Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay Tiro-koobaysa Dadweynaha ku dhaqan Magaalo-madaxyada Lixda Gobol ee ugu waaweyn dalka. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL, Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo hadal u jeediyey Golaha Wakiillada Toddobaadkan ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan rumaysan yihiin in inkasta Miisaaniyadda Qaranku yar tahay haddana ay ku filan yihiin inay Tiro-koob ku sameeyaan Dadka ku dhaqan Dalka, gaar ahaan Magaalo-madaxyada Lixda Gobol ee dalka ugu waaweyn, taana ay qorsheeyeen inay fuliyaan Sannadka soo socda. Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaanu aamisan nahay Wasaarad ahaan Miisaaniyadda Qaranku haba koobnaato’e in tiro-koobka wax laga samayn karo, waxaanu isku dayeynaa in Magaalo-madaxyada Lixda Gobol ka samaynayo Sannadka soo socda haddii Allaah yidhaahdo (Tiro-koobkooda), oo weliba guri guri la isku taagayo, Guri walba inta Qof ee ku nool la tiro-koobayo, Qofkii yidhaahda waa la iga tagay la yidhaahdo meel Gurigaagu.” Wasiir Gaafaadhi waxa kale oo uu sheegay inay Hay’daha dalka ka shaqeeya isku hayaan inay Dadkii Abaaraha ka soo barakacay ee xilligan Xeryaha ku jira xoolo loo iibiyo inta doonaysa inay noloshii Baadiyaha ku noqdaan, inta kalena la baro xirfado ay ku shaqaystaan “Waxaanu hay’adihi isku haynaa in Dadka wixii diyaar u ah inay xoolo qaataan oo ay dib ugu noqdaan (Miyiga) la xooleeyo, wixii kalena in farsamooyin la baro ay ku xoogsan karaan, laakiin aan Dadkii lagu haynin Xeryaha, Waayo? Dadku Xeryaha way ku baaba’een, Cid aan la garanayn ayay ku tiirsan yihiin, goorta laga goyn doona ma oga, dhaqanna maaha oo dhaqan xumo ayaa ka kordhaysa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xaaladaha deg-degga ahi markay yimaaddaan, waa inuu muddo gaaban ahaadaa, wixii dambe waa inay ahaadaan sidii Dadkan loogu celin lahaa Nolol ay shaqaysan karaan, laakiin hadda waxaad mooddaa in laga door-biday in Lacagta Mobile-ka loogu shubo, taana aadna waanu uga soo horjeednaa, gacantana waxaanu ku haynaa habkii loo Mabnuuci lahaa waxyaabahaasi inay sii socdaan iyo wixii lagu beddeli lahaa.” Source
  2. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Waabari ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo marayey wadada 21-ka October, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaas uu ku dhintay hal qof oo arday ahaa, halka uu ku dhaawacmay mid kale. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, balse ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo laga bixiyey qaraxa. Inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyada noocan oo kale ah ka fuliya caasimadda, kuwaas oo geysta khasaare kala duwan. View the full article
  3. (SLT-Nigeria)-Maxakamad Islaami ah oo ku taallo magaalada Kano ee dalka Nigeria ayaa dil ku xukuntay nin da’a ah oo lagu soo eedeeyay inuu kufsaday gabadh 12 jir ah. Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa dalkaasi Nigeria dibadbaxyo ka dhigayay dadka u ololeeya xuquuqda dumarka, kuwaasi oo ka soo horeeda kiisaska kufsiga ee sare u sii kacaya. Afhayeen u hadlay waaxda cadaaladda ee gobolka Kano ayaa BBC-da u sheegay in Maxkamadda Sare ee Shareecada Islaamiga ay ninkan 61 sanno jirka ah ku heshay dambiga ah inuu gabadh 12 sanno jir ah uu ku kufsaday geed hoostii iyadoo ku sugnayd banaanka tuulada Farsa sannadkii la soo dhaafay ee 2019-ka. Ninkan oo xaasle ah ayaa waxay