-
Content Count
213,016 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa gebi ahaan xiriirkii loogu jaray dowladda federaalka Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya labada dhinac. Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay hakisay wada-shaqeyntii ay la laheyd dowladda dhexe, iyada oo ku eedeysay inay jabisay dastuurka dalka. Sidoo kale Jubbaland ayaa shuruud ku xirtay illaa inta ay dowladda dhexe uga soo noqoneyso dastuurka, una ixtiraameyso rabitaanka shacabka Jubbaland. “Dowladda Jubbaland waxay caddeyneysaa inay hakisay xiriirikii wada-shaqeyneyd ee ay la laheyd xukuumadda federaalka Soomaaliya inta ay uga hoggaansameyso dastuurka dalka, ixtiraameysana rabutaanka shacabka Jubbaland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Go’aankan ayaa daba socda xiisadda u dhexeysa maamulka Axmed Madoobe iyo Villa Soomaaliya, kaas oo kasii dara 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kadib markii Jubbaland ay u dhaq-dhaqaaqday in si gaar ah u qabsato doorashadeeda. Dowladda dhexe ayaa diiday guddiga doorashada ee uu xalay soo magacaabay Axmed Madoobe, waxayna intaasi ku dartay in aanay aqoonsan doonin doorashada Jubbaland. Waa maamulkii labaad ee xiriirka u jaray dowladda federaalka, waxaana horay sidaan oo kale u baxay Puntland oo illaa iyo hadda uu khilaaf kala dhexeeyaa dowladda federaalka. The post Jubbaland oo xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Baarlamaanka Jubbaland ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo uu xalay soo magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe. Guddigaan oo ka kooban 7 Xubnood waxaa si weyn uga soo horjeestay dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Kulankan oo ay soo xaadireen 66 Mudane ayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa sheegay inuu ansax yahay Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland. Guddigaan ayaa qaban doono doorasho dadban oo ka dhacda Jubbaland. Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu eedeeyay in ay doonayso in ay afduubato hanaanka doorashooyinka ee Jubbaland. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay ku howlan tahay qorshe culus oo ka dhan ah maamul goboleedka Jubbaland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo uu hadda khilaaf xoogan kala dhexeeyo hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda dhexe ay xiriir toos ah la sameysay taliska ciidamada ATMIS, iyada oo ka dalabtay inay la wareegaan amniga garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo hadda gacanta ugu jiro ciidanka Jubbaland. Dowladda dhexe ayaa qorsheyneysa in ra’iisul wasaare Xamza uu tego Kismaayo, maadaama uu deegaan ahaan uu kasoo jeedo halkaasi, si uu u fashiliyo qorshaha Axmed Madoobe ee ku aadan qabashada doorasho dadban oo ka dhacda maamulka Jubbaland. Macluumaadka la helayo ayaa intaasi kusii daraya in ATMIS ay dowladda federaalka la wadaagtay in aysan awoodin tallaabadan, maadaama ay ka dhalan karto gacan ka hadal. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan Kismaayo ay ka socdaan kulamo deg-deg ah oo looga arrinsanayo sii amba qaadida doorashada Jubbaland, maadaama xalay madaxweynaha uu soo magacaabay guddiga doorashada oo ka kooban illaa 7 xubnood. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse arrintan ayaa u muuqata inay ku socoto sida doorashadii 2029-kii ee Jubbaland, taas oo dib loogu doortay Axmed Madoobe, waxaana xilligaas dowladdii uu hoggaaminayay Farmaajo ay isku deyday inay ka hor istaagto balse ma dhicin, waxaana dib usoo laabtay Axmed Madoobe oo mar saddexaad sii raba xilka. Dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa ku kala tegay shirkii ugu dambeeyay ee golaha wada-tashiga qaranka, kadib markii uu Axmed Madoobe ka biyo diiday gebi ahaan qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorashooyin qof iyo cod ah oo laga hirgeliyo dalka. The post Xog: R/W Xamza oo qorsheeyay inuu tego Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa ka hortagay weerar ay kooxda Alshabaab isku dayeen inay kusoo qaadaan magaalada Masagawaa ee Briga gobolka Galguduud, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu. Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo la sheegay inay ka war hayeen weerarka ayaa ka hortagay, iyadoo ku guulaystay inay fashiliyaan sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka Dhamme Maxamed Ereg oo kamid ah saraakiisha Guutaadda 77-aad ee Ciidanka XDS ee ku sugan magaalada Masagawaa ayaa Warbaahinta u sheegay in Alshabaab ay gaarsiiyeen khasaare xooggan, haddana ay socoto tirinta meydadka kooxdu. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caaasimada Online) – Siyaasiga Taabit Cabdi Maxamed oo mar soo noqday guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa si lama filaan ah uga hadlay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland. Taabid ayaa garab istaag u muujiyay Jubbaland, wuxuuna soo dhaweeyay tallaabadii uu qaaday Axmed Madoobe ee ku aadan magacaabista guddiga doorashada maamulkaasi. “Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka dowladda Jubbaland ee qabashada doorashooyinka si waafaqsan dastuurka Jubbaland iyo magacaabista Guddiga Madaxabannaan ee Xuduuddaha iyo Doorashooyinka Jubbaland” ayaa ku yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay ilaaliso dastuurka iyo nidaamka federaalka ee uu dalku qaatay, si maamullada ay u adaan doorashooyinkooda. “Waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka inay ixtiraamto awooddaha kala madaxabannaan ee hannaanka federalka sida ku cad dastuurka dalka iyo midka dowladdaha xubnaha ka ah DFS” ayaa ma kale yiri guddoomiyihii hore ee gobolka. Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday go’aankii kasoo baxay golaha wadatashiga qaranka ee muddo kororsiga isaga oo ku tilmaamay mid sharci darro ah. “Dowladda Federaalka haddii ay muddo kororsi sharcidarro oo ma dhammaato ah caadeysatay, waxay dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka xaq u leeyihiin inay doorasho qabtaan sida uu qabo dastuurka dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federaalka” ayuu sii raaciyay. Hadalka Taabit Cabdi Maxamed ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya ay ka hortimid tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe, waxayna sheegtay in aanay aqoonsan doonin doorasho ka dhacda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. The post Taabit oo war lama filaan ah kasoo saaray khilaafka DF iyo Jubbaland appeared first on Caasimada Online.
-
Jubaland President Ahmed Mohamed Islam and President Hassan Sheikh in a friendly conversation before they have fallen out over the electoral model designed only for Southern Somalia. Mogadishu (PP Editorial) — In 2019, Jubaland State and the Federal Government of Somalia fell out over Jubaland’s electoral process. Hamza Abdi Barre, then Chairman of the Jubaland Electoral Commission, gave an interview defending the rationale for holding elections in Kismaayo independently. “According to the Jubaland Constitution, the Jubaland Independent Electoral and Boundaries Commission will set the election schedule for Jubaland State of Somalia,” said Hamza. When Jubaland held its election in 2019, the Federal Government of Somalia imposed an embargo on Jubaland, preventing flights from going to Kismaayo. A delegation of the Somali opposition, led by President Hassan Sheikh Mohamud, Puntland President and a Kenyan delegation attended the inauguration ceremony of Jubaland President Ahmed Mohamed Islam. Both Hassan Sheikh and his predecessor, Sheikh Sharif Ahmed, defended Jubaland’s constitutional right to conduct elections independently. Yesterday, the Federal Government of Somalia issued a statement denouncing the appointment of members to the Jubaland Independent Electoral and Boundaries Commission. President Hassan Sheikh approached his Kenyan counterpart, William Ruto, to facilitate negotiations with the President of Jubaland. A clip of the 2019 interview with Hamza Abdi Barre on Jubaland elections. In principle, President Hassan Sheikh Mohamud accepted that a foreign country might be better suited to untangle political issues within Somalia. Kenya invaded Somalia in 2011, citing security threats posed by Al-Shabaab, and in 2012, with the assistance of the former Ras Kambooni Brigade, the Kenyan Navy liberated Kismaayo from Al-Shabaab. Recently, Jubaland Government accused the Federal Government of Somalia of “politicising the war against Al-Shabaab” and alleged that Mogadishu influenced units of the Somali National Army to leave the