Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Giriiga ayaa ugu baaqday Waddanka Turkiga in uu dib ugala baxo Markab ka yimid deked ku taalla Turkiga kaasi oo sahan qodid shidaal ka samayn doona bariga badda Mediterranean-ka. Xiisadda u dhaxeysa labada dal ayaa marar hore sare u kacday,balse murankan hadda ayaa ku saabsan keydka Gaaska ee badda waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda ay cirka isku sii shareerto. Kadib markii Dowladda Turkiga ay bishii July shaacisay in Markab baaritaan shidaal sameeya ay genayso jasiiradda Kastellorizo waxaa murankii ka dhashay markii hore xalisay dowladda Jarmalka oo haatan haysa jagada madaxwaynaha Midowga Yurub. Labadan dalka oo ka wada tirsan gaashaanbuurta Nato ayaa waxay is waydaarsadeen hadalo dhiilo xambaarsan. Dowladda Giriiga ayaa wacad ku martay in ay difaci doonto madaxbanaanideeda islamarkana midowga Yurub oo ay Gariiga xubin ka yihiin ayaa wadaxaajood ku baaqay. PUNTLAND POST The post Xiisad ka dhex qaraxday Turkiga iyo Giriiga appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – “Boob xoogan ayay wadaan” mas’uuliyiinta sii haayayaasha ka ah xukuumadda kalsoonida uu kala noqdey baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, sida uu sheegay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa ka dhawaajiyey in la dalac-siiyey in ka badan 200 sarkaal ciidan, lana magacaabay tobanaan diblumaasiyiin heer sarre ah. Sidda laga soo xigtay Warsame, magacaabidaan baalmarsan shuruucda waddanka waxaa lagu taxay xubno ku heeb [qaraabo] ah yihiin madaxda waqtiga kasii dhacayo. Bishii hore Julaayo 25-keeda ayay ahayd markii Aqalka Hoose uu riday xukuumadii Xasan Cali Khayre, waxaana madaxweyne Farmaajo uu si ku meelgaarka ah xilka ugu dhiibay Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar]. Waxa uu sheegay in magacaabidaas ay sharci darro tahay, maadaama dastuurka ku meelgaarka ah uu xeerinayo in xukuumadda ay sii shaqeyneyso inta laga soo dhisayo xukuumadda cusub ee bedeleysa. “Maxay keentay marka xukuumad sharci darro ah oo dalka ka talineysa? Waxa ay ku dhaqmeyso waxaa la yiraahdaa jenaan-boob Waxaa la kala boobayaa hantidii dowladda, waxaa la kala boobayaa mas’uuliyadihii iyo xilalkii dowladda, waxaa la kala boobayaa manaasibtii xataa garaadihii ciidanka ayaa boob lagu hayaa,” ayuu Warsame u sheegay warbaahinta Muqdisho. Wuxuu hadalkiisa raaciyey: “Madaxweynaha wuxuu go’aansaday in uusan xukuumad dhisin si jenaan-boobkaas u sii socdo”. Talaabooyinka kale ee xisbiyadda iyo maamuladda qaar ka gadoodeen oo xukuumadda xil-sii-gaarsiinta ah ay qaadey waxaa kamid ah magacaabida Hay’adda Batroolka iyo Golaha Adeega Garsoorka. Xigasho: Garowe Online
  3. Faahfaahin Dheerada oo ka soo baxay Qarax caawa ka dhacay Muqdisho & Khasaaraha ka dhashay Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qarax aad u xooganaa oo caawa fiidnimadii laga maqlay magaalada Muqdisho meelo badan oo ka mid ah. Qaraxan ayaa ka dhacay wadada isku xidhta Suuqa beerta iyo Dugsiga sare ee 21-ka Oktoobar oo ka tirsan degmada Waaberi-Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday miino la dhigay wadada dhinaceeda oo lala beegsaday Gaadhi nooca raaxada ah (Surf) oo xiligaas marayey wadada. Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas uu ku dhaawacmay nin la socday gaadhigaas oo aan la ogeyn qofka uu ahaa, isla markaana uu khasaare burbur gaadhay gaadhiga. Ciidamada amaanka Somalia ayaa gaadhay goobtaas, iyagoo xidhay wadada, waxayna wadaan baadhitaano kala duwan, iyadoo mararka qaarkood la maqlayo rasaas ay cirka u ridayaan. Qaran News
  4. Siday Israel uga bad-baadisay Dawlada Qatar shirqool Sacuudiga iyo Imaaraadka u maleegeen! Khilaafka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, iyo Masar oo isku dhinac ah iyo Qatar ayaa qarxay bishii June sanadkii 2017-kii, xilligaas oo wadamadaasi ay go’adoon ku soo rogeen dalka Qatar, iyagoo ku eedeeyay in ay taageero siisay Xamaas iyo argagixisadda. Wixii ku xigay aad ayaa loo ogyahay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bar-bar istaagay Qatar, wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka, isagoo ku booriyay in aan lagu dhicin xasaradaha, isla markaana aan lala safan qorshaha ka dhanka ah Qatar. Erdogan waxaa uu sidoo kale ciidan Turki ah geeyay Qatar, taasi oo qayb ka ahayd istiraatiijiyadda ka hortagga ee ka dhanka ah Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Iran ayaa sidoo kale dhaqaalaha Qatar ka badbaadisay in uu burburo, iyadoo hawadeeda u furtay diyaaradaha siday adeega iyo badeecada markii uu billowga ahaa go’adoonku. Lakiin arrinta aan aad loo fahamsaneyn ayaa ah in Israa’iil ay sidoo kale door ka cayaartay xasilinta khilaafka, ayna bad-baadisay Qatar. In kastoo labada dal aysan lahayn xiriir diblomaasiyadeed tan iyo sanadkii 2012-kii, Israa’iil waxay Doxa u fidisay kaalmo diblomaasiyadeed, iyadoo kordhineysa dhismaha ay ka waday Gaza, taasi oo sidoo kale bedeshay aragtidii Washington ay ka qabtay in Qatar ay taageerto Xamaas. Dhamaan dalalkaasi waxay si fiican ula shaqeeyeen Istaatiijiyadda diblomaasiyadeed ee maamulka Trump uu ka leeyahay khilaafka gobolka. Bishii June sanadkii 2017-kii Madaxweyne Donald Trump oo tilifoonka kula hadlay Boqol Salmaan-ka Sucuudiga ayaa ka diiday soojeedintii Sucuudiga ee ahayd in lagu duulo Qatar. Muddo yar kadib Maraykanka ayaa Kuwait ka dalbaday in ay dhex-dhexaadiso dalalka, iyadoo hadafku uu ahaa in khilaafka lagu xaliyo Golaha Iskaashiga oo Gacanka dhexdiisa ah. Israa’iil ayaa xilligaas waxaa ay diiday hindise sharciyeed ay Congress-ka Maraykanku doonayeen in ay Qatar ugu aqoonsadaan wadan maal-geliya argagixisadda, sababtoo ah xiriirka ay la leedahay Xamaas. Isla waqtigaas Israa’iil waxay kordhisay iskaashiga dadban ee ay la leedahay Imaaraadka oo ah cadowga Qatar ee gobolka, Iskaashigaas waxaa ka mid ahaa kulan ay Washington ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Safiiradda Imaraadka iyo Baxreyn. Xiriirka Israa’iil ay la leedahay Imaaraadka ayaa banaanka usoo