-
Content Count
213,069 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehelinayey Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka (CIA), Mudane William J. Burns. Kulanka waxa diiradda lagu saaray iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, qorshaha bixitaanka Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (ATMIS), iyo xasilloonida Geeska Afrika. Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga dhinacyada nabadda iyo amniga, iyaga oo xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Intiina aqrisatay waxaa horey u baahinay in uusan dalka ka jirin mucaarad macno leh oo dheelitiri kara dowladda hadda jirta iyo inuu Xasan Sheekh ahaa ninkii watay hal abuurkii mucaaradnimada, haddii aan la helin dad sidiisi u dhaqmana ay adkaan doonto in xukunka laga riixdo. Haddaba, hadda baaqii baraarug ayuu dhalay. Madaxweyne Xasan Sheekh markii uu mucaaradka ahaa wuxuu abaabuli jiray dhalinyarada, haweenka, ganacsatada, aqoonyahanka iyo qabiilada. Wuxuuna kala furfuri jiray ciidanka, wuxuu maalin walba dacwad la taagna Xalane, wuxuu joogto u bixin jirey wareysiyo, wuxuu fadhiyi jiray doodaha siyaasadda, wuxuuna luuqad adag ku naqdin jiray dowladdii hore illaa uu gaaray inuu idaacada ka yiraahdo “Farmaajo waxaa u dhiman inuu isagu istoogto.” Hab-dhaqankii uu Xasan Sheekh soo bandhigay intii uu mucaaradka ahaa ma aheyn mid laga filaayay qof madaxweyne soo noqday, laakiin waa laga filaayay nin wax doonaya, Xasan Sheekh-na waa u miro dhashay oo maanta markale waa madaxweyne. Maadaama uusan Xasan Sheekh kursiga qabow ku helin uma badna in jileec iyo qabow looga qaadi doono. Shariif Sheekh Axmed waa siyaasi aan marwalba fursadiisa isbeddelin oo leh astaamaha hoggaamiyaha ay rabto Soomaaliya, laakiin marwalba waxaa lagu eedeeya in uusan hayn habkii uu fursadaasi ficil ugu beddeli lahaa. Shariifku wuxuu shalay qaaday tallaabo u muuqatay inuu Xasan Sheekh la aaday isla jidkii uu Xasan kusoo caano maalay. Wuxuu shiriyay xulka dhalinyarada magaalada Muqdisho, wuxuu xisbigiisa kusoo dhaweeyay dhalinyaro iyo xildhibaanno, wuxuuna furay tababar ku saabsan dowladnimada, gaar ahaan hanaanka xisbiyada. Waa halkii uu Xasan Sheekh ka bilaabay mucaaradnimada intii uusan qoriga gacanta ku qaadan ee uusan gelin Miraanayo. Sheekh Shariif wuxuu leeyahay afar astaamood oo looga baahan yahay qofka madaxda ka noqonaya Soomaaliya, kuwaas oo kala ah; 1. Aaminadda: Sheekh Shariif ma lahan diiwaan xatooyo xoolo dadweyne. 2. Qabyaaladda: Shariifku ma ahan nin qabyaaladeed. 3. Iska celinta argagixisada: Shariif Sheekh Axmed waxaa loo arkaa ninka soo afjari kara argagixisada joogta Soomaaliya. 4. Rakaabka: Midda afaraad ee fursad siyaasadeed ahna waa in uusan rakaabkiisa badneyn oo qof walba uu wax ka dhisan karo, waxna ka heli karo. Ninka fursadahan haysta waa ka faa’iideysan waayay dhowrkii doorasho ee lasoo dhaafay, waxaana sabab looga dhigaa koox la’aan iyo faham darro guud. In Xasan Sheekh lala aado isla dhaqankii uu kursiga ku qaatay ayaa Xasan xujo ku noqon doonta, wuxuuna ku qasbanaan doona inuu sidii Farmaajo u dhaqmo oo siyaasiyiinta guryaha ku weeraro ama kasii darro. Dadka arrimaha siyaasadda ka faallooda ayaa aaminsan in haddii uu Shariifka si sax ah u shaqeeyo, kooxda ololaha iska hagaajiyo, fahamkiisa warbaahinta nooleeyo, dad macno lehna kusoo daro xisbigiisa in uu sanadkan ka miro dhalin karo fursadiisa. The post Sheekh Shariif oo ku dhaqaaqay dhabihii uu Xasan Sheekh xukunka kusoo dhacsaday appeared first on Caasimada Online.
