-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada ayaa maanta markale dib uga furmay magaalada Muqdisho. Furitaanka shirkan ayaa waxaa durba ka dhalatay fal-celin xooggan, maadaama ay shirka ka maqan yihiin madax goboleedyada qaarkood, halka ay soo xaadireen madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir. Shirkaan oo inta uu socdo looga hadli doono arrimo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka iyo xaaladda guud ee dalka ayaa waxaa horay isaga baxay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, halka uu horay uga sii maqnaa madasha madaxweynaha Puntland, Saciid Deni. Haddaba, Sidee looga fal-celiyay? · Cabdirashiid Muxiyadiin: “Kulanka xiga waxaa ka baqaa in 2 kale la waayo ee Madaale Villa-da yuusan ka bixin illaa amar dambe.” “Puntland, Khaatumo, Jubbaland maamuladii Daarood Ismaaciil oo maqan waxba kama soconayaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Caaqil. Mansuur ayaa isna waxa uu yiri “Guusha dalku waxay ku xidhan tahay waxa kasoo baxa shirkaan iyo sida loo hirgaliyo. Dalka waa inuu ka gudbaa isbaaro uu qofkasta dhigan karo.” “Madaxweyne hadii aadan wax kheyr ah iyo wax cadaalad u ah umada marna ka shaqeyneyn ilaahay ayaa garabkaaga ka baxaya oo waxba kuu socon mayaan,” ayuu yiri Cusmaan Cabdulle Aw Cali. Cabdirisaaq Mataan: “Dowlad goboleedyadu waa inay doorasho aadan, hadii madaxweynuhu sameeyo ku darsasho dowlad-goboleed waxa uu soo wado waa ku darsasho heer federaal, taas oo wixii uu mirinaayo sanadka u dagana oo uu ciidan ugu aruursanayay.” Ismaaciil Maxamed Daahir ayaa sidoo kale waxa uu yiri “Rag wada shaaxeeyey uma xumidiin. Shir ha dhihina sababtoo ah nin ajendihiisa meesha ku fadhiya kuma jiro marka laga reebo xasan waxa uu rabo in la fuliyo.” “Madaxwaynaha iga gaarsiya fariintan Inta xildhibaan ka amarqata maamul goboleed markii u yeertaba aadaya horay loo socan maayo, siyasadaada uleexi xoraynta wadanka ayaga noqon doona rah biyihii ka guuren kadibna isa soo dhiibi doona,” ayuu yiri Cusmaan Sabaax. Cali Haruuse: “Shaqo wacan ninkii dalka dib u dhiciisa iyo dadka ineey wax doortaan kasoo horjeedo yaan loo dhutin horay haloo wado dalka mudane madaxweyne.” Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sidoo kale wuxuu isna yiri “Masha Allah guul ayaan u rajeynayaa shirka iyo doorsho qof iyo cod inta diyaarka ah ha laga qabto inta kalena markii ay diyaar noqoto ayaaa laga qabanaa horay haloo socdo.” The post Fal-celin aan caadi aheyn oo ka dhalatay shirka maanta ka furmay Villa Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xilka u kala wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda hawlaha guud, dib u dhiska & guriyeyta, Cilmi Maxamud Nuur iyo wasiirkii hore Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay. Ra’iisul Wasaaraha oo halkaasi ka jeediyay hadal kooban ayaa waxa uu tilmaamay in wasaaradda hawlaha guud ay kamid tahay wasaaradaha muhiimka u ah qaranka. Sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaraha u rajeeyay wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka. Mudane Xamza ayaa u mahad-celiyey wasiirkii hore oo hadda noqday ra’iisul wasaare ku-xigeenka labbaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday. Dr. Maxamed Cilmi Nuur ayaa toddobaadkii hore dib ugu soo laabtay golaha wasiirada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza. Ninkan oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD waa mudane ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, deegaan ahaana waa reer Boorama. Intii mucaaradka la’ahaa wuxuu waqtigiisa u huray Xasan Sheekh iyo xisbigiisa. Markii ay doorashada ku guuleysteen waxaa laga dhigay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, laakiin 11 bilood kadib waxaa shaqada looga eryay si foolxun oo aan la fileyn inuu Xasan Sheekh ula dhaqmayo qof kooxdiisa, weliba qof sida Dr. Cilmi oo kale ah. The post Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamza oo maanta xilka u kala wareejiyay… appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan iyo Wasiirkii hore Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Dalka ayaa tilmaamay in Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada ay kamid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta arrimaha Bulshada, barnaamijyo shaqo abuur ah oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka. Mudane Cabdisalaan Dhaay ayaa u mahadceliyey Wasiirkii hore ee wasaaradda sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday. Dhanka Kale, waxaa xilka wasiir dowlaha ee wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada la wareegay, Mudane xildhibaan Caynaanshe yuusuf. Source: goobjoog.com
