Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirada Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Dalka, oo uu weheliyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Maanta War-murtiyeed ka soo saaray shir mudda laba Cisho ah uga socday Magaalada Muqdisho oo ay uga arrinsanayeen Hannaanka Maaliyadda Dalka. War-murtiyeedka, waxaa lagu sheegay in dhinacyadu ku heshiiyeen, Hirgelinta Nidaam Canshuureed oo qiima ku salaysan, kaas oo aan lahayn Wax Canshuur kordhin ah, balse muhiimaddiisu tahay La-jaanqaadka Ganacsiga Dunida iyo Midaynta Maamulka Furdooyinka Waddanka. Sidoo kale, waxay ku heshiiyeen in Dakhliga Waddanka loo qaybsado Qaab ka duwan kii hore, waxaana loo saaray guddi farsamo, si loo gaaro Qaab la isla ogolyahay oo loo qaybsado Dakhliga, islamarkaana Miisaaniyadda 2021 loo soo bandhigo Hannaan midaysan. Hoos ka akhriso War-murtiyeedka PUNTLAND POST The post Wasiirada Maaliyadda Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada Dalka oo heshiis cusub gaaray appeared first on Puntland Post.
  2. Waxaa la soo gabagabeeyay shir labadii maalin ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho ugu socday Wasaarada Maaliyada Dowladda Fedraalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada,waxaana shirkaas laga saaray war murtiyeed,iyadoo la sheegay in la isku afgartay in si wanaagsan labada dhinaca ay ugu wada shaqeeyaan arimaha horomarinta maaliyada guud ahaan Wadanka. Shirkan ayaa waxaa kasoo baxay War-murtiyeed xooga lagu saaray xoojinta iyo wadashaqaynta Wasaaradaha Maaliyadda Dalka iyo qaybsiga Deeqaha Dibadda. Halkan Ka Eeg Sawiradda Kulamadii Wasaaradaha Maaliyada Dalka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli soo baxaya faah-faahinta qaar ka mid ah maxaabiista lagu dilay weerarkii Isniinta ka dhacay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho kadib markii maxaabiista Al-Shabaab ay qoryo heleen kadibna weerareen ciidanka ilaalada. Waxaa shalay la ogaaday in maxaabiistia la dilay ay ku jireen Ibraahim Maxamuud Maxamed oo ku xukunnaa 15 sano iyo Maxamed Daa’uud Dirir oo ku magac dheeraa Dr Raage kuna xukunnaa 15 sano. Waxaa sidoo kale maanta la ogaaday in maxaabiista geeriyootay uu ka mid ahaa Cabdisalaam Maxamed Xasan oo ahaa sarkaal horey uga tirsanaa NISA balse xabsi daa’in lagu xukumay kadib markii la ogaaday inuu la shaqeyn jiray kooxda Al-Shabaab. Cabdisalaam ayaa waxaa lagu helay sanadii 2014 dambi ah inuu sawirro iyo xog aqoonsi oo la xiriirta wakiilada hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA uu siiyey kooxda Al-Shabaab. Cabdisalaam, oo xil sare ka hayey NISA ka hor inta aan la ogaan sirtiisa ah inuu ahaa laba-wajiile sidoo kale la shaqeeya Al-Shabaab, ayaa halis geliyey nolosha wakiilo badan oo saaxiibadiis ahaa oo uu sirtooda siiyey Al-Shabaab. Saraakiisha dowladda Soomaaliya ayaa ogaaday in Cabdisalaam uu Al-Shabaab ula shaqeeyey sababo la xiriira dhaqaale loo ballan-qaaday, dhaqaalahaas oo gaarayey 30,000 oo dollar. “Waxa uu doonayey inuu guursado lacag badanna wuu u baahnaa, laakiin Al-Shabaab waxay siiyeen oo kaliya in yar oo ka mid ah 30,000-dollar ee loo ballan-qaaday,” waxaa sidaas yiri sarkaal hadda ka hor la hadlay Idaacadda VOA, oo ka xog-warramay Cabdisalaam. Cabdisalaam oo ku xukunnaa xabsi daa’in ayaa Isnintii ka mid noqday maxaabiista lagu dilay xabsiga dhexe. Mas’uuliyinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in guud ahaa 15 maxaabis ah ay ku dhinteen iska horimaadkii ka dhacay xabsiga dhexe, islamarkaana 7 kale oo maxaabiis ahna la dhaawacay. Taliska ciidanka asluubta yaa sidoo kale sheegay in afar askari ay dhinteen, mid kalena uu dhaawacay.