-
Faahfaahin dheeri ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay dagaal maanta oo Jimce ah ka dhacay nawaaxiga degaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Togdheer. Dagaalka oo u dhexeeya Ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland islamarkaana bilowday subaxnimadii hore ee saaka ayaa sida wararku sheegayaan waxa ku dhintay in ka badan 10 ruux oo ka tirsan labadii dhinac ee dagaallamay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa 20 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ay ku dhaawacmeen dagaalka maanta oo ka dhacay inta u dhexaysa ballida Shangeed iyo Galgal oo u dhexeeya degaanka Qorilugud iyo degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer. Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Ciidamada SSC-khaatumo ay weerarka soo qaadeen islamarkaana waxay dagaalka ku eedaysay in ay ka danbayso oo gadaal ka riixayso dowladda Soomaaliya. “Kooxaha Huwanta iyo argagixisada bari magaalada Laascaanood ayaa weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degaanka Qorilugud maalintii khamiista iyagoo dadka degaanka iyo Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somalilandna kala kulmay dhirbaaxo kulul iyo khasaare baaxadleh oo soo gaadhay Kooxaha huwanta ah” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland. Dhinaca kale Maamulka SSC-khaatumo weli kama hadlin eedda uga timid Maamulka Somaliland oo ku saabsan in ay iyagu weerar ku qaadeen degaanka Qorilugud islamarkaana ka danbeeyaan colaadda ka taagan Shangeed iyo Galgal. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Khasaaraha dagaal maanta ka dhacay nawaaxiga Qorilugud oo ka tirsan Gobolka Togdheer appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns oo shalay booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa kulamo xasaasi ah la qaatay madaxda sare ee dalka. Agaasimaha ayaa kulan gaar la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo agaasimaha sirdoonka Soomaaliya ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe. Kulanka ayaa waxaa kasoo baxay xogo dheeraad ah, ayada oo diiradda lagu saaray arrimaha amniga, la-dagaalanka argagixisada, kala guurka AMISOM iyo arrimaha xiisadda Itoobiya. Markii laga soo tago xiisadda ka taagan gobolka, waxaa meesha ka sii baxaysa shuruucdii caalamka ee kala xakameynta dowladaha looga hortegi jiray. Mareykanka ayaa lagu xantaa inuu saameyn ku leeyahay xiisadda ka taagan gobolka Geeska Afrika, waxaana qodobadii laga wadahadlay ka mid ahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya. Booqashada agaasimaha CIA ku yimid Muqdisho ayaa aheyd mid muujineysay ahmiyadda gaarka ah ee Mareykanka uu siinayo arrimaha Soomaaliya, taasi oo aheyd markii labaad ee uu Muqdisho ku yimaado muddo sanad gudihiis. Sidoo kale safarkii agaasimaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ku tagay dalka Mareykanka horaantii bishii October ee sanadkan ayaa iyana daba socotay arrimo badan oo taabanayay iskaashiga amniga iyo la-dagaalanka argagixisada oo ay iska kaashadaan labada hay’adood. Horaantii bishii Janaayo 2024 ayuu sidaan oo kale Muqdisho u yimid sarkaalkaan, xilligaas oo uu la kulmay madaxweynaha iyo agaasimihii hore ee NISA Mahad Salaad. The post Xogta kulan Muqdisho ku dhex-maray agaasimaha CIA-da, Xasan iyo Sanbaloolshe appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu habeenkii Talaadaddii la kulmay qaar kamid ah xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Waxay aheyd casho siyaasadeed, goobtana waxaa ka muuqday qaar kamid ah xildhibaanno la tuhmaayey inay dhinaca mucaaradka raacsan yihiin, taas oo xoojisay dooddii aheyd in uusan dalka ka jirin mucaarad macno leh oo dheelitiri kara dowladda madaxweyne Xasan. Hadal-jeedin uu madaxweyne Xasan Sheekh ka sameeyay kulankaasi cashada ah ayaa si weyn u dhalisay sacab iyo dareen togan oo banaanka ah. Madaxweynaha isaga oo aan inkirsaneyn inay maamulo ka maqan yihiin oo midnimada golaha wadatashiga qaran ay dhantaalan tahay ayuu sheegay inuu maamullada maqan raadin