baxay, iyadoo Israa’iil ay adkeysay xiriirka kala dhexeeya Abu Dhabi ayey hadana gacan nabadeed u fidisay Doxa. Dadka wax indho-indheeya waxay u arki karaan in faro gelinka Israa’iil ay tahay wax aan lasoo dhaweyn, laakiin dhabtu waxay tahay in dalalka isu-bahaystay Qatar ay saacideen halganka ay Israa’iil ka dhex wado Carabta, iyagoo dirradda saaraya xiriirka Qatar iyo Xamaas si ay taageeradda Trump ugu helaan Go’adoominta Qatar. Israa’iil waxay saaxiib la aqbali karo u ahayd Imaraadka, Qatar iyo Cummaan sababtoo ah saameynta ay ku leedahay Washington darteed iyo awooda ay u leedahay in ay miisaanto awoodda gacanka. Inkastoo ay isu-soo dhawaanayaan Israa’iil iyo dalalka Gacanka, taas ma aysan sababin cabsi laga qabo Iran, balse waxaa sababay khilaaf ka dhex jira Golaha Iskaashiga Gacanka dhexdiisa. Israa’iil waxay muujisay in ay dheeli-tiri karto awoodda Gacanka. Waxayna isu bedeshay saaxiib ay isku haleyn karaan Imaaraadka, Qatar iyo Cummaan. Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan hay’adda dambi baarista Booliska Soomaaliya ee CID ayaa shalay tagay xabsiga dhexe ee Xamar, kadib weerarkii Isniintii ka dhacay gudaha xabsiga. Saraakiishan ayaa ka hor inta aysan meesha tagin waxaa kaga horreeyay guddigii loo xil saaray in ay baaritaan ku sameeyaan kiiskaan waxaana kadib goobta tagay Saraakiisha CID. Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in halkaas laga soo xiray afar kamid ah ciidanka Asluubta Soomaaliya oo laba kamid ah ay yihiin saraakiil sare. Ciidankaan iyo Saraakiisha la xiray ayaa qaarkood waxay ku qornaayeen heeganka ama shaqada ilaalada xabsiga xiliga uu dhacayey weerarka halka qaar kalane aysan xiligaas shaqo ku jirin. Lama sheegin sababta xarigood,a hase yeeshee waxaa la filayaa inuu la xariiro weerarkii Isniintii todobaadkaan ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar. Sidoo kale, taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta bedelay dhamaan ciidanka ilaalada Xabsiga Dhexe iyo qaar ka mid ah ciidanka ku sugan kontaroolada laga soo galo Xabsiga. Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in ciidanka dhamaantood maanta la badalay lana keenay kuwa kale oo ka tirsan Asluubta. Arintaan ayaa la xariirtii weerarkii Xabsiga Dhexe ka dhacay kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, waxaana jira hadal heyn badan iyo shakiyo oo arintaas ku saabsan. Sii-haya xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa shalay kulan la qaatay guddigii uu magacaabay ee qaabilsanaa baaritaanka weerarkii Xabsiga dhexe isagoo ku adkeeyay in ay deg deg warbixin u keenaan.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qabya-tirka dastuurka KMG ah ee dalka oo ka kooban labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta hor tegay xildhibaanada golaha shacabka ee barlamaanka Soomaaliya, waxayna ka hor akhriyeen warbixin ay soo diyaariyeen. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah xubnaha guddigan ee ka kala tirsan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka oo mudooyinkii dambe ku howlanaa qabya-tirka dastuurka dalka, iyagoo kaashanayey wasaaradda dastuurka iyo guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka, golaha shacabka ka hor sheegay in la dayacay dastuurka dalka. Senator Xuseen Sheekh waxa uu sheegay in dastuurka dalka ay caqabada ugu weyn ka heysato seddax dhinac oo waaweyn, kuwaas oo kala ah, xukuumadda, baarlamaanka federaalka iyo dowlad goboleedyada. “Caqabadda koowaad ee heysata dastuurka waxay tahay cid rabta oo sida doorashada ugu dagaalameysa malahan, kasoo bilaaw xukuumadda, baarlamaanka iyo dowlad goboleedyadii oo qaarkoodba diiday in laga hadlo” ayuu yiri. Sidoo kale Senator Xuseen waxa uu sheegay in 15-kii sano ee lasoo dhaafay lagu guul dareystay in xal loo helo maareynta arrimaha dastuurka, hatana aysan ififaalo muuqan hadii aan la helin hoggaan ugu dagaalama, “Sida doorashada loogu dagaalamayo.” Ugu dambeyntii Senator Xuseen Sheekh ayaa baarlamaankan 10-aad kula taliyey inay is daba qabtaan oo ugu yaraan qodobada aan lagu muran saneyn ee dastuurka ay dhameystiraan. Dastuurka dalka qabya-tirkiisa ayaa lagu waday in lasoo gaba-gabeeyo ka hor sanadkan 2020-ka, balse waxaa lagu andacooday in dib u dhac-weyn ku keenay xanuunka Coronavirus oo kiisas badan laga helay dalka. Sidoo kale waxaa jiray khilaafka soo kala dhexgelay dowladda federaalka iyo maamul goboladedyada qaar, kaas oo kaalin weyn ka qaatay dib u dhaca ku yimid qabya tirka dastuurka KMG ah ee dalka. Markii ay soo dhamaato qabya-tirka lagu wado dastuurka dalka ayaa lagu wadaa in ay meel mariyaan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, intaas ka dibna ay shacabka Soomaaliyeed afti u qaadaan. Hoos ka Daawo Senator Xuseen
  7. “Waa maalin muran iyo, makeeki hadhee Waa maalin Ilaahay maansheeyee Aan maalno hasheenna Maandeeq” Heestan waxaa tiriyey AHN Abwaan Saxardiid Maxammed Jebiye. Heestani waxay soo baxday 26kii June 1960. Waa maalintii maxmiyaddii Ingiriisku ka huleeshay degaannadii Soomaaliyeed ee ay gumaysanaysey. Dadkii dhulkaa degganaa waxay maalintaa laga bilaabo heleen “madaxbannaani buuxda” iyo inay iyagu taladooda gacantooda ku qabsadaan aayahoodana ka tashadaan. Abwaannadu waxay suugaanta ku cabbiraan hadba marxaladda bulshadoodu marayso, duruufaha hor yaalla, dhaliilaha u muuqda, rajooyinka u iftiimaya, khataraha soo wajahan iwm. Abwaan Jebiye AHN, maalintaa u arkayey ummadda Soomaaliyeed sidii qoys/reer hanti ay lahaayeen oo laga dhacay dib u soo dhacsaday, loona baahan yahay in hantidaas si fiican loo haaneedo, Ilaahayna loogu mahadnaqo. Bal qiyaas reer geeloodii laga dhacay oo muddo caydhnimo iyo niyad xumo ku jirey. Qoys geeloodii laga dhacay oo kii ka dhacay hortooda ku maalayey oo awoodi waayey inay dhacsadaan iska daaye, in hambada geelooda laga maalay wax laga siiyo,oo aan ka hadli karin caanaha inta geelooda laga soo lisay haddana kii soo lisay markuu ka dhergo afka ciidda u gelinayo. Bal qiyaas haddii kii geela lahaa is yidhaahdo ka hadal in xabsi loo taxaabayo. Bal qiyaas