-
Content Count
213,718 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
AQPkF4th58NRrZFamsspsvcppObMyMq_S0mSdASoKwuZ0xXWrkL8Pcra_bTMkrqoLJxHHb447Q5VKBLm9EdORYBi Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay $5 milyan kasoo saartay Sanduuqa Dhexe ee Gargaarka Degdegga ah (Central Emergency Response Fund). Lacagtan ayaa lagu taageeraya Soomaaliya, gaar ahaan tallaabooyinka hore ee looga hortagayo abaaraha ku soo wajahan Soomaaliya, sida ay xaqiijisay sii-hayaha gargaarka deg-degga ah ee QM Joyce Msuya. Soomaaliya ayaa looga cabsi qabaa inay so wajahdo khatar sare oo ah abaaro ay sababtay La Niña, iyadoo ay jirto hoos u dhac 70% ah oo ku yimid roobabki la filaayay inay ka da’aan dalka. Tan ayaa si gaar ah halis ugu ah bulshada miyiga ee ku nool bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo Puntland. Saameynta abaaraha ayaa la filayaa inay khatar gelin karto helidda cuntada ee dadka ku nool gobolladaas, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. Deeqdan cusub ee 5-ta milyan waxaa ka faa’iideysan doona sida qorshuhu yahay in ka badan 130,000 qof, iyadoo xooga la saarayo arrimaha badbaadada, cuntada, iyo adeegyada biyaha, faya-dhowrka iyo nadaafadda. Lacagtan ayaa sidoo kale kab u ah shan milyan oo horay loogu qoondeeyay ka hortagga abaaraha ee sanduuqa gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Si kastaba, deeqdan ayaa waxay kusoo aadeysa xilli shirweynaha cimilada COP29 uu ka socdo magaalada Baku ee dalka Azerbaijan, iyadoo Soomalaiya ay ku jirto dalalka ka qeyb-galaya, taas oo ay ka rajeynayso inay hesho maal-gelin dheeraad ah oo taageerada dadaallada wax ka qabashada saameynta cimilada ee sii kordheysa. The post QM oo ku dhowaaqday taageero maaliyadeed oo Soomaaliya ay siineyso appeared first on Caasimada Online.
-
A stunning bicycle kick from Antonio Sanabria and a second-half header from Omar Alderete gave Paraguay a well earned 2-1 home win over Argentina in the South American World Cup qualifiers on Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Qaran News
-
Ethiopia summoned Sudan’s ambassador on Wednesday to protest comments by Sudan’s acting foreign minister suggesting possible war with Ethiopia if disagreements over the Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) are not resolved. Source: Hiiraan Online
-
Afar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee Lubnaan ayaa ka mid ahaa lix qof oo lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday xarun difaaca madaniga ah oo ku taal koonfurta dalkaasi ee Nabatieh. 12 shaqaalaha samatabbixinta ayaa la sheegay in lagu dilay weerar labaad oo lagu qaaday xarun difaaca madaniga ah oo u dhow magaalada Baalbek, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka. Dhinaca kale ugu yaraan 24 falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 112 kalana waa la dhaawacay 24-kii saac ee ugu dambeeyay sida ay ku warameen Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza. Haweeney Falastiini ah oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka Rashida Tlaib ayaa ugu baaqday Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken in uu iscasilo ka dib markii uu ku fashilmay xabad-joojintii Gaza. Xasuuqa Israa’iil ee Gaza waxa uu dilay ugu yaraan 43,736 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 103,370 ,halka gudaha Lubnaan, ugu yaraan 3,386 qof la dilay, 14,417 kalena la dhaawacay PUNTLAND POST The post Israa’iil oo shaqaale caafimaad iyo dad kale oo rayid ah ku dishay Lubnaan iyo Maringa Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Boqorka Saldanada Dalka Cumaan Suldaan Haitham bin Tariq Al Said ayaa waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaas mudane Bashiir Xasan Xaaji. Danjiraha cusub ayaa ugu horeeyn Boqorka wadankaas gaarsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo boqorka dalkaas la wadaagay in uu ka shaqayn doono sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dowladood iyo sidii la isaga iskaashan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga labada dal. Xariirka Soomaaliya iyo Cumaan ayaa leh Sooyaal fog oo walaalnimo iyo iskaashi ku suntan, waxayna labada dal ka wada tirsanyihiin ururka jaamacadda Carabta iyo golaha iskaashiga Islaamka. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ka qaaday ciidamo iyo gaadiid dagaal oo maalmihii lasoo dhaafay uu heegan geliyey, si garoonka aysan uga degin wafdi ka socda dowladda federaalka, sida ay Caasimada Onlime u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Kismaayo. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa la sheegay in si buuxda uu uga baaqday safar uu ku tegi lahaa Kismaayo, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka baaqday, kadib markii Axmed Madoobe ciidan badan ku diyaariyey garoonka, si wafdiga Xamsa ay uga hortagaan. Sidoo kale waxaan xog ku helnay in la kala diray oo xeryahoodii dib loogu celiyey ugu yaraan 300 oo askari oo la qorsheeyey in Ra’iisul Wasaare Xamsa ay Kismaayo ka dejiyaan, iyagoo adeegsanaya awood, halka Axmed Madoobe uu ciidan kale oo awood leh ku diyaariyey garoonka, si damaca DF ay uga hortagaan. Hadda waxaa la sheegay in xiisadu qabowday oo Axmed Madoobe uu shaqaalaha iyo maamulka garoonka Kismaayo ku wargeliyey in shaqadooda ay sidii caadiga aheyd u wataan, isagoo ka dulqaaday ciidankii, isla markaana u fasaxay in diyaaraduhu soo degaan markii la hubiyo waxa ay sidaan. Ergo ka socota dowladda Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay dhexdhexaadin ka dhex waday Jubaland iyo Dowladda federaalka, inkastoo aan la shaacin wax natiijo ah, hadana waxay tageen Kismaayo iyo Muqdisho, iyagoo la kulmay Xasan, Xamsa iyo Axmed Madoobe. Waxaa jira warar aan aad u soo shaac bixin oo sheegaya in la isku fahmay in Axmed Madoobe iyo Xamsa Barre ay kulmaan, inkastoo aan la shaacin goobta uu kulankaasi ka dhici doono, maadaama Axmed Madoobe uu wafdigaan u sheegay in damaanad qaad amni u heysan inuu tago Muqdisho. Xubnaha wafdiga ah ee ka yimid dalka Kenya ayaa doonaya in labada dhinac aysan la kala safan, balse ay gaaraan xal rasmi ah, sida ay noo xaqiijiyeen siyaasiyiin xog ogaal u ah wadahadalada ay garwadeenka ka yihiin wafdigaan. Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa isku heysta khilaaf ka bilowday doorashooyinka, Axmed Madoobe ayaa diiday in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, isagoo taas bedelkeeda doonaya inuu qabsado doorasho dadban oo uu ku soo baxo mar kale. Wafdigaan ka socda Kenya ayaa la sheegay in Madaxweynaha Jubaland ay dalbadeen in dhaqdhaqaaqa doorashada uu joojiyo inta xiisadaan ay xalkeeda ku jiraan, waxaana la sheegay in Axmed Madoobe uu aqbalay dalabkaas. The post Xog: Axmed Madoobe iyo Xamsa oo qaaday tallaabooyin hoos u dhigaya xiisada – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ergo ka socota dowladda Kenya ayaa ku soo baxday khilaafka dowladda federaalka iyo Jubbaland, waxayna maalmihii lasoo dhaafay isku mareen Kismaayo iyo Muqdisho, iyagoo kulamo la yeeshay dhinacyada, hada waxaan idinla wadaageynaa xogta xubnaha ugu firfircoon ergadaan. Waa siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dowladda Kenya iyo xubno hadda masuuliyad ka haya dalkaas, waxayna dhexda u xirteen sidii khilaafkaan ay xal ugu heli lahaayeen, ragaan ayaa ku heyb ah Axmed Madoobe, balse