-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waa Tuma Haweeneyda madowga ah ee uu Joe Biden u xushay M/weyne-ku-xigeen? Kamala Harris Musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga dimuqraaddiga Joe Biden ayaa u magacaabay Senator Kamala Harris inay noqoto kuxigeenkiisa. Waa haweenaydii ugu horraysay ee madaw ah ee booskan qabata, haddii la doorto. Tan iyo intii la sadaalinayey cidda jagadan qaban doonta, ayaa senataraddan laga soo doorto California ayaa waxaa muddadaasiba loo arkaayey in ay tahay qofka ugu cadcad booskan. Mr Biden ayaa wajihi doona Madaxweyne Donald Trump doorashada la filayo inay dhacdo 3 November. Waa tuma Kamala Harris? Kamala Harris oo 55 sanno jir ah, Waxay ku dhalatay Oakland, California, waxaana iska dhalay waalidiin muhaajiriin ah oo aabaheed waxa uu ka soo jeedaa Jamaica, halka hooyadeedna ay ku dhalatay dalka Hindiya. Waxay ka qalin jabisay Jaamacadda Howard oo ka mid ah Jaamacadaha iyo Machadyada Mareykanka ugu caansan waxayna ka baratay maadada sharciga. Waqtigeedii Jaamacadda Howard waxay ku tilmaantay khibradadii ugu muhiimsan nolosheeda. Waxay shaqadeedii ugu horreysay ka bilowday xafiiska xeer ilaaliyaha ee deegaanka Alameda. Sannadkii 2003-dii waxay noqotay dacwad oogaha ugu sarreeya San Francisco ka hor inta aanan loo dooran haweeneydii ugu horreeysay oo Afrikaan ameerikaan ah ee noqota xeer ilaaliyaha guud ee gobolka California oo ah gobolka ugu dadka badan Mareykanka. Ms Harris waxay sheegeysaa iney markasta aad ugu faraxsantahay jinsiyadeeda, waxayna iyada isku tilmaanatay iney tahay muwaadin Ameerikaan ah. Kaddib muddo sideed sannadood ah oo ay ahayd xeer ilaaliyaha guud ee California Ms Harris waxa ay ku biirtay xisbiga Dimuqraadiga, halkaas oo ay sumcad weyn ka sameeysay oo ay noqotay xidig hankeedu uu aad u sarreeya. Bilowgii sannadkii la soo dhaafay ayaa waxay shaacisay musharaxnimadeeda Madaxweynaha Mareykanka iyadoo oo hortaagan dad ka badan 20,000 oo qof. Waxay si isdaba joog ah doodo ugu kulmeen Mr Biden intii lagu jiray doodihii isreebreebka doorashada xisbiga dhexdiisa, gaar ahaan waxay si gaar ah ugu dhalleeceysay xidhiidhka uu la lahaa senatarradii hore ee door bidey kala sooca iyo cunsuriyada. Sannadkii 2019-kii, waxay wargeyska Washington Post u sheegtay in siyaasiyiinta qaar aysan u qalmin iney qabtaan jagooyinka qaar sababo la xiriira midabkooda iyo halka ay ka soo jeedaan. XIGASHADA SAWIRKA,THE WASHINGTON POST VIA GETTY IMAGES Qoraalka sawirka,Senator Kamala Harris iyo walaasheed Maya Lakshmi Harris Markii ay kala tageen waalidiinteeda waxaa carmalnimo ku soo korisay hooyadeed oo ah cilmi baare cudurka kansarka. Waxaa la dhashay gabadh lagu magacaabo Maya oo ah da’da ku xigta. Qaran News
-
Iron biofortified beans and carotenoid enriched cassava are proposed as a solution to combat iron and vitamin A deficiencies, respectively, Source: Hiiraan Online
-
