Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo safar shaqo u joga dalka Turkiga ayaa sheegay in Shirka Dhuusamareeb uu dhici doono xilligii lagu balamay, oo ku began 15 bishan Agoosto . Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo qudbad ka jeedyay kullan eek u soo dhaweyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Istanbul ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara shirka Dhuusamareeb 3, lana tixgeliyo reer Galmudug. “Waxaa balansan oo madlan gogoshii Dhuusamareeb 3 oo ay tahay in go’aamo wax ku ool ah oo waqtiga hadda lagu jiro, iyo arrimaha Soomaaliya horyaala looga tashado oo lagu gaari lahaa ayaa noo taala 15 bisha agosto, waxaa ku kalsoonnahay sidii madaxdii soomaaliyeed caasimadda galmudug loogu soo dhoweeyay in shirka soo socda loogu soo dhoweyn doono”ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor. Sidoo kale waxaa uu uu ku baaqay in dhammaan Madaxda uu la xiriiray, ayna rajeynayaan in la tixgeliyo oo la dhowro, si la isugu yimaado gogosha soo socda ee Dhuusamareeb 3 ee lagu balansanyahay 15 bishan Agoosto. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa ka hadlay warar laga faafiyey oo sheegayey inuu is-casilay, kadib war qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga. Sheekh Cismaan Barre ayaa xaqiijiyey in wararkaasi ay yihiin kuwa been abuur ah, islamarkaana aysan waxba ka jirin. “Waxaan halkaan ka xaqiijinayaa in warka baraha bulshada lagu daabacay ee shegaya is casilaada uu yahay war been abuur ah” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu u digayo dadka qaar ee faafinayo wararka aan jirin, si loogu Jahwareeriyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa HirShabelle. Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa muddo ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana hakad ku jira howlihii baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle. Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli uu jiro mad-madow siyaasadeed oo u dhexeeyey guddoonka baarlamaanka maamulka HirShabelle iyo madaxda sare ee maamulkaasi, kuwaas oo marar badan isku qabto arrimo kala duwan.
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiyada Joogtada ee Golahaasi ayaa kulan mid xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyey Maxamed Mursan Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana looga hadlay arrimo dhowr ah, gaar ahaan ajandayaasha muhiimka ah ee horyaalla xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya. Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiyada Joogtada ayaa si gaar ah diirada u saaray sidii maalmaha soo socda loosoo gaba-gabeyn lahaa shuruucda hortaalla Aqalka Hoose. Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday diyaarinta nidaamka geedi socodka, dardar gelinta Dastuurka KMG ah ee dalka iyo jiheynta dalka oo ku jiro marxalad kala guur ah. Xoghayaha Golaha Shacabka Cabdikariim Xaaji Buux oo u warramay warbaahinta ayaa ka warbixiyey kulankaasi, wuxuuna sheegay in la’isku afgarto in la dadajiyo dhameystirka shuruucda hortaalla Aqalka Hoose. “Guddoonka iyo Guddiyada Golaha Shacabka waxa ay isla garteen in la dadajiyo dhameystirka shuruucda hortaalla Aqalka hoose, sida loo kala hormarin lahaa, maalmaha loo kala xulayo, diyaarinta ajendayaasha iyo dhammaan waxyaabaha ku xeeran qodobada horyaalla guud ahaan gaar ahaan kordhinta howsha Baarlamaanka si aan hakad ugu imaan shaqada.” ayuu yiri Xoghayaha Golaha Shacabka C/karooim Buux., Golaha Shacabka oo ku gudaha kaldhigisii 7-aad oo ah midkiisii ugu dambeeyey ayaa waxaa horyaallo ajandayaal muhiim ah oo ay ugu horreyso doorashada 20/21.