waa Soomaali Kenyaan aysan dano badan uga dhex xireyn Soomaalida. Maxamed Cabdi Afey, Maxbuub Macalin iyo Cabdiraxmaan Cali Xasan Colow ayaa ka mid ah siyaasiyiinta rug-cadaaga ah ee ku soo baxay khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland, sidoo kale waxaa la sheegay in wafdigaan ka socda Kenya uu qeyb ka yahay Agaasimaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Kenya. Danjire Maxamed Cabdi Afry waa siyaasi ka soo jeeda Kenya horeyna xilal kala duwan uga soo qabtay dowladda Kenya, wuxuu ka mid ahaa saddexda shakhsi ee lagu arkay sawirradooda kulamo ay la yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Sidoo kale Danjire Maxbuub Macallin ayaa ka mid ahaa ragga qayb qaadanaya dhexdhexaadinta, kaas oo horey xil weyn ugu soo qabtay Kenya iyo gobolka, waa siyaasi Soomaali Kenyaan ah oo kasoo gobolka Waqooyi Bari Kenya (NFD), 30 sano muddo ku siman wuxuu ahaa shaqaale dowladdeed, isagoo soo qabtay xilal ay ka mid ahayeen xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda biyaha iyo waraabka ee Kenya. Sidoo kale Danjire Maxbuub wuxuu soo noqday xoghayahii 5-aad ee Urur-goboleedka IGAD, xilkaas ayaa loo doortay sanadkii 2008-dii, isagoo hayey ilaa 2019-kii, wuxuuna door weyn ka ciyaari jiray xalinta khilaafaadka gobolka, sida dadka arrimaha gobolka ka faallooda ay Caasimada Online u sheegeen. Siyaasiga 3-aad waa Senator Cabdiraxmaan Cali Xasan Colow oo ka tirsan baarlamaanka Kenya, wuxuu horey u soo qabtay xilal xildhibaan golaha shacabka iyo aqalka sare ee Kenya, waa masuul laga soo doorto issmaamulka Wajeer ee Kenya, wuxuuna muddo dheer ku jiray siyaasadda Kenya. Kulamada ergada Kenyaanka ah ay la qaateen dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo ee dowladda federaalka iyo Jubaland ayaan ilaa hadda la ogayn halka ay wax marinayaan iyo natiijada ay ka gaareen, maadaama aan warbaahinta la siin wax faahfaahin ah. Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, ergadaan ayaa Axmed Madoobe ka dalbatay inuu joojiyo dhaqdhaqaaqa doorashooyinka ilaa inta ay xal uga helayaan xiisadda kala dhexeysa dowladda dhexe ama ay ka baxayaan dhexdhexaadinta, maadaama arrinta la isku hayo ay tahay doorashada Jubbaland. Intaas kadib waxay yimaadeen Muqdisho, waxayna la kulmeen ra’iisul wasaare Xamsa, sida uu shaaciyey xafiiska Xamse, sidoo kale kulan aan la shaacin ayey la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh, weli waxaa socda kulamada sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, waxaana suurtagal ah in xal laga gaaro xiisadaan. The post Xogta 3 kamid ah ergada Kenya ee ku howlan xalinta khilaafka DF iyo Jubaland (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
-
Musharax Madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirada Dalalka Denmark , UK , EU, Sweden, Switzerland, Norway, Czech Republic iyo France, waxaana ay safiiradani ay goob-joogayaal ka ahayeen Doorashadii Somaliland ka dhacdey maalintii shalay aheyd. Musharax Cirro kulankan waxaa ku wehelinaayey gudoomiyaha xisbiga WADDANI , Xoghayaha Guud ee xisbiga , Gudoomiye ku xigeen Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Siyaasi Maxamed Cismaan Fadal Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay goob-joogayaashii caalamiga ahaa ee ka socday dalal caalamka ee u yimi doorashooyinkii dalka ka dhacay shalay. Madaxweynaha Qaranka Somaliland ayaa warbixino ka dhegeystay Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee dalka u yimi inay qiimeeyaan lana socdaan habsami u socodka doorashooyinka Axsaabta ururada, Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo dalka si nabadgelyo ah uga qabsoontay 13-November 2024. Goob-joogayaasha