maxkamadda ku xukuntay in dhagax lagu dilo oo ah sida ay qabto Shareecda Islaamka. Hase yeeshee waxa uu xaq u leeyahay in muddo 30 maalmood gudohood ah uu racfaan kaga qaato xukunkaasi. Waa xukunkii labaad oo dil ah oo ay maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Kano ridaan muddo toddobaad gudihii ah oo Isniintii la soo dhaafay Maxkamad Islaami ah ayaa nin fanaan ah ku xukuntay dal dalaad kaddib markii lagu helay dambi ah in uu aflagaadeeyay nebi Maxamed NNKH. Maxkamadda ayaa go’aamisay in Yaxya Maxamed Shariif Aminu uu diinta aflagaadeeyay xilli uu qaaday hees si weyn loogu baahiyay barta WhatsApp bishii Maarso. Gobolka Kano waxa uu ka mid yahay dhowr iyo tobanka gobol ee Waqooyiga Nigeria ee 20-kii sannadood ee la soo dhaafay ku dhaqmayay habka Sharceecada Islaamka iyo shuruucda kaleba ee dalka u degsan. Tiro dad ah ayaa horay xukun dil ah loogu riday balse waxaa la aaminsan yahay in hal qof oo kaliya lagu fuliyay dilkii lagu xukumay. Source
  4. Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaano dhaca bariga gobolka Mudug oo shalay ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo dad shacab ah. Ilo deegaanka ayaa sheegay in jawiga saaka uu yahay mid aad u degan, balse waxaa weli halkaasi dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada ciidamada dowladda, kuwa Galmudug iyo maleeshiyaad deegaanka ah, si Al-Shabaab looga saaro deegaanadaasi. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo ka hadlay dhaq-dhaqaaqyadaasi ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii loo xoreyn bariga gobolka Mudug, sida uu hadalka u dhigay. Dagaalkii shalay ayaa waxaa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona looga adkaaday Al-Shabaab, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug. View the full article
  5. (SLT-Doha)-Khilaafka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Sucuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxreyn, iyo Masar oo isku dhinac ah iyo Qatar ayaa qarxay bishii June sanadkii 2017-kii, xilligaas oo wadamadaasi ay go’adoon ku soo rogeen dalka Qatar, iyagoo ku eedeeyay in ay taageero siisay Xamaas iyo argagixisadda. Wixii ku xigay aad ayaa loo ogyahay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa bar-bar istaagay Qatar, wuxuuna kulamo la yeeshay madaxda Ururka Iskaashiga Islaamka, isagoo ku booriyay in aan lagu dhicin xasaradaha, isla markaana aan lala safan qorshaha ka dhanka ah Qatar. Erdogan waxaa uu sidoo kale ciidan Turki ah geeyay Qatar, taasi oo qayb ka ahayd istiraatiijiyadda ka hortagga ee ka dhanka ah Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Iran ayaa sidoo kale dhaqaalaha Qatar ka badbaadisay in uu burburo, iyadoo hawadeeda u furtay diyaaradaha siday adeega iyo badeecada markii uu billowga ahaa go’adoonku. Lakiin arrinta aan aad loo fahamsaneyn ayaa ah in Israa’iil ay sidoo kale door ka cayaartay xasilinta khilaafka, ayna bad-baadisay Qatar. In kastoo labada dal ayna lahayn xidhiidh diblomaasiyadeed tan iyo sanadkii 2012-kii, Israa’iil waxay Doxa u fidisay kaalmo diblomaasiyadeed, iyadoo kordhineysa dhismaha ay ka waday Gaza, taasi oo sidoo kale bedeshay aragtidii Washington ay ka qabtay in Qatar ay taageerto Xamaas. Dhamaan dalalkaasi waxay si fiican ula shaqeeyeen Istaatiijiyadda diblomaasiyadeed ee maamulka Trump uu ka leeyahay khilaafka gobolka. Bishii June sanadkii 2017-kii Madaxweyne Donald Trump oo talafoonka kula hadlay Boqol Salmaan-ka