-
Content Count
211,104 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa, ayada oo tallaabo horleh ay maanta qaaday dowladda dhexe, kadib markii garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu celiyay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kusii jeeday magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Sareeda oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in saaka loo diiday in ay ka dhoofto garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyada oo kusii jeeda magaalada Baydhaba, waxayna tilmaamtay in saraakiisha amniga garoonka ay is hortaag ku sameeyeen. Xildhibaannada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in gebi ahaanba laga reebay diyaaraddii ay raaci lahayd oo kusii jeeday deegaan doorashadeeda Koonfur Galbeed. Sidoo kale waxa ay intaasi sii raacisay in arrintan ay muujineyso beegsi gaar ah oo lagu hayo xildhaannada Digil iyo Mirifle, sida ay hadalka u dhigtay. “Dad aan sharci aqoonin ayaa saaka iga reebay diyaaradda. Xildhibaanada Koonfur Galbeed beegsi ayaa lagu hayaa wixii hadda ka dambeeya qorigeena la galaynaa garoonka” ayay tiri Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle. Horay waxaa u jirtay in garoonka sidoo kale lagu xayiray taliyaha qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka ee fadhigiisu yahay Baay iyo Bakool, walow markii dambe la fasaxay. Dhammaan dhaq-dhaqaaqyadan ayaa sii hurinayo xiisadda u dhexeysa Muqdisho iyo Baydhaba oo haatan gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana si aad ah la’isugu qabtay arrinta Itoobiya, kadib markii ay koonfur Galbeed ka hortimid qorshaha Villa Somalia. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase soconayo dadaallo ay waddo dowladda oo lagu qaoobjinayo xiisadda, ayada oo sidoo kale la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaro magaalada Baydhaba si uu usoo qanciyo C/casiis Laftagareen. The post DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda Koonfur Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
460150631_1895766770917245_4161300511792449014_n Qaran News
-
Ciidamada Suudaan iyo kuwa RSF-ta ayaa sheegay inay diyaar xal nabadeed oo laga gaaro dagaalka dalkaas socday in ka badan 17 bilood, iyaga oo ka jawaabaya baaqii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ugu baaqay dhinacyada dagaallamaya in ay wada-hadallo nabadeed oggolaadaan. Madaxa ciidamada Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay Arbacadii in dowladda Sudan ay diyaar u tahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee looga golleeyahay in lagu soo afjaro dagaalka ka holcaya dalkaas. Dhankiisa hoggaamiyaha fallaagada RSF Mohamed Hamdan Dagalo ayaa asna Khamiista maanta ah sheegay inay oggolyihiin wada-hadallo nabadeed oo xal loogu helayo dagaalka ku dhowaad labada sano ka socda dalka ku yaalla bariga Afrika. “Waxaan dib u xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay wada xaajoodka xabad joojintu, waxaan aaminsanahay in dariiqa nabada ay ku jirto wada-hadal, ma aha rabshado aan kala sooc lahayn, waxaana sii wadi doonaa inaan galno hababka nabada ah si aan u xaqiijino mustaqbal wanaagsan, loogana gudbo cabsi iyo silic ay dhammaan dadka rayidka ah ee Suudaan soo wajaheen,” ayuu yiri Mohamed Dagalo. Si kastaba ha ahaatee, labada nin ayaa muujiyay niyad wanaag ku aaddan soo afjaridda colaadda ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof tan iyo markii uu dagaalka Suudaan qarxay bishii April ee sanadkii 2023. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirada dalalka Carbeed ee fadhigoodu yahay gudaha magaalada Muqdisho ayaa sameystay gole ay ku mideysan yihiin, waxaana Muqdisho ay ku qabsadeen munaasanad ballaaran oo ay ku shaacinayeen dhismaha golahaasi cusub. Munaasanadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayada oo sidoo kale joobjoog ahaayeen dhammaan safiirada Jaamacadda Carabta u fadhiya gudaha Soomaaliya. Ujeedka golahan loo dhisay ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo xiriirka waddamada Carbeed iyo Soomaaliya, si sare loogu sii qaado iskaashiga dalalka iyo Soomaaliya. Wasiir Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimadda furitaankan golahan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in arrintan ay gacan ka geysaneysa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya safaaradaha Carabta ee dalkeena. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Danjire Cabdullaahi Al-Cutiibi oo ah madaxa wakiilada Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya dadaalka uu ku bixiyay golaha lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho. Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday sida ay muhiimka u tahay midnimada Jaamacadda Carabta, ahmiyadda ay u leeyahay Soomaaliya iyo go’aankii ugu dambeeyay ee ay ka qaateen damaca guracan ee Itoobiya. Axmed Macallin Fiqi ayaa ku bogaadiyay dalalka Carbeed sida geesinimada leh ee ay u garab istaageen Soomaaliya, ugana dhiidhiyeen xadgudbka ay kula kacday Itoobiya. Soomaaliya ayaa xiriir qoto dheer laleh waddamada Carbeed, waxayna xubno ka taha Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC. The post Safiirada Carabta ee jooga Somalia oo ku dhawaaqay gole cusub + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo safar ku maraya qaaradda Yurub ayaa xalay lagu soo dhaweeyay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden. Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Lugatoor oo khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Gothenburg ayaa sheegay in uu werwer ka qabo in dowladnimada Soomaaliya ku burburto gacanta madaxweyne Xasan Sheekh. “Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Xamar joogaa waa kooxdii ugu khatarta badnaa ee Soomaaliya siyaasadeeda soo gala waxaan werwer ka qabnaa in dowladnimadu gacantooda ku burburto” ayuu yiri Ilyaas Cismaan Lugatoor. Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxa uu dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in ay meesha ka saartay dastuurkii Soomaali heshiiska ku ahayd taasi oo uu ku tilmaamay mid aysan Puntland aqbali karin islamarkaana khatar ku ah midnimada dadka Soomaaliyeed. Halkan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Puntland: Waxaan werwer ka qabnaa in dowladnimada Soomaaliya ku burburto gacanta Xasan Sheekh appeared first on Puntland Post.
-
The government requires Sh106 billion to implement the reforms within the National Police Service, the Kenya Prisons Service and the National Youth Service, President William Ruto revealed yesterday. Source: Hiiraan Online
-
Walkie-talkies and solar equipment exploded in Beirut and other parts of Lebanon on Wednesday in an apparent second wave of attacks targeting devices a day after pagers used by Hezbollah blew up, state media and officials for the militant group said. At least 20 people were killed and more than 450 wounded in the second wave, the Health Ministry said. Source: Hiiraan Online
-
• The Somalia president has already reached out to international organisations including the European Union, the African Union, United States, China and the Organisation of Islamic Cooperation. Source: Hiiraan Online
-
Turkiga ayaa qorshaynaya in uu Soomaaliya ka hirgeliyo Saldhig Dayax-gacmeed oo uu ku sameeyo tijaabooyin ay kamid yihiin in uu ka gano gantaalladiisa ballistic-ga ah . Dowladda turkiga ayaa dhismaha Saldhigan Dayax-gacmeedkaasi ka codsatay dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay ku warrantay warbaahinta Bloomberg. Dhismaha saldhiga dayax gacmeedka ee Turkiga ka samaysnayo ayaa la sheegay in ay ku baxayso lacag dhan hal bilyan oo doolar Madaxweyne erdogan oo ka hadlayay qorshaha turkigu hawada sare ugu dirayo dayax-gacmeed laga ganayo Soomaaliya ayaa yiri ” Dayax gacmeed baaxad leh oo ka tarjumaya qaranimadeena ayaan u diri doonaa meeraha sare,taasoo ku imanaysa iskaashi caalami ah.” Turkiga wuxuu doorbidayaa dhulka bannaan ee cirifka badweynta Hindiya ee ku dhow dhul-baraha oo mara Soomaaliya . Halkaasi ayaa lagu sheegay aag istiraatiji ah, oo dal ay adagtahay in uu isku helo,Turkiga oo ka faa’iideysanaya iskaashigiisa Soomaaliya, wuxuu u soo rarayaa saldhiga Tijaabada gantaallada riddada dheer . PUNTLAND POST The post Turkiga oo Soomaaliya ka samaysanaya Saldhig Dayax-gacmeed oo ay ku baxayso hal bilyan oo Dollar appeared first on Puntland Post.
