-
Content Count
213,026 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa si faah-faahsan uga hadlay howlgallada xoreynta ee dalka ka socda, isla markaana ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Jaamac oo khudbad ka jeediyay munaasabad xarrig jarayay dhismaha cusub ee xarunta Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa sheegay in guullo waa wayn laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, welina uu sii socdo gulufka ka dhanka ah kooxdaasi. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howlgalladu ay sii socon doonaan, isaga oo sheegay in waqti dhow uu jab culus oo lama filaan ah ku dhici doono Khawaarijta. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale digniin u diray dadka rayidka ah ee jooga deegaannada Al-Shabaab, wxuuuna ugu baaqay inay ka fogaadaan aaggooda. “Waqti dhow wax weyn oo aadan filanayn ayaa ku dhici doonna Al-Shabaab ee shacabkow ka fogaada” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Duqeymaha ayuu sidoo kale tilmaamay inay sii socon doonaan, ujeedkana waxa uu tilmaamay inuu yahay in lagu naafeeyo Khawaarijta. “Waxa aad ogtihiin dagaal in lagu jiro, Shabaab iyo innaga waxa aan xabbad ahayn in aysan naga dhaxeyn, Waxa aad ogtihiin in uu Madaxweynaha ku baaqay dagaal cir & dhul ah laga weerari doonno, haddana waxaa la arkay dad Shacab ah oo leh Shabaab wixii lagu duqeeyay ayaa wax naga soo gaaray baa la arkay” Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa weli ka socda dagaallo ka dhan ah Shabaab, waxaana barbar socda duqeymo diyaaradeed oo lagu taageerayo ciidamada. The post Wasiirka Difaaca: Waqti dhow wax weyn oo aadan filaneyn ayaa ku dhici doona… appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka shaacisay in ay hawlgal ku dishay ilaa 27 xubnood oo ka tirsan Mileeshiyaadka Al-shabaab. Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda NISA ayay ku sheegtay in Hawlgalka oo ay ka fulisay degaanka Yaaqle oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe sidoo kale lagu dhaawacay tiro kale oo shabaab ah. “Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo gaaraya 27 xubnood ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe” ayay sheegtay NISA. Hawlgalkaasi oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay wateen Mileeshiyaadka al-shabaab sida lagu sheegay Warsaxaafadeedka ka aoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Soomaaliya ee NISA. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Sirdoonka Soomaaliya oo shaaciyay in ay hawlgal ku dileen Horjoogayaal iyo Mileeshiyaad ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — The Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) announced a major success in its counterterrorism campaign, reporting the elimination of 27 Al-Shabaab operatives during a targeted 12-hour operation in the Yaaqle area of Middle Shabelle. The mission, which targeted a gathering point for the insurgency group, included senior commanders among those killed. Source: Hiiraan Online
-
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in awoodda ciidan ee Soomaaliya ay si fudud u baabi’in karto cadow kasta oo dalku leeyahay. Taliyaha oo ka hadlayay munaasabad muqdisho ka dhacday ayaa sheegay in cududdda ciidan ee soomaaliya ay hadda tahay mid laysku halayn karo, islamarkaana cadow walba loogu babac dhigi karo. Hadalka Taliye Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa imaanaya xilli Itoobiya ay hadda ku suntantahay cadowga koobaad ee Soomaaliya, islamarkaana dhiggiisa dalkaasi uu dhowr mar horay u sheegay in Soomaaliya aysan lahayn cudud milari oo xittaa caasimadda Muqdisho ay ku difaacdo, iskaba daa inay Itoobiya hawaysatee. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga gudaha Soomaaliya, haddana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si lama filaan ah uga hadlay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan doorasho qof iyo cod ah, kaas oo dhaliyay muran siyaasadeed oo xooggan. Islow ayaa taageero wayn u muujiyay madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna soo dhaweeyay qorshihiisa ku aadan in dalka la gaarsiiyo qof iyo cod, isaga oo shacabka ugu baaqay inay garab siiyaan dowladdooda. “Waxay ila tahay in ‘Doorashada QOF IYO COD’ aysan ahayn wax la isku khilaafo oo mucaarad iyo muxaafid loogu qeybsamo. Dhammaanteen waa inaan taageernaa oo dowladda ku garab istaagnaa sidii Dadku u dooran lahaayeen Madaxdooda” ayuu yiri wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu u jawaabay siyaasiyiinta ka horyimid go’aanka dowladda, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay inay u dhaqmaan sida in la joogo oo kale xilliga doorashada oo ku asteysan sanadka 2026-ka. “Ilama ahayn in iyadoo Sanad iyo Bar ka harsan tahay muddo xileedka Dowladda, ay xilligan soo bixi doonaan Siyaasiyiin iyo Musharixiin hore oo u dhaqmaya sida in la joogo 2026” ayuu mar kale yiri xildhibaanku. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Iima muuqato weli in Siyaasiga Soomaaliyeed uu ka koray fashilinta dowlad kasta oo aanu isaga ka mid ahayn”. Ugu dambeyntii wuxuu farriin culus u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu tilmaamay in laga rabo inuu ka shaqeeyo in doorashada ay noqoto wadar ogol, loona baahan yahay inuu raadiyo maamullada Jubbaland iyo Puntland oo diiday qorshaha dowladda dhexe. “Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud waxaa looga fadhiya inuu dib u raadiyo Maamul Goboleedyada maqan, kana shaqeeyo Doorasho la isku raacsan yahay” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay. The post ISLOW oo si lama filaan ah uga hadlay qorshaha Villa Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Former Somali President Sharif Sheikh Ahmed blasted President Hassan Sheikh Mohamud on Saturday, questioning the feasibility of planned one-person, one-vote elections amid ongoing security challenges and condemning the administration's forced evictions in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo ay ka fulisay gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan oo qaatay in ka badan 10 saacadood uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Yaaqle ee Shabeelaha Dhexe. NISA ayaa sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu soo afjaray maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda oo isku uruursanayay deegaanka uu howlgalka ka dhacay. “Howlgalkan oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa lagu afjaray maleeshiyaad Khawaarij ah oo cadowgu kasoo aruuriyay deegaanno kala duwan isla markaana loo diyaarinayay in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA. Hay’adda Nabad-Sugidda ayaa xaqiijisay in howlgalkan lagu khaarijiyay 27 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayna ku jiraan horjoogayaal sar sare oo lagu beegsaday howlgalka. “Horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo gaaraya 27 xubnood ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe” ayaa lasii raaciyay. Sidoo kale waxaa inta uu socday howlgalkan lagu burburiyay gaadiid iyo ciidan ciidan oo Al-Shabaab u tiilay deegaanka Yaaqle ee gobolka Shabeelaha Dhexe. “Howlgalka oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo dhagar qabayaasha Khawaarijta ay wateen, waxa uuna ku soo dhammaaday guul” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay hay’adda NISA. Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran. The post NISA oo howlgal ku dishay horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururka bulshada rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxidiin Shaatax oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna caddeeyay mowqifkooda ku aadan khilaafka taagan. Shaatax ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay kala fogaashaha maxda dalka iyo siyaasiyiinta oo isku qabto arrimo la xiriira sida loo wajahayo doorashooyinka dalka. “Daladda bulshada rayidka Soomaaliyeed waxay aad uga xun tahay qoraallada kala duwan ee kasoo baxay madaxda dalka heer federaal iyo heer dowlad goboleed, taas oo muujineyso khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka in aan weli xal loo helin” ayuu yiri. Guddoomiyaha ururka bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale ka horyimid go’aannadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, wuxuuna tilmaamay in dalka ay geliyeen kala qaybsanaan aad u baahsan. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay in xubnaha golaha wadatashiga qaranka ay isku soo koobeen talada, taasina ay uga sii dartay xaaladda cakiran ee uu ku jiro dalka. “Bulshada rayidka ah waxa ay aaminsan tahay in khilaafyada siyaasadeed ee soo noq-noqday inay salka ku hayaan talada oo ay isku koobeen golaha wadatashiga qaranka” ayuu raaciyay. Waxaa kale oo uu kaa digay sii socoshada khilaafkan oo uu tilmaamay inuu saameyn ku yeelan karo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka. Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la ballaariyo la tashiyada lagana qayb-galiyo maamullada maqan, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka qaybaheeda kala duwan. The post Bulshada rayidka ah oo war culus kasoo saaray khilaafka ka jira DALKA appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Somali Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi met with James Swan, the Acting Special Representative of the United Nations in Mogadishu, on Saturday to discuss the newly established United Nations Transitional Mission in Somalia (UNTMIS), which has replaced UNSOM. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — President Hassan Sheikh Mohamud convinced Somalia's parliament to extend its session this month, deferring its scheduled break to tackle critical legislative matters, particularly those concerning the upcoming elections. 181 MPs endorsed the call, while 12 opposed it, thus validating the initiative for continued legislative work. Source: Hiiraan Online
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa xalay shaacisay heshiis ay qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadda ee Puntland ka gaareen dhismaha Golaha Golaha Degaanka Saddexda degmo ee Gobolka Nugaal (Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo). Heshiiska Xibsiyada Siyaasadda ee 3-da Degmo ayaa ku dhisan isbahaysi sida uu qabo Qodobka 29-aad ee Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo Dhismaha Goleyaasha Deegaanka farqaddiisa 2-aad. oo u dhigan sidaan:- Haddii Xisbina ku guulaysan waayo tirada xubnaha ku filan in uu soo dhisto Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa, sida ku xusan farqadda 1-aad, waxay samayn karaan Xisbiyadu is bahaysi si ay u helaan aqlabiyad ay ku soo dhistaan Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa. Haddab, Heshiiska Xisbiyada Siyaasadda ee 3-da Degmo ayaa u dhigan sidaan hoose:- 1. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Godob-jiiraan ee Gobolka Nugaal, kaas oo dhexmaray Xisbiyada Kaah iyo Mideeye waxay ku heshiiyeen:- A. In Kaynaan Cabdi Jaamac Xirsi uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Godob-jiraan. (Xisbiga Kaah). B. In Maxamed Axmed Saalax uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Godob-jiraan. (Xisbiga Mideeye). 2. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal, kaas oo dhexmaray Xisbiyada Kaah, Runcad, Mideeye iyo Shaqaalaha waxay ku heshiiyeen:- A. In Xaamid Axmed Xaaji Maxamed uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Dangorayo. (Xisbiga Kaah). B. In Axmed Ciise Saciid uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Dangarayo. (Xisbiga Mideeye). 3. Tixraac warqadda ku taariikhaysan 31-10-2024, ujeeddadeeduna tahay Heshiiska dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Garowe ee Gobolka Nugaal, kaas oo dhexmaray Xisbiyada Kaah, Runcad, Mideeye iyo Shaqaalaha. Waxay ku heshiiyeen. A. In Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) uu noqdo Musharaxa Guddoomiyaha Degmada Garowe. (Xisbiga Kaah). B. In Maxamed Cali Maxamed (Xamari) uu noqdo Musharaxa Guddoomiye ku xigeenka Degmada Garowe. (Xisbiga Kaah). Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay wadatashi kooban kadib, dhakhso u soo saaraysso jadwalka Dhaarinta iyo Fariisinta Goleyaasha Deegaanka 3-da Degmo ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan. Halkaan ka akhriso Heshiiska Xisbiyada PUNTLAND POST The post Puntland: Heshiis laga gaaray dhismaha Golayaasha Degaanka Saddexda degmo ee Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo wareysi bixiyay ayaa walaac ka muujiyay in Safaaradda Itoobiya ay ku taallo xeyndaabka Madaxtooyada Soomaaliya. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ay ka dowlad ahaan qorsheysan tahay in safaaradda u guurto xarunteeda rasmiga ah si lamid ah safaaradaha kale ee ku yaalla Muqdisho, kuwaasi oo ka baxsan xarunta Madaxtooyada Villa Somalia. “Safaaradda Itoobiya madagana dhulkeedii in ay ku dhextaal xeyn daabka Madaxtooyada Qaranka waa arrin laga haboon yahay, waxaan ka shaqeyn doonaa sidii ay dhulkeedii hore u dhisan lahayd kaas oo hadda u banaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi. Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay tixgelinayaan dareenka dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan in aysan jeclayn in safaarad dal kale ku dhaxtaalo xeyndaabka Madaxtooyada Qaranka ayna wadaan dadaal ku aadan sidii meesha looga saari lahaa safaaradda Ethiopia ee Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliya ay xujo hor dhigi doonto Itoobiya, taasi oo ah inay ka dalban doonto in safaaradda Soomaaliya dhul laga siiyo gudaha Madaxtooyada dalkaasi, si lamid ah hadda meesha safaaradooda ku taalo. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Safaaradda Itoobiya laga rarayo Xeyndaabka Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay xayndhaabka madaxtooyada dalka ka saarto safaaradda Itoobiya oo halkaas ku shaqaynaysay ku dhowaad 20-kii sanoo la soo dhaafay. Wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed macallin Fiqi ayaa sheegay in Safaaradda Itoobiya ay hadda degantahay gudaha madaxtooyada qaranka, taas oo uu ku tilmaamay arrin laga habboonyahay. Wasiirka ayaa intaas ku daray inay ka shaqaynayaan sidii safaaraddaasi ay ugu guuri lahayd dhulkeedii hore oo hadda bannaan, islamarkaana ay dhisato oo halkaas u guurto ugu dembayn. Safaaradda Itoobiya ayaa gudaha xayndhaabka madaxtooyada Villa Soomaaliya degtay xilligii dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, waxaana hadda loo arkaa in ku sii shaqaynteeda goobtaasi ay tahay halis qaran, maadaama labada dal ay colloobeen. Source: goobjoog.com
-
Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, kuwaas oo loo yaqaan B-52 bombers, ayaa gaaray Bariga Dhexe, iyagoo ka yimid saldhigga cirka ee Minot, gobolka North Dakota. Arrintan ayaa timid maalin kadib markii Mareykanku ku dhawaaqay in uu geynayo qalab milateri oo dheeraad ah gobolka, digniin cadna u diray Iran iyo kooxaha ay taageerto. Sida ay sheegeen taliska dhexe ee ciidanka milatariga Mareykanka ee Bariga Dhexe, diyaaradahaas wax duqeynaya ayaa gaaray saldhigga loogu talagalay, waxaana ujeeddada laga leeyahay tahay in la xoojiyo difaaca iyo sugnaanta danaha Mareykanka ee gobolka. Fiidnimadii Jimcaha, Mareykanka ayaa shaaciyay inuu dirayo diyaarado dagaal, kuwa xambaara booyadaha shidaalka iyo sidoo kale hubka burburiya gantaallada si ay uga jawaabaan khatar kasta oo ay la kulmaan. Afhayeenka Pentagon-ka, Major General Pat Ryder, ayaa sheegay in Mareykanku qaadi doono tallaabo walba oo lagama maarmaan ah si loo difaaco muwaadiniinta iyo danaha Mareykanka, haddii Iran ama kooxaha ay taageerto isku dayaan weerar. Source: goobjoog.com
-
Giorgia Meloni Hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad ayaa lagu eedeeyay in ay basaastay Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni iyo xubno ku dhow oo ka tirsan xafiiskeeda. Hay’adda Mossad oo adeegsanaysa shirkad gaar ah waxaa la sheegay in ay sidoo kale u dhacday xogta wasaaradda arrimaha gudahaTalyaaniga waxaana warbaahinta Talyaanigu ayaa hawlgalkan ugu yeertay ‘shirqool’. Warbixintan oo uu baahiyay wargeyska Israa’iil ka soo baxaya ee Yedioth Ahronoth, ayaa lagu sheegay in afar qof loo xiray howlgalka sirdoonka ee Mossad ay ku basaastay hoggaanka sare ee dawladda Talyaaniga, waxaa laga soo xigtay in Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ay si adag uga carootay shirqoolkan. Waxay ku tilmaantay mid ka dhan ah madax bannaanida iyo dimuqraadiyadda, halka wasiirka difaaca Talyaaniga, Guido Crosetto uu ku boorriyay baarlammaanka in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo sirta qaranka ee suurtagalka ah in la jabsaday. PUNTLAND POST The post Hay’adda sirdoonka Israa’iil oo lagu eedeeyay in ay basaastay Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga appeared first on Puntland Post.