-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti. Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jabuuti kusoo dhoweeyay, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka gaadiidka Muuse Maxamed Axmed, Guddoomiyaha marsooyinka iyo aagga ganacsiga xorta ah Abuubakar Cumar Xadi iyo masuuliyiin kale. Safarka Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo qaadan doona maalmo kooban, wuxuu ku saabsanyahay xoojinta iskaashiga Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarka. Halkan Ka Eeg Sawiradda Madaxda Puntland Ee Gaaray Dalka Jabuuti Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa korortay, sida ay shaaciyeen Taliska ciidanka Asluubtu. Afhayeenka Ciidanka Asluubta, Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sheegay in 19 qof ay ku dhinteen weerarkaasi oo 15 kamid ah ay ahaayeen maxaabiista, halka Afarta kalena ay ka tirsanaayen ciidamada, iyada oo ay ku dhaawacmeen 7-qof oo kale. Cabdiqani Qalaf ayaa sidoo kale sheegay in tirada dhaawaca ah ay badankooda ay kamid yihiin maxaabiista xabsiga, marka laga reebo hal askari oo xaaladiisa lagu dabiibayo Isbitaalka. “Xaaladda waxa lagu soo celiyay sideedii, xabsiguna wuu shaqeynayaa, halka dadkii dhintay la aasay, kuwii dhaawaca ahaana xaaladood lala tacaalayo” ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Asluubta oo warbaahinta la hadlayey. Weerarkaasi ayaa shalay ka dhacay xabsiga dhexe, iyada oo ay soo maleegeen maxaabiistii xabsiga lagu hayay oo qaarkood ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo xukunno kala duwan lagu riday. Waxa weerarkaasi loo adeegsaday bambaanooyin iyo bastoolado, taasoo sababtay in ay dheeraado soo afjarida weerarkaasi oo qaatay mudo saacado ah, iyadoo idaacadda dowladdana ay sheegtay in maxaabiista lagu qabtay labo bastoolado, sida ay ogaatay Caasimada Online. Sida ay ogaatay Caasimada Online weerarkaasi ayaa waxa uu ku bilowday bastoolado iyo bambaanooyin dhowr ah oo lagu dhex qariyay raashin loo gudbiyay maxaabiista. Waxayna taasi fududeysay in maxaabiistu ay labo kamid ah askartii ilaalada ahaa ay toogtaan, kadibna qoryihii ay haysteen ka qaatan, kadibna weerarku noqday mid toos ah oo bambooyin loo adeegsaday. Weerarkaasi ayaa imanaya xili laga deyrinayay inuu sarre u kacay isku milanka dowladda iyo kooxda argagixisada ah, taasi oo maalmihii dambe banaanka keenaysay habacsanaanta amni ee xabsiga ka jirta iyo guud ahaanba caasimada.
-
Afhayeenka ciidamada asluubta Cabdiqani Maxamed Qalaf oo maanta ka hadlay weerar shalay ka dhacay xabsiga dhexe ayaa sheegay in 15 maxbuus ay dhinteen halka ay dhaawac yihiin 7 kale. Askarta ayaa waxaa si gaar ah uga dhintay 4 askari waxaa sidoo kale dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidanka asluubta. Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa sheegay in hadda xaaladdu si caadi ah kusoo noqotay iyada oo dadkii waxyeelada soo gaartay la kala geeyey isbitaallada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guri labadiisa dhinac la mariyay Biriish & Sababta+Sawirro Buundo cusub oo laga dhisay waddanka Shiinaha ayaa soo jiidanaysa indhaha dadyowga dalkaasi kunool iyo Warbaahinta. Waxaana sheekadeedu ay sameysay hadal-heyn qaran gudaha Shiinaha.Sababta oo ah waxaa laga dul dhisay guri dherer ahaan u dhuuban oo ninkii lahaa uu iska diiday inuu ka guuro. Dhaqanka Nail House oo ah in