kii isyidhaahda geelaaga soo dhacso sidii halgankii Daraawiushta oo kale haddii diyaarado qumbulado sun ah wata lagu rushaynayo. Bal qiyaas sidii Sheekh Bashiir oo kale kii ka gadooda dhacaas iyo dulmigaas haddii dadkiisa dhexdiisa lagu deldelayo oo weliba meydkiisa la diido in la aaso! Bal qiyaas Suldaanka hadal ka soo celiya haddii sidii Suldaan Maxamuud Cali Shire haddii la masaafurinayo oo dibedaha lagu xidhayo. Bal qiyaas sidii dhacday 1948 (Ogaden region) iyo 1954 (Hawd and Reserved Area) haddii dooxooyinkii geelaagu daaqi jirey loo gacan geliyo cadow kale oo aad deris tihiin. Suugaanta Soomaalidu ka qoto dheer kana sal ballaadhan ereyada dhegtaada ku dhacaya ama dhawaqa codka dhegtaadu maqasho. Ka mug, miisaan iyo micneba weyn ereyo qoran oo ishaadu aragto oo akhrido. Suugaantu waxay leedahay sogordoh iyo sarbeeb. Waxay leedahay micno daalacan iyo mid dedan. Waxay leedahay micneyaal furan oo qofba nabarkiisa buka dawo ahaan ula raadsado. Waxay ka turjuntaa dhaqan, taariikh iyo bii’ad. Waxa nasiib darro ah in aragti dhow oo aanay u qalmin lagu cabbiro oo ereyga siduu u yahay oo mutaxan loo qaato iyadoo aan la dhadhansanayn nuxurka uu xambaarsan yahay ee abwaanku tooganayo, iyo ujeedada durugsan ee murtida xambaarsan ee laga rabo iyadoo farshaxamaysan in lagu keydiyo. “Aan maallo hasheena Maandeeq.” Haddaad u qaadatay neef geel ah oo inta la soo xereeyo caano laga maalayo, oo aadan is weydiin su’aalahan; waa tuma Maandeeqdani? Yaa la rabaa inay maalaan? Maxay looga baahan yahay qoyska si ay maandeeq caano badan uga maalaan? Cadow ma leedahay hashani loo baahan yahay in laga ilaaliyo oo nafta loo huro? Ma u baahan tahay in la tarmiyo oo ay ubad badan dhasho si loo helo markay gaboowdo qaalmihii beddeli lahaa iyo baarqabkii lagu dari lahaa? Dhulkii Maandeeq daaqi lahayd iyo ceelashay ka cabi lahayd xor ma u tahay, mise qaar baa laga haystaa oo u baahan in loo soo dhiciyo? Maabdeeq caanaheeda sidee qoyska loo wada gaadhsiibayaa? Waa maxay Maandeeqda abwaanku ka hadlayaa? Sidan Maandeeq AHN abwaan Saxardiid ugu soo qaatay waxa abwaan kale u soo qaadan karayey, faras, beer, geed, kalluun IWM. Waxa loo soo qaadan karayey dayax, qorrax/cadceed, xiddig, waaberi, iftiin, ceel biyood iwm. Marka looma baahna inaad beerta, geedka, ceelka, dayaxa abwaan ka hadlayo aad u qaadatid sidiisa laakiin waa inaad ujeeddada walxahan tusaalaha loo soo qaadanayo laga leeyahay aad isku daydaa inaad fahamto. Waxyaalaha la yaabka leh ee aad arkayso beryahan danbe waxa ka mid qof Soomaaliyeed oo sheeganaya siyaasi ama aqoon yahan (ama labadaba) oo duraya heesta “aan maalno hesheenna Maandeeq” welibana dhibka Soomaali haystana ku sababaynaya heestaa qiimaha badan ee micnaha weyn xambaaran. Dhibku maaha heesta, ee waa fahamka khaldan iyo aqoon iyo aragti gaabnida qofkan isxariifinaya ee aqoonyahanka sheeganayaa ka qaatay heesta. In qofkan aqoonyahanka sheeganayaa ama siyaasiga uu aragtidan gabnada ah ama gudhan la soo gole fadhiisto oo ku doodo “dawladnimadeenii baa hal la maalayo lagu meteley” isagoo hashaa la maalayo iin iyo nuqsaan u micnaystay, waa nasiib darro weyn, indho adayg iyo “anna waa i kan”. Haduu siyaasiga iyo aqoonyahanka maanta joogaa u qaatay Maandeeqda abwaanku 1960kii ka hadlayey, neef geel ah oo reero iska soo horjeedaa kala dhacayaan si ay caanaha uga maalaan keliya, waa aragti wasakhaysan oo maskax fasahaad iyo qoqob ku biiray ka soo maaxanaysa. Maandeeqda abwaanku ka hadlayaa waa mid hal qoys oo Soomaali la yidhaahdaa lahaayeen, oo dhac kaga maqnayd muddo dheer, rag iyo dumar badani u soo dhinteen, xabsiyo u soo galeen, carruuro u jasheen, dayac badanna loo soo maray soo dhicinteeda. “Aan maalno” markuu ina leeyahay micne weyn oo waajibaadyo badan huwan ayaa la socda. Bal hadda heestan AHN Cabdillaahi Qarshe siyaasi ku sheegga iyo aqoonyahan-ismoodka Maandeeq khaladka u turjuntay ee maanta fikirkiisa gurracan bulshada ku marin habaabinaya toloow wax micno ah ma u samaynaysaa? “Hadhuub nin sitoo, hashiisa irmaan, ha maalin la leeyahay baah ahayeey. Nin hawd fadhiyoo, harraad dilayoo, biyaha kaga heegey baan ahayeey….” Waxaan ku soo af meerayaa dhibta ina haysataa maaha “aan maalno hasheenna Maandeeq.” Dhibku waxa weeye in qoyskii hashaa lahaa e Soomaaliyeed ay gabeen oo ka gaabiyeen waajibaadyadii saarnaa ee ahaa inay gutaan si ay hashaa u maalaan. W/Q: Maxamuud Ibrahim (Xaaji) dalmarbilaal@gmail.com Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta bedelay dhamaan ciidanka ilaalada Xabsiga Dhexe iyo qaar ka mid ah ciidanka ku sugan kontaroolada laga soo galo Xabsiga. Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in ciidanka dhamaantood maanta la badalay lana keenay kuwa kale oo ka tirsan Asluubta. Arintaan ayaa la xariirtii weerarkii Xabsiga Dhexe ka dhacay kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan, waxaana jira hadal heyn badan iyo shakiyo oo arintaas ku saabsan. Taliska Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in isbadalkaan uu saameen doono goobo badan oo ka tirsan Xabsiga Dhexe iyo kontaroolada ku dhaw dhaw. Weerarkii Isniintii Todobaadkaan ka dhacay Xabsiga Dhexe ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 19 qof iyo dhaawac tiro kale waxaana la sheegay in dowladu ay wajaheyso fadeexad weyn oo ka dhalatay weerarkaas. Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta la kulmay guddi uu u magacaabay inay soo baaraan weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Xubnaha guddiga ayaa kla ah Xasan Xuseen Xaaji oo ah Wasiirka Cadaaladda oo ah guddoomiyaha guddiga, iyo Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo ah Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan , Taliyaha Ciidanka Asluubta, Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada iyo Gaashaanle Sare Guuleed Sheekh Xuseen Aadan Taliyaha Hoggaanka Baarista Dambiyada. Kulankan ayaa ayaa imanaysa iyadoo dadka ay su’aalo badan iska weydiinayaan sida ay wax uga dhaceen xabsiga dhexe, iyo sida ay hubka ku heleen maxaabiistii Shabaab ee weerarka gaystay.
