Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xukuumadda Soomaaliya oo dadaal xooggan ugu jirta tayenta heerka waxbarasho ee dalka iyo daadejinta hannaanka loo maamulo waxbarashada, ayaa maamulka gobalka ku wareejisay mas’uuliyadda maamulka waxbarashada caasimadda. Ku wareejinta maamulka gobalka maamulka waxbarashada ayaa ka dambeeyay is-afgarad dhex maray wassaaradda waxbarashada oo horay u maamuleysay iyo maamulka gobalka. Ujeedada is-fahamka uu maamulka gobalku kula wareegay waxbashada caasimadda ayaa ah in waxbarashada loo daadejiyo heer gobol, iyadoo laga duulayo nidaamka federaalaynta dalka iyo in gobolka qaato masuuliyadda waxbarashada caasimadda. Guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo sii hayaha Wasiirka waxbarashada dalka, ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay bulshada gobalka Banaadir iyo guud ahaan hagaajinta waxbarashada ay u leedahay in maamulka gobalku uu la wareego mas’uuliyadda waxbarashada gobalka. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo guul weyn ku tilmaamay daadejinta maamulka waxbarashada, ayaa maamulka gobalka kula dardaarmay in sida ugu haboon ay uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda maanta lagu wareejiyay. Heshiiskaan is-fahamka ah ayaa ku dhisan sharciyad, sida ku cad Dastuurka dawladda federaalka qodobada 51-aad iyo 52-aad oo tilmaamaya iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Halkan Ka Daawo Hadal Jeediintii Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Mahdi Guuleed Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Washington (Caasimada Online) – Ruushka, Shiinaha iyo Iran ayaa dhammaantood faro-gelinaya doorashada madaxweynaha Mareykanka, ayaga oo rajeynaya inay cod bixiyayaasha Mareykanka ka dhaadhiciyaan in musharaxa ay door bidayaan ay geeyaan Aqalka Cad, sida uu ka digay sarkaalka ugu sarreeya ka hortagga sirdoonka ee Washington. Agaasimaha Xarunta ka hortagga Sirdoonka iyo Amniga Qaranka William Evanina ayaa yiri in sirdoonka Mareykanka ay tilmaamayaan in saddexdan dal ay rabaan inay kala qeybiyaan Mareykanka, islamarkaana “waxyeeleeyaan kalsoonida dadka Mareykanka ay ku qabaan hanaankeena dimoqraadiyadeed.” Hase yeeshee waxa uu sheegay in Ruushka, Shiinaha iyo Iran ay ku kala qeybsan yihiin midka ay doonayaan inuu ku guuleysto doorashada madaxweynaha ee November: Madaxweyne Donald Trump ama musharaxa la loolamaya ee dimoqraadiga Joe Biden. “Waxaan qiimeyneynaa in Ruushka ay adeegsanayaan tallaabooyin dhowr ah oo ay ku sumcad tirayaan Joe Biden, iyo waxa ay u arkaan kuwa ka dhanka ah Ruushka,” ayuu Evanina ku yiri bayaan uu soo saaray. “Qaar ka mid ah jilayaasha Kremlin-ka ayaa sidoo kale isku dayaya inay baraha bulshada iyo taleefishinada Ruushka ku taageeraan musharaxnimada madaxweyne Trump,” ayuu intaas ku daray Evanina. Waxa uu sheegay in Shiinaha iyo Iran ay u muuqdaan ayagana inay raadinayaan inay caawiyaan Joe Biden. Isaga oo hadlayey saacado kadib, ayaa madaxweynaha wuxuu muran ka keenay qeybo ka mid ah qiimeynta bulshada sirdoonka. “Qofka ugu dambeeya ee Ruushka ay doonayaan inay xafiiska ku arkaan waa Donald Trump, sababtoo ah ma jirto cid weligeed ugu adkeyd sida aan ugu adkaa Ruushka,” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha isaga oo shir jaraa’id ku qabtay Naadiga Golf-ka ee Trump oo ku taalla magaalada Bedminster ee gobolka New Jersey. VOA
  3. Qaar ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay dibad-bax weyn,iyagoo cabasho ah mushaar la’aan iyo arrimo kale. Dibad-baxayaasha oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in cabasho ka yihiin mid ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya garoonka diyaaradaha caasimada Muqdisho waxayna shirkaas ku sheegeyn in laga lee yahay Wadanka Turkiga. Halkan Ka Daawo Cabashada Qaar Ka Mid Ah Shaqaalaha Garoonka Muqdisho Goobjoog Source: goobjoog.com
