku biiray ciidamada Ciraaq, kuwaasoo lagu tababarayay xerada Speicher. Laakiin Cali Xuseen wuu ka badbaaday dhacdadaas. Tanina waa sheekadiisa. Cali Xuseen Khaadim, oo ka tirsanaa milatariga Ciraaq wuxuu ka badbaaday xasuuq “Marka aan is eego, wax walba dib ayaan usoo xasuustaa. Waxaa igu soo dhacda sidii aan ku badbaaday. Siduu uu Alle iigu badbaadiyay dadkii la leynayay dhexdooda,” ayuu yidhi Xuseen. “Dhibaatooyin dhinaca dhaqaalaha ah oo i heystay awgood ayaan ugu biiray ciidanka milatariga Ciraaq. Ma jirin shaqo kale oo aan ka heli karo lacag aan ku caawiyo qoyskeyga,” ayuu yidhi. Cali wuxuu ku nool yahay magaalada Diwaniyah, oo koonfurta ka xigta caasimadda Baqdaad. Guud ahaan gobolkaas dadkiisa intooda badan waa shiico. Maalmo ka hor inta uusan dhicin weerarka IS ayuu Cali tababar ka billaabay xerada Speicher. “Dhammaan saaxiibbadey iyo qoyskeygaba waxay igu dhaheen, ‘ha aadin xerada Speicher, sababtoo ah waxay ku taallaa magaalada Tikrit, oo ah meeshii uu ku dhashay Saadaam Xuseen, dadkii saxiixay amarkii lagu dilay Saadaam waxay ahaayeen Shiico'”. Isagoo labolabeynaya ayuu iska aaday Tikrit. “Runtii waan cabsanayay markii aan baxayay. Markii aan tagay magaalada, oo aan arkay in dadka sunniyiinta ah badankood ay fiican yihiin, aad baan ula yaabay sababtoo ah waxay ahayd markii ugu horreysay ee aan arko qof Sunni ah.” 12-kii maalmood ee ugu horreysay intii uu ku jiray xerada waxay ahaayeen kuwo caadi ah. Laakiin markaas wixii ka dambeeyay wax walba waxay isu baddaleen si lama filaan ah. Islamarkii ay kooxda IS tagtay magaalada Tikrit, inta badan askartii saldhigga ku sugneyd way carareen. Waxayna goobtaas uga tageen kumannaan dhalinyaro an oo aan wali tababaranin. “Waxaan xirannay dharkii shacabka, waana isaga tagnay xerada, annagoo iska dhigeyna rayid. Xoogaggii IS ayaa noo yimid, waxayna nagu dhaheen, ‘soo dhawaada, annagu waan heysannaa hub laakiin waxba idinma yeeleyno, ha baqina, waxaan idin geyneynaa xarunta madaxtooyada, si aad halkaas ugu dhaarataan in aydaan dib dambe ugu laaban doonin ciidanka'”, ayuu yidhi Xuseen. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashii IS waxay qeyb ka ahaan jireen dowladdii Saadaam. Markii la tagay qasrigii madaxweynaha, waxay iska fasaxeen dhallinyaradii Sunniyiinta ahaa ee ka midka ahaa askartii tababarka ku jiray. Laakiin waxay kaxeysteen kuwii Shiicada ahaa, oo Cali Xuseen uu ku jiray. “Si fiican ayaan u xasuustaa qaabkii uu wax u dhacayay. Nin ka mid ah kooxda IS ayaa isagoo qeylinaya nagu yidhi, ‘Waxaan idinka aarsaneynaa wixii aad ku sameyseen Saadaam, waan idin gowraceynaa’, waxaan maqlayay dhawaaqa rasaasta.” “Nin ka mid ah IS ayaa soo kor istaagay safkii aan ku jiray, wuxuuna billaabay inuu mid mid u toogto dadkii aan ku jiray. Markii uu toogtay qofkii saddexaad ee igu xigay, dhiiggiisa oo diirran ayaa igu daatay. Waxaan maqlay xabaddii loo waday qofkii afaraad, oo ah aniga, laakiin ma garanayo meesha ay aadday rasaastaas.” Cali oo farta ku fiiqaya muuqaal uu isaga ku jiro. qofka uu fartiisa ku aaddiyayna wuxuu sheegay inuu isaga yahay “Markii uu dhammaan dadkii wada toogtay wuu ka dhaqaaqay meeshii. Wax yar kaddib askari ayaa yidhi, ‘ninkan wali wuu neefsanayaa, wali wuu nool yahay’, ninka uu ka hadlayana waa aniga, kaddib ninkii hoggaamiyahooda ahaa ayaa yidhi, ‘iska daaya, waa nin aan muslim ahayn oo shiico ah, dhiigbax ha u dhinto, ha dareemo xanuunka’, laakiin aniga ma aanan dhiigbaxeynin, rasaasna iguma dhicin, waxaa korkeyga ka buuxay dhiigga dadkii kale ee la laayay.” “Meesheyda ayaan iska jiifay ilaa inta uu gabbalka ka dhacayay, oo ay habeen ka noqoneysay. Dhagaheyga oo dhan dhiig ayaa ka buuxay, saacado badanna waxaan dhex jiifay meydadka dadkii halkaas lagu laayay.” “Alle ayaa mahad ku leh inaan dib ugu laabtay qoyskeyga,” “Ma hilmaami doono wixii aan arkay maalintaas, mana aha wax si sahlan lagu illoobi karo.” Ilaa 1,700 oo askartii tababarka ku jirtay ah ayey dileen xoogaggii IS. Xuseen wuxuu ku jiraa dadka faro ku tiriska ah ee ka badbaaday xasuuqaas. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa haatan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah horyaalla sharciga dambiyada galmada la xidhiidha. Ujeedka sharciga ayaa ah in dhibaneyaasha ay helaan xaq soor u qalma dhibka loo geystay iyo sharci gaar ah oo lagula dagaalayo kufsiga iyo dambiyada kale ee u muuqda galmada. Sharcigan, waxaa markii ugu horeysay golahan la keenay 2017-kii, kadib isbadallo badan ayaa galay iyada oo la soo badalay sharcigii ay golaha wasiirrada ee xumadda federaalka ah ansixiyeen kaas oo u dhowaa midka ay reer galbeedku doonayeen. Midkan cusub ee hadda horyaalla golaha waxaa soo diyaariyey dad ay ku jiraan culimada waxaa qodobadiisa inta badan loo fiiriyey shareecada islaamka. Qodobka ay beesha caalamka ka qeylisay waa midka 26-aad ee xeerka oo dhigaya: Guurka Da’yarta, oo sheegaya in heshiiska guurka qofka yar ay banneysay shareecada Islaamka balse lala sugo aqal galka ilaa inta qofka yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada. Xeerkan waxaa uu ku taliyey in qaranka Soomaaliyeed uu la yimaado qorshe ku saabsan kufsiga baahay, waxaa kale oo warbaahinta laga dalbaday iney dadka wacyigeliyaan. Haddaba qoraaga Cabdicasiis Gurbiye ayaa soo akhriyey xeerkan, isla markaana soo koobaya qodobada ugu muhiimsan ee lagu sheegay . Sharcigan ayaa loogu talogalay in lagu dhaqo galmo ama falka jnisiga ah ee dhexmara labo qofood ha ahaadno mid qasab ama mid khayaari ah. Ogolaasho fal galmo waxaa leh qof maskax ahaan fahmi kara, isla markaana heysta xaalad awood u siineysa inuu iska diidi karoo. Waxaa la sheegayaa in dadka dhimirka loogu jiro iyo kuwa aan qaangaarka aheyn oo nuxurka galmada aan garaneyn aaney laheyn awood ogolaasho. Qofka ku jira xaaladaha soo socda ma yeelan karo oggolaanshiyo galmo oo ikhtiyaar ah, waxaa ka mid ah: In uu san isaga caabbin karin awood jireed iyo xeeladba falka galmada ee qofka kale ku sameynayo. In ay jirto xaalad baqdin gelin ah, oo laga dhabeyn karo. In qofka u nugul ee galmada lagu sameeyey dhimirkiisu joogin. Xad-gudub Galmo: Waa xad-gudub qaab galmo oo si kas ah qof qaangaar ah qof kale “yar ama weyn” ugu qabto, ka taabto ama taabsiiyo xubinta taranka ama qeybaha kiciya shucuurta jinsi. Shareecaha Islaamka, waxaa ku cad in seygu u galmoon karin xaaskiisa xaalad kasta oo caafimaad ah halis gelin karta iyo marka ay caadada qabto. Isku day Kufsi: Waa qof kasta oo isku daya inuu sameeyo fal dambiyeed kufsi, waxaana uuna muteysanayaa ciqaabta ku xusan sharciga ciqaabta. Kufsi: Waa fal galmo ama jnsi oo qofi ku sameeyo mid kale iyada oo aysan jirin oggolaashiyo, sida badanaa ku dhacda qaab gabood fal ah. Kufsigu waa fal dambiyadeed qof si toos ah oo si kas ah ugu bareero gelitaankiisa, waxaa uu dhacaa marka labada xubnood ee taranka ee labada jinsi ay is galaan, is gaaraan ama god kale ee qofka la kufsaday la geliyo xubinta taranka ee labka, ciqaab ayaa la muteysan, waana sii kala culustahay haddii dambiiluhu qofka uu kufsaday uu yahay qof dhimirka loogu jiro. Waxaa kale oo jira kufsi wadareed oo ah in dad badan ay kufsi ku sameeyaan qof iyo in ka badan iyagoo ku maquuninaya awood jireed, ciqaabta waa la kordhinayaa haddii qofka uu qaadsiiyo HIV/AIDS. Dhiiri Gelin Fal Galmo: Qof kasta oo Qaangaar ah oo dhiirigeliya ama sabab u noqda fal gamo, waxaa uu muteysanayaa ciqaab. Ganacsiga Fal Galmo: Qof kasta oo ganacsi ahaan iyo dan kale uga doono faa’ido, si kas ah ama isku daya inuu uga ganacsado dalka JFS fal gamo oo shareecadu banneyn waa dambi, waaa la ciqaabayaa si waafaqsan shareecada, sharciga ciqaabta Soomaaliyeed iyo anshaxa bulshada. Adoonsi: Adoonsi waa in qof laga qaaday xuriyadda, oo loogu dhaqmo si agab ama hanti qofeed, oo loo adeegsado sameynta fal galmo si looga helo dhaqaale, ciqaab ayaa ka dhalaneysa. Xadgudub Mas’uul: Qofka mas’uulka ah ee galmo dami ah la sameeya qof uu mas’uul ka yahay, shakhsi nugul(caruur, waala ama waayeel ah), waa la ciqaabayaa. Dalxiis Galmo: Waa qof qaangaar ah, oo dhimir ahanna caafimaad qaba oo u socdaala deegaanno kale si uu u falo fal galmo ama u safriyo qof kale si uu uga qeyb qaato waa la ciqaabayaa. Dhoofin Fal Galmo: Waa goorta qof uu dhoofiyo qof kale ama u fududeeyo ka qeyb qaato ku daabulidda gaadiidka nuucyadiisa kala duwan adeegga dhileysiga cid ku hawlan, waxaa uu muteysan ciqaab. Qasbid Guur: Waa marka qofi qof kale si xoog ah ugu qasbo fal guur oo ay san ogeyn/ogoleyn ehelkeedu, waxaa