oo ka socday 12 dal kana koobnaa 20 qof oo isugu jira Ra’iisal wasaare hore, wasiiro hore iyo khuburo ku xeel dheer arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo shalay kormeer ku tagay Gobolada Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer oo ay ku soo arkeen nidaamka iyo kala danbaynta ay Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ay codkooda u dhiibanayeen, taas oo ay ku amaaneen shacbiga Somaliland inay ilaashadeen nabadgelyadooda, farriina u direen beesha caalamka, muujiyeena inay yihiin dal iyo dad u diyaarsan inay ka mid noqdaan dalalka caalamka ee la aqoonsanyahay. Sidoo kale waxa ay madaxweynaha la wadaageen koob iyo toban qodob oo uga soo baxay kormeerkii ay ku tageen gobolada dalka intii ay ka gaadheen shalay, iyagoo beri oo jimce ah shir jaraa’id ku qaban doona Caasimada Hargeysa oo ay kula hadlayaan warbaahinta ka hawl-gasha Gudaha Dalka iyo kuwa caalamiga ah. ALLAA MAHAD LEH Naasir Yusuf Daahir Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
-
Maalinta Diabetes-ka Adduunka, oo la xuso Noofeembar 14, waxay fursad weyn u tahay bulshada Soomaaliyeed si ay u fahmaan halista cudurka sokorta (diabetes) iyo saamaynta uu ku leeyahay caafimaadka bulshada. Soomaaliya, oo ay kiisaska cudurkan kor u sii kacayaan, waxay wajahaysaa caqabado ay ka mid yihiin wacyi-gelin la’aan, helitaanka daryeel caafimaad oo xaddidan, iyo isbeddelka qaab nololeedka dadka ee ku tiirsan cunista cuntooyinka dhaqso la isticmaalo oo kaloori badan leh. Maalintani waxay dhiirigelineysaa bulshada Soomaaliyeed inay fahmaan muhiimadda ka hortagga iyo ogaan-shaha hore ee cudurka. Cudurka sokorta wuxuu saameyn taban ku leeyahay nolosha dadka la nool, isagoo sababa dhibaatooyin caafimaad oo daran sida dhibaatooyinka wadnaha, kelyaha, iyo aragga. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa la nool cudurkan iyagoo aan ogeyn ama helin daryeelkii saxda ahaa. Tani waxay keentaa in kiisaska cudurkan la ogaado goor dambe, taas oo sare u qaada heerka dhimashada iyo dhibaatooyinka caafimaad ee daran. Maalinta Diabetes-ka Adduunka waxay muhiimad gaar ah siinaysaa in la sameeyo wacyi-gelin iyo baaritaanno caafimaad oo joogto ah si loogu caawiyo dadka inay cudurkan ku ogaadaan marxaladda hore. Si kastaba ha ahaatee, bulshada Soomaaliyeed waxay la kulmaan caqabado badan oo la xiriira nidaamka caafimaad ee xaddidan, taas oo ka dhigaysa daryeelka caafimaad mid adag oo aan la heli karin dad badan oo cudurkan la nool. Waxaa jira baahi weyn oo loo qabo in la maalgeliyo nidaamka caafimaad, la tababaro xirfadlayaasha caafimaadka, oo la abuuro barnaamijyo ku wajahan maaraynta iyo ka hortagga cudurka sokorta. Maalinta Diabetes-ka Adduunka waxay dhiirigelineysaa dowladaha iyo hay’adaha caafimaadka inay ka shaqeeyaan sidii loo kordhin lahaa daryeelka iyo sahayda caafimaadka ee Soomaaliya. Wadajirka bulshada iyo taageerada qoysaska waa mid muhiim u ah dadka la nool cudurka sokorta, iyadoo ay muhiim tahay in la helo nidaamyo iyo qaabab ay bulshadu isku taageeri karto. Waxaa lagu dhiirigelinayaa in bulshada ay fahmaan muhiimada caadooyin caafimaad oo wanaagsan sida jimicsiga iyo cunista cuntooyinka caafimaadka leh. Maalintan waxay xasuusinaysaa in bulshadu ay door muhiim ah ka ciyaarto horumarinta caafimaadka guud iyo ka hortagga cudurka sokorta, iyadoo ay wadajir ugu guuleysan karaan yareynta saameynta cudurkan ku leeyahay bulshada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab sidee ayey ku heshaa gaadiidka ay ku soo raraan qaraxyada ee dadka badan ay ku laayaan, xog uruurin la sameeyey ayaa lagu ogaaday sida uu kooxda ku soo galo gaadiidkaas. Al-Shabaab waxay qaraxyada ku soo raraan gaadiidka raaxada ee inta badan aan laga shakin, inkastoo hadda la yareeyey qaraxyada, hadana dad badan ayey ku laayeen. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kooxda Al-Shabaab ayaa dhacda inta badan gaadiidka ay ku soo xirayaan qaraxyada, iyagoo marka hore xira qofka ay doonayaan inay gaarigiisa ku soo raraan qarax. Inta qofkaasi u xiran yahay waxay qarax ku soo raraan gaarigiisa, markii dad badan lagu halaago kadib ayay xabsiga ka soo daayaan qofka, mararka qaar dowladda ayaa hesha xogta gaariga qarxay, wuxuuna raadku ku soo dhamaadaa in Shabaab dhaceen gaariga oo ay qarxiyeen qofkii lahaa oo iyaga u xiran. Muwaadiniin badan ayaa la adeegsaday gaadiidkooda, kuwaas oo loo awood sheegtay, kooxda ayaa qofkii ay gaarigiisa ka dhacaan ugu hanjabta dil, waxaa Al-Shabaab ku adkaatay inay soo iibsadaan gaadiid ay qaraxyada ku soo raraan, maadaama la adkeeyey shuruudaha lagu iibsado gaadiidka. Booliska Soomaaliya ayaa toddobaadyo ka hor milkiilayaasha gaadiidka ku wargeliyey in hadii laga dhaco gaadiidkooda ay ku soo wargeliyaan dowladda, si looga hortago khatarta ka dhalan karta. Weerarkii ka dhacay Hotel SYL oo ku dhex yaalla Madaxtooyada waxay dowladda Soomaaliya xaqiijisay in gaadiidkii loo adeegsaday mid kamid ah laga dhacay qofkii lahaa, isla markaana hadda la hayo diiwaanka gaadiid badan oo ku maqan gacanta Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa inta badan ka dhaca dadka shacabka ah iyo ganacsatada ay u yeeraan ee ugu tagta dhulka howdka ah, balse waxaa ku adag inay soo geliyaan gudaha magaalada Muqdisho, maadaama amniga la adkeeyey oo gaari kasta lagu baaro bar control kasta oo ciidan joogo. The post Xog: Sida ay Shabaab ku helaan gaadiidka ay qaraxyada u adeegsadaan iyo khatar weyn oo jirta appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, oo ay ku noolyihiin Soomaali badan ayaa waaydii ugu dambeeysay wajahaysa walaac weyn oo dhinaca ammaanka ah. Magaaladan ayaa waxaa ka dhacay dilal qorsheysan, oo uu kamid yahay dilkii Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ibraahim oo 25 sano jir ahaa Booliska dalka Kenya ayaa soo xiray haweeney lala xiriiriyay dilkan, iyadoo afar qof oo kale ay su’aalo weydiiyeen si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo kiiskaan. Dr. Resila Atieno Onyango, oo ah Afhayeenka booliska Kenya ayaa xaqiijisay in haweeneydan la qabtay ay la taagnayd marxuumka xilligii uu dhacayey dilka. Cabdiraxmaan iyo haweeneyda la xiray ayaa ku wada taagnaa bannaanka hore ee dhismaha DD Plaza oo ku yaalla waddada 12-aad ee Islii, markaasi oo ay ku soo dhawaadeen dabley hubaysan oo dilka geystay, sida uu sheegay booliska Kenya. “Ciidamada amniga ayaa ku raadjooga dambiilaha ugu muhiimsan ee loo malaynayo inuu ka dambeeyo dilkaan,” ayuu yiri afhayeenka booliska Kenya. Nairobi, gaar ahaan Islii ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay la kulmeysay amni darro aad u baahsan oo isugu jira dilal iyo weerarro sharci darro ah, kuwaas oo cabsi weyn ku abuuray bulshada deegaanka, oo ay kamid yihiin Soomaalida. Ammaanka xaafada Islii ayey dadka ku nool ku baaqeen in la adkeeyo ammaankeeda, ayadoo booliska uu ballan-qaaday in ay xoojinayaan howl-galada ay ku sugayaan badqabka shacabka, si looga hortago falalkan argagaxa leh ee sii kordhaya. Dhawaan waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu dilay illaa afar haween ah oo hilbahooda la jarjaray, waxaana socda baaritaannada la xiriira dilalkan argagaxa leh, kuwaas oo booliska Kenya usoo qabtay tuhmanayaal dhowr ah. The post Xog ka cusub kiiska wiil SOOMAALI ah oo dhawaan lagu dilay Nairobi appeared first on Caasimada Online.