-
Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada Suudaan iyo xoogaga RSF ayaa sheegay Arbacadi sheegay in ay diyaar u yihiin in xal nabadeed laga gaaro dagaalka sokeeye ee Sudan ka socda muddada 17-ka bilood ah. Hadalka kasoo baxay garabyada ku dagaallamaya Sudan ayaa u muuqdo mid ay uga jawaabayaan, baaq uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden Talaadadi u diray millatariga Sudan iyo kooxda RSF, oo uu ku boorriyay in ay dib u wada hadlaan. Madaxa ciidanka qalabka sida ee Sudan, Abdel Fattah al-Burhan ayaa Arbacadi sheegay in dowladda Sudan ay u farantahay dhammaan dadaallada wax ku oolka ah ee hadafkoodu yahay in lagu dhammeeyo dagaalka. Waxaa isna saaka oo Khamiis ah bayaan kaasi la mid ah soo saaray hogaamiyaha RSF Mohamed Hamdan Dagalo. Hase yeeshee, labadan nin ayaa midbo midka kale ku eedeeyay guuldarrada soo afjaidda dagaalka lagu hoobtay ee Sudan, kaas oo tan iyo bishi April ee sannadki 2023-ki ay ku dhinteen in ka badan 12,000 oo qof. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii ugu baaqay dhinacyada isku haya Suudaan in ay dib u wadahadlaan si loo soo afjaro dagaalka sokeeye. Mareykanka ayaa horay ugu eedeeyay labada dhinac in ay galeen dambiyo dagaal, waxaana uu cunaqabateyn saaray 16 qof iyo hay’ado ku lug leh dagaalka. Mareykanka wuxuu sheegay in uu indhaha ku hayo dagaalka isla markaana ay suuragal tahay in uu soo rogo cuna-qabateyn dheeraad ah. The post War cusub oo kasoo kordhay xaaladda dalka SUDAN appeared first on Caasimada Online.
-
Aalado ay ku jiraan raadiyaasha ama fooneeyayaasha gacanta oo ay xubnaha ururka Xisbullah iskula xiriirayeen, ayaa ku qarxay meelo badan oo ka mid ah koofurta Lubnan, iyadoo ay qaraxyadaasi sababeen dhimasho iyo dhaawac fara badan. Tani ayaa imaneysa maalin kaddib markii ay ku dhawaad 3,000 oo ka mid ah dagaalyahannada Xisbullah ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhashay aaladda pagers-ka oo ah qalab is gaar-siineed oo lagu wada xariiro, kuwaas oo ay Xisbullah ka soo iibsatay dibadda. Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay, in qaraxyadi Arbacada dhacay ay ku dhinteen 20 qof halka ay ku dhaawacmeen 450 kale. Meelaha ugu badan ee ay raadiyaasha gacanta ku qarxeen ayaa ka mid ah deegaannada ku xeeran duleedka Beyruut iyo Dooxada Beqaac. Weerarradan oo si weyn loo rumeysan yahay inay Israa’iil ku bar-tilmaameedsatay Xisbullah, balse ay ku dhinteen dad rayid ah, ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo in colaadda labada dhinac u dhexeysa ay isu baddasho dagaal dhan walba ah. Israa’iil weli si rasmi ah ugama hadlin weerarkaan mana sheegan mas’uuliyaddiisa, hase yeeshee wasiirka difaaca Isra’il Yoav Gallant, ayaa isaga oo la hadlay ciidamada Isra’il Arbacadii sheegay, in Isra’il ay ku jirto billowga waji cusub oo dagaal. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo mar kale aalad isgaarsiineed ku qarxisay dagaalyahannada Xisbullah appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (Caasimada Online) – In a move to secure its energy interests in the Horn of Africa, Turkey is set to deploy naval frigates to protect a Turkish energy exploration vessel in Somali waters. According to two sources familiar with the situation, the frigates will accompany the vessel, Oruc Reis, tasked with conducting seismic studies in the Somali exclusive economic zone (EEZ). This development comes after a strategic agreement was signed earlier this year between Turkey and Somalia. The agreement allows Ankara to explore and drill for energy resources within Somalia’s EEZ while also providing protection against external threats. The move highlights Turkey’s expanding influence in the region and its growing energy ambitions. Turkey’s seismic survey in Somalia The Turkish energy exploration mission, led by the vessel Oruc Reis, is a significant step for Turkey’s growing energy sector. Turkish Energy Minister Alparslan Bayraktar announced that Turkish Petroleum has obtained licenses to explore three large fields