  4. Goobaha ay Dunida uga keydsan tahay kimikadii (ammonium nitrate” ku qaraxday Beyrut Warshad soo saarta Ammonium nitrate oo ku taalla Faransiiska Kaddib maaddadii ammonium nitrate ee ku qaraxday Beyrut oo ay ku dhinteen in ka badan 200 qof ayaa waxaa haatan isa soo tarayaa walaaca ku saabsan halka lagu keydiyo kimikadaas. Kimikadan waa mid si weyn looga adeegsado dunida gaar ahaan bacriminta ama waxyaabaha qarxa ee lagu soo saaro macddanta. Balse waxaa jiraa shuruucyo adag oo ku saabsan halka iyo waqtiga goob lagu keydinayo. Inta badan waxaa lagu keydiyaa goobo qarsoodi ah maadama ay jirto suurtagalnimada ah in laga sameyn karo qaraxyada. Hindiya Ku dhawaad 740 tan oo maaddada ammonium nitrate ayaa lagu keydiyay goob deegaan ah oo qiyaastii 20 kiiloomiitar u jirta magaalada Chennai oo ah mid kamid ah magaalooyinka ugu weyn Hindiya, muddo 5 sanno ah ayay halkaas ku keydsan tahay. Mas’uuliyiinta gobolka koonfurta ee Tamil Nadu ayaa dacwad ka gudbiyay shirkaddii maaddada ammonium nitrate ka kentay Kuuriyada Koonfureed sannadkii 2015-kii, taas oo ku anddacootay in loogu talagalay maaddadaas bacriminta. Qaraxii Beyrut Yemen Xeer ilaaliyaha guud ee Yemen ayaa amar ku bixiyay in la baaro warar ay warbaahinta sheegayeen oo ahaa in 100 konteenar oo ammonium nitrate ah lagu keydiyay dekedda magaalada koonfurta ku taalla ee Cadan. Waxay sheegeen in kimikada lasoo geliyay dalka saddex sano ka hor isla markaana ay gacanta ku dhigeen ciidamada Sucuudiga ee taageerayo dowladda Yemen. Ciraaq Dowladda Ciraaq waxay amar ku bixisay in dib u eegis deg deg ah lagu sameeyo walxo halis ah oo lagu keydiyay dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee dalkaas, waxay ogaadeen in ammonium nitrate lagu keydiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Baqdaad. Shixnad ammonium nitrate ah oo lagu qabtay Indonesia sanadkii 2016-kii Australia Ka hor inta uusan qaraxa ka dhicin magaalada Beyrut, shacabka ku dhaqan magaalada Newcastle ee gobolka New South Wales ee dalka Australia waxay codsanayeen in kimikada ammonium nitrate oo lagu keydiyay meel 3 kiiloomitar u jirta magaalada laga raro halkaas. Dekedaha UK Waxaa bilowday baaritaan ku saabsan maaddada ammonium nitrate oo si weyn loogu keydiyay dekedaha ku yaalla Lincolnshire iyo Immingham iyo sidoo kale goobo kale oo ku yaalla gobolka Humber. Waaxda ABP oo maamusha goobahan ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta dekedaha UK ay tahay inay raacaan shuruucda adag isla markaana ay xaqiijiyaan in kimikada meel wanaagsan lagu keydiyo iyadoo la ilaalinayo ammaanka. Dekedda Immingham ee UK Qaran News
  5. Hadal Nebi Muxamad “NNKH” laga sheegay oo sababay dhimasho & dhaawac+Khasaare Gaadiid la gubay Dad mudaharaadeyaal ah ayaa gubay gaadhi, waxayna weerareen hanti ay booliska leeyihiin Saddex ruux ayaa ku dhimatay magaalada Bangalore ee koonfurta dalka Hindiya kaddib markii ay ciidamada booliska rasaas ku fureen dad mudaharaadeyaal ah oo ka careysan “aflagaaddo” la sheegay in Nabi Muxammad, Nabadgalyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee, loogu geystay Facebook. Dadka isu soo baxay ayaa isugu tagay bannaanka hore ee guri uu leeyahay siyaasi maxalli ah oo qaraabo