frontlines in Jubaland. The Federal Government claims that Jubaland opposed harmonising electoral systems to prepare Somalia for one-person, one-vote elections in 2026. Puntland State described Villa Somalia’s stance as a ploy to engineer a term extension for the federal institutions, given the lack of consensus on proposed constitutional amendments and the electoral model. Both Puntland State and Somaliland administration oppose the constitutional amendments for different reasons. For this reason, the Jubaland electoral precedent is seen as legally defensible and politically feasible for maintaining stability in Somalia. © Puntland Post, 2024 The post Jubaland’s Electoral Autonomy Has a Precedent appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — American YouTuber Ramsey Khalid Ismael, known online as "Johnny Somali," is under fire in Japan and South Korea for a series of offensive actions that have sparked a public backlash and legal repercussions but have also ignited a wave of anger from the Somali diaspora, who feel his misrepresentation has damaged their community's reputation. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Axmed ayaa taageero wayn u muujiyay madaxweynaha Jubbaland oo xalay soo magacaabay guddiga doorashada ee maamulkaasi. Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa lagu boggaadiyay tallaabada uu qaaday Axmed Madoobe ee ku aadan qabashada doorashada Jubbaland. “Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ku boggaadinayaa tallaabada dastuuriga ah ee uu qaaday madaxweynaha dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ee ku aadan magacaabista guddiga madaxabanaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale Xisbiga Sheekh Shariif ayaa baaq u diray maamullada kale ee uu ka dhammaaday muddo xileedka, wuxuuna ka codsaday inay qabtaan doorashada, si loo ilaaliyo dastuurka iyo shuruucda heshiiska lagu wada yahay. Himilo Qaran ayaa sidoo kale uga digtay madaxda dowladda federaalka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka ay qaadayaan oo ay ugu horreyso hirgelinta muddo kororsi hal sano ah. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si xooggan uga hortimid tallaabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ee uu ku magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha Jubaland. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Waxaa nasiib darro ah in mar kale uu Mudane Axmed Madoobe hadana ka baxay hishiiskii uu la galay saamileyda siyaasadeed ee Jubaland, isaga oo ku andacooday in uu wax ka badalay qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland si uu mar sedexaad fursad ugu helo in uu dib isugu doorto xilka Madaxweynaha Jubaland.” Dhammaan tallaabooyinkan iska soo horjeedo ayaa uga sii daraya xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka, kadib markii golaha wadatashiga qaranka ay go’aamiyeen doorasho toos ah, balse waxaa ka horyimid maamul gobileedyada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Xisbiga Himilo Qaran;- The post Xisbiga SHARIIF oo taageero u muujiyay Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay tallaabada uu Madaxweyne Axmed Madoobe xalay ku magacaabay guddiga doorashooyinka Jubaland. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayay ku cambaareysay magacaabista guddiga doorashooyinka Jubaland, oo ay ku tilmaantay mid sharciga baal-marsan. “Dowladda Federaalka waxey cambaareyneysaa tallaabada sharci darrada ah ee Mudane Ahmed Madobe ku magacaabay Guddi is doorasho” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya. “Waxay uga digaysaa talaabo kasta oo sharci darro ah, taas oo abuuri karta qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale, isla markaana kala qaybin karta bulshada reer Jubaland ee walaalaha ah” ayuu sii raaciyay qoraalka wasaaradda. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeysay Madaxweyne Axmed Madoobe in uu ka baxay heshiisyo siyaasadeed oo lagu go’aamiyay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod islamarkaana uu mas’uul ka yahay khilaafaadka jira. Halkan ka akhriso qoraalka Wasaaradda PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sharci-darro ku tilmaantay guddigii doorashada ee uu xalay magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe appeared first on Puntland Post.