Ilhaan Cumar oo mar 2aad ku guuleysatay kursiga xisbigeeda ee Aqalka Wakiillada IlhanCumar, oo kasoo jeedda jaaliyadda Soomaalida ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorasho ay xibigeeda dhexdiisa ka gashay, taasoo loogu tartamayay kursiga xildhibaannimada Aqalka Wakiillada ee degmo ka mid ah gobolka Minnesota. Waxay loollan adag kula jirtay siyaasiga lagu magacaabo Antone Melton-Meaux iyo saddex musharrax oo kale, kuwaasoo dhammaantood u hanqal taagayay inay iyada meesha ka saaraan. Taageerayaasha xisbiga ayaa mar kale Ilhaan u xushay inay sii difaacato kursigeeda degmada 5-aad ee Minnesota, marka la gaadho doorashada Mareykanka ka dhaceysa bisha November. Ilhaan ayaa guusheeda kaddib waxa ay boggeeda Twitterka kusoo qortay: In Minnesota, we know that organized people will always beat organized money. Tonight, our movement didn’t just win. We earned a mandate for change. Despite outside efforts to defeat us, we once again broke turnout records. Despite the attacks, our support has only grown. — Ilhan Omar (@IlhanMN) August 12, 2020 “Gudaha Minnesota, mar kasta waxaan ognahay in dadka is abaabulay ay ka adkaanayaan lacagta la abaabulay. Caawana, dhaqdhaqaaqeennu guul kaliya ma uusan soo hoyinin. Waxaan kasbannay maamul isbaddal keenaya. Iyadoo ay jireen dadaallo ay dad gobolka ka baxsan ugu jireen inay guul darro nagu dhacdo, mar kale ayaan taariikh dhignay. Iyadoo ay jireen weerarro nagu socday, taageeradeennu wey sii korodhay”. Afartii sano ee lasoo dhaafay waxay Ilhaan si weyn uga dhex muuqatay siyaasadda Mareykanka, iyadoo codkeeda ku muujineysay sida ay uga soo horjeeddo siyaasadaha maamulka madaxweyne Donald Trump. Waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliya kasoo jeedda ee heerkaas gaadha, sidoo kalena waxay ka mid tahay haweenka muslimiinta ah ee markii ugu horreysay ku biiray Congress-ka Marerykanka. Qaran News
-
After months of being bombarded with mailers and attack ads, voters in Minnesota’s Fifth Congressional District will decide Tuesday whether to send a rising progressive star in the Democratic Party back to Congress or start over with a political newcomer vowing to focus on the district. Source: Hiiraan Online
-
Washington DC (Caasimada Online) – Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u xushay Senator Kamala Harris oo laga soo doorto gobolka California inay noqoto musharaxa madaxweyne ku-xigeenkiisa Mareykanka. “Waxaa Sharaf ii ah inaan ku dhowaaqo inaan doortay in Kamala Harris – dagaal-yahan aan ka cabsan ninka yar, islamarkaana ah mid ka mid ah dadkii ugu wanaagsanaa ee dalka usoo shaqeeyey – ay noqoto qofka ila ordaya,” ayuu Biden ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka. “Joe Biden waxa uu mideyn karaa dadka Mareykanka, wuxuu noloshiisa ku bixiyey inuu inoo dagaalamo,” ayey Harris ku qortay iyana barteeda twitter-ka. “Waxaa Sharaf ii ah inaan noqdo musharaxa madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga dimoqraadiga,” ayey ku dartay. Kamala Harris ayaa noqoneysa haweeneydii ugu horreysay ee madow ama Asian ah oo noqota musharax madaxweyne ku-xigeen. Kamala Harris ayaa waxaa iska dhalaya hooyo Hindi ah iyo aabe Jamaican ah oo soo-galooti ku ahaa Mareykanka. Ayada oo dalka Mareykanka ay ka jiraan rabshado ka dhashay sida aan wanaagsaneyn ee booliska ula dhaqmaan dadka madow, ayaa Biden waxaa saarnaa cadaadis ku saabsan inuu doorto haweeney madow ah si ay tartanka ula gasho. Harris oo sanadii 2016 noqotay kaliya haweeneydii labaad ee madow ah oo senator loo doorto ayaa la filayaa inay Biden ka caawiso inay xoojiso codadka uu ka filayo dadka madow ee Mareykanka.