  4. Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa haatan horyaalla sharci ogolaanayo in la guursado caruurta da’da yar. Sharcigan oo buuq dhaliyey ayaa la soo badalay kii ay golaha wasiirrada ansixiyeen, halka markii hore sharcigan ay ugu qorneyd da’da qaangaarta iney tahay 18, culimadana Soomaaliyeedna ay ku doonayeen 15 ayaa labadiiba laga saaray, iyada oo lagu koobay in caruurta la guursan karo. Qodobka 26aad ee sharciga waxaa uu u qoran yahay sidan: Heshiiska guurka qofka yar shareecada islaamka waa ku bannaan tahay, waxaase ay qabtaa in wakhtiga aqal galka lala sugo, ilaa inta qofka yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada, iyada oo laga feejignaanayo dhibaatada caafimaad oo ku dhici karta, saadarteed lama oga in loo galmoodo qof aan awood u laheyn galmada, qofkii u galmooda, wuxuu muteysanayaa ciqaabta dhaawac ama fal xumo oo shareeco ahaan “Tacsiir ah”. Qodobkan waxaa ka horyimid haweenka ku jira golaha shacabka, hey’adaha u dooda xuquuqda caruurta iyo beesha caalamka ee deeqaha siisa dowladda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Dawladda Itoobiya ayaa u muuqata inay qaaday shaki weyn oo dhinaca Somaliland ah, waxaanay muddo toddobaadyo gudahood ah masuuliyiin kala duwan oo Itoobiyaan ahi ay ka hadleen dareenka ay ka qabaan wefti dawladda Masar ka socday oo dhawaan socdaal ku yimid caasimadda Hargeysa ee Somaliland. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dini Mufti ayaa laba toddobaad gudahood wuxuu ka hadlay dareenka saska ah ee ay dawladda Itoobiya ka qabto warar aan la xaqiijin oo sheegaya in dawladda Masar Somaliland ka dalbatay saldhig milatari. 28 July wuxuu Afhayeenku dareenka dalkiisa ee arrintan uga waramay warbaahinta dalka Kenya, waxaanu digniin u diray dawladda Masar. Toddobaadkan, isagoo Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya la hadlaya warbaahinta gudaha Itoobiya, wuxuu mar kale ku celiyay shakiga ay Itoobiya ka qabto in Masar ay doonayso inay saldhig milatari ka samaysato Somaliland, waxaanu sheegay inaanay Itoobiya doonayn in xidhiidhka Masar ay la yeelanayso Somaliland aanu noqon mid duulimaad ku ah dalka Itoobiya, waxa kale oo uu sheegay inuu farriin adag u dirayo Somaliland, Koonfurta Sudan iyo dhinacyo kaleba. Isla toddobaadkan, Taliye ku-xigeenka guud ee Ciidammada Milletariga ee Dalka Itoobiya, ahna Madaxa Hawl-gelinta Ciidammada Itoobiya General Berhanu Jula ayaa isaguna ka hadlay qorshahan uu sheegay inay Masar ku hawlantahay ee ay ku doonayso inay saldhig milatari kaga samaysato Somaliland. Itoobiya ayaa bishii hore ee Julay waxay wefti culus u soo dirtay Hargeysa, kuwaas oo la aaminsanyahay inay sideen farriin uu Madaxweyne Biixi ugu soo dhiibay Raysalwasaare Abiye Axmed oo la xidhiidha socdaalka weftigii Masar iyo qorshaha aan la xaqiijin ee saldhig milatari. Hadaladan ay baahinayaan masuuliyiinta kala duwan ee Itoobiya oo la xidhiidha Masar iyo Somaliland, ayaanay xukuumadda Madaxweyne Biixi wax jawaab ah ka bixinin ilaa hadda. Laakiin Itoobiya ayaa u muuqata inay shaki weyn ka qaaday dhaqdhaqaaqa Masar ee Somaliland. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu arrimahan wax ka weydiiyo ayaanay noo suurtogelin. Si kastaba ha ahaate, haddii uu sii xoogaysto shakiga Itoobiya, Somaliland-na ay sidaas u aamusnaato waxa suurtogal ah inuu dhaawac soo gaadho xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Shirkadda DP WORLD ee maamusha Dekedda Berbera ee Somaliland ayaa ka hadashay halka ay marayso Dhismaha 400M oo lagu kordhinayo Dekedda Magaalada Berbera. Qoraal kooban oo Shirkadda DP World ku baahisay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay inay dhamaystirtay isla-markaana Kabbisaad ku samaysay 400 Mitir ee lagu kordhinayo Dekeddii hore ee Magaalada Berbera. “Waxaanu dhamaystirnay 400M oo Kabisaad ah oo kordhin cusub lagu sameeyay Dekedda Berbera ee Somaliland…” ayay qoraalkeeda ku sheegtay DP World. Shirkadda DP World oo Dekedda ku Maalgelinaysa Adduun Lacageed oo ka badan 400 Million oo dollar ayaa sheegtay in ballaadhinta lagu samaynayo Dekeddu ay mustaqbalka suurto-gelinayso in Dekedda Berbera ay Sanad kasta soo maraan 500.000 kun oo Koontiinar, maaddaama oo la ballaadhiyey. Sidoo kale, Shirkaddu waxay sheegtay in ballaadhinta lagu sameeyay dakaddu kor u qaadi doonto adeegsiga dekadda. “Waxayna sii xoojin doontaa Berbera oo ah xarun ganacsi oo weyn oo ka shaqeysa Geeska Afrika..” ayay sheegtay Shirkadda DP World. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay ka doodday Xaaladda adeegyada Caafimaad ee dalka, Dhibaatada Dhakhaatiirta aan Xirfaddoodu wanaagsanayn ku hayaan Dadweynaha iyo siday muhiimka u tahay in Dawladdu ay arrimahaa hoos u eegto. Qodobka Caafimaadka oo ka mid ah Qodobbada Ajandaha kal-fadhigooda ayaa Mudaneyaasha Dooddiisa ka qayb-qaatay, waxay dhammaantood isku raaceen in Xaaladda Caafimaad ee Somaliland aanay wanaagsanayn, sidaasi darteed loo baahan yahay in hoos loo eego oo wax laga qabto. Xildhibaan Dirir oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida ee doodda ka qayb-qaatay ayaa yidhi “Dadka daawaynaya Dadku waa in la hubiyaa oo Hay’adda la yidhaahdo Mihnadleyaasha Caafimaadku hubisaa Dadkan aqoontooda. Waxaan aqaanaa Dadka ka soo baxay Jaamacadda Xamar, dabadeedna Yurub tagay iyo Maraykan oo laga yaabo inay 20 sanadood ama in ka badan inuu Taksi dirawal ka ahaa, wuu soo noqonayaa, meel buu xaadh-xaadhanayaa, waa Dhakhtar ka yimid Maraykan oo Macaanka daweeya, Cunaha daweeya, dhegaha daweeya, Caloosha daweeya, waana la soo xayeysiinayaa, Mihnadda Caafimaadkuna waa Gacan ku hayn..” Xildhibaan Dayib Xasan ayaa isaguna sheegay inay Caafimaadka Dadweynaha ay khatar gelin karaan Daawooyinka faraha badan ee ay u qoraan Dhakhaatiirta aan Xirfadooddu wanaagsanayn ee dalka shaqeeya “Dhakhtarka Somaliland jooga waad u tagaysaa, wuxuu kuu miisayaa bac daawooyin ah. Sidaanu xog ku hayno ama aanu maqalnay ama aanu aragnay Dad tagay Itoobiyadaa innagu dhow oo muddo bil ah laga maydhayey dawadii ay cunayeen, markii dambana saddex midh la soo siiyey, qaarkoodna aan waxba la soo siinin. Waxaas oo dhami waa shaqadii Dawladda inay ogaato waxa halkaa ka jira.”ayuu yidhi. Source
  8. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa toogasho xalay lagu dilay mas’uul ka tirsanaa maamulka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Weerarka toogashada ah oo ay fuliyeen rag hubeysan ayaa waxaa lagu khaarijiyey marxuum Jeyle Gaarane Cabdulle oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii xaafadda Xaawo Taako ee magaalada Beledweyne. Wararka ayaa sheegaya in markii hore uu dhawaac soo gaaray, balse uu ku geeriyoday isbitaalka. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa inay baxsadeen raggii fuliyey dilkaasi. Waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano dheeraad ah ka sameeyey halkaasi. Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo maamulka oo ku aadan dhacdadaasi. Ammaanka Beledweyne ayaa muddooyinkii la soo dhaafay faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayey falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan.