Sucuudiga ayaa ka diiday soojeedintii Sucuudiga ee ahayd in lagu duulo Qatar. Muddo yar kadib Maraykanka ayaa Kuwait ka dalbaday in ay dhex-dhexaadiso dalalka, iyadoo hadafku uu ahaa in khilaafka lagu xaliyo Golaha Iskaashiga oo Gacanka dhexdiisa ah. Israa’iil ayaa xilligaas waxaa ay diiday hindise sharciyeed ay Congress-ka Maraykanku doonayeen in ay Qatar ugu aqoonsadaan wadan maal-geliya argagixisadda, sababtoo ah xidhiidhka ay la leedahay Xamaas. Isla waqtigaas Israa’iil waxay kordhisay iskaashiga dadban ee ay la leedahay Imaaraadka oo ah cadowga Qatar ee gobolka, Iskaashigaas waxaa ka mid ahaa kulan ay Washington ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Safiiradda Imaraadka iyo Baxreyn. Xidhiidhka Israa’iil ay la leedahay Imaaraadka ayaa banaanka usoo baxay, iyadoo Israa’iil ay adkeysay xiriirka kala dhexeeya Abu Dhabi ayey hadana gacan nabadeed u fidisay Doxa. Dadka wax indho-indheeya waxay u arki karaan in faro gelinka Israa’iil ay tahay wax aan lasoo dhaweyn, laakiin dhabtu waxay tahay in dalalka isu-bahaystay Qatar ay saacideen halganka ay Israa’iil ka dhex wado Carabta, iyagoo dirradda saaraya xiriirka Qatar iyo Xamaas si ay taageeradda Trump ugu helaan Go’adoominta Qatar. Israa’iil waxay saaxiib la aqbali karo u ahayd Imaraadka, Qatar iyo Cummaan sababtoo ah saameynta ay ku leedahay Washington darteed iyo awooda ay u leedahay in ay miisaanto awoodda gacanka. Inkastoo ay isu-soo dhawaanayaan Israa’iil iyo dalalka Gacanka, taas ma aysan sababin cabsi laga qabo Iran, balse waxaa sababay khilaaf ka dhex jira Golaha Iskaashiga Gacanka dhexdiisa. Israa’iil waxay muujisay in ay dheeli-tiri karta awoodda Gacanka. Waxayna isu bedeshay saaxiib ay isku haleyn karaan Imaaraadka, Qatar iyo Cummaan. Source
  6. Madaxweynaha HirShabelle, Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa xil-kii ka qaaday wasiirka Beeraha iyo Waraabka maamulkaasi, Mudane Cali Xaaji Cabdulle, kadib wareegto uu soo saaray. Waare ayaa sidoo kale xil-kaasi u magacaabay Xildhibaan Cabdulqaadir Abuukar Maxamuud, wuxuuna faray inuu si deg-deg ah ula wareego xil-ka. Sidoo kale laamaha amniga iyo cid weliba oo ay quseyso ayuu faray inay la shaqeyso wasiirka cusub ee uu magacaabay. Halkan hoose ka khriso:- View the full article
  7. Muqddisho (Caasimada Online) – Sii hayaha wasiirka Dastuurka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qabsoomida shirka la filayo in 15-ka bishan August uu ka dhaco gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug. Wasiirka ayaa sheegay in haatan ay socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirkaasi oo ay isku arki doonaan madaxda dowladda dhexe, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka. Sidoo kale Saalax Axmed Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in maamulada Jubbaland iyo Puntland ay weli ka biya diidsn yihiin ka qeyb-galka shirkaasi, balse wuxuu tilmaamay inay haatan socdaan dadaallo lagu qancinayo maamulladaasi. Wasiirka Dastuurka ayaa carabka ku goday in dadaalladaasi ay hormuud ka yihiin madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in kulamo goono gooni ay ka socdaan caasimada, kuwaas oo looga tashanayo qabsoomida wejiga saddexaad ee shirka magaalada Dhuusamareeb. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020/2021, balse wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo dhowaan la riday xukuumaddii hore ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.