dadka laga daadgureeyo goob cayiman lana dejiyo goob kale si horumarin qaran looga sameeyo waa mid caan ka ah gudaha Shiinaha, laakiin sheekada ninkani waa mid ka duwan taas. Wuxuu iska diiday inuu qaato magdhowga lacageed oo dowladdu siiso dadka guryahoodu kusoo dhacaan hilinka horumarinta iyo dib-u-habeynta. Taas beddelkeeda wuxuu qaatay inuusan meelna uga dhaqaaqin gurigiisa. SIdaas darteed, dowladda waxaa qasab ku noqotay inay labada dacal ee gurigiisa dul mariso biriish highway ah. Halkan Ka daawo Muqaalka Biriishka:- Qaran News
-
Haweeneydii xilka kula tartamaysay Madaxweynaha Dalka Belarus oo Qaxooti ahaan Dal kale isga dhiibtay Svetlana Tikhanovskaja oo ah haweeneydii maalin ka hor looga “guuleystay” doorashada dalkaasi Belarus ayaa magangalyo siyaasadeed isaga dhiibtay dalkaasi Lituania oo jaar la ah dalkeeda, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibedda dalkaasi Haweeneydan ayaa boqolkiiba 10 heshay codadka doorashada, waxaana ay xilligaasi sheegtay in eysan aqoonsaneyn natiijada kasoo baxday doorashada. Madaxweynaha talada dalkaasi soo hayay lixdii sano ee u dambeeyay ayay kula tartantay kursiga. Natiijada ayaa lagu sheegay in markii lixaad uu doorashada ku guuleystay madaxweynaha talada dalkaasi haya ee Aleksandr Lukasjenko kaas oo lagu sheego kaligii taliyaha ku dambeeya qaaradda Yurub. Mr. Lukasjenko oo taageero ka haysta dalka dariska la ah ee Ruushka, ayaa waxaa uu talada dalkaasi soo hayay tan iyo sannadkii 1994-tii. Svetlana Tikhanovskaja Linas Linkevicius, wasiirka arrimaha dibedda dalka Lituania ayaa barteeda twitterka goor hore kusoo qortay in haweeneydan ay si nabad ah ugu sugan tahay dalkeeda. Dibedbaxyo ballaaran oo ka dhashay natiijada doorashada dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay hal ruux, halka boqollaal kalena ah ku dhaawacmeen. Mucaaradka dalkaasi ayaa sheegay in kumannaan taageerayaashooda ah xabsiga loo taxaabay kadib dibedbaxyadii ay ku muujinayeen kasoo horjeedkooda natiijada doorashada. Qaran News
-
Wadamada Khaliijka waxay qabaan rajo badan iyo sidoo kale walaac badan waxayna wax walbo ku xeen daaban yihiin soo laabashada madaxweyne Donald Trump ama inuusan soo laaban. Wax ka yar saddex bilood ayaa ka harsan qabashada doorashada guud ee dalka Mareekanka sidoo kalena madaxweyne Donald Trump gobolo badan oo dadka aragtidooda laga aruuriyay wuu ku hooseeyaa oo waxaa dhanka kalsoonida ka heesto musharaxa madaxweyne ku xigeenkii hore Joseph R. Biden, laakiin Trump waa siyaasi karti badan dadaalkiisa badan yahay kana badbaaday guuldarooyin hore, sidaas darteed doorashada November ma ahan mid laga sii hordhici karo. Sanadkaan 2020 waxyaabaha Trump uu kaashanayo waxaa ugu muhiimsan taageerida uu xisbigiisa Republican-ka ka heysto iyo dhaqaalihiisa awoodda badan sidaa darteed fursad walbo ayuu u heystaa in dib loo doorto oo uu afar sano kale Mareykanka sii hogaamiyo. Haddaba maxay kaga dhigan tahay dalalka Khaliijka ama gacanka cadmeed in mar labaad lasoo doorto Donald Trump? Dalalka qaarkood sida dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman wuxuu Trump u yahay saaxiib dhow oo dhibaatooyin badan ka badbaadiyay halka dalal kale oo ay Iran ku jirto ay soo laabashada Trump u arkaan cadaadis kusii badanaayo. IRAN: Waa dalka halista ugu badan u arkaan inay ku tahay haddii Trump mar labaad lasoo doorto maadaama uu