  9. As a busy mother bringing up four children between the ages of 10 and 20, Deka Mohamud Dirie would seemingly not have too much time to engage in environmental activism. Some people even told her that a woman would be incapable of doing both. Source: Hiiraan Online
  10. BRITAIN’S first female Muslim referee has set her sights on officiating in the Premier League. Source: Hiiraan Online
  11. (ERGO) – Mohamed Abdi Ibrahim, a 37-year-old father of five, has been evicted from three different homes in Baidoa in the past few months for failing to make rent payments on time. Source: Hiiraan Online
  12. Ilhan Omar, a progressive United States representative from Minnesota who in 2018 became the first Somali-American and one of the first of two Muslim women to serve in Congress, is readying for what is expected to be a competitive primary challenge. Source: Hiiraan Online
  13. Miraa farmers and sellers are staring at a bleak future in the key Somalia market if the Kenyan government does not move with speed to resolve a trade impasse with its neighbour. Source: Hiiraan Online
  14. (SLT-Washington)-Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in qof lagu toogtay goob u dhow Aqallka Mareykanka, kaddib markii uu ka baxay shir jaraa’id. Mr Trump ayaa weriyeyaasha u sheegay “iney u muuqato in haatan xaaladda la xakameeyay”. Trump ayaa shirka jaraa’id lagala cararay markii ay arrinta dhacday balse wax yar kaddib ayaa dib u soo muuqday kaddib markii mid ka mid ah ilaaladiisa uu goobta shirka jaraa’id ku soo hoggamiyay. Waxaa la maqlayay Trump oo odhanaya “Oh!” “Maxaa dhacaya” markii uu ka sii dhaadhacay qolka shirka jaraa’id. Madaxweynaha oo ku guda jira shirka jaraa’id ayaa waxaa ka soo dhex-galay mid ka mid ilaaladiisa, waxa uunu dhagta ugu sheegay dhacdada. Markii uu dib u soo laabtay sagaal daqiiqo kaddib, madaxaweynaha ayaa weriyeyaasha u sheegay inuu aaminsan yahay in ilaalada qarsoon ay toogteen qof hubeysnaa oo laga shakiyay. Waxa uu sheegay in qof cisbitaalka la geeyay dhacdada kaddib. Mr Trump ayaa garwaaqsaday inay ahayd xaalad aan caadi ahayn, balse waxa uu ammaan kala dul-dhacay ciidammada ilaalada ee qarsoon. Dhanka kale ciidammada qarsoon ayaa sheegay inay xaqiijiyeen in mid ciidamadooda ka tirsan uu qof ku toogtay waddada 17-naad iyo aagga Pennsylvania. Source
  15. Letter to health officials says racial inequities led to mistreatment of Somali patients. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya weerarkii Isniintii ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kaasoo ay maleegeen maxaabiistii xabsiga lagu hayay oo qaarkood ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo xukunno kala duwan lagu riday. Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa weerarkaasi loo adeegsaday bambaanooyin iyo bastoolado, taasoo sababtay in ay dheeraado soo afjarida weerarkaasi oo qaatay mudo saacado ah, iyadoo idaacadda dowladdana ay sheegtay in maxaabiista lagu qabtay labo bastoolado. Sida aan wararku ku heleyno waxaa weerarku uu ku bilowday bastoolado iyo bambaanooyin dhowr ah oo lagu dhex qariyay raashin loo gudbiyay maxaabiista, loo adeegsaday in askartii ilaalada labo ka mid ah lagu toogtay bastoolad, kadibna qoryihii ay haysteen laga qaatay, kadibna weerarku noqday mid toos ah oo bambooyin loo adeegsaday. Xogtu waxay sheegeysaa in ilaa labo ka mid ah ilaalada xabsiga la dilay, halka maxaabiistii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee xabsi daa’inka ku xukunaa lix ka mid ah ay weerarkaasi ku dhinteen, lix kalena lagu dhaawacay, waxaana nolosha lagu qabtay shan maxbuus sida ay baahisay idaacadda dowladda oo sheegtay in maxaabiistaasi labo ka mid ah bastoolado lagu qabtay Taliyaha ciidanka asluubta, Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa dafiray xaqiiqda, isagoona xaqiiqda baal maray, kuna sheegay sababta weerarkaasi inuu dhaliyay maxbuus cunto karinayey oo qori ka dafay askari ilaalinayay, kadibna uu toogtay, sidaasina ay ku heleen labo qori oo dagaalku noqday mid daba dheeraaday. Weerarkaan oo markii danbe ay soo afjareen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa waxaa xabsiga ka baxsaday hal maxbuus oo ka tirsanaa maxaabiista Shabaab, kaasoo agagaarka dekadda Muqdisho ku dilay wade mooto bajaaj, kadibna uu ku baxsaday mootadii uu dilay darawalkeedii. Saraakiil amni oo ka tirsan laamaha ciidanka ayaa Caasimada u xaqiijiyay in xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee xukun sugayaasha iyo kuwa xukumada lagu riday in xabsiga dhexdiisa ay ku dhex haystaan taleefanada Smartiga ah iyo qadka Internetka, ciddii ay doonaana kala dhex hadlaan, taasoo kasoo horjeeda nidaamka iyo sharciyada xabsiyada u yaal. Dhamaan marka lasoo koobo wixii ka dhacay xabsiga Xamar iyo hadalka Taliye Mahad, waxay muujineysaa habacsanaanta amni ee xabsiga ka jirta, una baahan baaritaan dhab ah oo caddaalada ku saleysan.