lagu muteysan ciqaab. Daandaansi Galmo: Waa marka qof galmo doonayo uu qof kale ku damac geliyo, ugana faa’ideysto dalab shaqo, dalacaad, gaarsiin shey qiimo leh, waxaa lagu gartaa u dhawaansho xad dhaaf ah, isku sahid jireed, isku dhejin, gacmo gacmeyn iyo is xijin fara badan, qofkii lagu helo waa la maxkamadeyn. Adeegsi Maandooriye: Qof kasta oo si kas ah u maandooriya qof kale isaga oo moog walxaha lagu miyir beelo dantuna tahay inuu la galmoodo. Waxaa kale oo sharciga lagu mamnuucay Afduub la xiriira galmo, afduubka ganacsi galmo sida in goob lagu xirto ama la dhiifiyo iyo baafin fal galmo sida in gudaha JFS lagu baahiyo maqaal ama muuqaal duuwan ama sawirro fal gamo, waxaa kale oo mamnuuc ah in laga ganacsado muuqaallada galmada ama la farsameeyo. Xod-xodasho: Waa Haasaw ama qalqaallo dhexmarta labo qofood oo kala jinsi ah, dhaqan ahaan leh ujeeddo rajo guur,balse haddii ay tahay arrin la xiriirta galmo shareecada iyo dhaqanka ogleyn kama dhalneyso dambi, haddii aysan jirin qasab. Xod-xodasho qasdigeedu gaabsi tahay ama isu galmood waa dami waxaa ciqaabta loo raacayaa shareecada, sharciga ciqaabta iyo midka anshaxa. Isha: GoobjoogNews Akhriso: Sharciga Galmada Ee Horyaallada Golaha Shacabka, Beesha Caalamkana Ka Qeylisay
-
Gaalkacyo (PP) — Shir telefoon oo lagu tilmaamay mid uu Cabdiladiif Muuse Sanyare, Guddoomiyaha Gobolka Mudug qaybta Puntland, abaabulay ayay idaacadda Al-furqaan oo Al-shabaab taageerta soo saartay. Ma jirto wax caddaynaya inuu shirku qabsoomay hase ahaatee qarsoodi ma aha in xogta shirarka teleefon aan la dhowri karin. Arrimmaha shirka lagaga hadlay waxaa ka mid ah qorsheyaal maamulka Mudug damacsan yahay inuu wax kaga qabto nabadgelyodarrada Waqooyiga Mudug saamaysay. Waqooyiga Mudug Puntland Post ayaa isku dayay inuu xiriir la sameeyo maamulka Mudug hase ahaatee may bixinin wax faallo ah oo ku saabsan “shirka” xogtiisa Raadiyo Al-furqaan soo saaray. “Waa gef amni in shir taleefoon lala yeesho dad aan ka mid ahayn maamulka ama la abaabulo marka uusa jirin hab ka hortagaya in sirta amni oo loo dusiyo kooxo halis ku ah amniga Puntland” ayuu yiri xeeldheere amniga oo Boosaaso jooga oo aan doonaynin in magaciisa la xuso. Al-shabaab ayaa dilal qorsheysan ka fulisay magaalada Gaalkacyo. Shalay waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada Puntland kaddib markii ciidammada Puntland isku dayeen inay xerada warshaddii kabka ka saaraan maleeshiyo deggan halkaas. Maamulkii Cabdiweli Gaas ayaa ganacsato ka iibiyay xerada. © Puntland Post, 2020 The post Mudug: Xogta ‘Shir’ Telefoon Oo Al-shabaab Lala Wadaagay appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni ayaa ka dalbay dowladda Jabuuti inay si deg-deg ah ugu soo dirto qalab lagu nadiifiyo dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi, sida ay sheegayaan warar hoose oo soo baxaya. Deni ayaa xiriir dhanka taleefanka ah la sameeyey maareeyaha dekedda Jabuuti, wuxuuna ka codsasay inuu soo gaarsiiyo taag iyo ciid saar, si loo nadiifiyo aaga ay ku soo xirtaan maraakiibta. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in maareeyuhu u sheegay inuu artintaasi la wadaagi doono madaxda dalkaas, kadibna ay u soo diri doonaan qalabka, weliba maalmaha soo socda. Todobaadkii la soo dhaafay ayey aheyd markii markab waday ganacsiyo kala duwan ay ku dhegtay ciid, isaga oo doonayey inuu ku xirto dekedda Boosaaso, kaas oo ku dhowaaday inuu soo caariyo. Si kastaba ha’ahaate arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dood badan ay ka taagneyd dekeddaas, tan iyo markii ay la wareegtay shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta, mana jirto illaa iyo hadda wax hormarin ah oo dekedda ay ku sameysay shirkaddaasi oo horey looga mamnuucay Soomaaliya, kadib go’aan ka soo baxay baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
-