si adag ula dagaalamay dhanka dhaqaale iyo cadaadis militari uu saaray awgeed, sidoo kalana Trump wuxuu balan qaaday inuu cunaqabateynta Iran kusii xoojin doono ilaa ay miiska wada hadalada ku aadan arimaha Nugliyeerka dib ugu soo laabaneyso. Inta badan dalalka Khaliijka waxay walaac ka muujin jireen wadahadaladii xukumaddii Obama iyo Iran ee ku aadanaa heshiiska Nugliyeerka laakiin haatan waxay u riyaaqsan yihiin siyaasadda adag ee Trump kula dhaqmayo Iran, sidaa darteed xukuumadda Tehran marnaba ma dooneyso in Trump mar labaad xafiiska kusoo laabto. Sidoo kalana waxaa macquul ah in Trump siyaasadiisa cadaadiska ah ee Iran ka dhanka ah inuu badalo haddii mar labaad lasoo doorto taasi oo dalalka reer Carbeed cabsi xoogan galin karta. IRAQ: Inta badan Trump wuxuu rabaa inuu Ciraaq ciidamada Mareykanka ka joogaan kasoo wada saaro balse halista Iran leedahay awgeed midaas ma sameyn karo, waxayna walaac xooggan ku tahay dadka reer Ciraaq, haddii Mareekanka iyo Iran dagaalka ka dhaxeeyo dhulkooda loo soo wareejiyo waana arrin hadda muuqata. Weliba dilkii janaraal Qassim Suleimani oo gudaha Ciraq lagu dilay kana dambeeyeen Mareykanka waxay aad kaga careysiisay xukuumadda Tehran. Sidaa darteed xukuumadda Ciraq wey u baahan tahay taageerada Mareykanka balse uma baahno in dhulkeeda lagu dul dagaalamo, arrimahaas awgeed waxay jeclaan lahaayeen isbadal dhanka hoggaanka Mareekanka inuu ka dhaco si mareykanka ula yimaado siyaasad cusub oo ku saabsan wadamada Khaliijka isla markaana loo helo Ciraaq oo si madax banaan aayaheeda uga tashan karta. Arrimaha Militari & balamaha kale uu Mareykanka kula jiro Khaliij-ka: Trump waa nin marwalbo u taagan inuu qalabka iyo hubka militari ka iibiyo dalalka Khaliij-ka wuxuuna u arkaa dalalkaas inay yihiin macaamiisha Mareykanka ee loo iib geeyo badeeco iyo adeeg military, waligiisna dalalkaas ma tusin inay ka go’an tahay garab istaag iyo ka shaqeynta danno maslaxadooda ku aadan. Sidaa darteed dalalka Khaliij-ka uma arkaan badankooda Trump soo laabashadiisa dan inay ugu jirto madaama ay ogaadeen in dantiisa kaliya tahay hub inuu ka iibiyo si uu lacagtooda kaga qaato halkii uu adeegyo kale u qaban lahaa ama siyaasad ahaan dalalkaas isku xiri lahaa. Muranada ka jira gudaha gacanka cadmeed. Xiisada ugu weyn ee ka dhex taagan Sacuudiga, UAE, Bahrain, Masar oo dhinac ah iyo Qatar waxba kama qaban xukuumada Trump. marka hore waxay dhaliileen Qatar balse kadib siyaasadooda wey badaleen oo waxay iska dhigeen dhex dhexaadin inay wadaan midaasna ma aysan sameynin waayo Mareykanka ma lumin karaan muhiimada saldhigyada cirka gudaha Qatar ku leeyihiin. Sidaa darteed dalalka Khaliijka waxay rabi lahaayeen in Trump meesha ka baxo si hoggaan cusub oo dhanka Mareykanka loo helo loona ogaado mowqifkooda siyaasadeed dhanka uu yahay. YEMEN: Mareykanka waxay taageereen dagaalka Yemen ka socdo ee Sacuudiga uu hogaaminayo, laakiin dhanka diblomaasiyada xoogga ma saarin sidii arrimaha Yemen wadahadalo loogu dhameyn lahaa, Sacuudiga waxay rabaan dagaalka Yemen inay isaga baxaan balse ma sameyn karaan haddii aysan taageero buuxdo ka helin Mareykanka. Sidaa darteed gobolka oo idil waxay dan ugu jirtaa inuu Trump meesha ka baxo si siyaasadda Mareykanka halka ay u socoto loo ogaado, Mareykanka haatan dalalka Carabta ugu dhaqaalaha badan sida Sacuudiga, UAE iyo Qatar mid walbo si gaar ah ayuu