Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (CNN)A record number of people are giving up their US citizenship, new research published on Sunday found. Source: Hiiraan Online
  2. Garoowe (Caasimada Online) – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Somalia ayaa weeraray nidaamka waxbarasho ee dowladda federaalka isagoona difaacay nidaamka waxbarashada Puntland oo uu tilmaamay in uu yahay mid caalami ah oo dowladdaha caalamka qaar aqoonsan yihiin shahaadada waxbarasho ee Puntland. Mudane Faroole ayaa sidoo kale mar uu ka hadlayay arday reer Puntland oo imtixaanaadka ku galay Muqdisho waxa uu meesha ka saaray jiritaanka arrintaasi oo wasaaradda waxbarashada DFS horay ugu dhawaajisay, isagoona tilmaamay in hadii ay jirtana ay yihiin 600 arday oo uu ku sheegay kuwo ceebeysan oo meel nidaam ka dhisan ka tegay. “Hadii ay jirto waa 600 ceebeysan oo meel nidaam dhisan ka tegay oo meel aad arkeyseen, waxaan arkaayey muuqaal imtixaan la xaday oo la isku gud-gudbinaayo oo meel walba la isku dir-diraayo, marka wax sax ah nin ka tagay oo wax qalad ah qaatay ma gyro, nidaam diid-waaye waxaasi federaal diid-waye ha dhageysanina,” ayuu yiri Faroole. Ardayda Puntland ayuu ku booriyay inay dhabarka adkeystaan oo ay ku kalsoonaadaan maamulkooda, isla markaana waxbarashada dibadeed ay u aadaan dalalka jaarka sida Kenya iyo Itoobiya oo uu tilmaamay in luuqadahooda ay anfac leeyihiin, halka dalka Turkiga oo ardayda Soomaaliyeed intooda badan waxbarashada u aada uu ku tilmaamay luuqad aan anfac laheyn oo caalamka meel looga hadlo jirin. “Sabab ayaad u aadeysaa Turkiga, ninka Turkiga aadayo xagee looga hadlaa af-turki, waabaa tegay Turkiga, wallaahi hal tabeella oo Af-carabi ama English ku qoran maan arkin, waxaa ku yaal wax dhibco badanoo aan la kici karin, aada meelaha tacliintooda sar-sareyso ay ka mid tahay Kenya iyo Itoobiya, waxaad baraneysaan luuqado kale oo Sawahili oo Africa oo dhan looga hadlo, Somalia, Kismayo iyo Jubooyinka waa looga hadlaa, Itoobiya xitaa waa dal weynoo Amxaariga hadaad barato qariib ma noqoneysid,” ayuu yiri Faroole. Sababta uu Senator Faroole macno daro ugu tilmaamay luuqada Turkiga iyo waxbarashadiisa sareyso ayaa qeyb ka ah khilaafka waxbarasho ee DFS iyo Puntland, iyadoo Turkiga ay aqoonsan tahay oo kaliya shahaadada dowladda federaalka.
  3. Mareykanka oo si lama filaan ah u taageeray tallaabo ka dhan ah Max’ed Bin Salman Dowladda Sacuudiga ayaa xukuumadda Washington kala kulantay canaan naadir ah, kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ay ammaan u jeedisay madaxii hore ee sirdoonka boqortooyadda Saad al-Jabri oo hardan siyaasadeed kula jira dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan. Jabari ayaa Maxamed bin Salmaan ka dacweeyay maxkamad ku taalla Maraykanka, isagoo ku eedeeyay in uu qorsheeyay in uu shirqool ku dilo xilli uu joogay Canada. Dacwadda waxaa sidoo kale ku jira xarig loo geystay ilmo uu dhalay Jabari oo lagu kala magacaabo Cumar iyo Sarah – kuwaas oo la sheegay in loo xiray si isaga loogu qasbo in uu wadanka kusoo laabto. “Saad Al-Jabri waxaa uu ahaa saaxiib u dhow Maraykanka ee dhanka argaggixiso la dirirka,” ayuu afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda u sheegay Middle East Eye. “Saraakiil badan oo dowladda Maraykanka horay usoo maray iyo kuwo hadda ka shaqeeya ayaa yaaqana, isla markana xushmeeya Saad.” Ayuu hadalkiisa ku daray. Hadalkaani waxaa uu soo nooleeyay warqad uu kaaliya xoghaya ee Wasaaradda Ryan Kaldahl u diray Senator Patrick Leahy, taasi oo Jabri amaaneysay, isla markaana muujineysay walaac ka dhan ah xad-gudub ay boqortooyadu u geysatay qoyska taliyihii hore ee sirdoonka. “Dacwad ku oogis walba ee ka dhan ah qoyska Dr. Al-jabri waa mid aan la aqbali karin” ayuu qoray Kaldahl. “Wasaaraddu waxay Dowladda Sacuudiga ka dalbatay in ay cadeeyso xariga caruurta Jabri, waxayna ku boorin doontaa in deg-deg loo sii daayo” ayuu sidoo kale qoray Kaldahl. ‘Habeenkii waa qoyskeyga’ Jabri waxaa lasoo shaqeeyay dhaxal sugihii hore ee Sacuudiga Maxamed bin Nayef, kaasi oo lagu bedelay Maxamed bin Salmaan sanadkii 2017-kii, waqti yar kadib markii Trump uu booqasho ku tagay bortooyadda. Madaxii sirdoonka waxaa uu wadanka ka baxsaday inta uusan si buuxda awooda ula wareegin bin Salmaan, cabsi uu qabay in uu ka aarsado darteed. Dacwadiisa waxaa uu ku sheegay in laba todobaad kadib markii Saraakiil ka tirsan Dowladda Sacuudiga ay dileen Jamal Khashoggi 2018-kii, uu Maxamed bin Salmaan u soo diray koox sirdoonka ka tirsan oo lagu magacaabo “Tiger Squad” si ay u dilaan madaxii hore ee sirdoonka. “Tiger Squad ayaa la geeyay Canada waxaana ka mid ah shaqaale ku takhasusay baarista aqoonsiga si ay u tir-tiraan goobta dambiga, kuwaas oo watay laba boorso oo qalabta baarista aqoonsiga ah” ayuu dacwadiisa ku sheegay taliyihii hore ee sirdoonka. “Kooxda dilka waxaa ka hortagay saraakiil ka tirsan ciidanka amniga xududaha dalka Canada, kuwaas oo ka shakiyay sida ay u dhaqmayeen markii joogeen bar koontorool oo garoonka ku taalla.” Wareysi uu siiyay CNN ayaa wiil uu dhalay Jabri oo lagu magacaabo Khaalid kuna nool Canada waxaa uu ku sheegay in qoysku ay dacwad ka gudbiyeen Dowladda Sacuudiga. “Sanadihii lasoo dhaafay waxaan ka daalnay waddo walba ee dublamaasiyadeed ee suurtagal ah” ayuu yiri Khaalid Jabri. “Ugu dambeyntii waxaan geynay maxkamad federaal ah oo Maraykanka ku taalla. Waxaan rajeyneynaa in dacwadaan ay naga caawin doonto silica nahaysta, isla markaana lasoo deyn doono Cumar iyo Sahrah, si ay noogu soo biiraan, aabahayna ay ilaalin doonto, soona gaban-gabeyn doonto qarowga qoyskeyga.” Ayuu hadalkiisa ku daray Khaalid Jabri oo ah wiil uu dhalay madaxii hore ee sirdoonka Sacuudiga. Qaran News
