Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,069
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ku dhowaad 3 kun oo ruux ayaa ku geeriyooday duullaanka maamulka Israa’iil ee dalka Lubnaan, waxaana xog ay dowladdu soo saartay ay tilmaamaysaa inay dad badani ku naf waayeen duqeymaha iyo duullaanka dhulka ah ee Israa’iil Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa shaacisay in 2,968 oo qof ay ku shahiideen duqeymaha iyo dagaalka tooska ah ee Israa’iiliyo, halka dhaawacyadana ay ku sheegtay 13,319 tan iyo bilowgii weerarka Israa’iil. Dagaalka Ururka Xisbullaahi iyo maamulka Israa’iil ayaa haatan meel adag maraya, ayadoo Israa’iil qudheeda khasaare milari iyo rayid oo baaxad lihiba ay gaareen, islamarkaana gantaallada Xisbullaahi ay koonfurta iyo bartamaha Israa’iil joogto ugu hoobanayaan. Source: goobjoog.com
  2. Taliska Booliska Soomaaliyeed oo war ka soo saaray shaqaaqadii maanta ka dhacday degmada hodan ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka xoogga dalku ay is hor taageen howlgal waddo furis ah oo boolisku ay wadeen. War saxafadeedka oo uu saaray boolisku ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigey 12 ruux oo ku lug lahaa is rasaasayntii maanta muqdisho ka dhacday, taas oo lagu eedeeyay rag militariga ka tirsan oo dhinacyo kala la safnaa. Booliska ayaa digniin adag u diray saraakiisha iyo askarta ka tirsan ciidamada qalabka sida ee ayagoo hubka iyo dareeska dowladda wata nabad-gelyada iyo hannaanka dowladnimada arbushaya. Source: goobjoog.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta xildhbaanada labada aqal ka codsaday inay bishaan ka shaqeeyaan howlaha hortabinta u leh shuruucda doorashooyinka qof iyo codka ah ee la rabo in dalka ay ka qabsoonto. Xildhibanada ayaa sidoo lale laga dalbaday inay dhammeystiraan qorshooyin ay soo ansixiyeen golaha wasiirada, kuwaas oo la arabay inay meel mariyaan baarlamaanka. Dhanka kale xildhibaanada ayaa bishaan ka shaqeyn doona meel marinta war murtiyeedkii ka soo baxay shirka madasha wadatashiga qaran oo ay yeesheen dowladda iyo maamul goboleedyada qaar, inkasta oo ay ka maqnaayeen labada maamul ee Puntland iyo Jubaland. Aragtida xildhibaanada aqlabay codsiga madaxweynaha Xildhibaan Mohamud Abdirahman Beenebeene ayaa sheegay in kalfadhiga lagu jiray ee baarlamaanka uu xirmayay asbuuca koowaad ee bishaan November, ayna jireen shuruuc badan oo ay soo ansixiyeen golaha wasiirada kuwaas oo laga rabay in xildhibaanada ay aqriyaan oo ay ansixiyaan, balse laga gaari waayay. Waxa uu intaa hadalka ku daray in xirnaashaha kala fadhiga la gaaray balse loo baahday in muddo lagu daro si howsha taala loo dhameystiro. “Maadaama uu kalafadhiga xirmaayo ayuu madaxweynuhu codsaday in bil lagu daro si loo dhameystiro shuruucdaan muhiimka ah,” ayuu yiri wasiir Beenebeene. Aragtida xildhibaanada diiday codsiga madaxweynaha Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaashii maanta xaadiray kulanka labada gole ee baarlamaanka ayaa BBC-da u sheegay in sharciga uusan dhigayn in baarlamaanka fasixiisa hal bil dib loo dhigo. “Qodobka 66 ee dastuurka waxa uu leeyahay baarlamaanka waxa uu yeelanayaa sanadkii laba kala, oo midkiiba uu yahay afar bilood, kadib laba bilood oo fasax ah,” ayuu yiri xildhibaan Jeesow. Waxaa kale oo uu ka dhawaajiyay sababta uu madaxweynaha u dalbaday in baarlamaanka ay shaqeeyaan in aysan sharci ahayn sida ay isaga ula muuqato. “Ujeedada fasaxa waa in madaxweynaha uu keeno shuruucda doorashooyinka, taasna badalkeeda xeer hoosaadka baarlamaanka golaha shacabka qodobka 71- waxa uu leeyahay labada bilood ee ugu horreysa kala fadhi walba ayaa sharci loo gudbin karaa xildhibaanada, haddii muddadaas la dhaafana wax sharci ah oo la soo gudbin karo malahan,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in xittaa haddii muddada bisha ah ee uu madaxweynaha dalbaday la siiyo aan la ansixin karin qodobo uu haatan soo gudbiyo. Isha: BBC The post Maxaa la filayaa in xubnaha BF ay qabtaan muddada bisha ee dib loo dhigay fasaxooda? appeared first on Caasimada Online.