saaxiib ula yahay dantiisa ayuuna wax walba ka hormariyaa. Arrinta Israel iyo Falastiin: Sida caadiga ah Mareykanka lagama maro danaha Israel, inkastoo arrinkaas dalalka Carabta ku dhibsadeen, haddane Falastiin ayay marwalbo dhibaatada gaarka ah heysataa, sidaa darteed waxaa jirta rajo ku aadan haddii Donald Trump uu meesha ka baxo in hoggaanka cusub ee Mareekanka uu Falastiin ula dhaqmi karo qaabka hadda mid ka duwan. Trump wuxuu garab taagan yahay Israel laakiin kuma boorinaayo iney si deg deg ah dhulka Falastiin ku qabsadaan ee wuxuu rabaa in arrinta la dajiyo ayadoo aan maslaxada Falastiin laga talineyn, waxaana midaas la qaba dalal badan oo reer Carbeed kuwas oo danahooda u arka in Falastiin iska dulmanaato, sidaa darteed waa muhiim isbadal dhanka hogaanka Mareekanka inuu dhaco bisha November si isbadal siyaasadeed oo muuqdo uu kaga dhaco Bariga dhexe. Walaaca guud ee gacan cadmeed ka jiro: Walaaca ugu weyn ee dalalka gacanka cadmeed qabaan ayaa ah in siyaasada Mareekanka ay hadba waji yeelaneyso tan iyo markii uu Trump xafiiska la wareegay, sidaa darteed haddii November hoggaanka Mareykanka la wareego Joseph R. Biden waxaa laga yaabaa inuu la yimaado siyaasad cad oo ku saabsan wadamada Khaliij-ka, madaama ay cabsi xoogan ka qabaan halista Iran kaga imaan karo xili walbo. Trump waxaa lagu nacay wajigiisa dhabta ah inaan la ogeyn waxayna Carabta u arkaan kaliya inuu lacagtooda ka qaadanayo halkii uu difaaci lahaa, waxayna aaminsan yihiin haddii Joseph R. Biden la doorto November inuu la imaan doono siyaasad militari iyo mid dhaqaale oo uu dalalka Carabta kaga ilaalin karo halista Iran ay gobolka ku hayaan.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqada Garoonka Muqdisho ayaa saacado kooban hakad gashay kadib markii uu shaqeyn waayey Mashiinka Baarista koowaad ee ay gacanta ku hayaan ciidamada AMISOM ee degan garoonka, sida ay ogaatay Caasimada Online. Xogta ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaysa in Matoorkii kicin jiray mashiinkaas uu xumaaday, sidaas darteed uu muudo kooban hakad ku yimid shaqadii garoonka, maadama uu mashiinkaasi yaalay afaafka hore ee laga soo galayo garoonka Aadan Cadde. Kadib markii cabasho xoogan ay muujiyeen dadkii ka safrayey garoonkaasi, ayaa muddo kooban kadib waxay Ciidamada AMISOM ku qasbanaadeen inay ku baaran gacanta, si aysan dadkaasi u seegin duulimaadyadoodii. “In muddo ah ayaa ku xayirnaa irida hore ee garoonka oo ay ciidamada AMISOM ku baaran dadka dhoofaya, kadib markii ay noo sheegen inuusan shaqeynayn mashiinkii baarista ee dadku marayay, taasi oo daahitaan badan nagu keentay” ayuu yiri qof ka duulayey garoonka oo la hadlay Caasimada Online. Ciidamada ayaa waqti dheer ku qaadatay baarista dadkaasi, maadama ay ka cabsi qabeen in waxbadan hoos maraan inta ay ku gudo jireen baarista macmalka ah, sida ay ogaatay Caasimada Online. Weli si dhab ah looma oga xiliga uu dib u howl-gali doono mashiinka baarista koowaad ee garoonku, taasi oo hakad ku keentay shaqadii maalinlaha aheyd, inkasta oo si kumeel gaadh ah u xaliyeen ciidamada AMISOM ee degan garoonkaasi. Arrintan ayaa kusoo aadaysa xili ay dhawaan banaanbax balaadhan ay dhigeen shaqaale ka tirsan garoonka oo sheegay inay cabasho ka qabaan shirkada maamusha garoonka, taasi oo xiligaasina hakad galisay shaqadii garoonka ka socotay, maadama ay gadoodeen shaqaalihii.