  4. Erdogan oo Jawaab adag ka bixiyey heshiiska ay gaadheen Masar iyo Giriig Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu dib u bilaabay soo saarista khayraadka ku jira bariga badda Mediterranean, isaga oo ka jawaabaya heshiis ay gaareen Masar iyo Giriigga ay ku sheegteen in ay xaq u leeyihiin isla aagaas. “Waxaan billownay shaqadii macdan qodista mar kale” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta, kadib markii uu ka qayb galay salaadii Jimcaha ee Masjidka Hagia Sophia ee magaaladda Istanbuul. Waxaa uu hadalkiisa ku daray in markabka Barbaros Hayreddin Pasa oo Turkiga u qaabilsan indh-indheynta macdanta dhulka loo diray gobolka si uu shaqadiisa uga guto. Markabku waxaa uu kasoo tagay Khubruz dabayaaqadii bishii July waxaana uu hadda joogaa gobolka. Horaantii bishaan Masar ayaa sheegtay in sahanka Turkigu uu u qorsheeyay inuu ku sameeyo bariga badda Mediterranean-ka ay kusoo durugtay biyaha ay xukuumadda Qaahira sheegato in ay u leedahay xaq lama taabtaan ah. Heshiiska u dhexeeya Giriigga iyo Masar waxaa markii u horreysay waxaa ku dhawaaqay wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Sameh Shoukry, kadib markii Khamiistii uu shir-jaraa’id ku qabtay caasimadda Qaahira, waxaana xilligaas garabkiisa taagnaa dhigiisa Giriigga Nikos Dendias. Labada diblomaasi waxay difaaceen heshiiska ay gaareen, oo bariga Mediterranean-ka ku tilmaamaya, meel ay ku keydsanyihiin Saliid iyo gaas dabiici ah iyo in ay tahay aag dhaqaale oo iyaga gaar u ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah. Dowladda Turkiga ayaa diiday heshiiskaas, waxayna ku tilmaantay “sharci darro aan sax ahayn”. War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in aysan jirin xuduud badeed u dhaxeysa wadamadda Giriigga iyo Masar, taasi oo heshiiska labada wadan ka dhigeysa micno la’aan. “Shaki kuma jiro in Turkigu uusan marnaba ogolaan doonin in dhaq-dhaqaaq laga sameeyo aagaas, waxaana uu difaaci doonaa xaqa sharciga ah iyo danihiisa bariga Mediterranean-ka,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga. Masar iyo Giriiga ayaa muddo badan kasoo horjeeday dhaq-dhaqaaqa Turkigu uu ka sameynayo badda Mediterranean-ka. Sanadkii lasoo dhaafay Turkigu waxaa uu heshiis la sixiixday dowlada Liibiya, talaabadaas oo kordhisay muranka ka taagan gaaska ku keydsan Mediterranean-ka. Masar iyo Giriigga ayaa heshiiskaas cambaareeyay waxayna ku tilmaameen “sharci darro iyo xad-gudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah”. Turkiga iyo Giriigga oo kawada tirsan NATO ayaa ku murmay khayaraadka ku keydsan biyaha ay wadaagaan, taasi oo keentay in hoggaamiyaha Germany Angel Markel ay labada hoggaamiye la kulanto si ay xiisadda u qaboojiso. Qaran News
  5. Wakiilkii u horreeyay ee Somaliland u magacaabatay Taiwan, Maxamed Cumar Hagi Maxamuud, ayaa jimcihii gaaray magaalada Taipei ee Caasimadda dalkaasi Taiwan. Axaddii Shalay, Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, Joseph Wu oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa soo dhoweeyay Wakiilka Somaliland, waxaana uu amaan u jeediyay Somaliland, isagoo sheegay in ay mudantahay aqoonsi Caalamiya. “ Wakiilka Somaliland wuxuu adkaysi u leeyahay cadaadiska Shiinaha si uu jagadiisa u qabto. Xaqiiqdii Madax-bannaanida iyo Saaxibtinimadu maaha iib. Somaliland waxay mudan yihiin aqoonsi Caalamiya” ayuu yiri Joseph Wu. Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan, wuxuu xiganayay warar ay horraantii bishan Saxaafaddu qortay oo sheegayay, in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu diiday dalab ay u soo bandhigtay Dowladda Shiinaha, in uu ku beddesho soo af-jaridda Saaxibnimada Taiwan. Wasiir Joseph Wu, ayaa sidoo kale u mahadceliyay oo Golaha Amniga Qaranka Dowladda Maraykanka, kaas oo 10-kii bishii Luuliyo bogaadin u jeediyay Xiriirka u bilowday Somaliland iyo Taiwan. Bishii Febraayo ee Sannadkan 2020, Somaliland iyo Taiwan oo aan midkoodna Dunida laga aqoonsanayn, ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan is dhaafsiga xafiisyo iyo Wakiilo Siyaasadeed, waxaase tallaabadaas ka caraysiisay Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha. Taiwan waa Jasiirad yar oo ka tirsan Shiinaha, taasi oo goonni-goosad raadinaysa, balse aan Dunida meelna laga aqoonsanayn. Sidoo kale, Somaliland waa gobol ka tirsan Waqooyiga Soomaaliya oo isna ictiraaf doon ah. Halkaan ka akhriso Warbixin ay qortay Taiwan News PUNTLAND POST The post Joseph Wu: Somaliland waxay mudan yihiin aqoonsi Caalamiya appeared first on Puntland Post.
