-
Content Count
213,069 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) — Mogadishu's displacement camps are facing an escalating educational crisis, with 6,000 children from impoverished and displaced families in Kahda, Dayniile, and Garasbaaley districts unable to access schooling. A survey conducted by the BAR teachers' association has laid bare the extent of the problem, identifying economic hardship and the lack of free schools as primary barriers. Source: Hiiraan Online
-
Duqeymaha cirka ee Israa’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 95 qof guud ahaan Gaza Khamiistii. Inta badan dhibanayaasha ayaa ahaa dad rayid ah oo ku sugnaa waqooyiga go’doonsan ee deegaankaas, sida ay ilo-wareedyo caafimaad u sheegeen Al Jazeera. Caasimadda Lubnaan ee Beirut waxaa habeenimadii xalay lagu garaacay ugu yaraan 10 weerar oo cirka ah oo ay ka dambeeyaan Israa’iil,waxaana la soo sheegayaa in ay jirasasn khasaarooyin kala duwan. Dhinaca kalw,Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in saacadihii u dambeeyay ciidamada Israa’iil ay beegsadeen nidaamka caafimaadka ee Gaza iyo bartilmaameedyo kale oo Lubnaan ah. Warbixinta cusub ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in Israa’iil ay samaysay siyaasad wadajir ah oo lagu burburinayo nidaamka daryeelka caafimaadka ee Gaza oo ay ku jiraan weerarrada ula kac ah ee lagu qaadayo shaqaalaha caalamiga ah iyo xarumaha caafimaadka. Afar shaqaale ajnabi ah iyo saddex Israa’iili ah ayaa lagu dilay gantaallo kala duwan oo ay Xisbullah ku garaaceen waqooyiga Israa’iil, taasoo ah maalintii ugu dhimashada badneyd muddo bilo ah. Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 43,204 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 101,641,halka gudaha Lubnaan lagu dilay ugu yaraan 2,865 qof dhaawacana uu gaarayo 13,047. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo Marinka Gaza iyo Lubnaan ku dishay in ka badan 100 ruux appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Zara sat in her modest U.S. apartment, eyes fixed on the numbers in disbelief. Over $7,000 drained from her account, money she had painstakingly saved for college, now gone—siphoned into TikTok’s live clan battles. Known as “The Great Clan Game,” these virtual showdowns have intrigued the Somali diaspora and evolved into a cautionary tale of digital threats and financial disillusionment. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Maaliyadda ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan isugu yeeray wasiirka gaashaandhigga, wasiir ku xigeenka maaliyadda, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, Taliyaha Booliiska, Taliyaha Nabad Sugidda iyo Taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Ugu horeyn guddiga wuxuu warbixin ka dhageystay wasiirrada iyo taliyaasha shirka ka soo qeyb-galay, kuwaas oo faahfaahiyay daruufaha ciidanka ku gadaaman. Taliyaasha ayaa codsaday in kororka miisaaniyadda ee sanadkaan loo wareejiyo dhanka ciidanka. Guddoomiyaasha guddiyada Maaliyadda ee labada Aqal ee BFS oo kulanka soo xiray ayaa u sheegay in xaquuq u halida ciidamada qaranka ay muhiim tahay, ka guddi ahaana ay diyaar u yihiin in ciidanka xuquuq loo raadiyo. Saraakiisha ayaa guddiga ku amaanay sida ay ula dareemayaan culeyska xuquuq yarida ciidamada oo maalmahaan hadal-heyn badan abuurtay, waxayna codsadeen in guddigu u ololeeyo in dowladdu kordhiso miisaaniyadda ciidamada. Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ayaa maalmihii lasoo dhaafay codsaday in ciidamada loo kordhiyo mushaarka, maadaama xuquuqdooda ay aad u yartahay, duruuf adagna ay ku shaqeeyaan. Ciidamada ayaa u riyaaqay doodaas, sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa bilaabay olole ciidamada qaranka loogu raadinayo xuquuq dheeraad ah, balse madaxda qaranka ayaa dhegaha ka fureysatay baaqyadaan iska soo daba dhacaya. Askariga Soomaaliyeed ayaa mushaar ahaan u qaata $200 (Labo boqol oo dollar) waana lacag aad u yar, sidaas oo ay tahay waa kuwa ugu shaqada badan oo u dhinta dalkaan. The post BF oo u yeeray taliyaasha ciidamada iyo wasiirka difaaca, kalana hadlay arrin xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) — Shukri Osman Muse is making history in Mogadishu as the city's first female equestrian, challenging societal norms in a field long dominated by men. In just three months, she has navigated the challenges of training and competing in an environment with limited resources for women. Source: Hiiraan Online
-
(ERGO) – Destroyed crops and an empty food store face Mohamed Said Dahir and his family of 12, after two years of failed rainy seasons struck their farm in Middigale, northern Somalia’s Sanag region. Source: Hiiraan Online
-
Guddiga Maaliyadda ee labada gole BJFS ayaa kulan ku yeeshay xafiiska guddiga ee Villa Hargeysa, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS, Wasiirka Gaashaandhiga, Taliyaha Ciidanka XDS, Taliyaha Booliiska, Taliyaha nabad sugida, Taliye ku xigeenka ciidanka asluubta Soomaaliyeed. Ugu horeeyn Guddiga Wuxuu warbixin ka dhageystay dhamaan Taliyaasha iyo Wasiirada shirka ka soo qeyb-galay, iyagoona faahfaahiyay daruufaha ciidanka ku gadaaman iyo in kororka miisaaniyadda sanadkaan loo wareejiyo dhanka ciidanka. Gaba-gabadii Guddoomiyaasha Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee BJFS oo kulanka soo xiray ayaa usheegay in Xaquuq u halida Ciidanka XDS ay muhiim tahay ka guddi ahaana ay diyaar u yihiin in ciidanka Xuquuq loo raadiyo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo xiray kulan cilmiyeedka afaraad ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, kaas oo sanadkan looga hadlay mowduuc la xariira Dastuurka iyo Haybta Soomaaliyeed. Kulanka oo ay ka qayb galeen culumaa’udiin, aqoonyahanno, xeel-dheerayaal arrimaha Dastuurka iyo xubno matalayay bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ku saabsan qodobadii lagu lafa-guray muddadii uu kulanku socday. Xasan Sheekh ayaa isla maanta soo xiray Shiweynaha 5-aad ee Hoggaaminta iyo Hal-abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo muddo labo maalmood ah Muqdisho uga socday dhallinyaro ka kala timid Muqdisho iyo gobollada dalka. Madaxweynaha ayaa khudbad dheer ka jeediyey kulankaas, isagoo ugu horeyn dhallinyarada Soomaaliyeed bogaadiyey, sidoo kalena ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka. Xasan Sheekh ayaa mar kale maanta hoosta ka xariiqay in marnaba aan laga laaban doonin qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka bilaaban doonta bartamaha sanadka soo socda ee 2025-ka. Hoos ka daawo khudbadii uu jeediyey Xasan Sheekh The post Daawo: Xasan Sheekh oo mar kale jeediyey khudbad ku saabsan dastuurka appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda masar ayaa lagu eedeeyay inay adeegsiga dekadeheeda u oggolaatay markab shixnad hub ah u wada maamulka israa’iil ee gumaadka dadka falastiin iyo Lubnaan ku howlan. Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in dowladda Masar ay u ogolaatay inuu dekadeheeda ku soo xirto markabka MV Katherine ee laga leeyahay dalka Jarmalka, kaasoo la rumeysan yahay inuu u sido walxaha qarxa. Markabkan oo ku sii jeeda Israa’iil, ayaa loo oggolaaday inuu ku xirto dekedda Alexandria, sida ay hay’addu sheegtay, waxayna amnesty xustay in halista shixnaddani ay qayb ka qaadan karto dembiyo dagaal. Dowladda masar wax faahfaahin ah kama bixin arrinta markabkan iyo ujeedada uu u adeegsanayo dekadaha dalkaas, xilli israa’iil ay gumaad bareer ah ku hayso dadka rayidka ah ee falastiin iyo Lubnaan. Source: goobjoog.com
-
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa dhagax dhigay xerada cusub ee Ciidanka La Dagaalanka Argagixisada ee Galeyr. Dhismaha Xeradan ayaa loogu talo-galay in lagu tababaro ciidamada gaarka ah ee booliska Soomaaliya, kuwaas oo loo diyaarinayo inay qaadaan howlgallo adag oo lagu xaqiijinayo bedqabka bulshada iyo nabad-gelyada dalka. Xeradan cusub ayaa astaan u ah dadaalka lagu xoojinayo awoodda iyo tayada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay awood ugu yeeshaan ka hortagga iyo la dagaallanka falalka argagixisada, sida lagu sheegay war uu soo saaray taliska boolisku. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ku wareejisay gaadiid badeed oo dhowr doomood ah, kuwaas oo loogu talo-galay ciidamada Ilaalada xeebaha dalka. Munaasabad Kooban oo ka dhacday Dakadda magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb-galeen wasiiru Dowlaha Gaandhigiga, Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka, Taliye ku xigeenka CXD, Taliyaha Ciimada Badda iyo Saraakiil kale ayaa 4-doomood oo ah nuuca dheereeya waxaa lagu wareegiyay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya kuwaasi oo loogu tala galay inay qeyb ka noqdaan sugitaanka amniga xeebaha dalkeena. Safiirka Ankara ee Soomaaliya ayaa sheegay in Doomahaan wax badan ka tari doonaan sugitaanka ammaan xeebaha, isagoona xusay in taageeradii turkiga ee soo bilaabatay 2011kii ay sii laba jibaarayaan maalinba maalinta ka danbaysa. Wasiir Dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cumar Cali Cabdi oo Dowladda Turkiga kaga Mahadceliyay Doomaha ay ku wareejisay Ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in wax badan kusoo kordhin doonaan ladagaalanka khawaarijta iyo waxkasta oo halis ku ah amniga badda si looga faaidayso Khayraadka xeebaha Soomaaliya Sidoo kole waxaa goobta Shahaadoyin lagu guddoon siiyay Ciidan si gaar ah loogu tababaray ilaalada xeebaha kuwaasi oo Doomahaan cusub ku howl gali doon Source: goobjoog.com
-
Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinteeda ku aadan hannaanka dib-u-eegista 4-aad wajigiisa 2-aad kadib shirar ay yeesheen IMF iyo Dowladda Soomaaliya oo ka kala dhacay Turkiga iyo Mareykanka. IMF ayaa Warbixinta ay soo saartay ku amaantay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiim san yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda. 𝐇𝐚𝐝𝐚𝐛𝐚, 𝐬𝐢𝐝𝐚𝐭𝐚𝐧 𝐚𝐲𝐮𝐮 𝐮 𝐪𝐨𝐫𝐚𝐧 𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐚𝐱𝐚𝐚𝐟𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐈𝐌𝐅, Kooxda IMF ee ay hoggaaminaysay 𝐌𝐬. 𝐋𝐚𝐮𝐫𝐚 𝐉𝐚𝐫𝐚𝐦𝐢𝐥𝐥𝐨 ayaa wadaxaajood ay la yeelatay Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda XFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞, kulamadaas oo ka kala dhacay Magaalooyinka 𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 𝐃𝐂 iyo 𝐈𝐬𝐭𝐚𝐧𝐛𝐮𝐥 ayaa ku soo dhammaaday si guul ah, kulamadaas kadib, IMF ayaa soo saartay Warbixintaan hoos ku xusan oo aan dulmarkeeda idiin soo turjimnay, 𝐖𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐛𝐚𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐮, Saadaasha kobaca dhaqaale soo-saarka gudaha ee Soomaaliya ayaa horumar sameeyay, inkastoo ay jiraan caqabado, hadana Sanadkan 2024-ka waxaa isbeddallo togan laga sameeyay wax soo saarka beeraha, dhoofinta, iyo nidaamyada xawaaladaha, iyada oo la filayo in uu sii socdo horumarkan ilaa 2025-ka. Natiijo ahaan, kobaca dhaqaale soo saarka gudah (GDP) ayaa gaaray 4 boqolkiiba 2024 ilaa 2025. In kasta oo ay jiraan caqabado amni, Dowladda Soomaaliya waxa ay u dhabar adeegtay dagaalka ay kula jirto kooxda khawaarijta argagixisada, waxa ayna sii waddaa la shaqaynta saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo in si guul leh looga guuro Hawlgalkii Midowga Afrika oo hadda lagu badalayo ciidamo cusub horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka. Khataraha jira ee mustaqbalka dhow waxaa ka mid ah isbaddalka cimilada ee saameeyay dhaqaalaha dunida. Dowladdu waxa ay ku howlantahay in ay diiradda saarto sare u qaadidda dakhliga gudaha, iyada oo ujeedadoodu tahay in dakhliga gudaha uu si buuxda ugu filnaado kharashaadka joogtada ah marka lagaaro 2027, iyada oo sidoo kale dakhliga guduhu uu daboolayo kharashkaadka waxbarashada iyo caafimaadka. Dakhliga gudaha ee Dowladda ayaa ahaa mid waafaqsan filashooyinkii lagu saadaqliyay jaangoyntii sii hore. Miisaaniyadda Dowladda ee 2025-ka ayaa odorosaysa marka loo eego dakhliga gudaha in dhaqaale soo saarka Gudaha (GDP) uu noqonayo 3.3 boqolkiiba. Dowladdu waxa ay garowsan tahay muhiimadda ay lee dahay in horumar joogto ah laga sameeyo hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda, iyada oo la raacayo qorshaha hagidda dakhliga ee xiliga dhexe ee dhawaan la shaaciyay (Medium-term Revenue Roadmap), qorsheyaashaas waxaa ka mid ah casriyaynta nidaamka furdooyinka, sharciga cashuuraha dakhliga iyo dhaqangalinta xooggan ee cashuuraha iibka. Hannaanka Maareynta Maaliyadda Guud (PFM) ayaa ahaa mid ay Dowladdu ku guulaysatay ku dhaqmidiisa, iyada oo la hormariyay nidaamka mushaar bixinta, Hufnaanta iyo Isla xisaabtanka. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS) wuxuu horumarin ku sameeyay maamulka hannaanka Maaliyadda ee hay’adaha Dowladda. Waxa uu diiradda saaray xeel-dheerinimo maaliyadeed oo ay kamid yihiin kobcinta qaab dhismeedka sharciya, iyo kormeerka, hagaajinta tayada nidaamka xogta iyo kordhinta awoodaha farsamo. Bangiga ayaa dadaal galiyay sii wadidda xoojinta nidaamka ka hortagga lacagta dhaqista iyo la dagaalanka maalgalinta argagixisada si loogu hoggaansamo xeerarka caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya waxa ay damacsan tahay dib-u-soo celinta lacagta Shilinka Soomaaliga ah (SOS) iyada oo la hirgalinayo guddiga dib-u-qaabaynta lacagta. Lacagahaan ayaa u sahli doona gacasiyada yar yar ee Soomaalida in ay wax kala iibiyaan gaar ahaan waxa uu aad u taageeri doonaa wax kala iibsiga qiimihiisu hooseeyo, si loo xaqiijiyo in Shilinka Soomaaliya dib loogu daaboco si taxadar leh, siyaasaddiisuna ay daggan tahay ayaa Dowladdu waxa ay qorsheynayaaa in ay dhisto guddi kor-joogteeya dib-u-daabicidda lacagta iyada oo taageero ka helaysa IMF qeybta horumarinta xirfadaha. Dhaqan galinta arrimaha lacag daabacaada waxa ay qaadan doontaa muddo u dhaxaysa 18 ilaa 24 Bilood, kadib marka la dhiso, lana dhameystiro arrimaha muhiim ka u ah lacag daabicidda ayaa Dowladdu waxa ay heli doontaan taageero maaliyadeed oo caalami ah. Sidoo kale Dowladda waxaa ka go’an in ay horumariso tillaabooyin ka lagu xoojinayo horumarka ka hortagga faqriga iyo kor u qaadidda qorsheyaasha looga hortagayo Isbaddalka Cimilada iyo sare u qaadidda dhaqaalaha ganacsiga. Dowladdu waxaa kale oo ay ku dadaalaysaa Waxbarashada, iyada oo xaqiijinaysa in caruurta Soomaaliyeed Iskuulada si toos ah u aadaan iyada oo la xaqiijinayo in gabdhuhu ay soo xaadiraan waxbarashada. Waxaa sidoo kale Dowladda mudnaan gaar ah u leh ka hortagidda saameynta dhaqaale ee isbaddalka cimilada iyo xoojinta amniga cunnooyinka. Ka mid noqoshada Ururka Bulshada Bariga Afrika oo abuuraya fursado muhiim ah ayaa sidoo kale loo baahan yahay in loo maareeyo sida ugu haboon hadii ay dhashaan caqabado lama filaan ah. 𝐔𝐠𝐮 𝐝𝐚𝐦𝐛𝐞𝐲𝐧, Xafiiska Howlgalka IMF ee Soomaaliya waxa uu u mahadcelinayaa Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee ay la galeen wadahadalada miro-dhalka ah ee ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Badroolka, Gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Dowaldda Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in aysan ku dooneyn helista galaanka badda cas ah xoog iyo weerar, balse ay is-difaaci doonto, haddii weerar arrintan la xiriira lagu soo qaado, sida uu hadalka u dhigay. Bishii Janaayo ee bilowgii sanadkan ayaa Ethiopia waxay heshiis la gashay maamulka Somaliland, kaasi oo ka kireynaya Ethiopia 20km oo dhul xeebeedkeeda badda cas ah muddo 50 sano ah, taas bedelkeedana ay Somaliland Ethiopia ka helayso aqoonsi. Abiy Axmed oo maanta la hadlayay baarlamaanka dalkaas ayaa helista heshiiskan ku tilmaamay mid “horumarineed,” ah oo ku salaysan baahida ay Ethiopia u qabto marin badeedka. “Waxaan dalbanay in badda gaarno, taasina kuma raadin doonno weerar iyo dagaal, laakiin si hufan ayaan isaga difaaci doonnaa haddii ay wax dhacaan,” ayuu yiri Abi Axmed. Abi Axmed waxa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in himilladaasi ay Ethiopia gaarto, haddii hadda aanay gaarinna, buu yiri “ay caruurtoodu gaari doonto.” Heshiiskaasi waxa uu ka careysiiyay dowladda Soomaaliya oo ku tilmaantay mid sharci darro ah, oo meel ka dhacna ku ah qarannimadeeda iyo madax-banaanideeda dhuleed. Waxay erisay safiirkii Itoobiya bishii April, Talaadadiina waxay ku amartay Ali Mohamed Adan, oo ka tirsanaa qunsuliyadda Ethiopia ee Muqdisho inuu dalka ka baxo. Soomaaliya waxaa kale oo ay horey u sheegtay in ciidamada Ethiopia aysan qeyb ka noqon doonin howl-galka cusub ee nabad Ilaalinta Midowga Africa ee bedelaya ATMIS. The post ABIY Axmed oo ku dhowaaqay arrin uga sii dareysa xiisada badda appeared first on Caasimada Online.
-
A political change — at every level of government – is always crucial to all democratic countries. A political change occurs when the need to change a government of a country or leader arises and becomes urgent. A leadership change becomes inevitable not only in times when periodic elections are due, but more importantly in times when the impact of poor leadership impairs a nation’s right to exist. In general, a government leader is changed when he loses the way, fails to come up with a vision for the nation, goes astray and then becomes a liability to the country. And when a leader becomes a burden on the country, nations mostly go into crises after crises, if not crumble to pieces. Every country is described by what its leaders do for or take from it. The trouble is that the whole exercise is undermined when performances and procedures are not scrutinized. Proving causality is not impossible. We can simply find the pattern of association between the image of our country and our present leaders decline in terms of nation-building. And there is evidence that the latter causes immeasurable casualties. The bad economy and political anxiety that S/land people had experienced in the era of Kulmiye administrations just tells us the type of leaders S/land has had for almost the past seven years. A recent research discovered that S/land present leadership is very demagogic in nature. When historians and political analysts rank S/land leaders from best to worst, the two Colonels are invariably come out at the top 2 worst leaders in S/land history. The way the Colonels are leading S/land country doesn’t show any signs of promising future. S/land communities are socially and politically divided on tribal basis. And divided societies can’t built their future together. Even if they look these days like united people, the fever of tribalism will no doubt pull them at least in different directions. The reason why the two Colonels are ranked as the worst S/land leaders is that they are predators instead of benefactors and the way in which they used to rule S/land country for the last seven years was actually like roaring lions and rushing bears seeking for whom to devour. What crazy years! In so many ways these years have tested S/land citizens’ endurance, tolerance, and patience. There is no denial that S/land people have endurance and ability to tolerate and bear bad and poor governance. The effects of bad governing and poor leadership eventually reached a tipping point at which a tiny perturbation can qualitatively alter the existing system. What was clear from the past years is that our nation was deeply divided. This divide showed itself in every area of social and political spectrum and leadership quality. How do we view the armed conflicts and political disputes that constantly loomed over S/land in a threatening way for the past years? Years of immoral doings like stealing, lying and betraying have in fact slowed down S/land’s social, economic and political progress. How will history remember the consequences of Lasanod war? Why S/land army forces failed to fend off Sool clan armed militias? Who among us will forget how badly S/land troops were humiliated and defeated? Are we not fully aware that the two Colonels make decisions unilaterally, give no concern or consideration to what the people say, and simply expect compliance and obedience from all. We knew well before their being elected to the highest of the country that the two Colonels are not proficiently problems-solvers, but only problem creators. They were known for their cynical plots to set SNM fighters against one another and divide them into clan affiliations. The Colonels never in their life tried to become better than they were yesterday. They are still who they were yesterday and have even failed to gain enriching experiences through learning and leading. The current ubiquity of advertising themselves in this election time is certainly one of their most subtle and insidious policies. The two Colonels led S/land to civil war in which the consequences of both human and material resources were great. Many Somali people, most of whom were teenagers, died in Lasanod war, pushing the death toll up to hundreds of thousands. Wasted military equipment, even if measurable, were also huge. Abuse of power accompanied by immoral corruption caused unwise utilization of national revenues and misuse of public property. After nearly 7 years of political conflicts and clashes of ideas over the deliberate delays of the country’s constitutional presidential election by the two outlawed Colonels, S/land is eventually stumbling towards the presidential election. This election is unlike any other in the nation’s history. This election is totally different from 2017 presidential election in the sense that it is all about the future for S/land. The stakes are even higher because over the last seven years, the two Colonels in leadership positions have been increasingly and incredibly becoming more confused, more unstable and more unhinged year after year. The nation is more divided tribally than we ever imagined. The two Colonels are the ones who have politically and socially divided the nation on tribal lines. And in fact, if left unattended, the division within the nation will only grow deeper and wider, if the two Colonels will remain in power. A divided nation needs a united people. A divided nation needs a leader who has the sincerity and skill to unite. A divided nation cannot fix the troubling aspects of its life. That is the role leaders play. The two Colonels don’t have the capacity to unite S/land people around the common cause. The two Colonels only excel at creating the conspiracy to divide people and keep them apart. And that is not what good, honorable and honest leaders do. When confusion and incapability propel the Colonels into an orphan mindset, when ignorance and arrogance cloud their mind, and when selfishness and grudge beyond belief offers them aspirations to stay five more years in office through contravention of S/land constitution and conspiracy theories skew their thinking, where the S/land that we want would evolve from in the even that S/land population fails to remove the two Colonels out of the office through their collective choice in the coming presidential election? The good news is that most S/landers are now aspiration-ally and enthusiastically talking about their future so much because they deeply care about how their lives will develop, and what they will leave to those who come after them. The majority of S/land societies except some minorities wronged by emotions rather than insights, have come to realize that the two Colonels are not competent at all but in fact characteristically demagogic, with a difference. The difference is hysteria; an edgy hysteria which mesmerizes the Colonels’ entire mindset; a hysteria that easily melts into an arrogance that boarders on megalomania that makes the Colonels believe that they should serve the nation through a war against a perceived enemy. In Hitler’s case, the Jewish were the enemy. In the Colonels’ case, he who stands against them is the enemy within. At the root of this public awareness is a sense in which most S/land are ready to address all pressing issues, things that matter in people’s lives that need an immediate remedy like getting rid of the two Colonels, the unchecked inflation, the corruption that leads from one avenue to another, the uncontrollable cost of living and failing public services. The need for the impending hour tells us that S/land needs a leader that can get the people out of this tight situation; a leader that can swiftly take the society out of political quagmire; a leader that can unite S/land people again; a leader that can bring the change that S/land now requires; the real change that must revive the hope and harmony; the real real change that should heal the wounds; the real changes that have to break the barriers the Colonels put between S/land sister clans; the real change that should focus on bringing and building effectively the three core survival functions of any government :Justice, transparency and accountability. It is, therefore, incumbent upon every S/land citizen to vote against the two Colonels and vote in favor for the right presidential candidate, who the majority of S/land people believe that the S/land most people want will survive and rest in his hands. The ignorance and emotions that might lead one’s inked finger to voting for Muse Biix in this presidential election surely impairs S/land future. Without fear or favor, it is of utmost importance to all S/land people to hand over the baton to the right candidate who the majority of S/land societies believe that the S/land most citizens want will survive and rest in his hands. Everybody owns their own future and you’re the only one who can change it. Finally, there is an old adage that says, “If you want peace, prepare for war.” The Colonels know that the majority of S/land people lost trust and confidence in them and that it is impossible for them to regain people’s trust even if they will mobilize miracles. The only option open for them is to create violence and fight between the communities living side by side in peace in S/land cities. It is therefore recommended that both the public and parties supporters should remain vigilant against armed mercenaries hired by Kulmiye party for creating resident-to-resident altercation in all S/land cities, particularly areas which are the strongholds of Waddani party. God bless S/land By Jama Ismail (Jama Falaag) jamafalaag@gmail.com Hargeisa, Somaliland As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo laba sano iyo bar xilka haya ayaa sii wada inuu dib u qurxiyo dhaqanadii qalafsanaa ee nidaamkii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweynaha wuxuu horey u haystay saddex arrimood oo taban oo uu kala mid noqday Farmaajo tan iyo markii xukunka kusoo laabtay 15-kii May 2022. Waxay kala yihiin saddexdii uu horey usoo barbareeyay iyo midda haatan; 1. Dastuur ku tumashada Labada madaxweyne ee isku beddelay xukunka Villa Soomaaliya midkoodna ma ixtiraamin dastuurkii lagu doortay. Farmaajo waxaa lagu xasuusta muddo kororsigii sharci darrada ahaa ee Xamar dagaalka galiyay. Xasan Sheekh-na hadda waa iska diiday inuu baarlamaanka mariyo heshiisyadii uu soo galay sida uu dastuurka qabo, wuxuuna sidoo kale muddo kororsi sharci darro ah siiyay maamul goboleedyada. 2. Baarlamaan curyaamin Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu muddo xileedkii hore ahaa nin baarlamaanka macno ugu fadhiyo, laakiin hadda muddo xileedkiisan cusub isagoo xiganaya sidii uu Farmaajo u damiyay baarlamaanka, isna sidaas oo kale ayuu kasoo qaaday. Wax ay diidi karaan ama sixi karaan ma jiraan baarlamaanka. Labada ninba waxay curyaaminta baarlamaanka u adeegsadeen dhaqaale iyo xilal bixin. 3. Siyaasadeynta socdaalka Labada nin ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu mid walba hor istaagay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka aragti duwan iyaga, kuwaas oo loo diiday inay ka baxaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyagoo u socday isla gudaha dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh isagoo horey saddexdaasi ugu barbareeyay Farmaajo ayaa haatana qodob afaraad ku barbareeyay shalay, waana in lagu fashilmay isku haynta dalka, gaar ahaan maamul goboleedyada. Madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo intii ugu badneyd muddo xileedkiisi ma haysan Puntland iyo Jubbaland, haatana Xasan Sheekh ayaa go’aanno ku gaaray shir ay ka maqan yihiin labadaasi maamul. Horey waxaa u maqneyd Somaliland. Qofka madaxda ka ah Soomaaliya mid kamid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu qiimeynayo waa isku haynta dalka. Xasan Sheekh maanta ma hayo Somaliland, Puntland iyo mana hayo Jubbaland. Tani waxay ka dhigan tahay inuu sidii Farmaajo isna ku fashilmay isku haynta dalka iyo isku wadka bulshada Soomaaliyeed. Ma jiro fashil ka weyn boobka hantida qaran ee ka socda magaalada Muqdisho iyo in la isku hayn waayay dalkii. Wax walba oo madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaqaaqo maanta ma wada saameynayaan dalka, waa wax deegaano gaar ah ku eekaan doona, taas oo haddii lagu sii adkeystana halis galin doonta midnimada guud ee umadda Soomaaliyeed. The post Xasan Sheekh oo qodobkii afaraad ku barbareeyay Farmaajo – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa si adag uga horyimid go’aannadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran, kaasi oo muddo kororsi horleh loogu sameeyay maamul goboleedyada. Shirkaan oo dibad joog ka ahaayeen Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay maanta golaha wasiirada Puntland ku tilmaameen go’aannada kasoo baxay golaha wadatashiga “nasiib darro weyn oo xaalad hubanti la’aan ah u horseedaya dalka”. “Golaha Wasiirada Puntland wuxuu nasiib darro weyn ku tilmaamay go’aankii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran, kaasi oo horey ay dowladda Puntland uga sii digtay, haatana xaalad hubanti la’aan ah u horseedaya dalka, maadaama uu yahay go’aan kasoo horjeeda dastuurka KMG ah ee DFS, kan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya iyo hanaanka dowlad dhiska ee ku saleysan dib u heshiisiin iyo wadar ogol,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay shirka golaha wasiirada Puntland. Golaha ayaa sidoo kale wuxuu ayidayaa go’aankii ay wadajirka usoo saareen xildhibaannada Puntland ku metela labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo golaha wakiilada dowladda Puntland. “Goluhu wuxuu bogaadiyey go’aanka dowladda Jubbaland ee ku saabsan qabashada heerarka kala duwan doorashooyinka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dowladda Jubbaland iyagoo iska diiday muddo kordhin aan sharci aheyn, tani waa masuuliyad saaran dowladaha xubnaha ka ah DFS inay ilaaliyaan dastuurka iyo shuruucda u yaalla.” Puntland ayaa sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay baaqyada ay soo saareen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka damqaday sharci jebinta kasoo baxday shirkii golaha wadatashiga qaranka. “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay markale cadeynaysaa in ay mowqifkeedii hore ka taagan tahay habka khaldan ee loo marayo hanaanka dowlad dhiska Soomaaliya, go’aanka kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka, waa mid si buuxda u muujinaya waxyaabaha ay dowladda Puntland hore uga digtay.” Si kastaba, golaha wadatashiga qaranka ayaa shalay ku heshiiyey in dalka doorasho qof iyo cod ah laga qabto, iyadoo muddo kordhin kale loo sameeyey madaxda dowlad-goboleedyada, si doorashooyinkaas loogu diyaar garoobo, loona qabto sanadka dambe ee 2025-ka. The post Puntland oo war culus kasoo saartay muddo kororsiga golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Puntland ayaa nasiib-darro ku tilmaantay Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegtay in uu Xaalad hubanti la’aan ah u horseedayo Dalka. Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka Golaha Xukuumadda Puntland ee Khamiista Maanta ah ayaa ku tilmaamay Go’aannadii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran kuwa ka horjeeda Dastuurka KMG ah ee Dalka iyo Dastuurka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya. Golaha Xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale ayiday Go’aankii Xalay ay sida Wadajirka ah u soo saareen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo Golaha Wakiilada Puntland, kuwaasi oo ka horyimid Qodobadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Xukuumadda Puntland waxay sidoo kale bogaadisay Go’aanka Jubaland ee ku saabsan qabashada heerarka kala duwan ee Doorashooyinka Jubaland sida waafaqsan Dastuurka Jubaland, islamarkaana ay ku diidday Mudda Kordhinta loo sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka. Xukuumadda Puntlan ayaa sidoo kale taageertay Baaqyada ka soo baxay Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Muqdisho, oo ay ku jiraan Madaxdii hore ee Dalka, kuwaasi oo diiddan Go’aannadii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka Puntland PUNTLAND POST The post Xukuumadda Puntland oo caddaysay Mowqifkeeda Go’aannadii ka soo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray shiweynaha 5-aad ee hoggaaminta iyo hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed. Shirkaan oo lagu soo bandhigay aalado casri ah oo ay hal abuureen dhallinyaro Soomaaliyeed, caqabadaha ku hor gudban dhallinyarada iyo fursadaha u baahan in looga faa’iideeyo. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay baadi-goobka xaquuqda dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso, helidda xaqa dastuuriga ah ee doorashada matalayaashooda siyaasadda iyo hoggaaminta dalka. Shirkan oo muhiim ah ayaa maalmahan lagu lafa-gurayay doorka ay dhalinyarada ku dhex leeyihiin bulshada, waana kalkii shanaad ee shirweynaha hogaanka iyo hal-abuurka dhalinyarada. Duqa Muqdisho oo shirkaan furay ayaa sheegay in aan la dhayalsan karin doorka dhalinyarada, isla markaana ay yihiin laf-dhabarka bulshada, waxa uuna kula dar-daarmay in lagu dadaalo waxbarashada, ayna isku gurmadaan dhalinyarada si usoo bandhigaan hal abuurkooda. Shirkaan ataa waxaa soo qaban-qaabiyay Somali Youth Leadership Center iyo Arkaan Leadership and Innovation Hub oo kaashanaaya xafiiska la-taliyaha madaxweynaha JFS ee arrimaha bulshada. The post Xasan oo maanta soo xiray shirweyne maalmahan ka socday Muqdisho + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare”, Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi, ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Shabaab, gaar ahaan qeybta soo gudbinta Xogaha ganacsatada iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee dekadda Muqdisho. Shaqooyinkii ay Shabaab u qabteen ayaa waxaa kamid ah Xogaha Sagaal markab oo si PDF ahaan ah ay whatsapp-ka ugu direen Cabdi Qafaar “Ugaas” oo Shabaab u qaabilsan Qeybta Xogaha Maraakiibta iyo Maaliyadda Ee Dekadda Muqdisho, bil kasta ayeyna la wadaagayeen xogaha iyo dhaq-dhaqaaqyada ganacsi ee Dekadda, si Shabaab ay u handadaan ganacsatada oo ay uga qaataan lacago baad ah. Seddexdaan Eeddeysane, ayaa Gacmaha Hay’addaha ammaanka waxay soo galeen Tobankii bisha Lixaad ee Sanadkaan 2024. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Labo iyo Labaatankii Bishaan Oktoobar. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukuntay. Cabdi Cabdulle Cumar Cabdi yare” iyo Maxamed Maxamuud Cabdi ayey Maxkamadu ku xukuntay min Siddeed Sano oo Xabsi Ciidan ah, halka Cabdullaahi Axmed Cabdi “Dhoobey lagu xukumay Afar sano oo Xabsi ciidan ah. Source: goobjoog.com
-
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ayaa ilaa shalay maraayay oo booqanaayay deegaanka miyiga iyo tuulooyinka degmada Sabawanaag isaga oo dul istaagay goob kasta oo ay dadku joogaan waxa uu la kulmay haweenka, dhalinyarada, odayaasha iyo dadka reer miyiga ah ee deegaanada uu maraayay jooga suldaanka iyo waftiga uu hogaaminaayo ayaa goob kasta oo uu istaagsba ay dadku ku soo xoomaan iyada oo ay dar daaranka iyo talada suldaanku uu siinaayana si toos ah u qaatay isla markaasina uu suldaanku u duceeyay. Deegaanka Sabawanaag oo ka mid ah deegaanada ugu baaxada weyn gobolka Maroodijeex ayayna xukuumadda Muuse Biixi ayna hal mashruuc ka fulinin dadka deegaanka aysan arag wax ama helin wax adeeg bulsho ah, waana deegaan ay dumarka umulayaa ay isku dhintaan sanadkan gudihiisa waxa isku dhintay dhowr jaween ah kadib markii degmadda Sabawanaag laga waayay irbadaha dhiig joojinta iyo adeeg caafimaadba, dhowr iskuul oo dunsan oo ay roobabku wax yeeleeyeena ay wali haawanayaan. Qaran News