doono. Waxaa maqan Puntland iyo Jubbaland. Wuxuu sheegay inay u tegi doonaan walaalaha maqan haddii ay ka ogolaadan ama uu baryi doono haddii ay u yimaadaan. Warkaas wuxuu dadka qaar u muujiyay dareen ah inuu madaxweynaha odeynimadiisa dib ula soo baxay, oo dad badan ayaa ka fiirsi la’aan soo dhaweeyay hadalkaas, waxayna sugayeen inuu Xasan Sheekh qorsheyn doono xal deg deg ah oo lagu ilaalinayo midnimada dalka iyo inay go’aamada noqdaan kuwa loo dhan yahay. Laakiin 24 saac kadib, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qaaday tallaabo taas caksigeeda ah, wuxuu isticmaalay fikrada ah “qofna looma joojinayo”, wuxuuna go’aanno kasoo saaray shirkii qabyada ahaa ee golaha wadatashiga qaran, iyada oo ay maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland. Waxa uu saddexda maamul ee Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle u sameeyay muddo kororsi sharci darro ah, wuxuu go’aansaday inuu sharciga doorashooyinka mariyo baarlamaanka, iyadoo aanay ogoleyn Puntland iyo Jubbaland iyo inuu dhiso guddi doorasho oo ay maamulladaasi maqan yihiin. Hadalkii habeenkii Talaadadda iyo tallaabadii habeen hore inay hal qof ka wada imaan karaan ayaa dadka qaar ka yaabisay. Si fudud tani waxay ku bareysa inuu laba qof yahay Xasan Sheekh odeyga ah markii uu idaacadda ka hadlayo iyo Xasan Sheekh aan rabin inuu cid u joojiyo oo aanay wax macno ah ugu fadhin midnimada dalka. Waa hal qof, waa hal madaxweyne, laakiin hadalladiisa iyo ficiladdiisa waa laba qof ayey leeyihiin dadka sida weyn ula fajacay farriintii uu Xasan Sheekh ka hor sheegay xildhibaannada iyo tallaabooyinkii uu habeen hore qaaday. Dhinaca uu habeen hore u dhaqaaqay madaxweyne Xasan Sheekh neecaw qaran kama jirto, waxaana muuqata inuu dalka si weyn usii kala fogaan karo haddii caqliga iyo waaqica loo soo laaban. Sidoo kale waxay arrintaan si fudud kugu dhiiri-gelinaysa in aanad sidooda u qaadan hadallada ay idaacadaha ugu tala-galeen siyaasiyiinta Soomaalidu oo ay ku qaldayaan caqliga bulshada, oo aad taas bedelkeeda sugto tallaabooyinkooda dhabta ah. The post Madaxweyne Xasan Sheekh 24 saac gudaheed oo is-duqeeyay – Muxuu sameeyay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa soo gaarsiisay Soomaaliya doomo cusub oo loogu tala-galay ciidanka badda Soomaaliya. Doomaha ayaa waxaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya kala wareegay galankii dambe ee shalay wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya. Munaasabad kooban oo ka dhacday dekedda magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen wasiiru-dowlaha gaandhigiga, safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya, taliyaha ciidanka xoogga dalka, taliye ku-xigeenka CXD, taliyaha ciidamada badda iyo saraakiil kale ayaa doomahan loogu wareejiyay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya. Doomahan oo gaaraya illaa 4 doomood ayaa ah nuuca dheereeya, waxaana loogu tala-galay inay qeyb ka noqdaan sugitaanka amniga xeebaha dalkeena. Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in doomahaan wax badan ka tari doonaan sugitaanka ammaan xeebaha, isagoona xusay in taageeradii turkiga ee soo bilaabatay 2011-kii ay sii laba jibaarayaan maalinba maalinta ka dambaysa. Wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga XFS Cumar Cali Cabdi oo dowladda Turkiga kaga mahad-celiyay doomaha ay ku wareejisay ayaa sheegay in wax badan kusoo kordhin doonaan la-dagaalanka argagixisada iyo waxkasta oo halis ku ah amniga badda si looga faaidayso Khayraadka xeebaha Soomaaliya Sidoo kale waxaa isla goobta shahaadoyin lagu guddoon siiyay ciidan si gaar ah loogu tababaray ilaalada xeebaha, kuwaasi oo doomahaan cusub ku howl-gali doona. The post Turkiga oo doomo cusub ku wareejiyay Somalia + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay golaha dhowrista xogta caalamka (Global Privacy Assembly – GPA). Golahan oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 130 hay’adood oo caalami ah oo ka shaqeeya dhowrista xogta dadweynaha; ayey shalay ku biirtay