-
Content Count
211,164 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday xayiraad dhanka socdaalka ah oo ay horay ugu soo rogtay xildhibaannada kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed kuwaas oo horay qaarkood loogu celiyay garoonka Muqdisho. Xayiraadda la qaaday kadib ayaa waxaa suuragashay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay gaaraan magaalada Baydhaba, ayada oo arrintan ay qayb ka tahay fulinta heshiiska ay gaareen maamulka Laftagareen iyo iyo Villa Soomaaliya. Xildhibaannada tegay Baydhaba waxaa kamid ah Sareedo Maxamed Cabdulle oo maalin kahor lagu celiyay Muqdisho, ayada oo laga reebay diyaarad ku socotay Baydhaba. Sareedo iyo wafdi uu hoggaamineyso ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Shaati Gaduud, iyada oo kadib loo galbiyay madaxtooyada oo ay kula kulmi doonto madaxda sare ee maamulka Koonfur Galbeed oo uu ugu horreeyo Cabdicasiis Laftagareen. Arrintan waxay kusoo aadeysa, ayada oo haatan ay yare qabowday xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, kadib dadaallo dheeraad iyo dhex-dhexaadin la sameeyay, si la’isugu soo dhaweeyo Laftagareen iyo Villa Soomaaliya oo kala fogaaday. Labada dhinac ayaa isku afgartay dhowr qodob oo hordhac u noqonaya heshiis lagu soo afjarayo xiisadda madaxweyne Xasan iyo Lafta-gareen, waxaana dadalaadaas hormuud u noqday taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya, Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub). Waxaa sidoo kale heshiiskaas qayb ka ahaa in duullimaadyada iyo isu socodka Koonfur Galbeed gudaheeda iyo Muqdisho sidoodii caadiga ahaa ay ahaadaan oo aan marnaba la carqaladayn, taas oo maanta dhaqan-gashay. Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ka cararaya inuu ku furmo albaabka doorasho dadban ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu Cabdicasiis Lafta-gareen u imaan lahaa magaalada Muqdisho, si xiisadda taagan uga gaaro xal dhabaha u xaari kara inuu meel marsado shuruucda qabyada ka ah ee doorashada qof iyo cod ah. The post DF oo fulisay heshiiskii laga gaaray xiisadda K/Galbeed – Maxaa dhacay maanta? appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Dubai ee caasimadda dalka isutagga Imaaradka Carabta. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa la kulmi doona dhiggiisa Guddoomiyaha Golaha Midnimada Qaran ee Dowladda isutagga Imaaraadka carabta oo uu casuumaad rasmi ah ka helay, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta iyo iskaashiga xiriirka labada Baarlamaan, gaar ahaan dhinacyada khibrad wadaagga, waayo aragnimada iyo horumarinta. Guddoomiyaha oo booqasho labo maalmood ah ku joogi doona Imaaraadka Carabta, ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku metela Baarlamaanka wadamada Carabta. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu eedeeyay inuu qaaday waddadii uu horay maray madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo ah la weeraro siyaasiyiinta iyo in laga hor istaago madaxdii, siyaasiyiinta iyo xildhibaanada safarada gudaha ee ay galayaan. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ay hayso raadka dowladda hore, wuxuuna sheegay in uu dhammaaday waqtigii la’isku dulmin jiray magaca dowladda. “Haddii dowladdii hore wax xun sameysay hadda la hayaa raadkeeda in wixii xumaa ee la koobiyeeeyo” ayuu wareysiga ku yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar. Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in dowladda dhexe ay xoogga saarto sidii ay dadka isugu soo dhaweyn laheydm iyada oo la sameynayo dib u heshiisiin laga soo bilaabayo gobollada. “Waxaan soo jeedinaa in wax laga barto wixii xumaa ee ahaa in madaxda lagu duullo, guribaa u dhacayaa qofbaan dilayaa qoray ayaa xoog ku qaadayaa maanta waqtigeeda maaha, waa inaan ka hadalnaa sidee ku heshiinaa? ayuu mar kale yiri xildhibaanku. Khaliif Cabdi Cumar ayaa intaasi ku daray in xaaladda dalka kaliya looga gudbi karo in laga shaqeeyo danta guud ee qaranka, si la’isaga kaashado horumarka dalka. “Horta wax walba waxay noqonayaan qabiil, haddii la rabo in dowladnimo la’isku adeegsado, sidaas darteed cid cid ku duuli karto ma jirto, marka laga reebo danta guud ee dalka aan ka wada shaqeyno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada maalmihii lasoo dhaafay dowladda dhexe ay xayiraad saartay xildhibaanno kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo kusii jeeday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, sababo la xiriira khilaafka u dhexe Villa Soomaaliia iyo Lafgareen. The post Xasan oo qaaday waddadii Farmaajo – Muxuu sameeyay? appeared first on Caasimada Online.