  4. Gaalkacyo Waxaa godt dhaweeyd lagu aaday Alla ha u naxariistee Gaadhaanle Sare Cismaan Cumar Oo ahaa Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxda Puntland iyo Axmed Yusuf Cabdi [...] The post Sawiro — Gaalkacyo, Saraakiishii oo la aasay iyo Maamulka Gobolka oo hadlay appeared first on . Source
  5. Prominent Somali artists said Sunday they have released UN-backed new song to raise awareness about the dangers of COVID-19 in Somalia, which remains a threat across the country. Source: Hiiraan Online
  6. Muraayadihii Mahatma Gandhi oo miiska xaraashka saaran+Cadadka Lacagta lagu iibinaayo Muraayadihii ama ookiyaalihii uu xidhan jiray halgamaagii reer Inida ee Mahatma Gandhi, midkood ayaa todobaadka dambe horaantiisa lagu xaraashi doonaa saylad xaraash oo ku taal magaalada Bristol. Mid ka mid ah shaqaalaha East Bristol Auctions oo ah xarun agabka qadiimka ah lagu xaraasho ayaa muraayaddaa Isniintii ka helay baqshad ay ku jirtay. Adrew Stowe oo ka tirsan shirkaddaa xaraashka agabka qadiimka ah ayaa sheegay in muraayadda la filayo in qiimaheedu gaadhayo £15,000 waxaanu intaa ku daray in ay tahay wixii ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhd shirkaddaas. Wuxuu sheegay in qofkii lahaa muraayaddaa ” wadnuhu is taagi gaadhay” markii loo sheegay qiimaha muraayadda. ”Qof ayaa noogu soo diray boosta Jimcihii, oo waxay iskaga jirtay ilaa Isniintii. Mid ka mid ah shaqaalahayaga ayaa bashqadda ii dhiibay oo igu yidhi waxa laa socda qoraal sheegaya in ay tahay muraayaddii Gandhi”, ayuu yidhi Stowe. ” Dabeedna hawl maalmeedkaygii baan iska sii watay, intaan idhi waaba arin xiiso leh waxani”. Hase yeeshee markii uu baadhay, ayaa Stowe waxa uu sheegay inuu ”kursiga ka dhici gaadhay” markuu arkay muraayaddan goobaabada ahi in ay tahay tii uu xidhan jiray halgamaagii xuquuqda dadka reer India. ”Waxaan telefoon u diray qofkii noo soo diray, waxaanan u malaynayaa markaan u sheegay in isagana wadnuhu istaagi gaadhay”, ayuu yidhi. Stowe wuxu sheegay in qofkii muraayaddan lahaa uu u sheegay inuu qoyskiisu muddo dheer jiil ba jiil u soo gudbinayey oo qof ka mid ah awowyaashii kula kulmay Gandhi qudhiisa dalka Koonfur Afrika sanadihii 1920 yadii. ”Waxaanu dib u hubinay taariikhda la sheegay, wixii la noo sheegay oo dhamina sax ayay noqdeen ilaa xataa taariikhda markii ugu horraysay ee Gandhi bilaabay inuu xidho ookiyaaleyaasha noocan ah” ayuu dyidhi. ”Waxa suurto gal ah in muraayadii ugu horraysay ee loo qoray ay tahay maadaama oo cabirka digriigu yahay mid aan aad u badnayn. Waxaana lagu yaqaanay inuu wixiisa hadyad ahaan dadka u siin jiray” ayuu yidhi. Stowe waxa kale oo uu sheegay in muraayaddani xiiso gaara dadka ku abuurtay, gaar ahaan dadka reer India, laakiin arinta nasiib wanaagga ahi waxa weeyi in ay isaga u soo gacan gashay. ”Bushqadda waraaqaha lagu rido ayay iskaga jirtay” ayuu yidhi. ”Waxa suurto gal ah in la xadi lahaa amaba si ismoodsiis ah xashiishka loogu dari lahaa. Run ahaantii muraayaddani waa wixii ugu qiimaha badnaa ee shirkaddu weligeed gacanta ku dhigto” ayuu intaa ku daray. Muraayaddan waxa lagu xaraashi doonaa internet-ka bishan Ogost 21 keeda. Qaran News
  7. Turkey condemned terror attacks Saturday in Burkina Faso and Somalia. Source: Hiiraan Online
  8. Foreign Minister Joseph Wu (吳釗燮) on Sunday welcomed Somaliland's first representative who arrived in the country Friday in preparation for the upcoming opening of the self-claimed African state's representative office in Taiwan. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay ineysan qarin khasaaraha ciidanka kasoo gaara weerarada argagixiso hadiiba aysan wax ka qaban karin dayaca ay wajahayaan. Hogaamiyaha wuxuu qoraal aan badneyn kusoo qoray bartiisa twitter-ka isagoo ku bilaabay cambaareyn la xiriirta weerarka shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Saldhig ku yaalla meel u dhaw garoonka ciyaaraha (Stadium Muqdisho) ayuu weerarka ka dhacay, waxeyna goobtaas aheyd saldhigga qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka leeyahiin. Sida wararka la helay ay sheegayaan 8-askari ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka tira kalana ay dhaawacyo kasoo gaareen. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo tacsi u diray ehelada dadka ku geeriyooday ayaa sidoo kale dowladda baaq u diray. Qoraalka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakur: Waxaan canbaareynayaa weerarkii ay maanta kooxda aragagexisada Al-shabaab la beegsadeen saldhigga Qaybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin agagaarka Muqdisho Istaadyoom. Waxaan alle uga baryayaa in uu naxariistiisa siiyo ciidankii cadawgu laayeeen, una booga dhayo inta dhaawaca ah. Maalmahaan dayaca ciidanka wuu waynyahay, tabashaduna way badantahay, tuhunkana wuu isi soo tarayaa. Waa in dowladdu xil iska saarto ciidanka. Haddii aan wax la taraynin, ma aha in la qariyo khasaaraha ay argagexisadu u gaysanayso ciidanka.
  10. Dal Muslina oo ballan-qaaday dibu -dhiska Dekedda Beirut Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa hadal uu jeediyey ka dib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun waxa uu sheegay in wadankiisu uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto dib u dhiska dekadda Beirut. Dekadda Mersin ee Turkiga, ee ku taal badda Mediterranean ayuu sidoo kale sheegay in ay diyaar u tahay in ay Lubnaan ka caawiso adeegyada kastam-ka iyo keydinta shixnadaha waaweyn illaa Dekadda Beirut dib loo dhiso. “Waxaan u sheegnay in badeecadaha looga soo daabuli karo Mersin ilaa Lubnaan maraakiib yar yar iyo qaabab kale oo gaadiid ah,” ayuu yiri. Oktay waxa kale oo uu hadalkiisa ku xusay in diyaarada ambalaasyada ah ee Turkigu ay dadka dhaawacyada ah u qaadi karaan Turkiga si halkaasi loogu soo daweeyo. Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa u diray Lubnaan koox caafimaad, saanad iyo sidoo kale koox howlaha baadi goobka iyo badbaadinta gacan ka geysata. Dhanka kale, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit ayaa Sabtida maanta ah sheegay in uu doonayo in uu abaabulo dadaallada wadamada Carabta ee taageero la siiyo dalka Lubnaan ka dib qarixii musiibada ahaa ee todobaadkan ka dhacay magaalada Beirut oo burburiyey qaybo ka mid ah caasimadda. Isaga oo lahadlayay suxufiyiinta kadib kulan uu la qaatay Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun ayuu Aboul Gheit sidoo kale sheegay in Jaamacadda Carabta oo fadhigeedu yahay magaalada Qaahira, kulmisana dalalka Carabta ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato baaritaanka sababta dhalisay qaraxan. “Waxaan diyaar u nahay in aan kaalmayno wixii awoodeenna ah,” ayuu yiri, isagoo intaa raaciyay in uu ka qeybgali doono shirar caalamiga ah oo uu ku baaqay Faransiiska oo maalinta Axadda ee berri looga hadlayo gargaar loo fidiyo dalka Lubnaan. Qaraxa waxaa ku dhintay in ka badan 150 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 5,000 oo kale, halka ilaa 250,000 qofna uu dhigay guryo la’aan. Qaraxyada ayaa ka dhacay bakhaar ku yaal dekedda oo ay ku keydsanaayeen 2,750 ton oo ah maaddada ammonium nitrate ee loo adeegsado bacriminta iyo walxaha qarxa. Musiibada ayaa dhacday waqti ay Lubnaan la halgameyso dhibaato baahsan oo dhaqaalo xumo ah. Dowladaha Khaliijka Carabta ee hodanka ku ah saliidda, kuwaasi oo muddo dheer gacan siin jiray si ay u kabaan dhaqaalaha liita ee Lubnaan ayaa muddooyinkii danbe ka gaabsaday in ay bixiyaan kaalmada maaliyadeed, iyagoo ka cabsi qaba saameynta sii kordheysa ee kooxda Xisbullah, oo ah koox awood badan oo taageera ka hesha dalka Iran. Qaran News
  11. Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa war qoraal ah kaga hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee saldhig ku lahaa muqdisho. Qoraalkaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa tacsi loogu diray dhamaan ehelada dadka ku dhintay weerarka iyagoo caafimaad u rajeeyay dadkii falkaas ku dhaawacmay. Sida la sheegay 8 askari ayaa ku geeriyootay weerarkii dhacay halka tiro ka badan ay dhaawacyo kasoo gaareen. “Waxaa nasoo gaaray akhbaar naxdin leh oo ah in sideed qof lagu waayay, tira kalana ay dhaawacyo kasoo gaareen kadib weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu weeraray saldhigga guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.” Sidoo kale warka qoraalka ah waxaa lagu cambaareeyay weerarka ay geysteen Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida. Taliska ciidanka xoogga dalka ayaan wali warbixin rasmi ah kasoo saarin weerarkii halkaas ka dhacay, waxaana sii kordhaya beegsiga ay Al-Shabaab beegsanayaan xeryaha ciidanka dowladda.