  8. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/08/Warka-Subax-13082020.mp3 View the full article
  9. Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo xalay ku hoyday deegaan Bulacle oo ah jiida hore ee dagaalka gobolka Galgaduud ee ay isku hor fadhiyaan ciidamada dowladda iyo Al-shabab ayaa sheegay in la bilaabayo howlgallo ka dhan ah. Madaxweye ku-xigeenka oo wafdi uu hoggaaminaayo oo kamid ahaa wasiirka amniga gudaha Galmudug Axmed Macalin Fiqi, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga qeybta 21-aad, ayaa xusay xusay in loo baahan yahay in guud ahaan ciidamada kala duwan ee xoogga dalka ay ka qeyb qaataan howlgalka deegaannada Galmudug. “ Waxaa bilowday howglakii dib u xoreynta deegaannada la heysto ee Galmudug, waxaana ka qeyb qaadan doono Milaratiga, Booliskaay iyo Nabadsugidda, waaana howlgalkaas nagu caawin doona saaxiibada Soomaaliya oo dhanka cuirka naga taageeri doona, howlgalkaan waa uu bilowday waana la xoreynayaa deegaannada maqan” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka. Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa waxaa ay ku soo aadayaa iyadoo maalinimadii shalay deegaan ka tirasan gobolka Mudug oo maamul ahaan hoos yoimaado Galmudug ay ku dagaalameen dad xoolo dhaqato ah iyo Al-shabab, madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa hadda ku sugan jiida hore ee Bulacle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilka ka qaaday wasiirkii Beeraha iyo Waraabka maamulkaasi Cali Xaaji Cabdulle, waxaana xilkaas loo magacaabay Cabdulqaadir Abuukar Maxamuud. Halkaan Ka Akhriso Wareegtada Source: goobjoog.com
  11. Warar hoose oo aan ka henay Safarka Madaxweyne Deni uu ku joogi Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu u ergo tahay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar [...] The post Madaxweyne Deni oo Madaxweyne Geele ka dalbadey in Muqdisho ka badbaadiyo Dagaal sokeeye appeared first on . Source
  12. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Maamulkiisa, Cali Xaaji Cabdulle Isgoowe. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare, oo xilka looga qaaday Mr Isgoowe, ayaa wasiirka Cusub ee Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle loogu magacaabay Cabdulqaadir Abuukar Muxumed. Madaxweyne Waare, wuxuu sheegay in isbeddelkaasi uu sameeyay, kadib markii uu arkay baahida loo qabo dardar gelinta hawlaha adag ee horyaalla Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeelle. Todobaad ka hor, Mr Waare ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Tabarta iyo Biyaha Hirshabeelle Saalax Maxamed Xassan, isagoo Wasaaraddaas u magacaabay Xil. Shucayb Cabdikariin. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Waare oo xilka qaadis iyo magacaabid sameeyay appeared first on Puntland Post.
  13. This week, Somali Health Board (SHB) is hosting their eighth-annual health fair. This year’s health fair will continue through next week expanding from the usual one-day event in past years. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aan helnay ayaa sheegeysa in madaxtooyada Soomaaliya ay u yeertay sii-hayaha wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad kadib markii uu magacaabay tobanaanka diblumaasiyiin, xilli xukuumadda uu ka tirsan yahay ay dhacday. Cawad ayaa lagu waramay in uu ku sugnaa caasimadda Kenya ee Nairobi, halkaasoo uu ka sameeyay magacaabidan, waxaana yaab noqotay in isaga oo jooga gurigiisa Nairobi, kana maqan xaruntii wasaaradda uu warqado sharci-darro ah soo saaro. Axmed Ciise Cawad ayaa ku dhacay fashilkii ugu weynaa abid, kaddib markii uu sameeyay magacaabid sharci daro ah oo waqtiga taariikhdeeda dib loo dhigay (Back Date) iyadoo uu magacaabay in ka badan 27 diblomaasi oo loo qoray qaab aan waafaqsaneyn sharciga shaqaaleynta dowladda. Waxaa la soo bandhigga ilaa 21 warqadood oo uu ku magacaabay shaqsiyaad aan ka mid aheyn shaqaalaha wasaaradda, kana tirsaneyn shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka soomaaliya. Xog ay heshay Caasimadda Online ayaa sheegeysa in magacaabistaan la sameeyey kadib dhicitaankii Xukuumaddii uu hoggaaminayey Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, balse waraaqaha magacaabista lagu taariikheeyey 14 iyo 23 July ee 2020, si looga dhigo in la sameeyey intii ay xukuumadda jirtay, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda. Arrinta ayaa fajac ku noqotay Madaxweyaha ka dib markii lala wadaagay cadeymaha documents ka uu ku saxiixan yahay Wasiirka. Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Danjire Cawad oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi uu shalay dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay gaartay fariin looga diray Villa Somalia oo isugu jirta canaan iyo inu si deg deg ah u soo galo Muqdisho. Waa caado soo jireen ah marka la gaaro xilliga kala guurka in la magacaabo xilal lana dalacsiiyo saraakiil ciidan, waxaana ay arrimahaas kamid yihiin qorsheyaasha ay madaxda ku galaan ololaha coddeynta.
