Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,026
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka dalka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan. Qoraal kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe ayaa lagu sheegay in ergayga ugu horeyn baarlamaanka dalka uga mahad-celiyay howlaha la xiriira sameynta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya, waxaa uuna si gaar ah u amaanay shaqada laga qabtay dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo guulihii laga gaaray shirarka Golaha Wadatashiga Qaran. Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee ah in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah, sida lagu sheegay qoraal uu kulankaan kasoo saarya xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka. Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay xafiiska ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed, waxaa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof igo cod ah, si dadka Soomaaliyeed talada gacantoodu loogu celiyo islamarkaana ay hogaankooda u doortaan. Marka laga imaado qoraalka uu kulankaan kasoo saaray xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaa soo baxaya xogo dheeraad ah oo sheegaya in kulankaan uu qeyb ka ahaa wixii shalay ka dhacay baarlamaanka iyo in uu golaha ka fiirsado tallaabooyinka uu qaadayo. Shalay ayey aheyd markii qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa mucaaradka oo qaylo dhaan afka furtay ay ka horyimaadeen tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh uu xildhibaannada uga codsaday inay kalfadhiggooda ku daraan hal bil oo dheeraad ah, islamarkaana fasaxooda ugu hiilayaan dalka iyo dadka, maadaama ay taallo shaqo adag, lagana sugayo inay go’aan ka gaaran heshiiska la gaaray. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha ku kacsan dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada ee ku jira baarlamaanka ay fuliyeen dan uu sheegay inay ka lahaayeen codsiga madaxweynaha. Dhankiisa Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna ka biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan aysan Soomaaliya ka dhici karin doorashooyin qof iyo cod ah. Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaaf siyaasadeed oo horleh uu ka dhashay go’aannada kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, waxaana ka horyimid Puntland Jubbaland iyo Mucaaradka. The post Swan oo kulan xasaasi ah la yeeshay Aadan Madoobe kadib wixii shalay ka dhacay BF appeared first on Caasimada Online.
  2. AQP6WTnWby_nU0Yef4zLI90Xvgumv3s1h9ZDfmZGTNBXYnJan6iUCdS25LprPxmzAKSaa4hNzIvRGAJEuqA6n6iC Qaran News
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maanta labo Markab oo dowladda Masar ay u soo dirtay Soomaaliya ay ku soo xirteen dekedda Muqdisho. Gelinkii hore ee maanta ayaa la hakiyey shaqadii caadiga aheyd ee ka socotay dekedda Muqdisho, si loo dejiyo hub culus oo Masar ay u soo dirtay Soomaaliya. Labada Markab mid ayaa hub sida, halka midka kale uu yahay Markab Dagaal oo ilaalinaya Markabka kale ee hubka sida. Shixnadaan hubka ah waa tii labaad oo Masar ay u soo dirtay Soomaaliya, waxaana lagu taageerayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Waddooyinka halbowlaha ah ee caasimadda Muqdisho ayaa caawa loo xiray si loo daabulo hubka saaran Markabkaan ay soo dirtay dowladda Masar. Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa dhawaan kala saxiixday heshiis iskaashi amni iyo difaac, kaasi oo qalqal ku abuuray Itoobiya, maadaama imaashaha Masar ee Geeska Afrika ay khatar u arkaan Itoobiyaanku. Dowladda Masar ayaa waligeed garab taageed Soomaaliya, labada dal ayaa hada isku kaashanaya cadowgooda dibadda oo ah Itoobiya oo dhibaato ku heysa labada dalba. The post Xog: Maraakiib hub cusub ka soo dejisay Muqdisho iyo dowladda soo dhiibtay appeared first on Caasimada Online.