-
Qarax ka dhacay goob dhuxuul dhagaxda laga qodo oo ku taal bariga dalka Iran ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 51 qof, halka tiro kalana y ku dhaawacmeen, sida uu ku waramay taleefishinka dowladdu. Wararka intaas ku daraya in tiro badan oo kamida shaqaalihii goobtaas ka howl-gelayay in laga Cabsi qabo inay ku xayiran burburka qaraxa hoostiisa. Qaraxa ayaa ka dhashay gaaska methane-ka ee kasoo daatay goob laga qodo dhuxusha oo ku taal magaalada Tabas, oo qiyaastii 540km u jirta, koonfur barina ka xigta magaalada caasimadda ah ee Tehran, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee IRNA. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle, haddana ah ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isla markaana khudbad ka jeediyay shir sanadeedka Nabadda ee PDRC ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda Soomaaliya, Itoobiya iyo Masar ee ka dhalatay heshiiska badda ee Abiy Axmed uu la galay Muuse Bixi. Waare ayaa si aan gambasho lahayn uga hadlay loolanka Itoobiya iyo Masar ee Soomaaliya, kaas oo sii xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay, kadib markii heshiis iskaashi difaac uu dhex-maray Muqdisho iyo Qaahira, kaas oo ay ka xumaatay Addis Ababa. Ku xigeenka Xoghayaha guud ee IGAD ayaa sheegay in labada dal ee Itoobiya iyo Masar aanay wax dan ah u ahaynin Soomaaliya, waxaana uu si weyn uga horyimid in xilligan Masar lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho, isaga oo su’aal ka keenay halkii ay jirtay 30-kii sano ee ay burburka la daala dhaceysay Soomaaliya. “Itoobiya iyo Masar nin annaga qaraabo nala ah ma jiro 30 sano ayaan halkan joognay nooma imaan maxay hadda soo dooneen?” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Qiil ayaan u raadineynaa Masar annagoo leh Islaam waayay, haddii ay Islaam tahay 30-kii sano ee la soo dhaafay xagee jireen?”. Maxamed Cabdi Waare ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Itoobiya iyo Masar oo xuduud ahaan aad noogu now aanay garab qaban Soomaaliya, taas beddalkeedna ay jiraan waddamo kale oo ka dhow, isaga oo tusaale usoo qaatay dalalka Turkiga iyo Yemen. “Taariikhdeenna markii ay Soomaalidu kala adkaan waysay Yemen iyo Turki ayay hub u kala doonan jireen hadda miyaan kala dooraneynaa kuwa Itoobiya la jira iyo kuwa Masar la jira? ” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo uu Waare shaaca ka qaaday in arrintu haddii ay sidaan kusii socoto la waayi doono magaca Soomaali, isaga oo ka digay halis uu sheegay in dalka uu kusii socod. “Sida aan hadda ku socono haddaan kusii socono 20 KM oo bad ah ayaan hadda la yaabanahay dad Soomaali la yiraahdo ayaa halkan daganaan jiray ayaa la dhihi doonaa” ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle. The post Daawo: Waare oo si yaab leh uga hadlay imaatinka MASAR appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qeyb galay salaadda Janaasada ee lagu dukaday Allah u naxariistee Marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdilaahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo maanta maydkiisa la keenay Muqdisho. Mudane Xamsa ayaa marxuumka ku sifeeyey intii uu noolaa in uu ahaa daaci kaalin wayn ka qaatay nabadda iyo barashada diinteenna Suubban ee Islaamka, isagoo intaas ku daray in Sheekhu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee ugu caansan, gaar ahaan dariiqada Sheekh Cabdullaahi Baardheere oo laga yaqaan guud ahaan dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle SWT uga baryay in uu marxuumka jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, ehelkiisa, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobey. Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobey kaga qaybgalaya Kal-fadhigga 79aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan Cidna laga tagin oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Xamse magaalada New York kaga qayb-galaya Kal-fadhigga Golaha Guud ee Qaramada Midoobey appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay saaka magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay oo uu kaga qaybgalayo Kalfadhigga 79aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara. Source: goobjoog.com