  12. GAROWE (HOL) - Puntland presidential guard commander Col. Osman Mohamed has been killed in a clash with local militias in Galkaayo. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Safiir ku xigeenka Dowadda Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Tabio Massimo kaasi oo ay ka wada hadleen wax ka qabashada arrimaha fatahaada Beledweyne, waxaana Dowladda Talyaaniga ay ogolaatay Mashruucii in dhowaanba la sugayay ee ka hortagga Fatahaada oo ay ku baxeyso lix Milyan oo dollar(6,000,000$). Halkan Ka Daawo Warbixin Kulankii Waare Iyo Safiir Ku-Xigeenka Taliyaaniga Sidoo Kale Aqriso Kulankii Madaxweyne Waare Iyo Safiir Ku-Xigeenka Taliyaaniga Madaxweynaha Hirshabeelle Oo La Kulmay Ku-Xigeenka Safiirka Talyaaniga Ee Soomaaliya “SAWIRRO” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu tiiraanyada la qeyb-sanayaa geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G. Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi la wadaagayaa dhammaan ciidamada qalabka sida ee Puntland, si gaar ah ciidanka Daraawiishta, gaar ahaan ciidanka Madaxtooyada, eheladii qaraabadii qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuumku. Taliyihii ciidanka madaxtooyada Alle Naxariistii Janno haka waraabiyee ayaa ku geeriyoodey hawlgal ay ciidanka madaxtooyadu saaka ka fuliyeen gudaha magaalada Gaalkacayo oo ay kusoo qabteen mukhaadaraad iyo shufti nabadiid ah oo ka ganacsanayey. Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay Alle ha u naxariistee Marxuum G.Sare Cismaan Cumar Maxamed in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, sarkaal daacad ah oo ku wanaagsan hogaaminta ciidanka, waxa uu Alle u weydiiyey inuu naxariistii Janno ka Waraabiyo, dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka reer Puntland, ciidamada Qalabka sida, kuwa Madaxtooyada, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay. Sidoo kale waxa uu Alle uga baryey Madaxweynuhu intii ku dhaawacantay inuu u booga dhayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. (SLT-Washington)-Ruushka, Shiinaha iyo Iran ayaa dhammaantood faro-gelinaya doorashada madaxweynaha Mareykanka, ayaga oo rajeynaya inay cod bixiyayaasha Mareykanka ka dhaadhiciyaan in musharaxa ay door bidayaan ay geeyaan Aqalka Cad, sida uu ka digay sarkaalka ugu sarreeya ka hortagga sirdoonka ee Washington. Agaasimaha Xarunta ka hortagga Sirdoonka iyo Amniga Qaranka William Evanina ayaa yidhi in sirdoonka Mareykanka ay tilmaamayaan in saddexdan dal ay rabaan inay kala qeybiyaan Mareykanka, islamarkaana “waxyeeleeyaan kalsoonida dadka Mareykanka ay ku qabaan hanaankeena dimoqraadiyadeed.” Hase yeeshee waxa uu sheegay in Ruushka, Shiinaha iyo Iran ay ku kala qeybsan yihiin midka ay doonayaan inuu ku guuleysto doorashada madaxweynaha ee November: Madaxweyne Donald Trump ama musharaxa la loolamaya ee dimoqraadiga Joe Biden. “Waxaan qiimeyneynaa in Ruushka ay adeegsanayaan tallaabooyin dhowr ah oo ay ku sumcad tirayaan Joe Biden, iyo waxa ay u arkaan kuwa ka dhanka ah Ruushka,” ayuu Evanina ku yidhi bayaan uu soo saaray. “Qaar ka mid ah jilayaasha Kremlin-ka ayaa sidoo kale isku dayaya inay baraha bulshada iyo taleefishinada Ruushka ku taageeraan musharaxnimada madaxweyne Trump,” ayuu intaas ku daray Evanina. Waxa uu sheegay in Shiinaha iyo Iran ay u muuqdaan ayagana inay raadinayaan inay caawiyaan Joe Biden. Isaga oo hadlayey saacado kadib, ayaa madaxweynaha wuxuu muran ka keenay qeybo ka mid ah qiimeynta bulshada sirdoonka. “Qofka ugu dambeeya ee Ruushka ay doonayaan inay xafiiska ku arkaan waa Donald Trump, sababtoo ah ma jirto cid weligeed ugu adkeyd sida aan ugu adkaa Ruushka,” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha isaga oo shir jaraa’id ku qabtay Naadiga Golf-ka ee Trump oo ku taalla magaalada Bedminster ee gobolka New Jersey. Source