-
TALO KA TIMID WAAYEELKA Waxaa durba bilaabmay engagements iyo in dadka waayeelka ahi soo hadlaan. Waxay soo jeediyeen talooyin: 1. In aan taageerayaasheennu DABBAALDEGIN oo sidaa degen ee ay wax u socdaan lagu wado inta KDQku ku dhawaaqayo. 2. Muuse iyo Kahin waa dadka wax ku qaata kolba wixii la hirdhigo oo aan qorshe lahayn. Haday arkaan meel fawdo laga dhalin karo way ka faa’idaysanayaan. 3. Waxaa jira dad badan oo djalinyaro u badan oo Muuse cadaawad ku beeray, qaarkoodna loo diyaariyey rabshado iyo fawdo, hub badanna gacanta ku haya 4. Weli natiijadii rasmiga ahayd lama hayo, waxayna qaadanaysaa maalmo, dalkuna ma qaadi karo culaysniyo carcartan. 5. Dhanka kale yaan lays dhiganr ha laga shaqeeyo sidii tirinta codadka loo ilaalin lahaa oo loo kormeeri lahaa. Sidaa darteed, marka laysku xooriyo waxay waayeelku ku taliyeen in TAAGEERAYAASHEENNA la dajiyo weliba kuwa GX loo sheego in aanay kalidood guulaysan oo Somaliland oo dhami guusha qayb ka ahayd, sidaa darteed aanay guusha kalidood cid ugu baani karin codadka ugu badanna muwaadiniinta kale u cideeyeen Madaxweynahooda. Waayeelku hala hadlo waayeeelka kale ee dhanka kale ee Muuse la jiray, aqoon yahanka iyo ganacsataduna dhigooda xaaladda dalkana hala dajiyo. Xusuusta, doorashadii 2017 magaalooyinka waaweyn waa laga joojiyey dabbaaldegyada, doorashadanina way kasii xasaasisan tahay dalkuna wuu ka nugul yahay, cadow badanina wuu ku xeeran yahay. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid wakiilada caalamka. Wakiilada uu Muuse Biixi la kulmay ayaa waxay kala yihiin safiirada dalalka, Uk, EU, Denmark, Sweden, Switzerland, Norway, Czech Republic iyo France oo goob-joogayaal ka ahaa doorashadii shalay ka dhacday Somaliland. Waxay dhammaantood ka markhaati kaceen sida waayo aragnimada leh ee ay shacabka u muujiyeen hannaanka dimuquraadiga ah ee ay u dhacday doorashadii shalay ay u dareereen shacbiga Somaliland. Doorashada shalay ayaa waxaa loogu codaynayay axsaabta ururada, saddexda xisbi qaran iyo murashixiinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka shanta sanno ee soo socota. Waxay hambalyo iyo bogaadin u direen bulshada reer Somaliland oo ay ku tilmaameen shacbi bisil oo ay tahay inay wax ka bartaan dalalka Afrika iyo caalamkuba, sida nabad-gelyada iyo waayo aragnimada leh ee ay u dhiibteen codkooda. Mudane Biixi ayaa waxa kulankan ku wehlinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd iyo Ergeyga gaarka ah ee wada-hadalada Marwo Adna Aadan. Dhinaca safiiradda iyo dublamaasiyiintuna waxay kala ahaayeen, safiirka dalka UK Amb. Mike Nithavrianakis iyo diblumaasi Ilyas Malek, safiirka dalalka Midowga Yurub Amb. Karin Johanson iyo diblumaasi Thomas Kieler, safiirka dalka Denmark Amb. Steen Sonne Andersen iyo safiir ku’xigeenkiisa Amb Gertrud Birk, Safiirka Sweden Amb. Joachim Waern iyo diblumaasi Johan Svenson, safiirka dalka Switzerland Amb. Mirko Giuletti iyo diblamaasi Natalie Frei. Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa safiirka dalka Norway Einar Rystad iyo diblumaasi Narve Rotwitt, Safiir ku xigeenka dalka Czech Republic Amb. Miroslav Balint, Safiirka Dlaka France Lucile Carrez iyo diblumaasi Mohamed Sahardiid Raage oo ah la-taliyaha arrimaha ganacsiga. The post Sawirro: Muuse Biixi iyo wakiilada caalamka oo maanta kulmay + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