  6. Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu dib u bilaabay soo saarista khayraadka ku jira bariga badda Mediterranean, isaga oo ka jawaabaya heshiis ay gaareen Masar iyo Giriigga ay ku sheegteen in ay xaq u leeyihiin isla aagaas. “Waxaan billownay shaqadii macdan qodista mar kale” ayuu Erdogan u sheegay suxufiyiinta, kadib markii uu ka qayb galay salaadii Jimcaha ee Masjidka Hagia Sophia ee magaaladda Istanbuul. Waxaa uu hadalkiisa ku daray in markabka Barbaros Hayreddin Pasa oo Turkiga u qaabilsan indh-indheynta macdanta dhulka loo diray gobolka si uu shaqadiisa uga guto. Markabku waxaa uu kasoo tagay Khubruz dabayaaqadii bishii July waxaana uu hadda joogaa gobolka. Horaantii bishaan Masar ayaa sheegtay in sahanka Turkigu uu u qorsheeyay inuu ku sameeyo bariga badda Mediterranean-ka ay kusoo durugtay biyaha ay xukuumadda Qaahira sheegato in ay u leedahay xaq lama taabtaan ah. Heshiiska u dhexeeya Giriigga iyo Masar waxaa markii u horreysay waxaa ku dhawaaqay wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Sameh Shoukry, kadib markii Khamiistii uu shir-jaraa’id ku qabtay caasimadda Qaahira, waxaana xilligaas garabkiisa taagnaa dhigiisa Giriigga Nikos Dendias. Labada diblomaasi waxay difaaceen heshiiska ay gaareen, oo bariga Mediterranean-ka ku tilmaamaya, meel ay ku keydsanyihiin Saliid iyo gaas dabiici ah iyo in ay tahay aag dhaqaale oo iyaga gaar u ah, si waafaqsan sharciga caalamiga ah. Dowladda Turkiga ayaa diiday heshiiskaas, waxayna ku tilmaantay “sharci darro aan sax ahayn”. War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in aysan jirin xuduud badeed u dhaxeysa wadamadda Giriigga iyo Masar, taasi oo heshiiska labada wadan ka dhigeysa micno la’aan. “Shaki kuma jiro in Turkigu uusan marnaba ogolaan doonin in dhaq-dhaqaaq laga sameeyo aagaas, waxaana uu difaaci doonaa xaqa sharciga ah iyo danihiisa bariga Mediterranean-ka,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga. Masar iyo Giriiga ayaa muddo badan kasoo horjeeday dhaq-dhaqaaqa Turkigu uu ka sameynayo badda Mediterranean-ka. Sanadkii lasoo dhaafay Turkigu waxaa uu heshiis la sixiixday dowlada Liibiya, talaabadaas oo kordhisay muranka ka taagan gaaska ku keydsan Mediterranean-ka. Masar iyo Giriigga ayaa heshiiskaas cambaareeyay waxayna ku tilmaameen “sharci darro iyo xad-gudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah”. Turkiga iyo Giriigga oo kawada tirsan NATO ayaa ku murmay khayaraadka ku keydsan biyaha ay wadaagaan, taasi oo keentay in hoggaamiyaha Germany Angel Markel ay labada hoggaamiye la kulanto si ay xiisadda u qaboojiso.
  7. Maalqabeen u dhashay Hong Kong oo xabsi loo dhigay iskudhac dhexmaray isaga iyo Quwado ajaaniba Jimmy Lai Waxaa la aaminsan yahay in Mr Lai uu yahay qofka ugu heerka sareeya ee la xiray tan iyo markii Hong Kong lagu soo rogay sharciga cusub ee qaranka ee muranka badan dhaliyay. Mr Lai ayaa waxa uu taageeray dibadbaxyadii dimuqraadiyad doonka ahaa ee sannadkii hore hareeyay Hong Kong. Bishii Febraayo, 71 sano jirka mogul ayaa waxaa lagu soo eedeeyay shirar sharci darro ah iyo cabsi gelin inkastoo markii dabe damaanad lagu soo daayay. “Jimmy Lai ayaa loo xiray isku dhac dhex maray isaga iyo quwado ajaanib ah, sidaasi waxaa sheegay Simon, oo ah maamulaha shirkadda warbaahinta Lai ee Next Digital. Booliska Hong Kong ayaa sheegay in toddobo qof oo looga shakiyay iney jabiyeen sharciga amniga qaranka xabsiga loo taxaabay balse weli lama xaqiijin in todobadaasi qof uu ka mid yahay Mr Lai. Waa kuma Jimmy Lai? Jimmy Lai lacagta uu haysta waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1 bilyan oo doolar. Wargeyska uu aasaasay ee Apple Daily, ayaa si joogta ah u dhaliila Hong Kong iyo hogaanka Shiinaha. 30-kii bishii June markii la mel-mariyay sharciga amniga, ninkan ganacsatada ah ayaa waxa uu BBC-da u sheegay in sharciga uu horseedayo geerida Hong Kong. Waxa uu ka digay in Hong Kong ay noqon doonto goob musuq daashaday sida dhul weynaha Shiinaha, sababto ah waxa uu yiri: “Dadka ganacsatada halkan iyada oo aysan jirin sharci difaaco ma heli doonaan ammaan la isku haleyn karo.” Wareysi kale oo uu siiyay wakaaladda wararka ee AFP, waxa uu Mr Lai ku yiri:” Waxaan u diyaar garoobay xabsi. Haddii ay taasi dhacdana, waxaan heli doonaa fursad aan ku akhriyo buugaag aanu weligey akhrin.” Waa sidee xaaladda sharci ee Hong Kong? Ivan Lam, Joshua Wong iyo Agnes Chow oo u ololeeya arrimaha dimuqraadiyadda oo Isniinti maxkamad ku taallo Hong Kong la soo taagay Hong Kong waxaa 150 sana gacanta ku haysay dalka Britain, ilaa iyo 1997-kii. Dowladaha Shiinaha iyo Britain ayaa saxiixay heshiis looga magac daray, heshiiska wada jirka ee Sino-British, iyaga oo ku heshiiyey in Hong Kong ay noqoto mid leh madax bannaani aad u sarreysa marka laga reeba arrimaha dibadda iyo gaashaandhigga”, muddo 50 sana ah. Wuxuuna heshiiskaasi dhaqan galkiisu soconayaa ilaa iyo 2047. Iyada oo heshiiskaasi laga duulayo Hong Kong waxay hanatay nidaam sharci, xuduud iyo xuquuqo ay ka mid yihiin gole madax bannaan iyo xorriyadda hadalka uu yahay mid ilaashan. Balse xukuumadda Beijing waxay heshiiskaasi siinaysaa awoodda diidmada qayaxan iyo iney wax ka beddesho nidaamka siyaasadeed oo ay ka mid yihiin iney hoggaamiso doorashooyinka Hong Kong ka dhaca. Qaran News
  8. Baadarigii hore ee Vatikan-ka oo ku jira xaalad nolol iyo geeri u dhaxeysa Wararka ka imaanaya dalkaasi Talyaaniga ayaa waxaa ay sheegayaan in uu sakaraad yahay, uuna u dhaxeeyo nolol iyo geeri badarigii hore ee Vatikan-ka gaalada Benedikt XVI. Baadari Benedikt XVI oo jira da`da 93 sano ayaa wararku waxa ay sheegayaan in uu xanuun kala soo noqday booqasho uu ugu tagay walaalkiis ka weyn Georg Ratzinger oo ku noolaa dalkaasi Jarmalka bishii Juun ee sannadkan, kaas oo ku geeriyooday da`da 96-sano maalmo kadib markii uu booqday. Benedikt ayaa xilka baadarinimo iska casilay xanuun dartiis sannadkii 2013-ka, waxaana uu ku wareejiyay ninka kasoo jeeda dalkaasi Argentina ee lagu magacaabo Frans. Baadarigan xanuunsan ayaa waxaa uu daggan yahay xarunta Vatikanka-ka ee dalkaasi Talyaaniga. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii u horeysay saadaalisay muddada ay qaadan karto soo saarista shidaalka dalka ee badda, taasi oo ay ku sheegtay lix ilaa toddoba sanno. Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka ahna madaxa fulinta, Ibraahim Cali Xuseen ayaa sheegay in qorshe ay u dajiyeen soo saarista shidaalka dalka uu wareegiisi koowaad uu bilowday 4-tii bishan August. Ibraahim oo u waramay The Africa Report ayaa si cad u sheegay in Soomaaliya ay faa’iido dhan Afartan dollar ay ka heli doonto Foostadii, isagoona hoosta ka xariiqay in wareega koowaad ee furmay uu soo af-meermi doono bisha March ee sanadka 2021-ka. “Maalmaha soo aadan waxaan soo saari doona shuruudaha heshiiska, kaasi oo noqon doona mid soo jiita dhanka canshuurta iyo shirkadaha boqortooyooyinka” ayuu yiri Guddoomiye Ibraahim Xuseen. Ibraahim ayaa rumeysan in shidaalka oo xiligan la soo saaro uu wax badan ka badalayo dhaqaale xumada dalka, inkasta oo uu banaanka keenay walaac uu ka qabo in heshiis loo dhan yahay laga gaaro kheyraadka dalka. “Covid-19 ma ahan wax abid sii jiraya, shirkadaha shidaalka waxaan filayaa in ay miisaaniyada ku darsan doonan soo saarista shidaalka Soomaaliya, uu sidaasina noogu fuli doono qorshaheenu” ayuu yiri. Dowladda federaalka ayaa dhawaan meel marisay Hay’dda Batroolka, si dar-dar cusub loo geliyo xaraashka shidaalka Soomaaliya, xili uu dalku marayo marxalada kala guur ah, isla markaana uu ka jiro jahwareer siyaasadeed.
  10. Xukuumadda ku jirto xilli gaarsiiska, gaar ahaan wasiirkeeda waxbrashada, wuxuu shalay madax banneeyay gobolka Banaadir maamulka waxbarashada bulshadiisa. Xafladda lagu kala wareejinayay maamulka waxbarashada gobolka Banaadir oo uu goobjoog ka ahaa ku-simaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Guuleed, ayaa loo xiray aagga hoolka ay xafladdu ka socotay, si loo xaqiijiyo ammaankeeda. Gobolka Banaadir oo ah gobolka ugu canshuur soo saarka badan Soomaaliya, waxey canshuurtiisa gaartaa, oo bil walba qoondadooda ka qaato dhammaan maamul goboleedyada Dalka, waana gobolka ugu amniga xun Soomaaliya. Amni xumada gobolkan waxaa loo tiirriyaa in ay salka ku heyso in aysan jirin cid masuuliyad gaar ah iska saarto, lagulana xisaabtamo waxa ka socdo, dowladdii timaadana ay dhagaxaan iyo carro u miisto, kana fekerto kaliya sugidda amniga xeen-daabkeeda. Sannad kasta waxaa iskuullada iyo Jaamacadaha gobolkaan ka baxo ardayda ugu badan Soomaaliya, waxey ku tagaan goobahooda waxbarasho lug, sababo la xiriirro jidadka oo looga xirto masuul baxaayo ama imaanaayo dartiis, mararka qaarna waxaa qarax ku qabsadaa waddooyinka ayagoo saarran gaadiidka dadweynaha. Waxaa lacagta waxbarashada ka bixiyo waalidkood oo ku shaqeeyo xaalad ay adagtahay in habeenada qaar ay nabad kusoo laabtaan, wasarad kama dhiibi jirin, maamulka gobolka Banaadir oo hadda masuuliyadda la wareegayna kama dhiibi doono. Wuxuu qarashka ugu badan uga baxaa waxbarasho iyo caafimaad, mana heystaan amni ay isku halleyn ugu shaqeeystaan xilli kasta, waxaana u dheer canshuur joogta ah. Aragtideyda; gobolka Banaadir wuxuu u baahanyahay in la hoos keeno amnigiisa, la helo cid lagula xisaabtamo waxa ka dhacaayo, loo sameeyo ciidan u gaar ah, la siiyo mushaar joogta ah oo ku filan nolosha qoysaskooda. Waxaan aaminsanahay in bulshada ku dhaqan gobolkaan ay ku farxi lahaayeen in ay maanta indhahooda qabtaan Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle oo Cumar Filish ku wareejinaayo amniga gobolka Banaadir, beddelka Goodax Barre. Amnigu waa laf-dhabarta nolosha bini’aadamka, wuxuu sahlaa isu-socodka, wax soo saarka, caafimaadka, waxbarashada iyo qaarkale oo badan kuwaas oo dhammaantood udub-dhexaad u ah horumarka. Waxaan rajeynayaa in ra’iisul wasaare Mahdi uu ka shaqeeyo inta uu joogo in wasiir isloow Ducaalle iyo wasiir Fowsiyo Abiikar ay ku daydaan wasiir Goodax Barre, si bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir u yeeshaan cid ay kala xisaabtamaan amnigooda iyo badqabka caafimaadkooda. Qoraalkan waxaan ku cabbirayay kaliya aragtideyda ku aaddan midka u muhiimsan bulshada gobolka Banaadir amniga iyo waxbarashada, waana macquul in aad iga aragti duwantahay, waana kuu tixgelinayaa. Nuune Ali Hassan – Waxaad kala xiriiri kartaa www.facebook.com/habeysane141 AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  11. Garoonka caalamiga diyaaradaha Boosaaso Garoowe (PP) — Tan iyo intuu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni wareysi uu siiyay Laanta Af Soomaaliga Codka Maraykanka (VOA) uu ku muujiyay inuu mabda’ ahaan taageersan yahay in maamulista Gegida Diyaaradaha Boosaaso lagu wareejiyo shirkad shisheeye ah waxaa sii kordhayay wadaagista xogo aan sugnayn oo tibaaxaya in shirkad Imaaradka Carabta laga leeyahay ay maamuli doonto Gegida Diyaaradaha Boosaaso. Madaxweyne Deni iyo madax ka tirsan shirkad Imaaraad ah. Sep. 2019 Sawirka Madaxweyne Deni uu Boosaaso kula jiray madax ka socota shirkad Imaaraadka laga leeyahay ayaa sii badiyay shakiga in si la mid ah sidii Dekedda Boosaaso loo wareejiyay loo wareejin doono Gegida Diyaaradaha Boosaaso. Puntland maamul ahaan fulintu way ka awood-badan tahay sharci-dejinta (baarlamaanka). Waa sababta dastuurka Puntland meeshuu ka taagan yahay heshiisyada ku saabsan kaabayaasha lala galo shirkado shisheeye in la caddeeyo lagama-maarmaan u tahay. Puntland waxay weli la daalaadhacaysaa heshiiskii maamulkii Cabdiweli Maxamed Cali ku wareejiyay Dekedda Boosaaso. DP World, oo hadda noqotay hay’ad dowladi leedahay, may fulinin heshiiskii ay ku billaabi lahayd wajigii hore ee mashruuca ballaarinta Dekedda Boosaaso. Deni wuxuu sanadkii hore taageeradiisa wareejinta Dekedda Boosaaso ku saleeyay maqnaanshaha maalgeliyayaal diyaar u ah maamulista Gegida Diyaaradaha Boosaaso. Khudbad uu jeediyay sanadkii hore ayuu Madaxweyne Deni ku xusay shirkad lala galay heshiis maamuli doonta Gegida Diyaaradaha Boosaaso. Magaca shirkadda goorta shirkaddu billaabi doonto ballaarinta Gegida Diyaaradaha Boosaaso lama sheegin. Waxaa cad in labada maamul u kala dambeeyay Puntland wadaagaan ku aaminidda shirkado shisheeye kaabayaasha qaranka ka baaraandegis la’aan. Sanadkii 2015kii ayaa si rasmi ah loo furay Gegida Diyaaradaha Boosaaso ballarin kaddib. © Puntland Post, 2020 The post Yaa Maamula Gegida Diyaaradaha Boosaaso? appeared first on Puntland Post.