  4. Guddoomiyaha golaha shacabka ahna, Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) xafiiskiisa kulan kula qaatay ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan. Ergayga ayaa ugu horeyn Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka uga mahadceliyay howlaha la xiriira sameynta shuruucda muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya, waxaa uuna si gaar ah u amaanay shaqada laga qabtay dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo guulihii laga gaaray shirarka Golaha Wadatashiga Qaran. Ergayga gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa sidoo kale soo dhoweeyay qorshaha dowladda Soomaaliyeed ee ah in dalka looga qabto doorasho qof iyo cod ah. Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay xafiiska ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya taageerada ay mar walba la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed. waxaa uuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso in dalka ay ka dhacdo doorasho qof igo cod ah, si dadka Soomaaliyeed talada gacantoodu loogu celiyo islamarkaana ay hogaankooda u doortaan. Source: goobjoog.com
  5. Dambi baarayaasha Kenya ayaa maanta ku guuleystay qabashada Hashim Dagane Muhumed kadib baaritaan dheer oo ku saabsan dilalka naxdinta leh ee loo geystay hooyo, gabadheeda, iyo gabadh ay habar u ahayd oo 12-jir ahayd. Falkaas murugada leh wuxuu sababay in si dhab ah loogu dhaqaaqo baadi-goobka tuhmanaha. Hashim Muhumed ayaa hadda ku jira xabsiga booliska, waxaana lagu samaynayaa baaritaan iyo habraacyada looga baahan yahay kahor inta aan la soo taagin maxkamadda. Waaxda Dambi Baarista (DCI) waxay ku adkeysaneysay inay si buuxda uga shaqeyneyso in cadaaladda loo helo dhibanayaasha iyo qoysaskooda tiiraanyeysan. Warbixintu waxay muujineysay in Hashim Dagane Muhumed lagu qabtay howlgallo qorsheysan oo ay iska kaashadeen dambi baarayaasha iyo laamaha ammaanka, taas oo qayb ka ahayd dadaal ballaaran oo lagu xaqiijinayo in dadka ka dambeeya dambiyada halista ah aan loo oggolaan inay baxsadaan. Source: goobjoog.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa shaaciyay inuu iska casilay xilkii Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Soomaaliya, kadib markii sida uu sheegay uu “ku qancay in hoggaanka dalka uusan haynin wadadii saxda ahayd”. Daqare, ayaa noqday wasiirkii labaad oo maanta iska casilay xukuumada Xamsa Cabdi Barre, sidaan oo kale waxaa maanta duhurkii isku casilay wasiiru dowlihii wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Cabdirashiid Jiley. “Mudo dheer markaan isha ku hayay Hab-dhaqanka iyo Hannaanka Hoggaanka Xukuumadda aan ka midka ahay, anigoo xeerinaya waajibka iga saaran dalka iyo dadka aan matalo, waxaan ku gancay in Xukuumadda aan xubinta ka ahay haynin wadadii saxda ahayd ee loo igmaday, ayna baalmartay Dastuurkii lagu soo doortay iyo Barnaamijkii lagu ansaxiyay,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare. Sidoo kale wasiir ku xigeenkaan iska casilay wasaaradda waxbarashada wuxuu sheegay in si ula kac ah Hoggaanka Xukuumadda uu u maray wado horay aan loo soo mahdin, taas oo laga dhaxlay dhibaatooyin siyaasadeed bulsho iyo kuwo dhaqaale oo la filayay in lagu soo cibro qaato oo Dalka iyo Dadka lagu hoggaamyo dhanka midnimada iyo wadajirka. “Waxaaan aad oga xumahay in Bulshadii aan matalayay laga dhigay mid laga saaray Soomaalinimada sida SSC, mid laga shaqeeyay burburkeeda, markii lagu fashilmayna la cunaqabateeyay sida Puntland, iyo mid hadda loo masaaro tumanayo burburinteeda sida Jubbaland oo si aan ganbad lahayn looga shaqeynayo in la galiyo jahawareer siyaasadeed iyo afgambi,” ayuu yiri Daqare. Masuulkaan iska casilay xukuumada Xamsa ayaa sheegay in si bareer ah loo baalmaray hannaankii awood qaybsiga siyaasadeed ee Soomaalidu ku heshiisay, lana qaaday wado kali-talisnimo ah. “Waxaa halqabsi laga dhigtay loo jooji maayo, taas oo horseedaysa kala irdhow iyo burbur hor leh, iyadoo la wada ogsoon yahay khataraha ku gadaaman maanta Soomaaliya,” ayuu qoraalkiisa is casilaada ku yiri Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare. Wuxuu sheegay inuu ku qancay in Xukuumadaan ay ku hawlan tahay in ay dhiig ku daadiso Jubbaland, kana rido dagaal sokeeye, iyadoo sida uu sheegay rabta in ay ku fushato danaheeda gaarka ah. “Waxaan go’aansaday markaan damiirkeyga la tashaday in aan iska casilo Xilka Wassiir ku Xigeenka Wassaarada Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare,” ayuu yiri Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare. Ugu dambeyntii wasiir ku xigeenka is casilay ayaa baaqiisa ku yiri, “Waxaan Umada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay ku baraarugto, isla markaasna ka hortimaado damaca guracan ee lagu afduubayo mustaqablka Umadda Soomaaliyeed, laguna kala geynayo Umadda walaalaha ah ee la soo daalaa dhacaysay dhibaatooynkii ka dhashay dagaaladii sokeeye.” The post Wasiirkii labaad oo DF iska casilay, shaacana ka qaaday ‘qorshe halis ah oo socda’ appeared first on Caasimada Online.