la ah qofka lagu eedeeyay inuu “aflagaaddada” u geystay nabiga. Waxay dab qabadsiiyeen gawaadhi, waxayna weerar loo adeegsaday dhagaxyo ku qaadeen ciidamada booliska oo u tagay, sida ay saraakiil ka tirsan booliska u sheegeen BBC Hindi. Ciidamada ammaanka ayaa xidhay ninka la eedeeyay iyo 110 ka mid ah dadkii mudaharaadayay. Kamal Pant, oo ah Taliyaha booliska magaalada, ayaa sheegay in ugu yaraan 60 askari oo ay ku jiraan saraakiil sar sare lagu dhaawacay qalalaasaha dhacay habeenkii Talaadada sii baxeysay. “Bandow ayaa lagu soo rogay labo degmo oo ka tirsan magaalada,” ayuu yidhi. Farriinta rabshadahan sababtay waxaa lagu daabacay barta Facebook Dhinaca kale, taliska booliska magaalada ayaa bartooda Twitter-ka kusoo qoray in xaaladda ay “xakameeyeen”, iyagoo intaas ku daray in ciidanka ay rasaas nool nool ku fureen shacabka kaddib markii ay isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa, balse waxba laga qaban waayay. Dhimashada dadka waxaa xaqiijiyay wasiirka guriyeynta ee gobolka Karnataka, kaasoo ay caasimaddiisa tahay magaalada Bangalore. Qalalaasaha ayaa billowday kaddib markii mudaharaadeyaasha ay rabsho ka kiciyeen afaafka guriga siyaasiga iyo waliba saldhig ay booliska leeyihiin, islamarkii ay arkeen “aflagaaddada lasoo galiyay Facebook”. Warbaahinta maxalliga ah ayaa tabisay in waxyaabihii lasoo dhigay barta bulshada markii dmabe la tiray. Wasiirka, oo lagu magacaabo Akhanda Srinivas, ayaa muuqaal uu soo duubay dadka uga codsaday inay isdajiyaan, isagoo u ballanqaaday caddaalad. “Waxaan ka baryayaa walaalaheyga muslimiinta ah inaysan dagaal u sameynin hal qof oo sharciga jabiyay awgiis. Wax kasta oo dhacayba, dhammaanteen walaalo ayaan nahay. Qof walba oo arrintan mas’uul ka ah, waxaan xaqiijin doonnaa inuu ciqaabta ku habboon mari doono. Anigu waan idinla jiraa,” ayuu ku yidhi muuqaalka. Qaran News
  6. Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir, Basma Caamir Axmed ayaa soo xirtay Tartan Ciyaareed Kubbadfa Cagta ah oo lagu xusayay Allaha Unaxriistee Duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow),kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Degmada Dharkeenley isla markaana ay ka qeyb-galayeen 8 Kooxood oo ka dhisan Waaxyaha Degmada Degmada Dharkelnay. Kulan Cayaareedkii ugu danbeeyay ee Tartankaan oo ay ku kulmeen kooxaha Baastuluss iyo Suuq-yare ayaa waxaa daawashadiisa ka qeyb-galay Madaxda Heer Gobol, Degmo iyo shacab fara badan,iyadoona Kooxda Suuq-yare ee ka dhisan degmada Dharkenlay ay ku guuleysteen Koobkii lagu maamuysay duqii hore caasimada Muqdisho ahaana guddooomiyihii hore Gobolka Banaadir Eng.Cabdiraxmaan Cumar (Yariisow). Halka Eeg Sawirada Kulankii Kama Dambeysta Tartankii Lagu Xusayay Eng.Yariisow Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka hadlay khasaare uu sababay Roob dabaylo watay oo Salaasadii Shalay ka da’ay Degmada Sallaxley ee Gobolka Maroodi-jeex. Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Roobka ay ku dumiyeen 91 Guri oo isugu jira kuwo Shacab iyo kuwo Dawladdu lahayd, sidaasi darteed Xukuumadda looga baahan yahay inay si deg-deg ah ugu Gurmato Sallaxley. Xoghaye Khadar oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Sidaynu la socono Shalay waxa Degmada Sallaxley ka da’ay Roob dabaylo wata, Ilaahay baa Mahad leh inuu inoo shubay Raxmaadkiisa, laakiin Roobkaasi wuxuu dhibaato u keenay Magaalada Sallaxley oo ay saamayn weyn ku yeelatay, Guryo badan ay dumeen, Dad badan ay Hantidoodii dhibaato ku soo gaadhay.” Khadar Xuseen Cabdi waxa kale oo uu sheegay “Sidaanu Wararka hor-dhaca ku helayno waxa dumay 91 Guri oo kuwaasi 52 ka mid ahi Guryo Daar ah ay yihiin, 11 Guryo Sandaqado ah, halka 28 kalena ay yihiin Aqal Soomaali…” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xukuumadda waxaanu ugu baaqaynaa in laga shaqeeyo sidii si Deg-deg ah Dadkaa Gurmad loogu fidin lahaa.” Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Madaxweynihii hore Galmudug Cabdi-kariim Xuseen Guleed ayaa ka warbixiyey kulan uu wadanka Turkiga kula qaatay maadaxweynaha xiligan Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, oo ku sugan dalka Turkiga. Daawo Xogta Kulanka Labada Madaxweyne Ay Ku Qaateeyn Turkiga Halkan Ka Aqriso Xogta Kulanka Labada Madaxweyne Akhriso: Maxay Kawada Hadleen Madaxweyne Qoorqoor iyo Cabdikariin Guleed? Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Washington DC (Caasimada Online) – Musharaxa Madaxtooyadda Maraykanka ee xisbiga Dimoqaraadiga Joe Biden ayaa muujiyey inuusan waxba dhaaman madaxweyne Trump marka ay noqoto cadaawadda ka dhanka ah daka Falastiin. Joe Biden ayaa mray in ajendaha ololihiisa laga saaro tixraac walba oo ku saabsan qabsashadda Israel ee dhulka Falastiin, sida uu shaaca ka qaaday wargeyska Foreign Policy. Senator Bernie Sanders oo ololihiisii uga tanaasulay Biden ayaa kula heshiiyay Biden in uu ogolaado in madasha Dimoqraadiga uga dhawaaqayo in ay Falastiiniyiintu xaq u leeyihiin ay ku noolaadaan dhul ka madax banaan heysashada Israel. Si kastaba markii uu cadaadis kala kulmay ururradda u ololeeya Israeil ayuu Biden amray in madasha laga saaro tixraac walba oo ku saabsan dhul-qabsiga Israel, ayuu wariyay wargeyska Foreign Policy oo soo xiganaya ilo wareedyo saddax ah oo arrinta xaqiijiyay. Sidaas darteed, la-taliyeyaasha Israel ayaa weydiistay hogaamiyeyaasha saameynta leh ee ka tirsan Dimoqaraadiga in ay aqbalaan dalabkoodii ahaa in Israa’iil loo aqoonsado awood qabsatay dhulka Falastiin, ayuu wargeysku sheegay. Sida lagu sheegay warbixinta, la-taliyeyaasha Biden waxay ku doodeen in ereyga “dhul qabsi” uu khatar geliyay midnimadda Xisbiga Dimoqaraadiga. “Su’aasha ah in qoraalka loo ogolaanayo ‘dhul qabsi’ ama jumladda ah ‘dhameynta dhul qabsiga’ ayaa la weydiiyay Biden wuxuuna yiri ‘maya’,” ayuu madaxa siyasaadda dibadda ee guddiga Maraykanka iyo Israel Jason Isaacson u sheegay Foreign Policy. “Tani mahan arrin xisbigu u leexan karo sababtoo ah waxay kasoo horjeedaa jagada Joe Biden,” ayuu hadalkiisa ku daray Isaacson. Foreign Policy ayaa xusay in dib u gurashadda Biden ay muujineyso diidmadiisa ah in la bedelo tobanaan sano oo si daacad ah loo taageerayay Israel. Sidoo kale waxaa uu wargeysku sheegay dib gurashadaani ay xisbiga guul u tahay, taasi oo sidoo kalena soo jideysa in uu xiriir dhow la yeesho Israel, inkastoo Benjamin Netanyahu uu aad ugu sii dhowaanayay xisbiga Jamhuuriga iyo Donald Trump.