Soomaaliya kadib shir ka dhacay dalka Ingiriiska. Xubnaha golaha ayaa si aqlabiyad leh ku meel-mariyey xubinnimada Soomaaliya, waana guul kale oo taariikhiya oo usoo hooyatay Soomaaliya sanadkaan 2024. Maareeyaha hay’adda dhowrista xogta dadweynaha ee Soomaaliya, Maxamed Royal oo ka hadlay guushan ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay, isaga oo ku tilmaamay “guul taariikhi ah oo shacabka Soomaaliyeed iyo dalka u soo hoyatay.” “Waxaan hadda awood u leenahay inaan tallaabo sharci ah ka qaadno shirkadaha tegnoolojiyada, gaar ahaan kuwa baraha bulshada, sida; Facebook, Snapchat, TikTok, Twitter iyo Google, haddii ay ku kacaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, waxaan awood u leennahay inaan ciqaabo sharci ah dul dhigno ama dacwad kusoo oogno,” ayuu yiri Maareeye Maxamed Royal. Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay tallaabadan mid Soomaaliya awood buuxda u siinaysa inay ilaashato xogta dadweynaheeda, islamarkaana ay ka hortagto faafinta macluumaad xasaasi ah oo bulshada wax u dhimi kara. “Tani waxay ka dhigan tahay in aan awood u yeelaneyno inaan ilaashanno xogta dadweynaha Soomaaliyeed, isla markaana aan ka hortagno in la faafiyo macluumaad xasaasi ah oo bulshada wax u dhimi kara, sida muuqaalada iyo qoraalada ka hor imanaya qiyamka diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.” Si kastaba, xubinnimada Soomaaliya ee golahan ayaa waxay fursad u tahay in hay’addu horumariso habka loo xaqiijinayo sugnaanta xogta shacabka Soomaaliyeed. The post SOOMAALIYA oo gaartay GUUL kale oo taariikhi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — CIA Director William J. Burns made a secret visit to Mogadishu on Thursday, emphasizing the U.S.'s heightened focus on the Horn of Africa as regional rivalries intensify. In his meeting with Somali President Hassan Sheikh Mohamud, Burns discussed boosting intelligence collaboration, enhancing counter-terrorism strategies, and addressing the geopolitical complexities involving Ethiopia's maritime deal and its fallout. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online0 – Maamulka Jubaland ayaa billaabay tallaabooyin dhawr oo is xig-xiga ka hor inta aysan u jeedsan qabanqaabada doorasho muran badan uu ka taagan yahay. Ciidamada nabad sugidda iyo kuwa madaxtooyada ayaa billaabay hawlgallo gudaha Kismaayo oo ay meesha kaga saarayaan wax kasta oo halis ah oo si uun qalqal u galin kara doorashada. Waxaa ka mid in la baddelo dadka tuhunka laga qabo ee ciidanka ku jira. In awaamiir la siiyo ciidanka. Waxaa sidoo kale ka mid ah in ay xiraan ama tallaabo ka qaadaan cid kasta oo taageersan dowladda federaalka, ama mucaaradka ah. Waxaa suurt-ogal ah in la xir-xiro dad ama la tarxiilo sidii horeyba looga bartay maamulkan. Waxaa kale oo laga yaabaa in Jubaland weerarto ama gebi ahaanba kala dirto ciidamada federaalka inta yar ee ka joogta Kismaayo, waxayna arrintan ku caddahay warqaddii kasoo baxday madaxtooyada Arbacadii. Waxa ciidankan lagu eedeeyay in falal amni daro ku kaceen halkii hawlgalka Al-Shabaab ay ka qeyb gali lahaayeen. Talaabada xigta ayaa ah in odayaasha, bulshada rayidka iyo cid kasta oo la heli karo laga hadal siiyo, saxaafadana u sheegaan in madaxweynaha taageersan yihiin, cid kasta oo kalena ay qaldantahay. Tan ayaa looga gol leeyahay in lagu jiheeyo aragtida dadweynaha, looguna muujiyo in ay raali ka yihiin, oo ay doonayaan madaxweyne Axmed Madoobe. Jubaland ayaa sidoo kale dhambaalo u kala diri doonta beesha caalamka, iyada oo xitaa la adeegsanayo saaxiibada sida siyaasiyiinta mucaaradka federaalka iyo maamulka Puntland. Intan oo arrin marka la xaqiijiyo, ayaa laga yaabaa in la magacaabo guddiga doorashada, lana galo hawsha doorashada. Sida iska cad, Axmed Madoobe ayaa mar saddexaad loo dooran madaxweynaha maamulka Jubaland, waana hoggaamiyaha ugu waqtiga dheer xilligan ee madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya. The post Jubaland oo dhowr tallaabo qaadeysa ka hor doorasho appeared first on Caasimada Online.
-
Weerar diyaaradaha Israa’iil ay ku bartilmaameedsadeen dhismo shan dabaq ah oo deegaan ah oo ku yaal Beit Laxyia, waqooyiga Qasa ayaa lagu soo waramaya in uu geystay khasaare lixaad leh. In ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 25 carruur ah, ayaa lagu la’yahay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas. Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in weerarka ay ku bartilmaamedsadeen qof ilaalo ahaa oo saarnaa dusha sare ee dhismaha kaas oo isticmaalayay doorbin. Ciidamada Israa’iil ayaa intaas ku daray inay “ka warqabaan” in dhismaha la bartilmaameedsaday uu hoy u ahaa rayid ka cararay dagaalka. Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in ay jirto farqi u dhexeeya tirada dhibanayaasha ee ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Xamaas iyo inta ay iyagu ka war qabaan. Source: goobjoog.com
-
Xiisad colaadeed oo u dhexaysa SSC-khaatumo iyo Somaliland ayaa maalmahan ka taagan jiidda degaanka Qorilugud oo ka tirsan gobolka Togdheer. Ciidamada labada dhinac ayaa shalay iyo saaka iska hor imaad hubaysan ku dhexmaray inta u dhexaysa Shangeed iyo balliga Galgal ee nawaaxiga degaanka Qorilugud sida ay wararku sheegayaan. Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa lagu soo warramaya in uu sababay iska hor imaadka soo noq noqday ee ka dhacay inta u dhexaysa Shangeed iyo balliga Galgal kaasi oo dhexmaray ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland. Sidoo kale dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa saaka laga dareemaya jiidda dhinaca Nugaasha ah oo ay isku horfadhiyaan ciidamada labada dhinac waxaana xaaladdani ku soo beegan tahay iyadoo ay mudda 12 cisho ah ka harsan tahay doorashada Somaliland ee la qorsheeyay in ay qabsoonto 13 November. PUNTLAND POST The post Xiisad dagaal iyo iska hor imaadyo hubaysan oo ka dhex bilowday SSC iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Fatuma Ali Iman, 33, was eight-months pregnant in December 2022, when hostility among factions were continuing to rise in Somalia’s Baidoa district. Source: Hiiraan Online
-
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed, oo la hadlayay baarlamaanka dalkaas, ayaa sheegay in Ethiopia aysan xoog ku raadinayn helista marinka Badda Cas. “Waxaan dalbanay in badda gaarno, taasina kuma raadin doonno weerar iyo dagaal, laakiin si hufan ayaan isaga difaaci doonnaa haddii ay wax dhacaan” ayuu Ra’iisul Wasaare yiri Abiy Axmed. Bishii Janaayo, ee bilowgii sanadkan ayaa Ethiopia waxay heshiis la gashay maamulka Somaliland, kaasi oo ka kireynaya Ethiopia 20km oo dhul xeebeedkeeda badda cas ah muddo 50 sano ah. Abiy Ahmed ayaa helista heshiiskaasi ku tilmaamay mid horumarineed oo ku salaysan baahida uu ay Ethiopia u qabto in ay hesho marin badeedka. Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxa uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in himilladaasi ay Ethiopia gaarto, haddii hadda aanay gaarinna, ay mustaqbalka jiilashooda danbe gaari doonaan. Heshiiskaasi waxa uu ka careysiiyay dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay mid sharci darro ah, oo meel ka dhacna ku ah qarannimadeeda iyo madax banaanideeda dhuleed. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo ku celiyay in ay ka go’an tahay helista marin badeed appeared first on Puntland Post.
-
Hargeisa (HOL) — Faysal Ali Warabe, Chairman of the UCID Party in Somaliland, has praised the recent agreement between Ethiopia and Somaliland, calling it a transformative development for the region. In an interview with BBC Somali, Warabe stressed the deep-rooted connections between the two territories and highlighted the economic importance of their relationship. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — The pulse of progress is cautious in Somalia. The International Monetary Fund (IMF) and Somali authorities reached a staff-level agreement on the second review of the Extended Credit Facility (ECF). Source: Hiiraan Online