-
Joe Biden named California Sen. Kamala Harris as his running mate on Tuesday, making history by selecting the first Black woman to compete on a major party's presidential ticket and acknowledging the vital role Black voters will play in his bid to defeat U.S. President Donald Trump. Source: Hiiraan Online
-
Islamic banks engage in many conventional banking activities that all banks do. However, there are a few activities that they do not. Certain levies, such as interest, and specific activities – such as gambling and alcohol-related investments – are not done by Islamic banks. Source: Hiiraan Online
-
Police say 19 inmates, guards killed in Somalia prison riot
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A Somali police officer says at least 19 people were killed during a riot in the central prison in Somalia’s capital on Monday evening. Source: Hiiraan Online -
The Issue U.S. policy toward Africa is in need of a facelift—in both substance and strategic vision—to keep up with the continent’s shifting demographics and growing influence on the world stage. Africans will be integral to addressing some of the world’s thorniest problems. The continent holds three nonpermanent seats at the UN Security Council, and it represents the largest and most unified bloc at the UN General Assembly. A revitalized relationship with African countries must prioritize engagement with African counterparts because there are strategic issues on the table. It has to levy real carrots and sticks, not just deploy moralistic arguments about a policy outcome. The United States should expand its diplomatic partners and repertoire, investing in cities, deepening its ties with regional bodies, elevating its private sector, and working alongside other external actors. Download the brief The post A New U.S. Policy Framework for the African Century appeared first on Puntland Post.
-
The number of people killed in a shootout between jailed militant Islamists and security officers at a prison in Somalia has risen to at least 20, officials say. The al-Shabab militants had attempted to escape from the heavily guarded prison in the capital, Mogadishu. An investigation is under way into how the militants obtained weapons. Some reports suggested that an inmate managed to disarm a warden and then a group of them raided the armoury. The BBC’s Bella Sheegow in Mogadishu says Monday’s incident is highly embarrassing for the government as the prison, the second biggest in Somalia, is guarded by elite forces. The attack was repelled after reinforcements were called in. ‘No prisoners escaped’ The most dangerous al-Shabab militants are kept in the prison, including those serving life sentences or awaiting execution after being sentenced to death. Inmates had also attempted to break out of the prison in 2017, and the government was under pressure to prevent further such incidents, our reporter adds. “We will not leave anything to chance. The government is investigating how this happened and who was responsible for what happened as well as who facilitated the inmates to get the weapons,” Acting Justice Minister Hassan Hussein Haji said. Government spokesman Ismail Mukhtar said 15 prisoners and five soldiers had been killed in the shooting. He had earlier said that 10 people had died, including four militants. Al-Shabab, which is linked to al-Qaeda, has been waging a brutal insurgency in Somalia for more than a decade. It has been pushed out of Mogadishu by government and African Union troops, but the group still carries out bombings and assassinations in the city. Source: BBC News
-
Akhriso: Maxaa Looga Hadlaya Kulanka Golaha Shabka Barrito?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Golaha shacabka baaralamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalinada barrito ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee gudaha magaalada Muqdisho. Ajandahu waxaa uu yahay akhrinta sedexaad ee Hindse sharciyeedka Qareennada Soomaaliyeed, kulanka ayaana qeyb ka ah kalafadhiga 7-aad ee golaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xogo dheeraad ah laga helayaa maxaabiistii loo heystay Shabaab-nimada ee shalay ka dhex dagaalantay Xabsiga Dhexe ee Xamar, kuwaas oo ciidamada ammaanku ay toogteen 15 ka mid ah. Ibraahim Maxamuud Maxamed iyo Maxamed Daa’uud Dirir, waxay ka mid ahaayeen maxaabiistii ka dhex dagaalantay xabsiga ee markii dambe toogashada lagu dilay. Ibraahim Maxamuud Maxamed waxa uu ku xukunnaa 15-sano xabsi ah, halka Maxamed Daa’uud Dirir oo ku magac dheeraa (Dr. Raage) uu isna ku xukunnaa 15-sano oo xabsi ah. Dr. Raage markiisii hore waxa uu ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, balse markii dambe inta aan la qaban waxa uu ku ururka Daacish. Sidoo kale waxaa xabsiga ka baxsaday Mubaarak Ibraahim Iidle oo la xukumay sanadkii 2014-kii, waxuuna ku xukunnaa 10-sano oo xabsi ah, afar sano iyadoo ay u harsantahay ayuu baxsaday, waxuuna horay ka galay fal-dambiyeed culus, sida ay sheegeen saraakiil dhanka ammaanka ah. Mubaarak Ibraahim waxaa la sheegay in Al-Shabaab uu ku biiray sanadkii 2012-kii, isla markaana uu waqtiga ugu badan Al-Shabaab kula soo qaatay buuraleyda Golis ee Puntland, waxuuna markii uu ka fakaday xabsiga banaanka ku sii dilay laba qof oo shacab ahaa, isaga oo dhacay mooto Bajaaj uu ku baxsaday. Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliya waxa uu maanta sheegay in tirada guud ee dadka ku dhintay weerarkaas ay gaareyso 19-qof, kuwaas oo 15 ka mid ah ay maxaabiistii xabsiga ahaayeen, halka afarta kalena ay ciidanka dowladda ka tirsanaayeen. Sidoo kale afhayeenka taliska Asluubta Soomaaliya waxa uu sheegay in dhaawacyada ka dhashay weerarkaas ay gaarayaan sideed qof, kuwaas oo todoba ka mid ah ay maxaabiis ahaayeen, halka kan kalena uu ahaa askari.