-
Sii haya Xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa Maanta oo Talaado ah magacaabay, guddi qaabilsan Baaritaanka Weerarkii Shalay ka dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho. Guddiga oo ka kooban lix xubnood, waxaa la faray in ay baaritaan buuxa ku sameeyaan Weerarkii Shalay ka dhacay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, islamarkaana ay Natiijo dhammaystiran ka keenaan sida ugu dhakhsaha badan. Guddiga, waxaa Guddoomiye u ah Ku simaha Wasiirka Caddaaladda Abuukaate Xassan Xuseen Xaaji, waxaana weliya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Gaas Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, Taliyaha Ciidanak Asluubta S/guuto Mahad Cabdiraxmaan Aaden, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada, S/Guuto Cabdullaahi Buulle Kameey iyo Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (C.I.D) G/sare Guuleed Shiikh Xuseen Aaden. Hoos ka akhriso Xilka iyo Waajibaadka Guddiga 1- Waxa xubnaha Guddiga sare ku xusan la farayaa in ay deg deg u hawl-galaan, una guda-galaan barista dhacdadaas, kana keenaan gub-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan. 2- Guddiga waxa la farayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda in ay si joogta ula socod-siiyaan Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha barista ay wadaan. 3- In hawshan Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban (10) casho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda warqaddan. 4- Guddigan hawshiisu waxa ay ku ekaan doontaa marka baaristu soo gaba-gabowdo. 5- Guddigan waxa uu magacaaban karaa Guddi-hoosaad Farsamo oo u fududeeya waajibaadka loo igmaday. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo guddi u magacowday Baaritaanka Weerarkii shalay ka dhacay Xabsiga Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa ku baaqay in tallaabo adag laga qaado Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA. Hoggaamiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa Taliska Hay’adda NISA ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen abaabulka Weerarkii Shalay ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar, kadib markii sida uu sheegay ay gudaha Xabsiga hub ugu geeyeen xubno ka tirsan Al-shabaab, si ay u fakiyaan. Sidoo kale, Wuxuu Taliska NISA ku tilmaamay mid fasahaadsan oo ku milmay Ururka Al-shabaab, islamarkaana u baahan in tallaabo laga qaado, si Khatartooda meesha looga saaro, maadaama xiriir hoose kala dhexeeyo Al-shabaab. Mudane Cabdishakuur, ayaa dhinaca kale Villa Somalia ku eedeeyay in ay Dalka gelisay Xaalad adag oo Amni-darro iyo degganaansho la’aan ah, si ay mudda kororsi u samaystaan Madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya. Halkaan ka daawo Hadalkiisa PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo sheegay in Taliska NISA xabsiga hub ugu geeyay maxaabiis Al-shabaab ah si loo fakiyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magacaabay guddi baaris ku sameeya dhacdadii shalay ka dhacday xabsiga dhexe. Xubnaha la magacaabay oo ka kooban lix qofood waxaa kasoo dhex muuqday taliyaha ciidanka asluubta S/Guuto Mahad Cabdiraxmaan Aadan. Liiska Guddiga la magacaabay: 1- Mudane Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaaladda Guddoomiye 2- Dr. Sulaymaan Max’ed Max’ud Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xubin 3- S/Gaas Cabdi Xasan MaxamedTaliyaha Ciidanka Booliska Xubin 4- S/Guuto Mahad C/raxmaan AadanTaliyaha Ciidanka Asluubta Xubin 5- S/Guuto C/llaahi Buulle KameeyXeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Xubin 6- G/Sare Guuleed Sh. Xuseen Aadan Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada (C.I.D.) Xubin Sidoo kale waxaa lasoo saaray dhawr qodob oo ah waajibaadka saaran guddiga la magacaabay, waxaana ka mid ah in la faray iney si deg-deg ah uga hawlgalaan baarista ku saabsan dhacdada. 