-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ciidamada Kumaandooska Danab oo Howlgallo Ka Sameeyey Mudug
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa sheegay in ay Gacanta kusoo dhigay xubno lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ka dib howl-gallo y ka sameeyeen nawaaxiga Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka Danab ayaa sheegay in dadka ay soo qabteen oo u badan dhallinyaro ay marsiin doonaan baaritaanno, kadibna ay sii deyn doonaan qofkii ay dembi ku waayaan. Saraakiisha ayaa waxay sidoo kale sheegeen in howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadi doonaan qorshahuna uu yahay in ay u ruqaansadaan degaannadaan deegaannada gobolka ay kaga sugan yihiin Alshabab. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Wararka ay Warbaahinta Puntlandi.comnka hrlayaan Taliska Ciidanka Puntland ayaa xaqiijinaya in Sargaal lagu magacaabo Axmed Yusuf Cabdi uu Dina ku geeriyooday howlagalkii ay Ciidamadu ku [...] The post Sargaal kale oo iska ku geeriyooday howlgalkii Gaalkacyo appeared first on . Source
-
Waxaa saaka dagaal ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku geeriyooday taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed. Dagaalka ayaa waxaa la sheegay inuu u dhaxeeyey maleeshiyaad taageersan ganacsato horay xukuumaddii Gaas ay kaga Iibisay xaradii ciidamada xoogga ee KABISTA iyo ciidamada ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka amniga dowlad Goboleedka Puntland ee PSF iyo kuwa Booliiska ayaa xalay howlgal ay ka fuliyay xerada Kabidda ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgalka ciidamada ay sameeyen waxaa lagu soo qabtay Khamri badan iyo rag hubeysan oo ka gacansanaayay maandooriyaha, waxaana inta uu socday howlgalka ay ciidanka iska caabin kala kulmeen raggii hubeysnaa. Qoraal kasoo baxay Taliska qeybta Booliska gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu qabtay 5 kamid ah ragii ka gacansanayay maandooriyaha Khamriga, halka mid kalena ay ciidamadu dhaawaceen,waxana goobta howlgalka laga sameeyay ay ahayd saldhigga ugu weyn ee lagu iibin jiray Khamriga iyo Maandooriyaasha kale,sida qoraalka lagu sheegay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa maanta dhigay dibad-bax ballaaran oo cabasho ah. Dibad-baxayaasha oo u badnaa dhalinyaro ayaa warbaahinta u sheegay inay ka cabanayaan mid ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, taas oo laga leeyahay dalka Turkiga. Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha ayaa sheegay inay cadaalad darro ka tirsanayaan maamulka shirkadda, gaar ahaan laba nin oo u kala dhalatay dalalka Kenya & Uganda. Sidoo kale waxa ay tilmaamay inay shaqeeyaan saacado badan oo aan ku jirin waqtiga shaqada ee lagula heshiiyey. Shaqaalahan Soomaaliyeed ayaa sidoo kale baaq u diray madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyaga oo ka dalbaday inay soo fara-geliyaan arrintooda. “Cadaalad ayaan u baahanahay, wax ha naloo qabto.” ayey ku qeylinayeen dibadbaxayaashu. Halkan hoose ka daawo muqaalka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/08/Dibadbax.mp4
-
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya Ambassador Dina Mufti, ayaa sheegay in dalkiisa aanu aqoonsaneyn Somaliland isla markaana ay taageerayaan midnimada Soomaaliya. Halkan Ka Daawio Warbixin Ku Saabsan Warka Ka Soo Yeeray Ethiopia Halka Ka Aqriso Warka Ka Soo Baxay Ethiopia Itoobiya: Ma Aqoonsanin Somaliland, Waxaanna Taagereynaa Midnimada Soomaaliya Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa si adag uga hadlay dilka taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada maamulkaasi, G/Sare Cismaan Cumar Maxamed oo ku dhintay dagaal saaka ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Ugu horreyn Siciid Deni ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray marxuumka iyo saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi oo isna lagu dilay dagaalkaasi. “Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu tiiraanyada geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii ciidanka Madaxtooyada Puntland Marxuum G. Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo Saddex Xarigle Axmed Yuusuf Cabdi la wadaagayaa dhammaan ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, si gaar ah ciidanka Daraawiishta, gaar ahaan ciidanka Madaxtooyada, eheladii qaraabadii qoyskii iyo asxaabtii uu ka geeriyoodey Marxuumku.” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Deni. Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa Alle uga baryey labada maruuxm inuu ka waraabiyo Naxariistii Janno. Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ayaa sidoo kale tilmaamay Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed in uu ahaa shakhsi wanaagsan oo shaqo yaqaan ah, islamarkaana ku wanaagsan hogaaminta ciidanka. Marxuum Cismaan Cumar Maxamed ayaa ku dhintay howl-gal ciidamada Puntland ay ku qaadeen maleeshiyaad ku sugnaa warshadda Kabista ee Gaalkacyo, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad dhex-maray labada dhinac oo geystay khasaare kala duwan.