  4. Qaar ka mid ah Garaadada Sool clan ayaa ku dhawaaqay nabad, waxana ay sheegeen in ayna raali ka ahayn dagaaladii shalay dhacay. Deegaanadii shalay lagu dagaalamay ayaa nabdoon iyada oo dhankastaaba ku suganyahay deegaankiisa iyada oo dhan walba helay gurmad wax ksstana la filan karo Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay mar kale ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan Soomaaliya kala dhexeyso dowladda Itoobiya. Madaxweynaha oo maanta ka hor hadlayay baarlamaanka ayaa su’aal ka keenay sababta xarunta Ururka Midowga Afrika ay ugu sii dhex taallo magaalada Addis Ababa, wuxuuna ku eedeeyay inay ku tumatay axdigii lagu aas aasay ururka oo ay ku wada jiraan labada dowladood. “Itoobiya iskuma heli karto inay ahaato xarunta Ururka Midowga Afrika iyo inay ku tumato axdigii lagu aas aasay Ururka Midowga Afrika” ayuu yiri madaxweynuhu. Sidoo kale wuxuu jawaab adag ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Itoobiya oo dhowaan taliyaheeda ciidamada difaaca uu ku sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad leh oo awood buuxda, ayna qabsan karto Al-Shabaab haddii ay ka baxaan ciidamadooda. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay isku filan tahay, isla markaana ay xoreysatay dhul ballaaran, iyadoo aan garab ka helin Itoobiya. “Cabsi gelinta Itoobiya ee ah dalka Khawaarijta ayaa qabsaneyso xaqiiqo ma ah, annaga Soomaalida ah ayaa Khawaarijta ka xoreysanay qaybo badan oo kamid ah dalka, nalama jirin Itoobiya hal maalina madfac nooma ridin” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan. Wuxuu kusii daray “Waxaan cod-dheer ku leeyahay annaga ma nihin dadka xumeynaya amniga Geeska Afrika ee cida diidan in lagu dhaqmo xeerarka caalamiga ah waa Itoobiya”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii ay tahay xiisadda u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy la galay Somaliland. Hoos ka daawo:- The post Soomaaliya oo dood ka keentay sababta xarunta Midowga Afrika ugu sii taallo Addis Ababa appeared first on Caasimada Online.