-
Dawladda Qatar ayaa Sabtidi shalay ku dhawaaqday in ay hakisay dowrki ay ku laheyd dhexdhexaadinta wadahadallada muhiimka ah ee lagu rabay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas, si loo soo afjaro dagaalka Gaza isla markaana loo guryo naqo la heystayaasha Isra’il ee ku sugan Gaza. Qatar waxay sheegtay in tallaabadani ay u qaadday sababo ay ku sheegtay niyad jabka ka dhashay horumar la’aanta heshiiska xabbad joojinta ee Gaza. Qatar waxay kaloo sheegtay in aysan miiska wadahadalka ku soo laaban doonin ilaa ay niyad wanaagsan oo ku qotoma wadahadallada la imanayaan Xamas iyo Isra’il. Dalkan yar ee hodonka ah ee ku yaalla khaliijka Carabta ayaa ka barbar shaqaynayay Maraykanka iyo Masar muddo bilo ah, iyaga oo riixayay wadahadalo aan miro dhal noqon kuwaas oo u dhaxeeyay dhinacyada isku haya Gaza. Go’aankan ayaa durba guux badan ka dhaliyay gudaha Isra’il. Sabtidi shalay, kumannaan qof oo Isra’aa’iiliyiin ah ayaa ku mudahaaraaday magaalada Tel Aviv, kuwaas oo ka walaacsan xaaladda la heystayaasha wali ku harsan gacmaha kooxaha Falastiiniyiinta Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan oo u dhexeeyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab uu ka socdo deegaanka Masagawaa ee bariga gobolkaasi. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen goob ay isku aruusanayeen Al-Shabaab oo ku taalla aagga magaaladaas oo horay looga xoreeyay kooxda. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu xoogan yahay, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka oo weli ka socda agagaarka magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud. Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo si hordhac ah uga hadlay dagaalka ayaa sheegay inay ku gacan sarreeyaan, isla markaana ay jab culus gaarsiiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dgaaalka ay barbar socoto duqeyn ay fulinayaan diyaarado dagaal oo hawada ka taageerayo ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana halka lagu dagaalamayo gaaray ciidamo kale oo gurmad ah oo ka baxay deegaanno kale oo ka tirsan gobolka. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa gobollada dhexe ee dalka ka socday howlgallo culus oo lagu xoreeyay deegaanno iyo magaalooyin ka tirsan maamulka Galmudug. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka socda Masagawaa appeared first on Caasimada Online.
-
Inter Miami vs Atlanta United 2-3: Messi out of MLS Cup Source: Hiiraan Online
-
Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay dadaalkii ay ku laheyd dhexdhexaadinta wadahadallada muhiimka ah ee lagu rabay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas, si loo soo afjaro dagaalka Gaza. Qatar waxay sheegtay in tallaabadani ay u qaadday sababo ay ku sheegtay niyad jabka ka dhashay horumar la’aanta heshiiska xabbad joojinta ee Gaza. Qatar waxay kaloo sheegtay in aysan miiska wadahadalka ku soo laaban doonin ilaa ay niyad wanaagsan oo ku qotoma wadahadallada la imanayaan Xamas iyo Isra’il. Dalkan yar ee hodonka ah ee ku yaalla khaliijka Carabta ayaa ka barbar shaqaynayay Maraykanka iyo Masar muddo bilo ah, iyaga oo riixayay wadahadalo aan miro dhal noqon kuwaas oo u dhaxeeyay dhinacyada isku haya Gaza. Go’aankan ayaa durba guux badan ka dhaliyay gudaha Isra’il. Sabtidi shalay, kumannaan qof oo Isra’aa’iiliyiin ah ayaa ku mudahaaraaday magaalada Tel Aviv, kuwaas oo ka walaacsan xaaladda la heystayaasha wali ku harsan gacmaha kooxaha Falastiiniyiinta. Source: goobjoog.com
-
MINNEAPOLIS, MINNESOTA — Huldah Momanyi Hiltsley made history November 5 by becoming the first Kenyan-born immigrant elected to the Minnesota House of Representatives. She describes her victory as a testament to resilience, determination and the realization of the American dream. Source: Hiiraan Online