-
AQOJtKtDifaOLXL7UzNbH2Nx07Fu3kbHVKW8rhVKlXzyJ1c3y8sD8UNrrs55be89e3FSFuTCiEdw6qz88IdybZBi Qaran News
-
AQM_M9MBysHDdduL0QZWhinCNtpn3pwjvEqmVeu39FPRkLUMdSCnRHMf2kcwlhoC2Tmz59FTaHAmOH2H-3PyoD21 Qaran News
-
Daawo Ceerigaabo oo midaysan oo Waddani maanta u soo baxday
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
AQNKu8eMmeJD3n-d38LO-XaldrpzpV60yAk7KvyQmdN1pQk9CqYvUbvlHtT9UyHUUII5-4cyr0IL5dGaEao1b9NT Qaran News -
Qaran News
-
Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran, oo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland ayaa Maanta mar kale u furmay Madaxda dowladda Federaalka iyo Saddex Maamul Goboleed oo uu weheliyo Gobolka Banaadir. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu mar kale Maanta dib u furmay Shirkii Madasha Qaran, kaasi oo uu shir-guddoominayo Madaxweynaha dowladda Federaalk soomaaliya, oo ay weheliyaan Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka kowaad Saalax Axmed Jaamac. Shirkan waxaa sidoo kale ka qeyb-galaya Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Shirka looga arrinsanayo Qodoba ay kamid yihiin; amniga, horumarinta dalka iyo dhameystirka hannaanka dimuquraadiyeynta, sida ku xusan Qoraal ka soo baxay Villa Somalia kadib Furitaankii Shirka. PUNTLAND POST The post Shirkii Madasha Muqdisho oo ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubaland oo maanta dib u furmay appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka faallooday shidaal qodista Soomaaliya ee loo dhaqaaqayo, maadaama dowladda federaalka oo kaashaneysa Turkiga ay sameynayaan shidaal baaris. Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u soo dhaweeyay in laga faa’iideysto khayraadka dalka oo uu ugu horreeyo lasoo bixidda shidaalka, waxaase uu sheegay inay ku hor gudban yihiin caqabado waa wayn oo u baahan in xal loo helo. Siyaasigan oo warbixintiisa ciwaan uga dhigay “Horumar mise hoog?” ayaa ku taliyay in laga fiirsado tallaabo kasta oo la qaadayo, gaar ahaan musuq-maasuq iyo ku takrifal awoodeed, wuxuuna sheegay haddii aan laga dheeraan uu shidaalka dalkeena u horseedayo dhibaato horleh, isaga oo tusaale usoo qaatay dalalka Venezuela, Nigeria, Libya, South Sudan, Sudan iyo kuwo kale. Hoos ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:- Waa tillaabo boggaadin mudan in aan khayraadka dalkeenna la soo baxno. Tobban sano ayaa laga joogaa markii la sameeyey sahankii 1-aad ee dalka laga billaabay sanadkii 2014, taas waxaa lagu ogaaday in Badeenna shidaal ku jiro. Markabka Oruc Reis ee Turkiga wuxuu samayn doonaa sahanka 3D ee la xariira halka ugu habboon ee ceelka laga daloolin karo iyo qiyaaska xaddiga shidaal ee ku jira, wuxuuna qaadanaya sanad iyo ka badan, weli waa sahmin ee ma aha qoditaan. Ceel la qodaahi waxay u baahan tahay in la geliyo maalgashi adduun oo lagu qiyaaso in uu kor u dhaafayo bilyan iyo dheeraad lacag ah, taasoo inta badan ay sameeyaan toddobada shirkad ee dunida ugu waawayn, waxayna u badan tahay in Turkigu shirkadahaas heshiis la galo, sababtoo ah iyaga ayaa halista faa’iidada iyo khasaaraha u bareeri kara haddii ay ku qancaan in ay maalgashiga sameeyaan. Horumar mise hoog? Dhanka kale, waxaa jirta dood soo jireen ah oo oranaysa shidaalku horumar miyuu keenaa mise hoog? (Is the discovery of oil a curse or a blessing) Waxaa sidaas loo leeyahay waa in la arkay dalal ay ka mid yihiin Venezuela, Nigeria, Libya, South Sudan, Sudan iyo kuwo kale oo shidaal la soo baxay, laakiin uu dhibaato u horseeday, cuuryaamiyeyna wax soosaarkii kale ee dalka, colaad iyo sadbursina horseeday. Waxa kale oo iyana jira dalal ka faa’iiday oo ay u badan yihiin dalalka Khaliijka, laakiin uu ku riday cudurka ku tiirsanaan iyo in ay wax soo saar kale yeelan waayeen, waxaa iyana jira dalal ka faa’iiday, wax saamayn taban ahna uusan ku yeelan wax soosaarkii kale ee dalka sida Norway, Maraykan, Ingiriis, iyo kuwa kale oo badan. Muhiimaddu waxay tahay waddan in uu faqriga iyo dib-u-dhaca ka baxo kuma xirna in uu shidaalka la soo baxo ee waxay ku xiran tahay hadba sida uu nidaamka dalku u yahay mid ka fog eex, musuq, qaraabokiil iyo ku takrifal awoodda iyo hantida ummadda, dadkiisuna u siman yahay awoodda, dakhliga iyo khayraadka dalka, madaxdiisuna yihiin kuwo aamin ah oo sida ugu habboon u maareyn kara dakhliga shidaalka laga helo. Haddiise ay yihiin kuwo abuurka dubta ama ubadka caanahooda caba, shacabka kuma qancin karaan in ay ka fishaan in ay dalagga beertaan ama caanaha qoyska ka ammaan helayaan. Shidaalku markaas wuxuu keenaa hoog ee ma aha horumar. The post Shidaal qodista SOOMAALIYA horumar mise hoog? appeared first on Caasimada Online.
