-
Content Count
213,099 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Djibouti (HOL) — Djibouti delivered a shock 1-0 victory over Rwanda at Kigali's Amahoro Stadium in the CHAN 2025 qualifiers on Sunday, riding on a late strike from forward Gabriel Dadzie. Djibouti, playing their 'home' leg on Rwandan soil due to a CAF and FIFA stadium ban, displayed disciplined play and capitalized on one of their few opportunities to stun the hosts. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — A father and son died tragically in Kenya’s Wajir County after trying to rescue their family’s goat from a narrow, oxygen-deprived well—a grim reminder of the hazards posed by the region’s open water sources and prompting urgent calls for safety improvements. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somalia has expelled a senior Ethiopian diplomat, accusing him of activities “incompatible” with his diplomatic role and violating Somalia’s sovereignty, the Ministry of Foreign Affairs announced on Monday. Ali Mohamed Adan, who served as Counselor II at the Ethiopian Embassy in Mogadishu, was declared persona non grata and given 72 hours to leave the country. Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Soomaaliya ayaa u qabatay in uu 72 saac gudahood dalka kaga baxo Col. Cali Maxamed Aadan ahaa Qunsul Ku xigeenka labaad ee Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku amartay in Col. Cali Garow muddo 72 saac gudahood uu dalka uga baxo, waxaana lagu eedeeyay in uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed. “Wasaaradda waxay ku dhawaaqaysaa in mudane Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliye II ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. “Ficilladiisu waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), gaar ahaan Qodobbada 41 iyo 42, kuwaas oo faraya diblumaasiyiintu inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha.” “Sidaas darteed, mudane Cali Maxamed Aadan waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata) waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan” ayuu sii raaciyay qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo dalka ka ceyrisay Qunsul Ku xigeenka labaad ee Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya waxay qaadday tallaabo adag si ay u ilaaliso danaha qaranka oo ay u adkayso heerarka diblumaasiyadeed ee caalamiga ah, taas oo muujinaysa sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda iyo ku dhaqanka sharciga caalamiga ah. Wasaaradda waxay ku dhawaaqaysaa in mudane Cali Maxamed Aadan, oo hadda ah La-taliye II ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya ee Soomaaliya, uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed. Ficilladiisu waxay jebinayaan heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblumaasiyadeed (1961), gaar ahaan Qodobbada 41 iyo 42, kuwaas oo faraya diblumaasiyiintu inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha. Sidaas darteed, mudane Cali Maxamed Aadan waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay “shakhsi aan la rabin” (persona non grata) waxaana laga doonayaa inuu ka baxo Soomaaliya 72 saacadood gudahood marka uu helo ogeysiiskan. Tallaabadani waxay marag u tahay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta habraaca diblumaasiyadeed ee caalamiga ah iyo difaacidda madax-bannaanideeda qaranka. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is-afgarad ah la saxiixatay shirkadda Dekadaha ee Abu Dhabi PORTS Group, kaas oo ay sida wadajir ah isaga kaashanayaan maalgashiga Kalluumeysiga iyo in la horumariyo dekedaha, iyo guud ahaan dhinaca Kalluumeysiga ee dalka. Heshiiskani waxa uu diiradda saari doonaa iskaashi wax ku ool ah oo dhinaca Kalluumeysiga ah, horumarinta dekedaha kalluumeysiga, warshadaha, in la aas-aaso xarumo iyo saldhigyo kormeerka badda ah, in la xoojiyo kaabayaasha Dhaqaalaha Kalluumeysiga, in la hirgaliyo dekedo Kalluumeysi oo wadaag ah, iyo in la abuuro dugsiga tababarka xirfadaha iyo farsamada Kalluumeysiga. Kapten Maxamed Juma Al Shamisi, Maareeyaha Guud iyo CEO-ga Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi, ayaa yiri: “waxaan dooneynaa inaan baarno fursadaha taageerada horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya annagoo dejineyna qorsheyaal maalgashi iyo iskaashi oo ku saabsan dekedaha, adeegyada badda, iyo qaybta kalluumeysiga ee dalka. Kooxda Dekedaha Abu Dhabi waxay la shaqeyn doontaa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo awoodda qaybta badda iyo kalluumeysiga ee dalka”. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee dowladda Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadam, ayaa yiri ” Iyada oo aan kaashaneyno Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi, waxaan diyaarinaa waddo u horseedeysa koror waara oo muddada dheer ah iyo xoojinta kaabayaasha dekedaha, iyo sidoo kale taageerida qaybta kalluumeysiga ee dalka, Iskaashigan ma ahan oo kaliya inuu xoojinayo awooddayada, laakiin sidoo kale wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarinta dhaqaalaha iyo bixinta fursado cusub oo loogu talagalay bulshadeena xeebaha ee ku tiirsan waxsoosaarka Kalluunka.” Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga waxa uu ujeedkedu yahay in ay ka faa’iidaysato Khibradda ballaaran ee maareynta dekedaha, adeegyada saadka ee Imaaraadka iyo guud ahaan caalamka ee Kooxda Dekedaha ee Abu Dhabi. Shirkadda Dekedaha ee Abu Dhabi ayaa dhawaan waxay ku dhawaaqday saxiixa heshiisyada ijaarka dekedaha, adeegyada badda, iyo qaybaha saadka ee dalalka Masar, Jamhuuriyadda Kongo, Angola iyo Tanzania. Source: goobjoog.com
-
Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland ayaa sheegtay in ay xabsiga dhigtay afar kamid ah rag hubeysan oo rasaas ka riday xaafado kamid ah caasimadda Hargeysa. Warkan ayaa kasoo baxay hay’adda NIA; “NIA ayaa xabsiga u taxaabtay afartii qof ee hubaysnaa ee qaska iyo qalalaasaha ka waday maqribnimadii isu soo baxa Kulmiye. Waxa la horgeyn doonaa maxkamadaha ciidamada qalabka sida, sidoo kale ciidamada booliska qaranka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xubnihii kale ee kooxdaasi ka tirsanaa.” Source
-
Hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigeen afar qof oo hubaysnaa oo rabshad ka riday isu soo bixii Xisbiga KULMIYE ee xaafada Siinay ee caasimada Hargeysa. Qoraal ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Somaliland oo ay ku faafisay barteeda X (Twitter) ayay ku sheegtay in ay xabsiga u taxaabtay afartaasi qof oo ku eedaysan in ay rabashado ka sameeyeen ololihii xisbiga Kulmiye. “NIA ayaa xabsiga u taxaabtay afartii qof ee hubaysnaa ee qaska iyo qalalaasaha ka waday maqribnimadii isu soo baxa Kulmiye ee habeenimadii 28kii bishan” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA. “Waxa la horgeyn doonaa maxkamadaha ciidamada qalabka sida.Sidoo kale ciidamada booliska jamhuuriyadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay xubnihii kale ee kooxdaasi ka tirsanaa” ayuu sii raaciyay qoraalka hay’adda NIA. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Somaliland oo xabsiga dhigay shakhsiyaad rabshad ka sameeyay ololihii xisbiga Kulmiye appeared first on Puntland Post.
-
Gudiga Anshaxa, Xalinta Khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka JSL ayaa soo saaray ganaaxyo iyo go’aano la xidhiidha arimaha Ololaha Doorashda: Waxa ay Xisbiga Waddani iyo Kulmiye ka joojiyeen gebi ahaan isu-soo-baxyada iyo olalaha habeenkii. Waxay ganaax 20 Milyan SL Shilling ah ku rideen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada oo Xisbiga Kulmiye u furay in ay ku ololeeyaan Khayriyada Magaalada Hargeysa, halka Xisbiyada kale na loo diiday habeenkoodii. Waxa ay mar labaad uga digeen in Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasaddu ay Olole ka dhigaan magaalada Ceel-afweyn. Source
-
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Taliyaha howlgalada gaarka ah Mareykanka Colonel David Haskell. Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin tababarka ciidanka boliiska Soomaaliyeed la dagaalanka kooxaha Argagixisada ah ee Al- Shabaab iyo arrimo dhawr ah, sida lagu sheegay Qoraal uu soo saaray Taliska Booliska. Waxa uu balanqaaday Taliyaha howlgalada gaarka ah ee Maraykanka in ay dhankiisa in door muhiim ah ay ka qaadan doonaan taageerida ciidanka booliska iyo xasilinta amniga guud ahaan dalka. Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa ku amaanay Mareykanka doorkooda taageerada ay siinayaan ciidanka boliiska Soomaaliyeed. Sarreeye Guuto Asad Cismaan ayaa kulanka ka dib waxa uu ku soo wareejiyay Mr Haskell qaybaha hogganada Taliska booliska Soomaaliyeed iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo ay soo booqdaan xarunta dhexe ee Taliska Ciidanka boliiska. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliska Soomaaliya oo qaabiley Taliyaha howlgalada gaarka ah ee Mareykanka appeared first on Puntland Post.