-
Waxaa isi soo tareysa saameynta uu fatahaadda wabiga shabeelle uu geysanayo gobolka shabeellaha dhexe iyadoo ay deegaanno horleh biyahu gaareen waxaana ka mid ah kuwa hoostaga degmooyinka Jowhar,Mahadaay,iyo Balcad. Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali oo ka hadlayay xaalada soo korortay ayaa sheegay in deegaanno hor leh ay go’doomeen biyaha maadaama ay jareen wadooyin iyo sidoo kale dhul beereedkii. “Waxaa jirta xaalad oo soo wajahday dadka ku nool deegaannada hoos yimaada Magaalooyinka Jowhar ,Mahadaay iyo Balcad kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafay inka bilaawdeen fatahaadii wabiga shabeelle uu ka waday gobolka sidaa daraadeed waxaa bulshada soomaaliyeed ka codsaneynaa in dadka ay saameeyeen lala soo gaaro gurmad deg deg ah ayuu yiri guddoomiye salaax muudeey Cali. Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahad deegaanno ka tirsan gobolada shabeellaha Hoose iyo shabeellaha Dhexe iyadoo ay ku barakaceen kummaan shacab danyar ah,Dhawaan waxaa hakad ku yimid isku socodka degmooyinka Mahadaay iyo jowhar iyo in cabsi laga qabo wadada xiriirisa Jowhar iyo Mudisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID ee Somaliland Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa si faahfaahsan uga hadlay shirkii dhawaan beelaha Mudullood ugu soo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in uu aad u soo dhaweynayo. Guddoomiye Feysal waxa uu sheegay in beesha Mudullood uu ku bogadinayo in haatan ay soo baraarugeen, isla markaana ay garteen in iyaga oo kaliya uu canshuuro nin aan tegi karin deegaanadii laga soo doortay, sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan aad iyo aad u hambalyeynayaa reer Banaadir, Mudulloodka oo haatan guddi sameystay, waxay ogaadeen in Soomaaliya qolo kasta magaaladoodii ay madaxweyne u sameysteen, tan kaliya ee lawada leeyahana ay tooda tahay, waxaan leenahay nidaamkiina sameysta, canshuurtiina idinku qaata, wadooyinkiina dhista, amnigiina hagaajista” ayuu yiri. Waxa uu intaas ku sii daray, “Nin deegaankiisii aan tegi karin ayaad u dhiibateen taladii oo dhan, Ra’iisul wasaare ku xigeenkii, maliyaddii, qorsheyntii, intaas oo dhana magaaladiinii ayey qorsheynayaan, Muqdishaa la canshuurayaa, iyadii ayaa albaabada laga xiray, wax laga xishoodo waaye, war iska celiya markii Soomaaliya wax noqoto oo nidaamka lagu heshiiyo, dadkan wax ku darsada.” Dhanka kale Feysal Cali Waraabe waxa uu saxaafadda deegaanada Somaliland kula dardaarmay inay joojiyaan fidinta wararka been abuurka ah oo uu sheegay in dad cadaw ah ay Somaliland ka abuuraan. Waxa uu tusaale u soo qaatay afhayeenkii dhawaan u hadlay dowladda Itoobiya, kaas oo uu sheegay in hadalkiisa ay warbaahintu ka soo qaadatay qolo ku tarjumtay af-Carabi , laakiin uusan Somaliland ku tilmaamin xubin ka mid ah dowladda federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyntii waxa uu fariin u diray Weriye Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo ka tirsan BBC-da, kaas oo uu ku eedeeyey in Somaliland uu ka fidiyo warar been abuur ah, “War Catooshow Somaliland lagama ma caasho ee ka jooji hagar daamada” ayuu yiri.