  17. At least 11 people, including security forces and Somali-based al-Qaeda affiliated group al-Shabaab fighters, Source: Hiiraan Online
  18. DETROIT LAKES, Minn. — The body of a man missing since Saturday, Aug. 8, was recovered Monday, Aug. 10, from Little Detroit Lake, according to Becker County Sheriff Todd Glander. Source: Hiiraan Online
  19. Wasiirka Khaarajiga ee Xukumadii Somalia ee la riday oo si ka gaadhsiis ah u magacaabay xilal safaaradeed (Diblomaasiyiin) Beel keliya ka soo wada jeeda+Liiska Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sameeyey magacaabis is-daba joogo ah xilli xukuumaddii uu ka tirsanaa lagala noqday kalsoonida, lana sugayo dhismaha mid cusub. Wasiir Cawad ayaa magacabay illaa 8 xubnood oo isugu jiro xoghayeyaal koowaad, Labaad iyo taliyeyaal safiiro oo wadamo kala duwan ah. Xog ay heshay Warbaahintu ayaa sheegeysa in magacaabistaan la sameeyey kadib dhicitaankii Xukuumaddii uu hoggaaminayey Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, balse waraaqaha magacaabista lagu taariikheeyey 14 iyo 23 July ee 2020, si looga dhigo in la sameeyey intii ay xukuumadda jirtay, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda. Xubnaha laga magacaabay ayaa sidoo kale u badan kuwa ku beel ah beesha Daarood, mana cadda waxa lagu saleeyey magacaabistan. Magacayada xubnaha la magacaabay ayaa kala ah: Nasra Maxamed Maxamuud: Xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Canada Farxaan Maxamed Diiriye: Xoghayaha labaad IT-ga ee safaaradda Soomaalida, Turkiga Ibraahim Xasan Maxamuud : Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaalida dalka Turkiga Axmed Cabdi Bille: loo dalacsiiyey xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaalia, South Afrika Ayaan Maxamuud Sheekh Xaamid : Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaalida, Turkiga Axmed Ceydii Cusmaan: Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya dalka Cumaan Culimo Cabdiraxmaan Macalin :La-taliyaha safiirka Safaaradd Soomaaliya ee Talyaaniga Ibraahim Bashiir Shariif : La-taliyaha koowaad ee safaaradda Somaalida. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sameeyey magacaabis is-daba joogo ah xilli xukuumaddii uu ka tirsanaa lagala noqday kalsoonida, lana sugayo dhismaha mid cusub. Wasiir Cawad ayaa magacabay illaa 8 xubnood oo isugu jiro xoghayeyaal koowaad, Labaad iyo taliyeyaal safiiro oo wadamo kala duwan ah. Xog ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegeysa in magacaabistaan la sameeyey kadib dhicitaankii Xukuumaddii uu hoggaaminayey Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, balse waraaqaha magacaabista lagu taariikheeyey 14 iyo 23 July ee 2020, si looga dhigo in la sameeyey intii ay xukuumadda jirtay, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda. Xubnaha laga magacaabay ayaa sidoo kale u badan kuwa ku beel ah beesha Daarood, mana cadda waxa lagu saleeyey magacaabistan. Magacayada xubnaha la magacaabay ayaa kala ah: Nasra Maxamed Maxamuud: Xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Canada Farxaan Maxamed Diiriye: Xoghayaha labaad IT-ga ee safaaradda Soomaalida, Turkiga Ibraahim Xasan Maxamuud : Xoghayaha koowaad ee Safaaradda Soomaalida dalka Turkiga Axmed Cabdi Bille: loo dalacsiiyey xoghayaha labaad ee safaaradda Soomaalia, South Afrika Ayaan Maxamuud Sheekh Xaamid : Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaalida, Turkiga Axmed Ceydii Cusmaan: Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya dalka Cumaan Culimo Cabdiraxmaan Macalin :La-taliyaha safiirka Safaaradd Soomaaliya ee Talyaaniga Ibraahim Bashiir Shariif : La-taliyaha koowaad ee safaaradda Somaalida.