  12. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland, ayaa sida qorshaysan Maanta oo Isniin ah shaacinaysa Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland. Wasaaradda ayaa Bahda Waxbarashada heer Gobol iyo heer Degmo ku wargelisay, in Maanta oo Isniin ah, Saacaddu markay tahay 11:00AM, ay si rasmiya u shaacin doonto Natiijada Imtixaanka Fasalka 4-aad ee Dugsiyada sare. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa ku boorriyay dhammaan Ardayda in ay si deggan ula socdaan Natiijada Imtixaankooda “Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardaydu, oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda” ayaa lagu yiri Qoraalka. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Maanta shaacinaysa Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah appeared first on Puntland Post.
  13. UNFPA, the United Nations Population Fund, scales up its support to Lebanon Cairo – 9 August 2020 – In response to the horrific explosion that devastated parts of the Lebanese capital, Beirut, on 4 August 2020, the United Nations Population Fund, Arab States Regional Director, Dr. Luay Shabaneh, and all staff express solidarity with the people of Lebanon and all who were impacted by this disaster. Latest reports indicate at least 160 fatalities and around 6,000 wounded, with 21 still missing. This figure is likely to rise as rescuers continue to search the port and surrounding areas for survivors. Preliminary data shows that the explosion impacted an estimated 13 primary health care facilities and between 6 to 10 hospitals. More comprehensive information will be available as the on-going assessments are completed. UNFPA is scaling up its efforts to meet the emerging needs of nearly 84,000 women of reproductive age, 48,000 adolescents among the 300,000 who have been displaced due to the catastrophe. An estimated 3,478 women who are currently pregnant will be in need of ante-natal and delivery care services. UNFPA’s life-saving response will focus on the most immediate needs of the most vulnerable women and girls among the directly and indirectly affected. As an estimated 300,000 have lost their homes, and as health care facilities have been completely or partially destroyed, we will need to ensure the continuity of life-saving reproductive health care services including maternal health care. An estimated 84,000 women of reproductive age (15 – 49 years) among those displaced will need support to meet their menstrual hygiene needs and overall sanitation and hygiene needs. As people are displaced and economically suffering, gender based violence and sexual exploitation and abuse pose a serious risk. And with the active Covid-19 pandemic all service providers need to be protected with adequate personal protective equipment (PPE) along with those seeking services. UNFPA is mobilizing all available financial, logistics and human resources to respond to expected repercussions, especially in the areas of sexual and reproductive health (SRH) and Emergency Obstetric and Neonatal Care, by providing medical supplies and equipment. In addition, UNFPA is scaling up support to partners to address gender-based violence (GBV) and sexual exploitation and abuse, given the increased risks and vulnerabilities during humanitarian crises, and as a result of the ongoing Covid19 pandemic. UNFPA is also contributing to the joint rapid assessments of hospitals and primary health care facilities to determine the extent of the damage to sexual and reproductive health and maternity departments. Efforts are currently focused on procuring medical equipment and supplies for maternity departments and affected health facilities, in addition to supporting the related provision of 25% of procurement requirements for the next six months as identified by the World Health Organization (WHO). To ensure continuity of services, UNFPA will recruit and deploy additional surge personnel including midwives to health facilities at the request of the Ministry of Public Health. Furthermore, the agency is scaling up SRH service provision through existing and new implementing partners and will avail more health personnel and ensure wider services beyond the immediate sexual and reproductive health needs. This crisis is further compounded by the existing threat of the COVID-19 pandemic. UNFPA warns of a worsening epidemiological situation due to the mass exodus of people to small crowded areas. UNFPA plans to purchase 25% of PPE needs for all affected health facilities and to procure Inter-Agency Reproductive Health (IARH) kits to support lifesaving reproductive health services. Given the traumatic nature of the incident and its repercussions, mental health, psychological first aid and psychosocial interventions will be addressed. In this regard, UNFPA will engage a team of psychologists to work with IPs in the hope of ensuring that mental health is adequately mainstreamed in the service package. Even before the explosion, UNFPA and its implementing partners had registered a notable increase in intimate partner violence. The massive economic implications of such large-scale devastation may further exacerbate the risks of gender-based violence. UNFPA, as co-lead of the inter-agency GBV coordination group, will support a rapid assessment to determine immediate vulnerabilities and needs. Moreover, UNFPA will procure dignity kits targeting the most vulnerable women and girls among the displaced populatio Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo inta uusan soo magacaabin Ra’iisul wasaare cusub waxa uu qaadayaa tallaabooyin dhowr ah, oo la rumeysan yahay inay hortaagan yihiin magacaabista. Xil ka xayuubintii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre kadib xukuumadda xil-gaarsiintu waxay qaaday dhowr tallaabo oo sharci darro lagu tilmaamay, kuwaas oo madaxweynaha uu doonayo in la meel-mariyo inta aanu ra’iisul wasaare cusub iman, waxaana ka mid ah. 1 – Dhismaha guddiga adeegga garsoorka oo lagu biiriyey shan xubnood oo banaanka ka imaanaya, taas oo ka dhigan in madaxweyne Farmaajo uu qaaday tallaabo uu ku dhisayo maxkamad dastuuri ah oo xal ka gaari karta hadii khilaaf ka dhasha doorashada soo socota. 