spanning 5,000 square kilometers in Somali waters. The Oruc Reis will conduct a 3D seismic survey in these areas, marking the first time such advanced technology has been used in Somali seas. “This is the first time a Turkish research vessel will operate in the open ocean,” noted Tunc Demirtas, an analyst specializing in African affairs at Seta, a Turkish think tank. The open waters of the Indian Ocean pose unique challenges, including potential threats from pirates and other hostile actors, which has led Turkey to take extra precautions to safeguard the mission. The strategic importance of Somalia Turkey’s interest in Somalia goes beyond energy. The deployment of frigates to protect Oruc Reis is part of a broader Turkish strategy in the region. In recent years, Turkey has become more assertive in the Eastern Mediterranean, facing stiff resistance from Greece over territorial disputes and energy exploration rights. Now, Ankara is shifting its focus to the Gulf of Aden and the waters off Somalia, regions that pose new challenges and opportunities. The waters surrounding Somalia are believed to be rich in untapped oil reserves, making them a prime location for energy exploration. Minister Bayraktar expressed optimism about the potential findings, stating that initial data indicates promising oil reserves. Should these expectations come to fruition, the exploration could significantly boost Turkey’s energy independence, allowing it to commercialize the oil quickly and incorporate it into its economy. Oil discovery: A boon for Somalia’s economy? Turkey’s agreement with Somalia includes a “production-sharing agreement,” ensuring that the Somali government will benefit from oil discoveries made within its waters. “After giving the Somali state its rightful share, the remaining oil can be sold on the global market or brought to Turkey’s refineries,” Bayraktar explained. This arrangement could be a game-changer for Somalia’s fragile economy, which has long struggled with poverty, instability, and underdevelopment. For Somalia, the deal presents a double-edged sword. While the potential for oil revenue could bring much-needed economic relief, concerns have been raised about how the Somali government will manage these newfound resources. Transparency, effective governance, and addressing local concerns will be crucial to ensuring the oil wealth benefits the Somali people rather than exacerbating existing challenges. Security challenges in Somali waters The waters off Somalia are notorious for piracy, and the region has seen significant maritime instability for years. The deployment of Turkish frigates is seen as a necessary measure to protect the Oruc Reis from pirate attacks and other security risks. “Turkey is taking utmost caution because of the risks posed by both pirates and possible land-based threats,” Demirtas emphasized. The presence of naval forces is intended to deter piracy and secure Turkey’s operations against any geopolitical challenges that could arise. The Gulf of Aden is a vital maritime route, and any disruptions to Turkey’s exploration mission could have broader implications for global energy markets. Turkey’s increasing involvement in Somalia’s energy and defense sectors can also be viewed through the lens of regional geopolitics. Earlier this year, Somalia signed an agreement with Turkey to bolster its maritime defense capabilities, coinciding with Ethiopia’s military partnership with the breakaway state of Somaliland. Under that agreement, Ethiopia gained the right to build a military port in Somaliland, prompting Somalia to strengthen ties with Turkey as a counterbalance. Two rounds of talks mediated by Turkey between Somalia and Ethiopia failed to resolve tensions, and the situation remains delicate. Turkey’s expanding military and economic presence in Somalia is considered part of a broader effort to project influence in the Horn of Africa, a region of increasing strategic importance due to its proximity to