  21. Dagaal ka dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe Muqdisho oo lasoo afjaray+khasaaraha Tirada Dhimashada & Dhaawaca Qaar ka mid ah maxaabiistii ku jirtay Xabsiga Dhexe ee Xamar, gaar ahaan kuwa loo xukumay kamid ahaanshaha Al-shabaab iyo falal amniga lidi ku ah, kuna xukunaa xabsiya dhaadheer ayaa waxa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan hub, kadibna ay gudaha xabsiga ka bilaabaan weerar toos ah. Kooxda uu hubku gacanta u galay oo tira ahaan ku dhawaa 10-qof, sida aan ka soo xiganay ilo dhanka ammaanka ah ayaa dagaal la galay ciidamadii Asluubta ee ilaalada ka hayey xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana dhexmaray dagaal saacada qaatay Ciidamo ka tirsan booliska Soomaliya oo goor dambe gaadhay xabsiga dhexe ayaa ku guuleystay in ay soo gaba-gabeyaan weerarkaas saacadaha qaatay, waxayna toogteen afar ka mid ah dableydii dagaalameysay. Sidoo kale saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay laba ka mid ah ragii dagaalamayey oo dhaawac ah. Mid ka mid ah raggii ka dhex dagaalamay xabsiga waxaa u suurta gashay in uu baxsado, waxuuna dekedda weyn ee Muqdisho horteeda ku dilay darawal mooto Bajaaj oo uu Mootadiisi kaxaystay kuna baxsaday. Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha Asluubta xubnaha ka dhex dagaalamay xabsiga kuma jiraan Shabaab-kii ku xukunnaa dilka, balse waxay u badnaayeen kuwo ku xukunnaa xabsi daa’in (cimrigaa ha ku furto) iyo xabsiyo dhaadheer. Shaki badan ayaa ku gadaaman sida kooxdaan ay hubka ku heleen wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiista dagaalantay hubka loo dusiyey, halka wararka kalena ay sheegayaan in markii hore ay gacanta ku dhigeen qori uu lahaa mid kamida askarta ilaalada xabsiga dhexe ee Muqdisho, kadibna ay xoog ku furteen hub kale, iyaga oo xitaa dagaalka u adegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro. Saraakiisha u waranatay warbaahinta dalbaday in magacyadooda warbahinta loo adeegsan ayaan sidoo kale kasoo xiganey in kooxdaan ay toogasho ku dileen qaar ka mid ah askartii ilaalada xabsiga dhexe ee Asluubta, kuwaas oo goobta ku sugnaa xillaguu uu weerarku bilaawday. Xabsiga Dhexe ee Muqdisho waxaa ku xiran maxaabiis xukunno kala duwan ay ku dhaceen, kuwaas oo qaarkood loo heysto Al-Shabaab-nimo, laguna kala xukumay dil toogasho ah, xabsi daa’in iyo xarig sanado badan qaadanaya. Marar badan oo hore waxay quburo dhanka ammaanka ah ka digeen in khataro badan ay ka imaan karaan hadii hal goob lagu wada xiro dadka xukunnada madaniga ay ku dhaceen iyo kuwa u xiran falalka argagixisanimo. Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama bixin sida qaar ka mid ah maxaabiista Xabsiga Dhexe ay ugu suurtagashay in hub ay ku dagaalamaan uu gacanta u galo, waxaase la filayaa in dhawaan uu war ka soo baxo. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Somalia ayaa si rasmi ah u shaacisay inay jiraan shakiyo iyo suuragalnimada in la fududeeyay weerarkii xabsiga dhexe ee Xamar oo isniintii geysteen maxaabiistii ku jirtay xabsiga, kuwaasoo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab. Sii-hayaha wasiirka wasaaradda caddaalada Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka waramay dhacdadaasi isagoo shaki geliyay qaabkii weerarkii u dhacay isla markaana carabka ku adkeeyay inay jiraan dad fududeeyay in maxaabiista gacantooda hub galo, ayna bilaabi doonaan baaritaan si sharciga loo horkeeno cidii fududeysay arrintaasi. Wasiirka ayaa sheegay inay jiraan khasaare arrintaasi ka dhashay, hase ahaatee uu ka gaabsaday inuu faah faahiyo. Wuxuu ballan qaaday in baaritaan dhab ah ay sameyn doonaan ciddii lagu helana la korkeeni doono caddaalada. Hadalka wasiirka caddaalada Xasan Xuseen ayaa beeninaya warkii uu jeediyay taliyaha xabsiga dhexe, kaasoo uu ku sheegay war u muuqday mid uu daboolayay oo xaqiiqda ka fog.