  15. Four incumbent DFL legislators lost their re-election bids to same-party challengers Tuesday, delivering a win to progressive activists in Minnesota. Source: Hiiraan Online
  16. Istanbul Airport on Wednesday became the first in the world to receive a new health accreditation from the Airports Council International (ACI). Source: Hiiraan Online
  17. NINKA YIDHI SOMALILAND GO’ITAAN XAQ UMALAHA WAR MOOGE DHEH-I !! Wuxu abwaan CabdiQays: “OGOW SELELKA TAAHIYO SAKARAD LOLKABA SOWTKEENA SAMEEYO MID SAACAD WEEYE…” Maalin dhoweyd ayaa waxan ka halacsaday mid ka mid ah bar kulanada bushada nin tabliiqi siyaasadeed ah oo koox madal ilyartu isqabatay fadhida ka jeedinaya khudbad nuxur keedu yahay: “SOMALILAND XAQ UMA LAHA GO’ITAAN !!” Marka uu ninku hadal ku yara nuux-nuuxsadaba, dhegeystayaashu waxay ugu jiibinayeen sacab iyo sawaxan. Markaad u sii fiirsato waxabad moodaa in dadka madasha fadhiyey kurbo iyo kaar ku taagnaa laga dulqaaday. Ugu horeyn ereyga ” GO’ITAAN” ayaa sidiisaba u ah qadaf sharciyadeed marka laga hadlayo xaq ummadeed. Ninka hadalka jeedinayey oo magaciisu yahay H. Warsame, wuxu daliishanayay mabaadi’ii iyo afkaar soo jireen hase ahaatee aan qadiyaada Somaliland sinaba u saameyn. Fikaradahaas ayaa hore u qabay in haddii dalka qeyb ka mid ihi ka go’ayso, waa in ogolaansho laga helaa kan laga go’ayo am ha liito ama awood ha lahaado! Fikradahaa iyo mabaadi’iidaa soo jireenka ah waxa wax weyn ka bedelay burbuurkii Midowgii Soofiyeet iyo hayl-haylankii qobotolkii Yuguslaafiya. Waata Soomaalidu ku maah maahda: “Meyd maxaa u dambeeyey, iyo kan hadda la sii sido.” Qobotolkii Jamhuuriyaddi Federaalka Yuguslaafiya markay qabcadiba dhinac u duushay waxaynu ognahay in iyadoon Dowladdii Federaalka ogolaanshoba la weydiin, ugu horeynba waxa ictiraaf deg deg ah helay Croatia iyo Solovenia. Waxa iyana iskood madaxbannaani ugu dhawaaqya Macedonia, Bosnia-Herzegovina, Kosovo. Hadhaagii Federaalku wuxu ku soo ururay Seerbiya iyana waxay bilowday isir-gumaad ay kula kacday qowmiyaddii Muslilmka ahay ee Bosnia-Herzegovina. Waxan filayaa in dad badani weli xasuusanyahay duqayntii Sarayevo iyo xasuuqii Siribinija, iyo Mostar. Fikir sharciyadeed oo kan Warsame daliishanayo ka duwan oo soo jireen ah ayaa sida nin lagu magacaabo Mr. Crawford oo sharci yaqaan aha ayaa isna sidan tibaaxaya, wana ta meel-marisay kala furufurkii Yuguslaafiya: “When a sovereign state, from exhaustion or any other cause, has virtually and substantially abandoned the struggle for supremacy, it has no right to complain if a foreign state treats the independence of its former subjects as de facto established; nor can it prolong its sovereignty by a mere paper assertion of right.’’ Marka Qaran Xor ihi, burbur awgii ama sobobo kale u nuglaado tahlnaiwaayo sugitaanka haybadda jiritaankiisa, marna xaq uma laha in uu ka dacwooto haddii dowlad shisheeye qaybo shicibkeeda ka mid ah u aqoonsato madaxbannaani; kamana dhigan karto cimri dherer sheegasho qarannimo aan dhafsanayn qoraal warqadeed ama hadal af laga yidhi oon xikmad kale ku dheenayn. Qeybaha dambe waxaynu iftiimin doonaa isdiidooyinka sharciyadeed iyo mugdigii ku gedaanaa Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee la kowsatay 1 Juulay, 1960. Dhegihii Alla waani wwedha kaa maqlee kuwa dhukaygu awday ma waxbay maqlaan. Axmed Cali Ibrahim Sabeyse August 12, 2020. Qaran News
  18. At least 10 people were killed and five others were wounded in fighting between al-Shabab and armed residents in Somalia's central region of Mudug, witnesses and officials said. Source: Hiiraan Online