  7. Xildhibaan Axmed Cismaan Daqare ayaa maanta si lama filaan ah isaga casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Federaalka Soomaaliya isagoo ahaa Wasiir Kuxigeenka Waxbarashada. Iscasilaadda Axmed Daqare ayaa la sheegay inay la xiriirto ismaandhaaf siyaasadeed iyo khilaaf dhex maray madaxda sare ee dowladda iyo maamulka Jubbaland. Go’aanka Axmed Daqare ayaa ka dhigay wasiirkii labaad ee muddo kooban gudaheed iska casila xafiis ka tirsan xukuumadda, isagoo ka soo jeeda Jubbaland—tani oo muujineysa in khilaafka siyaasadeed uu sii xoogeysanayo. Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay iscasilaadda Axmed Daqare, hase yeeshee qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka ayaa sheegay in ay la xiriirto cadaadis uga yimid hoggaanka Maamulka Jubbaland. Source: goobjoog.com
  8. Gudoomiye Kuxigeenka KDQ Axmed Cismaan Xasan iyo Komishineer Siciid Maxamed Cisnmaan oo ku sugan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa maanta waxay kulan la yeesheen Guddida Amniga Gobolka Togdheer oo ay hormuud u yihiin Badhasaabka Gobalka Togdheer, iyo Taliyayaasha Ciidamada kala duwan ,waxay labada dhinac kulanka kaga wada hadleen hawlaha amniga doorashada. Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlaha wasaaradda qorsheynta Cabdirashiid Jire ayaa maanta iska casilay xilkii, isagoo istiqaalada is-casilaadiisa u gudbiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre. Wasiir Cabdirashiid Jire oo deegaan ahaan kasoo jeeda Jubbaland ayaa is-casilaadiisa ku sababeeyay dhowr arrimood oo intooda badan uu ku eedeeyay xukuumadda iyo xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD. Jire ayaa sheegay in go’aankiisa is-casilaadda ay qeyb ka tahay in dowladda dhexe aysan wax ixtiraam ah u hayn deegaanada uu kursiga ugu fadhiyo, islamarkaana ay ku howlan tahay sidii deegaamadaas aan kor kusoo xusay looga abuuri lahaa colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed. “Markaan arkay hab dhaqanka xukuumadda loogu yeeray Dan-Qaran oo aan u adeegeyn danta umadda Soomaaliyeed ee ay noqotay mid ka shaqeysa dano gar ah. Kadib markaan arkay in hab-dhaqankii aan xukuumaddii 2017-2022-kii kaga hornimid mid lamid ah ay haatan wadaan madaxda dowladda federaalka ee maanta joogta taasi oo dalka galinaysa hubanti la’aan siyaasadeed iyo kala tag bulsho,” ayuu yiri. Waxa uu intaas kusii daray “Kadib markaan arkay in hanaankii awood qeybsiga 4.5 ee ay Soomaali ku heshiisay, islamarkaana dadku ku qanacsanaayeen uu meesha ka baxay, lana bilaabay in nidaam xisbi (UPD, DAMUL-JADIID) oo aan sharci aheyn lagu maamulo talada dalka.” Sidoo kale waxaa kamid ah eedaha uu Jire u jeediyay xukuumadda uu iska casilay maanta in hab-dhaqankeeda uu yahay mid aan u adeegeynummadda Soomaaliyeed oo ay noqotay mid ka shaqeyneysa dano gaar ah iyo sidoo kale hal ku dhiggii Soomaali heshiis ah Dunidana la heshiis ah uu noqday wax kama jiraan ah oo dagaallo sokeeye ka socdaan meelo badan, islamarkaana dowladda federaalka aysan wada shaqeyn ka dhaxeyn dowlad-goboleedyada. “Waxaan go’aansaday in maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da November 2024 in aan iska casilo xilkii wasiiru-dowlaha wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, waxaana dadka aan matalo ugu shaqeyn doonaa xilkii ay iisoo wakiisheen ee golaha sharci dejinta, aniga oo marwalba danaha deegaan doorashooyinka aan metelo ka hormarin middayda gaarka ah.” The post Wasiir maanta iska casilay DF oo eedeymo culus u jeediyay Xasan Sheekh iyo kooxdiisa appeared first on Caasimada Online.
  10. AQN38dxOU4o_kYuIHtMa5AgLIruJdi1YSQFkbJ4TwXTnvWzMnn4pdNSEfvH9HP9Y-MsfxZPUxD7Go5UIeSJzkIzu Qaran News
  11. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay dishay horjooge ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ku sugnaa magaalada Buuhoodle. Ninkan oo Somaliland ay magaciisa ku sheegtay Cabdiqani Sulub, ayaa waxay sheegtay inuu ahaa taliyaha labaad ee xero ay kooxda Al-Shababa ku leedahay Buuhoodle. Sida ay sheegtay Somaliland ninkaan ayaa waxaa lagu dilay dagaalkii u dambeeyay ee toddobaadkan ka dhacay aagga Sool. Arrintan ayay ku shaacisay Somaliland qoraal ay kasoo saartay dagaalka kasoo cusboonaaday gobolka Sool, iyadoo oo ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya inay gadaal ka riixayso dagaalamayaal ay sheegtay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo ciidamada SSC-Khaatumo. Somaliland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarkan uu yahay isku day lagu doonayo in lagu carqaladeynayo doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan 13-ka Noofembar 2024. Horay maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa ku eedeyeyey ciidammada Somaliland inay soo weerareen saldhigyo ay ku leeyihiin degmada Buuhoodle. SSC-Khaatumo ayaa ku tilmaamay weerarkan mid loogu tala-galay in lagu wiiqo nabadda iyo xasilloonida ka hanaqaaday gobolkaasi. Tan ayaa imaneysa xilli ay habeen hore dowladda federaalka Soomaaliya soo saartay baaq nabadeed ay ku wargelinayso dhinacyada colaadda ka dhex taagan tahay inay joojiyaan dagaalka. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ku boorrisay odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo dhammaan bulshada inay door muuqda ka qaataan joojinta colaadaha iyo xasilloonida degaannada ay dirirtu ka jirto. 1-dii bishaan ayey ahayd markii dagaal u dhaxeeya maleyshiyo beeleed kasoo kala jeeda Somaliland iyo SSC-Khaatumo uu ka dhacay deegaano miyi ah oo hoosyimaada degmada Buuhoodle. Waxaa dagaalkaas ka dhashay khasaare nafeed oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Labada dhinac ayaa lagu eedeynayaa inay dabada ka riixayaan colaadda, iyadoo ciidamo iyo gaadiid dagaal oo ka kala tirsan labada dhinac ay qeyb ka yihiin colaadda. The post Somaliland oo sheegtay inay dishay sarkaal sare oo Al-Shabaab ah oo ku sugnaa… appeared first on Caasimada Online.