critical maritime trade routes. The deal between Turkey and Somalia is one of several agreements that signify deepening ties between the two nations. In February, the two countries signed a defense and economic cooperation agreement to strengthen Somalia’s naval capabilities. The oil and gas exploration agreement signed in March further cemented Turkey’s role in Somalia’s future energy development. As Turkey continues to expand its energy ambitions, its presence in Somalia could become a cornerstone of its broader regional strategy. Deploying frigates is just one aspect of this multi-faceted relationship, which combines defense cooperation with economic partnerships. The post Turkey to send frigates for oil exploration in Somali waters appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo caawa kulan isugu yimid ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo dalbatay in magacaabista labo kamid ah Danjireyaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka. Labada Danjire ee caawa ay ansixiyeen golaha wasiirrada ayaa kala ah: 1. Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) – Safiir 2. Mudane Yuusuf Axmed Jeego – Safiir Kulanka waxaa shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sidoo kale waxaa lagu ansixiyey Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. “Siyaasadda cusub ayaa la filayaa in ay kaalin weyn ka qaadato xoojinta hufnaanta iyo dabagalka ku aaddan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirka golaha wasiirrada. Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta dardargelinta qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo lagu taageerayo horumarinta nidaamka dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. “Qorshahani wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta hey’adaha dowladda, wuxuuna horseedayaa in la helo nidaam hufan oo lagula socdo fulinta iyo horumarinta siyaasadaha qaranka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay waafaqsan yihiin yoolalka horumarineed ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Khubaro ku xeeldheer arrimaha qorsheynta iyo maamulka dowladda ayaa golaha u soo bandhigay qaababka ugu habboon ee dalka looga hirgelin karo hannaanka NTP, kaas oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha, hagaajinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta maamulka hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara,” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha ka siiyey warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyada oo la xoojiyey qorshayaasha lagu sugayo amniga iyo ciribtirka kooxaha argaggixisada. The post Golaha Wasiirrada oo ansixiyey safiirro cusub, kana hadlay arrimo culus appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa kulan isugu yimid, ayaa lagu ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee magacaabista labo kamid ah Danjireyaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka, oo kala ah: Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) – Safiir Mudane Yuusuf Axmed Jeego – Safiir Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Siyaasaddan cusub ayaa la filayaa in ay kaalin weyn ka qaadato xoojinta hufnaanta iyo dabagalka ku aaddan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka. Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta dardargelinta qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo lagu taageerayo horumarinta nidaamka dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Qorshahani wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta hey’adaha dowladda, wuxuuna horseedayaa in la helo nidaam hufan oo lagula socdo fulinta iyo horumarinta siyaasadaha qaranka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay waafaqsan yihiin yoolalka horumarineed ee dalka. Khubaro ku xeeldheer arrimaha qorsheynta iyo maamulka dowladda ayaa golaha u soo bandhigay qaababka ugu habboon ee dalka looga hirgelin karo hannaanka NTP, kaas oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha, hagaajinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta maamulka hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara. Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha ka siiyey warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (PP Editorial) — The political map used by Paul-André Wilton, the Stability, Security, and Justice Team Leader at FCDO Somalia, in his tweet not only violates the sovereignty of Somalia, as it reflects the pre-Union maps of ex-British Somaliland and the ex-Italian Somaliland, but also unwittingly lends credence to the claim by the secessionist administration in Hargeisa that it controls what was known as the British Somaliland Protectorate. The United Nations Office for Project Services (UNOPS) developed the map that adds parts of Puntland State federal territory to the territories Somaliland Administration claims to govern. Given that the secession claim of the Somaliland Administration rejects the sovereignty of the Federal Republic of Somalia, it is difficult to understand why UNOPS published a map endorsed by the Federal Government of Somalia, the EU, UNDP, UK Aid and Deutsche Zusammenarbeit. In 2023 the Somaliland Administration forces shelled Laascaanood for six months, causing death, destruction and displacement. People in the administrative capital of Sool, under the interim administration of SSCK, are grappling with the effects of the conflict. Political maps carry significant political meaning with far-reaching consequences. UNSOM has moved away from its previous “do no harm” approach to Somali politics, allowing UNOPS to endorse secession claims that contribute to geopolitical uncertainties in the Horn of Africa, exacerbated by the illegal maritime Memorandum of Understanding between Ethiopia and the secessionist administration in Northern Somalia. The UNOPS map on Somalia violates the principle of neutrality that all UN agencies adhere to: “Neutrality dictates that humanitarian actors must not take sides in hostilities or engage in controversies of a political, racial, religious, or ideological nature.” The ambivalence of the Federal Government’s Foreign Ministry and Planning Ministry regarding the UNOPS political map on Somalia raises questions about how committed the Somali federal leaders are to protecting the sovereignty of Somalia against violations by sovereign states or international organisations such as the United Nations or supranational organisations like the European Union. © Puntland Post, 2024 The post UNPOS Political Map on Somalia Escalates Territorial Disputes appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Marines-ka Mareykanka ee ka howlgala Afrika ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay VOA, wuxuu kaga hadlay arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada al-Shabaab. Wareysigan oo muuqaal ahaa ayaa taliyaha looga qaaday Muqdisho, wuxuuna ka warbixiyey kulamo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka. Wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo Mareykanka ay hadaf dheer ka leeyihiin dagaalka Al-Shabaab, isla markaana laga gaaray natiojo weyn. “Shaqada waxaan la wareegay 2022 ciidamada xoogga Soomaaliya waxay dagaalka ka gaareen natiijo aad u weyn, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ila wadaagay in ciidamada Soomaaliya ay curdun yihiin oo dhismihii uu weli ku socdo, balse waxay dagaalka ka gaareen natiijo rasmi ah,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada badda ee howlgalka Mareykanka ee AFRICOM. Mareykanka ayaa Soomaaliya ka taageera dhinaca Militeriga, gaar ahaan dhismaha ciidamada iyo dagaalka Al-Shabaab, saldhig weyn oo lagu tababaro ciidamada qaranka ayuu ku leeyahay Balidoogle. Sidoo kale diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka ayaa ciidamada Soomaaliya ka taageera dagaalka Al-Shabaab, iyagoo gobollada ka fuliya duqeymo ay kooxdaas ku bartilmaameedsadaan. Taliyaha oo ka hadlay wadashaqeynta dhanka militeriga ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa yiri, “Soomaaliya waxaan nahay bah-wadaag, waxaan ku wada duulnay Al-Shabaab, waxaana ka qeyb qaadanaa dhismaha ciidamada qaranka.” Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Soomaaliya ay ku filan yihiin inay la wareegaan amniga qaranka, markii ay dalka ka baxaan ciidamada ATMIS, gabagabada sanadkaan 2024-ka. Hoos ka dhageyso wareysiga: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/09/Mare.mp3 The post Wareysi: Taliyaha Marines-ka Mareykanka ee Afrika oo si cajiib ah uga warbixiyey Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu tego magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Xasan ayaa raba inuu natiijo wax ku ool ah ka gaaro xal u helista xiisadda ka dhex aloosan dowladdiisa iyo maamulka Koonfur Galbeed ee Cabdicasiis Lafta-gareen. Socdaalka madaxweynaha ee Baydhabo ayaa imanaya xilli ay guul-dareysteen dadaalladdii u dambeeyay ee la sameeyay, si magaalada Muqdisho loo keeno hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, si xal looga gaaro xiisadda taagan. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka cararaya inuu ku furmo albaabka doorasho dadban, oo la fahamsan yahay inuu ka shaqeynayo Cabdicasiis Lafta-gareen kadib khilaafka dowladda dhexe ee salka ku haya Itoobiyaanka, madaxweynaha ayaa doonaya in uu qanciyo Lafta-gareen. Lama oga in Xasan Sheekh uu Lafta-gareen ku qancin karo labada arrin ee isa-saaran, waa bixitaanka ciidanka Itoobiyaanka iyo in uusan qabsan doorasho gaar ah, oo uu ka cabsi qabo in albaabada u furto maamullada kale iyo tiisaba. Xiisadda labada dhinac oo soo shaac baxday kadib markii dowladda dhexe ay shaacisay go’aanka bixitaanka ciidanka Itoobiya ee jooga xooggooda deegaanno katirsan dowlad-goboleedka Koofur Galbeed, ayaa waxaa la rumeysan yahay inay muddo soo huursaneyd oo aysan ka madhneyn damaca soo laabasho ee Lafta-gareen. Si kastaba, Madaxweyne Xasan ayaa haddii uu ku guuleysto qancinta Cabdicasiis Lafta-gareen waxay dharbaaxo kale ku noqon doonta xukuumadda Abiy, oo ayadu fursad weyn u aragta kala taga labada dhinac, maadaama ay dowladda dhexe meel adag iska taagtay qorshaha Itoobiya ku qaadaneyso qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya. The post Xog: Xasan oo Baydhaba tegaya xilli Itoobiya ay Lafta-gareen ku riixayso… appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa kulan isugu yimid, ayaa lagu ansixiyey soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ee magacaabista labo kamid ah Danjireyaasha Soomaaliya ku matalaya dalalka caalamka, oo kala ah: 1. Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed) – Safiir 2. Mudane Yuusuf Axmed Jeego – Safiir Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Siyaasadda habraaca Qaran ee warbixinta iyo dabagalka xuquuqul insaanka, taas oo muhiimad gaar ah siinaysa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya. Siyaasaddan cusub ayaa la filayaa in ay kaalin weyn ka qaadato xoojinta hufnaanta iyo dabagalka ku aaddan xaaladaha xuquuqda aadanaha ee dalka. Golaha Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta dardargelinta qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo lagu taageerayo horumarinta nidaamka dowliga ah iyo kobcinta dhaqaalaha dalka. Qorshahani wuxuu xoojinayaa isku xirnaanta hey’adaha dowladda, wuxuuna horseedayaa in la helo nidaam hufan oo lagula socdo fulinta iyo horumarinta siyaasadaha qaranka, iyada oo la hubinayo in dhammaan qorshayaasha iyo barnaamijyada dowladda ay waafaqsan yihiin yoolalka horumarineed ee dalka. Khubaro ku xeeldheer arrimaha qorsheynta iyo maamulka dowladda ayaa golaha u soo bandhigay qaababka ugu habboon ee dalka looga hirgelin karo hannaanka NTP, kaas oo diiradda saaraya kobcinta dhaqaalaha, hagaajinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta maamulka hay’adaha dowladda si loo gaaro horumar waara. Sidoo kale, Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha ka siiyey warbixinno la xiriira xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xasilinayo