Waxaa haatan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah horyaalla sharciga dambiyada galmada la xidhiidha. Ujeedka sharciga ayaa ah in dhibaneyaasha ay helaan xaq soor u qalma dhibka loo geystay iyo sharci gaar ah oo lagula dagaalayo kufsiga iyo dambiyada kale ee u muuqda galmada. Sharcigan, waxaa markii ugu horeysay golahan la keenay 2017-kii, kadib isbadallo badan ayaa galay iyada oo la soo badalay sharcigii ay golaha wasiirrada ee xumadda federaalka ah ansixiyeen kaas oo u dhowaa midka ay reer galbeedku doonayeen. Midkan cusub ee hadda horyaalla golaha waxaa soo diyaariyey dad ay ku jiraan culimada waxaa qodobadiisa inta badan loo fiiriyey shareecada islaamka. Qodobka ay beesha caalamka ka qeylisay waa midka 26-aad ee xeerka oo dhigaya: Guurka Da’yarta, oo sheegaya in heshiiska guurka qofka yar ay banneysay shareecada Islaamka balse lala sugo aqal galka ilaa inta qofka yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada. Xeerkan waxaa uu ku taliyey in qaranka Soomaaliyeed uu la yimaado qorshe ku saabsan kufsiga baahay, waxaa kale oo warbaahinta laga dalbaday iney dadka wacyigeliyaan. Haddaba qoraaga Cabdicasiis Gurbiye ayaa soo akhriyey xeerkan, isla markaana soo koobaya qodobada ugu muhiimsan ee lagu sheegay . Sharcigan ayaa loogu talogalay in lagu dhaqo galmo ama falka jnisiga ah ee dhexmara labo qofood ha ahaadno mid qasab ama mid khayaari ah. Ogolaasho fal galmo waxaa leh qof maskax ahaan fahmi kara, isla markaana heysta xaalad awood u siineysa inuu iska diidi karoo. Waxaa la sheegayaa in dadka dhimirka loogu jiro iyo kuwa aan qaangaarka aheyn oo nuxurka galmada aan garaneyn aaney laheyn awood ogolaasho. Qofka ku jira xaaladaha soo socda ma yeelan karo oggolaanshiyo galmo oo ikhtiyaar ah, waxaa ka mid ah: In uu san isaga caabbin karin awood jireed iyo xeeladba falka galmada ee qofka kale ku sameynayo. In ay jirto xaalad baqdin gelin ah, oo laga dhabeyn karo. In qofka u nugul ee galmada lagu sameeyey dhimirkiisu joogin. Xad-gudub Galmo: Waa xad-gudub qaab galmo oo si kas ah qof qaangaar ah qof kale “yar ama weyn” ugu qabto, ka taabto ama taabsiiyo xubinta taranka ama qeybaha kiciya shucuurta jinsi. Shareecaha Islaamka, waxaa ku cad in seygu u galmoon karin xaaskiisa xaalad kasta oo caafimaad ah halis gelin karta iyo marka ay caadada qabto. Isku day Kufsi: Waa qof kasta oo isku daya inuu sameeyo fal dambiyeed kufsi, waxaana uuna muteysanayaa ciqaabta ku xusan sharciga ciqaabta. Kufsi: Waa fal galmo ama jnsi oo qofi ku sameeyo mid kale iyada oo aysan jirin oggolaashiyo, sida badanaa ku dhacda qaab gabood fal ah. Kufsigu waa fal dambiyadeed qof si toos ah oo si kas ah ugu bareero gelitaankiisa, waxaa uu dhacaa marka labada xubnood ee taranka ee labada jinsi ay is galaan, is gaaraan ama god kale ee qofka la kufsaday la geliyo xubinta taranka ee labka, ciqaab ayaa la muteysan, waana sii kala culustahay haddii dambiiluhu qofka uu kufsaday uu yahay qof dhimirka loogu jiro. Waxaa kale oo jira kufsi wadareed oo ah in dad badan ay kufsi ku sameeyaan qof iyo in ka badan iyagoo ku maquuninaya awood jireed, ciqaabta waa la kordhinayaa haddii qofka uu qaadsiiyo HIV/AIDS. Dhiiri Gelin Fal Galmo: Qof kasta oo Qaangaar ah oo dhiirigeliya ama sabab u noqda fal gamo, waxaa uu muteysanayaa ciqaab. Ganacsiga Fal Galmo: Qof kasta oo ganacsi ahaan iyo dan kale uga doono faa’ido, si kas ah ama isku daya inuu uga ganacsado dalka JFS fal gamo oo shareecadu banneyn waa dambi, waaa la ciqaabayaa si waafaqsan shareecada, sharciga ciqaabta Soomaaliyeed iyo anshaxa bulshada. Adoonsi: Adoonsi waa in qof laga qaaday xuriyadda, oo loogu dhaqmo si agab ama hanti qofeed, oo loo adeegsado sameynta fal galmo si looga helo dhaqaale, ciqaab ayaa ka dhalaneysa. Xadgudub Mas’uul: Qofka mas’uulka ah ee galmo dami ah la sameeya qof uu mas’uul ka yahay, shakhsi nugul(caruur, waala ama waayeel ah), waa la ciqaabayaa. Dalxiis Galmo: Waa qof qaangaar ah, oo dhimir ahanna caafimaad qaba oo u socdaala deegaanno kale si uu u falo fal galmo ama u safriyo qof kale si uu uga qeyb qaato waa la ciqaabayaa. Dhoofin Fal Galmo: Waa goorta qof uu dhoofiyo qof kale ama u fududeeyo ka qeyb qaato ku daabulidda gaadiidka nuucyadiisa kala duwan adeegga dhileysiga cid ku hawlan, waxaa uu muteysan ciqaab. Qasbid Guur: Waa marka qofi qof kale si xoog ah ugu qasbo fal guur oo ay san ogeyn/ogoleyn ehelkeedu, waxaa lagu muteysan ciqaab. Daandaansi Galmo: Waa marka qof galmo doonayo uu qof kale ku damac geliyo, ugana faa’ideysto dalab shaqo, dalacaad, gaarsiin shey qiimo leh, waxaa lagu gartaa u dhawaansho xad dhaaf ah, isku sahid jireed, isku