  6. AQOTnkXsF-zJH57vux3sHZ0_JQRQtpMF7JL5y9sbCrH933J0V9esRu0qZwiAxHbl2G3_A8ENvy_sr_yWg6U3uHb8 Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiirta dagaal maanta ka dhacay xaafado ku dhow Isgoyska Ex-kontarool ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamo u abaabulan hab beeleed, wuxuuna tilmaamay inay beegsadeen ciidamo boolis ah oo howlgal waddo furis ah ka waday halkaasi. “Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo muhiimad siinayo nolol wadaagga bulshada Soomaaliyeed oo gacan siinayo maamulka degmada si loo bixiyo waddooyin ayaa waxaa soo weeraray koox gaar ah oo heybeysan, kuwaas oo shaqadii qaranka loo hayay ka horyimid” ayuu yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in lasoo saray askar iyo saraakiil ku eedeysan dhacdadaasi, kuwaas oo uu tilmaamay in la horgeyn doono maxkamad. “Waxaa lasoo qabtay illaa 12 maxbuus oo ku xiran saldhigga degmada Hodan oo la rabo 24 lagu horgeeyo maxkamad” ayuu mar kale yiri afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “”Waxaa la yaab noqotay in iyadoo 2024 lagu jiro in Shaqsiyaad Ciidanka ka tirsan in ay ku fikirayaan in ay la saftaan qabiilkooda”. Xaaladda goobta lagu dagaalamay ayaa hadda deggan, inkastoo ay weli ku sugan yihiin ciidamada ammaanka oo weli howlgallo burburin ah ka wada Ex-Kontarool Afgooye Mid kamid ah dadka deegaanka oo goor sii horeysay la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa ka warbixiyay xaaladda, wuxuuna sheegay inay iska dhicin doonaan cid kasta oo ku howlan burburinta. “Annagu ma yeeleyno dadka deegaanka oo isku xiran ayaa nahay dowladdana, waa iska dhicineynaa” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka. Dagaalka ka dhacay Ex-kontarool Afgooye ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan laba qof, halka ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 5 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah. The post Saraakiil iyo askar badan oo loo soo xiray dagaalkii maanta ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  8. AQN3TgIKvebvlXsGq_aeQs-1FaztLHx6qmLSmV3yGearbZcX5nOMwm4xHyKYYrTxsUFWnzJMCeyhdUHyyZXtUaRL Qaran News
  9. The Mayor of Mogadishu Yusuf Hussein Jimale received a commissioned report on government properties and plots illegally occupied in both South and North Mogadishu. Mogadishu (PP News Desk) — Yesterday, armed clashes erupted in the Ex-Control area of Mogadishu when police contingents from the Federal Government of Somalia arrived to enforce the demolition of illegally constructed houses. Residents armed themselves to resist the government’s demolition orders. The ensuing gunfire resulted in several fatalities and at least 12 injuries. In 2022, the Federal Government of Somalia appointed a committee to reclaim properties illegally occupied by militias and their families since 1991. Earlier this year, the government compelled inhabitants of a shantytown known as Damdemiska (The Fire Brigade Centre) near Banadir Hospital and the Sei Piani building in South Mogadishu to vacate. Initially resistant, residents eventually complied with the government’s deadline. Damdemiska neighbourhood in Mogadishu before occupants complied with the government order to relocate. A confidential report commissioned by the Mogadishu Municipality presented its findings to Mayor Yusuf Hussein Jimale regarding government properties and plots illegally occupied in both South and North Mogadishu. A senior municipal official stated, “A far larger number of pre-1991 government schools and properties are illegally occupied in South Mogadishu compared to North Mogadishu. In addition, illegally built houses and retail outlets in South Mogadishu constitute the greatest obstacle to the rule of law.” The Federal Government plans to assert ownership of government residential buildings such as the Bankers’ Houses, Shiirkole, Quartiere Fieristico (Fiyooraha), military barracks and other areas, particularly in the Taleh neighbourhood of Hodan district, where squatters have engaged in illegal construction (edilizia abusiva). The Mogadishu