  19. Abiy Ahmed: Midho Guntiga Kuugu Jira Looma Daadiyo Midho Geed Saaran Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed wuxuu aamminsan yahay Soomaaliya oo xasillooni lagu soo dabaalo in dalkiisu dhaqaale ahaan ka faa’iidaysan karo iyo in muwaadiniintooda 100 milyan kor u dhaafay ay fursado shaqo ka heli karaan haddii ay meel mar noqoto siyaasaddiisa is dhexgalku, waxa kale oo uu aad u danaynayaa in Soomaaliya laga helo dekedo si Itoobiya uga maaranto ku tiirsanaanta dekedda Jabuuti oo qudha. Ra’isal wasaaraha Itoobiya wuxuu qaba danaha iyo damaca uu ka leeyahay Soomaaliya in lagu gaadhi karo in marka hore la dhammeeyo khilaafka iyo muranka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya. Haddaba isaga oo yaraysanaya taariikhda iyo sharciyadda JSL, dareenka, rabitaanka ummadda iyo qiimaha ay ugu fadhido madax bannaanidu wuxuu xalka u arkaa Somaliland oo ka noqota gooni isu taagga oo dawladda Federaalka ah isku dhiibta. Akhriste bal si kooban aynu isu dul taagno danaha iyo sida ay Itoobiya uga macaashtay jiritaanka JSL: Ururkii SNM iyo xukumadihii Somaliland waxay soo afjareen colaaddii u dhexayn jirtay Itoobiya iyo Soomaaliya. Aagga Bari ee ku beegan Somaliland waxa Itoobiya ka joogay laba gaas (Division) si ay uga difaacaan weerarro kaga yimaadda Soomaaliya. Kharashka ku baxaya ciidanka tiradaa leh iyo qalabkoodu wuxuu culays iyo dhiig bax ku ahaa dhaqaalaha Itoobiya intii se Somaliland jirtay Itoobiya waxay ka maarantay in ay ciidamo ka sii joogaan aag nabad ah iyo xuduud dal uu ku dhexeeyo xidhiidh sokeeye. Labada dal muddo dheer waxay iska kaashanayeen dhinacyada ammniga, ganacsiga, tababarrada shaqaalaha iyo ciidamada iyo isdhexgalka labada bulsho. Itoobiya waxay saami ku leedahay dekedda Berbera. Mabaadiida aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ah deris wanaag iyo in nabad iyo xasarad la’aan lagula noolaado dalalka jaarka ah waxaana ka makhraati ah jawaabta madaxda JSL ka bixisay dalabkii Masaarida. Hase ahaatee waxay u eeg tahay in ra’isal wasaaraha Itoobiya aanu ku qanacsanayn ama aanay deeqin danaha kor ku xusan iyo saaxiibtinimada la isku hallayn karo ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xidhiidhkaa dhaw iyo heshiisyada rasmiga ah ee labada dal wuxuu ka doorbidaya ballanqaadyo been ah iyo heshiisyo aan rasmi ahayn oo suuqa madow Farmaajo ugu saxeexay oo aan marnaba iyo sinaba uga dhaqan geli doonin Soomaaliya waana dabeecadaha lagu garto hoggaamiyaha damaca badan. Waa halka Soomaalidu ka tidhaahdo “Midho guntiga kuugu jira looma daadiyo midho geed saaran.” Runtii waa sababta Abiy Axmed ugu dadaalayo in Farmaajo kursiga ku sii nagaado. Si kastaba ha ahaatee ra’isal wasaaraha da’da yar waxaan kula talin lahaa in uu iskaga hadho sheekada uu ku dheggan yahay ee midnimada Soomaaliya oo uu xalka ka raadiyo dhinaca kale iyo taageerada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Ra’isal wasaaraha waxaan uga digaya in aanay siyaasaddiisu horseed u noqon dib u soo noolaynta fikraddii Soomaali weyn ee dhimatay iyo colaadihii gobolka soo daashaday. Mudane ra’isal wasaare, Farmaajo xataa haddii uu sii joogo amaba soo noqdo waxaan u malaynaya in aanay waxba ka socon doonin heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee Farmaajo isaga oo shakhsi ah la galay dawladda Itoobiya. Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami33@gmail.com Qaran News
  20. UN High Commissioner for Human Rights Michelle Bachelet said Monday that the draft legislation introduced by parliamentarians in Somalia must not be enacted as it violates international human rights norms, including legitimizing child marriage. Source: Hiiraan Online