  10. The post Daawo Heesta Cusub ee Hanbalyada Ilhaan Cumar appeared first on . Source
  11. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka,Mahadi Maxamed Guuleed,ayaa kulan la qaatay guddiga loo magaacay inay baaris dhammeystiran ku sameeyaan shaqaaqadii maalin kahor ka dhacday xabsiga dhexe ee Muqdisho. Kulanka oo looga hadlay sameynta baaritaan dhab ah oo lagu sameeyo dhacdadii Xabsiga dhexe, si loo helo warbixin dhammeystiran oo go’aan lagu qaadan karo, ayaa lagu magacaabay guddi Farsamo oo guddiga kala shaqeeya fududeynta baarintaanka. Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa guddiga kula dardaarmay inay baaritaanka kusoo gebagebeeyaan 10-ka maalin ee loo qorsheeyay lagu soo saaro natiijada baaritaanka. Halkan Ka Daawo Wixii Ka Soo Baxay Kulanka Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa fariin hambalyo ah u diray xildhibaan Ilhaan Cumar oo uu markale xisbigeeda u doortay inay u tartanto kursiga Aqalka Wakiilada Mareykanka. Qoraal ka soo baxay xafiiska Madxaweyne Deni ayaa waxaa sidoo kale loogu hambalyeeyey Omar Fatah iyo Jamaal Osman oo ka mid ah Soomaalida guulaha ka gaaray doorashada horudhaca ah ee Mareykanka. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa boggaadiyey dadaalka ay sameeyeen xubnahan oo dhammaantood ah reer Puntland ah,isaga oo u rajeeyey guul waarta inay ka gaaraan doorashooyinka dambe ee Mareykanka. Deni ayaa sidoo kale ku booriyey inay dedaalka sii laba jibaaraan, si ay uga gun gaaraan yoolkooda.. Ilhaan Cumar oo markale gaartay guul aad u weyn ayaa loo xushay inay xisbigeeda Dimuqraadiga ku metesho degmada 5-aad ee Congresska Mareykanka, marka la gaaro doorashada November. Omar Fatah ayaa isna ku guuleystay Golaha Senateka ee gobolka Minnesota oo Soomaalidu aysan hore ugu guuleysan, halka Jamaal Osman uu isna hoggaaminayo codadka doorashada degmada 6-aad ee magaaladda Minneapolis.