  9. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo hadal u jeediyey Golaha Wakiillada Toddobaadkan ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan rumaysan yihiin in inkasta Miisaaniyadda Qaranku yar tahay haddana ay ku filan yihiin inay Tiro-koob ku sameeyaan Dadka ku dhaqan Dalka, gaar ahaan Magaalo-madaxyada Lixda Gobol ee dalka ugu waaweyn, taana ay qorsheeyeen inay fuliyaan Sannadka soo socda. Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu aamisan nahay Wasaarad ahaan Miisaaniyadda Qaranku haba koobnaato’e in tiro-koobka wax laga samayn karo, waxaanu isku dayeynaa in Magaalo-madaxyada Lixda Gobol ka samaynayo Sannadka soo socda haddii Allaah yidhaahdo (Tiro-koobkooda), oo weliba guri guri la isku taagayo, Guri walba inta Qof ee ku nool la tiro-koobayo, Qofkii yidhaahda waa la iga tagay la yidhaahdo meel Gurigaagu.” Wasiir Gaafaadhi waxa kale oo uu sheegay inay Hay’daha dalka ka shaqeeya isku hayaan inay Dadkii Abaaraha ka soo barakacay ee xilligan Xeryaha ku jira xoolo loo iibiyo inta doonaysa inay noloshii Baadiyaha ku noqdaan, inta kalena la baro xirfado ay ku shaqaystaan “Waxaanu hay’adihi isku haynaa in Dadka wixii diyaar u ah inay xoolo qaataan oo ay dib ugu noqdaan (Miyiga) la xooleeyo, wixii kalena in farsamooyin la baro ay ku xoogsan karaan, laakiin aan Dadkii lagu haynin Xeryaha, Waayo? Dadku Xeryaha way ku baaba’een, Cid aan la garanayn ayay ku tiirsan yihiin, goorta laga goyn doona ma oga, dhaqanna maaha oo dhaqan xumo ayaa ka kordhaysa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xaaladaha deg-degga ahi markay yimaaddaan, waa inuu muddo gaaban ahaadaa, wixii dambe waa inay ahaadaan sidii Dadkan loogu celin lahaa Nolol ay shaqaysan karaan, laakiin hadda waxaad mooddaa in laga door-biday in Lacagta Mobile-ka loogu shubo, taana aadna waanu uga soo horjeednaa, gacantana waxaanu ku haynaa habkii loo Mabnuuci lahaa waxyaabahaasi inay sii socdaan iyo wixii lagu beddeli lahaa.” Geeska Qaran News
  10. Cairo – 12 August 2020 – UNFPA is urgently appealing for USD 19.6 million to meet the lifesaving needs of women and girls impacted by the 4 August explosion at the Beirut Port, which killed at least 160 people, injured around 6,000, and displaced more than 300,000. Reports also indicate that more than 80 primary health care centres have been severely damaged. Preliminary assessments show that an estimated 15 hospitals have been significantly impacted by the blast and a minimum of three have been rendered partially or fully inoperable. The Beirut Port explosion has created yet another large-scale crisis in Lebanon, a country in the midst of a serious financial and economic crisis in addition to the COVID-19 pandemic. In recent months, economic contraction, increasing poverty, inflation and rising prices of staple products have compounded essential needs among both Lebanese and non-Lebanese communities – including the approximately 1.5 million refugees who constitute the highest per capita refugee population in the world. UNFPA is scaling up its efforts to meet the emerging needs of an estimated 81,000 women of reproductive age and 48,000 adolescents among the 300,000 who have been displaced as a result of the explosion. As many maternity wards and primary healthcare centres have been affected, UNFPA aims to ensure continued ante-natal and delivery care services to those in need, including an estimated 3,938 currently displaced pregnant women. UNFPA will allocate the requested funds to provide urgently needed integrated sexual and reproductive health (SRH) services, including comprehensive emergency obstetric and neonatal care, family planning services, ante-natal care and postnatal care. UNFPA is also procuring medical equipment, medicines and supplies for maternity departments and affected health facilities and is supporting the provision of 25 per cent of health procurement needs for the next six months, as identified by the World Health Organization (WHO). UNFPA will provide medical supplies and equipment, personal protective equipment for health care providers, and deliver dignity kits customized to fit the specific needs of women, adolescent girls, and pregnant and lactating women. Given the displacement and economic hardships resulting from this crisis and the establishment of temporary shelters for those who have been rendered homeless, UNFPA expects the risks of gender-based violence and sexual exploitation and abuse to increase substantially. These risks were already on the rise before the incident due in large part to the COVID-19 pandemic with a notable rise in reported intimate partner violence. Requested funds will also be used to ensure that women and girls are able to safely access quality GBV response services, including Women and Girls Safe Spaces (WGSS), clinical management of sexual violence, psychological first aid, and counselling. UNFPA, in its lead role on GBV coordination and programming, will also ensure that risks of GBV are mitigated throughout the response, with a focus on more vulnerable segments of the community, including adolescent girls, older persons and persons with disabilities. An effective response to the increasing risks of GBV will also require a coordinated response to continue supporting survivors, with a focus on safeguarding the physical and mental wellbeing of women and girls in need. In this regard, UNFPA will engage a team of psychologists to work with local implementing partners to ensure that mental health and psychosocial support is adequately mainstreamed in the service package. UNFPA is working with local authorities and partner agencies to support the joint rapid assessment of hospitals and primary healthcare facilities in order to determine the extent of the damage to sexual and reproductive health and maternity departments. ### UNFPA delivering a world where every pregnancy is wanted, every childbirth is safe, and every young person’s potential is fulfilled. Qaran News
  11. Doha (Caasimada Online) – Khilaafka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, iyo Masar oo isku dhinac ah iyo Qatar ayaa qarxay bishii June sanadkii 2017-kii, xilligaas oo wadamadaasi ay go’adoon ku soo rogeen dalka Qatar, iyagoo ku eedeeyay in ay taageero siisay Xamaas iyo argagixisadda. Wixii ku xigay aad ayaa loo ogyahay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bar-bar istaagay Qatar, wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka, isagoo ku booriyay in aan lagu dhicin xasaradaha, isla markaana aan lala safan qorshaha ka dhanka ah Qatar. Erdogan waxaa uu sidoo kale ciidan Turki ah geeyay Qatar, taasi oo qayb ka ahayd istiraatiijiyadda ka hortagga ee ka dhanka ah Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Iran ayaa sidoo kale dhaqaalaha Qatar ka badbaadisay in uu burburo, iyadoo hawadeeda u furtay diyaaradaha siday adeega iyo badeecada markii uu billowga ahaa go’adoonku. Lakiin arrinta aan aad loo fahamsaneyn ayaa ah in Israa’iil ay sidoo kale door ka cayaartay xasilinta khilaafka, ayna bad-baadisay Qatar. In kastoo labada dal aysan lahayn xiriir diblomaasiyadeed tan iyo sanadkii 2012-kii, Israa’iil waxay Doxa u fidisay kaalmo diblomaasiyadeed, iyadoo kordhineysa dhismaha ay ka waday Gaza, taasi oo sidoo kale bedeshay aragtidii Washington ay ka qabtay in Qatar ay taageerto Xamaas. Dhamaan dalalkaasi waxay si fiican ula shaqeeyeen Istaatiijiyadda diblomaasiyadeed ee maamulka Trump uu ka leeyahay khilaafka gobolka. Bishii June sanadkii 2017-kii Madaxweyne Donald Trump oo tilifoonka kula hadlay Boqol Salmaan-ka Sucuudiga ayaa ka diiday soojeedintii Sucuudiga ee ahayd in lagu duulo Qatar. Muddo yar kadib Maraykanka ayaa Kuwait ka dalbaday in ay dhex-dhexaadiso dalalka, iyadoo hadafku uu ahaa in khilaafka lagu xaliyo Golaha Iskaashiga oo Gacanka dhexdiisa ah. Israa’iil ayaa xilligaas waxaa ay diiday hindise sharciyeed ay Congress-ka Maraykanku doonayeen in ay Qatar ugu aqoonsadaan wadan maal-geliya argagixisadda, sababtoo ah xiriirka ay la leedahay Xamaas. Isla waqtigaas Israa’iil waxay kordhisay iskaashiga dadban ee ay la leedahay Imaaraadka oo ah cadowga Qatar ee gobolka, Iskaashigaas waxaa ka mid ahaa kulan ay Washington ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Safiiradda Imaraadka iyo Baxreyn. Xiriirka Israa’iil ay la leedahay Imaaraadka ayaa banaanka usoo baxay, iyadoo Israa’iil ay adkeysay xiriirka kala dhexeeya Abu Dhabi ayey hadana gacan nabadeed u fidisay Doxa. Dadka wax indho-indheeya waxay u arki karaan in faro gelinka Israa’iil ay tahay wax aan lasoo dhaweyn, laakiin dhabtu waxay tahay in dalalka isu-bahaystay Qatar ay saacideen halganka ay Israa’iil ka dhex wado Carabta, iyagoo dirradda saaraya xiriirka Qatar iyo Xamaas si ay taageeradda Trump ugu helaan Go’adoominta Qatar. Israa’iil waxay saaxiib la aqbali karo u ahayd Imaraadka, Qatar iyo Cummaan sababtoo ah saameynta ay ku leedahay Washington darteed iyo awooda ay u leedahay in ay miisaanto awoodda gacanka. Inkastoo ay isu-soo dhawaanayaan Israa’iil iyo dalalka Gacanka, taas ma aysan sababin cabsi laga qabo Iran, balse waxaa sababay khilaaf ka dhex jira Golaha Iskaashiga Gacanka dhexdiisa. Israa’iil waxay muujisay in ay dheeli-tiri karto awoodda Gacanka. Waxayna isu bedeshay saaxiib ay isku haleyn karaan Imaaraadka, Qatar iyo Cummaan.