-
Dalka Soomaaliya waxa uu dhacaa cirifka bari ee qaaradda weynta afrika ku magacaaban, wuxuuna leeyahay bed dhuleed balaaran oo isku darka talyaaniga iyo faransiiska ka wayn iyo mid badeed oo aad u dheer oo ka sukow shidaal, kalluunka, luulka, dahabka, iyo cambarka muushka ka ah rabbi qoondo iyo qadan uga dhigay marin biyood ganacsiga iyo isku gooshidda gaadiidka badda laf-dhabar u ah. Waxa uu kaalimaha hore kaga dunida hodanka ah markii la eego goobta uu ku yaal iyo barwaaqada jaad walba leh ee dhex ceegaagta, hayeeshee dadkiisu waa kuwo nabad-galyo xumada iyo saboolnimada astaan u ah oo markii labadaa mid kamida laga hadlayo tusaalaha koobaad loo soo qaato, asaagooduna lamid noqashadooda ka wadeecaystaan. Madaxda dalalka ayaa hadal-jeedintooda shirarka golaha loo dhanyahay ku soo dara weedho amaan ka tagan oo ay kamid yihiin”dalalka ay colaaduhu ka jiraan sida soomaaliya, dowladaha taagta daran ee soomaaliya, xaqootiga soomaalida ee halkaa ku nool, soomaaliya waxaan ugu deeqnay dhaqaale intaas la eg si wax looga qabto abbaarta ka jirta iyo nolol xumida dadkeeda haysata, ciidamadeena ayaa gobol soomaaliya kamid ah duqeymo ka fuliyay, ku dhawaad 2.4 malyan oo soomaali ah ayaa gurmad deg deg ah u baahan iwm”. Hadal-haynta caynkaas ah iyo firxadkooda ifkoo dhan ku baahsani waxay soomaalida ka dhigeen kuwo caan ah oo meel walboo dhulka Eebbe ka mid ah dhibaatada haysata lagaga sheekaysto, tiraab maalmeed uumiya iyo kulamada dadweynaha aduunkana si joogto ah loogu adeegsado oo madal kastoo la joogo ay hubaal tahay in wax uun ayaga ku saabsan lagu soo qaato. Waa run beri waan ahaan jirnay qaran awood badan oo cudud ciidan iyo dhaqaale dhisan ku caana maalaya, shacabkiisuna ay nabad ku caweeyaan ayagoo aan haba yaraatee walwal ka bad-qabkooda, iyo dhammaan baahiyadooda heer koobaad ah”aas-aasiga ah”, kuna taamayay inuu isku filnaasho buuxda gaadho oo uu ka maarmo waxyaabaha dibadda uga yimaada hayeeshee xilligaa waxaa ka dambeeyay wax aynaan warintooda waayo idil koobi karayn. Haddaba intaa garatay oo aniguna waan qiray adiguna iguma diidanid, yididiiladeeda dadkeenuna waa inaanu mar uu hoogan na daashaday iyo il-xumadan na halakaysay ka baxno, hayeeshee midda la yaabka leh ayaa ah inay jiraan dalal badan oo jecel inaanu meeshaan hadda joogno ku cimri dhammaysanno oo aynaan xasilooni helin, dhibteedunana ay u tahay wax ay ku dhaataan oo ay danohooda si feecan uga dhex arkaan. Kuwaasi cidda ay yihiin inaan kuu sheego uma baahnid maxaa yeelay waad garanaysaa, hadh iyo habeenna waxaad indhahaaga shantaa ku aragtaa ama dhegta ka maqashaa ayagoo fara-gelin toos ah, kala furfurid, iyo falal guracan oo midnimada iyo dagganaanta dalkeena halis ku ah maleegaya, gar-darro cad iyo gafaf joogta ahna inagu haya oo hadba doc inaga soo wareemaya si aan xarigba xarig inoogu qaban. Ayadoo ay taasi marag ma doonto tahay, waxyeelada aan ka waaqsashada lahayn oo ay deriskaa qalalaaseheena danta mooday inagu hayaahina ay u muuqato mid aan kala go’ lahayn ayaa tu kaloo anfariir lihi waxay tahay in dad soomaaliyeed oo jaad walba leh hagar-daamadaa fududaynteeda loo adeegsado oo ay masaarta/faaska shisheeyaha ee waxyaaba ina goynaysa/goynaya daab u yihiin, waxaan maqli jiray geed baa yidhi”gudinyahay haddaan gabalkay kugu guda jirin wallee sidan iima goyseen”. Ugu dambayn colka waraf ma lagu dayayba ha iska ahaatee, waxaa talo ahaan ila quman inaanu cadowga ina xagal-daacinaya isku kala daadintiisa ka waantowno oo aanu u midowna sidii aan taag darrada iyo tabaalada summadda inoo noqday isaga maydhi lahayn, dhulkeenana u tabcan lahayn oo gaajada iyo gaalo tuugsiga uga bixi lahayn. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa go’aan culus ka gaaray dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab, waxayna go’aamiyeen in lasii wado howlgallada xoreynta ah. Arrintan ayaa lagu go’aamiyay kulan gaar ah oo ay Muqdisho ku yeesheen taliyaha ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxidiin Cadow iyo taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell oo soo gaaray caasimada. Kulanka ayaa waxaa looga hadlay ciribtirka kooxda Al-Shabaab iyo qorshaha dowladda Soomaaliya ee la xiriira dagaalka lagula jiro kooxda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Xoogga dalka Soomaaliyeed. “Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta kulan looga hadlayay ciribtirka dagaalka ka dhanka ah khawaarijta la qaatay Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell, waxaana kulanka diirada lagu saaray Qorshaha dagaal iyo sidii loo xureyn lahaa goobaha wili cadawgu kaga suganyahay Dalka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in biya kama-dhibcaan ay tahay in la qaado Howlgal ka dhan ah Argagixisada lagana saaro goobaha ay wili shacabka ku gumaadaan”. Taliye Ibraahim Sheekh Muxidiin oo sidoo kale madasha ka hadlay ayaa Mareykanka u sheegay inay muhiim u yihiin qorshaha dagaalka ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ballan qaadeen inay diyaar u yihiin sidii Soomaaliya looga saari lahaa kooxda. Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada kala duwan siiya Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale qayb ka yahay dagaalka Al-Shabaab, isaga oo duqeymo hawada ku tageero ciidanka dowladda, sidoo kalena tababaro siiyo Kumaandooska Danab. The post DF iyo Mareykanka oo go’aan culus ku gaaray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Sida ay sheegtay Warbaahinta Daanta Galbeed ee la heysto Ciidamada Israa’iil ayaa maanta ku galay xafiiska telefishanka Al-Jazeera ee Ramallah, iyagoo dalbaday in xafiiska si buuxda loo xiro muddo 45 maalmood ah. Askar hubeysan ayaa aroornimadii hore gashay dhismaha, waqtigaas oo telefishanka uu toos hawada ugu jiray. Dadka daawanayay ayaa arkayay ciidamada oo warqada amarka xiritaanka siiyey madaxa Al-Jazeera ee Daanta Galbeed, Waliid Al-Cumari, kaas oo si toos ah uga akhriyay telefishanka. Israa’iil waxay horay u weerartay xafiisyada Al-Jazeera ee Nasaraat iyo Bariga Qudus, iyagoo ku andacoonaya in shabakadda ay khatar ku tahay amniga qaranka. Waliid Al-Cumari ayaa sheegay in weerarradan ay yihiin isku day lagu ciribtirayo runta, loona diidayo dadku inay helaan macluumaad sax ah. Intaa waxaa dheer, askartu waxay la wareegeen makarafoonka ugu dambeeyay, waxayna damiyeen kaamarada xafiiska, sida uu sheegay weriyaha Al-Jazeera, Maxamed Al-Saafin. Source: goobjoog.com
-
Natiijo hordhac ah oo saaka kasoo baxday doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka Sri Lanka ayaa muujineysa in codadka ilaa iyo hadda la tiriyay uu ku horreeyo hoggaamiyaha u janjeera dhanka fikirka maarkisiyada ee Anura Kumara Dissanayake. Dissanayake ayaa ku guuleystay boqolkiiba 53 codadka ilaa iyo hadda la tiriyay, sidaasi waxaa Axadda maanta ah shaaciyay guddiga doorashada. Waxaa kaalinta labaad ku jira hoggaamiyaha mucaaridka Sajith Premadasa oo leh 22%, halka kaalinta saddexaad uu ku jiro madaxweyne Ranil Wickremesinghe. Anura Kumara ayaa haddii uu guuleysto waxaa sugeysa shaqo adag oo ay ugu horreyso kor u qaadidda dhaqaalaha fadhiidka ah ee dalkaasi dhaca koofurta Aasiya, kaas oo aanan wali kasoo kabsan qalalaaso dhaqaale oo dalka ragaadiyay 10-ki sano ee lasoo dhaafay. Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay oo dalkaasi ka dhacda tan iyo marki uu dumay nidaamki dhaqaale ee Sri Lanka sannadki 2022-kim markaas oo dalka laga waayay sarrifka lacagaha qalaad, taasoo keentay in dad ay awoodi waayaan in ay soo iibsadaan waxyaabaha aas-aasiga u ah nolosha sida gaaska, dawada iyo cuntada. PUNTLAND POST The post Natiijo hordhaca oo ka soo baxday doorashadii madaxtinimada dalka Sri Lanka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka. Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay uga qayb-galaya kalfadhigga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Halku dhegga sanadkan ee Kalfadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, ayaa ku saabsan in aan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara. Sidoo kale wuxuu ka hadli doonaan arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan guulaha waa wayn ee ay ku tiirsatay dowladda federaalka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, ammaanka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab. Shirkan oo ah sanadle ayaa waxaa isugu tega madax kala duwan oo ka socoto caalamka, kuwaas oo xarunta Qaramada Midoobay ee New York ka jeediyo khudbado kala duwan. Soomaaliya ayaa horay shirkan uga qayb-gashay, waxaana fagaaraha QM tegay ra’iisul wasaareyaal hore iyo madaxweynayaal uu ku jiro midka hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud. Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha ayaa maanta kahor inta uusan dhoofin ka qeyb-galay salaadda Janaasada ee lagu dukaday Allah u naxariistee Marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdilaahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo maydkiisa la keenay Muqdisho. Mudane Xamza ayaa marxuumka ku sifeeyey intii uu noolaa in uu ahaa daaci kaalin wayn ka qaatay nabadda iyo barashada diinteenna Suubban ee Islaamka, isagoo intaas ku daray in Sheekhu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee ugu caansan, gaar ahaan dariiqada Sheekh Cabdullaahi Baardheere oo laga yaqaan guud ahaan dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle SWT uga baryay in uu marxuumka jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, ehelkiisa, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo. The post Sawirro: R/W Xamza oo u baxay safar dibadda ah iyo arrin uu sameeyay ka hor appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia’s move to invite Egyptian troops on its soil is playing out in differences between Mogadishu and its federal states, in what could derail the country’s focus on security needs. Source: Hiiraan Online
-
UNITED NATIONS (AP) — Facing a swirl of conflicts and crises across a fragmented world, leaders attending this week’s annual U.N. gathering are being challenged: Work together — not only on front-burner issues but on modernizing the international institutions born after World War II so they can tackle the threats and problems of the future. Source: Hiiraan Online
-
General Muhoozi oo ah Wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni, ayaa sheegay in uusan u tartami doonin oo uu ka haray doorashada madaxweynaha Uganda ee 2026 . “Waxaan rabaa inaan cadeeyo oo aan ku dhawaaqo in aanan tartami doonin oo aan ka haray tartanka doorashada 2026” ayuu yiri wiilka Madaxweynaha dalka Uganda Gen. Muhoozi. “Eebbe weyne wuxuu ii sheegay inaan ugu horeyn diiradda saaro arrimaha Ciidamada,Sidaas darteed, waxaan si buuxda u taageerayaa Madaxweyne Yoweri Museveni doorashada xigta,” ayuu yiri sii raaciyay Muhoozi Henry Samoa oo kamid ah Mucaaradka uganda ee dalka dibediisa u cararay ayaa usoo jawaabay General Muhoozi, wuxuuna yiri”Xagee Doorasho ka dhacaysaa ? Ma dalkan uu aabahaa ka dhigtay dukaan uu leehay.” “Ciyaarta kala taga oo dareenkooda ilaaliya shacabkan