dhejin, gacmo gacmeyn iyo is xijin fara badan, qofkii lagu helo waa la maxkamadeyn. Adeegsi Maandooriye: Qof kasta oo si kas ah u maandooriya qof kale isaga oo moog walxaha lagu miyir beelo dantuna tahay inuu la galmoodo. Waxaa kale oo sharciga lagu mamnuucay Afduub la xiriira galmo, afduubka ganacsi galmo sida in goob lagu xirto ama la dhiifiyo iyo baafin fal galmo sida in gudaha JFS lagu baahiyo maqaal ama muuqaal duuwan ama sawirro fal gamo, waxaa kale oo mamnuuc ah in laga ganacsado muuqaallada galmada ama la farsameeyo. Xod-xodasho: Waa Haasaw ama qalqaallo dhexmarta labo qofood oo kala jinsi ah, dhaqan ahaan leh ujeeddo rajo guur,balse haddii ay tahay arrin la xiriirta galmo shareecada iyo dhaqanka ogleyn kama dhalneyso dambi, haddii aysan jirin qasab. Xod-xodasho qasdigeedu gaabsi tahay ama isu galmood waa dami waxaa ciqaabta loo raacayaa shareecada, sharciga ciqaabta iyo midka anshaxa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qoran Wargeyska caanka ah ee Al-Ain Al-Khabariya madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa wada qorshihii u dambeeyey ee muddo kororsiga. Wargeyska ayaa ku warramayaa in qorshahaasi la rabo in la fuliyo ka hor magacaabida ra’iisul wasaaraha cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo. Warbixinta Wargeyska ayaa waxaa lagu sheegay in qorshahaasi ay gadaal ka riixeyso dowladda Qatar, waxaana ciwaan looga dhigay `isaga oo adeegsanaya muddo kororsi Farmaajo oo ku gubayo Soomaaliya maal-gelinta Qatar’. Sidoo kale Wargeyska Al-Ain Al-Khabariya ayaa shaaciyey xubnaha madaxda ah ee arrintaasi ku gacan siinaya madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kala yihiin, sida warbixinta lagu sheegay:- 1-Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ku simaha xil-ka ra’iisul wasaaraha, 2-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka, ku xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah sii haya wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha. Al-Ain Al-Khabariya ayaa intaasi ku daray in damaca uu yahay in muddo kordhintu ay noqoto ugu yaraan 2 sano, si dib loogu dhigo doorashada. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo horey hoggaanka xisbiyada mucaaradka dalka ay uga digeen in la sameysto muddo kororsi, si mar-marsiiyo looga dhigto daruufaha ka jira dalka.
-
“Canshuur bixiyaashu ay haday Canshuurta baxshaan waxaa muhiim ah in masuuliyiinta u xilsaaran Adeega Bulshada ay Canshuurta u maareeyaan si sax ah oo aan Musuqmaasuq [...] The post Waaxda Canshuuraha Bosaso oo dardargalin bilowday appeared first on . Source
-
(SLT-Hargeysa)-Waxa siyaabo xaqiiqada ka fog loo marin habaabiyey, loogana been sheegay shirkii Jaraa’id ee uu 7-dii Bishan ku qabtay Addis ababa Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dini Mufti oo uu kaga hadlay Jamhuuriyadda Somaliland. Telefishanka Aljazeera ayaa ka mid ahaa Warbaahintii sida xaqiiqada ka fog u turjuntay Hadalkii Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo ay baahisay in inuu Somaliland ku tilmaamay qayb ka mid ah Soomaaliya, taasi oo gabi ahaanba aan ku jirin hadalka masuulkaas. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la weydiiyey in weftigii Masar ee dhawaan Somaliland yimid inay u socdeen sidii ay Saldhig uga sameysan lahaayeen Somaliland, waxaanu ku jawaabay, “Masar waa dawlad jirta, dadka iyo dalka ay doonto xidhiidh way la sameysan kartaa, laakiin waa in aan annaga dalkayaga bartilmaameed nalaga dhigan. Haddii nalaga dhigan lahaana ogolaan mayno. Somaliland, Soomaaliya iyo Suudaanba Masar xidhiidh way la sameysan kartaa haddii aanay wadin wax Itoobiya dhib ku ah.” Danjire Dini Mufti oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray “Wax bartimaameed ah oo aanay dalkayaga iyo dantayada aan taabanayn oo aan dhibaato ku aheyn xor bay u tahay Masar inay cidda ay doonaan xidhiidh la sameystaan. Arrintaas Somaliland mar iyo lababa waanu u sheegnay, imikana waanu u sheegaynaa.” Madaxa Qaybta Axmaariga ee Radio Hargeysa Maxamed Mukhtaar Cismaan ayaa u soo turjumay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA. Source
-