-
Taliyihii Ciidanka Madaxtoyada Puntland Gaashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed ayaa ku dhintay howlgal Ciidamada Puntland ka sameeyey Warshada Kabista oo maleesho mudo haysatay ay ciidamadu saaka ka qabsadeeen. Taliyaha ayaa ku geeriyooday iska hor imaad dhexmaray ciiddanka madaxtooyada Puntland iyo koox budhcad ah oo ka ganacsada maandooriyaha, kuwaas oo laamaha amniga gacanta kuusoo dhigeen iyaga qamrigoodii. Ciiddanka amniga ayaa la wareegay warshadda kabidda oo ah dhul dowladdii hore ee Soomaaliya ka tagtay, balse muddo dheer gacanta ugu jirtay maleyshiyaad hubaysan oo is arursaday, oo aan cidna ka amar qaadan. Cismaan Cumar Maxamed, ayaa muddo kooban hayay xilka taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland, isagoo lagu bedelay taliyihii ka horeeyay oo xilkaas iska casilay. HOL Qaran News
-
Howlgalka Saaka Ciidamada Amaanka ay ka fuliyeen bartamaha Gaalkacyo ee uu ku geeriyooday Taliyihii Ciidamada Madaxtooyada Puntland Alla ha u naxariistee G/sare Cismaan Cumar Maxamed [...] The post Fashfaahin- Ciidamada Amaanka oo gacanta kusoo dhigay ugu taraen 7 Qof, howlgalka Haalkacyo appeared first on . Source
-
Guddoomiyaha degmada Marka ee maamulka gobolka Shabeellaha hoose Cabdullaahi Cali Axmed oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ka hadlay xaalada fatahaadaha Webiga Shabeelle uu samaeynayo deegaanno badan oo gobolka shabaeellaha hoose, kuwaas oo wajahayo xaalada adag xiligaan, iyadoo hadda la gudo galayo xiliga Deyrta. Guddoomiyaha waxaana uu xusay in xiligaan tuulooyin dhowr ah ay ka taagan tahay xaalad adag, kuwaas oo biyuhu aad u saameeyeen” Biyuhu waxaa ay ka soo kaceen Mareerey , laga soo bilaabo Sabiib iyo Caanoole ayaa laga soo barokacay, Baladul Amiin ayaa lagu dambeeyey, oo iyadana hadda uu webigu ku soo jabsaday, waxaana laga barakacay Ballow iyo Malinka, Cabdow Dibille, Ilimow, Muuri, Fadamuus, Alyaasir Numbar 50 ayaa hadda la isugu tagay.haddii la yiraahdo waa la tirinaa waxaa ay kor u dhaafayaan 30 tuulo”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Marka. Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in xaaladda uu ku arkay fatahaadda webiga uu samaynaayo ay tahay mid aan la soo koobi karin, waxaana uu intaas ku daray in dadka ay awoodi waayeen in ay qaataan alaabta iyo hantidii ay lahaayeen, kuwaas oo ay l biyahu guryaha ugu tageen, waxaana sidoo kale baaba’ay dalagyo badadan. ” Waa aan meesha ku soo arkay wax aan meeshaan ku soo koobi karo ma ahan, qadarta Allah ayaa socda, Webigii oo soo fatahaayo oo soo butaacaayo ayaa halkaas si saf ah oo ballaaran u maray deegaanka ilimow iyo Muuri awalba waa laga barakacsanaa colaadihii iyo dagaaladii dhibaatadii hore oo ku dhacday ayaa dhib u geysatay oo inta badan waa ay burbuirsaneyd magaalada, laakiin ilmow waxaa uu ahaa meel aan laga barakin oo la degaa oo markii ay ugu yar tahay umad 5000 -6000 ay degan tahay, waxaan ugu tagay tuuladii oo biyihii habaq siinaayaan” ayuu yuri. Dhanka kale guddoomiyaha ayaa waxaa uu soo hadal qaaday khasaaraha fatahaadda webiga ay u gwysatay beerahii ku yaalay tuulooyinka biyihu ay harqiyeen, waxaana uu carabka ku biyaha webiga ay la tageen dalagyadii la beeray. “Waxaaa taas barbar kacaayo beerihii baaxada weynaa oo dadku ay ku tiirsanaayeen, Go,aan si Aaran ah u baxay socda, laga soo bilaabo Cabdow Dibile Iligow la soo mariyo, beeraha Muuri, kuwa Numbar 50 oo biyuhu ay wada cadyihiin, beerihii laga soo tagay oo wax laga soo qaadan waayey ayaa barbar socda. Marka waxaan ku arka dhibaato baaxad weyne oo halkaan aanan ku koobi karin warbixinteeda iyo dad danyar ah oo dhibaataysan oo biyaha banaankooda taagan oo meel ay lu hoydaanna la, ayuu hadalkiisa ku yiri Cabdullaahi Cali Axmed. Guddoomiyaha degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed ayaa sheegay in dadka danyarta ah aysan awoodin in ay ka ka talaaan biyaha, maadaama ay biyihu aad u badan yihiin oo aysan caruurta iyo dadka waareelka ah, waxaana uu diray baaq ku aadan in dadkaas loo gurmado oo laga soo saaro, maadaama biyaha webiga ay sii gordhayan waqigan . “Maanta haddii loo gurmado oo gaadiid loo keeno meel loo soo mariyo ma lahan, waa in jaayga dhexdiisa loo dhigo oo ay ku qaataan mooyee meel ay ku qaataan ma lahan. Dad biyaha geli karo maahan oo biyuhu waxaa ay u qabanaayaan Luqmaha iyo wixii lamida, meel Banii’aadam isaga gurman karo waa dhaafeen, waxaa ay u baahan tahay in diyaarado iyo awoodda la isugu geeyo” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Cabdullaahi Cali Axmed In ka badan 100’000 ayaa ku barokacay fatahaado ka dhacay webiyada Shabeelle iyo Jubba ee dhaca Koonfurta Soomaaliya sida ay sheegeen hey’adaha arrimaha Banii’aadnimda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Illaahay ha u naxariistee G/sare Cismaan Cumar Maxamed Taliyihii Ciidamada illaalada Madaxtooyada Puntland ayaa Saalax ku geetiyooday howlgal ay ciidamadu ku qaadeen Kooxo ka ganacsada [...] The post Faahfaahin—Gaalkacyo Howlgal Ciidan oo uu ku geeriyooday Taliyihii Illaalada Madaxtooyada appeared first on . Source
-
Taliyah la dilay, ayaa la magacaabay May 14, 2020 Taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland G/sare Cismaan Cumar Maxamed oo loo garan-ogaa Cismaan Itoobiyaan ayaa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Taliayha ayaa ku dhintay dagaal ilaa saaka ka socda magaalada Gaalkacyo oo dhexmaraya ciidamada amaanka iyo maleesho hubaysan oo haystay xerada KABISTA oo gaday dowladdii Cabdiwali Gaas. Dowladda ayaa sheegtay in ay Gaalkacyo kula dagaalameyso rag ka ganacsada maandooriyaha khamriga, basle warar madax bannaan oo ay heshay Puntland Post ayaa sheegaya in dagaalku u dhexeeyo maleeshiyo beeleed ka careysan gadida xerida Kabista iyo ciidamada Puntland. Ilaa iyo saaka, waxaa magaalada Gaalkacyo laga maqlayaa dhawaqa rasaasta, waxaa jira khasaaro labada dhinac gaaray, inkastoo aan tirakoob rasmiya la ahayn. Waa dagaalkii labaad oo todobaadyo gudahood magaalada Gaalkacyo ku dhexmara ciidamada Puntland iyo kooxo hubaysan oo dowladdu ku sheegto khamriilayaal, bishii hore ayaa sidan oo kale dagaal uga dhacay gudaha Gaalkacyo, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka maanta ee ku dhintay taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland ayaa ku soo aaday, iyadoo Madaxweymaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo inta badan xukuumaddiisa ay ku sugan yihiin Gaalkacyo. PUNTLAND POST The post Taliyihii Madaxtooyada Puntland oo la dilay iyo dagaalka ka socda Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka dagaal ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi lagu dilay taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland G/Sare Cismaan Cumar Maxamed. Dagaalka ayaa ka dhashay howl-gal ciidamada Puntland, gaar ahaan ilaalada madaxtooyada ay ku qaadeen maleeshiyaad ku sugnaa warshadda Kabista ee Gaalkacyo, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhexeeyey labada dhinac. Ragga maleeshiyaadka ah ee dagaalka kala horyimid ciidamada ayaa la sheegay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha Khamriga, balse Booliska ayaa la wareegay warashadda. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaalka lagu dhaawacay 7 qof oo kale oo isugu jira dhinacyada diriray iyo dad shacab ah. Xaaladda ayaa hadda dagan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland. Dilka taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan madaxweyne Siciid Deni uu ku sugan yahay waqooyiga Gaalkacyo. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa ciidamada amnigu ay howl-gallo baaxad leh ka wadeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