-
The Somalia Football Federation (SFF) has dismissed recent claims of favouritism among referees. Source: Hiiraan Online
-
Bidhi oo dhawaan iska casilay gudiga ololaha gobolka Togdheer ee Kulmiye oomaanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga Waddani. Ex- xildhibaan Mubaarik ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii golaha deegaanka ee Burco ee ka horeeyay kuwan hada jooga, waxana mr Bidhi xisbiga ku soo dhaweeyay oo qaabilay gudoomiyaha xisbiga Waddani mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan Qaran News
-
Goob joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka Somaliland ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in ay kor joogtayn doonaan hannaanka ay u dhacayso Doorashooyinka Somaliland. Madaxa Kormeerayaasha eeTim Cole ayaa sheegay u jeedada ay Somaliland u yimaadeen ay tahay sidii ay u indho indhayn lahaayeen Geeddi socodka Ololaha Doorashada, Qaabka loo isticmaalayo warbaahinta iyo hannaanka ay u dhici doonto doorashadu. Source
-
Ra’iisul Wasaarah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xariga ka jaray Xarunta daryeelka dhaawacyada iyo xaaladaha deg-dega ah oo lagu soo kordhiyey isbitaalka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee Madiina. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Xukuumaddiisu hirgalisay xarumo badan oo ay kamid yihiin xarunta kaydka dhiigga oo markii ugu horreysay dib loo hawlgaliyey iyadoo lagu sameeyay dayactir dhammaystiran, Xarunta gurmadka xaaladaha deg-degga ah iyo dhismayaasha xarumaha kala duwan ee caafimaadka, wuxuuna adkeeyay inay ka go’an tahay dhamaystirka dhismaha iyo qalabaynta isbitaalka xoogga dalka. Xaruntan oo lagu dhisay dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed ugu gurmadeen musiibadii qaraxii Soobe 2, ayaa ka kooban qeybta bukaanka lagu daryeelo, qeybta dhalmada iyo qeybta xaaladaha deg-degga ah ee lagu daaweeyo dhaawacyada culus waxayna qeyb wayn ka noqon doonta gurmadka xaaladaha deg degga ah, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Mudane Xamse ayaa u mahadceliyey Guddiga gurmad Qaran sida ay u maareeyeen dhaqaalihii shacabka Soomaaliyeed isugu gurmadeen isagoo tilmaamay in xaruntan qeyb wayn ka qaadan doonto daawaynta iyo daryeelka ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira kooxaha Argagixisada. PUNTLAND POST The post Xarunta daryeelka dhaawacyada iyo xaaladaha deg-dega ah ee Isbitaalka booliska Soomaaliya oo Maanta xarigga laga jaray appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa kulan ku martiqaaday Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu muujinayo Qoraal kooban oo lagu wargeliyay Xubnaha labada Aqal. Marti-qaadka ayaa imaanaya iyadoo shirkii Madasha Wadatashiga Qaran uu natiijo la’aan yahay, kaddib markii uu shirka isaga baxay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, taasoo dib u dhigtay go’aano doorasho oo la soo saari lahaa ka hor inta aan la soo xirin Kalfadhiga Baarlamaanka. Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa laga soo xigtay in Madaxweynaha uu ka codsan doono Xildhibaannadda in muddo bil ah lagu daro kulamada kalfadhiga Baarlamaanka oo la filayo in dhowaan la soo xiro. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Caawa kulan ku marti-qaaday Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Gudiga doorashooyinka qaranka oo hada la hadlay warbaahinta
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
464890371_2145823105834237_241376028910115341_n Qaran News -