(SLT-Garoowe)-Maamulka Puntland waxaa ka bilaamay budhcad hubaysan oo dhac ugeysanaya xawaaladaha ku yaallaa magaalada Garowe ee caasimadda maamulkaasi. Maalin ka hor, koox budhcad hubaysan ayaa dhacay xawaaladda Iftin qeybeeda Garowe, iyagoo ka qaatay lacag lagu qiysaay ku dhawaad shan kun oo dollar, sida uu sheegay masuul maamulka katirsan. Waa markii labaad oo budhcad dhac ugeystaan xawaaladaha ku yaalla Puntland, dhowr billood kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale maleyshiyo hubaysan ay dhac ugeysteen shirkadda Somtel qeybteeda Garowe. Weli maamulka Puntland ma qaadin tallaabo wax lagaga qabanayo budhcadda boobka u geystay shirkaddaha xawaaladaha. Arrintaan waxay keentay in shirkaddo isgaadhsiineed iyo kuwo xawaaladdeed oo habeenkii shaqayn jiray albaabada loo laabo kadib markii ay soo wasjahday cabsi ku aadan in dhac loo geystay. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa soo saaray amar culus oo ku socdo wasiirada maamulkaasi. Maxamed Sheekh Cismaan oo warbaahinta ugu warramay Kismaayo ayaa sheegay in wasaarad kasto laga rabo inay xafiiska xeer ilaalinta u soo gudbiso nuqulo ka mid ah heshiisyada ay galeyso, si dabagal loogu sameeyo heshiisyadaasi. Sidoo kale wuxuu uga digay wasiirada maamulka Jubbaland inay galaan heshiisyo ku aadan hantida dadweynaha, oo uusan waxba ka ogeyn xafiiskiisa, maadaama ay shaqadooda tahay ilaalinta xoolaha dadweynaha. “Xafiiska Shaqadiisa iyo waajibaadkiisa ayay waajib ka tahay ilaalinta hantida, haddii heshiis lagu galay waxa aan ka eegeynaa in loo maray sifo sharci ah iyo in kale, Waxaa jira kara heshiisyo la galay iyo kuwo kale oo taagan, haddii aan la marsiin Xafiiska Xeer ilaalinta waxa ay dhaawac ku tahay howl shaqeedkiisa.” ayuu yiri Maxamed Sheekh Cismaan xeer ilaaliyaha Jubbaland. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in loo baahan yahay in xafiiska xeer ilaalinta lagu tix-geliyo shaqadiisa. “Sharciga waa kan ka sareeya rabitaanka qofka, Dastuurka ayaa kala caddeynaya awoodaha iyo shaqada hay’ad iyo xafiis waliba, halagu tixgeliyo shaqada aan heyno iyo waajibaadka Dastuurka uu nasiinayo.” ayuu sii raaciyey xeer ilaaliyaha Jubbaland. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha Jubbaland iyo isla xisaabtanka, si looga hortago musuq-maasuq iyo wax is-daba marin.
-
Wararka ka imaanaya shabeellada hoose ayaa sheegaya iney jiraan dhaqdhaqaaqyo ay halkaasi ka wadaan ciidamada xoogga dalka. Deegaannada sida gaarka ay hawlgalka uga wadaan waxaa ka mid ah sida la sheegay deegannada Awdheegle,Mubarak iyo Daarusalaam ee gobolka Shabeellaha Hoose Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay howlgal maanta ciidanka xoogga dalka ka fuliyeen shabeellaha Hoose ku dileen horjoogihii kooxda nabad-diidka uqabilsanaana deegaanada Awdheegle,Mubarak iyo Daarusalaam ee Shabeellaha Hoose . Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo u warramay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa ka hadlay amni darrada haatan ka jirta wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Cosoble ayaa sheegay in arrin siyaasadeed ay ka dambeyso amni darrada wadadaasi, islamarkaana la doonayo in lagu xadiido dhaq-dhaqaaqa xildhibaamada dowlad goboleedka HirShabelle. Sidoo kale wuxuu shaaciyey in amniga wadadan uu wanaagsanaa, xilligii uu ahaa Madaxweynaha HirShabelle, isaga oo ku faanay in waqtigaas xildhibaanadu ay sidii ay rabaan u isticmaalayeen wadadaasi. Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa carabka ku goday in xildhibaanada ay hadda sameeyaan is uruursi, si u kireystaan hal diyaarad marka ay soo aadayaan magaalada Muqdisho. “Aniga waqtigii aan joogay Xildhibaannada xilligii ay doonaan ayay horay iyo gadaal u socdeen hadii ay doonaan inay Barnaamijyo dhaqaajiyaan Xamar waa ay aadi kareen,laakin hadda waxaa ay noqotay in Xildhibaannada xayirnaadaan ilaa la helo 50 Xildhibana oo diyaarad gaar ah kireystaan ayuu yiri” Coosble. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo inta badan ay weeraro culus Al-Shabaab ka fuliso wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar, waxaana weerarkii ugu dambeeyey lagu dilay Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad oo ka tirsanaa baarlamaanka HirShabelle, kadib markii ay gaari uu la socday ay kala dageen dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi.