dalka ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyada oo la xoojiyey qorshayaasha lagu sugayo amniga iyo ciribtirka kooxaha argaggixisada. PUNTLAND POST The post Golaha Wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya oo Caawa ansixiyay Safiiro Cusub appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ku dhowaad muddo toddobaad ah waxaa la la’yahay xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed oo ka tirsan golaha deegaanka Dela oo ka hoos yimaada deegaanka Ceel-Dhaas ee Ismaamulka Wajeer ee gobolka Waqooyi -Kenya. Xubno ka tirsan golaha deegaanka Wajeer ayaa u tagay hay’adaha amniga si ay u ogaadaan waxaa ku dhacay Yuusuf Xuseen Cabdi oo la la’aa ilaa habeenkii Jimcaha. Sida la sheegay xildhibaanka ayaa la afduubtay 13-kii bishan isagoo saaran gaari Uber ah oo marayay waddada Enterprise ee Nairobi. “Waxaan aad uga xunnahay dhacadii afduubka ee koox aan la aqoon u geysatay xildhibaan Yuusuf Xuseen,” ayuu yiri Mr Cabdille Yuusuf oo ah afhayeenka golaha deegaanka Wajeer. Wararka waxay sheegayaan in sagaalkii fiidnimo la afduubtay xildhibaanka. Kooxda afduubka geysatay ayaa la shegay inaywateen labo gaari oo ah nooca loo yaqaan Land Cruiser Prado. Ehelka xildhibaanka maqan ayaa sheegay in Jimchii laga qabtay magaalada Nairobi, wixii ka dambeeyayna aaney war ka helin geeri iyo nool halka uu jiro. Xaliimo Xuseen Axmed oo ah Yuusuf walaashiis ayaa noo sheegtay wixii dhacay markii ugu dambeysay ee la waayay walaalkeed. “Jimcihii inta u dhexeysay siddeedda ilaa iyo sagaalka fiidnimo isagoo u socoda gurigiisa South C kana soo baxay Islii ayuu raacay gaari Uber ah, darawalkii Uber ayaa booliska u sheegay in ninkaas uu la socday, labo gaari midna la hor dhigay midna gadaal laga joojiyay” ayey tiri Xaliimo Xuseen. Sababta loo afduubay xildhibaanka ayaan la ogeyn. Booliisku waxay sheegeen in darawalka gaariga uu la socday uu u sheegay in labo gaari ay hore iyo gadaal ka istaageen isagoo markaas soo dhaqaaqay. Warar waxay sheegayaan in gawaarida lagu afduubtay xildhibaanka aysan laheyn wax numbar ah oo lagu aqoonsado. Qoyska waxay sheegeen in darawalka uu ahaa qofka keenay warka halka uu ku dambeeyay xildhibaanka hadii uusan sidaa yeelin aysan waxba ogaan laheyn. “Haduusan ninkaas axsaan noo sameyn xitaa warkiisa lama heli laheyn” ayey tiri walaashiisa Xaliimo oo sidoo kale noo sheegtay in aabaha dhalay xildhibaanka uu yaha qof aragga la’ oo muddo 20 sano ah uusan waxba arag. Qoyska ayaa ku eedeeyay dowladda in aysan raadintiisa wax badan ka qaban. “Dowladda way ka gaabisay raadintiisa, Nairobi meel kasta CCTV ayaa ku xiran, way ka gaabiyeen boqolkiiba boqol raadiska Yuusuf Xuseen” “Tallaabo la qaaday ma jirto, anaga waa ciilannahay, hadii aan nahay dadka ka soo jeeda Ceel-Dhaas, way ka gaabiyeen madaxda kale ee laga soo doorto Wajeer” Qoyska ayaa sidoo kale beeniyay warar sheegayaa in isagoo dhaawac ah uu yaal Isbitaal. “Waa been lagu soo qoray bog oo ilaa hadda ay wadaan, waa warar khalad ah, nolol iyo geeri lama haayo Yuusuf Xuseen Axmed” Afduubka iyo dadka sida qasabka ah lagu kaxeysanayo ayaa ilaa hadda socda, inkastoo madaxweyne William Ruto uu ballanqaaday in uusan maamulkiisa u dulqaadan doonin dambiyada noocan oo kale ah in ay dhacaan. Tobaneeyo qof oo Kenya u dhashay ayaa weli la la’yahay markii sida la sheegay ay booliisku afduubteen kaddib dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladda ee dhacay bishii July. Hay’adda la socota booliska IPOA ayaa xaqiijisay in bartamihii bishii July in ay soo gaareen ilaa iyo 10 cabasho oo la xiriirta afduub. Hay’ada waxay sheegtay in ay ka xaun tahay in ay awodi waayeen in ay la xiriiraan inta badan cabashooyinkaas. Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee afduubka waxaa ka mid ah labo walaalo ah iyo qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo ilaa muddo bil ku dhow la la’ayahay markii la afduubtay. Isha: BBC The post War cusub oo ka soo kordhay xildhibaan lagu la’yahay magaalada Nairobi appeared first on Caasimada Online.