adiga iyo aabahaa aad dhibaatayseen .Maalin aan fogeyn dalka waa la idinka qaban doona,ciqaabna waad mari doontaa,markaas waxaad dhalada ka aragto nooma Sheegi doontid.” PUNTLAND POST The post Wiilka uu dhalay Madaxweynaha dalka Uganda oo si naadir ah uga hadlay doorashada dalkaasi appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Prime Minister Hamsa Abdi Barre will lead Somalia's delegation to the 79th United Nations General Assembly (UNGA) in New York this week, where he is expected to deliver a message of resilience and international cooperation as Somalia prepares to take its seat on the UN Security Council for the first time in more than 50 years. Source: Hiiraan Online
-
Ururka Xisbullah ee dalka Lubnan ayaa sheegay in tiro gantaallo ah ay ku weerartay saldhig millatari oo ku yaalla gunta Isra’il, maalin kaddib marki ay duqeyn cirka ah oo ay Isra’il ku garaacday caasimadda Beyrut ay ku dishay ugu yaraan 37 qof oo uu ku jiro Ibrahim Caqiil oo ahaa taliye sare oo ka tirsan garabka ugu sarreeya millatariga Xisbullah. Ma cadda in gantaallada Xisbullah ay ku weerartay Isra’il ay ku dhaceen bartilmaameedkooda. Waaxda gargaarka degdegga ah ee Isra’il ayaa sheegtay in dhaawac fudud uu kasoo gaaray nin ku sugnaa tuulo ku taalla aagga la weeraray. Warbaahinta gudaha Isra’il ayaa ku warramay in gantaallo laga soo tuuray Lubnaan ay ka hor tageen oo ay burburiyeen hubka lidka gantaallada meel u dhaw magaalada Xayfa. Xisbullah waxay sheegtay in ay Isra’il ku garaacday daraasiin gantaallo ah oo ay ku jiraan gantaallada Fadi 1 iyo Fadi 2 oo ah gantaallo cusub oo ay kooxda sheegtay in aysan hadda ka hor adeegsan. Waxay kaloo sheegeen in bartilmaameedku uu ahaa saldhiga ciidamada cirka Isra’il ee Ramat David eek u yaalla koofur bari ee magaalada Xeyfa. Source: goobjoog.com
-
Full Match Highlights: New York City FC vs. Inter Miami CF Source: Hiiraan Online
-
On Saturday, 21 September 2024, in Garowe, Puntland Youth Association Network (PYAN) hosted an UNSOM-supported youth discussion on the role of youth in promoting peace. The event attracted more than 40 Puntland members representing youth associations in Puntland districts. The discussion centered on enhancing the role of youth in participation and empowerment in peace initiatives in Puntland and throughout Somalia. It also talked about the difficulties young people encounter when participating in peace initiatives and conflict resolutions. A panel of four members representing Puntland Youth, including young, inspiring politicians in the local councils, addressed the importance of youth’s engagement in using their power in a non-violent way during conflicts. The discussion also focused on the creation of a culture of peace that starts at the grassroots, where youth will be part of education and outreach programs with the theme of the year. In his opening remarks, Burhan Osman Hersi, the director of Puntland Youth Association Network, emphasized the crucial role of youth in peacebuilding and coexistence, urging them to enhance their education and steer their country towards prosperity. After lengthy discussions among youth members, the panel and participants proposed the following points: • Youth associations should promote open dialogues for peace and reconciliation among community representatives, with the aim of resolving misunderstandings within the community. • Youth should be members of local civil society organizations and actively participate in peace processes. • Youth should utilize their influence on social media for community development initiatives, justice, and integration. The post Puntland Youth Mark International Peace Day with United Nations Support appeared first on Puntland Post.
-
460878982_574153594945638_6404059363641019673_n Qaran News