-
Sanad ayaa iminka u buuxsantay wakiilla gaarka ee ciyaaryahanada Xulka Qaranka Soomaaliya macallin Saciid Cabdi Haybe waxaana mudadii la soo dhaafay wax qabadkiisa laga dareemayay guulaha Xulka ee ka qeyb galay ciyaarihii is reebk reebka koobka aduunka 2019. Guddoomiyaha kooxda Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa u mahad celiyay macallin Saciid Cabdi Haybe shaqadii quruxda badneyd uu soo bandhigay ,wuxuuna intaa ku daray in laga sugayo guuloiyo wax qabad intaa ka badan oo dhinaca guulaha Xulka Qaranka kubbadda cagta. Gorfeeyaasha ciyaaraha Soomaaliya ayaa tababare Saciid Haybe iyo dhallinyarada qurbajoogta ku amaanay rajada cusub ay u yeeleyn guulaha Qaranka,iyagoo dhinaca kale sheegay in ay tani fursad weyn u tahay ciyaaryahanada ka dheela gudaha dalka ee rajada ka leh ka dheelista Wadamada caalamka. Xirfada iyo kalsoonida ay soo bandhigeyn laacibiinta Xulka ayaa si weyn u soo jeedatay taageerayaasha Xulka waxaana xidigaha Ocean Stars 2019 loo muujiyay dareenka ka duwan sanidihii ka horeeyay,waxayna taas maamulaha Xulka ku dhalisay in uu raadiyo dhallinyaro kale oo ku haboon horomarka Xulka Qaranka Kubbadda Cagta Soomaaliya ee ka dheela dalalka kala duwan ee Caalamka. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Wixii U Qabsoomay Saciid Haybe https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2020/08/whats-upp-haybe.mp4 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Ambassador Dina Mufti, ayaa sheegay in dalkiisa aanu aqoonsaneyn Somaliland isla markaana ay taageerayaan midnimada Soomaaliya. “Arrinta ku saabsan Somaliland, waxay qeyb ka tahay midowga Soomaliya, lamana aqoonsana, warka ah Itoobiya iyo dalalka ayaan aqoonsan, ma aha wax run ah”. Ambassador Dina Mufti oo sii hadlaya“Innaga oo ka ambaqaadeynta ixtiraamka midnimada iyo qarannimada dal waxaa la dhaqannaa Soomaali mid ah, waxaan ku taageernaa in dib loosoo celiyo xisiloonida halkaas”. Arrintan ayaa imaaneysa kadib markii ay Somaliland qeyb ka noqotay loolanka Itoobiya iyo Masar ee webiga Nile, waxaana muuqata in Itoobiya ay ka xanaaqday xiriirka ay Hargeisa la yeelatay Qaahira. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka maamulkooda kala dhexeeyo dowladda dalka Kenya. Ugu horreyn wasiirka ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo dood la sheegay inay todobaadkaan golaha wasiirada Kenya ay ka yeelanayaan Aqoonsiga Somaliland. Wasiir Faratoon ayaa xusay in Kenya ay tahay dal ay daris yihiin, islamarkaana uu kala dhexeeyo xiriir dhinacyo kala duwan leh. “Kenya waa dal aynu jaar nahay, waa dad aynu xiriir dhinacyo badan leh leenahay, wefdiyo culus ayey marar badan inoo soo direen, inaguna sidaas si la eg wefdiyo ayeynu u dirnay, marka iskaashiga aynu la leenahay weynu sii adkaynaynaa, haddii ay qadiyaddeena iyo aqoonsigeena ka doodayaan waanu soo dhaweynaynaa Kenya.” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon). Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay wadamada caalamka. Somaliland ayaa waayadii dambe sameyneysay xiriiro caalami ah, waxaana ugu dambeeyey midkii ay dhowan la yeelatay jasiirada caanka ah ee Taiwan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa laga helayaa howl-gal saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Sh/ Hoose, gaar haan meel ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Howl-galka oo ah mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Sham-gare ee gobolkaasi, waxaana fuliyey ciidamada milatariga Soomaaliya. Mid ka mid saraakiisha ciidamada dowladda o u warramay warbaahinta ayaa sheegay inay dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo 8 dagaalame oo ilaalo u aheyd. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in u jeedka howl-galka uu ahaa sidii uga hortagi lahaayeen weerar uu sheegaay in Al-Shabaab ay ka soo qorsheynayeen halkaasi. Ma shaacin dhankooda wax khasaare ah oo ka soo gaaray iska hor imaadka ay la galeen dagaalyahanada Kooxda Al-Shabaab. Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada huwanta ayaa weli dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada deegaano ka tirsan gobolka Sh/ Hoose.
-
Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan kula la qaatay xarunta madaxtooyada magalaada Gaalkacyo qaar kamid ah ganacsatada gobolka Mudug ee ka soo jeeda Puntland. Ganacsatada ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixin ,waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha isbedelka waqtiyadii dambe laga samaynayey gobolka, maada lasoo afjaray colaad muddo sdheer ka taageyn Mudug. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey kaalinta ay ganacsatada Gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland ay kaga jiraan dowladdnimada, wuxuuna kula dardaarmay inay sii horumariyaan doorkooda. Kulanka waxaa Madaweynaha kala qeybgalay xubno ka mid ah ganacsatada ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo maalmihii tagay madaxweynuhu uu safar ku marayey deegaammada gobolka,kuwaas oo ugu kuurgalayey xaaladaha. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Booliiska Gobolka Mudug ee Dowladda Puntland, oo gelinkii dambe ee xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay Magaalada Gaalkacyo, ayaa gacanta ku soo dhigay koox hubaysan oo Khamriga ku iibin jiray gudaha Magaalada. Saraakiil ka tirsan Booliiska Gobolka Mudug, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay, in Hawlgalkaasi lagu qabtay koox ka kooban 8 xubnood oo hubaysan, kuwaas oo Khamriga ku iibin jiray halka lagu magacaabo Xeradii KABISTA oo ku taalla bartamaha Gaalkacyo. Ciidamadu waxay sidoo kale gacanta ku dhigeen baaruur Khamriya iyo lix qori oo AK47 ah, kuwaas oo ay wateen kooxda la qabtay oo dhammaantood xabsiga loo dhaadhiciyay, marka laga reebo midkood dhaawacmay oo isbitaal la geeyay. Gaalkacyo, waxa ka socda Hawlgallo xooggan oo lagu xaqiijinayo Amniga Magaalada, islamarkaana lagula dagaallamayo Argagixisada iyo kooxaha ka Ganacsatada Khamriga. PUNTLAND POST The post Gaalkacyo: Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay kooxo hubaysan iyo gaadiid Khamriya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Xijaar ayaa xil muhiim ah u magacaabay taliyihii hore ee ciidamada Booliska dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Cabdirisaaq Afguduud. Wareegto ka soo baxday xafiiska taliye Xijaar ayaa waxaa xil-ka looga qaaday taliyaha laanta ilaalinta Canshuuraha ee ciidanka booliska Soomaaliyeed loogu magacaabay Afgaduud, iyadoona xil-kaas laga qaaday Cabdullahi Xasan Bariise oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee ciidanka Booliska Soomaaliya. Laguma shaacin wareegtada sababta xil-ka looga qaaday Genaraal Bariise, balse tallaabadan ayaa qeyb ka ah is-bedallo uu maalmihii dambe waday taliska Booliska. Cabdirisaaq Afguduud oo horey u soo noqday mar taliyaha Booliska Puntland ayaa waxaa lagula dar-daaray inuu si deg-deg ah u guto waajibaad shaqo loo igmaday. Sidoo kale waxaa la faray laamaha amniga iyo cid kasta oo ay quseyso inay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee laanta ilaalinta Canshuuraha ee booliska Soomaaliyeed Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe watay isbedallo dhanka hoggaanka ciidamada ah, taas oo laga gol-leeyahay sugida amniga magaalada Muqdisho.