  13. Garbahaarey (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo KA dhacay deegaanka Mekarebay oo hoostaga degmada Garbahaarey. Ku dhowaad 3 qof ayaa ku geeriyootay qaraxaas,halka ay ku dhaawameen 2 kale, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa jugtiisa laga maqlay meelo badan oo ka mid ah gobolka Gedo,balse lama oga halka uu ahaa bartilmaameedka, iyadoona gaariga uu qarxay xilli uu taagnaa deegaanka Mekarebay ee duleedka Garbahaarey. Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi. Gedo ayaa waxaa si wadajir ah uga howl-gala ciidamada dowladda, kuwa Jubbaland iyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
  14. Garowe (PP News Desk) — Details are emerging about a surprise attack launched by Al-shabaab on Shabeeley, a village under the jurisdiction of Southern Bacaadweyn in Mudug early in the morning. Firefight between locals and Al-shabaab fighters reportedly ensued. The Bacaadweyn district commissioner Ahmed Dahir Mo’allim affiliated with Galmudug State, who briefed the media said that Al-shabaab fighters kidnapped several people including an influential Sheikh from Shabeeley. Casualties on both sides have not been confirmed. Al-shabaab fighters (file photo) Preliminary reports indicate four Al-shabaab fighters were killed by locals defending the village against the attack. The attack on Shabeeley reflects a change of tactics on the part of Al-shabaab to make its presence felt in villages far from well populated towns and districts in Mudug. Galmudug security forces in conjunction with contingents of the Somali Army conducted security operations in South Galka’yo nearly two months ago. Security experts in Mudug fear resource and planning constraints affect how Galmudug State can cope with intelligence-driven Al-shabaab operations. © Puntland Post, 2020 The post Al-shabaab Launches a Surprise Attack on a Mudug Village appeared first on Puntland Post.
  15. Tababaraha Xulka Qaranka Da’yarta Soomaaliya Cabdixamiid Macallin Maxamed ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyahay helitaanka garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho wuxuuna intaa ku daray in door wanaagsan ka qaadan karo kobaca iyo horomarka guulaha Xulka Da’yarta Qaranka. “Shalay ma anan haysan garoonkan oo kale,balse wuxuu ka qeyb qaadanayaa horomarka guulaha Xulkada’yarta,dhallinyarada Xulka aad ayay ugu faraxsanyihiin helitaanka Stadium Muqdisho, waxayna aad u xiisanayaa maalin in ay ku dheelaan tuulada isboortiga Stadium Muqdisho ”ayuu Goobjoog Sports u sheegay Cabdixamiid Macallin Maxamed oo ah Macallinka Xulka Qaranka Da’yarta Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Waraysi Uu Goobjoog Sports Siiyay Macallin Cabdixamiid Maxamed https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/Whats-upp-1.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  16. Incumbent Minnesota Congresswoman Ilhan Omar has won Minnesota’s 5th District Primary Tuesday evening. The race was hotly contested, as Omar faced four challengers from her own party, including heavily-funded Antone Melton-Meaux. His campaign spokesman told WCCO he conceded at 9 p.m. Tuesday. In Minnesota, we know that organized people will always beat organized money. Tonight, our movement didn’t just win. We earned a mandate for change. Despite outside efforts to defeat us, we once again broke turnout records. Despite the attacks, our support has only grown. — Ilhan Omar (@IlhanMN) August 12, 2020 Tuesday’s election was also a test of Minnesota’s absentee-voting system, with unprecedented numbers voting by mail because of the COVID-19 pandemic. Election results were delayed because of the influx of absentee ballots which were sent in. Omar was first elected to the seat in 2018, becoming the first Somali American and one of the first two Muslim women elected to Congress. She won that crowded primary field by more than 18 percentage points, and has since made her mark as a progressive and outspoken critic of President Donald Trump. She was endorsed by the DFL and Sen. Bernie Sanders. Melton-Meaux, on the other hand, is an attorney who runs his own mediation law firm in Minneapolis. He has called Omar “divisive” and “focused on her celebrity.” He was endorsed by former president of the Minneapolis NAACP Nekima Levy-Armstrong, Golden Valley Mayor Shep Harris, and civil rights activist Josie Johnson. Les Lester, John Mason, and Daniel McCarthy also ran to represent the 5th District. Omar will face GOP candidate Lacy Johnson in November. Source: WCCO The post Rep. Ilhan Omar Defeats Antone Melton-Meaux, 3 Other Challengers In Primary Election appeared first on Puntland Post.