  16. (SLT-Jiangsu)-Sida laga soo xigtay wargayska ay dawladdu taageerto ee Global Times, 37 qof oo ku nool Gobolka Jiangsu ayaa laga helay cudurka Strombocytopenia Syndrome’ (SFTS) SFTS waa cudur ay sababaan bunyafayruus. Kanaalka wararka CNA ayaa sheegay in 23 qof uu ku dhacay cudurka gobolka Anhui. Shan ka mid ah bukaannadan ayaa dhintay, halka laba kale oo dheeraad ah oo laga helay fayraska laga diiwaan geliyey Gobolka Zhejiang. CNA ayaa sheegtay in haweeney da’deedu tahay 60-jir oo ku sugan Gobolka Jiangsu laga helay fayraska kadib markii ay la kulantay xumad, qufac iyo daal. Feyruskan cusub ee loo yaqaan ‘Biyavirus’ ayaa markii ugu horreysay oo la helay waxay ahayd 2009, iyadoo laga diiwaan galiyay gobollada Henan iyo Anhui. Heerarka dhimashada ayaa u dhexeeya 1 iyo 5 boqolkiiba, iyadoo dadka da’da ah ay u badan tahay inay dhintaan. “Astaamaha hore waa daal iyo xumad, mararka qaar. Source
  17. (SLT-Addis Ababa)-Tilahun Yami, oo ah tuhmanaha koowaad ee dilkii fanaankii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa ayaa qirtay inuu yahay dambiile, tan iyo markii la qabtay horaantii bishii hore isaga iyo afar kale oo tuhmanayaal ah. Tilahun Yam ayaa maxkamada ka hor sheegay in dadkii u adeegsaday dilka Hachalu ay ugu hanjabeen inay dilayaan xubnaha qoyskayga haddii uu bixiyo macluumaad ku saabsan dilka fanaanka iyo cidda usoo dhiibtay amarka. Tilahun, ayaa lagu eedeeyay in uu toogtay Hachalu illaa 30 Juun, 2020, meel u dhow goobta loo yaqaan ‘Gelan Condominium’ ee Addis Ababa. Dhimashada fanaanka ayaa sababtay weerarro qowmiyadeed iyo mid diimeed oo sababay dhimashada ugu yaraan 200 qof boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen. Tilahun wuxuu maxkamadda ka codsaday in ay siiso dhammaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah badbaadada xubnaha qoyskiisa. Intii lagu gudajiray dhageysiga maxkamada hore, eedeysanuhu wuxuu maxkamada ka codsaday inay u ogolaato inuu is dilo. Source
  18. Colonel Osman Omar Mohamed Galka’yo (PP News Desk) — The Commander of Puntland Presidency Guards Osman Omar Mohamed died of wounds sustained during a clash between Puntland Security forces and militias over former Army Workshop Barracks. The administration of the former Puntland President Abdiweli Mohamed Ali sold the barracks to a local businessman. Puntland Government has issued a statement and described the clash as an operation against “drug traffickers”. Reports from Galka’yo indicate that the militias object to the decision to sell public assets to a businessman. Exchange of heavy gunfire is being heard throughout Galka’yo. Puntland President Said A. Deni is his last leg of a visit to Mudug. How the slain commander was targeted is not clear. Unsubstantiated reports point to an attempt on the part of the Commander to negotiate a peaceful solution to the dispute over the ‘questionable’ sale of public assets to local businessman when the fight unexpectedly erupted and cost his life along with several soldiers. © Puntland Post, 2020 The post COMMANDER OF PUNTLAND PRESIDENCY GUARDS KILLED IN GALKA’YO appeared first on Puntland Post.