  12. Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Yurub ee Slovenia Mrs. Tanja Fajon, oo booqasho ku timid dalka. Raiisul Wasaaraha iyo Raiisul Wasaare ku Xigeenka ayaa ka wada hadlay sidii Soomaaliya iyo Slovenia isaga kaashan lahaayeen danaha guud ee labada dal gaar ahaan arrimaha isbeddelka cimilada, daryeelka bulshada, amniga iyo xuquuqda aadanaha, maadaama ay Soomaaliya ka mid noqoneyso Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay oo Slovenia ay xubin ka tahay. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga warbixiyey dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto kooxaha Khawaarijta ah, howlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada iyo guulaha la taaban karo ee dowladdu ka samaysay dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bulshada, iyadoo Mrs Fajon ku ammaantay Soomaaliya guulaha waaweyn ee ay gaartay labadii sano ee la soo dhaafay. Source: goobjoog.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Machadka cilmi barista Haritage ayaa Sabtidi shalay soo saaray, warbixin uu diiradda ku saaray xaaladaha siyaasadeed ee hadda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan natiijooyini dhawaan kasoo baxay shirki Golaha Wadatashiga Qaran. Warbixinta ayaa saluugtay ka maqnaansha Puntland iyo Jubaland ee muddadii uu socday kulankii u dambeeyay ee madaxda sare ee dalka. Hoos ka aqriso warbixinta Haritage oo dhameystiran; Go’aankii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka 30-kii, Oktoober 2024, ayaa dood weyn oo culus ka dhex dhaliyay hormuudka siyaasadda dalka. Go’aamadan ayaa taabanaya arrimo xasaasi ah oo la xiriira doorashooyinka soo socda ee heer faderaal iyo heer dowlad goboleedba. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo qaba, kuna adkaysanaya, in dalka laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah ayaa ah ayaa dooddan xuddun u ah. Mabda’an, doorashooyin qof iyo cod ah, waxa uu ka turjumayaa rabitaanka inta badan ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo u hanqal taagaya in ay ka gudbaan nidaamka doorashada dadban taas oo ragaadisay doorashooyinkii dhowaan dalka ka qabsoomay. Doorashooyinka dadban waxa si weyn u saameeya musuq-maasuq iyo nin jeclaysi ay ku kacaan hoggaamiyeyaasha faderalka iyo dowlad goboleedyaduba, kuwaas oo keena xasilooni darro siyaasadeed iyo niyadjab baahsan. Dadka Soomaaliyeed waxa ay si weyn u xasuustaan jaahwareerkii iyo qalalaasihii siyaasadeed ee 2016/2017 iyo kii 2021/2022, xilliyadaas oo ay doorashooyinkii dhacay ku suntanaayeen ku shubasho, faragalin iyo musuq-maasuq baahsan. Qaran uu hareeyay degenaansho la’aan siyaasadeed tan iyo doorashooyinkii musuqmaasuqa ba’naa ee dhacay 1969-kii, oo uu ka dhashay afgambigii militariga, in lagu soo dabbaalo doorashooyin qof iyo cod ahi waa yididiilo iyo rajo dimuqraaddiyadeed oo Soomaaliya gaadhitaankeeda u halgamayso, balse ka miradhalinteedu u baahan tahay feejignaan dheeraad ah. Aragtida ku salaysan doorashooyin qof iyo cod ah, oo ay wehilso siyaasad ku dhisan xisbiyo siyaasadeed salka ku haya tartan fikradeed, ayaa ah mid ay dadka Soomaaliyeed ku helayaan fursad ay ku kala xushaan, kulana xisaabtamaan madaxdooda. Aragti ahaan, in loo guuro mabaadi’da dimuqraaddiyaddu waa arrin ay soo dhowaynayaan dhammaan dadka doorka ku leh siyaasadda Soomaaliya. Laakiin, in kastoo ay tahay arrin soo jiidasho leh, in badan oo ka mid ah mawaadiniinta iyo dadka doorka siyaasadeed lihi shaki weyn ayay ka qabaan ujeeddooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo weliba awoodda