  17. Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada ammaanka Somaliland ay howl-gallo ballaaran ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo dhaca waqooyiga Soomaaliya. Howl-gallada ayaa waxaa lagu soo qabtay hub iyo waxybaabaha maanka dooriya, sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha Booliska gobolka Sool, Gaashaanle Dhexe Maxamed Saleebaan Gooni. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howl-gallada ay ka dambeeyeen, kadib cabasho ka timid dadka shacabka ah. Hubka lagu soo qabtay howl-galladan ayuu sidoo kale tilmaamay inay yihiin kuwa sharci darro ah oo dadka lagu dhibaateyn jiray. Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay la shaqeeyaan ciidamada Booliska, si looga hortago falalka liddiga ku ah ammaanka ee mararka qaar ka dhacay gobolkaasi Sool. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Somaliland ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya
  18. Marwo Ilhaan Cumar oo Minnesota ku matasha congress-ka Mareykanka ayaa talaadadii guul weyn ka gaartay tartanka isreebreebka xisbigeeda ee degmada shannaad. Ilhaan ayaa abuukaataha lacagta lagu harqiyey ee Antone Melton-Meaux ku dhigtay cashar aanu iloobin, waxayna kala heleen gabadha Soomaalida ah oo heshay 57.4% iyo Antone Melton-Meaux oo helay 39.2 %. Ilhaan Cumar tan iyo markii ay congress-ka gashay 2018, waxaa lagu bartay iney difaacdo xuquuqda dadka dulman gaar ahaan madow, fuqarada, ardeyda iyada oo cod u noqotay kuwa doonaya deynta ama caafimaad loo simman yahay, waxay dagaal la gashay kuwa danaha gaarka ku sameeya dhaqaalaha, kana macaasha Washington. “Gudaha Minnesota, waxaan naqaan sida dadka abaabulan ay uga adkaadaan lacag lasoo abaabulay” waxaa Twitterkeeda ku qortay Cumar. Ilhaan Cumar ayaa adkaatay iyada oo ay ka soo horjeedeen, bal ay lacag ku afar jibbaaranta ay siinayeen Mr. Melton-Meaux dadka taageersan Yuhuudda, waxaa kale oo ninka la tartamayey taageeray Star Tribune oo gobolkeeda caan ka ah, laakin intaba waa ka adkaatay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. NAIROBI, Kenya (AP) — Severe flooding continues to displace thousands of people in Somalia. Source: Hiiraan Online
  20. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararkaka imaanaya degmamada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in diyaar garowgii ugu dambeeyey wejiga saddexaad ee shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada laga dareemayo gudaha magaaladaasi. Dhaq-dhaqaaqyo ciidan ayaa ka jira magaalada, waxaana sidoo kale tiro joob lagu bilaabay ciidamada jooga qeybaha kala duwan ee Dhuusamareeb, si loola socda xogtooda oo dhameystiran. Ujeedka ayaa ah sidii looga hortagi lahaa isku dhacyo ama kala shaki soo kala dhexg-ala ciidamada, inta uu socda shirka Dhuusamareeb oo sidoo kale ay ka qeyb gali doonaan saamileyda siyaasadeed ee dalka oo ay ugu horreyaan xisbiyada mucaaradka. Sidoo kale ciidamada dowladda iyo kuwa Galmdug ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo ka bilaabeen gudaha magaaladaasi, iyaga oo guri guri u baarayaha xaafadaha degmadaasi. Ciidamada ayaa sidoo kale baaraya gaadiidka kala duwan ee isaga kala goosha waddooyinka kala duwan ee caasimadda Galmudug. Dhuusamareeb ayaa saddex maalin kadin marti gelineysa shir ballaaran oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka lagu muransan yahay ee 2020/2021.
  21. In 2013, Somalia’s federal government wanted to create a counter-terrorism combat force to take on Islamist militants al-Shabab, which seeks to overthrow the government. After negotiations with the United States, an elite special forces unit was created in 2014: the Danab (“Lightning”) Brigade. Source: Hiiraan Online