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula Kulmay Safiir ku-xigeenka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Tabio Massimo. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Waare ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada hadleen wax ka qabashada Arrimaha Fatahaadda Beledweyne islamarkaana Dowladda Talyaanigu ay ogolaatay in ay Hirshabeelle ka fuliso Mashruuca ka hortaga Fatahaadaha oo ay ku baxayso lix Milyan oo Dollar ($6,000,000). Safiirka ku-xigeeknka Talyaaniga ayaa sida Qoraalka lagu xusay wuxuu Madaxweyne waare u sheegay in lacagtaas Dowladda Talyaanigu ay ogolaatay ay ku doonayaan in wax looga qabto Arrimaha Fatahaadaha Beledweyne ee soo noq noqday waxaana madaxweyne Waare uu kaga Mahadceliyay Caawinaada Talyaaniga. Mashruucaasi ku kacaya lixda Milyan oo wax looga qabanayo arrimaha Fatahaadaha waxaa la soo marsiinayaa oo fulinaya Hey’adda Cunada iyo Beeraha ee FAO. PUNTLAND POST The post Dowladda Talyaaniga oo Hirshabeelle u ogolaatay Mashruuc ku kacaya lix Malyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.
-
Saraakiisha Ciidamada miletariga Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen ilaa 16 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab kuwaas oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sare. Saraakiishu waxay sheegeen in Hawlgalkaasi qorshaysan Ciidamadu ka fuliyeen Degaanka Sham-garre oo hoosyimaada Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose halkaas oo ay ku sugnaayeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab. Hawlgalka Qorshaysan ee Ciidamada Miletariga Soomaaliya ay ka fuliyeen Degaanka Sham-garre waxaa looga hortagayay weeraro ay Al-shabaab doonayeen in ay soo qaadaan sida laga soo xigtay Saraakiisha. Al-shabaab dhankooda weli kama hadlin sheegashada Ciidamada Miletariga Soomaaliya ee la xiriirta in ay laayeen xubno Shabaab ah sidoo kale ma jirto cid ka madax-bannaan dhinacyada oo warkaasi xaqiijisay. PUNTLAND POST The post Miletariga Soomaaliya oo sheegay in ay Al-shabaab ka dileen 16 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil appeared first on Puntland Post.
-
Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay Hinse-sharciyeedka dambiyada la xidhiidha Galmada oo shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay diideen inay Akhrinta Koowaad marsiiyaan, kadib markii sharcigaas la horgeeyay. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay ka walaacsan tahay Beesha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo isku dayaaya in miiska la soo saaro Hindise-sharciyeed aan ahayn. “Qaramada Midoobay iyo saaxiibadeeda kale ee Soomaaliya ayaa u muujiyey walaaca ay ka qabaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isku dayga miiska lagu soo saaray sharci cusub oo aan sax aheyn, kaas oo oggolaanaya guurka carruurta, kana hor imaanaya heshiisyada caalamiga ah ee arrintan la xidhiidha” ayaa lagu yidhi Qoraalka Qaramada Midoobay. Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa Golaha Wasiirada loogu baaqay inay dib u soo bandhigaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah. “Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku boorrinayaa golaha wasiirrada ee dalka in ay dib-u-soo-celiyaan Hindise-sharciyeedka Dembiyada Galmada ee asalka ah” ayaa lagu soo Gaba-gabeeyay Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay. Si kastaba Xildhibaanada Golaha Shacabka oo shalay kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ayaa ka horyimid inay Akhrinta 1aad marsiiyaan sharciga dambiyada la xidhiidha Galmada, iyagoona sheegay inuu kahor imaanayo Shareecada Islaamka. Source