  19. A debt service relief package has been approved by some of the world’s biggest lenders for more than 25 African countries. The arrangement includes the World Bank, the International Monetary Fund, the G20, the African Development Bank, and all Paris Club creditors. The goal was to free up more than $20 billion that governments could use to buttress their health services. Some have called for outright debt cancellation to lessen the debt burden on African countries as they emerge from the crisis of the Covid-19 pandemic. Most African states will have high public debt as they use all available lines of credit to secure resources to fight the pandemic. A cartoonist’s view: Africa is shackled by debt, poverty, hunger and corruption. But private creditors that hold commercial debt have not been willing to participate in debt relief. They have criticized the G20’s call for freezing all debt repayments. Countries have also been priced out of the Eurobond market by high interest rates. Bond yields have spiked to over double the cost for most countries intending to issue Eurobonds. Of the 25 countries eligible for the debt relief, only four have requested assistance—Cameroon, Côte d’Ivoire, Ethiopia and Senegal. The majority have either refused to apply, or have not yet requested a debt moratorium. The reasons for this are understandable. Poor countries know that the debt markets are not largely favorable to them. And they acknowledge the risk of being punished by existing creditors, prospective investors and rating agencies if they seek a debt moratorium. Risk of rating downgrade A number of countries haven’t openly rejected the offer to participate in the debt moratorium. For its part Kenya has openly indicated its lack of interest. Here are the reasons why most African countries are opting against participating in the multilateral debt suspension. First, there is an implication that countries that are requesting debt suspension have borrowed irresponsibly. They will be viewed as high-risk and irresponsible borrowers in the future. Second, countries will be in breach of the terms of Eurobond contracts that they currently hold. The Eurobond prospectuses and contract terms prohibit countries from seeking a suspension of debt payments under multilateral initiatives. Eurobond default clauses indicate that non-payment of external debt, including seeking a moratorium, would be considered as defaulting. This would automatically trigger an immediate demand for countries to pay the entire value of outstanding Eurobonds. Third, governments fear that the debt moratorium would lead to credit rating downgrades because of the Eurobond terms of defaulting. Moody’s placed Cameroon, Côte d’Ivoire and Senegal under rating review for downgrade and have downgraded Ethiopia precisely because of their participation in the G20 Debt Service Suspension Initiative. A rating downgrade would erode the benefits accrued from the debt relief as countries would have to pay more interest on the same volume of debt. The United Nations has criticized rating agencies for worsening debt sustainability in poor countries. The debt relief was expected to free up about $20 billion in total, about the same amount that is due in interest and principal repayment within six months to private creditors. It will further hinder countries’ ability to finance budget deficits in the medium term through access to global capital markets. Given that the pandemic will increase public spending when tax collection and revenue generation are being forgone, budget deficits will swell. Access to global capital will be key in financing the post Covid-19 economic recovery of African countries. Lastly, there are concerns that the terms of the multilateral debt relief and loan packages will restrict future policy direction. The debt moratorium is being granted on condition that the funds are spent only on critical public services. Other conditions include adhering to existing policies, reporting requirements, multilateral oversight and transparency. Countries under the debt relief program are not allowed to incur debt from any other creditors during this time and they should use savings only to address shocks from the pandemic. The World Bank has devised customized fiscal policyresponses that support weathering the crisis in the short term and economic recovery in the medium term for countries receiving the relief. The IMF loans and the G20’s debt suspension funds will not be used to pay high interest to private