Municipality is applying the pre-1991 Land Law to enforce the government’s decision to reclaim properties and plots illegally occupied by clan militias and associated families. A lawyer in Mogadishu said “Al-Shabaab was adjudicating property disputes in Mogadishu through its parallel justice system. The Federal Government of Somalia is keen to use its power to send a strong message about protecting property rights.” © Puntland Post, 2024 The post The Somali Government Enforces Pre-1991 Land Law to Reclaim Properties appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo la hadlayay Baarlamaanka dalka ayaa sheegay inaysan jirin sabab maangal ah oo dalka ay doorasho qof iyo cod ahi uga dhici wayso. Madaxweynaha ayaa masuuliyad darro ku tilmaamay in muddo xileedkan la suurto-gelin waayo doorasho toos ah oo lagu laabto tii dadbanayd, asagoo xusay in golaha wada-tashiga qaranku ay isku raaceen in laga shaqeeyo sidii dalka doorasho loo gaarsiin lahaa. Qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo Hab-raacii loo mari lahaa ayaa kamid ahaa qodobadii ka soo baxay shirkii golaha wada-tashiga qaranka, balse caqabadaha ku hor gudban oo nabad-gelyadu ka mid tahay ayaan la ogeyn sidii loo xallin lahaa. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad xasaasi ah ka jeediyay xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan doorashada madaxtinimo ee Somaliland. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boggaadiyay doorashada dadweyne ee ka dhaceysa Hargeysa, wuxuuna tilmaamay in aysan ahayn tii ugu horreysay ee ka dhacda halkaasi. “Waxaan boggaadinayaa walaalaha Somaliland oo maalmo gudahood u dareeri doona doorasho dadweyne, taas oo aanan ahayn markii koowaad iyo markii labaad” ay yiri. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan rajeyneynaan inay nabad iyo guudl ugua soo dhammaato ama aanay u horseedo deganaasho iyo dimuquraadiyad”. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dagaalladii dhex-maray SSC-Khaamtumo iyo Somaliland, isaga oo ku baaqay in laga fiirsado colaad dambe oo dhacda. “Walwal waxaa lagu soo kordhiyay maalmihii u dambeeyay ifafaalalaha colaadeed ee kasoo muuqday meelo kamid ah deegaanada Somaliland iyo Khaatumo, kuwaas oo aanan habooneen inay sii socdaan” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo 13-ka bishan Novermber la filayo in Somaliland ay ka dhacdo doorashada hoggaanka mamulkaasi, waxaana haatan soconayo ololaha doorashooyinka oo u dhexeeyo hoggaanka saddex xisbi ee Kulmiye, Wadani iyo UCID. The post Xasan Sheekh oo war culus kasoo saaray doorashada SOMALILAND appeared first on Caasimada Online.
  12. Mogadishu (HOL) — Somalia’s Parliament approved a one-month extension to its current session on Saturday following President Hassan Sheikh Mohamud’s request to delay lawmakers’ recess to tackle pressing election laws. Source: Hiiraan Online
  13. President Mohamud: “Between Somalia and Ethiopia, there is a long history predominantly characterised by hostility.“ Mogadishu (PP News Desk) — The President of the Federal Republic of Somalia Hassan Sheikh Mohamud today stated that Ethiopia should not retain the privilege of hosting the headquarters of the African Union while Addis Ababa violates the Charter of the organisation. “Between Somalia and Ethiopia, there is a long history predominantly characterised by hostility. Somalia had expected a new chapter of cooperation to emerge, but Ethiopia’s actions have undermined the progress made by taking steps to violate the political and territorial unity of the Federal Republic of Somalia,” President Mohamud told the bicameral legislature. In January 2024, the Prime Minister of Ethiopia, Abiy Ahmed, signed a maritime Memorandum of Understanding with the President of the secessionist administration in Northern Somalia. President Mohamud accused Ethiopia of attempting to annex a territory of the Federal Republic of Somalia. “The [British] colonial administration allowed Ethiopia to annex Somali territories, and yet Ethiopia now wants to annex territory belonging to [an independent] Somalia,” he added. Ethiopia hosts the headquarters of the African Union. In January 2024, the Prime Minister of Ethiopia, Abiy Ahmed, signed a maritime Memorandum of Understanding with the President of the secessionist Somaliland administration Muse Bihi Abdi to set up a naval base in the Awdal region on a fifty-year lease. This maritime MoU was preceded by a defence pact signed by the Somali Defence Minister with his counterpart in Addis Ababa in December 2023. © Puntland Post, 2024 The post Somalia President: “Ethiopia can no longer host the African Union HQ” appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa mucaaradka oo qaylo dhaan afka furtay ayaa ka horyimid tallaabadii uu maanta qaaday madaxweynaha Soomaaliya, kadib codsi uunu gudbiyay labada Gole. Madaxweynaha ayaa ka codsaday xildhibaannada inay kalfadhiggooda ku daraan hal bil oo dheeraad ah, isla markaana fasaxooda ugu hiilayaan dalka iyo dadka, maadaama ay taallo shaqo adag, lagana sugayo inay go’aan ka gaaran heshiiska la gaaray. “Waxaab ka codsanayaa baarlamaanka in shacabka Soomaaliyeed ay siiyaan fursadda doorasho xor ah, iyadoo loo marayo ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah, Waxaa Baarlamaanka ka codsanayaa in xilliga fasaxa bil ka mid ah inay dib u dhigtaan, si dalka looga hirgeliyo shuruucdii lagu hoggaamin lahaa ee doorasho qof iyo cod ah ay u dhaqan gasho” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Intaasi kadib waxaa codsiga madaxweynaha dood ka yeeshay xildhibaanada baarlamaanka oo ugu dambeyn aqbalay in bisha ugu horreeya fasaxooda ay sii shaqeeyaan, laakiin waxaa jirtay buuq hareeyay kulanka oo sameeyeen xildhibaannada kasoo horjeedo baarlamaanka. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xubnaha ku kacsan dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada ee ku jira baarlamaanka ay fuliyeen dan uu sheegay inay ka lahaayeen codsiga madaxweynaha. “Dadka guul-wadeynaayay oo sacbinaayay waxaa lasoo siiyay wasiirro niic ah, danahooda ayay fiirsanaayeen” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow. Waxaa kale oo uu yiri “Danaha shacabka Soomaaliyeed xildhibaannada u doodayay waxaa dhegaha ka fureystay Aadan Madoobe, waxayna arrintaas dhibaato u keeni doontaa baarlamaanka” Dhankiisa Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid oo ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa isaguna ka biyo diiday qorshaha Villa Soomaaliya, wuxuuna sheegay in xilligan aysan Soomaaliya ka dhici karin doorashooyin qof iyo cod ah. “Waaqaca ayaa diiday mana hir galidoonto doorasho Qof iyo Cod ah,Hortiis jiraa waayay” Xildhibaan Yuusuf Gamaa’diid. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaaf siyaasadeed oo horleh uu ka dhashay go’aannada kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, waxaana ka horyimid Puntland Jubbaland iyo Mucaaradka. The post Xildhibaanada mucaaradka oo qaylo dhaan kasoo saaray arrintii maanta ee BF appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta oo Sabti ah hortegay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyay Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday in ay mudda bil ah dib u dhigaan Fasaxa Baarlamaanka, si ay u ansixiyaan Shuruucda iyo Xeerarka ku saabsan doorashooyinka qof iyo cod ee dalka. “Waxaan ka codsanayaa Baarlamaanka in shacabka Soomaaliyeed ay sooyaan fursada doorasho xor ah, iyadoo loo marayo ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah, Waxaa Baarlamaanka ka codsanayaa in xilliga fasaxa bil ka mid ah inay dib u dhigtaan, si dalka looga hirgeliyo shuruucdii lagu hoggaamin lahaa ee doorasho qof iyo cod ah ay u dhaqan gasho” ayuu yiri Xasan Sheekh. Intaasi kadib, Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Codsiga Madaxweynaha ee ku aaddan in ay mudda bil ah dib u dhigaan Fasaxooda, si ay u ansixiyaan Xeerarka doorashooyinka qof iyo cod ee Madaxtooyadu doonayso in dalka laga qabto. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Codsi uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud appeared first on Puntland Post.