2 –Xukuumadda xil-gaarsiintu waxay ansixisay xubnaha maamulaya hey’adda Batroolka Soomaaliya, taasina waxay meesha ka saareysaa awoodii xukuumadda lasoo magacaabi doono ay u yeelan laheyd in dowlad goboleedyada ay gor-gortan kala gasho hanaanka qeybsiga kheyraadka dalka. Qodobka 3–aad waa in baarlamaanku uu isku diyaarinayo in maalmaha soo socoda uu go’aan ka gaaro labada nooc doorasho ee guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinku uu soo bandhigay kan la qaadanayo, go’aanka baarlamaanku hadii uu ka soo hor maro magacaabista Ra’iisul wasaarahana waxay meesha ka saareysaa in xukuumadda cusub ay aragti ku yeelato doorashooyinka dalka. Prof. Xasan Sheekh Cali waxa uu qabaa in dib u dhigista soo magacaabidda ra’iisul wasaare cusub ee Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqo ay salka ku heyso ka gun-gaaridda dhaqan galka qodobadan, isaga oo ka digtoon inay isku qabtaan shakhsiga uu soo magacaabi doono. Prof. Xasan Sheekh waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uusan ra’iisul wasaare raadineyn ee isagu uu is raadinayo. “Madaxweyne Farmaajo culeyska ugu badan waxa uu kala kulmayaa ra’iisul wasaaraha uu raadinaayo ma jiree, isaga ayaa is raadinaaya, arintaasna waa ku adkaa doontaa, sababtoo ah seddax sano iyo barkii lasoo dhaafay Kheyre ma aheyn ninkii fashilmaye, isaga ayaa fashilmay” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh xilli uu la hadlayey TV-ga Dalsan. Prof. Xasan Sheekh Cali oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Laba ayey mid noqoneysaa, 1- in Farmaajo uu isagu isi-soo helo, oo markii uu isasoo helo uu waxba qaban waayo, ileen ma qaban karee, 2- iyo in uu soo helo ra’iisul wasaare karti leh oo qaban kara howlaha hor yaalla, taasna waa meesha uu ka casi qabo oo waxuu ku dambeyn doonaa in 7-daqiiqo lagu buriyo.” Ugu dambeyntii Prof. Xasan Sheekh waxa uu qabaa in madaxweyne Farmaajo ay heysato laba daran mid dooro oo hadii isagu is keeno iskuma filna, hadii ra’iisul wasaare karti leh uu keenana uu isagu burin doono. Sababtana waxa uu u tiiriyey in seddax sano iyo barkii lasoo dhaafay guulihii dadka Soomaaliyeed loo sheegayey ay ahaayeen kuwo been ah.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii tegay waxaa magaalada Muqdisho ku sugnaa Hanad Cabdullaahi Axmed Caddow oo ah aqoonyahan uu dhalay Cabdullahi Axmed Caddow, oo ah safiirkii hore ee Soomaaliya ee Mareykanka iyo musharax madaxweyne oo hore. Imaanshaha Hanad ee Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxayey warar badankood la xiriira in loogu yeeray in loo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya. Hase yeeshee xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in imaanshaha Hanad ee Muqdisho aysan la xiriirn xilka ra’iisul wasaaraha balse ay tahay in loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Faransiiska. Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu Hanad xilkan u magacaabay muddo ka hor, balse laga war sugayey dowladda Faransiiska inay soo aqbasho, ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin magacaabista, taasi oo hadda lagu guuleystay. Hanad ayaa la sheegay in sababta uu Muqdisho u yimid ay tahay inuu qaato baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya, lana kulmo madaxweynaha ka hor inta uusan u safrin magaalada Paris. Hanad ayaa ah aqoonyahan muddo ku dhow 20 sano lasoo shaqeynayey QM, islamarkaana khirbad wanaagsan leh, balse ay adag tahay in xilligan loo dhiibo xilka ra’iisul wasaaraha, ayada oo sababtana lagu sheegay inuu dalka Soomaaliya ka tegay isaga oo 7 jir ah, sidaas darteedna ay ku adkaan karto inuu maareeyo marxaladdan kala guurka ah ee buuqa badan. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu warramay inuu ixtiraam iyo abaal weyn u hayo Cabdullaahi Axmed Caddow, oo xilligii uu Farmaajo imanayey Mareykanka kusoo dhoweeyey Washington kalan shaqeeyey safaaradda, aadna u gacan siiyey, markaasi oo Caddow uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Mareykanka
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey iyo xubnaha kale ee beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa shalay walaac xoogan ka muujiyay isku-day ay sheegeen in Mursal uu baarlamaanka Soomaaliya ku horgeynayo hindise sharciyeed “qaladaad badan leh” oo ku saabsan dambiyada galmada. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaki badan ka muujiyay sax ahaanshaha hindise sharciyeedkaas, oo baarlamanka uu shalay diiday inuu ka doodo, kaasi oo ay ku sheegen inuu ka hor imanayo heshiisyada caalamiga ah. Caasimada Online oo heshay nuqul kamid ah Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada ee shalay oo la geeyay golaha si ay u mariyaan akhrintiisi koowaad, ayaa qodobo kamid ah looga hadlayey guurka caruurta. Qaramada Midoobay iyo Beesha caalamka ayaa ka walaacsan meel-marinta qodobka 26-aad ee sharcigaasi oo ogolaanaya Guurka Da’yarta (Caruur), inkasta oo uu reebayo in isla markiiba lala aqal gali karo, ilaa qofka yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada, taasi oo looga feejignaanayo dhibaato caafimaad, sida lagu sheegay. Isla qodobkaasi ayaa sidoo kale sheegaya ‘in marnaba la ogoleyn in loo galmoodo qof aan awood u laheyn, qofkii u galmoodana uu muteysan karo ciqaab ka waajibtay arrintaasi uu ku kacay’. Qodobka ayaa u dhigan sida: Qodobka 26aad: Guurka Da’yarta (Caruur). Heshiiska guurka qofka yar shareecada Islaamka waa ku banaan tahay, laakin madhabka shaacifigu, wuxuu qabaa in wakhtiga aqal galka la sugo ilaa qofka yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada, iyadoo laga feejignaanayo dhibaatada caafimaad oo ku dhici karta, saa derteed lama ogola in loo galmoodo qof aan awood u lahayn galmada, qofkii u galmoodana, wuxuu muteysanayaa ciqaabta Dhaawac ama Fal xumo oo shareeco ahaan “Tacsiir iwm ah”. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku doodaya in hindise-sharciyeedkaasi uu ku jiro qaladaad badan oo sixid u baahan, maadama uu si toos ah u ogolaanayo qodobka 26-aad guurka caruurta oo ay sheegtay inuu ka hor imanayo heshiisyada caalamiga ah. Walaaca Qaramada Midoobay ayaa yimid xili ay shalay diideen Xildhibaanada Golaha Shacabku ansixinta Ajendaha kulankaasi oo lagu sheegay inuu ahaa Mashruuc sharci oo ah akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira galmada.