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeriya ayaa kasoo baxaya weerarkii shalay ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho, oo la sheegay inuu ku baxsaday maxbuus Shabaab ahaa oo xukun ugu xirnaa xabsigaasi. Weerarkaasi ayaa waxa uu fududeeyay baxsadka maxbuus ku xirnaa xabsigaasi oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo magaciisa ay shaacisay idaacada VOA-da ee laanteeda Afka Soomaaliga. Ilo dhinaca amniga ah ayaa VOA-da u sheegay in Mubaarak Ibraahim Iidle oo ka mid ahaa maxaabiista xabsiga, lana xukumay 2014 isaga oo lagu xukumay toban sano oo xarig ah, uu ahaa maxbuuska ka baxsaday xabsiga. Mubaarak ayaa xiliguu ku howlanaa qorshihiisa baxsadka uu labo qof ku dilay banaanka xabsiga, sida ay xaqiijiyeen Ciidamada amnigu. Baxsadka maxbuuskan ayaa loo aaneynaya habacsanaan amni oo ka jirta xabsiga dhexe, iyada oo shalay weerar culus uu ka dhacay gudaha xabsigaasi, kaasi oo ay fulinayeen maxaabiis Shabaab ah oo uu hub gacanta u galay. Dowladda federaalka ah ayaa iyaduna guddi lix xubnood ka kooban u saartay qaabka hubka lagu gaarsiiyay maxaabiistii weerarkaasi fulisay, kaasi oo sababay dhimashada 19-qof iyo dhaawaca toddoba kale. Waxaana weerarkaasi loo adeegsaday bambaanooyin iyo bastoolado, taasoo sababtay in uu dheeraado soo afjarida weerarkaasi oo qaatay muddo saacado ah, iyada oo ugu dambeyntiina ay soo afmeeren ciidamadu.
-
Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa mugdi sii galayo mustaqbalka Ganacsatada khaadka Kenya iyo Beeraleyda Miraa kadib markii uu istaagay ganacsigii weynaa ee kala dhaxeeyey Soomaaliya, halkaasi oo laga joojiyey khaadka. Qaar ka tirsan ganacstada qaadka ee Kenya oo soo gaaray Muqdisho ayaa kulamo la qaatay qaar ka tirsan wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, waxayna xogta sheegeysaa in kulamadaas ay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan. Rajada ganacstada qaadka ee Kenya ayaa ceel kusii dhacday markii Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in arrintaan ay kaliya kala hadli karaan dowladda Kenya. Guddoomiyaha Ganacsatada Kenya Maua Mohamed Qureshi oo la hadlay Daily Nation ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu diiday codsigooda ahaa in dib loo fasaxo qaadka sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweyne Maxamed Farmaajo wuu diiday codsigeenna ah in aan dib u bilaawno ganacsiga miraa.” Maua Mohamed oo ka hadlayey sababta loo diiday duulimaadyada qaadka ayaa sheegay in arrintaas aysan wax xiriir ah la laheyn xayiraadda COVID19 “Go’aanka lagu joojiyey qaadka maahan mid xiriir la leh COVID19, balse sababta ayaa ah mowqifka adag ee Kenya ay ka leedahay soo dejinta Soomaaliya,” ayuu yiri. Guddoomiye Maua ayaa aaminsan in tallaabada dowladda Soomaaliya ay ku joojisay qaadka ka imaanayey Kenya ay jawaab u tahay go’aankii ay Kenya ku gubtay dhawaan bariis, sonkor iyo kaluun badan oo ka socda Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa dakhli tiro badan ka heli jirtay qaadka, waxayna wasaaradda Maaliyadda sheegtay in sanadkii 2019 laga helay dhakhli dhan $ 16.6 milyan oo ah canshuurta soo dejinta khaadka.