  16. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQMZCybJ94lBZeb-fWzq9SPOE4c-153LKmL9jKvY_mciAbViRphmkelB2ntHCSFRBRVwbImocw6W_g7vY6IPieIV.mp4 Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali Dige oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilka uu ka hayay ee Villa Soomaaliya, wuxuuna soo saaray warbixin dheer. Mr. Dige ayaa qoraalkiisa ku caddeeyay inuu maanta ka tegay shaqada, isaga oo u mahadceliyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud “Maanta oo ay taariikhdu tahay 2’da Nofeembar 2024 waxa aan halkan ku soo gudbinayaa warqadda shaqo ka tegista xilka Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Qaranka (Villa Soomaaliya) aniga oo Madaxwaynaha JFS uga mahad celinaya fursaddii uu ii siiyay in aan la shaqeeyo laba xilli oo xasaasi ahaa” ayuu ku yiri warqadda is-casilaadda. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in muddada uu joogay xafiiska uu hirgeliyay olole warbaahin oo door wayn ka qaatay dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh. “Waxaa xusid mudan in aan hirgeliyay olole warbaahin oo miradhalay, kaas oo madaxweyne hore loo soo tijaabiyay uu markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya ku guuleystay tartanka madaxtinimada muddo xileed labaad” ayuu mar kale ku yiri Mr. Dige. Agaasimaha is-casilay ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in muddada uu joogay xafiiska uu ka shaqeeyay xoojinta xiriirka ka dhexeeyay madaxweynaha iyo shacabka. Waxaa kale oo uu yiri ““Sida hagar la’aanta ah ee Madaxweynaha Qaranku uga shaqeynayo hirgalinta qorsheyaasha qaran, waxaa barbar yaalla hab-dhaqanka madaxda iyo shaqsiyaadka qaar oo ku dhisan dano gaar ah, inta badan wararka taban ee bulshada iyo dowladda kala fogeeya waa kuwo ay abuureen ama ay sababeen shaqsiyaadkaas. Arrimahan ayaa daboola guulaha waaweyn ee la gaaray”. Sida ogaatay Caasimada Online, sababta ka dambeysa is-casilaada Cabdulqaadir Cali Dige ayaa la xiriirta khilaaf muddo soo huursanaa oo ka dhexeey isaga iyo Cabdiraxmaan Xudeyf oo ah afhayeenka cusub ee madaxweynaha, kaas oo lasoo magacaabay bilooyin ka hor. Khilaafka labada nin ayaa si weyn loo dareensanaa, wuxuuna gaaray heer bogga Villa Soomaaliya aan lagu baahin shirarka jaraa’id ee uu qabto afhayeenka, wuxuuna taasi bedddalkeeda adeegsanayay warbaahinta dowladda iyo midda madaxa banaan. Si kastaba, arrinta ayaa hadda u muuqata inay dhinac u dhacday, maadaama uu gabi ahaan shaqadii isaga tegay agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya. Hoos ka akhriso:- The post Agaasimihii warfaafinta Villa Soomaaliya oo is-casilay + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  18. Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA),ayaa ugu baaqay warbaahinta online-ka inay muujiyaan xil-kasnimo iyo waddaniyad, kana fogaadaan wararka been abuurka ah iyo kuwa bulshada kala geynaya xilligan xasaasiga ah ee lagu jiro ololaha doorashada Madaxtooyada iyo ta Ururrada siyaasadda ee lagu wado inay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoonto 13-ka November 2024. Waxa kaloo Ururka SOMA ku guubaabiyay inay taxadir sameeyaan muddada la sugayo natiijada doorashooyinka oo aanay baahin warar aan sugnayn oo aan ka soo bixin isha sharciga ah ee Komishanka doorashooyinka Qaranka. Sidaasna waxa Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA), Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) ku sheegay bayaan uu soo saaray maanta, waxaanu u dhignaa sidan:- Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA),waxa