  17. The US Government via the Kenyan Embassy advised its citizens to reconsider travelling to Kenya due to a surge in Covid-19 cases. Source: Hiiraan Online
  18. The Federation of Somali Trade Unions (FESTU) has today extended solidarity to striking workers of Mogadishu’s Aden Adde International Airport after their employer, FAVORI LLC Airport Management and Ground Handling Company, has flagrantly violated their basic labour rights Source: Hiiraan Online
  19. Washington DC (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa xukuumadda Washington kala kulantay canaan naadir ah, kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ay ammaan u jeedisay madaxii hore ee sirdoonka boqortooyadda Saad al-Jabri oo hardan siyaasadeed kula jira dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan. Jabari ayaa Maxamed bin Salmaan ka dacweeyay maxkamad ku taalla Maraykanka, isagoo ku eedeeyay in uu qorsheeyay in uu shirqool ku dilo xilli uu joogay Canada. Dacwadda waxaa sidoo kale ku jira xarig loo geystay ilmo uu dhalay Jabari oo lagu kala magacaabo Cumar iyo Sarah – kuwaas oo la sheegay in loo xiray si isaga loogu qasbo in uu wadanka kusoo laabto. “Saad Al-Jabri waxaa uu ahaa saaxiib u dhow Maraykanka ee dhanka argaggixiso la dirirka,” ayuu afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda u sheegay Middle East Eye. “Saraakiil badan oo dowladda Maraykanka horay usoo maray iyo kuwo hadda ka shaqeeya ayaa yaaqana, isla markana xushmeeya Saad.” Ayuu hadalkiisa ku daray. Hadalkaani waxaa uu soo nooleeyay warqad uu kaaliya xoghaya ee Wasaaradda Ryan Kaldahl u diray Senator Patrick Leahy, taasi oo Jabri amaaneysay, isla markaana muujineysay walaac ka dhan ah xad-gudub ay boqortooyadu u geysatay qoyska taliyihii hore ee sirdoonka. “Dacwad ku oogis walba ee ka dhan ah qoyska Dr. Al-jabri waa mid aan la aqbali karin” ayuu qoray Kaldahl. “Wasaaraddu waxay Dowladda Sacuudiga ka dalbatay in ay cadeeyso xariga caruurta Jabri, waxayna ku boorin doontaa in deg-deg loo sii daayo” ayuu sidoo kale qoray Kaldahl. ‘Habeenkii waa qoyskeyga’ Jabri waxaa lasoo shaqeeyay dhaxal sugihii hore ee Sacuudiga Maxamed bin Nayef, kaasi oo lagu bedelay Maxamed bin Salmaan sanadkii 2017-kii, waqti yar kadib markii Trump uu booqasho ku tagay bortooyadda. Madaxii sirdoonka waxaa uu wadanka ka baxsaday inta uusan si buuxda awooda ula wareegin bin Salmaan, cabsi uu qabay in uu ka aarsado darteed. Dacwadiisa waxaa uu ku sheegay in laba todobaad kadib markii Saraakiil ka tirsan Dowladda Sacuudiga ay dileen Jamal Khashoggi 2018-kii, uu Maxamed bin Salmaan u soo diray koox sirdoonka ka tirsan oo lagu magacaabo “Tiger Squad” si ay u dilaan madaxii hore ee sirdoonka. “Tiger Squad ayaa la geeyay Canada waxaana ka mid ah shaqaale ku takhasusay baarista aqoonsiga si ay u tir-tiraan goobta dambiga, kuwaas oo watay laba boorso oo qalabta baarista aqoonsiga ah” ayuu dacwadiisa ku sheegay taliyihii hore ee sirdoonka. “Kooxda dilka waxaa ka hortagay saraakiil ka tirsan ciidanka amniga xududaha dalka Canada, kuwaas oo ka shakiyay sida ay u dhaqmayeen markii joogeen bar koontorool oo garoonka ku taalla.” Wareysi uu siiyay CNN ayaa wiil uu dhalay Jabri oo lagu magacaabo Khaalid kuna nool Canada waxaa uu ku sheegay in qoysku ay dacwad ka gudbiyeen Dowladda Sacuudiga. “Sanadihii lasoo dhaafay waxaan ka daalnay waddo walba ee dublamaasiyadeed ee suurtagal ah” ayuu yiri Khaalid Jabri. “Ugu dambeyntii waxaan geynay maxkamad federaal ah oo Maraykanka ku taalla. Waxaan rajeyneynaa in dacwadaan ay naga caawin doonto silica nahaysta, isla markaana lasoo deyn doono Cumar iyo Sahrah, si ay noogu soo biiraan, aabahayna ay ilaalin doonto, soona gaban-gabeyn doonto qarowga qoyskeyga.” Ayuu hadalkiisa ku daray Khaalid Jabri oo ah wiil uu dhalay madaxii hore ee sirdoonka Sacuudiga.
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Milletariga dowladda federaalka Itoobiya ayaa markale ka hadlay xiisada kala dhaxeysa dowladda Masar ee salka ku haysa muranka biyo-xireenka ee dowladooda ka sameysatay webiga Nile-ka. General Berhanu Jula, Taliye ku-xigeenka guud ee ciidammada Milletariga ee Itoobiya, oo sidoo kalena ah Madaxa howl-gelinta ciidammada Itoobiya ayaa si adag u sheegay in Masar ay wado daan-daansi aysan mahdin doonin. Jula ayaa ku doodaya in dowladda Itoobiya ay mulkiyada webiga leedahay, maadama uu maro dalkeeda, taasi oo dab kusii qabaneysa xiisada kala dhaxeysa Masar, oo iyadu kasoo horjeeda dhaq-dhaqaaqa ay ka waddo webigaasi. “Webiga Nile-ka, mulki ahaan cidda iska leh waa Annaga (Itoobiya) inuu dal kale iska soo boodo oo uu lahaanshiyihiisa sheegto dhicimayso, Lahaanshiyaha Itoobiya ee webiga way caddahay” ayuu yiri Generaal Berhanu oo u waramayay warbaahinta gudaha. Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Masaaridu ay ku guul-dareysatay isku dayo badan oo ay ku rabto inay ku hakiso wajiga koowaad ee biyo-xireenka Itoobiya, isagoona carabaabay dar-darta cusub ee xiriirka Masar la sameysatay Somaliland. “Masaaridu si kasta oo ay dagaal isugu dayaan ka macaashi maayaan. Imaanshiyaha Masaarida ee Mandaqadda, gaar ahaan Somaliland waa isku daygii ugu dambeeyay ee lagu hakinayey wejiga koowaad ee buuxinta Biyo-xidheenka, taasna way ku fashilmeen, maadama Somaliland mowqifkeeda ay caddaysay”. Hadalka Jeneraalkan ayaa imanaya xili dhawaan lagu kala kacay wada-hadallo u socday Itoobiya iyo Masar oo ay qeyb ka aheyd Sudan, kadib markii la isku fahmi waayay arrinta biyo-xireenka ee webiga Niilka buluug ah oo sii xoogeysaneysa.