-
Qoor-Qoor oo ka digay in la fashiliyo shirka Dhuusamareeb-3
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor,) oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa munaasabad soo dhoweyn ah oo loo sameeyey wuxuu uga hadlay qabsoomida wejiga saddexaad ee shirka magaalada Dhuusamareeb. Qoor-Qoor ayaa shaaciyey in shirka uu ku dhici doono waqtigii loo asteeyey oo ah 15-ka bishan August ee 2020-ka. Sidoo kale wuxuu ka digay in la fashiliyo shirkaasi, isaga oo xusay in loo baahan yahay in laga fogaado wax kasta oo keeni karo inuu burburo shirkaasi. Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale shacabka uga mahacadceliyay doorka ay ku leeyihiin shirkaas iyo sida ay ugu diyaar garoobayaan. “Shirka waqtii lagu ballamay ayuu ku dhacayaa, ilaa haatan ma heyno waxyaabo keeni kara in uu dib uga dhaco xiliga qorshuhu yahay, waxa aan bogaadinayaa kaalinta Dadka Galmudug gaar ahaan Shacabka Magaalada Dhuusamareeb oo martigeliyay Madaxda iyo xubnaha la socday” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor. Shirka Dhuusamareeb ee u dhexeeya madaxda dowladdda iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ka duwan shirarkii hore, maadaama la riday Musane Xasan Cali Khayre oo door ku lahaa shirarkaasi Sidoo kale shirka ayaa ku soo aadaya, xilli uu sii dhamaanayo muddo xileedka dowladda, islamarkaana lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah. -
(SLT-Taiwan)-Xoghayaha Caafimaadka iyo Adeegyada Aadamaha ee dalka Maraykanka Alex Azar ayaa socdaal ku tagay Taiwan Axadii maanta, isagoo hogaaminaya wefdi Maraykan ah oo booqasho seddex maalmood ah ku joogi doona halkaas, iyagoo la kulmi doona MadaxweyneTsai Ing-wen. Socdaalkan oo noqonaya kii ugu heerka sarreeyay ee sarkaal Maraykan ahi ku tago halkaa tan iyo markii uu burburay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Washington iyo Taipei 1979. Waxaanay booqashadani timid iyadoo xidhiidhka u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha uu hoos ugu dhacay halkii ugu hoosaysay taariikhda. Shiinaha ayaa diidan xidhiidhka rasmiga ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Taiwan, oo ay ku sheegato inay tahay dhulkeeda oo ka mid ah Shiinaha, halka madaxweynaha Taiwan uu si adag ugu ololeeyay aqoonsiga Taiwan inay tahay qaran madaxbanaan. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dawladda Taiwan , ayaa tallaabo weyn ku tilmaantay Wakiilka Somaliland Maxamed Xaaji Maxamuud oo Sabtidii gaadhay Taiwan. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay qoraal ay maanta soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, oo xustay inuu si geesinimo ah uu dalkeeda u yimid Danjirihii Jamhuuriyadda Somaliland u soo magacwday Taiwan, waxaanay ku sifaysay arrin weyn. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan waxa ay mar kale u mahadcelisay Guddida Ammaanka u qaabilsan Aqalka Cad ee Maraykanka oo hore u soo dhaweeyey xidhiidhka ay yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan. Waxa kaloo ay intaas ku dartay Wasaaradda Khaarajiga Taiwan in madaxbanaanida iyo saaxiibtinimadu aanay iib aheyn, isla markaana ay dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan ay u qalmaan aqoonsi caalamiya. Sidoo kale, danjiraha Somaliland ee waddanka Taiwan, Maxamed Xaaji Maxamuud, ayaa ka mahadceliyey sida diiran ee loogu soo dhaweeyey dalkaas, waxaanu caddeeyey inay Somaliland iskaashi iyo cilaaqaad la yeelanayso dalalka ay iska shabahaan taariikhda iyo dimuqraadiyadda. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xafiiska imtixaanadka Qaranka Somaliland, ayaa hada shaaca ka qaaday in maalinta oo isniin ah (10.08.2020) lagu dhawaaqi doono natiijada Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Fasallada 4aad ee Dugsiyada sarre. Waxa kale oo la shaacin doonaa Natiijadii Qiimaynta ee fasallada kale oo dhan: “laga bilaabo KG ilaa Form 3”. Arday kastaa waxa uu natiijadiisa ka heli doonaa Dugsigiisa. Guddoomiyayaasha waxbarashada gobollada oo qudha ayaa iman doona Xafiiska Imtixaanaadka. Source
-
(SLT-Niger)-Lix qof oo dalxiisayaal ah una dhashay dalka Faransiiska iyo laba qof oo gadh-wadeen u ahaa ayaa lagu diley beer loo dalxiis tago oo ku taalla gobolka Tillaberi ee dalka Niger. Guddoomiyaha gobolka Tillaberi Tidjani Ibrahim ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in rag hubeysan oo saaran mootooyin ay qafaasheen kooxdan dalxiisayaasha ahaa kadibna toogasho ku diley. Xafiiska Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xaqiijiyay in dadkan u dhashay dalka Faransiiska lagu diley dalka Niger. Dowlada Faransiiska ayaa ugu digtey muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Niger halkaa oo deegaano badan oo ka mid ah dalkaas ay joogaan ururo daacad u ah ururada Boko Haram iyo IS. Halka lagu diley dalxiisayaashan u dhashay dalka Faransiiska iyo laba qof oo u dhashay dalka Nigeria ayaa ah meel lagu xanaaneeyo xayawaanka Geriga waxayna u jirtaa magaalada Niamey ee caasimada dalka Niger illaa 65km. Dalka Niger ayaa waxa uu xad la leeyahay dalal ay ka mid yihiin Libya, Mali, Chad, Algeria iyo Nigeria. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Dowladda Sacuudiga ayaa xukuumadda Washington kala kulantay canaan naadir ah, kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ay ammaan u jeedisay madaxii hore ee sirdoonka boqortooyadda Saad al-Jabri oo dagaal siyaasadeed kula jira dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan. Jabari ayaa Maxamed bin Salmaan ka dacweeyay maxkamad ku taalla Maraykanka, isagoo ku eedeeyay in uu qorsheeyay in uu shirqool ku dilo xilli uu joogay Canada. Dacwadda waxaa sidoo kale ku jira xadhig loo geystay ilmo uu dhalay Jabari oo lagu kala magacaabo Cumar iyo Sarah – kuwaas oo la sheegay in loo xidhay si isaga loogu qasbo in uu wadanka kusoo laabto. “Saad Al-Jabri waxaa uu ahaa saaxiib u dhow Maraykanka ee dhanka argaggixiso la dirirka,” ayuu afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda u sheegay Middle East Eye. “Saraakiil badan oo dowladda Maraykanka horay usoo maray iyo kuwo hadda ka shaqeeya ayaa yaaqana, isla markana xushmeeya Saad.” Ayuu hadalkiisa ku daray. Hadalkaani waxaa uu soo nooleeyay warqad uu kaaliya xoghaya ee Wasaaradda Ryan Kaldahl u diray Senator Patrick Leahy, taasi oo Jabri amaaneysay, isla markaana muujineysay walaac ka dhan ah xad-gudub ay boqortooyadu u geysatay qoyska taliyihii hore ee sirdoonka. “Dacwad ku oogis walba ee ka dhan ah qoyska Dr. Al-jabri waa mid aan la aqbali karin” ayuu qoray Kaldahl. “Wasaaraddu waxay Dowladda Sacuudiga ka dalbatay in ay cadeeyso xariga caruurta Jabri, waxayna ku boorin doontaa in deg-deg loo sii daayo” ayuu sidoo kale qoray Kaldahl. ‘Habeenkii waa qoyskeyga’ Jabri waxaa lasoo shaqeeyay dhaxal sugihii hore ee Sacuudiga Maxamed bin Nayef, kaasi oo lagu bedelay Maxamed bin Salmaan sanadkii 2017-kii, waqti yar kadib markii Trump uu booqasho ku tagay bortooyadda. Madaxii sirdoonka waxaa uu wadanka ka baxsaday inta uusan si buuxda awooda ula wareegin bin Salmaan, cabsi uu qabay in uu ka aarsado darteed. Dacwadiisa waxaa uu ku sheegay in laba todobaad kadib markii Saraakiil ka tirsan Dowladda Sacuudiga ay dileen Jamal Khashoggi 2018-kii, uu Maxamed bin Salmaan u soo diray koox sirdoonka ka tirsan oo lagu magacaabo “Tiger Squad” si ay u dilaan madaxii hore ee sirdoonka. “Tiger Squad ayaa la geeyay Canada waxaana ka mid ah shaqaale ku takhasusay baarista aqoonsiga si ay u tir-tiraan goobta dambiga, kuwaas oo watay laba boorso oo qalabta baadhista aqoonsiga ah” ayuu dacwadiisa ku sheegay taliyihii hore ee sirdoonka. “Kooxda dilka waxaa ka hortagay saraakiil ka tirsan ciidanka amniga xududaha dalka Canada, kuwaas oo ka shakiyay sida ay u dhaqmayeen markii joogeen bar koontorool oo garoonka ku taalla.” Wareysi uu siiyay CNN ayaa wiil uu dhalay Jabri oo lagu magacaabo Khaalid kuna nool Canada waxaa uu ku sheegay in qoysku ay dacwad ka gudbiyeen Dowladda Sacuudiga. “Sanadihii lasoo dhaafay waxaan ka daalnay waddo walba ee dublamaasiyadeed ee suurtagal ah” ayuu yidhi Khaalid Jabri. “Ugu dambeyntii waxaan geynay maxkamad federaal ah oo Maraykanka ku taalla. Waxaan rajeyneynaa in dacwadaan ay naga caawin doonto silica nahaysta, isla markaana lasoo deyn doono Cumar iyo Sahrah, si ay noogu soo biiraan, aabahayna ay ilaalin doonto, soona gaban-gabeyn doonto qarowga qoyskeyga.” Ayuu hadalkiisa ku daray Khaalid Jabri oo ah wiil uu dhalay madaxii hore ee sirdoonka Sacuudiga. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha xilka ra’iisul wasaare Mahdi Maxamed Guleed ayaa ka dhawaajiyay in dowladda Nabad iyo Nolol ee madaxweyne Farmaajo ee inta ka harsan muddo xileedkeeda ay juhdi iyo xoog badan gelin doonto sidii maqaamka magaalada Muqdisho loo hirgelin lahaa loona dhameystiri lahaa. Mudane Mahdi Guuleed ayaa sheegay in guul weyn ay tahay in go’aanka ansixinta baarlamaanka ee 13-ka xubnood ku yeelanaya Aqalka Sare uu markii horeba ka timid codsi madaxweyne, haddana ay ka shaqeynayaan sidii madaxweynaha uu u saxiixi lahaa, lana sugaayo saxiixa madaxweyne Farmaajo oo mudo bil iyo bar ah uu sharcigaasi horyaalo si uu u saxiixo. “13-ka xubnood ee gobolka Banadir ka helay aqalka sare dhammeystirkiisa waa ay hirgaleysaa, waana fuleysaa, madaxweynuhuna waa meel marin doonaa, inta dowladda Nabad iyo Nolol mudo xileedkeeda ka hartay waa ineynu si wada jir ah ugu wada shaqeynaa, saaxiibkeey walaalkeey Mahad Salaadna si wada jir ah ugu shaqeyneynaa hirgelinta maqaamka caasimada Muqdisho, barbarkeey ka baxdaa waa bakeyle galeen,” ayuu yiri Mahdi Guuleed oo ka hadlayay munaasabad maamulka gobolka Banaadir kula wareegayay Waxbarashada Gobolka Banaadir oo ay horay u maamuleysay Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Kooxaha mucaaradka ee xildhibaanada ka tirsan iyo kuwa xisbiyada siyaasadeed ayaa horay ugu dhaliilay madaxweyne Farmaajo in xeerkii baarlamaanka meel mariyay ee 13 xubnood gobolka Banaadir uu ku yeelanayo aqalka sare in mar hore loo gudbiyay si uu u saxiixo, balse uu ka gaabiyay inuu qalinka ku duugo.
-
The health system of any country needs a surveillance system that can collect information on and detect alerts of epidemic-prone diseases. When a number of cases threatens to turn into an outbreak or epidemic, the surveillance system sounds an alarm that triggers a chain of immediate public health interventions. Source: Hiiraan Online