uu u leeyahay in uu fuliyo ballanqaadka doorashooyin qof iyo cod ah, marka loo eego sababahan soo socda: Tan koowaad, Madaxweyne Xasan Sheekh, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wadatashiga Qaranka (marka laga reebo Puntland), ayaa 2023 sameeyay ballan kan la mid ah, isaga oo sheegay in doorashooyin qof iyo cod ah lagu soo dooran doono golayaasha deegaanka ee dalka iyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, kuwaas oo dhicitaankooda loo qoondeeyay 2024; balse waa uu ku guuldarreystay fulinta ballanqaadkaas. Taasi waxa ay sabab u noqotay in dad badani su’aal galiyaan sida uu madaxweynuhu uga *****n karo ballanqaadkiisan cusub. Tan labaad, madaxweynuhu waxa uu heshiiskan la galay hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada oo uu muddo-xileedkoodu dhammaaday sannad ka hor. Hoggaamiyeyaashan ayaa cimri-dherer siyaasadeed ka dhex arka dibudhaca doorashooyinka ee soo noqnoqday, maadaama muddo-kororsigu u suuragalinayo in ay sii haystaan xilal aan lagula xisaabtamin ama aan sharci ku dhisnayn. Soomaali badan ayaan liqi karin in sannad kale loo kordhiyo hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, taasina waxa ay kor u qaadday shakiga laga qabo sida ay madaxda madashu u hir-galin karaan doorasho qof iyo cod ah oo dhab ah. Tan saddexaad, ballanqaadka Madaxweyne Xasan Sheekh, ee ku saabsan doorashooyin qof iyo cod ah, waxa uu noqon lahaa mid lagu kalsoonaan karo haddii uu ku guulaysan lahaa in uu gobolka Benaadir ka hirgaliyo doorasho deegaan oo qof iyo cod ah, maadaama ay tahay gobolka kaliya ee ay si buuxda u xukunto dowladda faderaalku. In kasta oo ay jiraan ballanqaadyo soo noqnoqday, oo markasta bura, haddana ku dhowaad saddex milyan oo qof oo deggan gobolka Benaadir ayaa weli ku hoos jira maamul kor laga soo magacaabay, taas oo duudsiday xuquuqdoodii ay u lahaayeen doorashada hoggaamiyayaashooda. Ballanqaadyadaas aan la fulin ayaa shaki weyn gelinaya in uu madaxweynuhu ka dhabeeyn doono qabashada doorashooyin qaran oo qof iyo cod ah, sababta oo ah waxa muuqda isdiiddooyin u dhaxeeya hadalka iyo ficilka. Tan afaraad, abaabulka doorashooyinka qof iyo codka ah ee soo cusboonaaday, ayada oo la dhaafay bartamihii muddo-xildeedka madaxwaynaha, ayaa sii xoojiyey oo kaliya shakiga u dhexeeya daneeyayaasha siyaasadda. Dad badan ayaa ka walaacsan in ay arrintani noqon karto xeelad siyaasadeed oo uu madaxweynuhu muddo-xileedka ku kororsanayo marka ay ka dhamaanto afarta sano, taas oo la mid ah isku daygii madaxweynihii isaga ka horreeyay sanadkii 2021. Isku daygaas ayaa horseeday iska hor-imaadyo rabshado wata oo ka dhacay Muqdisho, taas oo muujisay cawaaqibxumada ka dhalan karta doorashooyinka sida xun loo maamulo. Tan shanaad, caqabadda ugu weyn ee hortaagan ka *****nta doorashooyin qof iyo cod ah, waa maqnaanshaha laba gobol ee xubnaha ka ah dowladda faderaalka oo kala ah Puntland iyo Jubbaland, oo uu weliba weheliyo maamulka dhowaan la aqoonaday ee SSC-Khaatumo. Bulsho aad u kala qaybsan, wadajirka iyo wadar-oggolku waa u lafdhabar, sidaas darteed doorasho kasta oo la doonayo in lagu qanco waxa ay u baahan tahay in ay qayb ka noqdaan gobollada maqan iyo siyaasiyiinta mucaarku. Haddii aanay heshiis ku ahayn daneeyayaasha siyaasaddu, oo ay ku jiraan mucaaradku, helis weyn ayaa ku gadaamnaan karta sharcinimada doorashooyinka qof iyo cod ah. Marka loo eego caqabadahan, madmadow badan ayaa ku gadaaman dooraashooyinka qof iyo cod ah ee ku qabsooma jawiga siyaasadeed ee hadda jira. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhowaan ku dhawaaqay in uu gogol turxaanbixin ah u dhigayo dowlad goboleedyada fikirkan ka soo horjeeda ayaa ah tallaabo wanaagsan. Tallaabadani waxa ay abuuraysaa rejo wanaagsan oo weli suuragalin karta in is-afgarad iyo dhab-u-heshiin siyaasadeed laga gaaro doorashada soo socota. Hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubbaland waxaa ku gudboon in ay soo dhaweeyaan gogosha uu madaxweynuhu ku baaqay, oo ay dib ugu soo biiraan Golaha Wadatashiga Qaranka, iyaga oo qiimaynaya danta midnimada qaranka. Sida oo kale, waa in uu Madaxweyne Xasan Sheekh muujiyaa dabacsanaan iyo xilkasnimo hoggaamineed, isaga oo u tanaasulaya, isla markaana tixgelinaya tabashooyinka dowlad goboleedyada maqan iyo kooxaha mucaaradka. Ruuxdaas wadashaqayneed waa jidkii uu Madaxweyne Xasan Sheekh laftiisu u ololaynayay markii uu ahaa hogaamiye mucaarad ah sannadihii 2021 iyo 2022. Si hore loogu tallaabsado, waxa ay talooyinkan soo socda tibaaxayaan jidka loo mari karo hannaan doorasho oo xasilloon, loo dhan yahay, islamarkaana lagu kalsoonaan karo: 1. Abuuridda hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay: In la sameeyo hannaan doorasho oo ay heshiis ku yihiin dowladda faderaalka, dawladaha xubnaha ka ah federaalka, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah. Hannaanka noocan ahi waxa uu horseedayaa aasaas waara loo dhigo doorashooyinka 2026, wuxuuna kobcinayaa midnimo qaran. Degdegga iyo meel soke wax ka raadinta waxaa laga dhaxlayaa kala qaybsanaanta iyo kalsooni darroda oo sii xoogeysta. 2. Abuuridda hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay: Hufnaanta hannaanka doorashadu waa lama huraan. Iyada oo aan loo eegin in doorashadu tahay mid toos ah ama mid dadban, hannaan doorasho hufan oo caddaalad ahi waa inuu Meesha ka saaraa dhaqannadii musuqmaasuqa, isla markaana dammaanad qaadaya islaxisaabtan. Xarumo dhawr ah, oo uu ka mid yahay machadka Heritage, ayaa soo bandhigay hannaano doorasho macquula ah, lana hirgelin karo, kuwaas oo horseedi kara hab doorasho hufan, oo lagu kalsoonaan karo, taas oo ay habboon tahay in ay dowladda faderaalku dhaqangaliso. 3. In Midnimada Qaranka laga hormariyo danaha siyaasadeed ee muddada dhow: Madaxda Soomaalidu waa in ay damacooda shaqsiga ah ka horraysiiyaan xasilloonida qaranka. Ma jiro hoggaamiye Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo keligii rabitaankiisa ku jujuubi kara qaranka; hoggaamin dhab ah ee Soomaaliya waxa ay u baahan tahay isu-tanaasul, wadaxaajood, iyo ku mitid xukun la wadaago. Ugu danbayn, madaxda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadu waa in ay mudnaanta siiyaan hufnaanta iyo xalaalnimada doorashada, marka loo barbardhigo nooca doorashada. Ama halla hirgeliyo doorasho toos ah ama mid dadbane, jidka kaliya ee lagu soo noolayn karo kalsoonida shacabku waa in Soomaaliya laga hirgaliyo doorasho caddaalad ah oo ka madax bannaan talo-marooqsiga iyo musuqa madaxda federalka iyo kuwa goboladda, taas ayaana lagu gaari karaa nidaam dimuqraadiyadeed iyo mustaqbal siyaasadeed oo xasilloon. In dalka oo dhan laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah ayaa lafdhabar u ah guusha safarka doorashooyinka Soomaaliya. Hirgelinta doorasho hufan loona dhan yahay, ayaa ah rejada ugu wanaagsan ee ay Soomaaliya ku gaari karto nabad waarta iyo mustaqbal hagaagsan. Ka *****tna iyo xaqiijinta riyadaasi waa masuuliyad saaran dhammaan hoggaanka siyaasadda Soomaaliya. The post Go’aanka golaha wadatashiga iyo cawaaqibka siyaasadda mustaqbalka dalka appeared first on Caasimada Online.