  21. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ka hadlay dagaal maanta ka dhacay Gaalkacyo oo ku geeriyooday Taliyihii Madaxtooyada iyo sarkaal kale. Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire, Taliyaha, Wasiirka Amniga Cabdisamad Galan Abdisamad Mohamed Gallan, Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdi Yare iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Sanyare ayaa dhammaantood ka hadlay dhacdadii Gaalkacyo, waxayna sheegeen in dowladda ay ka go’antahay soo afjarida wax kasta oo lid ku ah amniga gobolka. Mas’uuliyiintan oo hadalo ka jeediyay aas loo sameeyay labadii sarkaal ee la dilay ayaa sidoo kale shacabka gobolka iyo odayaasha dhaqanka uga mahadceliyay, sida ay dowladda ugula shaqeynayaan amniga. Hoos ka daawo hadalada mas’uuliyiinta PUNTLAND POST The post Puntland: Mas’uuliyiin ka hadlay dagaalkii Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  22. Taipei, Aug. 9 (CNA) Foreign Minister Joseph Wu (吳釗燮) on Sunday welcomed Somaliland’s first representative who arrived in the country Friday in preparation for the upcoming opening of the self-claimed African state’s representative office in Taiwan. In a tweet, Wu welcomed the arrival of Mohamed Omar Hagi Mohamoud, saying he has “braved Chinese pressure” to take up the post in Taiwan. “The fact ‘sovereignty & friendship aren’t for sale’ deserves international recognition,” Wu tweeted. Wu was referring to a Somaliland media report earlier this month that Somaliland President Muse Bihi Abdi rejected an offer by the Chinese government in exchange for ending exchanges with Taiwan. On July 1, Taiwan and the self-claimed East African state announced that they would open representative offices within each other’s borders. Mohamoud, a political scientist, researcher and analyst, was later announced as Somaliland’s first representative to Taiwan. Meanwhile, Taiwan’s foreign ministry appointed Lou Chen-hwa (羅震華), a counselor at the nation’s representative office in Saudi Arabia, as its representative to Somaliland. According to the ministry, the Taiwan Representative Office in Somaliland and Somaliland Representative Office in Taiwan will open later this month or next month. In his Sunday tweet, Wu also thanked the U.S. National Security Council (NSC) for commending Taiwan-Somaliland ties. An NSC tweet on July 10 praised Taiwan for “stepping up its engagement in East Africa,” adding that Taiwan is a great partner in health, education, technical assistance, among other areas. Meanwhile, in a tweet posted late Saturday, representative Mohamoud announced his arrival a day earlier while stressing that Somaliland is ready to enhance relations with Taiwan. “#Somaliland-#Taiwan relations will always remain intact. We are ready to establish good relations with all countries — those we share values of democracy are special,” he tweeted. Somaliland declared independence from Somalia after the overthrow of Somali military dictator Siad Barre in 1991. Although not recognized as a country by any other nation, Somaliland has established more than 20 representative offices around the world, while several countries and international organizations, including the United Nations, maintain offices in its capital Hargeisa. (By Chen Yun-yu and Joseph Yeh) Enditem/AW Qaran News
  23. Sida maanta la shaaciyey xukuumadda federaalka ah ayaa waxbarashada maamulkeeda ku wareejisay gobolka Banaadir. Ku wareejinta maamulka Gobalka maamulka waxbarashada ayaa ka dambeeyay is-afgarad dhex maray wassaaradda waxbarashada oo horay u maamuleysay iyo maamulka gobalka. Ujeedada is-fahamka uu maamulka Gobalku kula wareegay waxbashada caasimadda ayaa ah in waxbarashada loo daadejiyo heer gobol, iyadoo laga duulayo nidaamka federaalaynta dalka iyo in Gobolka qaato masuuliyadda waxbarashada caasimadda. Gobolka ayaa maanta laga bilaabo mas’uul ka noqon doona qorshaha, tayeynta, maamulka iyo kormeerka waxbarashada iskuullada gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo sii hayaha Wasiirka waxbarashada dalka, ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay bulshada gobalka Banaadir iyo guud ahaan hagaajinta waxbarashada ay u leedahay in maamulka gobalku uu la wareego mas’uuliyadda waxbarashada Gobalka. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane; Mahi Maxamed Guuleed oo guul weyn ku tilmaamay daadejinta maamulka waxbarashada, ayaa maamulka gobalka kula dardaarmay in sida ugu haboon ay uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda maanta lagu wareejiyay. Heshiiskaan is-fahamka ah ayaa ku dhisan sharciyad, sida ku cad Dastuurka dawladda federaalka qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah Guddoomiyaha gobolka Banadir ugu wareejisay mas’uuliyadda maamulka waxbarashada caasimadda, oo ay hore gacanta ugu haysay wasaaradda waxbarashada dalku. Tallaabadan ayaa imaneysa kadib markii uu dhawaan is-afgarad uu dhexmary guddoomiyaha gobolka banaadir iyo wasaarada waxbarashada oo iyadu markii hore gacanta ku haysay maamulkeeda. Is-afgaradka uu maamulka gobalku kula wareegay waxbarashada caasimadda ayaa ah mid waxbarashada loogu daadejinayo heer gobol, iyada oo laga duulayo nidaamka federaaleynta sida ku cad Dastuurka dawladda federaalka qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Sii hayaha Wasiirka waxbarashada dalka ee iyo Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo hadal ka jeediyay munaasibada wareejinta ayaa si wada-jir ah u sheegay in tallaabada maanta ay muhiimad gaara u leedahay bulshada gobolka, taasi oo qeyb ka ah tayeynta waxbarashada. Waxayna mas’uuliyiintaasi hoosta ka xariiqeen in dowladda Farmaajo ay dadaal xooggan ku bixisay tayeynta heerka waxbarasho ee dalka, iyo weliba daadejinta hanaanka loo maamulo waxbarashada. Sidoo kale, sii-hayaha ra’iisul wasaaraha dalka, Mahdi Guuleed oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa dar-daaran dheer u jeediyay maamulka gobolka banaadir oo maanta si rasmi ah loogu wareejiyay waxbarashadii gobolka, isagoona ku tilmaamay guul weyn oo dhanka daadejinta maamulka waxbarashada. Maamulka gobolka Banaadir ayaa hadda kadib awood buuxdaa u yeelanaya sida maamulada kale ee dalka, inuu gacanta ku hayo maamulka waxbarashada caasimada oo markii hore ay gacanta ku haysa wasaarada waxbarashada dalku.