  12. Dhuusamareeb (Caasimada Online)-Deegaanka Shabeelow oo 20-KM koofur-bari ka xiga deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug waxaa maanta ka dhacay dagaal aad u culus oo ka dhex qarxay Al-Shabaab iyo dadka deegaanka, waxaana dib uga biiray ciidamo ka socday qeynta 21-aad ee militeriga Soomaaliya. Gabal dhicii galabta ayuu joogsaday dagaalkaas oo bilaawday waaberigii hore ee saakay, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Inta la xaqiijiyey 17-qof ayaa dagaalkaas uga dhimatay dhinacyadii dagaalamay, waxaana jira dhaawacyo intaas ka badan oo la kala gaarsiiyey xarumaha caafimaadka ee Gaalkacyo, Bacaadweyn iyo Xarardheere oo ay maamulaan Al-Shabaab. Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dadka reer guuraaga ah ee ku nool koofurta gobolka Mudug ay ka biyo diideen bixinta waxa ay Al-Shabaab ugu yeeraan zekawaadka, sida lacag, xoolo nool iyo caruurtooda oo ay doonayaan inay askareeyaan. Deegaanka uu dagalkaasi ka bilaawday ee Shabeelow, haatan waxaa maamulaya maleeshiyaadkii is abaabulay ee deegaanka iyo ciidanka xoogga dalka oo u gurmaday, waxaana laga saaray Al-Shabaab oo u ruuqaansaday dhanka degmada Xarardheere oo si buuxda ay u maamulaan. Dhanka kale ciidankii ugu badnaa ayaa galabta ka baxay magaalada Dhuusamareeb, waxayna caawa gaareen deegaan lagu magacaabo Bulacle oo hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana deegaankaas horay u maamulayey oo galabta isaga baxay Al-Shabaab, kadib markii ay ka war heleen in ciidamadan ay ku soo wajahanyihiin. Ciidamadan oo sida la sheegay la doonayo inay Al-Shabaab ka saaraan degmooyinka iyo deegaanada dhaca bariga iyo koofurta gobollada Mudug iyo Galgaduud ee Galmudug ayaa waxaa galabta Dhuusamareeb ka sagootiyey Madaxwayne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi, iyaga oo u sameeyey dardaaran iyo dhiiragalin ku aadan, duulaan ay sheegeen in Galmudug ay deegaanadeeda ku xoreyneyso.
  13. The Grand Ethiopian Renaissance Dam in Benishangul-Gumuz Region, Ethiopia, September 2019 Tiksa Negeri / Reuters The Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) is now a fait accompli. Last month, Ethiopia began filling an enormous reservoir behind the $4.5 billion hydroelectric project, which promises to make the country an energy powerhouse. The megadam will bring cheap electricity to millions of households, power Ethiopia’s developing industrial sector, and enable the government to earn much-needed foreign exchange by exporting electricity to neighboring countries. The two countries that lie downstream from Ethiopia on the Nile River, Sudan and Egypt, could also benefit from the dam through access to power, improved flood control, and more efficient water storage that reduces the volume of Nile water lost to evaporation. But ever since Ethiopia began construction in 2011, the dam has strained relations in the Nile River basin. Egypt considers the GERD an existential threat: the country depends on the Nile for nearly all of its fresh water and has enjoyed hegemony over the Nile basin for more than 60 years. A 1959 treaty with Sudan grants Egypt an overwhelming share of the river’s water. Ethiopia wasn’t party to that agreement, but Egypt has opposed any upstream dams that could constrict its water supply—even contemplating the use of military force to halt the GERD’s construction in 2013. Cairo has softened its position somewhat in recent years and sought to reach a negotiated settlement with Ethiopia, but it continues to regard the dam as a threat to its national interests. Sudan is caught in the middle of this dispute, both literally and figuratively: situated between the two regional powers on the Nile, it is well placed to capture the GERD’s benefits but wants to mitigate the project’s potential negative social and environmental impacts. Negotiations between the three countries have made some progress, but they have failed to resolve critical issues, such as the appropriate mechanism for dispute resolution or rules for operating the GERD in periods of protracted drought. Egypt and Sudan had demanded that the parties reach an agreement before Ethiopia could begin filling the reservoir, but Addis Ababa pushed ahead anyway—using raw engineering and construction might to upend what it saw as an unfair distribution of natural resources. Negotiations will likely continue—both over the GERD and over broader basinwide water-sharing issues—but so, too, will tensions between Cairo and Addis Ababa as they wrangle for influence in their immediate neighborhood and just beyond. But perhaps the most troubling effect of the water dispute will be within rather than between the countries of the Nile River basin. Toxic Nile politics have complicated the fragile democratic transition in Ethiopia by widening the political chasm between the government and its opponents. They have also entrenched Egyptian patterns of engagement with Sudan that elevate the Sudanese military and security services at the expense of the country’s civilian leaders. Nile River nationalism, in other words, has undermined two of the most promising democratic transitions in the Horn of Africa. REGIONAL BALANCING ACT Egypt has traditionally been an important player in the Horn of Africa region, but its influence has waned since the Arab Spring, while Ethiopia’s has grown. Having failed to halt the construction of the GERD, Cairo believes that it must rebuild its standing in the Horn in order to more effectively balance Ethiopia, both as a regional power and at the negotiating table in future Nile water talks. President Abdel Fattah el-Sisi, a strongman whose rule is grounded in narratives of national security and Egyptian renewal, is under immense pressure to avoid losing Egypt’s preferential claim to the Nile. As a result, his government has sought to curry favor with other states in the Horn and to drive a wedge between Ethiopia and its neighbors. One pillar of this strategy has been to leverage diplomatic momentum around Red Sea cooperation to Egypt’s advantage. A new Arab-African council, driven by Saudi Arabia and aimed at improving cooperation in the Red Sea and Gulf of Aden, emerged in January. Cairo initially had serious reservations about the initiative but joined it anyway in order to achieve an important goal: a regional alliance that includes Egypt and the Horn’s littoral states but excludes Ethiopia. Another pillar of Cairo’s strategy has been enhanced bilateral diplomatic and security cooperation with regional states. It has deepened ties with Sudan, creating at least the appearance of alignment between Cairo and Khartoum on the GERD. It has also sought to upgrade diplomatic ties with Somaliland, an autonomous region of Somalia that claims independence from Mogadishu; pursued (at least briefly) a free-trade zone in Djibouti; and reportedly sold arms to Somalia in violation of a UN arms embargo. Egyptian security forces are rumored to have been granted a military base in South Sudan as well. Juba has denied the reports, but they are consistent with Egypt’s pattern of engagement in South Sudan over the last several years. Finally, there is Eritrea, which Egypt has cultivated diplomatically for years and which shares Cairo’s views on some regional issues, such as Sudan’s ongoing political transition. Having failed to halt the construction of the GERD, Cairo believes that it must rebuild its standing in the Horn in order to more effectively balance Ethiopia. Ethiopia has countered with an ambitious plan to build a navy, which the landlocked state hopes will allow it to project power into the Red Sea and Gulf of Aden and to balance against Egypt’s maritime power there. While Addis Ababa already enjoyed deep political and economic partnerships throughout the Horn, it has also sought to shore up its vulnerabilities with its neighbors. Under the leadership of Prime Minister Abiy Ahmed, who came to power in 2018, Ethiopia began a historic rapprochement with archenemy Eritrea and forged a new “tripartite alliance” with that country and Somalia. Abiy intended the alliance to spawn a new era of regional peace and integration in the Horn, with