  14. Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si kal furran u qaabiley,isla markaana Xisbiga WADDANI ugu soo dhaweeyey siyaasi Mubaarik Cabdillaahi Dhoomagaab,kaas oo ka oo hore uga tirsanaan jiray Xukuumadda KULMIYE. Qaran News
  15. Mogadishu (HOL) — Somalia's National Intelligence and Security Agency (NISA) reported the killing of 27 al-Shabab militants in a 12-hour military operation in the Yaaqle area of the Middle Shabelle region. Source: Hiiraan Online
  16. Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Qorsheynta, C/rashiid Jire, oo ka soo jeeda Jubbaland, ayaa si rasmi ah ugu gudbiyay istiqaaladiisa Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, isaga oo iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda. C/rashiid Jire waxa uu ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada, waxaana uu horey uga mid noqday shaqsiyaadka Jubbaland ugu soo biiray xukuumadda si ay u matalaan deegaannadaas. Dhowr Wasaaradood ayuu soo qabtay Wasaaraddaha Jubbaland ka hor inta uusan usoo dalacin heer federaal. C/rashiid Jire ayaa sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana uu door weyn ku lahaa matalaadda siyaasadda Jubbaland ee heer federaal. Xiriirkiisa gaarka ah iyo wada shaqeynta dhow ee uu la leeyahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo waramaya in ay sabab u tahay iscasilaaddiisa. Waxaa uu sidoo kale jiray in khilaaf oo ka dhex jiray Wasiiru Dowlaha iyo Wasiirka Wasaaradda. Ninkaan ayaa ka mid ahaa Xubnihii ugu horreeyay ka mid noqday Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse. Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFJS Sheekh Aadan Madoobe oo ay wehliyaan wasiirka gaashaandhiga Cabdulqaadir Jaamac iyo taliyaha ciidanka xooga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka qeyb-galay xarig jarka xarunta cusub ee taliska ciidanka dhulka xoogga dalka. Sheekh Aadan Madoobe oo si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee taliska ciidanka dhulka xoogga dalka ayaa bogaadiyay furitaanka xaruntan, isaga oo u mahadceliyay taliska ciidanka xoogga dalka iyo qof walba oo ka qeyb qaatay dhismaha xaruntan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo xarumahooda ay guul iyo sharaf u tahay dowladnimadda Soomaaliyeed. Waxa uuna bogaadiyay howl-galada dalka looga ciribtirayo Khawaariijta ee ay geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka wadaan gobolada dalka iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray. Ugu dambeyn ku-simaha madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in goordhow kooxaha khawaariijta laga ciribtiri doono guud ahaan dalka. Xafladda xarig jarka xarunta cusub ee taliska ciidanka dhulka xooga dalka, waxaa sidoo kale ka qeyb-galay guddoomiyaha guddiga difaaca ee Golaha Shacabka, taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka, taliyaha ciidanka cirka, talisyada qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka, saraakiil ka socotay dowladda Turkiga oo uu ka mid yahay taliyaha xerada tababarka ciidanka ee Turksom iyo sidoo kale marti sharaf kale. Si kastaba, xaruntan ayaa ah mid heer sare ah oo taliska ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed uu hadda kadib ku howl-gali doono. The post Sawirro: Ciidanka dhulka oo maanta yeeshay xarun cusub oo heer sare ah appeared first on Caasimada Online.
  18. Wasiiru-dowlihii wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Jire Qalinle oo ka soo jeeda Jubaland ayaa Maanta iska casilay Xilkaasi. Qoraal Rasmi ah oo uu u gudbiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayuu ku caddeeyay Cabdirashiid Jire Qalinle in uu iska casilay Xilkii Wasiiru-dowlihii wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Mudane Cabdirashiid Jire ayaa ku sababeeyay is casilaaddiisa in dowladda Soomaaliya ee hadda Talada haysa si gaar ah u takoorayso Maamullada Puntland, Jubaland iyo SSC-khaatumo islamarkaana ka abuurayso colaado iyo xasilooni-darro siyaasadeed. Dowladda Xasan Sheekh ayuu sidoo kale ku eedeeyay in ay ka been-sheegtay Hal-ku-dhigii ahaa “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la’ ah” waxaana uu sheegay in Soomaaliya ka gashay dagaallo Sokeeye iyo Kala tag bulsho. Halkaan ka akhriso Qoraalka Is casilaadda PUNTLAND POST The post Cabdirashiid Jire Qalinle: Waxaan isu casilay colaadda Villa Somalia ka hurinayso Puntland iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.
  19. Weerar hoobiyeyaal ah ayaa ka dhacay agagaarka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo. Dhowr Hoobiye oo laga soo riday meel ka baxsan gudaha xerada ayaa ku dhacay. Xalane waa xero ciidan oo ay ku yaalliin xarumo muhiim ah, sida safaarado, xarumo hay’ado caalami ah iyo kuwa amni oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS. Dadka goob joogga ahaa ayaa soo wariyay in hoobiyeyaashu ay ku dhaceen dhowr meelood oo kala duwan, taas oo keentay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay maadaama goobta ay wax ku dhaceen durbadiiba ay xireen Ciidanka. Amniga Gudaha Xerada ayaa si weyn loo adkeeyay. kooxda Shabaab ayaa dhowr mar weeraro noocaan oo kale ah ku qaaday gudaha xerada Xalane. Source: goobjoog.com