1- Waxa xubnaha Guddiga sare ku xusan la farayaa in ay deg deg u hawl-galaan, una guda-galaan barista dhacdadaas, kana keenaan gub-gaar dhammays-tiran sida ugu dhaqsaha badan. 2- Guddiga waxa la farayaa iyaga oo gudanaya waajibaadkooda in ay si joogta ula socod-siiyaan Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha barista ay wadaan. 3- In hawshan Baarista lagu soo gaba-gabeeyo muddo Toban (10) casho gudahood ah oo ka bilaabanaysa taariikhda warqaddan. 4- Guddigan hawshiisu waxa ay ku ekaan doontaa marka baaristu soo gaba-gabowdo. 5- Guddigan waxa uu magacaaban karaa Guddi-hoosaad Farsamo oo u fududeeya waajibaadka loo igmaday.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda safar shaqo ugu ambabaxay dalka Jabuuti. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Mudane Ilyaas Cismaan Luga-toor, Wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo Lateliyayaal Madaxweyne. Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusii sagootiyey Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka mudane Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Mudug, Kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ciidan. Halkan Ka Eeg Sawirada Safarka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa madaxda Dowladda Soomaaliya ku eedeyay arimo badan oo ay ka mid yihiin Amniga iyo xaalada kala guurka,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed iyo xisbiyada ka dhisan dalka u soo jeediyay in laga qeyb qaato horomarka iyo nabada Soomaaliya. Halkan Ka Daawo Hadal Jeedintii Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa Maanta Safar shaqo ugu baxay Waddanka Jabuuti, sida ay shaacisay Madaxtooyada Puntland. Safarka Madaxweynaha, Waxa ku wehelinayay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebilay, Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Cabdullaahi Cabdi Xirsi iyo La-taliyaal Madaxweyne. Wefdiga Madaxweyne Deni, waxaa Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo ku sii saagootiyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Xildhibaano, Maamulka Gobolka Mudug, Kan degmada Gaalkacyo iyo Saraakiil Ciidan. Inkastoo Madaxtooyada Puntland aysan faahfaahin ka bixin Ujeedka Safarkiisa, haddana warar hoose oo Puntland Post heshay, waxay tibaaxayaan in Madaxweyne Deni uu Dowladda Jabuuti ka doontay Xafaarad ciidda ka saarta Dekedda Magaalada Boosaaso. Xaaladda Dekedda Boosaaso, ayaa todobaadyadii u dambeeyay laga soo deyrinayay, kadib markii sida la sheegay ciid ay ka buuxsantay qayba muhiima ah oo kamid ah Dekedda. Shirkadda DP World, oo mudda ka badan saddex sannadood gacanta ku haysa Dekedda Boosaaso, ayaan Iyana wax Shaqo ah ka qaban muddadii ah halkaasi joogtay. PUNTLAND POST The post Ujeedka Safarka Madaxweyne Deni ee Jabuuti appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee dalka iyo weerarkii tooska ah ee shalay Galab ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa marka hore ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay ku fashilantay amniga Muqdisho, islamarkaana ay sugi la’dahay xabsiyadeeda. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey weerarkii xabsiga dhexe inay ka dambeeyeen saraakiil ka tirsan ha’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya, wuxuuna shaaciyey in qorshuhu ahaa in la fakiyo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ku xiran xabsigaasi. “Al-Shabaab ayaa hub loo galiyay Xabsiga dhexe ee Xamar, waana qorsho Nabadsugidda ka dambeyso madaama ay ku milan yihiin ragga ka tirsan Al-Shabaab.” ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoggaamiyo xibiga Wadajir. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo ka hadlay arrimo ku aadan marxaladda kala guurka ah iyo magacaabida r/wasaaraha cusub. CC Shakuur ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ra’iisul wasaaraha imaan doono looga fadhiyo inuu wax ka qabto amniga, fulinta waxybaahii ka soo baxay shirarkii dhowaan ka dhacay Dhuusamareeb iyo u diyaar garowga doorashada soo socota ee 2020/2021-ka. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay weerar khasaare badan geystay uu ka dhacay gudaha xabsiga dhexe, kadib markii ay ciidamada dowladda la dagaalameen qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsigaasi, waxaana weerarkaasi ka dhashay shaki iyo su’aalo badan oo ku aadan sida hubka ay ku dagaalameen ku heleen maxaabiistaasi. Halkan hoose ka daawo muuqaalka: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2020/08/ccc.mp4
-
(SLT-Muqdisho)-Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ee Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalkii xalay Xarunta xabsiga dhexe ee Xamar ku dhex-maray Maxaabiis ku jiray iyo Ciidanka ilaalada ka haayay Xarunataas. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa waxaa uu sheegay in wixii ka dhacay Xabsiga dhexe ay ahaayeen qorshe lagu doonayay in lagu sii daayo rag xabsiga ugu xidhnaa Al-shabaanimo. Waxaa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in aan loo baahneyn in Mas’uuliyiinta xabsiga dhexe dusha loo saaro falkii shalay ka dhacay halkaas, isagoo Carabka ku dhuftay in maxaabiista loo geliyay hub si ay ugu dagaalaman. “Arrinta Xabsiga Dhexe ka dhacday waa qorshe hay’addaha Nabadsugidda Soomaaliya ay ku sii deyneysay xubno Al-shabaab ah oo xabsiga ku xidhnaa” ayuu yidhi CC Shakuur. Dhinaca kale hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay qaraxii maalmo ka hor lagu weeraray Xerada ay degan yihiin guutadda 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka, isagoo sheegay in Khasaaraha ka dhashay qaraxaas la qariyay ayna qarinta arrintaas ka dambeysay Hay’adda nabadsugida, waa sida uu hadalka u dhigay. Isagoo sii hadlaayay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayuu yidhi ”Ra’iisul-wasaaraha cusub ee lasoo magacaabi-doono hadduu rabo kalsoonida dadka iyo in la aamino waa inuu taliska Nabad-sugidda hoggaankeeda ee iyaga shabaabka lakala garan la’yahay”. Source
-
Tababare ku xigeenka ku xigeenka kooxda Dowladda hoose ee Muqdisho City Club Daadir Amiin Cali ayaa horyaalka Somalia Premier League qaaday,isagoo macallin iyo ciyaaryahan wuxuuna arintaa ku sheegay rikoor aad u wanaagsan u sameeyay,tani ay qeyb ka qaadanayso horomarka xirfada tababarnimo. Sanadii 2016 Daadir Amiin waxa uu ahaa kabtankii hogaaminayay naadiga Banaadir Sports Club ee ku guulaystay horyaalka Soomaaliya,blase saddex sano ka dib waxaa u suurta gashay 2020 in uu qaado horaaylka Soomaaliya,isagoo ka mid ah macallimiinta kooxda Muqdisho City Club. “Waa taariikh ii wanaagsan labada waqtiba ma iloobi doono waxaan samaysay rikoor wanaagsan waana sii wadi doonaa guulahan oo kale” ayuu Goobjoog Sports u sheegay tababare ku xigeenka naadiga Muqdisho City Club Daadir Amiin Cali. Sidoo Kale Halkan Ka Aqriso Hanashada Horyaalka Iyo Kooxda Muqdisho City Muqdisho City Club Oo Si Weyn Ugu Dabaal Dagtay Hanashada Horyaalka Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Agaasimaha Universal ee Hargeysa, Maxamed Caabi Digaale oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa sharci darro ku tilmaamay ganaaxii maalinimadii shalay ay ku soo rogtay Somaliland muuqaal baahiyeyaasha Universal iyo Star, kuwaas