Ethiopia as the region’s center of gravity. But that vision has proved difficult to achieve. While Abiy enjoys warm personal relations with Eritrean President Isaias Afwerki, bilateral ties between the two countries remain underinstitutionalized and depend in part on the Ethiopian prime minister’s willingness to marginalize perceived enemies of Eritrea within Ethiopia. Even more troubling, the tripartite alliance has undermined Ethiopia’s relations with historic allies Djibouti, Somaliland, and Kenya: Djibouti worries about the Eritrea-Ethiopia rapprochement owing to its rivalry with Asmara, while Somaliland and Kenya are both wary of Abiy’s ties to Mogadishu. Ethiopia’s relationship with Sudan also suffered in the final year of President Omar al-Bashir’s regime. Ties between the two countries had been strong, particularly after Bashir endorsed the GERD in 2012. But like his counterpart in Djibouti, the Sudanese strongman was unsettled by the Eritrea-Ethiopia rapprochement. Relations appeared to have improved again since Bashir’s ouster in April 2019, but tensions with Sudan’s transitional government remain. A long-dormant border dispute led to serious military clashes between the two countries in May and June of this year and provoked uncharacteristically stern rhetoric from Sudan’s generals. Trouble could also lie ahead in Somalia, where Ethiopia made a big political bet on President Mohamed Abdullahi Mohamed, or Farmajo, providing him with political and military support vis-à-vis his domestic rivals. Farmajo, in turn, has made an ambitious gambit to grow the federal government’s power over the last two years, something that could cost him reelection in 2021 and leave Ethiopia without an ally in the presidential palace. The international relations of the Horn remain unstable, in other words, and Ethiopia’s and Egypt’s efforts to outflank each other diplomatically add to an already explosive mix. TROUBLED TRANSITIONS If the Nile dispute has served to further disrupt relations in the Horn, it has hardly been more soothing to the domestic politics of the countries involved. Ethiopia’s situation is particularly precarious. Abiy took office in 2018 and immediately began a series of much-heralded democratic reforms, including opening up space for independent media and welcoming exiled opposition groups back home. But even before the country could organize a national election, the democratic transition began to falter. Repeated bouts of ethnic violence, fueled by infighting among the country’s major political forces, constricted the space for democratic politics. In late June, the assassination of a popular singer sparked days of violent riots in the Oromia region. Abiy’s government responded by cracking down on its opponents, accusing them of leveraging the politically charged environment to incite violence and disorder. Many of the ruling party’s most prominent critics have now been arrested, their media operations curtailed. Under the circumstances, the GERD both unifies and divides Ethiopians. The dam has become a national symbol of progress, and nearly all Ethiopians support it. But political factions have also weaponized the project to delegitimize their adversaries in a manner that impedes dialogue. Abiy’s detractors have repeatedly accused him of undercutting the GERD and jeopardizing national interests, pointing to, among other things, a major corruption probe into the military contractor that played a leading role in the GERD’s construction. Abiy’s ruling Prosperity Party, for its part, has at times appeared to rehabilitate the playbook of its predecessors by portraying its ethnonationalist competitors as Egyptian agents engaged in a broad campaign of subversion. Although there are important forces that militate against it, including Abiy’s own sense of restraint, this campaign of reciprocal delegitimization is one of several factors pushing Ethiopia closer to civil conflict. The GERD both unifies and divides Ethiopians. Nile politics also complicate the democratic transition underway in neighboring Sudan. Egypt has long had an interest in bringing Khartoum onside on water issues, and it never regarded Bashir’s government as a reliable partner—a view vindicated by Bashir’s endorsement of the GERD. When Bashir’s regime approached its terminal phase in early 2019, Egypt’s security services, along with their Gulf partners, greenlighted the military coup that brought his 30-year rule to an end. From April to July 2019, Egypt then used its perch as president of the African Union to protect the Transitional Military Council—the cabal of Sudanese generals that filled the power vacuum left by Bashir’s ouster. The ties between Egypt’s and Sudan’s militaries run deep. Many Sudanese army officers have trained in Egyptian academies and maintain personal relationships with their Egyptian counterparts. As a result, Egypt’s partner of first resort in Sudan remains the military, even as the international community has sought to empower civilian leaders within the new transitional government led by Prime Minister Abdalla Hamdok. For its part, Addis Ababa has generally supported Hamdok and a civilian-led transition in Sudan but needs to avoid distancing itself too far from the military—lest the political winds in Sudan shift and Ethiopia finds itself out in the cold in a Khartoum controlled by men in uniform. The politics of regional rivalry thus enable Sudan’s securocrats to retain a partial grip on power; the generals are weaker than they were in Bashir’s heyday, but they remain a formidable impediment to democratic reform. LINGERING TENSIONS Even once the GERD becomes fully operational and a settlement is reached, Egypt and Ethiopia will likely remain at odds. Extraregional players with influence in the Nile River basin should therefore focus not just on securing a deal on the dam but on managing the regional effects of long-term strategic competition over the Nile. Yet there are few external powers capable of mediating this dispute. Ethiopia has come to regard the United States as favoring Egypt in negotiations over the GERD. Saudi Arabia and the United Arab Emirates have strong ties to Cairo, Khartoum, and Addis Ababa, but they tend to privilege Egyptian stability on matters related to the Nile. Both have backed Egyptian resolutions at the Arab League that are critical of Ethiopia. China certainly has the stature to mediate, but it has shown no appetite for high-stakes diplomacy around contentious disputes in the Horn. Stability in the Nile River basin and the Horn of Africa will therefore likely have to come from within the region itself—if it comes at all. Recent efforts by the African Union to mediate the GERD dispute appear to be a recognition of this fact. But as was the case in previous negotiations, diplomatic momentum is proving hard to sustain. And in the absence of a robust multilateral effort to resolve the region’s lingering water issues, the Nile will remain a source of political instability for years to come. MICHAEL WOLDEMARIAM is Associate Professor of International Relations at Boston University’s Pardee School of Global Studies. Source: Foregn Affairs The post Nile Be Dammed appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Waaberi ee gobolka Banaadir waxaa goor dhaw ka dhacay qarax sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, gaar ahaan wadada 21-ka October. Qaraxa oo loo adeegsaday miino nuuca dhulka lagu aaso ah ayaa lala beegsaday gaari Saruf ah oo marayey inta u dhaxeysa xerada ciidanka cirka iyo Schoolka 21-ka October ee degmada Waaberi. Inta la xaqiijiyey hal qof ayaa geeriyooday mid kalena dhaawac ayaa soo gaaray, sida ay noo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Weli lama ogaan cida wadatay gaariga uu qaraxu haleelay, waxaana goobtaas gaaray ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, waxayna xireen isu-socodkii goobta. Magaalada Muqdisho waxaa ku soo batay qaraxyada loo adeegsado miinooyinka la dhigo wadada dhinaceeda, kuwaas oo inta badan lalgu bartilmaameedsado gaadiidka dowladda, waxaana xusid mudan in waxyeelo ay ka soo gaarto dad rayid ah.