uu uga baaqayaa Suxufiyiinta ka hawlgala hay’adaha Warbashinta Online-ka gudo iyo dibad-ba inay dhowraan anshaxa Saxaafada (Ethics of Journalism), isla markaana baahiyaan warar sugan oo leh ilo wareedyo lagu kal-soonaan karo xiligan xasaasiga ah ee lagu jiro ololaha doorashada iyo marka la dhiibto codka-ba, islamarkaana iska ilaaliyaan baahinta wararka been abuurka ah ee keeni kara jaahwareerka iyo khalkhalka amni. Ururku wuxuu u soo jeedinayaa suxufiyiinta Somaliland in aanay ku dhex milmin ololaha Doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda oo dhex u ahaadaan dhinacyada tartamaya. 3- Ururku waxa kale oo uga digayaa Warbaahinta Online-ka Somaliland ee SOMA in aanay buunbuunin wararka dacaayada ah ee cadowga Somaliland isku dayayaan inay shaki iyo mugdi ku geliyaan aragtida gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland ee ay aaminsan yihiin dhammaan Madaxda iyo Siyaasiyiinta Somaliland, Muxaafad iyo Mucaarid-ba. kuwaas oo ilaa maanta la asqaysan masayrkii ay ka qaadeen heshiiskii is-afgarad (MoU)-ga ee dhex maray labada dowladood ee Somaliland iyo Itoobiya horaantii sannadkan 2024. Ururka SOMA wuxuu cod dheer ugu sheegayaa Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland in isha sharciga ah ee natiijada doorashada laga qaadanayaa ay tahay Komishanka doorashooyinka,isla markaana aan la qaadan wararka ku tiri ku teenka ah ee nashuushadeyn kara natiijada doorashooyinka. Waxana habboon in laga fogaado dhawaaqyada iyo malo-awaalka ka soo yeedhi kara dad aan xil kas ahayn; ama qaar cadowga dalku uu ku doonayo inay fidmo kaga abuuraan Jamhuuriyadda Somaliland. Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA),waxa ku midoobay suxufiyiinta xirfadleyaasha ah ee ka socda mareegaha (Website’s),Youtube-yada, iyo Bogagga Facebook-ga ee ay maamulaan suxufiyiinta sida weyn loo aqoonsan-yahay ee ka hawlgala Somaliland, isla markaana yaqiinsan doorka warbaahinta Online-ku kaga jiraan geedi socodka dimuqraadiyadda, dhismaha, iyo iib-geynta qaddiyada Somaliland,isla markaana hay’addaha Warbaahinta Online-ka ahi yihiin tix-raaca ugu muhiimsan ee duniddu ka daalacato dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhaca Somaliland. Sidaa awgeed,waxaan ku boorinaynaa Weriyayaasha ka hawlgala hay’addaha warbaahinta Online-ka Somaliland gudo iyo dibad-ba inay garwaaqsadaan in waxyaabaha ay baahinayaan inay qeyb ka noqon doonaan taariikhda beri iyo weliba heerka ay ka soo qaateen dhismaha qaranka Somaliland. Source
  19. Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay codsiga Madaxweynaha, kaas oo ku saabsan in muddo bil ah dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka. Tani waxay ka mid tahay dadaallada lagu xaqiijinayo in dalka lagu sameeyo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo la doonayo in la ansixiyo shuruuc muhiim ah oo nidaamka doorashada ka dhigi kara mid hufan. Madaxweynaha Soomaaliya, oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka, ayaa si cad u sheegay in dib u dhigidda fasaxa Baarlamaanka ay lagama maarmaan tahay si loo helo sharciyada ku habboon ee doorashooyinka. Waxuu xusay in waqtiga la heli karo uu muhiim u yahay in la dhameystiro sharciyada lagu dhaqmi doono, isla markaana lagu hubin doono in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad ah oo loo dhan yahay. Xildhibaanada, ayaa inta badan taageersan codsiga Madaxweynaha, iyagoo u arka in arrimahan muhiim ay tahay in laga shaqeeyo si loo xaqiijiyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka. Tani waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ka shaqaynayso dhisidda nidaam doorasho oo cadaalad ah, kaas oo loo baahan yahay si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan fursado siman oo ay ku codsadaan. Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hortegay labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dalab culus u gudbiyay baarlamaanka, maadaama dalka uu ku jiro xaalad cakiran oo adag. Ugu horreyn madaxweynaha ayaa labada Aqal la wadaagay go’aannadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, gaar ahaan arrinta doorashooyinka qof iyo cod ah. “Dastuuri ma ah doorashada dadban, dimuquraadigana ka fog” ayuu khudbadiisa ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Isaga oo sharraxaad ka bixinayay sida ay ku suurageli karto doorasho toos ah ayaa madaxweynuhu wuxuu qiray in dalka oo dhan aysan ka dhici karin xilligan, balse ay u qaadayaan tallaabadii u horreysay, si dadweynaha inta heli karto fursadda ay u codeeyaan. “Ma rajeyneyno in 20-ka milyan ee Soomaalida ah ay codeyso safarkan hadda nasoo hayo, laakiin safarka kun kiilo-mitir loo aadayo wuxuu ka bilowdaa tallaab, tallaabtii ugu horreysay ee doorasho qof iyo cod ah 55 sano kadib wa daw inaan qabano” ayuu raaciyay. Intaas kadib madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalab xasaasi ah u gudbiyay xildhibaannada labada gole, wuxuuna ka codsaday inay kalfadhiggooda ku daraan hal bil oo dheeraad ah, isla markaana fasaxooda ugu hiilayaan dalka iyo dadka, maadaama ay taallo shaqo adag, lagana sugayo inay go’aan ka gaaran heshiiska la gaaray. “Waxaab ka codsanayaa Baarlamaanka in shacabka Soomaaliyeed ay siiyaan fursadda doorasho xor ah, iyadoo loo marayo ansixinta sharciyada lagama maarmaanka u ah, Waxaa Baarlamaanka ka codsanayaa in xilliga fasaxa bil ka mid ah inay dib u dhigtaan, si dalka looga hirgeliyo shuruucdii lagu hoggaamin lahaa ee doorasho qof iyo cod ah ay u dhaqan gasho” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale waxaa codsiga madaxweynaha dood ka yeeshay xildhibaanada baarlamaanka oo ugu dambeyn aqbalay in bisha ugu horreeya fasaxooda ay sii shaqeeyaan. Si kastaba, tallaabada uu qaaday maanta madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, iyada oo khilaaf siyaasadeed oo horleh uu ka dhashay go’aannada kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaranka, waxaana ka horyimid Puntland Jubbaland iyo Mucaaradka. The post Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo gudbiyay dalab culus iyo BF oo aqbalay appeared first on Caasimada Online.
  21. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka Soomaaliya ayaa cambaareeyay habdhaqanka dowladda Itoobiya, isagoo sheegay in Itoobiya ay ku xadgudubtay xeerarka iyo hab-maamuuska Midowga Afrika. Waxaa uu sheegay in Itoobiya aysan isku heli karin inay xarun u noqoto Midowga Afrika, isla markaana ay xadgudubyo ku kacdo. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya aysan aqbali doonin in dowladda Itoobiya ay ku takri-fasho sharciga Midowga Afrika, waxaana uu ugu baaqay madaxda kale ee Afrika inay arrintan ka fiirsadaan si ay u hubiyaan in xarunta ururka loo maamulo si siman. “Itoobiya iskuma heli karto inay ahaato Xarunta Midowga Afrika iyo inay ku tumato Cahdiga Midowga Afrika”. ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa hadda khudbad u jeedinaya Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. Source: goobjoog.com