dhowaan amar ka soo baxay wasaaradda warfaafinta lagu xiray laguna ganaaxay markii dambe lacag. Agaasimaha ayaa xusay inaan loo ogolaan in ay doodaan, muddana ay ku dabo socdeen maxkamdda sare ayna u sheegtay in dib loo eegayo waxaana uu intaas ku daray in qodobka lagu soo eedeeyey ee baahinta khudbaddii Madaxweyne Biixii ee 26-ka June aysan ku jirin Dastuurka Somaliland sida uu ku dooday agaasimaha Tv-ga . “Marka ugu horeysay waxa nagula heystay waa sharci darro, Tv private lagu yiraahdo maxaa u siideyn weysay dastuurka Somaliland meel ay uga taallo malahan, ciddii siidey weysana waa la xirayaa , markii TV-ga la xiray waxaan ka daba wareegnay maxkamadda sare ee qaranka. Markii aan muddo ka daba wareegnay waxaa ay nagu dhaheen qarar ayaan soo saareynaa oo ay nagu dhaheen waa in dib loo eego waxa lagu heysto labada Tv. markii la filaayey in qaladkooda ay saxaan ayey maanta waxaa ay soo saareen qanaax 15,000$” ayuu yiri agaasimaha Tv-ga. Halnaak Hoose ka daawo Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beirut (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Lubnaan, Xasan Diab ayaa shaaciyey inuu is-casilay, kadib qaraxyadii xooganaa ee ruxay caasimada dalkaas ee Beirut. Xasan Diab ayaa is-casilaadiisa maanta uga dhawaaqay warbaahinta dowladda, ka gadaal markii ay isa soo tareen dibad-baxyada looga soo horjeedo xukuumaddiisa. Sidoo kale Madaxweynaha Lubnaan, Michel Aoun ayaa aqbalay is-casilaada ra’iisul wasaarihiisa, balse wuxuu xukuumadda ka dalbaday inay si KMG ah shaqada u sii wato. Is-casilaada ra’iisul wasaare Xasan Diab ayaa imaaneysa, xilli xaaladda adag ay wajaheyso Lubnaan, kadib musiibadii ka dhacday magaalada Beirut. Shacabka ayaa dalbaday is-bedal deg-deg ah, kadib mudaharaadyo xiriir ah oo ay ka dhigeen magaalooyinka waa weyn ee dalkaasi. Qaraxyadii gil-gilay Beirut ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 150 ruux, halka ay ku dhaawacmeen kumaan kale oo shacab ah.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sacdiyo Salaad Samatar oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda amni ee magaalada Muqdisho iyo mida siyaasadeed, xilli haatan lagu jiro marxalad adag oo kala guur ah. Ugu horreyn Xildhibaanada ayaa sheegtay inay korortay saddexdii sano ee ugu dambeysay amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho, iyada oo tilmaamtay in xaafadaha qaar aysan tagi karin mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda amni darro aawgeed. Sacdiyo ayaa tusaale u soo qaatay dhacdo la yaab leh oo qabsatay, kadib markii iyada oo wejiga u xiran yahay ay booqatay Suuqa Bakaaraha, waxaana ay shaacisay in markii ay suuqaasi tegtay ay si weyn uga argagaxeen ehelladeeda oo u baqay amnigeeda. Sidoo kale waxay is-weydiisay, sida ay xilligan ku suura-geli karto doorasho qof iyo cod ah oo ay haatan qorshaheeda wado dowladda, iyada lagu jiro marxaladaasi amni. “Bakaaraha ayaan tagay anoo wejiga duubtay ehelki way aragagaxeen maxaa halkaan ku keenay? Dowlad aan Bakaaro ka talin sidee doorasho qof iyo cod ku qabanaysaa?.” ayay tiri Xildhibaan Sacdiyo Salaad oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka. Ammaanka Muqdisho oo u baahan wax ka qabasho ayaa marar badan si weyn loogu dhaliilay dowladda federaalka, mana muuqdo qorshe cad oo wax looga qabanayo. Hadalkan ayaase ku soo aadaya, iyadoo weerarkii ugu dambeeyey uu shalay galab ka dhacay xabsiga dhexe ee Xamar, kaas oo ay fuliyeen maxaabiis ku jirtay xabsigaasi.
-
MOGADISHU (HOL) - Somali government has vowed to establish the circumstances under which an inmate at Mogadishu central jail acquired a gun and killed at least 10 people among them security guards. Source: Hiiraan Online