Hay’adda Sirdoonka Somaliland ayaa markii u horraysay ka hadashay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo lagu arkay bistoolado iyo qoryo. Qoraal Rasmi ah oo ka soo baxay hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayay ku sheegtay in tallaabo laga qaadi doono qaar kamid ah taageerayaasha Kulmiye oo bistoolad iyo qoryo ku soo bandhigay ololihii xisbigaasi ee Hargeysa. Hay’adda Sirdoonka ee NIA, ayaa sheegtay in lagu dabo jiro lana soo xiri doono ragan oo rasaas ka ridayay xaafado kamid ah Hargaysa islamarkaana la soo baxay bistoolado iyo qoryo taasi oo cabsi abuurtay. “Budhcadii qoryaha sidatay ee rasaasta ridaydaysay ee sababtay qaska, isla markaana khatarta galisay nafta shacabka intii uu socday ollolaha xisbiga Kulmiye, waa lagu raad joogaa, dhawaana waala soo xidhi doonaa” ayaa lagu yiri qoraalka hay’addaasi. Saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo warbaahinta la hadlay, ayaa laamaha amaanka ugu baaqay in wax laga qabto kooxaha rabshadaha sameeyay, iyaga oo sheegay in ay khatar amni keeni karaan. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ka hadashay qaar kamid ah taageerayaasha xisbiga Kulmiye oo bistoolado iyo qoryo la soo baxay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa toddobaadkan dib uga bilowday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyadoo uu ka maqan yahay hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey ugu sheegay xubnaha xisbigiisa inuu asbuuc wax ka yar Axmed Madoobe kusoo celin doono shirka, laakiin Xasan Sheekh taas uma shaqeynin. Xitaa dowladda Kenya ayuu u kaashaday in Axmed Madoobe lasoo celiyo, welina laguma guuleysan. Shirkaan intii uu hakadka ku jiray, dalka wuxuu yeeshay ra’iisul wasaare ku-xigeen cusub. Waxaa la filaayay in shirkaan laga soo qeyb-gelin doono, maadaama ay jiraan laba ra’iisul wasaare ku-xigeen oo dastuuriyan siman. Soomaaliya dastuurkeeda kuma qorna ra’iisul wasaare ku-xigeenka koowaad iyo mid labaad, waxaa ku qoran ra’iisul wasaare ku-xigeenno, sidaas darteed waxaa loo badinayay in reer Koonfur Galbeed markii ugu horreysay laba xubnood ku yeelan doonaan golaha wadatashiga qaran, balse ma dhicin. Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayey dadka qaar ku eedeynayaan inuu diidan yahay ra’iisul wasaare ku-xigeenka labaad oo isagu sabab u ahaa in aan shirkaan loo ogolaan. Inkasta oo taas xaqiiqo loo hayn, haddana waxaa la hubaa inuu Lafta-gareen awooday inuu madaxda federaalka ah ku cadaadiyo in Cabdisalaan Cabdi Cali lagu soo daro shirka golaha wadatashiga qaran, maadaama uu Saalax Jaamac ka qeyb-galayo shirka. Haddii la dhihi lahaa Saalax Jaamac wuxuu metelayaa reer Waqooyi, golahani kuma dhisna 4.5, kumana dhisna sinaan maamul goboleed. Haddii laga hadlaayo inuu shirkan ku saleysan yahay hanaanka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, waa in aan ogaana in shirkaan qofna u fadhin beesha shanaad oo ay beel dhan ka maqan tahay shirka. Haddii maamullo laga hadlayana waa inay Khaatumo kusoo biirta golaha wadatashiga qaran. Haddii ay kugu soo dhacdo in aanay Khaatumo aheyn maamul goboleed, Banaadir xitaa ma ahan maamul goboleed shirkana waa fadhisaa. Micnaha guud waa inuu golaha ku dhisan yahay xeer jajab, waana lagu soo dari karaa ra’iisul wasaare ku-xigeenka cusub oo ma jiraan wax diidaya oo xeer ah. Madaxweyne Xasan Sheekh qudhiisa waxaa dan ugu jirtaa inuu abuuro qof kale oo hoggaan ah oo reer Koonfur Galbeed oo haddii uu Lafta-gareen lumiyo kusii haysan karo shacbiyada reer Koonfur Galbeed. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka cusub Cabdisalaan Cabdi Cali siyaabo badan ayuu berri u anfaci karaa madaxweyne Xasan Sheekh, mana ahan inuu lumiyo ayey leeyihiin dadka u dhuun daloola arrimaha Soomaaliya. Lafta-gareen inkasta oo lagu eedeynayo inuu markii horeba diidanaa magacaabistan oo uusan wax hambalyo ah ka dirin xilkan usoo kordhay beeshiisa, haddana inuu olole u daro in ra’iisul wasaare ku-xigeenka cusub lagu soo daro golaha wadatashiga qaran waxay sare u qaadi kartaa metelaada guud ee reer Koonfur Galbeed, wuxuuna Lafta-gareen arrintaasi ka heli karaa sumcad wanaagsan oo gaar ah. The post Maxaa RW ku-xigeenka cusub looga reebay shirka golaha wadatashiga qaran? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa ka soo baxeysa dil aad u foolxun oo shalay magaalada Muqdisho loogu gaystey afar dhallinyaro ah oo dukaamo ku haystay xaafadda Miisaanka Dhuxusha ee degmada Yaaqshiid. Sida aan xog ku helnay, afarta dhallinyaro ayaa ku sugnaa goobtooda ganacsi markii ay toogteen rag ku hubeysan baastoolado, oo si qorsheysan ku socday. Saddex ka mid ah la sheegay inay isla goobta ku geeriyoodeen, halka qofka afaraadna isagoo dhaawac culus qaba loola cararay goobaha caafimaadka, halkaasi oo u uku geeriyooday. Ciidamo isugu jira boolis iyo nabadsugid ayaa gaaray goobaha ganacsi ee lagu dhex dilay sadaxda ruux ee ganacsatada ahaa, waxana la tilmaamay in ciidamada ay ku guuldareysteen soo qabashada kooxda dilka gaysatay. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in dilka dhallinyaradaan ganacsatada aheyd uu la xariiro, kadib markii dukaamadooda ganacsi ay ku xireen Kaamirooyinka CCTV, taasoo ay amartay dowladda in lagu xiro goobaha ganacsiga Muqdisho, waxaana arintaasi si weyn u diidan kooxda Al-Shabaab. Argagixisada Al-Shabaab ayaa aaminsan in kaamardu ay hoos u dhigtey shaqooyinka ay ka dhex qabsan jireen goobaha ganacsiga, waxaana ay hoos u dhigtay lacag ururintii ay ka dhex sameyn jireen suuqyada, sidaas darted goob kasta oo u hoggaansanta sharciga dowladda ayey dagaal ku aadeen. Magaalada Muqdisho waxaa maalmahii lasoo dhaafay si weyn ugu soo kordhaayay beegsiga lagu haayo goobaha ganacsiga oo ay ku xiran yihiin Kaamirooyinka dowladdu amartay ee CCTV, waxaana xusid mudan in Kaamirooyinka dartood ganacsatada loo dilay inay dhaafayaan tobaneeyo ruux oo dhamaantood u badana rag dhallinyaro ahaa. Todobaadkii hore ilaa shan qof ayaa sidaan oo kale oo loo dilay. The post Xog cusub oo laga helayo afar ganacsato dhallinyaro ah oo shalay lagu dilay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Waaxda gaashaandhigga mareykanka ayaa sheegtay in kuuriyada waqooyi ay Ruushka u dirtay in ka badan 10,000 oo askari si ay u biritaaraan xoogagga dagaalka kula jira ciidamada dalka Ukraine. Xogtan uu sheegay Pentagon-ku ayaa si weyn u kordhisay tirada askarta la qiyaasay ee Waqooyiga Kuuriya ay u dirtay moosko iyo cabsida ah in dagaalka Ukraine uu sii ballaarin karo, maadaama faragelinta militari ee Pyongyang ay saameyn baaxad leh yeelan karto. Ciidamadan oo la geeyay bariga Ruushka ayaa la sheegay inay tababar iyo taakulo militari siin doonaan xoogagga moosko iyo dagaalamayaasha la safan, waxaana afhayeen u hadlay pantagon-ku sheegay in askartani ay ka howlgali doonaan meel u dhow soohdinta Ruushka iyo Ukraine. Reer galbeedka ayaa walaac ka muujinaya in Ruushku uu doonayo in uu askartan u isticmaalo dagaalka ama uu ku taageero hawlgallada dagaalka ee ka dhanka ah ciidamada Ukraine ee ku sugan gobolka Kursk ee Ruushka ee u dhow soohdinta labada dalka. Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol ayaa sheegay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay geynayso dalkaasi ay halis ku yihiin amniga qaranka dalkiisa iyo beesha caalamkaba, isagoo dhaleeceeyay waxa uu ku tilmaamay iskaashiga milatari ee sharci darro ah ee u dhexeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi. Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Israa’iil ayaa oggolaatay hindisaha heshiis xabbad-joojin kumeel-gaar ah oo laga dhaqan-geliyo marinka Gaza mudda 28 maalmood ah. Heshiiskani ayaa lagu sii deynayaa 8 maxbuus oo Israa’iiliyiin ah kuwaasi oo ay Israa’iil ku beddelanayso tobannaan Falastiiniyiin ah, sida ay ku warrantay shabakadda gaarka ah ee Axios oo xiriir la leh Aqalka Cad iyo xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu. Madaxa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, William Burns ayaa soo diyaariyay hindisahan, oo si dhaqso ah ula kulmi kara diidmada Xamaas oo dooneysa nooc kasta oo heshiis lagu sii deynayo maxaabiista in ay ku jirto heshiis dammaanad qaadaya in ciidanka Israa’iil laga saarayo Gaza. Ra’iisul wasaare Netanyahu, ayaa shalay u sheegay xubnaha sare oo ka tirsan xibsigiisa Likud, in uu oggolaaday heshiis xabbad-joojin kumeel-gaar ah oo tiro yar oo maxaabiis ah lagu sii deynayo inta uu ku sugnaa xarunta Baarlamaanka Israa’iil. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo ogolaatay in xabad joojin ku meel gaar ah laga dhaqan-geliyo marinka Gaza appeared first on Puntland Post.