  15. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Jabuuti, ayaa la kulmay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxyooyada Puntland ayaa lagu sheegay in labada madaxweyne ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti, sida dhinacyada Ganacsiga iyo maalgashiga. Kulanka waxaa ku weheliyey wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo wasiirka gaadiidka Muuse Maxamed Axmed, dhinaca Puntland waxaa uga qeybgalay wasiirka duulista hawada iyo garoomada Ilyaas Cismaan Lugatoor, wasiirka Ganacsiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, lataliyaha madaxweynaha Puntland ee arrimaha siyaasadda iyo xiriirka dibedda Cali Cabdi Awaare iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa Jabuuti u tagay dhawr arrimood oo ay kamid tahay helitaanka Xafaarad ciidda ka saarta dekedda magaalada Boosaaso. Waa safarkii labaad oo sanadkan gudihiisa uu dalka Jabuuti ku tago madaxweynaha Puntland, bishii labaad ayuu sidan oo kale booqasho ku tagay dalkaas. PUNTLAND POST The post Deni oo la kulmay Ismaaciil Cumar Geelle appeared first on Puntland Post.
  16. Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid madaxda sare ee Ahlusunna ayaa ka hadlay dagaal saaka dad xoolo dhaqato ah iyo Al-shabab ku dhaxmaray deegaan dhaca duleedka deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug. Halkaan Ka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dhallinyarada Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan maalinta Caalamiga ah ee dhallinyarada ayaa bogaadiyey doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dib u dhiska dalka iyo adkeynta dowladnimada. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in isku duubnida, dhabar adayga, waddaniyadda iyo ka fogaanta qabyaaladda ay fure u tahay xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddanaa dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan oo karaamo iyo sharaf ku leh ummadaha kale ee dunida. “Dhallinyarada Soomaaliyeed waa kuwii xornimada gaarsiiyey dalkeenna, waa kuwii dhidibada u taagay qaran ka tilmaaman qaaradda iyo guud ahaan caalamka. Maanta waa kuwa hormuudka u ah dib u dhiska, difaaca iyo adkeynta dowladnimada.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa muujiyey caqabadaha hortaagan riyada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku saabsan sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda ku aaddan hoggaaminta iyo maareynta talada dalka, caqabadahaas oo ay ka mid tahay hannaanka siyaasadda ku dhisan nidaamka qabaliga ah iyo doorashooyinka aan tooska ahayn ee ku saleysnayn xulista. “Waxaa xaqiiq ah in riyada dhallinyaradeenna Soomaaliyeed ay kala dhantaaleen duruufaha adag ee uu soo maray dalkeenna, gaar ahaan dhanka ka qeyb galka siyaasadda iyo hoggaaminta talada dalka, maadaama iyaga oo ah qeybta ugu badan bulshada haddan aysan fursad u helin in ay mustaqbalkooda go’aamiyaan.” Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay maanta ka qaadanayaan horumarinta dalka, hoggaaminta Ciidamada Qalabka Sida iyo dadaallada naf hurnimada leh ee ay bixinayaan halyeeyada bahda caafimaadka oo dhallinyaro u badan, kuwaas oo naftooda u huray sidii ay dadkooda uga samata bixin lahaayeen cudurka COVID-19. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dul istaagay xaaladdii adkeyd ee ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay in rafaadkaas laga saaro dhallinyradeenna meel kasta oo ay joogaan, iyadoo dalkooda looga hirgeliyo nolol karaamo leh, fursado shaqo iyo waxbarasho tayo leh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka ayaa maanta markale gaaray heshiis cusub, kaasi oo ku saleysan qaabkii ay u kala qeybsan lahaayen dakhliga dalka, oo ah mid ka mid ah qodobadii ay aadka isugu hayeen. War-murtiyeed kasoo baxay shir bileedka Wasiirada maaliyada dowladda iyo kuwa maamulada dalka ayaa is-afgarad looga gaaray qaab cusub oo ka duwan midkii hore ee lagu qeybsan jiray dakhliga. Shirkaasi u dhaxeeyay wasiirada maaliyadaha dalka ayaa sidoo kale waxa is af-garad looga gaaray ‘in si wanaagsan oo lagu wada-qanacsan yahay loo qeybsado dhakliga wadanka’. Dowladda iyo maamulada oo uu qeyb ka yahay gobolka Banaadir ayaa guddi farsamo u saaray sidii looga xaqiijin lahaa heshiiskaasi cusub, oo dhigaya in qaab ka duwan kii hore lagu qeybsado dhakhliga, midaasi oo meesha ka saareysa guux ka dhashay arrintaasi. Shirkaasi bilaha ah ayaa waxa kale oo diirada lagu saaray qaabka loo wadaagi lahaa dakhliga kabka miisaaniyada ee bankiga aduunka, kaasi oo ku aadana hoos u dhicii maaliyadeed ee uu sababay cudurka Coronavirus. Waxaana si weyn la iskula lafo-guray intii uu socday shirkaasi qoddobo dhowr ah oo ay kamid yihiin hanaanka maaliyada dalka iyo canshuuraha. Hoos ka aqriso war-murtiyeedkaasi oo dhameystiran
  19. Madaxweynaha dowlad goboleedka Glamudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo maanta dib uga soo laabtay safar uu ugu maqnaa wadanka Turiga ayaa soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Soo dhoweyn kadib madaxweynaha ayaa kulan waxaa uu la qaatay guddiga farsamo ee kasoo talo-bixinta arrimaha doorashooyinka, kahor shirka Dhuusamareeb 6, kaas oo la filaayo inuu qabsoomo laba maalin kadib oo ah 15 bisha. Madaxweynaha oo saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyey safarkiisii Turkiga iyo arrimaha ku aadan shirka isaga oo yiri” Waxaan idiin kugu imaanay inaan idiin soo salanno, oo aan idiin ku dhiiro gelinno, maadaama aan annagu nahay Galmudug oo guddigaan uu ka soo baxay, oo haddana ay tahay goobta ay taallo gogosha caasimadda Galmudug. Waxaan idiin leenahay howshiina horay u wata, gogoshiina waa diyaar waxaan sugaynaa inaad imaatan” Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. MOGADISHU (HOL) - Somalia has doubled taxes levied on the leafy stimulant khat which is mainly imported from Kenya and Ethiopia in what is going to further put into distress exporters of the product from the two countries which are already reeling from suspension of business owing to COVID-19. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo qabsoomidda shirka dhuusamareeb 3 ee loo balansan yahay 15-ka Agoosto. Qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray ayuu ku muujiyay sida uu kaga walaacsan yahay fashil ku yimaada shirka dhuusamareeb, wuxuuna aaminsan yahay in tanaasul ka yimaada hal dhinac uu badbaadin karo in shirkaas uu miro-dhal noqdo. Laba maalmood ayaa ka haray wakhtiga la ballamay iyadoo aysan muuqan saan-saan abaabul oo ku saabsan in shirka uu ku dhaco waqtigiisa. Halkaan ka akhriso qoraalka Danjire Yuusuf Garaad: Shirka aad loo sugayo ee Dhuusa Marreeb in uu aflaxo in uu qabsoomo ayaa ka horreysa. Berri iyo saaddambe oo keliya ayaa naga xiga 15-ka Agoosto. Haddii aan mucjiso dhicin, sansaanku uma eka in uu Shirka Dhuusa Marreeb uu furmi doono saakuun oo ah maalinta loo ballamay. Xataa marka uu qabsoomo, xal lama gaari doono haddii aan dhinac la imaan tanaasul. Waxaa markaa lama huraan noqon doonta in dhinac kastaa uu ka ruuqaansado barta uu hadda ku dheggan yahay ee lagu yaqaan, si bar hor leh oo raalli la isaga yahay loogu wada guuro. Sida aan qoray saacado ka hor inta aan Baarlamaanku ridin Xukuumadda July 25, waxaan weli qabaa in Baarlamaanka iyo Dowlad Goboleedyada uu dalku wada qaado loona wada baahan yahay. Is afgarad oo keliya ayaa meesha ka saari kara haddiiba ay dhab yihiin khataraha iyo hanjabaadda aan loo meel dayin ee tooska ah ee dhinacyada qaar ka soo yeera. Waxaa kale oo uu heshiiskaasi dhimi karaa kaalinta uu ajnebi ku yeelan karo qaabeynta nooca doorashada iyo goorta ay noqoneyso. Mas’uuliyiinta ay isu geyntoodu tirada yar tahay ee ku heshiin la’ xilliga ay doorasho dhaceyso, waxaan jecelahaan lahaa in ay arkaan fursadda ay Soomaali oo malaayiin ahi ay iyaga siisay oo ah in ay ka sugto in ay aayaheenna keligood go’aan ka gaaraan. Waxaan jeclaa in aanay iyagu isu muuqan ee dadka iyo dalku ay u muuqdaan, wakhtiga is gurayaana uu u muuqdo. Waxaan jeclaa in fursadda iyo xushamda la siiyay ay u muuqato, oo iyaga oo ku faraxsan, ay mas’uuliyaddooda hagaag u gutaan. Waxaan jeclaa in aan xusuusiyo in ay taariikhdooda si wanaagsan u qortaan.