  20. Guddoomiyaha golaha shacabka, ahna Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka qeyb-galay xarig ka jarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay furitaanka xaruntan, isaga oo u mahadceliyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo qof walba oo ka qeyb qaatay dhismaha xaruntan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qalabeynta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo xarumahooda ay guul iyo sharaf u tahay Dowladnimadda Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay howlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaariijta ee ay geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka wadaan gobolada dalka iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray. Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in goordhow kooxaha khawaariijta laga ciribtiri doono guud ahaan dalka. Xafladda xarig jarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Cirka, talisyada qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay dowladda Turkiga oo uu ka mid yahay taliyaha Xerada Tababarka Ciidanka ee Turksom iyo sidoo kale marti sharaf kale. Source: goobjoog.com
  21. Tehran (Caasimada Online) – Mareykanka iyo Israa’iil “waxaa hubaal ah inay heli doonaan jawaab celin xun”, ayuu yiri hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran, ka dib weerar ay Israa’iil ku qaadday Iran toddobaad ka hor. Ayatollah Ali Khamenei, ayaa hadalkan u sheegay isagoo la hadlayey arday sabtidii ka hor sanad guuradii 45-aad ee ka soo wareegtay markii la weeraray safaarada Maraykanka ee Tahran sanadkii 1979-kii Hanjabaada ayaa imaanaysa iyadoo Iran ay qiimeyneyso haddii iyo sida laga yeelayo weerarkii Israa’iil ee bishii hore. Iran ayaa sheegtay in weerarkaas looga dilay afar askari kaas oo aargoosi u ahaa gantaallo ay Iran ku weerartay Israa’iil horraantii Oktoobar. Weerarka Iran ayaa jawaab u ahaa dilka hogaamiyayaasha Xisbullah iyo Xamaas – kooxaha hubaysan ee Iran taageerto ee dagaalka kula jira Israa’iil iyo taliye sare oo Iran ah. Khamenei, waxa uu sheegay in cadawga Iran, oo ay ku jiraan Israa’iil iyo Maraykanka, “hubaashii ay heli doonaan jawaab adag oo ku saabsan waxa ay ku hayaan Iran, dadka Iran, iyo kooxaha iska caabinta”. Iran waxa loogu yeero “ dhidibka wax iska caabinta” waa isbaheysiga kooxaha ay taageerto Tehraan oo ay ka mid yihiin Xamaas ee Qasa, Xisbullahee Lubnaan, Xuutiyiinta Yemen, iyo kooxaha sida fiican u hubaysan ee Ciraaq iyo Suuriya. Badi waxa ay dawladaha reer galbeedka qaarkood u aqoonsadeen inay yihiin ururo argagixiso. Israa’iil ayaa la sheegay in ay burbur xooggan u geysatay difaaca hawada Iran iyo awoodda gantaallada weerarkeeda 26-kii Oktoobar, inkastoo Iran aysan arrintaas qiran. Israa’iil ayaa Iran u aragta in ay tahay taageeraha muhiimka ah ee weerarrada Xamaas ee lagu dilay 1,200 oo qof 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore. In ka badan 250 ayaa sidoo kale loo qafaashay Marinka Qasa iyagoo afduub ahaan halkaasi loogu haysto. Wixii markaas ka dambeeyay Israa’iil waxay Qasa ka billowday howlgal ballaaran, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 43,300 oo qof, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas oo ay maamusho Xamaas. Israa’iil ayaa sidoo kale bishii Sebtembar ee sannadkan qaaday weerar ka dhan ah ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan, kaddib muddo sannad ku dhow oo ay dagaallo ka socdeen xuduudda, kuwaasoo ay Xisbullah billaabeen inay ku taageerto Falastiiniyiinta maalin kaddib weerarrada Xamaas. Israa’iil waxay sheegtay inay doonayso inay xaqiijiso inay si nabad ah ku soo laabteen tobanaan kun oo qof oo ka barakacay waqooyiga Israa’iil dib colaada halkaasi ka oogan. In ka badan 2,800 oo qof ayaa lagu dilay Lubnaan tan iyo markaas, 1.2 milyan oo kalena waa ay barakaceen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Lubnaan. Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in in ka badan 60 qof ay ku dhinteen weerrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo gantaallada Hezbollah ee waqooyiga Israa’iil iyo buuraha Golan ee la haysto. Saraakiil sarsare oo Maraykan ah ayaa ku laabtay Bariga Dhexe si ay isugu dayaan in ay xabbad joojin ka dhex dhaliyaan Israa’iil iyo Xisbullah ee Lubnaan. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in wada xaajoodyadu ay “horumar wanaagsan” sameeyeen Khamiistii heshiis suurtagal ah. Brett McGurk oo ah isku duwaha bariga dhexe ee madaxweyne Biden iyo Amos Hochstein oo hormuud ka ahaa wada xaajoodka khilaafka Xisbullah ayaa gaaray Israa’iil inkasta oo Maraykanku hadda ku jiro doorashada madaxtinimada oo dalkaasi ka dhacaysa bilowga Bishan Nofember. Tan iyo markii ay colaaddu sii korortay shan toddobaad ka hor, Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah oo baahsan ka wadda guud ahaan Lubnaan iyo duullaan dhanka dhulka ah oo ay ku qaadday deegaannada u dhow xadka. Isha: BBC The post Hoggaamiyaha IRAN oo hanjabaad culus u direy Israel iyo Mareykanka – Muxuu ku goodiyay? appeared first on Caasimada Online.
  22. Howlgal ay ka fuliyeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA deegaanka Yaaqle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu guuleystay in lagu dilo ilaa 27 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Shabaab. Howlgalka ayaa sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan. Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyey ayaa lala beegsaday kooxo argagixiso ah oo shabaab kasoo ururiyeen deegaanno kala duwan si ay u fuliyaan falal waxyeelo u leh shacabka Soomaaliyeed. Intii uu socday howlgalka oo qaatay in ka badan 12 saacadood ayaa sidoo kale lagu burburiyey gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay wateen Shabaab. Ciidamada NISA ayaa xaqiijiyey in howlgalkan uu kusoo dhammaaday guul, iyaga oo ku guuleystay in ay ka hortagaan khatarta kooxda ee qorsheynayay inay dhibaatooyin u geystaan dadka rayidka ah. Source: goobjoog.com