-
(SLT-Hargeysa)-Roob xoogan oo dabayl wata oo Galabta ka da’ay Degmadda Sallaxley ayaa Khasaare kala duwan gaadhsiiyey Goobo dawladeed iyo Guryo dadweyne oo Ku yaala Magaaladda Sallaxley. Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Jaamac Xaaji Axmed oo Khadka Telefoonka ugu waramay Wakaaladda Wararka Somaliland ee Solna ayaa sheegay in Roobkan dabaysha watay uu khasaare soo gaadhsiiyey Dugsigii Sare ee Degmadda, Kii Hoose dhexe ,Cisbitaalkii iyo Guryo badan oo dadweynuhu leeyihiin iyo Weliba Xarunta dawladda hoose ee degmadda sallaxley. Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex waxaa kale oo uu sheegay in hal qof oo dumar ahi ay Kooma gashay kadib markii uu ku soo dumay Cisbitaalka degmaddu iyadoo laga saaray bukaanadii ku jiray Cisbitaalka degmadda Sallaxley. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Guddida doorashooyinka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hortagay guddida Arrimaha Gudaha, Nabadgalyada iyo Difaaca ee Golaha Wakiillada Somaliland. Kulankaas oo ay warbaahintu dibadjoog ka ahayd ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha guddidaas iyo guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka. Guddoomiyaha guddida hoosaadka arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca ee golaha wakiillada xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Cabdilaahi Balaaki) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka la yeesheen xogwaraysi ku saabsan arrimaha doorashooyinka, shuruucda doorashooyinka iyo sidii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorashadu wakhtigeedii, isla markaana dhinacyada ay khusaysaa u fududeyn lahaayeen waxyaabaha ku xidhan, wuxuuna sheegay in ay isla qateen waxyaabo badan oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka caqabadaha hortaagana laga qaado si doorashadu dalka uga qabsoonto. Geesta kale, waxa isna markii kulankaasi soo dhamaaday halkaas ka hadlay guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Somaliland Cabdirashiid Maxamuud Cali (Cabdirashiid Riyo-raac) oo u mahadceliyey guddida arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca ee golaha wakiillada, isaga oo sheegay in ay ugu muhiimsanayd waxyaabihii ay guddidaas ka wada hadleen sidii loo dedajin lahaa qabsoomida doorashooyinka golayaasha wakiiladda iyo deegaanka, wuxuuna guddoomiyuhu intaas ku daray in ay ka wada hadleen xeerka doorashooyinka ee horyaala golaha wakiillada sidii goluhu waajibkiisa uga gudan lahaa. Source
-
(SLT-Berbera)-Xildhibaan Cabdiwahaab Cali Xaaji Xasan “ Garanti” oo kamid ah Xildhibaanada golaha Degaanka degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, ayaa hadda shaaca ka qaaday inuu doorashada golaha deegaanka ee inagu soo fool leh uu ka sharaxan yahay degmada Berbera ee caasimada gobolka Saaxil. Xildhibaan Cabdiwahaab Cali Xaaji Xasan “ Garanti”, ayaa doorashadii sannadkii 2012-kii dalka ka dhacday ee golayaasha deegaanka ahaa Xildhibaan cod aqlabiyada ah kaga soo baxay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, balse hadda wuxuu si rasmi ah u shaaciyey inuu u tartami doono kuraasta golaha deegaanka ee degmada Berbera,waxaanu ugu mahadceliyey Tageerayaashiisa sida ay u garab taagan yihiin marwalba Source
-
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafti uu hogaminayo ayaa maanta gaaray Dalka Kabuuti halkasoo si wanaagsan loogusoo dhaweeyey. Sida aan xogta ku hayno safarka Madaxweyne [...] The post Daawo Madaxweyne Deni oo si heer Sare ah loogu soo dhaweeyey Jabuuti iyo ujeedka safarkiisa appeared first on . Source