  21. ADDIS ABABA - Ethiopia's Tigray Peoples' Liberation Front (TPLF), which ruled the country for three decades until 2018, has vowed to hold its own regional vote, an action the national government said would violate the constitution. Source: Hiiraan Online
  22. Xaalad degga’naansho ah ayaa Saaka oo Khamiis ah laga soo sheegaya Degaanka Shabeellow oo ka tirsan Degmada Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug halkaas oo uu shalay ka dhacay dagaal xooggan. Dagaalkii shalay oo dhexmaray Malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab iyo Dadka Degaankaas waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah halka tiro kalena ku dhaawacantay. Bulshada Degaanka oo u badan xoola-dhaqato ayaa lagu soo warramayaa in ay si adag isaga difaaceen kooxda Al-shabaab oo doonayay in xoog ku qabsadaan Degaanka kadibna xarumo Ciidan ka samaystaan. Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa markii dambe lagu khasbay in ay dib ugu laabtaan meelihii ay hore uga yimaadeen sida laga soo xigtay Dadka Degaanka Shabeellow iyo Nawaaxigiisa. PUNTLAND POST The post Xaaladda Degaanka Shabeellow oo saaka deggan appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka, Cabdiraxmaan Odowaa ayaa si adag uga hadlay muddo kordhin dalka ka dhacda, isagoona digniin arrintaasi ku aadan u diray Villa Somalia oo uu hormuud u yahay Farmaajo. Odowaa oo hadda ah xoghayaha guud ee Madasha xisbiyada qaran ayaa sheegay in haddii uu dhamaado muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, uusan laheyn wax xasaanad ah oo uga duwanaan karo madaxweynayaashii hore ee dalka. Cabdiraxmaan oo ka hadlayay dood ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa meel adag iska taagay in dowladda Farmaajo ay sameysato ‘muddo kororsi aan sharci aheyn’, oo dalka u horseedi kara qalaalase siyaasadeed oo hor leh. Wuxuuna madaxweynaha Farmaajo ugu digay in waqtigu ka dhaco, iyada oo aan heshiis laga gaarin nooca doorasho ee dalka dhaceysa, taasi oo lagu dabaqayo doorashada 2020/2021. “Aniga waxaan taaganahay Madaxweynaha haddii uu waqtigiisu dhamaado, wax u haray malahan, anaga iyo madaxweynahana waxaan noqoneynaa dad guriyahooda jooga” ayuu yiri Cabdiraxmaan Odowaa. Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dalka ayaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay xiligan leedahay in dowladda Farmaajo ay waqtigeeda ku qabato doorashada, isagoona ka digay inay dhacdo taasi badalkeeda. Hadalka Odowaa ayaa kusoo aadaya xili aan weli si dhab ah loogu diyaar garoobin shirka Dhuusamareeb3 oo lagu waday inuu furmo 15-bishan oo ay naga xigaan labo maalin oo keliya. Shirkaasi ayaa la filayay in heshiis loo dhan-yahay looga gaaro arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa, inkasta oo aysan xiligan muuqan qabsoomida shirkaasi.
  24. Daawo:Muwaadiniin kenyati ah oo weerar ku qaaday,Khasaarena u geystay qunsuliyaddooda Lubnaan Muwaadiniin u dhashay dalka Kenya islamarkaana ku sugan dalka Lubnaan ayaa ku dibedbaxay, bur-burna u geystay qunsuliyadooda ku taal magaalada Beirut. Dadkan oo u badan dumar shaqo usoo raadsaday dalka Lubnaan ama loo keenay ayaa waxaa ay dowladooda ka dalbanayaan in dib loogu celiyo dalkooda. Wararka ayaa sheegaya in dadkani soo foodsaartay culeys xagga nolosha ah kadib markii ay waayeen shaqooyinkooda kadib markii uu halkaasi ka dhacay qarax gebi ahaabna badalay nolosha magaalada Beirut dhawaan. Sidoo kale muwaadiniin kasoo jeeda iyada dalka Itoobiya ayaa ku dac-tareysan magaalada Beirut. Si kastaba, iyadooba awal uu dalkaasi Lubnaan ka taagnaa dhaqaalexumo baahsan ayaa waxaa ugu darsamay qarax weyn oo gebi ahaan magaalada Beirut saameeyay. Halkan ka daawo Muqaalka warka:- Qaran News