lenders. These conditions constrain both a country’s fiscal space and policy flexibility. Solutions The main purpose of maintaining a good credit rating is to access international funds at relatively low interest rates. For African countries, the Eurobond issuance is a more attractive option than the traditional multilateral borrowing, whose conditionalities are usually restrictive. In all current Eurobond contracts, countries are deemed to have defaulted if they cease to be members of the IMF or if they are no longer eligible to use resources of the Bretton Woods institution. When terms of Eurobond contracts become equally restrictive and bond yields more expensive, it defeats the purpose of diversifying from multilateral loans. This is what African countries should do. First, countries that have the capacity to forgo debt relief should do so to avoid losing investor confidence in the future. The net benefit of a low borrowing cost will accrue in the long term. Private creditors should not be pressured to accept the blanket debt relief agreement for commercial debt that was incurred through market conditions and fundamentals. Current Eurobond covenants should be honored to maintain the credibility and integrity of African sovereign borrowers. Second, countries that are facing challenges to fund their repayments should approach negotiations with their commercial creditors with caution. Specifically, they should ensure that they safeguard their sovereign credit ratings and avoid defaulting. Lastly, this episode should provide lessons for African governments to bargain for competitive interest rates and accept only favorable bids during Eurobond issuing. The oversubscription of African Eurobonds is not an absolute sign of attractiveness. It also reflects the overpricing of issued instruments. Governments should take control of the bond issuance process to structure bonds with favorable terms. This process should not be entirely entrusted to syndicates of investment bankers who have a profit motive and get huge bonuses for over-subscriptions. This will lessen the policy restrictive terms and high interest burden in the future. Misheck Mutize, Post Doctoral Researcher, Graduate School of Business (GSB), University of Cape Town Source: Quartz Africa The post Why African countries are reluctant to take up Covid-19 debt relief appeared first on Puntland Post.
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqoonsaneyn Somaliland, islamarkaana ay taageereyso midninada Soomaaliya, hadalkaasi oo lama filaan ku noqday xukuumadda Hargeysa. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Itoobiya, Ambassador Dina Mufti ayaa meesha ka saaray in dalkiisa uu aqoonsan yahay Somaliland oo tan 1991-kii raadineyso madax banaani gooni ah & ictiraaf, si ay uga go’do Soomaaliya inteeda kale. “Arrinta ku saabsan Somaliland, waxay qeyb ka tahay midowga Soomaliya, lamana aqoonsana, warka ah Itoobiya iyo dalalka ayaan aqoonsan, ma aha wax run ah.” ayuu yiri Dina Mufti. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey in Itoobiya ay markasto ixtiraameyso midnimada iyo qaranimada Soomaaliya, islamarkaana ay la macaamileyso xukuumadda Muqdisho. “Innaga oo ka ambaqaadeynta ixtiraamka midnimada iyo qarannimada dal waxaa la dhaqannaa Soomaali mid ah, waxaan ku taageernaa in dib loosoo celiyo xisiloonida halkaas.” ayuu sii raaciyey afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya. Somaliland oo xuduud la leh Itoobiya ayaa muddo dheere xiriir dhow la laheyd Itoobiya, balse wuxuu xiriirkaas xumaaday, markii ay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ay qeyb ka noqotay loolanka u dhexeeya wadamada Itoobiya iyo Masar ee ku aadan webiga Nile. Si kastaba ha’ahaatee hadalka ka soo yeeray xukuumadda Addis Ababa ayaa ku soo aadaya, xilli uu dhowaan soo shaac-baxday qorshe ay wado xukuumadda Qaahira oo rabta inay saldhig milatari ay ka dhisato magaalada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya.