Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,126
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gonzalo Garcia's second-half header lifted Real Madrid to a 1-0 victory over Juventus on Tuesday, securing the Spanish side a place in the FIFA Club World Cup quarterfinals. Source: Hiiraan Online
  2. Iranian Minister of Foreign Affairs Abbas Araghchi has ruled out a quick resumption of talks with the United States after President Donald Trump said US negotiations with Tehran could restart as early as this week. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa si rasmi ah u soo xiray xuska Todobaadka Xorriyadda iyo Midnimada, oo ku beegan sannad-guuradii 65-aad ee kasoo wareegtay mideynta gobollada dalka iyo aasaaska Jamhuuriyadda. Madaxweynaha oo munaasabadda xiritaanka kaga qeyb-galay Xarunta Golaha Xukuumadda ayaa khudbad uu ka jeediyay waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha badan ee 1-da Luulyo, isagoo ku bogaadiyay sida wadaninimada leh ee ay shacabka iyo qurba-joogtu ay u xuseen sannadkan. “Xuska Todobaadka Xorriyadda waa maalmo aan dib ugu jaleecno halka uu hayaankeenu ka soo bilowday, jidka dheer ee aan soo marnay, iyo himilada aan hiigsanayno. Waa waajib qaran in la xasuusto halgankii sharafta lahaa ee horseeday xornimada, midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed”. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay xoojinta midnimada dalka, dib u heshiisiinta iyo dhammeystirka hannaanka dowlad-dhiska, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo walaalaha Somaliland. “Waxaan diyaar u nahay in miiska la isugu yimaado si daacadnimo iyo kalgacal ku dhisan, loogana wada shaqeeyo xal u helidda arrimaha taagan, si aynu u xaqiijino dareenkeenna walaaltinimo iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu shacabka ku boorriyay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka, isla markaana ay garab istaagaan dowladda dadaalka ay ugu jirto sugidda amniga, xoreynta dhulka ay ku dhuumaaleysanayaan Shabaab iyo gaarsiinta dalka doorasho toos ah. Source: goobjoog.com
  4. Maareeyaha Guud ee hay’adda Duulista dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan oo ka warbixiyay diyaarad saaka ku dhacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa sheegay in diyaaraddaasi ahayd nooca qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM. Maareeye Axmed Macallin Xasan ayaa tilmaamay in diyaaraddda oo ka soo kacday degaanka Baledoogle ay ku dhacday qeybta Afasiyooni ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu sheegay in diyaaradda ay saarnaayeen 8 qof kuwaas oo aan weli la xaqiijin karin xaaladdooda maadaama ay socdaan gurmadyo la xiriira deminta dabka ka kacay diyaaradda ku bur-burtay halkaas, lana ogaan doono sababta keentay soo dhicista diyaaradda. Maareeyaha ayaa sheegay in shaqada garoonka hadda sidii caadiga aheyd ay ku socoto, balse la xiray ilaa 600 oo mitir oo ah qeybta diraadaha ay ku ordaan xigtana dhanka Afasiyooni, maadaama halkaas ay ku soo dhaceen walxo la xiriira bur-burka diyaaradda. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  5. Paris (Caasimada Online) – Dalal ay ku jiraan Faransiiska, Soomaaliya, Barbados iyo Spain ayaa Isniintii daah-furay isbahaysi cusub oo ku baaqaya in canshuur lagu soo rogo rakaabka diyaaradaha ee hodanka ah, si looga caawiyo wadamada saboolka ah inay la tacaalaan saamaynta isbeddelka cimilada, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Faransiiska. Isbahaysigan, oo ay sidoo kale ku bahoobeen wadamada Kenya, Benin, Sierra Leone iyo Antigua iyo Barbuda, ayaa sheegay inuu u olalayn doono sidii loo kordhin lahaa tirada wadamada canshuura tikidhada diyaaradaha, gaar ahaan duulimaadyada heerka ganacsiga (business-class) iyo diyaaradaha khaaska ah. Duulimaadyada ayaa ah isha ugu weyn ee qiiqa wasakhaysan ee sii kordhiya kulaylka adduunka, kaasoo dhibaatada ugu daran ku haya wadamada soo koraya ee nugul, kuwaas oo ah kuwa ugu yar ee ka mas’uulka ah dhibaatadan. War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Faransiiska ayaa lagu sheegay, iyadoo loo diyaar-garoobayo shir-madaxeedka Qaramada Midoobay ee cimilada oo bisha November ka dhacaya dalka Brazil, in isbahaysigu ka shaqayn doono sidii waaxda duulimaadyada looga dhigi lahaa mid si weyn uga qayb qaadata maalgelinta la-qabsiga isbeddelka cimilada. Bayaanka ayaa intaa ku daray in ujeeddadu tahay in ugu yaraan qayb ka mid ah dakhliga canshuurta laga helo loo weeciyo “maalgashi adkeysi leh iyo isbeddello caddaalad ah,” iyo in laga caawiyo wadamada saboolka ah inay kordhiyaan dakhligooda gudaha, taasoo ah qodob muhiim u ah horumarka. Dalalka Faransiiska, Kenya iyo Barbados ayaa horey ugu ololeeyay waxa loogu yeero “canshuuraha iskaashiga” si lacag loogu uruuriyo wax-ka-qabashada cimilada, iyagoo soo jeediyay in canshuur lagu soo rogo maraakiibta, shidaalka fosilka, caaga (plastic) iyo lacagaha dhijitaalka ah (cryptocurrency). Kooxdan ayaa soo jeedisay in canshuuraha duulimaadyada laga uruurin karo lacag gaaraysa ilaa 187 bilyan oo Yuuro ($220 bilyan) haddii si guud loo wada hirgeliyo. Hay’adda Greenpeace ayaa soo dhaweysay tallaabadan, kuna tilmaantay “tallaabo muhiim ah” oo lacag dheeraad ah looga uruurinayo “nooca safarka ee ugu wasakhaynta badan uguna qaalisan,” kaasoo ilaa hadda aan si ku filan loo canshuurin. “Tallaabo geesinimo leh oo iskaashi ku dhisan oo wasakheeyayaasha lagu ciqaabayo ma ahan oo kaliya caddaalad — waa lagama maarmaan,” ayay tiri Rebecca Newsom, oo ah madaxa siyaasadda caalamiga ah ee Greenpeace, war-saxaafadeed ay soo saartay. Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli uu dalka Spain ka socday shirka Qaramada Midoobay ee horumarinta, kaasoo looga gol leeyahay in dardar cusub la geliyo waaxda horumarka oo la daalaa dhacaysa dhimis ba’an oo lagu sameeyay kaalmada dibadda, taasoo saamayn ku yeelatay dagaalka ay wadamada saboolka ahi kula jiraan isbeddelka cimilada. Wadamada hodanka ah, ee taariikh ahaan sida weyn uga qayb qaatay isbeddelka cimilada, waxaa waajib ku ah inay bixiyaan dhaqaale ay kaga caawiyaan wadamada saboolka ah la qabsiga cawaaqibka ka dhasha, sida ku cad Heshiiskii Paris ee Cimilada (Paris Agreement) ee 2015.
  6. Washington (Caasimada Online) – Xiisaddii siyaasadeed ee qaraareyd ee u dhaxaysay Donald Trump iyo Elon Musk ayaa Talaadadii dib usoo cusboonaatay, kaddib markii madaxweynaha Maraykanku uu ugu hanjabay inuu dalka ka masaafurin doono maalqabeenkan weyn ee dhinaca teknoolajiyadda, uuna ka jari doono dhaqaalaha dawladda dhexe ee ay helaan shirkadihiisa, sababo la xiriira dhaleecaynta uu u jeediyey hindise-sharciyeedka miisaaniyadda ee uu wado Trump. Qofka dunida ugu taajirsan ayaa ahaa deeq-bixiyihii siyaasadeed ee ugu weynaa ee Trump doorashadii 2024-kii, wuxuuna noqday xulufo aan ka harin bilooyinkii ugu horreeyey ee uu ku soo laabtay Aqalka Cad isagoo madax ka ah Waaxda Hufnaanta Dawladda (Department of Government Efficiency – DOGE). Balse, maamulaha shirkadaha Space X iyo Tesla ayaa hadda ku gooddinaya in uu hantidiisa u adeegsado loollan ka dhan ah Trump, isagoo ka fiirsanaya aasaasida xisbi siyaasadeed oo la tartama xildhibaannada Jamhuuriga ah ee u codeeya sharciga madaxweynaha ee loogu magac daray “Hindisaha Weyn ee Quruxda Badan” (One Big Beautiful Bill). Trump, oo 79 jir ah, ayaa si aargoosi ah uga jawaabay Talaadadii xilli uu ku sii jeeday furitaanka xarun cusub oo lagu hayo muhaajiriinta oo ku taalla Florida, taasoo loogu magac daray “Alligator Alcatraz.” “Waa inaan eegno arrintaas,” ayuu ku yiri weriyeyaasha mar la weydiiyey inuu ka fiirsanayo masaafurinta Musk, kaasoo dhalashada Maraykanka haystay tan iyo 2002-dii. Trump wuxuu kaloo muujiyey inuu beegsan karo qandaraasyada waaweyn iyo kabka dhaqaale ee ay shirkadaha Musk ee gantaallada ee Space X iyo adeegga internet-ka dayax-gacmeedka ee Starlink ka helaan dawladda Maraykanka. “Waxaa laga yaabaa inaan DOGE ku dirno Elon. Ma taqaannaan DOGE? DOGE waa bahalkii laga yaabo inuu dib ugu laabto oo uu cuno Elon,” ayuu yiri Trump. Trump wuxuu intaas ku daray mar dambe oo uu Florida joogay: “Uma maleynayo inuu ciyaartaas ila ciyaari karo.” – ‘Dalkaaga dib ugu laabo’ – Isagoo ka jawaabaya qoraal lagu baahiyey bartiisa bulshada ee X oo lagu soo bandhigay hadallada Trump ee ku saabsan masaafurinta, ayuu Musk Talaadadii yiri: “Aad bay u xiiso badan tahay inaan arrintan sii huriyo. Aad iyo aad. Laakiin hadda waan iska deynayaa.” Qiimaha saamiga shirkadda Tesla ayaa hoos u dhacay ku dhowaad shan boqolkiiba Talaadadii kaddib hanjabaadaha Trump. Trump wuxuu horay u sheegay hadallo tan la mid ah Isniintii, isagoo sheegay in Musk uu sharciga u weerarayo sababtoo ah wuxuu ka xanaaqay in laga saaray qodobo lagu taageerayey warshadaha baabuurta korontada ku shaqeysa (EV). “Kaalmo la’aan, Elon waxaa laga yaabaa inuu xiro meheraddiisa oo uu ku laabto dalkiisa Koonfur Afrika,” ayuu Trump ku yiri bartiisa Truth Social. Ninkan maalqabeenka ah iyo madaxweynaha waxaa dhex maray xiriir saaxiibtinimo oo gaaban laakiin aad u xoogganaa kadib markii uu Trump ku soo laabtay awoodda bishii Janaayo. Isagoo xiran koofiyadaha baseball-ka ee halku-dheggoodu yahay MAGA, Musk wuxuu ahaa qof si joogto ah u garab taagan Trump. Trump isna wuxuu abaal-gud uga dhigay inuu u ololeeyey baabuurta korontada ee Tesla xilli ay dad caraysan beegsanayeen sababo la xiriira dadaallada kharash-dhimista ee Musk ka waday waaxda DOGE. Laakiin waxaa dhex maray isku dhac weyn oo fagaare ah bishii May markii Musk uu dhaleeceeyey hindise-sharciyeedka miisaaniyadda, kadibna uu isaga tagay xukuumadda. – ‘Ha musalafin Ameerika’ – Musk wuxuu is qarinayey toddobaadyadii la soo dhaafay, laakiin wuxuu dib ugu soo laabtay loollanka xilli uu hindise-sharciyeedku billaabay marin adag oo uu ku dhex marayo Aqalka Koongareeska. Wixii xilligaas ka dambeeyey, wuxuu si joogto ah u soo dhigayey qoraallo ka dhan ah sharcigaas bartiisa bulshada ee X, oo uu isagu leeyahay. Dhaleecaynta bilyaneerkan waxay salka ku haysaa sheegashooyin ah inuu sharcigu kordhin firaaqa u dhaxeeya dakhliga iyo qarashaadka dowladda Maraykanka. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyey Jamhuuriyiinta inay ka tanaasuleen dadaalladii lagu doonayey in Maraykanka laga dhigo hormuudka kacaanka baabuurta korontada iyo tamarta nadiifta ah. “Waxa kaliya ee aan codsanayo waa inaan Ameerika la musalafin,” ayuu ku yiri baraha bulshada Talaadadii, isagoo ku eedeeyey Jamhuuriyiinta inay taageersan yihiin “addoonsiga deynta.” Waxaase laga yaabaa in tan ugu welwelka badan ee Trump ay tahay sida Musk uu u doonayo inuu u beegsado xildhibaannada Jamhuuriga ah ee nugul kahor doorashooyinka xilliga dhexe ee Maraykanka ee 2026. Musk wuxuu sheegay inuu aasaasi doono dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo u gaar ah oo la yiraahdo “Xisbiga Ameerika” (America Party) haddii sharciga Trump la meel mariyo, kaasi oo maanta la ansixiyey. Wuxuu ballanqaaday inuu maalgelin doono musharrixiin ka horyimaada xildhibaannada ku ololeeyey dhimista kharashka dawladda dhexe, balse markii dambe u codeeyey sharcigan. “VOX POPULI VOX DEI 80% waxay u codeeyeen xisbi cusub,” ayuu yiri kadib markii uu ra’yi-ururin ku saabsan fikraddan ka bilaabay bartiisa X.
  7. Washington (Caasimada Online) – Maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ayaa mudnaan siinaya in dhalashada Mareykanka lagala noqdo kooxo gaar ah oo ka mid ah dadka soo-galootiga ah. Qoraal-amar ah oo uu Aqalka Cad u gudbiyey Qaybta Madaniga ee Wasaaradda Cadaaladda (DOJ) ayaa faraya shaqaalaha inay bilaabaan “mudnaan siinta kala noqoshada dhalashada” muwaadiniinta Mareykanka ah ee “ku lug yeeshay dembiyo dagaal, dilal ka baxsan sharciga, ama xadgudubyo kale oo halis ah oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha,” ama kuwa lagu helay dembiyo loo arko inay “halis” ku yihiin dalka. Sidoo kale, qoraalka amarka ah wuxuu xusayaa in xubinnimada kooxaha dembiyada abaabulan ay sabab u noqon karto in qofka lagala noqdo jinsiyaddiisa. Inkastoo awaamiirtan la qoray 11-kii Juun 2025, haddana waxaa la shaaciyey waqti dhow. “Kuwa ku helay [dhalashada] si sharci-darro ah ama qarinaya macluumaad muhiim ah, ma sii haysan doonaan faa’iidooyinka helitaankaas sharci-darrada ah,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Qaybta Madaniga waa inay mudnaan siisaa oo ay si buuxda u raacdaa dacwadaha dhalasho kala noqoshada dhammaan kiisaska uu sharcigu oggol yahay oo ay caddaymuhu taageerayaan,” ayaa lagu amray qoraalka. Dadka ugu horreeya ee la beegsanayo waxaa ka mid ah kuwa “halis gelin kara amniga qaranka,” waana magacaabid uu maamulkan go’aamiyey in Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Marco Rubio, uu keligii awood u leeyahay inuu sameeyo. Wuxuu weli isku dayayaa inuu dalka ka masaafuriyo Mahmoud Khalil, oo ahaa arday hore uga tirsanaa Jaamacadda Columbia University, kaasoo hadda dammaanad ku jooga, isagoo ku eedeeyey inuu halis ku yahay siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka sababo la xiriira u dhaqdhaqaaqistiisa Falastiin. Xaqa deganaanshaha rasmiga ah ee Khalil, oo loo yaqaan ‘green card’, ayaa weli lagala noqday. Qofka haysta kaarka deganaanshaha rasmiga ah (green card) wuxuu muddo dheer lahaa xuquuq la mid ah tan muwaadinka, marka laga reebo awoodda uu u leeyahay inuu ka codeeyo doorashooyinka. Qaybaha kale ee la beegsanayo waxaa ka mid ah kuwa “galay dembiyo waaweyn oo aan la shaacin intii lagu jiray hannaanka dhalasho qaadashada” iyo qof kasta oo ku lug leh dembiyo galmo ama musuqmaasuq maaliyadeed — oo aan ahayn oo kaliya mid ka dhan ah dowladda, balse sidoo kale ka dhan ah shakhsiyaad kale. “Qaybta Madaniga waxay xaq u leedahay inay sii waddo kiisaska ka baxsan qaybahan sida ay u aragto inay habboon tahay,” ayaa lagu soo gaba-gabeeyey qoraalka. Qorshaha maamulka Trump ee lagu masaafurinayo soo-galootiga aan sharciga haysan wuxuu ku bilowday si tan la mid ah, markii uu madaxweynuhu ololaha doorashada ku jiray sheegay inuu beegsan doono “dembiilayaasha rabshadaha wada.” Laakiin tan iyo markaas, Aqalka Cad wuxuu dembiga laftiisa dib ugu qeexay inuu yahay sharci-darrada qofka soo-galootiga ah, taasoo keentay in ciidamada socdaalka ee wajiyada soo duubtay (Immigration and Customs Enforcement) ama ICE ay xarig ka fuliyaan dalka oo dhan. Muuqaallo dhowr ah oo ay baraha bulshada soo dhigeen qaraabo ama dad goobjoogeyaal ah ayaa muujinaya hooyooyin iyo carruur murugaysan oo si kedis ah loo kala kaxaynayo, iyadoo midkood la saarayo gawaarida xabsiyada si loogu qaado masaafuris. Habka rabshadaha wata ee xarigga loo fulinayo oo ah mid dadka u muuqda, iyo sidoo kale xarig silsilad ah oo si qaldan loogu geystay muwaadiniin Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeeda Hisbaanik, ayaa abuuray jawi cabsi leh oo ku baahay bulshooyinka soo-galootiga ah, iyo sidoo kale dadka haysta fiisooyinka Mareykanka, marka la eego ballanqaadka Rubio ee ah inuu la noqon doono inta ugu badan ee suurtagal ah ee xaqa deganaanshaha ku-meel-gaarka ah. Dhalashada dhaxalka ah Sida laga soo xigtay Machadka Siyaasadda Socdaalka (Migration Policy Institute), qiyaastii toddobo boqolkiiba dadka Mareykanka oo gaaraya 340 milyan waa muwaadiniin dhalasho qaatay. Muwaadin dhalasho qaatay waa qof Mareykanka u soo haajiray oo dhalashada ku helay hannaan sharci ah, kana duwan kan lagu helo dhalashada dhaxalka ah. Laakiin hadda, xitaa in lagu dhasho Mareykanka waxaa laga yaabaa inaysan ku jirin dammaanad dhalasho. Marka loo eego wax-ka-beddelka 14-aad ee Dastuurka Mareykanka, dhammaan carruurta ku dhalata gudaha Mareykanka — marka laga reebo dhowr xaaladood sida diblomaasiyiinta iyo kuwo kale — waxay si toos ah u noqdaan muwaadiniin Mareykan ah. Laakiin maamulka Trump wuxuu doonayay inuu baabi’iyo xaqaas tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo. Trump wuxuu 20-kii Janaayo saxiixay amar madaxweyne oo lagu soo afjarayo xuquuqda dhalashada tooska ah. Amarkiisu wuxuu dhigayaa in carruurta ay dhalaan waalidiin ku jooga Mareykanka si sharci-darro ah ama fiisooyin ku-meel-gaar ah aysan si toos ah u noqon doonin muwaadiniin. Tallaabadan oo si weyn loogu murmay ayaa waxaa ka dhashay dacwado isdaba-joog ah, kuwaas oo aakhirkii horseeday in garsooreyaal ka tirsan maxkamadaha degmooyinka ee saddex gobol ay soo saaraan amarro xayiraad ah oo dalka oo dhan ah, kuwaas oo hor istaagay dhaqan-galka amarkaas. Wasaaradda Cadaaladda (DOJ) ayaa kaga jawaabtay iyadoo kiiska u gudbisay Maxkamadda Sare. Kiisku si toos ah uguma saabsanayn dhalashada dhaxalka ah, laakiin wuxuu ku saabsanaa in hal garsoore maxkamad degmo federaali ah uu xaq u leeyahay inuu xayiraad dalka oo dhan ah ku soo rogo amar madaxweyne isagoo adeegsanaya amar xayiraad guud ah. Jimcihii, Trump wuxuu sheegtay guul ka dib markii Maxkamadda Sare ay go’aan 6-3 ah ku go’aamisay in xayiraadaha dalka oo dhan ah ee ay soo rogaan garsooreyaasha maxkamadaha degmooyinku ay “u badan tahay inay ka gudubsan yihiin awoodda sinaanta ee uu Congress-ku siiyey maxkamadaha federaalka.” Isniintii, qareen u hadlay dowladda ayaa sheegay in carruurta aan haysan ugu yaraan hal waalid oo ah muwaadin Mareykan ah ama haysta kaarka deganaanshaha rasmiga ah aan loo tixgelin doonin kuwo la masaafurin karo ilaa ugu yaraan 27-ka Luulyo, markaas oo uu amarka Trump ee dhalashada dhaxalka ahi dhaqan geli doono. Ma cadda in sharcigan dib-u-eegis lagu samayn doono iyo in kale. Inta u dhaxaysa hadda iyo markaas, waxaa heer gobol lagu diyaarinayaa dacwado badan oo isku-dhaf ah (class action lawsuits) oo lagu doonayo in lagu horyimaado amarka, marka la eego in Maxkamadda Sare ay banneysay fursad dib-u-dhigis ah oo loo maro dacwadaha isku-dhafka ah halkii laga sugi lahaa go’aanno keli ah oo ka yimaada garsoore federaali ah. Keyd xogeed qaran Toddobaadkii hore, idaacadda National Public Radio (NPR) waxay daaha ka rogtay in Wasaaradda Amniga Gudaha (DHS), oo kaashanaysa Waaxsda Hufnaanta Dowladda (Doge), ay markii ugu horreysay dhistay keyd xogeed (database) ay ka eegi karto in qofku yahay muwaadin Mareykan ah iyo in kale. Barnaamijkan waxaa loogu talagalay inuu ka caawiyo mas’uuliyiinta deegaanka iyo kuwa gobollada inay ka dhex saaraan wixii codad been-abuur ah ee doorashooyinkooda, laakiin u doodayaasha arrimaha gaarka ah iyo xorriyaadka madaniga ah waxay sheegeen in tirada codadka khaldan ay aad uga yar yihiin inay wax farqi ah oo dhab ah ku sameeyaan doorashooyinka Mareykanka. Walaacooda, waxay yiraahdeen, wuxuu ku saabsan yahay siyaabaha kale ee barnaamijkan loo adeegsan karo. In kasta oo haysashada diiwaanka muwaadiniinta ay tahay wax iska caadi ah oo laga filayo dalal badan oo adduunka ah, haddana sidaas ma ahayn xaaladda Mareykanka sababtoo ah qaab-dhismeedkiisii gumaysi-dejin tan iyo aasaaskiisii. Xisbiga Jamhuuriga gaar ahaan, sida ay sheegtay NPR, waxay had iyo jeer dhaleeceyn jireen in dowladda ay isku keento xog ballaaran. Laakiin waxaa laga yaabaa inaysan sidaas ahayn hadda, marka la eego taageerada aqlabiyadda ah ee ay siinayaan Trump. Khabiirro sharci oo la hadlay NPR ayaa sheegay inay jiri karaan arrimo badan oo la xiriira keydka xogta, laga bilaabo la’aanta hannaan ogeysiis dadweyne. Caadi ahaan, si ay dowladdu u ururiso macluumaad intan le’eg oo ku saabsan dadka deggen Mareykanka, waxay u baahan tahay inay marka hore bixiso ogeysiis dadweyne oo ay hesho ra’yi-celin. Waxa kale oo jirta su’aasha ah in la qaadayo tallaabooyin lagu kalsoonaan karo oo lagu sugayo amniga xogta. Intii lagu jiray maamulkii hore ee Trump, gobollada qaar ayaa diiday inay xogtooda cod-bixiyayaasha ku wareejiyaan dowladda federaalka, maadaama gobol kasta uu maamulo xaashiyaha cod-bixinta ee wareeg kasta oo doorasho, oo ay ku jiraan kuwa madaxweynaha Mareykanka. Qaar kale waxay ku doodayaan inay noqon karto horumar wanaagsan oo dhinac walba ah, kaasoo u oggolaanaya muwaadiniinta inay si hufan uga qaybgalaan doorashooyinka, maadaama aysan u baahnayn inay soo saaraan dukumeentiyo aqoonsi si ay u caddeeyaan cidda ay yihiin.
  8. Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii 4-aad safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa labadii cisho ee ugu danbeeyey kulamo kala duwan oo muhiim ah la yeeshay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Golaha Wasiiradda Dawladda Qatar; Maamulka sare ee Hay’adda Sanduuqa Horumarinta Qatar (Qatar Development Fund) iyo Hay’adda Qatar Al-Khayriya (Qatar Charity). Kulammaduna waxa ay u dhaceen sidan soo socota: 𝟏. 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐮-𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu waxa ay kulan diblumaasiyadeed la yeesheen Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar, Mudane Dr. Maxammed bin Abdulaziz Al-Khulaifi. Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah labada dal, oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, horumarinta amniga iyo xasilloonida gobolka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu waxa ay si cad hoosta uga xarriiqeen in Jamhuuriyadda Somaliland aanay haba yaraatee ka tirsanayn Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, balse ay tahay dal ka madax bannaan oo iskeed isu xukumayey 34-kii sano ee ugu dambeeyey. Kulankan ayaa waxa uu ka tarjumayey waaqiciga xagga diblumaasiyadda ah iyo xidhiidhka togan ee ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka. 𝟐. 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐞𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigiisu waxa kale oo ay kulan wax-ku-ool-ah la yeesheen Wasiirka Arrimaha Ganacsiga Dibedda ee Dawladda Qatar, Mudane Dr. Axmed Maxammed Al-,Sayed. Wadahadalka ayaa waxa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga u dhexeeya labada dhinac iyo weliba soo jiidashada Maalgashiga Qatar, gaar ahaan xagga Xoolaha, Kalluumeysiga, Beeraha, Batroolka iyo Macdanta, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta. Madaxweynaha iyo wefgigiisu waxa ay Wasiirka Arrimaha Ganacsiga Dibedda ee Qatar u iftiimiyeen xaaladaha ganacsi ee fur-furan ee ka jira Somaliland kuwaasi oo la isku hallayn karo, goobta istiraatiijiga ah ee ay Somaliland ku taallo (Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed) oo halbowle u ah isku-xidhka ganacsiga caalamka. 𝟑. 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐝𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigiisu waxa kale oo ay kulan midho-dhal ah la yeesheen maamulka sare ee Sanduuqa Horumarinta Qatar (Qatar Development Fund-QDF). Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen taageerada uu Sanduuqa Horumarinta Qatar uu ka gaysan karo horumarinta Somaliland, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, daryeelka caafimaadka, kaabayaasha biyaha, iyo xoojinta shaqo abuurka iyo kobcinta farsamada gacanta ee dhalinyarada Somaliland. Weftigu waxa ay iftiimiyeen sida ay Somaliland uga go’an tahay iskaashi horumarineed oo hufan, waxa aanay soo dhaweeyeen iskaashi mustaqbalka dhex mara labada dhinac kaasi oo ku wajahan horumarinta hab-nololeedka bulshada iyo horumarinta kobac waara oo aayatiin wacan u leh labada dal. 𝟒. 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫 𝐀𝐋-𝐊𝐡𝐚𝐲𝐫𝐢𝐲𝐚: Sida oo kale, weftigii Somaliland ee ku sugnaa Qatar waxa kale oo ay kulan muhiim ah la yeesheen masuulka ugu sarreeya Hay’adda Qatar AL-Khayriya (Qatar Charity), Mudane Yuusuf Ibn Ahmed Alkawaary. Weftigu waxa ay Hay’adda Qatar Al-Khayriya uga mahad naqeen mashaariicda horumarineed iyo kuwa baniaadannimo ee ay Hay’addu ka fuliso Somaliland. Dhammaan arrimihii labada dhinac ay ka wada hadleen si weyn baa la isugu af gartay. Hay’adda Qatar AL-Khayriya (Qatar Charity) waxa ay dhinacooda ballan qaateen in ay sii labanlaabi doonaan hawlaha gargaarka bini’aadannimo iyo mashaariicda ay ka fuliyaan Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  9. Washington (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka ayaa mar kale carrabka ku adkeysay sida ay uga go’an tahay ballaarinta iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya ee dhinacyada muhiimka ah sida amniga iyo horumarinta dhaqaalaha, xilli uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Marco Rubio uu soo diray bayaan ku aaddan sannad-guuradii 65-aad ee xorriyadda Soomaaliya. Isaga oo hambalyo u diraya shacabka Soomaaliyeed, ayuu Rubio hoosta ka xariiqay danta fog ee Washington ay u leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal, xilli ay wadaagaan caqabado isku mid ah oo heer gobol iyo heer caalami ah. “Dowladda Maraykanka waxay rajaynaysaa in la sii adkeeyo xiriirkeena aan wadaagno, annaga oo ka wada shaqaynayna kobcinta dhaqaalaha iyo la-dagaallanka xagjirnimada,” ayuu yiri Rubio. Taageerada Maraykanka ayaa waxaa ka mid ahaa duqeymo cirka ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah, tababarro la siiyay ciidamada Soomaaliya, iyo taageeridda dadaallada caalamiga ah ee xasilinta dalka, kuwaasoo loo soo mariyo Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Rubio waxa uu ammaanay adkeysiga shacabka Soomaaliyeed ee la tacaalidda xagjirnimada iyo dib u dhiska hay’adaha qaranka. “Waxaan bogaadinaynaa dadaalka shacabka Soomaaliyeed ee la dagaallanka argagixisada iyo dhismaha mustaqbal barwaaqo ah,” ayuu yiri. Wuxuu intaas ku daray in Maraykanku uu rajaynayo “in laga wada shaqeeyo arrimaha danta guud ee labada qaran,” isaga oo tilmaamaya iskaashi suurtagal ah oo laga yeelan karo dhinacyada ay ka midka yihiin gargaarka horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, iyo dib-u-habaynta hannaanka maamul-wanaagga. Soomaaliya ayaa noqotay mid si isa soo taraysa diiradda ugu saaran siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka ee Geeska Afrika, iyadoo loo arko inay tahay dal lala kaashan karo la-dagaallanka argagixisada iyo sidoo kale dal jilicsan oo xasilintiisu ay muhiim u tahay nabadda gobolka iyo amniga badaha. Maraykanku wuxuu sare u qaaday isku-duwidda uu la leeyahay mas’uuliyiinta Soomaaliya, iyadoo ay barbar socdaan barnaamijyo horumarineed oo lagu bartilmaameedsanayo beeraha, waxbarashada, iyo abuurista shaqooyinka. Farriinta Rubio ayaa xoogga saartay rabitaanka Washington ee ah inay ahaato saaxiib la isku halleyn karo oo Soomaaliya ka garab siiya dadaalladeeda ku aaddan nabadda, dimuqraadiyadda, iyo kobaca dhaqaalaha, isagoo dhanka kale qiray muhiimadda istiraatiijiyadeed ee xiriirka labada dal. “Sannadka soo socda wuxuu bixinayaa fursado cusub oo iskaashi,” ayuu yiri Rubio, isagoo hoosta ka xariiqay danta Maraykanku u leeyahay xasilloonida iyo barwaaqada fog ee Soomaaliya. Bayaankan ayaa imanaya xilli meel xasaasi ah oo uu marayo xiriirka Maraykanka iyo Soomaaliya, kaasoo lagu garto iskaashi amni oo dhow iyo kalsooni darro dhawaanahan ka taagnayd dhanka maalgelinta horumarinta. Sannadkan 2025, Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu fuliyay ugu yaraan 43 duqeyn cirka ah oo lala beegsaday al-Shabaab iyo ISIS-Soomaaliya, kuwaasoo inta badan lagu taageerayay Guutada Danab ee uu Maraykanku tababaray. Hase yeeshee, yididiilada Rubio waxaa hoos u dhigaya isbeddello siyaasadeed oo ka jira Washington. Bishii Janaayo 2025, amar madaxweyne oo ka soo baxay Aqalka Cad ayaa dhaliyay in dib-u-eegis dhammaystiran lagu sameeyo gargaarka, taasoo keentay amar shaqo-joojin ah oo lagu soo rogay Hay’adda USAID, laguna hakiyay dhowr mashruuc. Tan waxaa ku jira deeq horumarineed oo dhan $68.5 milyan oo la saxiixay bishii Oktoobar 2024, taasoo loogu talagalay in lagu ballaariyo waxbarashada iyo fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya—taasoo hadda wajahaysa mustaqbal aan la hubin.
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdiqeybdiid oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa sheegay in qalbigu xanuunay markii uu arkay qaabka ay dowladda Soomaaliya u xustay toddobaadka xorriyadda, si gaar ah, wuxuu ka carooday in aan la xusin halyeeyadii u soo halgamay xornimada. Cabdiqeybdiid oo ka hadlay goob lagu xusaayey halgamaa Cabdullaahi Ciise ayaa galabta sheegay inuu ka xumaaday in hal meel aan dabbaal-deggii toddobaadkaan looga xusin halgankii ra’iisul wasaare hore Cabdullahi Ciise Maxamuud. “Dadka Soomaaliyeed maysan gudan waajibkii ka saarnaa xuska Cabdullaahi Ciise oo sabab u ahaa inaan Calan yeelano, qalbigaa I xanuunaya, wax aan sheegana ma aqaan, waa nasiib darro wixii maanta dhacay,” ayuu yiri Senator Cabdi Cawaale Qeybdiid. Wuxuu si adag u sheegay in dadkii Cabdullahi Ciise uu xornimadooda u soo dagaalamay aysan gudin abaalkiisa oo ay dayaceen taariikhdiisa, xuskiisa iyo xusuustii uu ka mudnaa dadkiisa. “In maanta feystooyinkii 1-da Luulyo caasimadda Muqdisho laga dhigo, laakiin ciddii gobanimada dhalisay aan la xusin runtii waa nasiib darro, qalbigaan ka xanuunsanayaa,” ayuu yiri Qeybdiid. Wuxuu intaas ku sii daray in mudnaantii ay halgamayaasha qaar la haayeen dad gaar ah la siiyey, taasina ay qalbi xanuun ku riday, sida uu hadalkiisa u dhigay Cabdiqeybdiid. “Midda aan maanta arkayo waa nasiib darro, mudnaanta in dad gaar ah la siiyo, fiiri Calankii Jamhuuriyadda ayaa meel kasta la suray, ciddii keentana lama xusayo, wax rabana malaha, waa wax lala yaabo,” ayuu yiri Senator Cabdi Cawaale Qeybdiid. Halgamaa Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuu door weyn ka ciyaaray keenistii xornimada, madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliyeed, wuxuu kale oo uu ahaa ra’iisul wasaarahii ugu horeeyey ee Soomaaliya ay yeelato. Hoos ka daawo Senator Cabdi Qeybdiid.
  11. Moqokori (Caasimada Online) – Gurmad ciidan oo xoog leh ayaa ku sii qulqulaya aaggaga ku dhaw degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo deegaanada ku dhaw ay soo galeen maleeshiyaad badan oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab. Tan iyo markii Al-shabaab ay qabsadeen degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, bishii April waxay bilaabeen weerarro ay ku qaadayaan macawiisleyda beesha Xawaadle oo iyagu jilibka dhigtay, kuna dagaalamaya dhulkooda, si cadowgu aysan uga qabsan. Deegaanada Ceel-Hareeri, Gayacad, Mubaax iyo tuulooyin kale oo hoosta Moqokori, ayey Al-Shabaab ku qaadeen weerarro is dabajoog ah oo ayagana lagu laayey ciidanka iska difaacayana ay ku dhib muteen. Axadii toddobaadkaan Al-Shabaab waxaa u suurtagashay inay qabsadaan deegaanka Ceel-Qooxle oo ku dhaw maagalada Moqokori, kaas oo ah deegaan istiraatiiji ah, waxaana looga baxay xeelad dagaal, sida ay saraakiishu sheegeen. Saraakiisha ciidamada dawladda iyo kuwa macawiisleyda beesha Xawaadle ayaa wada abaabul looga hortagayo duulaanka Al-Shabaab, Saraakiishaas waxaa ka mid ah xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Owbakar oo ka tirsan barlamaanka Hirshabeelle, kuna sugan difaacyada hore ee degmada Moqokori. “Meel la dhaho Gayacad ayaan kula dagaallameynay, maalmo dhow ayey soo wareegteen, deegaanka Ceelqooxle oo Gumaraha hadda aan joogo u jira saddex ilaa iyo afar KM ayey soo galeen, marka dagaalkaas ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdulqaadir oo la hadlay Idaacadda BBC. Xildhibaanka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay weerarrada ku garab wado dacaayad ay adeegsanayaan, iyagoo ujeedkoodu yahay in dadka ay deegaanadooda ka qaxinayaan. Kooxda ayaa baraha bulshada ku baahineysa in magaalooyin ay dadkoodii difaacanayaan laga baxay cabsi darteed, xalay oo ugu dambeysay waxay barahooda ku baahiyeen in shacabkii deganaa ay ka qaxeen Moqokori, taasi oo ciidamada iyo shacabka degmadaas ay beeniyeen. Inkastoo dagaalka ay ku dhiig baxeen macawiisleyda beesha Xawaadle ayaa wacad ku maray in dhulkooda aysan uga bixi doonin cabsi ay ka qabaan Al-Shabaab, isla markaana ay difaaca doonaan ilaa ay ka guuleystaan ama ay ka dhamaadaan. Ciidamada Macawiisleyda Xawaadle waxay garab ka helayaan ciidamo aan badneyn oo militeriga iyo nabad sugidda Soomaaliya ka tirsan, si geesinimo leh ayey dhulkooda uga difaacdeen kooxda, balse hadda waxaa moodaa inay sii jilcayaan, maadaama dagaalku ku dheeraaday.
  12. Marka laga hadlayo midnimada dhuleed ee Somalia waxay Ku egtahay dhulkii Somalia la odhan jiray ee Ku eg xaduudka Somaliland ee u dhexeeyay Italy iyo UK ee dunida laga aqoonsanyahay, markaa warbaahinta Somaliland waxay qayb Ka tahay jaahwareerka lagu rido shacabka Somaliland. Ictiraafka Somaliland sharci ahaa waa dhan yahay oo Somaliland 26/06/1960 ayaa la aqoonsaday lkn la soo noqoshadan aqoonsiga waxa hor taagani waa arrimo siyaasadeed Sidaas darteed Madaxweynaha Somaliland wuu Ku saxanyahay inuu albaab walba garaaci oo garnaqsado, tegitaanka Qatarna waxuu Ka mid yahay albaabada hore aan inagu isaga xidhnay ee hada Madaxweynahu garaacay khasabna maaha siduu wax u rabo madaxweynuhu inuu markiiba u helo. Waa siyaasad togan inaanad cid gaara u xidhnaan UAE waxay xidhiidh la leedahay Qatar iyo Israel, Somaliland maaha gobol Ka tirsan imaaraatka carabta ee waa dal u baahan inuu cid kasta xidhiidh la yeesho. Dalka Masar waxuu xidhiidh diblomaasiyadeed la leeyahay Ethiopia inaguna waxaan qaadanay fikir odhanaya hadaan Masar la hadalno Ethiopia ayaa inaga cadhoonaysa. Madaxweynaha waxaan Kula talinayaa si degdeg ah xidhiidh loola sameeyo dalka Masar oo ah furaha siyaasada carabta wax bandana aan wada qabsan karo. Somaliland waa inay Ka baxdaa siyaasadan ma dhalayska ah ee 34 sano lagu soo jiray waa inay Ka faaiidaysataa is bedelka iyo is diidooyinka gobolka geeska Africa iyo Marin biyoodka Ka socda. Ibrahim duale Sulaiman Tallaabo Qaran News
  13. Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay howlgal culus oo ay maanta ciidamada deegaanka ka sameeyeen aagga deegaanka Daarunimca ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab. Howlgalka oo si aad ah loo qorsheeyay ayaa waxaa lagu qaaday horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab iyo maleeshiyaad la socday oo ku sugnaa halkaasi, sida lagu sheegay qoraal ay daabacday Warbaahinta Codka Ciidamada. Sida lagu sheegay qoraalka waxaa howlgalka lagu dilay horjooge lagu magacaabi jiray Xamza Faracadde iyo maleeshiyaadkii kale ee la socday, uuna weerarka u dhacay sidii qorsheeyay. Xamza Faracadde ayaa ahaa sarkaal muhiim oo argagixisada u qaabilsanaa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo haatan ay culus soo saartay kooxda Al-Shabaab. “Howlgalkan oo si taxaddar leh loo diyaariyay ayaa si gaar ah loogu beegsaday horjooge Xamza Faracadde, oo ka mid ahaa horjoogayaasha Khawaarijta u qaabilsanaa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda. Sidoo kale waxaa la sheegay in sarkaalkan uu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxyada iyo dhagarta kale ee lagu beegsaday shacabka ku dhaqan gobolladaasi. Dhankooda saraakiisha deegaanka ee hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in qorshahooda uu kusoo dhammaaday guul, kadib markii la dilay horjoogaha iyo tiro kale oo maleeshiyaad ah oo la socday. Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo isla maanta dhacay, laguna dilay horjooge kale oo magaciisa lagu soo gaabiyay Jaabir, kaas oo ay ciidamada Danab ku dileen howlgal qorsheysan oo ka dhacay aagga deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. “Ciidanka gaarka ah ee Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo lagu magaabi jiray Jaabir iyo sideed dhaqagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ku dilay howlgal aad loo qorsheeyay oo ay ka sameeyeen deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal maanta kasoo baxay dowladda. Howlgalladan guuleystay ayaa qayb ka ah guluf culus oo haatan ay wadaan ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo lagu xoreeyay deegaano ku yaal labada Shabelle.
  14. WASHINGTON D.C. — The United States has reaffirmed its commitment to expanding cooperation with Somalia in key areas like security and economic development, as Secretary of State Marco Rubio outlined a forward-looking agenda in a statement marking Somalia’s 65th Independence Day. While offering congratulations to the Somali people, Rubio highlighted Washington’s long-term interest in deepening ties amid shared regional and global challenges. “The United States looks forward to strengthening our shared bonds as we work together on economic growth and combatting extremism,” Rubio said. U.S. support has included targeted airstrikes, training for Somali forces, and backing international stabilization efforts through the African Union and the United Nations. Rubio praised the Somali people for their resilience in confronting extremism and rebuilding national institutions. “We commend the Somali people for their efforts in the fight against terrorism and building a more prosperous future,” he said, reaffirming U.S. support for Somalia’s state-building efforts. He added that the U.S. looks forward to “working together on issues of mutual national interest,” signaling potential collaboration in areas such as development aid, infrastructure, trade, and governance reforms. Somalia has become a growing focus of U.S. foreign policy in East Africa, seen as both a partner in counterterrorism efforts and a fragile state whose stabilization is crucial to regional peace and maritime security. Under both the Biden and Rubio-led State Departments, the U.S. has stepped up coordination with Somali authorities alongside development programs targeting agriculture, education, and job creation. Rubio’s message emphasized Washington’s intent to remain a strong partner in Somalia’s pursuit of peace, democracy, and economic growth while also recognizing the strategic value of the bilateral relationship. “The year ahead offers new opportunities for cooperation,” Rubio said, underscoring U.S. interest in Somalia’s long-term stability and prosperity. The statement comes at a pivotal time in U.S.-Somalia relations, marked by close security cooperation and recent uncertainty in development funding. In 2025, the U.S. Africa Command (AFRICOM) conducted at least 43 airstrikes targeting al-Shabaab and ISIS-Somalia, often in support of the U.S.-trained Danab Brigade. Despite this pressure, al-Shabaab remains active and has regained territory in parts of the country. The African Union’s follow-on mission, AUSSOM, also faces unresolved funding challenges. On the economic front, Somalia has shown modest growth. The World Bank projects GDP growth of 3–4% in the medium term. The country’s extensive coastline presents opportunities in fishing, offshore energy, and other sectors of the blue economy. Yet Rubio’s optimism is tempered by policy shifts in Washington. In January 2025, a White House executive order prompted a comprehensive review of aid, resulting in a stop-work order at USAID that suspended several projects. This includes a $68.5 million development grant signed in October 2024 to expand education and economic opportunity—now facing an uncertain future.
  15. DAR ES SALAAM: Tanzania and Somalia plan to resume direct flights between Dar es Salaam and Mogadishu as part of renewed efforts to deepen diplomatic and economic ties. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo maanta ay ku beegan tahay xuska munaasabadda 65-aad ee Kowda Luulyo oo ah marka ay xoroobeen gobollada koonfureed ee dalka, sidoo kalena ay midoobeen waqooyi iyo koonfur, ayaa waxaa dabaal-degga kasoo muuqday diyaaradaha cusub ee ay soo iibsatay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo sameeyay dhuulatus aad u wayn. Diyaaradahan oo ah kuwa dagaalka ayaa isugu jiray kuwo ay soo iibsatay dowladda Soomaaliya iyo kuwa kale oo uu Turkiga ugu deeqay dalka, kuwaas oo haatan ka qayb-qaata dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Inta ay duulimaadyada dabaal-degga ku jireen diyaaradaha ayaa soo daadiyay waraaqado lagu wacyigelinayo bulshada, kuwaas oo muujinayo in lagu jiro todobaadka xorriyadda Soomaaliya iyo sidoo kalena in dalka uu ka socdo howlgal xoreyn ah oo ka dhan ah Al-Shabaab. “Xuska 1da Luulyo 65 guurada, xoreynta dalka iyo xuska xoriyadda” ayaa ku qorneyd warqadaha ay maanta Muqdisho ku diyaadiyeen diyaaradaha Soomaaliya. Sidoo kale, inta uu socday bandhigga waxaa qayb ka ahaa gaadiidka ciidamada, fardo iyo geel kuwaas oo socod ku marayay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda. Ujeedka ayaa ahaa maamuus iyo xasuus loo sameynayo halyeeyadii nafta u huray gobanimada iyo midnimada dadkeenna ee doorka wayn ka soo qaatay xorriyadda dalka. Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhankooda si weyn ula dhacay bandhigga ay maanta sameysay dowladda, isla markaana uu goobjoogga u ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, iyada oo si weyn xuska sanadkan ee Kowda Luulyo looga dareemay guud ahaan dalka. Xuska sanadkan ayaa kusoo aaday, xilli Dowladda Soomaaliya ay isbeddal wayn ku sameysay qaab dhismeedka ciidamada iyo qalabkooda, waxaana markii ugu horreysay burburka kadib diyaarado helay ciidanka cirka ee haatan loo soo tababaray Soomaaliya.
  17. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay abaal-marin lacageed iyo dallacsiin isugu daray L/X/Le Saleebaan Maxamed Warsame oo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland, kaasi oo arrin nafhurnimo ah ka sameeyay Hawlgalka Calmiskaad 05 June 2025. X/Le Saleebaan Maxamed Warsame oo ka warbixiyay nafhurnimadii uu ka sameeyay dagaalka Calmiskaad ee ku mutaystay dallacsiinta iyo abaal-marinta ayaa sheegay in 05 June 2025 uu dagaal adag ka dhacay togga Baallade, gaar ahaanna Ceelka Dacarre, maalintaasi oo ay go’doomeen isaga iyo sarkaal dhaawac ah. Wuxuu sheegay in uu 24 saac oo xiriir ah la dagaallamayay argagixisadii go’doomisay isaga iyo sarkaalka dhaawacmay, islamarkaana uu ku guulaystay in aysan gacanta cadowga gelin, isagoo maalintii labaad ciidamada dowladda ku soo hoggaamiyay halkii ay ku go’doomeen isaga iyo sarkaalka dhaawacmay. “05 June 2025 ayaanu galnay dagaal adag oo ka dhacay togga Baallade gaar ahaan Ceelka Dacarre, waxaana dagaalkaasi ku go’doomay aniga iyo sarkaal saaxiibkay ah oo dhaawacmay, halkaasi oo aan 24 saac oo xiriir ah ka dagaallanaynay cadowga dhexdiisa (Daacish), aniga oo saaxiibkay iyo naftayda ka badbaadiyay in aan gacanta u galno argagixisada” ayuu yiri L/X/Le Saleebaan Maxamed Warsame. “Maantii labaad waxaan ciidankeenni ku soo hoggaamiyay halkii dhaawaca saaxiibkay yaalla oo cadowguna joogay si na loo badbaadiyo, waana nala soo badbaadiyay, halkaasi oo aan cadowgii kaga guulaysanay kuna burburinay, ciidankana aan waxba soo gaarin” ayuu sii raaciyay L/X/Le Saleebaan Maxamed oo ka warbixinayay sababtii uu ku mutaystay dallacsiinta iyo abaal-marintii xalay. Wuxu intaasi ku daray in dowladda Puntland diyaarad khaas ah kaga soo qaaday degaanka Dhaadaar ee buuraha Calmiskaad, kaddib markii amar Madaxweyne ku soo baxay, si abaalmarinta iyo dallacsiinta loogu siiyo Garoowe. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo abaal-marin iyo dallacsiin isugu daray askari arrin nafhurnimo ah ka sameeyay Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo xalay ka qeyb-galay munaasabadda xuska maalinta Xornimada iyo Midowga Soomaaliyeed ee 1-da Luuliyo, taas oo lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay Villa Somalia inay ka shaqeynayso qorshe halis ku ah amniga maamulka. Madaxweyne Deni ayaa khudbad dheer oo uu halkaas ka jeediyay wuxuu ugu horeyn diiradda ku saaray dhowrista gobannimada dalka, muhiimadda ay leedahay dib u soo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyo daruufaha adag ee ka taagan guud ahaan dalka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dhismaha hay’adaha dowladeed uu u baahan yahay hannaan daahfuran iyo xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee jira. Intii uu hadalka jeedinayay, Madaxweyne Deni wuxuu si gaar ah uga digay fara-gelinta siyaasadeed ee uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku hayso degaannada Puntland. Wuxuu xusay in ay jiraan qorshayaal qarsoodi ah oo lagu qorayo ciidamo aan sharciyeysnayn, kuwaasoo lagu biirinayo liis mushaar qaateyaal ah oo la xiriira Villa Somalia. “Waxaa nasiib-darro ah in maalin walba wiilal laabtoobyo wata ay leeyihiin ‘Puntland baan ciidamo ka qoraynaa’, kuwaas oo si qarsoodi ah u socda, marba meel ka bilaabaya,” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Waxa uu intaas kusii daray: “Arrimahaas waa fool-xumo. Qofna intii uu dastuurka iyo qawaaniinta ku xad-gudbo in uu dhaho xasaanad baan lee yahay wax is qabta maaha.” Khudbadda Madaxweynaha Puntland ayaa u muuqatay digniin ku socota Dowladda Federaalka, oo uu sheegay inay fara-gelin khatar ku hayso maamulka, gaar , xilli uu khilaaf xooggan kala dhaxeeyo hoggaanka Villa Somalia.
  19. Waxaa soo baxay khilaaf cusub oo u dhexeeya Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo ganacsadaha caanka ah Elon Musk. Donald Trump ayaa ku eedeeyay Elon Musk in uu ka faa’iidaystay deeqaha dowladda ee lagu taageero shirkadaha korontada ku shaqeeya. Wuxuu sheegay in Musk helay kaalmada ugu badan taariikhda, haddii laga jari lahaana uu shirkadihiisa xiri lahaa. Trump wuxuu xusay in dalku lacag badan badbaadin lahaa haddii la joojiyo deeqahaas, isagoo ku taliyay in guddiga DOGE ay arrintaas baaritaan ku sameeyaan. Elon Musk oo ka jawaabay hadalka Trump wuxuu si cad u sheegay: “Ha la joojiyo dhammaan. Hadda.” Tani waxay muujisay in Musk diyaar u yahay in la joojiyo deeqaha dowladda, taasoo ka dhigaysa mid si toos ah uga hor imaanaya hadalka Trump oo u muuqday mid ku eedeynaya Musk ku tiirsanaanta lacagahaas. Khilaafkan wuxuu muujinayaa is-maandhaaf siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo u dhexeeya laba shaqsi oo saameyn weyn ku leh Mareykanka – mid siyaasadda, midna tiknoolajiyadda. Musk ayaa aqalka cad si weyn uga soo dhex muuqday markii la doortay madaxweyne Trump. Wuxuu si weyn u taageeray ololihii doorashada balse labada nin ayaa is qabtay sababo la xariira Awooda maamulka. Source: goobjoog.com
  20. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐐𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐰𝐞𝐟𝐭𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐓𝐚𝐢𝐰𝐚𝐧. Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta (01.07.2025) Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wefti heer sare ah oo ka socday Ururka Ganacsatada dalka Taiwan (Taiwan Business Association). Madaxweyne ku-xigeenka waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Saciid Maxamed Buraale oo soo qaban-qaabiyey kulanka. Wasiirka oo kulanka hadal ka jeediyey waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay tahay irridda ay ka soo galaan cid kasta oo u socota in ay Somaliland maalgashato. Wasiirku waxa uu sheegay in shuruucdii iyo siyaasadihii Maalgashiga ay Wasaaraddu si aqoon sare leh ay u diyaarisay, si loo soo jiito loo hanto kalsoonida Maalgashadayaasha shisheeye. Wasiirku waxa uu Madaxweyne ku-xigeenka JSL u sheegay in Wasaaraddu ay Weftigan tusi doonto fursadaha maalgashi ee ka jira dalkeena. Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu Ururka Ganacsatada reer Taiwan uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxana uu soo dhaweeyey iskaashiga sii kordhaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan. Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu hoosta ka xarriiqay sida ay Dawladda Somaliland uga go’an tahay abuurista jawi xasiloon oo dhiirri gelinaya maalgashadayaasha, isaga oo tilmaamay faa’iidada uu iskaashigu u leeyahay labada dhinac, gaar ahaan fursadaha maalgashi ee yaalla Somaliland, gaar ahaan xagga Xoolaha, Kalluumaysiga, Beeraha, Macdanta, Tignoolajiyada, Ganacsiga, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Iyagana dhinacooda, Wafdiga maalgashatada Taiwan oo ay hor kacaysay Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada dalka Taiwan (𝐓𝐚𝐢𝐰𝐚𝐧 𝐁𝐮𝐬𝐢𝐧𝐞𝐬𝐬 𝐀𝐬𝐬𝐨𝐜𝐢𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧) Marwo Alyne Chen, iyada oo ku hadlaysay afka weftiga, waxa ay Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasaaradda Horrumarrinta Maalgashiga uga mahad naqday soo dhawaynta diirran, waxana ay sheegtay in ay diyaar u yihiin in laga wada faa’idaysto fursadaha ballaadhan ee maalgashi ee ka jira gudaha Jamhuuriyadda Somaliland. Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada dalka Taiwan waxa ay sheegtay in ay aad u xiisaynayaan qaybaha Malgashiga ee kala ah: 1. Kaluumaysiga iyo khayraadka badda 2. Sifaynta biyaha, 3. Caafimaadka xoolaha, 4. Maalgelinta ganacsiyada yaryar, 5. Soosaarka iyo suuq-geynta qalabka Electronic-ga Shirkadaha ay ka koobnaayeen Ururka Ganacsatada dalka Taiwan (Taiwan Business Association) ayaa kala ahaa: 1. YEN & BROTHERS ENTERPRISE CO., LTD, 2. Aquaponics Company, 3. ZTQ ENTERTAINMENT, 4. HW CAPITAL, 5. CENTRAL SKY INTERNATIONAL TRADING CO, 6. EXCELSIOR BIO-SYSTEM INCORPORATION Guntii iyo gabagabadii, labada dhinac waxa ay muujiyeen danaynta ay u qabaan ballaadhinta xidhiidhka dhaqaale, ganacsi iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada badan leh eeu dhexeeya labada dal, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  21. Waxaa naloo sheegay in hal tufaax maalintii uu dhakhtarka kaa fogeynayo, laakiin mirahan ma waxay runtii saamayn togan ku leeyihiin caafimaadkeenna? Dunidu way jeceshahay tufaaxa. Sannad kasta, ku dhawaad ​​100 milyan oo tan oo tufaax ah ayaa laga soo saaraa caalamka. Mirahan oo leh midabyo iyo dhadhan kala duwan, ayaa muddo dheer sumcad ku lahaa inay naga caawiyaan inaan caafimaad qabno. Weedha caanka ah ee “ah tufaax ah maalintii ayaa dhakhtarka kaa fogeeya” waxay ka timid maahmaah Welsh ah oo la qoray 1866: “Cun tufaax markaad seexanayso, waxaadna ka ilaalin doontaa dhakhtarka inuu helo nolol-maalmeedkiisa.” Laakiin ma jirtaa wax run ah oo xuddun u ah weedhan muddada dheer? Oo tufaaxa si gaar ah miyuu caafimaadka ugu wanaagsan yahay marka la barbar dhigo midhaha kale? Marka hore, aan ka fikirno nafaqooyinka ku jira tufaaxa. Hal shay, waxay yihiin il qani ah oo laga helo phytochemicals, oo ay ku jiraan flavanols. Iskudhisyadaan ayaa lala xiriiriyay faa’iidooyin caafimaad oo badan, sida ilaalinta miisaanka caafimaadka leh iyo hoos u dhigida khatarta cudurrada wadnahaaga. Muxuu tufaaxu caafimaadka ugu wanaagsan yahay? Tufaaxa waxa kale oo ku jira polyphenols kala duwan, oo ay ku jiraan anthocyanins, kuwaas oo gacan ka geysta siinta qaar ka mid ah tufaax diirka midabkiisa cas oo lala xiriiriyo horumarinta caafimaadka wadnaha. Polyphenol kale oo aad ka heli doonto tufaaxa waa phloridzin. Waxa la ogaaday inay gacan ka geysato xakamaynta gulukoosta dhiigga. Waxa kale oo jira faybar badan oo tufaaxa laga helo, oo u badan pectin, kaas oo yareeya xaddiga lipoprotein-ka cufan-hooseeya (LDLs) -nooca aan caafimaad qabin ee kolestaroolka – ee dhiigeenna. Pectin waxay sidoo kale hoos u dhigtaa xaddiga sonkorta iyo dufanka aan ka nuugno cuntada, waxay gacan ka geysataa xasilinta heerarka sonkorta dhiigga. Nafaqooyinkan ku jira tufaaxa waxay u muuqdaan kuwo leh faa’iidooyin caafimaad. Dib u eegis 2017 lagu sameeyay shan cilmi baaris ayaa lagu sheegay in cunista tufaaxa ay la xiriirto hoos u dhac 18% ah khatarta ah in uu ku dhaco nooca labaad ee sonkorowga. Dib u eegis kale oo laga sameeyay 2022, oo lagu falanqeeyay 18 cilmi-baaris, ayaa lagu ogaaday in cunista tufaaxa badan, ama cuntooyinka laga helo tufaaxa, sida casiirka tufaaxa, ay yareyn karto kolestaroolka, haddii aad sii waddo caadada muddo ka badan hal toddobaad. TufaaxXigashada Sawirka,Getty Images Helidda cunto caafimaad leh guud ahaan waxay hoos u dhigi kartaa halista kansarka ilaa 40%, taas oo ay ugu wacan tahay isku-dhisyada bioactive, phytochemicals, ee ku badan tufaaxa. Daraasadaha qaar ayaa xitaa ku xiray isticmaalka tufaaxa inuu leeyahay khatar hoose oo ah inuu ku dhaco kansarrada qaarkood. Cunista joogtada ah ee tufaaxa waxay u muuqataa inay la xiriirto faa’iidooyin caafimaad oo kala duwan – waxaana ognahay inay ka buuxaan waxyaabo caafimaad leh. Laakiin tufaaxa, gaar ahaan, miyay ka waxtar badan yihiin cuntooyinka kale ee dhirta ku salaysan si ay dhakhtarka kaaga fogeeyaan? Muxuu tufaaxu caafimaadka ugu wanaagsan yahay? Tufaaxa waxa kale oo ku jira polyphenols kala duwan, oo ay ku jiraan anthocyanins, kuwaas oo gacan ka geysta siinta qaar ka mid ah tufaax diirka midabkiisa cas oo lala xiriiriyo horumarinta caafimaadka wadnaha. Polyphenol kale oo aad ka heli doonto tufaaxa waa phloridzin. Waxa la ogaaday inay gacan ka geysato xakamaynta gulukoosta dhiigga. Waxa kale oo jira faybar badan oo tufaaxa laga helo, oo u badan pectin, kaas oo yareeya xaddiga lipoprotein-ka cufan-hooseeya (LDLs) -nooca aan caafimaad qabin ee kolestaroolka – ee dhiigeenna. Pectin waxay sidoo kale hoos u dhigtaa xaddiga sonkorta iyo dufanka aan ka nuugno cuntada, waxay gacan ka geysataa xasilinta heerarka sonkorta dhiigga. Nafaqooyinkan ku jira tufaaxa waxay u muuqdaan kuwo leh faa’iidooyin caafimaad. Dib u eegis 2017 lagu sameeyay shan cilmi baaris ayaa lagu sheegay in cunista tufaaxa ay la xiriirto hoos u dhac 18% ah khatarta ah in uu ku dhaco nooca labaad ee sonkorowga. Dib u eegis kale oo laga sameeyay 2022, oo lagu falanqeeyay 18 cilmi-baaris, ayaa lagu ogaaday in cunista tufaaxa badan, ama cuntooyinka laga helo tufaaxa, sida casiirka tufaaxa, ay yareyn karto kolestaroolka, haddii aad sii waddo caadada muddo ka badan hal toddobaad. Xigashada Sawirka,Getty Images Helidda cunto caafimaad leh guud ahaan waxay hoos u dhigi kartaa halista kansarka ilaa 40%, taas oo ay ugu wacan tahay isku-dhisyada bioactive, phytochemicals, ee ku badan tufaaxa. Daraasadaha qaar ayaa xitaa ku xiray isticmaalka tufaaxa inuu leeyahay khatar hoose oo ah inuu ku dhaco kansarrada qaarkood. Cunista joogtada ah ee tufaaxa waxay u muuqataa inay la xiriirto faa’iidooyin caafimaad oo kala duwan – waxaana ognahay inay ka buuxaan waxyaabo caafimaad leh. Laakiin tufaaxa, gaar ahaan, miyay ka waxtar badan yihiin cuntooyinka kale ee dhirta ku salaysan si ay dhakhtarka kaaga fogeeyaan? “Tufaaxku ma laha fitamiin C badan, mana laha bir ama kalshiyam, laakiin waxay leeyihiin waxyaabo kale oo badan oo kor u qaada caafimaadka oo sameeya waxyaabo cajiib ah oo jirka ah,” ayay tiri Janet Colson, bare sare oo nafaqeynta iyo sayniska cuntada ah kana tirsan Jaamacadda Dhexe ee Tennessee State ee Maraykanka. Tufaaxa waxa ku jira isku dhisyo ay wadaagaan khudaar iyo miro badan, oo ay ku jiraan kuwa polyphenols-ka waxtarka leh, ayay tidhi Flavia Guzzo, oo bare sare ku xigeen ka ah bayoolajiga dhirta ee Jaamacadda Verona ee Talyaaniga. Polyphenols waa molecules antioxidant xoog leh. Waxay ka caawiyaan inay isku dheellitiraan saamiga walxaha sunta ka hortaga ilaa xagjirka xorta ah ee jirkeenna – xagjirrada xorta ah ayaa aad u falcelinaya, oo suurtagal ah unugyada waxyeellada leh unugyada ogsijiinta. Annagoo jirka ka ilaalineyna sunta, waxaynu yareeynaa khatarta ah inaan qaadno cuduro ay ka mid yihiin kansarka iyo cudurrada wadnaha oo ay keeneen barar iyo caabuq waqti dheer ah. Cilmi-baarayaasha qaar ayaa sheegaya in tufaaxa uu leeyahay “heerka labaad ee ugu sarreeya ee awoodda walxaha sunta ka ilaaliya jirka ee dhammaan miraha”. Tufaaxa waxa kale oo ku jira polyphenol phloridzin, kaas oo aad ugu badan midhaha kale ee ku jira baaquligaaga khudaarta. Sida pectin oo kale, phloridzin waxay u muuqataa inay yarayso xaddiga sonkorta aan dhiigga ka nuugno cuntada. Tufaaxu sidoo kale waa il wanaagsan oo laga helo maaddooyinka phenolic, kuwaas oo ah nooc kale oo phytochemical ah. Waxaa jirta hal daraasad oo lagu ogaaday in dadka ku nool Mareykanka ay helaan ku dhawaad ​​shan meelood meel ka mid ah wadarta guud ee phenolic qaadashada tufaaxa. Cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa in maddooyinka phenolic ee tufaaxa ay la xiriiraan khatarta hoose ee cudurrada wadnaha, kansarka, neefta, sonkorowga iyo buurnaanta. Laakiin kaliya maaha in polyphenols-ka xoogga badan iyo walxaha sunta ka hortaga ee badan ay u horseedeen qaar ka mid ah saynisyahannada inay ku taliyaan tufaaxa midhaha kale. Maqaallo dhowr ah, saynisyahannadu waxay ku talinayaan cunista tufaaxa joogtada ah sababtoo ah midhaha ayaa si fudud loo heli karaa. Taas macnaheedu waxa weeye in cunidda joogtada ah ee tufaaxa ay tahay shay ilaa xad ay sameyn karaan dad badan. Xigashada Sawirka,. Way caddahay in tufaaxu leeyahay awood uu ku wanaajiyo caafimaadkeena. Laakiin waa sheegasho weyn in la yiraahdo hal maalin oo la cunaa waxay naga hor istaagi doontaa inaan aadno dhaqtarka. Hal daraasad 2015 ayaase qaadatay su’aashan saxda ah. Cilmi-baarayaashu waxay falanqeeyeen sahan ay ku sameeyeen ku dhawaad ​​9,000 oo qof, kuwaas oo ka qaybgalayaashu ay sheegeen inay cuneen muddo 24-saac ah, taas oo ay sheegeen in ay muujinayso cunto maalmeedkooda caadiga ah. Waxay ogaadeen in dadka cuna tufaaxa ay aad ugu dhow yihiin inaysan dhaqtar aadin marka la eego kuwa aan cunin, si kastaba ha ahaatee, natiijadani ma ahayn mid xisaabeed marka la tixgelinayo in dadka cuna tufaaxa ay u badan tahay inay noqdaan kuwo wax bartay oo ay u badan tahay inay sigaar cabaan. Daraasadaha qaarse waxay leeyihiin waa in hal ka badan la cunaa maalintii. Bbcsomali Qaran News
  22. Mogadishu (HOL) — Somalia celebrated its 65th Independence Anniversary on Tuesday with a high-level national ceremony in Mogadishu, featuring a grand military parade and aerial displays by the Somali Air Force. Source: Hiiraan Online
  23. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo taageersan xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa riixaya in xasaanad ka qaadis lagu sameeyo guddoomiye hore Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo haddana ka tirsan golaha. Xildhibaannada muxaafidka ah ee taageersan Xukuumadda Siciid Deni ayaa doonaya in xasaanadda laga xayuubiyo mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaddib markii lagu eedeeyay in uu gobolka Sanaag ka wado dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah midnimada iyo wadajirka Puntland. Balse, guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Qaraaje ayaa ilaa iyo hadda ka caga-jiidaya qorshaha maamuus ka xayuubinta Abwaan Cabdirashiid ee ay riixayaan xildhibaannada taageersan Xukuumadda Deni, kuwaasi oo aan weli ku guulaysan in ay guddoonka ku qanciyaan go’aankaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale horay ugu eedeeyay xildhibaan Cabdirashiid Jibriil in uu ciidamo heer Federaal ah ka qorayo magaalada Badhan, kuwaasi oo ay mushaarkooda bixinayso Villa Somalia, si ay ugu fuliyaan ajandayaal ka baxsan nidaamka Puntland. PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo riixaya in maamuus ka xayuubin lagu sameeyo Abwaan Cabdirashiid appeared first on Puntland Post.