-
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maanta dib uga furmay Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga iyo hanaanka doorashooyinka. Shirka waxaa ka qeybgalay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Waxaa lagu falanqeynayaa dadaallada dagaalka Al-Shabaab, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo fulinta heshiisyadii hore ee wadatashiga. Si kastaba ha ahaatee, shirkan waxaa ka maqan madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Maamuladaasi ayaa horey uga soo horjeestay qaababka dowladda federaalka ee la xiriira dib-u-habeynta doorashooyinka iyo arrimaha amniga, taas oo keentay in xiriirka ay la leeyihiin dowladda dhexe xumaado mararka qaar. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka golaha wadatashiga qaranka ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ayaa maanta mar kale dib uga furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta madaxtooyada Soomaaliya. Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa gudoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir. Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lag sheegay in wada-tashiyo kadib ay madaxda isku soo laabteen, isla markaana laga wada-hadli doono muddada uu socdo shirkooda arrimo ay kamid yihiin amniga, doorashooyinka iyo xaaladda guud ee dalka. “Wadatashiyo ka dib maanta ayaa dib la isugu soo laabtay, iyada oo diiradda la saarayo arrimaha Amniga, Dowlad-dhiska iyo Doorashooyinka, iyo qodobo kale oo muhiim u ah horumarka Dalka” ayaa lagu yiri qoraalka kooban ee kasoo baxay Villa Soomaaliya. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo horay isaga baxay shirkan ayaa weli maqan, wuxuuna ka biyo diiday qorshaha dowladda dhexe ee qabashada doorashooyin qof iyo cod ah, halka uu horay uga sii maqnaa madasha madaxweynaha Puntland, Saciid Deni. Dadaallo iyo isku dayo ay sameysay dowladda dhexe, si loo qanciyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale fashil kusoo dhamaaday, wuxuuna ku adkeystay in doorasho dadban uu ka qabanayo deegaannasa Jubbaland. Sida uu qorshuhu yahay madaxda ayaa soo saari doonto go’aanno xasaasi ah oo ku aadan shirkooda oo noqday mid kamid ah kuwii ugu waqti dheeraa oo uu hareeyay is jiidjiid u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedka dalka. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana horay looga digay in goluhu soo saaro go’aanno aysan qayb ka ahayn maamullada Puntland iyo Jubbaland oo haatan ka maqan shirka golaha wadatashiga qaranka. The post Shirka golaha wadatashiga qaranka oo dib uga furmay Villa Soomaaliya + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay xiisadda dagaal ee ka taagan bariga dhexe, gaar ahaan dagaalka u dhexeeya Israel iyo Iran oo haatan kasii daraya. Bayaan culus oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyay weerarkii ay habeen hore Israel ku qaaday gudaha Iran, waxaana Soomaaliya ay sheegtay inuu ka hor imaanayo qawaaniinta iyo dhaqanka caalamiga ah. Sidoo kale dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay sii adkeyneyso mowqifkeeda ku aadan diidmada in lasii huriyo colaadda ka taagan bariga dhexe oo soo xoogeysaneyso. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaaraynaysaa, isla markaana beeninaysaa gardarrada Israa’iil ay saaka ku qaadday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, taas oo xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda iyo xad-gudub ku ah qawaaniinta iyo dhaqanka caalamiga ah, waxayna Soomaaliya ku adkaysanaysaa mowqifkeeda adag ee ay ku diidan tahay sii hurinta colaadaha gobolka iyo sii ballaarinta colaadaha khatarta ku ah amniga iyo xasilloonida dalalka gobolka iyo dadka” ayaa lagu yiri bayaanka. Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqday in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo lagu xakameynayo xiisadda bariga dhexe ee dagaalka isku rogtay, si loo qaboojiyo. Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay ayay sidoo kale Soomaaliya ka dalbatay inay il gaar ah ku hayaan xaaladaha kasii daraya, si ay u qaataan mas’uuliyadda ka saaran. “Soomaaliya ayaa dib u cusbooneysiisay codsigeeda beesha caalamka iyo golaha ammaanka si ay mas’uuliyadooda uga qaadaan joojinta dhaqamadan halista ku ah mustaqbalka gobolka, waxa ay sidoo kale carabka ku adkeysay in loo baahan yahay in la qaado tillaabooyin dhab ah oo lagu xaqiijinayo amniga gobolka iyo xasiloonida si waafaqsan shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka Soomaaliya. Iran waxa ay sheegtay weerarkii Sabtidii lagu qaaday kadib in aysan jirin wax xad ah marka ay timaado difaaca dalkeedam si looga hortego weerarada uga Tel Aviv. Isra’el ayaa iyaduna waxay dhankeeda sheegtay in weerar xadidan ay ku bartilmaameedsatay saldhigto millatari oo ku yaalla Iran, kaas oo ay sheegtay in ay uga jawaabeysay, duqeymihi cuslaa ee Iran uga yimid 1-dii bishan October. The post Soomaaliya oo qaaday tallaabo ka dhan ah ISRAEL, lana safatay… appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mas’uul ka tahay xaraashidda dhulkii danta guud iyo Hantidii Qaranka ee Muqdisho. “Dhulkii danta guud iyo Hantidii Qaranka ee Muqdisho waxaa ku socda xaraash aan sharci ahayn waxaa la marinaya Cagafyo waxaana loo adeegsanaya dano shakhsiyeed ee dan dowladeed lagu qaban mayo iyadoo laga iibinayo Ganacsato” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Siciid Deni ayaa sidoo kale ugu baaqay Ganacsatada iibsanaya dhulkii danta guud ee Muqdisho in ay ka waantoobaan arrintaasi oo aysan qayb ka noqon xaraash aan sharci ahayn oo hay’adaha dowladda la marin kaasi oo lagu iibsanayo Hantidii Qaranka. “Waxaan halkaan uga baaqayaa Ganacsatada Reer Muqdisho in ay ilaah uga baqaan waxay ka shaqaynayaan oo aysan ku kadsoomin dhulka danta Qaran ah in xaraash aan sharci ahayn oo hay’adaha dowlarda la marin lagu iibiyo” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Deni ayaa dhinaca kale Siyaasiyiinta Muqdisho ugu baaqay in ay dowladda Xasan Sheekh gacanta ka qabtaan xaraashka dhulka danta guud iyo Hantidii Qaranka waxaana uu sheegay in jidka dowladda Federaalka Soomaaliya ku socoto aanu ahayn jidkii saxda ahaa. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni “Dowladda Xasan Sheekh waxay xaraash ku waddaa Hantidii Qaranka ee Muqdisho” appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaan Kulmiye iska casilay kuna biiray xisbiga Waddani
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Xildhibaan Maxamed Yuusuf Kiniin oo ka tirsan degmadda Sheekh oo iska casilay xisbigii uu ka soo baxay ee Kulmiye. Xildhibaan Maxamed Yuusuf ayaa si rasmi ah ugu biiray xisbiga Waddani oo ah xisbiga rajada shicibka ee Somaliland. Qaran News -
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Saciid Deni ayaa xalay qasriga madaxtooyada ee Garoowe kula kulmay xildhibaannada labada gole ee Puntland ku metala dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo guddoomiyaha golaha wakiilada, Cabdirisaaq Axmed Saciid, waxayna dhinacyada iska xog wareysteen xaaladda guud ee dalka. Wararka ayaa sheegaya in Deni uu si gaar ah xildhibaannada iyo senatorada uu la kulmay uu kala hadlay arrimo ku aadan khilaafka maamulkiisa kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, maadaama uugo’ay xiriirka labada dhinac. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xubnaha uu la shiray la wadaagay mowqifkiisa ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, maadaama ay socdaan qorshayaal ay waddo dowladda dhexe oo lagu doonayo qabashada doorasho qof iyo cod ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulamada ay sii socon doonaan, ayna ku biiri doonaan xildhibaanno kale oo Puntland kasoo jeeda oo la filayo inay tegaan Garoowe. Saciid Deni ayaa si weyn ay isku hayaan dowladda Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna kasoo horjeestay qorshayaasheeda sida doorashada, dastuurka iyo shidaal qodista. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda daba dheeraatay ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland. The post Xogta kulan dhex-maray DENI iyo xildhibaannada Puntland ku metala DF appeared first on Caasimada Online.
-
AQM9z2nafrUzgWFl7hvQ4uZQEO98Tej-rGqs8BQRvPStVxc2qdIwh-G98PCk9RuLd0bzdlTlOH_Gr8pDxspcjCLO Qaran News