  22. MOGADISHU (HOL) - Primary and Secondary schools in Somalia will reopen Saturday about four months since they were closed owing to COVID-19 spread, the Ministry of Education has said. Source: Hiiraan Online
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxa maanta kulan ku yeeshay madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo qaar kamid ah Guddiga farsamda ee doorashooyinka oo ka talo-bixinaya doorashada ka dhaceysa dalka. Qoor Qoor iyo xubnaha guddigaasi ayaa diirada saaray arrimaha doorashooyinka oo xiligan xiisad xasaasi ah ka dhaliyay dalka, maadama ay si weyn saamileyda siyaasaddu ugu kala aragti duwan yihiin nooca doorasho ee dhici karta. Kulankaasi ayaa sidoo kale waxa lagu lafo guray sidii uu uqabsoomi lahaa shirka Dhuusamareeb3 oo maalmo kooban ka hadhsan-yihiin iyo arrimaha la xiriira ka baaran degida doorashooyinka dalka. Wuxuuna kulankaasi kusoo aadaya xili uu saaka dalka dib ugu soo laabtay madaxweyne Qoor-Qoor oo maalmihii udambeeyay safar ugu maqnaa dalka Turkiga. Xubnaha guddiga ee uu maanta Qoor-Qoor la kulmay ayaa waxa gebi ahaanba ka maqnaa xubnihii guddigaasi ku matalayay maamulada Jubbaland iyo Puntland. Si dhaba uma cadda sababta ay xubnahaasi uga qeyb gali waayeen kulankaasi oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka, inkasta oo ay soo if-baxeyso xurguf hoos oo ka dhalatay isbedeladii siyaasadeed ee dalka, oo saameyn ku yeeshay xiriirkii dowladda iyo qaar kamid ah maamulada. Shirka Dhuusamareeb3 ayaa lagu waday inuu furmo 15-ka bishan, wallow ay xiligan muuqan ifafaalo muujinaysa in uu dib u furmo shirkaasi oo go’aamin lahaa nooca doorasho ee dalka.
  24. Muqdisho — Maamulka Somaliland ayaa bil gudaheed ka caraysiiyay Shiinaha iyo Itoobiya. Xiriirka Diblomaasiyadeed ay Hargeysa Taipei la yeelatay wuxuu keenay in Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya la kulmay Madaxweyne Farmaajo oo u caddeeyay diplomaasiga in Soomaaliya aamminsan tahay madaxbannaanida Shiinaha. Madaxweyne Biixi (midig) oo salaamaya Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Wafdi ka socda Safaaradda Shiinuhu ku leeyahay Soomaaliya ayaa tagay Hargeysa oo la kulmay mas’uuliyiin sarsare. Hoggaamiyeyaasha wafdiga Shiinuhu la kulmay ayaa u caddeeyay Safiirka Shiinaha in Somaliland aamminsan tahay qarannimada Shiinaha iyo in ay tahay “dal” aqoonsi raadinaya oo aan ka hor imanaynin Qaanuunka Caalamiga. David Moyane, agaasimaha Xarunta Daraasaadka Afrika iyo Shiinaha ayaa xiriirka dimlomaasiyadeed dhex maray Somaliland iyo Taiwan ku tilmaamay “mid Afrika u daran.” Somaliland waxay dhowr toddobaad kaddib kulankaas ayuu wafdi Masar ka socda tagay Hargeysa. Somaliland waxay ku tilmaantay booqashada mid lagu adkaynayo xiriirka “soo jireenka ah” u dhexeeya labada ummadood. Kulammada wafdiga Masar la yeeshay madaxda Somaliland wuxuu shaki ku abuuray Itoobiya oo uu muran ku saabsab wabiga Niil kala dhexeeyo Masar. Dhowaan ayuu afhayeenka Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ee Itoobiya Dina Mufti sheegay in Itoobiya qabto in Somaliland ay Soomaaliya ka mid tahay. Wasiirka Arrimmaha Dibedda Somaliland Yaasiin X. M. Xiir (bidix) oo gacanqaadaya Joseph Wu, Wasiirka Arrimmaha Dibedda Taiwan (Xuquuqda sawirka AP) Itoobiya waa dalka u kala dabqaadayay Muqdisho iyo Hargeysa, ku kulansiiyay Addis Ababa Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo. Gorfeeyeyaal badan baa isweyddiinaya in waddada siyaasadda arrimmaha dibedda ee Somaliland qaadday go’doomin karto Hargeysa siyaasad ahaan. Sida uu qabo gorfeeye Hargeysa ku sugan oo diiday in magaciisa la xuso, “Somaliland waxay xoogga saaraysaa in Jaamacadda Carabtu dhexdhexaadiye ka noqoto wadahadallada Muqdisho iyo Hargeysa u socda.” 29 sano ayaa laga joogaa markii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’oday Soomaaliya. Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika waxay labaduba taageeraan midnimada siyaasadeed ee Soomaaliya si waafaqsab baaqyada ka soo baxay Golaha Ammaanka. Ilaa hadda goleyaasha siyaasadeed ee Somaliland, Aqalka Wakiillada iyo Guurtida, may ka doodin saamaynta ay abuureen cadaadisyada siyaasadeed ka yimid booqashada Masar iyo xiriirka cusub ee Taiwan iyo Somaliland. Siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland way hardisay danaha dalal Midowga Afrika iyo Golaha Amnaanka saamayn ku leh. © Puntland Post, 2020 The post Siyaasadda Arrimmaha Dibedda Somaliland: Dib-u-dhacyo Mise Horumarro? appeared first on Puntland Post.